41
Qaybta 4aad Australiyada maanta Australia waa dhulka adduunka dhul ahaan u da’ weyn. Waa wadanka lixaad oo ugu weyn adduunka.

Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

  • Upload
    others

  • View
    2

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira38

Qaybta 4aadAustraliyada maanta

Australia waa dhulka adduunka dhul ahaan u da’ weyn.

Waa wadanka lixaad oo ugu weyn adduunka.

Page 2: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 4aad – Australiyada maanta 39Qaybta 4aad – Australiyada maanta 39

Australiyada maantaBoggagaan waxaad ka baran doontaa wixii ku saabsan waxa wadankaa ka dhigay mid gaara. Waxaad ogaan doontaa wax badan oo ku saabsan dhaqankeena, hal abuuradeena, iyo waxa lagu garto qarankeena. Adduunka maanta ah, Australia waa horay u socod xagga ganacsiga iyo kala gadashada waana muwaadin caalamai ah oo ixtiraaman. Waxaanu qiimaynaa waxay ku sameeyeen soogalootiga cusub wadankeena kororkiisa joogtada ah iyo cusboonaysiintiisa.

DhulkaAustralia waa mid gaara siyaallo badan. Todobada qaaradood oo adduunka, Australia waa wadanka keliya oo ay degan tahay hal umad ah. Waxaan leenahay dadka ugu yar tira ahaan oo adduunka, labadii qofba waxay degan yihiin laba kiilometer oo isku wareeg ah.

Australia waa dhulka adduunka ugu da’ weyn. Waana wadanka lixaad oo ugu weyn adduunka. Waana wadanka ugu qalalan oo la degan yahay, sidaas darteed qaybaha intooda badan biyuhu waa shey aad muhiim u ah.

Dhulka badankiis ciidiisu waa faqiir, boqolkiiba 6 ayaa ku haboon beeraha. Dhulka qalalan waxaa loogu yeeraa ‘outback’. Waxaa jira ixtiraam weyn oo dadkaas ku nool kana shaqeeya bay’adaas dhibta badan oo durugsan. Kuwa badan ayaa noqday kuway Australia ku faanto.

Maadaama Australia tahay dhul sidaas u ballaaran, hawadu waa isbedeshaa qayba badan oo qaarada ka mid ah. Waxaa jira gobolo kulayle ah oo ku yaalla waqooyiga iyo lama degaan ku yaalla bartamaha.

Dhinaca koonfurta, kulayluhu wuxuu iska bedeli karaa diraac qabow oo dhinaca buuralayda ah, iyo kulayle aad u daran oo xilliga kulaylaha ah.

Marka lagu daro lixda dawlad goboleed iyo labada territori, Dawlada Australia waxay kaloo maamushaa, territori ahaan, Ashmore iyo Cartier Islands, Chrismas Island, Cocos (Keeling) Islands, Jervis Bay Territory, Coral Sea Islands, Heard Island iyo McDonald Island oo ku taal Australian Antarcic Territory iyo Norfolk Island.

Page 3: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira40

Goobaha raadka noolaha Australiyaanka ee South Australia iyo Queensland

Fraser Island ee Xeebta Koonfuureed ee Queensland

Goobaha Hidaha AdduunkaIn ka badan 11 boqolkiiba qaaradayada waxaa ilaaliya dhul asali ah, xermo ama xirmo Qaran (national Park) oo loo maamulay in loo xafido sida waafaqsan mustawaha caalamiga ah. Todoba iyo toban goobood oo Australiyaana ayaa laga diiwaangeliyey Liiska Dhaxalka Adduunka Ururka Jimciyada Quruumaha ka dhexeeya ee Dhaqanka iyo Sayniska, iyo Waxbarashada (UNESCO).

Kayma-roobaadka Gondwana ee New South Wales iyo Queensland

Great Barrier Reef ee Queensland

Buuraha Great Blue Mountains ee Sydney Heard Island iyo McDonald Island ee Territoriga Cirifka Australia

Xirmooyinka Qaranka Kakadu ee Waqooyiga Northern Territori

Lord Howe Island ee Xeebta New South Wales

Macquire Island oo South Tasmania

Page 4: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 4aad – Australiyada maanta 41

Xirmada Qaranka Purnululu ee Western Australia

Royal Exhibition Building and Carlton Gardens in Melbourne

Shark Bay ee Western Australia

Sydney Opera House

Dhul-Duureedka Tasmania

Kulaylaha Qoyan ee Queensland

Willandra Lakes ee New South Wales

Waxaan kugu dhiirigelinaynaa

in xoojiso khibradaada adiga oo

booqanaya kuwaan iyo meela kale

oo la yaab leh bartilmaameedna

ah. Waxaad ku socon kartaa

xeebta, buuralayda ama dhul-

roobaadka. Talaabo kasta oo

aad qaado waa talaabo kugu

dhowaynaysa dhul khayraadkaan

ballaaran.

Xirmada Qaranka ee Uluru-Kata Tjuta ee ku taalla Northern Territori

Page 5: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira42

Carruur wax ka baranaysa Dugsiyada Hawada ee New South Wales

Wadan ballaaranBallaarka Australia waxay keentay hal-abuurnimo iyo iqtiraax.

Waayadii hore, dadku meelaha durugsan joogaa waxay u safri jireen mararka qaarkood maalmo badan si ay u booqdaan dhakhtarka ugu dhow. Carruur badan oo baadiyaha joogta ayaa ku nool meela fog si ay u tagaan dugsiga.

Qoysaska meelaha durugsan jooga way ku adkaataay inay u adkeysataan gooni joogaan Xaruma badan oo lo’aad ayaa ku sugnaan kara kumaankun kiilomitir dhul ah. Carruurta iyo dumarka ku nool halkaas waxaa laga yaabaa in aanay cid kale arkin bila badan. Ma jirin telefoono dadkuna waxay dareemayeen go’doon siyaada ah iyo khatar ku noolaansho.

Waxaa jiray dhibaatooyin ay dadka Australiyaanka ahi ku xaliyeen hal abuurnimo iyo da’daal.

Raadiyaha la wareejinayoSanadii 1929, Alfred Traegar, oo reer Adelaide ah, ayaa hindisay raadiyihii ugu horreeyey oo lug-ku-wareejin ku shaqeeya. Isticmaalayshu waxay ku wada hadli jireen raadiye iyaga oo lugtooda ku wareejinaya. Guri jooga kelida ah, maxadooyinka durugsan ee diimeed iyo bulshooyinka Aborijiniska ayaa dhamaan ka faaiidaystay aqoontaas cusub. Dumarkii go’doonsanaa ayaa hadda saaxiib noqday oo hawada ka wada xiriiray.

Raadiyaha wareejinta ku shaqeeyaa wuxuu caawimay asaasida laba hayd’adood oo Australiyaan ah kuwaas oo kala ah Royal Flying Doctor Service iyo School of the Air.

Adeega Royal Flying Doctor ServiceReverand John Flynn wuxuu ku noolaa lana shaqeeyey dadka ku nool meelaha durugsan. Aragtidiisu waxay ahayd in sida ugu dhaqsaha badan dhakhtar loogu geeyo dadka degan meelaha durugsan iyada oo diyaarad loogu keenayo. Wuxuu ka helay kaalmo dawlada, Qantas iyo deeqo la baxsan karo. Adeega Royal flying Doctor Service wuxuu bilawday 1928 laakiin weli waxaa jiray dad aan u yeeli karin adeeg. Soosaaristii raadiyaha lug-ku-wareejinta ku shaqeeya wuxuu xaqiijiyey in dadka meelaha durugsan degani si degdeg ah ku heli karaan dhakhtar sida ugu dhaqsaha badan.

Dugsigii Hawada (The School of the Air) Ilaa 1950kii, carruurta ku nool meelaha cidlada ah waxay tagayeen dugsiga la seexdo ama ay ku dhamaysanayeen xiisadahooda boostada lagu soo diro.

Adelaide Miethke, ku-xigaha madaxa Royal Flying Doctor Service in South Australia, wuxuu xaqiijiyey in Adeega Royal Flying Doctor Service uu sidoo kale ku caawimi karo carruurta guriga iyaga oo la hadlaya macalimiintooda. Adeega Alice Springs Service wuxuu bilaabay inuu sii daayo laba xiisadood oo laba dhinac ah 1948. Dugsiga hawada waxaa rasmi ahaan la asaasay dhowr sano ka dib. Dugsiga Australia ee Hawada wuxuu kaloo caawimaa wadama kale oo badan si ay u samaystaan barnaamijyo kuwaas la mid ah.

Qaabkii hore ee lug-ku-wareejinta waxaa hadda bedelay qabtayaasha hirarka, laakiin Royal Flying Doctor Service ee Australia iyo School of the Air waxay wadaan inay u khidmeeyaan una faaiideeyaan dadka degan goobaha durugsan ee bulshada.

Page 6: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 4aad – Australiyada maanta 43

Aqoonsiga AustraliaAqoonsiga Australia waxaa qaabeeyey hidaheena gaarka ah, dhaqankeena iyo hab nololeedka dadkeena.

Ian Thorpe, ayaa shan jeer ku guulaystay bilada dahabka ee tartanka Olympiga

Xubin ka mid ah Kooxda Fuutiga Qaranka Dumarka ee Australia

Cayaaraha iyo MadadaaladaAustraliyaan badan waxay jecel yihiin cayaaro kuwa badanina waxay gaareen natiijooyin aad u wanaagsan heerka caalamiga ah.

Aad ayaan ugu faraxsanahay sumcadeena ummadeed ‘cayaar fiican ahaan’. Cayaar yahanada Australiyaanka ah, rag iyo dumarba, waa loo riyaaqay inay wakiil ka yihiin qiyamka shaqo adayga, isku duubnida iyo cayaar wanaaga.

Taariikhdeena, cayaartu way saamaysay waana midaysa dadka dhamaantiis. Laga soo bilaabo degidii ugu horraysay, cayaartu waxay ahayd looga cararo xaqiiqada nolosha qalafsan. Xataa xilligii dagaalka, xubnaha xooga dalka Australia waxay isku duba rideen tartan si ay u caawinto ka soo kabsashada cadaadiska goobta dagaalka.

Cayaaruhu waxay kaloo bixiyaan aragti siman taas oo cayaaryahanada iyo daawadayaashu labaduba ay dareemeen isku aragti iyo inay qayb ka yihiin waxyaallo muhiim u ah mujtamaca Australia.

Dad badan oo Australiyaana ayaa ka qaybgala cayaaraha kooxeed. Cricket-ka, kubbada kolayga, kubada shabaqa, hokiga iyo kubada fuutiga Australiayaanka ayaa ka mid ah kuwa loogu jecel yahay.

Dabaasha, teniska, cayaaraha fudfudud, goolafka iyo baaskiilka ayaa ah xarakaadyada madadaalada ee loogu jecel yahay. Xarakaadyada kale ee jireed oo loogu jecel yahay waxaa ku jira ku socodka kaymaha, bad-loox-kula socodka iyo baraf-loox kula socodka.

Australia waxay kaloo cayaartaa oo jeceshahay inay daawato cayaaraha kubbada cagta, rugby league, rugby union iyo kubbada fuutiga Australiyaanka. Fuutiga waa cayaar gaar u ah Australia.

Australia waxay si gaara ugu faraxsan tahay guusheeda caalamiga ah cayaaraha cricket-ka. Australiayaanka iyo kooxaha Ingiriiska ee cricketka waxa ka dhexeeyey tartan aad u daran ilaa qarnigii 19aad.

Melbourne Cup (Koobka Melbourne), ‘tartanka joojiya ummada’, ayaa ah midka ugu qanisan uguna loolan badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha Nufeembar, oo ah Melbourne Cup, waxaa laga dhigay maalin fasax Fiktooriya ilaa 1877.

Page 7: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira44

Sir Donald Bradman (1908 – 2001)

Sir Donald Bradman ayaa ah batsman-kii ugu fiicnaa criket-ka waana cayaar yahan Australiyaana oo taariikhi ah.

Wuxuu ku koray Bowral, New South Wales, Donald Bradman wuxuu cayaaray cayaartiisii ugu horaysay ee kooxda Australiyaanka sanadii 1928.

Wuxuu ahaa nin tabar yar laakiin aad u fudud una degdega. Socdaalkiisii ugu horrayey ee Ingiriiska 1930, wuxuu jebiyey rikooradii ka oolaa ku-dhifashada (batting). Markuu jiray 21 sano, wuxuu ahaa nin aad loo jecel yahay.

Bradman cayaartiisii ugu dambaysay ee 1948, kooxdiisii waxaa loogu magacdaray ‘The Invincibles’ markii ay guulaysteen cayaar kasta oo ay la cayaareen Ingiriiska.

Sir Donald Bradman, oo loo yaqaan ‘The Don’ waxaa loo aqoonsaday batsmaankii ugu fiicnaa adduunka. Garaacidiisu isku-celcelis ahaan waxay ahayd 99.94.

Farshaxanka/fankaAustralia waxay leedahay farshaxan aad u sarreeya kaas oo ay ku jirto kan asaliga ah caadoyinkooda dhaqameed iyo isku dardarka qaniga ah dhaqamada dadka soo galootiga ah. Dhamaan qaababka farshaxan samaynta iyo Muuqaalka ee Australia kuwaas oo ay ku jiraan filimada, farashaxanka, tiyaatarka, muyuusiga iyo dhaansiga, waxay soo jiiteen gudaha iyo dibadaba.

SuugaantaAustralia waxay leedahay caado suugaaneed oo xoogan taas oo ka bilaabatay sheeko sheegida Australiyaanka asaliga ah waxayna ku socotay sheekada afeed oo dembiilayaasha imanayey dhamaadkii qarnigii 18aad.

Inta badan qoraaladii hore ee Australia waxay ku saabsanaayeen dhibta nolosha baadiyaha sida bay’ada qalafsan. Qorayaasha sida Henry Lawson iyo Miles Franklin waxay qoreen gabayo iyo sheekooyin ku saabsan baadiyaha iyo hab nololeedka Australia.

Buug qoraha Australiyaanka ah, Patrick White, wuxuu ku guulaystay Nobel Prize xagga suugaanta. Qorayaasha kale ee casriga ee Australiyaanka ah waxaa ku jira Peter Carey, Colleen McCullough iyo Tim Winton.

Judith Wright (1915 – 2000)

Judith Wright waxay ahayd gabyaa caana, bay’ad ilaaliso iyo qof u ololeeya xuquuqda dadka Aborijiniska.

Waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican gabaayaasha loogu jecel yahay Australia. Waxay ku sharaxday jacaylkeeda Australia iyo dadkeeda gabaygeeda. Waxaa la guddoonsiiyey abaalmarina badan iyo Bilada Dahabka ah ee Boqorada ee Gabayga. Waxay xubin ka ahayd Guddiga Ilaalinta Bay’da Australia iyo Guddiga Cahdiga Aborijinaalka.

Judith Wright waxaa lagu xasuustaa xirfadaheeda gabyaanimo iyo xoojinta suugaanta Australia iyo dib u qaabaynta mujtamaca iyo bay’ada.

Page 8: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 4aad – Australiyada maanta 45

Professor Fred Hollows (1929 – 1993)

Professor Fred Hollows wuxuu ahaa dhakhtar indhood kaas oo caawimay u soo celinta aragii malaayiin dad ah Australia gudaheeda iyo wadamada soo koraya.

Fred Hollows wuxuu ku dhashay New Zealand. Sanadii 1965, wuxuu u soo guuray Australia dabadeedna wuxuu noqday madaxa qaybta Indhaha ee Sydney Hospital.

Wuxuu si aad ah u aaminsanaa tayada dhamaan dadka oo dhan wuxuuna asaasay adeegii caafimaad ee Aborijiniska ee ugu horreeyey. Hadda waxaa ka jira Australia 60 xarumood.

Sanadii 1980kii, Fred Hollows wuxuu wareegayey adduunka si uu u caawimo barnaamijyada caafimaadka indhaha wadamada soo koraya. Wuxuu noqday Australiayaan sanadii 1989kii.

Professor Hollows hawshiisii waxaa sii wada xaaskiisii, Gabi, The Fred Hollows Foundation.

Tiyaatar iyo filimAustraliyaanku ahi waxbay jilaan , filimada iyo filim samayayaasha waxaa laga aqoonsaday lagana jecel yahay wadanka dibadiisa. Jilayaasha Australiyaanka ah waxaa ka mid ah Cate Blanchett iyo Geoffrey Rush, kuwa filimada sameeyana waxaa ku jira Peter Weir waxay ku guulaysteen abaalmarino caalami ah heerkooda wanaagsan ee filimka.

Farsahaxan/fankaShaqada ugu fiican oo hawsha farshaxanka waa ranjiyaynta ay sameeyeen dadka asaliga ah iyo muuqaalka kaymaha ee qarnigii 19aad oo ranjiyeyaasha ay ka midka yihiin Tom Roberts, Frederick McCubbin iyo Arthur Streeton. Qarnigii 20aad, farshaxanada Russell Drysdale iyo Sidney Nolan ayaa si waadax ah ugu muujiyey qaharka meelaha durugsan sawir midab leh. Dhowaan, Brett Whiteley wuxuu ku hellay amaal marin caalami ah hanaankiisa gaarka ah oo quruxda badan.

