96
CONTENTS 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 - 34 4. CUTUBKA AFARAAD: KA QAYBGALAYAASHA DACWADA 34 - 43 5. CUTUBKA SHANAAD: DACWADA MADANIGA AH OO KA DHEX FURANTA DACWADA CIQAABTA 43 - 48 6. CUTUBKA LIXAAD: QORAALADA DACWADA 48 - 54 7. CUTUBKA TODDOBAAD: TALLAABOOYINKA KA HOREEYA SOO XIRISTA EEDEYSANAHA 54 - 60 8. CUTUBKA SIDEEDAAD: BAARISTA DEMBIYADA 61 - 76 9. CUTBKA SAGAALAAD: SHAQADA XEER-ILAALINTA KA HOR DHAGAYSIGA DACWADA 77 - 83 10. CUTUBKA TOBNAAD: DACWADA DARAJADA KOOWAAD 84 - 89 11. CUTUBKA KOW IYO TOBNAAD: MARAG MUUJIN 90 - 94

snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

  • Upload
    others

  • View
    9

  • Download
    1

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

CONTENTS

1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11

2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21

3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

4. CUTUBKA AFARAAD: KA QAYBGALAYAASHA DACWADA 34 - 43

5. CUTUBKA SHANAAD: DACWADA MADANIGA AH OO KA DHEX FURANTA DACWADA CIQAABTA 43 - 48

6. CUTUBKA LIXAAD: QORAALADA DACWADA 48 - 54

7. CUTUBKA TODDOBAAD: TALLAABOOYINKA KA HOREEYA SOO XIRISTA EEDEYSANAHA 54 - 60

8. CUTUBKA SIDEEDAAD: BAARISTA DEMBIYADA 61 - 76

9. CUTBKA SAGAALAAD: SHAQADA XEER-ILAALINTA KA HOR DHAGAYSIGA DACWADA 77 - 83

10. CUTUBKA TOBNAAD: DACWADA DARAJADA KOOWAAD 84 - 89

11. CUTUBKA KOW IYO TOBNAAD: MARAG MUUJIN 90 - 94

Page 2: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

QAANUUNKA HABKA CIQAABTA SOOMAALIYEED

(Somali Criminal procedure Law)

Cutubka kowaad

Hordhac

Maxaa loola jeedaa hab (procedure)

Ereyga hab (procedure) wuxuu ka soo askumay erey latin ah oo ah “procedere”, oo micnahiisu yahay fal kasta (act), xaqiiq kasta (facts) iyo dhacdooyin (phenomena) midba midka kale ku xiran yahay oo u jiheysan hadaf mucayin ah.

Falalka, xaqiiqooyinka iyo dhacdooyinka waxaa lagu dhaqaa qodobbo sharci ah, oo marka la fiiriyo hadba hadafka laga leeyahay loo yaqaan qaanuunka habka ciqaabta, qaanuunka habka madaniga, ama qaanuunka habka maamulka.

Marka la fiiriyo hadba nooca qaanuunka habka oo lagu dabbaqaayo qaanuunka dulucda, sida qaanuunka ciqaabta, qaanuunka madaniga, iyo qaanuunka maamulka, waxaa jira habab kala duwan sida habka ciqaabta, habka madaniga, habka maamulka, iyo habka dastuurka.

DACWADA MADANIGA

Dacwadda madaniga uma bilaabato iskeeda, waxaa shardi ah inuu jiro codsi ka yimid cidda qaladka laga galay, ama xaqa sheeganaysa, oo dacwaddeeda laga furay qaybta madaniga ee maxkamadda.

Qofka maxkamad ka furta dacwo madani ah waxaa la yiraahdaa dacwoode wuxuuna noqonayaa dhinac, qofka la dacweynayo waxaa la yiraahdaa dacweysane.

Dacwadda madaniga waxay xallisaa dhibaato madani ah oo ka dhaxeysa labo ruux ama ka badan oo ku saabsan muran ka

1

Page 3: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

dhashay hanti, xiriirkooda dhinaca ganacsiga, ama khilaaf ka dhashay xiriirro kale.

DACWADA MAAMULKA

Dacwad maamul waa dacwad ka dhaxeysa shaqsi ama koox ama shirkad iwl. iyo maamulka dowladda.Dhinaca dacwadda soo jeediyay waxaa la yiraahdaa cabte, dhinaca laga cabanaayo waa dawladda oo dhinac ka noqoneeysa dacwadda maamul.

Habka madaniga waxaa dhaqaajiya shaqsi ka cabanaya shaqsi kale, habka maamulka waxaa gundhig u ah danaha sharci (legal interest) ee shaqsi uu kaga cabanayo inuu maamulka Dawladda ku xadgudbay

Garsoorku wuxuu ilaaliyaa go`aannada ka soo baxa awoodda fulinta in ay yihiin go`aano waafaqsan qaanuunka, haddii go`aanadaas noqon waayaan kuwo waafaqsan qaanuunka, waxaa bannaan in maamulka dowladda maxkamadda laga dacweeyo, Taas waxaa looga dan leeyahay in laga ilaaliyo awoodda dowladda in ay ku tumato danaha iyo maslaxadda Ummadda. Dacwad madani oo lid ku ah dawladda waxaa noqon karaa kuwa ka dhasha xiriirrada shaqada, murannada dhulka oo ay dhinac ka tahay dawladda, iyo kuwo kale.

DACWADA DASTUURIGA

Dastuurka ayaa hooyo u ah qawaniinta dalka, saas darted qawaaniinta oo dhan waa inay ahaadaan kuwo waafaqsan dastuurka. Haddi qawaaniinta noqdaan kuwo lid ku ah dastuurka dalka, qofka muw’aadinka ah wuxuu awood u leeyahay inuu ka cabto Maxkamadda dastuurka horteeda, oo ayada awood u leh inay hubiso in sharcigas uu ka soo horjeedo dastuurka iyo in kale, kaddibna haddeey hubiso in qaanuunka uu ka soo horjeedo dastuurka, ka dhigi karta mid ba’aba’ ah, oo wax kama jiraan ah.

Farqiga u dhaxeeya qaanuunka ciqaabta iyo qanuunka habka ciqaabta

2

Page 4: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Si loo qeexo qaanuunka habka ciqaabta waxaa loo baahan yahay in leys barbardhigo qaanuunka habka ciqaabta iyo qaanuunka ciqaabta.

Qaanuunka ciqaabta wuxuu qaadaadhigayaa falalka (actions) iyo fal sameyn la’aanta (omissions) la mamnuucay oo haddii lagu kaco la muteysanaayo ciqaab, iyo shuruudaha lagu muteysan karo masuuliyadda ciqaabta.

Qaanuunka habka ciqaabta waa aalad suurtogelineysa hirgelinta qaanuunka ciqaabta, sababtoo ah waxay tilmaameysa shuruudaha lagu hubin karo faldembiyeedka iyo kuwo faldembiyeedka sameeyay.

Marka dhinacaas laga fiiriyo qaanuunka habka ciqaabta wuxuu noqonayaa mid aan keligiis istaagi Karin, oo shaqadiisu tahay sidii loo meelmarin lahaa qaanuunka ciqaabta. Sidaas darteed qaanuunka habka ciqaabta wuxuu u jiheysan yahay:-

Hubinta faldembiyeedka iyo meelmarinta ciqaabta Hubinta khatar ku ahaanshaha bulshada iyo dabbaqidda

tallaabo amni Hubinta mas’uuliyadda madaniga ee ku xiran fal

dembiyeedka iyo meelmarinta magdhawga ka dhasha faldembiyeedka

Fulinta go’aannada

Qeybaha kala duwan ee kor ku tilmaaman waxay habka ciqaabta u qeybinayaan 4 qeybood:-

Habka ciqaabta guud oo koobaya qodobbada hubinta faldembiyeedka iyo sida lagu hubinaayo masuuliyadda ciqaabta

Habka amniga ama ka hortagga faldembiyeedka oo koobaya qodobbada la xiriira caddeynta halisnimada shaqsi looga baqayo inuu dembiyo kale galo oo bulshada dhibaato u keeno

Habka madaniga oo soo dhexgalaaya habka ciqaabta oo koobaya qodobbada la xiriira dacwada madani oo laga dhex

3

Page 5: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

furay dacwad habka ciqaabta oo socota si loo codsado magdhaw ka dhashay faldembiyeedka

Fulinta go’aannada oo koobaya qodobbad la xiriira fulinta go’aannada ciqaabta iyo go’aannada madaniga ay soo saaraan Maxkamadaha shaqada ku leh.

Mar haddii la qeexay waxa loola jeedo qaanuunka habka ciqaabta, waxaa loo baahan yahay in la tilmaamo waxa uu uga duwan yahay qaanuunka ciqaabta. Kala duwanaashaha qaanuunka habka ciqaabta iyo qaanuunka ciqaabta wuxuu salka Ku hayaa labo arrimood oo kala ah ‘’Awoodda dowladda in ay wax ciqaabto ’’ iyo ‘’hubinta in ay dhab tahay awoodda dowladda ee ah in ay ciqaabto qof kasta oo ku kaca faldambiyeed’’.

Maxkamada shaqada ku leh ayaa hubisa haddii uu Cali galay dambi mucawin ah si loo marsiiyo ciqaabta uu mudan yahay, ama loo sii daayo hadduusan dambiga galin, haddii si kale loo yiraahdo in ay jirto sheegashada dowladda ee ciqaab marsiinta ama haddii aysan jirin. Sidaas awgeed hadduu yahay qodob wax ciqaaba wuxuu ka mid yahay xeerka ciqaabta, hadduu yahay qodob wax hubiya wuxuu ka mid yahay xeerka habka ciqaabta.

Halkaas ayey ka caddaneysa nooca qodobka ayadoo aan loo fiirinin hadduu yahay qodob kamid ah xeerka ciqaabta ama mid ka mid ah xeerka habka ciqaabta.

Waxaa dhici karta qodob jira in lagu beddelo qodob kale oo ka duwan kii hore, haddii ay taasi dhacdo xeerka ciqaabta iyo xeerka habka ciqaabta weey ku kala duwan yihiin qodobka la dabbaqaayo. Xeerka habka ciqaabta wuxuu ku dhaqmaa mabda’ tixgelinta qodobka u roon eedeysanaha, hadduu yahay kii horey u jiray iyo hadduu yahay kan dambe la soo saaray, mar walba waxaa la qaadanaya hadba kan u roon eedeysanaha, sida uu qabo qod. 2aad farqaddiisa kowaad x.c.

Dhinaca kale xeerka habka ciqaabta waxaa ka jira mabda’a ku dhaqmidda qodobka ugu dambeeya, oo mar walba waxaa la qaadanaya qodobka gadaal ka soo baxay xataa hadduu yahay mid aan u rooneyn eedeysanaha.

4

Page 6: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Dabeecadaha qaanuunka habka ciqaabta

Inta aan ka hadlin dabeecadaha lagu yaqaan qaanuunka habka ciqaabta Soomaaliyeed waa in aan marka hore dib ugu noqona horumarka taariikheed ee qaanuunka habka ciqaabta uu soo maray. Guud ahaan Caalamka waxaa taariikh ahaan looga dhaqmi jiray labo nidaam oo iska soo horjeeda oo kala ah:

Nidaamka eedeynta (adversarial system) nidaamka baarista.(inquisitory system)

Nidaamka eedeynta waxaa lagu yaqaan;-

Eedeynta waxaa soo jeedinaya xubin ka duwan garsooraha. Dacwadda dhageysigeeda wuxuu u furan yahay dadka oo

dhan. Xubinta wax eedeyneysa iyo eedesanaha ma kala sarreyaan. Garsooraha kama qeyb qaadanaayo hawlaha caddeyn

raadinta Eedeysanaha wuxuu leeyahay xornimo ku meel gaar ah ilaa

ay dacwadda ka dhammaato.

Nidaamka baarista waxaa lagu aqoonsadaa:-

Eedeynta waxaa sameeynaya garsooraha. Dacwadda waxaa loo qaadayaa si qarsoodi ah Garsooraha wax eedeynaya iyo eedeysanaha ma sinna. Garsooraha wuxuu awood u leeyahay inuu raadiyo caddeyn,

eedeysanahana looma oggola inuu caddeyn keeno. Eedeysanaha wuxuu ku jirayaa xabsi ku meel gaar ah.

Qarnigii 18aad, waxaa laga soo hojeestay qallafsanaanta nidaamka baarista oo loo arkay mid bini’aadamka xad gudub ku ah. Dhinaca kalena waxaa suurtogal noqonweysay in nidaamka eedeynta sidiisa loo qaato maadama loo arkay in xornimadiisu badan tahay. Sidaa darteed Caalamka oo dhan waxaay isla garteen in la qaato nidaam isku-dhaf ah oo labadaba wax laga soo kala qaatay.

5

Page 7: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Nidaamka qaanuunka habka ciqaabta Soomaaliyeed waa mid isku-dhaf ah oo u badan nidaamka eedeynta :

xubin wax eedeysa oo ka duwan Garsooraha, Wuxuu aqoonsan yahay xaqa uu u leeyahay eedeysanaha in

uu isdifaaco iyo in uu keeno caddeymo uu dambiga isaga ridaayo,

Dadka waa ka qeybgali karaan dhegeysiga dacwadda.

Qaanuunka habka ciqaabta Soomaaliyeed nidaamka baarista wuxuu ka soo qaatay:-

Garsooraha wuxuu awood u leeyahay inuu caddeyn keeno (art 118)

Eedeysanaha waxaa lagu heynayaa xabsi ku meel gaar oo lagu xadidaayo mabda’a ah in eedeysanaha uu barii’ yahay ilaa laga laga gaarayo go’aan kama dambeys ah.

MAXAA LOOGU BAAHAN YAHAY MAXKAMAD

Dadka meel kasta ay ku nool yihiin waxaa ka dhex dhalan kara khilaaf, sababtoo ah isafgaranwaaga wuxuu xiriir dhow la leeyahay nolosha bani’aadamka, khilaaf wuxuu ka dhalan karaa guriga, goobta shaqada, xiriirka ganacsiga, hantida iwl. Haddii uu isqabqabsi yimaado, mararka qaar dadka khilaafkooda ayaga ayaa xallista, marar kalena dad bulshada ka tirsan ayaa dhexdhexaadiya si ay xal uga garaan khilaafkooda. Haddii labada siyaabood aan soo sheegnay xal lagu gaari waayo, waxaan laga fursaneynin in khilaafka la horgeeyo maxkamadda awoodda u leh dhageysiga dacwadda, kuna kala baxaan xukunka ay soo saarto maxkamadda.

Qof kasta oo tabanaaya in xuquuqdiisa lagu xadgudbay, wuxuu xaq u leeyahay inuu la xiriiro Maxkamad. Labada isdacweyneysa waxay xaq u leeyihiin inay isdifacaan, amaba ay la yimadaan qareenki difaaci lahaa. Qof kasta oo bulshada ka mid ah wuxuu xaq u leeyahay garsoor, oo ah inuu dacwoon karo, la yimaado wixii caddeeymo ah oo xaqiijinaayo in laga gardaran yahay.

GARSOORAHA GAL DACWADEEDKA GACANTA KU HAYA

6

Page 8: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Garsooraha galdacwadeedka gacanta ku haya waa inuu noqdaa qof dhexdhexaad ah oo dhanna u janjeerin. Garsoorihi ay ku cadaato inuu dacwadaas dan ka leeyahay waa in laga wareejiya galdacwadeedka.

Garsooraha galdacwadeedka gacanta ku haya ma jirto qof uu amar ka qaadanaayo, iyo cid shaqadiisa faragelin ku sameeyn karta, marka xukunka u soo saaraayo wuxuu kaashanaaya sharciga, iyo damiirkiisa keliya.

Garsoorayaasha heerka federaalka waxaa lagu magacaabi karaa, shaqada looga saari karaa, ama lagu anshax-marin karaa keliya talo uu soo jeediyey Golaha Adeegga GArsoorka, kaas oo ah mid ka madax bannaan Dowladda Federaalka.

Garsooraha wuxuu leeyahay xasaanad saas darted:-

Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab, ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorennimo.

Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka.

DACWADA CIQAABTA Dacwada ciqaabta waxaa dhinac ka ah:-

Xeerilaaliyaha guud ee qaranka oo ah qofka dembiga ku oogaya eedeysanaha

Eedeysanaha oo eedeynta ka dib dhinac ka noqonaya dacwadda.

Dacwadda ciqaabta waxaa lagu xaqiijiya, in qof lagu soo eedeeyay fal dembiyeed uu Dembigaas asaga galay ama inuusan gelin.

Markuu faldembiyeed dhaco waxaa loo baahan yahay in la gaarsiiyo saldhigga boliiska, ama xafiiska xeerilaaliyaha guud ee qaranka, ama xafiiska garsooraha awoodda u leh qaadista dacwadda.

7

Page 9: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Waxaa jira siyaabo kala duwan oo faldembiyeed dhacay loo gaarsiin karo xafiisyada shaqada ku leh, waxayna kala yihiin:-

Codsi ka yimid dhibbanaha dembiga laga galay.Waxaa jira dembiyo si loo dhaqaajiyo u baahan in dhibbanaha uu codsi dhaqaajin dacwadeed u geeyo xeerilaaliyaha ama saldhigga boliiska.

Warbixinta sarkaal dowladeed- Sarkaalka dowladeed markuu ka warhelo faldembiyeed ay khasab tahay in loo dhaqaajiyo xafiis ahaan, waxaa waajib ku ah inuu ogeysiiyo xafiisyada ku shaqada leh.

Warbixin uu qoro takhtarka la kulmay dhibbanaha. Dhaqtarka baaraya qof dhibbane ah, haddii baaritaankiisu ka soo ifbaxdo xaalad tilmaameysa in uu jiro faldembiyeed ay khassab tahay in loo dhaqaajiyo xafiis ahaan, waxaa waajib ah in warbixin caddeyneysa faldembiyeedkaas uu u gudbiyo boliiska ama xeer-ilaalinta, sida ugu dhaqsiyaha badan.

XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

Waddanka wuxuu leeyahay Xeer Ilaaliye guud ee qaranka iyo ku xigeennadiisa, howsha Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee qaranka waxay tahay baarista dacwooyinka ciqaabta iyo oogidda dacwooyinka. Dacwadaha ciqaabta lama qaadi karo, lamana dhageysan karo, hadduusan joogin sarkaal ka socda xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka.

Xafiiska Xeerilaaliyaha guud ee qaranka waa hay`adda ugu sarreysa dhinaca dacwadda ciqaabta, waa mas’uulka u xilsaaran baarista, dabagalka, iyo oogidda dacwadaha la xiriira faldembiyeedyada. Xeerilaaliyaha guud ee qaranka wuxuu ka howgalaa degmo iyo gobol kasta oo uu dalka ka kooban yahay, halkaas oo ay u jogaan wakiillo ka socda xafiiskiisa.

Haddii ay dhacdo in degmooyinka qaarkood ay u baahdaan wakiil Xeer Ilaaliye guud dacwo ciqaab ah darteed, Xafiiska Xeer

8

Page 10: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Ilaaliyaha guud ee qaranka wuxuu magacaabayaa wakiil Xeer Ilaaliye degmo.

EEDEYSANAHA

Eedeysane waa qof lagu soo edeeyay faldembiyeed, welina aan dembiga lagu caddeynin Qodka 35aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah wuxuu si gaar ah u tilmaamaya xuquuqda eedeysanaha:-

1. Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ ah oo aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama- dambays ah ugu caddayso dembiga loo haysto.

2. Qofkasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa luqad uu garanayo.

3. Qofkasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama ehelladiisa.

4. Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho, xukunkiisana saldhig looga madhigi karo qiraal lagu qasbay.

5. Qofkasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamadda awoodda uleh qaadista dacwadda.

6. Qofkasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay inuu qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay Dawladdu uqabato.

7. Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagay tuhun fal dembiyeed waxaa uu xaq u leeyahay garsoor caadil ah.

8. Eedeysanaha wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa.

9. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah.

10. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka Maxkamadda laga isticmaalayo.

11. Eedeysanaha laguma hayn karo goob uu qof insaan ah ku noolaan Karin, waana in loo oggolaado booqashada ehelladiisa, takhtarkiisa iyo qareenkiisa.

9

Page 11: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

12. Mas’uuliyadda ciqaabtu waa shakhsi, qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale.

13. Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharcigu dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna caddeeyey qawaaniinta dawliga ah.

14. Isucelinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay, iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.

15. Isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha.

GUDDIGA ADEEGGA GARSOORKA

Guddiga adeegga garsoorka waa guddi madaxbannaan oo ka tirsan maamula Garsoorka, wuxuuna ka kooban yahay sagaal xubnood oo kala ah:-

Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka Guddoomiyaha guddiga xuquul insaanka Labo qareen sare oo uu soo magacaabo ururka qareennada

Soomaaliyeed Saddex qof oo sumcad ku leh bulshada Soomaaliyeed

dhexdeeda, oo uu soo jeediyo Golaha wasaarada, Madaxweynahana u magacaabo.

Golaha adeegga garsoorka wuxuu u xilsaaran yahay hawlo badan oo muhiim u ah maamulka iyo maareynta Garsoorayaasha. Hawlaha uu qabto Guddiga adeegga Garsoorka waxaa ugu

10

Page 12: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

muhiimsan kuwa hoos ku qoran:-

Wuxuu Magacaabaa, anshax mariyaa isla markaana beddelaa xubnaha garsoorka ee Federaalka

Wuxuu kormeraa habsami u socodka shaqada Garsooreyaasha, isla markaasna anshax mariyaa

Wuxuu Go’aamiyaa mushaharka iyo lacagta hawlgabka ee garsoorayaashaa

Wuxuu Dejiyaa shuruudaha shaqo ee garsoorka.

CUTUBKA LABAAD

GARSOORkKA

Muxuu yahay Garsoor

Erayga garsoor waxaa loo qeexi karaa sida tan “Awoodda ku xallinta go’aan sababeysan iska hor imaadka u dhaxeeya xaqa dawladda u leedahay in ay wax ciqaabto iyo xaqa eedeysanaha u lee- yahay inuu xor ahaado si waafaqsan sharciga”.

Awoodda xallinta ee aan kor ku soo sheegnay dawladda waxay u nisbeysay xubin ka duwan kana madax bannan awoodda fulinta saas darteed eedeysanaha wuxuu xaq u lee yahay damaanadaha garsoorka. Halkaas ayuu ka yimid mabda’a ah ‘’Nulla poena sine iudicio” oo macnaheedu yahay “qofna ma muteysan karo ciqaab haddii aan maxkamad la saarin”

Waxaan horay u soo aragnay in habka ciqaabta Soomaaliyeed uu yahay mid u janjeera nidaamka eedeynta, sidaas awgeed dacwad lama bilaabi karo haddii xeer-ilaaliyaha uusan soo jeedinin eedeyntiisa.

Garsoorka wuxuu meel mariyaa, tafsiirna ka bixiyaa sharciga, wuxuu ka ilaaliyaa bulshada, dadka ku tunta qaanuunka, wuxuu soo saaraa xukunno maxkamadeed, oo uu ku xukumayaa eedeysanayaasha ciqaabta ku habboon, oo noqon karta xabsi daa`in, xabsi sanooyin ah, ganaax iyo wixii la mid ah.

