28
Islamic University C.C. Muumin 1 Barashada Cilmiga Dhaxalka Casharka Afaraad

Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 1

Barashada Cilmiga

DhaxalkaCasharka Afaraad

Page 2: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 2

THULUTHAANKA (2/3) KUWA WAX KU DHAXLA

SUDUSKA (1/6) KUWA WAX KU DHAXLA

THULUTHKA (1/3) KUWA WAX KU DHAXLA

Cashaka Afaraad wuxuu ka kooban yahay:-

Page 3: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 3

THULUTHAANKA (2/3) KUWA WAX KU DHAXLAWaxaa wax ku dhaxla Thuluthaanka:-1.Laba Gabdhood iyo wax ka badan, waxaana loo shardiyaa inaysan jirin cid casabeysa (Wiil).2.Laba Gabadha – Wiilka iyo wax ka badan, waxaana loo shardiyaa:

In aysan jirin cid casabeysa (Wiilka Wiilkiisa).In aysan jirin Ilmo uu dhalay qofka dhintay (Wiil,

Gabadh),3.Labo Walaasha Aabe Hooyo iyo wax ka badan, waxaana loo Shardiyaa:-

In aysan jirin cid casabeysa (Walaalka Aabe Hooyo, Awoowe).

In aysan jirin farac wax dhaxla oo uu ka tagay qofka dhintay.

In uusan jirin Aabe.4.Labo Walaasha Aabe iyo wax ka badan, waxaa loo shardiyayaa:-

In aysan jirin cid casabeysa.In aysan jirin farac wax dhaxla.In uusasn jirin Aabe.

In uusasn jirin Awoowe..

Page 4: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 4

F.G: Sidaad aragtidba kuwa Thuluthaanka wax ku dhaxla waa kuwii Nuska wax ku dhaxlayay oo laga Reebay Ninka loona shardiyay inay ahaadan laba ama wax ka badan

Tusaale (1): Waxaa laga dhintay 2Gabdhood iyo Walaal Aabe

2/3

3

2 Gabdhood 2

C Walaal Aabe 1

Caddeyn: Asalka Mas’alada waa 3 waayo waxaa jooga cid leh 2/3 oo ah labada gabdhood, waxayna qaateen thuluthaankooda oo ah labo, halka soo haryna Walaalka ayaa ku qaatay casabanimo

Page 5: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 5

Tusaale (2): Waxaa laga tagay saddex Gabadha-wiilka ah iyo Adeer.

2/3

9

3Gabadha-wiilka 6

C Adeer 3Caddeyn: Asalka mas’alada waa seddax waayo waxaa jooga cid leh thuluthaan oo ah seddexda gabdhaha wiilka, waxayna qaateen thuluthaankooda oo ah 2, halka soo harayna waxaa Casabanimo ku qaatay Adeerka.Eeg, Gabdhaha Wiilka waa 3, waxay heleenna waa 2, labana seddex ruux uma qeybsanto iyadoon jajab gelin, jajabna lama ogola, sidaa darted waa in la saxaa mas’alada. Waxaan isu eegnay madaxyada Gabdhaha Wiilka oo ah 3 iyo waxa ay haystaan oo ah 2, waxaan argnay in labada tiro kala tagsan yihiin markaas ayaan madaxyadii oo 3 ah ku dhifannay asalka mas’alada oo 3 ah, waxaana inoo soo baxday 9 oo ay mas’alada ka saxantay. Qof walba intuu lahaa ayaan ugu dhifannay seddexda aan ku dhifannay asalka mas’alada.Gabdhaha Wiilka waxay leeyihiin 2×3=6 tiiba 2 ayay qaadatay Adeerka wuxuu leeyahay 1×3=3.

2

1

33x

Page 6: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 6

Tusaale (3): Qof baa wuxuu ka dhintay 2Walaasha Aabe Hooyo iyo Adeer.

2/3

3

2Walaasha Aabe Hooyo 2

C Adeer 1

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 3 waayo waxaa jooga cid leh Thuluthaan oo ah 2 Walaasha Aabe Hooyo Waxayna qaateen Thuluthaankooda oo ah 2, Adeerkana halka soo haray ayuu Casabanimo ku qaatay.

