24
Barnaamijka Tilmaan-siinta Dhaqaneed ee Australia U-Socdaalidda Australia Dokumantiyada iyo aqoonsiga Dokumantiyadaada diyaaradda iyo aqoonsigaaga aad bay muhiim u yihiin. Waad u baahan tahay si ay kaaga caawiyaan inaad samaysato noloshaada cusub ee Australia. Waxaa muhiim ah inaad: ku haysato meel ammaana wadato mar kasta

U-Socdaalidda Australia - Home Affairs

  • Upload
    others

  • View
    2

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Barnaamijka Tilmaan-siinta Dhaqaneed ee Australia

U-Socdaalidda Australia

Dokumantiyada iyo aqoonsiga

Dokumantiyadaada diyaaradda iyo aqoonsigaaga aad bay muhiim u yihiin.

Waad u baahan tahay si ay kaaga caawiyaan inaad samaysato noloshaada cusub ee Australia.

Waxaa muhiim ah inaad:

• ku haysato meel ammaana

• wadato mar kasta

2 3

Waxaa lagu siin karaa:

• ImmiCard

Ama

• Dokumantiga Socdaalka Australia (Document for Travel to Australia - DFTTA)

Waxaad u adeegsan doontaa midkood dokumantiyadaada socdaalka Australia.

Waxaad u baahan tahay inaad ku tusto madaarka ama kuuma suurtageli doonto inaad socdaasho.

Waxaad u baahan tahay inaad saxiixdo wejiga hore ee ImmiCard-kaaga sida ugu dhaqso badan markaad hesho.

Carruurta ka yar 10 uma baahna inay saxiixaan ImmiCard kooda.

2 3

Nooca Baagga

Dadku badanaa waxay haystaan 2 nooc baagag ah markay socdaalayaan:

• baagga la miisaamo lana saaro diyaarada

• baagga gacanta lagu qaato

Baagga la miisaamo oo la saaro diyaarada

Waxaad u dhiibtaa baaggaaga la miisaamayo shaqaalaha diyaaradda ee madaarka.

Waxay aadaysaa meesha baagagga ee diyaaradda.

Baagaaga la miisaamo waxaa ku qoran qoraal sheegaya:

• magacaaga• meeshaad ku egtahay – meeshaad u

socoto

4 5

Waxaa lagu siin doonaa risiidh ama tikidh boorso kasta lagaa qabto.

Waxaad mar labaad ka qaadan doontaa markaad Australia timaaddo.

Diyaaraduhu waxay saaraan xadidnaan ah intay noqon karto miisaanka baagaaga.

Xadidnaanta caadiga ah ee qof kasta ee baagga la baarayo waa 20 kiilogaraam.

Diyaaraddu waxay ku weydiin doontaa inaad bixiso lacag dheeraad ah haddii baagaagu ka miisaan bato 20 kiilogaraam.

Waxaa laga yaabaa inaad wadato alaabo waaweyn oo aad doonayso inaad qaadato.

4 5

Waxaad u baahan doontaa inaad si gaar ah u bixiso si aad u qaadato alaabadaas waaweyn.

La hadal qofka kugu caawinaya socdaalkaaga ee ku saabsan alaabadaas waaweyn oo aad doonayso inaad qaadato.

Xirxiridda baagaaga la miisaamayo

Waa inaad ku riddaa:

• dharkaaga iyo kan qoyskaaga

• kabaha

• waxyaalaha aad uga baahan tahay daryeelkaaga shaqsi

• daawada aad u baahan tahay inaad qaadato

6 7

• waxyaalaha muhiimka kuu ah – sawirada, waraaqaha, buuggagta

Baagga gacanta lagu qaato

Waxaad qaadan gacanta kartaa 1 baag ah oo yar diyaaradda korkeeda.

Taasna waxaa loo yaqaan:

• baagga la-qaatoAma

• shandada gacanta

Waxaad u baahan tahay inaad taqaan xeerarka ku saabsan waxaad ku ridi karto baagaaga la-qaato.

