24
Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL ® WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY SOMALISKA AF-SOOMAALI

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

  • Upload
    others

  • View
    2

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL® WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

SOMALISKA AF-SOOMAALI

Page 2: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8
Page 3: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5

Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6

Maxay tahay daawada Enbrel? 8

Diyaarinta iyo isku-durida daawada Enbrel 10

Tilmaan-bixin ku saabsan daawada Enbrel

ee irbadda ku jirta 14

Keydinta iyo burburinta daawada Enbrel 16

Su’aallo iyo jawaabtooda 17

Goobtaan internetka ayaa caawinaad ka heli kartaa 21

Xasuus-qor 22

Tusmada buugga

Page 4: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-4-

Page 5: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-5-

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel

Wuxuu dhakhtarku ku soo qoray daawo magaceeda la yiraahdo Enbrel

(etanercept), taasoo lagu daaweeyo cudurka maqaarka ee loo yaqaanno

psoriasis, isla cudurka ee carruurta ku dhaca, iyo cudurrada lafa-xannuunka

keena reumatoid artrit (RA), ankyloserande spondylit (AS), psoriasisartrit (PsA)

iyo isla kuwa lafa-xannuunka sababa ee carruurta ku dhaca (JIA).

Waxaa dhici karto in loola yaabo in cudurro kala duwan lagu daaweeyo isla

daawo. Ma dhici kartaa in tusaale xannuunka isgoysyada jilibka ama faraha iyo

finnanka maqaarka ku ballaaran ay xirrir wada leeyihiin?

Jawaabtu waxay tahay in cudurka maqaarka ku dhaca ee loo yaqaanno

psoriasis iyo cudurro badan ee lafa-xannunka keena ay isku koox ka tirsan

yihiin, cudurrada fasaska. Kuwaasoo soo ifbaxaan markii difaaca jirka u

korniinka firfircoonaanshada awgeed weerar ku qaado jirka. Fasaska siyaabo

kala duwan ayay jirka saamayn ugu yeeshaan.

Buugani yar waxaad ka aqrisan kartaa dhacdoondada jirka markii qofku u ku

dhaco cudurrada fasaska ee noocyadaan oo kale ah. Waxaad kaloo aqrisan

kartaa sida daawada Enbrel loogu daaweeyo, sida daawada loo qaato iyo

waxyaalaha habboon inaad ka fekerto. Kahor intii daawaynta daawada Enbrel

aysan bilaaban aqriso qoraalka baakada ku dhex jira iyo/ama patientfass.

Waxaa kaloo lagula talinayaa inaad booqato bogga www.psoriasisguiden.se

iyo www.rorelse.se. Labada bog waxaa laga hela aqoon iyo adeegyo ku

fududayn doono noolol-maalmeedkaaga.

Page 6: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-6-

Difaaca jirka wuxuu jirka ka ilaaliyaa maadooyinka shisheeyeha ah, sida

bakteeriyaasha iyo fayruusyada. Laakinse waxaa dhici karto in difaaca jirka u

weerar ku qaado jirkiisa. Taasi ayaa dhacdo markii qofku u ku dhaco cudurka

maqaarka ee loo yaqaanno psoriasis iyo cudurrada lafa-xannuunka keena.

Lama garanaayo sababta u difaaca jirka sidatan u dhaqmaayo ama waxa

weerarka kiciyay.

Qaabka u difaaca jirka ula dagaalammo waxyaalaha shisheeyaha ah, ayaa

wuxuu yahay hirgelinta fasas, kuwaasoo ciribtira waxyaalaha shisheeyaha ah.

Qofka qaba cudurka psoriasis iyo cudurrada lafa-xannuunka keenaa waxaa

jirkooda ka bilaawdaan fasaskaas inkastoo aysan jirin sabab loola

daqaalammo waxyaalaha shisheeyaha. Wa fasas joogto ah kuwaasoo goor

dambe dhawaac u geysta jirka jirroleha.

Dhaxaltooyo iyo deegaankaWeli lama shaacbixin sababta u difaaca jirka u jirkiisa weeraro ugu qaadayo.

Dhaxaltoyada door ayay ka ciyaarta cudurrada fasaska badidooda. Sababaha

kale ee keeni kara waxay noqon karaan infeekshanno iyo hab-noololxummo

sida sigaar-cabbida ama khamri-cabbida badan.

