44
The Miracle of the Quran Yaqiin iyo waa la yirih (Certainty and Hearsay) By: Ahmed Mohamed Sh. Hussein (Ahmed Dheere) Qaybta. 4aad. م ي ح ر ل ا مان ح ر ل له ا م الس بYaqiin waa wax la hubo sida Quraanka oo xaq la hubo ah, waa la yirinah waa waxii Quraanka ka soo hara. Alle s.w waxuu noo sheegayaa in ay jiraan shayaadiin insi iyo jinniba leh oo nebi kasta cadow u ah dadkana jidka Alle ka hor joogsada waxayna dadka u sheegaan warka ay jecel yihiin. Alle s.w waxuu leeyahay: ا م ك اء رب و ش لورا و ر# غ ’ ول ق ل ا# رف# خ# ر# ض ع ب ي ل م ا ه# عض ب ي ح و ي ن ج ل س وا# بلا ا ن طي ا ي شدوا ع ي ب# ن ل ك ل ا# ي عل ج لك# وكد رون ت# ف ب وما م ه رO د# وه ف ل ع# ف112 ام ع# بلا ون# ف ر ت ف م م ها وا م# ف ر ت ف ي له و و# ض ر لت و ره# خلا ا ب ون# ن مb و ي لا ن ي# د ال دهb ئ# فb ه ا ي ل ا ي# صغ ت ل و113. Sidii kuwii kaa horreeyey ay u lahaayeen cadow shayaadiin insi iyo jinniba leh ayaan shayaadiintaas u ogolaanay in qaarba qaarka kale u waxyoodaan hadal la qurxiyey oo baadil ah si ay xaqa uga leexiyaan, haddii aan Alle dooninna ma ayan sameeyeen ee faraha ka qaad baadilkay rabaan ha dhureene; kuwa aan aakharo rumeysneyn ha qaataan waxii ay ka maqlaan hana raali geliyaan hana dhegeystaan waxa ay u 1

Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

The Miracle of the Quran

Yaqiin iyo waa la yirih (Certainty and Hearsay)

By: Ahmed Mohamed Sh. Hussein(Ahmed Dheere)

Qaybta. 4aad.

الرحيم الرحمان الله بسم

Yaqiin waa wax la hubo sida Quraanka oo xaq la hubo ah, waa la yirinah waa waxii Quraanka ka soo hara.

Alle s.w waxuu noo sheegayaa in ay jiraan shayaadiin insi iyo jinniba leh oo nebi kasta cadow u ah dadkana jidka Alle ka hor joogsada waxayna dadka u sheegaan warka ay jecel yihiin. Alle s.w waxuu leeyahay:

بعض الي بعضهم يوحي والجن االنس شياطين عدوا نبي لكل جعلنا وكذلكيفترون وما فذرهم فعلوه ما ربك شاء ولو غرورا القول ولتصغي 112زخرف

هم ما وليقترفوا وليرضوه باالخرة يؤمنون ال الذين أفئدة اليهاالنعام. 113مقترفون .

Sidii kuwii kaa horreeyey ay u lahaayeen cadow shayaadiin insi iyo jinniba leh ayaan shayaadiintaas u ogolaanay in qaarba qaarka kale u waxyoodaan hadal la qurxiyey oo baadil ah si ay xaqa uga leexiyaan, haddii aan Alle dooninna ma ayan sameeyeen ee faraha ka qaad baadilkay rabaan ha dhureene; kuwa aan aakharo rumeysneyn ha qaataan waxii ay ka maqlaan hana raali geliyaan hana dhegeystaan waxa ay u sheegaan. Sur Alancaam 112-113. Waanu aragnaa maanta in kuwii naga horreeyey ay qaateen wax aan nebiyadii ka sugnaan aanaguna sidoo kale aan dhabbahoodii qadnay kana dooranay wax kale una nisbeyno nebiga n&n korkiisa ha ahaatee. In badan waxaad maanta arkeysaa in dadku jecelyahay in ay maqlaan waxaa la yirih oo loo dheg raariciyo lagana jecelyahay kitaabku waxa uu sheegay, waxaas loo sheegayana ay ka fogyihiin kitaabka. Waxaad maqleysaa oo kale meesha loo badan yahay raac Allana waxuu leeyahay:

وان الظن اال يتبعون ان الله سبيل عن يضلوك االرض في من أكثر تطع وان . االنعام يخرصون اال 116هم .

1

Page 2: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Haddii aad maqasho dadka intiisa badan ee dhulka saaran waa ay kaa dhuminayaan jidka Alle maxaa yeelay waxay raacayaan malo ay malo awaalayaan. Sur Alancaam 116

Muslimiin fara badan ayaa waxaa la aamin siiyey arrimo ka fog kitaabka kariimka ah iyadoo looga dhigayo diin taasoo ka fogeysey barashada Quraanka kariimka ah. Waxaad maqleysaa ereyo qofka garka deystah, koofiyana xirta surweelkana gaabsada lagu tilmaamo qof sunnihii ka muuqdo. Maxaa loola jeeda arrintaas?. Waa nin wadaad ah oo ku taagan dhabbihi nebiga. Walaal diinta laguma muujiyo arrimahaas mana aha diinteenu diin muuqaal ee waa diin aaminsanaan iyo ficil. Waa diin aqoon salka ku haysa aqoon oo culumo lagu sifeyn karo kan kitaabka ku xeeldheer.

Alle s.w waxuu leeyahay:

. النحل تعلمون ال كنتم ان الذكر أهل 43فسئلوا

Weydiiya dadka Quraanka yaqaan haddii adnaan garaneyn. Sur Annaxli 34

La isma weydiiyo maxay carabtu u qaadata qamiiska cad iyo cimaamadda. Ma diin ayey ka tahay?. Diin kama aha ee deegaanka ay ku noolyihiin ayey arrintaasi ka tarjumeysaa. Waa banka (the desert) oo cimaamadda ay kaga hortegaan ciida iyo dabeysha, koofiyadda iyo qamiiska cadna qorraxda maadaama dharka cadi celinayo kuleylka waana tan keentay xirashada dharkaas waan wax dhaqan u noqday. Hadda waxaan aragnaa dhallinyaradii joogtey dalalka yurub iyo nord America oo dharkaas xiran diina u haysta.

Waxaan halkaan ku soo qaadaneynaa arrimahaas kuwa ugu daran waana kuwa hoos ku qoran:

1. Rasuulka nebigana ah Maxamed n&n korkiisa ha ahaato kitaabka Quraanka kitaab aan ahayn oo la mid ah ma la siiyey?.

Jawaabtu horta waa maya, waase nasiib darro ah in muslimiinta qaarkood aminsanyihiin in kitaab Quraanka la mid ah oo maciis ah rasuulka la siiyey.  Waxaad ogaataan qofkii aminsan in Eebe rasuulka ku soo dejiyey kitaab aan ahayn Quraanka waxuu noqonayaa mid Alle s.w ku been abuurtay isaga ayaana daliil laga rabaa daliishaasina waa in ay ka sugnaataa Quraanka.

Alle s.w waxuu leeyahay:

دينا االسالم لكم ورضيت نعمتي عليكم واتممت دينكم لكم اكملت اليوم. . المائدة االية اخر 3الي

Maanta waxaan idiin kaamil yeelay idiinna taam yeelay diintiina  waxaana raali idiinka noqday islaamku (Quraanka) in uu diin idiin noqdo. Sur Almaaida 3;

. النحل شيئ لكل تبيانا الكتاب عليك 89ونزلنا

2

Page 3: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Waxaan kugu soo dejiney kitaab wax kasta caddeynaya.

Kitaabka Quraanka oo keliya ayaa Eebe ku soo dejiyey rasuulka misana in badan waxaa la cabsiiyey xaddiis uu wariyey Abu Dauud oo oranaya:

معه ومثله الكتاب اوتيت اني

معه ومثله القران اوتيت اني او

Waxaa la i siiyey kitaabka iyo mid la mid ah, marna oranaya waxaa la i siiyey Quraanka iyo mid la mid ah oo weheliya. Waxaa laga wadaa labo kitaab ayaa nebiga la siiyey oo midna kitaabka Quraanka ah yahay midna xaddiiska yahay.

Quraanka mid la mid ahi in uusan jirin waxaa u daliil ah:

ياتون ال القران هذا بمثل ياتوا ان علي والجن االنس اجتمعت لئن قلاالسراء. 88بمثله

Haddii insiga iyo jinnigu iskaashadaan in ay Quraankaan mid la mid ah keenaan ma keeni karaan.Alisraa 88. Waxaad arkeysaa in uusan jirin mid la mid ah.

Alle s.w waxuu nebiga ku yirih:

هذا الي وأوحي وبينكم بيني شهيد الله قل شهادة أكبر شئ أي قلاالنعام االية اخر الي بلغ ومن به النذركم 19القران .

Waxaad tiraahdaa markhaatiga ugu weyn waa kee, waxaad tiraahdaa Alle isagaa ayaa markhaati noo ah aniga iyo idinka waxaana la ii waxyoodey Quraankaan si aan idiinku digo iyo ciddii uu gaaro. Sur Alancaam 19.

Haddana waxaan eegeynaa tafsiirka labo aayadoo oo culumada qarkood u daliishadaan in rasuulka la siiyey labo kitaab waana meesha sartu ka quruntay.

Aayadda 1aad.

. النجم االية اخر الي يوحي وحي اال هو ان الهوي عن ينطق 43وما

Rasuulku hawadiisa kama hadlo, Quraankuna wax kale ma aha ee waa waxyi loo waxyoodey. Sur Annajmi 3-4; macnuhu waa nebigu Quraanka hawadiisa kagama qawlin.

Waxay aayaddaani ku timid markii xaqdiidayaashu ay yiraahdeen nebi Maxamed isagaa Quraanka keensaday oo waa qawlkiisa. Waxaa kale oo Alle leeyahay:

. الطور يؤمنون ال بل تقوله يقولون 33أم

3

Page 4: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Ma waxay leeyihiin Quraanku waa hadalkiisa balse ma rumeynayaan. Sur Adduur 33. Waxay ula jeedaan nebi Maxamad n&n korkiisa ha ahaatee Quraanka isaga ayaa keensaday oo waa hadalkiisii.

Waxay culumada qaarkood dadka ugu fasiraan: Rasuulku wax aan waxyi ahayn kuma dhawaaqo oo waxii afkiisa ka soo baxaa waa waxyi iyagoo aayaddaas u daliishanaya.  Arrintaasi in ayan sidaas ahayna waa caddahay waxaana u daliil ah aayado dhowr ah:

Alle s.w waxuu leeyahay:

يرجوا كان فمن واحد االه االهكم انما الي يوحي مثلكم بشر انا انما قل . الكهف احدا ربه بعبادة يشرك وال صالحا عمال فليعمل ربه 110لقاء

Waxaad tiraahdaa anigu wax kale ma ahi aan ahayn bashar idinla mid ah oo loo waxyoodo ilaa aakhirka Aayadda Sur Alkahfi 110; waxyigaasina waa Quraanka.

Marka la leeyahay bashar idinla mid ah waxaad garaneysaa in uu la macaamilayey qoyskiisa iyo bulshada inteeda kale oo ayan waxyi ahayn waxii uu kula hadli jirey. Waxaa arrintaas sii caddeynaya.  Alle waxuu leeyahay:

. ال االية اخر الي الله علي فتوكل عزمت فاذا االمر في وشاورهم159عمران

Iska cafi oo dembi-dhaaf Alle u weydii arrimahana kala tasho ilaa aakhirka Aayadda Sur Aalicimraan159;  haddiiba tashi meesha soo galay waxaad arkeysaa in mararka qaarkood rasuulku qaadan jirey fikradda asaxaabtiisa.  Midda kale canaanba sooma gaarteen. Alle waxuu leeyahay:

غفور والله ازواجك مرضات تبتغي لك الله احل ما تحرم لم النبي ايها ياالتحريم. 1رحيم

Nebigaanow maxaad u xaarameyneysaa waxii Alle kuu xalaaleeyey adigoo doonaya raaligelinta haweenkaaga. Sur Attaxriim 1; meel kale Alle waxuu leeyahay:

. الكاذبين وتعلم صدقوا الذين لك يتبين حتي لهم اذنت لم عنك الله عفا43التوبة

Alle waa ku cafiyey maxaadse ugu idantay ilaa aad ka hubsato kuwa runta sheegaya aadna ka ogaato beenlowyaasha.Sur Attowba 43; aakhiritaanka waxaad Quraanka ku arkeysaa arrimo rasuulku ka hadlay sida kuwii ugu yimid in ay dagaalka ka qayb qaataan hasa yeeshee aan gaadiid haysan waxuuna rasuulku ku yirih oo Alle leeyahay:

تولوا عليه احملكم ما اجد ال قلت لتحملهم اتوك ما اذا الذين علي وال . التوبة االية اخر الي مع الد تفيضمن 92واعينهم

Dembina maleh kuwii iyaguna markii ay kuu yimaadeen aad ku tirih waxaan idinku qaado ma hayo. Sur Attowba 92; ogow waa hadalkiisii ee waxyi ma aha.