Muyusik iyo qoob ka cayaarDadka Australiyaanka ahi waxay heer fiican ka gaareen dhamaan dhinacyada muyuusiga caalamkana waa laga aqoonsaday heerkooda sarre ee muyuusiga noocyadiisa dhaqameed iyo kiisa casriga ah. Codadka Australiyaanka ah oo sida sahlan loo aqoonsan karo waxaa ka mid ah didgeridoo, qalabka qadiimka ah ee dadka Aborijiniska ah.

Qoob ka cayaarka Australiyaanku wuxuu ku hanaqaaday da’daalka ay sameeyeen qoobka cayaarada waaweyn iyo raga hindisa qoobka cayaaraha iyo ballet-ka sida Sir Robert Helpmann, Meryl Tankard iyo Stephen Page.

Horumarka sayniska laga gaaray iyo hindisidaAustralia waxay leedahay diiwaan aad u weyn oo ah guulaha sayntiifiga iyo horumarka dhinacyada daawada, farsamada, beeraha, macdan soosaarka iyo wershadaynta.

Toban Australiyaana ayaa la gudonsiiyey abaalmarinta Nobel Prize xagga sayntifiga iyo iqtiraaxida daawada.

Dadka dhinaca sayniska wax ku hellay waxay kaloo helleen abaalmarinta sanadeed ee Australia. Sanadii 2005, abaamarinta waxaa heshay Professor Fiona Wood, kaas oo horumariyey aallada lagu buufiyo dadka dabku waxyeellay. Sanadii 2006, abaalmarinta waxaa hellay Professor Ian Frazer, kaas oo horumariyey talaalka kansarka ilma-galeenka. Sanadii 2007, Professor Tim Flannery, hogaamiyaha aqoonta bay’ada ayaa hellay abaal marin.

Professor Wood iyo Professor Frazer labaduba waxay ka yimaadeen Ingiriiska waxayna u soo guureen Australia. Qofkii Professor Frazer la hindisay wuxuu ahaan Dr Jian Zhou, oo ka soo haajiray Shiinaha dabadeedna noqday muwaadin Australia ka hor inta aanu dhiman.

Isku-dubaridaha muyuusiga orchestra-da iyo ka qaybgalihii kulankii dhalashada Vladimir Verbitsky Western Australian Symphony Orchestra

Page 9: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira46

Dadka Australiyaanka ah oo beled sanadeedka qaataLaga soo bilaabo 1960, Abaalmarinta Australia waxay u dabaaldegtay guusha iyo doorka hogaaminta ee dadka reer Australia. Qofkasta ayaa magacaabi kara Australiyaan wuxuu doono ha qabtee. Australiyaanka Sanadeed waa dad aad ugu fiican shaqadooda ummadana si fiican ugu shaqeeyey.

1995 Arthur Boyd AC OBE

Farshaxan-sameeya

1994 Ian Kiernan OAM

Ololeeyaha ‘Clean Up Australia’ (nadiifinta Australia)

1992 Mandawuy Yunupingu

Hogaamiye dadka asalka ah

1991 Archbishop Peter Hollingworth AO OBE

U hadlaha xuquuqda mujtamaca

1990 Professor Fred Hollows AC

Dhakhtarka indhaha

1989 Allan Border AO

Horjoogaha Tartanka Cricket-ka

1988 Kay Cottee AO

Qof jebiyey rikoordhka doon-kaxaysiga kelida ah

1987 John Farnham

Heesaa iyo muyuusiga sameeye

1986 Dick Smith

Dalmareen iyi Asxaansameeye

1985 Paul Hogan AM

Jilaa

1984 Lowitja O’Donoghue CBE AM

Hogaamiye dadka Asaliga ah

1983 Robert de Castella MBE

Horyaalka Orodka dheer ee Caalaamiga ah

1982 Sir Edward Williams KCMG KBE

Xubin, Australian Royal Guddiga Baarista Daroogada

1981 Sir John Crawford AC CBE

Qoondeeyaha Kororka Australia Dagaalkii Ka-dib

1980 Manning Clark AC

Taariikhyahan

2009 Professor Michael Dodson AM

Hogaamiyaha Dadka asaliga ah

2008 Lee Kernaghan OAM

Heesaa, Muyuusig yaqaan iyo Asaasaha ‘Pass the Hat Around’ Tours

2007 Professor Tim Flannery

Saynisyahan, Qoraa iyo Bay’ad ilaaliye

2006 Professor Ian Frazer

Aqoonyahanka habka difaaca jirka

2005 Professor Fiona Wood AM

Qaliinka la xiriira plastic surgery iyo takhasusaha Gubniinka

2004 Steve Waugh

Horjooge Cayaarta Criket-ka iyo U Doodaha Aadamiga

2003 Professor Fiona Stanley AC

Dhakhtarka carruurta iyo aqoonyahanka fidida iyo xakamaynta cudurka

2002 Patrick Rafter

Horyaal Tartan Tenis oo Maraykanka iyo Asaasaha ‘Cherish the Children Foundation’

2001 Lt General Peter Cosgrove AC MC

Madaxa Ciidmada Australia 2000-2002

2000 Sir Gustav Nossal AC CBE FAA FRS

Aqoonyanka Baarista Noolaha

1999 Mark Taylor

Horjoogaha Tartanka Cricket-ka

1998 Cathy Freeman

Horyaalka Cayaaraha ee Olymbiga iyo Caalamka iyo Safiir-maamuuska dadka asaliga ah

1997 Professor Peter Doherty

Musharafka daawada

1996 Doctor John Yu AM

Dhakhtar carruureed

Page 10: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 4aad – Australiyada maanta 47

1979* Senator Neville Bonner AO

Mudanihii ugu horeeyey oo ah Aboriginal

1979* Harry Butler CBE

Bay’ad ilaaliye iyo dabiici ilaaliye

1978* Alan Bond

Ganacsiga

1978* Galarrwuy Yunupingu AM

Hogaamiye dadka asaliga ah

1977* Sir Murray Tyrrell KCVO CBE

Xafiiska Xoghayaha Wakiilka Guud ee Boqorada

1977* Dame Raigh Roe DBE

Hogaamiyaha Jimciyada Dumarka meelaha magaalada ka baxsan

1976 Sir Edward ‘Weary’ Dunlop AC CMG OBE

Dhaktar qaliin oo militari

1975* Sir John Cornforth AC CBE

Ku guulaystaha abaalmarinta Kimistariga

1975* Major General Alan Stretton AO CBE

Taliyihii hawlgalkii Wax-ka-qabadka Darwin ka dib Cyclone Tracy

1974 Sir Bernard Heinze AC

Hagaha garaacayaasha qalabka muyuusiga iyo Muyuusig sameeye

1973 Patrick White

Ku guulaystaha abaalmarinta suugaanta

1972 Shane Gould MBE

Horyaalka Dabaasha Olymbiga

1971 Evonne Goolagong Cawley AO MBE

Wimbledon and French Open Tennis Champion

1970 His Eminence Cardinal Sir Norman Gilroy KBE

Australiyaankii ugu horreeyey ee Sarkaal sarre ka noqda Kaniisada Katoliga

1969 Rt Hon Richard Gardiner Casey Baron of Berwick, Victoria and of the City of Westminister KG GCMG CH

Wakiilkii Guud ee Boqorada 1965-69

1968 Lionel Rose MBE

Horyaalka Feerka ee Caaalmka

1967 The Seekers

Koox Muyuusik

1966 Sir Jack Brabham OBE

Horyaalka Tartanka Baabuurta Caalamka

1965 Sir Robert Helpmann CBE

Jile (atoore), qoob-ka-cayaare, soosaare, iyo sameeyaha cayaarta ballet-ka iyo muyuusiga

1964 Dawn Fraser MBE

Horyaalka dabaasha Olympiga

1963 Sir John Eccles AC

Musharafka Daawada

1962 Alexander ‘Jock’ Sturrock MBE

Madaxii doontii Tartanka ee Koobka Maraykanka

1961 Dame Joan Sutherland OM AC DBE

Qof dumar ah leh codka ugu dheer ee hees

1960 Sir MacFarlane Burnet OM AK KBE

Ku guulaystaha abaalmarinta

*Intii u dhexaysay 1975 iyo 1979 Golaha Canberra Australia Day Council waxay sidoo kaleaqoonsadeen ‘Australian of the Year’.

Magacaabista ka dambaysay ee la xusay ka dib abaalmarinta magaca hellaha sidaas ayay ahaayeen waqtigii abaalmarinta la hellay.

Guulahoodu waxay naga dhigaan in aan ka fekerno maxaa intaas ka badan oo aan samayn karnaa si aan qayb uga qaadano wadankeena. Abaalmarinaha hadda waxaa ku jira tan la siiyo dhalinyarada oo loo yaqaan ‘Young Australian of the Year’, iyo tan dadka waaweyn oo loo yaqaan ‘Senior Australian of the Year’ iyo Geesigeena Australia ‘Australia’s Local Hero’.

Page 11: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira48

Lacagta Australia Lacagteena waxaa ka muuqda dad iyo astaamo muhiim u ah Australia. Dadka caanka ah oo doortay inay ka dhexmuuqdaan lacagteena waxaa muujiyey da’daal iyo qof dheeri dhinacyada wax ka bedelida bulshada, sayniska, siyaasada, guusha ciidamada iyo farshaxanka.

Queen Elizabeth II (waxay dhalatay 1926)Aqalka Baarlamaankii hore iyo kan cusub

Boqorada Queen Elizabeth II waa Madaxa wadanka Australia. Waa boqorada Australia iyo Ingiriiska waxayna ku nooshahay Ingiriiska. Waxay ahayd mudada ay haysay Boqortooyada qof muujisay adkaan, iyo deganaan iyo xukun caana.

Lacagta xaashida ah oo $5 waxay muujisaa baarlamaankii hore iyo Aqalka Baarlamaanka cusub ee Canberra.

Dame Mary Gilmore (1865 – 1962)

Dame Mary Gilmore waxay ahayd qoraa, weriye, gabyaa iyo u ololeeye wax ka bedelida bulshada. Waxaa lagu xasuustaa qoritaankeeda iyo u hadlida dumarka, Australiyaanka asaliga ah iyo dadka faqriga ah.

AB ‘Banjo’ Paterson (1864 – 1941)

Andrew Barton Paterson wuxuu ahaa gabyaa, heesa-qore iyo suxufi. Wuxuu qoray isaga oo isticmaalaya magaca ‘Banjo’ Paterson waxaana lagu xasuustaa ‘Waltzing Matilda’, heestii ugu caansanayd Australia.

Reverend John Flynn (1880 – 1951)

Reverend John Flynn wuxuu bilaabay adeegii caafimaad diyaaradeed oo ugu horreeyey Australia, Royal Flying Doctor Service. Waxaa lagu xasuustaa badbaadinta dad badan isaga oo keenaya adeeg caafimaad meelaha durugsan ee Australia.

Mary Reibey (1777 – 1855)

Mary Reibey waxay ahayd hal abuurto gabar ganacsi deegaanka New South Wales. Ka dib markay Australia ku timid dhalinyaro dembiile ah ahaan, waxay noqotay hogaamiye bulsho.

Page 12: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 4aad – Australiyada maanta 49

David Unaipon (1872 – 1967)

David Unaipon wuxuu ahaa qoraa, qof ka hadla goobaha dadweynaha iyo curiye. Waxaa lagu xasuustaa doorkiisii sayniska iyo suugaanta, iyo wanaajinta xaallada dadka Aborijiniska ah.

Edith Cowan (1861 –1932)

Edith Cowan waxay ahayd bulsho u shaqayso, siyaasiyad iyo u doodaha xuquuqda dumarka. Waxay ahayd qofkii dumarka ahaa oo ugu horreyey oo loo doorto baarlamaanka Australia.

Sir John Monash (1865 – 1931)

Sir John wuxuu ahaa injineer, maamule iyo mid ka mid ah taliyayaasha ugu waaweynaa ciidamada. Waxaa lagu xasuustaa hogaamintii, garashadii iyo isku-dubaridnimadiisa.

Dame Nellie Melba (1861 – 1931)

Dame Nellie Melba waxay ahayd qof can ku ah codka dheer ee heesta. Waxaana aduunka looga yaqiin ‘Boqoradii Codka’, waxayna ahayd heesaagii ugu horeye oo caan ku noqda adduunka.

Page 13: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira50

Maalmaha qaranka iyo dabaaldegyadaMaalmaha ciidaha qaranku waxay ka tarjumaan hidaha Judaeo-Christian-ka waxaana u dabaaldegnaa astaamaha qaabeeya aqoonsiga Australia ilaa degitaankii Yurubiyanka.

Maalma go’anMaalinta sanadka cusub oo ah 1da Janaayo

Waxaan u dabaaldegnaa bilawga sanadka cusub.

Maalinta Australia oo ah 26da Janaayo

Waxaan u dabaaldegnaa waxa ay u tahay Australia inaad ahaato Australiyan waxaana xasuusanaa imaatinkii kooxdii ugu horraysa oo ku degta Sydney Cove sanadii 1788.

Maalinta Anzac oo ah 25ka Abriil

Waxaan xasuusanaa ku degidii ciidamada Australia iyo New Zea land (ANZAC) Gallipoli intuu socday dagaalkii 1aad ee adduunka. Waxaan kaloo sharafnaa Australiyaanka kuwaas oo dagaalka ka qaybgalay una dhintay.

Maalinta Kirismaska ee 25ka Diseembar

Maalinta hadiyad bixinta ee dabaaldega mashiixiga dhalashadii nebi ciise.

Maalinta loo yaqaan Boxing day oo ah 26da Diseembar

Qayb ka mid ah dabaaldega masiixiga.

Maalma kala duwanMaalinta shaqaalaha ama Maalinta Sideeda Saacaadood (Eight Hour Day)

Waxaa loo dabaaldegaa maalinta shaqaalaha Australia ku guulaysteen shaqa-maalmeedka sideeda saac ah – ugu horreyey adduunka.

EasterWaxaa la xusaa taariikhda masiixiga ee dhimashada iyo dib u soo celinta nebi Ciise.

Maalinta Boqorada

Waxaa loo dabaaldegaa dhalashada madaxa Dawlada, Queen Elizabeth II. Dabaaldegaan waxaa la qabtaa Isniinta labaad ee bisha June dawlad goboleed iyo territori walba marka laga saaro Western Australia.

Maalmaha kale oo ciidaha ahMaalma kale oo ciid ah ayaa lagu qabtaa gobolo kala duwan, territoriyo iyo degmooyin. Tusaale, Australian Capital Territory waxay leedahay Canberra day, South Australia waxay leedahay maalinta Tabaruciinta, Western Australiyana waxay leedahay maalinta Foundation day.

Bulalayrka Habeenka Ka-horreya Sanada cusub oo lagu qabto Sydney Harbour 2005

Page 14: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 4aad – Australiyada maanta 51

Dadka Australiyaanka ahAustralia dadkeedu wuxuu gaaraya 22 milyan waana wadanka ugu badan dad kala jaadjaad ah adduunka. Dadka asaliga ah waa 2.5 boqolkiiba tirada guud oo Australia. Afar meelood oo meel ayaa dadka Australiyaanka ah ku dhashay dibada, waxayna ka kala yimaadeen in ka badan 200 wadan. Kala duwanaantaasi waxay siisaa dadka Australia luqado, caqiidooyin, caadooyin iyo dhaqama qaniya oo kala jaadjaad ah.

Australia xiriirkaay la leedahay Ingiriiska wuxuu sii noqonaya gabaabsi laakiin saamaynta Ingiriisku waxay ka muuqataa Australia macaahideeda. Waxay kaloo ku badbaaday waxyaalla badan oo qayimkeena ah, dabcan, luqadeena qarameed. Iyada oo lagaga hadlo in ka badan 200 luqadood guriga iyo bulshada dhexdeeda (kuwaas oo ay ku jiraan luqada badan oo dadka asaliga ah), Ingiriiska ayaa muhiim ka ah aqoonsigeena qarameed.

Dhaqaalaha Australia Australia waxay leedahay dhaqaale degan oo la tartami kara adduunka. Waxaanu qiimaynaa shaqaaleheena xirfada leh oo firfircoon. Tayada nolosha oo ay raaxaystaan dadka Australia waa mid ka mid kuwa adduunka ugu fiican.

Dick Smith (wuxuu dhashay 1944)

Dick Smith waa ganacsade Australiana oo safka hore ku jira, dalmareen iyo deeqbixiye.

Dick Smith wuxuu ka sameeyey lacagtiisii ugu horraysay ganacsigiisii elektarooniga. Wuxuu u isticmaalay dhaqaalihiisa inuu ku hormariyo Australia. Wuxuu bilaabay shirkad cunto oo cunto Australiyaan keliya ah wuxuuna ku maalgeliyey malaayiin doolar si uu uga caawimo shirkadaha ay leeyihiin Australiyaanku.

