13
WADAADDADA IYO TELESOM!!! [Bidix: Maxamed F. Caydiid, Xasan Daahir Aways, Cali Warsame] Al-Itaxaad Al-Islaami iyo Telesom Sida uu buugga HALGAN IYO HAGARDAAMO ku xusay Colonel Cabdilaahi Yuusuf Axmed, Ururka Al-Itaxaad Al-Islaami 16-kii June 1992-kii waxay qabsadeen magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, waxay sidoo kale isgu keeneen togga Ligle oo Garoowe u dhow ciidan gaadhaya 1,500 oo tikniko iyo taakulaba haysta. Halkaas waxaa ka bilaabmay dagaal xoogleh oo khasaare badan gaystay, waxaa la’isla tegay Boosaaso, halkaasna waxay jabhaddii SSDF gacanta ku dhigtay barnaamijkii siyaasadeed ee ururka Al-Itaxaad Al-Islaami. Firxadkii wadaadada oo uu hoggaaminayo Xasan Daahir Aways ayaa doonyo ka soo raacay Boosaaso, dabadeed waxay gabbaad u soo galeen buuraha Saliid oo 30Km u jira Laasqoray. Halkaasna waxaa ku iba-beelay qorshihii ururka Al-Itaxaad Al-Islaami ay ku doonayee in ay qori caaraddii ku qabsadaan Soomaaliya. Barnaamijka siyaasadeed ee Al-Itaxaad Al-Islaami waxaa ku qarsoonaa istaraatiijiyad qabiil ku dhisan, tusaale ahaan, Al-Itaxaad Al-Islaami wuxuu dagaal ku soo qaaday Woqooyi Bari, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubada Hoose. Sh. Cali Warsame wuxuu ahaa dagaaladii Bari markay dhacayeen madaxa ururka Al-Itaxaad, Shiikhu wuxuu ku dadaalay in aan

Daraasad Ku Saabsan Dibin-daabyada Shirkadda Telesom Ee Deegaanka Ssc Qaybta 6-Aad

Embed Size (px)

DESCRIPTION

Dinindaanyada Telesom ee SSC

Citation preview

Page 1: Daraasad Ku Saabsan Dibin-daabyada Shirkadda Telesom Ee Deegaanka Ssc Qaybta 6-Aad

WADAADDADA IYO TELESOM!!!

[Bidix: Maxamed F. Caydiid, Xasan Daahir Aways, Cali Warsame]

Al-Itaxaad Al-Islaami iyo Telesom

Sida uu buugga HALGAN IYO HAGARDAAMO ku xusay Colonel Cabdilaahi Yuusuf Axmed, Ururka Al-Itaxaad Al-Islaami 16-kii June 1992-kii waxay qabsadeen magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, waxay sidoo kale isgu keeneen togga Ligle oo Garoowe u dhow ciidan gaadhaya 1,500 oo tikniko iyo taakulaba haysta. Halkaas waxaa ka bilaabmay dagaal xoogleh oo khasaare badan gaystay, waxaa la’isla tegay Boosaaso, halkaasna waxay jabhaddii SSDF gacanta ku dhigtay barnaamijkii siyaasadeed ee ururka Al-Itaxaad Al-Islaami.

Firxadkii wadaadada oo uu hoggaaminayo Xasan Daahir Aways ayaa doonyo ka soo raacay Boosaaso, dabadeed waxay gabbaad u soo galeen buuraha Saliid oo 30Km u jira Laasqoray. Halkaasna waxaa ku iba-beelay qorshihii ururka Al-Itaxaad Al-Islaami ay ku doonayee in ay qori caaraddii ku qabsadaan Soomaaliya.

Barnaamijka siyaasadeed ee Al-Itaxaad Al-Islaami waxaa ku qarsoonaa istaraatiijiyad qabiil ku dhisan, tusaale ahaan, Al-Itaxaad Al-Islaami wuxuu dagaal ku soo qaaday Woqooyi Bari, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubada Hoose.

