22
Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha Koonfurta iyo Bartamaha Somalia

Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

  • Upload
    dotuong

  • View
    246

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha Koonfurta iyo Bartamaha Somalia

Page 2: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha sababa Macluusha Koonfurta iyo Bartamaha Somalia

November 2015

LEAD NCA RESEARCHERS Ahono Busili (Sage Organization) Justus Osero Osano, Ph.D. (Lecturer, Kenyatta University) with Floice Adoyo (Sage Organization)

LINK NCA ADVISORY GROUP Ailish Byrne, PhD. (SNS Consortium) Onesmus Kilungu (SNS Consortium) with Wilfred Bengwi (World Food Programme)

Page 3: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

Consortiumka SNS iyadoo kaashanaysa hay'adda cuntada adduunka ee WFP waxay daraasad iyo baaris aan rasmi ahayn oo hordhac ah oo ku saabsan arrimaha macluusha iyo nafaqadarrida ka fulisay Lix aag ama meelood oo ku yaal Koonfurta iyo Bartamaha Somalia (SCZ), intii u dhaxaysay bilihii Mars iyo November ee sannadka 2015. Meelaha laga fuliyey daraasaddaas waxaa ka mid ahaa aaggaga soo socda: Soonayaasha la deggan yahay ee dhulka webiyadu maraan ee Beledweyne, Beeraleyda iyo xoola raacatada Baydhaba, degaannada daaqsatada reer miyiga ah ee Doolow, dadka reer magaalka ah ee Muqdisha iyo weliba degaannada Barakacayaasha Gudaha (IDPs) ee Muqdisha.

Warbixinta daraasaddan waxaa ka mid ah qayb gaar ah oo ka warramaysa midkasta lixda daraasadood oo la sameeyey. Ujeeddada daraasadda waxaa ka mid ah in la baaro asbaabaha iyo qodobada kaalmeeya ama soo dedejiya Nafaqadarrida degdegga ah (Acute Malnutrition), iyo xiriirka ka dhexeeya asbaabahaasi oo ay la kulmaan mujtamaca daraasaddaas lagu sameeyey; in la helo lama muujiyo talooyin loo jeediyo hay’adaha dadkaas u adeega taas oo looga dan leeyahay in la xoojiyo tallaabooyinka ka hortagga nafaqaddarrida iyo kuwa kaalmada. Bulshada reer beledka ah ee Muqdisha oo iyagu muujiyey xaalad nafaqo oo yara sarraysa ayaa si gaar ah daraasadda loogu daray si loogu qaato tusaale fiican oo ay wax ka bartaan hayadaha iyo dadka ku shuqul leh ama ay khusayso.

Daraasadda waxaa ay raacday laguna saleeyey habkii (Methodolgy) ay dejisay ACF,taas oo loo qaatay laguna dabbaqay daraasadda iyo baarista laga sameeyey lixda aag ama soone ee Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya hadba sida ugu macquulsan ee loo fulin karay. Waxaa in la xusuusto mudan in Consortiumka SNS loo aas -aasay in ay ka shaqayso meelaha ay ka taagan tahay nafaqadarrida daran ee dabadheeraata ee ku yaal Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, taa oo micnaheedu yahay in daraasaddaas laga sameeyey degaanno iyo xaalado aad u adag. Mid kasta oo ka mid ah lixda meelood ee daraasadda laga fuliyey waxay leedahay xaalado iyo micno u gaar ah, sidaas darteed, waa in taxadar laga lahaadaa marka la adeegsanayo natiijooyinka daraasadda NCA. Dhanka kale degaannada iyo qaab nololeedka la daraasadeeyey way ka siman yihiin inta badan natiijooyinka muhiimka ah ee baaristan lagu helay. Sidaas darteed, baaristan waxaa loo arki karaa in ay si toos ah u khusayso xiriirna ula leedahay marka loo eego xaaladda ka jirta Somalia. Dhibaatooyin adag oo muuqda ayaa lala kulmay intii baaristan la waday, dhibaatooyinkaas raadka ku yeeshay baaristan waa kuwo weli jira waana kuwa saameeya dhammaan hawlaha iyo hayadaha Samafalka ee ka hawlgala Koonfurta iyo bartamaha Somalia. Caqabadihii lala kulmay iyo wixii laga bartay waxaa lagu muujiyey qaybta ugu dambaysa ee daraasaddan.

Baaristu waxay si aad ah u raadisay talo bixin gaar ah oo looga dan leeyahay in hawlwadeennada SCZ ay degaannadaas u dejiyaan barnaamijyo ku dhisan xog ogaalnimo dhab ah.

Wada sheekaysi qotodheer ee kooxo si gaar ah diiradda loo saaray iyo xogwaraysi dad xogogaal ah ayaa ahaa hababka loo raacay daraasaddan si loo urursado xog tayo fiican oo ku aaddan asbaabaha riiixaya ama keenaya macluusha iyo nafaqadarrida ka dhacda meelahaas daraasadda loo doortay.

Iyadoo natiijooyinka lagu helay daraasadda NCA ay guud ahaan ka siman yihiin inta badan degaannada Soomaaliya oo dhan, ayna xaqiijisay xog hore loo sii ogaa, ayaa qaar kale waxaa ay muujiyeen macne iyo faham u gaar ah meelaha qaar. Dhammaan degaannadii laga fuliyey daraasadda NCA, waxaa caddaatay in asbaabaha keena Macluusha iyo nafaqadarradu ay yihiin kuwo tira badan oo is wada barkan. Eeg lixda Shaxan (six Casual Pathways) ee boggaga 7aad --13aad ee hoos ku qoran oo soo koobaya natiijooyinkii Daraasadaha NCA. Waxaa ku jira asbaabo hoose oo aan wax badan hore looga ogayn, una baahan in si degded ah loo wajaho, iyo kuwo hore wax looga qabtay oo lagu wajahay barnaamijyada meelaha xaaladaha nafaqadarrida ka taagan tahay ee Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Page 4: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

Marka la eego xaqaaiqa dhulka ka jira, degaannada SNS consortiumku ka fuliyeen daraasadda ee Konfurta iyo Bartamaha oo ah soone aad ammaanku u liito, oo ay u wehliso tayada liidata ee awoodda daraasaynta ee kooxaha gudaha (Local research teams), waxay si cad oo muuqata u qeexayaan in daraasadda iyo natiijooyinka lagu helayba ay yihiin kuwo xadidan oo aan dhammaystirnayn. Marka la isku soo ururiyo, xubnaha ka tirsan kooxda la taliyayaasha ka ah daraasaddan, waxay niyad jab ka muujiyeen xogta daraasadda NCA ee sida muuqata ah mid aan qoto dheerayn oo xadidan taasoo sida la filan karo raad weyn oo aan fiicnayn ku yeelatay dhammays ahaanshaha (comprehensivness) xogtii la helay taas oo aan sida la filayey noqon mid gaar ah1. Inkastoo ay dhaliilahaasi jiraan, haddana waxay baaristu u adeegtay in la calaamadiyo asbaabo muhiim ah oo keena macaluusha iyo nafaqadarrida ka jirta Koonfurta iyo Bartamaha Somalia; iyo guud ahaan in su'aalo la iska weydiiyo barnaamijyada nafaqo ee ku habboon, iyo dhaliilaha kuwa hadda lagu dhaqmo ee looga jawaabayo Nafaqadarrida.

Sida la filan karayeyba, Daraasaddu waxay ka marqaati kacday, in ka sokow ammaan-darrida, saamaynta cimilada iyo xilliyada, faqiirtinimada muuqata ee bulshooyinka haysata, hababka caamka ah ee caruurta loo koriyo iyo rumaysnaanta habka dhaqan dhaqaale ay yihiin asbaabaha ugu muhiimsan ee keena nafaqadarrida ka jirta Bartamaha iyo Koonfurta Somalia, marka laga eego raadka ay ku yeeshaan nolosha iyo hab nololeedka, iyo xaalladaha nafaqo ee bulshooyinka la daraasadeeyey.

Bulshooyinkaas guud ahaantood, hababka quudinta iyo xannaanaynta ilmaha ee liidata, oo lagu daro nadaafadda iyo fayadhawrka oo hooseeya, la'aanta caafimaadka aas- aasiga ah iyo rugo wax lagu maydho, culayska shaqo ee xad dhaafka ah ee dumarka taas oo keenta in hooyooyinka ay ka maqnaadaan ilmahooda aadka u yar, ayaa la arkay in ay raad weyn yeeshaan.

Habka dhaqan dhaqaale ee caam ahaan la rumaysan yahay, iyo xeerarka bulsho ee jira sida waxyaabaha ay xaaraanta tahay inla soo qaado ama laga hadlo (Social taboos), guurka gabdha aadka u da'da yar (ilaa 13 jir) ee ay bulshooyinka qaar ku dhaqmaan, iyo gabdhaha oo caruur ku dhala da' yaraan, iyo Gudniinka fircooniga ah, iyo xaaladaha soo badanaya ee qoysaska oo dumarku hoggaamiyaan oo meelo badan ka dhaqan galay, waxay si aan fiicnayn u saameeyaan caafimaadka, ladnaanshaha iyo Nafaqada bulshooyinka daraasadda lagu sameeyey. Sida weyn ee loo rumaysan yahay in caanaha naaska hooyadu aanu ku filnayn ilmaha, waxay keentaa Shubanka iyo ilmaha oo si weyn u nuglaada. Sidaas oo kale waxaa ah la'aanta ama yaraanta fursado dakhli abuur oo haysatada bulshooyinka aadka u sii nugul. Meelaha Beeraleyda iyo xoolo dhaqatadu ku nool yihiin, waxay inta badan muujiyeen walaaca ay ka qabaan maqnaashaha kaalmo iyo taageero lagu hormariyo xirfadahooda shaqo (Beeraha iyo xoolaha), inaysan awoodin in ay helaan xirfadlayaal xagga xoolaha ah, qalabka aas-aasiga ah ee beeraha iyo abuur tayo fiican arrimahaas oo ay u dareensan yihiin in ay kordhin lahaayeen wax soo saarkooda, ayna hagaajin lahaayeen xaaladahooda nololeed iyo nafaqo. Shabakadaha taageero, ha noqdeen kuwa beelaha (clan) ama kuwo kaleba, ayaa muhiimad iyo kaalin muuqata leh marka laga hadlayo kaalmaynta qoysaska iyo guud ahaan mujtamacyada, kuwaas oo si waxtar leh uga xaajooda waxna uga qabta xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka ba'an.

