14
1 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN WARQAQ-MOWFQIFEED AQOONYAHANNO MADAXBANNAAN (AM) 1 MARTIGELINTA HAY’ADDA JILAYAASHA KOOFURTA IYO BARTAMAHA SOOMAALIYA (SOSCENSA) OKTOOBER 19, 2015 _____________________________________________________________________ Mahadnaq Hawsha Aqoonyahanno Madaxbannaan (AM) ay qabteen waxay qayb ka tahay dadaalka bulshada rayidka ay ugu jirto ka qaybqaadashada dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliyeed iyo xasilinta dalka, mana suurtageli lahayn la’aanta taagerada ay ka heshay DALLADDA JILAYAASHA AAN-DOWLIGA AHAYN EE KOONFURTA IYO BARTAMAHA SOOMAALIYA, ee loo yaqaanno SOSCENSA. Waxaan u jeedinaynaa mahadnaq aad u baallaaran. I. ARAR Soomaaliya waxay maanta ku jirtaa wakhtigii ay caanka ku noqotay waayadan dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed. Bishii Setembar 2012, Shacabka Soomaaliyeed wuxuu isku raacay dastuur KMG, dalkana waxaa ka taabbagalay talis ama xukun dowlad rasmi ah oo la saaray waajib dastuuri ah in afar sano kaddib loo gudbo nidaam siyasadeed oo ku saleysan xisbiyo (Axsaab) kaaso u horseedaya in hoggaanka siyasadeed dalka lagula kala wareego kalsooni shacbi oo muwaadin kastaa ee cod doorasho leh uu xaq u leeyahay inuu doorto ciddii dalka uu ku aamini lahaa. Taasi ma suurtagelin, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) waxay 28kii ku dhawaaqday inaysan suura gal aheyn in doorasho hal qof hal cod ka dhacdo dalka 2016, waxaana maanta mar kale dalka oo dhan ku mashquulsan yahay wixii laga yeeli lahaa ku tala galka is-beddelka siyasadeed 2016. Eedda dhibaatada ka dhalatay fashalkaas waa arrin meel kale looga hadli doono. Hadda waxaa Ummadda Soomaliyeed horyaalla waajib aad u culus oo ah sidii ay soo xulan laheyd wakiilo/xildhibanno ku guuleysta hab waafaqsan sharci iyo nidaam la isku waafaqsan yahay kuna saleysan mabaadi’ida habka Dimoqradiyada si da 1 XIRIIRIYAAL: CABDULLAHI SHIRWA, ABDI MAXAMED BAFFO, ABDULLAHI SHEIKH ALI

TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

  • Upload
    others

  • View
    1

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

1 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

WARQAQ-MOWFQIFEED

AQOONYAHANNO MADAXBANNAAN (AM)1

MARTIGELINTA

HAY’ADDA JILAYAASHA KOOFURTA IYO BARTAMAHA SOOMAALIYA

(SOSCENSA) OKTOOBER 19, 2015

_____________________________________________________________________

Mahadnaq

Hawsha Aqoonyahanno Madaxbannaan (AM) ay qabteen waxay qayb ka tahay

dadaalka bulshada rayidka ay ugu jirto ka qaybqaadashada dib-u-dhiska

dowladnimada Soomaaliyeed iyo xasilinta dalka, mana suurtageli lahayn la’aanta

taagerada ay ka heshay DALLADDA JILAYAASHA AAN-DOWLIGA AHAYN EE

KOONFURTA IYO BARTAMAHA SOOMAALIYA, ee loo yaqaanno SOSCENSA.

Waxaan u jeedinaynaa mahadnaq aad u baallaaran.

I. ARAR

Soomaaliya waxay maanta ku jirtaa wakhtigii ay caanka ku noqotay waayadan

dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray

xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed. Bishii Setembar 2012, Shacabka

Soomaaliyeed wuxuu isku raacay dastuur KMG, dalkana waxaa ka taabbagalay talis

ama xukun dowlad rasmi ah oo la saaray waajib dastuuri ah in afar sano kaddib loo

gudbo nidaam siyasadeed oo ku saleysan xisbiyo (Axsaab) kaaso u horseedaya in

hoggaanka siyasadeed dalka lagula kala wareego kalsooni shacbi oo muwaadin

kastaa ee cod doorasho leh uu xaq u leeyahay inuu doorto ciddii dalka uu ku aamini

lahaa.

Taasi ma suurtagelin, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) waxay 28kii ku

dhawaaqday inaysan suura gal aheyn in doorasho hal qof hal cod ka dhacdo dalka

2016, waxaana maanta mar kale dalka oo dhan ku mashquulsan yahay wixii laga

yeeli lahaa ku tala galka is-beddelka siyasadeed 2016. Eedda dhibaatada ka

dhalatay fashalkaas waa arrin meel kale looga hadli doono. Hadda waxaa

Ummadda Soomaliyeed horyaalla waajib aad u culus oo ah sidii ay soo xulan

laheyd wakiilo/xildhibanno ku guuleysta hab waafaqsan sharci iyo nidaam la isku

waafaqsan yahay kuna saleysan mabaadi’ida habka Dimoqradiyada sida

1 XIRIIRIYAAL: CABDULLAHI SHIRWA, ABDI MAXAMED BAFFO, ABDULLAHI SHEIKH ALI

Page 2: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

2 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

daahfurnaan, sinnaan, ka hufan tuhun laalush, dhaqangal noqon kara, kana

madaxbannaan faragelin, cadaadis, iyo taakuleyn ka timaada dowladda heer kasta

ama xagga shisheeyaha qaab kasta. Bulshada Soomaaliyeed waxay aad uga

welwelsan tahay dib ugu noqoshada habkii xulasho iyo doorasho ee dhacday 2012

taaso ay hareereeyeen musuqmaamuq, boob, eex, haween faqooq, iyo awood

sheegasho siyasadeed, iyo adeegsi guddiyo farsamo iyo maamul aan laheyn hab

sharci ee lagula xisaabtamo. Waxaa xaaladda sii murjiyay garsoor la’aan loo

dacwoodo.

Sida darted, Annagoo ah aqoonyahanno Madaxbannaan (AM) oo ay gogol u

fidiysay Dalladda Jilayaasha Aan-Dowliga Ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha

Soomaaliya (loo yaqaanno SOSCENSA), waxaannu dareennay in waajib naga

saran yahay in aan doorkeenna ka qaadanno talooyinka ku aaddan ka gudbidda

xilligan xasaasiga ah.

