26
Ka hel warbixin badan onleenka ee: www.uimn.org P.O. Box 4629 St. Paul, MN 55101-4629 Warbixinta Buugga www.uimn.org 27-ka Oktoobar, 2019 ilaa 24-ka Oktoobar, 2020 Waxa aad u baahantahay inaad ka ogaatid Caymiska Shaqo la’aanta Ka hel warbixin badan onleenka ee: www.uimn.org P.O. Box 4629 St. Paul, MN 55101-4629 Español Esta información está disponible en Español en línea en www.uimn.org/applicants/language/spanish.jsp Hmoob Cov ntaub ntawv no tseem muaj sau uas ntawv hmoob nyob rau txoj sab internet ntawm www.uimn.org/applicants/language/hmong.jsp Soomaliga Akhbaarkan oo Af Somaali ah waxaad ka heli kartaa internetka www.uimn.org/applicants/language/somali.jsp Warbixinta buugaan axaa lagu heli karaa qaab kale adiga oo soo wacayo 651-259-7223. DEED-22A / DEED-00590-31 Rev. 10/2019 Somali

Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

  • Upload
    others

  • View
    0

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Ka h

el wa

rbix

in b

adan

onlee

nka e

e:

www.

uim

n.or

g

P.O

. Box

462

9St

. Pau

l, MN

551

01-4

629

Warbixinta Buugga

www.uimn.org

27-ka Oktoobar, 2019 ilaa 24-ka Oktoobar, 2020

Waxa aad u baahantahay inaad ka ogaatid Caymiska Shaqo la’aanta

Ka h

el wa

rbix

in b

adan

onlee

nka e

e:

www.

uim

n.or

g

P.O

. Box

462

9St

. Pau

l, MN

551

01-4

629

Espa

ñol

Esta

info

rmac

ión es

tá d

ispon

ible

en E

spañ

ol en

línea

en

www.

uimn.

org/

appli

cant

s/lan

guag

e/sp

anish

.jsp

Hm

oob

Cov n

taub

nta

wv n

o tse

em m

uaj s

au u

as

ntaw

v hm

oob

nyob

rau

txoj

sab

inte

rnet

nta

wm

www.

uimn.

org/

appli

cant

s/lan

guag

e/hm

ong.j

sp

Soom

aliga

Ak

hbaa

rkan

oo

Af S

omaa

li ah

wa

xaad

ka h

eli ka

rtaa i

nter

netk

a ww

w.uim

n.or

g/ap

plica

nts/l

angu

age/

som

ali.js

p

• W

arbix

inta

buu

gaan

axaa

lagu

heli

kara

a qaa

b ka

le

adiga

oo

soo

waca

yo 6

51-2

59-7

223.

D

EED

-22A

/ D

EED

-005

90-3

1 R

ev. 1

0/20

19

Somali

Page 2: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Codso faa’idooyinka, codso lacag bixinta faa’idooyinka, ka eeg akoonkaaga—oonleenka ama taleefon ahaan Isniinta illaa Jimcaha, 6 A.M. illaa 6 P.M.

Waan caawin karnaa! La hadal Wakiilka Adeega Macmiilka Isniinta illaa Jimcaha, 8 A.M. illaa 4:30 P.M.

Aaga Twin Cities: 651-296-3644Minnesotada Weyn: 1-877-898-9090TTY – ee dadka dhegaha culus ha so waco: 1-866-814-1252

① Sameey dooqa luuqadaada: riix 1 oo Ingiriis, 2 oo Isbaanish, 3 oo Hmong, ama 4 oo Soomaali. (Haddii aad u baahantahay luuqad kale, riix 1 oo raac tallaabooyinka hoose si aad ula hadashid wakiil oo u codsatid turjubaan.)

② Geli lambarkaaga Amniga Bulshada.

③ Geli sirtaada ah kadib riix furaha #. AMA — Haddii aan lagu weydiisan inaad gelisid sirtaada, riix 2, iyo kadib riix 0 si aad ula hadashid wakiilka.

④ Riix 2 oo dooqyada kale.

⑤ Riix 3 wixii jawaabo ah ee si guud loo weydiinayo su’aalaha ama si loola hadlo wakiilka, kadib riix 0 si aad ula hadashid wakiil.

Aaga Twin Cities: 651-296-3644Minnesotada Weyn: 1-877-898-9090(Dooqyada luuqada: Ingiriiska, Isbaanishka, Homong, ama Soomaali)TTY — ee dadka dhegaha culus: 1-866-814-1252

www.uimn.orgDooro Applicants (codsadayaasha) oo kadib Apply for Benefits (codso faa’idooyinka) ama Log in to My Account (gal akoonkeyga).

Xirfad kusoo baxaysa farsamooyinkayga qaaska ah, xirfadaha iyo mida karti ee dheeraadka ah: ✓ Hormar shaqsiyaad iyo waxqabad cusbooneysan

✓ Mid aad dareentid qiimahaaga,xushmad iyo wax sooaar mug leh

✓ Gaaritaanka hab cusub oo guul uga gaartid shaqada iyo noolalasha

Haddii aad rabto in aad bilaawdo ama hormariso ama badelato xirfadaada CareerForce waa meesha aad kabilaabeysid. Waxaa jiro ilaa 50 goob oo CareerForce ee kuyaala gobolka si ay kuugu adeegan. Intaa waxaa sii dheer, CareerForceMN.com waxay leedahay qorshe xirfadeed iyo qalab baaritaan oo laga heli karo meel kasta iyo waqti kasta oo aad rabto. Iyo, waxaad ka raadin kartaa barta ugu weyn shaqooyinka ee Minnesota, dhamaanba waxaad ka helaysaa CareerForceMN.com. Waxa ku qoran halkan waxa laguu hayaa iyagoo ku qoran Isbaanish iyo Soomaali

Adeegyada kuu khaas ah si loo daboolo baahidaada » Kulamada fool ka fool ah oo lala yeesho

khabiir takhasus u leh CareerForce si uu kaaga caawiyo baarista iyo hirgelinta qorshahaaga shaqo

» Macluumaadka shaqada suuqa oo kaa caawinaya hagista qorshahaaga shaqo

» Khayraadka loo qoondeeyey ee loogu talagalay dadka kasoo shaqeeyay askarta, dadka naafada ah, dhallinyarada, dadka ka weyn 50 iyo dadka ku jira liiska dembiyada

» Qiimee oo wax ka badal si aad u xaqiijiso in in arjigaaga shaqada uu soo bandhigayo xirfadaha saxda ah oo uu kuu waaridayo inaad jagada shaqada ah ee aad dalbatay

