8
Wargayka UMAMADDA Waa Wargays Madax banaan oo Kasoo Baxa Bosaso & Garowe TELL:090-7724437,EMAIL:[email protected], UMMADDA WAA WARGAYS TODOBAADLE,MADAXBANAAN OO KASOO BAXA GAROWE & BOOSAASO,PUNTLAND WARGAYSKA: Cadadkii 12-aad / Sanadka 1-aad / Sabti 22 Augt 2015 / Qiimaha 6,000 SSH Qoraaga Runta iyo Saxidda qaladka: waa hal kudhigga wargayska UMAMADDA Yaa noqon doona duqa 16-aad ee magaalada Boosaaso? Maasha Allah:- Gaalkacyo Dawladdu waxay ka bilowday bannanyn iyo Bilic soo celin boowe barihii Dawladda sow dib Ubaxyo loogu beeri mayo,hormar hana qaaday iyo habsami-u-socod shaqo u daa. WAR DE BELO; Markii Geel loo heeso baad Gorayo u heestaa,guryaha la dumdumi- yay ee dadka danyarta ah ay ku jireen Dawladdu Dib-u-dajin uma samayn,daldaloolo badan baana soo baxaya,adeer bannaynta dhulka Dawladda waxaa ka horaysa in mar- ka hore Qorshe loo sameeyo. S araakiisha amniga Dekeda Boosaaso ayaa mamnuu- cay in Dekeda lagu dhex cabo sigaarka,waxaana Amarkan uu ka dhaqan galay Dekeda Boosaso. (Eeg Bogga 2-aad) Xog-hayaha Dowladda Hoose Boosaaso:“Dowladda hoose waxaa haysata Dhaqaale daro” Sheeko Taxane ah:- Hadii Dhurwaa Xaakim laga dhigto Ari Xaq maleh . Bogga 5-aad Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo ka mid ahaa Saxaabada Rasuulka SCW (Eeg Bogga 6-aad) Wararkii Cayaaraha Caalamka (Eeg Bogga 7-aad) Xubinta Baro Dastuurka Dowladda Puntland (Eeg Bogga 6-aad) I llaa 13kii Agoosto oo ahayd waqtigii Xildhibaanada Baar- lamanka Soomaaliya ay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xas- san Sheekh u gud- biyeen Guddoonka Baarlamanka,ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday shirar Goos goos ah oo iska horjeeday. (Eeg Bogga 3-aad) M aamulka Dawlada hoose ee magaala- da Boosaaso ayaa shee- gay in dhibaato dhaqa- ale ay ka jirto Dawlada hoose ee Boosaaso,taasi oo u baahan in wax laga qabto. Dhibaatada dhaqaale ayaa waxaa horseed u ahaa shaqaale tira badan oo ka Diiwaan gashan Dawladda hoose iyo Ilo Canshuureed ay qaadi jirtay Dawlada hoose oo xirmay. (Eeg Bogga 3-aad) M agaalada Boosaaso ee xa- runta Ganacsiga Puntland waa magaalo ay ku nool yihiin bulsho aad u badan,waana Isha dhaqaalaha Dawladda Puntland ee Soomaaliy- eed. (Eeeg Bogga 2-aad) faallo:-Waa kuma Hogaamiyaha wan- nagsan? (Eeg Bogga 4-aad) Sicirka Suuqa iyo Sarifka Lacagaha qalaad. (Eeg Bogga 3-aad) MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCW Q/3-aad (Eeg Bogga 4-aad) Ogeysiis Muhiim ah. Eeg Booga 5-aad Cabashadda Saxafiyiinta ee ka dhanka ah Gudoomiyaha G/ Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) S axafiyiinta ka hawl- gala Gobolka Bari ayaa handadaad,caga-juglayn iyl Is-hortaag shaqo kala kul- may Guddoomiyaha Gobol- ka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ‘’Dhedo’’,kaasi oo si Mas’uuliyadi ku jirto aan ula dhaqmin Saxaafadda. Magaalada Boosaaso ee xa- runta Gobolka Bari ayaa Suxufiyiintu ay ku yeesheen kulan ay kuso Bandhigen Cabashadooda,waxaana kala qayb galay maamulka urur- ka Suxufiyiinta Puntland ee marka magaciisa laso gaabiyo loo yaqaan MAP. Eeg Bogga 2-aad Dekedda Boosaaso oo laga Mamnuucay in lagu dhex Cabo Sigaarka. Xaggee ku dambayn doona Mooshinka ka dhan ah Madaxweyne Xassan Sheekh

Wargayska Ummadda 12-Aad Sax

  • Upload
    ahmed

  • View
    144

  • Download
    0

Embed Size (px)

DESCRIPTION

Wargayska Ummadda Cadadkii 12-naad.

Citation preview

Page 1: Wargayska Ummadda 12-Aad Sax

Wargayka UMAMADDA Waa Wargays Madax banaan oo Kasoo Baxa Bosaso & Garowe TELL:090-7724437,EMAIL:[email protected],

UMMADDAWAA WARGAYS TODOBAADLE,MADAXBANAAN OO KASOO BAXA GAROWE & BOOSAASO,PUNTLAND

WARGAYSKA:

Cadadkii 12-aad / Sanadka 1-aad / Sabti 22 Augt 2015 / Qiimaha 6,000 SSH

Qoraaga Runta iyo Saxidda qaladka:waa hal kudhigga

wargayska

UMAMADDA

Yaa noqon doona duqa 16-aad ee magaalada Boosaaso?

Maasha Allah:-Gaalkacyo Dawladdu waxay ka bilowday bannanyn iyo Bilic soo celin boowe barihii Dawladda sow dib Ubaxyo loogu beeri mayo,hormar hana qaaday iyo habsami-u-socod shaqo u daa.

WAR DE BELO;Markii Geel loo heeso baad Gorayo u heestaa,guryaha la dumdumi-yay ee dadka danyarta ah ay ku jireen Dawladdu Dib-u-dajin uma samayn,daldaloolo badan baana soo baxaya,adeer bannaynta dhulka Dawladda waxaa ka horaysa in mar-ka hore Qorshe loo sameeyo.

Saraakiisha amniga Dekeda Boosaaso ayaa mamnuu-

cay in Dekeda lagu dhex cabo sigaarka,waxaana Amarkan uu ka dhaqan galay Dekeda Boosaso.

(Eeg Bogga 2-aad)

Xog-hayaha Dowladda Hoose Boosaaso:“Dowladda hoose

waxaa haysata Dhaqaale daro”

Sheeko Taxane ah:- Hadii Dhurwaa Xaakim laga dhigto Ari Xaq maleh. Bogga 5-aad

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo ka mid ahaa Saxaabada

Rasuulka SCW(Eeg Bogga 6-aad)

Wararkii Cayaaraha Caalamka (Eeg Bogga 7-aad)

Xubinta Baro Dastuurka Dowladda Puntland (Eeg Bogga 6-aad)

Illaa 13kii Agoosto oo ahayd waqtigii

Xildhibaanada Baar-lamanka Soomaaliya ay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xas-san Sheekh u gud-

biyeen Guddoonka Baarlamanka,ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday shirar Goos goos ah oo iska horjeeday.(Eeg Bogga 3-aad)

Maamulka Dawlada hoose ee magaala-

da Boosaaso ayaa shee-gay in dhibaato dhaqa-ale ay ka jirto Dawlada hoose ee Boosaaso,taasi oo u baahan in wax laga qabto.

Dhibaatada dhaqaale

ayaa waxaa horseed u ahaa shaqaale tira badan oo ka Diiwaan gashan Dawladda hoose iyo Ilo Canshuureed ay qaadi jirtay Dawlada hoose oo xirmay.

(Eeg Bogga 3-aad)

Magaalada Boosaaso ee xa-runta Ganacsiga Puntland waa

magaalo ay ku nool yihiin bulsho aad u badan,waana Isha dhaqaalaha Dawladda Puntland ee Soomaaliy-eed.

(Eeeg Bogga 2-aad)

faallo:-Waa kuma Hogaamiyaha wan-

nagsan?(Eeg Bogga 4-aad)

Sicirka Suuqa iyo Sarifka Lacagaha

qalaad.(Eeg Bogga 3-aad)

MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCW

Q/3-aad (Eeg Bogga 4-aad)

Ogeysiis Muhiim ah.

Eeg Booga 5-aad

Cabashadda Saxafiyiinta ee ka dhanka ah Gudoomiyaha G/Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo)

Saxafiyiinta ka hawl-gala Gobolka Bari ayaa

handadaad,caga-juglayn iyl Is-hortaag shaqo kala kul-may Guddoomiyaha Gobol-ka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ‘’Dhedo’’,kaasi oo

si Mas’uuliyadi ku jirto aan ula dhaqmin Saxaafadda.Magaalada Boosaaso ee xa-runta Gobolka Bari ayaa Suxufiyiintu ay ku yeesheen kulan ay kuso Bandhigen Cabashadooda,waxaana kala

qayb galay maamulka urur-ka Suxufiyiinta Puntland ee marka magaciisa laso gaabiyo loo yaqaan MAP.

Eeg Bogga 2-aad

Dekedda Boosaaso oo laga Mamnuucay in lagu dhex Cabo Sigaarka.

Xaggee ku dambayn doona Mooshinka ka dhan ah Madaxweyne Xassan Sheekh

Page 2: Wargayska Ummadda 12-Aad Sax

2 Wargayska UMMADDA Sabti 22 Augt 2015Saxafiyiinta ka hawlgala Gobolka Bari oo

qaati ka taagan Guddoomiyaha Gobolka Dhedo.