Daraasaddan NCA waxaa la sameeeyey dabayaaqada abaartii iyo macluushii sannadkii 2011 waqtigaas oo ay aad u yaraadeen kooxahaha iyo adeegyada samafalkuba, taas oo sababtay in u nuglaanshiyaha macluusha mujtamacyada qaarkood ee koonfurta iyo bartamaha Somalia, kuwaas oo nolosha qoysaskooda ay ku tiirsanayd quudinta samafalka ah ay aad u korortay. Koonfurta iyo bartamaha Somaliya waa gobollada ay ugu hoosayso dakhliga ka yimaada xubnaha qoysaskooda ee qurbajoogta ah, gaar ahaan qoysaska aad danyarta u ah.

1. Arrintaasi waa mid caddaatay, inkastoo taageero farsamo iyo mid loojiistiko oo ballaaran la siiyey kooxaha baarista hoggaaminayey iyo

baarayaashaba marxalad kasta ay daraasaddu maraysay,

Page 5: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

Inkastoo ay jiraan dhammaan qodobada iyo xaaladaha aan kor ku soo xusnnay haddana daraasadda lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo kuwa noloshoodu liidato ay muujiyeen xaalad nafaqo oo yara fiican ilaa heerar kala geddisan. Bulshooyinka aadka u sii liita xagga nolosha waxaa uga sii daray intaas oo dhan ka sokow maqnaansha ama la’aanta fursado dakhli dhalin ah (Lack of income generating opportunities). Xaddidnaanta dakhli ee haysata mujtamacyada la daraaseeyey, waxay raad weyn ku yeelatay awoodda ay u yeelan karaan in ay helaan baahidooda aas-aasiga ah ee caafimaad iyo waxbarasho maaddaama adeegyadaas oo dhan ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay (Private). Bulshooyinka caydha ah ee la daraaseeyey waxay muujyeen oo kale «Qaabab is taageerid bulsho oo liita» (Poor social Support systems), taas oo sii kicisay u nuglaanshaha nafaqodarro iyo caafimaad xumo.

Natiijooyinka sida ballaaran u khuseeya xaaladaha la darsay ka sokow, lixda warbixinood (reports) ee NCA ee halkan ku xusan waxay ku ogaadeen xaalado iyo qodobo xiriir ah oo si gaar ah u khuseeya bulshooyin iyo degaanno kuwaas oo raad weyn ku leh xaaladaha nafaqo marka si gaar ah loo macnaysto.

NCA1: Barakacayaasha gudaha ee Xamar (Mogadishu IDP Communities)

Soo jeedinno wax ku ool ah:- 1. Waa in la hagaajiyaa fursadaha iyo adeegyada caafimaadka aas-aasiga ah, helidda nafaqada,

nadaafadda, iyo tacliinta ee heer qoys gaar ahaan mujtamacyada laga tirada badan yahay (Minority groups).

2. Waa in la caawiyo hawlaha iyo fursadaha dakhli abuur ee dadka laga tirada badan yahay. 3. Waa in la raadiyo qaabab iskood isku wadi kara (Self sustainable) oo lacag ku soo geli karto degaannada

barakacayaasha gudaha ee Xamar; tusaale ahaan: • In la darso qaab loo furi karo suuqyo laga sameeyo xeryaha barakacayaasha, si ay dhexdooda u

kala ganacsadaan. • In la hagaajiyo xirfadaha ganacsi iyo kuwa farsamo ee Barakacayaasha. • Bal in la eego barnaamijyo lacageed ee diiradda saaraya barakacayaasha gudaha ee Xamar, sida

in la aas-aaso sanduuqa ama foondada wareegta (Revolvig funds), ama daymo (Loans) lagu caawiyo ganacsiyada yar yar ee cusub.

4. Waa In la yareeyo dhacdooyinka faraha badan ee cudurrada caruurta: • In la sugo helitaanka adeegyada ka hortagga iyo tallaalka iyo xarumaha daryeelka hooyada iyo

dhallaanka (MCH), kontarool hagaagsan ee cudurrada la is-qaadsiiyo; • In la sugo helitaanka nadaafad iyo meelo wax lagu maydho, iyo in si firfircoon loo horumariyo

nadaafadda iyo fayadhawrka, iyadoo dadka lagu wacyi gelinayo muhiimadda nadaafadda iyo fayadhawrka qof ahaan iyo degaan ahaan.

• In la sugo (To Insure) waxbarasho caafimaad iyo mid nafaqo, lana horumariyo. • In la xoojiyo tayada adeegyada caafimaad: tusaale in la tababaro shaqaale caafimaad oo

sameeya dawaynta iyo helitaanka xanuunnada sahlan (diagnose and treat simple ailments), in tababar xagga damiirka ah (ethical) la siiyo shaqaalaha si aysan u takoorin bukaanno asal ahaan ka soo jeeda meelo gaar ah; iyo in lagu dedaalo helitaanka dawooyinka lagama maarmaanka ah.

5. Waa in la hagaajiyo bey’ada caafimaadka guud (Public health invironment):

• Saxada: In lagu caawiyo bulshooyinka kala duwan in ay degaankooda si joogto ah u nadiifsadaan; tusaale: in ay iska aasaan saxarada caruurta, iyo in ay musqulahooda si joogto ah uga saaraan wasakhda. Waa in la siiyaa qalabka ay u baahan yihiin.

• Biyaha: Waa in lagu caawiyaa helitaanka meelo wax lagu maydho; tusaale ahaan in la siiyo qalabka aas-aasiga ah ee ay ku qotaan (degaannada magaalada ku dhexyaal meeshii laga helo karo ceelasha aanay guntoodu dheerayn), (Shallow wells), iyo weliba in Barakacayaasha lagu caawiyo helitaanka Haamaha biyaha, Jeerigaanno ay biyaha ku kaydsadaan, dhuumaha biyaha iyo tubbooyinka.

Page 6: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

• Nadaafadda: In la furo barnaamijyo ku saabsan horumarinta nadaafadda, Nafaqada,iyo caafimaadka si dadka barakacayaasha ah loogu wacyi geliyo hagaajinta nadaafadda.

• Daryeelka caafimaadka:In degaannada dadka barakacay laga hirgeliyo MCH yo si gaar ah loogu talo galay barakacayaasha, ayna ka mid yihiin: adeegyada qorshaynta qoyska iyo kala dheeraynta dhalmada, EPI, caawin umulinta, adeegyo dhalmada ka hor iyo dhalmada kaddibba (Ante and post Natal). Waa in la sugo in barakacayaashu heli karaan adeegyada caafimaad ee bukaan socotada (Outpatient), iyo isbitaallo ay ka shaqeeyaan dad aqoon ku filan leh; daawooyinka, iyo saadka (supplies) EPIda. Waa in la tixgeliyo in adeegyada EPIda laga fuliyo Dugsiyada quraanka halkaas oo caruurtu ku kulanto.

6. Waa in la hagaajiyo bey’ada daryeel bulsho ee dumarka iyo caruurta; meelaha gaarka ah ee diiradda la saarayo waxaa ka mid ah:

• Barnaamijyo gacan ka gaysan kara in lagu fududeeyo culayska shaqo ee haweenka si ay waqti fiican ugu helaan daryeelka qoysaskooda iyo naftooda; tusaale ahaan: In Dugsiyada quraanka lagu taageero in ay sameeyaan xannaano caruurta laga maqan yahay inta hooyooyinkoodu shaqada ku maqan yihiin. In barakacayaasha laga qayb galiyo abaabulka iyo maamulka xarumahaas.

• In lagu dhaqaaqo tallaabooyin waqtiga dheer ah ee wax looga baddalayo waxyaabaha dhaqan ahaan iyo bulsho ahaan la aaminsan yahay iyo ficillada qaarkood oo raad xun ku yeesha caafimaadka iyo nafaqadarrida. Tusaale, Gudniinka fircooniga ah, iyo garaacidda iyo kufsiga loo gaysto dumarka iyo gabdhaha yar yar.

• In la sameeyo wacyi gelin dadka lagu barayo muhiimadda kala dheeraynta dhalmada iyo raadka ay ku leedahay caafimaadka hooyada, dhallaanka iyo caruurta.

• In laga fekero dariiqooyin si wax ku ool ah u wajaha xaaladaha furriinka ee soo badanaya iyo aabbayaasha qayrul mas’uulka ah ee aan daryeelin ilmahooda furriinka kaddib. Daraasadda NCA waxay muujisay in arrintaasi ay tahay mid xasaasi u ah arrimaha macluusha iyo nafaqadarrida, taas oo sida badan dhacda marka gabdhaha lagu qasbo in la guursado iyagoo da’ yar, ayna caruur dhalaan iyagoo aan jir ahaan, niyad ahaan ama maskax ahaan, iyo bulsho ahaan u ahayn kuwo u bislaaday. Hooyada da’yarta ah ee la furay (15 jir ilaa 16), waxay ku sugan tahay meel aad u liidata si ay uga soo dhalaasho baahida daryeel ee ilmaheeda.

