44
Sixirkii ay i bareen suufiyadu (Sheeko dhab ah) W/Q: Cali Ileeye. Xaamid Aadam Muuse waa sheekh soodaani ah, oo ka tirsanaan jirey dariiqooyinka suufiyada, waxa uu ka gaadhay dariiqadiisa Tajaaniyada derajada ugu sarreysa ee ‘Qudub’; qudub waa mid ka mid ah afarta nin ee afarta jiho ka wakiilka ah. Waxa uu bannaanka soo dhigayaa Xaamid: been, sixir iyo khuraafaad badan oo ay ku shaqaystaan dadka sheegta awliyada, sheekhyada karaamada leh iyo gefefka ay ku kacaan madaxda dariiqooyinka suufiyadu, oo qaarkood ay sheegtaan in ay qaybka og yihiin. Waxa uu qaawinayaa kuwa sheegta in ay yaqaannaan ‘cilmu baaddinka’ ama kuwa sheegta in ay gaadheen derajada ‘ yaqiinta’

ah) W/Q: Cali Ileeye

  • Upload
    others

  • View
    0

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Sixirkii ay i bareen suufiyadu (Sheeko dhabah) W/Q: Cali Ileeye.Xaamid Aadam Muuse waa sheekh soodaaniah, oo ka tirsanaan jirey dariiqooyinkasuufiyada, waxa uu ka gaadhay dariiqadiisaTajaaniyada derajada ugu sarreysa ee‘Qudub’; qudub waa mid ka mid ah afarta ninee afarta jiho ka wakiilka ah. Waxa uubannaanka soo dhigayaa Xaamid: been, sixiriyo khuraafaad badan oo ay ku shaqaystaandadka sheegta awliyada, sheekhyadakaraamada leh iyo gefefka ay ku kacaanmadaxda dariiqooyinka suufiyadu, ooqaarkood ay sheegtaan in ay qaybka ogyihiin. Waxa uu qaawinayaa kuwa sheegta inay yaqaannaan ‘cilmu baaddinka’ ama kuwasheegta in ay gaadheen derajada ‘ yaqiinta’

suufiyada waxa uu badka soo dhigaydhacdooyin dhabanahays ku riday qof kastaoo maqlay. Waxa uu qabtay muxaadarooyindhawr ah oo uu ku faahfaahinayo; sidii uusixirka ku bartay, sidee ayaa dadka loosixraa? Xirsi-xidhka ama qardhaastu waamaxay? Astaamaha lagu garto sixiroolaha,sidee ayaa ay awliyada suufiyadu kusheegtaan in ay qaybka og yihiin? Ka qayb-galka xadrada ama fadhiga Nabiga iyoxadrada Illaahay! Iyo tusaalayaal nool oo kutusaya qaabka ay awliyadu dadka u qaladdoayuu Xaamid muxaadarooyinkaa kufaahfaahinaya. Halkan waxa aan ku soogudbinayaa nuxurka muxaadarooyinkasheekh Xaamid oo Af Soomaali ah.Xaamud waxa uu ku bilaabayaa sheekada:Hayaankii Sixir-barashada.———————————-Waxa aan ka soo jeedaa anigu galbeedkaSoodaan, gobolka Koonfurta Daarfuur gaarahaan deegaanka Baraam. Aniga oo aad uyar ayaa aan u xadhko-xidhay in aanQuraanka iyo diinta barto. Hammigayga uguweyn waxa uu ahaan in aan ka mid noqdoawliyada dhabta ah ee Ilaahay, oo aan noqdocaalim dadka bara Quraanka iyo diinta.Waxa aan u socdaalay tuulada Duwaal, oo

uu joogay Sheekh la yidhaahdo Axmed al-Burdi, oo ka mid culimada ugu waaweyndeegaankaas. Sheekhaas ayaa aan xertiisa kamid noqday, gacantiisa ayaanan wax kubartay, aniga oo ka soo bilaabay heerkaardaynimada (muhaajir), una gudbaysheekha khalwada (malcaamad) kaddibnasheekha xalqadda. Waxa aan gaadhay heeraan aqoon ahaan la sinmay sheekhaygii -Axmed al-Burdi- markaa sheekhaygii waxauu igu yidhi; ‘’laba sheekh oo siman deegaanma wada joogi karaan, ee waa in uu midkeentagaa.’’ ‘’Waxa aan kuu gudbinayaa sheekhiga aqoon badan, oo isna ku sii dalacsiiya.’’Waxa uu ii dalacsiiyay sheekh la yidhaahdoal-Qaasim oo jooga magaalada Jinaynah, ooku taalla xadka u dhexeeya Soodaan iyoJaad.Markii aan muddo la joogay sheekh al-Qaasim waa aan la sinmay aqoon ahaan,kaddibna waxa uu ii sheegay in aan Soodaanoo dhan ka baxayo, oo uu ii gudbinayosheekh ka sii aqoon sarreeya. Waxa uu iitilmaamay culimo joogta xadka aywadaagaan Jaad iyo Nayjar. Waxa uu iisheegay in halkaa ay joogaan culimogaadhay derajada ‘Watad’ oo la macno ahtiir; ama kuwii dhulkaba hayay. Sida aynu

ognahay suufiyadu waxa ay kala leeyihiinheerar dhanka aqoontaah sida; arday, sheekhal khalwa, sheekhalxalqa, naqiib, najiib, watad iyo qudub.Watadyadu waa ay badan yihiin, laakiinqudubyadu waa afar kaliya, oo kala maamulaafarta jiho. Markii aan in badan la joogayculimadaas, waxa la ii gudbiyay sheekhderajada watad ah. Waxa la I faray in aan siindho-la’aana oo damqasho la’aan ah aanugu adeego watadka, waxa halhays la iigadhigay odhaahda ah: ‘’Wax ha diidin oo hadoodin, yaan lagu dayrin ama lagu doorine.’’Waxa la igu yidhi u adeeg sheekha, si aad unoqoto qof dhamaystiran oo wax loo faydo(mukaashifi), waxa laguu faydayaa LooxaMaxfuudka ah, oo aad wax kadaalacanaysaa, waxa aad arkaysaa Nabiga -adiga oo soo jeeda- waxa aad arkaysaaIlaahay! Waa aad la hadlaysaa, oo waa uukula hadlayaa, waxa aanad ka midnoqonaysaa dadka soocan ‘khawaas’. Waxaay igu yidhaahdeen waxa aanu ku baraynaa;cilmiga siraha , cilmiga yaqiinta( xaqal-yaqiin, caynal-yaqiin) iyo cilmu al-mukaashafaat. Waxa ay ii balanqaadeen inwatadku i barayo – marka aan sidaaddoonka ugu adeego- cilmi baaddinka (( علم

oo ka duwan cilmiga muuqda, ee dadkaاللدن , caamada ahi yaqaannaan.

Sheekadii Muuse (RC) iyo Khadar (RC).—————Sheekh Xaamid waxa uu leeyahay, silaguugu qanciyo in kasmada dahsooni (Cilmibaaddin) ay tahay wax jira oo Islaamka salku leh, waxa ay suufiyadu soo daliishadaanqisadii Nabi Muuse iyo Khadar dhex martay.Khadar waxa uu fahansanaa cilmubaaddinka, halka uu Nabi Muuse ku koobnaacilmi daahirka ama waxa muuqda oo qudha.Cilmi baadinku waa xaq, waanu ka xaqsanyahay cilmi daahirka, waxaana ayculimadayada -suufiyadu- soo daliishanjireen qisadii Khadar iyo Muuse –Alle raalihaka noqdo labadoodaba e’, qisadan waxaaan u soo gudbinayaa arrimaha soo socdaayaa ah kuwo fajaciso ah, waxa aad I odhandoontaan maxa aad u rumaysatay waxa kanbaadilka ah, balse marka aad qisadandhugataan waa aad ii garaabi doontaa,beenta naloo laaqay.Markii ay is raaceen kaddib, Muuse iyoKhadar oo ayaa arkay doon badda dhexmaraysa, waxa ay ku yidhaahdeen ma idiinraacnaa deegaan heblaayo? Waxa lagu yidhilacag ma haysataan? Waxa ay yidhaahdeen

