Upload
others
View
3
Download
0
Embed Size (px)
Citation preview
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 1aad
Samiik Samiik
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan : Gunnimo Mise Gobannimo? Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
21kii Rajab, 1436H = 10kii Mey, 2015M
Waxa aan ku bilaabahayaa magaca Eebbe; Eebbahaa oo ay u sugnaatay naxariista
guud iyo naxariista gaar. Ilaahayow adiga ayay kuu sugnaatay mahad badan, waxan eegga
iyo marar kale ba ahaan doonaa addoon kaaga mahad celiya nimcooyinka badan ee giddi
wada qaalliga ah, ee aad igu galladaysatay. Aniga oo aan wada tirin karin, is la mar kaanna
intaan xusuusto halkan ku wada qori karin, ugu horrayn, Eebbow, waxa aan kaaga mahad
celinayaa nimcada abuurka, nimcada aadannimada, nimcada nolosha, nimcada islaamka iyo
iimaanka, nimcada caqliga, nimcada xifdiga iyo fahamka, nimcada awoodaha tiro beelka ah
ee aad igu deeqday iyo dhammaan nimcooyin kaaga Rabbiyow, isugu jira kuwa aan garan
ilaayo aminka iyo kuwo aan gartay ba, kulligood waan kaaga mahadin. Waxa aan qirayaa Alle xaq lagu caabudo in uu jirin Allaha weyn mooyaan e‟ - waxaa igu filan Ilaahay; Ilaah
ma jiro xaq lagu caabudo isaga mooye, isagaan talo saartay, isagu na waa Rabbiga carshiga
weyn – waxa aan qirayaa in nebi Maxamed NNKH yahay addoon kaagii iyo ergay gaagii -
Allow naxariis iyo nabad galyo, nebigaaga Maxamed NNKH kor kiisa yeel. Bulshooy,
waxa aad markhaati ka ahaataan: in aan Ilaahay raalli uga ahay Rabbinnimo; islaam kana
raalli uga ahay diinta xaqqa ah, ee in la is ku dhaqaa ay waajib tahay; iyo in Maxamed
NNKH raalli uga ahay nebi xaq ah oo Eebbe u soo diray in uu dunida hanuuniyo yahay.
Hordhac
01dii Luulyo, 1960kii, is raacii labadii gobol ee
Soomaaliyeed ee waqooyiga iyo koonfurta ee
sida gobannimada lihi wada jir u aas aasey
„Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliya‟,
waxa ay ahayd guul u soo hoyatay ummadda
Soomaaliyeed, oo higsigoodii u ahayd meel ay
ka sii xoojin karaan. 18kii Mey, 1991dii, waxa
shirweyne ka dhacay magaalada Burco si toos
ah looga ga dhawaaqay „gooni isu taag‟; tani,
waxa ay noqotay qaddiyad Soomaalidu fikirro
kala duwan ka dhiibtaan. Haddaba, waxa aan
doonayaa hab aqooneed fikriya oo caddaaliya
in aan uga jawaabo waydiintan: “Gooni Isu Taagga
Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo”. Jawaabtu: Waa
gunnimo; qodobka ugu dambeeya ayaan ku caddaynayaa.
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 2aad
Samiik Samiik
Milicsi Guud Bulshada Soomaaliyeed waxa ay leedahay lix tilmaamood oo ay jirin ummad ku
dhaqan dunidan oo la wadaagta. Kow, waa is ku diin, oo diinta keliya ee dalka si baahsan
looga wada rumaysan yahay waa diinta islaamka ee xaqqa ah. Labo, waa is ku af, oo afka
keliya ee sida rasmiga ah dalka looga hadlo, bulshadu na is ku af garato, waa af Soomaali.
Saddex, waa is ku qolo, oo isirka Soomaaliyeed kolka si dhab ah baadhis loogu sameeyo,
natiijada la ogaanayo waa in ay qolo qudha yihiin. Afar, waa is ku dhaqan, Soomaali degel
wal ba oo ay ku nooshahay waxa mideeya dhaqan keliya. Shan, waa is ku sooyaal oo hal
sooyaal ayay wada leeyihiin, ugu dambayn; waa bulsho is ku deegaana, walow deegaamo
labo ahi gacanta gumaystaha ku jiraan, haddana, isa saamaynta nololeed iyo isu gudubka
waa mid aan go‟in tan iyo waaggii la kala gooyey. Qodobbadani waxa ay fududeeyeen oo
hirgeliyeen, bulshada Soomaaliyeed in ay noqoto jaad gooniya oo bulsho iyada la mid ah
laga waayo, diiwaanka lagu kaydiyo taariikhaha bulshooyinkii dunida soo maray iyo wali
ba, kuwa eegga.
Ilbaxnimadii Soomaaliyeed waxa ay ahayd mid weyn oo aad u saamayn badnayd.
Dhulka Soomaalida waxa loo bixiyey magacyo badan oo ay ugu mudnayd ugu na miisaan
weyneyd „dhulkii udugga‟. Xidhiidh ganacsi oo aad u baaxad weynaa ayaa Soomaalida iyo
bulshooyin kala geddisan u dhexeeyey, sida: Soomaalida iyo Masaaridii hore; Soomaalida
iyo Carabta; Soomaalida iyo Beershiya; Soomaalida iyo Turkida … Waxa geyiga yimidey
aqoon baadhayaal ku talaxtegay qaybaha kala duwan ee aqoonta, kuwaa oo baadhay wax
badan, sida: hab dhismeedka dhulka Soomaalida, hab dhaqanka bulshada Soomaaliyeed,
isirka qoloda Soomaaliyeed, sooyaalka iyo ilbaxnimada, hab fekradeedka bulsho iyo wali
ba, aragtida qofka Soomaaliga ah IWM, nasiib darro, wax badan oo baadhis yadaas ka mid
ah raad raac sugan laga ma hayo, inta soo gaadhay gacanta Soomaalida na ma badna, oo
wali ba, fara farayni ay ka muuqato. Dhererka sooyaalka nololeed ee bulshadan, inta wax laga qorin ayaa ka badan inta wax laga qoray; inta wax laga ogayn ayaa sidoo kale aad uga
badan inta wax laga og yahay.
Marka lagu daro, qaabkii aad ka u quruxda badnaa ee Soomaalidii hore: guryaha u
dhisan jirtay, hubka u samaysan jirtay, boqortooyooyinkii geyiga Soomaaliyeed ka talin
jiray iyo sidii wanaagsaneyd ee qabaa‟ilka Soomaalidu is ku maammuli jireen, xeerar
dhaqammeedyadii iyo sidii loo maarayn jiray dhibaatooyinka dhaca, cilmiyadii kala jaadka
ahaa ee Soomaalidu taqaannay, sida: aqoonta dhir is ku dawaynta, aqoonta ganacsiga iyo
dhaqaallaha, aqoonta xiddigiska, aqoonta noolayaasha, aqoonta dhulka, aqoonta bulshada,
aqoonta … iyo xirfadihii kala duwannaa, sida: xirfadda farsamada gacanta IWM. kuwakani
dhammaantood waxa ay si toos ah u caddaynayaan, heerka ay gaadhsiisnayd aqoonta iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed, sida dunidu uga warqabtay oo ay baadhisyo badan oo
kala maaddooyin duwan ugu sameeyeen, ama xidhiidhyo kala geddisan ula lahaayeen, iyo
sida eegga raad raacyada la hayo dhererka u gaadhsiinayaan siddeed qarni in ku siman.
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 3aad
Samiik Samiik
Soomaalida saddex nooc ayaa loo qaybiyaaa. Kow, xoolo dhaqato noloshoodu
tahay xoolaha u jooga dhaqashadooda iyo ka helidda noloshooda si wal ba, dabeecadda
lagu yaqaanno na waa noqoshada reer guuraa, had ba u guura meeshii biyo iyo baad lagu
soo sheego, oo naq wanaagsan leh. Labo, beeralay noloshoodu tahay dalag abuur iyo in
ay ka helaan noloshooda tacabka ay gashadeen geedo abuurka. Ugu dambayn, kalluun
dabato noloshoodu tahay baddaa in ay ka dheef sadaan oo noloshooda ka soo saaraan.
Kolka la baadhayo hab dhaqan nololeedka Soomaalida, heerrarkaa ayaa loo kala saaraa.
Xoolo dhaqatadu waa laf dhabarta dhaqanka iyo dhaqaallaha Soomaaliyeed. Guud
ahaan, xeerar dhaqammeedyadu meesha ay ka soo unkamaan waa meeshan. Soomaalida
oo lagu tiriyo bulshooyinka dagaalku u yahay dabeecad ama shay noloshooda ka mid ah,
had iyo jeer, waxa dhici jiray dagaallo badan oo inta badan geel iyo gabadh ka bilaaban
jiray, marka laga soo tago is ku qabsiga dhul daaqsimeedka iyo lahaanshaha deegaan ama
shay waxtar badan. Dagaalladaas, oo ahaan jiray kuwo soo noq noqda iyo kuwo wajiyo
hor leh daah fura waxa loo guntan jiray in la xaliyo oo dhibtaa la soo gunaanado, haddaba
si looga jawaabo arrintaas, waa in la soo saaraa xeerar, dabadeed, la sharciyeeyaa oo lagu
dhaqmaa. Haddaba, xeerarka ugu badan ee lagu dhaqmo ilaa iyo eegga, waa kuwo xidid
koodu halkaa ku astaysan yahay. Docda kale, waxyaallaha ugu badan ee Soomaalidu ay
horay iyo haatan ba dhoofiyaan, waa xoolaha nool. Wax soo saarka Soomaalida oo ku
tiirsan dhoofinta xoolaha iyo xeerarka dhaqammeed ba, waxa aabbe u ah reer guuraaga.