4

Page 5: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

الله واتق زوجك عليك امسك عليه وانعمت عليه الله انعم للذي تقول واذاخر الي تخشاه ان احق والله الناس وتخشي مبديه الله ما نفسك في وتخفي

االحزاب. 37االية

Markaad ku lahayd kii Alle u nimceeyey adiguna u nimcaysay hayso haweentaada ilaa aakhirka aayadda Sur. Alaxsaab 37.  Intaas oo idil waxay ku tuseysaa in rasuulku uu arrimo aan waxyi ahayn ka hadli jirey oo waxii afkiisa ka soo baxaa ayan waxyi wada ahayan, waxyiguna uu ahaa Quraanka oo keliya.

Aayadda 2aad.  Alle waxuu leeyahay: 

الله ان الله واتقوا فانتهوا عنه نهاكم وما فخذوه الرسول ءاتاكم وما . الحشر العقاب 7شديد

War waxii rasuulku idin siiyo qaata waxii uu idinka reebana ka hara oo iska daaya.Sur Alxashri 7.

Aayaddaas waxay culumada qaarkood ku fasiraan sidaan. Waxii rasuulku idiin keenay qaata waxii uu idinka reebana ka hara taaso ay ku fasiraan axaadiista. Waxaa intaas ka daran waxay qabaan in axaadiistu ay Quraanka fasireyso oo ay dhameystireyso.  Horta iyadoon la isku hayn in waxii rasuulka xaggiisa ka yimaada la qaadanayo oo la adeecayo ayaa waxaa la isku hayaa qowlkaasi ma yahay qowlkii rasuulka. Waxaa arrimahaas kuu caddeynaya oo loo bandhigayaa waa Quraanka isaga ayaana assal ah. Haddana waxaan fasireynaa aayaddaas:

Labadaas aayadood waxaan ku soo marnay qaybta 1aad ee kitaabka ee waxaan ugu soo celiney qaybtaan iyadoo aan ka hadleyno arrimaha ugu daran ee muslimiinta la cabsiiyey sidaas ayaana ugu soo qaadanay mawduucaan. Alle waxuu leeyahay: 

يعطوا لم وان منها رضوا اعطوا فان الصدقات في يلمزك من ومنهمالله حسبنا وقالوا ورسوله الله اتاهم ما رضوا انهم ولو يسخطون هم . التوبة راغبون الله الي انا ورسوله فضله من الله 58-59سيؤتينا

Qoladaas waxaa ka mid ah kuwo sadaqada(sakada) kugu dura oo haddii la siiyana raali ah haddii aan lasiinna carooda. U roonaan lahaydaa in ay raali ku noqdaan waxii Alle siiyey, rasuulkiisuna siiyey oo ay yiraahdaan Alle ayaa na kaafiya oo fadligiisa na siinaya iyo rasuulkiisa ilaa aakhirka Aayadda Sur Attowba 58-59.

. الحشر فانتهوا عنه نهاكم وما فخذوه الرسول ءاتاكم 7وما

Waxaa markaas Alle leeyahay:  War waxii rasuulku idin siiyo qaata waxii uu idnka reebana ka hara.Sur Alxashri 7. Waxaanan ugu sii dheeraaneyn aayadaha sii caddeynaya arrintaas waxaad kaga bogan kartaan kitaabka qaybtiisa 1aad.

Labadaas aayadood ee aan kor ku soo xusnay ayaa fure u ah arrimahaas oo idil maxaa yeelay qofku haddiiba uu aaminsan yahay in waxii rasuulka afkiisa ka soo baxaa ay

5

Page 6: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

waxyi yihiin maxaad u sheegi kartaa maadaama uu daliishanayo macne meeshaba aan qaabileyn iyo iyadoo warkaas uu rasuulka u nisbeynayo aan la xaqiijin karin in uu rasuulka ka sugnaaday.

  2. Rasuulku qaybka (waxa maqan) ma ogaa?.

Jawaabtu waa maya.

Qaybka Alle s.w oo keliya ayuu u gaar yahay.  Aayadaha tilmaamayana waa badan yihiin waxaanse ka soo qaadaneynaa aayadahaan.  Alle waxuu leeyahay:

. االية اخر الي لله الغيب انما فقل ربه من اية عليه انزل لوال ويقولون20يونس

Qaybka Alle keliya ayaa iskaleh, suga aniguna waan idinla sugayaaye Sur.Yuunus 20;

Waxaad ku tiraahdaa idin oran mahayo agteyda waxaa ah khasnadaha Alle qaybkana anigu ma ogi, malaaigna ma ahi, waxaan raacaa oo keliya waxa la ii waxyoodey. Sur Alancaam 50; 

. االنعام االية اخر الي الغيب اعلم وال الله خزائن عندي لكم اقول ال قل50

Alle ma aha mid idin daalacsiiya (tusah) qaybka ilaa aakhirka Aayadda.Sur Aalicimraan 179;

الغيب اعلم كنت ولو الله شاء ما اال ضرا وال نفعا لنفسي املك ال قللقوم وبشير نذير اال انا ان السوء مسني وما الخير من الستكثرت

االعراف. 188يؤمنون

Waxaad ku tiraahdaa anigu nafteyda uma hayo nafac iyo lur waxii Alle doono mooyee, haddiise aan ogaan lahaa qaybka waxaan badsan lahaa wanaaga dhibaatana ima taabateen, waxaan ahay oo keliya mid u diga una bishaareeya qoladii rumeyneysa. Sur Alacraaf 188. Ugu dambeyntii Alle waxuu leeyahay:

فانه رسول من ارتضي من اال احدا غيبه علي يظهر فال الغيب عالم . الجن االية اخر الي رصدا خلفه ومن يديه بين من 26-28يسلك

Alle waa kan qaybka cilmi u leh qaybkiisana qofna uma feydo aan ka ahayn rasuul oo markaas hortiisa iyo gadaashiisa uu dhigo gaashaan (protection) si uu u ogaado in ay risaaladiisii gaarsiiyeen Allana isaga ayaa shey kasta tirakoobay. Sur Aljinni 26-28.  Marka la leeyahay aan ka ahayn rasuul waxaad arkeysaa in aan rususha la kala saarin ha noqdaan bashar ama malaaig. Sidoo kale qybkaas la sheegayna Quraanka ayaa loogu sheegay sida waxii hore u dhacay: Tusaale qisadii nebi Nuux n&n korkiisa ha ahaatee marka Alle leeyahay:

6

Page 7: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

قبل من قومك وال انت تعلمها كنت ما اليك نوحيها الغيب انباء من تلك . هود للمتقين العاقبة ان فاصبر 49هذا

Taasi waxay ka mid tahay xogta qaybka aan kuu waxyooney mana aadan ogeyn adiga iyo qoladaaduba Quraanka ka hor. Sur Huud 49.

Waxaa la yaab ah in dadka loogu sheekeeyo rasuulka ayaa nin u yimid waxuu ku yirih rasuulka Allow jannada iigu bishaaree waxuu ku yirih waxaad ka mid tahay ahlu jannada.  Nin kale ayaa isaguna rasuulka weydiistey waxuu ku yirih waxaa kaa soo hormaray Cukaasha ninka la yiraahdo. Arrintaas bal eeg waxa Alle ka yirih isagoo la hadlaya rasuulka:

ما اال اتبع ان بكم وال بي يفعل ما ادري وما الرسل من بدعا كنت ما قلاالحقاف مبين نذير اال انا وما الي 9يوحي

Waxaad tiraahdaa ma ahi mid ka duwan rususha oo wax cusub la yimid mana ogi waxa la igu sameyn doono iyo waxa idinka la idinku sameyn doono. Sur Alaxqaaf 9; ogow rasuulku jannada ma qaybiyo cidnana wakiil kama aha Alle s.w waxuu leeyahay:

يهتدي فانما اهتدي فمن ربكم من الحق جاءكم قد الناس ايها يا قل . يونس بوكيل عليكم انا وما عليها يضل فانما ومنضل 108لنفسه

Waxaad tiraahdaa dadow xaqu xagga Rabbigiin ayuu idiinka yimid ee qofkii ku hanuuna naftiisa ayuu hanuunshey kii dhumana iyaduu dhumiyey aniguna wakiil idinkama ahi. Sur Yuunus 108.  

Walaal Quraanku sidaas ayuu u caddeeyey haddiise aad qaadato wax laguu sheegay oo ka duwan qawlka Alle s.w waa adiga iyo nasiibkaa.  Waxaa arrintaas kasii daran arrimaha laga sheegay saacadda qiyaame oo la leeyahay rasuulku waxuu sheegay waqtigeeda iyo calaamaadka qiyaame.  Waxaan marka arkeynaa suaashaan iyadoo ay la xiriirto arrinta qaybka.  

3. Rasuulku saacadda qiyaame ma loo sheegay?.

Jawaabtu waa maya.

Alle s.w waxuu leeyahay:

لعل يدريك وما الله عند علمها انما قل الساعة عن الناس يسالك . االحزاب قريبا 63الساعة

Waxay ku weydiinayaan saacadda qiyaame, waxaad ku tiraahdaa ogaalkeedu waa Rabbigey agtiis maxaadse ka ogtahay inay dhowdahay. Sur Alaxsaab 63;

. فصلت االية اخر الي الساعة علم يرد 47اليه

7

Page 8: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Isaga xaggiisa ayaa loo ceshaa ogaalka qiyaame.Sur Fusilat 47;

ربك الي ذكراها من انت فيم مرساها ايان عة السا عن يسالونكالنازعات. 42-44منتهاها

Waxay ku weydiinayaan qiyaame markuu dhacayo ama la cayimay maxaadse ka ogtahay oo aad uga sheegi kartaa; Alle ayaa waqtigeeda og. Sur Annasicaat 42-44.

Waxaad arkeysaa in sua’alo fara badan oo la weydiiyey uu jawaabta Alle ka sugi jirey markaasna Quraanka loogu waxyoodey. Sidaas iyadoo arrimahaasi u cad yihiin ayaa misana waxaa caamada la cabsiiyey arrimo ay wariyeen Bukhaari iyo muslim oo ay ka weriyeen Abu Hureyra tilmaamayana calaamaadka qiyaame iyo goorta uu dhacayo iyo sida uu u dhacayo.  Adiigaa lagaa rabaa kii aad rumeysato Quraanku waxa uu kuu sheegay oo rasuulku kuu keenay iyo qowlka abuu Hureyra oo la yirih rasuulka ayuu ka wariyey. 

4.  Axaadiistu ma waxyibaa ?.

Jawaabtu iyaduuna waa maya.  Quraanku maxuu ka leeyahay oo ku tilmaamay xaddiis oo jamaceedu yahay axaadiis. 

Mar waa war (xog).  Alle waxuu leeyahay:

حتي معهم تقعدوا فال بها ويستهزا بها يكفر الله ءايات سمعتم اذا ان . النساء االية اخر الي غيره فيحديث 140يخوضوا

Haddaad maqashaan in aayaadka Alle la beeninayo laguna jees jeesayo halla fariisanina ilaa ay dhexgalaan xaddiis (war) ka duwaan. Sur. Annisaa 140;

. طاه االية اخر الي حديثموسي اتاك 9وهل

Ma kuu timid Muuse xogtiisii markuu arkay dab oo ehelkiisa ku yirih isuga ilaa aakhirka Aayadda. Sur Daah 9-10;

Marna waxuu tilmaamayaa Quraan.

الطور صادقين كانوا ان مثله بحديث 34فلياتوا

Ha keeneen war kan la mid ah haddey run sheegayaan.Sur Adduur 34;

. القلم يعلمون ال حيث من الحديثسنستدرجهم بهذا يكذب ومن فذرني44

Isu kaaya daaya aniga iyo midka warkaan beeninaya. Sur Alqalam 44.

Mar kale waa sheekooyin.