• Waa in la raadiyaa qaabab iyo farsamo lagu caawin karo dumarka sida gaarka ah ugu nugul macluusha iyo nafaqadarrida; tusaale ahaan in la sameeyo Kooxo iskaa-wax-u-qabso isku caawiya iyo kooxo wareegaalaysta oo talo iyo dhiirrigelin siiya. In la raadiyo hannaan sharci iyo meel lagu hagaajiyo dacwaaha iyo cabashooyinka.

• In la raadiyo fursado lagu adkayn karo ammaanka dadka nugulka ah; sida haweenka iyo caruurta: tusaale in la adkeeyo nabadgelyada degaannada barakacayaasha iyadoo loo gudbinayo lagalana xiriirayo cidda iska leh daryeelka iyo difaaca madaniga ah ee degaannadaas. Dhibaatooyinka la xiriira caafimaadka iyo macluusha ee ka dhasha gabdhaha yaraanta lagu guursado, uurka gabdhaha yaryar iyo dhalmada oo aan la kala dheerayn waa kuwo ay horeba u yaqaanaan dadka barakacayaasha ah. Taasi waa fursad wanaagsan ee ah meel laga billaabi karo tallaabooyinka ku aaddan wax ka beddelka mowqifka iyo habdhaqannada xun xun ee dadka.

7. Waa in la hagaajiyo hawlaha quudinta dhallaanka iyo caruurta (IYCF):

• In la hirgeliyo barnaamijyo isbeddel bulsho iyo habdhaqannada qaldan si loo xoojiyo wacyigelinta, in wax laga qabto habdhaqannada ku dhisan waxyaabaha xun xun ee la aamminsan yahay ee aadka ugu xididdaystay dadyowgaas; iyo in la xoojiyo bee’ad ama deegaan ku habboon barnaamiyada quudinta (IYCF).

• In laga shaqeeyo fursado lagu aas aaso kooxo la socda kana war haya hawlahaas, kuwaas oo isku keena dadka ka leexday habdhaqannada xun xun iyo hooyooyinka da’da yar iyo weliba kuwa noqon doona hooyooyin, arrimahaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo tallaabooyinka quudinta dhallaanka iyo caruurta (IYCF).

Page 7: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

• In la raadiyo habab wax ku ool ah oo hoggaamiyayaasha bulshada iyo kuwa diinta looga qaybgelinayo hawlaha wax lagu hormarinayo.

8. In la adkeeyo helitaanka cunto ee qoysaska: tusaale; in dadka danyarta ah ee nugul, sida kuwa laga tirada badan yahay ay heli karaan barnaamijyada lacageed iyo midka dakhli abuurid. Si gaar ah diiradda waa in loo saaraa Barakacayaasha gudaha (IDPs) iyo qoysaska ay dumarku horkacayaan si ay wax uga heli karaan khayraadka oo ay noloshooda u hagaajiyaan.

9. In la hagaajiyo noocyada quudka ee qoysaska (Diet): waa in kor loo qaado garashadooda ku saabsan cuntada habboon iyo midda aan habboonayn; gaar ahaan marka laga hadlayo caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano; taasoo weliba loo eegayo waxyaabaha laga heli karo meelahaas.

10. In la kordhiyo helitaanka ay barakacayaashu heli karaan hawlaha samafalka beni’aadminimo ee hadda jira iyo kuwa dib u soo kabashada (resilience programmes). In wax laga qabto arrimaha la xiriira fogaanta iyo masaafada/kharajka ku baxa gaadiidka, takooridda, wacyi gelin la’aanta. Tayada adeegyada oo la hagaajiyo.

11. In la hirgeliyo loona dadaalo la helitaanka adeegyo isku xir leh oo iskaabaya. Mashaariicda keli-kelida ah ee hadda la adeegsado, ma ahan kuwo horseeda ama keena raad weyn oo wax tar leh sababtoo ah waxaan jirin iskaabid iyo barnaamijyo kale oo dhammaystir ah oo ku aaddan dhinacyada kale. Adeegyada xagga nafaqada, caafimaadka, nadaafadda iyo biyaha iyo kuwa nolosha waa in ay noqdaan kuwo wada shaqeeya oo iskaaba si loo helo xirmo adeegyo is kaaba oo dhamaystiran (service packages).

12. Maamul dawli ah:Waa in la helaa waddiiqooyin si wax ku ool ah u wajahaya xannibaadaha keena in bulshooyinka laga tirada badan yahay ee Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo la garbiyo ama dhinac la isaga riixo (Marginalized), taas oo sababta in ay ka horjoogsato helitaanka fursadaha ay noloshooda ku horumarin karaan.

NCA 2 – Bulshada reer Muqdisha ee magaalo joogga ah (Mogadishu Urban Communities) Talooyin muhiim ah:

1. In la xoojiyo barnaamiyo kordhinaya fursado dakhli abuurid ee dadka caydha ah ee magaalada ku nool. Taas waxaa ka mid noqon kara: (i) Barnaamij lacageed (Cash Tranasfer) oo la fulin karo inta u dhaxaysa bilaha July ilaa September, waa xilliga badxiranka ka dhasha dabaylaha Mansoonka loo yaqaan. Arrintaas oo sababta in ay yaraadaan fursadaha shaqo maalmeedka ah. (ii) In la siiyo tababarro xirfadaha ganacsi. (iii) In la helo hab wax looga qabto xannibaadaha bulsho iyo takoorid dadka danyarta ah ka horistaagaya ka qayb qaadashada ganacsiga tafaariiqleyda iyo kuwa guudba.

2. Mar haddii (90% ilaa 100%) dadka ku nool cuntadoodu tahay mid la soo iibsado, fursadaha dakhli abuurku waa in ay noqdaan kuwo qoysaska u sahlaya helitaanka cunto. Waxaa loo baahan yahay in barnaamijyada arrintaas la xiriira ay si gaar ah xoogga u saaraan haweenka.

3. In la taageero samaynta kooxo caawineed bulsho kuwaas oo ay dadku isku dhaafsan karaan xogaha iyo wararka ayna si wada jir ah u wajihi karaan arrimaha muhiimka ah ee wada khuseeya. Waa in la siiyaa tababarro xirfadeed halkii ay suurtogal tahay

4. Waa in la sameeyaa go’aanno jihaysan ee heer loo-shaqeeye (Employer), deeqbixiye (Donor) iyo dawlad si si firfircoon loogu adkeeyo shaqo siinta magaalajoogga caydha ah, gaar ahaanna beelaha laga tirada badan yahay kuwaa oo muujiyey cabasho ku saabsan takoorid baahsan oo lagula kaco iyo inaysan helin adeegyada ay u baahan yihiin. Tusaale ahaan: iyadoo dumarka ka tirsan bulshooyinka qaarkood ay ka soo boodaan safafka loogu jiro goobaha caafimaadka oo ay waqti dheer la qaataan shaqaalaha caafimaadka, ayaa dad badan oo waraysi lala yeeshay waxay sheegeen in ay waqtiyo aad u dhaadheer ku qaataan safafka loogu jiro goobaha caafimaadka, isla markaasna ay waqti aad u yar la qaataan shaqaalaha caafimaadka.

5. In la xoojiyo lana ballaariyo barnamijyada nololeed iyo kuwo dib u soo kabasho si wax looga qabto faqiirtinimada muddada dheer soo jirtey.

6. Waxaa haboon in la aas aaso Xarumo dayn bixiyayaal waafaqsan shareecada Islaamka ama deeqbixiyaal si magaalajoogga caydha ahi uga heli karaan daymo fudud.

Page 8: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

7. In wax laga qabto hababka liita ee quudinta dhallaaanka iyo ilmaha ( IYCF), kuwaas oo xanniba nafaqaynta,

• In la horumariyo barnaamijyo waqtiga dheer ah oo wax looga beddelayo habdhaqanka bulsho si wacyiga dadka kor loogu qaado lana horumariyo habquudinta ugu habboon (ICYF) ee dhallaanka. Tusaale: - in dadka laga wacyi geliyo habdhaqanka ah in dhallaanka ay ku quudiyaan biyo sonkor leh isla marka ay dhashaan.

• In la xoojiyo sidii degaannadu u fududayn lahaayeen hab quudin fiican oo heer bulsho ah (community level Feeding); Tusaale xarumo xannaano dhallaanka iyo ilmaha yar yar inta hooyooyinkood ay shaqada ku maqan yihiin.

• In la sameeyo barnaamijyo dabagal iyo ka warqab (Monitering), si hooyooyinka da’da yar iyo kuwa hooyinka noqon doonaba ay wax uga bartaan kuna daydaan kuwa noqday tusaale fiican (Role Model) ee bulshadaas ka tirsan.

8. In wax laga qabto caadooyinka dhaqan bulsho ee xun xun oo raad xun ku yeesha caafimaadka dhallaanka iyo caruurta; iyo nafaqayntoodaba; iyadoo la adeegsanayo Barnaamijyo wax ka beddel dhaqan bulsho oo waqtiga fog ah. Tusaale ahaan dadka rumaysan in aan ilmaha la tallaali Karin 40ka (afartanka) maalmood ee ugu horraysa marka ay dhashaan; iyo Gubidda iyo sarsarka ilmaha oo loo haysto in ay soo dedejiso ka bogsashada cudurrada.

9. In la hagaajiyo Bay’ad daryeel bulsho ee dadka nugul sida dumarka iyo caruurta:- • In la adkeeyo wacyi gelin ku aaddan khatarta uu leeyahay gudniinka fircooniga ah ee

gabdhaha • Baarista NCA waxaa lagu ogaaday in ragga iyo dumarka, islaamaha waaweyn iyo

hoggaamiyayaasha bulshadu ay u arkaan gudniinka fircooniga ah mid khatar ku ah gabdhaha, raad xunna uu ku leeyahay caafimaadkooda, nafaqayntooda iyo ladnaanshahooda guud. Taasi ayaana na siinaysa fursado muhiim ah; tusaale ahaan in lala shaqeeyo kuwa ay khusayso ee muhiimka ah si loo gaaro isbeddel bulsho ee xagga caadooyinka toosan.