Dabeecadda dhaqan ee shacabka Soomaaliyeed waxa lagu calaamadiyaa, bulsho
geesinnnimadu iyo gobannimadu ku weyn tahay. Aragtida qofka Soomaaliga ahi, waa qof
aad u neceb in la gumaysto, kuna noolaado nolol dullinnimadu si dadban ama daalac ba ay
uga muuqato; waa qof aan jeclaysanayn madaxbannaanidiisa qof si guud ama gaara in laga
maan iyo muruq maroorsado. Haddii la gumaysto waa qof u diyaara in uu dagaallamo, oo
uu xoog ku soo ceshado qofnimadiisa la boobay; waxa sidaa la mid ah bulshada. Waxa la
og yahay in ay tahay bulsho aad is ku jecel, isa soo dhowaysta oo Soomaalinnimadu aad
ugu talaalan tahay. Dhaqammada: marti soorka, is kaalmaynta iyo tashi wadaaggu waxa ay
ka mid yihiin, gobbannimada, sida xaqudirirnimadu u tahay gobbannimo doon.
Dhan kale, ceebaha reer guuraaggu leeyihiin waxa ka mida, sida ereyga „guur‟ ay si
wal ba ugu adeeg sadeen. Kolka wax la xiiseenayo iyo kolka wax laga xanaaqayo waa in
ay u guuraan waxa ay xiiseenayaan, oo ay ka guuraan waxa ay ka xanaaqayaan; dabeecad
ahaan waxa ka muuqata is la weyni „atoorannimo‟, fikirka uu wax wal ba ku dhisayo kuna
jaangoynayo waa is la ereygaa. Haddii dhibaato ka hor timaaddo waxa uu deg deg go‟aan
ahaan u qaadanayaa dhibtaa in uu ka guuro; haddii muran yimaaddo waa in la kala guuro;
haddii la is af garan waayo waa in la kala guuro; haddii hal wax la is ku qabto waxyaallo
badanna heshiis laga yahay, waa in la kala guuro! Madaxbannaanida aan qeexnayn ee aan
lahayn xad la is la yaqaanno, is la weynidan aan lahayn muraad wanaagsan, anaanniyaddan
wax wal qarribtay, iyo gorfeyn la‟aanta waxa heshiiska lagu yahay iyo waxaan lagu ahayn,
sababta loo guurayo iyo saamayn teeda mustaqbal, iyo dhab u lafagur la‟aanta waayaha &
waaqica nololeed iyo duruufeed, waxay qayb ka tahay dhaliilaha loo hayo reer guuraaga.
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 4aad
Samiik Samiik
Gumaystihii Yurub 1884, waa kolkii qaaradda Afrika qaybinteeda loo fikiray, oo miiska la soo saaray
khariiradda si loo qaybsado oo loo hantiyo. Yurub, waxa ay is fahamkaa ku macnaysey, in
si fiican looga fikirayey sidii qaaradda saboolka ah ee Afrika looga samatabixin lahaa wax
wal oo dhibaato ah, sida: gaajada, dibudhaca fikir ee horumar iyo kor u qaadista wax soo
saarka guud ee qaaradda iyo sidii qowmiyadaha ku nool looga caawin lahaa helitaanka iyo
habaynta fursado ay wax ku bartaan, oo aqoomo kala geddisan ku hantiyaan, iyo wali ba,
xirfado ay ku hormariyaan tayada wax soo saar kooda iyo horumar kooda guud. Cid wal
oo ay arkaan waxa ay u sheegayeen sidaa, oo aad loo buun buuniyey, macaanayn aad u
badanna lagu daray. Allow, nimaan wax ogayn ha cadaabin. Taasi waxa ay ahayd furihii
gumaystahu ku fur furay, maanka dadkii madoobaa ee dhulkooda loogu yimiddey!!!
Bulshada Soomaaliyeed waxa ay kala hortimid dagaal socday muddo badan. Iyada
oo ummadda Soomaaliyeed aan lahayn hannaan siyaasadeed oo mideeya, oo qolo wal ba
halka ay ku noolayd ku boqranayd; iyada oo ku nool dal istiraatiiji ahaan aad u wanaagsan
oo qaniya; iyaga oo ah bulsho muslimiina; waxa la is ku dayey marar badan in mugdi ba‟an
la geliyo jiritaan kooda bulsho iyo lahaanshahooda dal. Waxa ay is ka caabiyeen oo cudud
adag kala hortageen gumaystayaashii: Giriigga iyo Roomaanka. Gumaystayaashii Yurub,
iyaga oo aad u og soon halaaggii ay la kulmeen Giriigiyiintu iyo Roomaaniyiintu, waxa ay
dejiyeen qorshihii ay ku soo geli lahaayeen dalka. Xabashida oo ka caawisey qaab efentari
ahaana in ay u soo galaan dhulka, Soomaalida na halkaa kala dagaallamaan, iyagoo la siiyey
hub kala nooc noocyo ah, saanad militari iyo waayo aragnimo dagaal; heshiis saldanadihii
Soomaaliya ka arrimin jiray qaar kood la la galay iyo dagaallo fool ka fool ah, oo si toosa
u dhexmaray Soomaalida iyo gumaystaha, waxa ay ahaayeen hababkii kala du duwanaa ee
ay geyiga Soomaaliyeed ku yimaaddeen. 420 sanadood ayay ku qaadatay in ay qabsadaan
oo dhulka qiimiga badan hantiyaan, aayar aayar na isugu balaadhiyaan. Sanadahaas waxay
la kulmeen: is ka caabbin buuxda, geesinnimo boqonaysan iyo halaag badan.
Soomaaliya waxa ka hirgalay ururro gobannimo doona oo ka dhiidhiyey nolosha
addoonnimada ee gumaystayaashu wadaan. Ururradaa ku jiray halganka diineed iyo wali
ba, gobannimo doonka waxa baar kooda ahaa ururkii caanka ahaa ee „Daraawiish‟ magac
ahaan loogu wanqalay. Geylame, gabyaa, Imaam, Sh. Sayyid Maxamed Cabdillaahi Xasan
IHUN ayaa ahaa hoggaamiyihii ururkaa iyo wali ba, horseedkii iyo hormuudkii jihaadkii
weynaa ee saancaddaalayaasha lagu la jiray. Ururkii SYL ayaa ahaa urur dhallinyaro aad
isugu xidhan, oo mabda‟ qudha wada rumaysan, oo halgan badan u galay „gaadhitaanka
buuxda ee gobannimo lagu waaro oo la hantiyo‟. Sidoo kale, waxa jiray shakhsiyaad weyn
oo sooyaalka baal muhiima ka galay, sida: Sh. Xasan Barsame, Sh. Maxamuud Muumin, sh. Cabdillaahi Mursal, Cumar Samatar - dhammaatood IHUN - iyo qaar kaloo badan. Ugu
dambayn, halgannadaas iyo halyeeyayaashaas waxa ay suurto geliyeen suurowga fikirkii ay
u geyllamayeen; taasina, waxa ay marag fur u tahay gobannimada iyo geesinnimada dadka
Soomaaliyeed. Guusha lagu ma keenin wax aan ka ahayn dhiig la shiidaaliyayoo saydhmay.
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 5aad
Samiik Samiik
Gobannimadii Soomaalida Baadidoonka Soomaaliweyn waa fikirkii ugu balaadhnaa ee ka dhex muuqday guud
ahaan halgannadii dalka ka hirgalay, gaar ahaan kuwii ku suntaysnaa raaditaanka dowlad ay
leedahay Soomaalidu. Ururkii SYl iyo ururkii SNL, waxa ay ahaayeen labo ururrood, oo
hubaashii, door aad u qiimi badan oo qurux badan ka qaatay sidii loo heli lahaa midnimo
guud oo ku calaamadsan „midnimada qowmiyadda Soomaaliyeed‟, madaxbannaani dad iyo
dal iyo dawlad ay hadhsadaan Soomaaliweyn guud ahaan teed. Si higsigaa qaalliga ah loo
xaqiijiyo, oo malo‟awaalkaa dhab loo beddelo, waxa la isticmaalay: dhiig Soomaaliyeed,
dadnimo Soomaaliyeed, fikir Soomaaliyeed iyo garaad Soomaaliyeed. Ugu dambayn, sida
kolka marka geed la abuuro ee loo dhibaatoodo abuuritaan kiisii iyo koritaan kiisii, ee uu
deeto, geed toosan noqdo, oo midho macaan yeesho, udgoon iyo arag dhaayaha u roon
yeesho iyo wali ba, hadh falaadhaha kulul ee cadceedda laga ga gabado; waxa haatan la
macaansan doonaa midhihii jihaadka, waxa udgoon iyo aragti soo jiidasho leh, hubaashii,
noqon doona halyeeyadii iyo sooyaalkii mugga weynaa ee dhaxal ahaan jiilasha dambe uga
tageen, waxa la hadhsan doonaa waa wixii la baadigoobayey oo ahaa, „dawlad ka dhigan
weel la dhaansaday, oo Soomaali dhidid, dheecaan iyo dhiig ka buuxiyeen‟.
10kii sanno ee dowladnimo baradka lagu jiray ka dib ayay Soomaaliyi xaqiiq ahaan
guddoonsatay, gobannimadii ay u geyllameen. Soomaalidu aragti ahaan waxa ay qabtay in
halganku uu dhammaan, oo gobollo kale wali cadowga gacantiisa ku jiraan, sida: Jabbuuti,
Ogaadeeniya iyo NFD. Geyeysiinta cadowga in ay dhammaan iyo guushii ugu weynayd in
aan la gaadhin ka dambow; Soomaalidu in ay diidday madaxbannaanida in laga fikiro oo
dib loo dhigo, muddo na lagu daro ka sakow; 26kii Juun, 1960kii, waxa ay ahayd maalin
weyn oo macne weyn ugu fadhiya guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan, dadka
ku abtirsada waqooyiga. Waa maalinkii ugu horreysey ee gobolkii ugu horreeyey si rasmi
ah u madaxbannaanooba; waa maalinkii calankii gumaysiga ciidda la galiyey kii Sooomaal na samada lagu taagay; waa maalinkii bulshadu farxad iyo faan la oyday oo qof wal isagoo
is ogayn ooyey, qiiroodey, damaashaadey, oo bood boodey; waa maalinkii qof wal oo hal
abuur leh soo bandhigay hal abuurkiisa, kaan lahaynna is ka raa raadiyey isagoo aaminsan
„suugaantu waa caashaq keentay ama ciil keentay‟; waa maalinkii magaca Soomaaliyeed uu
galay diiwaanka taariikhda; ugu dambayntii, midhihii halganka iyo jihaadka waa maalinkii la
dhadhamiyey, ee macaanka gobannimada loo bogay, wali ba, la la ashqaraarey.