Waxaa loo magacay Australia of The Year wuxuuna ku guulaystay abaalmarin xagga horumarinta iyo ilaalinta bay’ada. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey oo ku gooyo Australia, iyo badda Tasmaaniya, baaluun ay ku jirta hawo kulul. Waxaa lagu yaqaanaa jacaylkiisa dalmareenimada, guushiisa ganacsiga iyo jacaylkiisa qotada dheer ee Australia.

Suuqa Australia macaahideeda dhaqaale oo casriga ah iyo cashuurta adag shuruucda ganacsi waxay siisaa ballanqaad nashaadka ganacsiga. Hay’adaha adeega, kuwaas oo uu ku jiro dalxiiska, waxbarashada iyo adeegyada dhaqaale, ayaa sameeya ugu yaraan 70 boqolkiiba Dakhliga Guud ee Wadanka Soo-gala (GDP).

Deganaanta dhaqaale ee Australia waxay ka dhigtay meel soo jiidata maalgelinta. Suuqa dhaqaalaha ee Australia waa kan labaad ee ugu weyn Asiapacific wuxuuna ku xigaa Jabaan.

Ganacsi Australia meelaha ugu badan oo ay ganacsiga la samaysaa waa Jabaan, Shiinaha, Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed, New Zealand iyo Ingiriiska. Waxaynu nahay kuwa ugu badan oo iibgeeya galayda, dhogorta, birta, macaadiinta iyo dahabka. Waxaanu kaloo dhoofinaa gaaska dabiiciga ah iyo dhuxusha. Dhaqaaleheenu waa furan yahay ganacsiguna wuxuu had iyo jeer ahaa mid muhiim u ah dhaqaaleheena. Australia waxayaallaha ay dibada u dhoofiso wuxuu gaarayaa $200 bilyan.

Qodida macaadiinta Australia waa qani xagga khayraadka dabiiciga ah sida dhuxusha, kobarka, gaaska dabiiciga ah iyo ciida macaadiinta. Kuwaas oo loogu baahan yahay, khaasatan dhaqaalaha soo koraya ee Asia.

Australia waxa ugu badan oo ay dhoofisaa waa macaadinta iyo shidaalka

Page 15: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira52

Australia muwaadin caalamiya ahaan Australia waxay ku faraxsan tahay doorkeeda muwaadin caalamiya oo wanaagsan ahaan. Waxaan muujinaa midaan annaga oo caawimayna kuwa adduunka naga liita xagga nasiibka.

Gargaarka caalamiga ah ee Australia iyo da’daalka aadaminimoBarnaamijka gargaagrka Xukuumada Australia wuxuu taageeraa wadamada soo koraya si hoos loogu dhigo fakhriga loona gaaro horumar waari kara. Waxaanu siinaa taageeradaas goboladeena iyo adduunka intiisa kale annaga oo caawimayna dadka iyo xukuumadaha.

Australiya waxay muujisay deeqsinimo aad u weyn marka dhibaato ka dhacdo wadankeena iyo dibadaha. Waxaanu kaloo joogto u siinaa barnaamij gargaar ka jawaabaya arrintaan dabeecada Australia.

Dr Catherine Hamlin AC (waxay dhalatay 1924)

Dr Catherine Hamlin waxay ahayd aqoonyahanad cilmiga jirada dumarka, waxayna ku soo caanbaxday badbaadinta dumar da’ yar oo Ethiopian ah.

Laga soo bilaabo 1959, Catherine Hamlin waxay ka shaqaynaysay Addisabab, Ethiopia waxayna caawimaysay dumarka dhaawac uga yimid dhalida oo loo yaqaan ‘obstetric fistula’. Dumarka dhibaatooyinkan qaba ma xakamayn karaan sida jirkoodu u shaqeeyo sidaas darteed bulshadu waa goysaa.

Catherine iyo ninkeedu waxay asaaseen Addisababa Fistula Hospital. Da’daalkoodu wuxuu wax u qabtay kumaankun dumara oo awooday inay ku noqdaan gurigoodii, oo ku noolaadaan nolol buuxda, oo caafimaad qabta halkii ay ka yimaadeen.

Sanadii 1995, Dr Catherine Hamlin waxaa qaadatay Abaalmarinta Order of Australia, abaalmarinta ugu sarraysa oo laga bixiyo Australia. Waxayna sii waday u shaqaynta dumarka Ethiopiann-ka.

Hawlaha samafalka Australia ee Indoniisiya wixii ka dambeeyey 2004tii markuu sunaamigu ka dhacay badda Hindiya

Ka qaybgalka Firfircoon ee Australia fadhiyada caalamiga ahAustralia waxay ka ahayd xubin firfircoon Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa laga soo bilaabo 1945tii. Sida waafaqsan Heshiiska Qaxootiga Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa, Australia waxay siisaa xafidaad dadka loo aqoonsado qaxooti sida waafaqsan Heshiiska Qaxootiga ee 1951. waxaanu kaloo door ka qaadanaa Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa da’daaladeeda nabad ilaalinta iyo wax ka qabashada hawlaha degdegta ah iyo kuwa aadanimada ee wadamada soo koraya, waxaana lug weyn ku leenahay Ururka Dhaqanka iyo sayntiifiga, waxbarashada ee Jimciyada Quruumaha ka Dhexaysa (UNESCO).

Sanadii 1971, Australia waxay noqotay xubin buuxda oo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD). Ururka ujeedadiisu waa wanaajinta dhaqaalaha, bulshada iyo xaallada shaqada 30keeda xubnood iyo wadamada kale oo soo koraya. Isla markaas, OECD ujeedkeedu waa ballaarinta ganacsiga adduunka.

Australia waxay si weyn u taageertaa inay xiriir dhow la sameeyso Asia-Pacific. Australia waxay xubin firfircoon ka tahay Asia-Pacific Economic Cooperation (APEC), East Asia Summit (EAS), Asean Regional Forum (ARF) iyo Pacific Islands Forum (PIF).

Australia waa wadan weyn oo soo koraya, ku faraxsan wuxuu ka gaaray xagga cayaaraha, fank & farshaxanka iyo sayniska. Waxaanu qiimaynaa tayada nolosha dadkayaga, laakiin waxaan had iyo jeer rabnaa sii wanaajin.

Iyada oo u marinaysa gargaarka caalamiga ah iyo caawimada horumarinta, Australia waxay fulisay doorkeeda xagga cayaaraha iyo bulshaweynta caalamka.

Page 16: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 4aad – Australiyada maanta 53

Abaalmarinta Australia oo loo yaqaan Nobel Laureates

Australia waxay caan ku tahay cilmi baarista daawada iyo sayniska. Toban Australian ah ayaa ku guulaystay abaalmarinahaas.

Professor William Bragg (1862-1942) iyo Lawrence Bragg (1890-1971) Aqoonyahanka Fiisikiska. Wiliam Bragg (aabaha) iyo Lawrence Bragg (wiilkiisii) waxay kuwada guulaysteen abaalmarinta Nobel Prize fiisikiska ah 1915, wax qabadkoodii xagga taxliilintoodu qaabka atamadu isugu-yimaadaan iyaga oo isticmaalaya qalabka raajada.

Sir Howard Walter Florey (1898 – 1968) Cudur-yaqaan.Wuxuu ku dhashay Adelaide, Koonfurta Australia, Howard Florey wuxuu ku guulaystay abaalmarinta Nobel Prize sida barashada shaqada-jirka (physiology) ama daawada (medicine) sanadii 1945 (wadajir) ‘xagga soo saarista pennicillin-ta iyo waxtarnimadeeda cudura badan oo kala duwan’.

Sir Frank Macfalane Burnet (1899 – 1985) Saynisyahan Caafimaad iyo Baylojiiste. Wuxuu ku dhashay Fiktooriya, Frank Burnet waxaa la gudoonsiiyey Nobel Prize xagga barashada shaqada-jirka (Physiology) ama daawada 1960 (wadajir) ‘soo saarista helida u-adkaysiga barashada-difaaca’.

Sir John Carew Eccles (1903-1997) Barashada Shaqada Jirka. John Eccles wuxuu ku dhashay Melbourne wuxuuna ku guulaystay abaalmarinta Nobel Prize xagga barashada sida jirku u shaqeeyo ama daawada 1963 (wadajir) ‘xagga soo saarista wixii khuseeya wixii la xirii la leh farsamada khusaysa kicinta iyo daminta qaybta gudaha iyo qaybta dibada ee xuubka unuga neerfaha.

Professor John Warcup Cornforth(1917 – 2007) Kimiko Yaqaan.John Cornforth wuxuu ku dhashay Sydney wuxuuna ku guulaystay Nobel Prize kimisteriga sanadii 1975 (wadajir) ‘shaqadiisii khusaysay siday isula falgalaan stereochemistry of enzyme-catalyzed’.

Professor Peter Doherty (wuxuu dhashay 1940) Aqoon-Yahan Difaaca Jireed.Peter Doherty wuxuu ku dhashay Queensland wuxuuna ku guulaystay Nobel Prize-ka barshada-shaqada jirka ama daawada sanadii 1996dii (la wadaagay) ‘ soosaaristii wixii khuseeya mucayinimada unuga dhexdhexaadiya u adkaysiga difaaca.

Professor Barry Marshall (wuxuu dhashay 1951) Aqoonyahanka Barashada Caloosha iyo Xiidmaha iyo Inta La Xiriirta iyo Dakhtar Robin Warren (wuxuu dhashay 1937) Cudur-Yaqaan. Barry Marshall iyo Robin Warren waxay wadajir ugu guulaysteen Nobel Prize xagga barashada shaqada jirka (Physiology) ama daawada 2005 ‘soosaaristoodii bacteeriyada loo yaqaan Helicobacter Pylori iyo doorkeeda calool xanuunka iyo cudurada xuubka caloosha’.

Professor Elizabeth Helen Blackburn (wuxuu dhashay 1948) Wuxuuna Ahaa Bayolaji Yaqaan.Elizabeth Blackburn waxay ku dhalatay Hobart waxayna ku guulaysatay Abaalmarinta Novel Prize labada maado ee Physiology ama Medicine 2009 (wadajir) ‘ helidii sida karamasoonadu ay u ilaaliyaan telomeres iyo enzyme telomerase’.

Australia waxay kaloo leedahay qof abaalmarin ku qaatay suugaanta.

Patrick White (1912 – 1990) Buug Qore iyo Qoraha Jilitaanka.Wuxuu ku dhashay London waalidkiisna wuxuu ahaa Australian, Patrick White waxaa la guddoonsiiyey abaalmarinta Nobel Prize ee suugaanta sanadii 1973 ‘ doorkiisii wax ku soo kordhinta suugaanta cusub’.

Page 17: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira54

Qaybta 5aadTaariikhdeena Australia

Dhaqamada asaliga ah ee Australia waa

kuwa ugu qadiimsan dhaqamada adduunka.

Page 18: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 5aad – Taariikhdeena Australia 55

Taariikhdeena AustraliaTaariikhdaan gaaban ee Australia macneheedu maaha sheeko dhamaystiran, laakiin waxay ku siinaysaa aragtida waxyaallaha qaabeeyey wadankeena iyo dhaqankeena. Kumaankun sano dhulka waxaa deganaa oo daryeellay dadka asaliga ahaa. Imaatinkii kooxdii ugu horraysay sanadii 1788 wuxuu ka dhigay adduunkoodii mid gebi ahaan isbedelay. Labadii boqol oo sano oo ugu dambaysay, Australia waxay baratay duruus badan oo ku saabsan tayada iyo xuquuqda aadamiga iyada oo ku socota kala-jaadjaadnimada iyo dib-u-heshiinta. Isbedelka aan samaynay macnihiisu waa bulshada Australia ee hadda ay qaybta ka noqonayso waa mid qof walbaa dareemayo ka mid ahaan iyo ku qiimaysnaan.

Australiyaanka asaliga ahDadka asaliga ah dhaqankoodu waa dhaqan adduunka ka jira oo weli shaqaynaya. Dadka asaliga ah waxay halkan ku noolaayeen 40 kun oo sanadood iyo 60 kun oo sanadood.

Dhaqamada Aoborijiniska iyo kuwa ka yimid Jasiiradaha Torreska way kala duwan yihiin. Waxay leeyihiin luqado iyo caadooyin kala duwan.

Taariikh ahaan, dadka Aborijiniska ah badankood waxay ka yimaadeen dhulweynaha Australia iyo Tasmania. Torres Strait Islanders waxay ka yimaadeen jasiiradaha u dhexeeya dhakada Queensland iyo Papua New Guinea iyo jasiiradaha kale ee Pacifiga.

LuqadahaDegitaankii Ingiriiska ka hor, in ka badan 700 luqadood iyo lahjadood ayaa waxaa isticmaalayey Aborijiniska iyo kuwa jasiiradaha ka yimid. Qiyaas ahaan 145 luqadood ayaa ilaa maanta la siticmaalaa. Taariikhda ku-tiri-ku-teenta ah oo dadka asaliga ah taariikhdu aad ayay muhiim u tahay sababto ah waxay sheegaan taariikhda dadka iyo dhulkooda. Tusaale ahaan, sheekooyinka sida kuwa sheegaya daadadka Port Phillip Fiktooriya gudaheeda waxay xusaan dhacdo mucayina oo dhacday 10,000 oo sano ka hor.

Riyada iyo farshaxanka dadka asaliga ahQabiila kala duwan oo ah dadka asaliga ah ayaa magacoodu yahay waxa aan, Ingiriis ahaan, ugu yeero ‘ the dreaming’. Riyoodka, ama waqtiga-riyada (Dreamtime), ayaa ah nadaamka aqooneed, caqiidada iyo raacista hagta nolosha dadka asaliga ah. Waxay u muujisaa dadka siday ugu noolaan lahaayeen iyo siday u dhaqmi lahaayeen. Dadka aan u hogaansamin shuruucdooda waa la ciqaabaa.

Sheekooyinka riyooyinka carruurta waxaa u sheega waalidkood iyo dadka waaweyn. Sheekooyinkaas waxay baraan carruurta sida dhulkoodii uu u noqday mid la qaabiyey lana degay, iyo sida loo dhaqmo iyo sababta. Sheekooyinku waxay kaloo siiyaan carruurta duruus wax ku oolla, tusaale ahaan halka cunto laga hello.

Muyuusiga dadka asaliga ah, heesaha iyo qoob ka cayaarku waxay muujiyaan sheekooyin iyo riyo iyo nolol maalmeed. Marka dadka asaliga ahi heesaan oo dhaansi gareeyaan, waxay dareemaan inay aad ugu xiran yihiin farcankoodii.

Qaababkii hore ee farshaxanka Aborijinaalka waxay ahayd dhagax xardhid ama rajiyeyn iyo astaamaynta dhulka. Kuwaas qaarkood waxay jiraan 30, 000 oo sano. Dadka ka yimid bartamaha Australia waxay ku naqshadeeyaan dhibcoh iyo gooboh u taagan dhulka ama sheekooyinka riyoodka. Kuwa degan qaybta waqooyi oo Australia waxay ku ranjiyeyeen muuqaalo aadami, xayawaan iyo arwaax.

Riyoodku wuu sii socdaa si uu ugu ahaado muhiim dadka asaliga ah ee maanta.

Farshaxanka Aborijinaalka ee Kakadu

Page 19: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira56

Yurubiyankii ugu horreeyey oo yimid AustraliaSahamintii hore ee YurubiyankaQarnigii 17aad, sahamiyayaal ka socda wadamada Yurubiyanka ayaa hellay waxay ugu yeereen ‘Terra Australis Incognita’ dhulka aan la aqoon ee Koonfurta. Sanadii 1606dii nin Dhaj ah, Willem Janszoon, ayaa soo asteeyey qaybta galbeedka ee Cape York Peninsula ee dhakada ugu sarraysa ee waqooyiga Australia. Wixii ku saabsan waqtigaan, markab Isbaanish oo uu hugaaminayo Luiz Vaez de Torres ayaa soo maray wadada waqooyiga qaarada.

Dabayaaqadii 1600kii, badmaax Dhaj ah ayaa sahamiyey xeebta waqooyiga ee Australia. ninkaasi wuxuu ugu yeeray dhulkaas ‘New Holland’ (Holland-ta Cusub)’.

Sanadii 1642dii, Abel Tasman ayaa hellay xeebta dhul cusub kaas oo uu ugu yeeray ‘Van Diemen’s Land’ (hada loogu yeero Tasmania). Wuxuu kaloo asteeyey kumaankun mayl oo ah xeeb Australia. Khariidadiisii aan dhamaystirnayn oo Hollandta Cusub waxay muujinaysay in uu aaminsan yahay in dhulku ka galo Papua New Guinea dhinaca Galbeedka.

William Dampier wuxuu ahaa ninkii Ingiriisa oo ugu horreeyey inuu cag dhigo ciida Australia. Sanadii 1684, wuxuu ku degay xeebta waqooyiga galbeed. Dhulku wuxuu ahaa qalayl iyo habaas sidaas darteed uma qaadan inuu leeyahay faaiido ganacsi ama degitaan.