Fasaska waxay ka soo ifbixi karaan dhowr meeloodFasaska waxay ka soo ifbixi karaan dhowr meelood oo jirka ku yaallo. Waxaa

sababaha kamid ah cytokiner oo ah brootiin u difaaca jirka soo saaro. Nooc cytokin

waxaa loo yaqaanno TNF (waa maado brootiin u difaac jirka soo saaro) wuxuu

hogaamiyaa hawlaha fasaska psoriasis iyo cudurrada lafa-xannuunka keena.

Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan

Page 7: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-7-

Daawaynta fasaska hoos u dhigi karoMarkii qofku u qabo psoriasis iyo cudurrada lafa-xannuunka keena waxaa jirka

laga shaacbixiyay sare u kaca heerka TNF.

Weli lama helin daawo suurtagelin karto ka bogsashada cudurrada, laakinse

aqoonta habka TNF u jirka saamayn ugu yeesho waxay suurtagelisay helida

daawayn cusub. Ujeedada ku daawaynta daawada ee waayahaaan dambe

waxay tahay in, hab firfircoon hoos loo dhigo tirada TNF ee jirka sidaasna

hoos loogu dhigo calaamadahiisa sida fasaska.

Page 8: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-8-

Daawada Enbrel waa daawo hoos u dhigta tirada TNF ee jirka ku jiraan.

Waxaa la yiraahda daawada Enbrel waa daawo noole/dabiici ah. Waxaa loola

jeeda in daawada laga sameeyay koobiga DNA:ga maadoo caadi ahaan jirka

ku jirta. Dalka Iswiidan waxaa daawada Enbrel lagu daawaynaayay cudurrada

lafa-xannuunka keena tan iyo 2000 iyo cudurka psoriasis tan iyo 2004.

Waxyaalaha fiican in laga fekero xilliga daawayntaWaxaa jiro dhowr qodobo oo habboon ogaanshadooda, kuwaasoo xiriir la leh

daawaynta. Daawada Enbrel waxaa loo qaataa irbad ahaan, waxaana la heli

karaa qalabyo badan oo sahlinaayaan daawaynta.

Qalabyada la adeegsado ee aad rugta ka heli karto waxaa kamid ah:

• Qaboojyeyaal [Kylklampar] iyo shandada qaboojieha ah, kuwaasoo

daawada Enbrel lagu keydsan karo markii qofku u socdaal gelaayo

(Warbixin ku saabsan keydinta ka aqriso bogga 16:aad iyo 20:aad).

• Kaarka socdaalka loogu talagalay [fygkort], kaasoo shaqaalaha shirkadda

dayuuradaha lagu wargelinaayo inaad daawada Enbrel u baahan tahay

inaad shanadada gacanta ku qaadato markii aad socdaal galayso.

• Qalabka lagu siibo daboolka irbadda .

• Safety Clip (go’yaha irbadda duritaanka).

• Kaarka bukaan-socodka, ku qoran tusmada buugga ku saabsan warbixin

muhim xiriir la leh daawayntaada. Kaarkaas waa inaad mar kasta sidata,

tusaale ku qaadata boorsada jeebka.

Maxay tahay daawada Enbrel?

Page 9: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-9-

Noolasha iyo daawada EnbrelCudurka psoriasis iyo cudurrada lafa-xannuunka badi ahaan waa cudurro usan

qofku marna ka bogsanayn oona daawayntooda lagamaarmaan ah. Sidaas

awgeed helida aqoonta daawada Enbrel waa arrin faa’iido leh hab-shaqaynta

mudada dheer. Daawaynta hab fudud ayaa la hakin karaa haddii tusaale bukaha

qalin lagu samayn doono ama u uur lee yahay. Waxyeellada daawada ee ugu

caadiyeeysan waxaa weeyaan xajiinta halka irbadda maqaarka ka gashay.

Xajinta waxay ciribtirmataa dhowr maalmood kaddib.

Wixii su’aallo ah ee daawada Enbrel ku saabsan kala xiriir dhakhtarkaaga ama

kalkaalisada caafimaadka.

Page 10: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-10-

Tallaabo 1:aad Diyaarso irbad-durida• Hal qalin irbad-durida soo baxso.