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
An siduu yahay eegno e’
Kaana sib kanna saar
- Geylame, gabyaa iyo geesi: Timacade IHUN
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 6aad
Samiik Samiik
Dawladnimadii Soomaalida Is ku darkii labadii gobol ee Soomaaliyeed, waxa ay ahayd bilowgii iyo horseedkii
midnimada qowmiyadda Soomaaliweyn. 26kii Juun, 1960, kolkii gobolka waqooyigu ku hor
maray gobannimada oo Ingiriisku siiyey, shan maalmood ka dib Talyaanigu gobolkii kale
ee koonfureed waxa uu guddoon siiyey gobannimada. Soomaalida oo waagaa gobannimo
iyo geesinnimo labada ba ku astaysnaa, maankoodu na ka guuxaysey fikradda dheemanka
ah ee „Soomaaliweyn‟, waxa ay is tuseen muhiimadda ay leedahay iyo sida fikraddoodu ay
u kaalmaynayso xaqiijin teeda, haddii labadoodu is raacaan oo baadigoonkii aragtidaa ay
halgan keeda galaan. 01dii Luulyo, 1960, oo ku beegan maalinkay Koonfuri gobannimada
hantisay, waxa timid fikraddii is ku darsiga oo loo arkahayey guul guul kale lagu gaadhayo,
dabadeed, waxa labadoodu ay yagleeleen „jamhuuriyaddii dimuqraaddiga ee Soomaaliya‟.
Sidaa ayay muhiim ula ahayd Soomaalidu in ay midowdoobaan; iyagoon midnimada na uga
dan lahaa: raadinta Soomaaliweyn. “Wixii rag u kaco Rabbina aqbalo way rumoobaan”.
Dawladnimadii Soomaaliyeed labo waxyaallood ayaa lagu dhisay. Qiiro xad dhaaf
ah oo quluubta dadweynaha dabooshay oo heer keedu aad u sarreeyey, taas oo wax wal
ba qiime dhac iyo qaayo tir ka dhigtay; iyo qorshe xumo layaab lahaa, taas oo wax wal ba
si dhig dhigan oo hagaagsan loo rog rogin, jeex jeexin, gorfeyn, naqshadayn, heshiinin, oo
aan loo qoddobayn. Qiiro qurxoon iyo qorsho aan qeexnayn waxa ay ahaaayeen labadii
dhagaxyood ee lagu dhagax dhigay „dhismada dawladda Soomaaliyeed‟!!!! “Arrin talo ku
habaysan, shallayn kuma dambayso”.
Reer waqooyigu labo tilmaammood waa ay kaga wacnaayeen reer Koonfureedka.
Xagga waddaniyadda, dal jacaylka iyo dad jacaylka, u halgamidda fikirka Soomaaliweyn iyo
naf u huridda xaqiijin teeda, waa ay kaga wanaag sanaayeen hubaashii reer koonfureedka,
taasi na, waxa ay ka muuqataa labo meelood: sidii bilaa shuruudda ahayd ee ay san xeerar
iyo danooyin u dejisan, ee dawladnimada ay u aqbaleen, reer koonfureedka na farta ka
saareen ammaanadaa aad ka u qaalliga ah, taasi, waa gobannimo wax loo dhigaa dhabtii ay
san jirin; iyo wacyigii fikir ee bisaylka bulshada iyo u diyaar garowgoodii gobannimada,
suugaantii kala godka ahayd ee kala heerrarka ahayd ee lagu sagootiyey gumaystaha, lagu
na soo dhoweeyey dawladnimada ugubka ah, badan kood, waxa maan kooda ka curiyey
reer Waqooyiga, taasina, waxa ay tilmaamaysaa garaad koodii sarreeyey iyo bisaylkii xad
dhaafka ahaa ee diyaar garowga aad ka u badani u raacay. Waxa kaleeto oo ay runtii kaga
fiicnaayeen daacadnimada runta ah, waayo? Haddaysan daacad run ahi jirin, waxa hubaala
dawladnimada in ay adkayn lahaayeen, is ku darsiga ay iyagu horseedka ka ahaayeen in uu
dhici lahayn, hadduu dhaco na xeerar ad adag ayay ku xidhi lahaayeen, inahaas ba ma ay
san samaynin, gobannimada ayey mareen; taasi na, waa dhaqan Soomaaliyeed oo asal ah. Labadaa astaamood ba, waa ay ku boqranayeen reer waqooyigu. “Nin ba dahab lumay si
u doon doon”.
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 7aad
Samiik Samiik
Gumeystihii gumeysi ayuu dalka kaga tegay. Soomaali gaalka cad ayay ildheeri ku
eegayeen, la dagaallamayeen, oo manhajkiisii iyo aragtidiisii geed gaaban iyo geed dheer
ba u fuuleen sidii ay uga guulaysan lahaayeen. Haddii gaalkii caddaa dalka raggannimo iyo
ruux mida looga saaray, wuxuu kaga tegay dhashiisii!!! Siyaasiyiin Soomaaliya, oo diin iyo
dhaqan ka madhan, iyagu na ay wax bareen oo duruus toodii u laqimeen ayey dalka kaga
tageen, oo ay u tabo bareen hoggaamiyayaashii „dawladda Soomaalida‟ in ay noqdaan!!!
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaaye
Mis na lagu ma diirsadee qalbigu waa dirkii Karal e’
- Hal abuur: Axmed Ismaaciil Diirriye “Qaasim” IHUN
Qiiro caaddifadeed oo loo geeyey qorshe xumo cilmiyeed haddii dawladnimadii
loo halgamayey sees looga dhigay, gurigii la dhisayey haddii uu saani u toosi waayey oo
uu yeeshay dil dillaac iyo dakharro waaweyn, waxa gurigii caynkaa ahaa hoggaamiye looga
dhigay qabqable qabyaalad ku naaxa, qajajac badan, qaablaawe ah, qaadqaad badan, oo ka
madhan diinta iyo dhaqanka. Dawladnimadii Soomaaliyeed waxa ay dhimatay is la goortii
ay dhalatay, Eebbe ha u naxriisto. Halyeeyadii u soo dhintay na Eebbe jannada ha geliyo.
Khalad weyn oo taariikhiya ayey reer waqooyigu iyo Soomaalidu guud ahaan tood
ay galeen. Bani aadmigu wax wal ba oo uu samaysanayo oo dan u ah, qaaciiddadu waxay
tahay waxaa in la gorfeeyo, si fiican loo faaqido, oo siyaallo kala du duwan loo rog rogo,
oo dabadeed ama lagu heshiiyo ama lagu heshiin waayo. Dawladnimadu waa dan wadaag,
bulshada dhisanaysa ayay dan guud u tahay, sidaa owgeed ayaa, dawladnimadooda in ay
gorfeeyaan, faaqidaan, oo rog rogaan, ama ha ku heshiiyaan ama ha ku heshiin waayeen e‟
waajib ahayd. Soomaalilaan qaaciiddadaa way seegtay, waa na gef weyn oo ay ka galeen
maaddada sooyaalka iyo aqoonta bulshada, natiijadeedii na wakhti aan dheereyn ba waa
ay hantiyeen. Soomaalida, maadaama muslimiin yihin, dawladdooda waxa looga baahnaa in lagu fadhiisiyo siyaasadda sharciga ee islaamka, diinta islaam kana dadka lagu dhaqo oo
tacabkii la gashaday u halganka gobannimo iyo baadidoonka dawlad Soomaaliyeed mar na
la hilmaamin, oo danaha Soomaali la ixtiraamo, Eebbe oo guusha siiyey na ay ku caasiyin
e‟, diinkiisa kor u qaadaan sidii calanka ay kor ugu qaadeen. Taasi na, ma aysan dhicin oo
Saatirka waa lagu caasiyoobay in badan, waa khalad Soomaali gashay, ma garan karo reer
tolkay goor ay sixi doonaan. Kuwakan, ayaa mas‟uul ka ah habowgii dawladnimo iyo wali
ba, halaaggii Soomaaliyi u gacanhaadisay. “Aroos laga ma raago lagu ma na raago”
Tol dulloobey oday dooralaa loogu dowgalaye Maruun baa duqeydii xummad danabba dhaafaane Bal dayooy rag caro duuban baa dib u guhaadoone
- Geylame, gabyaa iyo geesi: Sayyid M. Cabdalle Xasan IHUN
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 8aad
Samiik Samiik
Qaran jabkii Soomaalida Dawladnimadii Soomaaliyeed hadday dhimatay qaran kiina wuu dhintay. Laga soo
bilaabo dawladihii rayidka ilaa iyo tii militariga, waxa ay dabbaqeen mabaaddi siyaasadeed
oo diinta islaamka lid ku ah, waxa ay hirgeliyeen duruustii la baray ee qalbigooda si toosa
loogu daabbacay, dardaaran digniin ku lifaaqanna loogu caddeeyey is ka ilaalinta bulshadu
in ay hoosaasiso, oo ay hilmaamaan waxa laga doonayo; waxa ay ahaayeen niman si weyn
ugu heshiiyey midnimadii Soomaaliyeed in ay dhiciseeyaan, dhaawacaan, oo ay inta ay kari
karaan heer dhimasho u dhoweeyaan hadday ba suuragal ka dhigi karin taas; waxay caado
iyo curfi ka dhigteen: cabburinta, cadaadiska, ceebaynta, ciilaynta, cagajuglaynta, caraynta,
cuqdadaynta, cadaawadaynta, caloolyoobaynta, canyayuubaynta, iyo cadaabidda ummadda
Soomaaliyeed ee ay hoggaamiyayaal u ahaayeen! Hab dhaqankii dawladnimo iyo wali ba,
siyaasadeed, waxa ay ka dhigeen mid aad u liita, oo ay ka muuqdaan: musuqmaasuq aad u
baahay, qabyaalad qaawan, caddaalad darro, waddaniyad la‟aan, qorshe xumo, siyaasad
qarriban iyo danaysi waalan. Dawladuhu waxyaabahaa way kala badsadeen; cudurradaas,
waxa ay soo socdaan ba Janaayo, 1991-dii ayey qarannimadii Soomaaliyeed si toos ah uga
baxday khariirada dunida, ilaa iyo eegga na way ka maqan tahay!!!