II. DULMARKA TALOOYINKA LA SOO JEEDIYAY

Aqoonyahannada Madaxabanaan (AM) waxay yeesheen sagaal kulan, oo saddex (3)

ahaayeen maalmo shaqo dhan. Waxaannu darasnay talooyin gaaraya ilaa iyo 14 oo

laga soo jeediyay sida ay u dhici karto Doorasho toos ah oo ku saleysan hal qof iyo

hal cod ama doorashada Dadban or Iskudhafan madaama Doorashada tooska aysan

suura gal aheyn, talojeedinnaadaasoo oo ay qoreen Soomaali iyo ajnabiba. AM waxay

si gaar uga dooday qabsoomidda Doorasho hal qof iyo hal cod oo ka soo qayb

galayaasha qaarkood qabeen iyo kaalinta Xisbiyada Siyaasadeed Xilliga 2016,

kaddibna waxay si qotodheer u lafagurtay talooyinka kala duwan lana xiriira

doorashada aan tooska aheyn .

Dulmar kooban ee AM ku sameeyeen qorallada talojeedinta gaaraya 14 waxaa laga

eegay 5 qodob oo kala ah:

1. Suurtagalnimda iyo surtagelid la’aanta in doorasho hal qof iyo hal cod ka dhici

karto Soomaaliya Sannada 2016;

2. Aragtida laga kala qabo qaacidda awood qaybsiga qabiileed ee 4.5;

3. Noocyada Doorashada ee ay u kala qareemayaan talojeedinnada la darsay;

4. Meela/Cidda (constitutencies) xildhibannada dooraneysa oo wakiil ka yihiin

lana xisaabtameysa;

5. Sida loo maamulayo doorashada/xulashada Xildhibannada

Waxaan hoos ku soo koobi doona nuxurka ayadoo uu jiro qoraal faahfaahsan ee

laga sameeyay talojeedinnada. Waxaan hordhac ahaan u xuseynaa qoraalka 9kii

Abriile 2015 ee Hay’adda Saxaradaha Caalaamka (International Crisis Group)2

oo tilmaamaya in ballaanqaadka Dowladda Federaalka ee ahaa in doorashada 2016

ka dhaceyso dalka uusan macquul aheyn, isla markaana talooyin ka soo jeediyay

shuruudaha loo baahan yahay in la tixgeliyo nooc kasta ee xulasho/doorasho laga

sameeyo dalka Soomaaliya sannadka 2016.

2 http://blog.crisisgroup.org/africa/2015/04/09/somalias-promised-but-problematic-national-

elections/

Page 3: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

3 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

Qabashada Doorasho “Hal Qof iyo Hal Cod:” MMD iyo Sankor Jama

Geyre

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada Soomaaliya (MMDS)3 iyo Hindisaha

Sonkor Jama Geyre oo soo bandhigay habka Codbixinta Telefoonka Gacanta

Soomaaliya 2016 “Mobile Somalia Voting 2016” waxay qabaan in doorasho hal

qof iyo hal cod ay qabsoomi karto.

Mowqif qoraalka ay soo bandhigtay MMD waxaa lagu xusay in doorasho hal qof iyo

cod ah oo ay ku tartamayaan xisbiyo Qaran ay ka dhici karto Soomaaliya ayada oo la

adeegsanayo habka doorashada ee loo yaqaan isu-Dheellitirka Matilaadda oo

marka Af Ingisriiska loo tarjumo noqneysa Proportional Representation (PR).

Habkaa asaga ahi wuxuu ku salaysan yahay in saamiga boqolleyda uu xisbi ka helo

loo rogo saamiga oo isla xisbi ka helayo kuraasta Golaha Shacbiga.

MMD waxay kaloo qabtaa in laga maarmi karo in ay dalka oo dhan ka dhacdo

dorrasho, meelaha ay ka qabsoontana laga tix-raaco in ay dalka oo dhan muunad u

yihiin. MMD waxay kaloo qabtaa in hadda laga maarmi karo tira-koob dad iyo

codbixiyayaal la diiwaangeliyo oo hadba inta codayso loo qaato muunad qaranka oo

dhan ah.

Taas beddelkeedi hindisaha mobil-ku-codaynto wuxuu qabaa in hadda la hayo

boqolkiiba siddeetan iyo shan (85%) dadka noqon kara codbixiyayaal heer Qaran iyo

heer deegaanba. Xogtaas waxaa haya shirkadaha is-gaarsiinta ee dalka ka jira ee

bixiya adeega is-gaarsinnta mobilka iyo isu-xawilaadda lacagta oo hadda ku fiday

meelaha tuulooyinka iyo miyiga ahba. Sidaas awgeed hindisaha moobil-ku-codayntu

ma aha oo keliya in dadka qabaa ay u arkaan inuu suurta gal yahay ee waxay ula

muuqataa inuu suurta gelinayo tira koob dadweyne iyo diwaan-gelinta

codbixiyayaasha kaasoo saldhig laga tix-raaco u noqon kara doorashooyinka

mustaqbalka.

Shaxda koowaad waxay muujineysa sida labada hindise koowaad ay isu raacsanyihiin

iyo waxyaabaha ay isku seegganyihiin. Tusaale ahaan, labada hindise waxay ka siman

yihiin in laga gudbo qaacidada 4.5 iyo cidda loo codaynayo oo ah xisbi qaran.

Waxay kalo iska mid yihiin in dalka oo dhan uu yahay hal degaan doorasho (single

Constituency). Taas macnaheedu waxay tahay in ay jirayaan baro codbixin oo ay

tahay in lagu jamciyo cod-bixinta guud ee heer qaran.

3http://fud.so/2015/03/31/every-vote-counts-a-model-for-popular-elections-in-somalia/

Page 4: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

4 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

Shaxda 1aad: Suurta galnimada doorasho hal qof iyo hal cod ah

Trs Hindisah

a

Moqifka

ku

aaddan

qaacidad

a 4.5

Yaa

maamulaya

doorashada

Xaggee laga

dooranaya

xildhibaannad

a

Yaa loo

codaynaya

a

1. MMD Ha laga

gudbo

Ma cadda Dalka oo dhan Xisbi Qaran

2. Moobil-

ku-

codaynta

Ha laga

Gudbo

Hay’adda

Masu’uulka

ka ah

Maamulidd

a Xogta

Qof walbi

meesha uu

joogo marka

doorashadu

dheceyso

Xisbi Qaran

Qoraalka MMD kuma cadda cidda ama hay’adda masu’uulka ka ah doorashada, halka

hindisaha moobil-ku-codayntu uu tibaaxayo in ay jireyso cid maamusha ururinta iyo

kaydinta macluumaadka doorashada, iyo soo saaridda natiijada codbixinta. Hindisaha

dambe qudhiisa kuma cadda cidda cayimayasa iyo sharciyadda hay’adddas farasamo

ahaan u xilsaaran xogaha doorashada (voter registry and votes casting) iyo kuwa

madaniga ah (civic registry).