Tusaale (4): Qof baa wuxuu ka tagay 2Walaasha Aabe iyo Adeer.

2/3

3

2Walaasha Aabe 2

C Adeer 1

Caddeyn: Asalka Mas’alada waa 3 waayo waxaa jooga cid leh Thuluthaan oo ah 2Walaasha Aabe, waxayna qaateen Thuluthaankooda oo ah 2. Adeerkana halka soo haray ayuu Casabanimo ku qaatay.

Page 7: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 7

Page 8: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 8

Barashada Cilmiga

DhaxalkaCasharka Shanaad

Page 9: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 9

THULUTH (1/3) KUWA WAX KU DHAXLA IYO SHURUUDAHOODA.

Waxaa wax ku dhaxla thuluthka:- 1. Hooyo 2. 2Walaal Hooyo. 1) Hooyo waxaa loo shardiyaa:-

a) In uusan jirin farac wax dhaxla oo uu leeyahay maydka.b) In aysan jirin labo iyo wax ka badan oo ah Walaalaha qofka dhintay. Walaalahu noocay doonaan ha ahaadeene- Walaal Aabe Hooyo, Walaal Aabe ama Walaal Hooyo,lab ama dhaddig ama Isku dhaf.

Hadduu meydku leeyahay farac wax dhaxla ama Walaalo gaaraya labo, hooyadu thuluth qaadan meyso ee waxay qaadaneysaa sudus sida inoo iman doonta.Waxaa jira laba mas'aladood oo ay Hooyadu qaadaneynin maalka Thuluthkiisa iyadoo weliba la helay sharuudihii ay ku qaadaneysay Thuluthaka. Labadaas mas’aladood waxaa loo yaqaan Qarraaweyn”( ama “Cumuriyateyn” waxayna kala yihiin:- 1) Naag, Aabe, Hooyo. 2) Nin, Aabe, Hooyo.

Page 10: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 10

Labadan mas’aladood, Hooyadu waxay qaadaneysaa faradka Ninka ama Naagta marka la saaro, waxa soo hara Thuluthkiisa, Waayo haddii Hooyada la siiyo Thuluth kaamil ah, waxa ay ka sed badsanaysaa Aabaha. Si taasi aysan u dhicin Ayaa culimada Jamhuurtooda isku Waafaqeen in Hooyada labadan xaaladoodba la siiyo Thulthka waxa soo hara marka Ninka ama Naagta qaataan sadkooda.Mas’aladan waxaa xukumay Cumar ibnul Khaddaab, waxaana ku waafaqay Cuthmaan Binu Cafaan, Ibnu Mascuud iyo Zeyd Ibnu Thabit, waxaana qaatay afarta Mad-habood oo kala ah:-Xanafiyada. Maalikiyada, Shaaficiyada, iyo Xanbaliyada.

Page 11: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 11

2) Walaal Hooyo ama Walaasha Hooyo waxaa loo shardiyaa:-a) Inay yihiin labo ama wax kabadan.b) In uusan jirin farac wax dhaxla.c) In uusan jirin Aabe iyo Awoowe Midkood.

F.G:- Walaalaha xaga Hooyo waxaa ay kaga duwan yihiin kuwa kale ee wax dhaxla shan arrimood:-1. Waxa ay wax la dhaxlaan ciddii ay ku soo dhowaadeen oo ay sababteeda ku muteysataan dhaxalka oo ah Hooyada.2. Kooda labka ah iyo tooda dheddiga ah si isla’eg ayey wax u qaybsadaan.3. Cidda ay ku soo dhowaadaan oo ah Hooyada ayey xijabaan xijaab nuqaan ah.4. Kooda labka ah wuxuu ku soo dhowaaday Dhaddig.5. Waxayna wax dhaxlaan oo kaliya markuu yahay ka dhintay Kalaala (uusan laheyn Aabe, Awoowe, iyo Farac waxa dhaxla). .