8

Page 9: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

احاديث وجعلناهم بعضا بعضهم فاتبعنا كذبوه رسولها امة جاء ما كل . المؤمنون يؤمنون ال لقوم 44فبعدا

Ummad kasta oo rasuulkeedu u yimaado way beeniyaan markaasaan qaarba qaarka kale ka dabageynaa (halaagnaa) oo aan ka yeelnaa sheekooyin, dheereyn ayaa u sugnaatay qoomkii aan rumeyn. Almuminuun 44.

Dadka waxaa loogu warramaa in axaadiistu ay waxyi yihiin Quraanka oo kale ah. Bal aan eegno arrintaas waxa ka jira. Waxaa la hayaa in rasuuku yirih: Yaan la iga qorin wax aan Quraan ahayn qofkii qoraana ha tiro. Xadiiskaan waxaa wariyey Axmed, Muslim, Daarami, Tirmidi iyo Nisaai oo ay ka wariyeen  Abi Siciid Al Khudri Alle ayaana u ogaal badan. Warka rasuulka lama qorin lamana xafidin waqtigiisii iyo waqtigii saxaabada iyo kuwii ka dmbeeyey sida loo qoray Quraanka Allana u xafiday. Midda kale saxaabadii rasuulka u dhoweyd waxa keliya oo ay haysteen waxuu ahaa Quraanka.  Waxaa kale oo jira xaddiis oranaya: Waxii Alle kitaabkiisa ku xalaaleeyey waa xalaal waxii uu ku xarrimayna waa xaaraan waxii uu ka aamusayna waa caafiyo ee qaabila caafiyadiisa Allana wax ma hilmaamo. Waxaa wariyey: Albazaar,Dabraani, Ibnu abi Xaatim uuna ka wariyey Abi Addaraa Alle ayaana u ogaal badan.

Waxaa qofka muslimka ah u bannaan in uu isweydiiyo haddiiba aan la qorin warka rasuulka ee ka baxsan Quraanka lana yiraahdo waa waxyi warkaasi misana aan la hubin in uu rasuulku yirih miyayna ahayn in waxyigii qaarna la qoray (Quraanka) qaar kalana dhumay, arrintaasina wax la qaadan karo ma aha.

Haddana waxaan xuseynaa labada imaam oo loogu kalsoon yahay axaadiista ay wariyeen waana Muslim iyo Bukhaari.

Imaam Muslim. Waxuu dashay ayaa la yiraahdaa 204 hijriyada ka dib waxuuna dhintay 286 hijriyadda ka dib;

Imaam Bukhaari. Waxuu dhashay 194 hijriyadda kadib waxuuna dhintay 256 hijriyadda kadib Alle ayaana u ogaal badan. Halkaas waxaa qof kasta oo caaqil ah uu garan karaa waqtiga intaas ah waxii la qoray oo soo maray dad fara badan oo ay ku jiraan dhallinyaro da’doodu yarayd sida ibnu Cabbaas, kuwo sanooyin yar soo gaarey rasuulka sida Abuu Hureyra, dad wax illobi kara, kuwo sidey wax u maqleen si ka duwan u sheegaya in aan lagu tilmaami karin warkaas waxyi. Sidoo kale markii la aruuriyey axaadiistaas waxaa loo kala saaray darajooyin kala duwan sida uxaad (qof keliya), mutawaatir (dad fara badan) daciif, saxiix iyo xasan. Bal walaal adigu miskaxdaada la kaashoo war waxyi ah ma lagu tilmaami karaa daciif iyo wax la mid ah. Waa maya. Tan kale Muslim iyo Bukhaari iyo dhammaan dadka axaadiistaas warinaya midkoodna ma arag mana soo gaarin nebiga iyo asaxaabtiisi. Waxyigu waa kitaabka Quraanka Alle s.w ayaana xafiday oo dhawray waxuuna leeyahay:

. الحجر لحافظون له وانا الذكر نزلنا نحن 9انا

9

Page 10: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Annga ayaa Quraanka soo dejiney annaga ayaana xafideyna.Sur.Alxijri 9.Wadaad aan maalin doodi na dhaxmartay oo ahlu xaddiis isugu key sheegay ayaan Aayaddan u daliishey markaasuu igu yirih dikriga la sheegay Quraanka keliya loolama jeedo ee axaadiistana waa loola jeedaa. Doodayadii halkaas ayey ku xirantay isagoo ii haysta nin aan diintaba haysan aniguna u haysto nin wax ka khaldan yihiin. Walaal warka maanta la sheego waxuu berito kuugu imaanayaa si ka duwan kii shakay ee maxaad moodaa warka rag werinayaan labo boqol oo sano ka hor oo loo nisbeynayo nebiga misana awaamir bixinaya aan Quraanka ku ool.

Quraanka ku arki maysid aayad oraneysa axaadiista ayaan kuu waxyooney. Waxaa kale oo la yaab ah marba haddii culumadaasi ay qabaan in axaadiistu waxyi tahay maxaa labada waxyi kan axaadiista ka xoog badiyey waxyiga Quraanka. Waxaan sidaas u leeyahay waxaad la socotaan in culumadaasi had iyo jeer markay wax wacdiyahayaan ay soo daliishadaan dhowr xaddiis oo aadan marnaba ka maqleyn hal aayad. Waxay sidaas u yeelayaan in ay xusaan rasuulka oo ay yiraahdaan “rasuulka waxaa laga wariyey”. Dadku markaas waa u dheg raaricinayaan. Maxaa diidan in ay u fasiraan labo aayadood oo Alle s.w ku soo dejiyey rasuulka n&n korkiisa ha ahaatee.

5.  Sunnaha iyo Quraanka.

Waxaad muslimiinta ka maqleysaa had iyo jeer: Waxaan raacayaa sunnaha nebiga n&n korkiisa ha ahaatee. Marka waxaan halkaan ku xuseynaa maxuu ka yirih Quraanku arrinta sunnaha.

Sunne waa sharci waana jid iyo manhaj waxaana loo nisbeeyaa Alle s.w iyo sharcigiisa ama jidkiisa uu kula tacaamulo (dhaqmo) biniaadamka mu’minkiisa iyo mushrikiisaba.

Xaqdiidayaashu mar kasta waxay ahaayeen kuwo iska koryeela xaqa, Allana sharcigiisu ama jidka uu u maraa waxay ahayd in uu dhagartooda la gooyo . Alle s.w waxuu ka warramay mushrikiintii Maka markay yiraahdeen haddii uu noo yimaado rasuul waanu rumeyneynaa. Markii Alle s.w nebi Maxamed n&n korkiisa ha ahaatee uu soo direyna ay beeniyeen. Alle s.w waxuu leeyahay:

فهل باهله اال السيئ المكر يحيق وال السيئ ومكر االرض في استكباراالله لسنت تجد ولن تبديال الله لسنت تجد فلن االولين سنت اال ينظرون

فاطر. 43تحويال

Isla weyni ay dhulka la yimaadeen (arrogance) iyo ficilo xun, ficil xunina waxu saameeyaa ehelkiis waxayse dhowraan waxii ku dhacay kuwii ka horreeyey sunnaha Allana lama badalo lamana leexiyo. Sur Faadir 43;

اال خالفك يلبثوا ال واذا منها االرضليخرجوك من ليستفزونك كادوا وان . االسراء تحويال لسنتنا تجد وال رسلنا من قبلك ارسلنا قد من سنة قليال

77-76

10

Page 11: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Waxay sigeen oo ku dhowaadeen in ay ku cabsi geliyaan si ay dhulka kaaga saaraan, haddiise ay dhici lahayd kaama ay dambeeyeen wax badan (waa la halaagi lahaa). Waa wax aan hore ugu jideyney rusushii kaa horeysey ee aan hortaa dirnay kumana arkeysid sunnaha Alle weecasho. Sur Alisraa 76-77;

Waxaad kale oo aad eegtaa Sur.Alfatxi 22-23; Alaxsaab 60-62.

Rasuulku waxuu raaci jirey sunnaha Alle ama sharcigiisa (Quraanka) suune kalana ma jiro. Alle waxuu leeyahay:

واليوم الله يرجوا كان لمن حسنة اسوة الله رسول في لكم كان لقد . االحزاب كثيرا الله وذكر 21االخر

Rasuulka xaggiisa waxaa idiinka sugnaatay ku dayasho wanaagsan qofkii doonaya Alle iyo maalinta aakharo.Sur Alaxsaab 21. U fiirso lama oran waxaa idiinku sugnaatay sunne wanaagsan ee waxaa la yirih waxaa idiinka sugnaatay kudayasho wanaagsan. Waxaa Caaisho laga wariyey mar la weydiiyey dhaqanka rasuulka waxay ku jawaabtey ayaa la yirih dhaqankiisu waxuu ahaa Quraanka. القران خلقه Alle ayaana u ogaal كانbadan. Waxaa Alle leeyahay:

. القلم عظيم لعليخلق 4وانك

Waxaad ku sugan tahay dabeecad sare. Sur Alqalam 4.

Haddaba qofkii doonaya in Alle raali ka noqdo rasuulka waa in uu kaga daydaa dabeecaddiisii, deeqdiisii, dhaqankiisi, naxariistiisii iyo arrimaha uu Eebe faray hana raaco kitaabka Alle oo ay arrimahaasi ku dhan yihiin ee ma aha in uu yiraahdo waxaan qaadanayaa qamiiskii iyo cimaamadii uu qaadan jirey iyo waxii uu raaci jirey (faras ama rati) taasina macane ma sameyneyso adigoo dayacay awaamirtii uu Eebe kaaga keenay. Sunnaha nebigu waa kii uu ummad dulmi iyo dibudhac ragaadiyey gaarsiiyey caddaalad iyo horumar. Kaas weeye waxa maanta laga doonayaa muslimiinta ee ma aha gar la deysto, koofiyad iyo cimaamad la xirto ama surweelka la gaabsado oo lagu andacoodo waxaa ka muuqa sunnihii nebiga. Waxaa la oran karaa waxaa ka muuqda waa labis carbeed. Waxaa taas ka daran iyadoo magacyadii soomaliga ahaa ama kuwii lala bixi jirey lagu beddeshey magacyo horle oo tilmaamaya dhaqankii carbeed sida Abu Maryam oo markaas loola jeedo in uu qofkaasi sunnihii ku taagan yahay ama islaanimadiisu sareyso. Waa arrimaha nagu soo kordhay oo runtii dhibkooda wata. Waa maskax la dhaqayo oo hor leh oo aan laga qubi karin waxii lagu shubo. Walaal rasuulka addeeciddiisu waa waajib aan laga hadli karin ee waxa la isku haystaa waxay tahay warkaasi warkii nebiga n&n korkiisa ha ahaatee ma yahay.

Ugu dambeyntii waxaa Alle s.w leeyahay:

الذين في الله سنة له الله فرض فيما حرج من النبي علي كان ما . االحزاب مقدورا الله أمر 38خلواوكان .

11

Page 12: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Wax dhib ah kuma qabo nebigu gudashada waxii Alle faray waa sunne Alle oo xataa kuwii hore khuseeya amarka Allana waa wax goan (determined duty). Sur Alaxsaab 38. Walaal sunne waa kaas.

6. Rasuulka ma la siiyey mucjiso aan Quraanka ahayn ?.

Jawaabtu horta waa maya, maya iyo maya.

Rasuulka mucjiso waxaa ugu filan Quraanka. Waxaa jira culumo dadka ugu waranta in rasuulku dayaxa kala dhambalay oo gacmihiisa ku kala qabtay labadii qalbac.  Haddana waxaan arkeynaa Aayado dhowr ah oo caddeynaya in rasuulka aan la siin wax mucjiso ah oo aan Quraanka ahayn. Alle s.w waxuu leeyahay:

االرض في نفقا تبتغي ان استطعت فان اعراضهم عليك كبر كان وانفال الهدي علي لجمعهم الله شاء ولو بئاية فتاتيهم السماء في سلما او

. االنعام الجاهلين من 35تكونن

Haddii ay kula weynaatey ka baydadkooda Quraanka ogow haddii aad damacdo in aad dhulka dhinac ka gasho dhinaca kalana ka baxdo ama aad samada jaran jaro ku korto oo aad mucjiso u keento kuma rumeynayaan ilaa aakhirka aayadda. Sur Alancaam 35; Eebe waa ogyahay in ayan rumeyneyn marka loo keenimayo.

. خاضعين لها اعناقهم فظلت ءاية السماء من عليهم ننزل نشا ان4الشعراء

Haddii aan doono waxaan circa uga soo dejin lahayn mucjiso markaas ayey khassab ku rumeyn lahaayeen. Sur Ashucaraa 4; ogow misana Alle uguma tala gelin in uu khasbo si ay u rumeeyaan.