2. Taloojeedinnada ku saabsan Doorashada dadban

11ka qoraal kale waxay u qareemayaa in la qabto doorasho dadban madaama ay u

arkaan in wakhtiga dhiman aan lagu abaabuli karin duruufihii suurta gelin lahaa

doorasho toos ah oo hal cod iyo hal qof ah. Qorayaasha u qareema doorashada dadban

waxaa loo kala saari kuwa qaba qaab-beeleed toos ah iyo doorashao iskudhafan oo

macnaheedo yahay qaab-beeleed iyo doorasho isku dhafay. Qaybaha soo socda ee

qoraalkani waxay qiimaynayaan hindisayaasha u adeegaya mowqifyada labado

hindise (hab-beeleed toos ah, iyo iskudhaf qaab beeled, xisbi, iyo deegan), halka ay ka

kala taagan yihiin halbeegyada kala ah 4.5, meelaha/cidda laga kala dooranayo

xildhibaannada, qaababka ay u dhici karto doorashadu, iyo sida loo maamulayo.

I. Qaab Beeleed oo si madaxbannaan isu maamulaya

Maxamud M Culusow4 & Dahir Mire Jibril

5

Culusow iyo Daahir Jibriil waxay qabaan in Xulashada Xildhibannada 2016 loo

adeegsado qaabka Hab Beeledka ku saleysan 4.5 ayadoo loo dejinayo tilmaamo ku

saleysan nidaam dimuqradi ah. Labadan qoraa waxay xoogga saarayaan in sida

beesha dhexdeeda uu uga soo baxayo xildhibaan ka soo murbaxay faaf-reebyo sugan

(detailed screening) oo dammaan qaadaya in xulidda xildhibaannimadu u dhacdo si

4http://www.hiiraan.com/op4/2015/apr/99259/somalia_the_unlikely_2016_parliament_election_rei

nstates_4_5_clan_formula.aspx 5http://www.wardheernews.com/somalia-election-2016-concept-note-hybrid-election-process/

Page 5: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

5 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

daahfuran oo ka deyran in la adeegsado noc kasta oo loo suurayn karo musuq-maasuq

iyo cadaadin.

Shaxda 2aad waxay soo bandhigeysaa arrimaha labada qoraa ku mideysan yihiin

iyo waxa aanay isu raacsanayn. Labada qoraa waxay isku raacsan yihiin in la sii

adeegasado qaacidada 4.5 iyo in halka laga doranayo xildhibaanka ay tahay

beesha ee aanay ahayn degaan. Tartatamayaasha la kala xulayo ama la kala

dooranayo waxay kalo labada qoraa u arkaan mid ku wajahan kala reebidda

daneeyayaal ama u tartamayaan shaksiyaad isku beel ah.

Shaxda 2aad: Qaab-Beeleed si madaxbannaan isu maamulaya

Trs Hindisaha Moqifka ku

aaddan

qaacidada

4.5

Maamulka

doorashada

Meesha laga

xildhibaannada

Cidda la

kala

dooranay

o/la kala

mookhala

yo

1. M. Culusow Ha lagu sii

Dhaqmo

Golayaal

Hoggamineed oo

shanta beelood

Beel Guud Shaksiyaa

d

2. Daahir M.

Jibriil

Ha lagu sii

Dhaqmo

Beel Hoosaad Shakhsiya

ad

Meesha keliya oo labada qoraa ay ku kala geddisnyihiin waa sida xildhibaannadu uga

soo murbaxayaan qaab-beeleedka tooska ah.

Ugu horreyn Mudane Maxamud M. Culusow wuxuu qabaa in la dhammeystiro

Dastuurka, xildhibannadana laga mamnuuco inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirrada.

Xagga xulashada Xildhibannada, Culusow waxay la tahay in shanta beelood ee

awood-qaybsiga golaha shacabka mid walbi uu iskiis u degsado habraac ay ku

mideyasan yihiin iyo qaabka loo hirgelinayo. Gole Hogaamineed ee beel kasta

xilsaaratay ayaa maamulaya xulidda codbixiyayaasha dooranaya xildhibaannada,

ayada la isla meel dhigay saami haweenka u gaar ah.

Mudane Daahir Mire jibriil wuxuu Culusow kaga geddisnyahay in beel hoosaad kasta

(heer Mag-wadaag) ay qaab doorasho ku soo saarto xildhibaanka ay u wakiilanayso

golaha shacabka JFS. Daahir wuxuu qabaa in nabaddoonnada beel kasta oo saami u

yeelata in ay xildhibaan yeelato la diiwaangeliyo, nabadoon kastana Qaran loo

oggolaado inuu isla jifida wax dooranaysa uu ka soo xulo 10 qof, oo ugu yaraan

saddex haween yihiin, asaga oo raacaya shuruudo hore loo dejiyey. Sidaas awgeed,

cadad codbixyayaal oo dhan tirada nabaddoonnada jifi hoosaadka oo lagu dhiftay

toban ayaa dooranaya xildhibaanka jifi-hoosaadkaas, waxaana guulaysanaya

murashaxa hela codka ugu badan ee tirada codbixiyayaasha.

Page 6: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

6 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

B. Doorasho/xulasho Isku Dhafan

In kasta hindisyaasha u qareemaya doorasho/xulasho isku dhafan ay si weyn u

dhaliilaan ku dhaqanka qaacidada 4.5, haddana lama aha in gebi ahaanba la daad

raacin karo, madaama aan ilaa hadda lagu guulaysan qaacida kale oo xalaal ah.

Hindisyaasayaasha ku salaysan doorasho Isku dhafan (doorasho dadban) waxaa qaba

Kamaal Guutaale iyo qoraa qarsoon oo qoray Qoraal cinwaankiisu yahay “Enhanced

Leggitimacy: Hybrid Option” oo marka Af Soomaali loo tarjumo noqonaayaa “Kor-

uqaadidda Xalaalnimada: Doorasho Iskudhafan” waxaana la sheegay in qoraalka

dambe haysto taagero qiimo badan sida qaar ka mid ah hay’adaha dawladda

federaalka iyo xubno beesha Caalamka.