11

Page 13: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Garsoorka wuxuu ka kooban yahay maxkamadaha dalka oo dhan, oo ay ugu sarreyso Maxkamadda Sare. Xubin kasta oo ka tirsan garsoorka markey fulineeyso hawsheeda, waxay hoos imaaneysa o keliya qaanuunka, taasoo macnaheedu yahay inuusan amar ka qaadanin cid kasta oo ka sarreysa, oggolaaninna faragelin dibadda uga timaadda.

Xubnaha garsoorka oo dhan waxay ka mid yihiin hal maamul oo la yiraahdo “Nidaamka Garsoorka.”

Noocyada Garsoorka

Garsoorka waxuu u qaybsama;-

Caadi (ordinary). Gaar (special). Mid aan caadi aheyn (extra ordinary).

Garsoorka caadiga ah waa qaabdhismeedka maxkamadaha Dalka oo ku xusan nidaamka Garsoorka. Kuwa aan caadiga aheyn waa maxkamadda militariga oo ikhtisaas u leh dembiyada ay galaan ciidammada qalabka sida ee Dawladda, iyo kuwa aan ka tirsaneyn ciidanka qalabka sida laakin hubeysan. Garsoorka aan caadiga aheyn waa maxkamadda la magacaabo markuu dembiga dhaco kadib, Soomaalia kama jiraan maxkamadaha noocaas ah.

DHIBKA KA JIRA GARSOORKA

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu soo maray labaatan sannadood oo fowdo, sharci la’aan, iyo dhaqan ciqaabid la’aanta dembiilayaasha. Arrinta ay hadda dadka sida ba’an uga cabanayaan waa caddaalad darrada dalka ka jirta. Hey’adihi garsoorka oo la rabay inay caddaaladda meelmariyaan, oo Shacabka si Ilaah ka cabsi leh ugu garsoraan, ayaa musuqmaasuq farabadan harereeyay. Arrintaas waxaa loo aaneynayaa dhowr sababood oo kala ah:-

12

Page 14: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Dhaqanka reerguuraannimada ee lidka ku ah talinta sharciga iyo kala dambeynta oo saameyn xun ku yeeshay he’adaha garsoorka

Barlamaanka oo ilaa hadda aan meelmarinin guddiga adeegga garsoorka oo laga sugayay inuu dibuhabayn ku sameeyo garsoorka

Garsoorayaasha oo aan heysanin xasaanadi iyo amnigi ay u baahnayeen si ay howshooda si habsami leh ugu fushadaan

Mushaarka la siiyo oo aad u yar marka loo fiiriyo Mas’uuliyadda culus ee saaran

Dadweynaha dacwadaha dhinac ka ah, ama qof xigtadiisa ah xiran yahay, ayaa diyaar la ah inay garsooreyaasha siyaan lacag loogu magac daro hawl fududeeyn, ha yeshee laaluush ah.

Garsooreyaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha laaluushka qaatay oo ay adag tahay inay soo saaraan go’aan caadil ah, sababtoo ah qof laaluush qaatay ma noqon karo dhexdhexaad.

Waxaa hubaal ah in garsoorku dayacan yahay, dawladduna aysan siin mudnaanti loo baahnaa.Waxaa taas daliil u ah in dadka intooda badan Dawlad u yaqaaniin wasiirrada iyo xildhibaannada, garsoorayaashana aysan wax darajo ah agtooda ka laheeyn. Shacabka qaarkiisa ma oga in saddexda awoodood ee dowladda siman yihiin, garsoorayaasha oo ka tirsan awoodda garsoorkana misaankooda leeyihiin, taas oo ay ugu wacan tahay:-

Fowdada iyo dawlad la’aanta dalka soo maray oo keentay in sharciga iyo kala dambaynta lunto

Dowladihi ku meelgaarka ahaa oo dalka soo maray oo aan wax ahmiyad ah siinin garsoorka iyo caddaaladda

Xidhibaannada iyo wasiirrada oo habnololeedkooda aad uga sarreeyo kuwa garsoorayaasha, madaama ay qataan mushaar aad uga badan kuwa ay qataan garsooreyaasha.

Saas darteed way adkaneeysa in dadka caddaalad wanaagsan helaan, garsoorayaashana sharciga u hoggaansamaan, sharciga iyo kala dambeyntana soo noqoto ilaa garsoorayaasha ka

13

Page 15: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

helayaan darajada, sharafta iyo iyo he’ybadda ay mudan yihiin, lagana helayo hey`ad la xisaabtanta.

QEEXIDDA MABAAD’IIDA GUUD EE GARSOORKA

Dastuurka ku meelgaarka ah wuxuu qeexayaa mabaadi’ida guud ee garsoorka oo ay ka mid yihiin kuwa soo socda:-

1. Qof kastaba haddii xuquuqdiisa iyo danihiisa lagu tunto wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad ku oogo shaqsi, koox, shirkad, ama dawladda.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh.

3. Dacwad-qaadistu waa inay noqota mid u furan dhegeysiga dadweynaha, haseyeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabad gelyada qaranka, badbaadinta markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan carruur ama haween la kufsaday.

4. Garsooraha ma gaari karo go`aan haddii dhinacyada fursad loo siin inay doodaan, la yimaadaan caddeymahooda iyo qoraalladooda ayagoo aan loo kala eexan, lehna damaanad qaad difaac.

5. Go`aannada u soo saarayo garsooraha waa inay ahaadaan kuwo la sababeeyay .

6. Qof kasta oo uu ku dhaco go`aan Maxkamadeed wuxuu xaq u leeyahay inuu go’aankaas ka qaato Rafcaan.

7. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo garsoor madax-bannaan, caaddil ah, dhexdhexaad ah.

8. Dawladda waxay u kafaala qaadeysaa dadka aan awoodda dhaqaale lahayn, inay difaac lacag la’aan ah helaan.

14

Page 16: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Qaabdhismeedka Maxkamadaha Dalka

Marka la fiiriyo qaanuunka habka ciqaabta ee hadda lagu dhaqmo qaab dhismeedka maxkamadaha dalka waa sidatan:-

Maxkamadda Sare. Maxkamadda Racfaanka. Maxkamadda Gobolka. Maxkamadda Degmada.

Degmo kasta waxay leedahay Maxkamad degmo, gobol kasta wuxuu leeyahay maxkamad gobol iyo maxkamad racfaan.Waddanka oo dhan waxaa ka jira hal maxkamad sare oo awooddeeda gaarsiisan tahay dalka oo dhan.

Maxkamadda degmada iyo tan gobolka waxaa leysku yiraahda maxkamadaha darajada kowaad, qaanuunka habka ciqaabta ayaana cayimaaya goorta dacwadda ay ka bilabaneyso degmada ama gobolka. Dacwadda marka ay ka dhammaato maxkamadda darajada kowaad, dacwoodaha wuxuu xaq u leeyahay in uu dacwaddiisa u gudbiyo maxkamadda racfaanka oo ah darajada labaad.

Haddii dacwoodaha ku qanci waayo go’aanka maxkamadda racfaanka, wuxuu haddana xaq u leeyahay inuu dacwaddiisa u gudbiyo maxkamadda sare oo ayadu ah darajada saddexaad oo go’aankeeda noqonayo kama dambeys markii la maro habraaca sharciga tilmaamayo. Go’aan maxkamadeed wuxuu noqonaya kama dambeeys markii:-

Go’aan ka soo baxay Maxkamadda gobolka iyo kan degmada aan laga qaadanin racfaan, ama

Go’aan ka soo baxay maxkamadda racfaanka aan looga cabanin Maxkamadda sare,

Muddada 30ka maalmood oo dacwoodaha ama cabtaha uu xaq u leeyahay inuu cabashadiisa gudbiyo ay dhammaatay, iyo

15

Page 17: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Go’aanka Maxkamadda sare oo ah darajada ugu sarreysa. Waxaa bannaan in Go’aanka Maxkamadda sare dib u eegis lagu sameeyo markii ay soo ifbaxaan caddeymo muhiim ah oo aan la heynin markii go’aanka la soo saarayay.

Qaabdhismeedki hore iyo kan Maxkamadaha Federaalka

Madaama Soomaaliya qaadatay nidaamka Federaalka qaabdhismeedka Maxkamadaha Dawladda federaalka Soomaaliyeed wuxuu isu beddelay labo heer Maxkamadeed, Maxkamadaha heer Federaal, iyo Maxkamadaha Dawlad Goboleedyada. Qaabkaan wuxuu aad uga duwan yahay qaabdhismeedka Maxkamadaha Dalka ka jiray laga soo bilaabo 1960ki, ee ku saleysnaa nidaamka Dawlad mideysan (Unitary system), ahaana maxkamado mideysan oo dalka oo dhan ka hawgala, lagana maamulo hal meel.

Sida uu qabo qod 108aad ee dastuurka ku meel-gaarka, Qaabdhismeedka Maxkamadaha Federaalka waa sidatan:-

Maxkamadda Dastuurka. Maxkamadaha heerka Dawladda Federaalka. Maxkamadaha heerka Dowlad goboleedyada xubinta ka ah

Dowladda Federaalka.

Maxkamadda Dastuuriga

Dastuurka ku meel gaarka ah waxaa ku xusan Maxkamadda Dastuurka, oo ayadu awood u leh inay go’aan ka gaarto murannada ka dhasha fasiraadda qodobbada dastuurka.

Maxkamadda dastuuriga waxaa ay u shaqeyneysaa sidii Maxkamad gaar ah oo mas’uuliyaddeedu tahay in ay go’aan kama dambeys ah ka gaarto dhammaan arrimaha la xiriira fasiraadda Dastuurka.

Nidaamka federaalka ah, wuxuu horseedi karaa isafgaranwaa ka dhex dhasha xukuumadaha kala duwan (Dawladda Federaalka iyo

16

Page 18: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

xukuumadaha dawlad-goboleedyada Xubinta ka ah Federaalka), kaas oo ku saabsan halka ay ku egtahay awooddooda garsoor.

Soomaaliya waxaa hore uga jirey nidaam dawlad dhexe oo xooggan, haddana wuxuu noqday dal federal ah, saas darted waxaa muhiim ah in si cad loo qeexo xadadka dhul ahaan iyo hawo ahaan ay kala leeyiin maamul-goboleedyada iyo dawladda dhexe.

Maxkamadda dastuurka waxay ka kooban tahay garsoorayaal gaar ah oo wax ka qabta dacwadahaas. Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka waxaa magacaaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib marka uu talo ahaan u soo jeediyo Golaha Adeegga Garsoorka, iyo marka la helo oggolaanshaha Golaha Shacabka iyo ka-qaybgalka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Wajibaadka Maxkamadda dastuurka waxay yihiin:-

Go’aan ka gaarista dacwad kasta oo la xiriira murannada ka dhasha dastuurka oo ka dhaxeeya dawladda dhexe iyo dowladgoboleedyada, iyo dowlad goboleedyada dhexdooda

Go’aan ka gaarista khilaafka ka dhasha hindise sharciyeed, ama sharci uu Baarlamaanka ansixiyay in ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn dastuurka

Ka baraandegidda inay aasaas sharci ah leeyihiin iyo in kale dembiyada lagu oogo Madaxweynaha oo keeni kara xil ka qaadis. Maxkamadda Dastuurka iyo maxkamadaha heerka Dawladda Federaaka ah waxaa maamulaya Golaha Adeegga Garsoorka, halka maxkamadaha Dawlaha Xubinta ka ah Federaalka ay maamulayaan hay’adaha ku shaqada leh dastuurrada maamulgoboleedyada Xubinta ka ah Federaalka. Haseyeshee shuruucda federaalka ayaa nidaaminaya xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Maxkamadaha heerka Dawladda Federaalka iyo Maxkamadaha heerka Dawladaha xubinta ka ah Federaalka .

17

Page 19: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

SIDEE U WADA FALGALAYAAN MAXKAMADAHA HEER FEDERAAL IYO KUWA HEER DAWLAD GOBOLEED

Si aan kor ku soo aragnay waxaa jira Maxkamado heer federal iyo maxkamado heer dawlad goboleed. Haddaba su’aasha mudan in leys weydiiyo waxay tahay sidee bay u wada falgalayaan labada heer maxkamadeed. Dastuurka waa inuu si cad u qexaa cidda awoodda u leh in:-

Ay soo saarto shuruucda ama qawaniinta la xiriirta maxkamadaha

Ay maamusho maxkamadaha Ay bixiso kharashaadka maxkamadaha iyo mushaarka

garsooreyaasha Ay go’aan ka gaarto murannada la xiriira qawaaniinta

federaalka Ay go’aan ka gaarto khilaafka la xiriira qawaniinta dawlad

goboleedyada

Waddan hadduu federal yahay murannada qaarkood waxay ku saabsan yihiin shuruucda Dowlad goboleedyada, qaar kalena waxay ku saabsan yihiin murannada la xiriira dowladda federaalka.Su’aasha waxay tahay isla Mxkamadihii go’aan ma ka gaari karaan dacwadahaas, Mise Maxkamadaha dowlad goboleedyada waxay go’aan ka gaarayaan dacwadahooda, kuwa dawladda federaalkana waxay go’aan ka gaarayaan dacwadaha heer federal.

Waxaa jira labo ikhtiyaar oo kala ah

Waxaa jira maxkmado iyo garsoorayaal qaadaya dacwadaha heer federal iyo kuwa heer dawlad goboleed

Dacwadaha heer federal iyo kuwa heer dawlad goboleed waxay kala yeelanayaan maxkamado kala duwan iyo garsooreyaal kala duwan. Dawladda federaalka waxay yeelaneysa Maxkamado iyo garsooreyaal u gaar ah dacwadaha heer federal, Dawlad goboleedyada ayaguna

18

Page 20: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

waxay yeelanayaan Maxkamado iyo garsooreyaal qaada dacwadaha heer dawlad goboleed.

Ikhtiyaarla labaad wuxuu u baahan yahay maxkamado iyo garsooreyaal aad u badan oo u baahan kharaj badan, waxaa jiri doona go’aanno maxkamadeed oo lagu gaarayo meelo kala duwan, taas oo keeneysa in dacwado isku mid ah lagu dabbaqo shuruuc kala duwan, dalkana uu waayo shuruuc mideysan. Waxaa dhalan kara muran ku saabsan maxkamaddee awood u leh inay dhacwada dhageeysato.

Ikhtiyaarka kowaad wuxuu leeyahay Nidaam mideysan oo leh maxkamado iyo garsooreyaal qaadaya dacwadaha oo dhan. hase ahaatee walow uu jiro hal qaab maxkamadeed iyo garsoreyaal u xilsaaran inay qaadaan dacwooyinka ku saabsan heer federal iyo heer dawlad goboleed, haddana waxaa dawlad goboleedyada loo xilsaari karaa inay maxkamadaha maamulaan, ama ay garsooreyaasha soo xulaan. Nocaan wuxuu leeyahay faiido badan, meesha way ka baxeeysa yaa awood u leh inay dacwadda qaado, waxaa la dabbaqayaa shuruuc isku mid ah, garsooreyaasha oo hal meel laga magacaabo waxay fududeeyneysaa in garsooreyaasha helaan tababarro mideysan.

Nidaamkaan wuxuu keeni karaa hal mushkilad, Waxaa dhici karta in Garsooreyaal cayiman ay noqdaan kuwo aan laga soo dhaweeynin halkaas. Si caqabaddaas looga hortago waxaa fiican in Dawlad goboleedyada xubno ku darsadaan dadka xulaya garsooreyaasha.

CUTUBKA SADDEXAAD

IKHTISAASKA CIQAABTA

Noocyada Ikhtisaas

Ikhtisaska waxaa guud ahaan lagu tilmaami karaa inuu yahay “qeybta garsoorka, uu garsoore shaqada ku leeyahay”. Marka

19

Page 21: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

garsooraha loo fiiriyo shaqsi ahaan, ikhtisaaska waxaa lagu tilmaami karaa ‘’awoodda uu garsooraha u leeyahay inuu qaado dacwad mucayin ah”.

Qeexitaanka kor ku tilmaaman ee sheegaya in ikhtisaasku yahay awoodda uu garsoore u leeyahay inuu qaado dacwad mucayin ah, waxaa laga dheehan karaa in ay muhiim tahay in Garsooreyaasha loo kala cayimo ikhtisaaska ay kala leeyihiin. Haddaba si Garsoore uu sharciyad ugu yeesho inuu qaado dacwad mucayin ah waa inuu ahaada mid ikhtisaas u leh qaadusta dacwaddaas.

Ikhtisaska ciqaabta wuxuu u qeybsamaa saddex:

Ikhtisas maadi ah. Ikhtisaas Dhuleed. Iskuxirka dacwooyinka

Ikhtisaska iskuxirka maaha mid iskiisa u taagan, ha yeeshee wuxuu yimadaa marka dacwooyin leh iktisaas maadi ah iyo mid dhuleed oo kala duwan uu hal Garsoore kulligood wada galo, ayadoo la baalmaraayo nidaamka lagu dhaqo ikhtisaska maadiga iyo kan dhuleed.

Ikhtisaska maadiga wuxuu ku yimadaa u qaybinta Garsoorayaasha dacwadaha ciqaabta ayadoo loo fiirinaayo:

1. Halista ciqaabta 2. Nooca faldambiyeedka.3. Iyo mararka qaar tayada shaqsi ee eedeysanaha.

Marka la leeyahay ikhtisaska maadiga ah waxaa lagu cayima halista faldambiyeedka, micnaheedu wuxuu yahay waxaa la fiirinayaa ciqaabta inta ay la egtahay. Marka ikhtisaaska maadiga lagu cayimo nooca dembiga, micnaheedu wuxuu yahay waxaa la fiirinayaa ‘’ sheyga qaanuuniga” ah ee dembiga ku xadgudbay”. Ugu dambeysti ikhtisaska maadiga ah ee lagu cayimo xaaladda shaqsi ahaaneed ee eedeysanaha micnihiisu wuxuu yahay waxaa la fiirinaya xaaladda gaar ahaneed ee uu ku sugan yahay eedeysanaha, oo ah inuu qaangaaray iyo in kale.

20

Page 22: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Kan ugu horeeya waa ikhtisaaska cadadka’’quantity” madaama la eegayo inta ay la egtahay ciqaabta, kan labaad waa ikhtisaska tayada ‘’quality’’ madaama la tixgelinaayo nooca faldembiyeedka, kan saddexaadna waa ikhtisaska Maxkamadda carruurta (Juvenile Courts), oo ayadu ikhtisaas u leh keliya in ay qaado dacwadaha ku saabsan dembiyada ay galaan caruurta aan qaangaarin.

Maxkamadda degmada iyo qeybta caadiga ah ee maxkamadda gobolka waxaa la raaca kiriteeriyada cadadka, qeybta Assise waxaa la raaca kiriteriyada tayada. Maxkamadda carruurta aan qaangaarin waxaa lagu cayima xaaladda shaqsi ee eedeysanaha.

Sida loo qeybiyo ikhtisaaska maadiga ah

Maxkamadda degmada waxey leedahay laba qeybood, qeybta madaniga iyo qeybta ciqaabta, qeybta ciqaabta ee maxkamadda degmada waxay ikhtisaas u leedahay dambiyada ku xusan qodobbada qaanuunka habka ciqaabta iyo sharciyo kale oo Soomaaliyeed oo ciqaabtooda gaareyso ilaa saddex sano oo xarig ah iyo ciqaab lacageed oo dhan ilaa 3000 shs ama labaduba.

Maxkamadda gobolka waxay leedahay (3) saddex qeybood:

Qeybta caadiga ee ciqaabta Qeybta dambiyada culus ( Assise) Qeybta shaqada

Qeybta ciqaabta caadiga ah ee Maxkamadda gobolka waxay ikhtisaas u leedahay dambiyada aysan ikhtisaas u laheyn qeybta ciqaabta ee maxkamadda degmada, iyo qeybta dembiyada culus (Assise) ee Maxkamadda gobolka.

Qeybta dembiyada culus waxay ikhtisaas maadi u leedahay dambiyada ciqaabtooda tahay dil, xabsi daa’in, iyo xabsi aan ka yareyn (10) toban sano.

Ikhtisaaska Maxkamadda Racfaanka.

Maxkamadda Racfaanka waxay leedahay labo qaybood:-

21

Page 23: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Qeybta caadiga ah ee Racfaanka. Qeybta dambiyada culus (Assise) ee Racfaanka.

Qeybta caadiga ee Racfaanka wuxuu ikhtisaas u leeyahay racfaanka laga qaato go’aammada ka soo baxay qaybta ciqaabta ee Maxkamadda Degmada iyo qeybta caadiga ee maxkamadda Gobolka.

Qeybta dambiyada culus waxay ikhtisaas u leedahay Racfaanka laga qaato qaybta dambiyada culus ee Maxkamadda Gobolka

Ikhtisaaska maadiga ah ee Maxkamadda Sare

Maxkamadda Sare waxay ikhtisaas u leedahay dacwooyinka soo socda;

1. Cabashada lidka ku ah go’aannada ay soo saarto Maxkamadda Racfaankan iyo kuwo kasoo baxa Maxkamadaha darajada koowaad.

2. Cabashada lidka ku ah go’aannada maamulka guud 3. Dib u eegista 4. Cabashada la xiriirta garsooraha dacwadda laga wareejiyay

Maxkamadda sare.5. Cabashooyinka lidka ku ah go’aannada garsoortooyo ee

xeer-ilaaliyaha guud.6. Khilaafka garsoortooyo ama ikhtisaas ee ka dhex dhasha

xubnaha ku xusan Qod. 11aad xeerka habka ciqaabta.

Sidee lagu cayimaa ikhtisaaska maadiga ah-

Ikhtisaaska maadiga ah waxaa lagu cayimaa ayadoo la raacayo kiriteeryada ku cad qod. 4aad ee xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed.

Haddii dambiga yahay mid dhameystiran, oo aysan jirin xaalado dambiga cusleeya ama fududeeya, si loo cayimo ikhtisaaska waxaa la fiirinayaa ciqaabta uu qarraray qodobka qeexaya dambiga.

22

Page 24: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Marka uu jiro isku day dambi, waxaa la fiirinayaa ciqaabta ugu yar ama ugu badan ee loo qarraro dambiyada isku deyga.

Dambiyada dadka badan isla galeen waxaa la fiirinayaa ciqaabta loo qarraray dambi kasta sida ku xusan qod.71 ee xeerka ciqaabta. Haddii ay dhacdo in, ciqaabaha kala duwan ee loo qarraray dembi kasta, leysugu jimciyo, arrintaas saameyn kuma yeelaneyso cayimaadda ikhtisaaska maadiga ah, sababtoo ah isku darka ciqaabta waxay imaaneysaa marka go’aanka la gaaro kadib.

Sida ku xusan qod.61aad xeerka ciqaabta, Dembiga sii socda ikhtisaaskooda waxaa lagu cayima ayadoo la tixgelinaayo ciqaabta loo qarraray xadgudubka ugu culus sida uu qabo qod.118 xeerka ciqaabta. Haddii Eedeysanaha ku kaco xadgudubyo sharci oo leh halis kala duwan ikhtisaaska waxaa lagu cayimayaa ayadoo la tixgelinaayo ciqaabta loo qarraray midka ugu culus.