. االية اخر الي االولون بها كذب ان اال بااليات نرسل ان منعنا وما59االسراء

Wax kale nagama reebin in aan mucjiso soo dirno aan ka ahayn in kuwii ka horeeyey beeniyeen. Sur Alisraa 59; fiiri aayadaha Sur (Yuunus 20, Alxijri 7-9; 14-15; Alisraa 90-93; Alanbiyaa 5-6). Ugudambeyntii haddii mucjiso kuwii hore la mid ah la soo dejin lahaa oo ay beeniyaan waa la halaagi lahaa sidii qoomankii hore waana sunne Alle.

7. Rasuulku maalinta qiyaame ummaddiisa ma u shafeecayaa?.

Arrintaas daliil looma hayo.

Shafeeco waa qof kala hadla qof kale si wax loogu qabto afka qalaadna lagu oran karo (recomandation). Halkaan waxaan ku xuseynaa arrintaan oo dad fara badini isku halleeyo waxa Alle s.w ka yirih.

12

Page 13: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Alle waxuu leeyahay:

يعقلون وال شيئا يملكون ال كانوا اولو قل شفعاء الله دون من اتخذوا اماخر الي جميعا الشفاعة لله الزمر. قل 43 - 44 االية

Ma waxay yeesheen Alle ka sokow kuwo u shafeeca waxaad ku tiraahdaa bal ka warran haddii ayan waxba heli karin caqlina ayan lahayn. Waxaad ku tiraahdaa shafeeco gebi ahaanteed Alle ayey u sugnaatay.Sur Assumar 43-44;

Maalinta qiyaame iyo shafeecada.

Alle waxuu leeyahay:

شيئا نفس عن نفس تجزي ال يوما الي واتقوا شفاعة منها يقبل وال . البقرة االية 48 اخر

War ka dhowrsada maalin qof uusan qof kale wax u tari karin haba yaraatee, shafeecana aan laga aqbalayn, wax ay isku furtaanna aan laga qaadaneyn isla markaasna aan loo hiilineyn.Sur Albaqara 48. Naf lama kala saarin ee u fiirso.

عدل منها يقبل وال نفسشيئا نفسعن تجزي ال يوما تنفعها واتقوا وال . البقرة االية اخر الي 123 شفاعة

War ka dhowrsada maalin qof uusan qof kale wax u tarayn furashana aan laga aqbaleyn , shafeecana wax u tarayn, loona hiilineyn.Sur Albaqara 123;

فيه بيع ال يوم ياتي ان قبل من رزقناكم مما انفقوا امنوا الذين ايها ياخلة . وال البقرة الظالمون هم والكافرون شفاعة 254 وال

Kuwa kitaabka rumeeyayow wax ka bixiya waxa aan idinku irsaaqnay ka hor inta ayan imaan maalin aan beec jirin, saaxibtinimo jirin, shafeecana jirin xaqdiidayaashuna waa daalimiin.Sur Albaqara 254.

Affartaas aayadood waxay tilmaameen haddii aad dhuuxdo in marka hore shafeeco ay Alle keliya u sugnaatay oo aan qof kale la wehelin; in aan shafeeco la aqbalayn waxna tarayn ugu dambeystiina ayan jirin.  Arrintaan waxaad kaga bogan kartaa qaybta 1aad ee kitaabka.

8. Ummadda nebi Maxamad naarta malaga soo saaraa ?.

Horta arrintaas iyadana meel looma hayo, maxaase kitabku ka yirih?.

Dad badan ayaa qaba in ummadda nebi Maxamed marka ay naarta galaan ayan ku raagin ee laga soo saaro markiiba. Haddiiba ay dhacdo maxay tartay shafaacadii la isku

13

Page 14: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

haleynayey. Arrintaas iyadana waxba kama jiraan oo umaddaani waxay ka mid tahay ummadaha kale. Tan kale maxay ku muteysteen ka soo saarid haddiiba ay naar galabsadeen oo ay la yimaadeen danuubta naarta lagu galo sida shirkiga.

Haddana waxaan eegeynaa aayadaha arrintaas ka hadlaya oo aan ummad keliya khuseyn ee caam ah.

Marka hore naartaba waa laga fogeeyaa axadka Alle danuubtiisa ka dhowrsaday. Tan labaadna naarba waxaa gala oo aan laga saarin ama ku waara axad Alle s.w wax la wadaajiye cibaadadiisa axad kale, axadka danuubta kale galase Alle s.w waa u dhaafa kuu doono.

Alle s.w waxuu leeyahay: 

من للظالين وما النار وماوئه الجنة الله حرم فقد بالله يشرك من انهالمائدة. 72انصار

Qofkii Alle cibaadadiisa wax la wadaajiya Alle waa ka xaaraameeyey jannada hoygiisuna waa naar daalimiintuna hiil malaha.Sur.Almaaida 72.  Meel kale Alle waxuu leeyahay:

وال السماء ابواب لهم تفتح ال عنها واستكبروا بئاياتنا كذبوا الذين ان. المجرمين نجزي وكذالك الخياط فيسم الجمل يلج حتي الجنة يدخلون

40االعراف

Kuwa aayaadkayaga beeniyey iskana kibriyey jannada albaabadeeda looma furo ilaa uu rati ka galo irbadda daloolkeeda.Sur.Alacraaf 40.  Macnaha waa mustaxiil in uu naarta ka baxo;

. االنبياء مبعدون عنها اولئك الحسني منا لهم الذينسبقت 101ان

Kuwa jannadu u xaqowdey duulkaas waa laga dheereeya naarta.Sur Alanbiyaa 101.

. عمران ال انصار من للظالمين وما اخزيته فقد النار تدخل من انك ربنا192

Waxay yiraahdeen Rabbigayagow axadkaad naar geliso waad hoojisey daalimiintuna wax u hiiliya ma helayaan. Sur Alicimraan 192. Waxaad arkesaa in daalinba haddu yahay uusan hiil iyo shafeeco toona heleyn.

9. Rasuulka nebi Maxamad ah ma la sixray?.

Jawaabtu iyaduna waa maya.

Culumada qaar ayaa aaminsan nebiga in nin yuhuud ahi sixray, meeley ka keeneenbana waa arrin aan jirin kitaabkana aadan ku arkayn. Alle waxuu leeyahay:

14

Page 15: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

بلغترسالته فما تفعل لم وان ربك من اليك انزل ما بلغ الرسول ايها يا . المائدة الكافرين القوم يهدي ال الله الناسان من يعصمك 67والله

Waxuu Alle leeyahay :

Rasuulkaanow gaarsii waxii Rabbigaa xaggiisa lagaaga soo dejiyey haddii aadan yeelinna ma adan fulin risaaladiisa Alle ayaana kaa dhawraya dadka.Sur Almaaida 67. Halkaas waxaad ka garatay in rasuulka Alle s.w uu ka dhawray dhibaateynta dadka. Alle waxuu leeyahay:

. االسراء مسحورا رجال اال تتبعون ان الظالمون يقول 47اذ

Daalimiintu waxay yiraahdeen waxaad raaceysaan nin Sixran.Sur.Israa 47. Haddii aan rumeysano warkaas waxaan la mid noqoneynaa daalimiintaas Alle sheegay.

10. Rasuul ma la diley?.

Jawaabtu iyana waa maya.

Alle s.w sidii aan hore u sheegnay isaga ayaa ballan qaaday badbaadada rusushiisa maadaama ay fulinayaan hawl culus oo ah gaarsiin kitaab loogu tala galay in uu gaaro ummad dhan.

Arrintaasi si ay u caddaato waxaan horta arkeynaa macnaha qatli ee Quraanka lagu xusay. Qatliga oo marar badan loo isticmaalay nebiyada inkastoo meelo kalana lagu xusay aan khuseyn nebiyada.

Qatli Dil ah. Alle s.w waxuu leeyahay:

Alle idinkiis waa ay jebiyeen cadawgii, Daaudna waa diley Jaaluut.Sur Albaqara 251; sidoo kale Alle waxuu leeyahay: Uma bannaana qof mu’min ahi uu dilo mu’min si kama ah mooyee.Sur. Annisa 92.

Qatli dheereyn ama ciqaab ah.   Alle waxuu leeyahay:

. عبس اكفره ما االنسان 17قتل

Raxmadda hallaga dheereeyee insaanka maxaa ku gaalnimo ah.Cabasa 17; Waa sida aan niraahno wax dhintay weeye. Ogow markaas waa qof la liidayo.

كذبتم ففريقا استكبرتم انفسكم تهوي ال بما رسول جاءكم افكلما . البقرة تقتلون 87وفريقا

Markii rasuul idiinla yimaado wax aan hawadiinu ka heleyn waad iskibriseen markaasaad qaarna beeniseen qaarna dheereyneyseen. Culumada qaarkeed ayaa marka ay Aayaddaan fasirayaan waxay tilmaamaan in nebi yaxye la dilay maxaase Alle s.w ka leeyahay:

15

Page 16: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

. مريم يبعثحيا ويوم يموت ويوم ولد يوم عليه 15وسالم

Nabadgelyo korkiisa ha ahaato maalintii la dhalay, maalinta uu dhinto iyo maalinta isagoo nool la soo saaro.Sur Maryama 15.

Intaas keliya ma aha ee waxaan arkeynaa sida Alle s.w u ballan qaaday badbaadinta rusushiisa.  Alle Waxuu leeyahay:

لله والحمد المرسلين علي وسالم يصفون عما العزة رب ربك سبحان . الصافات لمين العا 180-182رب

Rabbigaa ciska leh ayaa ka hufan waxa ay ku tilmaamayaane nabad gelyana rususha korkooda ha ahaato mahad ama ammaan dhammaanteedna Alle ayey u sugnaatay. Sur Assafaat 180-182.

Arrinta qatliga waxaad kaga bogan kartaan kitaabka qaybtiisa 2aad.

12. Rijaalu alacraaf. Maxay yihiin?.

Culumo ayaa dadka ugu warrama waxaa jira dad maalinta qiyaame camaladoodu is le’ekaado oo markaas la geeyo meel jannana ahayn cadaabna ahayn. Arrintaas horta iyaduna ma jirto oo wax u dhexeeya janno iyo cadaab ma jiraan mana la sheegin. Waxaan halkaan ku fasireynaa aayadda 46 ee Sur Alacraaf. Alle markii uu noo sheegay doodii dhex martay qolada jannada iyo qolada naarta ayuu waxuu leeyahay:

. يطمعون وهم يدخلونها ال بسيماهم كال يعرفون رجال االعراف وعلي46االعراف

Acraaf dusheedana waxaa ah rijaal bar garanaya dhammaantood markaasey u yeeraan qolada jannada oo ay ku yiraahdaan nabad gelyo korkiina ha ahaato  mana ayan gelin (jannada) ee wa ay filayaan. Markii ay u jaleecsmaan asaxaabta naarta waxay yiraahdaan Eebow hanaga yeelin qoomka daalimiinta macooda. Sur Alacraaf 46. Rijaal waxaan dhihi karnaa waa kuwu lugeynaya oo rag iyo dumar leh ee ma aha rag. Acraaf waa meel sare waxayna ka timid carafa.

Waxaa intaas kasii daran in iyadana laga ben sheego xayawaanka oo la yiri waa la soo kulmiyaa markaasaa loo kala gar qaadaa oo mid haddey hardidey mid kale laga gar siiyaa. Arrintaasi waa wax xaqiiqada ka fog oo ma aha wax la qaadan karo maadaama aan xayawaanka la kalifin oo aan caqli la siin lama xukumo ee waxaa xukun mudan waa jinniga iyo insiga.

13. Qofka diintiisa ka laabta (ridooba) ma la dilayaa?.

16

Page 17: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Jawaabtu iyadana waa maya.

Marka ugu horeysa Alle s.w rumeynta waxuu ka dhigay xor oo qofna laguma khasbin in uu rumeeyo.  Waxaa Alle s.w leeyahay:

. البقرة االية اخر الي الغي من الرشد تبين قد الدين في اكراه 256ال

Diintu khassab ma aha hanuunka iyo baadiduna way kala cadyihiin.Sur Albaqara 256;

. االية اخر الي فليكفر شاء ومن فليؤمن شاء فمن ربكم من الحق وقل29الكهف

Waxaad ku tiraahdaa xaqu xagga Rabbi ayuu idiinka yimid ee qofkii doona ha rumeeyo kii doonaana ha diido waxaanse daalimiinta u diyaarinay naar.Sur Alkahfi 29;

. الكافرون دين ولي دينكم 6لكم

Waxaad ku tiraahdaa diintiina ayaad leedihiin anna teyda.Sur Alkaafiruun 6.