waxba ma haysanno. Kaddib bilaa lacagayaa lagu qaaday.Nabi Khadar ayaa Nabi Muuse ku yidhi:‘’Cilmiga aan leeyahay adigu ma garanaysid,oo ma xamilaysid, ee ma ku sabraysaa inaanad waxba I weyddiin, illaa inta aan anigukuu sheegayo?’’Nabi Muuse ayaa yidhi: ‘’ Haa . Hadduu Alleidmo waan ku sabrayaa’’Halkaa waxa ay culimada dariiqadu ka sooqaateen in aanad sheekhaaga waxba weydiinillaa uu isagu kuu sheego mooyee.Doontii ayaa ay fuuleen Muuse iyo Khadar,Khadar ayaana dalooliyay doonidii. Muuse –oo yaabban- ayaa yidhi: ‘’ bilaash ayaa ayinagu soo qaadeen dadka doonta lihi, adnawaad daloolisay, ma waxa aad doonaysaa inay inala degto doontu? Maxaa aad waxaa usamaynaysaa?’’Khadar ayaa yidhi: ‘’ Miyaa aanan ku odhanwaxba ha I weydiin illaa aan kuu sheegoanigu?’’Muuse ayaa yidhi: ‘’Waa aan illoobay ee igaraali noqo.’’Sidaas oo kale ayaa uu sheekhu kuu barayaain aanad hadal ku soo celin, haddii kale waalagu eryayaa, oo ujeedadaada cilmi magaadhaysid.

Mar kale waxa ay soo mareen Muuse iyoKhadar dhallaan meel ku ciyaaraya. Mid kamid ah carruurtii ayaa uu dilay Khadar!Muuse ayaa yidhi: ‘’ Sidee ayaa aad u dishaynaf aan denbi lahayn, oo weliba carruur ah?’’Khadar ayaa yidhi: ‘’Hore ayaa aan kuugusheegay in aanad u dulqaadan karin waxaaan samaynayo.’’ Muuse ayaa yidhi: ‘’ Haddiimar danbe aan ku wayddiiyo waa aad I eryikartaa.’’Waxa ay soo galeen magaalo –iyaga oogaajaysan, dadka magaaladu waxa ayahaayeen bakhayliin, oo cunto waa ay udiideen. Waxa ay soo ag mareen gidaar,iyaga oo hadhsanaya ayuu Khadar arkay ingidaarku janjeedho oo uu dhacayo. Waa uutoosiyay Nabi Khadar gidaarkii, oo waa uudhisay. Muuse ayaa ku yidhi: ‘’Waa aadogtahay dadka magaaladu in aanay waxbaina siin, maad ugu yaraan lacagta gidaarkaaad ku dhistay weyddiisatid, si aan wax ugucunno?’’Sidaas ayaa ay Muuse iyo Khadar ku kalahadheen.Nuxurka qisadan waxa aan uga socdaa inaydaan mardhaw I odhan maxaa aadsheekhaaga wax kasta oo uu ku amro ufulinaysay? Sida aad arkayseen Muuse waxa

uu ku shaqaynayay cilmiga muuqda, halka uuKhadar ogaa cilmiga dahsoon. Dilka,daloolinta iwm marka dusha laga eego waaqalad laakiin hoos ahaan cilmi kale ayaa kujira. Arrintani waxa ay mardhaw inagelinaysaa dhacdooyin aad la yaabtaan;waxa aad arkaysaa sheekhaagii oo khamricabbaya ! Adiga waa kuu khamri, laakiin,isaga waa u Bebsi-koola! Adiga waa kaaxaaraan, sheekhana waa u xalaal. Waxa aadarkaysaa sheekhaaga oo gabadh aan xilihiisaahayn u tagaya! Adigu waxa aad u aragtaasino, balse xagga sheekha waa ka caadi;waxa uu ku odhanayaa: ‘’Barakada ayaangabadha raacinayaa, si ay durriyadwanaagsan u dhasho.’’ Waxa aad arkaysaaiyaga oo ay yihiin faaxisho , haddana,sheekhyadani waxa ay yaqaannaan hab kaladuwan oo ay caamada u qaldaan. Waxa ayku odhanayaan culimadu waa dad Alle toosugu xidhan, waxa ay samaynayaan waakaraamo ay dadka dheeryihiin, ee hadal hakusoo celin.Sheekhaas watadka ah waxa aan sidaaddoonka ugu shaqaynayay shan sanno ooxidhiidha, gacantiisa ayaa aan wax badan kubartay, weligiina hadal kuma aan soo celin;xataa haddii aan wax u baahanahay in aan

weyddiiyo waa aan liqi jiray, waayo, waxaaan ka baqanayay in uu I eryo. Waxyaalobadan oo aan diinta shaqo ku lahayn ayaaaan u qaban jirey sheekha.Sheekhii maalintii danbe waxa uu ii sheegayin uu ii dalacsiinayo, markan ma jiro sheekhkale oo la ii dalacsiinayaa; waxa jirtay in uudhintay qudub ka mid ah afarta qudub, sidaadarteed waxa uu sheekhu ii sheegay – markiiuu eegay culimada meesha joogta- in aanujirin cid igaga habboon in aan buuxiyokaalintaa bannaan ee qudubka ah.Waxa uu igu yidhi: ‘’ Wiilkaygiyoow, waaaad ogtahay in uu dhintay qudub hebel,waxaana habboon in kaalintiisa la buuxiyo,cid adiga kaaga habboonina ma joogto.Waxa aan tusayaa jid iyo hab aan kugudalacsiinayo, oo aan Ilaahay toos kuuguxidhayo! ‘’Aad baa aan arrintaa uugu farxay, waayo,weligayba niyadda ayaa aan ka jeclaa in aannoqdo weli ka mid ah awliyada Ilaahay eesooca ah ee wanaagsan.Waxa uu igu yidhi; ‘’Waxa jira hab kaliya ooAlle lagu gaadho, hannaankaasna ma barnodadka daacadda ah mooyaane, adiguna waxaaad tahay qof daacad ah, sidaa darteed, waaaan ku gaadhsiinayaa, ee taa ku

bushaarayso.’’ Aad ayaa aan ugu farxayarrintaa, waayo, waxa aan u haystay in uuqof si toosa ula xidhiidhi karo Illaahay, amauu la fadhiisan karno Nebi Maxamed! Taniwaxa ay ahayd riyo lagu soo jiidan karo, oolagu dagi karo qofkasta oo aan diintiisaaqoon durugsan u lahayn.Gelitaanki Khalwada (Waabka).———————————–Waxa uu ii sheegay sheekhii in uu Idalacsiinayo, waxa aanu I soo hordhigaydigri iyo aayado Quraan ah, waxa aanu Ifaray in aan kala xusho , oo aan qayb kadoorto aayadahan. Waxa aan doortay shanaayadood oo aayad kasta oo ka mid ah ay kujiraan toban Qaaf; shantan aayadood waxaku jirey isku darkooda konton Qaaf. Waxauu I sheegay in aan doortay aayado culus ooweyn. Waxa uu yidhi: ‘’ Markii hore waxaaan ka baqanayay in aanad si sax ah wax udooran, laakiin halkii ugu cuslayd ayaa aadqabsatay, tanina Ilaahay ayaa ay kugaadhsiin doontaa. Maanka ku hay suuradiyo aayad kastaa waxa ay leedahay sir. Waxajira Yaasiin iyo sirteeda, Waaqica iyosirteeda, aayad kursida iyo sirteeda, suuradkasta iyo sirteeda.” Siraha uu I baray waa aybadnaayeen, illaa tobanaan hab oo aayadaha

loo akhriyayo ayuu I baray, oo mid walibasirteeda wadato, laakiin, saddex ka mid ahayuun baa aan idiin sheegayaa:1. Habka isku dhex-kariska.Waxa aad soo qaadanaysaa aayadda aadrabto, kaddibna waxa aad ku dhex daraysaawaxyaalo dheeraad ah –sida aad doonto.Haddii aynu bisinka soo qaadanno, waxa aadu dhigaysaa sidan:Bismillaahi: Wa bi xaqi alnabiyi MuxamedSCW, wa bi xaqi Jibriil, wa bi xaqi Miikaa’iilwa Israafiil, wa bi xaqi Sahsahoobi, waMahmahoo, wa Dahdahoo, wa bascud babulalqadr Baabiil, Alraxmaani: Bixaqi Ciisaa,wa Muusaa, wa Ibraahiim aladdii wafaa, wabi xaqi Jibriil, wa bi xaqi Miikaa’iil waIsraafiil, wa bi xaqi Shamhaaroosh, waSaqackac, wa Bucbuc, wa Salaclac.Al-raxiim: Sidii oo kale ayaa aad wax ugudaraysaa.2. Habka eray rogista.Habkan erayga aayadda ama dikriga ku jiraayaa aad is-weydaarinaysaa. Bismillaahi al-Raxmaani al-Raxmiim, waxa aad uakhriyaysaa:Al-Raxiimu al-Raxmaanu Allaahu bismiHabkani waa dhalanrog , geddin iyo leexinaayadaha la leexinayo, bal ka warran