» Isu diyaarinta wareysiga imtixaanka si ay kaaga caawiso inaad hesho jagada ku habboon yoolalkaaga xirfadeed

» Tababarada si aad u la socoto qorshaha xirfadadeed iyo raadinta waxa cusub oo socda, iyo siddoo kale kugu xirto dadka kale ee shaqo doonka ah

» Tobobar fursado xirfadeed oo looga baahan yahay shaqooyinka la raadiyo

» Fursado lagula kulmi karo meeshooda oo lagula kulmi karo loo shaqeeyaha

» Qorsheynta himilooyinka xirfad shaqsiyeedka ee qaaska ah wuxuu diirada saarayaa baahida mustaqbalka, iyo xirfadaha shaqsiga iyo qiimaynta danaha

Kusaabsan CareerForceCareerForce waa hormarinta xirfadeed ee Minnesota iyo kheyraadka isweydaarsiga tayada leh. Waxaan leenahay shabakad wayn oo wada hawlgalayaal ah oo gobolka oo dhan ah. Wadajir, waxaan ku dadaalnaa inaan u soo bandhigno natiijooyin barwaaqo ah oo loogu talagalay dadka shaqo doonka ah, loo shaqeeyaha, bulshada iyo Minnesota.

Wixii macluumaad dheeri ah ka fiiir: CareerForceMN.com

Raadi xirfadaada

Page 3: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Liiska warbixinta Caymiska Shaqo la’aanta (UI)

❑ Codso sida ugu dhaqsiha badan oo aad shaqo la’aan tahay.

❑ Shaqo raadi oo u diyaar garow inaad ogolaatid.

❑ Codso faa’idada lacag bixinta isbuuc walba illaa aad shaqada waqti buuxo ugu laabatid.

❑ Xasuuso sirtaada oo gooni u haay.

❑ Aqri buuggaan.

❑ Ka jawaab dhammaan codsiyada warbixinta.

❑ Cusbooneysii ciwaanka akoonkaaga ugu yaraan afar sanno kadib codsiga ugu dambeeyo ee lacag bixinta faa’idada.

❑ Soo wac Adeega Macmiilka UI haddii aad qabtid su’aalo (fiiri bogga 19).

Ma ogtahay… …si aad u heshid faa’idada lacag bixinta, waa inaad marka koowaad codsi sameysid (fiiri bogga 8)?

…faa’idada lama bixiyo isbuuca koowaad (fiiri bogga 10)?

Page 4: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

www.uimn.org waa websayd rasmi ah ee Caymiska Shaqo la’aanta Minnesota.

Healkaan waxaad ka heleysaa jawaabahaga su’aalahaan, iyo wax badan:

• Sidee ayaan u codsadaa?

• Sidee ayaan lacag u helaa?

• Maxaa saameeyo faa’idooyinkeyga?

• Maxaan u baahannahay inaan garanayo?

• Sidee ayaan uga racfaan qaadan karaa?

Daawo oo Dhageyso! Fiidiyowyo ee mowduucyada shaqo la’aanta waxaa laga heli karaa onleenka.

Page 5: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

JADWALKA TUSMOOYINKA Bogga

Hordhaca .....................................................................................4

Codsashada faa’idada ................................................................5

Goorma ayaan codsadaa? Sidee ayaan u codsadaa? Ka waran haddii aan shaqo la’aan u ahay sabab aanan aheyn aceyrin?

Isticmaalida sirta .........................................................................6

Kadib markaad codsatid .............................................................7

Intee ayaan helayaa?

Codsiga lacag bixinta faa’idooyinka ...................................... 8-9

Goorma ayaan codsadaa faa’idada lacag bixinta?

Goorma ayaan fillan karaa lacag bixinteyda? .........................10

Isbuuca aanan la bixin

Sidee ayaa la iisiinayaa? ..........................................................11

Sidee ayuu dabaajiga tooska ah u shaqeeyaa? Sidee ayuu kaarka lacagta bangiga shaqo la’aanta u shaqeeyaa?

Soo wargeli shaqada marka aad codsaneysid faa’idada lacag bixinada ..................................................... 12-13

Sidee ayay shaqada u saameysaa faa’idooyinkeyga? Ka waran haddii saacadaheyga kala duwanyihiin isbuuc ku isbuuc? Maxaa dhaco haddii aan ku guuldareysto inaan soo wargeliyo saacadaheyga iyo daqliyada?

Daqliga laga yaabo inuu saameeyo faa’idooyinka .................14

Fahamka sharuudaha u qalmida isbuuclaha ..........................15

Maxaan u baahannahay inaan sameeyo isbuuc walba? Sidee ayay u saameysaa faa’idadeydaa dugsi aadista?

Stajiinta iyo bilowga faa’idada lacag bixinta ...........................16

Ka waran haddii aan shaqada ku laabto? Ka waran haddii aan shaqo la’aan ahay?

Haynta ka imaaneyso faa’idada lacag bixinta .........................17

Canshuuraha daqliga, Lacag bixinta dheeraadka ah, Taageerada canuga

Caawinta Dib u shaqaaleysiinta ...............................................18

Adeega macmiilka xiriirka ........................................................19

Ciwaanka Boostada iyo Lambarka Fakiska

Caawiska helida shaqadaada xigto .........................................20

Raadinta shaqada onleenka ee fasalada onleenka

Page 6: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

2018 Tirikoobyada Barnaamijka:

• Manaafacaadka ceymiska shaqada oo ka badan $791 milyan ayaa la siiyey 142,263 qof oo ka mid ah dadka Minnesota

• In ka badan 435,000 oo ah taleefanno la soo diray ayey ka jawaabeen Wakiilada Adeega Macmiisha Caymiska Shaqo la'aanta

Hordhaca

Buuggaan wuxuu bixiyaa warbixin muhiim ah ee ku saabsan faa’idooyinka shaqo la’aanta, waxaa ku jira:

• Sida loo codsado.

• Sida u qalmidaada loo go’aansado.

• Waxa ah inaad sameysid isbuuc walba si aad u heshid faa’idada lacag bixinta.

Warbixinta buugaan ku jirto waa dulmarka faa’idooyinka caymiska shaqo la’aanta. Ma daboosho mowduuc walba, ka jawaab dhammaan su’aalaha, ama ka qaado meesha sharciga.

Waa masuuliyadaada in aad akhriso buuggaan iyo dhammaan warbixinta aad ka hesho Caymiska Shaqo la’aanta Minnesota.