Dhame James CookXeebta bari oo Austraia ma aanay sahamin Yurubiyaanku ilaa ninkii Ingiriiska ahaa ee la oran jiray James Cook uu gaaray sanadii 1770 markabkiisii la oran jiray ‘Endeavour’. Cook waxaa soo dirtay dawlada Ingiriiska socdaal lagu sahaminayo koonfurta Pacific-ga. Wuxuu soo asteeyey xeebta bariga wuxuna ku degay Botany Bay, oo wax yar ka xigta Sydney-da cusub. James Cook wuxuu dhulkaas ugu yeeray New South Wales’, wuxuuna u qabtay Boqor King George III.

Soo qaadidii dembiilayaashaAustralia waa mid gaar ah xagga in dadkeedii ugu horreeyey ay ahaayeen dad dembi loo wada haysto. Ka dib markii Maraykanku ay xoriyadii qaateen, Ingiriisku uma diri karin dembiilayaashiisii dhinacaas. Xabsiyadii Ingiriiskuna waxay noqdeen kuwa buuxdhaafay. Markii ay maxaabiistii sii badatay, Dawlada Ingiriisku waa inay u heshaa meel cusub dadkaas. Sanadii 1786dii , Ingiriisku wuxuu go’aan ku gaaray in uu u diro dembiilayaasha deegaanka cusub ee New South Wales. Taas waxaa loogu yeeray ‘rarid’.

Deegaankii ugu horreeyeyWakiilkii boqorada ee ugu horreyey ee New South Wales wuxu ahaa Dhame Arthur Phillip. Wuxuu si amaana ku keenay 11kii markab dhinaca kale ee adduunka. Wuxuu sameeyey taxadar weyn xagga quudinta iyo samaha dembiilayaasha tira yar ayaana ku dhimatay socdaalkii.

Dhame Phillip wuxuu hogaamiyey kooxdii ugu horreysay wuxuna geeyey Sydney Cove 26dii Janaayo 1788. Waa maalinta sanad guurada Australia maalintaas Australia waa looga dabaal degaa sanad walba.

Khariiradii Abel Tasman ee Holland-ta Cusub (New Holland), 1644

Kooxdii ugu horraysay oo ka timid Ingiriiska, oo timid Sydney Cove 1788

Sanadihii horeSanadihii hore oo degitaanku aad ayuu u adkaa. Wakiilka boqorada Phillip wuxu xaqiijiyey in dadku aanay gaajoon isaga oo dadka in isle’eg siinaya marka lagu daro naftiisa iyo saraakiishiisa. Dareenkiisa guud iyo go’aankiisa adag ayaa caawimay inay ku badbaadaan degaanka cusub sanadihii adkaa ee u horreeyey.

Shaqadii adkayd ee sanadihii hore waxaa qabtay dadkii dembiilayaasha ahaa oo aad loogu shaqeeyey. Waa la garaacayey haddii aanay si fiican u shaqayn ama haddii ay cararaan ama sakhraamaan. Haddii ay dembi weyn galaan, waxaa loo dirayaa degaan durugsan ama waa la daldalayey. Kuwa dhamaysta xabsiga waa la sii daynayay raga iyo dumarkuna waxay dhex degayeen bulshada waxayna yeelanayeen qoysas.

Page 20: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 5aad – Taariikhdeena Australia 57

Fursada cusubShicibkii ugu horreyey oo reer Yurub ah waxay ahaayeen Ingiriis, iskootish weelash iyo Irish. Iskootishka, weelashka iyo Irishku waxay badanaa dagaal kula jireen Ingiriiska waqtiyadii hore, laakiin Australia afarta kooxood waxay u wada noolaayeen una wada shaqeeyaan wadajir.

Dembiilayaashii iyo dembiilayaasha xabsigoodii dhamaystay waxay ka heleen fursado cusub deegaanka. Saraakiisha ciidanku waxay isticmaali jireen waqtigooda si ay lacag u sameeyaan iyaga oo la ganacsanaya dembiilayaasha iyo kuwa xabsigoodii dhamaaday ee la shaqaaleeyey si ay u caawimaan. Muddo gaaban gudaheeda, dadkii xabsiga laga sii daayey ayaa waxay bilaabeen ganacsi ay iyagu leeyihiin ganacsato ahaan. Maxaabiis hore oo kale ayaa noqday beeralay, farsamayaqaan, dukaanley iyo xubna dadweyne. Dumar maxaabiis hore ahaan jiray ayaa iyaguna horumar ka sameeyey ganacsiga siyaalla fiicana ugu raaxaysatay xoriyada aanay haysan dumarka joogay Ingiriiska.

Caroline Chisholm (1808 – 1877)

Caroline Chisholm waxay hogaamiye dib-u-habayso bulsho taas oo wanaajisay xaallada dumarka kelidooda ah degaanadii ugu horeeyey.

Caroline waxay la timid Australia ninkeedii oo askari ahaa iyo shan carruura sanadii 1838. waxay caawintay dumarka soo galootiga ah oo ku noolaa wadooyinka Sydney. Sanada yar gudahood, waxay ka asaastay 16 hoteel oo dumarka soo galootiga dhamaan deegaanada.

Caroline waxay aad uga shaqaysay wanaajinta nolosha dadka maraakiibta ugu soo safraya deeganada cusub. Waxay kaloo qabanqaabisay qorshe deymeed ee dadka dayacan si ay uga caawintio inay ka baxaan meertada ku tiirsanaanta iyo fakhriga.

Maanta, dugsiya badan oo Australia ku yaalla ayaa lagu magacaabay Caroline Chisholm. Waxaa loo yiqiinay ‘saaxiibka soogalootiga’ waxaana lagu xasuustaa da’daalkeedii caawimida dadka si ay u bilaabaan nolol cusub.

Wakiil boqor oo wax-fahamsanIsaga oo la shaqaynayey Wakiilka Boqorka Phillip, Lachlan Macquarie wuxuu ku lahaa boos muhiima taarikhdeenii hore. Wuxuu xakumay deegaankii New South Wales intii u dhexaysay 1810 iyo 1821. Waa hor mariyey deegaanka sidii deganayaal xor ah, umase maamulin sidii deegaan dembiilayaal. Wuxuu wanaajiyey sida wax loo beero wuxuuna dhisay wadooyin cusub iyo tas-hiilaad dadweyne. Wuxuu dhiirigeliyey sahaminta Australia.

Macquire wuxuu kaloo lacag geliyey waxbarashada wuxuuna ixtiraamay xuquuqda dembiilayaashii hore. Wuxuu siiyey shaqo qaar ka mid ah dembiilayaal hore sida xaakimo iyo adeegayaasha dadweynaha.

Wakiilka Boqorka waxaa lagu sharfay taariikhda isbedelka uu ku sameeyey deegaanka darteed. Macquire University oo ku taalla NSW isaga ayaa lagu magacaabay.

Dhaxalka dembiilayaasheeniiMudadii Macquire, waxaa loo qaatay in booska wakiilka guud ee Boqorku ay ku cuslayd hal qof, sidaas darteed, sanadii 1823 NSW goleheeda xeer samaynta ayaa la asaasay si ay ula taliyaan Wakiilka guud ee Boqorka. Golaha xeersamayntu waxay dabadeed isku dayeen inay dib u qaabeeyaan deegaanka si dembiilayaasha si fiican loogu ciqaabo kumana noolayn nolol fiican. Si kasta ha ahaatee, ma xiri karin dhamaan fursadaha dembiilayaasha ku noolaa New South Wales waxaana laga asaasay deegaana kale dhamaan Australia bilawgii qarnigii 19aad.

Dhamaan, in ka badan 160, 000 oo dembiile ayaa loo soo dhoofiyey Australia. Ingiriisku wuxuu joojiyey soo diridii dembiilayaasha New South Wales sanadii 1840kii, Tasmaaniyana 1852, halka Western Australia la joojiyey 1868dii.

Carruurta dembiilayaashu had iyo jeer waxay ahaayeen xor, sidaas awgeed faraqa u dhexeeya kuwa la sii daayey iyo deganayasha ayaa dhamaaday. Laga soo bilaabo 1850naadkii, deganayaasha deegaanka ayaa is xakumayey waxayna doonayey inay dhisaan bulsho ixtiraam mudan. Deganaayaashu way ka xishoon jireen taariikhdoodii hore oo dembiilanimada kamana hadli jirin. Hal qarni ka dib, dareenka xishoodku meeshii waa ka baxay. Australiyaanku waxay noqdeen kuwa ku faraxsan taariikhdoodii ku bilaabatay dembiile kuwa badan ayaa hadda ku faraxsan inay ogaadan asalkooda dambiile.

Ruuxiyadaas aqbalaada, Australiyaanka ayaa noqday kuwa aan macne u yeellin qofka asalkiisu meesha uu ka soo jeedo ama dabeecadiisii hore. Waxaan dadka ku qiimaynaa sidaan ku aragno waxaana siinaa dadka ‘labacdhaaf’.

Page 21: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira58

Dadka asaliga ah Yurubiyaanka degitaankoodii ka dibWaxaa lau qiyaasay inay joogeen 750, 000 iyo 1.5 milyan oo ah Aborijinal iyo dadka ka yimid jasiiradaha Torres Strait Islander Australia bilawgii degitaanka Yurubiyanka. Nambarkooda waxa ku jiray 250 umadood oo kala duwan iyo in ka badan 700 luqaddood.

Markii ugu horreeysey oo ay soo degeen Australia, Ingiriisku mucaahida lama gelin dadka Aborijinaalka ah. Dadka asaliga ah waxay lahaayeen dhaqaalahooda iyo ku xirnaan asali ah oo dhulka. Xukuumadu ma aqoonsan karin midaan sababtoo ah ma jirin nadaam ama aaminsanaan ka jirtay Yurub. Dadka Aborijinaalka ah waxba ma beerayn kamana asaasin guryo hal meel sida Ingiriisku sameeyey, sidaas darteed Xukuumadu waxay u qaadatay in aanay lahayn macnaha lahaanshaha. Xukuumadu waxay si xor ah u dareentay inay iska qaadato dhulka.

Natiija aad u xunWakiiladii guud ee Boqorka waxaa loo sheegay in aanay waxba yeellin dadka Aborijinaalka ah, laakiin deganayaashii Ingiriiska ayaa sii galay dhulkii Aborijiniska dad badan oo Aborijinis ah ayaana la dilay. Deganayaasha badanaa laguma ciqaabayn dembiyadaas.

Aborijinaalka qaar ka mid ah iyo deganayashii reer Yurub waxay awoodeen inay si nabad ah u wada noolaadaan. Deganayaasha qaarkood ayaa ka shaqaaleeyey Aborijinis beeraha, idaha iyo lo’da. Wakiilka guud ee boqorka Macquire ayaa siiyey Aborijinaalka dhul ay leeyihiin wuxuuna u dhisay dugsiyo carruurtooda. Si kasta ha ahaatee, dad aad yar oo Aborijinaal ah ayaa doonayay inay ku noolaadaan sida deganayaasha cusubi u nool yihiin. Ma doonayn inay lumiyaan dhaqankooda iyo caadadooda.

Ma ogin inta Aborijinis lagu dilay dagaalka dhulka waxaanse ognahay inay dhinteen boqolaal kun oo Aborijinis ah in la dilay. Waxa ugu badan oo dilay Aborijinaalka wuxuu ahaa cuduro ay Yurubiyaanku keeneen wadanka. Lumida nolosha Aborijinaalku waxay ahayd mid aad u xun. Fiktooriya 1830kii, dadka Aborijinaalka ahi waxay ahaayeen 10, 000. 1853dii 1907 oo qof ayaa la tiriyey.

Bartilmaameedyada taariikhiga ahSahaminta dhulka gudaha ahNew South Wales, meeshii ugu horraysay oo la degay waxay waajahday dhibaato aad u weyn. Dhul aad u yar ayaa wax laga beeri karay. Dadka Aborijinaalka ah waxay barteen sida loo maareeyo looguna noolaado deegaankaan, in kasta oo naftigoodu dhibaato la kulmi jireen waqtiga abaarta.

Caqabadii ugu horraysay oo Sydney soo wajahda deganayaasha xagga sahaminta dhulka gudaha ah waxay ahayd buurta kaga oolayd 50 kiilomitir dhinaca galbeed ee Sydney, the Blue Mountains. 1813, saddex nin, Blaxland, Wentworth iyo Lawson, ayaa ugu dambayn gooyey buuraha. Wadadii iyo raylwayga gooynaya buuraha weli waxay maraan wadadii ay qaadaan.

Dhinaca kaleto oo buurahaas sahamiyaashu waxay helleen wadan ku fiican dhaqashada idaha iyo lo’da. Dhulka gudaha ah, si kastaba, waxay la kulmeen dhul qalalan oo lama degaana. Waxay dhibaato ku qabeen helida biyo iyo qaadashada cunto ku filan oo lagu noolaado. Sahamiye Jarmal u dhashay, Ludwig Leichhardt, ayaa la waayey markii uu isku dayey inuu gooyo qaarada min bari ilaa galbeed sanadii 1848.

Sanadii 1860kii Burke iyo Wills ayaa ka tegay Melbourne si ay u gooyaan Australia min koonfur iyo Waqooyi. Waxay hogaamiyeen koox tira badan laakiin safarkoodii wuxuu ahaa mid adag. Burke iyo Wills may ahayn dad khibrad u leh ku socdaalka baadiyaha. Waxay ka helleen caawimo Aborijinaalka Yandruwandha laakiin labadii sahamiyaba waxay ku dhinteen soo noqodkoodii. In kasta oo Burke iyo Wills ay dhamaystiri waayeen sahankoodii, sheekadoodii waxaa lagu xusaa farshaxanka iyo suugaanta. Waa tusaale aad u xun oo dhibta dhulkeena.

Burke iyo Wills safarkoodu goynta Australia wuxuu ahaa 1860kii

Page 22: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 5aad – Taariikhdeena Australia 59

Deganayaasha iyo hormoodyadaXataa marka degayaashu ay helleen dhul wanaagsan, noloshu way adkayd. Ka dib muddo abaara iyo daadad ah, beeralaydu waxay badanaa u baahnaayeen inay mar labaad bilaabaan. Sanadii 1838, dhogorta idaha ayaa ahayd waxa ugu badan oo ay dhoofin jireen haddii abaari dhacdana ama qiimaha dhogortu hoos u dhacdana, degayaashu waxay luminayeen nolosheedii. Si kasta ha ahaatee, dadku waxay ku jireen halgan. Halganka qofka ‘Australiyaanka’ waa magaca aan siino qof ka soo badbaaday waqtiyadaas adag. Halgamaaga Australiyaanka ah wuxuu matalaa dhabar adayga iyo dulqaadka Australiyaanka. Hormoodyada rag iyo dumar waxaa lagu sharfaa geesinimadoodii waqtiyadaas adag. Dumarku badanaa waa inay ilaaliyaan ganacsiga ama beerta marka ninku fogaado ama dhinto.

Waxay ahayd sanadahaas adag oo hore waqtigii ay bilaabatay jaalnimadu (mateship). Waxay ahayd wax aad u badan raga dhexdiisa u safrida dhinaca gudaha, dhogor-xiirka iyo xoola-wadida. Degayaashu waa is kaalmayn jireen marku xaalladu qalafsan tahay. Caadadaasi weli waa mid qayb weyn ka ah nolosha Australia, tusaale ahaan, kumaankun dad ah ayaa tabaruc ka sameeya dabka kaymaha sanad walba.

Dahab raadiskiiHelitaankii dahabka ee NSW bilawgii 1851 waxaa lagu macneeyaa ‘helitaan bedelay ummada’. Waxyar ka dib, dahab ayaa iyadana laga hellay Fiktooriya, deegaan madaxbanaan oo cusub.

Aakhirkii 1852dii, 90, 000 oo qof ayaa u safray Fiktooriya kuwaas oo ka kala yimid Fiktooriya, qaybaha kala duwan ee Australia iyo adduunka si dahab loo raadiyo.

Ciidamada dawladu waxay ahaayeen kuwa ku tacadiya dahab qodayaasha markay ururinayaan lacagta laysanka lagu qodo dahabka. 11kii Nufeembar 1854, 10,000 oo qof ayaa isugu soo ururay Bakery Hill, Ballarat, si ay u samaystaan jaartarka xuquuqda dimoqraadiga asaasiga ah. Waxay doonayeen inay awoodaan inay qotaan dahabka iyaga oo aan u baahnayn inay bixiyaan shati qaali ah. Waxay kaloo doonayaan inay awoodaan inay u codeeyaan dad iyaga matala oo ku jira Baarlamaanka Fiktooriya.

Koox yar ayaa ka dhisay oodafo godkii Eureka waxayna sureen calankoodii mucaaradnimada oo ay ku taal Southern Cross. Saraakiisha dawladu waxay u soo direen askar si ay u weeraraan oodfada subaxii bishu ahayd 3dii Diseembar 1854. Dahab qodayaashii isla markiiba waa laga awood roonaaday waxaana laga dilay ilaa 30 qof.

