View
349
Download
15
Category
Preview:
Citation preview
Soo saaristaan waxaa ku jira aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista Nabigeena (SCW) Ee Fadlan hadhigin meel aan munaasan u ahayn Wargayska.
Fadlan kusoo dir wixii talooyin iyo tusaale ah ooaad wargayska u hayso E-mail Xogmaal@hotmail.com ama 26 Durban road pelville Cape Town
Madaxa Wargayska :
Maxamed Raage
Tifaftiraha Wargayska:
Maxamed Muuse Nuur
MAY 17 2009 Cadadka 12aad
Xog-Maal waa Wargays ku hadla Afkaaga
Hooyo soona baxa Bishii labo jeer.
—Qaxooti guryo
laga burburiyey--
Eag Bogga 7aad...
—Shaqada Shanta
Beri Eeg Bogga
4aad..
— Sanad Guuradii
Xenophobia Eeg
Bogga 4aad….
Bogga 13aad
-XUURAAN:
ku garab qabo
ku qadi meey-
side-- Eeg
Bogga 10 aad
-- Sh. Shariif
maxaa heley?
Eeg Boga
7aad...
Qodobada Wargeyska Qodobada
Caleemo Saarka Madaxweyne Jacob Zuma —— Eeg Bogga 2
S h. Maxamed Idiris ayaa socdaal dacwo faafin
ah ku maraya dalka K/Afrika , socdaalkiisa oo
kasoo billoowdey magaalada Johannesburg ayuu
ku maray magaalooyin dhowr ah oo ay Soomaalidu
degentahay, Xog-Maal waxay idiin soo gubineysaa
warbixin ku saabsan socdaalka Sheekha — Eeg
Boga 3aad
“Alla KFC Saliid
Baddanaa”bogga
8aad.. Iyo Eeg Boga 9aad
Waa kuwan magacyadii oo dhamaystiran.
1. Wasaarada beeraha, dhirta iyo daaqa iyo kalluumeysiga : Tina Joemat-
Pettersson
2. Wasiir ku xigeenka: Dr Pieter Mulder
3. Wasaarada hidaha iyo dhaqanka : Lulu
Xingwana
4. Ku xigeenka wasaarada: Paul Mashatile
5. Wasaarada waxbarashada asaasiga ah:
Angie Motshekga
6. Ku xigeenka wasaarada: Enver Surty
7. Wasaarada isgaarsiinta : Siphiwe
Nyanda
8. Ku xigeenka wasaarada: Dina Pule
9. Wasaarada iskaashiga dowliga ah iyo
amuuraha dhaqanka: Sicelo Shiceka
10. Ku xigeenka wasaarada: Yunus Car-
rim
11. Wasaarada dhaqancelinta (xabsiyada):
Nosiviwe Mapisa-Nqakula
12. Ku xigeenka wasaarada: Hlengiwe
Mkhize
13. Wasaarada gaashaandhiga iyo haly-
eeyada militariga: Lindiwe Sisulu
14. Ku xigeenka wasaarada: Thabang
Makwetla
15. Wasaarada hormarinta dhaqaalaha:
Ebrahim Patel
16. Ku xigeenka wasaarada: Gwen Mah-
langu-Nkabinde
17. Wasaarada Tamarta: Dipuo Peters
18. Wasaarada maaliyada : Pravin Gord-
han
19. Ku xigeenka wasaarada: Nhlanhla
Nene
20. Wasaarada caafimaadka : Aaron
Motsoaledi
21. Ku xigeenka wasaarada: Dr Molefi
Sefularo
22. Wasaarada tacliinta sare iyo tabo-
barada: Dr Blade Nzimande
23. Wasaarada arrimaha gudaha: Dr Nko-
sazana Dlamini-Zuma
24. Ku xigeenka wasaarada : Malusi Gi-
gaba
25. Wasaarada deegaameynta
bini’aadamka: Tokyo Sexwale
26. Ku xigeenka wasaarada : Zou Kota
27. Wasaarada xariirka caalamiga ah iyo
iskaashiga: Maite Nkoana-Mashabane
28. Ku xigeenka wasaarada : Ebrahim
Ismail Ebrahim
29. Ku xigeenka labaad : Sue van der
Merwe
30. Wasaarada cadaalada iyo hormarinta
qaanuunka: Jeff Radebe
31. Ku xigeenka wasaarada: Andries Nel
32. Wasaarada shaqaalaha : Membathisi
Mdladlana
33. Ku xigeenka wasaarada : Susan Shabangu
34. Wasaarada Police-ka : Nathi Mthethwa
35. Ku xigeenka wasaarada : Fikile Mbalula
36. Wasaarada macaahiida dowliga ah : Bar-
bara Hogan
37. Ku xigeenka wasaarada : Enoch Godong-
wana
38. Wasaarada shaqaalaha dowlada iyo maa-
mulka : Richard Baloyi
39. Ku xigeenka wasaarada : Roy Padayachie
40. Wasaarada Howlaha Guud : Geoff Doidge
41. Ku xigeenka wasaarada : Hendrietta Bo-
gopane-Zulu
42. Wasaarada hormarinta reer miyiga iyo dib
u qorsheynta dhulka: Gugile Nkwinti
43. Ku xigeenka wasaarada: Dr Joe Phaahla
44. Wasaarada seeyniska iyo tiknoolijiyada:
Naledi Pandor
45. Ku xigeenka wasaarada: Derek Hanekom
46. Wasaarada hormarinta bulshada
(gunooyinka): Edna Molewa
47. Ku xigeenka wasaarada: Bathabile
Dlamini
48. Wasaarada ciyaaraha iyo jimicsiga: Mak-
henkesi Stofile
49. Ku xigeenka wasaarada: Gert Oost-
huizen
50. Wasaarada abniga qaranka : Siy-
abonga Cwele
17 May, 2009 XOG-MAAL 2
Xaflad balaaran oo si heersareysa loosoo qabanqaabiyey, taasoo lagu qarash gareeyey R75 malyuun, kana soo qeybgaleen 29 madax-weyne iyo 30 wakiilo dowladeed, dublamaasiyiin tirro baddan, saxaafada aduunka xoogeeda, 30 kun oo dadweyne, 5 kun oo marti sharaf ah, iyo malaayiin qof oo shaashadaha ka daawanayay ayaa lagu caleemo saarey madaxweyni-hii afaraad ee si xor loosoo doorto dalka Koonfur Afrika.
Barqonimadii sabtidii 9-kii May, 2009, kolkii ay inta baddan mar-tida timid fagaarada cagaaran ee xeendaabka qasriga madax-tooyada ayaa waxaa soo daatay roob kadibna markaliya ayay dadku wada dalacdeen dalaayado wada madoow oo ay dowladu bix-isey.
Xafdlada waxaa kasoo xaadirey Nelson Mandela halyeeyga xori-yada dalkani, iyo madaxweynihii
hore Thabo Mbeki iyo xaaskiisa Sanele Mbeki kuwaasoo dhamaan-tood fadhiyey halka lagu dhaari-nayay Zuma.
khudbad uu qaranka u jeediyey Zuma waxyar kadib markii xilka loo dhaariyey ayuu ku sheegey dhamaan qorshayaashiisa mustaqbalka dhow, khudbada oo malaha ahayd tii siyaasadeed ee ugu muhiimsanayed taariikhda dalkani ee dhow ayuu hoosta kaga xariiqey sida ay oga go’antahay in uu dalka ku hogaamiyo waddo wanaagsan oo hormar leh.
Markii uu khudbada dhameeyey ayuu hoos usoo degey isagoo ay garab socoto xaaskiisa koowaad Makumalo, saanqaadkiisa wuxuu ahaa mid borotakool ah waxaana horsocdey labbo askari ah oo si gaado ka cayaar ah u talaabo qaadayay, wuxuu tagay barxada kale ee koonfureed oo ay ku sugayeen 30 kun oo taageere-yaashiisa ah halkaas oo uu u jeedi-yey khudbad gaaban isagoo ku hadlayay afka Zuluga, mar kaliya ayay dadka qeeylo hooriyeen markii uu baray xaaskiisa koowaad oo uu yiri “tani waa Ma-kumalo, barta, waa xaaska madax-weynaha, kuwa kale waxaan idin bari doonaa markale dhanka kale ayay joogaan”.
Kadib waxa uu salaan ugu dhaqaaqay marti sharafta madax-weyneyaasha ah, waxaa xusid muddan in madaxweynaha Liibiya Mucamar Al-Qadafi uu ahaa mar-tida ugu miisanka culus ee meesha timid, Qadafi oo ah gudoomiyaha midoowgfa Afrika ayaa ah saaxiibka ugu dhow ee Zuma.
Xaflada waxa ay qaadatay maalin-tii oo dhan iyadoo dadweynaha ay madadaalinayeen hobolo muusiga iyo laxanka iyo heesah u qaadayay dadweynaha la ruxmayay codadka ka baxaya sameecadaha jaguuga ah.
Magacyada Wasiirada uu ma-gacaabay Madaxweyne Zuma.
51. Wasaarada madaxtooyada (1)
( gudiga qorsheynta qaranka) Trevor
Manuel
52. Wasaarada madaxtooyada (2)
(kormeerka habsamiga shaqada, qiim-
eynta iyo maamulka madaxtooyada):
Collins Chabane
53. Wasaarada dalxiiska : Marthinus van
Schalkwyk
54. Ku xigeenka wasaarada: Thozile
Xasa
55. Wasaarada ganacsiga iyo warsha-
daha : Rob Davies
56. Ku xigeenka wasaarada: (1) Thandi
Tobias
57. Ku xigeenka wasaarada (2) Maria
Ntuli
58. Wasaarada gaadiidka : Sbusiso Joel
Ndebele
59. Ku xigeenka wasaarada : Jeremy Cro-
nin
60. Wasaarada biyaha iyo arrimaha
deegaanka : Buyelwa Sonjica
61. Ku xigeenka wasaarada : Rejoice
Mabhudafhasi
62. Wasaarada haweenka, dhalinta, ca-
ruurta iyo dadka naafada ah : Noluthando
Mayende-Sibiya
17 May, 2009 XOG-MAAL 3
Caleemo saarkii Jacob Zuma.