magacaagu haddii uu yahay Maxamed CaliAxmed, ma cid baa kaa yeelaysa haddii aadtidhaahdo magacaygu waa Axmed MaxamedCali. Bal u fiirso tuugnimadooda.Habkaniwaxa uu gelinayaa khalkhal, waxa aanu kuguxidhayaa dunida jinka iyo rooxaaniyiinta iyowax aanad tamar u lahayn.3. Habka xaraf rogista.Habkan xarfaha ku jira eray kasta oo aayadama dikri ah ayaa aad rogaysaa, waa habkaugu khatarsan ee ay adeegsadaan dadkacilmi qaybka sheegtaa. Bismillaah, markaaad rogto waxa kuu soo baxaya:Haallimsib.Bal ka warran marka aad rogto Faatixda, al-Ikhlaas ama suuradaha kale ee Quraanka,waxa kuu soo baxaya wax aan Alleh soodejin iyo khuraafaad la dhoodhoobay, amawaxaabay noqonayaan magacyada jinka iyorooxaaniyiinta.Hababkaa mid ka mid ah marka aaddooratid , ee aad ku tababarato ayaa aadgelaysaa khalwada.Khalwadu waa in aad ictikaafto, waxa aadku ictikaafaysaa meel gooniya oo aadIllaahay ku caabudayso –sida ay naguyidhaahdeen, waxa aad ka dhex baxaysaawaxkasta oo ku mashquulinaya, oo

adduunyada la xidhiidha. Ictikaafku waa uuka sugan yahay Nebiga, oo tobanka danbe eeRamadaanta ayaa uu ictikaafi jiray. Laakiin,ictikaafkayagu ma aha masjidka, waxa aadku ictikaafaysaa meel fog oo fog, oo dadkaka fog. Haddaba sidee ayaa loo ictikaafayaa,ama sidee ayaa aan anigu u ictikaafay?Waxa aad tagaysaa meel ka fog halka aadjoogto ugu yaraan 3 KM , waxa aaddhisanaysaa mutul yar, oo aan daaqadlahayn, meel kasta oo uu iftiin ka soo galenawaa aad iska xidhaysaa, markaas kaddibayaa aad gelaysaa khalwada.Waxa uu sheekhu I kala dooransiiyaymuddada aan meesha ku jirayo , markasta ooaad muddo dheer doorato waxa aadakhriyayso ayaa yaraanaya, markasta oo aymudadu soo koobantana waxa aadakhriyayso ayaa badanaya; waxa uu I kaladooran siiyay 41 cisho, 31, 21 iyo 11 cisho.Anigu waxa aan doortay 41 cisho. Sheekhuwaxa uu igula dardaarmay in ay hawshaictikaafku ay adagtay oo aan dhaldhalaaladduunyo iyo cuntaba aad ka go’ayo, kaliyawaxa aan cunayaa labada madmadaw –timiriyo biyo.Tiro kugu filan laguma siinayo waa laguutirinayaa inta timir ah ee aad qaadanayso,

biyahana sidoo kale. Waxa aad maalintiicunaysaa saddex xabbo oo timir ah; midsubaxdii ah, hal duhurkii ah iyo hal habeenkiiah. Anigu waxa aan doortay 41 cisho sidaadarteed waxa lay tiriyay 123 xabbo oo timirah.Waxa uu khalwada ii soo geliyay sijaayad iyowaraaq uu igu yidhi gadaal ayaa aad ugabaahan doontaa, iyo biyo galaas ku jira.Intii aanu iga tagin sheekhu waxa uu iguboorriyay in aan tiro ka yar 41 cisho doorto,laakiin markii aan ku adkaystay, waxa uu iguyidhi: ‘’ Waxa aad dooratay doorashadiiwacnayd ee reer bani Israaiil.’’ ‘’ Anna waxaaan ugu adkaysanayay dhallinyaro ayaa aanahaa.’’Dardaarankii ugu danbeeyay ayaa aanu kalaqaadanay sheekha. Waxa uu igu yidhi:‘’Wiilkaygiyoow, kan aad maraysaa waaimtixaan uu Eebbaha kawnku kuguimtixaamayo, qof kasta oo uu Ilaahayjecelyahay inuu xumaanta ka daahiriyo oo uusifeeyo si uu jannada u galo waa uuimtixaamaa, kanina waa imtixaan adag.Waxa aad galaysaa imtixaan u dhigmadagaal adag, imikaba haddii aanad awoodinin aad hawshaa ka soo baxayso ha isku gelin,ee iskaga joog. Haddaad ku dhacdo

imtixaankan if iyo aakhiraba waa aadseegaysaa. Ifka waa aad waalanaysaa,aakhirana waad dhacday imtixaankii. Muddoaad karaysid dooro, 41 haddii aad doorataymaalinta 41aad subaxdeeda ayuun baa aadka soo baxaysaa khalwada.’’‘’ Laba imtixaan ayaa aad maraysaa inta aadkhalwada ku jirto, ka koowaad waa cabsi’’Sheekh Xaamud waxa uu leeyahay qof kastaoo inaga mid ah afar xilli ayuu shaydaankugala jidhkiisa, waxa aanay kala yihiin: markaaad baqato (cabsato), marka aad cadhooto,marka aad hamaansato iyo marka aadcabbayso wax xaaraan ah sida khamriga.Waxa aan arrintan ku ogaaday tijaabo, waxaaan jinka la shaqaynayay 17 sanno, waxa iishaqaynayay 286 jin ah, oo uu hogaamiyojin la yidhaahdo Sahsahoobi; iska jiramarkaa cabsida, ayuu leeyahay sheekhu.‘’Imtixaanka labaad, waxa kuu imanayamalag.’’Waxa aan ku idhi : ‘’sidee?’’‘’ Waxa kuu imanaya malag magaciisa kuusheegaya, oo ka mid ah rooxaaniyiinta.’’Waxa aan idhi: ‘’ oo rooxaaniyiintu mamalaa’igbaa?’’Wuxu yidhi: ‘’ Haa.’’La kulankii jinka.

———————-‘’Imtixaanka labaad ee aad marayso, waxakuu imanaya malag.’’Waxa aan ku idhi : ‘’sidee?’’‘’ Waxa kuu imanaya malag magaciisa kuusheegaya, oo ka mid ah rooxaaniyiinta.’’Waxa aan idhi: ‘’ oo rooxaaniyiintu mamalaa’igbaa?’’Wuxu yidhi: ‘’ Haa.’’ “ Ma aha malaa’igwaaweyn, balse, waa malaa’ig insiga kasarreeya, waxa loo abuuray in ay adiga kuuadeegaan.’’Waxa uu hadda qirayaa Xaamid, in waxa uusheekhu Malaga ugu sheegaya uu yahay jin.Waxa uu yidhi:Waxan uu sheekhu rooxaaniga ku sheegayoIlaahay ayaa inooga warramay. Alle waxa uuyidhi: ‘’ Maalinta la soo kulmiyodhammaantood, ee malaa’igta laguyidhaahdo: kuwani ma idinka ayaa ay idincaabudi jireen * Waxa ay dhaheen –malaa’igtii – Eebboow adaa xumaan kanasahan oo iyaga nooga dhaw (weli noo ah),ee waxa ay ahaayeen – dadku – kuwocaabuda jinka, isaga ayaanay intooda badanirumaysnaayeen’’ Saba 40 -41. Rooxaanigalaguu sheegayaa waa hoggaamiye jinka kamid ah, yaanu ku dagin mid af-ku-malable