Xaaladaha dambiga cusleeya ha noqdeen kuwa caadi ah ama kuwo qaas ah, waa la tixgelinaayaa. Macno malaha in xaaladaha dambiga cusleeya ay yihiin kuwo garsoorka dabaqi karo ama ay khasab tahay dabbaqaadooda, sababtoo ah Garsooraha kuma qasbana in uu dabbaqo marwalba ciqaabta ugu culus, ee wuxuu leeyahay ikhtiyaar uu ku dabaqi karo ama uu ku dabaqi Karin.

Marka la cayimaayo ikhtisaaska maadiga ah, lama tixgeliyo xaaladaha dambiga qafiifiya, sababtoo ah, waa xaalado aan si hordhac ah loo xaddidi Karin si dhab ah. Tani kama hor imaaneyso in xaaladahaas la dabbaqo marka ay dacwadda bilaabato.

Nidaamka aan soo sheegnay ee lagu cayimo ikhtisaaska maadiga wuxuu yeelan karaa (exception) haddii Garsoore ikhtisaas sare leh, uu qaado dacwad uu ikhtisaas u leeyahay Garsoore ka hooseeya, dhinacyadana raalli ka yihiin, lama dhihi karo Garsooraha awood uma laha. Mar walba Garsooraha darajada sarreeya ayaa ka aqoon iyo qibrad badan kan ka hooseeya, asagaana uga habboon inuu dacwadda qaado.

23

Page 25: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Garsoore ikhtisaas laheyn.

Haddii Garsoore galo dacwo uusan iktisaas u laheyn, go’aanka uu gaaro wuxuu noqonayaa mid wax kama jiraan ah, sida uu qabo qod. 4aad, farqaddiisa saddexaad X.H.C.

Ikhtisaas la’aanta waxaa ku dhawaaqi kara Xeer-ilaaliyaha ama eedeysanaha, iyo xafiis ahaan ba, heer kasta iyo xaalad kasta oo ay dacwadda mareyso.

Dacwadaha heerka koowaaad

Garsooraha dacwadda loo dhiibey, haddii asagoo falka eedeynta ku xusan waxba ka badelin, uu siiyo qeexitaan sharci oo ka duwan kii hore oo keeni kara ikhtisaas kale, wuxuu soo saarayaa wareegto uu ku amrayo in dacwada loo gudbinayo Maxkamadda ikhtisaaska u leh, sida uu qabo qod.106/2 X.H.C—0

Garsooraha hadduu arko in falka uu ka duwan yahay, kana culus yahay kan lagu xusay eedeynta, wuxuu caddeynayaa in uusan dacwada ikhtisaas u leheyn, wuxuuna galka dacwada u gydbinayaa Maxkamadda ikhtisaaska u leh sida ay qabaan qodobbada 4/2 xeerka ciqaabta oo lala akhriyo qod.106 iyo 124 xeerka habka ciqaabta. Garsooraha hadduu u arko in uu ikhtisaas u leeyahay in uu dacwada galo, dacwada wey sii soconeysaa wuxuuna amrayaa in dacwada dhageysigeeda dib loo soo bilaabo, ayadoo eedeysanaha na la siinayo waqti mucayin ah oo uu difaaciisa kusoo diyaarsado, si looga hor tago in aan lagu xadgudbo xuquuqdiisa sida uu qabo qod. 106 xeerka habka ciqaabta.

Marwalba oo uu garsooraha sabab kastaba haku timaadee uu arko in uusan ikhtisaas u leheyn dacwada, wuxuu wareegto ku caddeynayaa in uusan dacwada ikhtisaas u laheyn, islamar ahaantaasna wuxuu amrayaa in gal-dacwadeedka loo gudbiyo maxkamadda ikhtisaaska u leh. Haddii tani dhacdo dacwadda waxaay noqoneysa mid cusub oo kale, kow ayaana laga soo bilaabayaa, Xeer- ilaaliyahna wuxuu soo gudbinayaa eedeyn cusub.

24

Page 26: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

IIkhtisaaska Dhuleed

Ikhtisaaska dhuleed wuxuu ku saabsan yahay xiriirka ka dhaxeeya meesha uu faldembiyeedka ka dhacay iyo baaxadda garsoortooyo uu ka tirsan yahay oo noqon kara degmo, gobol, racfaan iyo maxkamadda sare.

Sidee loo qeybiyaa ikhtisaaska Dhuleed

Maxkamadda degmada waxay ku taalla degmo kasta oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, garsoortooyadeeduna waxay gaarsiisan tahay degmada oo idil.

Maxkamadda degmada waxay ikhtisaas dhuleed u leedahay in ay qaado dacwadaha ku saabsan dembi kasta, ama isku day dembi oo ka dhaca garsoortooyada degmada sida uu qabo qod. 2aad ee nidaamka Garsoorka iyo qod 5aad farqaddiisa 1aad xeerka habka ciqaabta.

Maxkamadda Gobolka waxay ku taalla Gobol kasta, garsoortooyadeduna waxay ku baahsan tahay Gobolka oo dhan .Maxkamadda Gobolka waxay ikhtisaas dhuleed u leedahay dembiyada dhammeystiran, ama isku day’ dembi, ama halka uu ku dhammaado dembiga socda, ama dembiga joogtada ah, oo ka dhaca garsoortooyada Gobolka, oo aan aheyn kuwa ay ikhtisaaska u leedahay Maxkamadda degmada.

Maxkamadda racfaanka waxay ku taalla Gobol kasta, garsoortooyadeeduna waxay ku baahsan tahay Gobolka oo dhan. Maxkamadda Racfaanka waxay ikhtisaas dhuleed u leedahay go’aannada ka soo baxay Maxkamadda degmada iyo kuwa Gobolka ee racfaanka laga qaatay sida uu qabo qod. 4aad ee nidaamka garsoorka ee soo baxay 1962di, iyo qod. 5aad ee xeerka habka ciqaabta.

Maxkamadda Sare waxay ku taalla Magaalo madaxda Muqdisho waxayna ikhtisaaskeeda dhuleed gaarsiisan tahay dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhan sida ku xusan qodobka 5aad Nidaamka Garsoorka.

25

Page 27: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Ikhtisaas La`aanta Dhuleed

Ikhtisaas la’aanta dhuleed ma horseedeyso in qoraallada la soo saaray darajada doodda ka horreysa ay noqdaan kuwo wax kama jiraan ah sida uu qabo qod. 5aad farqaddiisa 3aad.

Ikhtisaas la`aanta dhuleed waxaa loo nidaamiyaa sida tan :-

Marka Maxkamad lagu eedeeyo in aanay dacwad ikhtisaas u laheyn oo uu sidaasi sameeyo dhinaca dembiga oogaya ama difaacaya, Maxkamadda ayaa shaaca ka qaadi karta in aysan awood u laheyn .

Markadacwadda ay mareyso doodda darajada kowaad, Ikhtisaas la`aanta dhuleeed waxaa la soo jeedin karaa darajada doodda ka horeysa ama goorta la dhammeystiro howlaha loo baahan yahay si doodda u bilaabato, sida uu qabo qod. 5aad farqaddiisa 3ad xeerka habka ciqaabta, marka laga reebo in ay soo jeedinta ikhtisaas la`aanta aysan soo bixin dooda inta lagu jiro. Mitaal ahaan haddii goobta fal dambeyeedka ku dhammaaday, la hubiyo doodda markey bilaabato kadib, oo la dhammeystiro howlaha loo baahan yahay sida dooda u bilaabato.

Isla waqtigaas garsooraha wuxuu xafiis ahaan shaaca uga qaadayaa ikhtisaas la`aanta dhuleed. Garsooraha aqoonsaday ikhtisaas l’aantiisa isla markiiba wuxuu ku dhawaaqayaa go`aan oo ku amraayo in gal dacwadeedka loo gudbiyo garsooraha ikhtisaaska u leh, Go`aankaas lagama noqon karo, Rafcaanna lagama qaadan karo, Sida uu qabo qadobka 5aad farqadiisa 3aad.

Garsooraha cusub wuxuu ku dhawaaqi karaa inuusan ikhtisaas u laheyn dacwadda loo soo gudbiyay, laakiin taas macnaheydu ma ahan inuu dacwadda qabaneynin sababtoo ah wuxuu ku qasban yahay inuu sameeyo howlaha deg dega ah ee loo baahan yahay.

Marka la joogo rafcaanka, Haddii ikhtisaas la`aanta la soo jeediyay dacwadda derajada koowaad waqtigi aan horay u soo sheegnay, oo ah darajada doodda ka horreysa iyo marka la dhammeystiro howlaha loo baahan yahay si doodda u bilabato, isla mar ahaantaasina ikhtisaas la’aanta dhuleed lagu daro

26

Page 28: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

asbaabta rafcaanka, Garsaaraha Rafcaanka laga qaatay wuxu ku dhawaaqayaa go`aan uu ku caddeynaayo ikhtisaas la`aanta wuxuuna amrayaa in gal dacwadeedka loo gudbiyo Garsooraha ikhtisaaska u leh sida uu qabo qodobka 5aad ee Xeerka Habka Ciqaabta,

Haddii maqan yihiin labada shardi oo kala ah:-

1. In Ikhtisaas la`aanta la soo jeediyo derajada koowaad waqtigi loogu talo galay.

2. In ikhtisaas la`aanta lagu daro asbaabta Rafcaanka.

Garsooraha Rafcaanka wuxuu gelayaa dulucda dacwadda hattaa haddii ikhtisaas u lahan lahaa Garsooraha derajada koowaad oo ka baxsan garsoortooyada garsooraha Rafcaanka.

Maxkamadda Sare

Haddii ikhtisaas la`aanta la soo jeediyay dacwadda derajada koowaad isla mar ahaantaasina laga qaato Rafcaan haddana laga qaato Cabasho Maxkamadda Sare, Garsooraha Maxkamadda Sare wuxuu gaaraya go`aan lagu baabi`inaayo Cabashada loona gudbinaayo dacwadda garsooraha Ikhtisaaska Dhuleed u leh.

Iska hor-imaadka Ikhtisaaska iyo Garsoorka

Iska hor-imaadka ka dhasha cayimidda garsooraha ciqaabta oo ikhtisaaska u leh gal dacwadeedka, wuxuu u kala baxaa iska hor-imaadka ikhtisaaska iyo iska hor-imaadka Garsoorka.

Iska hor-imaadka ikhtisaaska waxay ka dhashaan xubnaha garsoorka caadiga ah.

Iska hor-imaadka ikhtisaaska waxay noqon karaan kuwa wanaagsan (Positive) ama kuwa diidmo (Negative) ku saleysan.

Kan wanaagsan waa marka laba garsoore isla waqtigii ay ku dhawaaqaan inay ikhtisaas u leeyihiin dacwadda loo dhiibay , kan 2aad waa marka labo garsoore ama ka badan isla waqtigiiba ay ku dhawaaqaan inaysan ikhtisaas u laheyn dacwaddaas sida uu qabo qodobka 9aad farqada a, b,

27

Page 29: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Xallinta iska hor-imaadka Ikhtisaaska

Ha ahaadaano ikhtisaas wanaagsan ama ha ahaadaano ikhtisaas diidmo ah, Maxkamadda Rafcaanka ayaa magacaabeyso Maxkamadda awoodda u leh inay dacwadda qaato.

Haddii ay yihiin Maxkamado xafiisyo ku leh garsoortooyada labo Maxkamad Rafcaan oo kala duwan, Maxkamadda Sare ayaa Magacaabeyso Maxkamadda awoodda u leh.

Marka Maxkaamadda Rafcaanka iyo Maxkamadda Sare ay go`aan ka gaareyaan cidda ikhtisaaska u leh inay dacwada gasho ama qaato, waxay cayimayaan haddii go`aammada uu hore u gaaray garsooraha ay ku tilmaameen inuu ikhtisaas u laheyn qaadista dacwada, ay yihiin kuwa sharci ah oo sii socon kara.

Go`aammada Maxkamadda Sare ee ku saabsan ikhtisaaska lagu ma noqon karo sida uu qabo qodobka 236, Xeerka Habka Ciqaabta.

Dacwad wareejin

Qod: 11aad Xeerka Habka ciqaabta wuxuu tilmaamayaa labo siyaabood oo dacwadda lagu wareejin karo;

1. Dacwad wareejin ku saabsan xaalad culus oo khatar gelin karta amniga guud.

2. Dacwad wareejin ku saabsan garsoore.

1. Dacwo wareejin ku timid xaalad khatar gelin karta amniga guud.

Maxkamadda sare waxay dacwad ka wareejin kartaa maxkamadda darajada koowaad ayadoo u wareejineysa maxkamad kale oo darajada koowaad ah lehna ikhtisaas maadi ah oo la mid ah kan ay leedahay maxkamadda dacwada laga soo wareejiyay.

Xeer ilaaliyaha iyo eedeysanaha ayaa ka codsan karaa maxkamadda sare in ay dacwadda wareejiso sababo la xiriira cabsi laga qabo in amniga guud uu khal khal galo, ama uu jiro

28

Page 30: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

tuhun sharci ah. Codsiga wareejinta dacwadda wuxuu dhici karaa heer kasta iyo darajo kasta oo ay dacwad mareyso.

Qod.11aad wuxuu xoojinayaa in laga dhawro dacwad qaadista wax kasta oo khal khal gelin kara, iyo in laga hortago in dacwad qaadista lafteeda ay khal khal geliso amniga guud. Marka dhinacyada ay soo jeediyaan in dacwadda la wareejiyo, Maxkamadda sare ayaa awood u leh in ay dacwad ka wareejiso maxkamad una wareejiso maxkamad kale oo ku darajo ah.

2. Dacwad wareejin ku saabsan garsoorayaasha

Garsooraha loo dhiibaayo dacwadda waa inuu noqdaa shaqsi dhex-dhexaad ka ah dacwadda oo aan dhinacna u janjeerin. Haddaba si loo ilaaliyo in uusan dhalan tuhun ku saabsan dhex dhexaadnimada garsooraha, qod.11aad wuxuu tilmaamayaa xaaladaha keeni kara in shaki la geliyo dhex dhexaadnimada.

Dacwadda ku saabsan garsooraha laftiisa, ama garsooraha dacwadda ikhtisaas ka maadiga u leh, uu asaga laftiisa yahay dhibbane dan ka leh dacwadda sababtoo ah, faldambiyeedka saldhigga u ah dacwadda loo dhiibaayo ayaa dhib kasoo gaaray. Haddii ay tani dhacdo maxkamadda sare waxay dacwadda u wareejineysaa maxkamad kale oo isku darajo iyo ikhtisaas ah . Wareejinta markaas oo kale waxay ku saabsan tahay ikhtisaaska dhuleed.

Raadka wareejinta gal dacwadeedka ku yeelan karo ikhtisaaska.

Wareejinta gal dacwadeedka ma laaleeyso dhageysiga dacwadda, haddii maxkamadda sare aysan ku dhawaaqin go’aan lagu laalaayo, marka tani dhacdo garsooraha waxaa u bannaan – in uu qabto howlaha deg deg ah.

Isku xirka dacwadaha

29

Page 31: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Faldembiyeedyo kala duwan waxay isku xirmi karaan markii dad badan ay masuul ka yihiin hal dembi, ama markii hal qof uu masuul ka noqdo dambiyo badan. Markii isku xirka noocaan ah ay dhacaan, meeshii dad badan oo hal dembi isla galay, meelo kala duwan dacwado looga furi lahaa, ama hal qof oo galay dambiyo badan asna dacwado kala duwan lagu qaadi lahaa waxaa dhaceyso in dacwadaha oo dhan la isku xiro oo hal maxkamad qaado, ayadoo la baalmaraayo nidaamka u degsan dabbaqidda ikhtisaaska maadiga iyo kan dhuleed, Sida uu qabo qod.6aad xeerka habka ciqaabta.

Raadka iskuxirka ku keeni karo ikhtisaaska maadiga ah

Isku xirka Dacwooyinka wuxuu raad ku yeesha Ikhtisaaska-Maadiga-Sababtoo ah Dacwooyinka oo dhan waxaa qaadaya hal Garsoore xatta Haddii garsooreyaal badan ikhtisaas Maadi u leeyihiin sida uu qabo Nidaamka Guud ee u Degsan ikhtisaaska.

Haddii Dembiyada qaar ay ikhtisaas u leedahay Qeybta Assisi ee Maxkamadda Gobolka dembiyada qaar kalena ikhtisaas u leedahay qeybta Caadiga ee Maxkamadda Gobolka ama Qeybta Ciqaabta ee Maxkamadda Degmada waxaa Dacwooyinka oo dhan ikhtisaas u yeelanaaya Qeybta Assisi ee Maxkamadda Gobolka.

Haddii Dembiyada qaar ikhtisaas u leedahay Qeybta Caadiga ee Maxkamadda Gobolka qaar kalena ikhtisaas u leedahay Qeybta Ciqaabta ee Maxkamadda Degmada Dembiyada oo dhan waxaa qaadaya Qeybta Caadiga ee Maxkamadda Gobolka sida halkaan ka muuqata mar hadduu jiro iskuxir Dacwooyin kala duwan oo ay ikhtisaas u leeyihiin Garsooreyaal kala duwan Dacwooyinka oo dhan waxaa qaadaya Garsooraha ugu darajo Sarreeya.

RAADKA ISKUXIRKA KU YEELAN KARO IKHTISAASKA DHULEED

Mar haddii Dacwooyinka dhan Garsooreyaashii qaadi lahaa isku wada ikhtisaas Maadi yihiin, iskuxirka wuxuu raad ku yeelanayaa ikhtisaaska Dhuleed oo keliya, Marka ay tani dhacdo waxaa

30

Page 32: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

ikhtisaas u yeelanaayo Garsooraha ka tirsan meesha uu ka dhacay faldembiyeedka ugu culus.

Haddii Dembiyada isku culeys yihiin, waxaa dacwooyinka oo dhan qaadaya Garsooraha ka howlgala meesha ay ka dhaceen Dembiyada ugu badan.

Haddii labadaan siyaabood ikhtisaaska loo cayimi waayo, Maxkamadda Rafcaanka ayaa cayimeysa Garsooraha ikhtisaaska u leh, Haddii Maxkamadaha ku kala yaalliin gobollo kala duwan, Maxkamadda Sare ayaa tilmaameyso Garsooraha Ikhtisaaska Dhuleed u leh.

Iska horimaadka ikhtisaaska iyo kan garsoortooyo

Waxaa laga hadli karaa Ikhtisaaska Garsoortooyo goorta iska horimaadka uu ka dhasho hal Garsoore ama ka badan oo ka tirsan Maxkamadaha caadiga ah, ama hal garsoore ama ka badan oo ka tirsan Maxkamadaha gaarka ah, dhinaca kale waxaa ah iska horimaad ikhtisaas kan ka dhex dhasha xubnaha caadiga ah.

Iska horimaadyada waxay ku imaan karaan labo siyaabood:-

1. Labo Garsoore ama ka badan ayaa isku qabsan kara in ay isku waqti ikhtisaas u leeyihiin qaadista dacwad ku saabsan hal faldembiyeed.

2. Labo Garsoore ama ka badan ayaa diidi kara in ay galaan dacwad ku saabsan hal dembi Maxkamadda Rafcaanka ayaa tilmaameysa Garsooraha ikhtisaaska u leh, haddii ay ka tirsan yihiin Maxkamado ku yaalla Gobollo kala duwan Maxkamadda Sare ayaa Magacaabeysaa.

31

Page 33: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

CUTUBKA AFARAAD

KA QAYBGALAYAASHA DACWADA

GARSOORAHA

Garsooraha ama hal ahaado ama ka badan mar waa Xafiis, marna wuxuu wakiil awoodda Garsoorka uga yahay Dacwad Ciqaab oo mucawin ah,

Xafiiska Garsooraha waa inuu ka hortagaa faragelin uga timaada Dibedda oo u xaglineysa dhinacyada dacwada Ciqaabta mid ka mid ah,

Garsooraha waa inuusan noqon mid wax Eedeeya, ama wax difaaca go`aankiisa si uu u noqodo mid caadil ah oo aan dhinacna u janjeerin, waa inuu ahadaa natiijo ka soo ifbaxday doodda Xafiiska Eedeynta iyo kan difaaca.

Saas darteed xafiiska Garsoorka waa inuu yeeshaa sifooyinka soo socda:-

1. Madaxbannaani.2. Dhexdhexaad3. Xafiisyo kala duwan.

Garsooraha wuu ka madaxbannaan laamaha kale ee Dawladda, mana jirto cid uu ka amar qaadanaayo, ama faragelin ku sameyn karta, ama u yeerin karta inuu qaato go’aan mucawin ah. Markuu go’aan gaarayo wuxuu kaashanayaa damiirkiisa iyo sharciga.

Garsooraha waa inuu ahaadaa dhexdhexaad, sidaas darteed waxaa ka reeban inuu xiriir nooc kastaba ha ahaadee la yeesho Dhinacyada ay dacwada ka dhaxeeyso. Waxaa dhexdhexaad lagu tilmaami karaa Garsooraha gaara go`aan aan isbeddeleynin, xattaa haddii shaqsiyaadka dacwada dhinacyada ka ah ay ahaan lahaayeen kuwa kale, oo ka duwan kuwa uu dacwada u hayo.

Micnaha ka dambeeya wuxuu yahay ah in Garsooraha uu isla go’aankii gaarayo mar walba ciddii la doono dacwada ha u hayee,

32

Page 34: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

sababtoo ah Garsooraha waxaa laga rabaa inuu gaaro go’aan caadil, dano gaara ku saleysneyn, oo ku qotoma sharciga.

Garsooraha marna waa shaqsi marna waa xafiis, shaqsi kasta oo Garsoore u magacaaban wuxuu matelaa xafiis uu ka tirsan yahay, oo asna ka mid ah xafiisyo badan. Xafiisyada kala duwan waxay tilmaamayaan ikhtisaaska maadiga ah iyo kan dhuleed oo ka dhigaya Xafiiska Garsooraha kuwo badan oo kala nooc iyo kala darajo ah.

Awoodda Garsooraha waxay noqon kartaa mid la kasbaday iyo mid shaqada lagu bilaabay .Shaqsi wuxuu noqon karaa Garsoore marka uu buuxiyo sifooynka hoos ku qoran:-

1. Inuu Yahay Muwaadin,2. Qaangaarah.3. Maxkamad weligiis Go`aan ka gaarin.4. Heysta Shahaado Jaamacadeed oo ku saabsan Qaanuunka.5. Inuu Tababar Garsoorennimo horey u soo qaatay,

Sifooyinka waxay ku qoran yihiin Sharciga lambar 14 oo soo baxay 15/8/1966,

Qofka buuxiya sifooyinka kor ku xusan wuxuu awood u yeelan karaa in uu Garsoore noqdo, oo uu bilaabo shaqada Garsoorennimo markii la magacabo, loona oggolaado inuu ka mid noqdo awoodda Garsoorka.

