2
Migrant and Bilingual Educaon Office of Superintendent of Public Instrucon Old Capitol Building PO Box 47200 Olympia, WA 98504-7200 360-725-6147 Randy I. Dorn Maamulaha Guud ee Gobolka Ma taqaan … Boqolkiiba sagaal ardayda Gobolka Washington waxay ka qaybqaataan barnaamijyada Ingiriisiga lagu barto. Waxa loo jeedaa 98,472 ayaa jira, oo matalaya 208 luuqadood. Isbaanishku waa luuqadda koowaad ee ay ku hadlaan 67 boqolkiiba ardayda baranaysa Ingiriisiga. Boqolkiiba sagaal iyo toban waxay ku hadlaan afaa Ruushka, Fiitnaamka, Soomaaliga, Yukreeyn, Jayniis, Kuuriyaan, Taagaloog, ama Carabi. Badanka ardayda uu u adeego Barnaamijka Kumeel Gaadh ahaan Barista Laba Luuqadood waxa la qoray dugsiga hoose (53 boqolkiiba sannad dugsiyeedka 2010-2011). Xiitaa ardayda u muuqata inay ku fiican yihiin, waxa dhici karta inay wali u baahan yihiin taageero kobcinta xirfadaha luuqadda lama huraanka u ah guulaysiga dugsiga. Cilmi-baadhis ayaa muujisay in kasbashada Ingiriisiga “tacliineed”, heerka loo baahan yahay inuu qou kaga qaybqaato baris Ingiriisi ah caawimo la’aan, ay qaadato afar ilaa toddoba sano si uu u kobco. Gobolku wuxuu xisaabiyaa Kasbashada Ujeedooyinka la Cabbiri karo ee Sannadlaha ah (AMAO – Annual Measurable Achievement Objecves) ee degmooyinka. AMAO 1 waxay cabbirtaa korodhka sannadkii ee rada ama boqolkiiba carruurta samaynaysa horumar barashada Ingiriisiga. AMAO 2 waxay cabbirtaa rada ama boqolkiiba inta carruurta Ingiriisiga ku fiicnaanaysa. AMAO 3 waxay cabbirtaa rada ama boqolkiiba ardayda Ingiriisiga baranaysa kuwaasoo gaadhay heerar tacliineed akhrinta iyo xisaabta kusalaysan qiimaynta gobolka. Wax ka waydii dugsigaaga naijooyinka degmadaada ama onlayn ku arag adoo booqanaya hp://reportcard.ospi.k12.wa.us/WLPTAmao.aspx. Washington waxay qiimaysaa dadka ku hadla laba af Dadaalkaaga si aad uga caawiso carruurtaadu inay bartaan afgaaga koowaad si fiican waa muhiim. Sii wad kula hadalka, ugu sheegista iyo ugu akhrinta sheekooyinka, dhageysiga muusiga, barashada waxyaalo cusub ee carruurtaada afgaaga. Waa maxay faa’iidooyinka barashada labada af? Garashada in kabadan hal af waa xirfad la qiimeeyo, laguguna dhiirigalinayo. Cilmi-baadhis ayaa muujisay in caruurtu markay sii wado inay bartaan afgii ay u dhesheen,aanay taasi dhibaato u keeneyn barashad afga ingiriisiga – ay waxbarashadaa u fududeynayso! Qaar kamida faa’iidoyinka aqoonta laba af waa: Garasho: Sidda kaliya ee lagu xaqiiqsanayo guusha waxbarshadu iyo korriinka garaadku waa in waalidka iyo caruurtu ay iskula hadlaan luuqadda ay si fiican u yaqaanaan. Sidoo kale ciyaalka laba luuqadood yaqaan waxay leeyihiiin maskax aad u furfuran waxayna u iscmaalaan xirfadahan faa’iidooyinkooda xisaabta. Xagga Tacliinta: Ardayda barata ingiriisiga siina wada inay hore u- mariyaan luuqadooda dhaladka ah way ka waxbarasho fiican yihiin kuwa ka dhigta ingiriiska luuqadoodii koowaad. Aad ayay u fududahay inaad ku barto ku akhrido luuqad aad hore u qiin. Marka aad akhriyi karto luuqad, way fududahay inaad barato akhrinta luuqad kale. Shakhsi ahaan: Afga(luqada) koowaad ee ilmuhu waxay muhiin u tahay aqoonsigiisa. Sii wadida si loo kobciyo luuqaddan waxy ka cawiysaa ilmaha qiimaynta dhaqankiisa iyo hiddihiisa. Bulsho ahaan: Marka la joogteeyo luuqadda dhalasho, waxa la dhawray oo la xoojiyay xidhiidhadii muhiimka ahaa ee qoyska iyo xubnaha kale ee bulshada. Dhaqaale: Baahida shaqaale laba luuqadood yaaqaana dhammaan aduunka oo dhan way sii kordheysaa. Awooda lagu hadlayo, akhriyayo ee lagu qorayo laba ama wax ka badan oo luuqadood waa faa’iido aad u weyn suuqa shaqada. Ilaha: If Your Child Learns in Two Languages by Nancy Zelasko and Beth Antunez (U.S. Department of Educaon’s Office of Bilingual Educaon and Minority Languages Affairs, August 2000) Odhaahda Himilada Bartyaasha Luuqadda Ingiriisigu waxay gaadhi-doonaan heerarka gobolku rabbo, waxayna ku kobcin doonaan aqoonta luuqadda Ingiriisiga bey’ad luuqadda iyo dhaqankaba loo aqoonsan yahay inay qiime u leeyihiin waxbarashada. Barnaamijka Tacliinta Laba Luuqadood Xafiiska Maamulaha Guud ee waxbarashada Dadwaynaha Barashada Ingiriisiga dugsiyda Washington: Waxa loo baahan-yahay waalidku inuu ogaado Somali Wax badan ka baro: www.k12.wa.us/MigrantBilingual

