15
Warbixinta Maamulka Maaliyadda Guddiga Maamulka Maaliyadda Maarso 2017 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

  • Upload
    others

  • View
    17

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

Warbixinta Maamulka Maaliyadda

Guddiga Maamulka Maaliyadda

Maarso 2017

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Page 2: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

Hordhaca Guddiga Maamulka MaaliyaddaGuddiga Maamulka Maaliyadda waxaa la aasaasay bilowgii 2014 ka heshiis loo dhanya-hay oo ay qeyb ka ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Deeq-bixiyayaasha, iyo hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah (IFIs) si loo helo madal lagu wada hadlo lagu-na wadaago talooyin istraatiiji ah ee dhanka arrimaha Maamulka Xisaabaadka. Xubna-ha Guddiga Maamulka Maaliyadda waxay ka kala yimaadeen hayadaha dowliga ee soomaliya iyo bahda caalamka. Guddiga waxaa hogaamiya Wasiirka Maaliyadda wax-aana xubin ka ah Gudoomiyaha Bangiga dhexe, wakiilo ka socdo xafiiska Madaxwey-naha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka. Gudigga wuxuu leeyahay afar xubnood oo ka socda beesha caalamka kuwaas oo matala hay’adda lacagta aduunka (IMF), Bangiga Aduun-ka (World Bank), Bangiga Horumarinta Afrika (ADB) iyo deeqbixiyaasha.

Guddiga Maamulka Maaliyadda howlahiisa waxay ku koobanyihiin talo ka bixinta dhanka Maamulka Bangiga Dhexe, dib u soo kabsashada hanti, heshiisyada iibka qaranka, dib u habaynta maareynta nidaamka maaliyadeed iyo nidaamka wadaaga dhaqaalaha dal-ka. Ilaa markii la bilaabay, Guddiga wuxuu soo saaray warbixino joogto ah ee ku aadan isbadalada lagu tilaabsaday wuxuu sidoo kalena soo saaray talooyin u gaar ah arrimaha maamulka maaliyadda sida qarashaadka qeybta amaanka, maareynta dhakhliga khey-raadka dabiiciga, maareynta hantida iyo isticmaalka nidaamyo u gaar ah wadanka.

Warbixintan waxay soo bandhigeysaa talooyin ku aadan maamulka maaliyadeed ee mu-dan in si gaar ah loo wajaho sanadaha soo socda si loo xoojiyo dadaalada socdo ee dhismaha Dowladda. Nidaam haboon in loo helo dhanka Maamul Maaliyadda waxay udub dhexaad u tahay horumar muuqda in laga gaaro nidaamka federaalka soomaliya taasoo hormuud u noqon karto in si siman oo loo dhanyahay loo qeybsado kheyraadka lana gaaro horumar dhaqaale.

I

Page 3: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

Gudmar KoobanHay’adaha Lacagaha Adduunka(IMF) waxey amaantay dadaalada ay Dowladda fed-eraalka soomaaliya ku bixisay dib u soo celinta kaabayaasha dhaqaale iyo hay’adaha maaliyadeed ayadoo lagu shaqeenayo xalaad adag dhanka siyaasada iyo amniga. Ayadoo lagu jiray xalaad aysan shaqeyn nidaamyadii Dowladda dhexe mudo ka badan labaatan sano, musuqmaasuqa waa mid weli baahsan sidoo kalena amni daradadana ayaa ah mid weli faafsan, dadaaladana waxay dheliyeen talaaboyin wax ku ool ah iyo horumar la taaban karo si loo hormariyo nidaamka maamul maaliyadeed kaaso xadeyn karo si xun u adeegsiga kheyraadka dadka horseedikarana horumar dhaqaale. Dowladda cusub waxaa ka soo wajihi doono caqabado badan dhanka dhismaha dow-ladda oo ay ka mid yihiin la dagaalanka amni darada, hirgelinta nidaam federal oo wax ku ool ah, in la helo maalgelin ku filan fulinta shaqooyinka dowlad goboleedyada, in hoos loo dhigo ama la yereeyo musuqmaasuqa, in la dadejiyo kobac dhaqaale oo loo dha-nyahay iyo in la maalgeliyo dib u soo kabasho iyo horumar waqtiga fog. Fursadaha lagu wajahi karo caqabadahan si wax ku ool ah waxaa saameyn ba’an ku yeelan karo dakhli la’aanta. Xiligan la joogo dowladda awood buuxdo uma lahan xataa iney bixiso qaraas-hadka soo noqnoqda.

Caqabaadka ka heysta dhanka Maaliyadda dowladda Soomaliya waxay saameyn ba-laaran ku yeelan kartaa awooda ay ku dhisi karto maamul goboleedyo shaqeynayo ku-waasoo kasban kara tageerada shacabka sidoo kale bixin kara adeegyada aadka loogu baahanyahay. Soo daahitaanka bixinta mushaaraadka ciidanka ilaalada, awood la’aan-ta in taageero maaliyadeed la siiyo maamul goboleedyada iyo jiritaan la’aanta kaaba-yasha dhaqaale iyo fulinta adeegyada waxey hoos u wada dhigi karaan sumcada Dow-ladda ee ku leedahay maamul goboleedyada iyo shacabkeeda.