KA ISTAAGID IYO KA WAREEJIN SHAQO

Garsooraha hadduu ka soo bixi waayo awoodda bilaabida Shaqada, Go`aannada uu gaaray waxay noqonayaan kuwa wax kama jiraan ah (null and void).

Awoood la`aanta Garsooraha waxaa loo qeybiyaa labo, mid ay ka maqan tahay awoodda iyo mid laga shakiyay, tan hare waxay dhacdaa marka uusan haysanin ama lumiyo sifooyinka looga baahnaa awoodda shaqa bilaabidda,

Midda labaadna waxaay timadaa marka Garsooraha uusan dacwada qaadi Karin sababa la xiriira asbaabta uu tilmaamayo

33

Page 35: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

qodobka 10aad ee X.H.C.S. Garsooraha laga shakiyay in uu qaaday dacwad sababaha uu tibaaxayo qod 10aad X,H.C, waxaa ka reeban inuu dacwada qaado, waana inuu iska wareejiyaa.

Garsooraha qaada dacwad asagoo ku sugan xaaladaha uu qeexayo qodobka 10aad X.H.C. galka waa laga wareejinaya haduu ku sugan yahya xaalada qodobka 10 X.H.C.S, markaas oo laga doonaayo inuu dacwada ka istaago

Ka istaagida dacwada waxay ku imaanaysaa inuu keeno caddeyn oo go`aan ka gaari karo Guddoomiyaha Maxkamadda, go`aankaas oo dib loogu noqon Karin,

Ka istaagidda dacwada sida aan soo aragnay waxaa is kaleh garsooraha, dhinaca kale wareejinta dacwada waxaa xag u leh dhinacyada oo kala ah, XeerIlaaliayaha Guud ee Qaranka iyo Eedeysanaha, iyo qofka madani ahaan ku qasban inuu dhiibo ganaax.

Haddii Garsooraha iskiisa ka istaagi waayay qaadista dacwada, xagga wareejinta dacwada waxaa iska leh dhinacyada haddii waqtigaas la keeni waayo waqtiga waa kaa dhacayaa.

Dacwo Wareejinta waxaa go`aan ka gaaraya Maxkamadda Dacwada taalo iyadoo ka maqan yahay Garsooraha dacwada laga wareejinaayo.

Maxkamadda makay arrintaas ka shirto waxay soo saareysaa amar.

Haddii Maxkamadda diido dacwo wareejinta, qofka soo jeediyay wuxuu bixinaya ganaax lacageed .

Haddiise dacwo wareejinta la oggolaado garsooraha dacwada laga wareejiyay waa inuu ka istaaga dacwada, isla amarka dacwada lagu wareejiyay ayaa loogu caddeynayaa Garsooraha dacwada loogu wareejiyay amarkaasna wuxuu noqonayaa mid aan rafcaan laga qaadi karin.

Xeerkeyna habka Ciqaabta si cad uga ma hadlaayo wareejinta dacwada, laakiin madaama ka istaagid la `aanta dacwada

34

Page 36: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

sharciga uu ka dhigaayo go`aanka garsoorahaas uu gaaray mid baaba`ayo, waxaa halkaas ka cad in dhanacyada awood u leeyihiin inay dacwada ka wareejin karaan.

Si loo hirgeliyo xuquuqda dacwo wareejinta waa in la raaca, hab maamul oo lagu bilaabayo qoraal lagu caddeynayo asbaabta gal wareejinta iyo sheegidda caddeymaha cadeeynaya inay arrintaas jirto.

Qoraalkaas waxaa la sameynayaa inta aysan dooda dacwada furmin

NOOCYADA GARSOOREmarka la fiiriyo nidaamkeena Garsoorka iyo habkeena ciqaabta waxay soomaaliya ay leedahay Garsoorayaasha caadiga ah ee hoos ku qoran:-

1. Garsoore ku xigeyn dagmo.2. Garsoore Degmo.3. Garsoore ku xigeyn Gobol.4. Garsoore Gobol.5. Lataliye Gobol.6. Lataliyaha 1aad .7. Guiddoomiyaha Maxkamadda Sare,\

Garsoore ku xigeenada Degmada waxay garsoore ka yihiin Maxkamadda Degmada

Garsoorayaasha Degmada waxay Guddoomiye ka yihiin Maxkamadda Degmada, isla mar ahaan taasina waxay garsoore ka noqon karaan Maxkamadda Gobolka, Garsooreyaasha Gobolka waxay Guddoomiye ka noqon karaan Maxkamadda Gobolka waxay noqon karaan ku Xigeen Xeerilaaliye Guud ama garsoore Maxkamadda Rafcaanka .

XEERILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

35

Page 37: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Xafiiska Xeer-Ilaalinta waa dhinaca oogo dacwadaha ciqaabta ah, wuxuuna u xilsaaran yahay oogista dacawdaha ciqaabta ah, asaga ayeyna saaran tahay dhaqaajinteeda,

XeerIlaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu matalayaa Sharciga sababtoo ah qodobka 6aad ee nidaamka Garsoorka Soomaaliyeed ayaa siinaya inuu ilaaliyo sharciga iyo in Garsoorka loo maamulaayo si wanaagsan.

Boolisku marka ay sameenayaan baarista iyo xakameynta dembiyada waxay si toos ah ugu amar qaadanayaan Xafiiska Xeer-Ilaalinta waxaa kaloo mudan in la xuso in Xafiisku uu marxalad kasta la wareegi karo baarista dacwadda marka ay lama huraan ay noqoto. Fiiri Qodobka 12aad XHCS.

Si hadafkaas loo gaaro XeerIlaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu dhaqaajinaya dacwada, wuxuu ka qeyb gala doodda, wuxuu dhaqaajiyaa dacwada madaniga markay la noqoto, wuxuu xaq u leeyahay in uu rafcaan uga qaato dacwadaha madaniga iyo ciqaabta xaaladaha uu sharciga tilmaamayo, wuxuu ilaaliyaa Xabsiyada, wuxuu hagaa howsha baarista ee Booliiska.

Culumada qaarkeed oo wax ka qora nooca shaqo u qabto Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka waxay ku doodaan in shaqadiisu tahay mid maamul, kuwo kalena waxay yiraahdaan waa shaqo u dhaxeysa maamulka iyo garsoorka . Kuwaan dambe waxay diidayaan in howsha Xeerilaaliyaha ay tahay howl maamuul, waxayna ku doodayaan in marka uu ilaalinaayo sharciga uu difaacayo danaha guud ee xushmeynta sharciga, ha yeshee uu marwalba ka madaxbannaan yahay danaha siyaasadeed ee awoodda fulinta.

Habdhaqanka qaanuuniga ah ee Soomaaliyeed marnaba lama aqbali karo doodda ku saabsan in shaqada Xeer-ilaaliyaha guud ay tahay mid maamul, sababtoo ah marka la fiiriyo shaqooyinka uu qabanaayo, waxaa la dhihi karaa mararka qaar wuxuu la siman yahay Garsooraha.

36

Page 38: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Tani waxay dhacda marka la soo gabagabeeyo baariska faldembiyeedka, Xeer-ilaaliyaha guud markuu arko caddeymaha la soo uruuriyay in ay ku filan yihiin in la caddeeyo in faldembiyeedka uu dhacay, eedeysanahu na uu dembiga galay, ama hadduu arko in caddeymaha la soo uruuriyay in aysan ku filneyn in ay caddeeyaan in faldembiyeedku dhacay, eedeysanaha na uu dembiga galay, wuxuu leeyahay saddex ikhtiyaar:

In uu amro in baarista la sii wado, si loo helo caddeymo hor leh

Inuu amro in dacwada la arkifiyareeyo Inuu ka codsado garsooraha dacwada ikhtisaaska u leh in

dacwada la joojiyo sida uu qabo qodobka 70aad x.h.c. farqaddiisa kowaad.

Waxaa halkaan ka cad in codsiga uu Xeer-ilaaliyaha u jeedinaayo garsooraha in uu yahay mid iska formal ah . Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabeyn karnaa in Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka uu yahay xubin ka tirsan garsoorka, oo aan ahayn xubun maamul, kana madxbannaan awoodda fulinta.

Qaabdhismeedka xafiiska xeer-ilaaliyaha

Si loo dhaqaajiyo, Guud ahaan howsha iyo waajibaadka Xafiiska Xeer-Ilaalinta waxaa qeexaya qodobka 8aad ee XNGS, ee 1962 iyo qodobka 12aad XHCS, iyo qodobo kale sida qodobka 71aad 72aad, 110 iyo 163, Xafiiska Xeer-Ilaalinta marka uu gudanayo waajibka dacwad oogista ee Maxkamadda horteeda waxaa ka matalayo ka qeybgalka dhageysiga dacwadaha ciqaabta ah:-

1. Xeer-Ilaaliyaha Guud ama mid ka mid ah ku xigeennadiisa Maxkamadda Sare horteeda.

2. Xeer-Ilaaliyaha Guud ama mid ka mid ah ku xigeenadiisu ama sarkaal Boolis ah, oo uu magacaabay Xeer-Ilaaliyaha Guud, oo derejadiisu ka sareyso Isbatoore, Maxkamadda Rafcaanka horteeda.

37

Page 39: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

3. Xeer-Ilaaliyaha Guud ama mid ka mid ah ku xigeenadiisu ama sarkaal Boolis ah, oo uu magacaabay Xeer-Ilaaliyaha Guud, oo derejadiisu ka sareyso Isbatoore, Maxkamadda Gobolka horteeda xaaladaha deg-dega ah Taliyaha Qeybta Booliska ayaa howshaa Sarkaalka Booliska ah u magacaabi kara,

4. Xeer-Ilaaliyaha Guud ama mid ka mid ah ku xigeennadiisu ama taliyaha Saldhiga ama Sarkaal uu Magacaabay Maxkamadda Degmada horteeda.Fiiri Qodobka 8aad ee XNGS ee 1962 iyo qodobka 12aad ee XHCS.

Eedeysanaha

Sida u qabo qod. 13aad Eedeysane waxaa ah qofkasta oo lagu hayo xaalad xarig ah, amase loo soo saaray yeeritaan horkeenid ama imaasho Maxkamadeed.

Sidaas awgeed eedeysanennimada waxay ku imaan kartaa labo xaaladood oo uu sharciga tilmaamayo. Eedeysanaha labo siyabood ayaa loo xiri karaa:

Amar xiritaan oo uu amray Garsoore, oo aan loo baahneyn in eedeysanaha la horgeeyo garsooraha, sababtoo ah asaga ayaa amray soo xiritaankiisa

Xiritaan amar la’an garsoore, oo loo baahan yaay in eedeysanaha la horgeeyo garsooraha, sababta oo ah sida uu qabo qod 34aad x.h.c., dadka soo xiray eedeysanaha waa in ay horgeyaan garsooraha 48 gudaheeda lag bilaabay waqtigii la soo xiray.

Xaalad eedeysanennimo waxaa kaloo ku sugan qof kasta oo la ogeysiiyay amar hor imaasho maxkamadeed, oo macnaheedu yahay in, qof looga shakisan yahay inuu dembi galay lagu amro inuu muddo cayiman ku horyimaado maxkamadda horteeda.

Xaaladda edeysanennimo waxay soconeysaa heer kasta iyo darajo kasta, ilaa go’aanka lagu xukumay ama lagu sii daayay uu

38

Page 40: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

ka noqdo kama dambeys, ama in maxkamaddu soo saarto in aan dacwada la sii wadi Karin, ama arkifiyasoonaha la ansixiyo. Markaas kadib haddii eedeysanaha la xukumo, xaaladda eedeysanennimo waxaaa beddeleysa, dembiile.

Eedaysanuhu waa barii’ ama dembilaawe ah ilaa uu uga dhaco xukun Maxkamadeed kama dembeys ah, eedaysana markale isla dhacdadii laguma eedeyn karo.

Eedaysanaha wuxuu yeelan karaa hal qareen ama ka badan oo asagu uu doortay. Haddii uusan qabsan Karin waa in dawladu u qabataa qareen gaar ahaan xaaladaha waajib tahay in eedeysanaha qareen loo qabto, xaaladahaas oo ku xusan qodobka 14aad farqadiisa 2aad xarafka B ee XNGS, oo qeexayo xaalada ay waajib tahay in dacwadaha ciqaabta ah uu qareen masalo eedaysanaha, Eedaysanuhu wuxuu noqon karaa xirane ama dibad joog.

Eedaysanuhu dhinac ka yahay 2aad ee dacwada ciqaabta ah, badanaa wuxuu ka soo horjeestaa XeerIlaalinta, waxaana ka hadlayaa arrinta eedaysanaha qodobada 13, 100, 104, 105, 108, 116, 209, ee XHCS.

Dib u soo nolaasho xaalad edeysanennimo

Xaaladda edeysanennimo waxay dib u soo noolaan kartaa labo jeer oo kala ah:

Haddii garsooraha uu amro in dacwada aan la socodsiin Karin, sabab la xiriirta eedeysanaha oo dhintay, dhibbanahi oo aan keeni ashtakadiisi. Kadib la ogaado in eedeysanha nool yahay, ama dhibbanahi keeno ashtakai daxwada lagu haqaajin lahaa.

Haddi eedeysanaha lagu xukumay fal, ay ka soo ifbaxday dhacdo sharciga u arko in ay tahay udub dhexaadka fal dembiyeed ka duwan, kana culus , dhacdadaasna mar dambe ayeey dhcday, ama maxkamadda lama soconin waqtigii ay xukunka soo saareysay.

39

Page 41: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Xaalad saddexaad waxay dhici kartaa markii la aqbalo dib u eegis dacwo.

Inta aan ka aheyn xaaladaha kor ku xusan, eedeysane mar la xukumay, markale laguma dacweyn karo isla dembigi horay loogu xukumay.

Dadka noqon karaa ka qeybgalayaasha dacwadda

Dacwadda ciqaabta waxaa qeeyb ka ah Garsooraha, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, iyo eedeysanaha. Mararka qaar waxaa ka qeeybgalayaal noqon kara, darafka dacwadda madaniga iyo qofka madani ahaan ku qasban inuu bixiyo magdhowga.

Ka qeybgalayaasha dacwada o dhan dhinac kama wada aha dacwadda, Dacwadda waxaa si joogto ah dhinac uga ah Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo eedeysanaha. Dacwada ciqaabta waxaa mararka qaar dhinac ka noqon karaa Mas’uulka madaniga, iyo qofka madani ahaan ku qasban inuu bixiyo ganaaxa,

Garsooraha in kastoo uu qeeyb ka yahay dacwada, haddana dhinac kama aha, sababtoo ah waa xubin dhexdhexaad ah oo ka sarreeya dhinacyada dacwada isaga soo horjeeda.

CUTUBKA SHANAAD

DACWAD MADANI AH OO KA DHEX FURANTA DACWAD CIQAAB

Dacwad madani ah oo soo dhex gasha dacwad ciqaab

Fal faldembiyeed ayaa waxaa ka dhalan kara labo dhibaato, mid ciqaab ah, iyo mid madani ah, oo keeni kara in la furo labo dacwadood. Dhibbanaha si uu u helo xaqiisa wuxuu dacwad

40

Page 42: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

madani ah ka furan karaa Garsooraha madaniga hortiisa. Haddiise dacwadda ciqaabta horay loo furay, sharciga wuxuu dhibbanaha u oggolaanaya in uu dacwad madani ah ka dhex furto dacwada socota ee ciqaabta ah.

Labada dacwadood waxay kala leeyihiin labo hadaf oo kala duwan, dacwada ciqaabta waxaa lagu hubinayaa in uu faldembbiyeed dhacay, eedeysanaha na uu dembiga galay, amase uusan gelin, tan madaniga na waxaa lagu hubinayaa in dhibbanaha xaq u leeyahay magdhaw ka dhashay faldembiyeedka. Ha yeshee labada dacwadood waa isku xiran yihiin, oo dhibbanaha magdhaw ma heli karo haddii aan la hubin in faldembiyeed dhacay, eedeysanaha uu mas’uul ka yahay.

Qod. 158 x.c. wuxuu sheegayaa “dembi kasta uu ka dhasho dhib hantiyadeed ama mid aan hanti ku saabsaneyn wuxuu ku qasbayaa kan dhibka geystay inuu asaga magdhaw bixiyo, ama ay bixiyaan kuwa ay ms’uuliyadda ka saaran tahay in ay ka bixiyaan sida uu qabo sharciga madaniga. Sida halkaan ka cad, qodobkaan wuxuu banneynayaa in dacwad ciqaab laga dhex furto dacwad madani ah, islamar ahaantaasna wuxuu na soo xusuusinayaa labada erey ee kala ah dib u celin , iyo magdhaw.

Waxaa laga hadli karaa dib u soo celin xaalad horay u jirtay markii dib loo soo celiyo xaaladda sida ay ahayd inta uusan faldembiyeedka dhicin, sida in dib loo soo celiyo sheygi ma guurtada ama guurtada ahaa ee si sharcidarro ah lagaaga qabsaday. Dib u soo celin xaalad horay u jirtay waxay noqon karta oo kale xaaladda sida laga dooni lahaa in ay noqoto haddii uusan faldembiyeedka dhici lahayn. Waxaan mithaal ahaan u soo qaadan karnaa duminta dhismihii lagu dhisay dhulki lagaa heystay.

Magdhawga wuxuu noqon karaa labo nooc, mid daboola yaraan ku timaada hantidaada, ama daboola faiido aad heli laheyd oo kaa baaqatay. Magdhawga wuxuu ku imaan karaa bixin xoolo u dhigma kuwii lagu waayay faldembiyeedka dartiis, oo aysan suurtogal ahayn in sidiisi lagugu soo celiyo.

41

Page 43: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Codsiga Dhibbanaha ee aan soo xusay waxaa Maxkamadda loogu gudbin karaa qoraal ahaan ama hadal ahaan, ka hor inta anay bilaabmin gebagebaynta Xeer-Ilaalinta ee dacwadda, ee ku xusan qodobka 119 ee XHMS, Dhibbanuhu wuxuu yeelan karaa qareen ka hadla arrimaha la xiriiro magdhowga khasaarihii madaniga ahaa ee dhibbanaha saa gaaray.

Yaa xaq u leh magdhaw

Sida uu qabo qodobka 14aad x.h.c.s. dhibbanaha uu dhibka ka soo gaaray faldembiyeedka ayaa xaq u leh in la siiyo magdhaw. Qod. 14aad wuxuu ku soo koobayaa dhibbanaha, ama qofka uu dhibka si toos ah uga soo gaaray faldembiyeedka, inuu yahay qofka keliya ee xaqa u leh in magdhaw la siiyo.

Caadi ahaan qofka dembiga laga galay iyo dhibbanaha waa isleeyihiin, waxaa se jirta mararka qaar ay noqonayaan labo qof oo kala duwan. Qodobbada 480, 484, iyo 489 x.x.c.s. waxay ka kala hadlayaan xatooyada, dhaca, boob dhul ama guri. Markaan u kuurgalno qodobbadaas, dhibbanau marna waa qofka si toos ah faldembiyeedka ugu xadgudbay oo la dhacay, la boobay, dhul aan dhisneyn ama dhisan laga boobay, marna waa qofka faldembiyeedka uu gaarsiiyay dhibaatada madaniga ah. Dhinaca kale, haddii sida uu qabo qod.434 x.h.c.s. qof la dilo, ninka ruuxa laga qaaday ayaa ah qofka dembiga laga galay, ha yeeshe waxaa dhibbaneyaal noqon kara xaaskiisa, carrrurtiisa, waalidkiisa.

Qod 14aad kama hadlaayo in dacwad madani ah furi karaan dhaxaltooyada, sababtoo ah wuxuu ka hadlayaa keliya qofka si toos ah dhibka uga soo gaaray. Marka waxaa noo bannnaan in qodobka kor ku qoran aan siinno tafsiir ka duwan kana ballaaran, kaas oo noqon kara sidatan, waxaa sharciyad u qaba inuu furto dacwd madani ah oo ka dhalatay faldembiyeed, shaqsiga ama shaqsiga qaanuuniga ah oo faldembiyeedka si toos ah dhibka u gaarsiiyay islamar ahaantaasna dhibbane ah, iyo qofka aan ahayn shaqsiga uu sida tooska ah dhibka u gaaray, ha yeshee dhibbanaha ah. Arrintaan waxaa loo cuskanaya qod 158 x. c. oo laga fahmi karo in uu dacwad madani ah ka dhex furan karo

42

Page 44: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

dacwad ciqaab dhexdeeda qof kasta oo dan ka leh inuu helo magdhaw ama dib u celin.

Dacwad kasta oo madani ah oo laga dhex furto dacwada ciqaabta dhexdeeda waxaa lagu dhaqayaa sida uu qabo xeerka habka madaniga. Qod: 75 X.H.M. wuxuu qeexaya in dadka aan laheyn awoodda wax qabsasho, si ay dacwad madani uga dhex furtaan dacwad ciqaab, waxay u baahan yihiin in ay leeyihiin dad caawiya ama wakiil u ah, Sida uu qabo sharciga Madaniga .

Yaa Dacwadda Madaniga Dhinac ka noqon kara

Dacwadda Madaniga oo laga dhex furo dacwada ciqaabta dhexdeeda waxaa lagu qaadi karaa qofka gelay fal dambiyeedka ama qofka mas`uulka ka ah inuu ka jawaabo dhibka uu geystay.

Qofna laguma furi karo dacwad madani ah haddii aysan jirin dacwad ciqaab oo uu eedaysane ka yahay, taas oo macnaheedu yahay in qofka dembiga galay ama ka qeyb qaatay fal dambiyeedka oo aan eedaysane aheyn aan lagu furi karin dacwad madani ah.

Waxaa eedaysane noqon karaa qof ama dad badan oo dambiga isla galay kuwaas oo noqon kara dad ku eedaysan dembiyo badan oo kala duwan laakiin isku xiran, ama dad badan oo eedaysanayaal ah oo hal fal dambiyeed isla galay.

Dembiyo kala duwan laakiin isku xiran dacwadaha waa kala duwananayaan sida ay u kala duwan yihiin dembiyada, sidaas darteed fal dembiyeed kasta wuxuu yeelanayaa dacwadiisa u gaar ah. Marka eedeysanayaal badan isla galaan hal dembi dacwada madani ah na ay ka dhalatay, dacwadda ciqaabta waxay noqoneysaa hal in kastoo eedaysanayaasha ay badan yihiin.

Dacwadda Madaniga ah ee lagu codsanaayo magdhowga waxaa lagu qaadi karaa eedaysanaha iyo dhinaca madaniga oo marka la fiiriyo sharciga madaniga mas`uulka ka ah madani ahaan inay ka jawaabaan dhibka uu geystay dhinacaan, wuxuuna dacwadda ka soo qeyb keli karaa keliya marka ay jiraan xaaladaha ku qeexan qodobka 158 XHCS.

43

Page 45: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Qaabka loo qaadayo dacwadda madaniga

Dacwadda madaniga waxay ku bilaabaneysaa:-

Soo jeedinta codsiga uu dhibbanaha ku furanaayo dacwadda madaniga

Ogeysiinta eedeysanaha ama u yeeridda qofka madani ahaan mas’uulka ka ah.