Tan labaad Alle isagoo ka hadlaya qolo markay kitaabka rumeysay haddana gaalowdey ayuu waxuu leeyahay:

ليغفر الله يكن لم كفرا ازدادوا ثم امنوا ثم كفروا ثم امنوا الذين ان . النساء سبيال ليهديهم وال 137لهم

Kuwa kitaabka rumeeyey misana beeniyey, haddana rumeeyey markaas kadibna gaalnimo kororsaday Alle ma aha mid u dembidhaafa jidka toosanna kuma hanuuniyo. Sur Annisa 137.

الي حق الرسول ان وشهدوا ايمانهم بعد كفروا قوما الله يهدي كيف . عمران ال االية 86اخر

Sidee ayaa Alle u hanuuniyaa qoom xaqqa diidey rumeyntoodii kadib oo qiray in rasuulku xaq yahay ilaa aakhirka Aayadda.Sur Aalicimraan 86; waxaa lagu soo gunaanadey kuwii ka toobad keenay mooyee oo wanaag sameeyey Eebana waa dhaafe raxiim ah. Labadaas Aayadood waxaad ka garaneysaa in fursad loo siiyey ay ku toobad keenaan isla markaasna ciqaabtoodu ay tahay aakharo. Tan saddexaad Alle si toos ah ayuu u tilmaamay kuwa diinta ka baxay oo aan dil muteysan. Alle waxuu leeyahay:

في اعمالهم حبطت فاولئك كافر وهو فيمت دينه عن منكم يرتد ومن . البقرة خالدون فيها هم النار اصحاب واؤلئك واالخرة 217الدنيا

Kii idinka mid ah oo diintiisa ka laabta oo ku dhinta gaalnimo kuwaas camaladoodu waa bureen adduunyada iyo aakharaba waana asaxaabta naarta oo ay ku waarayaan.Sur Albaqara 217; Waxaa la yirih ku dhinta gaalnimo sidaas darteed waxaanu ogaaney in toobadi u bannaan tahay.

17

Page 18: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

بقوم الله ياتي فسوف دينه عن منكم يرتد من امنوا الذين ايها يا . المائدة االية اخر الي ويحبونه 54يحبهم

Kuwa kitaabka rumeeyayow kiina idinka mid ah ee ka gaddooma diintiisa Alle waxuu mudan yahay in uu keeno qoom Alle jecelyahay iyaguna Alle jecel.Sur Almaaida 54.

Xaggee laga keenay in la dilo qofka ka laabta diinta. Walaal kitaabka rasuulka lagu soo dejiyey ku arki meysid qof murtad ah halla dilo.  Waxaa intaas ka sii daran iyadoo Aayadahaas la akhrinayo ayaa misana waxaa dadka loogu warramaa xaddiis caan ah oo la yirih rasuulka ayaa laga wariyey oranayana:

الله اال االه ال يقولوا الناسحتي اقاتل ان   .امرت

Waxaa la i faray in aan la dagaalamo dadka ilaa ay ka ashahaataan. Maxaad ula yaabeysaa dadka gaalada ah ee nagu dura in diinta islaamka lagu fidiyey seef.  Halkaas ayey ka keeneen oo annaga ayaa waxaas faafineyna oo qabna. Walaal diinta islaamku waa naxariis seefna cidna laguma islaamin ee qofku waa in uu ku qancaa.  Waxaa intaas ka daran iyaduna in qofkii yiraahda xaddiiskaas looma nisbeyn karo rasuulka lagu tilmaamo gaal diinta ka baxay.

13.  Aayaado la nasakhay oo aan lagu dhaqmin miyaa kitaabka noogu yaal?. 

Jawaabtu iyana waa maya.  Culumo ayaa dadka ugu fasira in Quraanka aayado la nasakhay oo aan lagu camal falin ku yaaliin.  Qaar kalana waxay qabaan in aayado dhowr ah axaadiisi nasakhday. Marka ugu horreysa caqli gal ma tahay in aayado noogu yaal kitaabka aan lagu camal falin. Alle waxuu noogu soo dejiyey aayadaha in lagu camal falo lamana keeneen haddii aan loo baahneyn. Alle Quraanka ayuu noogu sheegay in aayado la nasakhay ay jireen uuna noogu bedeley kuwo nooga wanaag badan ama la mid ah, kuwii la nasakhayna ayan ku ool kitaabka lagase garan karo kuwey ahaayeen.  Aayadahaasna waxaan ku soo marnay kitaabka qaybtiisa 1aad. Alle waxuu leeyahay:

علي الله ان تعلم الم مثلها او منها بخير نات ننسها او ءاية من ننسخ ما . البقرة قدير 106كلشئ

Aayaddaan nasakhno ama aan illowsiino waxaan keenaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Sur Albaqara 106;

Alle waxuu kale oo leeyahay:

بل مفتر انت انما قالوا ينزل بما اعلم والله ءاية مكان ءاية بدلنا واذا . النحل االية اخر الي يعلمون ال 101-102اكثرهم

Haddii aan ku beddelno aayad booskeeda aayad kale Alle ayaana u ogaal badan waxii uu soo dejinayo waxay oranayaan Alle aayaad ku been abuuratay intooda badanise wax ma garanayaan. Waxaad ku tiraahdaa Jibriil ayaa xagga Rabbi ka soo dejiyey. Sur Annaxli.101-102

18

Page 19: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Arrintaas kuma fogaaneyno waxaadse kaga bogan kartiin kitaabka qaybtiisa 1aad.

14.  Cadaabu qabri ma jiraa?.  Jawaabtu iyaduna waa maya.

Waxaa la isugu waramaa in uu jiro cadaabu qabri waana laga duceystaa mar kasta. Arrintaas iyadoo annaan ku dheeraneyn waxaa walaal kugu filan Aayadaha Eebe leeyahay:

الي بينهم يتعارفون النهار من االساعة يلبثوا لم كان يحشرهم ويوم . يونس االية 45اخر

Maalinta aan soo kulminno waxaad moodaa in ayan negaan saacad gelinkeed dhexdoodana waa ay isgaranyaan waxaase khasaaray kuwii la kulanka Eebe beeniyey mana ayan ahayn kuwo hanuunsan.Sur yuunus 45;

وصدق الرحمان وعد ما هذا مرقدنا من بعثنا من ويلنا يا قالوايئسن. 52المرسلون

Waxay yiraahdaan shallaytadane yaa naga toosiyey hurdayadii waxaa lagu yiraahdaa waa waxii uu Eebe yaboohay rusushiina ay ku run sheegeen. Sur Yaasiin 52

Haddaba dad qabri ka soo baxay oo ereyadaas ku tiraabaya ma yihiin dad cadaab soo arkay. Tan kale Eebe maalinta qiyaame ayuu ugu tala galay cadaab weyn.

15. Ya’juuj wa Ma’juuj hadda ma jiraan oo ma soo bixi doonaan?.

Jawaabtu waa maya oo hadda ma jiraan waase jireen waqtigii Eebe tilmaamay.

Dadka waxaa loogu warrama in Ya’juuj iyo Ma’juuj ay meel ku xiran yihiin oo ay ooda soo jabsanayaan waxna halaagayaan. Waxaan haddana eegeynaa Aayadaha ku soo arooray arrintaas. Alle s.w waxuu ka soo warramay qisadii caanka ahayd ee Dul qarneyn iyo meelihii uu soo maray kadibna waxuu noo sheegay in uu gaarey labo biyo xireen dhexdood oo ay ku noolyihiin qoom aan la fahmi karin hadalkooda waxayna ku yiraahdeen:

نجعل فهل االرض في مفسدون وماجوج ياجوج ان القرنين ياذا قالوا . الكهف سدا وبينهم بيننا تجعل أن علي خرجا 94لك .

Dul qarneynow Ya’juuj iyo Ma’juuj dhulka ayey kharribayaan ee maxaad ka leedahay haddii aan ku hawlgelino oo annaga iyo iyaga aad darbi (barrier) na dhex dhigto. Waxba yaanaan ku dheeraane waxaa Eebe Quraanka noogu sheegay in uu hawshii fuliyey. Waxaa arrintaas lagu soo gaba gabeeyey marka Alle s.w leeyahay:

ربي وعد وكان دكاء جعله ربي وعد جاء فاذا ربي من رحمة هذا قالالكهف. 98حقا

19

Page 20: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Dul qarneyn waxuu yirih: tani waa raxmad xagga Rabbigey ah ee markii uu yabooha Rabbigey yimaado digada ayuu ka dhigayaa, yabooha Rabbigeyna waa xaq. Sur Alkahfi 98. Ma jiraan maanta meel qoladaasi ay isaga xiran yihiin ee daamkaasi waa burburay sida Alle tilmaamay.

16. Nebi Ciise n&n korkiisa ha ahaatee ma noolyahay?

Jawaabtu horta waa maya.

Waxaan halkaan ku xuseynaa saddex arrimood oo la xiriirta nebi Ciise waana kuwa hoos ku qoran:

A. Nebi Ciise ma noolyahay?; B. Ma imaanayaa qiyaame ka hor?;  C. Cirka in loo qaaday ma jirtaa?.

Arrimahaas oo idili jawaabtoodu waa maya oo ma noola lamina dilin waxuuna u dhintay si caadi ah; qiyaame ka hor imaan mayo, cirkana looma qaadin oo waaba dhintay. Muslimiinta badidood waxaa nasiib darro ah in la cabsiiyey ciise in uu noolyahay imanayana qiyaame ka hor cirkana loo qaaday.

Waxaan halkaan ku arkeynaa waxa Quraanku ka yirih arrimahaas.

A. Nebi Ciise in uusan nooleyn. Alle s.w waa oofsaday sida rusushii ka horeysey Alle waxuu leeyahay:

الذين من ومطهرك الي ورافعك متوفيك اني عيسي يا الله قال اذ . عمران ال االية اخر الي 55كفروا

Markii Alle ku yirih Ciisow waan ku oofsanayaa waana ku kor yeelayaa. Sur Aalicimraan 55;

عليهم وكنت وربكم ربي الله اعبدوا ان به امرتني االما لهم قلت ماكل علي وانت الرقيب انت كنت توفيتني فلما فيهم دمت ما شهيدا . المائدة 117شيئشهيد

Ciise waxuu yirih:  Waxaad i amartay mooye wax kale kuma oran oo ah Alle caabuda Rabbigey iyo Rabbigiina adigaana daalacanayey intii aan dhexjoogey markiise aad i oofsatayna adigaa arkayey. Sur Almaaida 117;

عمران ال االية اخر الي الموت نفسذائقة 185كل

Qof kasta waa kii dhedhensha dhimashada.Sur Aalicimraan 185;

Alle s.w isagoo la hadlaya nebi Maxamed n&n korkiisa ha ahaate waxuu leeyahay:

20

Page 21: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

. االنبياء الخالدون متفهم افائن الخلد قبلك من لبشر جعلنا 34وما

Bashar kaa horreeyey oo waaray ma jiro ee haddii aad dhimato ma iyagaa waaraya.Sur Alanbiyaa 34. Aayadahaas oo idili waxay tilmaamayaan in nebi Ciise uusan nooleyn ee sidii nebiyadii ka horeeyey Eebe oofsaday.

B. Nebi Ciise ma imaanayaa qiyaame ka hor?. Meel looma hayo iyadana.  Waxaa keliya ee la hayaa in arrintaan laga soo xigtey kristanka.

C. Cirka ma loo qaaday?.  Alle s.w isagoo ka hadlaya rususha waxuu leeyahay: 

. البقرة االية اخر الي درجات بعضهم ورفع الله كلم من 253منهم

Waxaa ka mid ah mid uu Alle la hadlay qaarkoodna darajooyin sare ayuu ka yeelay. Sur Albaqara. 253.  Kor u qaadidda ayaa labo macne sameyneysa sida kor u qaadid meel (place) iyo mid darajo sare ah (position) ama mansab sare.  Arrintaan waxaa loola jeeda boos sare.  Waxaa kale oo Alle leeyahay isagoo ka hadlaya nebi Idriis:

. مريم عليا مكانا 57ورفعناه

Boos sare ayaan geyney. Sur Maryama 57. Waxaad arkeysaa kor u qaadidda nebi Ciise iyo tan Idriis ma kala duwana sida Quraanku tilmaamay oo labadaba رفع (kor u qaadid) ayaa lagu tilmaamay waana boos sare. Ciise sida aan aayadda Aalicimraan 55 ku soo aragnay ayaa boos sare Alle u geeyey.