Barnaamijka Caymiska Shaqo la’aanta waxaa maamulo Waaxda Shaqo la’aanta Minnesota iyo Hormarka Dhaqaalaha (DEED). Faa’idooyinka waxaa maalgeliyay canshuurta badrooniga bixiyo kaliya. Ma jiraan ka jarid jeega lacag bixinta shaqaalaha waxaa loo isticmaalaa in lagu bixiyo qarashka faa’idada.

Page 7: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 5

Codsashada faa’idada

Goorma ayaan codsadaa? Codso faa’idooyinka isla isbuuca aad noqotid shaqo la’aan ama saacadahaaga si weyn ayay u dhimantaa.

Sidee ayaan u codsadaa? Ka codso interneetka ama taleefon ahaan Isniinta illaa Jimcaha, 6 A.M. illaa 6 P.M.:

• Onleenka ee www.uimn.org Dooro Applicants (codsadaha) iyo kadib Apply for Benefits (codso faa’idooyinka).

• Taleefon ahaan dooro: Ingiriis, Isbaanish, Homong, ama Soomaali. (Haddii aad u baahantahay luuqaad kale, raac tallaabooyinka bogga 19 illaa si loola hadlo wakiilka oo codso turjubaan.)

Aaga Twin Cities: 651-296-3644

Minnesotada Weyn: 1-877-898-9090

TTY - ee dadka dhegaha culus: 1-866-814-1252

Markaad codsatid kadib waxaan kuu soo direynaa warbixin ku saabsan faa’idooyinkaaga iyo sida loo codsado lacag bixinta (fiiri bogga 8). Warbixinta waxaa ku jiro tirada faa’idadaada isbuuclaha ah haddii aad u qalantid faa’idooyinka (fiiri bogga 7).

Ka waran haddii aan shaqo la’aan u ahay sabab aanan aheyn aceyrin? Haddii aad shaqo la’aan u tahay sabab walba oo aan ka aheyn shaqo la’aanta,sharciga Minnesota wuxuu u baahanyahay inaan raacno nidaamka lagu go’aansanayo haddii aad u qlaantid faa’idooyinka.

1. Inta lagu jiro codsiga waxaan ku weydiineynaa su’aalo ku saabsan sababta aad shaqo la’aan u tahay.

2. Waxaan weydiineynaa badroonigaaga isla su’aalaha.

3. Waxaan eegeynaa jawaabahaaga iyo jawaabaha badroonigaaga si loo go’aansado haddii aad u qalantid faa’idooyinka.

4. Warbixin ayaan kuu soo direynaa adi iyo qofka ku shaqa giliyey go’aanka badroonigaaga ee kuu sheego haddii aad u qalantid. Midkood adiga ama badroonigaaga way ka racfaan qaadan karaan go’aanka.

Waa muhiim inaad si buuxdo uga jawaabtid dhammaan su’aalaha, uu daacadnimo iyo dhaqso ah.

Page 8: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 6

Isticmaalida sirta

Sirtaada iyo lambarka Amniga Bulshada: • Kuu ogolaanayo gelitaanka amniga ah ee akoonkaaga faa'idada.

• U adeego sida saxiixa elektriniga ah.

• Xogtaada si gaar ah ku haay.

Haddii aad ilowdid sirtaada, waad badeli kartaa: Onleenka ee www.uimn.org

1. Dooro Applicants (codsadaha) iyo kadib Log in to my Account (Gal Akoonkeyga).

2. Geli lambarkaaga Amniga Bulshada dooro “Forgot your password” (Ilow Sirtaada) sanduuqa warbixinta, kadib dooro Login (Gal).

3. Ka jawaab su'aasha amniga ee aad dooratay marka aad codsatay faa'idooyinka. Aad u badeshid furahaada.

➢ Hadaad iloowdo jawaabta su'aashaada amaanka, adeegso taleefanka kadibna raac tilmaamaha hoos kuqoran.

Taleefon ahaan

1. Soowac nidaamka taleefonka tooska ah:

651-296-3644 – Aaga Twin Cities

1-877-898-9090 – Minnesotada Weyn

1-866-814-1252 – TTY ee dadka dhegaha culus

2. Sameey dooqa luuqadaada: riix 1 oo Ingiriis, 2 oo Isbaanish, 3 oo Hmong, ama riix 4 oo Soomaali. (Haddii aad luuqad kale rabto, riix 1 oo raac wixii laguu sheego si aad fure cusub u sameysato ama codso turjubaan.)

3. Geli lambarkaaga Amniga Bulshada.

4. Marka aad maqashid caawiyaha si aad u galisid sirtaada, riix calaamada #.

5. Ka jawaab su'aashaada amaanka adoo adeegsanaaya keboorka taleefankaaga (waa ilaa 8 xaraf) kadibna riix furaha #. Raac tilmaamaha soo baxaaya si aad eray sireedkaaga ubadasho.

➢ Hadaadan faylka kuhaysan su'aashaada amaanka, waxaa agugu xirayaa wakiil shirkada kasocda (haddii aad u baahan tahay turjubaan, u sheeg qofka aad la hadleyso).

➢ Hadaad hadaad iloowday jawaabta su'aashaada amaanka, kadib markaad dhawr jeer iskudaydo, waxaa lagugu xirayaa wakiil shirkada katirsan ama waxaad maqlaysaa cod kudhahaaya; "Riix 2 si aad ula hadasho wakiil shirkada katirsan." (haddii aad u baahan tahay turjubaan, u sheeg qofka aad la hadleyso).

Page 9: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 7

Kadib markaad codsatid

Intee ayaan helayaa?

Tirada faa’idadaada isbuuclaha waa qiyaastii waa boqolkiiba 50 ee isku celceliska mushaarkaaga isbuuclaha oo illaa ugu badnaanta gobolka ee $740.

Waxaan kuu soo direynaa iimailka Determination of Benefit Account (go’aaminta akoonka faa’idada) ee muujisaa tirada faa’idadaada isbuuclaha iyo tirada guud ee faa’idada la heli karo.

• Go’aaminta si muhiim ah loogama wadi karo inaad heleysid faa’aidooyinka.

• Waxaan kuu soo direynaa iimailka go’aamin gaar ah haddii aan u baahannahay inaan go’aan sameyno ee ku saabsan u qalmidadaada faa’idooyinka.

Page 10: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 8

Codsiga lacag bixinta faa ’idooyinka

Goorma ayaan codsadaa faa’idada lacag bixinta?