Washington waxay qiimaysaa dadka ku hadla laba af Ma taqaan › UserFiles › Servers... · marka hore kala hadlaa go’aankan maamulaha kaa soo isna u sharxi doonaa faa’idooyinka

  • Upload
    others

  • View
    1

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Washington waxay qiimaysaa dadka ku hadla laba af Ma taqaan › UserFiles › Servers... · marka hore kala hadlaa go’aankan maamulaha kaa soo isna u sharxi doonaa faa’idooyinka

Migrant and Bilingual EducationOffice of Superintendent of Public InstructionOld Capitol BuildingPO Box 47200Olympia, WA 98504-7200360-725-6147

Randy I. DornMaamulaha Guud ee

Gobolka

Ma taqaan …

• Boqolkiiba sagaal ardayda Gobolka Washington waxay ka qaybqaataan barnaamijyada Ingiriisiga lagu barto. Waxa loo jeedaa 98,472 ayaa jira, oo matalaya 208 luuqadood.

• Isbaanishku waa luuqadda koowaad ee ay ku hadlaan 67 boqolkiiba ardayda baranaysa Ingiriisiga. Boqolkiiba sagaal iyo toban waxay ku hadlaan afafka Ruushka, Fiitnaamka, Soomaaliga, Yukreeyn, Jayniis, Kuuriyaan, Taagaloog, ama Carabi.

• Badanka ardayda uu u adeego Barnaamijka Kumeel Gaadh ahaan Barista Laba Luuqadood waxa la qoray dugsiga hoose (53 boqolkiiba sannad dugsiyeedka 2010-2011).

• Xiitaa ardayda u muuqata inay ku fiican yihiin, waxa dhici karta inay wali u baahan yihiin taageero kobcinta xirfadaha luuqadda lama huraanka u ah guulaysiga dugsiga. Cilmi-baadhis ayaa muujisay in kasbashada Ingiriisiga “tacliineed”, heerka loo baahan yahay inuu qofku kaga qaybqaato baris Ingiriisi ah caawimo la’aan, ay qaadato afar ilaa toddoba sano si uu u kobco.