17. Dajaal ma jiraa?

Jawaabtu iyaduna waa maya.

Dajaal maxaa laga yirih ?.  Waxaan halkaan ku xuseynaa waxii laga sheegay oo aan Quraanka kariimka ahi sheegin.  Waxaa Bukhaari iyo Muslimba laga wariyey in ay ku tilmaameen nin waalidkiis ayan soddon sano waxba dhalin markaas kadibna loo dhalay wiil cawaran ishiisu seexato qalbigiisuna uusan seexan.  Waa xaddiis aad u dheer oo caan ah;  Dajaal waxaa lagu magacaabaa Dajaal Al Masiix.

Dajaal abihi waxaa lagu sheegay nin badda ka jillabta oo yahuudi ah. Waxaa la yiraahdaa waxaa soo arkay nin la yiraahdo Tamiimu Addaari waxuuna ku soo arkay jasiirad isagoo ku xabisan.  Waxaa la yiraahdaa waxaa xabisay malaaig marna waxaa la yiraahdaa nebi Suleymaan n&n korkiisa ha ahaatee. Waxaa la tilmaamayaa in uu soo bixi doono qiyaame ka hor .  Waxaa iyadana la yiraahdaa fidno ayuu la imaanayaa aakhiritaankana waxaa dilaya nebi Ciise. Hadal iyo dhammaanti waa xaddiis dheer oo ninkii doonaa kaga bogan karo xaalka Dajaal xaddiiskaas. U fiirso arrintaas sida xaddisku tilmaamayo waa wax mucjiso ah.oo aan Quraanka lagu sheegin.

21

Page 22: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Haddii culumada la weydiiyey maxaa arrintaas mucjisada ah Quraanku u sheegi waayey maadaama Quraanku uusan waxba ka tegin wax jawaab ah waa u waayeen, mucjisana waxaa la siiyaa nebiyada. Waxaa isweydiinleh arrimahaan:

1. Dajaal haddii hore loo soo arkay hadda maxaa loo arki waayey?;2. Meesha uu ku xiran yahay oo hore loo soo arkay maxaa loo tegi waayey?; 3. Cidda hadda waardiyaha ka haysa yey tahay?;4. Hadduu xabsi ku jiro xagee ka keenayaa awoodda uu ku soo fakanayo?; 5. Maxuu hadda ula imaan waayey awooda la sheegayo?;6. Axad bashar ah oo ilaa iyo waqtigaas la sheegay weli nool caqli gal ma tahay?.

18.  Mahdi ma jiraa?. Waa maya iyaduna.

Maxaa isagana Mahdi laga sheegay oo aan kitaabka kariimka ahi sheegin. Waxaa Mahdiga sifeynaya axaadiis dhowr ah waxayna ku tilmaamaan in uu yahay wiil dhallinyaro ah oo Ahlu beytka ah oo uu dhalay Xassan ina Cali.

Waxyaabaha laga sheegayo lama koobi karo sida meelaha uu tegayo iyo waxyaabaha mucjisooyinka ah ee la siinayo.  Waxaa xusid mudan in la yirih aakhiritaanka yahuudda ayuu la dagaalamayaa oo geedkey galaanba waxaa qaylinaya geedka oo oranaya Yahuud ayaa igu gabbanaya ee kaalay dil.  Waxaa kale oo axaadiistaasi tilmaameysa in nebi Ciise uu waqtigaas soo degayo oo Mahdiga uu leeyahay na tuji kadinba nebi Ciise uu dilayo Dajaal.

Walaal waxaa intaas ka daran waxa laga sheegayo oo ah in uu dhulka caddaalad deeqsiinayo oo xukumi doono 7-9 sano oo dadku ay ku noolaan doonaan nicmo ayan hore u arag Allana uu ku diyaarinayo hal habeen oo qur ah mulkigiisa.

Arrimhaas iyo kuwa kalaba waa laga sheegaa marka walaal waa adiga iyo sida aad u aaminto waxaase hubaal ah in ay yihiin khuraafaad dadka lagu baadiyeynayo.

19.Jidka siraad maxuu yahay?.

Jidka siraad horta isaguna ma jiro waxaase la yaab ah in kitaabkii Alle oo la akhrinayo nooguna caddeyey wax kasta laga dooranayo wax kale. Haddana waxaan arkeynaa meesha laga keenay arrintaas oo muslimiinta lagu dhex-faafiyey.  Waxaa la yiraahdaa aakharo waxaa dadku marayaa jidka siraad oo naarta dul mara halkaas oo qof walba marayo. Dadku waxay ku kala maraan oo u kala dheereeyaan sida camaladooda sani u kala badan yihiin. Rusushu xataa waxay ku maraan ayaa la yirih sallim, sallim oo macnaheedu yahay badbaado badbaado. Horta arrintaas wax daliil ah looma hayo misana culumada qaarkood waxay daliishadaan aayadda Sur.Maryama 71 qaybta dambe ee hoosta ka xarriqan.

Waxaan halkaan ku fasireynaa aayaddaas.  Alle s.w waxuu leeyahay:

22

Page 23: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

. ثم جثيا جهنم حول لنحضرنهم ثم والشياطين لنحشرنهم فوربك . بالذي اعلم لنحن ثم عتيا الرحمان علي اشد ايهم شيعة كل من لننزعن

. صليا بها اولي مقضيا هم حتما ربك علي كان واردها اال منكم ثم. وان . مريم جثيا فيها الظالمين ونذر اتقوا الين 68-72ننجي

Rabbigaa ayaan ku dhaartaye waanu soo kulmineynaa iyaga iyo shayaadiinta (waa xaqdiidayaasha iyo shayaadiinta) markaasna waxaan soo tubeynaa jahanamo agagaarkeeda, markaas kadibna waxaan ka sooceynaa qolo walba kuwii caasinimada Eebe ugu darnaa, annaga ayaana u ogaal badan kuwooda mudan in lagu gubo, mid kasta oo idinka mid ahina waa kii u soo aroora. Sur Maryama 68-72. منكم ; وان wa in minkum waxaa loola jeedaa xaqdiidayaashii iyo shayaadiintii laga hadlayey ee loolama jeedo dadka oo idil.

Arrintaasi in ay sida la leeyahay ay ka fogtahay waxaa u daliil ah.  Marka hore waxaa Quraanka Alle noogu sheegay qiyaame dadku in uu labo meel kala marayo qolada midigta (jannada) iyo qolada bidixda (naarta) oo ayan hal meel wada mareyn waana wax aan la isku diidaneyn. Aayaddaas waxaad iyadana fasirkeeda kaga bogan kartaa kitaabka Qaybtiisa 2aad. Waxaa arrintaas sii caddeynaya marka Alle leeyahay:

وبايمانهم ايديهم بين نورهم يسعي والمؤمنات المؤمنين تري يوم . الحديد االية اخر الي اليوم 12بشراكم

Maalinta aad aragto ama ogaato ragga mu’miniinta ah iyo dumarka mu’minaantka ah in nuurkoodu marayo hortooda iyo midigtooda laguna yiraahdo waa bishaaradiinii maanta ilaa aakhirka Aayadda.Sur Alxadiid 12.

Waxaa isweydiin leh maxaa nuurka loo marin waaye bidix?.  Waxaad garaneysaa in qoladii xaqdiidayaashu ay bidix marayaan.  Waxaa sii caddeynaya iyadana marka Alle leeyahay:

من نقتبس انظرونا امنوا للذين والمنافقات المنافقون يقول يومباب له بسور بينهم فضرب نورا فالتمسوا ورائكم ارجعوا قيل نوركم

. الحديد العذاب قبله من وظاهره الرحمة فيه 13باطنه

Maalinta ragga munaafaqiinta ah iyo dumarka munaafaqiinta ah ay ku oranayaan kuwa kitaabka rumeeyey war na suga aan nuurkiina ka ileys qaadanee.  Waxaa lagu yiraahdaa gadaal u laabta oo nuur ka raadsada waxaana la dhex dhigaa derbi dhinaca gudahana raxmad ka ah dhinaca dibeddana cadaab ka ah. Sur Alxadiid 13. Ogow waxaad garatay halkaasna in ay kala marayeen labo dhinac oo ayan isdaba joogin jidna wada mareyn. Intaas keliya ma aha ee waxaan arki doonaa in xaqdiidayaasha iyo kuwii ay raaceenba la soo tubi doono jahanama wanaag falayaashana cadaabta laga dheereeynayo.

. االنبياء مبعدون عنها اؤلئك الحسني منا لهم الذينسبقت 101ان

Kuwa ay xagayaga uga hormartay jannadu kuwaas waa laga fogeeyaa (naarta). Sur Alanbiyaa 97-101;

23

Page 24: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

. مريم وفدا الرحمان الي الميقين نحشر 85يوم

Maalinta aan kuwa Alle ka dhowrsaday loo soo kulmiyo Raxmaanka xaggiisa iyagoo wafdi ah.Sur Maryama 85;  waxaa kale oo dadka loogu sheekeeyaa aakharo dadku in ay qaawan yihiin.  Ma kula tahay in dad Alle marti geliyey oo uu ku tilmaamay wafdi ay qaawan yihiin.  Arrintaas qaawanaantana meel laga keenay la garan mayo maadaama aan Quraanka lagu xusin.

. مريم وردا اليجهنم المجرمين 86ونسوق

Mujrimiintana waxaa loo kaxeeyaa jahannama iyagoo aroor ah. Sur Maryama 86. Aayado fara badan ayaa tilmaamaya in qolo walba booskii la geyn lahaa loo kala kaxeeyo ee ayan isku jid marayn sida adduunkaba ay laba jid u kala doorteen. Fiiri Sur.Assumur aayadaha 71-73.

20. Rajmi (in qof sineystey dhagax lagu dilo) ma jirtaa?.

Jawaabtu iyaduna waa maya.

Alle s.w waxuu leeyahay: 

. النور االية اخر الي جلدة مائة منهما واحد كل فاجلدوا والزاني 2الزانية

Saaniyadda iyo saaniga mid walba ku dhufta boqqol (100) jeedal .Sur Annuur 2;  Cuquubada saaniyadda iyo saaniga Eebe kitaabka ayuu noogu xusay, waxaase nasiib darro ah in laga doortay warka Abuu Hureyra uu nin kale ka wariyey oo misana rasuulka loo nisbeeyo. Waxaa jira xaddiis Bukhari warinayo oo la yirih nin ayaa rasuulku rajmiyey kadib markii uu qirtay in uu sineystey.  Waxaa jira isna xaddiis uu Bukhaari nin isna aan la garaneyn ka wariyey oo uu leeyahay nin ayaa nebiga u qirtay in uu sineystey markaasuu rasuulku ku yirih oo soo nalama aad tukan waxuu yirih haa, markaasa nebigu ku yirih soco Alle waa kuu dhaafaye. Bal sida ay labadaas xaddiis isu burinayaan eeg waana meesha laga keenay rajmiga. Suurtagal ma tahay in ninna la rajmiyo midna la iska dhaafo oo nebiga loo nisbeeyo?. 

21.Diyada dumarku ma diyada ragga nuskeedbaa?.

Jawaabtu iyadanu waa maya.