Qoraal saddexaad ee ku talinaya doorasho dadban waxaa curiyey Faysal Rooble.

Saddexdan hindise waxay isku raacsnayihiin in qaab-beeleed waafaqsan 4.5 lagu xulo

tira codeeyeyaal ah. Doraashada 2016, sida ay qabaan hindisayaasha doorashada

dadban, kuma tartamayaan murashaxiin xildhibaanno ee waxaa ku tartamaya Xisbiyo

Qaran (Eeg shaxda 3aad).

Shaxda 3aad: doorasho dadban

trs Hindisaha Qaacidada

4.5

Maamulidda

doorashada

Degaan-

doorasho

Cidda loo

codaynayaa

1. K.

Guutaale

Ha lagu sii

Dhaqmo

Guddiyo

Degmo-

doorasho oo

hoos yimaada

Guddi

Doorasho Her

Qaran oo

Madaxbannaan

Degmo Xisbi Qaran

2. Enhanced

Leggitimay

Ha lagu sii

Dhaqmo

Guddiyo

Degmo-

doorasho oo

hoos yimaada

Guddi

Doorasho Her

Qaran oo

Madaxbannaan

Dawlad-

Goboleed

Xisbi Qaran

3. F.Rooble Ha lagu sii

dhaqmo

Ma cadda Gobol Xisbi Qaran

Sidaas awged murashaxa ku gulaysanaya xildhibaannimada kama go’odo

codeeyayaasha ee waxay ka go’daa Xisbiga uu murashax ahaan liskiisa isku sharraxo

ayada oo fursadda musharrax kasta ay ku xiran tahay saamiga guud ee xisbigiisu ka

helo tirada guud ee codbixiyayaasha heer qaran iyo meesha uu kaga jiro liiska

murashaxiinta xisbiga uu liiskiisa ku tartamayo.

Page 7: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

7 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

Saddexdan hindise waxay kaloo isku raacsanyihiin in tirada golaha shacabka ee soo

socda uu ahaado isla tirada golaha hadda wakhtigiisu gabaabsiga yahay oo dhan 275

Mudane iyo in Guddi Doorasho Qaran oo Madaxbannaan uu hubiyo in liiska

murashaxiinta xildhibaannada xisbi walba uu ku sargo’an yahay 275 musharrax oo ku

saleysan qaacidada 4.5. Arrimaha kale oo saddexdan hindise isku raacsanyihiin waxaa

ka mid ah in xisbigii hela boqolkiiba konton iyo hal codeeye uu dhisayo

Xukuumadda, haddii xisbi keli ahi gaariwaayona xisbiga ugu cod badani uu is-

bahaysi la samaysto xisbiya kale.

Nidaamkan asaga ahi wuxuu kaga geddisanyahay maamulladii kumeel-gaarka ahaa

iyo kan hadda xilka hayaba in qofka Ra’isul Wasaaraha noqonaya aanu

magacaabidoonin Madaxweynuhu. Kaalinta Madaxweyne kaga jiro dawlad dhisidda

waxay noqoneysa keli ah inuu faro ama magacaabo hoggaamiyaha xisbiga haysta

aqlabiyadda Golaha Shacabka ama hoggaamiyaha hela aqlabiyadda Xisbiyada

Isbaheystay inuu soo dhiso Xukuumadda. Sidaas awgeed waxaa la fili karaa in is-

mariwaaga madaxda hay’adaha dawladda ee ragaadiyey xilgudashadooda laga raysto,

haddii nidaamkan asaga ahi hirgalo.

Ugu dambaynti hindisayaasha doorashada dadban waxay hindsaayaasha hab-beeldka

tooska ah la wadaagaan in aan qaacidada 4.5 aan gebi ahaanba la daadraacin.

Saddexda hindise dambe waxay soo jeedinayaan in halbeegyada xulidda

codeeyayaasha (electorate) iyo isu-dheelitiradda liiska murashaxiinta xisbi qaran oo

kasti ku tartamayo ay ahaadaan mid waafaqsan saami qaybsiga beel kasta dhexdeeda

ah iyo qaacidada guud ee qaacidada 4.5. Isla nidaamkani wuxuu la wadaagaa

hindisayaasha doorashada tooska ah ee hal qof hal cod in Soomalia uu ka hirgalo

nidaamka doorasho ee loo yaqaanno Isu-dheellitiradda Matilaadda.

B.1 Kamaal Gutaale6

Kamaal qoraalkiisa Febraayo 19, 2015 wuxuu ku sheeganaya inuu ka mid ahaa isku-

dubbaridayaasha qoraalka loogu magacdaray Higsiga 2016 oo ka soo baxay shir isla

magacaas lahaa oo ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Setember 2013.

Barnaamijka Higsiga waxaa lagu qeexay qorshe muddaysan oo suurta gelinaya in

doorasho hal qof iyo hal cod ay ka dhacdo Soomaaliya marka la gaaro 2016. Markii

ay ka soo wareegtey muddo sannad iyo bar ku dhowaad ah soo saariddi qoraalka

higsiga 2016, waxaa Kamaal u muqday in aan la hirgelin tallaabooyinkii suurta gelin

lahaa in doorashadaas ayada ahi ayna suuragal aheyn inay dhacdo. Dhan kale wuxuu

ka tilmaamay in qaabkii ay u dhacday xuliddii Golaha Shacabka ee la asaasay 20kii

Agosto 2012 iyo hay’adihii ee ka farcamay aaney u horseedin xasillooni siyaasadeed,

sidaas awgeedna isla qaabkii oo lagu noqodo aan horumar laga fili Karin. Hindisaha

Kamaal wuxuu ku salaysanyahay dadaal qof ahaantiisa uu uga gol leeyahay in la

curiyo hindise doorasho oo aan ahayn Hal Qof iyo Hal Cod isla markaasna ka

horumarsan qaabkii loo xulay baarlammanka weli xilka haya.