ahi, oo ku yidhaahda waxa aan la shaqeystaajin muslin ah. Ka digtoonoow, ka sidaas kulihi waa shaydaan insi ah, oo uu u waxyoodashaydaan jinni ahi. Illaahay ayaa Quraankaku sheegay: ‘’ Shayaadiinta insiga iyo kuwajinku badhba badhka kale ayuu u waxyoodahadal la qurxiyay, oo lagu dagmayo.’’ al-Ancaam.Sheekh Xaamid waxa uu leeyahay kuwawaxan na baray -jinka iyo sixirka – waaculimo awliyo lagu sheego, oo faraha la isugutilmaamo oo la yaqaanno. aniguna weli ayaaaan ahaa, waxa aan lahaa karaamooyin. iskusoo wada xooriyoo, waxani waa waddada loomaro caalamka jinka iyo rooxaaniyiinta.Sheekhii waxa uu I yidhi: ‘’ Wiilkaygiyoow,ha baqan. Waxa uu malagu kaa doonanawaafaq, oo ha diidin.’’ Kalmadda waafaq ooha diidin, waa mid cabsi iyo argagax leh.Shuruudaha uu rooxaanigu wato mid ka midah hortiisa ayaa aad ku fulinaysaa, intakalena markii loo baahdo. Marka aad jinka lashaqaysato ee aad wax uga baahatabashuruud ayuu kugu xidhayaa, ay qasab tahayin aad fulisaa. Shuruudahaasi marka dushalaga eego waa kuwo diin ahaan xaaraan ah,se adigu waa aad ka gudubtay dunidamuuqata, oo cilmi baadinka ayaa aad u

gudubtay. Gabyaa reer Khartuum ah ayaayidhi: “cilmiga dhabta ah (dedan) qofkasirtiisa faafiya maalkiisa waa la xalaashadaadhiiggiisa kaddib, muu awoodin Muusihii -alle la hadli jiray- sabirka Khadarkii lasocday, sidee buu markaa ardayna xaalkiisunoqonayaa.’’ Halkaas ayaa ay ku jirtaa sirtaah in aanad rooxaaniga waxba ku soo celin,ee aad shuruudihiisa waafaqdaa.Isku soo xooriyo, xilli saq dhexe ah oo aydadku seexdeen, ayaa uu sheekhii ii sooraacay khalwadii. Gudaha markii aan galayayaa uu dusha igaga xidhay . Waxa uu horeiigu sheegay sheekhu in aan habeenkakoowaad ku tukado sijaayadda labaragcadood, aniga oo akhriyaya ragcaddahore Faatixda iyo Kaafiruun, ragcaddalabaadna Faatixda iyo Ikhlaas. 41-ka cisholabadaa ragcadood ee habeenka koowaad ahoo qudha ayaan tukanayaa, weliba aniga ooqaawan. Waxa aan bilaabay dikri iyoducooyin kabkab ah oo sheekhu ii mariyay.Waxa ka buuxay ducooyinkaa shirki iyowaxyaalo xaaraan ah, iyadda oo Quraankameel looga dhacayay, lana kaalmaysanayoboqorada jinka iyo rooxaaniyiiinta. Waxaasoo dhan waxa aan u samaynayay aniga oomoodayay in aan noqonayo weli ka mid ah

awliyada Ilaahay, kana mid ah dadkakaraamada leh, wax kasta oo adagna loojilciyo. Sidoo kale waxa aan doonayay in aannoqdo qudbi ka mid ah qudbiyada suufiyada,si aan u xaadiro kulanka Ilaahay iyo xadradaNabiga!Habeenkii 41aad , xilli habeenimo ah waxa iisoo muuqday rooxaani, rooxaanigan oo layidhaahdo Sahsahoobi, waa hogaamiye jinkaka mid ah ah –sida aan gadaal ka ogaaday.Waxa uu maamulaa koox weyn oo jinka kamid ah. Inta aanu kuu soo gelin waxa uuweydiinayaa ladhkaaga (qariinkaaga) waxaaad ka baqato. Sida Quraanka ku sugan(akhri suuradda Qaaf) qof kasta waxa kuladhan oo la socda laba qariin –mid jin ah iyomid malag ah. ka jinka ah ayuu Sahsahoobila xidhiidhayaa, waxa aanu ogaanayaadhammaan dabeecadahaaga, waxa aad kabaqato iwm. Anigu waxa aan ka baqan jiraydhiiraantaxayada. Intii aanu Sahsahoobi iiiman waxa aan arkay muuqaallo argagax lehoo hortayda ka dhacaya –khalwadadhexdeeda. Markii hore waxa aan arkaydhiiraantaxayo, kaddib dhiiraantaxayadiiwaxa cunay rah weyn. Mar kale waxa aanarkay duqsi cunaya jab sonkor ah. Duqsigiiwaxa liqay jirjiroole. Jirjiroolihii waxa cunay

jiir weyn, jiirkiina waxa cunay bisad.Bisaddii waxa cunay ey weyn, eygiina waxacunay shabeel. Shabeelkii ayuu libaax cunay.Kaddib, waxa soo muuqday maroodi aad uweyn. Maroodigu hilibka ma cuno sida laogyahay, laakiin, kani mid nooc kale ah ayuuahaa, libaaxiiba afka ayuu galiyay. Dhiiggiiayaa aniga igu soo duulduulay, hadda dhiigcaadiya. Waa xaalad argagax leh, balse, sidiisheekhu I faray waa aan is adkeeyay, oo maaan gargariirin. Maroodigii weynaa waxa loosoo diray rah buur leeg, rahii ayaana liqaymaroodigiiba. Muqaaladaa argagaxa leh iyokuwo kale ayaa kolba dhan la iga tusayay,ugu yaraan afar jeer.Intaasi markii ay dhacday, kaddib, waxa iisoo muuqday Sahsahoobi oo madax dad leh,qaarka danbena faras uga eeg. Intuuxanshaashaqay ayuu igu yidhi; “Calaykum’’salaan aan dhamaystirnayn – afar jeer.Anna waxa aan ugu jawaabay; ‘’Wacalaykum.’’ Sidii sheekhu I faray. Waxa uu iisheegay in uu magaciisu yahay malagSahsahoobi, oo uu Ilaahay u abuuray si uuaniga iigu adeego, waxa aanu u sidaabushaaro xagga Rabbi ka timid oo ah; ‘’ inlaguu dhaafay danbigaagii hore iyo kaagadanbeba, nimcada Ilaahayna korkaaga lagu

dhamaystiray. Sidoo kale, maanta lagabilaabo waxa aad ka mid tahay awliyadaIlaahay ee wanwanaagsan; ee aanay cabsiiyo werwertoona korkooda oolin.’’ Waxa uu iisheegay in la iga dhaafay dhammaanwaajibaadkii iyo cibaadooyinkii diiniga ahaa.‘’ Waxa aad ka gudubtay marxaladdaaddoon, oo waxa aad noqotay xor,’’ ayuu afbuuxa iigu sheegay. Anigu waxa aan uhaystay inuu yahay Malag.Waxa uu igu yidhi: ‘’ Indhaha isku qabo.’’Markii aan isku qabtayna waxa uu igu yidhi;‘’cirka eeg.’’ Waxa aan arkay cirkii oo ay kusharaxan yihiin xuruufta BTJ-aada, oo farcagaaran ku qoran. Sida jeegaanta ayuuxaraf waliba cirka ku dherernaa cidhif kacidhif. Midig waxa xuruufta ka xigaysummad (dalsam) summadaha shirkiga kamid ah, bidixna waxa ka xigay lambarlambarada ka mid ah. Waxa uu igu yidhirooxaanigii qor xuruufta kuu muuqda iyolambarkaba. Waxa aan ku qoray waraaqihiiaan sitay. Wuxu I faray in aan sawirosummadaha ii muuqday, anna waan sawiray.Hadda laga bilaabo danbigaygii waa ladhaafay, waxa la I baray cilmiga baaddinkaah. Waxa la ii muujiyay waxa daboolan oodhan. Waxa la ii balanqaaday in aan Ilaahay