Kacaankii Barako-waa saddex kooxood ayaa dumiyey in la dumiyana gef weyn bay
ahayd. Wadaaddo, siyaasiyiin iyo suugaan yahanno ayaa hor boodayey dagaalladii lagu bur
buriyey dawladdaa, qarannimadii na lagu wiiqay jeeroo laga saaro khariirada caalamka ba.
Madaxweyne Maxamed S. Barre IHUN iyo dawladdiisii dalka diin kuma ay dhaqin, kuma
ay xukumin caddaalad, sinnaan iyo madaxbannaani, kolka la baal maro wanaaggeedii oon
cidi na dafiri karin, waxa shacabkii Soomaaliyeed ay ku bar baarinaysey aamminaad xun
oo xun oo xun, waxay cashuurtii ummadda u adeeg satay in ay ku xasuuqdo, dhiiggooda,
hantidooda iyo sharaf tooda ku xalaashato, waxa ay samaysay wax kastoy doontay, waxa
ay fulisay wax kastoy rabtay, dawladnimadii ayay ku dheeshay oo xeerar keedii xaqiiq ku tu tumatay, ilaa heer bulshadu u adkaysan kari weydey xaaladda nololeed ee dhan wal ba
iyo hagardaamada halaaggu u dheer yahay ee ay la nool yihiin, waaqicaas aragtidiisa iyo
fikir kiisa ayuu lahaa, dad badan ayaa aamminay dawladda in la dumiyo. Wax se ay dhabtii
is weyddiin: maxaan duminnaa? Maxaan daynnaa? Yaan ka duminnaa? Sidee u duminnaa?!
30-kii jabhadood ee hubaysnaa, ee xooggaga mucaaradka ka midka ahaa, Siyaad
aan ridno mooyaan e‟, yaan ku beddelnaa? Iyo isaga miyaan ridnaa mise dawladdoo dhan?
Haddaan dawladda ridno, ma dawlad beddesha ayaynnu haynnaa? La is ma ba weyddiin,
weydiimahaas. Taasi, waxa ay u muuqataa xaalad waaliya oo dalku galay waagaa, iyo in ay
waddaniyaddu ku yar tahay bulshada Soomaaliyeed oo ay san si wanaagsan weli u bislaan.
Dhacdadaasi, waxa ay i xasuusinaysaa falsafaddii reer guuraagga, oo ereyga „guur‟ hab wal ba u adeegsaday, dawladda Siyaad garwadeenka ka yahay aan ka guurno mooyaane, la is
ma ba weyddiin: ma laga guuri karaa dawlad, iyo haa jawaabtu hadday tahay, halkee ayaa
loo guurayaa? Siyaad awood loo sheegey oo la tuur, laakiin se, booskii waa haawanayaa!!!
Qaran kiina xoog loo sheegey oo la wiiq, ilaa iyo eegga na Soomaali way dawarsanaysaa!!
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 9aad
Samiik Samiik
Dhalashadii Sooomaalilaan 1988dii, waxa gobollada waqooyiga gaar ahaan, gobollada Togdheer iyo waqooyi
galbeed ka hlllaacay dagaallo aad u xooggan. Cabudhin dhaqaalle iyo cadaadis siyaasadeed
iyadoo taliskii Siyaad ay saartay gobolkaa iyo dadka ku dhaqan ba; iyadoo wakhti yar ka
dib ba is raacii labadii gobol ee Sooomaaliyeed, bulshadaasi xaqiiqdii arkeen bohosha iyo
godka khatarta badan ee ay ku dhaceen, oo qaarkood inqilaab fashilmay is ku dayeen ba;
waxa xasuuq ba‟ani ka dhacay degelkaa, oo maato iyo birimagaydo badan lagu xasuuqay,
halaag aan la mahadin ayaa goobtaa ka dhacay, taas oo mudan in taariikhda la geliyo, oo si
dhab ah loo gorfeeyo: sababtii keentay, saamayntii ay reebtay iyo dhaxalkii laga dhaxlay?
Saddex waxyaallood in la caddeeyo waa muhiiim. Xasuuqaasi, hubaashii, dawlad
ayaa gaysatay ee shacabka Soomaaliyeed ma ay san gaysan; dawladdaasi na Soomaali waa
ay ku wada dhammayd. Haddii lagu andacoodo qabiil ayaa sidaa sameeyey waa xaqiiqada
oo been laga sheegayo iyo runta oo laga fogaaanayo, taasi na, waxa ay fogaynaysaa runtii,
lafaguridda amuurtan iyo ka garniqiddeeda habboon. Ugu dambayntii, Xasuuqaasi ma aha
midka kaliya ee ka dhacay dalka ee Soomaali isu gaysato, way se kala noocyo, goob, goor,
maaddo, ujeeddo, sabab iyo saamayn duwan yihiin. Arrimaha in la kala saaro, oo mid wal
ba goonideeda lagu bisleeyo boos keeda, waa dhaqan ilbaxnimo. “Calool rag waa webi
xagaa”.
Bulshada Soomaalilaan, dedaal dheeraada, diyaar garow badan iyo daal hadh iyo
habeena, gebagebadii, wax na way ku guulaysteen wax na way ku guul darraysteen. Kow,
dhidid, dheecaan iyo dhiig badan in ay u huraan samaysadka maammul, dib u soo celiya
nabaddii, kala dambayntii, iyo xasilloonidii siyaasadeed iyo deegaanneed, si fiican ayay ugu
guulaysteen. Labo, haykalka siyaasiga in ay islaamiyeeyaan, waa ay ku guul darraysteen,
taasi na, waa dhaqan Soomaalida lagu yaqaanno in ay san ka faa‟idaysan jab kooda, ee ay
god qudha ku wada dhammaadaan. Saddex, dawladnimo caddaaliya, sinnaana, oo ay saani
madaxbannaani uga muuqato ma ay san hirgelin, taasi na, ilaa iyo wakhtigakan waa mid ka
mida guul darrooyinka siyaasadeed, ee hab dhaqanka siyaasadeed ee dawladdaas. Afar,
colaaddii taliskii Siyaad laga tirsanayey kama ay aamin noqon. Shan, baahinta awoodda
dawladnimo, gaadhsiinta bulshada adeegga dawladnimo iyo dhisidda hay‟ado shaqeeya oo
kala ujeeddo, mowduucyo iyo qorshayaala, itaal meel uu dhigo ba waa ay ku guulaysteen.
Ugu dambayn, kolka si dhab ah loo fiiriyo waayaha Soomaalilaan iyo waaqica nololeed,
fahamka dawladnimada iyo hannaanka siyaasadeed, oo la miisaamo feker bulsheedka iyo
istiraatiijiyadda siyaasadda Soomaalilaan, waxa muuqata dawladnimadii la dhisay hubaashii
in ay dhimatay is la jeerkay dhalatay macnawi ahaan; sidii Soomaalida, eegga na baqdini
waxa ay ka taagan tahay haykalka jira in lagu dabbaqo falsafaddii reer guuraagga ee „guur‟.
Gobonnimo sun baa kaa xigtoo laysma siin karo e’ Waa Sarac ku baxa dhiig rag oo lagu Sadqeeyaaye
- Geylame, gabyaa iyo geesi: Xaaji Aadan Axmed “Afqallooc” IHUN
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 10aad
Samiik Samiik
Gooni Isu Taaggu Waa Gunnimo 06dii Abril, 1981dii carriga Ingiriiska “dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed” urur
magaciisu yahay ayaa looga dhawaaqay. Ururkaasi heerrar kala duwan ayuu xaqiiqdii soo
maray yagleel kiisii, sidaa si la mid ah, taabo galkiisii iyo dhaqangelinta aragtiyooyinkii iyo
fikirradii uu xambaarsanaa maraaxilo ayay soo mareen.
SNM labo waxyaallood ba waa lagu tilmaami karaa. Jabhad ka mid ahayd jabhadihii
qarannimada Soomaaliyeed ku ciyaarey, ciidda afka u geliyey, mas‟uul na ka ah, halaagga
iyo hagardaamada ummadda Soomaaliyeed maanta ay la il daran tahay, la tacaalahayso, ee
ay ka soo kaban la‟dahay, wali ba, kaalin muuqata oo cad ayay bur burkii iyo qaran jabkii
ku lahayd. Dhan kale, waxa lagu tilmaami karaa jabhadihii dalka ka hillaacay tii ugu waxtar
badnayd, oo midhaheedii waa ta haatan la dugsanayo ee deegaanku yahay mid nabdoon,
oo maammul shaqeeyaa ka jiro, dheeftiisa iyo dhibaatadiisa ha lahaado e‟.
18kii Mey, 1991dii, dhacdo cusub ayaa dhacday. Fikirka gooni isu taaggu, hubaashii,
waxa uu soo maray saddex marxaladood. Marxaladdii qarsoonayd, waa marxalad dad aad
u koobani ay aamminsanaayeen fikraddaas, laakiin se, si xooggan loo cabudhin jiray oo la
saaray cadaadis adag. Marxaladdii qaangaadhka, waa marxalad dad badani ay fikraddaas ku
qancayeen iyadoo dagaalladii waqooyigu gunaanad yihiin, Xamar na dawladdii dhicitaan u
dhowdahay. Iyo marxaladdii qaraarka, shirar kala ujeeddo se is ku fikriya, oo magaalooyin
dhowra ka qabsoomay, sida: Burco, Baligubadle iyo Boorama, ugu dambayn, taariikhdaa
kor ku qoran, waxa goolihii dhexe ee SNM ku dhawaaqay si rasmiya, Soomaalilaan, in ay
tahay jamhuuriyad madaxbannaan, qaran goonidii u taagan iyo in midnimadii dhicisooday
ay wakhtigakan dib u la soo laabteen xorriyaddoodii, siyaasaddii Soomaaliyeed na si cad
uga guureen, oo ay isa sheegan karin.