Sh. Cali Warsame wuxuu ahaa dagaaladii Bari markay dhacayeen madaxa ururka Al-Itaxaad, Shiikhu wuxuu ku dadaalay in aan dagaalku soo gaadhin gobolada woqooyi oo uu ka soo jeedo, waxaa xusid mudan go’aankii dagaalka markii la qaatay ee ciidamada loo dhiibay hogaanka sare Col. Sh Xasan Daahir Aweys wuu joogay goobta, kadibna wuxuu ku noqday Burco isaga oo kor ka daawanaya dagaalada Bari ka socda.

Shiikh Xasan Daahir Aweys wuxuu ahaa gudoomiye ku xigeenka Al-Itaxaad Al-Islaami isagaana madax u ahaa xafiiska jihaadka ee ururka, Shiikhu wuxuu xidhiidh isbahaysi lalahaa Janan Caydiid oo ay isku hayb ahaayeen, arrintan waxaa cadeeyey Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo buugiisa HALGAN IYO HAGARDAAMO ku xusay, bogga 214-aad wuxuu Cabdilaahi ku wariyey sheeko xiiso badan oo dhex martay Labadan nin.

Page 2: Daraasad Ku Saabsan Dibin-daabyada Shirkadda Telesom Ee Deegaanka Ssc Qaybta 6-Aad

Wuxuu yidhi: Goor ay habeen tahay, anagoo raadiyaha dhegta ku haynna, baa waxaa mawjadda soo galay raadiyaha Itaxaadka oo ay ku wada hadlayaan laba nin oo aanan waligay hore ugu fekerin in ay wada hadli karaan, labada nin waxay kala ahaayeen Janan Caydiid iyo Xasan Daahir Aways. Janan Caydiid wuxuu ka soo hadlayey magaalada Baardheere, Xasan Daahirna wuxuu joogaa buuraha Sanaag fiintooda. Malaha aragtida labada nin ku kala duwanyihiin waxaa ka wayn abtirsiinyaha mideeya, oo isku maslaxad ka dhigaya. Annaga kuwii dad noogu xigay oo ka tirsanaa ururka Al-Itaxaad Al-Islaami ee Shiikh Xasan ka tirsan yahay baa na dhabarjebiyey oo weliba dagaalkii nagu sii wada.

Janan Caydiid hadal kooban buu Xasan Daahir Awas ku yiri, kaas oo u dhacay sidatan: “ Xasanow sidii aynnu isku ogayn, haddii aad qabsan wayday dhulkii aynnu danayneyney, waxaan kaa doonayaa in aad Majeerteenka meeshooda ku haysid inta aan Faqashta Koonfurta ka sifaynayo”.

Xassan Jawaab kooban buu siiyey, taas oo ahayd: “Sarreeye, taasi waa ballan Ilaah”.

Al-Itaxaad Al-Islaami wuxuu qaatay istaraatiijiyad cusub oo aan xabad ku dhisnayn, waxay ku tashadeen, mar haddii qorshihii ay ku qabsadeen dekadaha Boosaaso iyo Kismaanyo ay dhicisoobeen in ay raadiyaan qorshe kale oo ay dhaqaale ku samayn karaan, si ay xukunka u gaadhaan. Mucaskaradii waa la xidhay, waxaa lagu bedelay Madaaris, waxaa sidoo kale loo dhaqaaqay ganacsi.

Fikirkaasi si durduro ah buu uga hanaqaaday gobolada Woqooyi iyo kuwa Waqooyi Bari, ganacsigii deegaankuna wuxuu si talaaba talaabo ah u soo galay gacantooda, waxay bilaabeen sharikado ay ku midaysanyihiin xubnaha Al-Itaxaad Al-Islaami ee Soomaaliya.

Sharikadda Telesom waxay ka mid tahay ganacsiyada ay shuraakada ku yihiin xubno wadaado ah oo badankooda la yaqaanno in ay ka mid ahaayeen Al-Itaxaad Al-Islaami, shirkadda waxaa markii hore la bilaabay 1999-kii waxay xafiisyo kulahayd Hargaysa, kadibna waxaa soo foodsaaray dhaqaale xumo gaadhsiiyey in la xidho.