la hadli doono –si toosa, iyo in aan Nabigaxadro la fadhiisan doono. Hadda laga bilaabowaxa aan noqday awliyada tallaabada(khudwa). Meesha aan doono hal tallaaboayaa aan ku tegi karaa. Waxa uu SahsahoobiI faray in aan tago meel ii jirta 45 KM. Haltallaabo markii aan qaaday waxa aan isarkay aniga oo jooga! Meeshaa waxa yaallaylafo waxaana ku sawirnaa summado sida;xiddigo, jadwallo iyo lambarro.Waxa uu I soo hordhigay Sahsahoobishuruudo farabadan, waxaana ka mid ahaa:1- In aan diinta caayo, in aan rasuuladacaayo, in aan malaa’igta caayo iyo in aanIllaahay caayo.2- In aanan soomin, waayo, xayndaabkiiwaajibaadka waan ka gudbay. SheekhXaamid ahaan 17 gu’ Ilaahay dartii uma aansoomin, dadkana in aan soomanahay ayaaaan isaga dhigi jiray.3- Jumacaha in aanan tukan.4- Imaam dadka tukiya ma noqon kartid.5- Masaajidka kuma tukanaysid.6- Haddaan tukanayso waa inaad bilaawayso ku tukataa. Dadka in aanwaysaysanayo ayaa aan isaga dhigi jiray,aniga oo aan kaadida iska dhaqin.7- In aanan salaadda casar tukan. Haddii

nala weyddiiyana waxa aan odhan jireyMaka ayaa aan ku soo tukaday. Hadda makakala waqti ayaanu nahay, oo saacado ayaaaanu kala horreynaa ba.8- In aad faaxisho la samayso cid ka mid ahqaraabadaada .Warqaddii aan haystay ayaa aan ku wadaqortay xaruuftii iyo summadihii. Warqaddanigadaal ayaa ay I anfacaysaa marka aanhawl-galo. Marka uu qof xanuunsanaya amala sixray, ama wax laga xaday ii yimaaddo,hab gaar ah ayaa aan Sahsahoobi u wacayaa.Kaddib warqaddii la soo kala bax ayuu Iodhanayaa, halkaas ayaanu ugu kitaabfuraynaa qofka.Sheekh Xaamid waxa uu ku leeyahay, haddiiaad aragto qof sita warqaddo ama qardhaasay summado iyo xiddigahaasi ku sawiranyihiin; iska ogow in uu sixiroole yahay.Summadahan waxa dadka lagu siiyaakhalwooyinka dhexdeeda, waxaana loonisbeeyaa summadahan badankoodanebiyada: kani waa shaanbaddii (khaatim)Daa’uud, kani waa shaambaddii Saleebaan,kaasi waa shaanbaddii Maxamed (SCW).Waxaasi waa shirki iyo khuraafaad.Culimadan jinka la shaqaysata iyosixiroolayaashu waxa ay badiyaan sadaqo

bixinta, dhisidda masaajidda iyo kafaaloqaadashada aqoonta iyo carmalka. Waxaasoo dhan waxa ay u samaynayaan in ayindhaha dadka iska jeediyaan, oo dadwanaagsan loo arko.La shaqaysiga jinka iyo ogaanshaha qaybka—————————————————Sheekh Xaamud waxa uu leeyahay:Aniga karaamooyinkayga waxa ka mid ahaain aan wax taagan dhaqaajiyo, aniga oo aantaaban. Hawshaa dadku karaamo ayaa aymoodayeen, laakiin, jin ayaa ii fulin jireyaanay arkayn.Waxa karaamooyinkayga ka mid ahaa in aanmasaajid soo galay, kaddib, waxa aansijaayaddii u jeediyay dhan aan qibladiiahayn. Dadkii ayaa igu yidhi qibladuxaggaas maaha. Waxa aan ku idhi waa aadqaldan tihiin. Waxa aan farahayga kugaraacay hawada, waxa aanay maqleendadkii qaw qaw! Waxa aan ku idhishanqadhaa miyaa aad garanaysaan? Waxaay yidhaahdeen maya. Waxa aan ku idhi waaalbaabkii kabcada. Markaas ayaa ay Irumaysteen. Karaamooyinka iyo qaybka laogaadaaba waa hawlo jinku kuu sahlayo, ooaad dadka ku qaldayso.Haddii imika nin lacag, dahab ama gaadhi

laga xado, oo uu ii yimaaddo; marka uu sidaaiigu soo galo waxa aan u sheegayaa:magaciisa, halka uu ka yimi, waxa uudoonayo, caruurtiisa magacyadooda… Iwm.Marka aan intaa u sheego waa uu yaabayaa.Kaddib, waxa aan ku odhanayaa soolagaama xadin gaadhi cad, oo lambarkiisuintaa yahay, maalin heblaayo, meel heblaayo.Haa, ayuu odhanayaa isaga oo yaabban.Waxa aan ku odhanayaa gaadhigaagi waxaxaday dadkaas, waxa uu yaallaa goobtaas,qubuurahaas marka la dhaafo, xaafadheblaayo. Boolis kaxayso, oo soo kaxayso.Sow yaab maaha?Xilligii Xajaaj binu Yuusuf ayaa la qabtayfaaliye, waxa lagu soo eedeeyay in uusixiroole yahay. Waxa loo keenay Xajaaj.Wuu diiday in uu qirto in uu sixiroole yahay.Waxa uu yidhi anigu sixiroole ma ihi, eewaxa aan la shaqaystaa qariinka jinka ah.Xajaaj ayaa gacanta ku xantoobsadayquruurux dhulka yaallay. Wuxu ku yidhi: ‘’Maxaa aan gacanta ku haya?’’ Waxa uuyidhi: ‘’ Quruurux (dhagaxaan yaryar) ’’Wuxu ku yidhi Xajaaj: ‘’Waa imisatiradoodu?’’ Wuxu ku yidhi: ‘’ waa 19xabbo.’’runtiisa ayaa ay noqotay.Xajaaj ayaa mar kale quruurux gacanta ku

qabtay. Waxa uu ku yidhi: ‘’Waxa aangacanta ku hayaa waa maxay?’’ Wuxuyidhi : ‘’ Waa quruurux” . Wuxu ku yidhi:‘’Waa meeqa tiradoodu?’’Wuxu yidhi : ‘’ma garanayo!”.Xajaaj ayaa ku yidhi: ‘’ Markii hore waa aadgaratay, imikana ma aad garan ee maxaadhacay?’’Wuxu yidhi faaliyihi: ‘’ Markii hore, waxaaan wayddiiyay tirada waswaaskayga, si uuu weyddiiyo waswaaskaaga. Waswaaskaygiiayaa weyddiiyay waswaaskaaga, wixiinaftaadu ku waswaastay. Isnawaswaaskayga ayuu u soo sheegay, isna wuuii soo sheegay.’’‘’Markii danbe, waxa aan weyddiiyay tiradaquruuruxa waswaaskayga, si uu u weyddiiyowaswaaskaaga. Waswaaskaygii ayaawayddiiyay waswaaskaaga, wixii naftaaduku waswaastay. Naftaaduna markan waxbakuma ay waswaasin, sidaa darteed,waswaaskaagii waxba uma uu sheeginwaswaaskayga.’’ Xajaaj ayaa yidhi: ‘’Waasixiroole, ee hala dilo.’’ Waana la dilay.Sababta aan ku ogaanayo gaadhigaaga laxaday iyo dhammaan xogtaada oo dhami waaqariinkaaga. Isaga ayaa u soo waramayaqariinka jinka ila shaqaynaya, kaddibna,

Sahsahoobi ayaa aniga xogta oo dhan iisheegaya, marka aan si gaar ah, oo sir ah ulaxidhiidho. Sidaa ayaa aanu ku sheegannaa inaanu qaybka og nahay. Qof kasta waxa kulammaan laba ladh ama qariin, oo kala ahqariinka sharka oo shayddaan ah, iyoqariinka khayrka oo malag ah. Anigu waxaaan ogaan karaa waxa aad niyadda ku hayso– hadduu xumaan ama cay yahay- waayo,qariinka sharka ayaa ii soo gudbinayaxanshaashaqaaqa cayda ah. Laakiin, haddiiaad wanaag ama dikri aad qalbiga ku haysoama ogaan karo. Waxani waa khibrad 17sanno ah. Dhakhtar wax ha weyddiine,weyddii tijaabiye wax.Imikaba iska ogow: sixiroolaha, faaliyaha,fooxisada, kuwa burjiyada sheega, kuwakitaabka fura, kuwa dhulka xarxarriiqa,kuwa beedka wax ka eega, kuwa baafka(tagshi) wax ka arka….iwm waa laamaha iyoadeegayaasha shayddaanka, waana kuwaugu halista badan.Haddaad fooxiso u tagto ama faaliye, oo aadrumaysato –sida Nabigu yidhi: ‘’Waxa aadka gaalowday wixii nabiga lagu soo dejiyay –ee waxyi ah.’’ Haddii aad u tagto oo aanadrumaysanna afartan cisho salaad lagaamaaqbalayo.