Page 12: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 12

Tusaale (1): Qof baa dhintay, wuxuu ka tagay Hooyo iyo Walaal Aabe Hooyo

1/3

3

Hooyo 2

C Walaal Aabe 1

Caddeyn: Asalka Ma’alada waa 3 waayo waxaa jooga cid leh Thuluth oo ah Hooyada, waxay qaadatay Thuluthkeeda waa hal. Walaalkana labada soo hartay ayuu casabanimo ku qaatay.Tusaale (2): Naag baa dhimatay waxay ka tagtay Nin, Hooyo, Aabe.

1/2

6

Nin 3

1/3Hooyo 1

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 6, Ninka wuxuu leeyahay nus waa 3, Hooyadana thuluthka waxa soo haray oo ah1, Aabahana 2-da soo hartay ayuu leeyahay.C Aabe 2

Page 13: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 13

Tusaale (3): Nin baa wuxuu ka dhintay Naag, Aabe, Hooyo.

1/4

4

Naag 1

C Aabe 2

Caddeyn: Asalka Mas’alada waa 4 waayo waxaa jooga Naagta oo Rubuc leh, waxa soo harana Thuluth waa ka baxaa. Naagtu waxay qaadtay Rubuceeda oo ah Hal. Hooyada waxa soo haray ayey Thuluth ka qaadatay waa hal. Aabhana labada soo hartay ayuu casabanimo ku qaatay.Tusaale (4): Qof baa wuxuu ka tegay 2 Walaal Hooyo iyo Adeer

1/2

6

2 Walaal Hooyo 2

1/3Adeer 4

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 3, Labada Walaal Hooyo Thuluth ayey qaateen waa hal. Adeerkana labada soo hartay ayuu casabanimo ku qaatay.Mas’alada Eeg:- Laba Walaal Hooyo waxay heleen hal umana qeybasanto, Markaa Madaxyadooda oo ah 2 ayaan ku dhifannay asalka mas’alada 2×3=6 qof walba waxaan siinay Intuu haystay oo 2 lagu dhiftay.2 Walaal Hooyo ..................... 1×2=2

Adeer.................................... 2×2=4

1/3 Hooyo 1

3

1

2

2x

Page 14: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 14

Barashada Cilmiga

DhaxalkaCasharka

Lixaad

Page 15: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 15

Suduska waxaa wax ku dhaxla:-1.Aabe - waxaa loo shardiyaa inuu jiro farac wax dhaxla. 2.Hooyo - waxaa loo shardiyaa.

a) in uu jiro farac wax dhaxla b) in ay jiraan hal wax ka badan oo Walaalo ah.

3.Awoowe – waxaa loo shardiyaa in uusan joogin Aabe.4.Gabadha – Wiilka ama Gabdhaha Wiilka waxaa loo shardiyaa:-

a) inay joogto Gabadh uu dhalay qofka dhintay oo hal ah.b) inaanu joogin Wiil uu dhalay qofka dhintay.Hidii uu ka tagay qofka dhintay gabdho gaaraya labo ama wax ka badan, Gabadha ama gabdhaha Wiilku way qadayaan oo waxba heli maayaan, Laakiinse hadduu joogo Walaakeeda ama Ina-Adeerkeeda wuu casabeynayaa, Casabanimo ayayna wax ku qaadanayaan, waxaa loo yaqaanaa Walaalkan oo kale, Walaal barakeysan waayo Gabdha-Wiilka iyadoo qadday ayay sababtiisa wax ku heshay.

SUDUS (1/) KUWA WAX KU DHAXLA

Page 16: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 16

5. Walaasha Aabe hal ama wax ka badan – waxay sudus wax ku dhaxlayaan marka ay joogto Walaasha Aabe Hooyo oo hal kaliya ah, nusna waxa ku dhaxashay. Sidaan waa Ijmaac laysku wada raacay iyadoo looga qiyaas qaadanayo Gabadha-Wiilka marka ay la joogto Gabadha Maydka. Haddii Walaasha Aabe Hooyo Noqdaan labo ama wax ka badan Thuluthaankiina wada qaataan, Walaasha Aabe way qadaysaa waxna heli mayso, laakiinse hadduu joogo walaakeeda wuu casabeynayaa oo casabanimo ayay wax kula dhaxlaysaa, waxaana lagu magacaabaa walaakan oo kale walaakii Barakeysanaa. 6. Walaal Hooyo ama Walaasha Hooyo waxaa loo shardiyaa:-Kali ahaansho oo hadday laba ama wax ka badan noqdaan waxay leeyihiin Thuluth sidaan horay usoo aragnay.Inaysan Joogin Farac wax dhaxla iyo Asal lab ah ( Aabe iyo Awoowe).