Codsiga dhinaca madaniga ah waa in lagu qoraa sheyga uu rabo in loo aqoonsado in uu xaq u leeyahay oo ku saabsan waxa uu faldembiyeedka ka qaatay ama magdhowga dhibka soo gaaray iyo inuu ka hadlo asbaabaha keenay inuu codsigaas soo jeediyo. Codsiga Dhibbanaha ee aan soo xusay waxaa Maxkamadda loogu gudbin karaa qoraal ahaan ama hadal ahaan, waqti mucayin oo aan laga gudbi Karin, oo ah ka hor intaanay bilaabmin gebagebaynta Xeer-Ilaalinta ee dacwadda, ee ku xusan qodobka 119 ee XHMS, Dhibbanuhu wuxuu yeelan karaa qareen ka hadla arrimaha la xiriiro magdhowga khasaarihii madaniga ahaa ee dhibbanaha saa gaaray. (Qodobka 14aad XHCS).

Saas darteed dhibbanaha waa inuu ku caddeeyaa codsiga magdhowga:

Sheeyga Cadadka iyo Qiimaha

Wuxuu awood u leeyahay inuu keeno caddeyn, laakiin wax raad ah kuma yeelan karo hubinta mas`uuliyada. Maxkamadda waxay codsiga jawaab ka bixi kartaa marka ay go`aamiso mas`uuliyadda eedaysanaha kuna xukunto ciqaab. Dacwadda waxay ku soo gabagabooneysaa:-

1. Xukun kama dambeys ah oo lagu Go`aamiyay codsiga dhibbanaha ee ku saabsan magdhowga iyo dib u soo celinta.

2. Go`aan sii deyn ah oo kama dembeys ah.

44

Page 46: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

3. Amar lagu tilmaamayo in codsiga aan la qaadan Karin, qodobka 130aad farqadiisa 2aad ee XHCS ayaa lagu taxay xaaladaha codsiga aan la aqbali Karin

CUTUBKA LIXAAD

Qoraallada Dacwadda

Xeerka Habka Ciqaabta wuxuu qoraallada dacwadda uga hadlayaa qeybta 4aad ee Buugga 1aad. Qoraallada dacwadda waxaa loo qeybiyaa sida tan:-

1. Qoraalllada Garsooraha.2. Qoraallada Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.3. Qoraallada Kaaliyayaasha Maxkamadaha.

Qoraallada ugu muhiimsan ee uu soo saaro Garsooraha waxaa ka mid ah go`aanka uu ku soo afjaraayo dacwadda ama qeyb ka mid ah (sentence). Garsooraha wuxuu go`aan gaaraa marka uu si madaxbannaan u qiimeeyo qoraallada iyo caddeymaha dhinacyada ay horkeenen, asagoo iska ilaaliya in aysan marnaba raad ku yeelanin faragelin dibadda uga timaada, wuxuuna u hogaansamaa Sharciga keliya.

Go`aannada uu ku dhawaaqo Garsooraha sida ay qabaan qodobada 84, 86, 122, 123, X.H.C.S, waxay noqon karaan go`aan ciqaab, go`aan siideyn ama go`aan istaajin dacwo.

Go`aannada uu soo saaro Garsooraha sida uu qabo qodobka 84aad ee X.H.C, waa inay noqodaan qoraallo taariikheysan, saxiixan na.

45

Page 47: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Garsooraha wuxuu kaloo soo saari karaa go`aanno ka duwan kuwa uu kusoo afjaraayo dacawdda kuwaas oo kala ah, amar iyo dekreeto.

Amar waxaa loola jeeda go`aanka garsooraha uu ku xallinaayo arrimaha soo ifbaxa dooda dacwadda ka horeysa, dooda dhexdeeda ama fulinta.

Dekreetada waa go`aan ay soo saari karaan Garsooraha iyo Xeer-ilaaliyaha waxaana ka mid ah Dekreetada Maxakamdda layskaga yeero, tan laysku soo xiro oo uu soo saari karo Garsooraha keliya.

Marka la soo koobo amar iyo dekreeto waxaa lagu kala saari karaa sida tan:- amarka wuxuu leeyahay dabeecad garsoor, Dekretadana waxay leedahay dabeecad maamul.

Qoraallada Xeer-Ilaaliyaha

Marka laga reebo Dekreetada oo ah qoraal ay soo wada saari karaan Garsooraha iyo Xeer-ilaaliyaha Guud, Xeer-ilaaliyaha waxaa u gaar ah Codsiga iyo Rekusitooriya.

Codsiga waa qoraalka Xeer-ilaaliyaha ku dhaqaajiyo dacwadda Rekuisitoriyadana waa qoraallada uu Xeer-Ilaaliyaha soo saaro inta dacwadda lagu jiro.

Xeer-Ilaaliyaha waa inuu soo saara Codsi sababeysan iyo Rekuisitorya faahfaahsan. Inta ay dacwaddu socoto Rekuisitooryada xeer-ilaaliyaha waxaa la soo jeedin karaa Af ahaan inta doodu ay socoto wixii intaas ka baxsan waa qoraal.

Qoraallada Kaaliyayaasha

Maxdarka Dacwadda

Maxdarka dacwadda waxaa lagu qeexi karaa qoraal uu sameeyo sarkaal dawladeed si loo cadeeyo howlgallada iyo caddeymaha uu asga qabto ama uu qabtay sarkaal dawladeed oo kale oo asaga kaaliye u ah. Maxdarka dacwadda waxaa lagu kalsoonaa karaa ilaa laga keeno dacwo been abuur ah ayadoo aan wax loo dhimeynin qiimeynta falalka iyo cadeymaha ku cad.

46

Page 48: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Maxdarka wuxuu noqonayaa wax kama jiraan marka ay dhacaan larrimahaan soo socda:-

1. Haddii uusan taariikh lahayn.2. Haddii aan lagu xusin dhinacyada ka soo qeyb galay.3. Hadduuna saxiixnayn.

Maxdarka dacwadda waa in lagu xusaa:-

1. Meesha lagu qoray, Sanndadka, Bisha, maalinta, iyo haddii loo baahdo saacadda uu bilowday ama uu xirmay.

2. Magacyada dadka ka soo qeyb galay.3. Howlgallada la sameeyay iyo natiijooyinka ka dhashay.4. Caddeymaha ay sameeyeen dadka ka soo qeybgalay.5. Waxkasta oo dadka shaqada ku leh ay amraan in lagu daro.6. Saxiixa Sarkaalka qoray (qod. 94aad x.h.c.)

Ogeysiiska

Ogeysiiska waxaa lagu qeexi karaa qoraalka uu kaaliyaha qof kale ku ogeysiinaya qoraal uu soo saaro garsooraha, Ogeysiinta waxay noqonaysaa wax kama jiraan:-

1. Haddii qoraalka la ogeysiiyo qof kale asagoo aan dhameystirneyn.

2. Haddii loo geeyo qof aan ahayn qofkii loogu talagay.3. Haddii aan ogeysiinta aan la soo dhajinin xaaladaha uu

sharciga qabo.4. Haddii uu shaki ka jira waqtiga ogeysiinta ama uu shaki ku

jiro qofka wax la ogeysiinaya.5. Haddii aan la wargelinin Qareenka lagu magacaabay

Dekreeto ku saabsan in aan la heli Karin.

Qaabka Qoraallada

Qodobka 84aad ee X.H.C. wuxuu tilmaamayao in Go`aannada lagu soo afjaraayo dacwadda amaba Rafcaanka laga qaadan karo. Go`aannada la xiriira xoriyada shaqsiga iyo waarantiyada noockastaba ay ahaadaan waa in ay noqodaan kuwa qoran,

47

Page 49: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Qoraalka qoran waxaa dabayaala saxiixa qofka qoray, saxiixa waxaa loola jeedaa qoraal lagu sameeyay gacanta oo ku saabsan Magaca, Magaca Aabaha iyo Magaca Awoowaha oo lagu qoro dhamaadka qoraalka sida uu qabo qodobka 81aad ee Farqadiisa 2aad, Haddii qofka la rabo inuu saxiixo uusan garaneynin sida wax loo qoro, qofka diyaarinaya qoraalka wuxuu hubinayaa aqoonsiga qofka, ka dibna meeshii saxiixa ayuu suulka saarayaa.

Haddii qofka saxiixa laga rabo uusan wax qori Karin, suulkana uusan saari Karin, qofka qoraalka gacanta ku haaya wuxuu ku qorayaa warqadda qeybta hoose in qofkaan waxba uusan saxiixi Karin sida uu qabo qodobka 89aad farqadiisa 3aad,

Muddeynta

Muddeynta waa waqtiga loo qabto qof inuu ku dhameystiro ama ku keeno qoraal dacwadeed wuxuu u kala baxaa:-

1. Waqti dhacaaya- oo ah mid la rabo in qoraalka lagu keeno waqtigaas dhexdiisa, haddii la keeni waayana uu waqtiga kaa dhacaayo.

2. Waqti aan dhaceynin- oo ah midka la rabo in waqtigaas lagu keeno hayeeshee haddii lagu keeni waayo waqtiga dhexdiisa uusan waqtiga kaa dhaceynin.

3. Mid xiran- oo ah midka la rabo in lagu keeno ama lagu sameeyo qoraalka keliya marka muddada dhammaato haddii ka hor la keenana waxay nqonaysaa in qoraalka uu noqodo ba’aba. Waxaa mithaal ahaan u soo qaadan karnaa muddada loo qabtay qofka inuu ku yimaado Maxkamadda horteeda, oo muddadaas ka hor uusan imaan Karin.

Qoraallada aan loo marin qaabka sharciga tilmaamayo

Sharciga wuxuu tilmaamayaa qaab ama waqti mucayan ah oo la rabo in loo maro sameynta qoraal dacwadeed.

Haddii waqtiga kaa dhaco qoraalka wuxuu noqonayaa baa’ba ama wax kama jiraan, haddii qaabka aad raaciweydo miithaal

48

Page 50: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

ahaan in aad faahfaahiso sababaha asbaata rafcaanka, qoraalkaaga wuxuu noqonayaa mid aan la aqbali Karin.

Waxaa la kala saaraa qoraal wax kama jiraan ah (Null) iyo qoraal aan jirinba (Inexistent).

Go`aan markuu yahay wax kama jiraan waa la sixi karaa ka hor ama inta ay socota dacwadda, laakiin jiritaan la`aanta lama sixi karo sababtoo ah waxay taabanaysaa Dacwadda oo dhan ama qeyb iyada ka mid ah. Mithaal ahaan waxaan u soo qaadan karnaa: go`aan la gaaray iyadoo xeer-ilaaliyaha oogin dacwadda, go`aan uusan soo saarin garsoore, Go`aan lagu soo saaray qof aan jirin. Xaaladahaas oo dhan waxay keenayaan in dacwadda oo dhan wax laga soo qaadin, qoraalka wuxuu noqonayaa wax kama jiraan markasta oo sharciga si cad u tilmaamo mithaal ahaan ikhtaas la`aanta maadiga ah ee garsooraha, Ikhtisaaska dhuleed, Xaaladaha uu garsooraha Dacwadda uusan gali Karin, Caddeynta Eedaysanaha oo sida sharciga uu tilmaamayo loo gaadin, saxiix la `aanta go`aannada garsoorka, sababayn la`aanta Go`aannada garsooraha, ku xadgudubka qodobada ka hadlaayo caddeymaha aan la qaadan Karin,

Qodobada aan kor ku soo sheegnay waxaa dheeri ku ah arrimaha ku xusan qodobka 91aad. Qodobka 91aad ee XHC wuxuu si cad uga hadlayaa seddex arrimood oo ay qasab tahay in la dhowro haddii mid ka mid ah la dhowri waayo dacwadda noqonayso mid wax kama jiraan ah.

Seddexdaas qodob waxay kala yihiin:-

B) Qaab Dhismeedka Maxkamadda.T) Ka Qeybgalka Xeer-Ilaaliyaha Guud ee dacwadda.J) In Eedaysanaha loo sameeyo guddi difaaco dacwadaha

qasab tahay inuu yeesho wakiilo.

Qaab Dhismeedka iyo inta Garsoore ay Maxkamaddu yeelanayso waxay ku xusan yihiin Sharciga Nidaamka Garsoorka.

Haddii Eedaysane dacwadiisa ay qaado qeybta Dembiyadda culus ee Maxkamadda Gobolka dacwaddana uu qaado Guddoomiyaha

49

Page 51: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

iyo hal xubin meeshii la rabay inay ka qaadaan Guddoomiye iyo laba xubin sida uu qabo qodobka 3aad farqadiisa 4aad ee NGS, dacwadaas waxay noqonaysaa wax kama jiraan (Null and Void),

Qodobka 8aad ee Nidaamka Garsoorka iyo qodobka 12aad farqadiisa 10aad ee XHC, waxay qeexayaan in dacwadda uu oogo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ama ku xigeenadiisa, sidaas darteed ka qeybgalka dacwadda Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waa lagama maarmaan. Haddii Xeer-ilaaliyaha dacwadda uusan ka soo qeyb galin, dacwada waxay noqoneysa wax kama jiraan.

Qodobka 14aad farqadiisa 2aad ee N.G.S, wuxuu tilmaamayaa haddii eedaysanaha lagu eedeeyo Dembi ciqaabtiisu tahay Dil toogasho, Xabsi daa`in ama xabsi ka badan 20 sano in uu u baahan yahay guddi Qareeno oo difaaco, hadduusan awoodin inuu qareen qabsado Maxkamadda ayaa u magaabaysa.

Haddii Eedaysanaha la Maxkamadeeyo asagoo haysan Guddi difaaca dacwadda oo dhan iyo go`aannada ka soo baxa waxay noqonayaa wax kama jiraan.

CUTUBKA Toddobaad

Tallaabooyinka ka horreeya soo xirista Eedeysanaha

Maxay tahay dacwad ciqaab

Dacwad Ciqaab ah waa:- talaabooyinka lagu Maxkamadeynayo qof ama koox dad ah oo geystay ama la aaminsan yahay in ay geysteen fal dambiyeed ku xusan Xeerka Ciqaabta Caadiga ah ama Xeer Ciqaabeedyo kale oo gaar ah, sida xeerka

50

Page 52: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

nabadgelyada Waddooyinka iyo Xeerka nabadgelyada guud. Dacwadda Ciqaabta ah waxay oogantaa xaaladahan soo socda:-

Marka la helo warbixin dembi, Marka la helo Cabasho ama ashtako gaar ahaan xaaladaha

Dacwadda Ciqaabta ah lagu dhaqaajiyo codsi dhibbane.

WARBIXIN DEMBI

Warbixin dembi waa akhbaarta la xiriirta dembiga oo loo gudbiyo Garsooraha, Xeer-Ilaaliyaha ama sarkaal Boolis fiiri qodobka 17aad ee XHCS. Warbixinta dembiga waxaa geyn kara xafiisyada kor ku xusan Saraakiisha Guud iyo xirfadlayaasha Caafimaad oo ogaaday inuu dhacay dembi Xafiis ahaan loo dhaqaajin karo, iyo dhibbanaha dembiga dhibka ka soo gaaray xaaladaha qaar. Xeer-ilaaliyaha iyo sarkaal boliis waxay warbixin dembi ku heli karaan si qarsoodi ah, sababtoo ah qofka warbixinta gudbinaaya ayaan rabin in magaciisa la ogaado. Xeer-ilaaliyaha iyo sarkaalka boliis waxay xaq u leeyihiin in ay sirta dhowraan, Garsoorahana kuma qasbi karo in ay u gudbiyaan warbixinta dembiga ay ku heleen sida qarsoodiga ah, iyo in ay u sheegaan magaca qofka ay warbixinta ka heleen. Arrintaan macnaha ka dambeeya wuxuu yahay in la dhiirrigeliyo in qof kasta oo la kulanta ama ogaata faldembiyeed ay sida ugu dhaqsiyaha badan warbixinta dembiga ugu gudbiso xafiisyada shaqada ku leh.

Warbixinta Sarkaalka guud

Sarkaalka guud ee ogaada dembi xafiis ahaan loo dhaqaajin karo waxaa waajib ku ah in uu warbixin u gudbiyo Hay`adaha aan soo tilmaannay. Qod. 18 x.h.c. ma kala caddeynaayo in Sarkaalka guud ay waajib ku tahay inuu warbixinta gudbiyo keliya marka uu la kulmo dembi xafiis ahaan loo dhaqaajin karo marka uu shaqadiisa ku guda jiro, ama marka uusan shaqadiisa ku guda jirin intaba.

51

Page 53: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Su’ashaan jawaabteeda waxaan na siinaaya qod. 282 x.c. oo ciqaab muteysiinaya Sarkaalka guud oo aan u gudbinin, ama la daaha inuu gaarsiiyo xafiisyada garsoorka ee shaqada ku leh, warbixin dembi oo uu la kulmay inta uu ku guda jiro shaqadiisa.

Saas darteed Sarkaalka guud ee la kulma ama ogaada dembi asagoo fasax ku jira ama saacado ka baxsan kuwa shaqada, wuxuu la mid noqonaya mu’waadin caadi ah, oo gudbinta warbixinta dembiga waxay khasab ku noqoneysa keliya markuu la kulmo dembiyada lidka ku ah shaqsiyadda Dawladda.

Keenista warbixinta Sarkaalka guud waqti laguma xirin, laakin waa waajib in la keeno. Warbixinta waxaa loo dhiibi karaa qoraal ahaan iyo af ahaan. Markii loo keeno qoraal ahaan waa in ay saxiixnataa, haddi af ahaan tahayna, qofka qabanaya warbixinta ayaa laga rabaa inuu qoro, uuna ka saxiixo qofka keenay.

Warbixin caafimaad

Warbixi caafimaad waa tallaabada Xirfadleyaasha caafimaad (dadka fidiya kaalmo caafimaad sida takhatiirta, umulisayaasha iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad) ay ugu gudbinayaan Garsooraha, Xeer-ilaaliyaha iyo boliiska warbixin caafimaad ee muujineysa dembi oo ay la kulmeen inti ay fidinayeen kaalmadooda caafimaad. Sida uu qabo qod 284 x.c. haddii aan la geynin ama lala daaho, xirfadlaha caafimaad wuxuu mutesanayaa ciqaab, saas darteed warbixinta caafimaad waa in aan lala daahin oo lagu keenaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xirfadlaha caafimaad wuxuu ku qasban yahay inuu gudbiyo warbixin caafimaad marka ay jiraan shuruudaha hoos ku qoran:

Markii xirfadlaha caafimaad la kulmo dembi xafiis ahaan loo dhaqaajin karo

Haddii uu la kulmo dembiga inta uu fidinaayay kaalmada caafimaad

Xirfadlaha caafimaad kuma qasbana inuu gudbiyo warbixin caafimaad marka uu ogaado in warbixintaan u keeni karto qofka uu daaweynayay in lagu furo dacwad ciqaab. Waxaa sidaas loo

52

Page 54: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

yeelay sababo bania’adannimo, maxaa yeelay haddii xirfadlayaasha qasab looga dhigo in ay warbixin gudbiyaan mar walba ay la kulmaan dembi, waxaa dhici karta in dad badan oo u baahan kaalmo caaafimaad in aysan u tegin xirfdlayaasha caafimaad, ayagoo ka baqaaya in la xiro.

ASHTAKO

Ashtako waa tallaabada qof mu’aaddin ah uu ku ogeysiinaayo Xeer-ilaaliyaha, ama Sarkaal boliis warbixin dembi oo lid ku ah shaqsiyadda Dawladda, oo ciqaabtiisu tahay dil toogasho ah, ama xabsi daa’in.

Muwaa’dinka ka war hela dembi ciqaabtiisu tahay dil ama xabsi daa’in, oo aan ashtako u gudbinin xeer-ilaaliyaha,ama Sarkaal boliis waxaa lagu qaadayaa dembiga geyn la’aan ashtako sida ku xusan qodobka 283 x.c.

Ashtako waxaa kaloo lagu magacabaa tallaabada qof aan aheyn muwaa’din uu ugu gudbinaayo xafiiska xeer-ilaaliyaha, ama Sarkaal Boliis warbixin ku saabsan dembi xafiis ahaan loo dhaqaajin karo, asagoo aan ku qasbaneyn.

CABASHO DHIBBANE

Caadi ahaan dembiyada culus sida dilka, kufsiga waxaa loo dhaqaajiyaa xafiis ahaan, ha yeshee waxaa jira kuwo si loo oogo u baahan in uu dacwada dhaqaajiyo dhibbanaha uu dhibka ka soo gaaray dembiga. Xaaladaha loo baahan yahay codsiga dhibbanaha si loo dhaqaajiyo dacwadda, sharciga ayaa si cad u timaamaya, waxaa ka mid ah dembiyo ciqaabtooda ay fududahay, sida dhaawac fudud, aflagaado,ku xadgudub guri dad leeyahay.

Saas awgeed Qofkasta oo Dhibbane ah oo uu dhib ka soo gaaray dembi loo geystay oo aan aheyn dembiyada xafiis ahaan loo dhaqaajin waxa uu Cabasho u gudbin karaa Hey`adaha ay

53

Page 55: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Khuseyso, si loo bilaabo oogitaanka Dacwad ciqaab ah si waafaqsan qodobka 84, Xeerka Ciqaabta.

Cabashada dhibbanaha waa la keeni karaa, waana iska dhaafi karaa, waa ka tanaasuli karaa, waana la noqon karaa. Haddii aan la keenin cabashada, dacwadda ciqaabta ma bilaaban karto, haddii la keeno oo lala noqdo dacwad lama socodsiin karo, Xeer-ilaaliyaha wuxuu Garsooraha ka codsanayaa in uu soo saaro go’aan dacwadda lagu istaajinaayo..

Xaqa Cabashada lama adeegsan karo ama lama isticmaali karo marka ay jiraan xaaladaha hoos ku xusan:-

1. Marka uu si cad ama si dadban qofka uga tanaasulo xaqiisa.2. Marka uu furto dacwad Madani ah oo uu ku dalbanaayo

magdhowga khasaarihii soo gaaray.3. Ama laga gaaray heshiis khasaarihii ka dhasahay

dembigaas.

Cabashada dhibbanaha waxaa lagu geyn karaa qaab afka ah ama qoraal ah. haddii ay hadal afka ah tahay Maamulka ay gaartay waa inuu diiwaan geliyaa, una aqriyaa qofka dhibbanaha ah ka dibna ka saxiixaa. Sidoo kale Cabashada Qoraalka ah waa in uu ku saxiixan yahay dhibbanuhu Cabasho dhibbane ee dembiyadda lagu dhaqaajiyo codsiga dhibbanaha waxaa si faah-faahsan ugu hadlaayo qodobada 21aad ee XHCS iyo qodobada 84aad iyo qodobka ku xiga XCS.

Oogista Dacwadda

Oogis Dacwadda ciqaabta waxay bilaabataa

Marka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu soo jeediyo Eedeynta,

Marka Xeer-ilaaliyaha uu ka codsado Garsooraha in dacwadda la joojiyo

Marka Xeer-ilaaliyaha uu u gudbiyo Garsooraha arkivisionaha.