Imtixaankii wuu ii dhamaaday. Shuruudigiirooxaanigana waa aan wada waafaqay, anigaoo hortiisa ku fuliyay shardigii ahaa in aanEebbe, malaa’igta, rususha iyo diintaba aancaayo. Subaxdii 41aad, waxa khalwadahorteeda igu sugayay dad fara badan, oo kakala yimid dalal kala duwan. Waxa ay soodhawaynayeen qudubka cusub ee la caleemosaarayo. Sheekhaygii ayaa iridda iga furay.Waxa uu igu yidhi indha isku qabo. Waa aanisku qabtay. Markii aan dibadda u soo baxayayaa uu igu yidhi kala qaad indhaha.Indhaha marka aan kala qaado, waxakoowaad ee aan arko barakada ayaa ku soodagaysa, haddii uu qof yahayna qaws ayaauu noqonayaa. Anigu waxa aan ugu horarkay ibriiq uu nin sitay. Maxaad aragtayayaa laygu yidhi? Waxa aan dhahay ibriiq.Ninkii ibriiqa sitay waa uu murugooday,waayo, isaga ayaa doonayay in aan arko, siuu qaws u noqdo. Dhar cusub ayaa la iigaliyay, waxaana la ii galbiyay dhankiimagaalada.Sida dadka loo sixro.————————–Markii aan qudubka noqday hawlo kaladuwan ayaa aan dadka deegaanka u qabanjirey. Waxa aan ahaa sheekh caan ah oo

dadka daweeya, ducooyinka akhriya,siyaarooyinka qabanqaabiya. Dadku waa ayiga barakaysan jireen, meelo fog ayaana laiiga iman jirey. Waxa la iigu yeedhi jiraymagacyo kala duwan sida ; qudub, fiqi, aabboiyo sheekh. Waxa aan dadka ka dawayn jireyisha, cudurada iyo sixirka. Dhanka kalemarka runta la sheego annaga ayaa dadkasixri jirnay.Qof ayaa noo iman jirey doonaya in qof loosixro. Qofkaasi waxa uu cadaw la yahay qofkale oo ehelkiisa ama qoyskiisa ka mid ah,ama qof kale oo ay waxuun isku maan-dhaafeen. Dadka ugu badan ee noo imanjirey waa dad isku qoys ah, oo haddana colah. Dhibaatada ugu badani waxa ay ka jirtaaguryaha dhexdooda sida xaaska iyogacalisooyinka oo ninka ku kacsan.Qofku marka uu noo yimaaddo waxa aanu kacodsanaa waxyaalo cayiman. Marka koowaadwaxa aanu weyddiinaa magaca qofka lasixrayo iyo magaca hooyaddii. Magacahooyada sir badan ayaa ku duuggan. Qofkamarkasta waa la hubaa in ay hooyadiidhashay, balse, aabbaha lama hubo in uuisagu dhalay. Marka magaca hooyada la helosixirku si adag ayaa uu kuu qabanayaa. Iskaogow sheekh kasta oo magaca hooyadaa ku

weyddiiyaa waa sixiroole.Marka aanu helno magaca qofka la sixrayoiyo magaca hooyadii, waxa aanu iskugeynaynaa xuruufta ku jirta labada magac.Waxa aanu eegaynaa xuruufta soonoqnoqday ee ay labada magac wadaagaan.Afar qaybood ayaa aanu u qaybinaaaxuruufta, kuwaas oo kala ah:1. Xuruuf ciidood (Turaabi)2. Xuruuf Dabood (Naari)3. Xuruuf Hawood (Hawaa’i)4. Xuruuf biyood (Maa’i)Marka la eego xarafka ugu badan ee ku soonoqnoqda magacaaga iyo magaca hooyadaa,afarta nooc ee sare midkood ayaa aadnoqonaysaa. Haddii aanu weyno xaraf soonoqnoqda magacaaga iyo magaca hooyadaa,waxa aanu eeganaa maalintii aad noo timi taay ahayd sida; jimce , sabti …iwm. Haddiimaalinta aanu ka weyno xaraf aadwadaagtaan waxa aanu eegaynaa bisha.Haddii bisha aanu ka wayno, waxa aanueegaynaa saacadda aad noo timid sida;casar, duhur …..iwm. Intaa marka la eegomeel ayuun baa aad iska soo galaysaan, amaxuruuftiinu ka midaysmayaan.Marka aanu helno in qofka la sixrayaa uuyahay ciidood, dabood, hawood ama biyood;

midkasta hab gaar ah ayaa aanu u sixirnaa.Marka aanu ogaano qofka la sixrayaa ka uuyahay hawood, ciidood, dabood ama biyoodwaxa aan wacayaa Sahsahoobi –hab gaarah. Waxa aan ku odhanayaa waxa ii yimidqof noocaas ah, waxaas iyo waxaas ayuudoonayaa, qofka loo sixrayaana waa naari;maxaa aynu samaynaa?Sahsahoobi waxa uu wacayaa jin kale oo ufara-dhuudhuuban hawsha sixirka. Jinkaasiwaxa uu na soo hordhigayaa shuruudo adagoo shirki iyo xoolo gawrac isugu jira. Waxauu odhanayaa: ‘’waxa loo baahan yahay diigmadaw, wan galaalan, ri seenyo ah ….iwmwaxa aanu u baahanahay dhiig in ladaadiyo,’’. Marka la keenno diiggii, wankii,ri’idii ama wixii kale ee uu naga codsadayjinku, oo loo diray qofka wax loo sixrayo,waxa aan ka codsanayaa lacag aniga ii gaarah. Dhiigga jinka ayaa leh, anigu lacagtaayaa aan leeyahay. Marka aanu lacagta kaheshiino, ayaa aan hawsha bilaabayaa.Haddii qofka la sixrayaa uu yahay dabeed(naari), waxa aan soo qaadayaa girgire birah, dab ayaa aan ku shidayaa. Waxa aan sooqaadayaa warqado ay ku qoran yihiinmagaca qofka la sixrayo, magaca hooyadii,ducooyin kabkab ah, aayado la rogay , dhiig,

timo iyo maryo uu leeyahay qofka lasixrayaa. Waxaas oo dhan ayaa aangirgiraha ku shidayaa, aniga oo akhriyayahadalo shirki ah. Kolba lacagta uu qofku Isiiyay inta ay leegtahay ayaa aan dabkaa ushidayaa, qofka la sixrayaana sidaas ayaa uuu shidmayaa.Haddii qofka la sixrayaa uu yahay biyood,isla walxihii hore ayaa aan soo qaadayaa,marka laga reebo dabka. Waxa aanwarqadihii iyo maryihii ku xidhayaa maroadag, dhagaxna waa aan ku xidhayaa. Waxaaan wixii oo isku guntan, gunta u dhigayaaceel biyihiisu aanay gudhin. Qofka lasixrayaana sidaas ayaa uu u quusaya, amanolosha uga dhacayaa.Haddii qofka la sixrayaa uu yahay hawood(hawaa’i) warqadihii iyo timihii oo iskuguntan ayaa aan gorgor ama shinbir meelkaga xidhayaa, oo waa ay la duulaysaa.Sidaas ayaa qofka la sixrayna maanku ugaduulayaa.Haddii qofka la sixrayaa uu yahay ciidood(turaabi) waxa aan soo qaadayaa waraaqidhiisixirka, timihii iyo maryihii qofka la sixrayay,waxa aan guntayaa, kaddibna waxa aan kuaasayaa qubuuro laga guuray.Dhiigga la daadinayo ama xoolaha la

