Xuquuqdaada Bukaan Iyo Qoys iyo Mas’ · PDF fileXuquuqdaada Bukaan Iyo Qoys iyo Mas’uuliyadahaaga Your Patient and Family Rights and Responsibilities / Somali

  • Upload
    vunhan

  • View
    249

  • Download
    15

Embed Size (px)

Citation preview

  • Xuquuqdaada Bukaan Iyo Qoys iyo Masuuliyadahaaga

    Your Patient and Family Rights and Responsibilities / Somali

  • Waxaan ka ballan-qaadaynaa daryeel tayo leh, oo bukaanka iyo qoyska ku takhasuseeya. Adiga iyo qoyskaaga ayaa ah xubnaha kooxda daryeelka, oo waa kuwan waxaad filaneyso markaad annaga daryeel naga heleyso.

    Si aan ixtiraam kuu tusno annaga ayaa: Kuu sheegi doona kuwa aan annagu nahay iyo kaalintayda daryeelkaaga.

    Inaan ku siino daryeel dhowrta sharaftaaada iyo asturnaantaada isla markaa iyaga oo dhaqankaaga iyo qiyamkaaga shaqsi la ixtiraamayo.

    In loo hayo diiwaanka caafimaad iyo wada hadallada ku saabsan daryeelkaaga iyo macluumaadka qoyska si gaar ah.

    Tallaabooyin ka qaadi doona si aad uga reysato xanuunka ku haya iyada oo loo isticmaalo dawooyin iyo ficillo kale oo naaqusa xanuunka.

    Waxaan ku siin doona daryeel ammaan ku leh goob xasilloon kana madaxbannaan tacaddi, daayac ama dhibaatayn, iyada oo marin loo helo adeegyada ilaalinta.

    Inaan la isticmaalin xakamayn iyo faquuqid ama xaddid wada xidhiidh laga reebo markaan ugu baahannahay daryeelka iyo ammaanka bukaanka, sid u sharcigu oggol yahay.

    Si aan idiin taageerno adiga iyo qoyskaagaba annaga ayaa: Isku dayi doona sidii aan ugu wargalin lahayn xubin qoys ama qof aad

    magacaabato marka isbitaalka lagu dhigo.

    Waxaan soo dhawayn doona booqdeyaasha aad rabto:

    Waalidiinta, masuuliyiinta sharciga ah, seyga/afada, rafiiqyada guri (oo ay ka mid yihiin rafiiqyada guri ee isku jandarka ah) ayaa adiga wakhti kasta kula joogi kara. Meel ayaan siin doonaa midkood ama qof qaangaar ah oo ay magacowdaan si u qofkaasi u habeenkii goobta u kuula dhaxo.

    Xubnaha qoyska iyo saaxiibbada ayaa soo booqan kara 8 a.m. illaa 8 p.m.

    Waad diidi kartaa booqdeyaasha wakhti kasta.

    Waxa laga yaabaa inaan u xannibno ama xaddidno booqdeyaasha sababo dawaynta ku lug leh sida halis infekshin ama goobta oo xaddidan ama ammaanka awgeed.

    Uguma xannibno ama xaddino ama uma diidno booqdeyaasha iyada oo salka ku haysa jinsiyad, midab, qaran ka soo jeed, diin, lab/dheddig, jandar mid isku haysasho, dhinac u jeed isku-tag ama naafanimada.

    In laguu siiyo marin naafanimo dhismeyaashayada.

    2

  • Si macluumaadka bayaan aan ugu dhigno annaga: Ayaa kaala shaqayn qorshahaaga daryeel oo aan kuugu sharraxi

    natiijooyinka iyo xulashooyinka dawaynta hab aad fahmi karto.

    In la siiyo tarjumaadda bukaannada maqal laaanta ah iyo kuwa maqalku ku adag yahay ama kuwa aan ku hadlin Ingiriisiga, xubnaha qoyska iyo wakiillada sharciyeed lacag laaan. Waxa kale oo aan macluumaadka uga dhigi karna in la heli karo iyaga oo qaababa kale ah, haddaad weyddiisato.

    La xiriir daryeel bixiyehaaga hore. Waxa taas ka mid ah ugu wargalinta bixiyehaaga si dhakhso leh dhigidda isbitaalka iyo isbeddellada kale ee mihiimka ah ee daryeelka.

    In lagu baro daryeelka ku daba-xiga ee aad u baahan doonto kahor inta aadan tagin guriga ama meel kale laguu wareejin.

    Inaad ku xidhanto kheyraadka beeshaada looguna talagalay daryeelkaaga.