Waa inaad codsataa lacag bixinta isbuuc walba ee aadan shaqeynin. Codsiga lacag bixinta xitaa haddii aan go’aansaneyno u qalmidaada ama aad sugeysid maqalka ama go’aanka. Waxaad lumin kartaa lacag bixinta isbuucyo ah haddii aadan codsan waqtigeeda.

Codsiga faa’idada lacag bixinta onleenka

Booqo www.uimn.org Isniinta illaa Jimcaha, 6 A.M. illaa 6 P.M.:

1. Doorot Applicants (codsadaha) iyo kadib Log in to My Account (gal akoonkaaga).

2. Gal akoonkaaga adiga oo isticmaalayo lambarkaaga Amniga Bulshada iyo sirta.

3. Dooro Request Benefit Payment (codsiga faa’idada lacag bixinta).

Page 11: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 9

Codsiga faa’idad lacag bixinta oo taleefon ah

Jadwalka hoose wuxuu qorayaa maalinta iyo waqtiga la codsanayo faa’idada lacag bixinta.

1. Soowac nidaamka taleefonka tooska ah:

Aaga Twin Cities: 651-296-3644

Minnesotada Weyn: 1-877-898-9090

TTY - ee dadka dhegaha culus: 1-866-814-1252

2. Sameey dooqa luuqadaada: Ingiriis, Isbaanish, Hmong, ama Soomaali. (Haddii aad u baahantahay luuqad kale, raac tallaabooyinka bogga 19 illaa lagala hadlo wakiilka iyo codsiga turjubaanka.)

3. Geli lambarkaaga Amniga Bulshada.

4. Geli nambarkaaga sirta ah kadib riix furaha #.

5. Waxaa laga yaabaa inaad maqashid fariimo muhiim ah ee akoonkaaga ku saabsan. Fariinta kadib, dhageyso dooqyadaada oo dooro Request Benefit Payment (codsiga faa’idada lacag bixinta).

Jadwalka taleefonka ee lagu codsanayo faa’idada lacag bixinta

Haddii lambarka ugu dambeeyo ee lambarkaaga Amniga

Bulshada uu yahay: Soo wac:

1, 3, ama 5 Talaadada

6 A.M. illaa dhurhurka

7 ama 9 Talaadada

dhurhurka illaa 6 P.M.

0, 2, ama 4 Arbacada

6 A.M. illaa dhurhurka

6 ama 8 Arbacada

dhurhurka illaa 6 P.M.

Wax walba Qamiista ama Jimcaha

6 A.M. illaa 6 P.M.

Waxaad ka codsan kartaa lacag bixintaada onleenka Isniinta illaa

Jimcaha, 6 A.M. illaa 6 P.M. oo aanan jirin xadeynada (fiiri bogga 8).

Page 12: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 10

Goorma ayaan fillan karaa lacag

bixinteyda?

Sida ugu dhaqsiha badan ee aad heleysid lacag bixinta waa inta lagu jiro isbuuca sadexaad ee akoonka faa’idadaada.

Maxaan usugaa illaa isbuuca sadexaad?

• Waxaad marwalba codsataa faa’idooyinka isbuuca la soo dhaafay. Ma codsan kartid faa’idooyinka isbuuca hadeer ama isbuuca mustaqbalka.

• Isbuuca ugu horeeyo waxaad u qalantaa faa’idooyinkaada waa “isbuucaaga aanan la bixin” (fiiri sharaxaada hoose).

• Codsadayaasha ugu badan, isbuuca labaad waa isbuuca koowaad ee la bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda.

Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca sadexaad haddii:

• Aad heshid daqliyada ka weyn tirada faa’idada isbuuclahaaga ama aad shaqeysay 32 ama saacado ka badan (fiiri bogga 13).

• Waxaad heleysaa noocyada kale ee lacag bixinta (fiiri bogga 14).

• Waxaan u baahannahay waqti deeri ah ee lagu helayo warbixinta lagu go’aansanayo u qalmidaada faa’idooyinka (fiiri bogga 5).

Isbuuca aanan la bixin Isbuuca koowaad waxaad u qalantaa faa’idooyinka shaqo la’aanta waa isbuucaaga aanan la bixin. Sharciga Minnesota wuxuu u baahanyahay isbuuca aanan la bixin ka hor inta aanan lagu siin karin faa’idooyinka. Isbuuca loogu qalmayo sida isbuucaaga aanan la bixin, waa inaad:

• Gudbi codsiga faa’idooyinka la buuxiyey.

• Gudbi codsi waqtiyeysan ee faa’idada lacag bixinta.

• U qalantid faa’idooyinka isbuuca.

Waxaa jiro kaliya hal isbuuc aanan la bixin ee 52 isbuuc kadib markaad codsatid. Haddii aadan shaqeynin markale hal sanno gudaheed ee taariiqdaada akoonka, ma heleysid isbuuc kale oo aanan la bixin.

Page 13: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 11

Sidee ayaa la iisiinayaa?

Marka aad codsatid, waxaad dooratay sida aad rabtid inaad u heshid lacag bixinta faa’idadaada:

• Dabaajiga tooska ah ee akoonka checking ama savings, ama

• U.S. Bank ReliaCard® Visa® (kaarka lacagta bangiga shaqo la’aanta).

Waad badeli kartaa qaabka lacag bixintaada adiga oo ka galayo akoonkaaga onleenka ama adiga oo soo wacayo adeega macmiilka.

Waa masuuliyadaada lagu kormeerayo haraaga akoonkaaga si looga fogaado hoos u dhaca akoonka.

Sidee ayuu dabaajiga tooska ah u shaqeeyaa? • Marka aad sameysid dabaaji toos ah, lacag bixinada waa inay ku

gaartaa akoonkaaga gudaha sadex maalmood oo shaqo kadib markaad codsatid lacag bixin.

• Marka aad buuxisid codsi cusub ee faa’idooyinka, waa inaad sidoo kale buuxisaa codsi cusub ee dabaajiga tooska ah.

• Haddii aad badeshid bangigaaga ama akoonka bangigaaga, xasuuso inaad cusbooneysiid warbixintaan ee akoonka faa’idadaada si aad uga fogaatid daahitaanka lacag bixinta.