gawracayo ee ay dadku ducada ku sheegaanIllaahay dartii looma gawracayo , eeshaydaanka ayaa loo gawraracayaa. Dhiiggaxoolaha la gawracayo waxa aanu ku darnaacasharka qofka loo dhigayo, haddii qofkusixir ka cabanayo. Waxaas oo dhami waashirki iyo gaalnimo weyn.Waxyaalaha muhiimka ah waxa ka mid ah,in qofka la sixrayo aanu ka helno raad uun;sida timihiisa, ciddiyihiisa ama maryihiisahoose. Waxa ugu muhiimsan ee uu sixirkuqabtaa timaha shuunka. Haddii aanu kuwaawayno waxa aanu u baahana kuwakilankillooyinka, kaddibna kuwa timaha amaciddiyaha. Haddii timo la waayo, waxa aanuu dirnaa maryihiisa hoose sida nigisyada iyogaramaanta (buumo).Dadka aanu sixirku qaban.———————————–Haddii qofka la sixrayo aanu ka wayno waxraad ah sida timaha, maryaha iyosharabaadada; waxa aanu u yeedhnaa qofkawax loo sixrayo, waxa aanu ku nidhaahnaahawshu waa ay adkaatay, ee waa in aadlacagta kordhisaa. Kaddib, waxa aanu kacodsannaa in uu noo yimaaddo maalin caanka ah dunida sixirka. Maalintaasi waa maalinaan bishan soo noqonayn illaa bisha danbe

mooyaane. Xilli habeenimo ah oo mugdi ah,ayaa aan weel madow sixir ku qooshayaa.Weelkii sixirku ku jiray oo daboolan ayaaaan ku odhanayaa qofkii wax loo sixrayay,weelkan qaad, oo iftiinka ka ilaali. Marka aadaragto qofkii la sixrayay in uu gurigiisagalay, irridka gurigiisa ku saydh sixirka.Waxa aanu qofkii ku sallidnay jin iyoshayaaddiin.Qofku hadduu yahay qof ducooyinka nabigaka sugan akhrista wakhtigooda sixirku maqabanayo. Dunida sixirka ayaa aan kuogaaday taas, aniga oo aan diinta ku ogaan.Qofkii marka uu sixirku qaban waayo, waxaaanu u dirnaa shayaadiinta yar yar.Shayaadiintu waa ay nagu soo noqonayaan.Waxa ay nagu odhanayaan qofkii cir iyodhulba waa aanu ka waynay. Codkiisa waaaanu maqlaynaa marka uu hadlayo, se markauu aamuso meel uu qabtay ma garanayno.Marka ay shayaadiintu ka caalwaayaanqofka, waxa aanu u dirnaa shayaadiin Mariidla yidhaahdo. Mariidku waa mid shayaadiintayaryar ka weyn. Mariidki waxa uuodhanayaa marka aan qofkii la ii diray udhawaado, ee aan is yidhaahdo dhib, ayuunaqasku igu dhagayaa. Ama marka aan udhawaado ayaa aan kulayl xad dhaaf ah

dareemayaa, oo waa aan gubanayaa.Mariidku marka uu waxba ka qaadi waayo,waxa aanu u diraynaa Cirfiid. Cirfiidku waashayddaan mariidka ka weyn, oo kiristaan,muslim iyo mulxidiin ba leh. Cirfiidki waxauu odhanayaa qofka aad ii dirteen malaa’igayaa ilaalinaysa oo uma dhawaan karo.Sheekh Xaamid waxa uu leeyahay Cirfiidayaa aan ku idhi idinku miyaa aydaanmalaa’ig ahayn? Ileyn sidaas ayaa ay horeiigu sheegteene. Cirfiidki waxa uu igu yidhihaa waa aanu nahay malaa’ig, balse , kuwanilaalinayaa waa malaa’ig naga waaweyn oowaa aanu ixtiraamaynaa, in aanudeegaankooda qof ku dhibno. Bal eeg beenta!hadda waa shayddaan waxa ila shaqaynayaa.Marka cirfiidku ku guuldarraysto in uuqofkaa dhibo, waxa aanu u dirnaa labashayddaan oo qofka digriga ka mashquuliya,si shaydaamada kale ay u dhibaan. Labadashayddaan waxa la kala yidhaahdaaWalhaan iyo Khansab. Kuwaasi waa kuwaxataa xilliga salaadda qofka mashquuliya, ooqofka kama ag faaruqaan.Haddii labadaasi xataa ku guuldaraystaan inay qofkaa mashquuliyaan, waxa aan uyeedhnaa qofkii wax loo sixrayay. Waxaaanu ku nidhaahnaa arrintaadi faraha ayaa

ay ka baxday, oo waa ay adkaatay ee lacagtawaa in aad kordhisaa. Markaa waxa aanwacayaa Sahsahoobi. Sahsahoobi waxa uuwacayaa qareenka qofka la sixrayoboqorkiisa. Boqorka qareenka qofka lasixrayo waxa uu nagu xidhayaa shuruudoadag oo shirki iyo gaalnimo ah, waxa aanusiinaynaa qiimo aad u sarreeya oo gaalnimoah, marka loo eego shayaadiinta kale. Sidalagu helo qareenka waa ay adag tahay.Qofku haddii uu si kasta u wacan yahay, udikri badan yahay, qareenkiisu wuu la socdaaoo kama badbaadayo, isaga ayaana noodhibaya.Astaamaha sixiroolaha.——————————-Sixirooluhu astaamo badan ayaa uuleeyahay. Ha sheegto qudub, fiqi, sheekhama wadaade, astaamahan haddii aad kuaragto waa sixiroole, ee si fudud oo aanu kudareensanayn uga fara baxso. Haddii aadisku soo taagto in uu ku dhibo ayaa ay ubadan tahay, waayo, waa dad aan Ilaahay kacabsanahayn.1. Haddii uu ku weyddiiyo magacaaga iyomagaca hooyadaa, qofkaasi waa sixiroole.2. Hadduu qofku ku yidhaahdo waa aan kuukitaab furayaa, qofkaasi waa sixiroole.

3. Hadduu qofku ku yidhaahdo qardhaasayaa aan kuu dhigayaa, qofkaasi waasixiroole.4. Qofka ku yidhaahda warqaddan (dikri aansugnayn iyo khuraafaad ku qoran yahay)gurigaagsa sudho ama meheradaada,qofkaasi waa sixiroole.5. Kuwa fooxiya, kuwa faaliya, kuwa koobkawax ka eega, kuwa beedka wax ka eega,kuwa qiiqa wax ka eega, kuwa aleelada roga,kuwa burjiyada fiiriya iyo kuwa ciiddaxarxariiqaaba waa safiirada sixiroolaha. Waaay ka darajo hooseeyaan sixiroolaha, balse,waa safiirada sixiroolaha, oo isaga ayaa ay ushaqeeyaan. Ka feejignow.Waxa la yidhi:Nabi Saleebaan ayaa isaga oo da’a ah, waxauu weyddiiyay malaga wedka goorta uudhimanayo? Malagii wedku waxa uu ku yidhiIlaahay ayaa og goorta aad dhimanayso.Waxa uu ku yidhi Saleebaan ii soo sheegmarka uu Illaahay kuu sheego. Muddokaddib malagii wedka ayaa Saleebaan usheegay goorta uu dhimanayo. NabiSaleebaan si uu geerida ugu diyaar garoobo,waxa uu jinkii u shaqaynayay faray in ay udhisaan qasri weyn oo quraarad ah, si uu uguictikaafo. Markii ay jinkii qasrigii quraaradda

ahaa dhiseen, waxa uu nabi Saleebaan farayjinka in aanay u soo gelin, illaa uu isagudibadda ugu soo baxo mooyaane.Nabi Saleebaan qasrigii ayaa uu ku ictikaafijiray. Maalintii danbe waxa uu nabiSaleebaan cifriidka guddoomiyaha jinkaamray in uu dhiso guri weyn.Subaxdii danbe waxa uu cirfiidki keenaynashqaddii guriga oo dhamaystiran. Waxauu u sheegay nabi Saleebaan in gurigiidhamaystiran yahay. Nabi Saleebaanbannaanka ayaa uu u soo baxay, markii uugurigii arkayna waa uu cadhooday, cadhoaanu weligii cadhoon. Cirfiidkii waa uubaqday, waanu argagaxay. Waxa uu kunoqday jinkii waxa aanu ku yidhi Saleebaanwaa uu cadhooday ee guriga dumiya, oo midkale dhisa. Waa ay dumiyeen, mid kale ayaaaanay dhiseen. Markuu u keenay Saleebaannashqaddii guriga, ee uu dibadda u soo baxaysi uu guriga u arko, nabi Saleebaan inta uuxanaaqay isaga oo aan cidna la hadal ayaauu iska noqday. Jinku gurigii waa aydumiyeen, oo mid kale ayaa ay dhiseen.Kiina waa uu ka cadhooday Saleebaan.Waxa la sheegaa in jinku uu sanad gudihii kudhisay 354 guri, halka ay ka dumiyeen 353guri, kii u danbeeyay mooyaane. Saleebaan