    In lagaa caawiyo sidii aad u heli lahayd diiwaankaaga caafimaad haddaad weyddiisato.

    Inaan ku siino Ogeysiiskayaga Dhaqannada Asturnaanta oo sharraxaysa sida aan u istcimaalno macluumaadkaaga iyo waxa ku saabsan xuquuqdaada macluumaadka caafimaad.

    Inaan ku siino nuqulah Ariimaha Ku Saabsan Biilkaaga Isbitaal taas oo ka jawaabaysa qaarkood suaalaha ugu badan ee ku saabsan biilasha.

    In laguu sharraxo sidaad u codsan karto gargaarka lacageed xitaa haddaad leedahay caymis.

    Inaad wax ka kala dooran karto daryeelkaaga. Waxa dhici karta inaad: Hesho macluumaadka ku saabsan kala doorbidka dawaynta iyo

    dhibaatooyinka suurtagalka ah si aad ugu samayso xulasho warqab ah arrimaha daryeelka, kuwaas oo ay ka mid yihiin diiditaanka daryeelka sida u sharcigu oggol yahay.

    Inaad dooran karo inuu xubin shaqaale dheeraad ahi qolka kula joogo marka la wado barritaanka ama habraacyada.

    Inaad doorato ama diido inaad ka qaybgasho masharuuca cilmi-baaris. Goaankaagu wax saamayn ah kuma yeelaneyso daryeelka aad hesho.

    Weyddiiso la-talinta qiyamka markay jiraan arrimo daryeel aan kuu caddayn ama kugu adag.

    Weyddiiso adeegyada diinta ama caqiidada.

    Inaad yoolal u dejisato daryeelkaaga sakaraadka. Haddaad tahay 18 jir ama aad ka weyn tahay, waxaan kuu fidineynaa macluumaadka ku saabsan dardaaranka horumarsan marka isbitaalka lagu dhigo.

    Ka fikir arrimaha loo kala dooran karo xubnaha iyo unugyada ku deeqitaankooda.

    3

  • Maadama aan shuraako ku nahay daryeelkaaga, adiga waxaan ku weyddiisanaynaa inaad: Naga caawi sidii aan adiga, qoysaska kale, iyo shaqaalahaygaba aan u

    badbaadin layn adiga oo:

    Noo sheega isla markaaba haddaad wax welwel ah ka qabto badbaadada ama aad dareento inuu daryeelkaagu halis ku jiro.

    Raaca xeerarka Childrens ee ku wajahan booqashada; isticmaalka khamriga, tobaakada, iyo duroogada kale; iyo haysashada hubka.

    Weyddiiya suaalo iyo adiga oo ka qaybqaata goaannada ku saabsan daryeelkaaga, taas oo ay ka mid tahay kala doorbidka xanuun biyeyaasha.

    Nala wadaaga macluumaadka buuxa ee saxda ah ee ku saabsan sooyaalka caafimaadkaaga iyo dawayntaada.

    Raaca qorshaha dawaynta guriga ama adiga oo noo sheega inaadan raaci karin qorshaha.

    Ballmaha oofiya am anoo soo sheega haddii aadan iman karin.

    Ixtiraam xuquuqda dadka kale.

    Raacdo shuruudaha caymiskaaaga caafimaadka sida u helitaanka oggolaansho kahor qalliin ama ballan.

    Wixii faaallo ama Welwel Ah ee jira Waxaan rabnaa inaan idiin siino daryeelka idiinku fiican adiga iyo qoyskaagaba. Talooyinkgaaga ayaa naga caawin doona sidii aan u horumarin lahayn adeeggayaga. Waa kuwan siyaabaha aad nagu siin karto fikradahaaga:

    La hadal kaaliyahaaga caadimaad. Haddii kalkaaliyaha caafimaad u ku caawin kari waayo, weyddiiso inaad la hadasho kalkaaliyaha ama maamulaha meesha haysta.

    Uga wac xiriirinta bukaanka iyo qoyska taleefanka 206-987-2550 ama 1-866-987-2000 (lacag-laaan). Ama, haddaad jeceshahay inaad kula hadasho qof luqaddaada, u wac Khadka Turjumaadda Taleefanka Qoyska taleefanka 1-866-583-1527 oo weyddiiso turjumaan kugu xiro 206-987-2550.

    Buuxi kaarka rayiga oo sii xubin shaqaale. Kaararka waxa laga helaa isbitaalka iyo dhammaan goobaha rugta caafimaad.