• Gobolku wuxuu xisaabiyaa Kasbashada Ujeedooyinka la Cabbiri karo ee Sannadlaha ah (AMAO – Annual Measurable Achievement Objectives) ee degmooyinka. AMAO 1 waxay cabbirtaa korodhka sannadkii ee tirada ama boqolkiiba carruurta samaynaysa horumar barashada Ingiriisiga. AMAO 2 waxay cabbirtaa tirada ama boqolkiiba inta carruurta Ingiriisiga ku fiicnaanaysa. AMAO 3 waxay cabbirtaa tirada ama boqolkiiba ardayda Ingiriisiga baranaysa kuwaasoo gaadhay heerar tacliineed akhrinta iyo xisaabta kusalaysan qiimaynta gobolka.

Wax ka waydii dugsigaaga natiijooyinka degmadaada ama onlayn ku arag adoo booqanaya http://reportcard.ospi.k12.wa.us/WLPTAmao.aspx.

Washington waxay qiimaysaa dadka ku hadla laba afDadaalkaaga si aad uga caawiso carruurtaadu inay bartaan afgaaga koowaad si fiican waa muhiim. Sii wad kula hadalka, ugu sheegista iyo ugu akhrinta sheekooyinka, dhageysiga muusiga, barashada waxyaalo cusub ee carruurtaada afgaaga.

Waa maxay faa’iidooyinka barashada labada af?Garashada in kabadan hal af waa xirfad la qiimeeyo, laguguna dhiirigalinayo. Cilmi-baadhis ayaa muujisay in caruurtu markay sii wado inay bartaan afgii ay u dhesheen,aanay taasi dhibaato u keeneyn barashad afga ingiriisiga – ay waxbarashadaa u fududeynayso!

Qaar kamida faa’iidoyinka aqoonta laba af waa:• Garasho: Sidda kaliya ee lagu xaqiiqsanayo guusha

waxbarshadu iyo korriinka garaadku waa in waalidka iyo caruurtu ay iskula hadlaan luuqadda ay si fiican u yaqaanaan. Sidoo kale ciyaalka laba luuqadood yaqaan waxay leeyihiiin maskax aad u furfuran waxayna u isticmaalaan xirfadahan faa’iidooyinkooda xisaabta.

• Xagga Tacliinta: Ardayda barata ingiriisiga siina wada inay hore u- mariyaan luuqadooda dhaladka ah way ka waxbarasho fiican yihiin kuwa ka dhigta ingiriiska luuqadoodii koowaad. Aad ayay u fududahay inaad ku barto ku akhrido luuqad aad hore u tiqiin. Marka aad akhriyi karto luuqad, way fududahay inaad barato akhrinta luuqad kale.

• Shakhsi ahaan: Afga(luqada) koowaad ee ilmuhu waxay muhiin u tahay aqoonsigiisa. Sii wadida si loo kobciyo luuqaddan waxy ka cawiysaa ilmaha qiimaynta dhaqankiisa iyo hiddihiisa.

• Bulsho ahaan: Marka la joogteeyo luuqadda dhalasho, waxa la dhawray oo la xoojiyay xidhiidhadii muhiimka ahaa ee qoyska iyo xubnaha kale ee bulshada.

• Dhaqaale: Baahida shaqaale laba luuqadood yaaqaana dhammaan aduunka oo dhan way sii kordheysaa. Awooda lagu hadlayo, akhriyayo ee lagu qorayo laba ama wax ka badan oo luuqadood waa faa’iido aad u weyn suuqa shaqada.

Ilaha: If Your Child Learns in Two Languages by Nancy Zelasko and Beth Antunez (U.S. Department of Education’s Office of Bilingual Education and Minority Languages Affairs, August 2000)

Odhaahda HimiladaBartyaasha Luuqadda Ingiriisigu waxay gaadhi-doonaan heerarka gobolku rabbo, waxayna ku kobcin doonaan aqoonta luuqadda Ingiriisiga bey’ad luuqadda iyo dhaqankaba loo aqoonsan yahay

inay qiime u leeyihiin waxbarashada.