• Hubso in daawada qalinka irbad-durida ku dhexjirta aysan lahayn wax

midab ah ama aysan ahayn huruud qafiif ah kuna dhex jirin waxyaallo.

Haddii aysan sidaasi ahayn, ha isku durin daawada. Xaaladaas ku isticmaal

daawada Enbrel qalinka irbad-durida kale, kaddib la xiriir farmashiyada oo

kugu beddeli doonto qalinka irbad-durida cusub

• 15 ilaa 30 daqiiqo kuhay qalinka irbad-durida heer-kuleelka qolka.

• Si fiican gacmaha isaga dhaq!

Daawada Enbrel irbad ahaan ayaa laysku dura, qaar waxay isku duraan irbad

daawada Enbrel ku jirta, kuwa kalena waxay isticmaalaan qalinka irbad-durida.

Tixraac tilmaan-bixinta diyaarinta daawada ee u dhakhtarkaaga ku siiyay. Hab

taxadarsan u aqriso tilmaan-bixinta kaddib qodob qodob u tixraac.

Dhakhtarkaaga ama kalkaalisada caafimaadka ayaa ku bari doonto sida irbad

isku-durida loo isticmaalo.

Hoos waxaa ku qoran tilmaan-bixin sida loogu isticmaalo qalinka irbad-durida

ee daawada Enbrel iyo irbadda daawada ku jirta. Ku saabsan diyaarinta

budada iyo hoorka irbad-durida, fadlan ka aqriso tilmaan-bixin gooni ah ee

baakada ku dhex jirta ama qoraal-warbixineedka carruurta loogu talagalay.

Tilmaan-bixinta daawada Enbrel qalinka irbad-durida

Diyaarinta iyo irbad-durid daawada Enbrel

Page 11: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-11-

Tilaabada 2:aad Xulo kaddib diyaari halka irbad-durida• Xulo halka irbad-durida, sida bowdada ama caloosha, ku tirtir

faasho alkool leh, irbad-durida kahor ha taaban. Irbad-durid kasta

xulo kaddib ku isticmaal goob cusub. Goobta irbad-durid cusub

waa in ay ka fog tahay goobtii hore ugu yaraan 3 sm. Haddii aad

cudurka psoriasis qabto, irbad-durida ka ilaali goobaha sare u

kacsan, guduudan ama qolofta leh.

Tallaabada 3:aad Isku dur daawada Enbrel ee qalinka irbad-durida ku jirta• Ka saar daboolka irbadda ee cad adigoo hore u

jiida.

• Kaddib markii daboolka irbadda aad ka saarto

waxaa soo ifbaxaayo dabool kale oo midabka

guduud-buluug isku qasan leh.

• Adigoo aan riixin badhanka ka shaqaysiinta ee

cagaaraan ee ku yaallo madaxa qalinka irbad-

durida, ku aadi qalinka irbad-durida hagasha

goobta irbad-durida. Ku riix maqaarka daboolka

yar ee leh midabka guduud-buluug isku qasan

(qaybta qalinka u ka furan yahay) ilaa daboolka u

gebi ahaan dhex galo qalinka.90

°

90°

90°

Page 12: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-12-

• Suulkaaga dhaqsi hoos ugu riix badhanka ka

shaqaysiinta ee cagaaran kaddib isla markiiba sii da

badhanka adigoo suulkaaga badhanka ka

dhaqaajiya. Shanqar ayaa la maqlayaa. Kaddib markii

aad shanqarta ugu horeeyso maqasho kuhay qalinka

irbad-durida maqaarka 10 ilbiririqsi.

• Markii aad shanqarta labaad maqasho, ama markii

10 ilbiririqsi ay ka soo wareegato way dhamaatay

irbad-durida. Qalinka ka dhaqaaji maqaarka. Markii

qallinka aad maqaarka ka dhaqaajiso waxaa soo

durkaayo daboolka oo kaddib daboolaayo irbadda

irbad-durida.

