8
1 www.buuh.net Meesha, 50 sano ka hor, bangi- yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada maaliyadeed ee ugu koboca fiican, ugu faa’iidada badan, looguna hadal-haynta iyo kalsoonida badan yahay nidaamyada maaliyadeed ee adduunka. Dhinaca koboca iyo faa’iidada, bangiyadaasi waxay 30-kii sano ee la soo dhaafay, sannad walba, sameynay- een koboc iyo faa’iido sare u dhaafaysa 20% sannadkiiba; dhinaca hadal hayntana, dooda- ha la xiriira bangiyada Islaamku waxay buuxiyeen shaashadaha TV-yada, bogagga internet- yada iyo jaraa’idka caalamka. Waxa intaas dheer, in nidaamka maaliyadeed ee Islaamka maanta lagu derso, lagana dhigo, xaru- maha cilmiga ee ugu magaca iyo maamuuska dheer caalamka. Hadal-haynta iyo kalsoonida dheeriga ahi, qayb ahaan, waxay salka ku haysaa koboca hantida ay maammulaan iyo faa’iidada ay sameeyaan; qayb ahaan, aaladaha ay isticmaalaan; qayb ahaanna siday ugu babac dhi- geen iyo siday uga soo doogeen jaahwareerkii dhaqaale ee ku dhuftay hey’adaha maaliyadda caalamka sannadihii 2007-2009 iyo haraatidii jaahwareerkaas ee 2010-2011. “Islamic banking and finance is no longer just a theory or a dream, in fact it is now an emerging, evolving reality” Prof. Khurshid Axmed

Takaaful: milicsi taariikheed...1 Meesha, 50 sano ka hor, bangi-yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada

  • Upload
    others

  • View
    2

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Takaaful: milicsi taariikheed...1 Meesha, 50 sano ka hor, bangi-yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada

1 www.buuh.net

Meesha, 50 sano ka hor, bangi-yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada maaliyadeed ee ugu koboca

fiican, ugu faa’iidada badan, looguna hadal-haynta iyo

kalsoonida badan yahay nidaamyada maaliyadeed ee adduunka. Dhinaca koboca iyo faa’iidada,

bangiyadaasi waxay 30-kii sano ee la soo dhaafay,

sannad walba, sameynay-een koboc iyo faa’iido sare u dhaafaysa 20% sannadkiiba; dhinaca hadal hayntana, dooda-ha la xiriira bangiyada Islaamku waxay buuxiyeen shaashadaha TV-yada, bogagga internet-yada iyo jaraa’idka caalamka. Waxa intaas dheer, in nidaamka

maaliyadeed ee Islaamka maanta lagu derso, lagana dhigo, xaru-maha cilmiga ee ugu magaca iyo maamuuska dheer caalamka. Hadal-haynta iyo kalsoonida dheeriga ahi, qayb ahaan, waxay salka ku haysaa koboca hantida ay maammulaan iyo faa’iidada ay sameeyaan; qayb ahaan, aaladaha ay isticmaalaan; qayb ahaanna siday ugu babac dhi-geen iyo siday uga soo doogeen jaahwareerkii dhaqaale ee ku dhuftay hey’adaha maaliyadda caalamka sannadihii 2007-2009 iyo haraatidii jaahwareerkaas ee 2010-2011.

“Islamic banking and finance is no longer

just a theory or a dream, in fact it is now an emerging, evolving

reality”Prof. Khurshid Axmed

Page 2: Takaaful: milicsi taariikheed...1 Meesha, 50 sano ka hor, bangi-yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada

2www.buuh.net

Kitaabkani wuxuu ummadda Soomaaliyeed u furayaa irido iyo aafaaq cusub oo hore uga daboolnaa. Waxaa laga yaabaa in uu u horseedo

baraarug hor leh iyo isku day hirgelinta nidaamka dhaqaale/maaliyadeed ee Islaamka.”