Saxafiyiinta ka hawl-gala Gobolka Bari ayaa handadaad,cagajuglayn iyl

Is-hotaag shaqo kala kulmay Gud-doomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ‘’Dhedo’’,kaasi oo si Mas’uuliyadi ku jirto aan ula dhaq-min Saxaafadda.Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa Suxufiyiintu ay ku yeeshen kulan ay kuso Bandhigen Cabashadooda,waxaana kala qayb galay maamulka ururka Suxufiyiinta Puntland ee marka magaciisa laso gaabiyo loo yaqaan MAP.Guddoomiye K/xigeenka ururka sux-ufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Axmed Welcome ayaa ku tilmaamay hanadadaada , Cagojuglaynta iyo iskuyada xarig ee maamulka gobol-ka bari uu kula kacayo Saxafiyiinta mid lidi ku ah jiritaanka iyo shaqada suxufiyiinta ka howlgala gobolka.“ waxaa jira handadaado iyo cago-juglayn si joogto ah uga imaanaya Maamulka gobolka ee uu hoggaami-yo Yuusuf Maxamed Wacays dhado, Waxaa jiray in lagula kacay isku dayo xarig ah wariyayaal ka how-gala gobolka bari oo ugu dambeeyay Tifaftiraha mareegto Internetka ee Allcarmo Ibraahim siciid Saalax, , Ilaa iyo hadda ma garanayno wux-uu u cuskaday xarigaags, Waxaa-nu ogaanay in xariga uu san ahayn xarig sharciga loo soo marayo, Wax-aanuna u aragnaa wax dan kale laga leeyahay” ayuu yiri Guddoomiye K/xigeenka Ururka MAP.Guddoomiye K/xigeenka ururka MAP Waxaa uu sheegay in Saxaafadu aysan u dulqaad dambe u yeelan doonin, islamarkaana ay u arkaan falalka lagu kacayo saxafiyiinta wax sharafdil ku ah mihnadooda saxa-fadeed, ” Saxafiiyintii Gobolka iyagoo xush-maynaa sharciga iyo qawaaniinta u yaala puntland, iyagoo dhowraya jiritaanka bulshadda iyo Maamulka puntland, in lo ogolaado in shaqooy-inkooda ay u gutaan si xor iyo hufan, iyagoo cidna aan wax yeelayn” ayuu yiriGees kale, Tifaftiraha Website All-carmo Ibraahim Siciid Saalax oo isna ka hadlay kulan warbaahineedkii ka dhacay magaalada bosaso ayaa ka sheekeeyay jirdil iyo shaqo ka hor istaagid ay kula kaceen Ilaalada Wa-siirka Cafimaadka Puntland Cabdina-asir Cismaan Cuuke oo 16kii bishan August, 2015 booqanayay degmada carmo ee gobolka BariIbraahim waxaa uu sheegay in Maamulka degmada bari ay ugu yeerayn in tebiyo, qoraalana ka di-

yaariyo booqashada wa-siirka ee xarunta hooyada iyo dhallaanka degmada cari, balse Ilaaladu wasi-irku ay ka hor istaageen inuu gudaha u galo xa-runta.“Ilaaladu waxay iga hor-joogsadeen inay shaqa-daydii wariyonimo inaan guto oo tebiyo booqasha-da wasiirka,Ilaaladu wax-ay igu garaaceen qoriga baadkiisa,waxay ii gay-

steen jirdil, waxaa jugo ay iga soo gaareen qoorta iyo garbaha” ayuu yiri Tifaftire IbraahimTifaftire Ibraahim waxaa kaloo uu sheegay in lagu daweeyay mid ka mid ah cusbitaalada ugu weyn magaala-da bosaso, oo uu haysto warqad ca-dayn ah oo muujinaysa dhawacyadii gaaray iyo daawooyinkii la ii qoray.“ Aniga oo weli ku guda jira inaan la tacaalo nabaradii igu dhacay iyo daaweyntooda, ayaa waxaa la ii sheegay in booliisku dhowr goor xili habeenimo ah ay tageen guriga aan ka deganahay bosaso, islamarkaana warqad amraysa in la i soo xiro la dhigay kontorolaada magaalada” ayuu yiri Tifafire IbraahimAgaasimaha telefishanka Royal ee Gobolada Puntland Axmed Muuse Cali oo ka hadlay kulanka ayaa ugu baaqa maamulka gobolka Bari uu joojiyo handadaada iyo cagajuglayn-ta uu ku hayo SaxafiiyiintaAxmed Muuse Cali ayaa sheegay in loo baahan yahay in Dawladdu ay qaado Wadadii wannaagsanayd ee ahayd in Dawladdu Eedeynta ay Saxatiyiinta u qabto ay u gudbiso Maxkamada,sidii dhowaan ka dhac-day Garowe,ka dib markii Eedeyn loo haystay Idaacadda Sahan ay Daw-laddu u gudbisay Maxkamada.Jookar ayaa sheegay inaysan hakad galayn shaqada ay Saxafiyiintu u hayaan Bulshada Soomaaliyeed,ayna diyaar u yihiin inay u adeegaan buk-shada dhibaato kasta oo ay la kul-maan.Gabagabadii kulanka,Saxafiiyiinta Gobolka iyo Masuuliyiinta Ururka MAP Waxay si wadajir ah baaq ugu direen Madaxda Sare ee Dowladda Puntland, Barlamaanka, Wasaarada Warfaafinta Puntland, Xafiiska u Ad-eegaha Xuquul insaanka Puntland iyo Hay’adaha ka shaqeeya Xuquuqul in-saanka iyo u Qareemida Saxafiiyinta ,Waxayna ka codsadeen inay ka qay-bqaataan sidii loo joojin lahaa Han-dadaada, Cagojuglaynta iyo isku-dayada Xarig ee Maamulka gobolka Bari uu kula kacayo saxafiyiinta ka howlgala gobolka Bari.Tan iyo markii uu xillka Gudoom-iye ee Gobolka la wareegay Yuu-suf maxamed wacays dhedo waxaa soo baxaay han jabado ay kala kul-mayeen Nabdoonada Isimada iyo Warhaabinta waxase is waydiin mu-dan dawlada dhexe ee Puntland max-ay ka qaban doontaa xaalda Han-jabaad ee Gyuudoomiyaha Gobolka bari Yuusuf maxamed wacays Dhedo

Yaa noqon doona duqa 16-aad ee magaalada Boosaaso?

Magaalada Boosaaso ee xa-runta Ganacsiga Puntland waa

magaalo ay ku nool yihiin bulsho aad u badan,waana Isha dhaqaalaha Dawladda Puntland ee Soomaaliy-eed.

Boosaaso muddooyinkii ugu dam-beeyay waxay samaysay kob-oc dhisme iyo Ganacsi,waxaana magaaladu ay yeelatay Wad-dooyin Laami ah,taasi oo dhisma-heeda ay ka wada qayb qaateen Hay’adaha ka shaqeeya hormarinta degmooyinka,Dawladda iyo dadwey-naha.

Magaalada Boosaaso ayaa tabay-sa inay hesho maamul si rasmi ah wax uga qabta arrimo ay tabayso magaaladu oo ay ka mid yihiin;

-Hormarinta Waddooyinka.

-Habaynta Gaadiidka Isticmaala Waddooyinka.

-Abuurida ILO dhaqaale.

-Dib-u-habaynta shaqaalaha Daw-ladda hoose.

-Hormarinta Bilicda magaalada.

-Isku xirka bulshada iyo maamulka Dawladda.

-Illaalinta Canshuuraha bulsada laga qaado iyo wax ugu qabashadda Bul-shada iyo guud ahaan tayaynta iyo kor u qaadida arrimaha bulshada.

Muddooyinkii uu dambeeyay waxaa magaalada laga dareemayay Ol’ole ay Musharixiin badan ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen jagada duqa degmada Boosaaso,waxaana oday-aasha beeluhu ay ku hawlan yihiin

xulista Xildhibaanada matalaya deg-mada.

Maayaradii soo maray Boosaaso ayaa kala ahaa;

1-Guray Siciid Cabdi.

2-Cabdi Cali Guray.

3-Cismaan Cagajoof.

4-Rooble Cumar Gudcur.

5-Yuusuf Maxamed Wacays.

6-Cabdi Siciid Aadan.

7-Cabdi Yaasiin.

8-Maxamed Siciid Aadan.

9-Muuse Geele Yuusuf.

10-Bashiir Siciid Aadan.

11-Khadar Cabdi Xaai Mire.

12-Cabdi Risaaq Xareed Ismaaciil.

13-Maxamuud Faarax Beeldaaje.

14-Xassan Cabdala Xassan.

15-Maxamed Siciid Shabeele.

Inkasta oo uu jiro xusul duub ay wadaan Musharixiinta u tartamaya duqa degmada Boosaaso,hadana Boosaaso waxay u baahan tahay Gud-doomiye u damqada magaalada,isla markaana wax ka qabta baahiyaha bulshadu ay tabayaan.

Dad badan ayaa iswaydiinaya qof-ka uu noqon doono duqa 16-aad ee magaalada Boosaaso,waxaana jawaabta su’aashan aysoo bixi doon-taa waqtiyada soo socda.

Dekedda Boosaaso oo laga Mamnuucay in lagu dhex Cabo Sigaarka.

Saraakiisha amniga Dekeda Boo-saaso ayaa mamnuucay in Deke-

da lagu dhex cabo sigaarka,waxaana Amarkan uu ka dhaqan galay Deke-da Boosaso.

Taliyaha Dekeda Boosaaso Maxamed-Cali Xaashi oo Waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Ummadda,ayaa sheegay in go’aanka ay ku joojiyeen in Sigaar lagu cabo Dekeda ay saldhig u tahay illaalinta amniga Dekeda iyo Hanti- da wayanaha .

‘’Waxyaabaha aan Dekeda kuso kordhinay ayay ka mid tahay innaan Dekeda gudaheeda aan Sigaar lagu cabi Karin,runtii arrintaasna waa lagu shaqaynayay,si wax yaabaha halista ah ee Dabka ka dhasha loo-ga badbaado,maadama Badeecad badan oo kala nooc ah ay Dekeda kaso dagaan,baa waxaan xoogga saarnay amni ahaan in arrimaha ka qayb qaadanaya Dekeda ay ka mid noqoto in Dekeda aan sigaar lagu cabi karin’’Ayuu yiri Xaashi.

Wuxuu intaas ku daray‘’…Qaadka in-tii la magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Puntland Amaradii ugu horeeyay ee uu soo saaray ayay ka mid ahayd innaan goob shaqo wax Qaad ah lagu cuni Karin,meelihii ugu horeeyay ee laga hirgaliyay waa Dekeda Boosaaso,maadama ay Mu-raayadii wadanka ay tahay,waqtiga xaggaaga ah dhibaato ayaa ka dha-lan karta haddii Sigaar lagu cabo’’.