• In la xakameeyo guurka gabdhaha aan qaangaarin; uurka gabdhaha da’da yar, iyo foosha xauunka iyo xusuusta xun reebta (Traumatized birth). -In la dejiyo lana hirgeliyo sharciyo mabnuucaya guurka gabdhaha aan qaangaarin. -iyadoo 80% hooyooyink ay umuliyaan umulisooyinka bulshada ee dhaqan ahaan soo jireenka ah (Tradditional Birth attendants TBAs), waa in la baaraa sababaha ka hortaagan in ay isticmaalaan ama ku umulaan adeegyada caafimaad ee rasmiga ah (official Health Services): Tusaale ahaan umulisooyinka ay caawiyaan Wasaaradda Caafimaadku (MOH)waa in ay si xooga u dhex joogaan meelaha dadka danyarta ah ee Xamar si loo sugo daryeelka hooyada uurka leh iyo in ay si nabad ah u umuliyaan. - Wasaarada Caafimaadka (MOH) waxaa lagu caawin karaa Aambalaasyo iyo shaqaale caafimaad oo xirfad leh si ay ugu adeegsadaan bulshooyinka ay khusayso iyo in ay isbitaallada ku geeyaan kuwii u baahan.

• In kor loo qaado wacyiga ku saaban faa’idada kala dheeraynta ilmaha ay u leedahay caafimaadka qoyska. Waa in la horumariyaa qaabkii iyo sidii kale ee dhaqan ahaan la oggol yahay.

• In la adkeeyo ammaanka iyo difaaca gabdhaha iyo haweenka . Tusaale ahaan in lala kaashado lagalana shaqeeyo cidda ku hawllan amniga iyo nabadgelyada, iyo hoggaamiyayaasha bulshada si looga hortago arrimaha keeni kara rabshadaha iyo kufsiga.

10. Waa in la sugo helitaanka daryeelka hooyada iyo dhallaanka, si loo heli karo daryeel iyo xannaano dhalmada horteed iyo dhalmada kaddib; iyo ka hortagga cudurrada ilmaha, laguna daweyn karo cudurrada guud: Tusaale in la adeegsado Rugo caafimaad oo wareega oo aan lahayn takoorid iyo garab riix.

11. Waa In la sugo helitaanka meelo wax lagu dhaqdo, iyo kuwo lagu horumariyo Nafaqaynta, caafimaadka, iyo fayadhowrka2 (Nutrition Health Hygiene Promotion NHHP). Helitaanka ceelal iyo dhuumo biyood oo la badiyo waxay yaraynaysaa waqtiga dumarka uga luma biyo dhaaminta,

Page 9: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

waxayna siinaysaa waqti dheeri ah oo ay ku daryeelaan caruurtooda (Inkastoo aan taas la iska qaadan Karin).

12. Waa in la raadiyo qaab dadka danyarta ah u suurto gelin kara in ay helaan adeegyo caafimaad gaar ahaan xagga umulinta. Tusaale in lagala xaajoodo isbitaallada la wada shaqeeyo (Partners) ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa guudba in ay qiimo dhimis u sameeyaan dadka danyarta ah.

13. Waa in la hagaajiyo bartilmaameedsiga kuwa mudan in ay ka manaafacaadsadaan ama ka faa’idaystaan barnaamijyada lagu badbaadinayo nolosha (Lifesaving programmes), si loo hubiyo in baahida aas-aasiga ah ee dadka danyarta ah oo ay ku jiraan dadka caydha ah ee beledka deggan wax laga qabto.

14. Waa in daraasad lagu sameeyo raadka ay ragga qaadka ruugaa iyo qaad cuniddu ku leedahay nafaqada iyo macluusha; iyo weliba daryeelka caruurta.

NCA 3 – bulshooyinka deggan hareeraha webiga ee Beledweyn: (Beletwayne Riverine Communities) Talo soo jeedin muhiim ah:-

1. Mar haddii wax soo saarka miraha beeraha ay yihiin kuwa ay inta badan ku tiirsan tahay nolosha mujtamacyada deggan hareeraha webiga ee Beledweyn – In ka badan 50% ay ka helaan cuntada iyo dakhliga, inkastoo aan la isku hallayn Karin; Hab nololeedkani wuxuu u baahan yahay in la sugo si uu u noqdo nafaqayn iskeed isku wadi karta (Sustainable Nutrition). Daraasaddu waxay ku talinaysaa in la siiyo kaalmooyin kooban beeralayda iyo sida ugu fiican ee ay u isticmaali lahaayeen biyaha la heli karo, si loo kordhiyo wax beerashada, iyo gurashada (Harvesting) miraha soo go’a ee qoysaska heli kara dhul ay beertaan. Waxaa taas ka mid ah in lagu caawiyo farsamada wax beerashada, tusaale (waxa loo yaqaan Conservation Agriculture3, oo ah hab wax beerasho oo degaanka iyo bee’ada xafidaya, wax-soo-saarkana kor u qaadaya, abuurka, qalabka aas-aasiga ah ee beeraha, kaalmo farsamo ee maamulka iyo maaraynta miraha (sida wax loo beerto, miraha iyo dhirta, loo maamulo, loo goosto miraha, iyo sida loogu keydiyo xaaladaha ka jira meeshaas). Talo siin ku saabsan beeridda cuntooynka nafaqada fiican ayaa sidoo kale la soo jeedinayaa in la siiyo beera falatadaas.

2. Waa in la kordhiyaa helitaanka adeegyada caafimaadka ijtimaaciga ah lana horumariyaa caafimaadka guud.

• In la helo adeeg caafimaad ee miyiga Beledweyn. Waa in laga fekeraa samaynta adeeg wareega, ama qiima kabid gaar ah (Subsidized Health services) laga sameeyo rugaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, si dadka danyarta ah ay u heli karaan adeegyada caafimaad ee lagama maarmaanka ah.

• In laga furo MCHyo meelaha laga heli karo daryeelka haweenka uurka leh iyo dhalmada kadib. Waa in taas ay la socotaa adeegyada tallaalka (Immunization), waxbarid xagga caafimaadka ah, iyo la talin sida ilmaha loo kala dheereeyo.

• In kor loo qaado wacyiga caafimaad iyo nafaqo ee bulshooyinkaas, si loo xoojiyo garashada iyo ku dhaqanka raadinta caafimaadka. Ha laga qayb geliyo TBAsyada, haweenka waayeelka ah (Soddohaha) iyo raggaba, waayo waa kuwa wax beddeli kara, marka la eego raadka iyo sumcadda ay ku dhex leeyihiin go’aan ka gaaridda cuntada ay cunaan haweenka uurka leh iyo caruurtu.

• In si cad diiradda loo saaro nadaafadda gaar ahaaneed iyo tan degaankaba, iyo cunnooyinka ku habboon qoysaska.

• In wax laga qabto nadaafadda gaar ahaaneed iyo tan degaankaba, iyo arrimaha mayrashada, lalana dagaallamo dhaqanka ah banaanka oo lagu saxaroodo, iyo gacmaha oo aan si wanaagsan la isaga mayrin. Taas waa in loo kaashadaa tallaabooyinka xiriirka la leh sida Barnaamijyada Saxada guud ee degaanka laga fuliyo (Local Community Led Total Sanitation CLTS).

Page 10: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

3. In adeegyada OTPyada laga fuliyo dhulka agagaarka webiyada oo aad ugu dhaw meelaha baahidu ka jirto, lana sameeyo xarumo daryeel iyo quudinta caruurta nafaqadarrida xun ay hayso.

4. In la horumariyo isbeddel bulsho iyo is beddel habdhanka ah ee waqtiga fog si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan quudinta (IYCF). Waa in ay ka mid noqoto naas-nuujinta, gaarka ah, tan muddada dheer socota, iyo quudinta dhammaystirka ah ee habboon. Waa in si firfircoon loola dagaallamo wax ku quudinta ilmaha ee masaasadda ama dhalada, marka laga reebo xaalado gaar ah oo xag jira.

5. In la xoojiyo xaaladda nololeed ee dumarka iyo caruurta ay asiibtay macluusha degdegga ah iyadoo la kaalmaynayo kooxaha wax caawiya ee degaannada, talina laga siinayo xarumaha caafimaadka. Sidoo kale waa in la saameeyaa barnaamijyo ka warqab iyo la socosho, si kuwa ka faa’idaystay oo habdhaqan toosan yeeshay ay u caawiyaan qoysaska caruurtooda macluusha darani hayso.

6. In la raadiyo fursado lagu dhisi karo Dakhli abuur, waana in la sugo helitaanka cunto ku filan. Barnaamijyada xirfadaha ganacsi iyo horumarinta bulsho waa in lagu wajahaa tababaridda dadka iyo kooxaha nugulka ah, gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay (Minorities).

7. In laga fekero sidii dadkaasi u heli lahaayeen xoolo la dhaqdo gaar ahaan sida: Digaagga, riyaha iyo lo’da, si ay u heli karaan ukunta, caanaha iyo hilibka, iyo si ay uga heli karaan dakhli ay ka dhaliyaan iibkooda. Ha la raadiyo fursado lagu siin karo caawimaad xagga caafimaadka xoolaha ah (Veternary Services).

8. Istiraatijiyadda cunto helidda (Food security strategy), waa in ay ku xisaabtantaa raadka xilliyada iyo cimilada, ku tiirsanaanta sii kordhaysa ee waraabka, iyo culaysyada gaarka ah ee ay la kulmaan haweenka iyo gabdhuhu.