Siyaalo kala tagsan ayaa loo arkay fahamka aragtidaa loo na faalleeyey. Dad waxa
ay u arkeen go‟aan guul ah, habboon, wakhtigiisii yimid, oo ay tahay gacmo furan, qalbi
faraxsan iyo niyad filan in lagu soo dhoweeyo. Dad waxa ay u arkeen go‟aan gardarro ah,
gaboodfal ah, gunnimo ah, oo gobannimadii Sooomaalida lagu yiqiinnay ka madhan. Sidaa
iyo sidan ayaa qaddiyada loo arkay, aragti ahaanna lagu kala dhaqaajiyey. Haddaba, gooni
isu taaggu waa gunnimo, sababahan soo socda owgeed:
Midnimada Muslimiinta: Ilaahay SWT ereyadiisa - qur‟aanka- waxa uu
ku caddeeyey muslimiintu in ay yihiin ummad keliya, ummad hal caqiido
rumaysan, looga na baahan yahay in ay is kaalmaystaan oo midnimadooda
adkeeyaan oo xoojiyaan, is ka na ilaaliyaan kala tagga iyo dhammaan wax
wal ba oo taa sababi kara. Midnimada ummadda muslimiinta oo la ilaaliyo
waa waajib diiniya, oo saaran qof kasta oo muslim ah. Sunnada suubane
Maxamed NNKH waxa ay tilmaamaysaa macnahaas. Culimada muslimiintu
na si faah faahsan ayay arrintaa uga hadleen, horay iyo haatan ba.
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 11aad
Samiik Samiik
Kow, muslimiintu waa bulsho keliya, baasaboorkoodu na waa islaam, ma na kala
leh dal iyo deegaan. Waa is ku sokeeye oo ajnabi ma kala leh, waxa mideeya caqiiddada
saxda ah. Sidaa owgeed ayay, muslimiintu iyagoo kala dhaqammo iyo caadooyina haddana
ahaayeen bulsho qudha, oo is wadata, hal hoggaan leh, haykalkooda siyaasigu diinka Rabbi
ku qaabaysnaa, sidaana ku soo dhaqnaayeen tan iyo dawladdii Cuthmaaniyiinta (Waxa la
og yahay marar dhowra dabaylo fitana in ay yimaaddeen, muslimiintu kala qaybsameen
oo siyaasadda is ku qabteen, dawlado na kala samaysteen) Ma jirin waxa haatan jira ee la
leeyahay: hebel waa Soomaali, kanna waa Sacuudiyaan, kaas na waa Albaaniyaan, ka sidaa
ah na waa Indunuusiyaan, muslimiintu waxa ay ahaayeen muslimiin; iyagoo, xaqiiqdii, ku
kala duwan qabiil, af, dhaqan, deegaan IWM ayay haddana ul iyo diirkeed ahaayeen, oo ay
lahaayeen dawlad ay wada maalgashadeen, muruq, maskax iyo maal inta ba u hureen, oo
ay hadhkeeda dugsanayeen. “Qufac iyo uur mid na ma qarsoomo”.
“Qabsada xadhigii (Diinta islaamka) Eebbe giddigiin, hana kala tagina … “aayadda
103 ee suuratul Cimraan ayuu Qudduusku sidaa ku yidhi. Waxa muslimiinta oo ummad
qudha ah, is jecel, oo ku walaaloobay shareecada islaamka (Aqbalka farrinta samaawiga,
ku dhaqmiddeeda iyo faafitaan keeda) la amray in ay midoobaan, oo xadhiga (islaamka)
Eebbe wada qabsadaan, is ka na jiraan in ay kala tagaan, oo sidii shimbiraha kala yaacaan.
“U hoggaansama Eebbe iyo Rasuulkiisa, hana murmina waad fashilmaysaan, way
na tagaysaa awooddiinu; adkaysta, Ilaahay waxa uu la jiraa kuwa adkaystee” aayadda 46,
suuradda Anfaal ayuu Wahaabigu sidaa ku yidhi. Muslimiinta waxa ay ku amran yihiin oo
waajib ku ah, adeecidda Eebbe iyo nebi Maxamed NNKH, waxa la faray muranka in ay ka
digtoonaadaan, taas, oo loo sababeeyey muran in ay keeni karto, muran kaasina kala tag
dhalin karo, kala taggaasi na awooddoodu hoos u dhac iyo dhaawac ku keeni karto.
“Waxa aad tihiin ummadda ugu wanaagga fal og, oo loo soo saaray dadka, waxaad
fartaan wanaagga oo aad reebtaan xumaha, Ilaahay na waad aaminsan tihiin … “aayadda
110 ee suuradda Al Cimraan ayuu Maaligu sidaa ku yidhi. Muslimiinta waxa lagu amaanay
in ay yihiin „ummad keliya‟ is la mar kaanna ku tilmaaman yihiin „is faridda wanaagga iyo is
ka reebidda xumaha‟ taasi na, waa waajib islaamiya, waxa ku dhan diinta oo idil.
Aayadda 52-aad ee suuratul Mu‟minuun iyo aayadda 92-aad ee suuratul Ambiyaa,
labada ba, Jabbaarku waxa uu muslimiinta u tibaaxay si qeexan, shareecadooodu hal mid
oo keliya in ay tahay, taasoo ah, aqbalka kalinnimada Ilaahay iyo u hoggaansamida wixii la
faray samayntooda iyo wixii laga reebay ka tagiddooda. Wuxuu na si cad ugu sheegey, in
uu yahay Rabbigood, xaq na ay tahay in ay caabbudaan oo ay ka dhowrsadaan.
“Ha noqonina sidii kuwii kala tagay ee is khilaafay, ka gadaal markii xujjooyinku u
yimaaddeen; kuwaas waxa u sugnaaday cadaab weyn” Mutakabbirka ayaa sidaa ku yidhi,
aayadda 105 ee suuradda Al Cimraan. Waxa uu uga digay muslimiinta in ay is khilaafaan, is dagaalaan, dabadeed hanuunku (Iftiinka diinta) markuu u yimiddey, sidii kuwii hore ba
ay sameeyeen. Cadaab ayaa u sugnaaday ayuu Daayinku sheegey, ciddii sidaa fasha.
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 12aad
Samiik Samiik
Labo, suubane Maxamed NNKH waxa uu aad iyo aad sunnadiisa uga hadlay sida
muslimiintu ay u yihiin sidii hal qof oo kale, oo ay is ku hilbo damqadaan, is weheshadaan,
is kaalmeeyaan, is xigsadaan, is nooleeyaan, had iyo jeer na, diinka rabbi fulintiisa, is ku
xukun kiisa iyo sare u qaad kiisa u halgamaan.
“Waar dadow, Rabbigiin waa Rabbi keliya, aabbihiin na waa aabbe keliya, derejo
Carabku Cajamiga dheer yahay ma jiro, ama Cajamigu Carabka dheer yahay, ama qofka
casi qofka madow dheer yahay, ama qofka madow qofka cas dheer yahay, aan ka ahayn
cabsida (Taqwada)” Xadiis kaas ka sugan nebigeenna waxa uu muslimiinta u sheegayey in
ay yihiin ummad keliya, oo asal kaliya ka wada yimaaddeen, Ilaahay na yahay ka abuuray
ee xaq in ay ku caabbudaan waajib tahay, barashada diintiyo ku dhaqan keeda iyo cabsida
uun lagu kala derejo sarreeyo, ee aan isirka iyo midabku derejo ku xidhnayn. Xadiis kaasi
waxa uu nebigu ka yidhi xajkii loo yaqaannay “Xajjatul Wadaac” waxa uu muslimiintii u
sheegey war kiisu in uu gaadhay, way na u jawaabeen una sheegeen in uu gaadhay, wuxuu
ugu dareen celiyey kii jooga kii maqnaa in uu u sheego, Ilaah na wuu markhaati gashaday.
- Silsiladda xadiisku waa mid sugan, derejadiisu na waa saxeex, waxa laga eegi
karaa musnadka Axmed {05/411} ama eeg: “At Tarqiib Wat Tarhiib Lil
Mundari {03/613}” ama “Qaayatul Maraam {bog: 313}, ama “As Silsilatul
Saxiix {2700}”.
“Waxa aan idin ku ogahay jamaacada, waxa aan idin kaga digayaa kala taga”. Waxa
uu suubanuhu uga digay muslimiinta in ay kala tagaan oo kala foofaan, kooxi ba meel ay
aaddo oo imaarad samaysato. Sidaa owgeed ayuu, aad iyo aad, in ay midnimada ilaaliyaan
oo ay san kala tagin, calanka muslimiinta la hadhsado oo „kulanka muslimiinta‟ laga dhex
bixin, bannaan kana bow loo odhan ayuu kula dar daarmay. (Sunanka Tirmidi {4/326}).
Waxa uu suubanuhu ku tusaalaayey sida muslimiintu ay ummad keliya u yihiin, isu
jecel yihiin, isu naxriistaan, oo isu caadifoodaan sida: jidhka (Hal jidh oo keliya), oo haddii
xubin ka mida xubnaha jidhka ay xanuunsato, jidhka intiisa kale oo dhan xanuun kaas wuu u gudbayaa way na la dareemayaan.Tusaalahaa waxa uu suubanuhu uga jeedey: qof
haddii ciddi laga qabto waxa hubaala ciddidaa xanuun keedu in uu jidhka wada gaadhayo,
oo ku wada baahayo; sidaa si la mid ah ayaa, qof muslim ahi haddii dhibaato soo gaadho
dhibaatadaa muslimiinta oo dhan way gaadhaysaa, way na la dareemayaan. Sidaa ayay ku
yihiin, ummad keliya, oo aan kala maarmi karin, kala tagi karin, is khilaafi karin, hadday is
khilaafaanna diinta iyo waxgaradka in ay u noqdaan waajib tahay, dawlad iyo qowmiyado
kala sheegan karin, iyagoo asalka aadannimada, caqiiddada, cibaaddda, anshaxiyo qiyamka,
iyo fikirka ka siman. Waxa soo saaray xadiis kaas (Bukhaari iyo Muslim: waxa ay na ka
weriyeen, Nicmaan Binu Bashiir).