Mar uu ka hadlayay dhacdo hadda ka

hor ka dhacday Dekeda Boosaaso oo ka dhalatay Sigaar lagu cabo gudaha Dekeda ayaa wuxuu yiri‘’….Hadda ka hor waxaa dhacday Alaab karaa-toon oo la rogay oo bannaan taala Haash sigaar oo la tuuray inuu halis galiyay,waa laga hortagay khasaaro ma gaysan,laakiin wuxuu noo no-qday calaamado in arrintu ay halis keeno karto’’.

Taliyaha Dekeda Boosaaso Maxamed Cali Xaashi ayaa sheegay in dadka gala Dekeda Boosaaso ay ku sameey-aan baaritaan kala duwan,wuxuu sheegay in baaritaanka lagaga reebo dadka wata Sigaarka.

‘’Dadka Dekeda galaya baaritaano kala duwan ayay maraan,waxaa laga-ga reebaa baaritaanka ay marayaan dadka Dekeda galaya,waxyaabaha aan xaqiijiyay intii aan shaqaynayay waxaa ka mid ahaa in Dekeda Boo-saaso laga sameeyo Albaabo kala duwan oo la isticmaalo oo u kala soocan dadka iyo Xoolaha’’Ayuu yiri Xaashi.

Wuxuu intaas ku daray in Amarku uu ka dhaqan galay guud ahaan Dekeda Boosaaso,isla markaana ay dadku u hogaansameen amarkaSaraakiisha amniga Dekeda Boosaaso.

‘’Waa dhici kartaa in qof aan ogayn uu Dekeda sigaar ku cabo,inta badan bulshada si fiican ayuu u gaaray warkaas intii aan soo saarnay’’Ayuu yiri.

Page 3: Wargayska Ummadda 12-Aad Sax

3Wargayska UMMADDASabti 22 Augt 2015

Xaggee ku dambayn doona Mooshinka ka dhan ah

Madaxweyne Xassan Sheekh?Illaa 13kii Agoosto

oo ahayd waqtigii Xildhibaanada Baar-lamanka Soomaaliya ay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xas-san Sheekh u gud-biyeen Guddoonka Baar lamanka,ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday shirar Goos goos ah oo iska horjeeday.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay u fashilin lahayd Mooshinka,waxaana ay keentay laba qorshe oo saa-cadihii ugu dambeeyay soo shaacbaxay,kuwaas oo kala ahaa;

1-Xildhibaano shir Ja’raa’id ku qa-btay Muqdisho oo sheegay inay-san ka mid ahayd Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay shan bari ka dib.

2-Madaxtooyadda oo dalbatay in Madaxweynuhu uu Khudbad caa-di ah ka horjeediyo Baarlamanka Soomaaliya.

Siyaasiyiin si dhow ula socda Mooshinka muqdisho ayaa shee-gay in ujeedada ka dambaysa Xild-hibaanada dalbaday in Saxiixa Mooshinka laga saaro ay tahay in la dhimo Kooramka buuxa ee Xild-hibaanada Mooshin ka gudbiyay,si Mooshinka ay u fashiliyaan Villa Soomaaliya.

Dhanka kale,Madaxweynaha ayaa Guddoonka Baarlamanka ka cod-saday inuu Khudbad u jeediyo Baarlamanka,waxaana dadka qaar ay qabaan in Madaxweynuhu uu doonayo inuu qaboojiyo Mooshinka kaga yimi Xildhibaanada.

Xildhibaanada Mooshinka keenay.Xildhibaanada keenay Mooshinka Liddiga ku ah Madaxweynaha,ayaa dhankooda wada abaabul ay uga hortagayaan qorshaha Villa Soomaaliya,waxaana ay dhankooda laba jibaareen qorshayaasha ay ku doonayaan in Mooshinku uu noqdo mid taaba gala.

Xildhibaan Maxamed Cismaan Shuuriye oo ka mid ah Xildhibaana-da ku Midaysan Mooshinka,ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inay sii korortay tiradooda,isla markaana ay doonayaan in sharciga lagu kala baxo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caqabadaha waawayn ee soo waja-hay uu ka mid yahay Mooshinku,xilli Beesha Caalamku ay doonayso in Dawladdu ay la timaado qorshe cad oo ku saabsan doorashooy-inka sanadka 2016-ka ka dhacaya dalka,xilli Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah uusan xiriir wada shaqayn ka dhaxayn.

Beesha Caalamka.Beesha Caalamka ayaa horay u dal-batay in Doorashooyinka sanadka 2016-ka ay ka wada tashta-an Xukuumadda,Baarlamanka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka,hasa yeeshe wax-aa muuqanaya in arrintaasi sida

ay ku hir-gasho ay adag tahay,marka la fiiriyo xaaladda taagan.

“Inkastoo aan si buuxda u qadar inayno xaqa uu Baar-l a m a a n k a Federaalku u leeyahay inuu la xisaabta-mo hay’adaha

sidaana ku guto waajibaadkiisa das-tuur, gudbinta mooshin caynkan oo kale ah waxay u baahantahay daah-furnaan aad u heer sarreysa iyo ha-naanka loo maro oo hufanaato, wax-ayna qaadan doontaa waqti aad qaali u ah, gaar ahaan marka ay meesha ka maqanyihiin hay’ado sharci oo lagama maarmaan ah,Waxaan sidoo kale xusuusanaa in Soomaaliya iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay uu waajib ka saaranyahay inay raacaan Qara-arka Golaha Amaanka Qaramada Mi-doobay ee tirsigiisu yahay 2232, oo qeexaya rajada beesha caalamka ee amniga iyo horumarka siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gaaro Soomaaliya, iyo baahida loo qabo hanaan doorasho ee loo dejiyo san-nadka 2016ka iyadoo aan xilka loo kordhinin laamaha sharcidejinta iyo fulintaba.’’Ayaa lagu yiri Warsaxaaf-adeed kaso baxay Beesha Caalam-ka.

Warsaxaafadeedka kaso baxay Bee-sha Caalamka ayaa sido kale lagu sheegay in loo baahan yahay in Baarlamanka iyo Xukuumaddu ay ka wada shaqeeyaan sidii Doorasho Xor ah ay dalka uga dhici lahayd sanadka 2016-ka.

Waxaa loogu baaqay Hay’adaha Dawladda’’ Waxaan ugu baaqay-naa hay’adaha federaalka Soomaa-liyeed inay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda inta lagu jiro xilligan adag, ayna diiradda saa-raan arrimada mudnaanta leh ee ay dadka Soomaaliyeed dejisteen: (a) diyaarinta hanaanka doorasho ee sannadka 2016ka; (b) sameyn-ta maamul-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo ha-naanka dib u eegidda dastuurka, oo muhim u ah xasilinta, maamulka iyo dowlad-dhisidda; iyo (c) la dagaal-lanka Al-Shabaab, oo maraya meel xasaasi ah, mahadi ha ka gaartee taageerada iyo dadaalka ay naf-tooda u hurayaan ciidamada amaan-ka qaranka Soomaaliyeed, Midowga Afrika iyo saxiibada kale.”

Inkasta oo wali aan Mooshinka la horkeenin Baarlamanka,baaqna uu kaso baxay Beesha Caalamka,hadana Guddoonka sare ayaa gacanta ku haya,waxaana ka doodista Mooshinku uu ku xirnaan doontaa hadba sida ay Sharciga u waafajiyaan Guddoonka sare ee Baarlamanka,maadama ay sheegen in Mooshinku uu buuxiyay Kooramkii loo baahna.

Lama sadaalin karo halka uu ku dambayn doono Mooshinka ka dhan ah Golaha Madaxweynaha Soomaaliya,hasa yeeshe natiijada Mooshinka waxaa la ogaan doona waqtiyada soo socda.

Xog-hayaha Dowladda Hoose Boosaaso:“Dowladda hoose

waxaa haysata Dhaqaala daro”

Maamulka Dawlada hoose ee magaalada Boosaaso ayaa shee-

gay in dhibaato dhaqaale ay ka jirto Dawlada hoose ee Boosaaso,taasi oo u baahan in wax laga qabto.

Dhibaatada dhaqaale ayaa waxaa horseed u ahaa shaqaale tira badan oo ka Diiwaan gashan Dawladda hoose iyo Ilo Canshuureed ay qaadi jirtay Dawlada hoose oo xirmay.

Xoghayaha Dawlada hoose ee deg-mada Boosaaso Cabdi Risaaq Geel-doon oo Waraysi gaar ah siiyay War-geyska Ummadda,ayaa sheegay in shaqaalaha tirada badan ee ka Di-iwaan gashan Dawlada hoose aysan qaadi Karin.

‘’Dawladda hoose ee Boosaaso culays aysan qaadi Karin ayaa saaran,marka la eego shaqaale ahaan,shaqaaluhu waa tiro gaaraysa illaa Shan Boqol oo qof,dadka meesha ka hawl gala waa Sideetan qof,haddii la damco in wax la saxo lama sixi karo,waxaa lagu leeyahay meesha dadka waa lagu ko-riyaa ama waa lagu nooleeyaa’’Ayuu yiri Xoghayaha Dawlada hoose ee Boosaaso.

Wuxuu intaas ku daray‘’….Haddii aad go’aan qaadato Madaxda kaa sareeya ayaa kula soo hadlaya,illaa bishii Sagaalad codsi ayaan qorayay Waax kasta inta qof ee shaqaale ah ay qaadi karto,Waax ahaan 21 qof ayay u baahan tahay,waaxda aan leeyahay 21 ayay u baahan tahay waxaa ku qoran Sideetan qof,Waax u baahan Sideed qof ayaa Sagaashan qof ku qoran tahay’’.

Cabdirisaaq Geeldoon ayaa sheegay in Dawladda hoose ay wayday Ilo dhaqaale oo ay qaadi jirtay,arrintaas oo ku timi qorshe xumo.

Mar uu ka hadlayay arrintaas ayaa

wuxuu yiri‘’Dawladda hoose oo aan qaadan Karin Canshuurtii da-jita Dekeda waa Mushkilo,waxaa jirtay Iridka Dekeda boonadii oo aan ku heshiinay innaan ka qaadno Gaarigii labaatan ama Soddon ma jirto,waxaa jirtay Canshuurta kale ee Dhulka wax kasta oo magaalada lagu Iibinayo waxaan lahaan jirnay 5% ma jirto,waxaa jirtay Canshuur-ta Garoonka oo aan lahayn 2.5 ma jirto,Kaantaroolka Boosaaso oo aan is lahaa Canshuur ayaa laga qaaday-aa kama qaadno’’.