54

Page 56: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Oogista Ciqaabta ma ahan micnaheeda in markasta Eedeysanaha lagu xukumo ciqaab sababatoo ah marka uu Xeer-ilaaliyaha uu ka codsado Garsooraha in aan dacwadda la socodsiinin waxay la mid tahay go`aan lagu sii deynayo Eedaysanaha. Halkaas waxaa ka cad in Xeer-ilaaliyaha ilaalinaayo in qof dembiile ah uusan marna ka fakanin gacanta Dawladda, oo Maxkamadda horteeda lagu hubiyo inuu dembiga galay iyo inuusan gelin.

Saas darteed marwalbo Xeerilaaliyaha waxaa ka go`an in sharciga la dabbaqo oo runta laga gun gaaro. Go’aanka ha noqdo mid eedeysanaha lagu sii deynayo ama lagu xukumaayo, waxaa muhiim ah in laga hortago in dembiile ah aan la ciqaabin. Markii la xukumo Eedaysanaha iyo markii Xeer-ilaaliyaha uu ka codsado Garsooraha in dacwadda la joojiyo iyo marka dacwadda la arkifiyareeyo, intaba Xeer-ilaaliyaha wuxuu ka shaqeynayaa in sharcigu taliyo oo aan la baalmarin.

Sifooyinka Oogista Dacwadda

Sifooyinka oogista waa kuwa hoos ku qoran:-

Oogista dacwadda waa caam, sababtoo ah marka dacwad la oogayo waxaa la meelmarinayaa cadaaladda si loogu daneeyo bulshada.

Dacwad oogista waa qasab sababtoo ah Xeerilaaliyaha siduu rabo kama yeeli karo dacwad oogista, wuxuu ku qasban yahay in marwalba uu oogo dacwadda xaaladaha sharciga tilmaamayo.

Dacwad oogista lagama noqon karo, lama laali karo, lama joojin karo xaaladaha aan ka aheyn kuwa sharciga tilmaamayo, mithaal ahaan qodobka 111 x.h.c. wuxuu la hadlayaa in Xeer-ilaaliyaha wax ka beddeli karo eedeynta kulligeed ama qeeyb ka mid ah inta lagu guda jiro heerka kowaad ee dacwadda, qod. 112 oo ka hadlaya in Xeer-ilaaliyaha la noqon karo eedeyntiisa, qod 124 x.h.c. haddi maxkamadda eedeysanaha ku hesho dembi ka duwan kii lagu soo edeeyay, Sifadaan waxay qiimo ka leedahay dacwadda derajada koowaad, marka la joogo Rafcaanka

55

Page 57: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

XeerIlaaliyaha wuu ka tanaasuli karaa Rafcaanka uu qaatay xaaladaha uu sharciga u baneenayo.

Dacwad oogista ma qeybsami karto- dacwadda waxaa lagu oogaa dadka fal dembiyeedka galay oo dhan, saas darteed dembiyada si loo dhaqaajiyo loo baahan yahay cabashada dhibbanaha, oogista dacwadda ciqaabta waxay ku fideysaa dadka dembiyadda isla wada galay oo dhibbanaha cabasha uu ka keenin, haddii cabasahada lala noqodo hal qof oo ka mid ah kuwa dembiga wada galay oogista dacwadda looguma oogi karo kuwa kale sababtoo ah oogista ma qeybsami karto.

CUTUBKA SIDEEDAAD

BAARISTA DEMBIYADA

1. Derajada ka horreysa doodda

Hadafka laga leeyahay derajada doodda ka horreysa waxay tahay in laga hortago in la bilaabo dacwad aan loo bahneyn, derajadaan waxaa lagu hubiyaa haddii ay jiraan ama haddii aysan jirin asbaab cudurdaar u noqon karaa in dacwadda loo gudbiyo derajada koowaad .

Systemka ciqaabta Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaama “darajda doodda ka horreysa” :-

baarista dacwada ee booliiska, Howlaha doodda ka horreeya ee Xeerilaaliyaha guud iyo

kuwa ku xiga ee garsooraha.

Baarista dacwadda ee Booliiska

Shaqada boliiska waxaa ka mid ah:-

Inay qabtaan akhbaarta dembiyada sida ashtakada muw’aadinka, cabashada dhibbanaha, riboorka sarkaalka guud, riboorka xirfadleeda caafimaadka.

56

Page 58: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

U gudbinta akhbaarta dembiyada Xeerilaaliyaha iyo Garsooraha ikhtisaaska u leh.

Baarista lagu raadinaayo dembiilayaasha, uruurinta caddeymaha, soo xiridda qofka lagu helo asagoo fal dembiyeed faraha kula jiro.

Akhbaarta dembiga, Raadinta dembiilayaasha iyo Caddeyntooda waxay gooni u tahay Xeerilaalinta iyo Booliska. Ciidanka boliiska gaar ahaan, waxaa waajib ka saaran yahay baarista dembiyada ayagoo ka amar qaadanaay ama ku shaqeynaaya awaamirta Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Taliye kasta oo saldhig boolis marka uu dhaco fal- dambiyeed ama ay soo gaarto warbixin dembi dhacay, waxaa waajib ku ah:-

Inuu warbixinta si deg deg ugu gudbiyo Xeer Ilaalinta iyo garsooraha ku shaqda leh.

Inuu isla asaga wado baarista dembigaas ama ciidammada hoos yimaada asagoo ku kormeeraya, si loo gaaro ugu dembeynta runta. Inta lagu guda jiro baaritaanka, baaraha dacwadda waxaa u furan:-

Inuu cidkasta wax weydiiyo haddii ay la noqoto inuu wax ka ogyahay arrinta.

Inuu qoraal ka dhigo qiraalka qofka iyo arrimaha saameeya waxa la baarayo,

In uu ka gungaaro nooca dembiga hadduu yahay dembi xafiis ahaan loo dhaqaajin karo ama mid loo baahan yahay codsi Dhibbane,

Gebagebada baarista dembiyada

Baaraha loo xilsaaray dacwadda waxaa laga doonayaa in uu maalin kasta wixii arrin oo ku soo biira ku qoro xusuus qor sida uu qabo qodobka 25aad ee x.h.c.s., isagoo ku qoraya waxyaabaha soo socda:-

57

Page 59: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Taariikhda ay baaristu bilaabatay iyo goorta ay gebagebowday si ay halkaas ugu muuqato muddada baaristu qaadatay.

Howlaha la qabtay muddadii baaritaanku socday si la isugu dheellitiro muddada iyo howsha amaba loo qiimeeyo habka iyo arrimaha la soo baaray

Xaaladaha baaritaanka ka soo ifbaxay Faahfaahin lagu muujinaayo waxyaabaha baarista u noqoday

caddeyn, ha ahaadeen qiraal, raad, qalab, maal, Markhaati, iwm.

Amarrada xiridda dadka dembiga ku lugta leh ama baarista goobaha la tuhunsan yahay inuu faldembiyeedka ka dhacay.

Go`aannada siideynta, qabashada iyo muddada la dheereeyay ama la soo gaabiyey iwm.

Denbibaaraha wuxuu tafasiisha baarista u gudbinayaa taliyaha saldhigga, haddii denbibaaruhu uusan aheyn taliyaha saldhiga laftiisa.

Baarista waa in si deg deg ah lagu wado haddii aysan daahistu noqon lagama maarmaan, sababo macquul ah dartood,

Taliyaha saldhigu boliisku, markii ay soo dhammaato uruurintu baaristu, waa inuu si habsami leh u qoraa gebagebadii baarista ayadoo la muujinaayo waxyaabaha soo socda:-

Faaleyn tilmaameysa sidii falku u dhacay Tusaaleyn marag muujinti la soo uruuriyay Tilmaanta aqoonsiga Eedeysanaha, iyo Dhibbanaha dembiga

laga galay, dadka xog ogaal u ah dembiga iyo siyaabihii uu u dhacay iyo cid kasta oo tilmaam ka bixi karta dembiga iyo ciddii gashay

Gebagebada baarista oo kor ku tilmaaman, waa in dhaqso loogu diraa xeer ilaalinta, ayadoo ay ku lifaaqan yihiin:-

Uruuruntii baarista (qod: 25 XHC) Qoraal la xiriiray baarista ee laga qoray dadka la baaray

58

Page 60: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Wixii caddeyn ahaan la soo qabtay, nooc kasta ha ahaatee muddadii baaristu socotay fiiri qodo: 39 XHC.

Inta lagu guda jiro baarista baaruhu wuxuu Maxkamadda ku shaqada leh ka codsan karaa soo saarista amar soo qabasho, fatashaad, iama amar xorriyad ku meel gaar.

2. Soo qabasho Amar La`aan

Garsooraha, Xeerilaaliyaha, iyo Sarkaalka Booliiska dhamaantood waxay awood u leeyihiin inay soo xiraan amar la`aan Eedaysanaha, waxaa kaloo amar la`aan soo xiri karaa qof shaqsi caadi ah xaaladaha eedaysanaha dembiga faraha kula jira sida uu qabo qodobka 35aad ee XHC, shaqsiga marka uu qof soo qabto waa inuu si deg deg ah ugu dhiibo ama u gudbiyo booliska.

Qof waxaa la xiri karaa amar la `aan marka lagu qabto asagoo faraha kula jiro fal dambiyeed, sida uu qabo qodobka 37aad ee XHC. Qqof waxaa la dhihi karaa faldembiyeed ayuu faraha kula jiraa:-

Marka lagu qabto asagoo dembiga gelaya, Haddii Sarkaal Boolis ah uu ka daba ordo marka uu dembiga

galay ka dib, Haddii lagu qabto dembiga markuu dhacay ka dib qalab ama

dokumenti la tuhunsan yahay inuu qeeyb ka yahay faldembiyeed, ama waxyaalo muujinaya in uu dembi dhacay .

Soo qabasahada amar la`aanta marna waa qasab marna qasab ma ahan.

In qof amar la`aan la soo qabto waxay qasab tahay markii qof lagu qabto asagoo faraha kula jira dembiyada hoos ku qoran:-

1. Dembi dhammeystiran ama leysku deyay oo lid ku ah shaqsiyada Dawladda .

59

Page 61: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

2. Dembi dhameystiran ama isku day dembiyada ku xusan qodobbada 305,222,229,329,334,418,434,451/3,455,460,480,485,494 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed..

Soo qabashada Amar La`aanta ah waxay qasab aheyn

Qofka lagu qabtay asagoo faraha kula jiro:-

Faldembiyeed ciqaabtiisu tahay hal sano iyo wixii ka badan sida ay qabaan qodobbada 553, 542, 335, 61, 335. 375 X.H.C.,

Dembiyada si loo dhaqaajiyo u baahan cabashada dhibbanaha, eedeysanaha waxaa la soo xiri karaa marka uu dhibbanaha caddeeyo in uu dembigaas ka keenayo cabasho.

Marka laga soo tago qof la xiro asagoo fal dembiyeed faraha kula jira, waxaa kaloo qof la xiri karaa amar la`aan marka ay jiraan caddeeymo aan shaki ku jirin oo bayaaninaaya in qofkaas uu dembiga galay .

Gaar ahaan arrimhaan oo kale qofka waxaa la soo xiri karaa marka la hubo in:-

a) Qofka la xiraayo uu galay dembi ciqaabtiisa ugu badan tahay 10 sano ama ciqaab ka culus .

b) Amarka soo xiritaanka si deg deg ah laguma heli karo.c) Haddii si dhaqsi ah loo xirin waxaa suurtagal ah in qofkaas

uu dhuunto.

Sharciga wuxuu kaloo awood u siinayaa Sarkaalka boliis in uu amar la’aan soo xiro qofkii inta loo geeyay amar u soo xaadirid maxkamad, diida inuu sheego magaciisa iyo meesha laga helo, ama siiya sarkaalka boliiska tafasiisha aqoonsigiisa (Identity) oo ay caddahay in ay been yihiin.

Haddii ay taasi dhacdo, sarkaalka boliiska waa inuu asaga laftiisa si deg deg ah u sii daayo qofka uu xiray mar allaale markii la helo tafasiisha aqoonsigiisa iyo meesha laga helo oo sax ah.

60

Page 62: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Qofka la xiray amar la’aan (aan ka aheyn qofka loo xiray inuu diiday inuu sheego tilmaamaha aqiinsigiisa) waa in 48 saac gudahood loo geeyo garsooraha ikhtisaaska u leh dacwadda, ama haddii la waayo xafiiska garsooraha ugu dhow meesha lagu xiray.

Sarkaalka boliiska markuu qofka geynayo xafiiska garsooraha waa inuu diyaariyo reboor ay ku qoran yihiin:

Siduu falka u dhacay iyo sababaha keenay soo qabashada Tilmaamidda haddey suurtogal tahay aqoonsiga qofka la

soo xiray, dhibbanaha iyo dadka noqon kara markhaatiyaasha

Tilmaamidda caddeymaha la soo uruuriyay

Garsooraha marka uu ka gun gaaro reboorka wuxuu qaadan karaa go’aannada soo socda:

Inaan dacwadda lagu socodsiin Karin eedeysanaha, iyo in la sii daayo marka ay dhacaan xaaladaha ku xusan qod. 70 x.c.

In qofka la soo xiray xurriyaddiisa la siiyo, haddii dembigu yahay mid aan loo baahneyn amar soo qabasho, ama haddii soo qabashada u dhicin sida sharciga tilmaamayo

Sharciyeynta soo qabashada, iyo soo saarid amar xabsi ku meel gaar ah (haddii aan la siin xurriyad ku meel gaar ah). Haddi ay noqoto in la geliyo xabsi ku meel gaar ah, Garsooraha waa inuu eedeysanaha si qeexan ugu sheegaa dembiga loo heysto, iyo in uusan wax qiraal ah bixin, hadduu bixiyana caddeyntaas noqon doonta mid asaga lid ku ah.

Garsooraha su’aalo ma weydiin karo qofka la soo qabtay, laakin qofka la soo xiray si iskiisa ah ayuu garsooraha caddeyn ugu sheegi karaa, haddii sidaas dhacdo garsooraha wuxuu weydiin karaa su’aalo la xiriira caddeynti uu bixiyay.

Garsooraha waa inuu maxdarka ku qoraa qiraalka uu sameeyay qofka lagu soo xiray amar la’aan.

Soo qabashada Eedeysanaha ayadoo la haysto amar qabasho

61

Page 63: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Waxaan horay u soo aragnay in Sarkaalka boliiska uu soo xiri karo eedeysanaha amar la’aan, marka lagu tuhmo in uu galay dembiyada uu sharciga si cad u tilmaamayo.

Waxaa jira xaalado Sarkaalka boliiska si uu qof u soo xiro uu u baahan yahay amar qabasho oo uu soo saari karo keliya Garsooraha dacwada ikhtisaaska u leh laga bilaabo darajada kowaad, ama Guddoomiyaha Maxkamadda ikhtisaaska u leh heer iyo darajo kasta ay dacwadda mareyso.

Si loo soo saaro amar qof lagu soo xiro waxaa loo baahan yahay in ay jiraan hubsasho ku saleysan:-

a) In dembigu dhacay.b) In Eedeysanuhu galay.

Amar qabashada waa in ay ku cad yihiin arrimaha hoos ku xusan:-

a) Tilmaanta Xafiiska amarku ka soo baxay.b) Taariikh la soo saaray.c) Magaca saddaxan, da`da, meesha, Shaqada iyo deegaanka

eedeysanaha d) Falkii oo kooban iyo dembiga lagu xirayo.e) Shaabadda xafiiska qoray iyo saxiixa cidda qortay.

Amarka soo qabashada marna waa khasab, marna khasab maaha

Amarka qabashada Eedeysnaha wuxuu khasab yahay marka ay jiraan asbaab la rumeysan karo in eedeysanah uu galay dembiyada hoos ku xusan:-

Dembiyada ku qoran qod: 35: ee XHCS.Dembi kasta oo ciqaabtiisu aysan ka yareyn 10 sano, ama mid ka culus

Arrinta ku xusan qod. 47 farqaddiisa affaraad ee XHCS, oo ah marka eedeysanuhu jebiyo shuruudahii damaannada, ama haddii ay jiraan sababo la rumeysan karo oo sheegaya in uu ka tagayo dalka.

62

Page 64: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Amarka soo qabashada wuxuusan khasab ahayn marka eedeysanaha lagu tuhunsan yahay inuu galay:-

Dembi aan ciqaabtiisu ka yareyn 6 bilood. Marka ayadoo Maxkamadda looga yeeray la helay

maclumaad inuu waddanka ka dhoofay, amaba uu dhoofi rabo, amaba uu diiday inuu Maxkamadda hor yimaado.

Marka uusan Maxkamadda horteeda ku imaanin waqtiga, iyo meesha ku qoran amarka u yeeridda, ayadoo aysan jirin arrin sharci oo ka horistaagtay.

Badbaadin caddeyn

Sarkaalka boliiska ee loo xilsaaray baarista dembiga wuxuu awood u leeyahay in uu amar la’aan Garsoore badbaadiyo caddeynta faldembiyeedka, haddii la rumeysan yahay in deg deg jirto, oo waqtiga loo baahan yahay in la helo amar garsoore, ay suurtogal tahay in la baa’biyo ama wax laga beddelo caddeynta.Marka laga reebo xaaladaha kor ku xusan, si loo badbaadiyo caddeyn waxaa loo baahan yahay in la helo amar garsoore.Amar badbaadin caddeyn waxaa la soo saari karaa marka si dhab ah loo rumeysan yahay in caddeyntaas ay quseeyso faldembiyeedka sida uu qabo qod. 55 x.h.c.

Amarka soo qabashada waa in lagu xusaa:- Tilmaanta garsooraha soo saaray Taariikhda la soo saaray Asbaabta loo amray Tilmaan bixinta sheyga la soo qabanaayo, iyo qofka la

rumeysan yahay in uu sheygaasi haayo. Saxiixa qofka soo saarayo iyo shaabadda xafiiska (qod. 54/1)

Amarka qabashada lama fulin karo inta u dhaxeysa lixda maqribnimo ilaa toddobada subaxnimo, haddii aysan jirin deg deg, ama Garsooraha amarka soo saaray uusan si cad u bixinnin .fasax (qod.56/1 x.h.c).

63

Page 65: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Asal ka mid ah amarka qabashada waa in gacanta laga saaro qofka la rumeysan yahay in ay heyso sheyga la rabo in la qabto.(qod 52x.h.c.).

Sarkaalka boliiska haddii qofka sheyga haya uu diido inuu iska wareejiyo, wuxuu uga qaadi karaa khasab, haddii uu rumeysan yahay in ay rabto in ay qariso.(qod 57/1 x.h.c.)

Qareennada iyo khabiirrada qasab loogama qaadi karo dokumentiga loogu dhiibay si ay waajibkooda uga soo dhalalaan, haddii dokumentigaas aysan ahayn qalabki faldembiyeedka loo isticmaalay (the subject of the crime) sida uu qabo qod. 57aad x.h.h.

Sarkaalka boliiska mar allaale markuu soo qabto sheyga, waa inuu si deg deg ah ugu gudbiyaa Garsooraha shaqada ku leh ama xafiiska Garsooraha ugu dhow meesha amarka badbaadinta sheyga lagu fuliyay, asagoo tilmaamaya asbaabta keentay in sheyga la qabto, iyo natiijada ka dhalatay. (qod. 58 x.h. c.).

Amar soo xaadirid Maxkamadeed

Amar soo xaadirid Maxkamadeed waa amarka lagu ogeysiinaya Eedaysanaha ku jira xabsi ku meel gaar ah inuu hor yimaado Maxkamadda shaqada ku leh horteeda waqtiga iyo meesha lootilmaamo si uu uga jawaabo eedayn macayin ah.Garsooraha ikhtisaaska u leh dacwadda ayaa soo saari kara amarka soo xaadirid Maxkamadeed. Amarka waa in lagu qoraa:-

Garsooraha soo saaray amarka soo xaadiridda:- Taariikhda la soo saaray. Tafaasiisha aqoonsiga eedaysanaha, ama haddii aan la

garaneynin waxaa lagu qorayaa siyaabaha kale ee aan shakiga ku jirin oo loo sugi karo aqoonsiga eedaysanaha.

Taariikhda la soo saaray. Falalka Fal-dambiyeedka ka kooban yahay Saxiixa Sarkaalka soo saaray iyo shaabadda Maxkamadda.

64

Page 66: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Haddii qofka Maxkamadda horteeda looga yeeray u ku imaan waayo waqtiga iyo meesha ku qoran amarka soo xaadiridda, Maxkamadda waxay amri kartaa in booliska keeno eedeysanaha Maxkamadda horteeda.

Tallaabooyinka xiga soo xirista eedeysanaha

Xabsi ku haynta Xorriyad ku meel gaar ah Siideynta qofka lagu xiro amar xiritaan sharci darro ah.

Xabsi ku meel gaar ah

Fulinta amar soo xirid waxay keeneysa in eedeysanaha laga qaado xurriyaddiisa, oo si kumeel gaar ah xabsi loogu hayo. Xabsi ku heynta ku meel gaarka ah ee eedeysanaha waxaa looga dan leeyahay in laga hortago in uusan wax ka bedalin caddeymaha, in uu hor yimaado Maxkamadda horteeda iyo ugu dambeyn in lagu fuliyo go’aanka lagu xukumay.

Sharciga wuxuu ka hortagayaa in aan eedeysanaha xabsiga leysaga heynin si sharci darro ah, sidaas awgeed si inta ay socoto baarista dembiga aan loogu xadgudbin xuquuqda eedeysanaha, waxaa khasab ah in eedeysanaha la horgeeyo Garsooraha toddabadii maalmood ba mar. Haddii amarkaan la fulin waayo, Sarkaalki fulin waayay wuxuu muteysanayaa in dacwad lagu furo haddii falkaasi uu noqdo faldembiyeed, haddii kale Garsooraha wuxuu amrayaa in la anshahmariyo sida uu qabo qod 47/3.

Eedeysanaha lagu soo xiray amar la’aan, waa in 48 gudahooda laga bilaabo waqtigi la soo xiray la horgeyo Garsooraha shaqada ku leh hortiisa. Eedeysanaha lagu soo xiray amar Garsoore waa in la geyaa Garsooraha hortiisa sida ugu dhaqsiyaha badan sababtoo ah amrka laftiisa ayaa damaanad u ah. Haddii amarkaan la fulin waayo, Sarkaalki fulin waayay wuxuu muteysanayaa in dacwad lagu furo haddii falkaasi uu noqdo faldembiyeed, haddii kale Garsooraha wuxuu amrayaa in la marsiiyo anshaxmarin sida uu qabo qod. 32 X.H.C.

65

Page 67: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Xorriyadda shaqsiga waxaa damaanad qaadaya qod 65 X.H.C. oo tibaaxaya “ Garsooraha dacwadda ikhtisaaska u leh haddii u rumeysan yahay in qof si sharcidarro ah looga qaaday xorriyaddiisa shaqsiga ah, falkaasi na uu yahay dembi, wuxuu soo saari karaa amar baaritaan oo lagu baadigoobayo qofkaas. Haddii qofka la helo, Sarkaalki baaritaanka sameeyay waa inuu qofkaas Garsooraha horkena, si uu u sii daayo qofka la xiray, qofkii dembigaas galayna dacwad lagu soo oogo.