“saaxiib nin aan qaraabo nahay oo
meel tuulo ah jooga ayaa ii yeerey, waxa uu ii sheegey dukaan cusub oo
aan furanayno aniga iyo isaga, marka
waa fursad aanan diidi karin ee wixii barri ka biloowda shaqaale soo
raadso”, sidaasi waxaa kugu dhahaya wiilka 5ta casho kuu shaqaynayay ee
aad helistiisa raadineysey 15-ka cisho.
Adinu waa kaligaa, dad oo dhan isaga
ayaad ka heeysaa, horey waxaa
kaaga tagay 5 kale oo isaga ka horeeysey, waxaad ku baryootamay-
saa in uu ku siiyo muddo 5 maalmood ah oo aad ku raadsato qof shaqaale
ah, waxaad dadaal kasta u galaysaa in
aad wiilka ku qanciso in uu kula sii joogo, xitaa waxaad ugu yabooheysaa
in aad lacagta u kordhinayso, isaga waxaasi uma cadda.
Qofkani shaqaalaha kuu ah ee kaa tagaya isagu waa “nin meeli u cadda-
hay meeli ka madoow”, waxaa u bid-
haamaya dukaan lug laga siinayo oo uu qorsheynayo in uu muddo kadib
kala bar iibsan doono, ugu dambeyn-tana la wareegi doono, waxbo kama
galin kala badnaanshaha lacagta uu
shaqaalenimada ku helayo iyo tan uu ka helayo lugta uu dukaanka ka he-
layo, waxaan oga jeedaa in haddii xittaa lacag labbo jeer ka baddan uu
ku helayo shaqaalimada marka la bar-
bardhigo tan uu ka helayo dukaanka, isaga waxa 100% u cad in mar uu
dukaan wax ka yeeshey.
Shaqaalaha shanta bari waa dhibaato
guud ahaan heysata dukaamaleyda Soomaalida, waxaana jirta in marar
baddan ay door ku leeyihiin dhibaata-
daasi isla raga dukaamada leh, waxaa dhacda in shaqaalaha la kala shu-
kaansado, waxaa iyana jirta qofka dukaanka leh in uu inta baddan jecel-
yahay in uu canaado qofka u shaqay-
naya taasoo keenta in qofka shaqaalaha ah uu dhibsado xushmo
la’aanta uu kala kulmayo qofka uu la shaqeeynayo.
Cadadka dambe waxaan ku faaqidi
doonaa mooduucani oo dhamaystiran, oo aan si weyn ugu kuurgalnay,
waxaan xooga saari doonaa sababaha inta baddan keena shaqaalaha salka
fudud ee aan shaqada ku nagaanin,
eeda ma shaqaalahaa leh, mise waa jawiga xaalada lagu jirro ama waa
dadka loo shaqeeyo?
Haddii aad tahay qof ay saameysey
dhibaatadani fadlan noogu soo dir fariin ciwaanka wargeyska ee ah xog-
maal@hotmail.com , sheeg waxa aad
u malaynayso dhibaatada, imisa shaqaale ayaa kaa tagtay mudada
intee la’eg?, waa haddii laguu shaqayn jirey, haddii aad laftaada
shaqaale noqotey maxaa kalifey in
aad kolba shaqo ka tagtay?, afkaarti-ina waan soo daabici doonaa.
Maalintii isniinta ee ay taariikhda ku
beegneyd 11-ka May, waxaa ku beeganeyd sanad kadib markii ay dal-
kani ka qarxeen rabshadihii shisheeye nacaynka ee lagu barokiciyey
ajaaniibta Afrikaanka ah. Rabshadaha
waxaa ku dhintey 62 qof, waxaana ku barookacay inka baddan 20 kun oo
qof.
Sanad kadib waxay su’aal ka taagan-
tahay halka ay ku dambeeyeen ku-
manaan gal dacwadeed oo laga furey dambiyadii la galay.
Ernesto Alfabeto Nhamuave waa
ninkii baasiinka lagu bilbiley ee
dabka lagu qabadsiiyey dariiqyada
xaafada Ramaphosa ee duleedka
Johannesburg, ninkaasi oo sawira-
dii laga qaadya uu aduunka oo
dhan la argagaxay laga baahiyey
shaashadaha aduunka, galkii laga
furey dilka ninkaasi sanad kadib
waxa kaliya oo ku qoran qoraal
laga sameeyey haweeneydii askari-
yada ahayd ee biyaha ku damisey
jirkiisa iyo qoraal laga sameeyey
qoyskiisa. Ma jirto wax kale oo
cadayn ah oo lo ohayo, hal qofna
looma soo qabanin, iyada oo qot-
skiisa kasoo jeeda dalka Mosam-
bique ay rumeysanyihiin in kuwii
falkani ay geystey ay dariiqyada
mushaaxayaan.
Police-ka waxay sheegayaan in
uusan jirrin hal qof oo marqaati ah
oo ku cadeeya waxa dhacay, si-
daasi darteedna aanan la heynin
cadeeymo dad lagu maxkamadeyn
karro.
In ka yar 10% dadkii loo qabqabtay rabshadaha oo ahaa 1400 qof ayaa
xabsiyada ku jirra, sida ay sheegeyso
hey’ada garsoorka qaranka ee NPA wadarta 469 gal dacwadeed oo laga
furey falalkii dhacay, 137 dacwad oo kaliya ayaa maxkamad lagu oogey,
iyada oo dacwadihii dilalkii ugu foosha
xumaa ay ka cago jiidayaan in wax hormar ah laga gaaro.
Illaa iyo 182 dacwadood ayaa laga noqdey sababo la xariira Police-ka oo
ku guuldaraystey in ay daba galaan goobjoogayaal iyo dadka dacwoonaya
ee isaga cararay dalka. Illaa hadda 52
dacwadood ayaa ama qeyb laga dha-gaystey, iyada oo 82 dacwadood oo
kale loo celiyey in baaritaani dheeraad ah lagu soo sameeyo, halka 7 qof ka-
liya lagu xukumey muddo xabsi oo
gaaraysa 15 sanno.
Sanad kadib oo ay wali dadka mask-
axdooda kusoo maaxanayaan nasiib darooyinka ku habsaday, iyada oo
dowladana aysan hal dhudhun talaabo ka rogin maxkamadaynta kuwa falalka
geystey, ayaa waxaa la sheegayaa in
wali ay jiraan astaamoi muujinaya in rabshadihii ay soo laaban karaan xilli
kasta.
17 May , 2009 XOG-MAAL 4
Shaqaalaha Shanta bari.
Sanad guuradii Xenopho-bia
Faa’iidooyinka kale ee naasnuu-
jintu leedahay ayaa waxaa ka
mid ah nadaaminta iyo kala fo-
geynta ilmaha, maxaa yeelay
jiqida ama nuugista cunugu uu
naaska nuugayaa waxa ay cari-
saa unugyada maskaxda kuwaas
oo sii daaya hormoonka loo
yaqaan Prolactin, hormoonkan
ayaa inta badan hakiya in
hooyadu hesho dhiiga billaha ah
(caadada) teedana in aysan
hooyadu qaadin uur inta uu il-
muhu nuugayo (waa hadii si
joogta ah ilmaha loo nuujiyo).
Hooyooyin badan baa laga yaa-
baa in ay ku andacoodaan in ay
naasahoodu laheyn caano ku
filan cunugooda, hadaba si aysan
taasi u dhicin hooyadu waa in ay
isticmaashaa cabitaan badan
cunugana naaska ugu dhigtaa si
joogta ah si uu naasku ula qab-
sado nuugista cunuga una dhiiqo
caana badan.
Hooyada Ilmaha nuujineysaa ma
haboona in ay isticmaashaa cabi-
taanka Kafeyga, sigaarka, iyo
daawooyin aan takhtar u qorin,
maxaa yeelay kafeyga iyo daa-
wooyinka qaarkood ayaa ka koo-
ban maadada daroogada ah ee
loo yaqaan caffeine, maadadan
oo maskaxda cunugu wax yeeli
karta.Sidoo kale Nuujinta ilmahu
waxay abuurtaa jaceyl, farxad
iyo reynreyn dhexmarta ilmaha
iyo hooyadii taas oo laga yaabo
in ay ka duwanaado mida dhex
marta ilmaha masaasada la siiyo
iyo hooyadii, ufirso cunuga
markii masaasada afka loosaaro
inbadan baa lagayaabaa in uu
diido isagoo isticmaalaya gacmi-
hiisa ama sokale u diidaya, la-
akiin taas cagsigeeda cunuga
markaa naaska hooyada afka
loosaaro marna kama hor-
keenayo diidmo ilaa uuka dhar-
gaa caanahaas taas waxaa siid-
heer cunuga oo ooyana marka ey
hooyadii nuujiso wuu aamusayaa
taas uu aad ka dareemikarto
saaxiibnimada ka dhixeysa
hooyada iyo dhalaankeeda.. ISLAAMKA IYO NUUJINTA ILMAHA.
Diinta islaamka ee sharafta
badan ayaa ah nidaam nololeed
oo kaamil ah oo uu ALLAAH ugu
tala galay in ay ahaato dastuurka
dhabta ah ee ay tahay qof kasta
oo muslim ahi in uu ka dhinbila
qaato, balse nasiib daro muslimi-
inta maanta joogta ayaa noqday
dad maskaxda laga gumeystay
aadna moodaa in aysanba ku fe-
kereyn sidii ay duliga saaran uga
bixi lahaayeen, qaar badan oo
dadyowga muslimka ahi waxayba
u arkaan Kitaabka Qur’aanku in
uu yahay mid aan la jaanqaadi
Karin casriga tignoolojiga, mase
oga in uu quraanku yahay mas-
darka (source) habab nololeed
casri walba iyo xili kasta la socon
kara .