90°

90°

90°

Page 13: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-13-

• Midabka dariishada qalinka irbad-durid waa in u gebi ahaan ahaada

buluug-guduud, taasoo xaqiijinayso in qiyaas sax ah laysku duray. Haddii

midabka dariishada qalinka irbad-durid usan gebi ahaan ahayn buluug-

guduud, talobixin awgeed la xiriir kalkaalisada caafimaadka ama

farmashiyada. Maxaayeelay waxaa dhici karto in qalinka irbad-durida usan

daawada Enbrel hab buuxda ugu durin. Ha isticmaalin qalinka irbad-durida

hal mar ka badan, sidaasoo kale ha ku isticmaalin qalinka irbad-durida ee u

qofka kale leeyahay adigoo kahor la tashan kalkaalisada caafimaadka ama

farmashiyada.

• Haddii goobta irbad-durida dhiig ka soo ifbaxo, hab xasilan suuf ku riix

goobta irbad-durida mudo 10 ilbiririqsi.

Tallaabo 4:aad Tuurida qalinka irbad-durida daawada Enbrel ee la isticmaalay• Qalinka irbad-durida hal mar ayaa la isticmaala. U tuur qalinka irbad-durida

hab waafaqsan talabixintii kalkaalisada caafimaadka iyo farmashiyada ku

siiyeen.

Page 14: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-14-

Tallaabo 1:aad Diyaari irbad-duridda – 25 mg ama 50 mg• Baakada daawada Enbrel ka soo baxso hal irbad oo daawada ku jirta iyo

faasho alkool leh.

• 15 ilaa 30 daqiiqo kuhay qalinka irbad-durida heer-kuleelka qolka. Silingada

daawada ku jirto ha ka saarin daboolka irbadda kahor isticmaalkeeda.

• Hubso in daawada qalinka irbad-durida ku dhexjirta aysan lahayn wax midab

ah ama ay tahay huruud qafiif ah kuna dhex jirin waxyaallo. Haddii aysan

sidaasi ahayn, ha isku durin daawada. Xaaladaas ku isticmaal silingad kale,

kaddib la xiriir farmashiyada oo kugu beddeli doonto silingad cusub.

• Si fiican gacmaha isaga dhaq!

Tallaabo 2:aad Xulo kaddib diyaari halka aad irbadda isaga duri lahayd• Xulo halka aad irbadda isaga duri lahayd, sida bowdada

ama caloosha, ku tirtir faasho alkool leh, kaddib irbad-

durida kahor ha taaban. Irbad-durid kasta xulo kaddib ku

isticmaal goob cusub. Goobta irbad-duridda cusub waa

in ay ka fog tahay goobtii hore ugu yaraan 3 sm. Haddii

aad cudurka psoriasis qabto, irbad-durida ka ilaali

goobaha sare u kacsan, gaduudan ama qolofta leh.

Tilmaan-bixin daawada Enbrel irbadda daawada ku jirta

Page 15: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-15-

Tallaabo 3:aad Isku-dur daawada Enbrel ee irbadda daawada ku jirta• Ka saar daboolka irbadda adigoo kor u jiida. Hab xasilan daboolka irbadda

ka saar adigoo aan qaloocinin ama wareejinin, maxaayeelay irbadda ayaa

waxyeelmi karto.

• Markii daboolka irbadda aad ka sarayso waxaa ibta irbadda ka soo ifbixi

karta dhibic dheecaan, taasoo caadi ah. Ha taaban irbadda ama ka ilaali in

meel kale ay taabato.

• Hab taxadarsan u qanjaruufo halka maqaarka aad nadiifisay. Hab aan

dhaqdhaqaaq lahayn u qabo. Sidii qalin oo kale gacanta kale ku qabo

irbadda daawada.

• Adigoo adeegsanaayo dhaqdhaqaaq gaagaaban ku riix

irbadda maqaarka hagasho u dhaxaysa 45°-90. Qanjaruufka

maqaarka sii dey markii irbadda ay gebi ahaan maqaarka

dhex gasho kaddib hab xasilan u riix haniyihu, taasoo ku

suurtagelin doonto inaad daawada Enbrel isku durto. Markii

irbadda ay faaruq noqoto ka saar irbadda maqaarka. Hubso inaad uga soo

saartay isla hagashada aad ku gelisay.

Tallaabo 4:aad Tuurida qalabyada• Silingeyaasha iyo irbaddaha daawada ku jiraan waa in marna dhowr jeer

lagu isticmaalin. Tuur silingeyaasha iyo irbaddaha hab waafaqsan tilmaan-

bixinta ay ku siisay kalkaalisada caafimaadka iyo shaqaalaha farmashiyada.