9. Waa in la adkeeyo ammaanka, lana hubiyo in dumarka iyo caruurta laga difaaco maleeshiyaadka hubaysan.

10. Waa in si ka hortag ah loo wajaho arrimaha sababa garab riixa (Marginalization) dadka Soomaaliyeed ee laga tirada badan yahay taas oo sababta in ay heli waayaan adeegyada aas-aasiga ah iyo dhul.

___________________________ 2. Hab raaca ay diyaarisay UNICEF ee NHHP si ballaaran baa loo heli karaa mar hore ayaana af-soomaali lagu turjumay. 3. Daryeelka Beeraha (conservation Agriculture CA) waa qaab lagu maamulo deegaanka beeraha (Agro-ecosystem) si loo hagaajiyo wax soo saar fiican

oo iskiis isku wadi kara, kordhinta macaashka iyo isku hallaynta cuntada (food security), iyadoo dhanka kale la daryeelayo dhulka iyo degaanka wax

laga beeranayo. waxaa tilmaan u ah 3 mabda': Carrada oo aan la labin, carrada oo si joogto ah loogu daboolo waxyaabaha Organikada ah iyo kala

beddelka dalagga. (http://www.fao.org/ag/ca/1a.html).

Page 11: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

NCA 4 – Barakacayaasha gudaha ee Doolow, (Dollow IDP Communities) Talo soo jeedin muhiin ah:

1. Waa in la wajahaa arrimaha caafimaadka degaanka, tusaale in la sugo helitaanka Musqulo nadiif ah iyo biyo la cabbo oo nadiif ah oo ay isticmaalaan dadka Barakacayaasha ah ee Doolow.

2. Waa in la raadiyo fursado lagu hirgelin karo xarumo xannaano maalmeed ilmaha, taasina waa arrin nacfi u leh qoyska marka hooyooyinku ay ka tagaan caruurtooda oo ay raadsadaan shaqo maalmeed. Tusaale waxaa ka mid noqon kara in la ballaariyo Dugsiyada quraanka ee jira oo ah halka ay ilmuhu isugu yimaadaan, laguna kordhiyo qaybo xannaano dhallaanka iyo ilmaha yaryar.

3. Waa in la isku dhammaytiro meelna la isugu geeyo adeegyada caafimaadka aas-aasiga ah oo ay ku jiraan kuwa haweenka iyo caruurtu; iyo adeegyada nafaqada ee Barakacayaasha. Waa in la is raaciyo nafaqaynta iyo raashin qaybinta lana sugo raashin qaybin isku mid ah si looga hortago isla wadaajin aan habboonayn (RUFT) ee qoysaska.

4. Tallaabooyinka ku aaddan kor u qaadidda nafaqaynta iyo gaar ahaan IYCF, waa in laga qaybgeliyaa, hoggaamiyayaasha bulshada, kuwa diinta, macallimiinta, shaqaalaha caafimaadka iyo dadka waxgalka ah

5. Waa in la raadiyo hab lagu kaakicin karo ama lagu dhaqaajin karo waxa loo yaqaan (IGAs), gaar ahaan mujtamaca dadka ugu sii nugul.

6. Waa in si xoog ah loola socdo in dadka kuwa ugu sii nuguli helaan kaalmada beni’aadaminimo. 7. Waa in la hirgeliyo barnaamijyo isbeddel bulsho ee waqtiga dhaw iyo midka dheerba, si meesha looga

saaro arrimaha hortaagan in la gaaro hab quudinta ugu habboon (IYCF).

NCA 5 – Xoolo Dhaqatada Doolow (Dollow Pastoral Communities) Talooyin Muhiim ah:

1. Waa in la xoojiyo wacyigelinta iyo in awood aqooneed ee la xiriirta caafimaadka, iyo nafaqaynta lagu xoojiyo dadka ku hawllan daryeelka iyo samafalka; iyo bulshada inteed kaleba iyadoo:

• La isticmaalayo waxa ka soo baxa xoolaha si loo xoojiyo awoodooda nafaqayta; • Habka ugu fiican ee naasnuujinta; • Habquudinta dhammaystirka (supplementary feeding); • Ahmiyadda ay leedahay in la qabatimo habdhaqanka caafimaad raadinta; • Ahmiyadda saxada iyo fayadhawrka wanaagsan; • Aqoonta ku aaddan cunto isku dheelli tiran.

2. Waa in la horumariyo barnaamijyo lagu dhiirrigelinayo isbeddello lagu sameeyo habdhaqannada bulshada ee loogu talo galay waqtiga fog, kuna xiriirsan dhammaan inta aan kor ku soo xusnnay.

3. Waa in la hagaajiyo nafaqaynta, nadaafadda iyo mayrashada, iyo weliba wacyiga iyo aqoonta ku saaabsan arrimahaas ee hoggaamiyayaasha xoolo daaqsatada, shaqaalaha caafimaadka bulshada, umulisooyinka xagga dhaqanka ah (TBAs), hadba sidii ay suurtogal u tahay. In la xoojiyo adeeg caafimaad u diris iyo adeegyada naqaynta (halkii ay ka jirto).

4. Waa in la xoojiyo waxtarka iyo awoodda shaqaalaha caafimaadka xoolaha nool (CAHWS), si loo helo maarayn wanaagsan ee xoolaha. Waa in la sugo qaab iyo fursado ay ku gaari karaan bulshada intooda aadka u jilicsan.

5. Waa in la qaado tallaabooyin dhammaystiran oo lagu bixinayo adeegyada caafimaadka aas-aasiga ah ee sida degdegta ah loogu baahan yahay, iyo kuwa nafaqayntaba lana dhiirrigeliyo adeegsigooda, iyadoo la hubinayo in ay gaaraan bulshada inta ugu jilicsan.

6. Waa in la helo Fursado wiilasha iyo gabdhahaba iskuullada ku jira iyo kuwa dugsiyada quraanka lagu siinayo tacliin ku saabsan nafaqaynta. In iskuullada laga dhex aas aaso Naadiyo (CLUBS) caafimaad.

7. Waa in la hagaajiyo caafimaadka iyo amniga xoolaha ay haystaan bulshada daaqstada ah.

Page 12: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

8. Waa in la helo barnaamijyo guurguura ee caafimaadka, nafaqaynta iyo xoolaha, oo ku dhex wareegga

xoolo raacatada deggan (Settled pastoralists). • In la helo adeegyo guurguura oo laga sameeyo wadooyinka ay ku socdaalaan reer guuraagu

ama in la sameeyo baro caafimaad oo laga hirgeliyo jidadka ay maraan reer guuraaga. • In la dhiso lana caawiyo kooxo guurguura oo ka shaqeeya caafimaadka iyo nafaqaynta, si ay ugu

adeegaan dadkaas. 9. Waa in la dhiso iskuullo ama dugsiyo guurguura iyo barnaamijyo waxbarasho oo ay ka faa’idaysan

karaan dadkaas la daraasadeeyey. 10. Waa in la xoojiyo kartida dadkaasi uga soo kaban karaan abaaraha iyadoo la qaadayo tallaabooyin loo

dhan yahay oo lagu yaraynayo waxyeellada abaaraha lana aas-aasayo farsamo hagaagsan ee looga kabsan karo abaaraha.

NCA 6 – Daraasad lagu sameeyey beeralayda iyo xoolo dhaqatada Baydhaba (Baidoa Agro-Pastoral Study) Talooyin Muhiin ah:

1. Waa in la hagaajiyo aqoonta aas-aasiga ah ee dadka daryeelka iyo xannaanada ka shaqeeya, iyadoo loo marayo barnaamijyada lagu hormarinayo quudinta dhallaanka iyo ilmaha; la talin qof ka qof ah ee hooyooyinka; iyo tallaabooyinka kale ee horumarinta.

2. Waa in la aas-aaso barnaamijyo warfaafineed oo lagu jihaynayo isbeddel habdhaqannada bulshada ee waqtiga fog.

3. Waa in wada shaqayn dhaw lala yeesho shaqaalaha caafimaadka bulshada (CHWs), Umulisooyinka xagga dhaqanka (TBAs) iyo ciddii kale ee dadku ka talo qaataan marka aanay jirin adeegyada caafimaadka ee rasmiga ah. Waa in sare loo qaado aqoontooda, xirfadahooda iyo habka ay bukaannada ugu gudbin karaan adeegyada caafimaad ee rasmiga ah meeshii ay macquul ka tahay.

4. Waa in la baadi goobo fursado dadka looga caawin karo xagga beeraha, sida abuur tayo wanaagsan, qalabka beeraha ee aas-aasiga ah iyo tababarro ku saabsan hab waxbeerasho kharash yar oo iskiis isku wadi kara.

5. Waa in la hagaajiyo helitaanka adeegyada caafimaadka xoolaha iyo daawooyinka ku habboon. 6. Waa in la raadiyo qaab aabbayaasha looga qaybgeliyo quudinta dhallaanka iyo ilmaha yaryar; iyo weliba

barnaamijyada kale ee la xiriira caafimaadka guud ee qoysaskooda. 7. Si arrinta kor ku sheeggan loo taageero, waa in la raadiyaa in si waxtar leh looga qayb galiyo

hoggaamiyayaasha bulshada iyo kuwa diinta barnaamijyada lagu kobcinaayo quudinta dhallaanka iyo ilmaha yaryar.

8. Waa in la helo fursadaha jiri kara ee shabakadaha caawiya dumarka; lana aas-aaso mashaariic waxtar leh oo ah taageerid iyo ka warqab (Mentorship).

9. Waxaa loo baahan yahay cilmi baaris dheeri ah oo laga sameeyo aabbayaasha qaadka ruuga iyo raadka arrintaasi ku leedahay macluusha iyo xaaladaha nafaqo ee reeraha.