Page 3: Daraasad Ku Saabsan Dibin-daabyada Shirkadda Telesom Ee Deegaanka Ssc Qaybta 6-Aad

kadib 11-kii September 2001-dii markii la qarxiyey daarihii maraykanka waxaa maraykanku Soomaaliya ku soo daray wadamada looga baqayo in Al-Qacida gabaadka ka dhigtaan, si taas looga hortago waxaa dawladda Maraykanku abaabushay koox daraasadeeya xidhiidhka kooxaha xagjirka ah iyo Soomaalida, kooxdaasi waxay soosaareen daraasad dheer, waxaa walaac laga muujiyey shirkadaha ganacsiga ee wadaadadu leeyihiin, qaarkoodna talaabo cad baa laga qaaday sida sharikaddii lacag xawilista ee Al-Barakaat. Ali Ahmed Nur Jim’ale markii xawaaladdiisii la xidhay wuxuu bilaabay in uu maal gashado shirkado kale, Telesom oo u baahnayd maalgashigaas ayaa 2002 la soo baxday dardar cusub ka dib markii Jimcaale %50 uu qaatay saamiga shirkadda.

Aasaasayaasha shirkadda Telesom oo ka kooban lix nin waxay dhammaantoodba ka mid yihiin ururada Islaamiga ah ee Soomaaliya, qaar ka mid ahna waxaa ku socda daba gal ku saabsan hantidooda iyo fikirkooda. Fadhiyadooda waxay ku qaataan fooq ku yaal xaafadda Shacabka ee Hargaysa, kooxdan waxaa ka soo fula go’aamada kama-dambaysta ah ee Telesom.

Magacyada Aasaasayaasha TelesomCabdikariin Maxamed Iid                        CiidagaleMaxamuud X. Aadan                          DhulbahanteSuldaan Maxamed Xassan                  Habar YoonisMaxamed Yuusuf Axmed (Alloore)  Habar YoonisCabdinaasir X.Aadn                               SamaroonEng. Cabdirashiid Muuse Iimaan             Sacad Muuse

Page 4: Daraasad Ku Saabsan Dibin-daabyada Shirkadda Telesom Ee Deegaanka Ssc Qaybta 6-Aad

[Midig: Maxamed Xasan, C/naasir X. Aadn, Eng C/rashiid, Maxamed Alloore]

  [Cabdikariin Maxamed Iid] [Maxamuud X. Aadan]                        

Sidoo kale waxaa jira gole lagu magacaabo gudida fulinta, oo iyaguna ka kooban lix nin oo wadaaddo ah.

Magacyada Golaha fulinta TelesomGud, Ciise Maxamuud Faarax Habar Jeclo2. Eng Muuse Cali Cige Habar Yoonis3. Faarax Maxamed Guure “Sugaal” Dhulbahante 4. Eng Siciid Xuseen Guleed Habar Yoonis5. C/salaam Ismacil Nuur Sacad Muuse6. Cabdiwahab Maah Maxamuud Samaroon

Page 5: Daraasad Ku Saabsan Dibin-daabyada Shirkadda Telesom Ee Deegaanka Ssc Qaybta 6-Aad

Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Telesom

Sanadkii 2006-dii markii ay Koonfurta ka soo bexeen Maxaakiimta Islaamiga ahi waxay isku dayeen in ay ku baahaan gudaha Soomaaliya oo dhan, waxay wateen aragti aad ugu dhow middii Al-Itaxaad Al-Islaami ay ku fashilmeen, waxay mandaqadaha kale ku yeesheen taageerayaal u ololeeeya, waxay sidoo kale dhaqaale xoogleh ka heleen Itaxaadka Somaliland iyo kuwa Puntland, Magaalooyinka Boosaaso, Laascaanood iyo Burco waxaa laga dareemay dhaqdhaqaaq xoog leh oo ganacsatada Itaxaadku wadaan. Shirkadda Telesom waxay ahayd isha koobaad ee Maxaakiimtu dhaqaale fiican ka heshay, taas waxaa fududeeyey saamilaha ugu badan ee shirkadda mudane Ali Ahmed Nur Jim’ale oo ka mid ahaa madaxdii Maxaakiimta.