Sidee ayuu kaarka lacagta bangiga shaqo la’aanta u shaqeeyaa? Kaarka lacagta bangiga shaqo la’aanta waxaa la isticmaali karaa (qidmo la’aan):

• Si looga helo kaash bangi walba ee ogolaado Visa®

• ATM-ka walboo U.S. Bank ah

• Si iibsasho looga sameeyo ganacsi walba ee ogolaado kaarka lacagta bangiga Visa

Waa inaad ku heshaa kaarkaaga boostada bashqad cad qiyaastii shan illaa todoba maalmood oo ganacsi kadib markii lacag bixintaada koowaad la sameeyo. Haddii aadan heli kaarkaaga, inaga na soo wac si aan u xaqiijino in lacag bixin la sameeyay (fiiri bogga 19). Haddii lacag bixin la sameeyay, kadib ka soo wac adeega macmiisha U.S. Bank ReliaCard 1-855-233-8379. Markii kaarkaaga la soo diro, dabaajiyada waxaa inta badan lagu sameeyaa gudaha sadex maalmood oo shaqo kadib markaad codsatid lacag bixin.

Ku haay kaarkaaga lacagta bangiga – waxaa loo isticmaali karaa faa’idooyinka shaqo la’aanta mustaqbalka oo illaa sadex sanno. Aqri warbixinta la socoto kaarkaaga ee xeerarka, qidmooyinka, iyo sharuudaha. Adiga ayaa masuul ka ah qidmo walboo lagu dalacay.

Page 14: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 12

Soo wargeli shaqada marka aad

codsaneysid faa’idada lacag bixinada

Waqti walba ee aad codsatid faa’idada lacag bixinta, waxaan ku weydiinay haddii aad shaqeysid inta lagu jiray isbuuca aad codsaneysid. Waa inaad ku jawaabtaa “Haa” haddii aad shaqeysay gabi ahaanba, oo ay ku jiraan:

• Isbuuca ugu dambeeyo ee shaqadaada hore ama isbuuca koowaad ee shaqada cusub

• Shaqada kumeelgaarka ah

• Part time ah, wacitaan ah, xitaa haddii aad horay u sameysay ka hor inta aadan shaqo la’aan ka noqon shaqadaadi hore

• Iskaa u shaqeysiga, kaash ku shaqeynta, ama shaqada iskaa wax u qabsiga

• Shaqada ka baxsan banaanka shaqadaada caadiga ah ama warshada

• Tababarka ama muddada tijaabada ee badrooniga cusub, la mago ama aan la magin

• Haddii saacadahaaga la yareeyay

Haddii aad hsaqeysid, waa inaad ku soo wargelisaa dhammaan saacadaha la shaqeeyay iyo daqliyada ka imaaday dhammaan shaqada isbuuc walba ee aad faa’idooyinka codsatid. Ma jiraa ka reebid. Waa inaad soo wargelisaa:

• Saacadaha guud ee la shaqeeyay isbuucaas.

• Daqliyada wadarta guud isbuucaas (ka jarida iyo canshuurta ka hor). Daqliyada waxaa ku jira:

o mshaarka, shaxaadka, mushaarka, qidmada, kaashka

o daqliga iskaa u shaqeysiga

o qiyamka kiro walba, alaabo ama adeegyada aad u heshid shaqada

Diiwaan ku haay saacadahaaga aad shaqeysay (Axada illaa Sabtida) oo aanan laga eegin marka lagu siinayo saaxadahaas. Haddii aad u shaqeysay in ka badan hal badrooni isbuucii, is barbardhig daqliyadaada iyo saacadaha badrooniyada.

Waa inaad soo wargelisaa daqliyadaada isbuuca aad aad shaqada sameysay, ma ahan marka lagu siiyo. Iskaa u shaqeysiga, soo wargeli daqliyadaada isbuuca kadib markii lagaa jaro qarashaadkaaga ganacsiga tooska ah ee isbuucaas (wixii warbixin dheeraad ah ee wargelinta iskaa u shaqeysiga, booqo: www.uimn.org).

Page 15: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 13

Sidee ayay shaqada u saameysaa faa’idooyinkeyga?

Uma qalantid faa’idooyinka isbuuc walba ee aad shaqeysid 32 ama in kabadan saacadaha, ama markii daqliyadaada guud ee isbuuca la eg yahay ama ka weyn tirada faa’idaada isbuuclaha.

Lacag bixinta qeybta faa’idada waxaa laguu sameyn karaa isbuuc walba ee aad shaqeysid in ka yar 32 saacadood iyo daqliyadaada waxay ka yaryihiin tirada faa’idaada isbuuclaha.

Ka waran haddii saacadaheyga kala duwanyihiin isbuuc ku isbuuc?

Haddii tirada saacadaha aad shaqeysay ka duwanyihiin isbuuc ka isbuuc, waa inaad codsataa faa’idooyinka isbuuc walba. Soo wargeli daqliyada guud iyo saacadaha aad shaqeysid isbuuc walba. Nidaamka wuxuu si toos ah u go’aansanayaa haddii aad gaartay lacag bixinta iyo tirada.

Maxaa dhaco haddii aan ku guuldareysto inaan soo wargeliyo saacadaheyga iyo daqliyada?

• Haddii aadan soo wargelin saacadahaaga iyo daqliyada na soo wac isla markaas si aad u saxdid qaladkaaga, haddii kale waxaa loo tixgelin karaa qiyaano.

• Haddii aadan soo wargelin dhammaan saacadaha aad shaqeysay iyo dhammaan daqliyada, waxaa lagu siinayaa lacag bixin dheeraad ah oo waa inaad dib u bixisaa faa’idooyinka aad heshay.

• Haddii aan go'aansano in lacag bixintaada dheeraadka ah ay qiyaano kutimid, waxaa laguugu dalacayaa qasaaraha boqolkiiba 40 iyo danaha tirada lacag bixinta dheeraadka ah. Uma qalmeysid faa’idooyinka illaa lagu bixiyo si buuxdo lacag bixintaada dheeraadka ah, qasaarooyinka, iyo danaha. Dacwadaha qaarkood waxaa jiri karo ciqaabaha dambiga.

Daqliyadaada waa la xaqiijinayaa! Waxaan xaqiijineynaa mushaarkaaga iyo saacadaha aad soo sheegato si aan ugu eegno macluumaadka goobahaaga shaqada.

Page 16: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 14

Daqliga laga yaabo inuu saameeyo

faa’idooyinka

Intaa waxaa dheer daqliyada, daqliga kale ee ka bilow shaqada hadeer ama la soo dhaafay waxay saameyn kartaa faa’idooyinka. Markii kowdii aad codsatid, iyo isbuuc walba oo aad codsiga lacag bixinta sameysid, waxaa lagu weydiinayaa haddii aad codsatid ama aad heleysid noocyo kale oo daqli ah.