Xoghayaha Dawlada hoose ee deg-mada Boosaaso ayaa sheegay in mararka qaar aad arkayso Canshuur la qaabeeyay oo ay qaado Dawlada Hoose,wuxuu sheegay in meesha ay ka baxday Canshuurtii Dawladda hoose ay qaadi jirtay.

‘’Waxaa nagu soo kordhay Roondada magaalada,Saldhigyada oo aad Ad-eeg siiso,Maxaabiista oo aad Masaa-riif siiso,Kaantaroolka oo aad Guno siiso,Nadaafadda magaalada oo Du-shaada ah,Mushaharka shaqaalaha oo aad siiso,waxaad la yaabanahay Dakhliga Dawladda hoose’’Ayuu yiri Geeldoon oo hadalkiisa sii wata.

Mar uu ka hadlayay sababta ar-rintan wax looga qaban waayay ayaa wuxuu sheegay‘’Taladu waa inta sare,Dawlada hoose Golaha deegaanka ayaa Xukuma ama Maayorka,haddii ay u arkaan inaysan waxani soconayn inay dhahaan sidaa ha lagu hayo,haddii aad tixgalin qof ku shaqayso oo aadsan ku xisaabta-min dhaqaalahaaga waxay keenay-saa in shaqadaadu ay istaagto’’.

Xoghayaha Dawladda hoose ayaa sheegay inuu laso shaqeeyay illaa 17 Maayor,balse xilligan ay tahay xilliga ay ugu liidato Dawlada hoose,xilli buu yiri uu duqa dawlada hoose ku jiro Ol’ole doorasho waa siduu ha-dalka u dhigaye.

‘’Duqii oo Musharax ah oo wax badan xeerinaya,waxaan aaminsanahay dhaqaale ahaan iyo maamul ahaan maanta maalin ay Dawladda hoose ka Liidato ma garanayo’’Sidaa waxaa yiri Geeldoon oo hadalkiisa sii wata.

Ugu dambayntii wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Ilo dhaqa-ale oo cusub loo abuuro Dawladda hoose,isla markaana kuwii hore dib loo kiciyo.

Sicirka Suuqa iyo Sarifka Lacagaha Qalaad.

Xubinta Sicirka suuqa iyo sar-ifka lacagaha qalad waxaad kaga bogataan qiimaha sarifka lacagaha kala duwan ee laga isticmaalo Dalka iyo Sicirka Macayshadda daruuriga ah.1-Boqolka Dollar waa 2200,000 ssh2-Boqolka uero waa 105 dollar.3-Boqolka Riyaal ee Sucuudiga ah waa 25 dollar.4-Boqolka Ethopianka ah waa 100,000 ssh.Macayshadda Daruuriga ah.1-Burka waa 24.5 dollar

2-Bariiska 25 dollar.3-Sokor 26 dollar.4-Sallidda Xayaad 18 dollar.5-Foster kartoon 45 dollar.Caano Amis kartoon 73 dollar.Dhinaca Cabitanadda.1-Saytuun karton 7 dollar2-Seven up 8 dollar.3-shaani waa 8 dollar2-Rani Fufax 9.5.3.Biyaha Dibadda ka yimaadda 6.5 dollar.4- Biyaha Dalka ayaa ka jaban waana 4.5 dollar.

Page 4: Wargayska Ummadda 12-Aad Sax

4 Wargayska UMMADDA Sabti 22 Augt 2015

faallo:-Waa kuma Hogaamiyaha wannagsan?

Markaad aragto wadankaaga inuu yahay midka dunida ugu

xun, ama lagu daro sanad walba wadamada dunida ugu faqrisan ugu-na musuqmaasuqa badan, marka lagu tilmaamo Ummadd fashilantay (Failed nation) dalkaaga , marka aad aragto dacdarada iyo silica mu-waadinka Soomaaliga ah ku haysata dunida meel walba, marka aad arag-to sida ummadaha kale ay u qoon-sadeen dalkaaga uguna soo duu-leen oo iyagu taladiisa ay gooyaan, ayna u kala qaybqaybiyeen maam-ullo iyo gobollo col isku ah. Waxaad u taahaysaa hogaamiye badbaadiya dalkaaga iyo dadkaaga

Si joogta ah ilaa burburkii Somalia 1991, waxaa qolo walba ku caano shubaysay Oday dhaqameed, ama Siyaasi ama Wadaad inuu yeesho hogaanka qolyahaas, laakiin midna kumaysan aflixin ama waaba yar-tahay inta hogaamiye ee xaqiijisay hankii laga lahaa.

Waxaase dhab ah tilmaamihii laga rabay hogaamiyayaashaas inaysan dhamaystirin amaba aysan dadka talada u igmaday aysan fahmin kadib markii ay indho tirtay dano so-keeye iyo mid kale oo cudur ka galay dhaqankii oo ka doorshay wadaniya-dii.

Maqaalkan kooban waxaan ku qe-exaynaa tilmaamaha laga rabo hogaamiyaha wanaagsan iyada oo aan ku jirno xilli soomaalida oo dhan ay rabaan isbadel inay arkaan oo ay horjoogayaal u noqdaan kuwa kasoo saara ceelka dheer ee ay ku dhacday hashii Maandeeq ahayd .

Eebe weyne wuxuu farayaa kuwa dadka xukuma inay cadaalad u sa-meeyaan, wuxuu farayaa inay guta-an amaanadana xaqeeda siiyaan oo cidda u dhiibatay ugudaan, waxaa suurto gal ah amaanada in loo fah-may baadida lunta ama lacag yar oo qof kuu dhiibto. Markaasay banay-steen hantidii caamka ahayd wax-ayna ka dhigteen mid danahooda khaaska iyo qoysaskooda ay ka xig-sadaan inta kalena kana qidiyaan.

Qeexista Hoggaamiye

Dad badan ayaa qeexay hogaamin-ta iyo hogaamiyaha laakiin aan soo koobno:-

Qaamuuska Af-soomaaliga ee Yaa-siin C. Keenadiid wuxuu hoggaamin iyo hoggaan ku kala micneeyey:

1- Hoggaamin in ay tahay hoggaan-ku-qabasho ama ku wadid

2- Hoggan in uu yahay xarig, inta awrta surka lagaga xiro oo lagu keeneeyo, laguna wado.

Fasiraadda aqoonyahannada kala duwani ay siiyeen hoggaaminta mar-ka si guud loo eego waxay si toos ah iyo si dadban u muujiyeen:-

1- Inay tahay geeddi-socod

2- In saamayntu ay tiir-dhexaad u tahay

3- In uu jiro qof wax hogaamiya(hoggaamiye) iyo kuwa la hoggaamiyo(taageerayaal)

4- In uu jiro xiriir isku xiraya hog-gaamiyaha iyo taageeraha, kaas oo ah hoggaaminta lafteeda, iyo

5- In uu jiro yool la higsanayo oo loo shaqaynayo gaaritaankiisa Qoon

hoggaan xun iyo qoys Hooyo xun midna ma hanaqaado’ Cali Axmed Raabeh(Seenyo)

‘Raggii madaxdu ka xumaato waa, marin habaabaaye’ Cismaan Yuusuf Keenadiid

Soomaalidu marka ay doonayaan inay hoggaamiyahooda dhaqameed ay doortaan waxay ka duulaan, si weynna u tixgeliyaan murtida soo jireenka ah ee oronaysa “ Tol wax-aa u talin kara, nin doofaar cay uga dulqaad badan oo kurtun qorrax uga adkaysi badan oo dhagax qabow uga adkaysi badan oo kudkude gaajo uga adkaysi badan”

Muqadimadii Ibnu Khalduun wux-uu ka yiri Tilmaamaha Khaliifada (Hogaamiyaha) muslimiinta inuu noqdo “ mid saaxiib u ah Cilmi iyo cadaalad, mid dhamaystiran oo lix-diisa lixaad iyo dareemadiisu ay bad qabaan”

Field Marshal Montgomery marka uu hogaamiye ka hadlayey wuxuu yiri: “

Hogaamiyuhu waa kan kayeela dadka inay taageeraan, waana inuu noqdaa mis geesi ah oo leh awooda rabitaan ee uu isbadel ku samayn karo waana inuu yahay mid hay-sta kolsoonida taageerayaashiisa, wuxuu curin karaa fikrado kicinaysa xamaasada dadkiisa wuuna la doodi karaa dadka isaga oo ku qancin kara fikradahaas wuuna ku kasban karaa qalbigooda iyo caqligooda, wuxuu darsaa dabeecadaha dadka, wuxuu bartaa fanka iyo xirfadaha hogaa-minta wuuna ku dhaqmaa, ma quus-to, waa mid go’aan leh, wuxuu ilaa-liyaa mooralka dadkiisa, wuxuu ka adagyahay naftiisa, wuxuu yaqaa-naa sida uu u doorto raga/haweenka ku haboon shaqoonyinka ay qaban karaan, wuxuu yaqaana waajibaad-kiisa, wuxuu sugaa shaqadiisa, wuxuu daacad u yahay howshiisa, wuxuu soo saari kara go’aamo ceeb la’aan ah, waa deganyahay oo ma fududa, wuxuu diyaar u yahay inuu u bareero khatar walba, ugu dam-bayna waa qof si adag u haysta kuna dhaqma diintiisa”.

Noocyada Hogaamiye:

1- Keli Taliye( Dictator)

a. Dad yar ayuu kalsooni ka haystaa (inta danwadaaga ay yihiin)

b. dhaqaale ayuu ku qanciyaa mu-caaradkiisa, ama xoog ayuu ku muquuniyaa

c. wuxuu soo saaraa go’aamo uusan cidna kala tashan

d. Lama dhaliili karo, waana amaan jecelyahay

e. Ugu dambayn wuxuu hoojiyaa dadkiisa

2- Keli taliye wanaagsan (Good dic-tator)

a. Wuu dhagaystaa dadka

b. Wuxuu iska yeelaa qof dimuqraadi ah

c. Go’aan kiisa ayaa u cad marka ay timaado fulinta

3- Talowadaag (Democratic)

a. Dadku ayuu lawadaagaa talada

b. Wuxuu ogolyahay in la naqdiyo,

loona amaano si caqli gal ah

c. Waa qof u cudur daaran kara dadkiisa hadii uu khalad galo ama uu fashilmo

d. Dadkiisa wuxuu la jecelyahay horumarka iyo wanaaga

Khiyaano Guud

Nabigeena Suuban SCW wuxuu yiri “ qofkii loo dhiibo talada muslimiin-ta, dabadeedna u doorta mid looga haboonyahay masuuliyada, wuxuu khayaanay ilaahay iyo rasuulkiisa iyo Mu’miniinta”

Dadka doorta madaxda sida baar-lamaanada iyo Isimada soo ma hay-sato khiyaanada nabigeena ka digay, soo ma aynu aragno xildhibaano doorashada madaxweynayaasha ku xeeriya qabyaalad ama maslaxad kale.