Barnaamijka Tacliinta Laba LuuqadoodXafiiska Maamulaha Guud ee waxbarashada Dadwaynaha

Barashada Ingiriisiga dugsiyda Washington:

Waxa loo baahan-yahay waalidku inuu ogaado

Somali

Wax badan ka baro: www.k12.wa.us/MigrantBilingual

Page 2: Washington waxay qiimaysaa dadka ku hadla laba af Ma taqaan › UserFiles › Servers... · marka hore kala hadlaa go’aankan maamulaha kaa soo isna u sharxi doonaa faa’idooyinka

Degmo dugsiyeedyadu waa inay hubiyaan in ardayda aan si fiican af ingiriisiga u aqoon, ay awoodaan inay uga qaybqaataan si buuxda dugsiga oon loo diidin helista fursadaha waxbarasho ee loo siman yahay. Maadaama aqoonta iyo isticmaalka Ingiriisiga ee si fiican ay lama huraan u tahay guusha dugsiga, waa muhiim in ardayda u baahan caawimo dheeraad ah barashada Ingiriisiga ay helaan caawimada ay u baahan yihiin.

Barnaamijyada isticmaalka luqadda waxa looga baahan yahay in:• Aragti tacliineed oo fiican• Fulin waxtar leh• Beddelid iyo qiimayn barnaamijCasteñeda v. Pickard, 648 F. 2d 989 (5th Cir. 1981)

Sidee ardaydu mutaysankaraan barnaamijka kobcinta luuqadda Ingiriisiga degmada? Marka ardaydu is qoraan dugsiga, waalidka waxa la waydiiyaa “Ilmahaagu ma ku hadlaa luuqad aan Ingiriisiga ahayn?” Hadday jawaabtu tahay “haa”, ardaygu wuxuu qaataa Imtixaanka Meelaynta ee Qiimaynta ku Fiicnaanshaha Luuqadda Ingiriisiga Washington (WELPA). Ardayda keenta Heerka 1 (bilawga), 2 (dhexe), ama 3 (sare) Imtixaanka Meelaynta waxay u qalmaan caawimo dheeraad ah si ay u horumariyaan Ingiriisigooda.

Intee in leeg ayey ardaydu helayaan adeegyada barnaamijka kobcinta luuqadda Ingiriisiga degmada?Ardaydu waxay sii wadanayaan barnaamijka ilaa intay u baahan yihiin caawimo Ingiriisiga ah. Imtixaanka Sannadlaha WELPA ayaa la bixiyaa si loo cabbiro korodhka ardayga ee aqoonta luuqadda Ingiriisiga iyo xirfadaha akhrinta, qorista, dhageysiga, iyo hadalka. Dhibicda Heerka 1,

2 ama 3 ee WELPA wuxuu go’aamiyaa in ardaygu sii wadan doono barnaamijka. Ardaydu si guul leh ayey uga wareegaan barnaamijka marka ay buuxiyaan shuruudda ka bixista WELPA.

Waa maxay Barnaamijka Kumeel Gaadhka ah ee wax lagu barto Laba Luuqadood iyo Cinwaanka III?Barnaamijka ku meel-gaadhka ah ee wax lagu barto laba Luuqadood waxa maalgaliyey gobolka Washington, barnaamijka Cinwaanka III na waxa maalgalisey dawladda dhexe. `ujeedada labaduba waa in ardaydu kobciyaan aqoontooda luuqadda Ingiriisiga iyagoo dhinaca kalena kobcinaya tacliinta fasal ahaan.

Maalgalinta Barnaamijka Kumeel Gaadh ah ee Barista Laba Luuqadood iyo Ciwaanka III waxa lagu bixin karaa waxyaalaha sida mushaharka macalimiinta, horumarinta xirfadda iyo tabobaridda macalimiinta, qalab ka caawiya ardayda barashada Ingiriisiga, ka qeybgalista waalidka, iyo waxqabadyada qorista/akhrinta, iyo waxbarashada ka baxsan tacliinta maalintii lagu qaato dugsiga ee caadiga ah, tarjumid, iyo afcelin, ugaara barnaamijka.

Waa maxay Barnaamijka Kumeel-Gaadhka ah ee Barista Laba Luuqadood?“Barnaamijka Kumeel Gaadh ahaan Barista Laba Luuqadood” micnihiisu waa nidaam waxbaris kaa soo:• Isticmaala laba luuqadood, oo midi yahay Ingiriisi, waana jid waxbaris

si loo dhiso, loona ballaadhiyo xirfadaha luuqadda si ay awood u siiso ardayga inuu ka kasbado awood Ingiriisiga;

• Bara fikradaha iyo aqoonta luuqadda koowaad ee arday, halka ardaygu sidoo kale uu helayo xirfado luuqadda Ingiriisga ah.