Hadaba ALLAAH waxaa uu
Quraanka Kariimka ah noogu til-
maamay inta ugu haboon oo ay
tahay hooyadu in ay nuujiso
cunugeeda, ogowna ALLAHA
sameeyey caanaha hooyada ayaa
uga aqoon badan cidwalba inta
ugu haboon ee ay tahay in il-
maha la nuujiyaa, Rabi waxuu
noogu sheegay suuratul baqara
ayaada 233aad ( WAALIDIINTU
HA NUUJIYAAN ILMAHOODA
LABA SANDOOD, HADII
DOONAYAAN IN AY NUUJINTA U
DHAMEYSTIRAAN ILMAHOODA)
sidoo kale waxaa uu ALLAAH
noogu tilmaamay suuratul Lu-
qmaan aayada 14aad (WAXAAN
U DARDAARANAY DADKA
LABADIISII WAALD, WAA SIDII
HOOYADIIS IYADOO TABAR YAR
TABAR YARI KALANA KU SU-
GAN,GUDHINTIISUNA WAA LABO
SANO EE KU MAHADI ANI IYO
LABADAADII WAALID XAGEY-
GAANA LOO AHAAN) iyo suuratul
Al-axqaaf ayaada 15aad (DADKA
WAXAN U DARDAARANNAY
LABADIISII WAALID INUU U
WANAAG FALO, HOOYADIIS
UURKEY KU SIDAY IYADOO DHI-
BAN, UURKIISA IYO GUDHIN-
TIISUNA WAA SODON BILOOD,
MARKUU ILMUHU TABAR YEESHO
OO AFARTAN YUU (kan fiican)
DHAHAA EEBOW IGU TOOSI
INAAN KUGU MAHADIYO
NICMADAADA AAD IIGU NICMEY-
SAYANIGA IYO WAALIDIINTEEY,
IGUNA TOOSI INAAN CAMAL FII-
CAN OOD KA RAALLITAHAY
FALO, IINA WANAAJI
FARACEYGA, WAANA KUU TOW-
BAKEENAYE, WAXAANA KAMID
AHAY MUSLIMINTA,) in ay nuu-
jinta ilamahu tahay Laba
sanadood.
Ugu danbeyntii waxaan aad
ugula talinayaa hooyooyinka
soomaaliyeed iyo dhamaan hoo-
yooyin muslimiinta ah in ay ca-
ruurtooda nuujiyaan labasanood
si loo helo jiil caafimaad qaba,
nuujintan ayaa ah mid wax
badan ka tareysa nadaaminta
caruurta oran maayo
xakameynta taranka sida ay
gaaladu aaminsan yihiin, waayo
muslimiintu waxay u baahan ya-
hay taran fiyow oo joogta ah. Gabagabadu waa:
TUUR MASAASADA OO NUUJI
CUNUGAAGA.
17 May, 2009 XOG-MAAL 5
Qore: Cabdiraxmaan Nuur Jilley
(Bashaash)
Nolosha magaalooyinka, gaar ahaan
dalkani oo nolosha oo dhan ay ku xirantahay gaadiidka waxaa mar-
kastaba taagan baahida in aad raacdo
gaadiidka dadweynaha.
Adiga oo ajnabi ah, gaar ahaan
Soomaali ah, una baahan in aad meel kasoo dan gudato kadibna raacdo
gaadiidka dadweynaha kuwa ma-
saafada gaaban ama masaafada dheer ee magaalooyinka isaga goosha
waa in maanka ku heeysaa dhowr sheey oo aad u baahan tahay in aad
ka taxadarto.
Tusaale haddii aad raacaysid gaadiidka masaafada gaaban ee
xaafada dhexdooda ah, isku day in markasta aad boosteejo ka raacdo
caasiga, haddii aad dariiq taagan tahay iska eeg inta qof ee caasiga ku
jirta, haddii rag dhowr ah oo qaab
tuugo leh ay ku jirraan ha raacin gaarigaasi waayo waxaa laga yaabaa
in uusan tagsi ahayd oo nimanku tuugo yihiin kadibna ku afduubtaan oo
ku dhacaan ama ku waxyeeleeyaan.
Waxaa caado ah in caasiyada aysan lahayn daba-ka-fuul lacagta dadka ka
qaada, sidaasi darteed dadka ayaa lacagta iska aruuriya, waxaana la-
cagta aruuriya hadba qofka fadhiya
kuraasta hore kan dhexe ee da-
rawalka ku xiga, waxaa dhacda in dadka oo dhan ay soo dhiibaan lacago
isku dhagan oo ay tahay in laga gooyo lacagta ay baska kusoo raaceen ba-
akhigana loo celiyo, howshaasi waxay
u baahantahay xirfad yar iyo maskax dhaqso baddan oo aanan ku wareerin
lacagta loo dhiibey.
Soomaalida oo ah dad ay ku taagan-
tahay “yaanan waxbo lagaaga horeynin” ayaa kuraasta hore fuula
haddii ay firaaqo ku helaan, kama
warhayo howsha ay tahay in uu qabto, marka gaariga uu dhaqaaqo
ayaa tobon iyo dhowr qof ay marka-liya soo taagayaan lacago kala duwan
si loog jarro lacagta ay gaariga kusoo
raaceen, qofkii Soomaaliga ahaa ind-haha umbuu taagayaa, baskiina
waxaa ka dhalanaya buuq keena in gaariga la joojiyo oo uu darawalka
lacagta xisaabiyo qof kastana u celiyo baaqigiisa, waxaa xitaa dhacaysa in
dadka qaar ay lacagta qarsadaan,
kuna masibidaan in ay lacagta kuu dhiibeen, kadibna dadka ayaa qofkii
ku canaananaya sababta uu hor u fuuley isagoon xisaabta aqoonin,
marka fadlan hor ha fuulin haddii
aadan waxbo xisaabin karrin.
Subixii hore caasileyda ma ogola la-
cagta weyn ee isku taala, waxay ra-kaabka u sheegaan in ay lacago
yaryar soo qaataan, xittaa gaariga
dhexdiisa waxaa ku dhegen qoraalo fariintaasi dadka u sheegaya, marka
fadlan lacag go’an u qaado caasiga aroortii.
Ogoow caasiileyaashu waa dadka ugu khatarta baddan dalka, waa ay hubey-
sanyihiin, wax sharci ah oo qabta ma
lahan, waxay doonaan ayay sameeyaan, rakaabka sideey doonaan
ayay ka yeelaan, xitaa waa ku di-layaan, marka haddii aad lacag ama
wax kale isku qabataan fadlan xad-
kaaga ha gudbin oo ha ceeytamin, haddii aad ka maarmi kartana lacag-
taasi ka tag, caafimaadkaaga ayaa ku jirra.
Arrin kale oo aad muhiim u ah waa in
aad garanaysid halka aad u socoto magaceeda, gaar ahaan sida ay dadka
dalka ugu dhawaaqaan, waxaa dhacda in Soomaalida ay iska
sameysato dhawaaq gaar ah oo ma-
gacii xaafada ah oo aysan fahmeynin dadka dalka u dhashay, haddii aad
qaban weeyso magaca gacanta ama warqad ku qoro oo tus darawalka,
meelaha boosteejooyinka ah waxaa ku qoran magaca meelaha ay caasi-
yada u kala baxaan, sidaasi darteed
waa muhiim in aad garanaysid sida ay u qoranto magaca meesha aad u so-
coto, in baddan waxaa dhacda in dha-waaqo meesha iyo qoraalka ay aad u
kala duwanyihii, tusaale ah waxaa
jirta magaalo la yiraahdo Nasna, la-akiin qoraalka aad ayuu oga duwanya-
hay dhawaaqa, waana Knysna, marka haddii aadan sidaasi u aqoonin
ma keeni kartid durba. Dadka ra-kaabka ah ee gawaarida dadweynaha
raaca waxay leeyihiin caado ah in
haddii qof aanan ku midab ahayn ama ajnabi ah uu gaariga soo galo in ay si
wada jir ah ugu maadeystaan oo ay ugu qoslaan, waa ay ku maagayaan,
gaar ahaan haddii qalad yar ka dhaco
qofka, marka ha xanaaqin, haddii aad luuqad taqaanana dadka u furfur-
noow, haddii kale iska aamus.
Sigaar laguma dhex shitto caasiyada
dhexdooda, gacanta lagula siin-
sado.iska illaali, haddii kale waa lagaa tuurayaa caasiga. Fadlan iska illaali in
aad lacag baddan jeebka ku qaadato adiga oo caasi raacaya, alaab culusna
ha qaadanin, barkee caasiga kuu qaadi mayo, ogoow haddii caasigu shil
gallo daaqadaha muraayada ah waa
laga bixi karaa inta la jabiyo, mu-raayada jabi si uusan gaari kale oo
ordaya meesha kuugula dhicin haddii aad shil gashaan, u fiirso mu-
raayada waxaa ku qoran fariin
laguugu sheegayo in laga la jabin karro lagana bixi karro.
FG: cadadka dambe waxaan idiin soo gudbineynaa qormo tan daba
socota, ha moogaan.
17 May , 2009 XOG-MAAL 6
Dhowr sheey oo ay tahay in aad ka taxadarto marka aad raacayso gaadiidka dad-weynaha.
Todobaad ka hor xafladii caleemo saarka ee Madaxweyne Zuma ayaa
waxa Soomaalida dalka joogta oo
dhan si layaab leh ugu dhex fidey war sheegayay in uu xaflada kasoo
qeybgalayo madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sh. Axmed, kadibna la
kulmi doono Soomaalida.
Arrintani waxay noqotey hadal heynta
ugu baddan, iyadoo si weyn la’isula
dhexmaray. Lama garanayo cidda ha-dalkani faafisey, hase yeeshee waxaa
dhacday in dad baddan ay gobolo ka yimaadaan oo ay yimaadaan Johan-
nesburg si ay Shariifka ula kulmaan.
Wargeyska Xog-Maal oo si gaar ah ula socday arrintani ayaa si madax ba-
naan u shaacin karra maanta in xittaa Shariifka aanan lagu casuumin xaflada
iskaba dhaaf in uu yimaadee, waxaan
wacnay wasaarada arrimaha dibbada si aan u xaqiijino imaanshaha madax-
weynaha, waxaa naloo sheegey in uusan imanaynin, waan ku qanci
weeyney oo waxaan u qaadanay in hadalkani uu ka midyahay siyaasada
dowlada ee ah in aanan lasii sheegin
madaxda dalka imanaysa.