Calanka Eureka

Dahab ayaa waxaa laga hellay New south Wales iyo Fiktooriya sanadihii 1851kii

Marka hogaamiyayaasha mucaaradka maxkamad lagu soo saaray canaasiirnimo weyn, xeerbeegtu dembi kuma heli karin. Royal Commission-ku waxay helleen in xukuumadu qaldan tahay waxaana wax laga qabtay codsiyo badan oo dadka wax qoda. Rabitaankoodii matalida siyaasadeed waa la ogolaaday. Sanad gudahiis, Peter Lalor, hogaamiyaha mucaaradka, ayaa noqday xubin baarlamaanka Fiktooriya.

Sanooyinkaan, mucaaradka Eureka waxay noqdeen astaanta mudaahiraadka iyo aaminaanteena xaqnimada.

Dahab raadintu waxay siyaalla badan u bedeshay Australia. Sanadihii dahab raadinta, tirada guud oo Australia waxay siyaaday 43,000 sanadii 1851 ilaa 1.7 milyan 1870. Raylwaygii ugu horreeyey iyo khadka telegaraafka ayaa la dhisay sanadihii 1850kii si loogu xiro shicibka soo kordhaya.

Waxaa laga hellay dahab badan dhamaan deegaanada South Australia. Dhaqaaluhu waa siyaadayey dahabkuna wuxuu bedelay dhogortii ahayd waxa ugu qaalisan oo aan dhoofino. Sanadihii 1890kii, waxaa suurtagalay in Australia yeelato mustawaha ugu sarreeya nolosha adduunka.

Mucaaradka Eureka waxaa lagu xasuustaa dhaqdhaqaaq dimoqraadi ah oo weyn oo ku xusan taariikhda Australia. Sanadii 1854tii goobta dahabka Ballarat, kuwii dahabka soo saarayey ayaa sameeyey banaanbax ka soo horjeeda sida qalafsan ee saraakiisha dawladu u maamulaan goobta dahabka.

Page 23: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira60

Dibjiradii iyo beeralaydiiLaga bilaabo maalmihii ugu horreeyey deegaanada, dadkii loo yiqiinay dib-jirada waxay la wareegeen dhul ballaaran si ay beero uga samaystaan, dibjiraduna waxay u arkeen waxay leeyihiin. Ka dib dahab raadintii ugu horreysay ay dhamaatay, waxaa jiray halgan weyn oo dib looga soo celinayo dibjirada dhulkaas.

Sanadihii 1860naadkii, xukuumadu waxay doonaysay inay ka iibiso dibjirada dhulkooda ragga iyo u shaqeeya iyo qoysaskooda si ay u beertaan. Dibjiradu waxay isku dayeen inay ceshadaan inta ugu badan dhulkaas iyaga oo ku andacoonaya ijaarasho dheer, khaasatan kuwa awoodeeda lahaa.

Beeralayda cusubi waxay waajahaan bay’ado adag ilaa raylwayga laga dhisayna, way ka fogaayeen suuqa. Fursada looga helo mushahara badan magaalooyinka had iyo jeer waxay ka dhigaysay nolosha dhulka iyo shaqo waxyar laga helayo, mid aan dadka soo jiidanayn.

Beerlayda Koonfurta Australia way fiicnaayeen si kastaba ha ahaatee, caadooyinka Australia oo hindisida mishiinka si loo sahlo beerashada ayaa halkaas ka bilaabatay. Tusaale ahaan, Stump-jump plough (1870s), wuxuu sahlay in dhulka aan sinayn lagu simo laguna baneeyo si wax loogu beero.

Hijradii 1800aadkiiHoraantii 1800kii, Ingiriis, Iskootish, Welsh iyo Irish soo haajiray ayaa ahaa kooxihii degayaasha ugu horreeyey. Dhaxalkoodii wuxuu asaas u noqday qaranka cusub. Dhaqan-cayaareedka, xarakaad dhaqan, iyo ku dhaqanka diinta Australia wuxuu la mid ahaa kuwii ka yimid Ingiriiska. Si kasta ha ahaatee, waxaa jiray kooxa yaryar oo kala yimid Europe iyo Asia. Yurubiyankii yimid 1800kii waxaa ku jiray Talyaani, Greek, Poles (Poland), Maltese iyo Raashiyan iyo weliba Faransiis ka shaqeeya warshadaha khamriga. Kuwaas badankood waxay ahaayeen kuwa dhalinyara ah oo raadinaya shaqo iyo fursad, ama badmaaxyo ka dhuuntay maraakiibtoodii.

Jayniis soo galooti ah ayaa bilaabay inay yimaadaan 1842. Nambarkoodii ayaa kordhay ka dib markii la hellay dahab waxaana jiray xiisad jinsiyadeed oo ka dhacday goobaha dahabka. Taasi mararka qaarkood waxay keenaysay rabshad lagaga soo horjeedo Jayniiska, sidii kii ka dhacay Bendigo 1854. xiisada jinsiyadeed waxay keentay xanibaadii ugu horreysey hijrada Fiktooriya 1855 iyo New South Wales 1861dii.

Ka dib raadistii dahabka ee 1850naadkii, Jayniiska badankood waxay ku noqdeen wadankoodii. Intii hartay waxay ahaayeen jardiina yaqaano kuwaas oo geeya furutka cusub iyo khudaar aad loogaga baahna meelaha biyuhu ku yaryihiin.

Laga soo bilaabo 1860naadkii, dad ka yimid Iran, Masar iyo Turkey ayaa yimid si ay uga shaqeeyaan geella ‘tareeno’ meelaha durugsan. Kuwaas oo ay weheliyaan geeley Hindi ah, waxaana loogu wici jiray ‘Afghans’ sababtoo ah ah waxay xiran jireen isku dhar diinta Islaamkana waa wada haysteen. Geelaydaan waxaa loo arkay ‘kuwii ugu horreeyey dhulka gudaha ku jira’. Ilaa 4000 oo Indiyan ah iyo 6000 oo ka yimid Jasiiradaha Pacific-ga ayaa iyaguna ka shaqeeyey dhulka moosku ka baxo ee Queensland.

Laga bilaabo 1880naadkii, shaqaale ka yimid Lebanon ayaa yimid Australia. Lebanaaniyiin badan ayaa ku lug lahaa wershadaha dharka. Qoysas lebanaaniyiin ah ayaa ku yeeshay dukaamada dharka lagu gado meelaha magaalada ka baxsan, taas oo noqotay caado ilaa maanta socota.

Xirmooyinka AborijiniskaKa dib markuu dhamaaday dagaalkii u dhexeeyey Aborijinaalka iyo deganayasha cusub ee dhulka, Aborijinaalku waxay ku noolaayeen cidhifyada mujtamaca. Qaarkood waxay qiima yar kaga shaqaynayeen goobaha idaha iyo lo’da. Dawladihii deegaanada waxay sameeyeen xirmooyin halkaas oo ay ku noolaan karaan dadka Aborijinaalka ah, laakiin meelahaas Aborijinaalka looma ogolayn inay ku noolaadaan noloshooda asaliga ah. Ma ugaarsan karin mana kulmi jirin markay rabaan.

Aakhirkii 1800naadkii, xukuumadihii deegaanada waxay Aborijiniska ka xayuubiyeen xuquuqdii. Waxayna u sheegeen dadka Aborijinaalka ah meesha ay ku noolaanayaan. Waxay u sheegeen cidda ay guuransan karaan waxayna ka qaateen waalidkood carruur badan oo Aborijinis ah. Carruurtaas waxaa loo geeyey qoysas cadaana ama goobaha agoonta ee dawlada. Dhaqankaasi hadda ma jiro laakiin waxay kaga tageen murugo dadka Aborijiniska ah iyo dad badan oo Australiyaana.

Geeleydii ‘Afghans’ ee gudaha Australia

Page 24: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 5aad – Taariikhdeena Australia 61

Halganka dumarka ee codbixinta Halganka Dumarka ee codbixinta wuxuu ahaa eray laga isticmaali jiray adduunka oo dumarka u ololaynayey xuquuqda codka bixinta doorashada. Intii lagu jiray 1880naadkii iyo 1890naadkii, deegaan walba wuxuu lahaa koox u dooda codbixinta dumarka. Halganka codbixinta dumarku wuxuu ururiyey kumaankun saxiixa oo la hordhigayey baarlamaanada deeganada.

Dumarka Australia waxay ku guulaysteen xuquuqda codbixinta waxayna raadiyeen in loo doorto baarlamaanka 1895tii. Dumarka Western Australia waxay ku guulaysteen xuquuqda codbixinta sanadii 1899.

Sanadii 1902dii, Australia waxay ahayd wadankii ugu horreeyey oo siiya dumarka xuquuqda lagu codbixiyo iyo xuquuqda loogu doorto Baarlamaanka Australia. Dumarka asaliga ah (iyo raga) lama siin xuquuqda codbixinta ilaa laga gaaray 1962dii.

Edith Cowan waxay noqotay qofkii dumar ahaa oo ugu horreeyey oo baarlamaanka gala markii loo doortay Western Australia baarlamaankeeda sanadii 1923dii. Qofkii ugu dhowaa wuxuu ahaa Enid Lyons oo loo doortay Baarlamaanka Australia sanadii 1943dii.

Catherine Spence (1825 – 1910)

Catherine Spence waxay ahayd qoraa, bare diimeed, udoodaha xuquuqda dumarka ee codbixinta.

Catherine Spence waxay uga soo haajirtay Australia Scotland. Waxay qortay buugaag la akhristo iyo kuwa carruurta oo ay ku guulaysatay abaalmarin.

Waxay caawintay asaasida ururada si lagu caawimo carruurta aan guryaha haysan waxay u halgantay samaynta kindergartena cusub iyo dugsiga sare ee gabdhaha.

Waxay ahayd qofkii dumar ah ee ugu horreeyey oo isu taaga baarlamanka oo hella codad badan, laakiin kuma guulaysan kursi. Sanadii 1891dii waxay noqotay ku-xigeenka madaxa Women’s Suffrage League of South Australia.

Catherine Spence waa astaanta waxay qof dumar ahi gaari karo, waqti qalafsan.

Isku-darsankaDeegaanada si kala gaara ayaa loo horamariyey, laakiin dhamaadkii qarnigii 19aad waxaa abuurmay dareenka lahaanshaha qaran. Dareenkaas waxaa lagu sharxay erayada ay ka midka yihiin ‘Advance Australia Fair’. Heeskaan waxaa qoray Peter Dodds McCormick wuxuuna kaga heesay markii ugu horraysayy Sydney sanadii 1878. Hadda waa heesta calanka.

Dhamaadkii qarnigii 19aad, laba isku-day ayaa la sameeyey si la isugu keeno deegaanada. 1889, Sir Henry Parkes wuxuu ku dhawaaqay in la abuuro hal umadd oo cusub xoogna leh. Waxaa la qabtay shirkii Australasian Federation Conference 1890 si looga hadlo aragtida isu-darsanka Australia.

Dib u dhacyo dhowra ka dib, dhaqdhaqaaqa ku aadan isku-darsanka wuxuu bilaabay inuu ku socdo xawaare siyaada ah sanadii 1893dii. Codbixiyayaasha ayaa doorta xubnaha shirka distuuriga ah ee soo socda. Codbixiyayaashu waxay u cod bixiyeen laba wareeg oo refarandam ah si loo aqbalo distuurka. Xaqiiqada ah in habka isku-darsanku ku salaysnaado rabitaanka dadka waxay muujisay sida ay ahayd Australia hor-u-socodka ah.

Maalinta Isku-darsanka Brisbane, 1901

Page 25: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira62

Xukuumada Ingiriiska waxay ogolaatay in Australia ay iyadu is xukumi karto waxaana dawladii Australiyaana ugu horraysa lagu dhaariyey isu soo bax weyn oo lagu qabtay Sydney’s Centernnial Park 1dii Janaayo 1901. Raiisal Wasaarihii ugu horreeyey ee ummada cusub wuxuu ahaa Edmund Barton, kaas oo hogaamiyey dhaqdhaqaaqa isku-darsanka New South Wales.

Australia waxay ahayd qaran laakiin waxay ku jirtay xukunka Boqortoyada. Ma aanay doonan awood buuxda arrimaha ku saabsan difaaca iyo arrimaha dibada ilaa laga gaaray 1931dii. In kastoo dareenka qaranimadu siyaaday, dareenka ah in la yahay Ingiriis weli waa xooganaa.

Marka xisbiga shaqaaluhu weynaaday ama xoogsaday, xisbiyada kale waxay isugu tageen xisbiga Furfuran sanadii 1910kii. Xisbigaani wuxuu leeyahay magacya badan, wuxuu noqday xisbiga Qaranka iyo Xisbiga Australiyada Midowdey. Sanadii 1944tii Xisbiga Furfuran oo aan maanta loo yaqaan xisbiga furfuran ama Liberaalka (liberal) ayaa la asaasay. Taas waxaa ka dambeeyey shirkii uu qabtay Robert Menzies kaas oo ay ku wada lug lahaayeen dadka aan ka tirsanayn xisbiga shaqaalaha. Sir Robert Menzies ayaa noqday Raiisal Wasaarihii ugu mudada dheeraa Australia.

Dagaalkii Adduunka ee1aad ka dib, Xisbiga meelaha durugsan ayaa wuxuu u halgamay xoojinta doorka beeralayda. Kaas oo hadda loo yaqaan Xisbiga Muwaadiniinta, waxay badanaa xulafo la yihiin Xisbiga Furfuran.

Xeerkii 1901 ee Xanibaada HijradaSiyaasadii ‘Cadaan Keliya’ ayaa noqotay sharci markii la ogolaaday Xeerka Xanibaada Hijrada ee 1901 waxaa la ogolaaday bishii Diseembar 1901. Taasi waxay xanibaysay soogalootiga inay ka shaqeeyaan Australia waxayna xanibaysay soo haajirida dadka ‘aan cadaanka ahayn’.

Qof kasta oo aan asal Yurub lahayn waxaa waajib ahaa inuu u fariisto Imtixaan yeerin ah oo kooban 50 eray oo ah luqadaha dadka Yurubka ah. Xubnaha Rugta Ganacsiga Jayniiska, Garyaqaan William Ah Ket ayaa sameeyey mudaaharaad dadweyne, laakiin taas kuma guulaysan inay keento in wax laga bedelo sharciga.

Jayniis, Hindida, kuwa ka yimid jasiiradaha iyo dadka ka yimid Bariga Dhexe waxaa bedelay soogalooti ka yimid Yurubta Koonfureed Australiyada isku-darsantay, laakiin doorkoodii dhaqan wuxuu ahaa mid horayba qayb uga noqday Australia bulshadeeda.

Dagaalkii Adduunka ee 1aad, 1914 - 1918Marka laga saaro tiro aad u yar dagaalada u dhexeeya degayaasha iyo dadka Aborijiniska ah, Australia waxay ahayd dhul nabadeed. Ma jirn dagaal sokeeye ama kacaano. Deganayaashii ugu horreeyey waxay aad daacad ugu ahaayen Boqortooyada Ingiriiska.

Sir Edmund Barton

Dhalashada xisbiyada siyaasadeedSanadihii 1880kii, shaqaalaha Australia waxay dhiseeen ururo shaqaale oo xoogan. Waqtiyadii adkaa oo dib u gurashada dhaqaalaha iyo abaarta, ururadaasi waxay qabteen banaanbaxyo lagu difaacayo mushaharka iyo xaallada shaqaalaha. Shaqaaluhu waxay u jeesteen siyaasada. Sanadihii 1891dii waxay abuureen xisbiga shaqaalaha (Labor Party).

Xisbiga shaqaalaha shaqadiisa ugu horraysay waxay ahayd in dib loo soo celiyo xaallada iyo mushaharka shaqaalaha. Dadka dabaqada labaad waxay u noolaayeen si raaxa leh markii la dhinac dhigo shaqaalaha laakiin way fahamsanayeen xaallada shaqaalaha. Sanadii 1907dii, Maxkamada Australia ee Dhexdhexaadinta iyo Dib-u-heshiiska ayaa go’aamisay heerka mushaharka ugu yar oo ninka shaqeeya, xaaskiisa, iyo saddex carruura ahi ugu noolaan karaan si ‘tashiilid’ ah.

Page 26: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 5aad – Taariikhdeena Australia 63

Si kastaba, wadan Yurub ah oo Asia ku dhexyaal ahaan, Australia waxay dareemaysay nuglaan, khaasatan ka dib markii Jabaan noqday cudud weyn. Australia waxay ku tiirsanayd Awooda Ingiriiska iyo in xoogageeda badu na difaacaan. Australia waxay ka qayb gashay labadii dagaal oo adduunka si loo ilaaliyo xooga Ingiriiska aana u difaacno nafteena.

Ciidamada Australia waxauy galeen Dagaalkii Adduunka ee 1aad sanadii 1915kii oo lagu weerarayey xulafada Jarmalka, Turkey. Australia iyo New Zealand waxaa la siiyey jaha ay ka galaan weerarkii Gallipoli.

Waxaa laga geliyey xeebta dhinaca qalad ah waxayna ahayd inay fuulaan qar taagan iyada oo ay xabad ku wadaan ciidamada Turkishku. Si kastaba ha ahaatee, waa fuuleen jiirtii waxayna qoteen dhufaysyo, in kastoo rag badan oo dhalinyara ahi dhinteen. Australiyaanka wadanka joogay way iskula weynaayeen niyada wanaaga Anzacs.