Prof. Jaamac Xaaji Warsame, Jaamicadda Bariga Afrika, Soomaaliya

Horummarkaas lixaadka leh ee bangiyada Islaamku ku tal-laabsadeen ma aha wax iska yimid, ama sida dadka qaarkiis moodaan, wax la soo bilaabmay soo ifbixii bangiyada Islaamka. Soo ifbaxa bangiyada Islaamku wuxuu qayb ka ahaa dadaal Islaam raadis ah (baraarug) oo ay hormuud ka ahaayeen siyaasiyiin, aqoon-yahanno, culimo iyo mas'uuliyiin badan oo isbeddel-doon ah. Dadaal-ladaas xaq raadiska ahi, marka laga soo tago wacyigelinta guud iyo u jidbaysnaanta shareecada Islaamka, waxyaabaha la taaban karo ee uu ku guuleystay, mirihi-isana maanta la guranayo, waxaa ka mid ah soo ifbaxa Bangiyada Islaamka. Bangiyada Islaamkuna waa qayb ka tirsan dhaqaalaha Islaamka.

Dhaqaalaha Islaamkuna waa qayb ka mid ah diinta Islaamka. Islaamkuna waa diin dham-maystiran oo buuxinaysa dham-maan baahiyaha aadamaha. Baahiyahaasi ha noqdeen kuwo qofeed ama kuwo bulsho; kuwo nafeed ama kuwo maal; siyaasad iyo dhaqaale; qaanuun iyo dhaqan; gudo iyo dibed. Waa qaab nololeed dhammaystiran oo daboolaysa caqiidada iyo mucaamalaadka, shuruucda iyo nidaamka. Waa qaab dhaqan iyo ilbaxnimo, waxay leedahay nidaam maaliyadeed iyo mid ganacsi, nidaam siyaasadeed iyo mid dawladnimo. Quraanka

iyo sunnuhu waa labada ilood ee sharciga. Qiyaaska, Ijmaaca iyo Ijtihaad-kuna waa hab lagu turjumo quraanka iyo sunnaha si loogala soo dhex baxo xukun. Nidaamkaasi waa mid ku saly-san caddaalad, himilooyinkiisana waxaa ka mid ah ciribtirka wax kasta oo xaaraam ah. Mid ka mid ah waxyaabaha aasaaska u ah bangiyada Islaamka, oo ay kaga duwan yihiin bangiyada kale waa ku dhegganaanta shareecada Islaamka iyo ka dheeraanshaha wax kasta oo shareecada agtee-da xaaraam ku ah, sida ribada, qararka iyo khammaarka.

In kastoo bangiyada Islaamka lagu sameeyey daraasado fara badan, lagana qoray buugaag aad u badan oo iftiiminaya heer-arkii ay soo mareen, sida ay u shaqeeyaan, aaladaha ay istic-maalaan, waxa ay kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada, derbiyada hor-taagan iyo sida ay u wajaheen isbeddellada caalamka sida jaah-wareerrada dhaqaale, haddana waxaa muuqata in dadka ku hadla luuqadda Soomaaligu weli ka oomman yihiin cilmigaas. Buuggan, oo intaan ka warhayo, noqonaya buuggii u horreeyey ee ka hadla bangiyada Islaamka, u qoran qaab cilmiyaysan (aca-demic) kuna qoran af-Soomaali, in kastoo uusan dabooli karin baahiyaha faraha badan ee loo qabo fahanka, guud ahaan nidaamka maaliyadeed ee Is-

laamka, gaar ahaan kan bangi-yada Islaamka, haddana waxaan rajaynayanaa in uu noqdo tal-laabo horseed ah.

Guud ahaan buuggu afar qay-bood ayuu ka kooban yahay. Qaybta koowaad, guudmar, wax-ay ka kooban tahay afar cutub. Cutubka 1aad wuxuu raadraac ku samaynaysaa waqtigii ay soo bilaabmeen bangiyada Islaamku, ciddii bilowday, ujeeddooyinka iyo himilooyinka bangiyadaas, heerarkii ay soo mareen, derbi-yada horyaal, waxa bangiyada Islaamku kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaam-ka ribada, iyo mustaqbalka bangiyada Islaamka. Cutubka 2aad, wuxuu hummaag ka bixi-nayaa sida bangiyada Islaamku ugu baahsan yihiin caalamka. Cutubka 3aad, wuxuu lafagur ku samaynayaa jaahwareerkii dhaqaale ee 2007-2009 iyo sidii bangiyada Islaamku isaga caab-biyeen. Cutubka 4aadna wuxuu kormar ku samaynayaa dhaqaal-aha Islaamka.