Ku saabsan tilmaan-bixinta budada daawada Enbrel iyo hoorka irbad-durida,

fadlan ka aqriso tilmaan-bixinta goonida ah ee baakada ku dhex jirta ama

booqo www.fass.se

Page 16: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-16-

Daawada Enbrel waa in qaboojiye lagu keydsha 2°C – 8°C. Waa in marna baraf laga dhigin. Qalinka irbad-durida/silingeyaashana ee daawada ku jirta ku keydi kartoonka. U adkaysashada iftiinka. Ha ku isticmaalin daawada haddii la soo dhaafay taariikhda kartoonka ku qoran.

Daawada Enbrel waxaa kaloo muddo afar toddobaad lagu keydin karaa heer kuleelka qolka, oo ugu badnaan ah 25°C muddo afar toddobaad, kaddib waa in qaboojiyeha aan lagu keydin. Daawada Enbrel waa in la tuura haddii aan lagu isticmaalin afar toddobaad kaddib markii qaboojiyeha laga soo bixiyay.

Qalinka irbad-durida iyo irbadda buuxsan waxaa looga talagalay in hal mar oo qura la isticmaalo. Qalinka Irbad-durid, silingeyaasha iyo irbaddaha waa in marna dhowr jeer lagu isticmaalin. Marna ha ku celin daboolka irbadda.

Ku keydso meel ka fog carruurta ama ishooda ku dhici karin.

Tixraaca talo-bixinta dhakhtarkaaga, kalkaalisada caafimaadka ama farmashiyada laga siiyay ee ku saabsan sida loola dhaqmo qalinka irbad-durida, irbadda ama silingada la isticmaalay.

Keydinta iyo burburinta daawada Enbrel

Page 17: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-17-

Maxaa dhacaayo haddii aan iloowo in aan daawadayda is-duro?Waa inaad sida ugu dhaqsi badan isku durto. Kaddib isku dur daawada Enbrel

hab waafaqsan tilmaantii berri hore lagu siiyay.

Ma iska duri karaa meel aan lugta ku oolin?Haa, waxaad iska duri kartaa goobaha nudaha badan leh, tusaale badhida iyo

aagga xudunta.

Haddii aan socdaal gelaayo sidee baa daawada Enbrel ku keydsadaa?Daawada Enbrel waa in lagu keydsadaa qaboojiye ama shandada qaboojiyeha

ah. Daawada Enbrel waxaa kaloo mudo ugu badnaantii ah afar todobaad lagu

keydin karaa heer kuleelka qolka (ugu badnaantii 25°C). Haddii aad shandada

qaboojiyeha u baahan tahay la xiriir rugta caafimaadka aad ka tirsan tahay.

Baakadaha daawada Enbrel ka ilaali waxyaalaha qaboowga keenaa

[kylklamparna] maxaayeelay daawada Enbrel uma adkaysan karto barafka

ama qaboowga culus. Waxaa ugu ilaalin kartaa adigoo baakada daawada iyo

qaboow keenaaha dhex geliyaa shukumaan.

See wax yeelaa haddii aan diyaarad raacayo?Rugta daryeel-caafimaadeedka waxay ku siin kartaa kaarka socdaalka loogu

talagalay [fygkort], kaasoo shaqaalaha shirkadda dayuuradaha lagu

wargelinaayo inaad daawada Enbrel u baahan tahay inaad shanadada gacanta

ku qaadato markii aad socdaal galayso.

Haddii socdaal dheer aad geli doonto sida (mudo kabadan 4 toddobaad) ama

socdaal musaafo dheer ah, waa inaad kahor shirkadda dayuuradaha la xiriirtaa

oo aad hubsata in daawada Enbrel lagugu keydin karo qaboojiyeha dayuuradda.

Waa inaad fiirogaar siisa inta dheecaan ee lagu oggol yahay inaad boorsada

gacanta ku qaadato.

Su’aallo iyo jawaab

Page 18: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-18-

Ilaa immisa ayaan daawada Enbrel ku keydin karaa qaboojiyeha dibadiisa?Daawada Enbrel waxaa lagu keydin karaa heer kululeed ugu badnaantii

gaarayaa 25°C ilaa muddo aan ka badnayn afar toddobaad, markaas kaddib

qaboojiyeha laguma celin karo. Daawada Enbrel waa in la tuura haddii aan la

isticmaalin kaddib markii afar toddobaad ay ka soo wareegato markii

qaboojiyeha laga soo bixiyay.