6http://africanarguments.org/2015/02/19/somalia-moving-forward-an-alternative-path-for-vision-

2016-by-kamal-gutale/

Page 8: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

8 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

Nooca doorasho oo Kamaal soo bandhigay wuxuu ugu magac daray “A

Blueprint for Indirect Elections” oo Afka Soomaalida marka loo tarjumo

noqoneysa “Naqshadda Doorasho dadban” Arrimaha ay ku saleysan tahay

qaacidada doorashadaasi ku cad shaxda 3aad waxaa ka mid ah: (i) in doorasho

dadbani ka dhacado 90kii degmo ee Soomaaliya ka jirey wixii ka horreeyey

1991ki; (ii) degma walba in laga xulo tiro codeeyayaal ah oo dhan 1100 ; (iii) in

Guddi Doorasho ee heer degmo oo uu kormeerayo Gudddi Doorasho Qaran oo

Madaxbannaan oo xulo codboxiyayaasha ayada la raacayo habraac lagu heshiiyey

tix-gelinaya siyaabaha uu sii kala farcamo hab-beeleedka Soomaalidu; (iv) in

Guddiga Doorashada Qaran uu diiwaangeliyo xisbiyo qaran oo ka tartama

dhamaan degmooyinka doorashadu ka dheceyso; in xisbi walbi shaaciyo liis

xildhibaanno oo dhan 275 kuna salaysan qaacidada 4.5. Golaha shacabka ee

qaabka noocaas ku soo baxa ayaa sii ambaqaadaya tillabooyinka ku xiga ee

dawlad dhiska oo ay ugu horreyso doorashada madaxweynaha, xil-saaridda

hoggamiyaha aqlabiyadda Golaha Barlamaanka, dhidib u aasidda xukuumadda.

Kamaal wuxuu u arkaa in Tirada codeeyayaasha ku habbontahay in ay ahaato

1100 codeeye taaso tirada guud ee codeeyeyaasha heer qaran ka dhigaysa in ka

badan 100,000 oo codeeye.

B.2 Kor-u-qaadidda (Hagaajinta) Xalaalnimada doorashada7

Magac Qoraa ma leh (Anonymous)

Qoraalka cinwaankeedu yahay Hab Isku-dhafan ee Kor-u-qaadidda (Hagaajinta)

Xalaalnimada (Enhanced Legitimacy: Hybrid Option) waa hab lagu soo xulayo

xildhibaannada. Dalka oo dhan oo loo qaybiyey toddobo degaan-doorasho oo lix

noqonayaan magaala-madaxyada Dowlad Goboleedyada (DG) hadda jira ama

lagu jiro tabaabusho lagu asaasayo. Qoraalku wuxuu u arkaa Soomaaliland

degaan-doorasho oo xaalad gaar ah ka jirto, wuxuuna ku talinayaa in qorshe gaar

ah loo dejiyo siyaabaha xildhibaannadooda loo soo xulayo. Tirada Xildhibannada

Golaha Shacabka 2016 waxay ahaan doonta 275. Qaacidada qoraalkani so

bandhigay waxay ku salaysantahay: (i) xildhibaannada hadda xilka haya inta

aanay dhaamaan muddada xil-hayntoodu, mid walbi waa inuu sheego dawlad

goboleedka uu ka soo jeedo; (ii) ayada oo laga duulayo xogtaaas ayaa waxaa la

soo saaraya tirada xildhibaanada Dawlad-Goboleed kasta laga soo dooranayo; (iii)

tirada codbixiyayaashu waxay noqoneysaa tirada xildhibaannada Dowlad

Goboleed oo lagu dhiftay 100 codeeye; (iv) Codbixiyayaasha afar dowlad

Goboleed (Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hiiraan iyo Shabelle Dhexe)

waxaa soo xulaya Odayaal dhaqaamedkii soo xulay xubnaha Golayaasha Shacbi

ee Dowlad Goboledyada, waxaana ansixinaya Barlamaanada Dowlad

Goboleedyada; (v) Codbixiyayaasha Puntland, Somaliland, iyo Benaadir waxaa

soo xulaya Hogaamiya-dhaqameedkii 2012; (vi) Guud ahaan tirada

codeeyayaasha heer qaran waxay ahaanayaan 275X100 oo la mid ah 27,500

codeeye; (vii) Inta aan la gaarin doorashada 2016, Guddiga Doorashada Qaranka

ayaa diiwaangelinaya xibiyo Qaran; (viii) xisbi walbi wuxuu doorashada kaga

qayb-galaya liis murashaxiin oo dhan 275 oo la hubiyey inuu isugu

jaango’anyahay qaaacidada 4.5; (ix) liska kasta oo xisbi waa inuu isagu

7http://puntlandtimes.com/wp-content/uploads/2015/07/Enhanced-Legitimacy1.pdf

Page 9: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

9 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

jaango’onaado dufcado; (x) xisbigii hela 13,750 iyo hal cod ayaa la mid 50% iyo

hal cod, tirada guud ee codbixiyayaasha ayaa xukuumadda dhisaya.

B.3 Faysal Rooble8

Qoraal uu Faysal Rooble u bixiyey “Qaab Goboleed beddel u ah Kor U Qaadidda

Xalaalnimada “oo cinwaakiisa Luqada Ingiriiska yahay “Region-based

Alternative Model to “Enhanced Legitimacy: Hybrid Option Election” oo uga

gol leeyahay hindisaha ku xusan B.2 oo loo regey heer gobol. Mid walba oo 18kii

Gobol ee maamulka u qaybsanaa u arko in loo qaato degaan-doorasho. In kasta oo

Faysal Rooble oo uu gobollada isu raaciyey qaabab la kala dooran karo oo

Dowlad Goboleed ku dhisan, haddana taasi wax ka beddelimeyso in Gobol uu mar

walba ahaanayo degaanka doorashada ee asaasiga ah. Qaacida doorashada ee

Faysal Rooble waxay ku salaysantahay: (i) in 18kii gobol ee dalku u qaybsanaaa

intii ka horreyesey 1991ki loo qaato degaan-doorasho; (ii) in Gobol walba uu

yeesho tira xildhibaanno oo la mid ah tirada xildhibannada ee hadda jira oo dhan

275 oo loo qaybiyey tirada gobollada oo ah 18; (iii) in xildhibaan walba ay

doorato 100 codbixiye; (iv) tirada codbxiyayaasha heer Qaran waxay ahaanayaan

27,500.

Faysal wuxuu soo jeediyay shuruudo dhowr ah ee ka horreya qaadashada taladiisa

oo ay ka mid yihiin dib u heshiis dhab ah iyo in la isla oggolaado in

Xildhibannada lagu saleeyo gobol lagana guuro hab-beeled 4.5. Qoraaga

qaacidatan ma soo bandhigin qaab dhammaystiran oo la xariira xulidda

codbixiyayaasha, tilmaamaha uu ka bixiyeyna waxaa ka mid ah in

hoggaamiyayaasha dhaqanka lala tashado hase ahaatee ay go’aan gaarista

leeyihiin madaxda Dowlad Goboleedyada.