Kad ib waxaan wacnay V i l l a
Soomaaliya oo aan la hadalnay agaasimaha madaxtooyada oo noo
sheegey in uusan Shariifka imanaynin,
markale kumaanan qancin, oo waxaan sugney illaa laga gaarayay maalintii
caleemo saarka ee 9-kii May, 2009.
Waxaan eegeyney madaxweyne kasta
oo kasoo gala illinka qasriga madax-tooyada ee Pretoria, waxaan ka dhex
goobney martisharaftii lagu casuumey xaflada, waxaan xittaa weeyney wax
Soomaaliya ka socda.
Waxa ugu yaabka badnaa wuxuu ahaa sida dhaqsaha baddan ee uu
warka ku faafay iyo cidda faafisey, iyo danta laga lahaa, waxaase kasii dar-
naa hubsiimo la’aanta dadka , qof kasta waxa uu warka kuugu
sheegayaa sidii isagoo ah xog-ogaal
ah, marka aad sii weeydiiso halka uu warka kasoo xigtey wuxuu ku leeya-
hay “dadka ayaa sheegayay”. Wallow socdaal uu Sheekh Shariif halkan ku
yimaado ay tahay guul weyn oo
dublamaasiyadeed oo usoo hoyata DKMG ah, haddane taasi meeysan
dhicin ugu yaraan xiligii xaflada caleemo saarka Zuma taasina waxaa
ugu wacan labbada dowladood oo aanan lahayn wax xariir dublamaasi-
yadeed.
Cooshashkii xerada qaxootiga Blue Waters oo la burburiyey
Haweeney Soomaliyeed oo uur lix bilood leh ayaa isbitaalka loola cararay
kadib markii ay waxyeelo kasoo
gaartey gacan qaad dhexmaray sara-akiisha ciidamada amaanka Cape
Town iyo dadka qaxootiga ah ee de-genaa xerada xeebta ku taala ee Blue
Waters, Cape Town.
Shirkad gaar loo leeyahay oo qanda-
raas qaadatay ayaa burburisey aro-ornimadii jimcaha 13 coosh oo ay
dadka qaxootiga ka taagteen xerada oo ay ku noolaayeen illaa May 2008
markii deegaanadoodii laga barokici-
yey.
Pieter Coronje, waa afayeenka maa-
mulka magaalada Cape Town wuxuu sheegey in dhowr jeer oo hore
qaxootiga looga diggey in ay meesha ka guuraan, oo ay burburiyaan
cooshadaha sharci darada ah ee ay
meesha ka taagteen, haddii ay sidaasi yeeli waayaane ay dowladu burburin
doonto.
Wuxuu intaasi ku daray in ay illaa
haatan burburiyeen 13 coosh, kuwa
harayna ay dhawaan burburin doonaan, laakiin dadkii cooshadaha
hoyga u ahaa laga burburiyey ayaa durbadiiba bilaabay in ay dib u dhis-
taan.
Walwalka ugu weyn ee dadkani ayaa
ah iyadoo uu fooda nagu soo hayo
waqtigii xagaaga ee qabowga baddan, roobabka iyo dabeelada ay dhacay-
een, isla markaasina laga baabi’iyey hoygoodii. Qaxootigani waxa ay ka
midyihii 461 qof oo ka haray dadkii
kumanaanka gaarayay eek u baro-kacay rabshadihii shisheeye nacaybka
May, 2008, oo iminka kusii harsan xerooyinka kala ah Blue Waters ee
duleedka Strandfontain iyo xerada
militariga Young Field ee agagaarka Wynburg.
Qaxootiga waxa ay ku cawdeen in teendhooyinkii la siiyey ay dusha ka
du leeshameen, b iyahana soo daayaan, taasina ay ku qasabtay in ay
dhismooyin sameyntaan, iminkana ay
ka walwal qabaan cimilada daran ee fooda soo ah iyadoo ay meesha ku
noolyihiin caruur.
17 May, 2009 XOG-MAAL 7
Shariifkaa halkan imanaya, waa laga beensheegey.
“Alla KFC saliid badanaa!”, bal naga
daba dheh jumladaasi, oo haddane mar kale ku celi, isku day in qofka kuu
dhow uu codkaaga maqlo, kadib iska aamus, marka ay waxoogaa kasoo
wareegto waxaad maqlaysaa qofkii
aad maqashiisey oo ku hadaaqaya hadalkaasi, hana kula yaabin haddii
aad aragtid qofkaasi oo KFC cunaya isla markiiba, gaar ahaan gabdhaha.
Dib ayaan ka sharixi doonaa waxa aan ola jeedno arrintani.
Hadalkani waa mid ka caan baxay
magaalada Cape Town, gaar ahaan dhalinta haasaawaha u toog haya ee
dumar iyo ragba leh, muhiim ma ahan in aan soo hingaadino sida ay kal-
madu ku timid, laakiin aan ka hadalno
micnaha ay faa’iideyso jumlada.
Kama hadlayo naxwo ahaan waxa uu
hadalka turjumaadiisa noqonayo, ka-liya “KFC-da” ka raac, dhalinta iyo
haasaawahana maanka ku hay, waxaa halkaasi kaaga soo baxaya micnaha
loola jeedo halqabsiga ah “alla KFC
saliid badanaa”.
Dulucda oo duudduuban, KFC waa shirkad ka ganacsatada hilibka di-
gaaga ee duban iyo cuntada fudud, laakiin waxaa si guud loogu yaqaanaa
hillibka duban laftiisa, waa hillib la
wada jecelyahay, sababtoo ah dhad-hankiisa ayaa aad u heersareeya,
waxaa lagu dubaa walxo isu dheeli tiran oo hillibka ka dhigaya mid dhad-
han wanaagsan, waxaa lagu daraa
waxlo sidii xawaajigii oo kale ah oo laakiin ka kooban sheeyo kala duwan
oo caraf iyo dhadhanba heer sareeya.
Marka aad cunto adiga oo faraha
muudsanaya oo wali usii baahan oo halamsanaya ayaad ka kaceeysaa.
Mar haddii dhanaan iyo dhadhan
wanaagsan laga hadlay, toloow Du-marka yaa kaga horeeya?, haba
sheegin, sida ay sheegeen dhalin-
yarada haasaawaha ku cindan ee du-marka madaxa banaan agtooda ka
qoordiinleeya waxa ay noo sheegeen in gabadhii aadan habeenkaasi KFC u
casho geeyney aysanba sheeko koow kaa dhahaynin.
Midkood oo u waramay Xog-Maal
wuxuu leeyahay “marka hore waa in aad haqab tirtaa unugyada dhad-
hanka iyo dhamxanaga taasina waa KFC, kadibna aad ugu luqluqdaa
dhallo cabitaan ah oo aad u qaboow,
kadib umbaa sheekada lagaa gu-rayaa”.
Xittaa raga xaasaska leh qaati ayay ka taaganyihiin KFC, hala yaabin haddii
aad aragtid nin xanaaqsan oo leh
“KFC kumaan oga dacwoonaa?” , sa-babtu miyaad garanaysaa?, isaga oo
banaanka ku maqan ayaa guriga laga soo wacayaa, waxaa loo sheegayaa in
caawo xaafada aysan casho jirrin, ayna tahay in uu horey usoo iibiiyaa
baakado KFC ah oo lagu casheeyo,
raga gurigoodu uu bulshada yahay waa in jeebkooda hoos usii qodaan si
ay habeenkaasi reerka dadka jooga oo dhan ay u cunaan KFC.
“alla KFC saliid badanaa” wallow ay
tahay jumlad ciyaal suuqniyo yari ku
jirto sida ay dhalinta ku fasiraan, had-
dane waa jumlad duurxul ah oo lagugu fahamsiinayo in gabadhu KFC
u baahantahay, kuwiina dhagweynta ah waxay dhahayaan “wax saliid bad-
dan leh maba cuni karno ee haaf
baasto aan noo dalbo”.
Marka aan sidani oga sheekeyneyno
soow soo xasuusan meeysid sheekadii ninkii diinka ku rafaadsanaa ee loo
gargaarey ee yiri “Alla muxuu diin far-sameeyey!”.
KFC malaayiin lacag ah ayay ku bix-
isaa xayaysiinta iyo ii dhehda laga baahiyo saxaafada, waxaan hubaa in
halqabsigani cusub ee ah “alla KFC saliid banadaa” uu ku haboonyahay
xayaysiin, laakiin qormadani looma
qaadan karro in aan ku xayaysiineyno KFC ama aan dadka ku dhiira-
galineyno isticmaalkeeda, ujeeda qor-mada waa wacyi galin sida aad hoos
ku arki doontaan. Shirkadani waxaa leh asal ahaan rag Yuhuud ah, dha-
waan dalkani K/Afrika, gaar ahaan
bulshada Islaamka ah ee ku nool waxaa ka dhaqangalay mabnuucid
xoogan oo lagu soo rogey isticmaalka iyo wax ka iibsiga badeecada shirka-
dani, waxaa lagu saleeyey in ma-
caashka shirkadani ay ka hesho ga-nacsiga hillibka digaaga in lagu maal-
galiyo gumeysiga lagu hayo dadka reer Falastiin ee walaalaha ah.
Marka ogsoonoow in shillin kasta oo
kaaga baxa hillibkani uu yahay mid lagu weerarayo Masjidul Aqsa ee ba-
rakaysan, lagu laaynayo ummada reer falastiin, adiga ama xaaskaaga haku
wallacdo ama gabadha aad shu-kaansato shuruud hakaaga dhigto
ogoow khatarta kuugu sugan.
Xog-Maal
17 May, 2009 XOG-MAAL 8
CAPE TOWN – Ururka Saxafiyiinta
Soomaaliyeed ee South Africa (SOJASA), ayaa kulan si halaasi ah
loosoo agaasimay la yeeshay Madax ka tirsan warbaahinta BBC-da.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Jaali-yadda Soomaalida ee South Africa
(SASA), ee Xaafadda Bellville, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Aamina
Muuse Weheliye oo ka mid ah Saxafi-yiinta ugu caansan Somalia.