Simpson iyo dameerkiisii – John Simpson Kirkpatrick (1892 – 1915)

John Simpson Kirkpatrick wuxuu ka qaybgalay dagaalka wuxuuna ahaa Australiyaan Caan ah.

John Simpson oo ahaa shibil, wuxuu ka tirsanaa kooxda caafimadka Ambalansida Gallipoli qaadaha sariirta wax lagu qaado. Ay adkayd in lagu qaado sariiraha buuraha iyo dooxooyinka. Iyada oo dhan ka ah amarka ciidanka wuxuu isticmaalay dameer , loogu yeero Duffy, si uugu daad gureeyo askarta dhaawac ah meel nabad ah.

Maalin iyo habeen, saacadba saacada ka dambaysa waxay khatar gelinayeen noloshooda iyaga oo ku safraya inta u dhexeysa dagaalka iyo xeebta nabada.

John Simpson wuxuu yimid gallipoli 25kii Abriil 1915kii. Waxaana dishay xabada cadawga dhowr asbuuc ka dib. Ciidamada xeebtu way ku qaracmeen aragtida Duffy, oo weli dhaawacii saaran yahay, kuna soo socda xeebta isaga oo aanu la socon inankii yaraa oo waday.

Gallipoli Peninsula Dagaalkii Adduunak ee 1aad

Taariikdii lagu degay Gallipoli waxay ahayd (25kii Abriil) waana ciid qaran. Waxaa loogu yeeraa Anzac Day oo ciidmada Newzealand iyo Australia.

Gallipoli ka dib, ciidamada Australia waxay ka dagaalamayeen furinta galbeed ee Faransa. Waana halkaas meesha uu la raacay magaca ‘diggers’ sababtoo ah waxay ku bixiyeen waqti badan qodida iyo hagaajinta dhufeysyada. Iyaga oo ay hogaaminayaan Sarreeye Guuto John Monash, ciidamada Australia waxay ku guulaysteen guula waaweyn dagaaladii ugu dambeeyey ee dhanka ka ahaa Jarmalka.

Ciidamada Australia rag iyo dumar waxay kaloo dagaal ka galeen Bariga Dhexe, iyaga oo ka qaybgelaya difaaca Suez Canal iyo qabsashadii xulafada ee Sinai Peninsula.

Page 27: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira64

Anzac legend

Caadada Anzac waxaa laga dhigay 25kii Abriil 1915 markii ciidamada Australia iyo kuwa Newzealand (ANZAC) ku degeen Gallipoli Peninsula oo ku taalla Turkey.

Waxay xusaysaa olole ku dhamaaday sideed bilood kaas oo sababay dhimashada dad gaaraya 25 oo qof, kuwaas oo ay ku jiraan 8700 oo lagu dilay ama u dhintay dhaawacii ama cuduro. Geesinimada iyo niyad wanaga kuwii ka qaybgalay Gallipoli Peninsula waxay ka tageen taariikh, Anzac’na waxay noqotay qayb ka mid ah luqada newzealand iyo Australia.

Sanadii 1916kii, sanadguuradii ugu horraysay ee ku degida waxaa lagu xusay Australia, Newzealand iyo Ingiriiska, iyo weliba Masar. Sanadaas, 25kii Abril waxaa loo bixiyey ‘Anzac Day’.

Sanadii 1920kii, munaasabadii Anzac waxaa lagu qabtay Australia oo dhan maalinta Anzac-na waxaa laga dhigay fasax. Waxaa laga dhisay caasumadaha meela lagu xasuusto dagaalka, goobaha xasuusta caasumadaha iyo magaalooyinka waaweyn ee wadanka waxaa lagu xasuustay dhalintii rag iyo dumar ee lagu laayey khilaafyada.

Anzac Day hadda waa maalin lagu sharfo dhamaan kuwii ka qaybgalay dagaalada, khilaafyada iyo hawlgalada nabad ilaalinta. Maaha runtii dabaaldeg guul ciidan. Ma xusto guullo – Gallipoli waxay ahayd fashilaad. Waxay sharaftaa tayada ragii iyo dumarkii ka qaybgalay dagaalka: jaallanimada, adkaysiga iyo maada xilli cadaawadeed. Maanta, Anzac Day waxaa laga xusaa Australia iyo adduunka oo dhan. Dadkii ka soo noqday dagaalkii 1aad ee addunka iyo khilaafyadii kale, iyo weliba nabad ilaaliyayaasha iyo kuwii ka qaybgalay wadamada xulafada la ahaa, dhamaan waxay maraan socodka maalinta Anzac.

Adeega waa’ Sooberiga Anzac day ee Gallipoli

Page 28: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 5aad – Taariikhdeena Australia 65

Hoos Dhici dhaqaalaha ee weynaa 1929kii – 1932diiHoos u Dhicii Dhaqaalaha ee Weynaa wuxuu ahaa mid aad ugu adag dadka Australia. wuxuu bilawday isla markii u dhacay New York Stock Exchange, laakiin waxaa jiray arrima kale kaas oo horseeday Hoos u dhaca. Kuwaas waxaa ku jiray hoos u dhicidii qiimaha dhoofinta iyo iibka, hoos u dhicii deynta dibada iyo kharajgaraynta xukuumada iyo hoos u dhicii dhismaha. Bartamihii 1932dii, ilaa 32 boqolkiiba oo dadka Australiyaanka ah ayaa shaqo la’aana.

Saamaynta uu ku yeeshay mujtamaca Australia hoos u dhacaasi wuxuu ahaa mid musiiba ah. Shaqa la’aan iyo dakhli joogta ah, dad badan ayaa lumiyey guryahoodii. Waxay lagu khasbay inay ku noolaadaan hoosooyin la wadaagayo oo aan waxba lahayn. Aabbayaal ayaa ka tegay qoysaskoodii ama noqday khamriya cab. Carruurta dadka shaqeeya waxay bilaabeen inay dugsiga kaga tagaan 13 iyo 14 jir. Dumar badan ayaa ka shaqaynayey shaqooyin asaasi ah iyaga oo weliba carruurtoodii guriga ku haya.

Waqtigii la soo gaarayay Hoos-u-dhicii Dhaqaalaha, xukuumada Australia m alahayn barnaamij shaqa-la’aan oo dhexe. Marka laga saaro sadaqada iyo ururada gaarka qaarkood, dadka faqriga ah waa inay ku tiirsanadaan mashaaricda shaqada iyo mashaariicda shaqooyinka dadweynaha.

Dhaqaalauhu wuxuu bilaabay inuu soo wanaagsanaado sanadii 1932dii laakiin, xaalladaha badankood, khasaaraha soo gaaray qoysasku lama kabi karin. Intii lagu jiray hoos-u-dhaca dhaqaalaha, doorka muhiimka ah oo ku yaboohida Australia iyo tabarucbixiyayaasha waa la adkeeyey. Jikada maraqa xilligii Hoos-u-dhaca Dhaqaalaha

Sir Charles Kingsford Smith (1897 – 1935)

Sir Charles Kingsford Smith wuxuu ahaa duuliye geesi ah, hal abuuraha gaadiidka hawada iyo geesi Australian ah.

Dagaalkii 1aad ee Adduunka, Charles Kingsford Smith wuxuu ka dagaalamay Gallipoli wuxuuna la duulay Ciidamadii Britain’s Royal Flying Corps.

Waxa ugu badan oo uu sameeyey waxay ahaayeen goyntii ugu horraysay oo uu gooyey baasifiga California ilaa Queensland sanadii 1928. Diyaaradiisii, The Southern Cross, waxay ugu dambayntii timid Australia, waxaana si farxad leh u soo dhoweeyey geesigoodii Mudane Smith 25,000 oo qof oo faraxsan. Waxaa lagu siiyey caleema saar ay samayso boqoradu shaqadii uu ka qabtay arrimaha ku safarka hawada 1932dii.

Nasiib daro, sanadii 1935, waxaa la luntay diyaaradiisii socdaalkiisii Ingiriiska iyo Australia dibna weligiis looma helin.

Sir Charles Kingsford Smith waxaa loogu yeeraa hawa-mareenkii ugu weynaa waxaana lagu xasuustaa siinta dadka, waqtigay ugu xumayd ee hoos u dhaca dhaqaalaha, qof geesi Australiyaana oo lagu soo hirto.

Page 29: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira66

Dagaalkii Adduunka ee IIaad, 1939 - 1945Dagaalkii adduunka ee IIaad, Australiyaanku waxay u dagaalameen xulafada dhulka lama degaanka ah Waqooyiga Afrika iyo meela badan oo kale. Waqooyiga Afrika, waxay ka dagaalameen hareerayn dheer oo ay sameeyeen Jarmalka iyo Talyaaniga magaalada Tobruk. Cadawgu waxay ugu yeeraan Jiirarkii Tobruk (Rats of Tobruk) sababtoo ah gees walba oo laga istaagay waxayna cunayeen cunto kasta oo ay hellaan. Australiyaanku waxay ku dagaalameen kana badbaadeen xaalladahaas adag sidaas darteedna magacaas ayay la baxeen. Hareerayntu waxay muujisay in raggaasi ay lahaayeen niyada raggii la magac baxay diggers ama qotayaasha Dagaalkii Adduunka ee Iaad. Askartaasi qudhoodu waxay ogaayeen inay leeyihiin caado wanaagsan oo ku xisaabtamaan.

Ka dib markii jabaanku dagaalka ka kiciyey baasifiga, ciidamadii Australia rag iyo dumar waxay yimaadeen wadanka. Inta aanay noqon ka hor, waxaa loo baahday in la difaaco Papua iyo New Guinea. Shaqadaas weyn waxaa lagu wareejiyey ciidamada joogtada ah iyo kuwa dhalinyar oo la soo qoray oo aan tababar fiican lahayn. Waxay kula dagaalameen cadawga kaymaha, dhabo qahar, iyo dhooqo ah oo loo yaqaan Kokoda Track. Ciidamada Australia waxay joojiyeen horusocodka ciidamada Jabaanka Kokoda Track-na wuxuu ku darsamay Anzac Cove oo ku taalla Gallipoli oo ay ku xasuustaan Australiyaan badan goob xusid mudan.

Xusuustii ugu darnayd oo dagaalka waxay ahayd sidii xaasidnimada lahayd ee uu la dhaqmay raggaas Jabaanku. In kastoo maxaabiista Australiyaanka ahi ay isu naxariisanayeen, oo saraakiisha iyo askartu si siman isula dhaqmayeen, dad badan oo Australiyaana ayaa dhintay.

Maalinta XasuusashadaMarka lagu daro munaasabada maalinta Anzac, Maalinta Xasuustu waa maalin Australiyaanku xasuustaan dadkii ka soo shaqeeyey un adhintay dagaalkii. 11kii subaxnimo 11kii Nufeembar sand walba, Australiyaanku waxay isu taagaan inay soo xasuustaan naf huridii rag iyo dumarkii ku dhintay ama wax ku gaareen dagaalada iyo khilaafaadka, iyo weliba dhamaan kuwii ka qaybgalay dagaalka. Maalintaas waxaan qaadanaa calaamada guduudan.

Askari ku dhaawacmay Kokoda Track ayaa waxaa caawimay qaade reer Papuan ah

Calaamada guduudani waxaa loo isticmaalay astaanta xasuusta Dagaalkii Adduunka ee Iaad

Markii Jabaanku qabsadeen saldhigii weynaa ee Ingiriiska ee ku oollaa Singapore sanadii 1942, waxaa ku jiray 15000 oo ciidamada Australia ah kuwaas la qabtay lana geeyey lana geeyey Burma si ay uga shaqeeyaan Raylwayga. Waxay ahayd dhismaha Raylwayga Thai-Burma oo Jabaanku gacanta ku hayeen intii lagu jiray Dagaalkii Adduunka ee IIaad kaas halkaas oo ay ku dhinteen kumaankun ciidamada Australia iyo Ingiriiska oo maxaabiista ahaa.

Ciidanka Difaaca Australia waxay tageen khilaafkii East Timor, Iraq, Sudan iyo Afghanistaan waxayna ka qaybgaleen hawlaha nabad ilaalinta ee Jimciyada Quruumaha ka Dhexeysa meela badan oo adduunka ka timid, kuwaas oo ay ku jiraan Africa, Bariga Dhexe iyo Asia-Baasafik.

Page 30: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 5aad – Taariikhdeena Australia 67

Imaatinkii dadka soo galootiga ahaa ee Australia

Sir Edward ‘Weary’ Dunlop (1907 – 1993)

Mudane Edward ‘Weary’ Dunlop wuxuu ahaa geesi wuxuuna ahaa dhakhtar daryeela iyo geesi dagaal oo Australiyaana.

Intii lagu jiray dagaalkii IIaad ee Adduunka, Weary wuxuu ahaa dhakhtar ciidan. Isaga iyo ciidankiisii ayaa waxaa qabtay ciidanka Jabaaniiska waayna u qaadeen Burma si ay uga shaqeeyaan Raylwayga Thai-Burma. Kaasi wuxuu mid aad u dheer una adag.

Taliye ahaan, Weary wuxuu u hadli jiray raggiisa dhakhtarkoodii ahaana, wuxuu ku lumin jiray waqti badan si uu u bogsiiyo. Waa lagu jirdilay kaamka laakiin wuu sii waday shaqadiisa isaga oo amarkooda diidan.

1969, Waxaa la siiyey abaalmarinta boqoradu bixiso doorkiisii xagga daawada. Markuu dhintay 10, 000 oo dad ah ayaa soo saftay wadooyinka Melbourne asaaskii qaran ee geesiga ay ugu yeereen “Dhakhtarkii Raylwayga’.

Hijradii horaantii 1900kaMudadii u dhexaysay Dagaaladii Adduunka ee Iaad iyo IIaad, xaallada adag oo gelitaan Australia ayaa jirtay. Si kasta ha ahaatee, waxaa jiray koror dadka soo gelaya, khaasatan ragga, ka imanaya koonfurta Yurub. Waxay dadkaasi keeneen xirfado, waxbarasho iyo qiimaha dhaqankooda. Waxay caawimeen shaqooyinka meelaha magaalada ka baxsan waxayna dhiseen wadooyin iyo Rayweeyo. Farsama-yaqaanada dhismaha ee Talyaaniga xirfada leh ayaa ku kordhiyey wax weyn dhisida Saraheena dadweynaha iyo meelaha la dego.

Dhamaadkii 1930naadkii, qaxooti Yuhuuda ah ayaa bilaabay inay ka yimaadaan Yurub. Waxay ka soo cararayeen cabsida Naasiga Jarmalka. Waxay ka kala yimaadeen Jarmal, Austariya, Czecholavakia, Hungari, iyo Booland. Qaarkood waxay ahaayeen kuwa aqoon sarre leh iyo qaxooti firfircoon kuwaas oo si weyn door uga qaatay nolosha dhaqanka Australia.

Todoba iyo toban oo askar Talyaani ah oo lagu qabtay dagaalkii labaad oo adduunka ayaa lagu hayey kaamam dagaal oo ku yaalla Australia. si wanaagsan ayaana loola dhaqmay.

Waqti gaaban ayay joogeen kaamamka laakiin wax badan ayay ka barteen dalka iyo dadka. Dagaalka ka dib, kuwa badan ayaa ku soo noqday dalka soogalooti ahaan.

Qaxootigii dagaalada ka dibDagaalka ka dib, Australia waxay ka keentay soogalooti wadamada kale ee Yurub si kor loogu qaado tirada dadka. Malaayiin ka mid ahi waxay ka soo carareen Naasigii Jarmal ama kuma noqon karin meelahay ku dhasheen oo hadda qabsadeen Soofiyeetku. Qiyaas ahaan 170 000 oo kuwaas ka mid ah ayaa laga aqbalay Australia si ay u bilaabaan nolol cusub.

Waxaa kaloo jiray gabaabsi ka jiray shaqaalaha Australia. Dawlada Australia waxay aaminsanayd in kororka muhiim u ahaa wadanka mustaqbilkiisa. Soogalootiga waaweyn ee caafimaadka qaba oo ka yar 45 sanadood waxay ugu safri kareen Australia 10 geniga Ingiriiska ah carruurtooduna bilaash ayay ku safrayeen. Si kasta ha ahaatee, dadku waxay ahaayeen keliya dadka ka imanaya Ingiriiska iyo Yurub.

Si loo xoojiyo Australia, Dawlada Australia waxay bilawday inay ka shaqayso mashruuc aad u weyn sanadii 1949kii oo lagu qabanayo Snowy River inta aanay ka gelin bada bariga Fiktooriya. Biyahaas waxaa loo leexiyey inay u qulqolaan dhulka gudaha ah si wax loogu beero iyo inay dhaliyaan koronto. Waxay ahayd mashruuc aad u weyn oo qaatay 25 sanadood si loo dhamaystiro. Todobaatan boqolkiiba shaqaalaha mashruucu waxay ahaayeen soo galooti.

Page 31: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira68

Mashruucii Koronta Dhalinta ee Snowy Mountains

Mashruuca Snowy Mountains waa astaan muhiima oo Australia aqoonsiga madaxbanaanideeda, dhaqamadeeda badan iyo wadan khayraad.