Qaybta labaad, aasaaska nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, waxay soo bandhi-gaysaa tiirarka aasaaska u ah nidaamka maaliyadeed ee Is-laamka. Maaddaama caqdigu uu gundhig u yahay adeegyada iyo hawlaha bangiyada Islaamku qabtaan oo dhanna, cutubka 5aad wuxuu muuqaal ka bixi-nayaa caqdiga beyca. Cutubka

Page 3: Takaaful: milicsi taariikheed...1 Meesha, 50 sano ka hor, bangi-yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada

3 www.buuh.net

6aad wuxuu soo bandhigayaa ribada, qararka, maysirka iyo khammaarka oo ka mid ah waxyaabaha xaaraamta ah oo bangiyada Islaamku kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada. Cutubka 7aadna wuxuu wax ka ifiiminayaa muuqaalka, hawlaha ay qabtaan iyo ahmiyadda ay leeyihiin gud-diyada culimada ah ee la taliya bangiyada Islaamka (Sharica boards).Qaybta saddexaad, sidee u shaqeeyaan bangiyada Is-laamku, waxay ka kooban tahay saddex cutub. Cutubka 8aad wuxuu muuqaal ka bixinayaa sida bangiyada Islaamku hanti-da u ururiyaan (deposit side) iyo adeegyada ay u qabtaan macaamiisha. Cutubka 9aad iyo 10aad waxay si qoto dheer

u falanqaynayaan aaladaha iyo nidaamyada bangiyadu istic-maalaan markay maalgelimaha samaynayaan. Meesha cutubka hore ka hadlayo aaladaha ku salaysan wax-isku-darsiga (equity based), cutubka dambe, wuxuu ka hadlayaa aaladaha ku salay-san deymaha (debt based).

Qaybta afraad, hey’adaha hanti-da u maammula sida waafaqsan shareecada Islaamku, waxay ka kooban tahay saddex cutub. Cutubka 11aad wuxuu muuqaal ka bixinayaa noocyada iyo aala-daha ay adeegsadaan hey’adaha hantida u maammula sida waafaqsan shareecada Islaamka. Cutubka 12aad iyo 13aad waxay kormar ku samaynayaan labo ka mid ah adeegyadii ugu dam-beeyey ee ku soo biira caalamka

maaliyadda Islaamka, i.e. sukuk-ga iyo takaaful-ka. Buuggaani, sida labadii buug ee ka horreeyey, “Furaha Ganacsiga iyo Hoggaamiye”, waa buug u qoran qaab cilmiyaysan oo akadeemig ah (academic), sidaas aawadeed, buuggaan waxaa loo isticmaali karaa koorsooyinka Bangiyada Islaamka ee jaami-cadaha iyo macaahidda sare ee dalka. Sidoo kale, buuggu wuxuu marjac iyo wehel u noqon karaa dadka ka shaqeeya, daneeya, dhiga, dhigta ama ku hawlan siday u fahmi lahaayeen guud ahaan nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, gaar ahaan bangi-yada Islaamka. Buugga waxaa sidoo kale ka faa'iidaysan kara xeer-dejiyayaasha, siyaasiyiinta iyo hoggaammada maammulka hey'adaha dawladda.

Luqad ahaan, kelmadda ‘takaaful’ waa kelmad carabi ah oo laga soo dhambalay ‘kafala’ oo micneheedu yahay dammaanad qaadid. Sharci ahaan, takaafulku waa heshiis wada shaqayn, oo dhex mara koox dad ah, ujeeddaduna tahay in ay isu gurmadaan oo is garab galaan haddii dhiba-ato soo gaarto mid ka mid ah kooxdaas heshiiska wada gashay. Hey’adda Xisaabaadka iyo Han-tidhowrka u Qaabbilsan Bangiyada Islaamku waxay takaaful-ka ku qeexdaa nidaam iskaashi iyo wax isku darsi oo dadka ku bahoobay isku taageeraan haddii mid ka mid ah dhibaato soo gaarto. Sida, Fisher (2008), Chatterjee (2009) iyo rag kaleba soo guuriyaan, nidaamka takaafulku in kastoo uu weli gaban yahay, haddana, wuxuu salka ku hayaa nidaam qaddiim ah oo Jaziirada Carabta laga isticmaali jirey Islaamka hortiis. Nidaamkaas oo markii dambe ay si aad ah u isticmaali jireen ganacsatadu, siiba kuwa doomaha xammuulku, wuxuu ahaa nidaam ay ganacsatada iyo doon-yalaydu isku caawin jireen haddii duruuf adagi ku timaado mid ka mid ah, sida in shixnaddu qoydo, doontu degto ama dhibaato kale soo gaarto. Marka laga soo tago taariikhdaas hore iyo tusaal-ooyinkaas, takaafulkii u horreeyey ee laga yagleelo