Aamina Muuse oo ka tirsan
Shaqaalaha BBC-da laanta Afka Soomaaliga, ayaa maalmihii ugu dam-
beeyey ku sugneyd gudaha dalka South Africa, si ay halkan uga tebiso
warbixino la xiriira Doorashii Madax-
tinimada ee dhawaan lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Jocob Zuma.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan Saxafiyiinta Soomaaliyeed
eek u sugan dalkan Koonfur Africa,
ayaa la iskula meel dhigay falanqeyn ku saabsan qaabka saxafiyiinta
Soomaalida ee sababo amaan darri aawadeed uga soo hayaamay dalkii
Hooyo ay xilligan uga hawlgali karaan dalkan Koonfur Africa ee aalaaba lagu
dhibaateeyo muwaadiniinta Soomaali-
yeed.
Gudoomiyaha SOJASA Md. Maxamed
Muuse Nuur (Deeqdarajo) oo ka had-layey kulankaasi, ayaa sheegay in mu-
dada halka sano ah ee uu Ururka
Saxafiyiinta ee SOJASA dhisan yahay uu qabtay waxyaabo la taaban karo
oo bulshada Soomalaiyeed dan u ah,
islamarkaana uu qorshaha ugu jiro inay talaabooyin dheeraad ah ku
dhaqaaqaan mustaqbalka dhow.
Gabagabdii kulanka, ayaa la isku af-
gartay sidii Bulshada Soomaaliyeed in
si dhab ah loogu adeego Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada sii daba
dheeraanaysa ay dilootay, isla-markaana looga haqabtiro wararka
xaqiiqda ah ee jira, taasi oo ay iska kaashanayaan Warbaahinta BBC-da
iyo Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
ee SOJASA.
Ilaa 145-maxaabiis ah oo isugu
jira Soomaali iyo Ajaanib kale,
ayaa ku xiran Xabsiyada dalka
Ango l a , kuwaas i oo ku
dhaqaaqay talaabo cuno ka
soomid ah si ay cabashadooda u
muujiyaan.
Ka dib markii ay sii kordheen
weerarada lagu ugaarsanayo mu-
waad i n i i n t a g anac sa t ada
Soomaalida ee ku nool dalka
Koonfur Africa, ayaa Soomaali
badan oo ka cararay dalka, waxa
ay abaareen dalalka dariska la ah
Koonfur Africa sida dalka Angola.
Hadaba, Soomaalidaasi maxay
kala kulmeen dalalkaasi gaar
ahaan dalka Angola?
Baashi Cabdalla, waxa uu ka mid
yahay 35-Soomaali ah oo ku
xiran Xabsiyada Dalka Angola
muddo ka badan Laba Bilood,
Baashi oo khadka Isgaariisnta
ugu waramayey Wargeyska Xog-
maal, ayaa sheegay inay dhibaa-
tooyin aad u daran ay ku
haystaan Xabsiga, islamarkaana
ay muddo 3-maalin ah cuntada
ka soomeen.
Baashi oo ahaa qofkii Labaad ee
Soomaali ah oo 22-kii March lagu
xiro dalkaasi Angola, walina ku
jira xabsi ku yaala dalkaasi, ayaa
sheegay in xaaladooda nololeed
ay aad u liidato, islamarkaana
aysan jirin wax xukun ah oo lagu
qaaday ilaa iyo hadda.
Ujeedada ay markii hore u
aadeen Angola ayaa Bashiir Cab-
dalla waxa uu ku sheegay si ay
uga abuurtaan dhaqdhaqaaqyo
ganacsi maadaama uu yahay dal
Nabad galyo ahaan dhaama
dalka Koonfur Africa.
Sharciyan Angola ayaa waxa ay
magalgalyo siisaa dalalka Sudan,
Chat iyo Somalia ee mushki-
ladaha qaraari la degeen, hase
ahaatee ilaa iyo hadda Xukuu-
madda Luanda ee dalkaasi ayaan
wax amar ah kasoo saarin
maxaabiistaasi ajaanibta ah ee
dalkeeda ku xiran bilooyinka,
iyadoo wax Maxkamad ah lasoo
taagin.
Qore:C/risaaq C/laahi Max-
amed Indho Jaceyl.
17 May, 2009 XOG-MAAL 9
Soomaali Ku Jirta Xabsiyada
Dalka Angola Oo Cuntada Ka
Soomay.
Waxay ahaan jirtey “ku qabso ku qadi meeyside” xiligaasi waxay ahayd markii Soomaaliya la joogey oo inta qof xooli-hiisii lagu qabsado ama laga wada qaadan jirey ama qeyb laga qaadan jirey, hadda sidii ma ahan oo waxaan joognaa dal sharci iyo kala dambeyni ay taalo oo ma jirto cid lagu qabsan karro xoolahiisa.
Laakiin taasi micnaheedu ma ahan in aanan lagu qaadan karrin xoolo uusan qofka lahay oo uusan soo dhididin, kama hadlayo xatooyada ama dhica bareerka ah, waxaa jira dad xarfaano ah oo soo allifey qorshe cusub oo la magac baxay ”ku garab qabbo ku qadi meeyside”. Magaciisu waa Laari, wuxuu ka guluc siinayaa indho aad moodo libaax dhiig ka dhergay, inta baddan labbo labbo ayay u socdaan, maalin kastana waxaad ku arkeeysaa tuulo cusub, baddanaa waxay wataan gaari yar ama caasiga dadweynaha ayay raacaan.
Tukaanka ayay kuugu soo galayaan, inta aad isa salaamaysaan iyaga indha-hooda waa ku dhaafsanyihiin oo tu-kaanka ayay isha la raacayaan, daqiiqado gudahood xisaabta ayay hoos isaga dhufanayaan deetana waaba ogyihiin qiimaha badeecada dukaanka ku jirta, haddii aad soo dhaweyso oo aad cabitaan u shubto waxay wareysi kaaga bilaabayaan “suuqiina ka waran”, haddii aad laf-taadu xarfaan kale tahay waxaad ugu jawaabaysaa “ma xuma, alxam-dulilaah”, isagu ma qancayo wuxuu kusii weeydiinayaa “weekend-iga oo kale meeqaad ka qabataan?”, qofka allow sahalka ah ee aan waxbo kala
ogeyn aniga oo kale wuxuu sheegayaa lacagta laga qabto dukaanka dhamaadka todobaadka.
Marka uu dukaanka ka baxo hoowsha ugu horeyso ee uu qabanayo waa in uu eeg eegaa agagaarka dukaanka bal in wax dukaamo kale ku yaalaan iyo in kale, wuxuu kaloo ka qayaas qaadanayaa dadka degen tuulada ama xaafada, dhaqaalahooda oo uu ka cabirayo guryaha ay ku jirraan iyo waliba haddii xarumo dowladeed sida iskuulaad iyo boosteejo tareen ka ag dhowyihiin meesha, haddii uu macquul u arko meesha waxa xiga ee uu sameeynayo waa in uu la hadlo odayga ama habarta leh meesha uu malaha is yiri dukaan waa ku haboon-tahay oo aan wax baddan kaa fogeyn. Daqiiqada xigta heshiis ayayba gaarayaan oo ku saabsan in dukaanka laga kireeyo, maalinta xigta dukaankii ayuu hagaajin ugu dhaqaaqayaa, qofka ugu horeeya ee kuu sheegaya warka ku saabsan dukaanka lagaa ag-furayo waa qof Soomaali ah oo adiga ku yaqaana, taasi waxaan uga jeedaa kuwa dukaanka kaa agfuranaya ma lahan wax sir ah, kaliya adiga umbeey-san kuu sheegeynin qorshahooda. Taasi ujeedo la’aan ma ahan, waxay doonayaan in uu warka kusoo gaaro ka hor inta aysan talaabo qaadin, oo ay-san hanta ka galin meesha, sidaasina qorshahooda ayaa ugu fulaya
Iyagu waxay heeystaan jaangooyo gaar ah ama xisaab gaar ah oo ay doonayaan in ay ka macaashaan du-kaanka iyaga oo aaban illinka u furin, lacagtaasi adiga ayay tahay in aad bix-iso, marka uu qofka ogaado in dukaan kale laga agfurayo waa war dhiilo weyn ku ah ganacsigiisa, sababta oo ah dukaanka kale waxa uu kula qeeybsanayaa macaamiishii, waxaanaba laga yaabaa in ugu dam-beyn kaala wareega macaamiisha oo dhan, waayo kuma ekaanayo kaliya in uu dukaan kaa garab furo, ee wuxuu dadaal u galayaa in uu badeecada kugu jabiyo si uu macaamiisha kaagala wareego, dukaankana kaaga xirro.
Waxaad galaysaa buuq iyo isqabqabsi, ninkii ayaad faraha isku taagtaagey-saan muran iyo kala jiida, xaalka waxaa lagu soo afjarayaa in la’idiin garqaado, mudane Laari isaga rag ayaa diyaar u ah oo uu doonayo in ay garta u galaan dhankiisa, ragani waa kuwa iimaan laawayaal ah oo cunta-dooda iyo jiifkooda ka saxa garaha noocan oo kala ah. Gartii waxaa la go’aaminayaa in ninka kale uusan du-kaanka furin kana guuro meesha, is-agii ayaa ku calaacalaya in dukaanka dhismihiisa iyo hagaajintiisa uu qarash baddan ka galay haddii ay tahay in uu isaga tagana loo celiyo qarashkii ka galay, markeey ugu yartahay wuxuu sheeganayaa R20 kun, qofkii dukaanka laga agfurey ayay tahay in uu lacag-taasi bixiyo, wuuna bixinayaa inta bad-dan.
Marka uu adiga lacagta kaa qaato, ma joogsanayo, meelo kale ayuu u qaraab tagayaa billo ka dib, isaga dukaankiisa waa dukaan la’aan, xittaa haddii uu helo dukaan rasmi ah oo aysan cidina ku heeysanin ma rabo in uu ka shaqaysto, qof aan weeydiiyey waxa ugu wacan arrintaasi ayaa ku kafta-may “muxuu dukaan yeeli, nin dukaan la’aan heeysta ”Intaasi kuma eka, had-dane waa in dukaankii aad la wareeg-taa, haddii aadan wax qorshe ah u heeynin waa aad kiradiisa bixisaa bil kasta si uusan qof kale usoo galin
Tani waxay keentey in laga shakiyo qof kasta oo Soomaali ah, xittaa haddii uu yahay wariye oo uu wax duubanayo in uu dukaan kaa agfuri rabbo ayaa looga shakiyaa, sidoo kale Soomaali aan yarayn ayaa arrintani darteed isku dishey ama isu waxyeeleysey, waana xaqiiq aanan qarsoomeynin si kasta oo loo daboolo
Qore C/nasir Saxansoxo
17 May , 2009 XOG-MAAL 10
Waa maxay qiimaha
cibaadadu ay leedahay?