Alle s.w dhinaca insaaniyadda, caqiidada iyo xuquuqda intaba waa simay rag iyo dumar.  Alle waxuu leeyahay: 

وقبائل شعوبا وجعلناكم وانثي ذكر من خلقناكم انا الناس ايها يا . الحجرات االية اخر الي 13لتعارفوا

24

Page 25: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Dadow waxaan idinka abuuray lab iyo dhedig waxaana idinka yeelay shucuub(nations) iyo qabaail si aad isu aqoonsataan ee Alle agtiis waxaa idiinku karaamo badan kiina ugu dhowrsasho badan.Sur Alxujraat 13;

Shucuub waxaa loola jeeda shucuubta reer yurub, mareykan, ashiya, afrika iyo waxii la mid ah.  Qabaailna waa somaali, masaari, kenyaati iyo waxii la mid ah. Ninka somaaliga ahi aqoonsi kaagama baahna ee aqoonsiga waxaa kaaga baahan kan shucuubta kale ah. Sidaas daraadeed soomalidu waa hal qabiil.Waxaa kale oo Alle leeyahay:

يدخلون فاؤلئك مؤمن وهو انثي او ذكر من الصالحات من يعمل ومن . النساء نقيرا يظلمون وال 124الجنة

Qofkiini camal wanaagsan sameeya lab iyo dhedigba oo mu’min ah duulkaasi waxay galayaan jannada. Sur Annisa 124; walaal meesha waxaa taala naf biniaadam rag iyo dumar midkey noqoto ha ahaatee. Halkaas culumada qaarkood waxay ku jaangoosteen Aayadda markhaatiga halka nin iyo labada naagood Alle ku xusay taaseyna diyadii ku saleeyeen. Alle s.w leeyahay: 

وامراتان فرجل رجلين يكونا لم فان رجالكم من شهيدين واستشهدوا . البقرة االية اخر 282الي

Marag geliya labo markhaati oo raggiina ka mid ah, haddii la waayo laba nin markaas hal nin iyo labo naag oo ah kuwa aad raaliga ka tihiin markhaatigooda waxaa la arkaa in midi ka gadmato oo markaas tan kale xasuusiso. Sur Albaqara 282. Arrintaasi dumarka kama dhigi karto ninka nuskiis sida culumada qaarkood haweenka ugu warramaan.

Kow: waa marxalad gaar ah oo tilmaameysa deyn iyo beec oo haweenku ayan u badnayn;

Tan labaad: Arrintu waxay ahayd laba nin oo keliya oo meesha haweeni kuma jirin.

Tan saddexaad: Markii la waayey labo nin ayaa la tilmaamay nin iyo labo naag oo iyadana shuruud leh.

Tan afraad: Waa haddii ay midi gafto (ka gadmato) tan kale ay xasuusiso.

Tan shanaad: Sharciyan labadii dumar middi arrinta xasuusata waa ku filan tahay marag oo tii kale waa laga kaaftoomayaa.

Tan lixaad: Middii wax ka gadmadeen markhaati ma furi karto waxbana la weydiin mayo haddii tii kale xasuusato oo iyadaa ku filan marag.

Tan todobaad: Ka warran haddii labaduba xasuusan yihiin arrinta, markaas markhaati mid ayaa ku filan;

25

Page 26: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Tan sideedaad. Ka wrran haddii ninkii uusan xasuusan arrinta oo labadii dumarka ahaa xasuustaan. Waxaa maragii furaya labadii dumarka ahaa ee nin kale la raadin mayo.

Tan sagaalaad. Ugu dambeyntii dumarku meel kasta waa ka badan yihiin ragga sidaas darteed ayaa labo dumar ah loo xusay Alle ayaana u ogaal badan.

Waxaad Quraanka ku arkeysaa labo aayadood oo aan loo kala saarin markhaatiga iyo xukumka rag iyo dumar ee tilmaamaya labo idinka mid ah ama qayrkiin ah. Waa aayadaha Sur. Almaaida 95; iyo 106; Waxaa loo kala saari waayey waa raxmad xagga Alle ka sugnaatay waana waxii markaas goob joog ah rag ha wada noqdaan ama dumar ha wada noqdaane. Ugu dambeyntii waxaad arkeysaa in labada ruux ay siman yihiin marka ninku uu ku tuhmo sino haweentiisa waxaa mid walba oo iyaga ka mid ah la faray in uu affar jeer Alle ku dhaarto in uu run sheegayo marka shanaadna ay nacaladi dushiisa noqoto haddii uu been sheegayo. Sur Annur 6-9. Taasina waa sii caddeyneysaa. Waxaan arrintaas ula jeedney in aan caddeyno markhaatiga Alle tilmaamay ahmiyaddiisu ahayd laba ruux ee markaas oo keliya shuruudaasi timid.

22.Muslim ma loo dilayaa gaal?.

Jawaabtu waa haa. 

Culumo ayaa dadka ugu warrama in haddii nin muslim ahi gaal dilo aan loo qisaaseyn haddii gaalku muslim dilana loo qisaasayo.  Arrintaas walaal waxba kama jiraan waana dulmi cad haddii ay sida la sheegayo dhacdo. Alle s.w waxuu leeyahay:

. المائدة االية اخر النفسبالنفسالي ان عليهم 45وكتبنا

Waxaanu farad yeelnay in naf loo dilo naf. Sur Almaida.45. Islaanimo iyo gaalnimo meesha ma taal ee waa dembiga la geystey ee biniaadanimo. Waxuu kale oo Alle leeyahay:

. المائدة الله أنزل بما بينهم 48فاحكم .

Ku xukun dhexdooda waxii Alle soo dejiyey. Sur Almaaida 48.

23.Rabbi aakharo ma la arkayaa?

Jawaabtu iyadana waa maya, maya iyo maya.

Culumada qaarkeed ayaa dadka ugu warrama in Alle aakharo la arkayo oo weliba waxay daliishadaan xaddiis haddii aad u dhabbo gasho aad la yaabeysid waxa uu tilmaamayo subxaana Allahu.

Alle s.w markuu doonay in uu insaanka ku hanuuniyo Allaha khaaliqa ah aqoonsigiisa waxuu tusay waxa uu abuuray khaaliqaasi.  Alle waxuu leeyahay:

26

Page 27: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

شيئ كل علي وهو فاعبدوه شيئ كل خالق هو اال االه ال ربكم الله ذالكم . االنعام. الخبير الطيف وهو يدرك وهو االبصار تدركه ال 102-103وكيل

Kaasi waa Rabbigiin lacaabude kalana ma jiro isaga mooyee ee caabuda, isaga ayaana wax kasta wakiil ka ah; aragyaashu (indho) ma haleelaan isaguse waa arkaa. Sur Alancaam 102-103.  Insaanka markii loo sheegay khaaliqaas waxuu jecleysan karaa in uu arko waase loo soo gaabiyey oo la quusiyey. Meel kale nebi Muusse n&n korkiisa ha ahaatee waxuu doonay in uu Alle arko maadaama uu la hadlay waxuuna yirih:

قال اليك انظر ارني رب . لنقال االعراف االية اخر الي 142-143تراني

Waxuu yirih Allow iskeytus aan ku arkee. Waxaa Alle ku yirih haba ka yaabin in aad i aragto.Sur Alacraaf 142-143.

Marka la leeyahay (lan) لن waa never ma dhici karto hasa yeeshee( Lam waa( لم dhici kartaa.

. القيامة ناظرة ربها الي ناضرة يؤمئذ 21-22وجوه .

Waxaa loo jeeda wajiyo bir-biraya oo Rabbigood fileysa ee ma aha arkeysa sida culumada qaarkood ku fasirto.

Mar Caisha Eebe raali ha ka noqdee la weydiiyey nebi Maxamad n&n korkisa ha ahaatee Rabbi ma arkay. Waxay tirih timaha ayaa i istaagey markaan maqlay su’aashaas ee saddex arrimoodba qofkii idinku yiraahdaa waa beenlow: Qofkii idin yiraahda nebi Maxamad Rabbi ayuu arkay, waxa maqan ayuu ogyahay iyo wax loo soo dhiibey ayuu qariyey. Alle ayaana u ogaal badan warkaas.

25. Rabbi habeen kasta nuskiisa dambe ma soo degaa?.

Jawaabtu waa maya,maya iyo maya.

Waxaa dadka loogu warramaa xaddiis oranaya Rabbi ayaa habeenka nuskiisa dambe ka soo dega samada fog oo yimaada samada dhow markaasuu addoomadiisa ku yiraahdaa yaa wax i wediisanaya oo aan ka ajiiba. Alle s.w ayaa ka hufan waxa loo nisbeynayo oo Eebe ma aha sida basharka oo socda,soo dega ama meel kora. Alle waxaa keliya oo loo nisbeyn karaa waxii uu isagu isku sifeeyey.

Arrimahaas iyo kuwo fara badanba waxaa la oran karaa been abuur rasuulka lagu been abuurtay ciddii qaadataana iyadoon la imaan daliil Quraanka ah iyada ayaa ka jawaabeysa aakharo. Alle waxuu leeyahay:

. البقرة قريب فاني عني عبادي سألك 186واذا

Haddii addoomadeydu i kaa weydiiyaan anigu waa dhowahay waana ajiibaa baryada kan i weydiista. Sur Albaqara 186.

27

Page 28: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

26.Nebi Muuse ma malaaig ayuu isha ka tuuray?.

Jawaabtu iyaduna waa maya.

Arrintaas iyadana xaddiis Bukhaari uu Abuu Hryra ka warinayo ayaa laga keenay oo oranaya; malaga nafta qaada ayaa nebi Muuse u yimid si uu nafta uga qaado markaasaa Muuse dharbaaxo kaga soo jiidey oo il ka tuuray.  Malagii oo il laa-laadinaya ayaa Alle u tegey ugana dacwoodey, markaasaa Alle ku yirih waxaan ugu daray sanooyin dhowr ah ee iska daa. Bal walaal dadka xaddiiskaas rumeysanayaa ma waxay garan waayeen in malaaigi ayan sida basharka ahayn isla markaasna aan cidi taaban karin waxna yeeli karin. Midda kale nebi Alle oo nafta in laga qaado loogu yimid ma diidi karaa. Ugu dmbeyntiina maba la weydiinayaa qofna marka nafta laga qaadayo ciddey rabto ha ahaatee. Malaaigtu rususha waxay ugu imaan jireen bashar ahaan sida Quraanka aan ku soo aragnay waxbana lama gaarsiin karo malag Alle.

27. Labo malag miya isku qabsaday in nin janno ama cadab la geeyo.

Waxaa dadka loogu waramaa nin diley 99 qof ayaa u tegey nin wadaad ah waxuu ku yirih toobad ma leeyahay?. Wadaadkii waxuu ugu jawaabey maya, markaasuu 100 uga dhigay. Waxuu u tegey wadaad kale sidii ayuuna u weydiiyey waxuuna wadaadkii u sheegay in ay toobadi u bannaan tahay hasa yeeshee ka haajiro meeshii uu wax ku diley. Markii ninkii ka tegey dhulkii uu wax ku diley ayaa geeridii u timid. Waxaa u yimid malagii jannada iyo kii caddaabta oo ay dhexdoodii ka tafatay isagoo mid walba doonaya in uu meesha uu furayaasheeda hayo uu geeyo. Eebe ayey isula tageen markaasuu ku yirih soo cabbira meesha oo haddii uu dhulkii uu ka tegey u dhowyahay naarta geeya, haddii uu dhulkii uu u haajirey u dhowyahayna jannada geeya. Arrintaas la isma weydiiyo meesha laga keenay iyo in ay waafaqsan tahay sunnaha Eebe. Horta malaaigu isma qabsato oo waa yaqaaniin hawshooda. Alle s.w isaguna waa kan u ogaal badan meesha qofkaasi ku dhintay iyo waxa uu muteystay. Waa xaddiis caan ah arrintaasi.

Waxaan halkaan iyadana ku xuseynaa arrimo dadka loogu sheego xaaraan oo Alle uusan xaaraameyn waxaana ka mid ah:

1. Dharka xariirta iyo dahabka oo la yiri ragga waa ka xaaraan.  Marka hore ku arki meysid Quraanka meel lagu xaaraameeyey isla markaasna Alle waxuu leeyahay:

للذين هي قل الرزق من والطيبات لعباده اخرج التي الله زينة حرم من قللقوم االيات نفصل كذالك القيامة يوم خالصة الدنيا الحياة في امنوا

االعراف. 32يعلمون

Waxaad tiraahdaa yaa xaaraameeyey quruxda Alle addoomadiisa u soo saaray iyo risiqa wanaagsan ilaa aakhirka aayadda Sur. Alacraaf 32; aaydda aakhirkeeda waxaad arkeysaa in dahabkaas iyo xariirtaasba la siiyey adduunyadaan dadka kitaabka rumeeyey gaaladuna la wadaagaan aakharase ay iyaga u gaar tahay. Dahabka la

28

Page 29: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

leeyahay ragga ayaa loo diidey waa meesha ay shabaab ka keeneen in ay dadka ilkaha dahabka ah ka guraan in badan oo culumo isku sheegeysaana ay la qabaan. Waxaad maqleysaa adduunyadaan gaalada ayaa la siiyey anagana aakharo. Walaal adduunyadaan laguuma diidin oo adigana waa lagu siiye aakharana waa qof iyo camalki. Alle waxuu leeyahay:

Qaybta aad ku leedahay adduunyada ha dayicin. Sur Alqasas 77.