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 13aad
Samiik Samiik
“Ilaahay saddex ayuu raalli idin kaga yahay, saddex kaleeto na wuu idin ku diidan
yahay. Saddex ayuu raalli idin kaga yahay: in aad caabbudaan, idinkoo cibaaddada u keli
yeelaya, in aad qabsataan xadhiga (Diinta islaamka) Eebbe giddigiin, iyo in aydan kala tagin
oo is qab qab san. Saddex ayuu idin ku diidan yahay, hadalka macnaha aan la hayn (Waxa
la yidhi iyo wuxuu yidhi), waydiin badnida iyo ku takrifalka hantida.” Waxa uu suubanuhu
muslimiinta u sheegey saddex waxyaallood oo Ilaahay ku jecel yahay iyo saddex kaleeto
oo Ilaahay ku neceb yahay. Labada qodob ee ugu dambeeya saddexda hore, waxa ay si
saaniya oo muuqata muslimiinta u farayaan, in ay ka waantoomaan is khilaafka, qaybsiga
iyo kala tagidda, taa beddel keed na diinta ku dhaqmaan, oo xadhiggeeda si fiican oo adag
u qabsadaan. Macnaha noocaas waxa maray oo xadiiska sidaa ku sharxay, ogaal yahan: Sh.
Mufti Imaam An Nawawi (Sharraxa Saxiixul Muslim: 11/12}.
Saddex, aqoon yahannada iyo mufakkiriinta muslimiinta aad iyo aad ayay arrintan
uga hadleen, maqaallo, qormooyin, curisyo iyo dhiganayayaal ayay ka diyaariyeen, kuwaa
oo badan kood la heli karo, si fiicanna loo dhuuxi karo murtidooda, nuxur kooda iyo
dalaa‟ishooda. Qoraalka oo aan doonahayn, in uu dheeraado, akhristaha na aan la jeclayn
in uu dhibsado dhererka qoraalka, waxa aragtida aqoon yahannada kaga kaaf toomayaa
labadan dhigane: Dr. Maxamed Abuu Zahra {Al Waxdah Al Islaamiyyah} Iyo aqoon yahan
Axmed Maansuur {Waxdatil Ummah Al Islaamiyyah Fis Sunnah An Nabawiyyah}.
Gebagebo. Walaaltinnimada islaamku waa nimco Ilaahay keenay oo mudan mar
wal ba in looga mahadiyo, waa na arrin muslimiinta laga doonayo goor iyo goob wal ba in
ay ka dhaqan geliyaan. Muslimiintu waa ummad keliya noloshooda dhammaantood, goor
iyo goob wal ba waxa laga doonayaaa in ay muujiyaan: jacaylka, naxariista iyo dareenka ay
isu hayaan, walaaltinnimada islaamka ayaa wax wal ba ka weyn. Caqiiddada loo yaqaan „Al
Walaa Wal Baraa‟ waa ta qofka muslimka ah u qeexda, si fiicanna u barta kala garashada,
cidduu sokaysanayo ama shishaysanayo. Raadinta midnimada muslimiinta waa ujeeddo ka
mid ah ujeeddooyinka diinta ee guud, waa arrin la is ka doonahayo oo dalaa‟il cad cad ku
leh asalaynka, waa na arrin eegga u halgamiddeeda waajib tahay, iyada oo laga gaabiyo oo
doc la is kaga duwaa, dano owgeed, ciqaab adag ka taallo. Sidaa owgeed, xaqiiqada waa in
la fahmaa, waa na in loo tabaabushaystaa sidii loo baadidooni lahaa midnimadii luntay.
Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye
Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye
Marse haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey
Dantay weeye inaan aammusaa eeggan dabadeede Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe
- Geylame, gabyaa iyo geesi: Xaaji Aadan Axmed “Afqallooc” IHUN
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 14aad
Samiik Samiik
Midnimada Soomaalida: Haddii Ilaahay iyo Rasuulkiisu muslimiinta ay
fareen, amar adag na ku fareen in ay is walaal sadaan, is jecladaaan, had iyo
jeer na isu caadifoodaan, oo ul iyo diir keed noqdaan; haddii midnimada
muslimiinta baadigoob keedu ujeeddo diiniya, hadaf sharciya iyo dan guud, oo raadin teedu waajib sharciya tahay; haddii waaqica muslimiinta maanta
sida uu yahay loo jeedo iyo sida loo kala kaxeeyey ee qoloba meel is keed
u oodatay, waajibku waxa uu yahay in la halgamo, qowmiyad wal ba na is
keed u halganto oo is midayso, dabadeed, midnimadii guud ee muslimiinta
geed gaaban iyo geed dheer ba loo fuulo.
Kow, dorraad (26kii Juun, 1960kii) kolkii reer waqooyigu iyagoo xabbad shuruud
ah aan ku xidhin reer koonfureedka, sidaa „jamhuuriyaddii dimuqraaddiga ee Soomaaliya‟
lagu yagleelay, waxa ay ahayd gef taariikhiya, khalad aqoonta bulshada ah iyo dambi laga
galay garashada sugan ee wax qiimaysa. Go‟aan kaas waxa uu ahaa mid aan laga fiirsan, la
gorfeynin oo habab kala geddisan qaddiyada loo rog rogin. Sidaa owgeed ayaa, caadifaddu ahayd wixii ugu weynaa ee gadaal ka riixayey reer waqooyiga, kuna khasbayey heshiish
aan la heshiinin in la galo, saxeex aan la saxeexinna warqadda lagu shaambadeeyo.
Labo, iyada oo go‟aan caaddifadeed ahayd, haddana, gobannimo ayey sameeyeen
xaqiiqdii reer waqooyigu. Waa gobannimo, aad u qaalliya, oo si rasmiya ugu daabbacan
„taariikhda dawladnimada Soomaaliyeed‟, oo aan sinna ba looga tir tiri karin, is ku day wal
ba oo la sameeyo. Abaal kaas na waa mid loo hayo oo aan la hilmaami doonin.
Saddex, gobannimadaa waxaa ku gardarrooday reer Koonfureed, kuwaa oo garan
waayey wixii ay garteen reer waqooyigu, taasoo ahayd: iyaga oo heshiis aan ka gelin sinna
ba iyo goornaba, dawladnimada Soomaali dhisanayso, haddana, quluubtooda u hibeeyey
reer koonfureed, oo caaddifaddii haysey kula soo ordeen; iyaga oo moodahayey waxa ay
dareemahayaan in la la dareemahayo!!!
Afar, midnimadii Soomaaliyeed waxa lagu dhisay qiiro iyo qorshe xumo, waxaa na
gardaadiyey qabqable, is la jeerkii sidaa lagu dhisay nin kaana gardaadiyey ayey dhimatay!!!
Ilaa haddana iilka ayay ku jirtaa, oo waxa ay sugaysaa halyeeyo cusub in ay dhidid, dhiig
iyo dheecaan cusub u huraan, oo ay ruux geliyaan, si ay u soo noolaato oo lugaheeda ugu
is taagto.
Shan, shalay (18kii Mey, 1991dii) waxa lagu dhawaaqay „gooni isu taag‟, siyaasaddii
Soomaaliya in laga guuray oo dal madaxbannaan la noqday ayaa dunida loo sheegey. Labo
aragtiyadood ba waa ay leedahay. Dorraad caaddifad ayaa shaqaynaysey, se natiijadeedu
waxay noqotay „gobannimo‟ wax loo dhigaa ay jirin; shalay na cadho ayaa shaqaynaysey
natiijadeedu na waxay noqotay „gunnimo‟. Falsafaddii reer guuraagga ayaa la adeegsaday,
cadho, caloolyow iyo ciil badan dabadeed, waxa muuqatay niman kan in aan la la heshiin
karin. Dorraad gobannimaaa la doonay shalay na gunnimaa la doonay, labada na waxa sal
u ahaa caaddifad iyo cadho, caqligii naxariista ahaa iyo garaad kii naruurada ahaa, meeye?
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 15aad
Samiik Samiik
Lix, haddii labada go‟aan ba ay ahaayeen labo go‟aan oo labadu ba bulshada reer
waqooyigu si madaxbannaan u lafagurin, faaqidin, faallayn, oo gorfeyn, waxa ay gef weyn
ku tahay garaadka reer waqooyiga, ilbaxnimadooda iyo sooyaal koodii dheeraa, taas oo
caalamku u og soon yahay.
Toddoba, cabudhin dhaqaalle, cadaadis siyaasadeed, iyo xasuuq wadarreed ayaa
sabab looga dhigay fikradda, „gooni isu taagga‟, haddaba, waydiintu waxa ay tahay: ma laga
badbaaday astaamahaa kolkii maammul laga dhisay waqooyiga?
Siddeed, bulshooyin ku dhaqan deegaanka waqooyiga ayaa tirsanaya saddexdaa ba
oo qoraallo ka qoray. Haddii maammulkii la yagleelay ee laga filayey, „gooni isu taagga‟
haddii la baal maro, sababihii Soomaaliya looga guuray in ay is ka ilaaliyaan oo wanaagga
ay badiyaan, Ilaahay SWT u mahadnaqaan; waxa hubaala Ilaahay in la caasiyey oo haykalkii
siyaasadeed, fikradda dimuqraaddiyadda lagu jaan gooyey, falsafadda siyaasadeed na lagu
qotomiyey qabyaalad, waxa si toosa u muuqda waxyaallahan soo socda:
Sagaal, kolka kaamaradda si xirfadaysan loo qaato oo la sawiro waaqica nololeed
iyo siyaasadeed ee Soomaalilaan, waxa kuu soo baxaya in ay jirto caddaalad darro aad iyo
aad u baahday, qabyaalad qaawan oo god wal ba gashay iyo gumaad noocyo kala duwana, haddaba, maxaa la dheefay? Soomaaliya laga soo guur e‟, ma wax baa la beddelay, mise
xaalku waa sidii hore? Oo waxa is beddelay ragga (Hoggaamiyayaasha) uun miyaa?