caalamka Islaamka waxaa laga furay waddanka Suudaan sannadkii 1979-kii. Waxaa xigay saddex takaaful oo sannadihii 1983-1985 laga kala taa-gey waddammada Sacuudiga, Baxrayn iyo Ma-laysiya. 30 sano ka gadaal, Ernst & Young (2012) waxay qiyaasaan in ugu yaraan 150 shirkadood oo takaaful ahi ka diiwaangashan yihiin caalamka (marka laga reebo Iiraan) ayna sannadkii 2012-kii maammulayeen hanti madaxa la dhaafaysa US$ 12 bilyan, labadii sano ee u dambaysayna ay sameey-een koboc aan ka yarayn 20% sannadkiiba. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in hantidaasi madaxa la dhaafi doonto US$ 20 bilyan ka hor dhammaadka 2015-ka. Si aad wax uga ogaatid ida takaaful-ka maanta loo is-ticmaalo; ceebaha takaaful-ka; muuqaalka takaaful-ka saxda ah iyo mustaqbalka takaaful-ka akhri buugga Bangiyada Islaamka.

KA DALBO:t. 44 (0) 7838236171e. [email protected]. www.buuh.net

Takaaful: milicsi taariikheed

Page 4: Takaaful: milicsi taariikheed...1 Meesha, 50 sano ka hor, bangi-yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada

4www.buuh.net

Waxaan kaa caawin karnaa sidaad u arki lahayd meel fog oo tartamayaasha badidoodu aysan weli arkin - suuq dihin. Wax-aan kaa caawin karnaa sidaad ku gaari lahayd suuqaas, sidaad ku hanan lahayd iyo sidaad ku ilaashan lahayd intaba.Buuh Consulting waa shirkad aqoon, cilmibaaris iyo la-talin. Dhinaca aqoonta, Buuh, waxay tababbaro heer kasta leh siisaa hoggaanka iyo maammulka shari-kaadka iyo hey’adaha Soomaalida. Dhinaca cilmibaarista, Buuh, waxay cilmibaarisyo nooc kasta leh u samaysaa sharikaadka iyo hey’adaha Soomaaliyeed. Dhinaca la talinta, Buuh, waxay sharikaadka iyo hey’adaha kala talisaa wax kasta oo saamayn ku yeelan kara koboca, faa’iidada iyo jiritaanka ganacsigooda.

Wax kasta oo ku gaar-siin kara hammigaaga, himilooyinkaaga iyo hi-raalkaaga.

t. 44 (0) 7838236171 e. [email protected] w. www.buuh.net B

Publications

Page 5: Takaaful: milicsi taariikheed...1 Meesha, 50 sano ka hor, bangi-yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada

5 www.buuh.net

1963-dii ayaa bangigii u horreey-ey oo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka laga furay magaalda Mit-Qamar ee dalka Masar. Inkastoo bangigaas markiiba irdaha la isugu dhuftay, arrimo siyaasadeed darteed, haddana, muddadii yarayd ee uu shaqaynayey, sagaalki-isii laamood, waxay soo jiiteen macaamiil sare u dhaafaysa hal milyan oo qof. Chapra (2001) wuxuu tilmaamaa in bangigaas iyo labadii isku day ee ka hor-reeyey, oo midna laga hirgeliyey dalka Pakistan midna Malaysiya, ay dumiyeen darbigii khiyaaliga ahaa ee muslimiinta ka hortaa-gnaa yagleelidda nidaam maali-yadeed oo ku salaysan shareeca-da Islaamka .