oo fadhiya gurigii quraarrada ahaa, ayaawaxa ushii uu ku tiirsanaa cunay aboor. Midjinka ka mid ah ayaa arkay Saleebaan oodhacay. Halkaa ayuu jinkii ugu sheegay inuu Saleebaan dhintay.Iyaga oo ka cabanaya cadaabtii dhismaha, ooleh haddii aanu qaybka ognahay dhismahama aanu wadneen, ayuu Illaahay Quraankainoogu sheegay:‘’Markii aanu u qaddarnay -Saleebaan-Geerida, ma uu tusin dhimashadiisa illaaaboor cunay ushiisa mooyaane, markii uudhacay waxa u caddaatay jinka haddii ayqaybka ogyihiin in aanay caddaabta adag kuwaareen’’ Saba 14.Jinki markii ay xaqiiqsadeen geeridaSaleebaan waxa ay soo galeen qasrigiiquraaradda ahaa. Waxa ay qaateen xogkasta iyo dhammaan kutubtii laamaha kaladuwan ee cilmiga ee u kaydsanaa nabiSaleebaan. Waxa ay ka tageen dhawr kitaaboo ay wax badan ka qaldeen. Agabkii ayqaateen mooyaane, wixii kalena waa ayfasahaadiyeen. Mid jinka ka mid ah ayaa ayu direen insiga, si uu u ogaysiiyo geeridaSaleebaan, kaddibna meeshii waa ay iskagatageen.Markii ay dadki yimaaddeen waxa ay arkeen

is Saleebaan dhintay. Waxa ay dadkiimeesha yimi u qaybsameen saddex qolo:1. Qolo tidhi Saleebaan waxa uu ahaa nabidhab ah, waxa uu adduunka ku qabsadaynawaa sixir. Sidaa darteed, sixirku waa waxbannaan oo lagu shaqaysan karo. Kuwaasiwaa Yuhuudda iyo Hindida awowyaashood.2. Kuwo yidhi Saleebaan waa nabi dhab,sixirna muu adeegsan jirin. Waxa meeshafasahaadiyay, ee kutubtii qaatay,summadaha sixirkana meesha kaga tagaywaa jin iyo shayaadiintii. Kutub badan oohebel iyo hebel qoreen ayaa maqan. Kutubkale oo hebel qorayna wax baa lagu daray.3. Kuwo yidhi Saleebaan waa sixiroole,sixirkuna ma bannaana. Sidaa darteed,Saleebaan waxa uu ahaa gaal, waxa uuadduunka ku qabsadayna waxa uu ahaa sixir.Kuwan ugu danbeeya Illaahay ayaaQuraanka ugu jawaabay. Alle waxa uu yidhi:‘’Waxa ay raaceen wixii ay shayaadiintu kuakhrin jireen boqortooyadii Saleebaan, muugaaloobin Saleebaan, ee waxa gaaloobayshayaadiinta, waxa ay dadka barayaansixirka…….” Al-Baqara 102.Sheekh Xaamid waxa uu ka warramayaasida ay sixiroolayaashu ku sheegtaan in qayqabka og yihiin, inaga oo soo xusnay in

shayaadiinta la shaqaysaaba aanay qaybkaogayn.Sidee ayaanu ku ogaannaa qaybka—————————————–Qaybka ama waxa maqani waxa uu uqaybsamaa saddex:1. Wax tagay oo aanad ogayn.Dhacdooyinka mar hore dhacay ee aanadogayn, adiga qayb ayaa ay kuu yihiin oo maogid.2. Wax hadda dhacaya oo kaa fog. Haddiimeel kaa fog ay hadda wax ka dhacayaan,adigu ma ogid oo waa kuu qayb.3. Wax soo socda. Wax kasta oo soo socdaIllaahay ayuun baa og, ee dadka iyo jinkutoona ma oga.Dadka sheegta in ay ogyihiin waxa soo socdaama mustaqbalku, waa kuwii uu nabiMaxamed sheegay. Waa dadka lashuraakooba jinka isku daya in uu dhagaystowararka cirka. Marka ay hal weedh ah ooruna helaan, waxa ay ku daraan boqol beenah.Labada qayb ee soo hadhay waa la ogaankaraa, waxa tagay iyo waxa hadda dhacaya.Aniga waxa ila shaqaysa koox jin ah oo uuSahsahoobi madax u yahay. Goobta aanfadhiisto ee dadku iigu yimaaddaan, ayaa

aan farayaa jinku in ay hareereheeda kufoofaan, oo wararka iyo dadka soo socda soodhagadhageeyaan. Marka ay arkaan jinkuqof xagga aan joogo ku soo socda, waxa aywaraysanayaan qareenka ku lammaan.– Xageed ku socotaan?– Safar baan meel heblaayo u nahay.– Iska socda.Kuwo kale ayaa soo maraya meeshii:– Xageed ku socotaan?– Magaalada ayaanu ku soconnaa– Iska socda.Kuwo kale ayaa meesha soo maraya:– Xageed ku socotaan?– Sheekh Xaamid ayaa aanu ku soconnaa.Markaas ayaa uu jinkii aan dirnay, qareenkakale xogta qofka oo dhan weyddiinayaa.Xagga ay ka yimaaddeen, magaca qofka,waxa ay u socdaan, waxa ay ka cabanayaan,waxa laga xaday, gaadhiga noociisa,dahabka xaddigiiisa iwm.Xogtii oo dhamaystiran ayuu jinku iikeenaya, inta aanu qofkuba I soo gaadhin.Jin kale oo cirfiid ah ayaa aan u dirayaagoobtii dahabka ama gaadhiga lagu xaday.Xog buuxda ayuu ilbidhiqsiyo iigu keenayaa,cidda xadday iyo halka uu yaallo hadda.Isaga oo aan qofkuba I soo gaadhin, waxa

aan hayaa xogtiisa oo dhamaystiran iyo waxauu doonayo xogtooda oo dhamaystiran.Marka aad ii soo gasho waxa aan kusalaamayaa magacaaga.– Hebeloow soo dhawaw, waa aad soodaashay oo meel hebelaayo ayaa aad ka timi.Xaaskaagii heblaayo ka warran. Inankiidhoofay ma nabad qabaa. Xaaskii cusbaawax ma kuu dhashay.Qofkii wuu yaabaya. Sheekhu ma xogtaqoyskaaga oo dhan ayuu hayaa ayuu isodhanayaa. Waaba weli kani.– Gaadhi cad, oo lambarkiisu intaa yahayayaa lagaa xaday saw maaha? Bil ayuuhadda kaa maqnaa.Xogtii gaadhiga iyo hadda halka uu yaaloayaa aan u sheegayaa, marka aanu lacagtaka heshiinno. Aniga jinka ayaa ii soosheegay, isna in aan wali ahay oo aan qaybkaogahay ayaa uu moodayaa. Iska ogow, waasidaa khiyaamada aanu samaynaa.Sheekh Xaamid waxa uumuxaadarooyinkiisa ku soo gabagabaynayaa;in ay jiraan dad sheegta in ay dadka dhintaysoo nooleeyaan, ama kuwo sheegta in aybiyaha dul socdaan, iyo kuwo sheegta in ayyixaas dhagax ka dhigeen. Waxaas oo dhamiwaa run, laakiin, shaydaamo ayaa ay la

shaqaystaan. Marka ay rabaan in ay kuusawiraan in ay qof dhintay soo nooleeyaan.Waxa ay dul tagayaan qabriga qofkadhintay. Hebeloow kac ayaa ay odhanayaan.Waxa qabriga ka soo baxaya jin ah qareenkiiqofka dhintay. Wuu u eegyahay qofkiidhintay, codkiisiina waa uu leeyahay.Haddaad aragto qof ku leh biyaan dulsocday, jin ayaa gacmaha ku haya aanadarkay. Haddaad maqasho qof leh yixaas ayaaan dhagax u rogay, waa jin yixaas iskadhigay, oo haddana dhagax isu rogaya.Shaydaanka iyo dadkuba karaamooyin beenawaa ay sheegan karaan, balse, mucjisooyinma samayn karaan. Qofka yidhaahdacadceeddaan jiiday ama wabigaan laacaywaa been. Ma samayn karaan mucjisoAnbiyada mooyaane, cid kale.Dhammaad.