Tusaale Hogaamiye Wanaagsan

Hogaamiyihii Waynaa (Muxamed SCW) Nabigeena Suuban SCW, inta uusan Duulaankii Badar qaadin, wuxuu la tashtay Asxaabta wuuna ka talageliyey duulaanka, Saxaabi-gii waynaa ee Miqdaad binul Aswad ayaa ku yiri Nabiga SCW “ku oran mayno sidii Banii Isra’iil ay ku tiri Nabi Muse adiga iyo Rabigaa orda oo dagaalama anagu waa iska fad-hinaynaaye, ee Rasuulka Allow soco oo na horkac anagana waan kula jir-naaye”. Rasuulka erayadaas wuu ku farxay wuxuuna asxaabtay amray inay gaalada ku duulaan.

Markii muslimiintu ay tageen ceel-kii Badarna, Saxaabi la oran jiray Xabaab ibnu Mundir ayaa yiri “ Ra-suul Allow ma ilaahay ayaa ku am-ray inaad goobtaan degto, mise waa dhagar dagaal iyo xeeladiisa. Markaasuu rasuulku yiri mayee waa dagaal iyo xeeladiisa. Saxiibigii wux-uu talo kusoo jeediyey in Ceelka Bi-yaha laga xigsado gaalada oo mus-limiintuna ay ka cabaan gaaladana laga haraadiyo”

Markii gaalada laga qafaashayna 70, wuxuu asxaabta ka talagaliyey sida laga yeelayo. Abuubakar ayaa soo jeediyey in layska cafiyo oo ay isfurtaan(Fidyo). Talada laysku raa-cay waxaa khilaafsana cumar ayaa qabay in surka laga guro. Waxaase markii dambe soo dagay quraan taa-geeraya taladii Cumar bin khadaab.

Talooyinka uu la wadaagay asxbaa-tay waxay ka mid ahayd sababihii guusha Duulaankii Badar marka laga yimaado Nasriga Allaah uu siiyey Muslimiinta.

Nabigu wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu waynaa ee ebid duhanida soo mara, hadii taariikhdiisa ay akhrin lahaayeen madaxda somalida wax weyn ayay iska badali lahaayeen.

Cumar Bin Khadaab (Khaliifkii Mus-limiinta)

Cumar oo ahaa khilaafadii dowladii waynayd ee muslimiinta ayaa dam-cay inuu xadeeyo meherka gabdha-ha lasiinayo, gabar ayaa ka hortimid oo tiri ma wax ilaahay xaq noo siiyey ayaad badalaysaa adigu. Markaas ayuu yiri “ Cumar waa gafay, gab-arna waa saxday”

Marka wuxuu ahaa hogaamiye la naqdin karo oo khalad laga qaban karo. Balse waxaa badalay kuwa

xitaa aan la fiirin karinMahatir Mo-hamed

Waa raysal wasaarihii hore ee dalka Malaysia, wuxuu xilka qabtay 1981 iyada oo dadkiisu 52% ay yihiin fakhri, Malaysia oo ku tiirsan kaliya beeraha oo aan lahayn wax wersha-do ah.

Wuxuu qoray kitaab uu ku canaa-nanayo dadkiisa Malayga ah oo uu ku tilmaamayo inay yihiin dad caa-jislowyaal ah, wuxuuna kasbaday qalbigooda, wuxuu Malaysia u bada-lay wadan maamul wanaagsan oo wax soo saar leh, 2002 dadkii fakhri-ga ahaa ee Malaysia waxay noqdeen 5% kaliya, 80% waxay ay dunida u iibgayso waa wax lagu sameeyo warshadaha dalka Malaysia, 85% gawaarida ay kaxaystaan waxaa lagu sameeyaa dalka gudihiisa.

Sidaas oo ay tahay isaga oo la jece-lyahay ayuu xilka ka degay 2003 markii uu arkay in ay jiraan rag kale oo uga haboon inay sii wadaan geedi socodka horumarka Malaysia.

Tilmaaha aan ka rabno inuu yeesho hogaamiyaheena :-

1- Inay si dhab ah u aaminsanya-hay ummada uu hogaaminayo kuna hogaamiyo caqiiqada ummadaasi ay leedahay

2- Inuu yahay mid talowadaaga ah, lana tashado dadka diinta iyo cilmiga usaaxiibka ah

3- Inuu yahay geesi ubabac dhiga kara khatar kasta oo timaada, mas-laxada caamka ahna uu ka hormari-yo midiisa khaaska ah

4- Inuu ku tiirsanaado dhabta, uu-sana iska rumaynin kuwa ku hareer-aysan ama cid gaar ah waxa ay uga sheegayso ummaddiisa ee uu wax walba u kuur galo

5- Inuu yahay hogaan caafimaad qaba, oo aan maskax ahaan u daalin oo firfircoon

6- Inuu yaqaano diinta iyo culuumta maamulka, dhaqaalaha iyo hogaa-minta

7- Inuu yahay qof nadiif ah oo ka baraxtiran musuqmaasuqa iyo qaby-aalad

8- Dadka inuu kasban karo oo uusan ahayn mid afxun oo dadka didiya

9- Mid fahmi kara shirqoolada shish-eeya, lana jaan qaadi kara siyaasa-daha caalamka

10- Inuu yahay nin diin leh, ilaahay ka cabsiguusuna badanyahay

Gabagabo

Hogaamiyuhu Ma aha madaxwey-naha ama qofka idinku daraja sa-reeya, balse waan kan lagu daydo. Ma aha qofka koox ahaan idinku mushahar badan, balse waa khatar u bareeraha.

Ma aha qofka idinku gaari ballaran ama idinku guri weyn, balse waa adeegaha. Ma aha qofka nafsadiisa ama nafsadeeda horumariya, balse waa kan horumariya kuwa kale. Ma ah maareeye, balse waa curiye, ma aha qaate, balse waa bixiye. Ma aha hadlaa afminshaar ah, balse waa dhagayste.

Page 5: Wargayska Ummadda 12-Aad Sax

Sabti 22 Augt 2015 Wargayska UMMADDA 5Barnaamij Taxane ah Siiradda Nabigeeda SCW.

MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCWQ/3-aad

Ogeysiis.Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari waxa ay ogeysiinaysaa dhamaan dadwaynaha ku dhaqan magaaladda Boosaaso iyo Nawaaxi-geeda:• Inay soo sheegaan waxii

amaanka khalkhal gelin kara.• In aylasoo xiriiraan Telphone-

ka Lambarkiisu yahay 090-6000030, mar walbana waa heegan ciidamada amaanka oo ka jawaabidoona xog iyo xaal walba.

Waa kuma saxaabiga isaga dar-tiis Nebiga looga canaantay

toddobo samo korkood, canaan-taasoo ahayd tii ugu adkeyd uguna xanuunka badnayd?!!. Waa kuma saxaabiga isaga dartiis uu malakul-Jibriil (cs) ugu soo daadegay qal-biga Nebigeenna Muxammed (scw) isagoo xagga Rabbi(sw) ka waday waxyi qur’aan ah. Saxaabigaas qi-imahaas iyo maamuuskaas weyn lihi waa Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktu-um, kaasoo ahaa kii u addimi jiray Rasuulka (scw).

Cabdullaahi Ibnu Maktuum Ilaah ka raalli noqdee, wuxuu ahaa reer Makaad, wuxuuna ka dhashay qabi-ilka Qureysh. Wuxuu Rasuulka (scw) la ahaa xidid, maxaa yeelay afadii uu Rasuulka (scw) qabay ee la oran jiray Khadiija Bintu Khuweylid ayaa waxay ahaayeen ilmo abti iyo ilmo eeddo laxmi ah. Cabdullaahi Ibnu Maktuum aabihiis waxaa la oran jiray Qays Binu Zeyd, hooyadiisna Caati-ka Bintu Cabdillaahi, waxaana loogu yeeri jiray Ummu Maktuum, maxaa yeelay waxay Cabdullaahi dhashay isagoo indho daboolan oo indho la’.

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu la kowsaday kolkii uu Nuur-ka Islaamka ka bishay magaalada Makka, isagoo uu Eebbe (sw) ku if-tiimiyay laabtiisa hanuunka iimaan-ka iyo islaamka, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee qa-ata diinta Islaamka. Islaamidda uu Cabdullaahi soo islaamay wuxuu kala kulmay jirdil iyo dhibaato, taasoo uu ka siyaadsaday ku sugnaasho iyo ku adkeysi uu ku adkeysto qanaaca-diisa Islaamka. Hagardaamo iyo dhibaatooyin fara badan ayuu kala kulmay gaaladii Qureysh, hase ahaa-tee waxaasoo dhibaato ah ma ayan tabardareynin oo ma daciifin iimaan-ka iyo xamaasadda Cabdullaahi ee uu Islaamka u hayay. Balse, waxay arrimahaasi oo dhammi u kordhisay inuu sii qabsado ku dhaqanka kita-abka Alle, dhinaca kalena uu koro-sado aqoonta la xiriirta guud ahaan shareecadda Islaamka iyo sidoo kale inuu u jiheesto xaggaa iyo ku camal-falka hanuunka Rasuulka (scw).

Jaceylka Cabdullaahi uu u qabay Ra-suulka (scw) iyo dadaalka uu ugu ji-ray barashada iyo xifdinta qur’aanka kariimka ahba waxay gaartey, inuu fursad kasta uu u maro sidii uu ar-rintaas uga faa’iideysan lahaa. Dhi-naca kale, wuxuu Rasuulka (scw) aad iyo aad ugu dadaali jiray sidii ay u soo islaami lahaayeen madaxda qureysh, sidaa darteed ayaa maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu Rasuul-ka (cw) la kulmay qaar ka mid gaala-dii sida aadka ah u cadaadin jirtay muslimiinta, sida Cutba Binu Rabiica iyo walaalkiis Shayba Binu Rabiica iyo Camr Binu Hishaam, loona yiqi-innay Abuu Jahal iyo Umayata Binu Khalaf iyo Waliid Binu Al-Muqiira oo ahaa Khaalid Binu Waliid aabihiis.