Talooyinka guud ee NCA, oo wada quseeya dhammaan bulshooyinkii daraasadda lagu sameeyey (NCA Recommendations valid across all Communities studied);

1. Waa in la adkeeyo barnaamijyada dib u kabashada, iyo kuwa dakhli abuurka; gaar ahaanna in la xoojiyo dib u kabashada iyo dakhli abuurka dadka aadka u jilicsan. waa in la sugo in ahmiyad gaar ah la siiyo dadka liita iyo kuwa aan waxba haysan ama faqiirka ah;

2. Waa in la kordhiyo helitaanka adeegyada caafimaadka aas-aasiga ah, nafaqada, iyo biyaha ay helayaan gaar ahaan haweenka, dhallaanka iyo caruurta.

3. Waa in la xoojiyo isku dubaridka iyo isla shaqaynta adeegyada iyo barnaamijyada caafimaadka, nafaqaynta, biyaha iyo wax mayrashada.

Page 13: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

4. Waa in si deg deg ah wax looga qabto oo loo yareeyo farqiga (gap) u dhaxeeya helitaanka biyaha nadiifka ah iyo nadaafadda, iyo saxada. Tallaabooyinka waqtiga fog loogu talo galay ee looga gol leeyahay in isbeddel habdhaqan bulsho lagu gaaro waa in lagu wajaho caadooyinka xun xun iyo xeerarka bulsho ee aan wanaagsanayn (Questionable communities' norms).

5. Waa in laga faa'idaysto fursad kasta oo jirta si kor loogu qaado loona xoojiyo aqoonta iyo wacyiga ku taxalluqa caafimaadka aas-aasiga ah, Nafaqada iyo fayadhawrka. Waxaa taas ku jiri kara in hoggaamiyayaasha mujtamaca, kuwa diinta iyo Umulisooyinka (TBAs) laga qaybgeliyo tallaabooyinka kala duwan ee wax lagu horumarinayo.

6. Waa in la taageero samaynta kooxaha is-caawinta, gaar ahaan xagga hooyooyinka. Ha la baadigoobo fursado tababarro xirfadeed lagu siin karo kooxahan (Vocational skills Training).

7. Waa in aabbayaasha, hoggaamiyayaasha bulshada iyo dadka kale ee saamaynta leh si firfircoon looga qayb geliyaa tallaabooyinka lagu horumarinayo Nafaqaynta iyo Quudinta dhallaanka iyo ilmaha yaryar (IYCF).

8. Waa in si xoog ah loo dabagalaa lana kontaroolaa hawlaha beni' aadmino si loo hubiyo in ay gaareen dadkii loogu talo galay oo ay ka mid yihiin dadka aadka u jilicsan ama bulshada ugu nugul.

9. Waa in heer walba kor loo qaado wacyiga ku saabsan raadka xun ee gacan-ka -hadalka iyo rabshadaha lagula kaco gabdhaha 18 ka yar iyo haweenku ay ku leeyihiin xaaladaha macluusha/nafaqada iyo caafimaadka. Kuwaas waxaa ka mid ah raadadka xun xun ee ay reebaan guurka gabdhaha yaryar, uurka iyo dhalmada gabdhaha aan qaangaarin; iyo gudniinka fircooniga ah. Waa in loo qareeno (Advocate) tallaabo deg deg ah oo arrimahaas laga qaado.

10. Waa in si firfircoon loo raadiyaa sidii barnaamij walba u dhisi lahaa waxtar gudaha ah gaar ahaan kan waxtarka xoogga aadanaha ama dadka (Human resources).

11. Waa la dhiirri geliyaa isku xirka iyo wada shaqaynta barnaamijyada nafaqaynta ee qaybaha kala duwan.

Sida la filayaba inta badan natiijooyinka lagu helay daraasadda NCA ma ahan wax cusub. Kaliya waxay xaqiijiyeen wax ururada ka hawgala Somaliya ay horeba u ogaayeen oo ah qodobada isku biirsada in ay sababaan dhacdooyinka Macluusha. Nasiib darro sababo badan oo jira awgood gaar ahaan ammaanka oo aan fiicnayn oo kooxaha baarista u suurtogelin waayey in ay gaaraan goobaha la rabay, ama ay sameeyaan sugidda tayada ee goobaha aanu ammaankoodu fiicnayn ee NCAda oo lagu daray awoodda oo xadaysnayd (Limited capacity). Sababahaas awgood baaxadda baarista la sameeyey iyo xaqiiqooyinka ka soo baxayba waa kuwo xadaysan. Sidoo kale marxaladaha la maray si ra'yi looga qaato daraasadda NCAda waxaa lagu fuliyey si deg deg ah, iyadoo aan laga qayb gelin qaybo badan oo ku shaqo leh. Sidaas darteed waa mid aan dhammaystirnayn ama xadaysann4. Sidaa awgeed daraasaddu waxay soo saartay aqoon aan u cusbayn kana qoto gaaban sidii la filayey ee asbaabaha hoose ee riixaya macluusha iyo nafaqadarrida. Arrimahaas waxaa lagaga hadlayey qaybta ugu dambaysa ee "Barashada iyo Talo soo jeedinta".

Si kastaba ha ahaatee, daraasaddu waxay si cad u muujisay natiijooyin iyo talo soojeedin xiriir ah oo ku saabsan waxyaabaha asal ahaan saamaynta ballaaran ku leh xaaladda macluuleed iyo tan caafimaad ee Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya kuwaas oo loo isticmaali karo xoojinta iyo u doodista (advocate) barnaamijyada nafaqaynta iyo macluusha. Waxaa in la sheego mudan in Consortiumka SNS loo aas-aasay in uu ka hawl galo goobaha macluusha xun ee joogtada noqotay ay ka jirto ee koonfurta iyo Bartamaha Somalia, kuwaas oo daraasadda NCA ay ilaa xad ku gaartay. Sidaas darteed, waa in taxaddar laga muujiyaa marka la dabbaqayo ama la ballaarinayo waxyaabihii lagu ogaaday daraasadda NCA.

Daraasadda NCA waxay iftiimisay raadka xun ee khilaafyada dabadheeraada, nabadgelyo xumida, iyo nuglaanshaha dadka tabarta daran oo lagu daray waxyaabo gaar ah oo la rumaysan yahay, habdhaqanka xannaanada caruurta, dhaqanka, xeerarka iyo bee'ada bulsho ay ku leeyihiin macluusha iyo nafaqadarrida. Sidaas darteed, bulshaweynta guud ma ahan in ay indhaha ka qarsato waxyaabaha lagu helay cilmi-baaristan ama daraasaddan5.

Page 14: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

Inkastoo daraasaddu marxalad kasta iyo heer kasta la kulantay caqabado waaweyn, marka la eego Waqtiga, Miisaaniyadda dhaqaale,iyo Awooddii loo baahnaa oo aan la wada helin, haddana warbixintu waxay xambaarsantahay qiimo aad u weyn. Marxaladaha daraasaddu waxay ahaayeen kuwo aqoon iyo barasho fiican u kordhinayey cid kasta oo ku lug lahayd, tallaabo kasta oo la marayey sida warbixintan lagu wadaagay.

Waxaan rajaynaynnaa in daraasadda NCA ay kiciso ama soo jiidato danaynta iyo fahamka fiican ee ku taxalluqa macluusha degdegga ah (Acute Malnutrition) ee soonayaasha Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya; iyo waxyaabaha ka dambeeya ee sababa iyo waxyaabaha isbarkan ee shidaalka u ah in ay sii jirto mushkiladdani. Daraasadda waxaa looga gol leeyahay in lagu kaalmeeyo feker qoto dheer, doodo xog-ogaalnimo ku qotoma iyo isbeddello habboon ee tallaabooyinka ururada iyo hay' adaha muhiimka ah ay ku sameeyaan barnaamij dajintooda lagu xoojinayo nafaqaynta bulshooyinka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

_______________________________

4 Markaan dib u milicsanno, si loo hubiyo aragti furfuran oo ballaaran oo ku jaango'an waraysi tayo fiican iyo Daraasadda NCA, waxay ku fiicnayd in wax ka badan arrimaha la tuhmayo ee macluusha ah ay qayb ka noqdaan marxalado iyo tallaabooyin dhabta ku qotoma oo waraysi laga qaado qaybo labaad, Lana ogaysiiyo aragtida ay qabtay daraasadda NCA. Marka la eego waqtiga kooban ee laablakaca ku dhisan ee daraasadda NCA loo qorsheeyey iyo dhibaatooyinkii la soo darsay, markii ay kooxaha baaristu garwaaqsadeen waxay ahayd mar aan waxba laga qaban karin oo xeero iyo fandhaal kala dhaceen. Tiimka ACF ee hoggaaminayey xiriirka daraasadda NCA, waxay ogyihiin in arrintaasi ay tahay jileec guud e ka jira Daraasadda NCA dunida oo dhan, waxayna ku baaqaysaa in dib loogu baraarugo,

5. Waxaa ku jira Hay'adaha, beni'aadnimo, kuwa horumarinta iyo Dawladda

Page 15: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

15

NCA Causal Pathway per Study –Furaha Daraasadda

Natiijada

Asbaabaha degdegga ah ee ugu waaweyn.

Asbaabaha ugu saamaynta badan ee qarsoon.

Asbaabaha kaalinta 2aad ee qarsoon.

Asbaabo muhiim ah.

Wadiiqooyinka waaweyn ee la raacay (Habraac).

Wadiiqooyin muhiin ah (ka raad yar).

Wadiiqooyin yar yar

Xoogga dhabta ah ee riixaya.

Xoog kale oo muhiim ah.

Qodobada aas-aasiga ah ee ugu saamayn badan.

Qodobada kaalinta 2aad ee aas-aasiga ah oo ugu saamayn badan.

Qodobada kaalinta 3aad ee aas-aasiga ah oo ugu saamayn badan

Qodob aas-aasi ah oo saamayn badan aan lahayn.

Page 16: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

16

Gurashada miraha beeraha iyo xoolaha oo aan jirin

Beeraha oo aan bixin, xoolaha oo dhinta, ganacsiyada yar yar oo xumaada, qaab nololeedka miyiga oo duma.