Xirxiridda baagaaga la-qaato

Waa inaad ku riddaa:

• dokumantiyada muhiimka ah

6 7

• dokumantiyada socdaalka

• waxyaalaha qiimaha leh sida dahabka

• waxyaalaha aad uga baahan tahay daryeelkaaga shaqsi intaad diyaaradda saaraan tahay

• waxyaalaha aad doonayso inaad aqrisato intaad socdaalayso – buug ama wargeys

• taleefankaaga

• jaakad ama xoogaa dhar dheeraad ah oo isku diirinayso

8 9

Baagga aan la ogolayn

Waxaa ka jira sharciyo adag Australia oo ku saabsan waxaadan keeni karin Waddanka:

• dhirta

• ubaxa

• ciidda

• miraha

8 9

• lowsyada

• tubaakada aan la baroosays-garayn

• xayawaanka nool ama waxyaalaha xayawaanka ka soo-baxa

o

o

o

haragga

baalasha

dhogorta

10 11

o

o

o

o

o

lafaha

bocoolaha

qalfoofka

waxyaalaha xayawaanka ka soo baxa

qalabka xayawaanka ee la isticmaalay

10 11

• cuntada

o

o

o

walxaha caanaha ka soojeeda – caanaha, subaga, labeenta, jiiska

ukumaha ama waxyaalaha ukumaha ka samaysan

furuudka iyo qudaarta qaarkeed – fareesh ama barafaysan

o cuntooyinka qaarkood waxay u baahan yihiin in la barafeeyo ilaa aad u diyaargarowdo inaad kariso

• waxyaalaha qarxa• walxaha damaashaadka

12 13

• hubka

o o o

qoryaha iyo rasaastaseefahamindiyaha

• daroogooyinka sharci-darada ah

Haddii aad keento wax ka mid ah waxyaalahan Australia waxaad u baahan tahay inaad u sheegto shaqaalaha madaarka.

Haddii aadan usii sheegin cidna wax ku saabsan arintan oo markaas la helo, waa:

• lagu ganaaxayaa – oo lagu saarayaa lacag aad u badan

• waa lagu xirayaa oo lagugu xukumayaa dambi

12 13

• lagu dirayaa xabsi

• waxaad ku dambayn doontaa diiwaanka dambiyeedka

Ku-socdaalidda diyaaradda

Socdaalka Australia waa mid dheer.

Waxaad u baahan tahay inaad u diyaargarowdo safar dheer.

Mararka qaarkood socdaalku waa mid duulitaan dheer ah.

Mararka qaarkood socdaalka waxaa ka mid ah joogsi halkaas oo aad u baahan tahay inaad diyaaradda ka degto.

14 15

Ka hor socdaalka

Safarku cid walba wuu daaliyaa.

Waxay aad u daalisaa carruurta yaryar.

Ka hor intaadan bilaabin safarkaaga, waa inaad hubisaa in carruurtaadu ay wax:

• cuneen • galeen musqusha

Inta lagu jiro socdaalka waxaad u baahan doontaa inaad cunto oo aad isticmaasho musqusha diyaaradda.

Cunugyada ama carruurta waxay u baahan doonaan:

• naabiyo • dhar dheeraad ah

14 15

Diyaaradda dusheeda

Waxaad ku dhex-socon kartaa diyaaradda haddii calaamadda suunka-kursigu ay dansan tahay.

Haddii calaamadda suunka-kursiga ay daaran tahay waxaad u baahan tahay:

• inaad kusii fadhido kursigaaga• inaad xirato suunka-kursigaaga

Waxaa lagu siin doonaa:

• cunto• cabitaano

Cuntooyinku diyaaradda waa lacag la’aan.

Haddii aadan cuni karin cuntada lagu siiyey, waxaad codsan kartaa furuud.

Waxaad u baahan tahay inaad diyaaradda uga tagto cuntada soo harta, uma soo qaadan kartid Australia.

Sigaar kuma cabbi kartid diyaaradda dhexdeeda.

16 17

Cadaadiska ka jira diyaaradda gudaheeda wuxuu awoodi karaa inay-dhagahaaga xirmaan.

Waxaad ku yarayn kartaa cadaadiska adigoo:

• wax-liqa• wax-calaliiya• hamaansada

Haddii aad haysato cunug yar, waxaad kaga yarayn kartaa cadaadiska adigoo wax ku quudiya:

• kahor intaysan kicin diyaaraduu• inta lagu jiro kicitaanka diyaarada• intay dagayso diyaaradu

Quudintu waxay u keenaysaa inay wax liqaan.