Markey arrintu halkaas mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) bilaabay inuu u jeediyo gaaladii wacdi, isla markaasna uu u soo bandhigo bal inay soo islaamaan., isagoo aad ugu rajo weynaa Rasuulka inay soo is-laamaan, ama haddii kale ay jooji-

yaan dhibaatada ay muslimiinta ku hayaan. Isagoo Rasuulka (scw) sii wato hadalka, ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo markaas ka dalbayay Rasuulka inuu u akhriyo aayad qur’aan ah, isagoo leh:

“Rasuulkii Alloow waxaad i bartaa qaar ka mid ah wixii uu Eebbe (sw) ku baray”. Hase ahaatee, Rasuulka ma uusan dhugan xaggiisa oo wuu ka jeestay oo weji kuduudiyay, isagoo u leexday dhinacii ay jireen kooxdii uu la hadlayay ee qureysh, wuxuuna sidaas u sameenayay isagoo ku rajo weynaa bal inay soo islaamaan, oo markaasna islaamkooda ay diinta Is-laamka u keento cisso iyo taageera-da dacwada Rasuulka (scw). Hadalkii uu Rasuulka (scw) u jeedinayay ni-mankii qureysh maba uusan dham-maynin, mana doonin inuu aado reerkiisa, jeer uu Alle qabtay qaar ka mid aragtadiisa, wuxuuna dareemay dareen ah sida isagoo la garaacayo madaxiisa oo kale. Intaa dabadeed, wuxuu Alle korkiisa ku soo dejiyay aayadahan qur’aanka ah ee ku jira biloowga suuradda Cabasa:

“Wejiguu uruuriyay oo jeestay (waa Nebiga), inuu u yimid kii indhaha la’aa darteed. Maxaad ka ogtahay inuu u dhow yahay inuu hanuuno oo daahir noqdo. Ama uu waansa-mo, oo markaas waanadu anfacdo. Ruuxii is deeqtoonaysiiya, Ma diga ayaa u bambixi, Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin. Ruuxiise kuu yimaada isagoo degdegi, Oo Eebbe ka cabsanaya, Miyaad ka shuqloomi, Sidaas ma ahan ee aayaduhu waa waano, Ruuxii doona wuu ku waa-no qaadan, waxayna dhex ahaatay xaashiyo sharaf leh (looxal-max-fuudka), lana koryeelay oo la daa-hiriyay, ayna ku jiraan gacmo kuwo sufaro ah (malaa’igta), kuwaasoo sharaf iyo dhego nuglaan leh”.

Waa lix iyo toban aayadood oo uu la soo degay malaga Jibriil (cs), isagoo ku tuuray qalbiga Nebi Muxammad (scw), aayadahaasoo ku saabsanaa arrintii Cabdullaahi Ibnu Ummi Mak-tuum, waana aayado la aqrin doono laga soo bilaabo xilligii ay soo degeen ilaa iyo maalinta aynu hadda joogno. Sidaas ayaana loo aqrin doonaa ilaa uu inta Alle ka dhaxlayo dunida iyo waxa dul-saaran dhammaanteed.

Wixii maalintaas ka danbeeyay, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa kii aad u maamuusa oo u qaddariya Cabdul-laahi kolkuu u yimaado. Wuu soo dhoweyn jiray haddii uu u yimaado, arrimahiisa ayuu la socon jiray, wixii uu u baahan yahayna wuu u fulin jiray. Taasina la yaab ma lahayn, maxaa yeelay isaga daraadiis ayuu Eebbe (sw) uga soo canaantay Rasu-ulkiisa toddobo cir korkood, canaan tii ugu adkeyd, uguna qallafsanayd. Gaaladii Qureysh markii ay mar kale soo laba-kacleeyeen dhibaata-dii ay ku hayeen Rasuulka (scw) iyo mu’miniinta, ayna darraatay dhib-kooda ayuu Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday muslimiinta inay u haa-jiraan magaalada Madiina. Cabdul-laahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Alle dartii u haajira, isagoo diintiisa

la cararaya.

Cabdullaahi oo uu weheliyay sax-aabiga jaliilka ah ee la yiraahdo Muscab Binu Cumeyr (goor hore ayuu islaamay, wuxuuna ku dhintay isagoo shahiid ah dagaalkii Uxud) ayaa waxay ahaayeen asxaabtii ugu horeeyay ee yimaada magaalada Madiina. Markii uu Cabdullaahi yimid magaaladii Madiina, maba uusan sii joogin jeer isaga iyo Muscab ay dur-badiiba ka bilaabeen gudbinta dac-wada Islaamka, iyagoo dadka bari jiray qur’aanka iyo guud ahaan cil-miga diinta Islaamka.

Kolkii uu Rasuulka (scw) yimid magaalada Madiina, ayaa wuxuu magacaabay Cabdullaahi Ibnu Mak-tuum iyo Bilaal Ibnu Rabaax si ay u addimaan, lana jahraanna oraahda kalimadda tawxiidka maalin kasta 5 jeer. Waxay dadka ugu yeeri jireen camalka kheyrka, iyagoo dhinaca kalena dadka ku baraarujin jiray li-ibaanta. Bilaal ayaa addimi jiray, Cabdullaahina wuxuu aqimi jiray salaadda. Amaba waxaa dhici jir-tay mararka qaarkood inuu Cabdul-laahi addimo, Bilaalna uu salaadda aqimo. Nebiga (scw) aad iyo aad ayuu u maamuusi jiray Cabdullaahi, maamuusiddaasina waxay gaartey inuu Rasuulka (scw) uu magaala-da Madiina uga tago Cabdullaahi Ibnu Maktuum, marka uu safarka dhowrka iyo tobanka maalmood uga maqan yahay dibadda magaalada. Maqnaanshahaas midkood waxayba ahayd maalintii uu Nebiga (scw) fu-ranayay magaalada Makka.

Dagaalkii Badr ka dib, wuxuu Alle (sw) ku soo dejiyay Nebigiisa aayado qur’aan ah, oo uu Ilaah ku kor yee-layo darajada mujaahidiinta, isagoo ka fadilaya kuwa aan gelin dagaalka jihaadka si uu ruuxa jihaadiyo uu u sii jeclaado jihaadka, dhinaca kalena uu arrintaa ka biyo-diido kuwa iyaga ka fariistay goobta jihaadka. Aaya-dahaas waxay saameeyeen Cabdul-laahi, isagoo dhibsaday inuusan ka qayb qaadan fadligaas weyn ee aayaddu sheegtay. Sidaa darteed Cabdullaahi wuxuu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku yiri hadalkan:

“Rasuulkii Alloow haddaan awoodi la-haa, waan jihaadi lahaa”, dabadeed-na wuxuu si qalbi qushuucsan u baryay Alle, isagoo yiri: “Ilaahayoow waxaad soo dejisaa cudur daarkay-ga”, Ilaahayoow waxaad soo dejisaa cudur daarkayga”.

Yaaba ka dhaqsiinyo badnaa in la aqbalo ducadii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum. Zeyd Binu Thaabit (rc) oo ahaa qoraagii waxyiga Nebi-ga (scw) ayaa wuxuu yiri: “ waxaan fadhiyay Rasuulka (scw) agtiisa, waxaa Rasuulka dabooshay xasiloo-ni, bowddadiisa ayaa ku dul dhacday bowddadayda, mana arag wax ku culeys badnaa bowddadii Rasuulka, dabadeedna culeyskii waa laga qaa-day, wuxuu yiri: qor Zeydoow, wax-aan qoray:, ma sinna kuwa dagaalka jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah iyo kuwa ka qayb galay jihaadka”

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ayaa istaagay, markaasna yiri:

Sheeko:-Hadii waraabe xaakim

laga dhigo Ari xaq maleh.

Q/2-aad

Tobaadkii dhaweyd sheekadu waxay inoo maraysay taariikh-

dii Dhurwaaga iyo Libaaxa yio kala duwaanshahooda xaga kartida iyo awooda rabaaniga ah,Habar dugaag waxay dareemeen maamul la’aan iyo inay haliso badan soo foodsaari doonaan hadii aysan maamul si dhaqso ah usamaysan ta-asina waxay keentay inay ku baaqa-an shir maamul usamayn dhamaan habar dugaag ah.Waxaa la saaray gudi kasoo baaraan dega shirkaas qabashadiisa, cida ka qayb gelaysa nooc ahaan, iyo tiro ahaanba, hasa yeeshee in mudo ah waxaa lagu rafanayey gudiga laftiisa bahal dilaaga Guduumiye unoqonaya iyo halka laga keenayo saadka quud-ka shirka.

Gudiga habar dugaag waxaa uu yee-shay kulankoodii ugu horeeyey si lay-sula meelo dhigo qodobada horyaal, Dood dheer kadib waxaa laysu af-gartay in Gudiga madax looga dhigo Bahalka layiraahdo Gaduudane wax-aana xubno ka ahaa Dawaco, Sheel, Haramcad, iyo Yey.

Gaduudanuhu wuxuu ku mutaystay madaxtinimada gudigaku dhuumaa-laysiga iyo xeesha uu isticmaalo mar-ka uu wax diloonayo sidoo kale goob-ta shirka lagu qabanayo laga dhigay Bohol caan ka ahayd Boholaha Habar dugaag taas oo la yiraahdo [Bohol Dhurwaa] Bohol dhurwaa waxay caan ku tahay godad tiro badan hulal lagu kala dhuuman karo, iyo helitaanka agab feen feenasho oo Dhurwaagu sanooyin faro badan ku aruurinayey.