Masiibooyinka dabiiciga ah: Abaartii, macluushii iyo daadadkii 2011-kii

Causal Pathway NCA 1 - Mogadishu IDPs Xiriirka ka dhexeeya xaaladahii ka jiray halka ay asal ahaan ka yimaadeen Barakacayaasha iyo degaannada barakaayaasha ee Xamar waxaa lagu muujiyey Shaxda hoos ku taal. Qodobada ugu muhimsanoo raadka reeba

Cunto xumo (poor diet) - hal waqti oo la quuto (Casho

ama quraac) - Kala beddelka cunto oo liita.

Sorghum); Galley, bariis ama soor. Shaah casiriyo.

- Helitaanka cuntada HH oo aan la isku hallayn karin helitaanka cuntada la cuno oo hooseeya Tusaale. Xabuubka iyo khudaarta; Dakhli la'aan cunto lagu gato Cunista qaadka oo yaraysa dakhliga iyo ciidanka ragga ilaa heer qoysas.

Bay'ad daryeel bulsho oo hooseeya; Waxqabadka IYCF oo liita, Arrimaha Nafsaaniga (Psychological issues) Guurka iyo ilmo dhalidda gabdhaha yaryar furrinka badan Iskudhawaanta, dhalmada; culayska shaqo

Cudurrada Jadeeco, shuban-

biyoodka , Cagaarsho reports of hepatitis

Caafimaadka Guud iyo Biyaha nadaafadda oo liita: Saxa xumo, sida webiga oo lagu saxaroodo. biyaha webiga wasakhaysan oo la cabbo, mar haddaan lahayn waddo kale, Dhuumo biyo la'aan,.nadaafad xumo iyo caafimaad xumo.(HF); Gaaritaanka goobaha caafimaadka Xamar oo liita Masaafo iyo takoorid awgood .Tayada liidata ee adeegyada caafimaad iyo nadaafad. ; (xirfadda shaqaalaha oo hoosaysa, daawo iyo EPI la'aan); dhaqanaka caafimaad doonashada ah oo liidata; Isbitaallo la'aan kaddib guuritaankii MSF, Umulid xanuun iyo waayo aragnimo xun reebta, STIs

In loo barakaco goobaha IDPska Xamar raridda qasabka ah oo keentay barakac hor leh.

Kayd cunto la’aan. Waxyaabaha xoolaha iyo Beeraha ka soo baxa oo maqan

Qaar Kamid ah dhaqamada jira - guurka iyo dhalmada da'yarida; - Kala dheerynnta dhalmada oo liidata - Dumarka oo lagu dayaco xanaaneynta dhallaanka, - Cunista qaadka, - Talaalka ilmaha dhashay oo lala daaho ,

Macluusha degdegta ee daran- oo dabadheeraata

Mog

adish

u ID

P 20

11 -

2015

: Hile

taan

ka g

arga

arka

ben

i aad

nim

o iy

o ba

rnaa

mijy

ada

badb

aadi

nta

oo h

oose

eya

Dakhli xumo ay sababtay la'aanta iibka xoolaha iyo miraha beera, cunista qaadka oo lagu bixiyo kharashka dakhliga.

Caydh nimo,soo kabasho la'aan

U diyaarsanaanta masiibooyinka oo liidata

Wacyi xumo IYCF, caafimaadka iyo nafaqada

Tacliinta rasmiga ah oo aan jirin ama liidata

xirfadaha ganacsiga oo liita

Cududa shaqaalaha oo aan horumarsaneyn ama aan laga faa'ideysan

Cod iyo matalaad la'aan xagga siyaasada

Maaliyada iyo hantida oo hoosaysa.

Iskaashiga bulsho oo liita; takoorid dadka laga tirada badanyahay

Amaanka oo aan fiicneyn

Sina

an la

'aan

iyo

tako

or

Gu 7 Deyr movements

to/ from Shabelle to

plant/harvest

AREA

OF

ORI

GIN

: L|M

Sha

belle

, Bay

, Bak

ool;

Amaa

n xu

mo

iyo

how

laha

gar

gaar

ka o

o lii

ta

Page 17: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

17

Causal Pathway NCA 2 – Bulshada reer Mogadishu

Macluusha degdegta ku timaadda, haddana sii jirta

Cunto xumi - Hal mar wax quudasho (casho) Kala beddel la'aan cuntooyinka (canjeero, saliid iyo sonkor); shaah rinji ama caddays caana boore; casiriyo

Raad raaca ugu saamaynta badan Cudurrada Jadeeco, shuban

biyood degdeg ah, ARI. Mallaariya iyo STI

Helitaanka cunto oo aan la isku hallayn karin -helitaanka cuntada oo hooseeya .meseggo, digir, khudaar; - La’aanta lacag cunto lagu iibsado; -Cunista qaadka oo la dega

Daryeelka bulsho oo liita -Waxqabadka IYCF oo liita - Arrimaha nafsaaniga ah - Guurka iyo dhalmada da'da yaryar, furriinka faraha badan, isku dhawaynta dhalmada, culays shaqo.

Daryeelka bulshoda oo xun. Mayrasho: Saxada degaanka oo xun sida asturidda qashinka, saxarada; nadaafad xumo guud. Rugo Caafimaad (HF): rugaha caafimaadka Muqdisha oo aad uga fog, iyo weliba takoorid u dheer, tayada adeegga caafimaad oo liidata (xirfad la'aan shaqaalaha caafimaadka iyo dawo iyo EPI la'aan), dadka oo aan garanayn caafimaad doonasho. Isbitaallo guud oo aan jirin markii MSF ay baxday, Dhalmada oo dhib lagala kulmo, isku furan iyo STI dumarka.

Soo kabashada oo liidata

Caadooyinka xun xun sida FGM,, guurka iyo dhalmada da'da yar

Quudinta ilmaha iyo dhallaanka (IYCF) oo liidata,Tallaabooyinka Caafimaad iyo nafaqo oo hooseeya.

Tacliinta Rasmiga oo hoosaysa

U diyaarsanaanta Masiibooyinka oo aan jirin

Xirfado ganacsi oo liita

Koonfurta iyo Bartamaha (SCZ) oo looga barakacay xagga Xamar si loo helo fursado tacliineed iyo Daryeel Caafimaad.

Wax soo saarka Beeraha oo xumaaday, xoolaha oo dhintay, Ganacsiyo yaryar

Abaartii iyo Macluushii ka dhacday qaybo ka mid ah Bartama iyo Koonfurta iyo bartamaha 2011kii

Isbebeddelka xilli roobaadka

Cimilada

Nabadgelyo xumo qaybo ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha (SCZ)

Fursadaha shaqo maalmeedka oo ku yaraada dadka aan wax haysan ee magaalada, gaar ahaan xilliyada bad-xiranka ee Dakaduhu xirmaan.

Maalgelin la’aan Maalgashiga Ganacsig oo Yaraada

Suuqa Bakaaraha oo gubtay 2013. Qaraxyo iyo nabad la’aan hadda taagan

`Bixitaankii

MSF oo keenay in la waayo Adeegyo

Amaan xumo Xamar

Cududda shaqaalaha oo aan horumar saneyn lagana faa’idaysan

Ka faa’iideysiga bulshada oo xun. Takoorid.

Siyaasada: Somalida laga badanyahay oo aan la tix galin

Hantida muuqata: Dakadaha oo xirma bisha September dabeylaha xoogga badan ee manzuunka awgood

Hantida lacageed: Hanti la’aan

Hile

taan

ka g

ar g

aark

a be

ni a

adan

nim

o oo

liita

y ila

a 20

13-k

ii

Dakhliga reeraha oo yar

Page 18: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

18

Causal Pathway NCA 3 – Dadka dega Hareeraha wabiga ee Beletweyn

Dakhliga oo hooseeya

Cunto xumi: - Quudasho hal - labo jeer galinkii -Cunto kala geddis la’aan: Ambulo:Galey aaney wehlin digir ama canjeero, soor, Saliid, sonkor) oo lagu qadeeyo.

Cudurrada Jadeeco, AWD, ARI; Malaria (loo tiriyo dhimashada ka dhacda goobaha nafaqeynta)

Isku haleynta cuntada qoyska oo liidata: - Helitaanka cuntada oo yar tusaale: Badarka, Digirta, Khudrada -lacag la’aan cunto lagu iibsado -aqoon yari ku saabsan qaabka beer falashada haboon -la’aanta qalabka iyo abuurka aas-aasiga ah ee beeraha.

Daryeel bulsho la’aan dumarka iyo caruurta: Cuqdad nafsi ka (dhalata Dhiigbxa iyo xanuun ka yimaada gudniinka fircooniga ah, furriinka faraha badan iyo culayska shaqo ee dumarka, daryel la’aan caruurta, quudinta ilamaha oo xun ee IYCF iyo Wax akhris/qoris la’aan. Isku dhawaanta ilmaha, dumarka iyo ilmaha oo aan haysan difaac iyo nabadgelyo; takoorid, si loola socdo dumarka da’yarta ah oo aan la hayn wax la barbardhigo (Role model)

Daryeel caafimaad xumo: Saxa xumi wabiga hareerihiisa oo lagu saxaroodo –dadka oo ku tiirsan cabitaanka biyaha wabiga oo wasaqeysan mar hadaaney jirin meel kale oo biyo loo doonto; -qasabado la’aan iyo nadaafad xumo Rugo caafimaad (HF); la’aanta goobo caafimaad oo ku yaala Beletweyn; masaafo dheer iyo takoor dartood; Adeeg caafimaad oo tayo liita (shaqaale aan xirfad laheyn iyo ANTIBIOTIC iyo EPI la’aan); dadka oo an u bisleyn raadinta caafimaadka ; Isbitaalo la’aan ilaa bixitaankii MSF oo dhalisay dhalmada dumarka oo dhibaato lagala kulmo

Gar g

aar b

eni a

adni

mo

oo y

ar

Keydka cuntada oo yar

Iibka keydka cuntada oo yar

Fursadaha shaqo maalmeedka oo yar

Miro yar oo beeraha kasoo go’ay

La’aanta Awood ay ku iibsadaan abuurka, qalabka beeraha iwm.