Duminta derbigaas khiyaaliga ah waxaa xigey yagleelidda bangiyo ka baaxad weyn bangigii hore. Bangigii u horreeyey, ‘Dubai

Islamic Bank’, waxaa laga taagey magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) san-nadkii 1975-tii. ‘Faisal Islamic Bank’ ayaa isna laga aasaasay Masar iyo Suudaan sannadkii 1977-dii. ‘Islamic Bank of Jordan’ iyo ‘Islamic Bank of Bahrain’ ayaa iyana irdaha loo furay sannidihii 1978 iyo 1979-kii. Yagleeliddii Bangiga Horummarinta Islaamka (IDB) sannadkii 1973-dii ayaa isna culays weyn ku soo kordhiysey hammigii la rabay in lagu dhiso nidaam maaliyadeed oo ku sa-laysan shareecada Islaamka.

Soo if-baxaas, bagiyada Is-laamka, waxaa dhinac socday baraarug siyaasadeed. Tusaale ahaan, shirkii wasiirrada arrimaha dibedda ee dunida Islaamka ee lagu qabtay Dakar, Senegal, bishii Abriil ee 1978-dii, waxaa la soo jeediyey in dunida Islaamku si qunyar-qunyar ah u hirge-

liso bangiyo Islaami ah. Sidoo kale, shirkii wasiirrada arrimaha dibedda ee Islaamabaad, Paki-stan ee May 1980 waxaa la soo bandhigay tallaabooyinkii la qaadi lahaa si loo meel mariyo qaraarkii 1978-dii la gaaray. Shirkii saddexaad ee dunida Islaamka ee lagu qabtay Makah iyo Daaif, Sacuudi Carabiya, 1981-kii waxaa isna la isla qaatay, si xiriir ganacsi iyo wadashaqayn u dhexmarto dunida Islaamka, in dunida Islaamka dhammaan laga hirgeliyo bangiyo Islaami ah. Sida uu soo guuriyo Warsame (2007), Aljeeriya, Sacuudi Carabiyo iyo Soomaaliya ayaa hormuud ka ahaa dadaalkaas lagu baadi-goobayey sidii dunida Islaamku u yeelan lahayd nidaam maali-yadeed oo waafaqsan shareeca-da Islaamka.

50 sano ka gadaal, hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed

Bangiyada Islaamka:Milicsi Taariikheed

Page 6: Takaaful: milicsi taariikheed...1 Meesha, 50 sano ka hor, bangi-yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada

6www.buuh.net

ee Islaamku (Islaamic financial system), waxay madaxa la sii gelayaan 1,300 oo hey’adood; ku baahsan yihiin wax ka badan 100 waddan; gacantana ku hayaan hanti sare u dhaafaysa 2.1 triliyan (2 trilliyan iyo 100 bilyan USD). Sida ay soo bandhigto Ernst and Young (2012), hantidaasi san-nadka 2013-ka waxay madaxa la dhaafi doonto $2.5 trilion, inta ka horraysa 2017-kana waxay madaxa la dhaafi doon-taa 5 tiriliyan ($5 trillion). Mee-sha bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada qaar badani suuqa ka baxeen (kaceen) , qaar kale la qarameeyey, qaar kalena taageero xoog badan la geliyey, tirakoob dhowaan la soo saaray ayaa muujisay in hantida bangi-yada Islaamku maammulaan kobocday 25-30% sannadkiiba intii u dhexeysay 2007-2012 .

Sidoo kale, hey’adaha ku shaqeeya nidaamka Islaamku, waxay soo jiiteen dhegaha bangiyada dhexe ee dawladaha waaweyn, sida ‘Federal Reserve’ iyo ‘Bank of England’; hey’adaha maaliyadda ee caalamka sida, Hey’adda Lacagaha Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank); iyo xarumaha aqoonta ee ugu magaca dheer adduunka, sida Harvard Uni-versity, Oxford iyo Cambridge.

Waxaa iyana bogagga hore u hibeeyey qaar ka mid ah warsi-dayaasha caalamka.

Waddammo badan oo reer Galbeed ah ayaa iyana bilaabay in ay wax ka beddelaan shu-ruucdooda iyo nidaamkooda canshuuraha si ay u soo jiitaan hey’adaha ku shaqeeya nidaam-ka maaliyadda ee Islaamka. Tusaale ahaan, Faransiiska, Ireland iyo Japan saddexduba waxay wax weyn ka beddelleen nidaamkooda canshuuraha si ay u fududaato in bangiyo Islaami ah laga yagleelo waddam-madooda, saamiyada bangi-yadaasna loogu gado seyladaha lagu gado saamiyada sharikaad-kooda.