7. Ayeeyo hal ama wax ka badan, xagga Hooyo ama xagga Aabe waxay qaadataa sudus haddii aysan joogin Hooyo.

Page 17: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 17

Ayeeyooyinka waxay leeyihiin Afar xaaladood.1.Ayeeyooyin isku darajo ah, ha ahaadeen isku jiho sida Aabha Hooyadadii Hooyadeed ( Aabaha ayeeydiis Hooyo) Iyo Aabaha Aabihii Hooyadii (Aabaha Ayeeyadiis Aabe) ama ha’ahaadeen kala jiho sida Hooyada Hooyadeed iyo Aabaha Hooyadii, dhammaan Ayeeyooyinkaas wax bay dhaxlayaan sida culumada isku waafaqday.2.Hadday laba Ayeeyo oo ka kala Yimid laba jiho, (Jihada Aabaha iyo Jihada Hooyada) joogaan oo middoodna ay u dhaw dahay maydka midna ay ka fog tahay; haddii ay tahay tan u dhow maydka ayeeyada xagga Hooyo way xijaabaysaa ayeeyada xaga Aabaha ee fog sida:- Hooyada Hooyadeed iyo Aabaha Hooyadii Hooyadeed, waxaa wax dhaxlaya Hooyada Hooyadeed. Laakiin Haddii tan dhow ay tahay Ayeeyada xaga Aabe ma xijaabi karto ayeeyada xaga Hooyo ee fog, sida Aabaha Hooyadii iyo Hooyada Hooyadeed Hooyadeed, suduska way wadaagayaan sidaasna waxaa qaba Shaaficiya iyo Maalikiyada, waxayna leeyihiin Aabha ma xijaabo ayeeyada xagga Hooyo, Marka Hooyadiisa inay xijaabto Ayeeyo Hooyo oo fog way fog tahay. Xanaafiyada iyo Xambaliyadu waxay qabaan inay xijaabayso iyagoo raacayo qaacidada ah in midda dhow ay xijaabeeyso tan fog.

Page 18: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 18

1. Haddii la helo laba Ayeeyo oo isku jiho ah midna dhow dahay midna fog tahay, tan fog waxaa xijaabeeysa midda dhow, sida Hooyada Hooyadeed iyo Hooyada Hooyadeed Hooyadeed ama Aabaha Hooyadii iyo Aabaha Aabihii Hooyadii.2. Ayeeyo kasta oo ugu soo dhawaata maydka qof aan wax dhaxleyn, waxba dhaxli Meyso sida Hooyada Aabaheed Hooyadii. Waxaan ognahay in Hooyada Aabaheed ( Awoowe Hooyo) uusan waxba dhaxlayn oo uu yahay dawil arxaam, Marka Hooyadiisa inay wax dhaxasho isagoon waxba dhaxlayn suuragal ma aha.

Page 19: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 19

 Tusaale (1): Qof baa wuxuu ka tegey Aabe iyo Wiil

1/6

6

Aabe 1

C Wiil 5

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 6 ka soo baxday suduska Aabaha. Wuxuu qaatay Aabaha sususkiisa oo ah hal, Wiilkana 5-ta soo hatay ayuu casabanimo ku qaatay..

Tusaale(2): Qof baa wuxuu ka tegey Aabe iyo gabadh.

1/2

Aabe

1/3Gabadh

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 6 ka soo baxday suduska Aabaha. Nuska gabadha waxaa ka baxa 2, waxayna labo soo hoos gashaa 6, sidaas ayaan lix ku qaadannay oon uga dhignay asalka mas'alada. waxaa uu qaatay Aabaha suduskiisa oo ah 1, Gabadha waxay qaaday nuskeeda oo ah 3, Waxaa soo haray 2 Aabaha ayaana casabanimo ku qaatay.