B.4 Hay’adda Baarista Sahan: Matt Bryden & Tres Thomas9

Qoraal ay wada diyaariyeen Khabiir Matt Bryden oo ah Agaasimaha hay’ad cilmi

barista la yiraahdo Sahan iyo Tres Thomas wuxuu qabaa in la dhammaystiro

Nidaamka Federaalka Dowlad Goboleedyada Bartamaha iyo Koofurta

Soomaaliya (Hiraan/Shabellada Dhexe, iyo Gobolka Benadir/Caasimadda

Soomaaliya). Labada qoraa waxay soo jeedinayaan in 2016 la dhammeystiro

Aqalka Sare (Upper House) oo leh 54 Xildhibaan iyo Aqalka Shacabka oo leh 275

Xildhibaan. Madaxweynaha 2016 waxaa wajir ahaan u dooranaya Golaha

Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka. Madaama ay adag tahay in Madaxda

Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay heshiiyaan, labada

qoraa waxay qabaan in go’aanka habka xulashada Xubnaha Barlamaanka

Federaalka oo dhan loo daayo Dowlad Goboleedyada.

8http://www.wardheernews.com/wp-content/uploads/2015/08/Alternative-Model-to-Election-By-

Faisal.pdf 9http://um.dk/en/~/media/UM/English-site/Documents/Danida/Partners/Research-Org/Research-

studies/Somalias%20troubled%20transition%20-%20Vision%202016%20revisited.pdf

Page 10: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

10 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

Muhimadda qoralkan waxay ku jirtaa inuu fasirayo hannaanka dawladnimo ee

heer qaran iyo dawlad-goboleed ee ka hanaqaaday Soomaaliya muddada saddexda

sano ah ee ay Dowladda Federaalka jirtay.

B.5 Cabdullahi M. Xirsi10

Mudane Cabdullahi M. Xirsi wuxuu 6dii Bishan Agoosto shaaciyey qoraal uu ugu

magac-daray “Multilayered District Based Representative Election in

Somalia” oo marka Luqadda Soomaalida loo tarjumo noqnaya “Doorasho la

jamciyo oo degmo ku salayansan”. Qoraalka mudane Xirsi wuxuu dhammaan

qoraallada kale kaga geddisanyahay hobbonaanta in doorashada 2016 ay noqoto

mid ay isku mar la qabanayo dorashada labada Gole ee Baarlammanka

Federaalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Golayaasha

sharci-dejnta, Dawlad Goboleedyada, iyo Golayaasha Degmooyinka jirey bilawgii

1991kii. Marka laga reebo Soomaliland oo labadii doorasho ee Madaxweynaha

ay si toos ah loo doortay, haddana lagu jiro tabaabushihii doorashada

Madaxweynaha iyo tan golaha Shacabku ay isku mar dhacan, Soomaaliya inteeda

kale waxay ku socotaa habka baarlammaanka, doorasho isku mar dhacdayna ma

soo marin. Hindisaha Mudane Xirsi wuxuu ka tarjumayaa cabiridda aragti u

qareymeysa in Soomaaliya u diga-rogato habka Madaxweynenimada. Marka laga

eego munaasibnimada in nooc kasta oo doorashooyin ay isku mar dhacaan waa la

oran karaa waa mid ku habboon xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya, hase ahaatee

waxaa lagu duri karaa in ay ka hordheceyso meesha hadda xaal taaganyahay oo ah

in la qaado tallaabo horseeda in sida la yahay la dhaamo ayada oo aan isla

markaas waxba la iska hagran.

B.6 Dhaqaaqa Bulshada Rayadka Ah11

Shir Xubno dhaqaaqa Bulshada Rayadka ka mid ah ay yeesheen 13 Bisha Agoosto

2015 kuna saabsanaa doorashada 2016 waxaa ka soo baxay:

In Beelaha Soomaaliyeed laga soo xulo ergo qaran oo dhan 50,050 oo ka

kooban hoggamiye dhaqameedyo, Culumada, Aqoonyahannada, haweenka,

iyo ganacsatata. 50 xubnood ee ergada ka mid ah waa in lagu abaalmariyo

dadkii waxtarka u lahaa Ummadda Soomaalaiyeed mudaddi dowlad la’aanta.

Xildhibaan kasta waxaa dooranaya 182 xubmood. Madaxweynaha iyo

Madaxweyne Ku Xigeenka waxaa dooranaya Ergada. Saamiga haweenku ku

yelanayo ergada waa inuu ahaado boqolkiiba soddon (30%)

In Shirweyaha Qaran mas’uuliyadihiisu ku ekaan doorashada xildhibaannada

ee looga faa’iidaysto dib-u-heshiin, dhammaystirka dastuurka, dejnta

naqashada dhammeystirka hay’adaha Qaranka, iyo dejinta khariidada ay afar

sano ka dib ku dhici doonto doorasho Hal Qof iyo Hal cod ah.

In qaabka Dowladda Federaalka noqdo qaabka Madaxweyne iyo Mdaxweyne

ku xigeen.

10

http://www.jowhar.com/multilayered-district-based-representative-election-in-somalia-the-strategies-and-viable-options-for-the-election-in-2016/ 11

http://www.ceegaag.com/2015/09/03/talo-soo-jeedin-hiigsiga-2016/

Page 11: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

11 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

B.7 Xildhibaan Cabdiraxman Hosh Jibril12

iyo Cabdirashid Khalif Xaashi13

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Cabdirashiid Khaliif Xaashi waxay soo bandhigeen

labo qoraal lagu soo jeedinayo dhibaatooyinka welwelka ku haya Soomaaliya iyo

talooyin la xiriira Higsiga 2016. Cabdiraxman Hosh wuxuu taxay howlaha aan waxba

laga qaban ee ku qeexan Dastuurka KMG ka hor qabashada Doorashada hal qof iyo

hal cod. Wuxuu tilmaamay in saddex Koox ee ka jira Barlamaanka Federaalka

(Badbaado, TTQ, MMQ) ay qabaan in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud

caqadad ku yahay fulinta Howlaha Qabyada ah. Si loo saxo Higsiga 2016, Mudane

Cabdiraxman Hosh wuxuu ifinaya in xalalka lagu daro in dacwad (Impeachment) lagu

oogo Madaxweynaha si xilka looga qaadayo, loona doorto Madaxweyne cusub oo

hoggaamiya fulinta howlaha aan la qaban, isla markaana waqtiga loo kordhiyo

Dowladda Federaalka.