Toban, Soomaalilaan iyamaa u wanaag sanayd Soomaaliya in ay san ka guurin, oo
abaalkii hore abaal labaad ku darsadaan, maammul dhistaan oo haykalkooda dawladnimo
dhidibbada u adkeeyaan, Soomaalina isugu yeedhaan iyadoo Hargeysa hadhwanaag tahay
caasimadda lagu qabanayo, shirarka Soomaalida, halkaana lagu dhiso dawladnimo cusub
oo ku qaabaysan: is af garad, heshiis cusub iyo waayo cusub. Iyo in ay „gooni isu taagaan‟
oo „gooni isu taaggoodu na‟ wax ba ka beddelin sababtii ay Soomaaliya uga quusteen ee
ku khasabtay in ay ka guuraan?
Kow iyo toban, ma Siyaad iyo dawladdiisii ayaa laga guuray? Mise qarannimadii
Soomaaliyeed ee reer waqooyigu tacabka ugu badan gashadeen, geyllan, geesinnimo iyo
gobannimo inta ba u hureen? Caqli wanaagsan oo wax miisaami kara, garaad wacan oo
wax rog rogi kara, iyo maskax wax shiili karta, intaas ba lama hayo, miyaa? Maxaa horta
inagu wacan sidii badowda, wixii aynnu jeclaanno caaddifad in aynnu u isticmaalno, oo si
deg dega ugu „guurno‟, wixii aynnu nacno na cadho in aynnu u istimaalno, oo si deg dega
uga „guurno‟. Miyey jirin caqliyad intaa ka weyn oo wax lagu miisaami karo? Miyey jirin
wax u dhexeeya qiiro iyo qowmamo ama caadifad iyo cadho? Miyay inaga lumeen oo ma
ba haysanno miyaa, halbeegyadii iyo minqiyaasyadii aragtiyada iyo fikirrada lagu miisaami
jiray, lagu shaandhayn jiray, lagu shaybaari jiray, oo go‟aan maangal ah laga qaadan jiray?
Gebagebo. Abaalkii reer waqooyigu ay dhigteen ha ogaadaan in ay la laabteen iyo
gobannimo doon shalay in ay ahaayeen, maanta na gunnimo doon yihin. Aragtidaa wax ka
dhihiddeeda waa mid u taalla hoggaamiyayaasha, haldoorrada iyo halyeeyada degelkaa.
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 16aad
Samiik Samiik
Mustaqbalka Soomaalida: Soomaalilaan, hadday dal madaxbannaan oo
Soomaaliya ka go‟ay noqoto, adduun kuna aqbalo oo sidaa u aqoon sado,
dheef iyo dhibaato maxay leedahay? Macne in tee le‟ eg ayay Soomaalida u
uga dhigan tahay arrintaasi? Maxaa se lagu qeexi karaa mustaqbalka dambe ee qowmiyadda Soomaaliyeed, haddii diiradda la fogeeyo, okiyaalaha wax
lagu eegayo na la xooro, oo mid wax wal ba caddaynaya, oo wali ba, soo
dhawaynaya la gashado?
Kow, Soomaalilaan waxa wada dega qabaa‟il la yaqaanno tiradooda iyo sida ay u
kala degen yihiin deegaan ahaan. Qabaa‟ishaasi kama midaysna fikradda „gooni isu taagga‟,
sidaa si la mid ah, kama midaysna fikradda taa caksiga ku ah. Sidaa owgeed, waaqicaasi
waa waaqic jira oo aragtidiisa iyo dooddiisa leh.
Labo, Kala duwanaanshaha labadaas aragtiyadood marar badan waxa ay sababtay
cadaadis siyaasadeed iyo gummaad, taasoo maammuladii afarta ahaa ee soo maray (Waxa
ku jira maammulka eegga) mid wal ba sidaa sameeyey. Haddaba, reer waqooyigu dood
caynkee ah ayay qaddiyadaa ka geli karaan? Hab nooceeya ayay u gorfeyn doonaan? Qaab
sidee ah ayay u maarayn doonaan muranka hadheeyey, tan iyo sagaashamaadkii?
Saddex, haddii Soomaalilaan dal madaxbannaan noqoto, caalamku na si sharciya u
aqbalo, waxa la saadaalin karaa aragtiyyan: Soomaalilaan dal iyo dad ayay kala soo baxday
Soomaaliya, sidaa si la mid ah, waxa dhici karta, dal iyo dad in Soomaalilaan laga la baxo
oo iyagu na dal madaxbannaan noqdaan ugu dambaynna la aqoon sado. Dalkaa la aqoon
saday na waxa iyana suuraragala, dal iyo dad in laga la baxo. Sidaasay ku socon xaaladdu.
Afar, Soomaaliya waxa ka muuqda si hummaag la‟aana, sawirkii Andulus. Cabsi
badan ayaa jirta, taas oo laga baqayo, in qabiil wal ba dal gooniya samaysto, oo boqorkii,
garaadkii, ugaaskii, Islaankii, amiirkii, beeldaajiyihii, suldaankii, nabaddoonkii, wabarkii,
malaaqii, imaamkii IWM mid wal ba, siyaasi is ku beddelo, oo hoggaamiye jamhuuriyad
isagoo ah, shirweynaha madaxda caalamka ee UN-ka ka soo qayb galo. Soomaaliyana, lix
laan ay dhaafto oo ay soddon laan noqoto!!!
Shan, haddii bulshooyinka degan waqooyiga ee fikradda „gooni isu taagga‟ diiddan
looga adkaado afti iyo sharci, waxa la saadaalin karaa jawiga nabadeed ee deegaanku in
uu is ku beddeli karo jawi colaaddeed, halkaanna ay ka unkami karto fitno halaag badan
xambaarsan oo ku jaan go‟an qawad. Gunuunuc iyo guuraabbaas ayaa la oddorosi karaa
geyllan muuqda in uu is ku beddeli karo, dabadeed, Soomaali godkaa ku dhammaato.
- Geylame, gabyaa iyo geesi: Ismaaciil Mire Cilmi IHUN
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 17aad
Samiik Samiik
Lix, Soomaalilaan hadday dal madaxbannaan noqoto, saadaashu waa in Buntilaan
ay soo labayn doonto. Laga soo bilaabo shantii sano ee madaxweyne Cabdiraxmaan Sh.
Maxamed Faroole degelkaa madaxweyne ka ahaa, waxa uu marar badan ka dhawaajiyey
Buntilaan in ay tashan doonto, Soomaalilaanna ay san ka caqli liidan, oo ay san raalli ka
noqonayn dhacdooyinka Muqdisho ka imaanahaya, ee ay „gooni isu taaggi doonaan‟. Is ku
day‟yo la is ku dayey arrintaa in laga wada hadlo oo miiska la soo dhigo na, waa ay jirtaa.
Haddaba, waddo furantay ayay noqon oo Buntilaan looga biqi maayo in ay ku dhawaaqdo
arrintaa, haddii Soomaalilaan la aqoonsado. Jubbalaan ayaa soo raaci doonta, ka dib na,
tartiib tartiib ayay dowlad gobolleedyadu jamhuuriyado isu rogi doonaan!!!
Toddoba, mandaqadda geeska Afrika, waxa ka socda loollan dhaqaalle, bulsho,
deegaan, siyaasad iyo fikri, inta ba isugu jira, oo u dhexeeya Itoobiya iyo Kiinya. Mid wal
ba goonideeda waxa ay ku taamaysaa, oo tamar ahaan ay dhaqan gelinaysaa, yagleelidda
„midowga Itoobiya‟ iyo „midowga Kiinya‟. Si loo hirgeliyo midowgaa, labadu ba, waxa ay
baratan ugu jiraan Soomaaliya iyo sidii bulshadeeda, dhaqaallaheeda, siyaasaddeeda iyo
deegaan keeda loo kala qaybin lahaa, si loo de dejiyo guusha yagleelidda midowga. Shakki
waxa aan ku jirin qarannimada Soomaaliya in ay saaran tahay miiska qalliinka, oo loo soo
kiraystey dhakhtar wacan oo yaqaan, sida qaranka loo qalo, oo xubnihiisa loo qiimeeyo,
dabadeed, qiimayntaa suuq weyne loo raadiyo. “Shisheeye sheela duxa ma leh”.
Gebagebo. Soomaalidu heerka eegga ay joogto, kolka si dhab loo qiimeeyo guud
iyo gaar ahaan xaaladdooda: nololeed, dhaqaneed, siyaasadeed, fikireed, deegaammeed,
bulsheed iyo garaad; waxa mufakkiriintu is weyddiinahayaan: ma 30 jamhuuriyadood oo
mid kastaa ba kursi UN-ka ku leedahay, ayay noqon? Mise 30 dawlad gobolleedyo, oo
midowga Itoobiya iyo midowga Kiinya qoloba dhan buuxiso, ayay noqon? Labadaasi,
hadday suuragasho oo dhabowdo; waxa iyana rumoobaysa Soomaalidu, in ay si toos ah,
taariikhda caalamka uga baxeen: bulsho ahaan, deegaan ahaan, siyaasad ahaan, dhaqaalle
ahaan iyo fikir ahaan, oo intu ba ay raacayaan, qarannimadii iyadu wixii ka dambeeyey
sagaashamaadkii khariiradda ka baxday! Soomaalida maxaa la gudboon??? Dullinnimadan
gunnimadu si wal uga muuqato, dooxatadan doolarka loo daadiyey iyo dowddarkan
maqaarsaarka ah ee hoggaamiye laga dhigtay miyaa la eegan, oo banooniga la cayaarahayo
natiijada ay ku dhammaanayso la sii og yahay??? Mise, damiirka ayaa laga shaqaysiin, oo
gobannimadii dhimatay ayaa la soo noolayn, oo dagaal lagu bad baadinahayo jiritaanka iyo
joogista cunsur Soomaali la yidhaah, ayaa si deg dega loo gali, oo taariikhdaa la bad
baadin??? Dubaaqa Soomaalida ayaa laga sugahayaa, in ay kala doortaan labadaas, oo mid
dubaha ku dhuftaan, wax wal ba na waa ay cad yihiin xaqiiqdii!!! “War jiraaba cakaaruu
iman”.