Waxaase soo baxay khilaaf adag gaar aan markii lagu heshiin waayey tirade ergada, iyo nooca ay noqon doonto iyo sida loo qaybsanayo, waxaa arin-tu sii adkaatay markii Dawaco oo gu-diga kamid ahayd ay soo jeedisay in gogosha labalaariyo oo lagu soo daro Xoolaha qaybahooda kala duwan [Dab joog iyo Duur joogba]waxaa markiiba soo booday Gaduu-dane Gudoomiyihii gudiga oo yiri waa runtaa dawoco waayo inagu waxaynu ka mid nahay Nugulka habar dugaag, markii hadaba ereygaasi kasoo yeer-ay gaduudane waxaa meeshii kab-ilowdayda buuq iyo kala shaki gudiga dhexdiisa ah waayo waxay daree-meen in waxa meesha ka socdaaba uu yahay kala danaysi isla markaana dhismaha maamulku uu yahay mid xeeladaysan. hadaba maxaa dhacay ka dib?

Page 6: Wargayska Ummadda 12-Aad Sax

6 Wargayska UMMADDA Sabti 22 Augt 2015

Taariikhdii

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo ka mid ahaa Saxaabada Rasuulka SCW.

Q/3-aad

Rasuulka (scw) iyo mu’miniinta, ayna darraatay dhibkooda

ayuu Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday muslimiinta inay u haajiraan magaalada Madiina. Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Alle dartii u haajira, isagoo diintiisa la cararaya.

Cabdullaahi oo uu weheliyay sax-aabiga jaliilka ah ee la yiraahdo Muscab Binu Cumeyr (goor hore ayuu islaamay, wuxuuna ku dhin-tay isagoo shahiid ah dagaalkii Uxud) ayaa waxay ahaayeen asx-aabtii ugu horeeyay ee yimaada magaalada Madiina. Markii uu Cabdullaahi yimid magaaladii Ma-diina, maba uusan sii joogin jeer isaga iyo Muscab ay durbadiiba ka bilaabeen gudbinta dacwada Islaamka, iyagoo dadka bari jiray qur’aanka iyo guud ahaan cilmiga diinta Islaamka.

Kolkii uu Rasuulka (scw) yimid magaalada Madiina, ayaa wuxuu magacaabay Cabdullaahi Ibnu Maktuum iyo Bilaal Ibnu Rabaax si ay u addimaan, lana jahraan-na oraahda kalimadda tawxi-idka maalin kasta 5 jeer. Waxay dadka ugu yeeri jireen camalka kheyrka, iyagoo dhinaca kale-na dadka ku baraarujin jiray li-ibaanta. Bilaal ayaa addimi jiray, Cabdullaahina wuxuu aqimi ji-ray salaadda. Amaba waxaa dh-ici jirtay mararka qaarkood inuu Cabdullaahi addimo, Bilaalna uu salaadda aqimo. Nebiga (scw) aad iyo aad ayuu u maamuusi ji-ray Cabdullaahi, maamuusiddaa-sina waxay gaartey inuu Rasuulka (scw) uu magaalada Madiina uga tago Cabdullaahi Ibnu Maktuum, marka uu safarka dhowrka iyo tobanka maalmood uga maqan yahay dibadda magaalada. Maq-naanshahaas midkood waxayba ahayd maalintii uu Nebiga (scw) furanayay magaalada Makka.

Dagaalkii Badr ka dib, wuxuu Alle (sw) ku soo dejiyay Nebigiisa aayado qur’aan ah, oo uu Ilaah ku kor yeelayo darajada mujaa-hidiinta, isagoo ka fadilaya kuwa aan gelin dagaalka jihaadka si uu ruuxa jihaadiyo uu u sii jeclaado jihaadka, dhinaca kalena uu ar-rintaa ka biyo-diido kuwa iyaga ka fariistay goobta jihaadka. Aayada-haas waxay saameeyeen Cabdul-laahi, isagoo dhibsaday inuusan ka qayb qaadan fadligaas weyn ee aayaddu sheegtay. Sidaa darteed Cabdullaahi wuxuu u yimid Rasu-ulka (scw), isagoo ku yiri hadal-kan:

“Rasuulkii Alloow haddaan awoodi lahaa, waan jihaadi la-haa”, dabadeedna wuxuu si qalbi qushuucsan u baryay Alle, isagoo yiri: “Ilaahayoow waxaad soo de-jisaa cudur daarkayga”, Ilaahay-oow waxaad soo dejisaa cudur daarkayga”.

Yaaba ka dhaqsiinyo badnaa in la aqbalo ducadii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum. Zeyd Binu Thaabit (rc) oo ahaa qoraagii waxyiga Nebiga (scw) ayaa wuxuu yiri: “ waxaan fadhiyay Rasuulka (scw) agtiisa, waxaa Rasuulka daboo-shay xasilooni, bowddadiisa ayaa ku dul dhacday bowddadayda, mana arag wax ku culeys badnaa bowddadii Rasuulka, dabadeedna culeyskii waa laga qaaday, wuxuu yiri: qor Zeydoow, waxaan qoray:, ma sinna kuwa dagaalka jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah iyo kuwa ka qayb galay jihaadka”

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ayaa istaagay, markaasna yiri: “Rasuulkii Alloow, ka waran ruuxa aan awoodin inuu jihaado?!” Ha-dalkii Cabdullaahi maba uusan sii dhameystirin jeer haddana Rasu-ulka (scw) ka daboosho xasilooni kale, bowddadii Rasuulka ayaa ku dhacday bowddadayda, wax-aana dareemay culeyskii hore oo kale, dabadeedna wuxuu yiri: qor Zeydoow. Waxaan aqriyay wixii aan qoray, oo ahaa: “ma sinna kuwa jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah”. Rasuulka (scw) ayaa yiri, waxaad qortaa: “aan ka ahayn kuwa dhibban”. Waxaa soo degtay ka soo reebaddii dadka naafada ahaa, taasoo uu in badan jeclaan jiray Cabdullaahi. In kas-ta oo uu Eebbe (sw) ka cafiyay Cabdullaahi iyo dadka la midka ah ka qayb galka goobaha dagaalka, haddana nafta Cabdullaahi ee mar waliba hiigsata meesha sare ayaa waxay ka biyo diidday inay ka fariisato ka qayb galka goobaha jihaadka. Wuxuuna go’aan adag ku gaarey inuu ka qayb qaadan doono jihaadka.

Maxaa yeelay, dadka sar sare ma damcaan, waxaan ka ahayn waxy-aabaha waaweyn. Wixii maalintaa ka danbeeyay, wuxuu Cabdullaahi ku dadaalay inaynan dhaafin duu-limaad ama dagaal la qaadayo, wuxuuna naftiisa ugu qoondooy-ay goobta dagaalka howl gooni ah. Wuxuu oran jiray: “waxaad i istaajisaan bartamaha labada saf dhexdooda, waxaadna ii dhiibtaan calanka si aan idiinkugu qaado, una xafido, maxaa yeelay wax-aan ahay ruux aanan wax arag oo markaa aan awoodin orod iyo

baxsi kale.

Sannadkii 14aad ee hijriga ayaa wuxuu Cumar Binu Khadaab go’aan adag ku gaaray inuu cii-damada ku qaadi doono dagaal adag oo daba-geddiya dowladda Furus, isla mar ahaantaana tirtir-tana boqortooyadooda, isla mar ahaantaana waddada u furta cii-damada muslimiinta. Cumar Binu Khadaab wuxuu guddoomiye-goboleedyadiisa u qoray qoraal-kan uu ku leeyahay: “yaan laga soo tegin ruux haysta hub ama faras, amaba ruux geesi ah ama yaqaana tabta dagaalka, idinkoo markaas ii soo diraya dhinacayga, dhaqsada oo dhaqsada”.

Muslimiintii oo dhan ayaa hal mar ajiibay amarkii Cumar, iyagoo dadkii dhan isugu yimid magaala-da Madiina meel kasta. Dadkaas faraha badnaa ayaa waxaa ku ji-ray Cabdullaahi Ibnu Ummi Mak-tuum ee indhaha la’aa. Ciidankii dagaalka wuxuu Cumar madax uga dhigay saxaabiga qiimaha badan ee Sacad Binu Abii Waqa-as, isagoo u jeediyay dardaaran, sogeetiyayna. Ciidankii markii uu soo gaarey meesha la yiraahdo Al-qaadisiyah, ayaa waxaa soo baxay Cabdullaahi oo lebisan di-rac dagaaleedkiisii (qalab la isaga difaaco hubka/seefaha), dhinaca kalena wuxuu dhammeystirtay u diyaar garowgiisii dagaalka, naf-tiisana wuxuu u rashaxay inuu xanbaaro calanka muslimiinta iyo inuu xafido. Labadii ciidan ayaa waxay dagaalamayeen saddex maalmood oo qallafsan..

Waxay u dagaalameen labadii ci-idan si aynan taariikhdii furush-ada hadda ka hor wax la mid ah aynan u dhicin, jeer ay muslimiin-tii markii danbe ay uga soo hoyato goobtii dagaalka guul aad u weyn, halka gaaladii Furus dowladdoodii ugu weynayd lagu ciribtiray goob-taas. Boqortooyadii Furus waa la ciribtiray. Dhulkii gaalada waxaa lagu koryeelay calankii towxiidka. Goobtii dagaalka waxaa ku le’day oo ku shahiiday boqolaal ka mid ah muslimiinta, waxaana ka mid ahaa shuhuddadaas Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum. Waxaa la helay isagoo dhiigiisa ku dhex jiifa, isla markaasna ku dhe-gan calankii Mulimiinta. Halkaas waxaa ku dhammaatay sheekadii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waxaan Illaah ka baryaynaa inuu u naxariisto isaga iyo dhammaan asxaabtii diintaan u soo halgan-tay.

Akhriso Xubinta Baro Dastuurka Dawladda

Puntland oo ah Taxane Todobaadle ah.

Todobaadkan waxaan kuso qaadan-aynaa Xubinta Baro Dastuurka

Dawladda Puntland qodobada Dastu-urka ee 17-aad,18-aad iyo 19-aad.

Qodobka 17-aad.

-Lahaanshaha Hantiyeed.

1-Qof kasta waxa uu Xaq u leeyahay in uu hanta yeesho,u maamusho,ugana faa’iidaysto si sharciga waafaqsan.

2-Sharciga ayaa qeexaya duruufaha iyo habraaca lagu xaddidi karo xaqa shakhsiga ee la xiriira hantidiisa.

3-Xorriyadda wax soo saarku way ban-naan tahay,waxaase sharcdi u ah in wax soo saarayaashu ay oofiyaan shur-uudaha sharci iyo maamul ee dalka u dagsan.