Waa mashruucii ugu weynaa ee hindisaad. Waana midka ugu weyn mashruuca korontada biya ka dhaliya ee Adduunka.

Mashruucu wuxuu siiyaa biya muhiim u ah beeraha gudaha ku jira dhulka New South Wales iyo Fiktooriya. Maxadooyinkiisa koronta dhalintu waxay bixisaa 10 boqolkiina dhamaan korontada laga isticmaalo New South Wales.

Boqolkiiba 2 ayaa mashruuca Snowy Mountains ka muuqata dhulka dushiisa. Wuxuu ka kooban yahay 16 dhaam oo waaweyn, todoba iyo maxada oo korontada dhalisa, maxado bamgaraysa biyaha iyo 225 kiilomitir oo tunela ah, iyo beeblayne iyo kanaanlo biyuhu maraan.

Shaqada mashruucu waxay bilaabatay 1949kii waxayna dhamaatay 1974tii. In ka badan 100,000 ayaa ka shaqeeyey oo ka kala yimid 30 wadan mashruucaas. Boqolkiiba todobaatan shaqaaluhu waxay ahaayeen soo galooti. Ka dib markii mashruuca la dhameeyey, shaqaalihii yurubiyaanka ahaa badankoodii waxay sii joogeean australia si ay ugu noolaadaan, iyaga oo wax badan ku siyaadiyey dadka dhaqamada kala duwan ee Australiyaanka ah.

Mashruuca Snowy Mountains wuxuu ku yaallaa Kosciuszko National Park, New South Wales. Saamaynta uu ku sameeyey mashruuca bay’ada ayaa si dhow loola socdaa. Mashruucu wuxuu u taagan yahay, meelaha qaarkood, Webiga Snowy River wuxuu qaadaa keliya boqolkiiba hal biyihii uu horay u qaadi jiray.

Wanaaga bay’ada, xukuumadaha New South Wales waxay isku raaceen in dib loo celiyo socodka webiga ilaa 28 boqolkiiba.

Shaqaalaha mashruuca Snowy Mountains

Page 32: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 5aad – Taariikhdeena Australia 69

Sida loola dhaqmay Dadka Asaliga ah Sanadihiii 1940naadkii iyo 1950naadkii siyaasada dawlada Australiya waxay ahayd dadka Aborijinaalka ahi waa inay milmaan. Taas macneheedu waxa weeye dadka asaliga ah waxaa loo sheegay inay u noolaadaan sida dadka oo aan asaliga ahayn ay u nool yihiin. Taasi ma shaqayn sababtoo ah dadka Aborijinaalka ahi ma doonayn inay lumiyaan dhaqan-caadaadkoodii.

Sanadii 1960naadkii nadaamkii waxaa lagu bedelay mid si fiicaan u wada-noolaansho. Ragga badankiis waxay xuquuqda ay codka ku bixiyaan 1850naadkii, laakiin cod bixinta dawliga ah ma aanay dhicin ilaa 1962dii. Isdhexgalka aan dhaqanka laga tegayn, dadka aborijiniska ah waxaa la siiyey xoriyad madani ah laakiin weli waxaa laga filayey inay qaataan dhaqanka Australiyaanka aan asaliga ahayn.

Isbedel intaas ka badani wuxuu dhacay 1967dii, markii dadka Australiyaanka ah boqolkiiba 90 ay codka ku bixiyeen ‘HAA’ si loogu ogolaado in lagu daro tirakoobka. Refarandamkaas wuxuu ahaa taariikhi. Wuxuu muujiyey Australiyaanka badankiis inay doonayeen in dadka asaliga ah lagu daro lana siiyo xuquuq la mid ah qof kasta oo kale.

Furitaanka habka dadka Australiyaanka ahi wax u arkaan, iyo cabashada dadka Australiyaanka oo waqtigaas, waxay albaabada u furtay siyaasad is-maamulka dadka Aborijiniska ah 1970naadkii. Xukuumada Australia waxay aqoonsatay in Australiyaanka asaliga ahi ay yeeshaan cod xagga siyaasada, dhaqaalaha, bulshada iyo horumarka dhaqanka.

Hijrada – Isbedel soo korayaSanadihii 1950naadkii iyo 1960naadkii, bulshada Asiyaanka ah, kaniisadaha iyo kooxaha bulshada u dooda waxay dhamaantood k adacwoodaan joojinta siyaasada ‘Dad Cadaana’.

Sanadii 1958, dawlada Australia waxay joojisay imtixaankii yeerista sanadihii 1966diina waxay dad xul ah oo aan ahayn reer Yurub iyo Asiyan xirfada leh. Ugu dambayntii Australiyaanka meel walba jooga waxay aqoonsadeen qiimaha ay leedahay in lagu daro dhamaan jinsiyadaha barnaamijkeena hijrada. Siyaasadii cadaan keliya waxay dhamaatay 1973dii, wadankuna wuxuu qaaday wadada dhaqamada-badan ama kala jaadjaadka ah.

Sanadii 1973dii xukuumadii Australia waxay meesha ka saartay aqoonsiga jinsiyadeed in wadanka lagu soo galo. Sanadii 1975tii, dagaalkii Fiyatnaam ka dib, Australia waxay aqbashay nambar aad u sarreya oo qaxooti Asia ka yimid iyo soogalooti.

Dadkaas badankiis waxay ka yimaadeen Fiyatnaam laakiin iyaguna Jayniis iyo Hindi ayaa bilaabay inay siyaada u yimidaan.

Ilaa sandii 1975tii, Australia waxay aqbashay qaxootu ka yimid wadamada dagaalada sokeeye ka dheceen sida Bosnia iyo Herzogovina, iyo wada ku yaalla Bariga Dhexe iyo Afrika. Maanta soogalootigeenu wuxuu ka yimaadaa adduunka oo dhan.

Australia waxay noqotay dhul dhamaan qawmiyadaha; mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan adduunka casriga ah. Ilaa 1945, 6.5 milyan qof ayaa yimid Australia. in ka badan afar meelood oo meel waxay ku dhasheen dibada.

Soogalootigu waxay u yimaadeen Australia inay la wadaagaan qayimkaga guud. Waxay qani ka sii dhigeen nolosha Australia.

Ka-mid-ahaanAustralia hadda waa wadan bulsho dhaqama kala duwan leh halka qof walbaa inuu raacdo dhaqankiisa iyo raaco wuxuu aamisan yahay sida sharcigu qabo, la ixtiraamo lana xafido.

Australia maanta waxay leedahay siyaasad firfircoon oo ka mid ahaana, halka qof walba dareemo inuu qayb ka yahay bulshadeena. Nadaamkaani khuseeya dhamaan dabeecada dhaqanka Australia. waa qayb ka mid ah manhajkeena waxbrashada hore ilaa jaamacada waxaana lagaga dhaqmaa goobteena shaqo iyo shaqaale.

Xuquuqda shakhsi walba waa in loola dhaqmo si siman iyo si aan lahayn takoorid waxaana difaacay Guddiga Xuquuqda Aadamiga Australia iyo hay’adaha xukuumada ee lidka-takoorida oo ku yaalla dawlad goboleed walba. Takoorida jinsiyadeed si buuxda ayaa loo dhaleeceyey waana dembi dhinaca sharciga.

Australai waxay noqotay mid leh dhaqama kala duwan oo wada noolaansho iyo aqbalaad. Waa wadan ay soo galootiga, dadka asaliga ah iyo kuwa kale ee ku dhashay ay dareemaan xor oo raacdaan hadafkooda. Waa meel khilaafyadii hore iyo diidmadu tahay wax laga tegay.

Page 33: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira70

Albert Namatjira (1902 – 1959)

Albert Namatjira waa mid ka mid farshaxan yaqaanada waaweyn kaas oo asaasay dugsiga rajiyaynta (sawir is-marinta) oo ilaa maanta jira.

Nin yar ahaan Arrernte, Albert wuxu muujiyey xirfad dabiici ah oo ranjiyeynta.

Wuxuu lahaa tababar xadadan oo rasmi ah laakiin rajiyeynta midabka biyaha ku salaysan ee meelaha durugsan ee Australia wuxuu ahaa mid la jecel yahay waxayna u gadmayeen si deg deg ah.

Isaga iyo xaaskiisu waxay ahaayeen dadkii asaliga ahaa ee ugu horreeyey oo noqda Australiyaan. Taas macneheedu waxa weeye waxay bixin kareen codka, waxay geli kareen huteelada waxayna guri ka dhisan kareen meeshay jecel yihiin. Yeelashadiisa dhalashadu waxay muujisay xaqiiqada ah in dadka kale oo Aborijinska ah aanay haysan xuquuqdaas oo kale.

Noloshiisu waxay u muujisay Australiyaanka aan asaliga ahayn cadaalad darada sharciga cunsuriga ah waxayna keentay isbedelka Aborijinska.

Eddie Mabo (1936 – 1992)

Eddie Mabo wuxuu ahaa xaq raadiye iyo u hadlaha xuquuqda dadka asaliga ah dhulkooda.

Eddie Koiki Mabo wuxuu ku dhashay Murray Island, dhul dhaqameedka qaqbiilka Mabo. Yaraantiisii, waxaa la baray dhirtee iyo dhagaxee muujinaya xuduuda dhulka qoyskiisa.

Ilaa laga gaaray waqti dambe ma ogaan Eddie in dhulkiisa loo bixiyey dhulka dawlada (Crown Land) sida waafaqsan sharciga Australia oo aanay qoyskiisu lahayn. Wuxuu xanaaqii kula dhacay ficil wuxuuna geeyey kayskiisii maxkamada isaga oo u hadlaya dadka Murray Island.

Sanadii 1992dii, sanada badan ka dib, Eddie kayskiisii wuu guulaystay Maxkamada sarre. Go’aanka Mabo wuxuu xakumay in dadka asaliga ah ay caddayn karaan inay xiriir dhaqan oo taariikhi ah la leeyihiin dhulkooda, inay sheegan karaan lahaanshaha dhulka haddii aan horay loo sheegan. Go’aanku wuxuu keenay u soo celinta dhul badan kuwii asalka u lahaa.

Eddie Mabo waxaa lagu xasuustaa geesinimadiisii iyo helidii xuquuqda dhulka Australiyaanka asaliga ah.

Dr Victor Chang (1936 – 1991)

Dr Victor Chang wuxuu mid ka mid ah kuwa ugu fiican dhakhaatiirta wadnaha qala.

Victor Peter Chang Yam Him wuxuu ku dhashay Jayna sanadii 1936dii wuxuuna yimid Australia markuu jiray 15 sanadood.

Wuxuu ka shaqeeyey St. Vincent’s Hospital oo ku yaalla Sydney halkaas oo sanadii 1984 uu asaasay xaruntii ugu horaysay Australia oo ku takhasustay bedelida wadnaha. Sanadii 1986 Victor Chang wuxuu qaatay abaalmarinta horyaalnimada Australia (OA), abaalmarinta ugu sarraysa Australia.

Victor wuxuu welwel ka qabey yaraanta kuwa ku deeqa wadnaha sidaas darteed wuxuu bilaabay hindisida wadna macmal ah, kaas oo dhamaaday markii la dilay sanadii 1991dii.

Waxaa lagu asaasay xasuustiisa xarunta cilmi baarista. Waxaa lagu xasuustaa aqoontiisa, curintiisa iyo wax-ka-eegida dhinaca fiican.

Page 34: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Qaybta 5aad – Taariikhdeena Australia 71

Dadka asaliga ah – labaatan sano oo isbedelaCabashada dadka asaliga ah arrinta xuquuqda dhulka

waxay timid diirada dadweynaha sanadihii 1960naadkii

waxaana keenay Gurindji Strike maxada lo’da ee ku taalla

Wave Hill Northern Territory. Lo’ ilaaliyayaal Aborijinis ah,

oo u hogaaminayo Vincent Lingiari, ayaa waxay ka tageen

shaqadii maxada lo’da. Cabashadoodu waxay mushaharo

iyo xaallada shaqada, laakiib waxay isu rogtay codsiga

xuquuqda dhulka. Ficilkoodii wuxuu wadada u furay

Eddie Mabo iyo kuwa kale inay u dagaalamaan dadka

asaliga ah xaqooda dhulka.

Sida waafaqsan Xeerka Xuquuqda Dhulka ee Aborijiniska

ah (Northern Territory) ee 1976 dadka Aborijiniska ah

waxaa la siiyey dhul ballaaran meelaha gudaha ah ee

Australia. horaantii 1990naadkii, Maxkamada sarre

go’aankeedii Mabo ee Xeerka Lahaanshaha Asaliga

ee 1993 wuxuu aqoonsaday in dadka asaliga ah ay

sheegan karaan dhul ku salaysan sharciga dhaqankooda

iyo caadooyinkooda. In k abadan 10 boqolkiiba dhulka

Australia waxaa daboola go’aanka lahaanshaha asaliga.

Halkaan qaar ka mid ah dhaqanka bulshada ayaa ku

badbaaday. Dhaqanka asaliga ah wuu sii socdaa waxaana

si weyn u soo dhoweeyey bulsha weynta.

Bishii May 1997, waxaa baarlamaanka Australia la

hordhigay warbixintii ‘Keen Guriga’. Warbixintu waxay

ahayd natiijada waxweydiinta carruur badan oo ah

Aborijinaal iyo dadka jasiiradaga Torres Strait kuwaas oo

laga qaaday qoysaskoodii. Carruurtaan waxaa loo yiqiinay

‘jiilkii la xaday’. Warbixintaas daryteed, kumaankun

Australiyaana ayaa muujiyey taageero ay u hayaan dadka

asaliga ah iyaga oo wadajir ugu soconaya maalinta

qaranka, ‘maalintii raaligelinta’ sanadii 1998dii.

U cudurdaarkii carruurta la xaday, 2008 13kii Febraayo 2008, Raiisal wasaaraha Australia wuxuu

sameeyey cudurdaar uu u sameeyey Jiilkii La-xaday

wuxuna ku sameeyey Baarlamaanka Australia. wuxuu ku

hadlay magaca dhamaan dadka Australiyaanka ah. Wuxuu

yiri waan xumay sidii dadka asaliga ah loola dhaqmay

waayihii tegay. Wuxuu weliba yiri waan ka xumahay sida

carruurta dadka asaliga ah looga qaatay waalidkood.

Hadalka waxaa toos looga soo daayey telefishanka iyo

maxadooyinka raadiyayaasha. Kumaan kun qof ayaa

isugu yimid goobahooda shaqada si ay u dhegaystaan

hadalka ‘waan ka xumahay. Hadalku wuxuu si rasmi ah

liiska ugu qoray cadaalad daradii la sameeyey wuuna uga

cudurdaaray. Tani waxay ahayd talaabo muhiima oo ku

wajahan bogsiinta dadka asaliga ah iyo in la xaqiijiyo in

cadaaladdaradaasi aanay mar dambe dhicin. Hadalka waa

ka xunahay waxay ahayd muhiim si horay loogu socdo.

Skywriter wuxuu qoray ‘Sorry’ Sydney dusheeda

Maanta, doorka lama hilmaamaanka ah oo dadla asaliga

ah ay ka qaateen magaca Australia waa aqoonsaday

waana loo dabaaldegay. Dadka Aboriiniska ah iyo dadka

ka yimid jasiiradaha Torres Strait waxay hayaan boos

hogaamin ah xoogsatada Australia, kuwaas oo ay ku jiraan

nadaamka cadaalada, siyaasada, farshaxanka iyo cayaaraha.

Barnaamijka MARVIN, curin Aborijinis oo digital animation-

ka, wuxuu ku guulaystay abaalmarina badan waxaana loo

isticmaalay machadyada ganacsiga iyo waxbarashada in ka

badan labaatan sano adduunka oo dhan.

GabagaboBogagaan waxay ku siinayaan milicsi gaaban oo ku

saabsan sheekadeena Australiyaanka ah. Waxaa laga

yaabaa inaad in aqoontaan cusubi ay furtay fekerkaaga

ogaanshaha bay’adaada. Waxaa laga yaabaa inaad

bilawdo taariikhaha saraha qadiimka ah ayna muujiso

taariikhdooda. Mark alagu siiyo ubax yar oo guduudan

oo aad qaadato maalinta 11ka Nufeembar, waxaad

ogaan doontaa in lagu xasuusanayo rag iyo dumar wixii

maalintaas xijaabtay. Markaad la kulanto dad asali ah oo

Australiyaana waxaad dareemi doontaa dhaqankii hore

oo hagayey. Waxaan kugu adkaynaynaa in aad ballariso

aqoontaada adiga oo isticmaalaya macluumaadka

halkaad ku nooshahay iyo safar. Markaad wax badan

aragtaba wax badan ayaad baranaysaa.

Waxaan kugu soo dhowaynaynaa Dhalashada Australia

waxaanuna kugu martqaadaynaaa inaad si buuxda uga

qaybgasho wadanka demoqraadiga oo nabada ah.

