9
Kobaca Dhagaalaha Dalka By: Daud Dahir

Economic Growth of a Country Depends on the Following

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Economic Growth of a Country Depends on the Following

Kobaca Dhagaalaha Dalka

By: Daud Dahir

Page 2: Economic Growth of a Country Depends on the Following

Kobaca Dhagaalaha Dalka

Waxyaabaha lagama maarmaanka u ah in dhaqaalaha wadanku kor ukaco waxaa kamid ah:

Page 3: Economic Growth of a Country Depends on the Following

Cududa iyo Khayraadka Aadmiga (Human Resource)

Waa mid kamid ah Qoddobada ugu muhiimsan eego’aamiya heerka koboca dhaqaalaha dalka,Tirada, tayada iyo sidoo kale Aqoonta xirfada iyo Waayo aragnimada ay leeyihiin Dadka dalka ayaa qayb wayn ka ah Kobaca dhaqaalaha.Hadii dadka dalkaas ay yihin kuwo u saaxiib ah Tayo ,Aqoon, Xirfad iyo Waayo aragnimo waxa ay sahlaysaa in dalkaas dhaqaalihiisu kor ukaco. Si lamid ah sidaas hadii dalka dadka ku dhaqan aysan lahayn tayo wacan, tiro badan, Aqoon iyo xirfad fiican waxa ay sabab unoqonaysaa in dalkaas dhaqaalihiisu hoos udhaco.

Page 4: Economic Growth of a Country Depends on the Following

Khayraadka Rabbaaniga ah (Natural Resources)

Khayraadka Rabbaaniga ah waxaa kamid ah Baddaha, Nooca dhul; hadii uu yahay mid ku haboon beerasho, xoolo Daaqeen, Deegaan, Buuralay, Wabiyada, Biyaha iyo Macaadinta kale ee dhul laga helo sidoo kale cimilada dalku waa Khayraad Rabbaani ah, iyo Muhiimada koowaad oo ah halka uu ku yaal dalku.Wadanba wadanka uu kaga fiican yahay dhanka khayraadka rabbaaniga ah waa ka dhaqaale fiican yahay

Page 5: Economic Growth of a Country Depends on the Following

Tusaale ahaan Soomaaliya waxa ay ku taal Meel muhiim u ah Aduunka oo idil Marka laga fiiriyo Dhanka Gacansiga Caalamiga, Marin biyoodka ay dhacdo, Istiraatiijida Ciidan, Isdhex galka iyo Kulanka Diimaha ee geeska Africa Waxaa la oron karaa Waxay dhacdaa meel Muhiim ah waxa ayna leedahay Khayraad Rabbaaani ah sida Bado, Wabiyo, Togog, Dhul beereed, Xeebta labbaad ee Africa ugu dheer, dhul buuralay ah oo macaadin ka buuxdo, shidaal iyo Naafto, Xoolo kale Duwan, iyo inkale oo ka badanWadanba wadanka uu kaga fiican yahay dhanka khayraadka rabbaaniga ah waa ka dhaqaale fiican yahay

Page 6: Economic Growth of a Country Depends on the Following

Hantida Dalka (Capital):

Tan Macnaheedu waxa weeyaan xaddiga uu gaarsiisan yahay kaabayaasha dhaqaale ee dalku sida Wadooyinka, Dhul ku haboon Ganacsiga, Isgaarsiinta, Tamarta, iyo Dhamaan qalabka la isticmaalo ee ah kan bini aadmigu sameeyey (Manmade Resources).Wax soo saarka iyo kobaca dhaqaale ee wadanku waxa uu ku xiran yahay xaddiga uu gaarsiisan yahay Kaabayaasha dhaqaaluhu sababtoo ah wadanba kan uu kaga horeeyo xaga isgaarsiinta ama wadooyinka waxa uu kaga horeeya dhaqaalaha Tusaale ahaan Wadanka Germany waxa uu ka horeeyaan dhaqaale ahaan Dalka Ethiopia oo ka dhul wayn kana dad badan dhanka Khyraadka Rabbaaniga ahna kaga horeeya, sababtuna waxa ay tahay Dalka Germany waxa uu Ethiopia kaga horeeya Kaabeyaasha Dhaqaalaha

Page 7: Economic Growth of a Country Depends on the Following

Aalada tiknoloyida (Technology):

Aalada Technologiyada ayaa ah aalad loo isticmaalo hawl fududays, Waxayna kor uqaadaa wax soo saarka iyo iyada oo si wacan uga faaiidaynaysa khayraadki lahaystay.Aaladaan ayaa ka caawisa wadamada ku horeeyaa inay kor uqaado wax soo saarkood, Yarayso Dayac ku imaan lahaa Hantida iyo khayraadka lahaysto sidoo kale ka kaafida kharashaad badan oo ku bixi lahaa shaqaale si lamid ah sidaas aaladaani waxay meesha ka saarta daahitaanki ku imaan lahaa wax soo saarka iyo shaqada.Si kooban wadanba kan uu uga horeeyo isticmaalka aaladaan waxa uu kaga dheereeyaa tartanka kobaca dhaqaale ee dunida ka jira.

Page 8: Economic Growth of a Country Depends on the Following

Xaalada Bulsho iyo Siyaasadeed ee dalku ku jiro (Political and social Factor)

Labadaani waxay door muhiim ah ka qaataan kobaca dhaqaale ee wadanka, Xaaladaha bulsho ahaaneed waxaan ula jeedna Dhaqanka, hidaha, Qiyamka iyo Wax yaabaha dadkaasi aaminsan yihiin taas oo door muhiim ah ka dheesha Kobaca dhaqaale ee dalka.Dhanka kale Xaalada daganaansho ee dalku uu jiro waxa ay kor uqaada dhaqaalaha dalka iyadoo u furta dhaqdhaqaaqa gacansiga caalamiga ah iyo maalgashiga shisheeye iyo in wadanku uu awood uyeesho saxiixa heshiisyo ganacsi caalami ah.

Page 9: Economic Growth of a Country Depends on the Following

Gunti iyo Gunaanadki Hadaba Akhriste markaas intaas oo dhan akhrisid ka dib waxaad hoosta ka xariiqdaa:Maxaan Maanta Haysanaa?Maxaa naga dhiman?Seen ku gaari karnaa?Iyo yaan tusaale ka dhiganaa oo Tubtii ay mareen marnaa si dhaqaalaheenu kor ugu kaco?  W/Q: Daud D HassanEmail: [email protected]