Cibaadadu waa fal
kasto oo Eebe (Alle)
l o o g u d h a -
waado,Eebana jecel ya-
hay kaasoo daliilkiisu
ku sugan yahay
Qur'aanka iyo Sunada
Nabige (NNKH) sida,
Salaada, Soonka, iyo
Xajka, Dadka fara-
badan ayaa Eebe ku
gaa lo oba y we yn a
beeniyeen ama Diintiisa
diideen iyagoo caabudi
qaar kamid ah uunka
Alle sida, Sanamada,
D h a g a x d a ,
D a b k a , B i y a h a .
Geedaha, Jinniga, In-
siga, Qorraxda, Dayaxa
i w m ,
Alle kor ahaaye wuxuu
u ballan qaaday gaalaa
iyo waxay caabudeen
inuu naarta ku shidi qi-
yaamadaWuxuuna yiri:-
Idinka iyo waxaad
caabudaysaan oo Eebe
ka soo haray waxaydin
noqon shidaalka jaha-
namoIdinkuna waad ku
arooreysaan," Gaalni-
mada waa dambiga ugu
weyn Alle horti.
C a b d u l l a a h i B i n
Mascuud Allaaha ka
raali noqdee wuxuu
weydiiyey Rasuulka
(NNKH) Dambigee ugu
weyn?Markaasuu yiri
Rasuulka (nnkh) Inaad
Alle u shariig yeesho
isagoo keligii ku uu-
ma y.Mara r badan
isagoo Qofka u jeedin
inuu Eebe ku gaalaabo,
Ayey dhacdaa inuu Alle
ku gaaloobo tusaale,
Hadduu qofka jeclaado
adduun, Xoolo iyo ca-
ruur iskana halmaamo
Alle iyo diintiisa iyo
nabigiisa (NNKH)
Kana digtoonaado gaal-
n i m o .
Anas Allaha ka raali
noqdee wuxuu ka wari-
yey Nabiga (NNKH)
Inuu yiri "Seddex (3)
laga helo wuxuu daree-
maa macaanka ii-
m a a n k a " .
Anas Allaha ka raali
noqdee wuxuu ka wari-
yey Nabiga (NNKH)
Inuu yiri "Seddex (3)
laga helo wuxuu daree-
maa macaanka ii-
m a a n k a " .
1-Inuu cid walba ka je-
claado Eebe (Alle) iyo
Rasuulkiisa (NNKH).
2-Inuu qofkuu je-
claanaayo Alle oo ke-
liya dartii u jeclaado.
3-Inuu naco inuu gaa-
loobo kadib markii Alle
ka badbaadiyey gaal-
nimo siduu u neceb ya-
hay oo kale in naarta
l a g u t u u r o .
Sha ruudaha Lagu
Aqbalo Cibaadada:
1-Iimaanka: Inuu qofku
rumee yo I laahay,
Ogaadana in Alle oo
kaliya xaq uu leeyahay
cibaadada I laahay
wuxuuna yiri: Eebe
wuxuu ku dhaartey
waqtiga casarka ah in
dadku khasaaro kusu-
gan yahay marka laga
reebo kuwa xaqa ru-
meeyay ee camal fiican
f a l a y . "
2-Ikhlaaska: Inuu qofku
Alle cibaadada u saafi
yeelo kana fogaado is-
tustus iyo isma-qashiis,
Ilaahaynawuxuu yiri:
Dadkana waxaan Eebe
caabudidiisa ahayn
lama farin iyagoo u keli
yeeli Eebe diintiisa."
3-Raacida Sunnada:
Waxaa waajib ah in
qofka muslimka ahi uu
kaga daydo cibaadada
iyo akhlaaqda (Dabciga
w a n a a g s a n ) .
Nabiga (NNKH) oo ka-
liya kana fogaado bid-
cada iyo firqooyinka ka
leexday tubta toosan ee
Nabiga (NNKH) ku
waasoo neceb Sunnada
N a b i g a ( N N K H )
camalkoodana lama
aqbalo ee iyagaa dib
l o o g u c e l i n .
Ca'isha (RC) Waxay
tiri: Rasuulka Alle Nax-
ariis iyo Nabad gelyo
korkiisa ha yeelee
W u x u u y i r i :
Qofkii ku soo dara di-
inteena waxaan kamid
ahayn isagaa dib loogu
c e l i n .
Taasi waxay daliil u
tahay inaan diinta
waxna lagu kordhin
ama dhimi karin.
Sidaas awgeed waxaa
waajib ah in qofka
Muslimka ah inuu diin-
tiisa barto kadibna uu
raaco kitaabka iyo sun-
n a d a .
Waayo Ilaahay kor
ahaaye waxuu faray ad-
doomadiisa wanaagsan
iney ku daydaan Rasu-
ulka (NNKH) Wuxuu
y i r i :
Dhab ahaantii waxaa
idiinka sugnaaday Ra-
suulka ku dayasho
wanaagsan hadaad ti-
hiin Mu'miniinta ka ra-
j e y n e y s a
Eebe Khayr maalinta
Qiyaame Xusa in
b a d a n .
Xasan Cabdi Xersi
17 May , 2009 XOG-MAAL 11
Qore: Tifaftiraha
Muftiga weyn ee Soomaaliyeed Sheekh Maxamed Idiris ayaa socdaal
rasmi ah ku maraya dalkani Koonfurta
Afrika, socdaalka Sheekha waa kolkii 5 aad muddo 4 sanno ah taasoo cel-
celis ahaan noqoneysa in Sheekh uu dalka soo booqanayay in ku dhow
sanadkiiba mar.
Markii ugu horeysey ee uu dalkani yimid waxay ahayd bishii Luulyo 2006
dii, kadib casuumaad rasmi ah oo uga timid hey’ada culumada Soomaaliyeed
ee K/Afrika (Al-Bayaan) oo markaasi ku jirtey qabanqaabadii ugu horeysey
ee lagu yagleelayay goobo gaar ah oo
ay Soomaalida ku cibaadeystaan.
Isla markii uu cagaha soo dhigey
dalka oo uu ka dhul bilaabay Johan-nesburg waxa uu Sheekha udub
dhexaad u noqdey mashruuca na-
jaxay ee laga taabo galiyey arrimaha dacwada.
Sh. Maxamed Idiris oo bugcad kasta oo aduunka ka tirsan cagta u dhigaya
faafinta iyo xoojinta diinta islaamka
darteed, ayaa booqashadiisaa ugu horeysey bilaabay barnaamij yabooh
ah oo Soomaalida lacag looga aruuri-
yey si loo dhiso masaajido iyo
madaariis diinta laga oogo.
Kadib mashruucaasi oo si layaab leh u
aflaxay, howsha dacwada waxa ay noqotey sidii tusbax furtey oo kale, 4
sanno kadib Soomaalida waxa ay
gacanteeda ku taagatay 3 goobood oo diinta lagu oogu waxaana ku
kacay malaayiin lacag ah oo la aruuri-yey.
Magaalooyinka masaajidada laga taa-gay waxaa ka mid ah Johannesburg
iyo Port Elisaberth , iyadoo sidoo kale
laga sameeyey 2 mandaraso , arrinta micnaha weyn samaynaysa waa in
xittaa dhismayaasha iyo dhulka ay ku fadhiyaan masaajida iyo madaarista la
iibiyey oo aysan ahayn kuwo kireysey.
Ugu yaraan masaajid ka mid ah oo ah kan Johannesburg ee Imaamu
Shaafici wuxuu ku fadhiyaa dhul 4 boos ah oo ku yaala goob istaraatiiji
ah waxaana laga bixiyey ku dhawaad R4 malyuun.
Hadda Sheekha socdaalkiisani ugu
dambeeyey waxa uu la xariiraa mashruuc Yabooh ah oo lacag loogu
aruurinayo in masaajid laga taago magaalada Cape Town, xaafada Bell-
ville ee ay Soomaalidu degentahay,
muddo sanooyin ah Soomaalida waxa ay ku cibaadeysan jirtey meel aad u
yar oo aanan qaadin 10% jameecada masaajidka meeshaasi oo uu ku
yaboohey walaalkeen Islaam ah, hese
yeeshee dhismihii uu ku yaalay ma-saajidka ayaa dib u dhisid lagu
sameeynayaa oo la burburiyey, taasi waxay keentey in la waayo goobtii
yarayd ee lagu cibaadeysan jirrey.
Gudiga culumada Soomaaliyed ee
Cape Town ayaa maareysay in ay
helaan goob kale oo dhismo dushiisa ah taasoo aanan sinaba ugu
yabooneyn in masaajid laga dhigo, ma lahan meel lagu weeyso qaato,
musqulo iyo waliba meel kabaha la
dhigto oo waasac ah, xittaa illinka laga soo galo waa jaraanjaro birro ka
samaysan oo halis baddan marka la
korayo iyo marka laga degayo.
Tirrada dadka Soomaaliyeed ee
xaafadaasi ku nool oo sii kordhaya, isla markaasina ah meelaha ay
Soomaalida ugu baddantahay inta
dalka joogta ayay ka jirtaa baahi muuqata oo aanan indhaha laga qab-
san karrin oo ah mid masaajid, waxaad qayaasi kartaa khatarta ku
sugan ummada tirro intaasi la’eg oo aanan heysanin goobo lagu cibaadey-
sto, caruurta wax lagu barro, lagana
jiheeyo.