4-Qofna lagama qaadi karo Khidmad/kharash,hantidiisana lalama wareegi karo iyadoo aan loo cuskan sababo sharciga waafaqsan.

Qodobka 18-aad.

-Nolosha qofka iyo Nabadgelyeynta Jirkiisa.

1-Qofksta waxa uu xaq u leeyahay no-loshiisa marka laga reebo qofka lagu fuliyay Xukun Maxkamadeed oo kama dambays ah.

2-Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay nabadgelyada jirkiisa iyo sharaftiisa.

3-Waxaa reebban denbiyada laga galo xaqa nolosha iyo nabadgelyada qofka,sida xasuuq,jirdil,xarig iyo dil aan sharciga waafaqsanayn.

Qodobka 19-aad.

-Madaxbannaanida qofka.

1-Qofna Madaxbannaanidiisa lagama qaadi karo,xannibaad kasta oo lagu sa-meeyana waa inay sharciga ku cada-hay.

2-Addoonsiga iyo ka-ganacsiga dadku waa reebban yihiin.

3-Madaxbannaanida qofka waxaa shar-di u ah in aaney ka hor imanayn sha-reecada Islaamka,xeerarka,anshaxa guud,xasiloonida dalka ama xuquuda qofka.

Todbaadkan intaas ayaan kuso koobay-naa Xubinta baro Dastuurka Dawladda Puntland oo ah Xubin aad si taxane ah ugala socotaan Wargeyska Ummadda todobaadkast.

Page 7: Wargayska Ummadda 12-Aad Sax

Sabti 22 Augt 2015 Wargayska UMMADDA 7

Bogga Cayaaraha

Wararkii ugu dambayay ee Cayaaraha Luca Modric oo Qayb ka qaatay Imaashaha Mateo Kovacic ee

Real Madrid.

Horyaalka La Liga ayaa albaabada loo furayaa asbuucan,waxana lagu

furayaa kulanka jimcihi dhex maray la-bada Naadi ee kala ah Malaga iyo Se-villa.

Sanadkan horyaalka Spain ayaa ku bilaabanaya iyada oo kooxda koobka difaacanaysa ee Barcelona ay hay-sato dhibaato dhanka difaaca kooxda ah,waxana dhowaan looga guulay-stay koobka loo yaqaan Spanish Super Cupka,oo ay jamac golal ah kaga badi-say kooxda Athletic Bilbao.

Barcelona ayaa sadexdii kulan ee ugu dambaysay waxa laga dhaliyey 9 gool isku gayn,waxa ay taasi kuu cadaynay-saa dhibaatada daafaca kooxda iyo inta uu leegyahay.

Diyaar-garowga labada kooxood eek u loola inta badan awooda horyaal spain waa mid aad u saraya waxana ay si fi-ican ugusoo diyaar garoobeen sanadka horyaalka iyo dhamaan koobabka ay ka qayb yihiin.

Barcelona

Kooxda Barcelona waxaa tusaale loosoo qaadan karaa oo ay lasoo wareegeen laacibkii khadka dhexe ee kooxda Ath-letico Madrid Arda Turan,wallow ay horay kooxdu aad u dhisnayd maadaa-ma oo ay ku guulaysteen koobka ko-oxaha Yurub iyo Kan Spain laga cayaro

ee La Liga.

Real Madrid

Kooxda ka dhisan caasimmadda Spain ee Real Madrid ayaa xagaaga si xoogan isusoo diyarisay waxana ay lasoo wa-reegtay cayaar-yahano muhiim ah oo ay ka mid yihiin Danelo,Odagard iyo Mateo Kovacic oo dhawr casho ka hor heshiis la gaaray.

Kulamadda Sabtida

Deportivo La Coruna iyo Real Sociedad

Espanyol iyo Getafe

Atletico Madrid iyo Las Palmas

Rayo Vallecano iyo Valencia

Kulamadda Axadda

Athletic Bilbao iyo Barcelona

Sporting Gijon iyo Real Madrid

Levante iyo Celta Vigo

Real Betis iyo Villarrea

Kulanka Asbuuca

Kulanka Asbuuca waxa uu noqon doo-naa kulanka dhexmari doona labad-da kooxood ee Bacelona iyo Athletic Bilbao,waxana uu kulankani xiiso gaar ah ku yeelan doonaa natiijadii ay ugu damaysay eek ala heleen labadda ko-oxood kulankii ugu damayay ee Finalkii Spanish Super Cub-ka oo ay ku guu-laysatay kooxda Athletic Bilbao,oo aad moodo in sanadka ay awood dheeri ah lasoo baxday.

Barcelona kulanka waxaa la filayaa in ay wayso cayaartoy muhiim ah waxana ka mid Nemar iyo Gerard Pique oo casa-an qaatay kulankii filanka,kadib markii uu cay kula kacay garsoorihii cayaarta dhex-dhexaadinayey.

Horyaalka Dalka Spain ee La Liga oo Asbuucaan Bilaabmaya.

Cayaaryahanka khadka dhexe uga cayaara kooxda Real Ma-

drid iyo xulka qaranka Croatia Luca Modric ayaa qayb libaax leh ka qaatay in kooxda uu yimaado laacibka ay isku wadanka kasoo wada jeedaan ee Matea kovacic.

Kovacic ayaa heshiis shan sano ah qalinka ku duugay maalintii arca-dia aynu soo dhaafanay,waxana uu ka mid noqonayaa cayaartoy-da sanadka kusoo biiray kooxda Real.

Kooxda Real Madrid ayaa kusoo gadatay laacibkaan aduun laca-geed oo dhan £25 milyan,waxana uu ka cayaaraa khadka dhexe booska kubad samayaha loo yaqaan.

Da’a yarkaan ayaa boos joogta ah ka haystay koodiisii hore ee Inter,balse waxaa shaki ku jiraa sida uu uga dhex muuqan doono kulammadda kooxda real Ma-drid oo ah koox ay joogaan cay-aaryahano miisaan leh.

Mateo Kovacic waxa uu kooxda Real Madrid u xidhan doona Lam-barka 16 ka oo uu markii hore Madrid u xiran jiray Lucas Silva.

Xaflad ka dhacday garoonka Ko-oxda Real Madrid ayaa saxafadda loogusoo ban-dhigay laacibka Ko-vacic iyada oo ay ku sugnaayeen taageeraasha kooxda waxana uu hadal kooban ku cabiray sida uu u arko imaanshihiisa Kooxda Real Madrid.

Kovacic ayaa yidhi: “Waxaan doonayaa in aan u mahad celiyo qofkasta oo aniga isoo taageeray, waxaan sidoo kale doonayaa in aan umahad celiyo Real Madrid oo aniga i aamintay. Waxaan ku suganahay kooxda aduunka ugu

wayn, wax badan ayaanan ka raynayaa naftayda iyo kooxda. Hala Madrid!”.

Mateo Kovacic ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimada uu Luca Modric ku lahaa inuu xidigani ku soo bi-iro kooxda Real Madrid wuxuuna yidhi: “Luca Madric aniga wax badan ayuu ii qabtay sidii aan halkan u iman lahaa, anigu kama hadlayo tayadiisa sababtoo ah qofkastaaba tayadiisa wuu arki karaa. Waxaan doonayaa in aan isaga u mahad celiyo, waxaanan ku faraxsanahay in aan Modric la wadaago qolka labiska”.

Mateo Kovacic ayaa la waydiiyay inuu ku faraxsan yahay inuu la ciyaaro ciyaartoy gaar ah oo ka tirsan kooxda uu ku soo biiray ee Real Madrid wuxuuna yid-hi: “Dhamaantood waa ciyaartoy aan caadi ahayn, laakiin ciyaar-toyga ugu wayni waa Ronaldo, isla markaana sidii aan horeba u sheegay sharaf ayay aniga ii tahay in aan la ciyaaro ciyaartoy-da dhamaan aan arkay”.

Mateo Kovacic ayaa la waydiiyay waqtigii ugu horaysay ee uu maqlay in Real Madrid ay doon-ayso wuxuuna yidhi: “Waxaan maqlay saddex ama afar todo-baad ka hor, wax kastaaba wax-ay u dhaceen si deg deg ah”. Si-doo kale Mateo Kovacic ayaa la su’aalay waxa uu Real Madrid ku soo kordhin karo wuxuuna yidhi: “Madrid way ogtahay waxa ay an-iga ii keensadeen.Sidii aan shee-gay waxaan ahay da’yar, waxaan balan qaadi karaa in aan halkan ugu mahad celin karo tamarta iyo xamaasada uu leeyahay da’yar”.

Horyaalka Ingiriiska iyo Kulamadda dhici doona Asbuucan

Horyaalka Ingiriiska oo ga-lay asbuucii sadexaad ayaa

kulamo xiiso badani dhici doonaan todobaadkan,waxaana is arki doona kooxo soo badiyey kulamadii hore iyo kuwa lagasoo guulaystay.Kooxaha labadii kulan ee hore aan natiijada fiican soo hoyin waxaa ka mid ah Kooxda Chelsea oo ah kooxda haysata horyaalka,waxa ay sanadka ku bilaabatay natiijo xumo iyo guul daroo-yin ay kala kulantay kooxaha Swansea iyo Manchester City.

Kulamadda Sabtida

Manchester United iyo Newcastle UnitedCrystal Palace iyo Aston VillaLeicester City iyo Tottenham HotspurNorwich City iyo Stoke CitySunderland iyo Swansea CityWest Ham United iyo AFC Bour-nemouthKulamadda AxaddaWest Bromwich Albion iyo ChelseaEverton iyo Manchester CityWatford iyo SouthamptonFalaqaynta kulanka todobaadka.Kulanka ugu xiisaha iyo Xamaasadd-abadani waxa uu noqon doonaa kan dhex mari doona kooxaha Arsenal iyo Liverpool,oo ah labo kooxood oo hory-aalka sumcad fiican ku leh kana mid ah kooxaha kaalimaha hore ku jiray sanadkii hore.Kulanku waxa uu dhacayaa maalinta Isniinta ah,Labada kooxoodna waxaa la oran karaa kulan kani waa imtixaan koodii ugu horayey madaama aysan weli is arkin kooxo waa wayn.

Page 8: Wargayska Ummadda 12-Aad Sax

8 Wargayska UMMADDA Sabti 22 Augt 2015

Bogga Xayaysiiska