Si ay fikirkooda maxaakiimtu ugu qanciyaan bulshada ku dhaqan gobolada Woqooyi iyo kuwa Bariga waxay ku dadaaleen in ay qabsadaan warbaahinta gudaha, wax badan baana arrintaa uga suura galay.

Aan tusaale u soo qaato, Radio Laascaanood oo ahaa idaacad madax banaan wuxuu ka mid noqday idaacadihii loo soo bandhigay in ay taageeraan fikirka maxkamadaha Islaamiga ah, laakiin arrintaas waxaa ku gacan-saydhay madaxdii idaacadda. Markii arrintu ka dhicisowday kooxdii farriinta waday ayay ku tashadeen in la curyaamiyo idaacaddan oo mid kale la furo.

Waxaa qorshahaas fulinayey shirkadda Telesom iyo shirkado kale oo ay shaqo wadaag yihiin sida Somtel oo xilligaas aanu la wareegin Dahabshiil. Idaacaddii Laascaanood waxaa laga gooyey Taleefanadii Telesom iyo Somtel Iyo Internet-kii oo u suura galinjiray in idaacddu hesho wararka gobolada Soomaaliya, waxaa sidoo kale shirkadda Lesco ka jartay korontadii idaacaddu ku shaqayn jirtay. Inkasta oo idaacaddii farsamo macmala ku sii shaqaysay hadana qorshahaasi si toosa ayuu u curyaamiyey idaacaddaas.

Isla maalintaas waxaa magaalada laga dhagaystay idaacad FM-ah oo baahinaysa Qur’aan iyo wacdiyo kale, idaacaddaas oo la sheegay in meel masaajid ah laga soo daynayo lama arag meel ay degantahay iyo meel anteeno uga taagantahay toonna, haddii aanay isticmaalayn taawerada Telesom. Shacabkii Laascaanood markii ay ka war heleen in Telesom oo la shaqaynaysa Maxaakiimta Islaamiga ah ee Xamar ay idaacaddii gobolka curyaamisay ayay mudaharaad balaadhan ku qaadeen xaruntii ay deganayd Telesom, banaan baxaa waxaa hogaaminayey tifatirihii Idaacadda Faysal Khaliif Barre waxaa sidoo kale ka dhex muuqday qaar ka mid ah shaqaalihii idaacadda. Shacabkii cadhaysnaa ayaa shiid roobka kaga dhigay Telesom ilaa gudaha loogu galay madaxdii shirkadda.

Al-Shabaab iyo Telesom

Waxaa jira xidhiidh qoto dheer oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Telesom, xidhiidhkaas oo xilli hore bilaabmay dhawaan ayaa si cad wax looga qoray, Al-Itaxaad oo sii wada fikradoodii dagaalka ku dhisnayd ayaa u gudubtay marxaladdii Maxaakiimta Islaamiga

Page 6: Daraasad Ku Saabsan Dibin-daabyada Shirkadda Telesom Ee Deegaanka Ssc Qaybta 6-Aad

ah, kadibna waxaa halkaas ka soo baxay ururka Al-shabaab oo gabood fallo xasuuq lagu tilmaami karo ka gaystay Soomaaliya.

Al-Shabaab, waxay aad uga faa’iidaysteen dhaqaalaha kobcaya ee shirkadda Telesom, iyaga oo soomaraya dhinaca adeegga ZAAD oo sida ay sheegeen golaha ammaanka ee qaramada midoobay qorshahani wuxuu bilaabmay dabayaaqadii September 2010-kii, waxana ujeedadu ahayd in Al-Shabaab loo hirgalaiyo in ay si fudud hanti u heli karaan.

Adeeggan ZAAD oo uu leeyahay mulkiilaha ugu saamiga badan Telesom waxaa waayahan danbe hadheeyey walwal badan, kadib markii ay golaha ammaanka ee qaramada midoobay soo bandhigeen in xidhiidh ay leeyihiin ZAAD iyo ururka Al-Shabaab.