Sheekh Maxamed Idiris
(xafidahullaah), tan iyo intii uu 15 maalmood ka hor dalka yimid waxa
uu cagta mariyey magaalooyin iyo
gobolo baddan oo dalka ka mid ah, waxa uu jeediyey muxaadarooyin
baddan oo si weyn looga soo xaadi-rey, waxa uu sameeyey yabooh si
weyn looga jawaabay,lacagta la’isu keeno waxaa lagu iibin doonaa dhul
iyo dhismo masaajid iyo mandaraso
noqda.
Markasta oo uu dalka soo booqdo
waxaa dib usoo noolaata niyada dadka iyada o muxaadarooyinkiisa
murtida hadalka lagu kabay ay yihiin
kuwa ay dadka ku diirsadaan, dha-gaysigeedana ku celceshtaan.
Ka hor socdaalkii uu halkani ku yimid waxa uu kasoo kicitimey dalka Nor-
way halkaas oo Mu’tamarkii sanad-
laha ahaa uu kaga qeybgalay, hadda waxaa jadwalka ugu jirra in uu taggo
dalka Holland oo uu ka heysto casuu-maad ku saabsan in uu
muxaadarooyin ka jeediyo.
Deegaankiisu waa magaalada bara-
kaysan ee Makka Almukarama, ee
dalka boqortooyada sac-uudi carabiya.
Xog-maal
17 May , 2009 XOG-MAAL 12
Sheekh Maxamed Idiris oo markii
5 aad socdaal ku jooga K/Afrika
markii ay asxaabtii oo dhan isugu yimaadeen gurigiisa ayuu ka cod-saday i nay ka d h e g e y s t a a n d a l q a d a h a n a -j m a , i n k a s t o o eey saaxiibadii ka codsadeen inuu is dejiyo sheydaankana iska naaro, hadana wuxuu ku gaabsaday in wax shaydaan iyo caro ah aysan heyn, waxay ku jeesteen na-j m a . waxay waydiiyeen w a x a d h a c a y , ayadana waxay ku af-gobaadsatay inaysan garaneyn halka sartu ka qurunsantahay. waxaa ka soo fakatay ilmo kulul oo ay ku tiraysay garbasaar-keeda, dhab ahaantii waxay ilmadu uga so-cotay sidii wabi burqaday oo kale, waxba ha isku daalin oohin iyo cataw hor-taa ayaa la ooyay, Hadii aan najmoy kaa qaldanahay si sax ah u g a j a w a a b s u ’ a a s h a a n . "aniga kulamaba joog-ine Yaa Uurka Kuu Yeelay"?Sheeg hee ileen aniga iyo adiga isma arag waayadaan, wax hadal ah ayaa ka
soo bixi waayay. naasirna wuxuu ku dhawaaqay inay uga furantahay Sadax Dalaaqo, wuxuu siiyay lacag ay meher ahaan u g u l a h e y d . wuxuu ka soo kaxaystay labadiisii caruur, codsi deg deg ah ayuu u dirsaday safaarada wuxuu u sheegay in xaaskiisa eey dhimatay iyo inay-san jirin cid ilmaha ka heyneyso, si dhaqsi ah ayaa looga soo jawaa-bay warqad i i s i i . waxaa ilmaha iyo asa-gaba laga qaaday dhiiga loo yaqaano D.N.A oo lagu ogaado dadka is dhalay weyna ku guuleysteen im-tixaankii kadibna waxay asaga iyo ilm-hiisa isku raaceen U . . K . najma waxaa soo foodsaartay fadeexad facshar ka noqotay xaafada bunka ee ma-gaalada addis ababa iyo nawaaxigeeda, waxayna bilowday inay xirato indha-shareer, si aan dadka looga garan ayada oo calaacalaysana waxay tiri;
Murugadi i ad-
uunkiyo
M u g d i a a n dhamaanbaa
Maankayga helayoo
Macaankiyo qaraar-kana
Midna iima roono…
Miskigiyo kareen-kiyo
Ma marsado salii-doo
M u r u g o i y o xanuunbaa
Midabkeygii door-shoo
Muqaalkale isii-yee…
Macsidaan fa-laayoon
Macaanka aan u moodaa
Mar qura gadoon-too Ma hadho ceeb-baa Mininkeyga taalo..
Markii ay u dul qaadan waysay fade-exadaan ayay iska aaday Soomaaliya, waxeyna iska soo
xaaqday cunigii ku jiray caloosheeda. naasir iyo caruurtiis-ana waxeey ku noolyi-hiin wadanka ingiriiska nolol aan farxad b a d a n i l a h e y n maadaama jaceylkii n o l o s h i i d a i y o maamadii caruurtiisa fadeexada ku dha-caday eey iaygana saameyn weyn ku yeelatay. waxaana halkaas ku dhamaatay q i s ad i i l amagac b a xday f a r x ad i i nolosheyda fool xu-maa u danbey-say.............dhamaad
D H A M A A D … . B Y maxamed nuur
warsame (keyfane)
k e y f a n e -som@yahoo.com.
Hadaba bahda war-geyska xog-maal waxa ay idin balan qaadaysaa in ay idin soo bandhigto cadadlka xigga Sheeko Jaceyl oo aad u xiiso badan
17 May , 2009 XOG-MAAL 13
Man United Oo Si Xamaasad Xambaarsan U Hana-
tay Koobka Horyaalka Premier League.
Kooxda k/cagta ee Manchester United, ayaa markii 18-aad si xaraga leh u hanatay Koobka horyaalka Pemier League ee dal-kaasi Ingiriiska, ka dib markii kulan aad u xiisa badnaa ay galabka ku xaqiijisay guusheeda.Kulan aad loo wada dhawrayey oo dhibic qura ay ku raadinaysay Manchester United ayaa galabta ka dhacay Garoonka Old Trafford ee naadigaasi, kaasi oo ay fooda is dareen kooxda k/cagta ee Arsenal (The Gunners).
Malaayiin taageerayaal ah ayaa ku tashanayey inaysan ciyaary-
anada Man U qasaarin doonin guusha dhibicda qura ku xirneyd ee ay hanteen galabta, ka dib markii barbardhac ay kusoo af-meerantay ciyaartii ay la yeesheen Arsenal, taasi oo Manchester United u suurtagelisay inay si xarago leh ku qaadaan markii 18-aad Koobka horyaalka Ingiriiska ee Premier League.
Man United, oo iminka horyaalka Ingiriiska ay uga harsan tahay kulan ay la yeelan doonto kooxda Hull City, ayaa dhinaca kale Finalka u taagan Horyaalka naadiyada Qaaradda Yurub ee Euro-pean Champions Leagu, kaasi oo ay kula loolami doonto Barce-lona oo iyaduna hanatay Koobka Spanish-ka.
Liverpool, ayaa horey ilaa 18-jeer ugu guulaysatay Horyaalka
Ingiriiska, balse sanooyinkan dambe ma aysan arag wax Koob ah, inkastoo sanadkan ay aad u raja wanaagsaneyd.
Maxaad Ka Taqaanaa Ciyaaryahanka Sanadkan Ee
Horyaalka Ingiriiska ?.
Mid ka mid ah abaalmarinada ugu qiimaha badan ee dalka Ingiri-iska laga bixiyo sanad kasta, islamarkaana ay bixiyaan saxafiyi-inta Sports-ka ee FWA, ayaa la gudoonsiiyey Captain-ka kooxda kubadda cagta ee Liverpool, Gerard.
Steven Gerard, oo 19-sano ka dib noqonaya xidigii ugu horeeyey ee u cayaara Naadiga Liverpool tan iyo sanadkii 1990-kii xilli-
gaasi oo abaalmarin caykan oo kale ah la gudoonsiiyey John Barnes, ayaa waxaa laacibtinimada Sanadkan ee horyaalka Ingiriiska kula tartamayey xidigaha kala ah Rio Ferdinand, Ryan Giggs, Wayne Rooney, Vidic, Frank Lampard, Cristiano Ronaldo
iyo Michael Carrick.Captain-ka kooxda kubadda cagta ee Liver-pool, Steven Gerard, ayaa sanadkan horyaalka Ingisiirka ee Pre-miership-ka ka dhaliyey ilaa 23-Gool.
Barcelona Oo Hanatay Horyaalka Spain 11-sano Ka Dib.
Muddo 11-sano ah ka dib ayaa Kooxda K/cagta Barce-lona waxa ay si rasmi ah ugu guuleysatay Koobka (Copa del Rey) ee dalkaasi Spain, iyadoo guusheeda ay ka
dambaysay ka dib markii kooxda Athletic Bilbao ay ku garaacday 1 - 4.
Kooxda Barcelona oo aanan wax koob ah arkin tan iyo 2006-dii oo ay ku guuleysatay Supercopa, horyaalka dalkeeda iyo Champion League ayaa haatan dib usoo ceshatay hanashada koobab tiro badan iyadoo haatan ay
qarka usaaran tahay inay ku guuleysato horayaalka dal-keeda halka Horyaalka Championka ay Final joogto. Barcelona ayaa Spanish Cup ugu danbaysay 11 sanno ka hor 1998-dii oo markaasi ay u ciyaarayeen Hristo Stoichkov oo reer Bulgaariya ah, Rivaldo oo reer Brazil ah oo haatan u ciyaara kooxda Bunyodkor oo ka dhisan
dalka Uzbekistan isla markaana u uleeyahay Madax-weynaha dalkaasi Mogi Mirim EC, sidoo kale waxaa san-nadkaasi u ciyaarayay xidiga waagaasi Barclona Luis Enrique, sidoo kale Tababaraha hada layliya kooxda Bar-celona Josep Guardiola, iyo waliba xidigii Yurub ee xili-
gaasi Luis Figo oo haatan u safta kooxda Inter ee dalka Talyaaniga.
Lazio Oo Ku Guulaysatay Copa Italy.
Naadiga SS Lazio, ayaa guul ka gaartay kulan ay la yee-latay kooxda Sampadoria, taasi oo horseeday inau mar-keedii 5aad ku guulaysato Koobka horyaalka Taliyaaniga
ee Copa Italy.Kulanka Lazio iyo Sampadoria, oo aad
u xiiso badnaa ayna kasoo qeyb galeen kumaan
kun oo taageerayaasha labada kooxood ah, ayaa
garoonka lagu ciyaarayay waxa uu ahaa Olompic
Stadium ee ah ee ciyaarta Finalka lagu qaban
doono Championka Yurub ee magaalada Roma.