Cabdirashid Khalif wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in loolanka

siyasadeed ee 2016 lagu dhaqo mabaadi’ sharci ah (Principled Rules of the Game) si

loo helo natiijo xalaal ah (Legitimacy). Cabdirashid wuxuu hoosta ka xariiqay shan

arrimod ee Soomaaliya ka hortaagan dhismaha Dowlad shaqeyneysasa: tixgelin

la’aanta maslaxadda Soomaaliyeed, Musuqmaasuqa siyasadeed iyo maaliyeed ee

baahsan, faragelinta shisheeyaha, ku fakrifalka awoodda Dowladeed, iyo

dhaleeceynta aan saxa aheyn ee odayaasha dhaqanka oo ah xoggaan lagu kalsoon

yahay. Sidaa darteed, wuxuu tilmaamaya inay shardi tahay in la xaqiijiyo in

doorashada 2016 ka hufnaato faragelin caalami ah iyo adeegsiga nooc kasta oo

musuqmuuq iyo cadaadin ah.

B.8 Gurmad14

Cududda Gurmad waa aqoonyahanno Soomaaliyeed oo u istaagay inay horseed u

noqdaan badbaadada Qaranka Soomaaliyeed oo god-ku dhacay, waxayna soo

bandhigeen Ajendo Siyaasadeed ee lagu maareynayo marxaladda kala guurka 2016.

Gurmad waxay ku mintideyda in la xoojiyo adeegsiga qaab-maamuledka oo ka soo

horjeeda qaab Jid-Kharidadeedka ku caan baxay, taaso irdaha u furaya faragelinta

joogtada ah ee Shisheeyaha iyo awood iyo talo ku takrifalka Madaxda dalka. Gurmad

waxay qabtaa in fashilka Higsiga 2016 ay tahay “dambi dayacaad waajib dastuuri ah

ee hoggaanka siyaasadeed dalka Soomaaliya ku kaceen.” Mabaadi’ida iyo Talooyinka

ku jira Ajendaha waxaa ugu muhiimsan:

1. Inuusan jirin damiir, sharci, iyo siyaasad kallifeysa in malaayiin doolar lagu

khasiro dib u xulashada 275 xildhibaan oo ku saleysan qaabka awood qaybsiga

qabileed ee 4.5. Dib ugu soo xulashada xildhibannada hab qabiileed waxay

taagereysa faragelinta shisheeyaha oo jaangoynaya masiirka Soomaaliya, taaso sii

dabadheereyneysa mushkiladaha iyo jaahwareerka Soomaaliya.

12

http://www.hiiraan.com/op4/2015/apr/99128/fixing_vision_2016_some_options_for_the_somali_federal_institutions.aspx 13

http://www.heritageinstitute.org/somalias-vision-2016-reality-check-and-the-road-ahead/ 14

http://aminarts.com/link/Gurmad_English.pdf

Page 12: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

12 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

2. In geedisocodka siyaasadeed 2016 noqon Mashruuc Ajnabi.

3. In Barlamaanka Federaalka hadda jira yahay Hay’ad Qarameed haysta

xalaalnimada (Sharciyadda) matalaada Shacbiga Soomaaliya.

4. In la fuliyo howlo u qaybsan saddex waqti:

I. Setember-Disember 2015: Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waa inuu

ansixiya sharciga dhismaha Maxkamadda Dastuurka; Sharciga

Oggolaanaya ugu badnaan 3 Xisbi Siyaasadeed marxaladda 2016;

Sharciga Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa; Sharciga Guddiga

Dib u Heshiisinta iyo Runta.

II. Jennaayo 2016: Barlamaanka waa inuu soo saara sharci ku saabsan habka

doorashada 2016 ka hor 31 Jannaayo 2016, kaaso caddeynaya:

1. In Doorashada Barlamaanka Federaalka oo dhici laheyd Agosto 2016

dib loo dhigayo ilaa Agosto 2018;

2. In Agosto 2016 la dooranayo Madax cusub barlamaanka ayadoo

tartanka Musharraxiinta Madaxda Barlamaanka ku saleysnaaneyso

barnaamijyada saddexda (3) xisbi soo bandhigi doonaan;

3. Marka la doorto Madaxda Barlamaanka, saddexda (3) Xisbi waxay soo

sharraxayaan xubno u tartamaya Jagada Madaxweynaha

Jambuuriyadda Soomaaliya. Madaxweyne Cusub ayaa la dooranaya 15

Setember 2016.

III. Setember 2016- Disember 2017: Doorashada iyo Dhismaha

Dowladda Federaalka Setember 15, 2016 kaddib, Madaxweynaha

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ku baaqaya Shirweyne

Dastuur muddada u dhexeysa Setember iyo Disember 2016, si loo

xaqiijiyo ujeedooyinka soo socda:

(a) Dib u eegid mabaadi’ida asaasiga ee Dastuurka KMG sida nooca

habka federaalka Soomaaliya iyo habka dowladnimo - habka

Barlamaanka ama kan Madaxweyne;

(b) In la siiyo Shacabka Soomaaliyeed fursad uu ku gaaro heshiis

qarameed (social contract) ee tiir u noqda habka nidaamka

dowladeed ee dalka Soomaaliya.

III. Falaqeyntaa Talo Jeedinnada Kor ku Xusan

Hindasayaasha ama talojeedinnada kor ku xusan waxaa asaas u ah afar aragtiyo ee

bulshada Soomaaliyeed ka dhex guuxaya:

1. In awood ku Qaybsiga Hab -Beeledka ku dhisan 4.5 ay sabab u tahay guuldarrada

Soomaalida ka haysata dib u dhiska Dowlad Soomaaliyeed oo u adeegta danta

guud iyo midda gaarka ahba. Sidaa awgeed, waxaa la soo jeedinaya in daadka la

raaciyo hab-beeledka;

2. In awood ku qaybsiga Hab-Beeleed xumeyn oo aan daadka la raacin. Hase yeeshe

lagu barxo, lagu dabaqo hab-deegaan (territorial constituency) iyo Tartan Xisbiyo;

3. In mushkiladda iyo fashalka dhismo Dowladnimo ka imaan awood ku Qaybsiga

Hab Beeleedka ee sababahu ka yimaadeen hoggaan xumo, sharci ku dhaqan

la’aan, siyaasadda qaybi oo xukun, damac qofeed, eex, musuqmaasuq aan ciqaab

laheyn, iyo haaraha colaadii Sokeeye. Hab-Beleedka waxaa ku jira nuxur

dimuqradi ah oo suuragal ka dhigay wada noolashaha iyo wadajirka Bulshada ku

hadasha Afka Soomaaliga meel kasta oo ay deggan tahay. Habka dimuqradiga ee

Page 13: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

13 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

beelnimadu wuxuu ku saleysan yahay dood-wadaag biyo dhiciisu noqonayo

guddoon-wareed (consensus). Sidaa awgeed, aragtidaan ayada ahi waxay soo

jeedineysa in hab-beeleedka laga xijaabo musuqmaasuq iyo faragelinta iyo awood

maroorsiga hoggaamiyaasha dowladda ayagoo adeegsanaya qaab dowladeed

(public structure, power, and resources).