Telesom-Zaad, waxaa kale oo lagu eedeeyey in ay lacago caawimo ah siisay Alshabaab kadib markii uu mudane Ali Ahmed Nur Jim’ale Zeko ahaan u siiyey Al-Shabaab lacago badan.

(12) Ali Ahmed Nur Jim’aleAKA: Ahmed Ali Jim’aleAKA: Ahmad Nur Ali Jim’aleAKA: Sheikh Ahmed Jim’aleAKA: Ahmad Ali Jim’aleAKA: Shaykh Ahmed Nur Jim’aleDOB: 1954POB: Eilbur, SomaliaNationality: SomaliaAlt. nationality: DjiboutiPassport: A0181988 (Somalia), exp. 23 January 2011Location: Djibouti, Republic of DjiboutiAli Ahmed Nur Jim’ale (Jim’ale) has served in leadership roles with the former SomaliCouncil of Islamic Courts, also known as the Somali Islamic Courts Union, which was 11radical-Islamist element. The most radical elements of the Somali Islamic Courts Unioneventually formed the group known as al-Shabaab. Al-Shabaab was listed for targeted sanctions in April 2010 by the United Nations Security Council committee established pursuant to resolutions 751 (1992) and 1907 concerning Somalia and Eritrea (the “Somalia/Eritrea Sanctions Committee”). The Committee listed al-Shabaab for being anentity engaged in acts that directly or indirectly threaten the peace, security, or stability of Somalia, including but not limited to acts that pose a threat to Somali Transitional Federal Government.

According to the July 18, 2011 report of the Somalia/Eritrea Sanctions Committee’sMonitoring Group (S/2011/433), Jim’ale is identified as a prominent businessman andfigure in the al-Shabaab charcoal-sugar trading cycle and benefitting from privilegedrelationships with al-Shabaab.

Page 7: Daraasad Ku Saabsan Dibin-daabyada Shirkadda Telesom Ee Deegaanka Ssc Qaybta 6-Aad

Jim’ale is identified as one of al-Shabaab’s chief financiers and is ideologically aligned with al-Shabaab. Jim’ale has provided key funding and political support for Hassan Dahir Aweys (“Aweys”), who was also listed by the Somalia/Eritrea Sanctions Committee.

Former al-Shabaab Deputy Emir Muktar Robow reportedly continued to engage inpolitical posturing within the al-Shabaab organization during the mid-2011. Robowengaged Aweys and Jim’ale in an effort to advance their shared objectives andconsolidate their overall stance within the context of the al-Shabaab leadership rift.As of fall 2007, Jim’ale established a front company in Djibouti for extremist activitiescalled the Investors Group.

The short term goal of the group was, through the funding of extremist activities and weapons purchases, to destabilize Somaliland. The groupassisted in smuggling small arms from Eritrea through Djibouti into the 5th region ofEthiopia where extremists received the shipment. As of mid-2008, Jim’ale continued tooperate the Investors Group.

As of late September 2010, Jim’ale established ZAAD, a mobile-to-mobile moneytransfer business and struck a deal with al-Shabaab to make money transfers moreanonymous by eliminating the need to show identification.As of late 2009, Jim’ale had a known hawala fund where he collected zakat, which was provided to al-Shabaab.

As of December 2011, unidentified donors from the Middle East were transferring money to Jim'ale, who in turn used financial intermediaries to send the money to al-Shabaab.

In 2009, Jim'ale worked with other like minded individuals to undermine the Somali TFG by not participating in Somali reconciliation efforts. As of late 2011, Jim'ale actively supported al-Shabaab by offering free communications, use of vehicles, food aid and political advisement and set up fundraisers for al-Shabaab through various business groups.

5-tii September, 2012-ka, Muuse Biixi oo ah guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, isaga oo khudbad ka jeedinaya munaasabad lagu qabtay jaamacdda Eelo ee Boorama wuxuu tuhun wayn ka muujiyey sida ay u shaqayso Telesom, wuxuu sheegay in Telesom ay meelo kale ku bixiso hantida ay woqooyiga ka helaan, taas oo ilaa iminka lagaran waayey cidda ay qarsoodiga u maal galaiyaan, wuxuuse guddoomiyuhu shaki ka muujiyey in shirkaddu ay Alshabaab caawimaad la garab joogto.