Lama helo wadaadaw waxaan cidi ku hawshoone
Naftaa loo hantaaqaa waxaad hiigso leedahaye
- Geylame, gabyaa iyo geesi: Cabdillaahi Suldaan Timacade IHUN
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 18aad
Samiik Samiik
Taladayda Qofnimo: Xaalka Soomaaliyeed si shishe haddii loo dhugto,
waxa la odhan karaa, waayeelku waa uu walaacsan yahay, siyaasiyiintu na
waa ay waalwaalan yihiin. Sidaa darteed, sawirka sugani waxa weeye haddii
la raaco nuxurka hadalkaa, waayeel walaacsan iyo hoggaamiyayaal habaar
qabayaala oo hanaqa goynaya ummadda Soomaaliyeed, labadaa dhexdooda
waxa ku nool shacabka Soomaaliyeed oo aan, xattaa waabjiif xaal kooda
lagu tilmaami karin iyo Soomaaliya oo waaqla‟ ku dhow. Xaqiiqdii, waxaa
jira wadnafug badan oo aan haddaan dhab loo rumaysan, Soomaalidu arki
doonto iyadoo la nool, is waayid dhan wal ba ah.
Kow, Soomaalida waxa waajib ku ah Ilaah weyne SWT in ay u laabtaan, qof dambi
ka dhacay Soomaaliya aamin ka ahi waa yar yahaye, wadar ahaan waa in Eebbe loo tuugo,
dunuubtii la sameeyey waa in laga soo toobad celiyo, oo wali ba, toobad wanaagsan oo
xeerar keedii u dhan yihiin waa in la la yimaaddo.
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 19aad
Samiik Samiik
Labo, waxgaradka Soomaaliyeed dhammaantood, waa in ay ka taliyaan aayaha iyo
mustaqbalka Soomaalida iyo Soomaaliya. Gaar ahaan, wadaaddadu iyo waayeelku, waa in
ay qaataan doorka kaga aadan arrintan, oo ay adeeg sadaan cilmi, caqli iyo cabbir wacan.
Saddex, waxgaradka gobolka waqooyi waxa aan kula talinayaa, khaladkii 1960kii la
galay yaan lagu sixin kii 1991dii la go‟aan saday, labadu ba, waxa ay ahaayeen labo gef oo
garashada sugan iyo caqliga saliimka ah saani loo maalin, se aragtida dhow, dareemmada
is bed beddela iyo tashi la‟aan lagu guddoonsaday. Khalad lagu saxo khalad, waa gunnimo
loo geeyey gunnimo, waa na gunnimo laba laaban.
Afar, reer waqooyiga dhammaantood waxa la gudboon, shirweyne guud oo deg
dega in ay isugu yimaaddaan, taasoo, lagu cilad bixinayo go‟aammadii ka fiirsasho la‟aanta,
gorfeyn la‟aanta iyo ka baaran degid la‟aanta lagu galay.
Shan, midnimada Soomaaliweyn waa muqaddis; waa maaddo gor gor tan aan laga
geli karin marna ba. Kala jaridda ama kala goynta ummadda Soomaaliyeed, waa arrin aan
macquul ahayn, maanka fayow na aqbali karin. Soomaalida, waxa ku waajiba fahamka iyo
kala garashada habboon waxa ay heshiis ku yihiin iyo waxa ay heshiis ku ahayn, waxa ay
is ku raaci karaan iyo waxa ay is ku raaci karin, waxa ay ka midaysan yihiin iyo waxa ay ku kala geddisan yihiin, waxa u baahan xurmo, xanaano iyo xaqdhowr iyo waxa u baahan
xasarad, xagaldaacin iyo xaaluf. Soomaali waa in ay xaajaysataa oo xaaladaheeda si quman
uga xaaladaysataa.
Gebagebo. Dhallinyarta faca cusub, waxa looga baahan yahay hididdiilo, hammi,
hiraal iyo higsi ka sarreeya, guud ahaan xaaladda haatan lagu jiro. Taariikh cusub in ay aas
aasaan, oo ummaddan walaalaha ah ee gumuca la isugu dhiibay in ay nabad u keenaan,
dawlad islaamiya geyiga Soomaaliyeed ka hirgaliyaan, inahaasi ba waa looga fadhiyaa u
geyllamiddooda iyo ka guul gaadhiddooda. “Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid”.
Su’aal meel idiin taagan baa tan ahe
Jawaabteedii oo togan haddaad garato soo tuura
Turqin iyo nin taxaliishii iyo boogo la la taaho
Tawi iyo tuf dhiigroora iyo barar la tiif tiifo
Wax tir tir iyo tuutuujin baad kula tacaashaaye
Kob la taabto ama lays tusaad tab u dawaysaaye
Sidee loo tadaawali karaa tows caqliga haysta?
Geylame, gabyaa iyo geesi: Cabdillaahi M. Axmed “Dhoodaan” IHUN
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 20aad
Samiik Samiik
Xaqiiqdii, waajib diiniya weeye midnimada muslimiinta in la xaq dhowro, haddii la
waayo na loo halgamo helitaan keeda. Maanta, taasi ma jirto, wax se la gudboon guud
ahaan muslimiinta in ay baadigoobaan, geed dheer iyo geed gaabanna u fuulaan hab wal
oo helitaan keeda lagu xaqiijin karo. Sidaa waxa la mid ah, oo xaqdhowr iyo u halgamid u
baahan, „midnimada qowmiyadda Soomaaliyeed‟. Qowmiyadda Soomaaliyeed oo haatan
loo halgamo raadinta midnimadeeda, waxa bahwadaag ay la tahay qowmmiyadaha kale ee
muslimiinta ee u halgamaya midowgooda. Idaylkood, waxa ay wadaagaan hadaf qudha, oo
ay u halgamayaan: soo celinta midnimadii muslimiinta iyo khilaafadoodii. Gor gor tan iyo
wadahadal laga ma geli karo aydiyoloojiyaddaas. Waayeelka iyo wadaaddada gaar ahaan,
iyo cid wal ba oo waxgarad dhab ah ahi waxa laga sugayaa, sidii ay u bad baadin lahaayeen
„qarannimadii Soomaaliyeed‟ ee qashinqubka lagu daray. Arrintaasi, waa dibuheshiisiinta
ummadda Soomaaliyeed iyo yagleelidda qaran cago adag ku istaaga e‟, waxa hubaashii ay
u baahan tahay, nafhurid, dhiig bax, dadaal dheeriya, geesinnimo muuqata, soo jeed badan
iyo kacdoon fikriya oo xoog badan. Waxa aan ku baaqayaa: Soomaalidu eegga degel wal
ba oo ay degan yihiin (Jamhuuriyaddii Soomaaliya, intii la isugu yeedhi jiray), kacdoon
fikriya oo nabdoon in laga hirgeliyo, taasoo, lagu bad baadinayo taariikhda mustaqbalka.
Gebagebo Qoraalkan waxa aan kaga hadlayey ka jawaabista waydiin culus, oo u baahnayd
hab aqooneed fikriya oo caddaaliya in looga jawaabo. Ugu horrayn, waxa aan si dulmara
oo aqoonaysan uga soo hadlay sooyaalka dheer, ilbaxnimada balaadhan, hab dhismeedka
bulshada, hab dhaqanka dhaqaalle iyo wali ba, aragtida qofka Soomaaliga ah. Ka dib, waxa
aan ka hadlay gumaystihii Yurub, siduu dalka ku yimiddey, sidii loo la dagaallamay iyo ugu
dambayn, gobannimadii la hantiyey iyo sidii loogu riyaaqey. Waxa sidoo kale xusid mudan
in aan ka soo hadlay dawladnimada sidii lagu yagleelay, habkii lagu dhisay iyo sidii kolkii
hore gef loo galay ee aan dawladnimada si habboon oo hagaagsan loogu wada heshiinin.
Iyo qaran jabku siduu u yimiddey iyo saamayn tiisii. Waxa si gaaban aan uga hadlay sida ay
Soomaalilaan ku dhalatay, sababtay ku timid dhalashadeedu iyo halgan keedii. Dabadeed,
ugu dambayntii, waxa aan gudagalay qodobka ugu muhiimsan oo ahaa „gooni is taaggu ma
gunnimaa mise waa gobannimo?‟ Waxa aan qabaa gunnimo in ay tahay, kolka dhab aqoon
ahaan loo qiimeeyo: habka ay ku timidey, qodobbada xidhiidhka ay la leedahay iyo wali
ba, saamaynta badan ee taban ee ka dhalan karta.
- FG (B): Labada sawir waxa aan ka soo xigtay Google.com
Gooni Isu Taagga Soomaalilaan: Gunnimo Mise Gobannimo?
Qoraa: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik” 21
kii Rajab, 1436H = 10
kii Mey, 2015M
Xaqqa Faafinta © 2015 Maskaxmaal.com Bogga 21aad
Samiik Samiik
Tashigii ba sida loo gefaan weli tebaayaaye
Tawfiiq ma noqon wiilashii taajka loo xiraye
Tacaddaan yarayn baa ka dhacay tay ku kacayaane
…
Ninkii tiro yar maalkiisa waa lagu takooraaye
Maraykaanka nagu taaganoo taabyey jahadiiye
Amxaarana tahdiid iyo waxay tiri naloo sheegye
…
Cadowga soo tartamayiyo cabsida loo tawalay ruuxa
Laye: ‘tamashle keliyay hayaan tiilka madaxdiiye!’
Dawladnimo tabtaa lagu dhaqaa tacaddi sow maaha?
W/Q: Mufakkir Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Guddoomiyaha Naadiga Qalin Maal
Aqoon baadhe Madaxbannaan
Wajahaddayda Faysbuugga:
https://www.facebook.com/Samiik10
Boggayga Faysbuugga:
https://www.facebook.com/pages/Mufakkir-Mohamed-
Samiik/543082142505150?ref=bookmarks
Degel Kayga Ii Gaarka Ah :
http://samiik.wordpress.com/