• Tijaabiya ardyda waxa lagaga hadlayo Ingiriisiga.

Cilmi-baadhis ayaa muujisay in ardayda ka baranaya Ingiriisiga barnaamijka barista laba luuqadood ay uga fursad badan yihiin inay tacliin ahaan guulaystaan wakhtiga fog marka la barbardhigo kuwa barnaamiyada Ingiriisi kaliya.

Degmooyinka aan lahayn mugga ay ku bixinayaan barista laba luuqadood waxay ku caawin karaan ardaydu inay Ingiriisiga ku bartaan waxbarshada la ilaashay. Barista la Ilaashay waa qaab baris habab xeeladaysan kuwaasoo ka dhigaya fikradaha tacliineed qaar la fahmi karo inta sare loo qaadayo koboca luuqadda Ingiriisiga ardayga.

Waalidku xaq ma u leeyihiin inay joojiyan adeegyada?Haa, waalidku waxay dooran karaan inay ka saaraan carruurtooda barnaamijka kobcinta luuqadda Ingiriisiga. Laakiin, waalidku waa inuu marka hore kala hadlaa go’aankan maamulaha kaa soo isna u sharxi doonaa faa’idooyinka ka qaybqaadashada barnaamijka. Waalidku sidoo kale waa inay wax ka waydiiyaan barnaamijyada iyo qaababka barista degmada laga helo. Waalidku wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto barnaamijka ama hab kale oo baris, hadday jirto.

Maxay tahay waalidku inuu ku lug yeesho waxbarashada carruurtooda?Ka qeyb-qaadashada qoyska ayaa ah arrinta muftaaxa u ah horumarka howl-qabadka waxbarashada ardayga.

Markay qoysasku xiriir la leeyihiin dugsiga, waxay cilmi baaristu muujineysaa in faa’iidada ardaydu helaan tahay:• Buundo (GPA) Sarreysa• Is-qoritaan casharo badan oo

adag• Immansho dugsi oo fiican• Dabacooda oo fiicnaada• Xirfado dad-la-socod oo

sii-fiicnaaday

Sidee waalidku ugu lug yeelan karaa barnaamijka kobcinta luuqadda Ingiriisiga degmada?Degmooyinka waxa laga rabaa inay ku wargeliyaan waalidka sida ay ku noqon karaan kaqaybqaatayaal firfircoon kaalmaynta barashada carruurtooda Ingiriisiga, si ay u kasbadaan heer sare maadooyinka muhiimka ah, iyo inay la kulmaan heerar tacliineed oo isku mida kuwaasoo ardayda oo dhan laga filo inay buuxiyaan.

Degmooyinku waa inay ka codsadaan waalidku inuu fikrado ku darsado barnaamijka ama qaabka barista laga isticmaalo barnaamijka kobcinta luuqadda Ingiriisiga iyo qorshaha Ciwaanka III ee degmada.

Degmooyinka qaar waxay u isticmaalaan maalgalinta Ciwaanka III ama Barnaamijka Kalaguurka Barista Laba Luuqadood si ay u siiyaan tabobar waalidka meelaha sida isticmaalka kombiyuutarka, hogaaminta, Ingiriisiga luuqadda labaad ahaan, caawinada shaqo guri, ama barashada hawlo si aad uga qabato guriga.

Sidee waalid aan ku hadal Ingiriisigu ugu lug yeelan karaa?Waydii degmadu inay ku siiso tarjumaan kulamada dugsiga iyo inay kugu siiso dokumentiyada qoran ee muhiimka ah luuqadda aad fahmi karto. Degmo dugsiyeedyada ayaa ka masuul ah inay la xidhiidhaan waalidka xirfado Ingiriisi oo xadidan leh.

Deeq sawir ee Degmo Dugsiyeedka Mercer Island

Xaadir kulamada degmada kagana jawaab codsiyada soojeedimo. Fikradahaagu waxay horumarin doonaan adeegyada loo qabto carruurtaada iyo qoyskaaga!

Degmooyinka ma laga rabaa inay caawiyaan ardaydu inay Ingiriisiga bartaan?