Sidoo kale Muuse Biixi wuxuu sheegay in ay dabaggal iyo baadhitaan ku samaynayaan shirkadda Telesom oo aad loo tuhmay tan iyo intii ay soo baxday eedaynta qaramada midoobay ee isku xidhaysa Al-Shabaab iyo Telesom.

Maalgalintii Shirkadda Telesom ay la garab joogtay Al-Shabaab waxay dhirbaaxo kulul ku jiidday maamulka Somaliland oo muddo qarinayey in Al-Shabaab laga badhi-taaro

Page 8: Daraasad Ku Saabsan Dibin-daabyada Shirkadda Telesom Ee Deegaanka Ssc Qaybta 6-Aad

Hargaysa, dawladaha reer galbeedka oo baadhitaan buuxa ku sameeyey xidhiidhkaas ayaa ugu danbayntii dhawaan waxay ka war heleen in Al-Shabaab dhaqaalaha ugu badan ay ka hesho shirkadaha ganacsiga ee wadaadada hargaysa ay leeyihiin, doorka ugu waynna ay ka qaadato shirkadda Telesom oo Lacago badan sanadwalba sako ahaan ugu hibeeya Al-Shabaab.

Waxaa kale oo dawladda Ingiriisku xog buuxda ku heshay in wasirro ka tirsan maamulka Somaliland la ogyahay in ay si cad xidhiidh wanaagsan ula leeyihiin Alshabaab, taas oo dawladda Ingiriiska walaac wayn ku abuurtay, ilaa ay dhawaan digniin cad ka soosaareen oo dawladda Ingiriisku waxay shacabkooda ku sugan Somaliland ku wargaliyeen in ay isaga soo baxaan Hargaysa oo noqotay shaldhigga koobaad ee Al-Shabaab.

[SH. Khaliil Cabdilaahi Axmed]

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta ee Somaliland Shiikh Khaliil Cabdilaahi Axmed, wuxuu ka mid ahaa ururkii Al-Itaxaad Al-Islaami. Mudanahani wuxuu kamidyahay saamilayda Telesom ee magaalada hargaysa, dhawr jeerna shirkaddu waxay guddoonsiisay bilad-sharafeed taas oo la sheegay in uu ku mutaystay la shaqaynta gaarka ah ee Telesom uu u fuliyo.

Musatfe Khaliil Cabdilaahi, waa wiil uu dhalay wasiirku, wuxuu muddo dheer ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, intii aanu ku biirin Mustafe kooxdan, wuxuu suuqa Bakaaraha ku hayey meherad ama dukaan uu aabihiis leeyahay.

Markii Mustafe Khaliil Cabdilaahi goostay in uu Al-Shabab isaga boxo waxaa ka hortimi caqabad, waxaa ku adkaatay sidii uu uga bixi kari lahaa kooxda, waxaa arrintaas garab ka

Page 9: Daraasad Ku Saabsan Dibin-daabyada Shirkadda Telesom Ee Deegaanka Ssc Qaybta 6-Aad

siiyey aabihii oo wasiir ka ah Somaliland waa Mr. Khaliile, wuxuu la xidhiidhay Al-Shabab oo ka codsaday in wiilkaas la soo noolyo, Al-Shabaab waxay wiilkii ku soo wareejisay maamulka Puntland, waxaana Garoowe ku kala gudoomay Musatafe, sirdoonka Somaliland iyo sirdoonka Puntland.

Marka aad eegtid Mustafe ama aad eegtid qorshaha aabihii waxaa kuu cadaanaysa in arrinku uu ka waynaa in Mustafe uu alshabaab ka yimi, waayo Mustafe saaxiibadiisii wax la fulin jiray Hargaysa ayay deganyihiin.

Lasoco Qaybta 7-aad

Qaybihii hore ka akhri Hoyaalay.com

[email protected]