Garsooraha awoodda u leh marka la horkeeno eedeysanaha, ka dib marka uu hubiyo in la dhowray hamnaanka sharcigu tilmaamayo oo la xiriirto soo qabashada iyo muddo horkeenista ee ku tilmaaman sharciga, waxuu soo saarayaa amar xabsi ku hayn si waafaqsan qod: 46aad ee XHCS, wuxuuna amrayaa in eedeysanaha xabsi lagu hayo, lana horkeeno eedeysanaha Maxkamadda horteeda si waafaqsan shuruudaha amarka.

Mudda xabsi ku heynta eedeysanaha waa in aanay dhaafin:-

90 Maalmood, haddii dembiga loo heysto eedeysanaha uu noqodo ikhtisaaska garsoore ee qeybta assisi ee Maxkamadda Gobolka, kaa soo ciqaabta sharcigu u dhigayo tahay dil ama xabsi daa`in.

60 Maalmood, dembiyada kale ee hoos yimaada ikhtisaaska qeybta assisi ee Maxkamadda Gobolka, isla markaane aan aheyn dil iyo xabsi daa`in.

45 Maalmood dembiyada hoos yimaada ikhtisaaska garsoor ee qeybta caadiga ah ee Maxkamadda Gobolka.

15, Maalmood marka dembigu uu hoos yimaado ikhtisaaska garsoor ee qeybta ciqaabta ee Maxkamadda Degmada, fiiri qodo: 47aad ee XHCS.

Sii Deynta iskeeda u Dhaceyso (Automically)Si looga hortago in eedaysanaha xabsiga leyskaga haayo si aan sharciga waafaqsanayn, wuxuu sharciga jaan gooyay muddeyn la xiriirta waqtiga ugu badan ee eedaysanaha xabsiga lagu hayn karo.

66

Page 68: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Haddii uu dhammaado waqtiga ugu badan loguna talagay in eedaysanaha xabsiga lagu haayo, waxaa la soo saaraya amar lagu sii deynnaayo eedeysanaha. Amarka lagu sii daynayo eedaysanaha wuxuu shardiyi karaa waajibaad si loo hubiyo in Eedaysanaha Maxakmadda horteeda yimaado mithaal amar in uu meel mucayin ah joogo ama inuu marwalba sheego dhaqdhaqaaqiisa.Haddii eedaysanaha ka soo dhalaali waayo waajibaadka la saaray ama la rumeysan yahay inuu wadanka ka dhoofi rabo taas waxay keeneysaa in mar kale loo jaro amar soo qabasho.Xabsiga ku meel gaarka wuxuu ka bilaabanayaa maalinta la soo xiro eedaysanaha wuxuuna ku eg yahay taariikhda la soo saaray amarka soo xaadirista Maxkamadda.

XORIYAD KU MEEL-GAAR AH

Eedaysanaha ku jira xabsiga ku meel gaarka ah waxaa la siin karaa xoriyad ku meel gaar ah, Garsooraha ayaa eedaysanaha siin kara una diidi kara xoriyad ku meel gaar ah asagoo u hogaansamaayo sida sharciga tilmaamayoMarka qof la xiray la sii daayo waxaa la dhahaa qofkaas wuxuu bannaanka ku jogaa xorriyad ku meel gaar ah.

Inta uusan garsooruhu sii deyn waxaa lagu shardiyaa waajibaad iyo damaanad (Qod: 59,XHC).

Waajibaadka loo xilsaari karo eedeysanaha la siiyay xurriyad ku meel gaar ah waxaa ka mid ah tusaalooyinkaan soo socda:-

Eedeysanaha kama bixi karo magaalada ilaa dacwaddiisa laga gaaro xukun ama go`aan kama dambays ah.

Eedeysanuhu ha yimaado 7da fiidnimo iyo siddeeda subaxnimo saldhiga booliska, hana saxiixo warqad ama buug loogu talagalay si loo hubiyo joogitaankiisa (Eeg qod: 61.XHCS)

67

Page 69: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Damaanadda waxaa eedeysanaha u qaadi karaa qof kale ama eedeysanaha iyo qof kale si wadajir ah, waxay noqon kartaa damaanad dhaqaale ama qof ahaan. Eedeysanaha lama siin karo xorriyad ku meel gaar ah marka xiritaanku yahay qassab sida dembiyada ku tilmaaman qodobka 35 XHC iwm.

Garsooraha la horkeenay iyo Guddoomiyaha Maxkamadda ku shaqada leh ayaa bixin karaa ama la noqon karaa xorriyad ku meel-gaar ah (qod: 60, XHC).

Siideynta eedeysanaha waxay ku xiran tahay sida uu ku guto shuruudaha xoriyada ku meel-gaarka ah.

Marka amarka qabashada lagu qoro isla xorriyada eedeysanaha oo ah ku meel gaar, cidda fulineysa amarka qabashada waa ay in sii deysaa, marka uu guto shuruudaha ku qoran isla go`aankaas.

Xorriyadda ku meel gaarka waxaa la bixiyaa marka la dhiibo damaanad ku saabsan lacag, oo ay tahay in Garsooraha uu dhigo Maxkamadda ama balanqaad in lacagtaas la bixiyo haddii eedaysanaha ka soo dhalaali waayo waajibaadka la dul saaray. Amarka siinta xoriyada ku meel gaarka waxaa lagu qoraa:-

1. Lambarka iyo tafaasiisha qofka damaaanadda qaaday.2. Inta la egtahay cadadka damaanada.3. Lacagta la dhigay Maxkamadda ama la dhiibi doono, haddii

eedaysaha ka soo dhalaali waayo waajibaadka la dul saaray.Dib uga noqoshada Xorriyadda ku meel gaarka

Garsooraha dib wuu la noqon karaa xoriyad ku meel gaarka wuxuu soo saari karaa amar soo qabasho.

1. Haddii uu eedaysanaha uu ku soo dhalaali waayo waajibaadka la dul saaray.

2. Haddii la rumeysan yahay inuu dalka ka tagay ama uu ka tagi rabo.

3. Cadadka damaanada ma aha mid ku haboon, sababtoo ah waxaa la ogaaday in si qayaano ku jirto loo yareeyay, ama uu qalad dhacay.

68

Page 70: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

4. Qofka damaanadda bixiyay ama mid ka mid ah kuwa damaanadda bixiyay wuxuu codsanayaa in laga daayo damaanada sababa la garowsan karo awgood,

5. qofka damiintay oo dhintay ama la rumeysan yahay inuu dalka ka dhoofay.

Qofka Damaanada bixiyay ee codsaday in damaanada laga dhaafo, damaanada waxaa laga dhaafaya goorta eedaysanaha lagu soo xiro amar xiritaan sida uu qabo qodobka 63aad ee XHC, Haddii la hubiyo in lagu xadgudbay waajibaadka la saaray eedaysanaha, si lagu sii daayo garsooraha wuxuu amri karaa in lacagtii la dhigay Maxkamadda lagu shubo khasnada dawladda.Haddii qofka damaanada bixiyay ama balanqaaday inuu lacagta damaanada bxin doono uusan ku bixinin cudur daar la`aan waqtigii loogu talagalay waa in la soo qabtaa si uu ku bixiyo lacagta ayadoo la raacayo fulinta go`aananada Madaniga.

Sii daynta qofka lagu xiro amar xiritaan sharci darro ah:-

Maxkamadda Sare ama Maxkamadda Rafcaanka inta ku eg ikhtisaaskeeda waxay qaraar ku soo saari karaan in qofkii lagu xiro go`aan xiritaan oo aan sharci ahayn ama xaaladaha kale ee aan ahayn kuwa uu sheegay sharcigu in markiiba xorriyaddiisa loo celiyo.

Codsiyada la xiriira siidayn shaqsiga ku xiran qaab sharci darro waxaa lagu hagaajin karaa Maxkamadda Sare ama tan Rafcaanka midkood, Maxkamadda codsiga noocaasi la horgeeyana waxaa looga fadhiyaa in ay siidayso shaqsiga lagu xiro sharci darro, ka dib marka ay hubiso inuu jiro xarig sharci darro ah.

Eedeysanaha waa inuu ka hor dhageysiga dacwadda helaa maxkamadeyn caddaalad ah. Arrintaas waxay salka ku heysaa mabaa’dii Caalami ah kuwaas oo ah:-

1. Qod: 9aad farqadiisa 1aad ee heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda madaniga iyo siyaasada, qodobka 15aad ee

69

Page 71: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Dastuurka KMG iyo 28aad iyo 66aad ee XHC. Waxay dhammaantood ka hadlayaan in Eedeysanaha xaq u leeyahay inuu helo maxkamad caadil ah

2. Xaqa in si dhaqso ah loo horgeeyo Garsoore Caadil ah oo awood u leh qaadista dacwadiisa fiiri farqada 3aad ee qodobka 9aad ee heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda rayidka iyo siyaasada, qodobka 35aad ee Dastuurka KMG iyo 39aad ee XHMS,

3. qodobka 7aad ee heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda madaniga iyo siyaasada iyo qodobka 15aad ee Dastuurka KMG wuxuu tibaaxayaa in aan qofna loo geysan Karin jirdil.

4. Qodobka 35aad ee Dastuurka KMG, qodobka 14aad ee nidaamka Garsoorka 1962, iyo qodobka 15aad ee XHCS. Waxay ka hadlayaan in eedeysanuhu xaq u leeyahay in uu qareen qabsado, hadduusan awoodinna ay Dawladdu u qabato

CUTUBKA SAGAALAAD

Shaqada Xeer-Ilaalinta ka hor dhageysiga Dacwadda

Heerka darajada doodda ka horreysa waxay ka bilaabaneysa waqtiga Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka uu gebagebeeyo baarista Booliiska, waxayna ku egtahay marka Garsooraha u uu aqriyo eedeysanaha eedda loo heysto. Sida aan horay u soo aragnay, Xeer-ilaaliyaha wuxuu bilaabayaa oogista dacwadda ciqaabta, goorta ay boliiska akhbaarta dembiga soo gaarsiyaan xafiiskiisa. Haddaba Xeer-ilaaliyaha inta uusan oogin dacwadda waa inuu marka hore si hordhac ah u qiimeyaa caddeymaha lagu muujiyay gebagebada baariista boliiska. Xafiiska Xeer Ilaaliyuhu si hordhac ah ayuu u qimeeynayaa caddeymaha ku tilmaaman gebegabada baarista Booliiska kadibna wuxuu qaadi kara saddex tallaabo midkood, oo kala ah in uu xiro galdacwadeedka, in uu Garsooraha ka codsado in

70

Page 72: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

dacwadda la joojiyo, iyo in dacwadda la muddeeyo dhageysigeeda. Xiridda galdacwadeedka

Marka ay ula muuqato in caddeynta la soo uruuriyay aysan aheyn mid ku filan oo Eedeysanaha Maxkmad lagu horkeyn karo, ama wuxuu awoodaa inuu amro xiro gal dacwadeedka sida uu tilmaamayo Qodobbada 70 iyo 72, ee XHCS.Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud wuu qaadi karaa talaabadan asagoo nuqul ka mid ah tallaabada u gudbinaaya Xeeer-ilaaliyaha guud. Xeer-ilaaliyaha guud markuu arko tallaabada uu qaaday ku xigeenkiisa wuxuu awoodaa in uu ku ayido galeynta dacwadda, ama haddii ay la noqoto uu amro in caddeymo kale la raadiyo, ama uu muddeeyo dhegeysiga dacwadda. Haddii Xeer-ilaaliyaha guud uu asaga laftiisa soo saaro tallaabada galeynta dacwadda, ama uu ayido galeynta uu sameeyay ku xigeenkiisa, wuxuu tallaabada galeynta u gudbinayaa Garsooraha ku shaqada leh, eedeysanahana wuu ogeysiinayaa, Ssda uu qeexayo qod. 72 X,H,C.

Go’aanka ku sabsan in aan Eedeysanaha dacwadda lagu socondsiin Karin

Xeer-ilaaliyaha wuxuu Garsooraha ka codsan karaa in aan dacwadda la scodsiin Karin, xaaladaha aan dacwadda la socodsiin Karin waxaa qeexaya qod. 70 X.H.C., waxaana lagu soo koobi karaa labo qeybood, oo kala ah:-

Asbaabo la xiriira dulucda dacwadda Asbaabo la xiriira habka (procedure)Asbaabaha la xiriira dulucda dacwadda waxaay isugu soo biyoshubanayaan laba xaaladood, faldembiyeedka ma dhicin, iyo Eedeysanaha ma gelin faldembiyeedka.

71

Page 73: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Waxaa la dhihi karaa faldembiyeedka ma jiro, haddii falki lagu jebiyay qodobki lagu soo eedeeyay Eedeysanaha uusan ba jirin, taas oo ku imaan karta haddii aan loo heynin wax caddeyn ah in falka dhacay, iyo haddii la helo caddeyn laga dheehan karo in falka uusan dhicin.Eedeysanaha ma sameeynin faldembiyeedka- Halkaan waxaa ka muuqda in faldembiyeedka dhacay, laakin uusn Eedeysanaha dembiga gelin. Xaaladdaan waxay jireysa haddii la waayo wax caddeyn ah in Eedeysanaha uu dembiga galay, ama loo helo caddeyn in Eedeysanaha uusan dembigaas gelin.Asbaabta ku saabsan habka waxaa laga hadli karaa marka aan loo baahneyn in la galo dulucda dacwadda, ha yeyshee ay jiraan asbaabo ku saabsan habka oo keeni karaa in dacwadda aan lagu socodsiin Karin Eedeysanaha. Xaaladaha habka ku saabsan waxay imaanayaan marka ay caddaato in:- Eedeysanuhu aanu aheyn eed qaad, oo ah marka

Eedeysanaha uusan laheyn awood uu wax ku fahmo, ama wax ku qabsado

Eedeysanaha aan la ciqaabi Karin sababtoo ah waqtigi dembi waa dhammaaday fiiri qod. 73 X.H.C.

ama la cafiyay ama laga laabtay cabashada xaaladaha dambiga lagu

dhaqaajiyo cabasho Dhibbane, ama eedeysanihii uu geeriyooday ama eedeysanaha horay go’aan kama dambeys ah

maxkamad ugu xukuntay isla falka hadda loo heeysto. Marka ay dhacaan arrimaha kor ku xusan Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu ka codsanaya Maxkmadda awoodda u leh in ay soo saarto go’aan ku saabsan in dacwadda la joojiyo, ayadoo isla marahaantaas qaadaysa talaabooyinka kale ee ku haboon, fiiri qodobka 70aad ee XHCS,

Muddeynta dhageysiga dacwadda

72

Page 74: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Qod 70aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu darajada doodda ka horreysa ku soo afjaraa goorta Xeer-ilaaliyaha ka codsado Garsooraha in uu muddeeyo dhageysiga dacwadda. Xaaladdaan waxay u baahan tahay in Xeer-ilaaliyaha ku qanco in dembi dhacay uuna galay Eedeysanaha, lana haayo caddeyn ku filan oo Maxkamad lagu horkeeni karo. Halkaan waxaa ka dhalan karta su’aal ah maxeey ku kala duwan yihiin caddeynta loo baahan yahay in Xeer- ilaaliyaha ku qanco in ay jiraan caddeyn ku filan oo Maxkamada lagu horgeyn karo Eedeysanaha, iyo caddeynta loo baahan yahay si Eedeysanaha loogu xukumo markii ay soo afjaranto dacwadda darajada kowaad.Caqliga saliimka ah wuxuu noo tilmaamayaa in labo arrimood kala duwan yihiin, sababtoo ah marka la joogo darajada doodda ka horreysa waxaa jira isku halleyn leysku halleynaayo in Eedeysanaha maxkamad la horgeynaayo oo arrintiisa si qoto dheer loo lafaguraayo, darajooyin kala duwanna ay mari karto. Laakin marka dacwadda soo gabagabowdo, Garsooraha waxaa laga doonayaa in uu go’aankiisa noqdo mid aan wax shaki ah ku jirin. Xeer-ilaaliyaha marka uu ka codsado Garsooraha muddeynt dacwadda wuxuu qoraa warqadda Eedeynta Fiiri Qod: 71, ee X.H.C.S, wuxuuna u diraa garsooraha ku shuqulka leh, asaga oo weydiinaya ama codsnayo in doodii la muddeeyo.

Shaqada Garsooraha ka hor dhageysiga dacwadda

Sida aan horay u soo aragnay Xeer-ilaaliyaha guud wuxuu ku soo gebagabeeyn karaa darajad doodda ka horreysa saddex siyabood, inuu dacwada galeeyo, inuu Garsooraha ka codsado in uu soo saaro go’aan dacwadda lagu istaajinaayo, ama inuu ka codsado Garsoora inuu dacwadda muddeeyo. Garsooraha marki Xeer-ilaaliyaha soo gaarsiiyo galeynta dacwadda wuxuu qaadayaa tallaabooyinka soo socda:-

73

Page 75: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Inuu sii daayo Eeedeysanaha xabsiga ku jira Inuu Eedeysanaha la siiyay xurruyadda ku meel gaarka kala

noqdo ama ka qaado waajibaadki la dulsaaray Inuu Eedeysanaha ku jira xaalad badbaadin kala noqdo

caaladdaas.Haddii Xeer-ilaaliyaha ka codsado Garsooraha inuu soo saaro gi’aan dacwad istaajin, Garsoorha wuxuu soo saaraya go’aan lagu istaajinaayo dacwadda, kadibna wuxuu qaadaya tallaabooyin xiga. Kuwaas oo ah: Garsooraha waa inuu amraa siideynta eedaysane si deg deg ah haddii eedaysanuhu ku xiran yahay xabsiga, Waxaa kale oo uu garsooruhu amraa ka noqoshada talaabooyinka amniga haddii ay jiraan talaabooyin eedaysanaha horey loo saaray, haddii eedaysanuhu uu ku jiray damaanad wuxuu amrayaa baabi`inta (Tirtiridda) culeyska damaanadeed ee lagu waajibiyay si waafaqsan tilmaamaha farqada 2aad ee qodobka 59, lagana xureeyo damiinta dammaanaddii waxaana loo celinayaa curaartii ka taalay Maxkamadda, si waafaqsan tilmaamaha xarafka a farqada 1 ee qodobka 61.

Garsooraha ku shaqada lehi marka ay soo gaarto eedaynta XeerIlaalinta Guud ee Qaranka waa :-

1. Inuu muddeeya doodda maalintii, mesha iyo saacadda la qaadi doono.

2. Inuu qoro qoraalka soo wadista ama u yeerista eedaysanaha ayadoo loogu lifaaqayo warqaddii eedeynta.

3. Inuu amro gaarsiinta muddeynta doodda eedaysanaha, XeerIlaalinta, Dhibbanaha iyo markhaatiyaasha.

4. In loo qbto eedeysanaha qareen markii sharcigu qasab ka dhigayo asaguna uusan qabsan Karin qareen difaaco.

Qorista eedda

74

Page 76: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Shaqada ugu hareyso ee laga sugayo Xafiiska XeerIlaalinta marka uu ku qanco gungaarka boliiska, ayna la noqoto in dambi dhacay Eedeysanuhuna yahay cida geysatay, waa qoridda xaanshida eedda, sida uu qabo qodobka 71aad ee XHCS, xaanshida eeda waxay noqonaysaa laba nuqul oo isku mid ah waana in laga helaa shuruudaha hoos ku xusan:-1. Magaca Hey`adda sameysay warqadda eedda.2. Taariikhda la soo saaray.3. Astaamaha guud ee qofka eedeysanaha ah, haddii aan la

garanayn, tilmaamo kale oo caqligal ah oo si sugan loogu aqoonsan karo.

4. Dembiga lagu eedeeyay oo uu wehliyo hadal qeexan oo muujinaya falka dhismaha dembigu ku qotomo oo ay ku jirto waqtiga uu dembigu dhacay iyo goobta dembigu ka dhacay iyo qofka ama shayga dembiga lagu galay, waana in ay ka muuqataa ama lagu muujiyaa dhammaan tiirarka fal dembiyeedka lagu eedaynayo eedeysanaha oo mid mid loo kala dhig dhigay.

5. Sharciga iyo qodobada ciqaabta ee lagu xadgudbay,6. Xusid daruufaha cusleysiiya dambiyada, iyo duruufaha keeni

kara in talaabooyin ammaan laga qaado eedeysanaha,7. Astaamaha guud ee qofka dhibbanaha ka ah dembiga iyo

qofkasta oo sida wax u dhaceyn macluumaad ka haya.8. Tilmaamida haddiiba eedeysanaha lagu hayay xabsi iyo

haddii uu yahay dibad joog.9. Saxiixa mas`uulka sameeyay eeda iyo shaabbada xafiiska

Inta lagu jro dhageysiga dacwadda ee Maxkamadda derajada koowaad xafiiska XeerIlaalinta waxaa u furan in uu wax ka bedalo eeda marka ay maxkamaddu ka ogolaato, markaana waxaa dhinacyada u furan in ay codsadaan in dhageysigii markhaatiyada hore loo dhageystay lagu celiyo iyo in la soo bandhigo caddeymo cusub oo la jaanqaadi karo wax ka bedalka eeda, sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa u furan ka dib markii ay maxkamaddu ka oggolaato in uu la laabto eeda ka hor inta aan la soo gabagabeyn dhageysiga dacwadda ee Maxkamadda derajada 1aad, fiiri qodobka 111 iyo 112 ee XHCS.