Maxay yihiin waxyeelada daawada ee ugu caadiyeeysan?Daawada Enbrel waxay xaaladaha qaarkood sababta in goobta irbad-durida ay

soo guduudato ama bararto. Soo guduudashada iyo bararka waxaa hoos

loogu dhigi karaa, adigoo mar kasta beddela goobta irbad-durida, oona halkii

maqaarka ee markii ugu dambaysay iska durtay mar kale iska durin .

Ilaa intee ayaa daawada Enbrel ku isticmaalayaa?Waxaa dhici karto in dhakhtarkaaga u ku daawaynta daawada Enbrel u gaar

ahaan adiga kula talagalay. Sidaas awgeed, tixraac talo-bixintii u

dhakhtarkaaga ku siiyay. Maxaan fiirogaar ah siiyaa? Haddii aad u malayso in

u infeekshan halis kugu dhacay waa inaad had iyo jeer la xiriirtaa

dhakhtarkaaga ama kalkaalisada caafimaadka. Haddii u infeekshan halis kugu

dhaco waa inaad durbadiiba joojiso isku daawaynta daawada Enbrel.

Goorma daawaynta daawada Enbrel hakin karaa?Waa inaad mar kasta wargelisaa dhakhtarkaaga in daawada Enbrel lagugu

daaweeyo. Hakinta daawaynta waxay suurtagal noqon kartaa oo keliyaa

Page 19: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-19-

haddii kahor aad dhakhtarkaaga la tashato. Tusaalaha sababta hakashada

waxay noqon kartaa jiritaanka infeekshan halis ah ama qallin kaddib. Haddii

daryeel culus ilkahaaga laga qabanaayo waa inaad dhakhtarka ilkaha

wargelisaa in daawada Enbrel lagugu daaweeyo.

Daawada Enbrel iyo daawooyin kale ma laysla qaadan karaa?Waa inaad dhakhtarkaaga wargelisaa daawooyinka kale ee aad qaadato.

Waxaa khibrad loo leeyahay in daawada Enbrel loola qaadan karo daawooyinka

xannuunka loo qaato (tusaale kuwa loo yaqaanno NSAID), metotrexat iyo

kortison. Adigoo dhakhtarkaaga la tashan ha la qaadan daawada Enbrel

daawooyin kale.

Waa maxay nidaamka uurleeyda khuseeya?Waa inaad uur-qaadida iska ilaalisa xilliga lagugu daawaynaayo daawada

Enbrel. Iyadoo sidaasi tahay haddii aad uur qaado waa inaad dhakhtarkaaga

la xiriirtaa.

Waa maxay nidaamka naas-nuujinta?Weli lama xaqiijin in daawada Enbrel iyo caanaha naaska isku biiraan. Xilliga

daawada Enbrel lagu daawaynaayo dhallankaaga ha naasnuujin.

Maxaa ka fekera markii aan is-tallaalayo?Waxaa lagula talinayaa inaad isku tallaalin maado ”noole ah” markii aad ku

isticmaalayso daawada Enbrel. Dhakhtarkaaga ama shaqaalaha rugta caafimaadka

laga tallaali doono ayaa aqoon u leh nooc tallaalka xaaladaada khuseeya.

Page 20: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-20-

Sidee daawada Enbrel lagu keydshaa?• Ku keydso meel ka fog carruurta ama ishooda ku dhici karin.

• Ku keydso heer-kuleel 2°C – 8°C (qaboojiyeha). Daawada Enbrel waxaa lagu

keydin karaa heer kululeedka qolka ee ugu badnaantii gaarayaa 25°C ilaa

muddo aan ka badnayn afar toddobaad, markaas kaddib qaboojiyeha

laguma celin karo. Daawada Enbrel waa in la tuura haddii aan lagu

isticmaalin afar toddobaad kaddib markii qaboojiyeha laga soo bixiyo.

• Marna ha ku keydin qaboojiyeha culus.

• Qalinka irbad-durida/silingeyaasha ku keydi kartoonka. Aan iftiinka u adakaysan

karin.

