Dooda Sharci Ee Golaha Badbaadinta Qaranka

Embed Size (px)

Citation preview

  • 7/28/2019 Dooda Sharci Ee Golaha Badbaadinta Qaranka

    1/3

    Nin Qab-weyn iyo NinQoonsimaad Badan-ba

    Qaanuunkaa Ka Sarreeya

    Qormo Tooshka Ku Ifinaysa Sharciyadda GolahaTashiga/Toosinta iyo Tafsiirka uu Distoorku Ka

    BixinayoWaxa Wax Ka Qorey: Garyaqaan Muuse YuusufMaxamed

    Waxa Intan RamadaantaBulshada Somaliland ku batayHadal haynta Kelmada GoleTaas oo Ka dhalatay UnkankaGolaha Madaxa Banaan EeWada Tashiga iyo ToosintaSomaliland, oo lagaga

    Dhawaaqay MagaaladaHargeysa Bilawgii bishanbarakaysan ee Ramadaan.Waxaana Hadal haynta Kelmadani sii xoogaysatay markiixubno ka tirsan GoleyaashaFulinta (Xukuumadda dhexe)iyo Sharci dejinta(Wakiillada/Guurtida) ay soobandhigeen aragtiyo ka dhanah badheedhaha Golahan

    Cusub ee ku wajahan Aasaaska Unugan iyo In Dastuurku Xaq usiinayo Ka Tashida Rabitaankooda.Qaddiyadan, Maxaa Sharciyadda Dalka iyo Qaanuunka laXidhiidh-dhaa ka qabaan?

    Falanqaynta sharci ee qaddiyadan oo Kale hore ayaa BulshadeenuUgu Maahmaahday, u fiirso bal Murtidani Macnaha ay inna faraysoiyo Kalsoonnida buuxda ee ay Mudduciga ama Mud-daacalaygasiinayo; "Waxa la yidhi Haddii Go'aaga Lagugu Qabsado, waa LaGar-naqsadaa", haddii'se aad is barrixi weydo amaba gar-bixi weydowaxa aad ka dhigan tahay Sida Maah-maahdii ahayd "Nin Hullaab

  • 7/28/2019 Dooda Sharci Ee Golaha Badbaadinta Qaranka

    2/3

    Xumi Inuu wax qarsanayo ayaa la mooddaa", sidaas markaanleeyahay Halkan Go'aan ku riddi mayno, waxase aynu kaafeefanaynaa inaan Falanqayntannu kama turjumayn Xukun(Judgement) iyo Xaglin (Bias) ka dhan ah labada dhinac, keliya'seaynu ku dabbaqayno shuruucdeena inta ku dhereran oo keliya.

    Hor iyo Horraanba aynu is weydiinno, Tafsiir noocee ah ayaaQaamuuska (Dictionary) Af-soomaaliggu ka bixinayaa Magaca[GOLE], Illaa Xadkee'se ayaa Sharcigu Ogol yahay In lala baxo amaCidi ku Magacawnaato?.Ereyga Gole ama Goleyaal, waa Magac dadku ka siman yihiin labixistiisa (Lab iyo Dhedigba waa u bannaan yahay).

    1. Meel dad si joogto ah isugu yimaaddaan oo ay dana hoodaugaga wada hadlaan.

    2. Goob, fagaare.3. Mudanayaal si dastuuri ah dad u soo doortay. (Tusaale ahaan

    Golaha Baarlamaanka).Hadii Qaamuuskii Somaligu Sidaas Ku Fasiray Macnaha Erayga Goleoo ah Mid Aynu Isticmaalaynay Ka hor Nidaamka Dawladnimo, Sidaka Muuqata Tafsiirkiisa koowaad iyo labaad ee Qaamuskani KuSharraxay waxa uu noqonayaa mid Micnihiisu ka fog yahay kanaqoto dheer yahay Nidaamka Maamulka Dawladeed Halka uuKaalinta 3aad uu Ka Soo Galiyay Nidaamka Maamulka Dawladnimo.Erey-bixinta Sharci ee Magaca GOLE