Noocyada ugu caansan ee daqliga ee laga yaabo inay saameyso faa’idooyinka shaqo la’aanta hoos ayay ku qoran yihiin. Badroonigaaga hore wuxuu lahaan karaa xeerar ka duwan qaar kuwaan ka mid ah, sida lacag bixinta wacitaanka fasaxa “fasaxa la bixiyay”, “PTO”, ama “waqtiga fasaxa gaarka”. Magaca daqliga kama muhiimsana sida, sababta, ama cida lacag bixinta lagu sameeyay.

Noocyada dakhliga waxaa kamid ah; laakin aan ku ekayn intaas:

• Lacag bixinta kala goynta, ogeysiinta, ama isticmaalka, iyo lacag bixin walboo la sameeyay sababtoo ah ka go’ida shaqada

• Lacag bixinta jirada iyo lacag bixinta fasaxa

• Lacag bixinta fasaxa

• Howlgabka ama lacag bixinta 401K

• Faa’idooyinka shaqo ka fariisiga Amniga Bulshada ama curyaannimada

• Magdhowga shaqaalaha ama caymiska kale ee shaqaalaha ku tabarucay ee qasaaraha mushaarka

Soo wargeli dhammaan daqliga ee aadan horay noogu soo wargelin inaga. Haddii aad su’aalo qabtid ee ku saabsan haddii nooca daqliga ah in la soo wargeliyo, soo wac Adeegyada Macmiilka (fiiri bogga 19).

Haddii faa’idada lacag bixinta ay saameyso daqli walba, waxaa laguu soo dirayaa go’aanka oo sharaxayo saameynta.

Page 17: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 15

Fahamka sharuudaha u qalmida

isbuuclaha

Maxaan u baahannahay inaan sameeyo isbuuc walba?

Si aad ugu qalantid faa’idooyinka isbuuc walba, ee ah inaad:

• Gudbi codsi waqtiyeysan ee Faa’idada Lacag bixinta.

• Kuu suurtogasho oo aad rabtid inaad isla markaasba ogolaatid ka shaqeynta shaqadaada joogtada ah ama shaqooyin kale ee kugu haboon.

• Raadi shaqo oo ogolow inaad ogolaatid saacadaha, mushaarka, baaxada safarka, iyo sharuudaha kale ee shaqada ee caadiga u ah qof ku jiro shaqadaada iyo xirfadahaaga iyo waaya aragnimada.

Adiga uma qalantid isbuucyada haddii aad:

• U safreysid meel kabaxsan aaga safarka, inta aan aheeyn si firfircoon aad shaqo u raadisid.

• Qabtid xaalado caafimaad ama xaalado kale ee kaa hor istaago shaqeynta ama shaqo raadinta.

Waa inaad si firfircoon u raadisay shaqada xitaa haddii aad qabtid shaqo waqtiga barkii ah ama aad filaneysid inaad ku laabatid shaqo xiliyeedka. Waa inaad sameysaa dadaal dhab ah ee aad shaqo ku heshiid isbuuc walba ee aad codsatid faa’idada shaqo la’aanta.

Sidee ayay u saameysaa faa’idadeydaa dugsi aadista?

Haddii aad qadaneysid fasalada, waa inaad joogteysaa inaad shaqo raadisid oo aad rabtid inaad dib u diyaarisid ama iska dhaaftid fasalka haddii ay muhiim tahay inay shaqada ogolaato. Haddii aan ansixino tababarka waqtiga buuxo, tababarkaaga waxaa lagu meeleynayaa sharuuda shaqo raadinta.

Ardayda dugsiga sare uma qalmaan faa’idooyinka shaqo la’aanta.

Page 18: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 16

Stajiinta iyo bilowga faa’idada lacag

bixinta

Ka waran haddii aan shaqada ku laabto?

• Marka aad ku laabatid shaqada waqtiga buuxo ama aad rabtid inaad joojisid codsashada lacag bixinada oo sabab walba ah, sameey codsigaaga ugu dambeeyo oo kadib jooji codsashada. Ogeysiin looma baahno.

• Haddii aad ka bilowdid shaqo shaqadaada cusub bartamaha isbuuca, soo wargeli saacadahaaga aad shaqeysay iyo daqliyadaada isbuuca, xittaa haddii aanan weli lagu siinin. Waxaad u qalmi kartaa inaad heshid lacag bixin qeyb ah.

• Xasuuso inaad soo wargeliso saacadahaaga aad shaqeysay iyo daqliyada isbuuca, xittaa haddii aananlagu siinin.

• Iska hubi inaad haysatid sirtaada iyo kaarkaaga lacagta bangiga shaqo la’aanta (haddii aad mid leedahay) ee meel badbaado ah haddii aad u baahato inaad bilowdid codsiga faa’idooyinka markale.

• Cusbooneysii ciwaanka akoonkaaga oo ugu yaraan adar sanno codsigaaga ugu dambeeyo kadib ee lacag bixinta. Xittaa kadib markaad joojiso codsashada faa’idooyinka, akoonkaaga waala baari karaa ama waxaan u baahan karnaa inaan kuula soo xiriirno sababo kale. Haddii aanan ku soo wicii karin, natiijooyinka hantidhowrida ayaa la sameynayaa iyada oo aan talladaada jirin oo adiga ayaa masuul ka noqonayo wuxuu lacag bixin dheeraad ah ee laga yaabo inay sababto.

Ka waran haddii aan shaqo la’aan ahay?

Ka gal akoonkaaga www.uimn.org ama soo wac nidaamka taleefonka tooska ah (fiiri bogga 19). Waxaa laguu tilmaamayaa midkood dib u furida akoonkaaga ama codsashada akoon cusub. Wado kastaba waa inaad diyaar u ahaataa inaad sheegtid sharaxaadaha ku saabsan shaqadaada hadeer ugu dambeysay. Xasuuso inaad hubisid warbixinta xiriirkaada, canshuur haynta iyo warbixinta dabaajiga tooska ah waala cusbooneysiiyay.

Page 19: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 17

Haynta ka imaaneyso faa’idada lacag

bixinta

Canshuuraha daqliga

Faa’idooyinka shaqo la’aanta waa daqliga la canshuuri karo sida waafaqsan sharciga faderaalka iyo gobolka Minnesota. Request, stop, ama badel haynta canshuurta daqligaaga adiga oo ka galayo akoonkaaga onleenka www.uimn.org ama adiga oo soo wacayo nidaamka taleefonka tooska ah (fiiri bogga 19).