6

1+2

3

Page 20: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 20

 Tusaale (3): Qof baa wuxuu ka tegey Awoowe iyo Wiil

1/6

6

Awoowe 1

C Wiil 5

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 6, ka soo baxday suduska Awoowaha. Wuxuu qaatay Awoowaha suduskiisa oo ah hal, Wiilkana 5-ta soo hartay ayuu casabanimo ku qaatay.

Tusaale (4): Qof baa wuxuu ka tegey Awoowe iyo Gabadh

1/2

Awoowe

1/3Gabadh

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 6 ka soo baxday suduska Awoowaha, Gabadha waxay qaadatay nuskeed waa 3, Awoowahana waxuu qaatay suduskiisa oo ah 1 iyo 2-da soo hartay oo uu casabanimo ku qaatay.

6

1+2

3

Page 21: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 21

  Tusaale (5): Qof baa wuxuu ka tegey Hooyo iyo wiil.

1/6

6

Hooyo 1

C Wiil 5

Caddeyn:- Asalka mas’alada waa 6 ka soo baxday suduska Hooyada. Waxay qaadatay Hooyada suduskeeda oo ah hal, Wiilkana 5-ta soo hartay ayuu casabanimo ku qaatay.

Tusaalaha(6): Qof baa wuxuu ka tegey Hooyo, Gabadh iyo Adeer. 

1/6

Hooyo

1/2Gabadh

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 6, waayo mas’alada waxaa ku jira sudus iyo nus, Hooyada sudus ayay qaadatay waa 1, Gabadhana nus oo ah 3, Adeerkana 2-da soo hartay ayuu casabanimo ku qaatay.

6

1

3

C Adeer 2

Page 22: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 22

  Tusaale(7): Qof baa wuxuu ka tegey Hooyo iyo 2Walaal Aabe.

1/6

6

Hooyo 1

C Wiil 5

Caddeyn: Aslaka mas’alada waa 6 oo waxaa ku jira qof fardkeedu yahay sudus oo ah Hooyada. Waxay qaadatay Hooyada suduskeeda oo ah hal, shanta soo hartayna waxaa casabanimo ku qaatay 2Walaal Aabe, umana qaybsanto.Waxaan qaadanay madaxyadooda oo ah 2, waxaan ku dhifannay asalka mas’alada oo ah 6, waxaa noo soo baxday 12 oo ay mas’alada ka saxantay.Qof walba waxaan siinay intuu haystay oo lagu dhiftay tirada aan ku dhifannay asalka mas’alada oo ah 2. Hooyada waxay qaadatay 1×2=22-daWalaalna waxay qaateen 5×2=10 kiiba 5 ayuu qaadanayaa.

2Walaal Aabe

12

2

10

Page 23: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 23

  Tusaale (8): Qof baa wuxuu ka tegey Gabadh, Gabadha-Wiilka iyo Walaal Aabe.

½

6

Gabadh 3

1/6 Wiil 1

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 6, waayo mas’alada waxaa ku jira sudus iyo nus, Gabadha waxay qaadatay nus oo ah 3, Gabadha-Wiilk sudus ayay qaadatay waa 1, walaakana labada soo hartay aayuu casabanimo ku qaatay.

Tusaale (9): Qof baa wuxuu ka tegey Walaasha Aabe Hooyo, Walaasha Aabe iyo Adeer.

½ Walaasha Aabe Hooyo

1/6 Walaasha Aabe

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 6, waayo mas’alada waxaa ku jira sudus iyo nus, Walaasha Aabe Hooyo waxay qaadatay nus oo ah 3, Walaasha Aabana sudus ayay qaadatay waa 1, Adeerkan 2-da soo hartay ayuu casabanimo ku qaatay,

6

1

3

C Adeer 2

Gabadha-WiilkaC 2Walaal Aabe

Page 24: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 24

  Tusaale (10): Qof baa wuxuu ka tegey Walaal Hooyo iyo Adeer

1/6

6

Walaal Hooyo 1

C 5

Caddeyn:- Asalka mas’alada waa 6 ka soo baxday suduska Walaal Hooyo. Wuxuu qaatay Walaal Hooyo sudukiisa oo ah hal, Adeerkana 5-ta soo hartay ayuu casabanimo ku qaatay.