    Tag internetka barta ku taal: www.seattlechildrens.org/familyfeedback Iimeyl: [email protected]. U qor:

    Seattle Childrens HospitalPatient and Family RelationsPO Box 5371, RB.7.420Seattle, WA 98145-5005

    4

  • 5

    Adiga oo ugu waca ama u qora Xiriirka Bukaanka iyo Qoyska arrimaha cabashadaada ku saabsan, waxaa filan kartaa garawsiga helitaanka arrintaada gudaheeda 7 maalmood. Haddan u baahano wakhti dheeraad ah, waxaan ku siin doonaa taariikhda qiyaasta ee aad ku heli doonto jawaabta ugu dambeysa.

    Sida loo xereeyo cabashada waxa ka baxsan ChildrensWaxaad ugu xerayn karta cabasho si toos ah Waaxda Caafimaadka Gobolka Washington:

    Adiga oo u waca 1-800-633-6828 ama 360-236-4700

    Adiga oo u qora:HSQA Complaint IntakePO Box 47857Olympia, WA 98504-7857

    Iimayl ahaan: [email protected]

    Waxa kale oo aad waliba la xidhiidhi kartaa Daryeelcaafimaadka DNV GL, oo ah koox kale oo annaga na xukunta:

    Adiga oo u waca 1-866-496-9647

    Adiga oo u qora:ATTN: Hospital Complaints400 Techne Center Drive #100Milford, OH 45150

    Iimayl ahaan: [email protected]

  • 6

    Kala takoorka ayaa sharciga ka soo horjeedaSeattle Childrens ayaa u hoggaansan sharciyada federaalka iyo kuwa kalee madaniga ah ee khuseeya arrinta oo aan ku kala takoorin, aan ku kala soo soocin oo aan ula dhaqmin si duwan dadka iyada oo ku saleysan isir, midab, diin (caqiido), jinsi, isku aqoonsi ama muujin lab ama dheddig ahaan, u jeed jinsi, asal qowmiyad (abtirsiin), da, naafanimo, ama heer kale oo ay dhowraan sharciyada federalka, gobolka ama deegaanka ee arrinta khuseeya.

    Gargaaro iyo adeegyo bilaash ah oo loogu talagalay dadka naafanimada qabaSeattle Childrens ayaa bixisa waxyaabahan gargaar ah iyo adeegyadan lacag laaan ah si looga caawiyo dadka naafada ah, matalan bukaanka iyo daryeel-bixiyeyaasha ah, inay si wax ku ool leh noola soo xiriiraan annaga:

    Turjumaanada luqadda calaamadda oo xirfad sharciyaysan leh Macluumaad qoran oo qaabab kale ah (tus., daabac far waawayn,

    maqal, qaabab elektaroonig oo marin u hel leh)

    Adeegyo Luqado lacag laaan ahSeattle Childrens ayaa siisa adeegyadan luqadda lacag laaan dadka, oo ay ka mid yihiin bukaannada iyo daryeel-bixiyeyaasha, aanay luqaddooda hore ahayn Ingiriisi:

    Turjumaanno xirfad sharciyaysan leh Macluumaad ku qoran luqado kale

    Haddii aad u baahan tahay adeegyadan, u sheeg qofka adiga ku caawinaya inaad u baahan tahay gargaar, ama kala xiriir Xarunta Ilaha Qoyska telefoonka 206-987-2201.

    Cabashooyin?Xiriiryada Bukaanka iyo Qoyska Seattle ChildrensHaddii aad aamminsan tahay inay Seattle Childrens ka gaabisay inay bixiyaan adeegyadan ama kugu takooreen si kasta ha ahaatee, waxaad xerayn kartaa cabasho rasmi ah (wax ka sheegasho) Xiriiryada Bukaanka iyo Qoyska:

    Telefoonka/Turjumaanka: 206-987-2550 ama 1-866-987-2000 (lacag-laaan). Markaad rabto turjumaan, wac 1-866-583-1527 oo weyddiiso turjumaanka in uu kugu xiro 206-987-2550.

    Onlayn: www.seattlechildrens.org/familyfeedback

    Iimayl: [email protected]

  • 7

    Boostada: Seattle Childrens Hospital M/S RB.7.420 PO Box 5371 Seattle, WA 98145-5005

    Haddii aad u baahan tahay inaad xerayso cabasho rasmi ah (wax ka sheegasho), ka wac Xiriiryada Bukaanka iyo Qoyska lambarka korka ku yaal oo qof ayaa ku caawin doona.

    AMAWaaxda Dawladda M