. القصص الدنيا في تنسنصيبك 77وال

2. Dumarka oo markay baxayaan laga uriyo barafuun oo lagu tilmaamo dhillo; 3. Garka oo la xiiro oo isna dmbi laga dhigo salaadana uusan tujin karin qofka

xiira. 4. Ragga oo laga reebo in uu sacbiyo laguna tilmaamo dembi; 5. Dumarka oo la gacan geliyo(la salaamo) oo dambi kabaair ah lagu tilmaamo; 6. Niigteyn la xirto oo calaamad kristo lagu tilmaamo; 7. Hilibka geela oo laga weeseysto laguna tilmaamo xoolo jinni; 8. Surweelka oo haddii uu anqowga ka hooseeyo naarta lagu galayo; 9. Muusiko iyo heeso la dhegeysto oo iyaduna kabaair laga dhigay; 10. Dameer farowga (duurka) oo iyadana hilbkooda la xaaraameeyey. 11. Eyga oo la takooro oo aan la taaban karin iyo isagoo xaaraan lagu sheego; 12. Dumarka oo lagu tilmaamay in ay caqli naaqus yihiin;

Arrimahaas iyo kuwo kalaba dadka diin ayaa looga dhigay.

Dumarka oo la leeyahay barafuun haddii laga uriyo waa saaniyad. Saaniyad waa qof dhilleystay ee ma aha qof barafuun laga uriyey. Waxaase dambi weyn ah oo kabaair ah qofkii saaniyad ku tilmaamay gabadh laga uriyey barafuun; saaniyad waa dhillo ee yaan la fududeysanin oo halla iska ilaaliyo in la isticmaalo ereygaas laguna tilmaamo gabadh laga uriyey barafuun. Waxaan soo aragnay gabdhaha la qadfo waxa ka imaan kara.

Garka oo la deysto ama la xiiro waa qofka iyo dooqiis, hadiise xadiiskaas loo nisbeeyo rasuulka waa in la ogaadaa in uusan oran yaan la xiirin taasaa amar noqon lahay, waxayse arrintu taagan tahay ma xaaraameyn karaa rasuulku wax aan Eebe xaaraameyn?. Waa maya.

Sacabka ragga la yirih waa laga reebay waxaad ogaataa rag iyo dumar lama kala reebo awaamirta oo waa u siman yihiin. Fiir aayadda Sur Alaxsaab 35;

Dumarka oo la salaamo iyadana wax diidey lama hayo ee waxaan fiicneyn in ragu qasdi u gacan geliyo, haddiise ay salaam caadi ah iyo wax gadasho ay arrintu tahay waxba kuma jabna;

Nigteynka haddii qofku uu jaakad qaato waa wax la isu sameeyey oo qurux keenaya dembina ma aha, waxaase la yaab ah jaakadna waan qaadanayaa nigteynkana waan diidayaa.  Waxaa kale oo la yaab ah in dharka carabta aan ku tilmaano dhar islaam kan

29

Page 30: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

kalana dhar gaalo.  Walaal waxaad ogaataa in uusan jirin dhar muslim iyo dhar gaalo ee waa qofka ku jira dharkaas.

Hadda waxaan arkeynaa waxa Alle ku tilmaamay xaaraan iyo waxa rasuulka n&n.korkiisa ha ahaatee la faray.

Dhinaca cuntooyinka.  Alle waxuu leeyahay: 

. البقرة االية اخر الي طيبا االرضحالال في مما الناسكلوا ايها 168يا

Dadow cuna waxa dhulka ku sugan ee xalaasha caafimaad qabta ah ilaa aakhirka aayadda Sur.Albaqara 168.  Marka la leeyahay dayibaat waxaa Aayaddaan loola jeeda (healthy). Xaaraanta waxaan ku soo xusnay kitaabka qaybtiisa 1aad ee arrintaan ayaa meesha ku xuseynaa.

او ميتة يكون ان اال يطعمه طعام علي محرما الي اوحي فيما اجد ال قلفمن به الله لغير اهل فسق او رجز فانه خنزير لحم او مسفوحا دما

. االنعام رحيم غفور ربك فان عاد وال باغ غير 145اضطر

Waxaad tiraahdaa kuma hayo xaaraan waxii la ii waxyoodey oo cunto la cuno ah in uu noqdo mooyee mayd ama dhiig shummaya ama hilib khaansiir maxaa yeelay waa xaaraan daacadda Alle ka bixid ah ama qayrki loogu dhawaaqay ee qofkii u dhibaatooda isagoon dooneyn kuna talax-tegeyn Rabbigaa waa dhaafe naxariiste ah.Sur Alancaam 145; meydkii ayaa Alle sii kala saaray fiiri Sur Almaaida 3. Aayadaha Eebe wax nooga xaaraameeyey waxaad ka heleysaa Quraanka haddii aad dhuuxdo haddiise aad meel kale wax ka raadsato waa adiga iyo dooqaaga. Waxaad arkeysaa in badan oo caamada ah oo culumada weydiinaya shiikhow waxaas ka warran, shiikhuna ugu warramo xaaraan isagoon u hayn wax daliil ah oo kitaabka ka sugnaaday.  Alle waxuu leeyahay:

علي لتفتروا حرام وهذا حالل هذا الكذب السنتكم تصف لما تقولوا وال . النحل االية اخر الي الكذب 116الله

War ha orannina waxa carrabadiinu tilmaamayaan ee beenta ah, kani waa xalaal kanina waa xaaraan si aad ugu been abuurataan Alle. Sur Annaxli 116.

Waxaa nasiib darro ah in badan oo muslimiin ahi ay xooga saaraan arrimahaas iyadoon ahmiyad weyn la siin waxa Eebe naga reebay uuna kaga hadlay aayado goodi ah kuna soo gunaanadey cadaab daran, cadaab xanuujiya, cadaab ihaaneeya.  Arrimahaas oo idili waa kabaair waana la fududeystaa maxaa yeelay waxaa ka xoog batay arrimaha aan kor ku soo xusnay oo aad maqleysid nebigaa xaaraameeyey uusanna xaaraameyn ee ay yihiin qawl rag dejiyeen oo diin laga dhigtay nebigana lagu nabayo.

Hilibka geela oo Alle noo xalaaleeyey maxaa keenay in laga weeseysto sida culumada qaarkood ku warramaan.  Caqliga ma gashaa in hilibka geela oo la mid ah hibka lo’da oo labaduba ishkin yihiin laga weeseysto.  Haddii aad tiraahdo caqliga waxaasi ma galaan waxaad arkeysaa culumo oranaya diinta caqliga laguma qiyaaso oo markaas

30

Page 31: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

caqliga tuuraya.  Alle s.w waxuu mar kasta wax tusaaleeya qoom caqli leh, garasho leh. Waxaad ogaataa haddii aan caqli jirin in aan qofka la kalifeen.

Surweelka oo la gaabsado ama la dheereeyo waa qofka iyo dooqi.  Waxaan marnaba la isweydiin malaayiinta muslimiinta ah oo surweelka caadiga u qaata oo aan waxba galabsan cadaabta lagu gurayo.

Musikada iyaduna waa ay kala duwan tahay oo haddii ay tahay mid macsi soo jiideysa waa la oran karaa ma fiicna oo dembi ayaa ka dhalan kara haddiise ay tahay muusiko caadi ah oo qofku iskiis ugu raaxeysanayo wax dembi ah malaha;

Aakhiritaanka eyga oo dadka loogu sheekeeyo waa xaaraan ee ka dheeraada yaanna la taaban waa wax aan sal lahayn.  Horta kuma jiro waxyaabaha Alle xaaraameeyey qofkii xaaraan ku sheegana isgaa dembigaas qaadaya.  Eygu waa xayawaanka ugu manaafic badan ee dadku isticmaalo waana saaxib wanaagsan.  Waxaa loo isticmaala waardiye, badbaadinta dadka marka uu dhaco shilal sida dhulgariir, qof biyo ku dhacay iyo waxii la mid ah.  Waxuu hagaa Indhoolayaasha waxuuna soo saaraa mukhaadaraadka(maan dooriye) iyo iyadoo maanta loo isticmaalo boolis.  Waxaa Alle noo jideeyey in aan ku ugaarsanno oo waxii uu noo soo qabto aan cunno iyadoo aan meeshii uu afka geliyey aan la oran gooya.  Alle s.w waxuu leeyahay:

مكلبين الجوارح من علمتم وما الطيبات لكم احل قل لهم احل ماذا يسالونك . المائدة االية اخر الي عليكم امسكن مما فكلوا الله علمكم مما 4تعلمونهم

Waxay ku weydiinayaan maxaa naloo xalaaleeyey waxaad ku tiraahdaa waxaa la idiin xalaaleeyey waxayaabaha caafiimadka qaba (healthy) iyo bahalada la taba-baray (eyda iyo shinbiraha) waxay idiin soo qabtaan idinkoo baraya waxii Alle idin baray ee cuna waxii ay idiin soo qabtaan ilaa aakhirka aayadda Sur Almaaida 4;  waxaad arkeysaa axaadiis mid oranayo todoba jeer ciid ku dhaqa todobana biyo meesha uu eygu taabto; isla markaasna waxaad arkeysaa xaddiis oranaya waqtigii nebiga eydu waxay ku kaadshi jireen masaajidka markaasaa la rusheyn jirey meesha ay ku kaadshaan. Rusheyn iyo dhiqidna waa kala fog yihiin. Waxaa nala faray in aan eyga iyo shimbiraha aan adeegsanno tababarna siino ee xagee ka keenay in aan ka fogaano iyagana fogeyno weliba dilno ama dacdarreyno oo annaan daryeelin. Arrimaha muslimiinta laga doonayo waxaa asaas u ah naxariista biniaadamka iyo xayawaanka labadaba, nasiib darro maanta ma hayno waxayse ku dambeysaa kuwa aan gaalada ku sheegno. Muslimiinta qaarkood arrintaas waa ku fogaadeen marka ay eygii dheereeyeen, gaaladuna waa ku fogaadeen marka ay u isticmaaleen qaarkood sida ilmahooda oo kale oo ay guryaha iyo gogosha ku haystaan waxna la cunaan, intooda badanse waxay kaga faaideysteen arrimo badan oo waxtar u leh bulshada.

Haweenka oo caqligooda nusqaanka lagu tilmaamay iyadana waxba kama jiraan oo qof kasta rag iyo dumarba waa intii Alle ku manneysto.  Waxaa weliba aad Quraanka ku arkeysaa  in Alle s.w tilmaamay haweeney ragga ka caqli badan.  Waa boqoraddii nebi Suleymaan warqadda u diray oo markey heshay ay la tashi la sameysay wasiiradeedii. 

31

Page 32: Certainty and Hearsay-Quran is Miracle.4

Walaal arrimahaas iyo kuwa kalaba waa arrimaha muslimiinta dib u dhigay oo diintoodii caalamiga ahayd ay ka dhigeen wax koombo ku jira lagana dhigtay shacaair gar, koofiyad iyo cimaamad oo dhaqan kale ah, isla markaasna aad maqleysid rasuulka n&n korkiisa ha ahaatee ayaan ku dayanayaa isagoon kaga dayaneyn dhaqankiisii wanaagsanaa iyo waxii uu na faray oo Eebe noogu soo dhiibey. Qofka muslimka ahi waa kan la falgala xaaladda markaas jirta maxaa yeelay rasuulku haddii uu maanta soo gaari lahaa waxuu adeegsan lahaa internet si uu risaalada u gaarsiiyo ee ma adeegsadeen faras iyo rati. Waxaan la soconaa in qofkii arrimahaas aan tilmaanay u arka in ay ka horjeedaan waxa isagu qabo lagu tilmaamo gaal. Waxaa iyadana dhacda oo waayahaan dambe soo baxday in qofkaas lagu tilmaamo “Quraani”marka uu Quraanka daliil ka dhigto. Waxaa lagu durayaa oo keliya in uu yirih Quraanka ayaa daliil ah. Marka haddiiba Quraankii uu noqday arrin la isku duro maxaa la dhowrayaa.

Ugu dambeyntii Alle s.w waxuu leeyahay:

. االنعام العليم السميع وهو لكلماته مبدل ال وعدال كلمتربكصدقا 115وتمت

Alle hadalkiisu waxuu ku dhanyahay run iyo caddaalad hadalkiisuna isbadel malaha waana maqal badane arag badane ah. Sur Alancaam 115.

Eebow nuurkaaga nagu hanuuni maalinta aan nuur kale jirin kaaga mooyee wa Billaahi attowfiiq.

   

    

        

32