75

Page 77: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Haddii Eedeysanaha lagu eedayo hal dembi ka badan waa in mid mid loo lambariyaa ama loo qoraa, sidoo kale haddii eedeysanayaashu ka badan yihiin hal qof, waa in xaashida eeda lagu muujiyaa cid walbo dambiga lagu heysto ama lagu eedeynayo, iyo astaamaha eedeysane walbo ugaar ah.Dadka aan lagu oogi Karin dacwad Ciqaabeed

Dadka leh xasaanadda laguma oogi karo dacwad ciqaab, ilaa laga helo oggolaansho hey’adaha ay ka tirsan yihiin. Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyo kuwa Aqalka sare laguma oogi karo dacwad ciqaabeed haddii aan fasax loo haysan, cida kaliya oo fasaxa noocaasi ah bixi karto waa Golaha Shacabka iyo Aqalka sare hadba aqalka uu xildhibaanku ka tirsan yahay sida ku cad qodobada 70 iyo 78aad ee Dastuurka KMG ah. Sidoo kale xubnaha Hey`adda garsoorka sida garsoorayaasha iyo XeerIlaaliyaasha laguma oogi karo dacwo ciqaabeed haddii aanan loo haysan fasax, cidda kaliya ee fasaxaas bixi kartaa waa golaha adeega garsoorka, sida uu qabo qodobka 106aad ee Dastuurka KMGDadka kale oo ayagu leh xasaanadda ama xurmada sida:-Hanti dhowrayaasha, Guddoomiyayaasha Gobolladda, Guddoomiyayaasha Degmooyinka, Guddoomiyaha Golayaasha degaanka waxaa lagu dhaqaayaa sida uu jideeyay qodobka 74aad ee XHCS, oo qeexayo in aanay jiri Karin dacwad oogid la sameyn karo iyadoo aan marka hore laga haysan ogolaansho rasmi ah oo qoraal ah Wasiirka Awqaafta iyo Cadaaladda, sida uu qabo qod. 74aad ee XHC

CUTUBKA TOBNAAD

DACWADA DARAJADA KOWAAD

Doodda Darajada koowaad

76

Page 78: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Doodda Darajada koowaad waxaa loo qeexi karaa sida tan, Howlaha la qabanaayo laga bilaabo furitaanka dooda ilaa dhamaadka dooda.Waxaa muhiim ah in la kala saaro kal fadhiga dhageysiga dacwdda iyo dooda dhageysiga dacwadda sidaan hore u soo sheegnay doodda dhageysiga dacwadda waxay ka bilaabaneysaa furitaanka dacwadda ilaa laga soo saaro go`aanka.Dhinaca kale kal fadhiga dhageysiga dacwadda waa maalin shaqo ee dacwadda la dhageysanaayo waxayna ka bilaabaneysaa waqtiga la furo iyo waqtiga la xero.Dhageysiga Dacwadda ciqaabta ee Darajada koowaad marka la fiiriyo systemka Habka ciqaabta Soomaaliyeed waa dood ku saabsan dacwadda uu soo oogay Xeerilaaliyaha, lana rabo Garsooraha inuu go`aan ka gaaro, Sifooyinka Doodda darajada koowaad waa kuwa hoos ku qoran:-1. Kal fadhiyada doodda darajada koowaad waxay u furan

yihiin dhageysiga dadweynaha laakiin haddii dhageysiga dadweynaha dhibaato u keeni karo nidaamka guud, nabadgelyada anshaxa iyo Caafimaadka waqtiyada ay jiraan jirooyinka saf mareenka ah, Garsoraha wuxuu awood u leeyahay in uu amro in dacwadda lagu qaado qol xiran. Haddii ay saas dhacdo waxaa qolka ku haraaya keliya dadka xaqa ama waajibka u leh inay dacwadda ka soo qeybgalaan.

Waxaa jira dad ay Maxkamaddu u diidi karto in ay dhageystaan doodda sida:-

Dadka gala dembiyadda lidka ku ah dadka iyo hantida. Dadka waalan ama ka yar 14 sano ama sakhraanka. Dadka sita dharka anshaxa aan ku habooneyn Dadka nolosha ka dhintay iyo shaqo lawaayayaasha.

77

Page 79: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Anshaxa Maxkamadda waxaa xil ka saaran yahay Guddoomiyaha Maxkamadaas, hadalkiisu inuu deg deg u fulaa, wuxuuna ka saari karaa goobta doodda qof sita hub ama ku hadla hadallo aan habbooneyn ama bilaabo inuu hadalka dheedheereeyo oo uu ku dhaqaaqo goodis iyo hanjabaad.

2. Dooda kal fadhiyada waxay u dhaceysaa si hadal ahaan (oral), sababtoo ah waxaa la rabaa in Marqaatiyaasha marqaatifurkood ku soo jeediyaan af ahaan si qaabka ay u hadlayaan looga dheehdo inay runta sheegayaan iyo in kale,

3. Dooda darajada koowad waa inay ahaataa mid socota oo isku xiran. Haddii dooda ay ku dhammaan waydo kal fadhiga lagu bibaabay, waxaa la sii socodsiin karaa maalinta ku xigta, haddii aysan noqonin maalin fasax ah, haddiise loo arko in loo baahan yahay in dadka ay nastaan waxaa dib loo dhigi karaa hal maalin.

Dooda waxay u dhaxmareysaa XeerIlaaliayaha iyo difaaca qaab iska hor imaad ah, si halkaas runta uga soo baxdo, saas darteed doodda lama bilaabi karo haddii Eedeysanaha sababo jiro awgood uusan ka soo qeyb gali Karin doodda. Doodda waa inay ka soo qeyb galaan dhinacyada ay khuseyso oo dhan si wax looga weydiiyo arrimaha doodda ku saabsan, ayaguna ay uga hadlaan wax yaabaha khuseeya.

Qaabka ay u Dhaceyso DooddaGuddoomiyaha Maxkamadda wuxuu hubinayaa in Eedaysanaha iyo Xeerilaaliyaha ay joogaan, wuxuu u Magacaabayaa Qareen Xafiis ahaan haddii Eedaysanaha uusan laheyn Qareen, si cad ayuu eedaysanaha ugu aqrinayaa Eedeynta, wuxuuna u sheegayaa jawaabaha uu awoodda u leeyahay inuu bixiyo, kuwaas oo kala ah:-1. Inuu qirto inuu dembiga galay, haddii uu qirto Fal dembiyeed

ciqaabtiisu aysan ka yareyn 10 sano, Garsooraha isla markiiba wuxuu ku dhawaaqi karaa go`aanka. Haddiise

78

Page 80: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

ciqaabta tahay mid ka badan 10 sano ama la rumeysan yahay in qiraalka eedaysanaha uusan aheyn run, Maxkamadda ama Garsooraha wuxuu amrayaa in la sii wado keenista iyo qiimeynta caddeymaha.

2. Inuusan dembiga qiranin- haddii tani dhacdo dhegeysiga doodda iyo keenista caddeymaha ayaa sii soconayaa.

3. Inuu soo jeediyo ishortaag-Eedeysanaha wuxuu caddeynayaa inuusan eed qaad aheyn sababo la xiriira:

fal dembiyeedka oo baaba`a noqoday, Eedaynta oo la socodsiin Karin, Garsooraha oo aan dacwadda ikhtisaas u laheyn ama

lambarka la rabo in Garsoorayaasha ka koobnadaan oo aan kaamil aheyn

Faldembiyeedka lagu soo eedeeyay eedeysanaha oo dacwadiisu ka furan tahay Maxkamad kale,

Eedaynta uma dhicin sida sharciga uu qabo, iyo Xaalad kasta oo kale oo eedeysanaha uu isleeyahay waa isku difaaci kartaa, fiiri qodobka 105aad ee X.H.C.

Garsooraha waa inuu go`aan ka gaaraa Haddii ay run yihiin ama been yihiin ishortaagyada uu Eeyasanaha soo jeediyay haddii Garsooraha uu oggolaado ishortaagyada ku saabsan eed qaad la`aanta, ama baaba`a fal dembiyeedka dacwadda waa joojinayaa, Haddii Garsooraha uu oggolaado ishortaagga ikhtisaas la`aanta garsooraha, wuxuu galka u gudbinayaa Maxkamadda ikhtisaaska u leh. Haddii uu oggolaado ishortaagga ku saabsan in Eedeynta la socodsiin Karin wuxuu soo saarayaa go’aan lagu joojiyo dacwadda. Haddii garsooraha oggolaado ishortaagga ku saabsan in isla fal dembiyeedkaan dacwaddiisa ka furan tahay Maxkamad kale, wuxuu galka u gudbinayaa Maxkamadda shaqada ku leh waa hadduu u arko in dacwadda uusan asaga ikhtisaas u laheyn. Haddii uu arko in asaga laftiisa uu iktisaas u leeyahay dacwadda, wuxuu ku dhawaaqayaa iska horimaad ikhtisaas.Ugu dambeystii haddii garsooraha uu oggolaado ishortaagga ku saabsan in eedaynta aysan waafaqsaneyn Sharciga wuxuu

79

Page 81: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Xeerilaaliyaha ku amrayaa inuu soo beddelo eedeynta sida sharciga waafaqsan, haddii la diido ishortaggaan, Garsooraha wuxuu amrayaa in dooda sii socota.Shaqada Xeerilaaliyaha Guud

Marka laga hadlayo Doodda Habka ciqaabta Soomaaliyeed, howsha XeerIlaaliyaha Guud waxaa nidaaminaya Nidaamka Garsoorka ee 1962dii. XeerIlaaliyaha Guud ee Qaranka markuu dacwadda oogayo wuxuu si kooban u caddeynayaa:-

1. Nooca faldembiyeedka lagu oogay Eedaysanaha.2. Nooca caddeynta uu rabo inuu saldhig uga dhigo Eedayntiisa

sida uu qabo qodobka 110, 163 ee XHC. Sababtoo ah waxaa saaran culeyska ah inuu caddeeyo in faldembiyeed dhacay, eedaysanaha fal dembiyeedkaas galay,

Caddeynmaha waxay ku xusan yihiin bogga 3aad ee XHCS, sida uu qabo qodobka 114aad ee XHCS, Garsooraha wuxuu bilaabayaa inuu qabto caddeynmaha. Markii uu soo gabagabeeyo qabashada caddeynmaha Garsooraha haddii uu arko in caddeynta la keenay aysan ku filneyn inay caddeeyaan in Eedaysanaha dembiga galay, wuxuu Xeerilaaliyaha weydiinayaa inuu rabo inuu la noqdo eedaynta ka dibna wuxuu joojinaya dacwadda, Dacwo joojinta waxay la mid tahay Go`aan sida uu qabo qodobka 115aad ee XHCS,

Xeerilaaliyaha wuxuu wax ka badeli karaa eedaynta, haddii wax ka badelidda eedaynta la sameeyo ka dib dooda markay bilaabato, Xeerilaaliyaha iyo Eedaysanaha waxay:

1. Su`aalo ku saabsan wax ka bedelida eedaynta weydiin karaan marqaatiyaasha horey loo dhageystay.

2. Keeni karaan caddeymo hor leh oo ku saabsan wax ka badelka eedaynta, haddii eedaysanaha uu codsado in muddeynta loo dhereeyo si uu u soo diyaarsado difaaciisa ku saabsan wax ka badelka eedaynta, waa in la siiyaa muddo macquul ah oo uu ku soo diyaargaroobo.

80

Page 82: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Marka doodda la dhexgalo oo aan la gabagabeyn xeerilaaliyuhu wuxuu soo jeedin karaa inuu la noqdo eedeynta haddii sharciga oggol yahay, Maxkamadduna awood bay u leedahay iney oggolaato ama ay diido kala noqoshada eedda eedeysanaha (Fiiri qodobka 112,XHC,,)XeerIlaaliyuhu ka dib hadalka waxaa la siinayaa eedeysanaha iyo Qareenkiisa si uu iskaga difaaco oo su`aal uga jeediyo.Marka labada dhinacba dhameystaan marag muujintooda hadaan dhibbanuhu jeedsaneynin codsi magdhow, Maxkamadda waxay u diyaargaroobeysa in ay soo saarto go’aan. Marka go`aanka ama xukunka Maxkamadda soo shaac baxo labada dhinac (Xeerilaalinta iyo eedeysanaha) waxaa u furan rafcaan qaadasho dib laga keeno ama isla markaaba lagu qoro maxdarka dooda. kaaliyaha Maxkamadda ayaa u xilsaaran ku qorista iyo gudbinta rafcaanka iyo gaarsiinta dhinaca laga qaatay, ogeysiinta iyo asbaabta rafcaanka labaduba.Maxdarka iyo Gal Dacwadeedka.Maxkamad kastaa waa in ay dooddeeda ku qortaa maxdar sida ku cad qod: 132 ee XHC Soomaaliyeed, Maxdarka waa in laga helaa arrimaha hoos ku qoran:-

Goobta, Sanadka, bisha, Maalinta dhageysiga la sameeyay, iyo waqtiga uu furmay iyo kuna xirmay dhageysigu iyo waqti kasta oo la joojiyo dhageysiga iyo waqtiga dib loo ambaqaadayo.

Magacyada xubnaha Maxkamadda Astaamaha faahfaahsan ee eedaysanaha iyo waxkasta oo

kale oo lagu aqoonsan karo isaga, astaamaha guud ee dhinaca dhibbanaha magaca wakiilka XeerIlaaliyaha Guud iyo magacyada dhamaan wakiilada iyo qareenada kale.

Astaamaha faahfaahsan ee maragyada iyo turjumaanada iyo tixraacyada ay ku dhaaranayaan.

81

Page 83: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Awaamiirta iyo go`aannada Maxkamadda iyo asbaabtoodaba.

Diidmada codsiyada iyo dalabaadka ay sameeyaan dhinacyadu.

Faahfaahinta ku saabsan marag muujinaha lagu soo bandhigay Maxkamadda horteeda.

Qoraalada caddeymihii eedeysanuhu sameeyay fiiri qodobada 92 iyo 132 ee XHCS,

Sidoo kale dacwad kastaa waa in ay lahaataa gal dacwo waa in ay ku dhaxjirtaa gal dacwadeedka dhamaan qoraaladii asalka ahaa ee doodda, waana in laga dhexhelaa:-

1. Xukunada ama go`aannada Maxkamaddu gaartay.2. Qoraalka eedda iyo haddii la bedelay wixii lagu bedelay.3. Maxdarka doodaas oo hadaladii daadu ku qoran yihiin siiba

inta goor ee dib loo dhigay doodda iyo sababaha keenay in dib loo dhigo.

4. Muujinta in eedeysanaha loo sheego in uu xaq u leeyahay rafcaan.

5. Qoraal u gaar ah jawaabtii laga bxiyay codsigii dhibbanaha .6. Caddeyntii iyo asbaabihii rafcaanka haddii la qaatay

CUTUBKA KOW IYO TOBNAAD

MARAG MUUJIN

Marag muujinta sharci ahaan waa caddeymo loo gudbiyo Maxkamadda shaqada ku leh si runta looga gaaro arrin leysku edeeyay oo baaris ku socoto. Ugu dambeysti go’aannada Maxkamadda waa in ay noqdaan kuwo ku saleysan xaqiiqo ka soo ifbaxday caddeymaha Maxkamadda la horkeenay.

Qodobka 135aad X.H.C, wuxuu tilmaamayaa arrimaha ay tahay in laga caddeeyo dooda dhexdeeda. Qodobkani wuxuu qadaa dhigayaa in marag muujinta ku saabsan tahay keliya in la caddeyo jiritaanka iyo jiritaan la`aanta arrimaha leysku haysto iyo

82

Page 84: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

arrimaha kale oo sharciga u arko inay yihiin muhiim (relevant facts)

Culeyska Caddaynta DambigaXafiiska Xeer-ilaalinta waxaa saaran mas’uuliyadda caddeynta in fal dambiyeed uu dhacay, eedaysanaha uu yahay qof galay sida ay qabaan qodobbada 110aad iyo qodobka 163aad ee XHCS qodobka dambe wuxuu si gaar ah u tilmaamayaa in Xafiiska Xeerilaalinta ay waajib ku tahay in uu si aan shaki ku jirin u caddeyo:-

In la galay faldembiyeedka In eedeysanaha uu yahay qofka galay dembiga

Eedeysanaha marna ma saarna culeyska ku saabsan in uu keeno caddeymo muujinaaya inuu dembiga gelin, ha yeshee Eedaysanaha waxaa u furan in uu iska difaaco caddeymaha uu xafiiska Xeerilaalinta keenay iyo in uu soo qaddimo caddeymo uu isaga rogayo caddeymaha Xafiiska Xeerilaalinta sida uu qabo qodobka 116aad ee XHCS.Noocyada Caddeymaha

Caddeymuhu waa fara badan yihiin noocyo badan ayeeyna u kala baxaan, annaguse waxaan halkaan ku soo koobeyna kuwa ugu muhiimsan kuwaas oo kala ah:

a) Qiraal.b) Marag,c) Dokumenti.d) Ra`yiga khubarada iyo kuwa kale.

QiraalQiraal waa hadal afka ahaan loo yiri ama qoraal ahaan lagu soo saaro, oo uu sameeyo qof lagu eedeeyay dembi, kaas oo caddeynaya ama muujinaya soo bandhig in uu dembiga galay, fiiri qodobka 149aad ee XHCS. Qiraalku waa inuu ku yimaadaa raalli

83

Page 85: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

ahaanshaha qofka, qiraal kasta oo eedaysanuhu bixiyo sababo la xiriira dhiirigalin, cabsigelin, ama balanqaad wuxuu noqonayaa, mid aan Maxkamadda horteeda loo isticmaali Karin ama aan lagu saleyn Karin go`aan maxkmadeed fiiri qodobka 150aad ee XHCS.Qiraalka si uu u noqodo qiraal sax ah waa in loo qoraa si waafaqsan qodobka 68aad ee XHCS, Eedeysanuhu waa ka noqon karaa qirashada dembiga xilli kasta oo dhageysiga dacwadda darajada kowaad mareyso ka hor intaanu xukun soo bixin, taas oo uu ku badelaayo in aanu galin dembiga. Inkastoo qiraalku uu yahay caddeyn muhiim ah haddana caddeynta eedaha culculus kuma filna qirashada eedeysanaha kaliya, waxaa loo baahan yahay caddeymo kale oo lagu kabo, fiiri qodobka 108aad ee XHCS,Qofka sameynaya qiraal waa inuu ahaadaa:

Qof qaan gaar ah. Qof maskax ahaan u fiyow. qof aan lagu qasbin, la jirdilin ama loo caqajugleynin, ama

ballaqaad loo sameynin oo iskiis qiraal u sameeya Qof waxa uu qiranayo ay yihiin wax macquul ah ama ay

suurtagal tahay in ay dhacaan

MARQAATI FURKAMarqaatiga waxaa la wareysanayaa hadal afka ah ka dib marka uu maro dhaar, iyadoo maxkamaddu ay dadweynaha u furan tahay, eedeysanaha uu goob joog ka yahay.Marka dadka marag furayo ay noqodaan:

a) Madaxweynaha Jamhuuriyaddab) Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka.c) Ra`iisulwasaaraha.

84

Page 86: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Garsooraha dacwadda hortaallo ayaa ugu tagaya goobta ay ku sugan yihiin madaxda sare ku xusan si uu u dhageysto marag furkooda, fiiri qodobka 186aad ee XHCS.Cid kasta oo faldembiyeedka dhacay goobjoog ka ahaa, ama arkay ama maqlay, ama si dadban wax uga og waa marag furi kartaa, haddii Maxkmadda looga yeerane marag furku waa khasab, marka laga reebo dadkan hoos ku qoran:-

Dadka da`dooda aad u weyntahay Dadka jirran ama maskaxdooda fiyoobeen Dadka da`doodu yar tahay

Fiiri qodobka 179aad, 180, iyo 181aad ee XHcSWaxaa jira qaab su’aalaha loo weydiiyo marqaatiga, Marqaatiyada Maxkamadda horteeda ka marag furaayo waxaa la weydiin karaa su`aalo la xiriira waxa ay ka og yihiin dambiga dhacay, si xaqiiqda loo gaaraa waa in dhinacyadu ay fursad u helaan in ay su`aalo weydiiyaan,Su’aalaha la weydinaayo marqaatiga waxay noqon karaan:-

Su`aalo toos ah:- waxaa loola jeedaa su`aalaha maraga uu weydiiyo dhinicii u yeertay, tusaale ahaan haddii xafiiska xeerilaalintu uu marag u yeertay asaga ayaa weydiinayo maraga su`aalo toos ah.

Su`aalo aan toos ahayn:- waxaa loola jeeda su`aalaha maraga uu weydiinayo dhinacii u yeertay ma ahee dhinaca kale, tusaale haddii maraga uu keensaday Xafiiska Xeerilaalinta waxaa eedaysanaha ama qareenkiisa u furan inuu weydiiyo maraga su`aalo aan toos ahayn.

Su`aalaha ku celiska ah: waa su`aalaha uu weydiinayo dhinacii maraga la yimid ama u yeertay, ka dib marka dhinaca kale uu dhameysto su`aalaha aan tooska ahayn.

Maraga marka ugu horeyso waxaa la waydiinayaa su`aalo toos ah, ka dibna haddii dhinaca kale uu doonayo wuxuu waydiin karaa su`aalo aan toos ahayn, ugu dambeyntii cidii u yeeratay ayaa maraga su`aali karta su`aalo ku celis ah.

85

Page 87: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

Su`aalaha tooska iyo su`aalaha aan tooska ahayn, waxay la xiriiraan arrimaha muhiimka ah ( relevant facts), laakiin su`aalaha ku celiska ah qasab ma aha in ay ku xadaysnaadaan xaqiiqooyinka uu maragu ku caddeeyay su`aalihiisa tooska ahaa. Su`aalaha ku celiska ah waxay ku wajahan yihiin faahfaahinta arrimaha lagu sheegay su`aalaha aan tooska ahayn, iyadoo haddii arrimo cusub lagu sheego, oggolaanshaha Maxkamadda ka dib dhinaca dib uga waydiin karo arrinkaas, Caddeynta khabiirkaKhabiirka guud ahaan waa shaqsi qibrad iyo aqoon dheraad ah u leh qeybaha kala duwan ee cilmiga. Haddii Maxkamaddu u baahato in ra’yi cilmiyeysan laga dhiibto arrin leysku heysto, waxay u yeeri karta khabiir arrintaas takhasus ku leh oo ra’yigi ka bixiya. Ra’yiga wuxuu ku saabsanaan karaa aqoonsiga faro laga soo qaaday goobta dembiga ka dhacay, ama qalabkii dembiga lagu galay, sharci dal shisheeye, dokumenti la saaray saxiix been abuur ah, iyo kuwo kaloo badan. Ra`yiga ku saabsan mawduucaas, dadka ku takhasusay xirfadahaas waa xaqiiqo qiimo gal.Marka ay Maxkamaddu lama huraan u aragto in khabiir fikirkiisa ka bixiyo mawduuc gaara, Maxkamaddu waxay tixgelineysa dalabka Xafiiska Xeerilaaliyaha ama eedaysanaha ama iskeedba u magacaabeysa khabiir mowduucaas aqoon durugsan u leh. Marka ay maxkamaddu u yeerto khabiir, waa khasab inuu khabiirka yimaado Maxkamadda horteeda fikirkiisana ka dhiibto arrinta loogu yeeray, kharashaka ku baxaayana waxaa laga bixinayaa khasnada dowladda. Maxkamaddu marka ay magacawdo khabiirka waxay ku wargelinaysaa waajibaadkiisa, waxayna waydiinaysaa su`aalo iyadoo ay goob joog yihiin dhinacyada oo dhan. Marka dabeecada arrinka ama culeyska baaritaanka uusan saamaxeynin in khabiirku markiiba fikirkiisa Maxkamadda u

86

Page 88: snupgd.files.wordpress.com€¦  · Web viewCONTENTS. 1. CUTUBKA KOWAAD: HORDHAC 1 - 11. 2. CUTUBKA LABAAD: GARSOORKA 12 - 21. 3. CUTUBKA SADDEXAAD: IKHTISAASKA CIQAABTA 22 -34

gudbiyo, Maxakamaddu waxay u cayimaysaa wakhti xadidan, kaasi oo ra`yiga lagu soo gudbin karo warbixin qoraal. Haddii khabiirku ra`yigu ku bixiyo qaab qoraal ah waxa lagu lifaaqi doonaa maxdarka garmaqalka, nuqulna waxaa la siinayaa dhinac kasta oo danaynaya, khabiirka waxaa loogu yeeri karaa marag ahaan si uu u bixiyo markay dhinacyada midkood dalbado ama iskeedba Maxkamaddu u go`aansato.

87