4. In faragelinta iyo taagerada Shisheeyaha ay qayb weyn ku leedahay jaahwareerka

iyo fashilka geedisocodka dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed.

IV. SOO-JEEDINTA AM

Ka dib markii ay darseen talo - jeedinnada kor ku qoran, gaar ahaan talo - jeedinta la

xiriirta Kor U Qaadidda (Hagaajinta) Xalaalnimda ee habka doorashada isku dhafan,

isla markaana tixgelisay baahida kor u qaadidda kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed

iyo howsha ballaaran ee la xiriirta dejinta nidaam doorasho siyasadeed oo ku habboon

duruufta iyo danaha gaarka ah ee Soomaaliya, AM waxay soo jeedineyaan:

1. In la abuuro Maxkamadda Dastuuriga ka hor bisha Disember 2015, si loo

dhammeystiro hay’adaha aasaasiga u ah Dowladnimada. Xilkeed Maxkamadda

wuxuu yahay sugidda dhowrista ku dhaqanka sharciga iyo xallinta khilaafaadka

siyasadeed ee dalka curyaamiyay. AM waxay qabaan in deg deg loo

dhammeystiro hay’adaha kaabaya dhismaha Maxkamadda Dastuuriga.

2. In Haweenka Soomaaliyeed helaan 40% Xildhibaannada Barlamaanka

Federaalka.

3. Inaysan suurtagal aheyn in 2016 la dhaqangeliyo nidaamka Axsaabta sababtoo ah

weli lama soo bandhigin sharciga Axsaabta, lama sameyn diyargarowgii loo

baahnaa, isla markaana meelo badan ee dalka ka mid ah waxaa ka jira nabagelyo

xumo. AM waxay qabaan in Nidaamka Axsaabta badan yahay nidaamka ugu

wanaagsan ee dhaqan siyaasadeed oo casri ah, loogana gudbi karo hannaanka

qabiil-wax-ku-qaybsi, kaasoo lagu soo dhaqmayay tan iyo sannadkii 2000.

Nidaamka Xisbiyada wuxuu sahlaya deegaameynta doorashada halka aysan suura

gal aheyn isku xirka doorasho beeleed iyo deegaan.

4. In beelaha Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa xulanaya cod – bixiyayaasha

dooranaya xildhibaannada u sharaxan in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka

Federaalka.

5. In qaab-beeleedka 4.5 uu leeyahay cillado, balse yahay midka Ummadda

Soomaaliyeed horey ugu soo dhaqantay, uguna haboon marka la tixgeliyo

xaaladda hadda uu dalka ku sugan yahay.

6. In qaabka xulashada/doorashada codbixiyayaasha iyo xildhibaannada looga

dhaqangeliyo beelaha dhexdooda si leh hab raac maamul, isla xisaabtan, iyo

hufnaan. Beel walba waa inay yeelataa hoggaan haysta kalsoonida beesha iyo

habraac ay ku dhaqmeyso marka la xulayo codbixiyaasha iyo marka

dooraashadaba.

Page 14: TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU …€¦ · dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed

14 TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

Copyright © 2015 WardheerNews, All rights reserved

7. In xulidda xubnaha dooranaya xildhibaannada (codbixiyayaasha) aysan ku

koobnaan odayaal dhaqameedyada oo kaliya ah. Waa in 100 codbixiye ee

dooranaya halka xildhibaan ka koobnaadaan:

Odey – dhaqameedyo 10 qof

Haween & dhallinyaro 40 qof

Culamaa`uddiin & aqoonyahannada 25 qof

Gancsato & Siyaasiyiin 25 qof

8. In beelaha Soomaaliyeed ee soo xulanaya xildhibaannada ay qaataan

mas`uuliyadda kharashka ku baxaya kal – fadhiyadooda ay ku arrinsanayaan iyo

waliba kulammada ay ku dooranayaan xildhibaankooda. AM waxay ku talinayaan

in goobta lagu xulayo xildhibaanka loo dhaweeyo degaanka beeshu u badan tahay

sida ugu suurtogalsan.

9. In Dowladda Federaalka soo saarto sharci jideynaya habka xulashada/doorashada

qaab-beeleedka 4.5 ee Barlamaanka 2016, habkaasu ka duwan nidaamka

dorashada hal qof hal cod ee Axsaabta oo ahaa ku talagalka Dastuurka KMG.

Sharcigaas waa inuu qeexa kaalinta beelaha, maamul-goboleedyada iyo dowladda

federaalka.

10. In bulshada rayidka ah doorkoodu noqdo talo-soojeedin, wacyi – gelin, kormeer,

iyo qiimayn ku saabsan qaabka ay beeluhu u xulayaan codbixiyayaasha, kuna

dooranayaan xildhibaannada, kana soo saaraan warbixin.

11. In dhismaha Madasha Wada – Tashiga Qaran uusan waxyeelo u keenin awoodaha

dastuuriga ah ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka, xilkeeduna noqdo:

a) In looga hortago ku takri – falka awoodda ay leeyihiin Dowladda Federaalka

iyo Maamul Goboleedyada.

b) In ay adkeyso hoggaaminta iyo isku xirka Dowladda Federaalka iyo Maamul –

Gobolleedyada.

c) Inay xoojiso madaxbanaanida dalka iyo dadka soomaaliyeed, isla markaana

jiheyso, hubisana ka faa’ideysiga taageerada wadamadda iyo hey`adaha

caalamiga ah.

12. In beelaha Somaliland la siiyo tixgelin gaar ah sida tirada.

13. In la darso habraac wanaagsan ee ku dhaqanka xulashada/doorasha beeleedka

xildhibannada 2016, kaddibna talooyin laga soo jeediyo.

W/Q: WARQAQ-MOWFQIFEED

AQOONYAHANNO MADAXBANNAAN (AM)

MARTIGELINTA- HAY’ADDA JILAYAASHA KOOFURTA IYO

BARTAMAHA SOOMAALIYA (SOSCENSA)