Sida ay diyaaraddu u dhaqaaqayso waxay dadka qaarkiis ka dhigtaa mid xanuunsan.

Haddii aad u malaynayso inaad xanuunsanayso, waxaad adeegsan kartaa:

• baagga xaashida ah oo ku jira jeebka kursiga

• musqusha diyaaradda

16 17

Taraansidka

Ka hor intaadan gaarin Australia, diyaaradaadu waxay istaagi kartaa waddan kale ama wax ka badan waqti kooban si loo:

• nadiifiyo • dib shidaal uqaadato

Taasna waxaa loo yaqaan joogsiga taraansidka.

Waxaa lagaa codsan doonaa inaad ka dagato diyaaradda.

Qaado baagaaga gacanta.

Waxaa laga yaabaa inaad raacdo diyaarad kale.

18 19

Waxaa laga yaabaa inaad aado qayb kale oo madaarka ah.

Cid ka socota Haya’dda Caalamiga ee Socdaalka (International Organization for Migration - IOM) ayaa kugu qaabilaysa joogsiga taraansidka si ay kuu caawiso.

Ha ka tegin madaarka intaad ku jirto taraansidka in cid IOM ka socotaa inay kula jirto mooyee.

Waxaa jira dad ka shaqeeya madaarka kuwaas oo kugu caawin kara inaad hesho gaytka bixitaanka halkaas oo aad u baahan tahay inaad ku sugto duulimaadkaaga xiga.

Duulimaadkaaga xiga waxaa loo yaqaan duulimaadka isku-xirka.

18 19

Imaanshaha AustraliaSoo-dhexmaridda xuduudda

Markii aad ka degto diyaaradda, waxaad dhexmaraysaa sii-daynta socdaalka.

Sarkaal ayaa:

• eegi doona dokumantiyada socdaalkaaga• kuuna ogolaanaya inaad soo gasho waddanka

Waxaad u baahan tahay inaad u dhiibto:

• ImmiCard kaaga ama Dokumantiga Socdaalka Australia

• kaarka rakaabka soo-gelaya

20 21

• baasboorka ama ‘titre de voyage’ haddii aad mid haysato

Sarkaalku wuu:

• baari doonaa• dib ayuu kuu siin doonaa

Qaadashada baaggaaga

Ka dib marka laguu sii-daayo gelitaanka Australia, waxaad u baahan doontaa inaad boorsooyinkaaga qaadato.

Waxaad ka helaysaa carousel-ka baagagga.

Lambarka duulimaadka waxaa lagu muujin doonaa carousel-ka baagagga ee diyaaraddaada.

20 21

Haddii aad weydo baagaagii, weydiiso cid ka shaqaysa madaarka.

Waxaa muhiim ah inaad haysato risiidhkii ama tikidhkii lagu siiiyey markii kowaad oo baagaaga la baarayey.

Waxaa loo adeegsan karaa in lagu baaro baagaaga haddii ay lunto.

Maridda karantiinka

Markaad hesho boorsada, waxaad u baahan tahay inaad u qaadato barta-baaridda.

Waxaa jira calaamado ku tusi doona halkaad aadayso.

22 23

Sarkaal ayaa qaadi doona kaarkaaga rakaabka imaanaya wuuna haynayaa.

Eeyada tababaran ee ‘sniffer dogs’ ayaa hubin doona baagaaga markaad timaado.

Baagaaga waxaa la yaabaa in labaaro.

Tani waxaa sabab u ah saraakiishu waxay hubin doonaan inaadan soo-gelin waxyaalaha aan la keeni karin Australia.

Waxaa muhiim ah in laga dheeraado wax kasta oo cuduro ama cayayaanka halistaa kuwaas oo u keeni kara dhibaatooyin Australia.

22 23

Waxaad u baahan tahay inaad si daacad ah uga jawaabto wax kasta oo su’aalo ah oo ay saraakiishu ku weydiiyaan.

Waxaad codsan kartaa turjumaan haddii aad caawimaad uga baahato xaga luqadda.

Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan usocdaalka Australia website-kan: www.homeaffairs.gov.au/Trav/Entewww.agriculture.gov.au/travelling

24

Boggan si ula kac ah ayaa loo baneeyey

Oo ay bixisay Haya’dda Caalamiga ee Socdaalka ayadoo ka wakiila Wasaaradda Australia ee

Adeegyada Bulshada