Koboca iyo faa’iidada hey’adaha ku shaqeeya nidaamka Islaamku waxay sidoo kale sidii birlabtii u soo jiiteen bangiyo iyo hey’ado badan oo reer Galbeed ah. Tusaale ahaan, 2008-dii bangiyo aan ka yarayn 191 ayaa furay laamo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka (Islamic window).

Waxaa sidoo kale markii u hor-raysay bangiyada Islaamka laga dhex furay waddammo aan laga filayn in bangiyada noocaas ahi ka hirgeli karaan. Tusaale ahaan,

Shiinaha, Japan iyo Itoobiya saddexduba waxay bangiyadii u horreeyey ee ku shaqeeya nidaamka Islamka oggolaansho siiyeen sannadkii 2009-kii.

Inkastoo hantida ay gacanta ku hayaan hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamku madaxa la dhaaafeen USD 2 triliyan, haddana hantidaasi aad bay u yar tahay marka loo fiiriyo maalka adduun-ka yaalla ama kan ay gacanta ku hayaan hey’adaha ku shaqeeya nidaamka ribadu. Waxaaba muuqata in dhowrka bangi ee adduunka ugu weyni, mid kasta gooni ahaantiisa, uu uga weyn yahay, marka la fiiriyo hantida ay gacanta ku hayaan, bangiyada ku shaqeeeya nidaamka islaamka oo la isku daray. Tusaale ahaan, meesha hantida ururtay ee 1000-ka bangi ee ugu waaweyn adduunku gacanta ku hayaan ay madaxa la dhaafayso $96.4 trilion. Bangiyada qaarkood, sida Deutsche Bank hantida ay ga-canta ku hayaan waxay madaxa la dhaafaysaa US$ 2.8 triliyan. Dunida Islaamkana, hadda ayaa la hadal hayaa in la sameeyo bangigii ugu weynaa ee ku shaqeeya nidaamka Islaamka. oo hantida uu maammulo gaari doonto $10 bilyan.

50 sano ka gadaal, hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamku waxay madaxa la sii gelayaan

1,300 oo hey’adood; ku baahsan yihiin wax ka badan 100 waddan; gacantana ku hayaan hanti sare u dhaafaysa 2.1

triliyan (2 trilliyan iyo 100 bilyan USD). “

b a n g i ya d a i s l a a m k a

Page 7: Takaaful: milicsi taariikheed...1 Meesha, 50 sano ka hor, bangi-yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada

7 www.buuh.net

Waxaan oran karaa, buuggaani wuxuu soo baxay waqtigii ugu hab-boonaa. Waa xilli dad badan oo Soomaali ah oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba ku nool ay xiisaynayaan in ay helaan macluumaad la xiriira habka bankiyada Islaamku u shaqeeyaan si ay uga bad-baadaan ribada iyo waxyaabaha kale ee Shareecadu xaaraantimeey-sey. Waa xilli loo baahan yahay in dib loo yagleelo habka maaliyadda Soomaaliyeed ka dib markuu dalku xasilo haddii Alle idmo, waxaan-na shaki ku jirin in nidaam maaliyadeed kasta oo ladhiso ay bankiya-da Islaamku mustaqbalka mug weeyn ku yeelan doonaan. Haddaba, waa nasiib wanaag inuu hadda soo baxay buug mawduucaas si fiican inoo ku bayaaminaya oo tixraac iyo tusaale inoo noqonaya

Buuggani waa kayd aqooneed oo tixraac u noqon doona ardada barata dhaqaalaha iyo maaliyadda, kuwa darsa shareecada islaamka, ganacsata iyo maalqabeennada u baahan inay maalkooda u ji-heeyaan mashaariic iyo ganacsi xalaal ah, mas’uuliyiinta maammulka iyo xeer-dejinta iyo intii daneyneysa inay wax ka ogaadaan habka maaliyadda Islaamka.”