90-kii daqiiqo ee loo qoondeeyey ciyaarta ayaa
barbardhac 1-1 ah la isla dhaafi waayey iyadoo 30
-daqiiqo oo dheeri ah si ay ukala baxaan hase
yeeshee waxba iskama aysan badalin oo waxay
kusoo idlaatay 1 - 1, sida sharciga qabo waxaa la
dhigay Rigooreyaal (Penelty), taasi oo guusha halee-
shiisay naadiga Lazio oo Koobkan uu u noqonayo
kii 5-aad ee ay abid qaado.
C/risaaq C/laahir Maxamed (indhojaceyl)
17 May, 2009 XOG-MAAL 14
Anniversary of xenophobia at-
tacks
11th Mya 2009 marks the first anni-
versary of our country’s most shame-
ful violence since apartheid, in which
62 people were killed in a wave of
xenophobic attacks that swept the land
THE police docket of the investiga-
tion into the murder of Ernesto Alfa-
beto Nhamuave contains only a state-
ment from his family and an affidavit
from the policewoman who doused
the flames consuming his body with a
fire extinguisher.
The police have failed the family of
the Mozambican man, doused with
petrol and burned alive on May 18 last
year, a week after the xenophobic vio-
lence in South Africa began.
The gruesome image of Nhamuave
engulfed in flames was beamed
around the world and he became the
face of the atrocities. Not one suspect
has been arrested for his murder —
though his killers are still on the
streets of Ramaphosa informal settle-
ment on the East Rand and boast of
what they did to him.
Captain Sasa Mlangeni, of the Reiger
Park police, said: “No witnesses have
come forward to say what they saw.
We are battling to get information.
We do not have a photograph of the
deceased.
“If people don’t come forward, there
is nothing we can do. We have tried
our best. In the local newspapers, we
requested witnesses to tell us what
happened.” But the mob members are
well known in the settlement, The
Times discovered.
Ben Sithole, Nhamuave’s friend and a
fellow Mozambican, told this newspa-
per that “the very same youths who
burned Ernesto are roaming the streets
freely and they boast about it”.
“It’s just fun to them and they even
make jokes about it. They regard
themselves as heroes and they are
proud of it,” he said.
The police’s inability to arrest the kill-
ers is cold comfort to Nhamuave’s
grieving family, who last heard from
the police in September .
Nhamuave’s name is hardly men-
tioned in his home in the village of
Vuca, in Mozambique — especially
when his wife, Hortencia Masang-
wela, is around. The 31-year-old
mother of three still wails each time
her husband’s name is mentioned,
said Nhamuave’s brother, José.
“The children are fine now; they used
to ask all the time what happened to
their father but they’ve stopped now,
after we explained to them, but his
wife — that’s a different story,” said
José.
“She still cries a lot when we mention
his name. I went home during Easter
and I just avoid mentioning his name
because she cries and says she wants
her husband back,” he continued.
The death of Nhamuave did not only
rob his family of a loving father,
brother and husband, but also of a
breadwinner.
“Life is difficult; they don’t have any-
one to provide for them, I help when-
ever I can, but it is difficult,” said
José, adding that he still remembers
the Sunday when he received the
phone call telling him that his brother
was dead.
“I spoke to him on the Saturday morn-
ing and he said he was going to work,
but I could not get hold of him later in
the afternoon. I was shocked and sad
to learn the following day that he had
been killed,” said José.
“I’m happy that the government took
my brother home for burial; now it is
up to the government and God to deal
with the people who killed him.”
Less than a 10th of the more than
1400 people arrested for xenophobic
crimes are in jail, and civil society
groups are blaming police.
The National Prosecuting Authority
confirmed that, of the 469 xenophobia
-related cases on court rolls in May
last year, only 137 people were con-
victed and, in many instances, police
investigations into some of the most
heinous murders are stalling.
A total of 182 cases have been with-
drawn because of the inability of the
police to trace witnesses or complain-
ants who have left the country. So far,
51 cases are either part-heard or are
ready for trial, and 82 others have
been referred for further investigation.
Tlali Tlali, spokesman for the Na-
tional Prosecuting Authority, said a
detailed breakdown of convictions per
crime was not available, but he was
aware of seven people serving 15-year
jail terms for murder and robbery.
The Consortium for Refugees and
Migrants has lashed the government
for its inaction.
“Too few perpetrators of last year’s
violence have been successfully
prosecuted, and it appears there have
been insufficient investigations into
those responsible for instigating and
fuelling the violence in some areas.
There has also been no public inquiry
by the government,” said Duncan
Breen, the consortium’s spokesman.
Source : The Times
17 May , 2009 XOG-MAAL 15
17 May , 2009 XOG-MAAL 16
Qof Soomaali ah ayaa ku nafwaayay
mid kalana waa uu ku dhaawacmay
kadib dab weyn oo ka kacay Hotel
Ocean Packpackers ee farasmagaal-
ada Cape Town, hotelka waxa uu ku
yaala wadada Loop, waxaana jiifey
xiliga uu dabka ka kacayay in ka bad-
dan dadkii loogu tallo galay, dabka
waxa uu ka kacay abaaro 5am ee
maalintii sabtidada. Wadarta dadka ku
nafwaayay waa 4, dhaawacana waa 7.
Saraakiisha amaanka Cape Town ayaa
baaraya sababta keentey dabka dam-
baska ka dhigey dhismaya fooqa 4ta
biyaano ka kooban, warar hor dhac
ayaa sheegaya in dabka uu ka dha-
shay xashiishad ay gudaha dhismaha
hoteelka ku dhex shiteen dad degen
Hoteelka oo ah mid sumcad xun oo ay
ku baddanyihiin dadka isticmaala
maandooriyaha.
Qofka Soomaaliga ah ee geeriyoodey
waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi
Muumin Macoow oo ku magac dheeraa
(SANDHUUB), halka wiilka
dhaawacmay oo waxyeelada soo gaar-
tay isagoo ka boodayay daaqad ayaa
magaciisa lagu soo koobey Cabdi-
kariim. Dabka waxa uu khasaaro lixaad
leh u geystey dukaan dhismaha
hoostiisa ku yiiley oo uu lahaa mu-
waadhin Soomaaliyeed, Jariidada Xog-
Maal oo waraysatay Cabdullaahi yariis
oo ah mulkiilaha dukaanka ayaa
qasaaraha ku sheegey aduun gaaraya
R70,000, balse intaasi ku daray in aysan
cidina waxbo ku noqonin dukaanka
dhexdiisa. Xilliga uu dabka kacayay
hoteelka waxaa jiifey illaa 6 Soomaali
ah , oo 5 ka mid ah ay jiifeen qolka uu
ku dhintey Marxuum Sandhuub, waxaa
xusid muddan in masaafo dhowr talaabo
uu jirta uu ku yaalo hoteel ay leeyihiin
wiilal Soomaaliyeed. Ocean Backparck-
ers waxaa leh sida la sheegey nin jin-
sayad ahaan kasoo jeeda dalka Nigeria,
inta baddan dadka degen waa muhaa-
jiriin shisheeye ah, dadka ku dhintey ee
4-ta qof 3 waa shisheeye, halna waxaa
loo maleeynayaa in uu dalka u dhashay.
Dhacdadani waxaa si weyn looga baahi-
yey warbaahinta dalka, iyada oo si
weyn loosoo qaatay gabar qeeyladeeda
darteed ay dadka ku kaceen ee misane
iyadii ku dhimatay dabka, waxaa lagu
magacaabaa Cindy, waxaa la sheegey in
xiligaasi ay la socotey saaxiibkeed oo
ay ka yimaadeen caweys, una socoteen
caweys kale balse hotelka kasoo martay
in ay dhar ka qaadato kadibna dabka ku
dhimatay iyadoo qeeylineysa.
Waaxda dab daminka ee Cape Town,
iyo waaxda ka hortaga masiibooyinka
ayaa baaritaan hordhac ah oo ay
sameeyeen ku sheegey in meelihii loogu
tallogalay in ay dadka ka baxsadaan
marka uu dab kacco ay oodnaayeen,
taasoo haddii ay furnaan lahaayeen suu-
rogalin lahayd in naf baddan la bad-
baadiyo. Kooxaha dab damiska oo ku
jooga booyadaha tuubooyinka ku raki-
ban oo leerar ka bikaacanaya ayaa
markiiba baqtiiyey dabka oo ahaa mid
si dhaqso ah u sii hulaaqayay, muuqaalo
laga baahiyey shaashadaha dalka ayaa
waxaa ka muuqanayay xaalad argagax
leh, iyadoo dad hanfariirsan ay isbarbar
yaacayeen. Dhacdadani waa mid yee-
latay muhiimad gaar ah sababto oo ah
halka ay ka dhacday oo ah faras ma-
gaalada Cape Town, waxaa meel aan ka
fogeyn ku yaala baarlamaanka dalka iyo
hanti baddan oo qiimo leh oo uu
qaranka leeyahay.
Runta sahlan ayaa ah in dhismo ku
yaala goob sidaasi muhiim ah oo heer
qaran ah uu khatar intaasi la’eg galin
karro deegaanka ku xeeran dayacaad
iyo dhaqan xumo dad ajaaniib ah ay
sameeyeen ay taasi dowlada ula micno
tahay waxyeelo abniga qaranka, sidaasi
darteed waxaa la fillan karraa ta-
laabooyin adadag oo laga qaado dadka
aaga ka dhow ee ajaaniibta ah, iyadoo la
hubin doono badqabka ganacsi kasta oo
uu leeyahay qof ajnabi ah.
Soomaalida baddan ee aagaasi ku ga-
nacsata waa in ay ogaadaan in indho
waaweyn ay kusoo jeedaan, lagana
yaabo in baaritaani loogu soo maqanya-
hay kadib maka la ogaado in dad
Soomaali ah ay ku waxyeeloobeen,
waxaa yaboon in ay iska hagaajiyaan
haddii waxyaabo yaryar qaldanyihiin si aan
marmarsiimo loogu helin.
Qore Faarax Daahir Cilmi.
Recommended