Tusaale (11): Qof baa wuxuu ka tegey Walaasha Hooyo iyo Walaal Aabe.

1/6 Walaasha Hooyo C Walaal Aabe

Caddeyn:- Asalka mas’alada waa 6 ka soo baxday suduska Walaasha Hooyo. Waxay qaadatay Walaasha Hooyo suduskeeda oo ah hal, Walaal Aabna shanta soo hartay ayuu casabanimo ku qaatay.

6

1

5

Adeer

Page 25: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 25

  Tusaale (12): Qof baa wuxuu ka tegey Ayeeyo iyo Wiil

1/6

6

Ayeeyo 1

C 5

Caddeyn:- Asalka mas’alada waa 6 ka soo baxday suduska Ayeeyada. Waxay qaadatay Ayeeyada suduskeeda oo ah hal, Wiilkna 5-ta soo hartay ayuu casabanimo ku qaatay.

Tusaale (13): Qof baa wuxuu ka tegey 2 Ayeeyo, Gabadh, iyo Walaal Aabe.

1/6 2 Ayeeyo

½ Gabadh

Caddeyn:- Asalka mas’alada waa 6, 2Ayeeyo waxay qaateen sudus oo ah 1, Gabadha waxay qaadatay nus waa 3, Walaalkana labada soo hartay ayuu casabanimo ku qaaqtay, Eeg halkan, labada Ayeeyo waxay heleen 1 umana qaybsamo sidaa darteed madaxyadooda oo ah 2 ayaan ku dhifanay asalka mas’alada oo ah 6, waxaa noo soo baxday 12 oo ay mas’alada ka saxantay; waxaan siinay qof walba intuu lahaa oo lagu dhuftay 2, Labada Ayeeyo 1×2=2, Gabadha 3×2=6, Walaal Aabe 2×2=4.

12

2

6

Wiil

C Walaal Aabe 4

6

1

3

2

2X

Page 26: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 26

  Tusaale (14): Qof baa Wuxuu ka Tegey 2 Ayeeyo iyo 2 Walaal Aabe

1/6

122 Ayeeyo 2

C 10Caddeyn:- Aslaka mas’alada waa lix. 2Ayeeyo waxay qaateen sudus, waa hal, umana qaybsanto. Labada Walaalna shanta soo hartay ayey casabanimo ku qaateen umana qaybsanto. Waxaan isu eegnay koox walba madaxyadooda iyo waxa ay haystaan. Ayeeyooyinka madaxyadooda waaa 2 waxay haystaana waa 1, labo iyo halna way kala tagsan yihiin, sidaa darted waxaan dibadda soo dhigannay madaxyada oo ah 2. Walaalaha madaxyadooda waa labo waxay haystaana waa shan, 2 iyo 5 way kala tagsan yihiin sidaa darted waxaan dibadda soo dhiganay madaxyada oo ah 2. Mar haddii waxyaabaha aan dibadda soo dhiganay isku mid yihiin, midkood ayaan ku kaaftoonay oo waxaan qaadanay 2 waxaan ku dhufanay asalka mas’alada oo ah 6, waxaa noo soo baxay 12 oo ay mas’alada ka saxantay.Qof walba waxaan siinay intuu haystay oo lagu dhiftay tirada aan ku dhifannay asalka mas’alada oo ah 2.Labada Ayeeyo 1×2=2 Tiiba hal bay leedahay.Labada Walaal 5×2=10 kiiba shan buu leeyahay.

2 Walaal Aabe

615

2X2

2

Page 27: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 27

  Jadwalka Faradyada iyo kuwa ku Dhaxla Farad kasta

Nus (1/2)

Walaasha Aabe

Rubuc (1/4)

Thumun (1/8)

Thuluthaan (2/3)

Thuluth 1/3 Sudus (1/6)

Walaal Hooyo

Page 28: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 4aad

Islamic University C.C. Muumin 28

Casharka ku xiga casharkan waxaa uu

ku saabsan yahay “Casabada iyo Axkaanteeda”