Page 35: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira72

Macnaha erayada aan la isku imtixaanaynsafiirqofka matala ama xayaysiiya wadan ama nashaad

guddikoox dad ah oo loo doortay inay go’aan sameeyaan, tusaale ahaan sida shirkad loo maamulayo

dugsiga la seexdodugsi halkaas oo ardadu seexato oo aanay guriga ku noqon teeramka dugsiga oo dhan

kayn ama Baadiye meelaha magaalada ka baxsan oo weli dabeecadeedii asalka ahayd leh

maxadada lo’da beer weyn halkaas lo’da lagu dhaqo si hilib looga hello

jaartar (Xeer)qoraal rasmi ah oo xuquuqda iyo masuuliyaadka

qabiilkoox dad ah, oo dhiig ama guur isu keenay, kuwaas oo wadaaga dhul isku meel ah

dan guudwax la wadaago oo dadka ka wada dhexaysa

askari khasab lagu qorayaskari aan dooran inuu ka qaybgalo ciidamada laakiin ay tahay inuu ka qaybgalo waqti dagaal jiro

Dhulka dawladu leedahaydhul ay leedahay dawladu

manhaj koorso waxbarasho

ka-aradan wax walbaaan haysan lacag ama hab kale oo lacag ku helo

didgeridooaallad muyuusig oo dadka aborijiniska ah oo laga sameeyey ul daloosha oo dheer

cadaaladfursad macquulla ama siman oo ay tahay qof walba sameeyo wax fiican

si Cadaalad ah uga qaybgelidsi fiican uga qaybgelid da’daal kooxeed, iyada oo la raacayo shuruuc si qof walbaa uga faaiidaysto, shaqo kooxeed wanaagsan

qof rag iyo dumar ah oo ku dhintay shaqo ciidan ciidan rag ama dumar oo ku dhintay dagaal ama khilaaf

abaabuliddhisida ama abuurid

Badeecada Wadanka Ka-soo-baxdaqiimaha dhamaan badeecada ama adeega lagu sameeyo wadan sanadii

hirarka kulaylkadabayl aad u kulul kaas oo qaata in k abadan laba berri oo isku xiga

khaainima weyngaf khaainimo oo aad u cuslu taas ku lug leh isku deyid inqilaab xukuumadeed

Page 36: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Macnaha erayada aan la isku imtixaanayn 73

sawira ay sameeyeen dad asali ah oo magac lehfarshaxan gooni ah oo matala dad asali ah

bed Dhuleed goob dhul ah

tilmaanmunaasabad raariikh oo muhiim ah

lahaanshaha asaliga ahxuquuq dhaqameedka dadka asaliga ah ay ku leeyihiin dhulka iyo biyaha, waxaa lagu go’aamiyey nadaamka sharciga Australia

taariikh afeedxusuusta ay ka hadlaan dadku wixii dhacay waayadii la soo dhaafay

horseedkuwii ugu horreeyey oo degay, qof wax qabtay xiligii degitaanka ee hore

wakiil siyaasadeedinuu ka matalo ama wakiil uga noqdo baarlamaanka

xirmogood dhul ah oo dawladu u qoondaysay dadka Aborijniska ah inay ku noolaadaan

xakun dhererka waqtiga dembiilaha lagu xakumo inuu xirnaado

qararida mushaharkago’aan ka gaarida immisa shaqaale ayaa shaqo mushahar lagu siinayaa

dib-u-habaynta bulshadawanaajinta bulshada si soo kordhaysa, intii kacaan lagu samayn lahaa

aas qaranaas ay xukuumadu qabato si loogu sharfo muwaadinka kaas oo door fiican ka qaatay qaranka

xijaabxijaab difaac oo ka samaysan alwaax ama dayr

lo’ jir rag loo shaqaaleeyey inay jiraan lo’da

mudaaharaadmarka shaqaaluhu joojiyaan, tusaale ahaan, in laga cawdo loo shaqaaleyaha go’aankiisa

coddhiibashoxuquuqda qof ku dhiibto doorashooyinka dadweynaha

dhaarin dhaarin si lagaaga aqbalo xafiiska dadweynaha munaasabad rasmi ah

soo-gudbin si rasmi ahaan loo soo qadimo wada hadal ama aqbalaad baarlamaanka sida warbixin la soo gudbiyey

qof walbaheer bulsho ama asal, shaqo, boos

Page 37: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira74

Macluumaad intaas ka badanDhalashada AustraliaMacluumaad intaas ka badan oo ku saabsan sida lagu noqdo muwaadin Australiyaan ah, booqo websaytka dhalashada Australia oo ah www.citizenship.gov.au.

AustraliaWaxaad heli kartaa macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan maktabada agtaada ah. Websaytka soo socda ayaa laga yaabaa inuu bixiyo macluumaad intaas ka badan:

• Australia oo kooban www.dfat.gov.au/aib

• Qaadaha Madadaalada iyo Dhaqanka www.cultureandrecreation.gov.au

Adeegyada iyo barnaamijyada Dawlada AustraliaWaxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan Adeegyada iyo Barnaamijyada Xukuumada Australia www.australia.gov.au.

Xubin Baarlamaan ama Mudane Xubintaada baarlaanka ama mudanaha dawlad goboleedkaaga ama territorigaaga waxay hayaan macluumaad badan oo ku saabsan adeegyada iyo barnaamijyada xukuumada Australia.

Liiska xubnaha baarlamaanka waxaa laga heli karaa www.aph.gov.au.

Ururada Xukuumada AustraliaWaxaad ka heli kartaa macluumaad badan oo ku saabsan ururada xukuumada Australia buugga macluumaadka websaytyada soo socda:

• Australian Defence Force www.defence.gov.au

• Australian Electoral Commission www.aec.gov.au

• Australian Federal Police www.afp.gov.au

• Australian Human Rights Commission www.humanrights.gov.au

• Australian Sports Commission www.ausport.gov.au

• Australian Taxation Office www.ato.gov.au

• Australian War Memorial www.awm.gov.au

• Reserve Bank of Australia www.rba.gov.au

Page 38: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Macluumaad intaas ka badan 75

Ururada aan dawliga ahaynWaxaad ka heli kartaa macluumaad badan oo ku saabsan ururada xukuumada Australia buugga macluumaadka websaytyada soo socda:

• Bradman Foundation Australia www.bradman.com.au

• Hamlin Fistula International www.fistulatrust.org

• Royal Flying Doctor Service of Australia www.flyingdoctor.net

• School of the Air www.schoolair-p.schools.nsw.edu.au

• Snowy Mountains Hydro-Electric Authority www.snowyhydro.com.au

• The Fred Hollows Foundation www.hollows.org.au

• UNESCO World Heritage Centre whc.unesco.org

• United Nations www.un.org

• Victor Chang Cardiac Research Institute www.victorchang.edu.au

• Volunteering Australia www.volunteeringaustralia.org

Kuwa kale Baaris ku samay websaytyada soo socda macluumaad ka badan mawduucyada soo socda:

• Australian Constitution www.aph.gov.au/senate/general/constitution

• Australian of the Year Awards www.australianoftheyear.org.au

• ‘Bringing them home’ report www.humanrights.gov.au/social_justice/bth_report/ index.html

• Commonwealth parks and reserves www.environment.gov.au/parks/index.html

• Famous Australians: The Australian Dictionary http://adbonline.anu.edu.au/adbonline.htm of Biography Online Edition

• List of Bills currently before Parliament www.aph.gov.au/bills/index.htm

• Parliament of Australia www.aph.gov.au

• Parliamentary education services www.peo.gov.au

• Public Holidays www.australia.gov.au/topics/australian-facts-and figures/public-holidays

• The Apology to the Stolen Generations www.abc.net.au/news/events/apology/text.htm

Page 39: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira76

Aqoonsiyada Muuqalada soo socda waxaa lagu bixiyey magaca arkiifiyada Qaranka Australia: Bogga42aad – Carruur joogta goob idaad NSW – Dugsiga Cirka, sawirka waxaa la qaaday 1962 (ref: A1200:L42511)

Bogga51aad – Shakhsiyoh – Dick Smith, Madaxa Hay’ada Hawada Madaniga ah, 1991 (ref: A6135:K23/5/91/1)

Bogga56aad – Khariidada Tasmania ee Australia, 1644 (ref: A1200:L13381)

Bogga59aad – Sawira taariikhi ah xilliga dahab raadinta ee 1851 (ref: A1200:L84868)

Bogga60aad – ‘Afghanistaan’ iyo awrtoodii oo ka shaqaynaya dhulka gudaha ku yaalla ee Australia (ref: A6180:25/5/78/62)

Bogga67aad – Shakhsiyo – Sir Edward ‘Weary’ Dunlop Xafiiska, 1986 (ref: A6180:1/9/86/12)

Bogga67aad – Hijrada (socdaal) imaanshaha soogalootiga Australia – Talyaan qasab gooyayaal ah oo saaran Flamini oo ku taal Cairns, 1955 (ref: A12111:1/1955/4/97)

Muuqaalada soo socda waxaa lagu bixiyey magaca arkiifiyada Qaranka Australia: Bogga18aad – Dad mudaaharaad samaynaya oo isugu soo ururay inay maqlaan dad hadlaya oo dagaalka ka soo horjeeda

waxaana lagu qabtay Garema Place, Civic, Canberra, 15kii Febraayo, 2003, sawirka waxaa qaaday Greg Power (ref: nla.pic-vn3063592)

Bogga44aad – Muuqaalka Judith Wright, waxaa la daabacay 1940kii (ref: nla.pic-an29529596)

Bogga52aad – Dumar Indonesiyaan ah oo salaamaya shaqaalaha Xooga Dalka waqtigii hawlaha mucaawimada ee Aceh, Indoneesiya tsunami matkuu dhacay ka dib, 30kii Diseembar 2004, waxaa sawirka qaaday dan Hunt (ref: nla.pic-vn3510861)

Bogga56aad – Kooxdii ugu horraysay Sydney Cove, 27kii Janaayo, waxaa sameeyey sameeyey John Allcot – 1888 - 1973 (ref: nla.pic-an7891482)

Bogga57aad – Muuqaalka Caroline Chisholm, waxaa daabacay Thomas Fairland 1804-1852 (ref: nla.pic-an9193363)

Bogga58aad – Soo noqoshadii Burke iyo Wills ay soo noqdeen Coopers Creek, waxaa sameeyey Nicholas Chevalier 1828 – 1902 waxaana la daabacay sanadii 1868 (ref: nla.pic-an2265463)

Bogga61aad – Muuqaalka Catherine Helen Spence, waxaa la daabacay 1890s (ref: nla.pic-an14617296)

Bogga63aad – John Simpson Kirkpatrick iyo dameerkiisii, Gallipoli, 1915 (ref: nla.pic-an24601465)

Bogga65aad – Muuqaalka Sir Charles Edward Kingsford Smith, waxaa la daabacay intii u dhexaysay 1919 iyo 1927 (ref:nla.pic-vn3302805)

Bogga70aad – Muuqaalka Albert Namatjira oo jooga Hermannsburg Mission, Northern Territory, waxaa la daabacay 1946 ama 1947 waxaana Arthur Groom (ref: nla.pic-an23165034)

Muuqaalka Afar iyo toban goobood oo ah meelo dhaxal caalami ah waxaana si sharaf leh ugu

deeqay Wasaarada Bay’ada, Biyaha, Dhaxal-galka iyo farashaxanka iyo dadka soo socda: Bogga40aad – Australian Fossil Mammal Sites photograph by Colin Totterdell

Bogga40aad – Blue Mountains National Park photograph by Mark Mohell

Bogga40aad – Fraser Island photograph by Shannon Muir

Bogga40aad – Gondwana Rainforests of Australia photograph by Paul Candlin

Bogga40aad – Kakadu National Park photograph by Sally Greenaway

Page 40: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Aqoonsiyada 77

Bogga40aad – Lord Howe Island photograph by Melinda Brouwer

Bogga40aad – Macquarie Island photograph by Melinda Brouwer

Bogga41aad – Purnululu National Park photograph by Rod Hartvigsen

Bogga41aad – Royal Exhibition Building and Carlton Gardens photograph by Michelle McAulay

Bogga41aad – Shark Bay photograph by Kelly Mullen

Bogga41aad – Tasmanian Wilderness photograph by Nicola Bryden

Bogga41aad – Uluru-Kata Tjuta National Park photograph by Andrew Hutchinson

Bogga41aad – Wet Tropics of Queensland photograph by Colin Totterdell

Bogga41aad – Willandra Lakes Region photograph by Mark Mohell

Muuqaalada soo socda waxaa nagu sharfay IStockphoto:Wajiga hore – wattle, ©iStockphoto.com/Ressy (ref: 3322510)

Bogga41aad – Opalka midaw ee Australia, ©iStockphoto.com/Alicat (ref: 8323912)

Bogga22aad – Parliament House, ©iStockphoto.com/Tim Starkey (ref: 2256743)

Bogga22aad – Gavel iyo Buug, ©iStockphoto.com/Dem10 (ref: 2397687)

Bogga27aad – Coins on finance graph, ©iStockphoto.com/Robyn Mackenzie (ref: 2335549)

Bogga27aad – Doctor writing, ©iStockphoto.com/Carlos Arranz (ref: 6498434)

Bogga38aad – Bondi Beach, ©iStockphoto.com/Edd Westmacott (ref: 3048786

Bogga38aad – Kings Canyon, ©iStockphoto.com/Francois Marclay (ref: 5733853)

Bogga51aad – Reclaimer on iron ore mine site, ©iStockphoto.com/Christian Uhrig (ref: 9819736)

Bogga54aad – Digeridoos, ©iStockphoto.com/Adam Booth (ref: 834207)

Bogga55aad – Farshaxanka dhagaxa ee Aboriginal – Saratoga fish, ©iStockphoto.com/Alpen Gluehen (ref: 2761924)

Dhamaan muuqaalada waxaa si sharaf leh u bixiyey ururada soo socda/dadka:Bogga8aad – Spotted gums with a floor covering of Burrawang palms, Murramarang National Park, NSW,

photograph by Dario Postai

Bogga20aad – Qof dhiibanaya codkiisa oo ku ridaya sanduukha waxaa ku deeqay Guddiga Doorashada Fiktooriya

Bogga24aad – Xeerka Distuurka Commonwealth of Australia ee 1900: Koobiga Asalka ah Diiwaanka Dadweynaha, Muuqaalku waa hadiyad Parliament House Art Collection, Department of Parliamentary Services, Canberra ACT

Bogga27aad – Muuqaalka Getty carruur fadhida saf, Sawirka waxaa qaaday Mel Yates

Bogga28aad – Muuqaalka Maxkamada Sarre, waxaa ku deeqday Maxkamada Sarre ee Australia

Bogga40aad – Muuqaalka Big Ben Heard Island waxaa ku deeqday Australian antartic Division © Commonwealth of Australia, Sawir qaade by L. E. Large (ref:1892A2)

Bogga40aad – Muuqaalka Great Barrier Reef, waxaa ku deeqay Great Barrier Reef Marine Park Authority

Bogga41aad – Muuqaalka Sydney Opera House waxaana ku deeqay Golaha Degmada Sydney, sawir qaade Patrick Bingham - Hall

Page 41: Qaybta 4aad Australiyada maanta - immi.homeaffairs.gov.au · badan tartanada fardaha caalamka. Koobkii ugu horreyey ee Melbourne waxaa la qabtay 1861. Talaadada ugu horraysay bisha

Dhalashada Australia: Waxa isku-keen xira78

AqoonsiyadaBogga43aad – Xubin Kooxeed ka socda Kooxda Kubbada Fuutiga Qaranka ee Dumarka (Matilda) muuqaalka waxaa ku

deeqay Australian Sports Commission

Bogga44aad – Muuqaalka Sir Donald Bradman waxaa ku deeqay muyusimka Bradman Museum ee Criket-ka. Sir Bradman wuxuu qabaa koofiyada Tartanka Australia waxaana la qaaday intii u dhexaysay 1931-32dii xilliga Australia

Bogga45aad – Muuqaalka Professor Fred Hollows waxaa ku deeqay Fred Hollows Foundation, sawirka waxaa qaaday Frank Violi

Bogga50aad – New Year’s Eve fireworks over Sydney Harbour image courtesy of City of Sydney

Bogga52aad – Dr Catherine Hamlin AC image courtesy of the Hamlin Fistula Relief and Aid Fund

Bogga61aad – Lord Lamington addresses Federation Day crowds, Brisbane, 1901, image courtesy of the State Library of Queensland, photograph by H.W. Mobsby (ref: 47417)

Bogga65aad – Soup kitchen image courtesy of State Library of New South Wales (Mitchell Library). School children line up for free issue of soup and a slice of bread, Belmore North Public School, NSW, 2 August 1934, photograph by Sam Hood (ref: H&A 4368)

Bogga66aad – Muuqaalka Kokoda Track waxaa ku deeqay Australian War Memorial (ref: 014028)

Bogga66aad – Red poppies at the Australian War Memorial, sawirka waxaa qaaday Torie Brims

Bogga70aad – Muuqaalka Dr Victor Chang waxaa ku deeqay Victor Chang Cardiac Research Institute

Bogga70aad – Muuqaalka Eddie Mabo waxaa lagu sameeyey ogolaanshaha Bernita iyo Gail Mabo