Kama daahsanaan karto Janaayo 31, Foomka IRS 1099-G waxaa laguugu soo dirayaa ciwaanka la garanayo ee ugu dambeysay, iyada oo muujineyso faa’idada guud ee adiga lagu siiyay inta lagu jiray sannadka hore iyo haynta canshuurta daqliga faderaalka iyo gobolka. Waxaad ka eegi kartaa oo aad ka daabici kartaa foomkaaga 1099-G onleenka adiga oo ka galayo akoonkaaga www.uimn.org

Lacag bixinta dheeraadka ah

Haddii si dheeraad ah laguu siiyay faa’idooyinka shaqo la’aanta ee Minnesota ama gobolka kale oo aadan dib u bixin, waxaan kaa jareynaa midkood boqolkiiba 50 ama 100 ee faa’idooyinka lacag bixinta isbuuc walba oo codsatid haraaga aad qabtid.

Taageerada canuga

Haddii lagaa rabo inaad bixisid taageerada canuga oo maxkamad ahaan ama hay’ada fullinta kale, lacag bixinada taageerada canuga waxaa laga jarayaa tirada faa’idada isbuuclahaada oo u soo diro taageero canuga. Haddii aad aaminsantahay in taageero badan oo canuga in laga jaray ama haddii aad su’aalo qabtid, la xiriir hay’ada taageerada canuga ee fullineyso amarka taageerada.

Page 20: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 18

Caawinta Dib u shaqaaleysiinta

Waxaa lagaa rabi karaa inaad ka qeybgashid Kulanka Dib u shaqaaleysiinta e xarunta CareerForce oo kuugu dhaw.

Shaqo raadinta waa shaqadaada waqtiga buuxo adiga oo helayo faa’idooyinka shaqo la’aanta. Helida shaqadaada xigta waxay noqon kartaa caqabad. Waxaad u baahantahay inaad garaneysid qaababka raadinta shaqada ee ugu dambeyso oo la soco isbadelada suuqa shaqada. Caawinta dib u shaqaaleysiinta waa la heli karaa si loo hubiyo inaad haysatid qalabyada aad u baahantahay inaad shaqada ugu laabatid.

Haddii aad u balansantahay inaad ka qeybgashid Kulanka Dib u shaqaaleysiinta:

• Ka qeybgalka waa qasab. Haddii aad ku guuldareysatid inaad ka qeybgashid waxay sababeysaa diidmada faa’idooyinka.

• Waxaa laguugu soo ogeysiinayaa warqad laguugu soo diro, dhinaca fariimaha akoonka onleenkaaga, iyo marka aad ka galeysid akoonkaaga taleefonka.

• Waxaad sidoo kale ka heleysaa fariin akoonkaaga oo ku weydiineyso inaad dhameystirtid Shaqo Raadinta Is qiimeynta iyo Qorshe Raadinta Shaqada ah.

Shaqaalaha CareerForce ayaa kaacaawinaaya:

• Qiimeynta baahiyada raadinta shaqadaada

• Kuu diyaariyo qorshaha dib u shaqaaleysiinta

Adeegyada iyo tababarada xarumaha CareerForce ayaad si bilaash ah kuhelaysaa waxayna kaacaawin karaan:

• Qorida dulmarka waaya aragnimada

• Wareysanayo

• Howlaha kale ee shaqo raadinta

Page 21: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la'aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 19

Adeega macmiilka xiriirka

Haddii aad su’aalo qabtid, la hadal Wakiilka Adeega Macmiilka Caymiska Shaqo la’aanta. Kaliya Wakiilka Adeega Macmiilka UI ayaa siin karo jawaabo saxan su’aalaha caymiska shaqaadaada.

Nidaamka taleefonka tooska ah waxaa la heli karaa Isniinta-Jimcaha, 6 A.M. illaa 6 P.M.

Adeega Macmiilka waxaa la heli karaa Isniinta-Jimcaha, 8 A.M. illaa 4:30 P.M.

Si aad ula hadashid si toos ah wakiilka, soo wac nidaamka taleefonka tooska ah:

Aaga Twin Cities: 651-296-3644

Minnesotada Weyn: 1-877-898-9090

TTY - ee dadka dhegaha culus: 1-866-814-1252

1. Sameey dooqa luuqadaada: riix 1 oo Ingiriis, 2 oo Isbaanish, 3 oo Hmong, ama 4 oo Soomaali. (Haddii aad u baahantahay luuqad kale, riix 1 oo raac tallaabooyinka hoose si aad ula hadashid wakiil oo u codsatid turjubaan.)

2. Geli lambarkaaga Amniga Bulshada.

3. Geli nambarkaaga sirta ah kadib riix furaha #.

AMA - Haddii aanan lagu weydiinin inaad geliso sirtaada, riix 2, iyo kadib riix 0 si aad ula hadashid wakiil.

4. Riix 2 oo dooqyada kale.

5. Riix 3 wixii jawaabo ah ee si guud loo weydiinayo su’aalaha ama si loola hadlo wakiilka, kadib riix 0 si aad ula hadashid wakiil.

Waxaan sameynaa dadaal walba ee si dhaqso ah looga jawaabayo wacitaankaaga. Taleefonadeena way ugu maqshquulsanyihiin Isniinta iyo subaxyada. Waxaad u badantahay inaad ka fogaatid waqtiyada sugitaanka haddii aad soo wacdid galabtii ama hadhowdii isbuuca.

Ciwaanka Boostada iyo Lambarka Fakiska

UI Customer Service

P.O. Box 4629

St. Paul, MN 55101-4629

Fax: 651-205-4007

Page 22: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caymiska Shaqo la’aanta Minnesota Buuga Maclumaadka

Booqo www.uimn.org wixii warbixin dheeraad ah 20

Caawiska helida shaqadaada xigto

Raadiyayaasha shaqo guul ah waxay maamuleen xirfadaha iyo aqoonta loogu baahanyahay in lagu guuleysto in shaqada xigto. Iyaga -

• Ula dhaqantid raadinta shaqadooda sida shaqo.

• U fakar sida badrooni oo ogow waxa badrooniga raadinayo.

• Geli waqtiga ugu badan ee raadinta shaqo sida ay ahaan laheyd waqtiga shaqada.

• Qorsheey howlaha shaqo raadintooda.

• Xiriir sameey si aad u heshiid shaqooyin ee suuqa shaqada qarsoon.