Lacag la’aan IGAS: Iibbka xoolaha oo hooseeya (Digaagga, lo’da; ganacsiyada yaryar)

U diyaarsanaan Musiibooyinka oo aan jirin

Roobka iyo Biyaha webiga oo yaraaday

Caadooyin lagu adadagyahay: Gudniinka (FMG), guurka iyo dhalmada da’yaraanta, furriinka badan, quudinta dhallaanka oo liidata

Soo Kabashada oo liidata

Xiliyada iyo musiibooyinka dabiiciga ah

Barakac, deegaan la’aan(saameysay 25%) iyo cabsi ku saabsan waayida naf iyo hanti kale

Xirfad la’aan beeraha iyo ganacsiga

Wacyi xumo caafimaadka, nafaqada iyo quudinta dhalaanka(IYCF

Maqnaashaha tacliinta rasmiga ah

Nabadgaliyo la’aan: dagaalka beelaha iyo maleeshiyooyinka

Kafaa’iideysiga xoogga beni aadamk oo liita , aanan horumarsaneyn, aan la xoojin, eex

Hantida iyo maalka: faqiirtinimo iyo hanti la’aan

Siyaasada: Dadka daggan hareeraha wabiga beletweyn waa dadka laga tirada badnyahay; siyaasad ahaan hooseeya, aan lahayn difaac iyo cod siyaasadeed

Bulsho ahaan: Caawimaad bulsho oo aan jirin, eex iyo takoorid

Page 19: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

19

asual Pathway NCA 4: Barakacayaasha Doolow (Dolow IDPs)

Macluusha degdegta ku timaadda,

Cunto Xumi haysata qoysaska.

Isku hallaynta helitaan cunto oo yar: Gargaarka beni’aadminimada oo aan ku filnayn, lacag yari cunto lagu gato.

Cudurrada caruurnimada ku yimaada oo aad u badan, sida Mallaariyada shubanka, jadeecada IWM.

Daryeelka iyo quudinta dhallaanka, ilmaha iyo hooyooyinka oo ka liita sidii loo baahnaa:

tusaale dhallaanka oo la siiyo malab iyo biyo halsaac kadib marka ay dhashaan, quudinta ku kabidda naaska hooyada oo la billaabo waqti

hore oo aan loo baahnayn, qaabab liita ee quudinta dhallaanka iyo ilmaha (IYCF), caadada

xun ee ah in dumarka uurka leh iyo ilmaha 2 sano ka yar aan la siin beerka iyo kelyaha

xoolaha.

Dareensanaanta ah in aanu jirin gargaar beni’aadminimo oo waafi ah: Tusaale; raashinka oo aan ku filnayn qoyska, qaraabakiil iyo eex

joogto noqday.

Caafimaadka degaanka oo liita: tusaale; nadiifsanaanta xeryaha, musqulo aan ku filnayn; biyo aan nadiif ahayn; musqulo la’aan.

Dakhli la’aan: tusaale. Shaqo la’aan, shaqo maalmeed aan la hayn.

Hooyadii ilmaha xannaanayn lahayd oo culays shaqo haysto: tusaale; shaqo maalmeed, cunto karin, xaabo soo gurid iyo biyo dhaamin.

Caadooyinka xun xun oo la rumaysan yahay: tusaale; ilmaha oo aan naaska loo dayn ama lagu koobin, ilmaha oo aan la siin caanaha lo’da;, markii jirro timaaddo oo la aado dadka dhaqanka wax ku dabiiba, ilmaha oo ilkaha laga bixiyo markay jirradaan, Gudniinka fircooniga ah, iyo dhalmada oo la isku dhadhaweeyo (aan la kala dheerayn),

Dadka oo ku soo qulqula xeryaha barakacayaasha iyagoo raadinaya gargaar

Inta la isku jirsiiyo

dhalmada: tusaale; dhalmada gabdhaha da’da yar ee ilaa 15 jir waxay hoos u dhigtaa tayada daryeelka

ilmaha.

Burburka ku yimid wixii lagu

noolaan lahaa. Nabadgelyo xumida Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Page 20: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

20

Causal Pathway NCA 5 – Xoolo dhaqatada reer Doolow

Macluusha Degdegta ku timaadda

Cunto Xumi

Cudurrada caruurnimada ku yimaad oo aad u badan

Ammaanka qoysaska oo xun

Daryeelka iyo quudinta dhallaanka, ilmaha iyo hooyooinka oo ka liita sidii loo baahnaa. Tusaale: nuujinta oo lala daaho, habka Nuujinta fiican oo aan la isticmaalin, quudinta ku kabidda ah oo la billaabo waqti hore oo aan loo baahnayn, cunto dheelli tiran sida soorta iyo bariiska oo aan jirin, doonista adeegga caafimaad oo aan la isticmaalin, wadaadada iyo kuwa geedaha wax ku dabiiba oo la aado, hooyooyinka oo doonta shaqo maalmeed, u socdaala biyo dhaamis iyo xaabosoo gurid, xoolo raacid, inta badanna ka taga ilmaha.

Xaaladda caafimaadka degaanka oo liidata: Biyo nadiif ah iyo kuwo lagu mayrto oo yar; Saxada oo xun, iyo Musqulo aan jirin

Caadooyinka xun xun ee la rumaysan yahay: tusaale; Beerka iyo kelyaha oo aan la siinin wiilasha iyadoo loo haysto in ay fulay onooqonayo. Wiilasha oo aan la siinin caanaha ciirta ah

Iibka xoolaha iyo waxa ka soo baxa oo hooseeya

Xaaladda xoolaha oo aan fiicnayn: lo’da, riyaha, idaha iyo geela.

Gargaarka beni’aadminimo oo yaraa: tusaale; sannado badan ma ay helin gargaar cunto

Qoysas tiro badan oo dumarku hoggaamiyaan, Tusaale, furriinka oo batay

Ilmaha oo aan la kala dheerayn: sannad walba oo la dhalo

Daryeelka hooyada uurka leh oo aan jirin

Gudniinka iyo qodobniinka (FMG), oo keena dhiig yari, baqdin ah in ilmo

waaweyn la dhalo iyo in iskufuran uu dhaco waqtiga dhalmada

Guurka da’da yar yar oo aad u badan: ka billow 15 jir; guurka khasabka ah; gabdhaha yar yar ee uuraysta.

Abaaraha

Page 21: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

21

Causal Pathway NCA 6 – Beeraleyda iyo xoolo raacatada reer Baydhaba

Macluussha Deg degta ku timaadda

Cunto Xumi Cudurrada caruurnimada ku yimaad oo aad u badan

Ammaanka qoysaska oo xun

Dakhliga ka soo xarooda shaqo -maalmeedka iyo beeraha oo aan ku filnayn

Cunista qaadka: tusaale ahaan, waxa ka soo baxa beeraha waa la iibiyaa; lacagta ka soo xaroota iyo tan shaqo-maalmeedkaba waxaa lagu isticmaalaa in qaad lagu iibsado

Daryeelka iyo quudinta dhallaanka, ilmaha iyo hooyooyinka oo ka liita sidii loo baahnaa. Tusaale: ilmaha oo aan la kala dheerayn (1 cunug sannad walba), naasnuujinta oo la joojiyo, hooyooyinka oo nafsiyan u daciifa; iyagoo ka cabanaya daal, iyo waqti la’aan ay wax ku xannaaneeyaan; daryeel xumo caruurta ah iyo hooyooyin iska maqan; qaabab aan habboonayn oo naasnuujin ah, ilmaha dhasha oo la siiyo malab iyo biyo; billowga naasnuujinta oo lala daaho; quudinta dhammaystirka ah oo liidata; Habka raadsiga caafimaadka oo aan wanaagsanayn (dadka dhaqan ahaan wax dabiiba iyo wadaaddada oo la aado, Caadooyinka xun xun ee la rumaysan yahay, Aqoon la’aan cilmiga aas-aasiga ah ee Nafaqaynta; tusaale; cunto isku dheelli tiran, Aqoon la’aan sida ilmaha loo siiyo cunto nafaqaysan; tusaale ilmaha oo la siiyo Soor keliya, ilmaha iyo dhallaanka oo sida cuntada loogu diyaariyo aysan fiicnayn.

Helitaanka adeeg caafimaadka degaanka oo liidata: tusaale; tallaal iyo ka hortag oo aan jirin; xarumo caafimaad oo aan jirin; xarumaha caafimaad oo aad uga fog; safaf iyo sugitaan dheer,

Gargaarka beni’aadminimo oo aan ku filnayn: Hay’ado aan badnayn oo bixiya adeeg caafimaad

Fursadaha shaqo maalmeedka oo ku

yar Baydhaba. Wax soo saarka beeraha oo hooseeya: tusaale; qoysaska waxaa u soo go’a miro aad u yar, waayo beerafalasha ayaa aad u hoosaysa

Beeraleyda iyo xoolo dhaqatada oo u weecda dhanka shqo-maalmeedka

Beerafalasho kooban: Cidaha oo bero ka fasha agagaarka aqalladooda oo keliya.

Nabadgelyo la’aan: Nabadgelyo la’aan ka jirta gobolka Bay

Page 22: Daraasad iyo faaqiqaad waxyaabaha keena Macluusha ... · lagu sameeyey habab nololeedka waxaa lagu ogaaday in qoysaska yara ladan marka la barbardhigo ... (Ante and post Natal). Waa

22