    Dastuurka ayaa u sarreeya Qaranka Somaliland waxa uu dhigayaain Xeer kasta ama aragti wal oo ka hor imanayaa [Dastuurku] uuyahay waxba kama jiraan, Dhammaan xeerarka dalkuna waxay kuansaxmayaan waafaqista dastuurka. Dastuurka Somaliland magacaGole ama Golayaal uma gaar yeelayo Labada Aqal Baarlamaan iyoWaaxda Fulinta oo keliya, Daliil cad waxa u ah oo Dastuurkuna ogolyahay in Iyagana uu magacan u yaqaan Gole-yaal kale sida GoleGobol Iyo Gole Degmo, Akhri oo dhuux nuxurka Qoddobka 111aadee Distoorka Qaranka oo ka hadlaya Goleyaasha Gobollada IyoGola Deegaan".Gees kale haddii aynu ka Milicsano Macnihiisa Sharci, ma jiro

    Qoddob Dastuuri ah oo mamnuucaya in Lala Bixi karo Gole, HalkaKuwa Dastuuriga ah Dastuurka Iyo Xeerarka Ka dheeganiba Ay UguYeedheen Golayaasha Sharciga ah. Tusaale ahaan Markaad eegtidXeer No:14 Eray-bixintiisa Waxa uu Si Waadax ah u TilmaamayaaMagaca Golayaasha Qaranka Waxa uu u qoran yahay sidan:-Golayaasha sharciga ah: waxa loola jeedaa Golayaasha Dastuurigaah ee JSL oo kala ah :- Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, IyoGolaha Deegaanka.Waxa Kale oo Iyaduna Xeerkani Xeer LR 14/ 2000/2011 Inay JiraanGoleyaal aan ahayn kuwa Dawliga ah.

    Saddexda Xusbi Iyo Urur Siyaasadeedyadii ku tartamaayayDoorashooyinkii Deeganka Waxa uu Xeerkani Ku Waajibiyay Inay

  • 7/28/2019 Dooda Sharci Ee Golaha Badbaadinta Qaranka

    3/3

    Yeeshan Gole Dhexe Iyo Gole Fulineed, Sida Ku Cad QodobkaShanaad 5aad ee Xeerkan Xeer LR 14/ 2000/2011.Waxa Kale oo Jira Hay'ado leh Magacan Gole oo aan dawli ahaynSida Ururada Bulshada Tusale ahaan Dalada Ururada Dhalinyaradasomaliland ee Sonyo Golaha Ugu Sareeya Waxa La yidhaahda

    Golaha Sare ee Dalada.Waxaan filayaa Markaynu eegno Daliilyadan Sharci In aanay Doodiyo Muran Midna aanu ku jirin in magacan Gole Aanu ahayn mid usugnaaday Labixistiisu Golayaasha Qaranka ee Dastuuriga ah, oo ayjaban tahay Dooda ay Xubno ka mid ah Golayaasha Qaranku KuDurayaan La Bixista Mgacani, Halkooduna aanu Ku aroorayo MuranSiyaasi ah inay ku Weeraraan Golahan Cusub oo Noqday Mid Ku soobeegmay xili ay Mudo Dhaaf iyo Korodhsiimo Badan ku FadhiyaanGolayaasha Baarlamaanka Somaliland, iyo Gudoomiyaha Wakiiladaoo ku sugan Mugdi Sharci oo ka taagan Isku haynta Labada Xil eeShirgudoonka iyo Gudoomiya Xisbiga Wadani, Kaas oo aan ku jirinGolahan Cusub oo uu Xubin Ka yahay Dhigiisa Xusbiga Ucid oo AyWadaagan Magaca Xisbiyada Mucaridka ah ee Somaliland.Ugu Danbayn Waxaan Bulshada somaliland u Cadaynayaa In uuSharci Yahay Sharci Golahan Cusub Iyo Cidii Kale ee la BaxdaMagacan Gole, Markaynu u eegno Xeerarka Lagaga dhaqmoDalkeena Somaliland.Allaa Mahad LehQalinka:- Garyaqaan Muuse Yuusuf MaxamedXubin Ka Tirsan Ururka Qareennada Somaliland ee [email protected]

    Hargeysa, Somaliland