• Waxaa lagula talinayaa inaad durbadiiba isticmaasho daawada irbad-durida

ee daawada Enbrel ku jirta kadib markii aad diyaariso.

• Haddii la soo dhaafay taariikhda kartoonka ku qoran, ha ku isticmaalin

daawada.

Dhamaan su’aalaha waa in u ka jawaabo qof dhakhtar ah, kalkaalisada caafimaadka ama farmashiyada, kuwaasoo aqoon u leh daawada Enbrel.

Page 21: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-21-

Shabakadda internetka www.rorelse.se iyo www.psoriasisguiden.se waxaad

ka heli kartaa warbixin iyo talo-bixin wanaagsan ee ku saabsan cudurrada

lafa-xannuunka keena iyo cudurka psoriasis. Labada shabakadda internetka

waxaa soo diyaarisay shirkadda Pfizer, dhammaan warbixinta ku qoran waxaa

soo kormeeray oona ansixiyay aqoonyahaanno aqoon gaar u leh cudurradaas.

Dabcan waxaa warbixin ka heli kartaa oo kale qoraalka baakada ku dhexjira

iyo/ama patientfass.

www.rorelse.seShabakadda internetka www.rorelse.se waxaad ka aqrisan kartaa cudurrada

lafa-xannuunka keena ee kala duwan, tusaale lafa-xannuunka kalagoysyada,

fasaska kalagoysyada ku dhaca dadyoowga qaba cudurka psoriasis, cudurka

loo yaqaanno Bechterew iyo lafa-xannuunka carruurta ku dhaca.

www.psoriasisguiden.seWaxaad psoriasisguiden ka aqrisan kartaa noocyaha cudurka psoriasis ee

kala duwan waxaad su’aal waydiin kartaa dhakhtar ku takhasusay cudurrada

maqaarka.

Halkaan ayaa caawinaad shabakadda internetka ku salaysan ka heli kartaa

Page 22: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-22-

Xasuus-qor

Enbrel (etanercept), injektionsvätska i förfylld injektionspenna, förfylld spruta, pulver och vätska till injektion.Ta noga del av informationen i bipacksedeln. Användningsområden: Hos vuxna (18 år och äldre) kan Enbrel användas för måttlig eller svår reumatoid artrit, psoriasisartrit, svår axial spondylartrit inklusive ankyloserande spondylit, och måttlig eller svår psoriasis. Enbrel används även för behandling av följande sjukdomar hos barn och ungdomar: För följande typer av barndomsreumatism (juvenil idiopatisk artrit), när behandling med metotrexat inte har gett tillräckliga resultat eller inte är lämpligt: Inflammation i många leder (polyartrit) (reumatoidfaktorpositiv eller -negativ) och inflammation som drabbar 5 eller fler leder (utvidgad oligoartrit) hos patienter från 2 års ålder. Ledinflammation som är kopplad till hudsjukdomen psoriasis (psoriasisartrit) hos patienter från 12 års ålder. För patienter från 12 års ålder med muskel-, senfästes- och ledinflammation (entesitrelaterad artrit) när andra vanliga behandlingar inte har gett tillräckliga resultat eller inte är lämpliga. Svår psoriasis hos barn och ungdomar från 6 års ålder som haft otillräcklig effekt av (eller som inte kan behandlas med) ljusbehandling eller andra systemiska behandlingar (läkemedel som påverkar hela kroppen). Använd inte Enbrel: om du eller ditt barn har, eller löper risk att utveckla en allvarlig infektion i blodet som kallas blodförgiftning. Varningar och försiktighet: Allvarliga infektioner, hjärtsvikt, demyeliniserande sjukdomar, återkommande kroniska infektioner. För ytterligare informa-tion se www.fass.se. Pfizer, Vetenskapsvägen 10, 191 90 Sollentuna. Produktresumé: januari 2017

Page 23: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

-23-

Page 24: Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada …...Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan cudurrrada fasaska ku salaysan 6 Maxay tahay daawada Enbrel? 8

Pfizer 191 90 Sollentuna Tal 08-550 520 00 www.pfizer.se

www.rorelse.se www.psoriasisguiden.se

Ilust

rime:

Tom

as Ö

hrlin

gP

P-E

NB

-SW

E-0

417,

Mar

-201

7