Prof. Maxammad Dalmar Guddoomiyihii (hore) ee Bangiga Dhexe ee

Soomaaliya

Buuggan Saciid Cali Shire ee ku saabsan hannaanka ay u shaqeeyaan baananka islaamku waxa uu salka ku hayaa laba arrimood oo kala ah: 1) Mabaa’dida guud ee ay ku dhisantahay shareecada islaamku si ay u dhowrto una ilaaliso danaha shanta ah ee lagama maarmaanka ah, kuwaasoo maalku ka mid yahay; iyo 2) Aqoonta iyo xogta waayo aragnimo ee ay ku dhisan yihiin una shaqeeyaan baananka adduunku.

Waxaynu odhan karnaa buuggani waa jaan-tus kugu jihaynaya inaad horummar shakhsi iyo mid dhaqaale ka gaadho adduunka, adigoon aakhiradaada dhaawicin, dhinaca kalena bulshada u horseedaya horummar wax ku ool ah.

Sh. Cabdulqani Xuseen Beder University, Hargeysa,

Somaliland

Bangiyada Islaamku waa buuggii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ku qoran Af-Soomaali, si cilmiyaysanna u qaadaa-dhigay hawlaha bangiyada Islaamka oo dhan. Buugganu wuxuu fursad u yahay aqoonyahanka, ganacsatada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee doonaya inay kala bartaan mucaamalaadka dhaqaale ee ku salaysan xalaasha iyo kan xaaraanta ah.”

Bashiir C/samad XareedQoraaga: Maaraynta Sakada

SIMAD UNIVERSITY, Mogadishu

Page 8: Takaaful: milicsi taariikheed...1 Meesha, 50 sano ka hor, bangi-yada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada

8www.buuh.net

Buuggaan oo ah buugii 3aad ee uu allifo Saciid Cali Shire, waxaa ku dheehan aqoon qoto dheer oo ruux walba oo muslim ah u baahan yahay. Runtiina ahmiyad gaar ah waxaa siinaya buuggaan, tooshka

uu ku ifiyey mucaammalaadka maaliyadeed ee kala gaddisan iyo xeeladaha waafaqsan shareecada Islaamka ee la adeegsan karo si

looga dheeraado ribada iyo wixii la halmaala

Runtii baahi weyn baa loo qabay buuggaan oo kale, waxaana oran karaa Saciid Cali Shire wuxuu ku soo kordhiyey maktabadaha cilmiga hanti ma guurta ah. Soomaalidu waxay ku maahmaahda biyo sacab-

badaadaa looga dhergaa. Hadaba dur-duuro aqoontaas ku qoran afkaaga hooyo kana soo dhirin-dhirtay maskax aqoon iyo khibrad u

leh jaanibkaas.

Buuggaan cusub, Bangiyada Islaamka, waa indhofur taabanaya meelaha ugu muhiimsan ee ganacsiga. Saciid Cali Shire wuxuu inoo daahfuray adeegyada ganacsiga xalaasha ah, tooshna inooku ifiyey

madmadowga ka imaan kara. Waa buug anfacaaya dhammaan dhi-nacyada kala duwan ee dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed, ganacsi,

shaqsi, hey’ad iyo dawlad intaba”

Waxaa la oran karaa qoraaga Mr. Shire, wuxuu daahfur rasmi ah ku sameeyay cilmi aad muhiim u ah oo in badan oo dadka Soomaali-

yeed ka mid ah ka qarsoonaa amaba qaar badan oo kamid ah aysanba aaminsanayn in bangiyada Islaaamiga ahi aysan xaqiiqo u jirin amaba ayasan waxba kaga duwanayan kuwa reer galbeedka,

asagoo waliba uga haqab tiray afkoodii hooyo oo beryahaan danbe gabaabsi ugu jira in wax lagu qoro

Buugga ‘Bangiyada Islaamku’ waa buug anfici doona jiilasha hadda jooga iyo kuwa mustaqbalka. Waa buug anfici doona dadka ku haw-lan in ay aqoontooda kor u qaadaan, kuwa ku fekeraya in ay furtaan

Bangiyo Islaami ah iyo kuwa ku fekeraya in ay ka shaqeeyaanba”

Saciid Xaashi Warsame, MAAT, PGD, MAXeeldheere cilmiga Bangiyada Islaamka

Sh. Dayib Cali MaxamedGuddoomiye ku xigeenka Jaamicadda Bariga Afrika,

Cabdiraasbiid Maxamed Cabdi, IBA, MOD, MBA.MD, Cafa Trading Co. Ltd