Raadinta shaqada onleenka ee fasalada onleenka

www.uimn.org/applicants dooro “Find a Job”

Fasalada onleenka waa la heli karaa oo lagu barto xirfadaha shaqo raadinta. Fasal walba waxaa loo qeybiyay mowduucyo oo ay ku jiraan waxbarashada, isdhaxgalka, iyo howlaga waxbarashada.

Hordhaca Shaqo Raadinta

Shaqo raadinta waxay noqon kartaa murugo badan. Shaqo raadin wax ku ool ah waxay u baahantahay cilmi iyo xirfad. Baro wax ku saabsan halka dadka ay shaqada ka helaan, waxa badrooniga filanayo, sida loo maamulo qasaaraha shaqada iyo isbadelka, iyo xeeladaha shaqo raadin guul ah.

Fasalka dulmarka waaya aragnimada

Marka aad shaqo raadineysid waxaad iibineysaa badeeco – adiga. Dulmarka waaya aragnimadaada waa qalab muhiim ah ee suuq geeya shahaadooyinkaaga ee badrooniyada imaan karo. Baro sida loo qoro dulmarka waaya aragnimada oo loogu isticmaalo shaqo raadintaada.

Networking (Wada xiriirka)

Wada xiriirka waa mid ka mid ah xeeladaha ugu wax ku oolka badan ee shaqo raadinta ee aad isticmaaleysid. Baro wax ku saabsan faa’idooyinka wada xiriirka oo qaababka loogu xiriiro shaqo raadinta.

Wareysanayo

Wareysiga shaqada si sahlan waa kulanka adiga kuu dhaxeeyo iyo badrooniga imaan karo si aad uga hadashadaan shahaadooyinkaaga, halka badrooniga uu fursad ku haayo lagu barto wax adiga kugu saabsan iyo sida aad ugu haboontahay ururka, oo waxaad leedahay fursada lagu baranayo wax ku saabsan shirkada iyo haddii ay kuu wanaagsantahay adiga. Baro sida si wax ku ool ah loogu wareysto oo aad ugu guuleysatid shaqada.

Page 23: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Caawinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada

Faa’idooyinka Caymiska Shaqo la’aanta way ku caawin kartaa inta aad shaqada xigta raadineysid. Waxaa jiro caawin kale haddii aad u baahantahay.

Booqo www.uimn.org/applicants dooro Help and Support (Caawinta iyo taageerada) oo kadib Financial Help & Community Services (Caawinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada)

Halkaan waxaad ka heleysaa ciwaanadaan iyo wax badan:

Cuntada - Minnesota Food Helpline (Qadka cuntada Minnesota) soo wac 1-888-711-1151.

- Barnaamijyada cuntada ee Minnesota www.hungersolutions.org/programs

Daryeelka Caafimaadka - MNsure waa caymiska caafimaadka goobta suuqa Minnesota halkaas oo aad isbarbardhigi kartid oo aad dooran kartid - booqo www.mnsure.org ama soo wac 1-855-366-7873.

Guriyeynta - Energy Assistance Program - EAP (Barnaamijka caawinta qoyska) wuxuu ka caawiyaa qarashaadka kululeynta guriga iyo dayactirka foornada ee qoysaska daqliga u qalma - booqo www.mn.gov/commerce dooro Consumers (Macaamiisha) iyo kadib Consumer Assistance (Caawinta Macaamiisha) ama soo wac 1-800-657-3710.

Adeegyada Qabiirka – Minnesota Department of Veterans Affairs (Waaxda Arimaha Qabiirka) (MDVA) waa hay’ad badbaado ee loogu talo galay inay u adeegto qabiirada iyo qoysaskooda - booqo www.mn.gov/mdva ama soo wac 1-888-546-5838.

Page 24: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Takoorida

Waaxda Shaqada iyo Hormarinta Dhaqaalaha Minnesota waxaa ka go’an fursad simman, tallaabo saxitaan ah, iyo kala duwanaansho.

Haddii aad u maleysay in Waaxda Shaqada iyo Hormarinta Dhaqaalaha Minnesota (DEED) kugu takoortay si ku saleysan jinsiyada, midibka, caqiidada, jinsiga, heerka guurka, heerka la xiriiro caawinta bulshada, heerka qoyska, curyaannimada, da’da, asalka dhalashada, diinta, xubinnimada Guddiga Xaquuqda Aadanaha, ama dooqa galmada inta lagu jiray nidaamka caymiska shaqo la’aanta, waxaad kala xiriiri kartaa xafiiska Kala duwanaanshaha iyo Fursada Simman ee DEED:

MN Department of Employment and Economic Development

The Office of Diversity and Equal Opportunity

First National Bank Building, Suite E200

332 Minnesota Street

St. Paul, MN 55101-1351

Taleefonka: 651-259-7089 | TTY: 651-296-3900

Fakiska: 651-297-5343

I-meelka: [email protected]

Wixii warbixin dheeraad ah booqo:

https://mn.gov/deed/about/what-guides-us/equal-opportunity

DEED waa badrooni fursad simman iyo adeeg bixiye.

Page 25: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Xaquuqda arimaha gaarka ah

Barnaamijka Caymiska Shaqo la’aanta Minnesota waxaa ka go’an inay ilaaliyaan arimahaaga gaarka ah. Warbixinta aad sheegtay waxaa loo isticmaalayaa in lagu go’aansado u qalmidaada faa’idooyinka caymiska shaqo la’aanta iyo caawinta shaqo raadinta. Warbixinta lookala soocay inay tahay gaar lama siideyn karo iyada oo aan jirin ogolaanshahaaga oo qoran aan ka aheyn sida lagu sheegay sharciga gobolka iyo faderaalka.

Qaababka kale

Barnaamijka Caymiska Shaqo la’aanta waxaa ka go’an inuu siiyo helitaanka qof walba. Warbixinta ku jirto buuggaan waxaa lagu heli karaa qaabab kale iyada oo la wacayo 651-259-7223 ama i-meel loo dirayo [email protected].

Page 26: Applicant Information Handbook · 2020-07-19 · bixin karo oo waxaa la codsadaa isbuuca sadexaad ee akoonkooda. Lacag bixintaada ugu horeyso waxay daahi kartaa wax dhaafsan isbuuca

Nasoo ogeysii sida aan u wanaajin karno buugaan.

Ku soo qor:

Minnesota Unemployment Insurance Program

Attn: Communications Unit

P.O. Box 4629

St. Paul, MN 55101-4629

Ama noogu soo dir i-meel: [email protected]