Inkastoo loo baahanyahay dakhli iyo maaliyad dheeraad ah, waxaa sidoo kale muhiim ah ayadana habka lagu keenayo laguna maareynayo dakhligaas. Waqti xaadirkan kalsooni-da ay shacabka ku qabaan hayadaha dowliga ah aad bey u hooseesaa. Tan ayaa wax-ay hoos u dhigeysaa rabitaanka shacabka iyo shirkaddaha iney tixgeliyaan ayna u ho-gaansamaan in la sii balaarsho ilaha dakhliga taaso keeneysa iska daba wareeg joogto ah. Waxey sidoo kale hoos u dhigeysaa rabitaanka in la soo marsho kaalmooyinka dow-ladda. Inkastoo kaalmada deeqbixiyaayasha ay soo mariyaan hayadaha aan dowliga aheyn ay wax tarto shacabka soomaaliyeed, hadana wax badan kama badasho in la dhiso kalsoonida iyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladda iyo shacabka

In leesku waafaqo nidaam loo dhanyahay ee ku aadan Wadaaga Dhaqaalaha Dalka

Ayadoo aysan jirin heshiisyo faahfaahsan, waxaa soo ifbaxayo qorshayaal ama heshiisyo lala sameysto dowlado banaanka ah. Sidoo kale dowlad goboleedyada waxay dakhliga ay soo aruurshaan ku qarash gareeyaan keliya goobaha ay masuulka ka yihin, taasoo kee-neysa in dowladda federaalka ay ku maalgeliso qarashaadka guud ee dalka dakhliga ka soo gala gobolka banaadir oo keliya.

Heshiisyadan waxay ka soo horjeesanayaan xeerka ah in si cadaalad ah loo qeybsado da-khliga kaasoo ku xusan sharciga gobalada, arinkan ayaa waxay wiiqineysaa xiriirka iyo isku xirnaanshaha dhanka siyaasada ee ka dhaxeeya dowladda iyo maamul goboleedyada. Waxey faa’iido dheeri ah u tahay Maamul Goboleedyada heesta dakhli kaga yimaado dekadaha halka ay dhanka kale xadideyso dowrka dowladda federaalka ay ka cayaari karto dejinta qorshayaal istraatiiji ah iyo maareeynta dib u qeybinta dakhliga.

II

Page 4: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

III

Dowladda Cusub waan in ay si dhakhsi ah kula bilowdaa wadahadalo Dowlad Goboleedy-ada arrimaha ku aadan maareynta dakhliga, masuuliyada kharashaadka iyo nidaamya-da lagu simayo dhakhliyaadka. Guddiga Maareynta Maaliyadda wuxuu so jeedinayaa in aysan dowladda federaalka isku dayin in heshiis ay ka gaarto arrimahan ayadoo arrimaha dastuurka la dejin marka hore.

Waa in la diyaarshaa heshiis hordhac oo ku meel gaar ah kaasoo dib u eegis lagu sameen karo marki ay isbadal ku yimaadaan xaalada maaliyadeed iyo ifafaalo heshiisyo ku taagan mabaadi’da awood qeybsiga, iyo sidoo kale in loo qaabeynayo si siman iyo si aan sineyna labadaba. Mabaadi’da uu yeelanayo heshiiska kumeelgaarka waa in leesku waafaqaa ilaa meesha u sareeso maamulka siyaasadeed. Wixi farsamo ah waxaa isla sameen karo Wasarada Maaliyadda heer federal iyo maamul goboleedyada ku dhiga ah.

Guddiga wuxuu talo ku soo jeedinayaa in Wasaarada Maaliyadda ay si dagdag ah u bilowdo mideynta canshuuraadka ayadoo kala shaqeyneyso Maamul Goboleedyada. Intaa ka dib, wadahadalada waa in loo dhaqaajiyaa in leesku wareejiyo masuuliyaad-ka daqliga, Habka lagu simayo dakhliga maamul gobaleedyada iyo masuuliyada fulinta adeegayada ayadoo la tiigsanayo nidaamyada leysku wafaqay ilaa heer siyaasadeed. Wadahadaladan waa in ay la socdaan dadaalo leesku wafaajinayo nidaaminta Maali-yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo in la dhiso nidaam maaliyadeed oo ka dhaxeeyo Dowladda ayadoo loogu bilaabayo in lagu wareejiyo lacago yaryar Maamul Goboleedyada si joogta ah.

Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in la sameeyo xafiis masuul ka ah isku xirka arrimaha fed-eraalka oo hoos yimaada xafiiska madaxweynaha ama xafiiska ra’iisul wasaraaha. Sidoo kale qaabka ay deeqbixiyayaasha u kaalmeeyaan heerarka kala duwan ee dowladda ayaa noqoneysa arin muhiim u ah in la cabiro is bedelada laga sameeyay Habka Wadaa-ga Dhaqaalaha Dalka. Ayadoo xeerarka Wadaaga Dhaqaalaha Dalka si wadajir ah lee-sagu waafaqay Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, waxaa waajib ku ah deeqbixiyayaasha iney hubiyaan in kaalmada ay bixinayaan ay waafaqasantahay ni-daamyadan. Guddiga waa in sidoo kale ay ku wargeliyaan deeqbixiyaasha lacagaha ay siinayaan maamul goboleedyada iyo in meeshii suurto gal ah laga qeeybgeliyo qaabeyn-ta mashaaricda la bixinayo iyo cilmibaarista ku lamaanan.

Khayraadka dabiiciga oo loo maamulo qaab la isla wada ogyahay loona dhan yahay

Soomaaliya waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo laga heli karo qaybaha kala duwan. In la soo saaro dakhliga ka yimaado Kheyraadka dabiiciga waxay yeelan karaan saameen is bedel ku keeni karto miisaaniyada Dowladda. Si kastaba ka ahaate, ilaa loo maamulo si la wada ogayahay oona loo dhanyahay, dakhliga ka yimaada kheyraadka dabiiciga waxey yeelan karaan qatar saameen balaaran dhalisa. Waxey awoodi kartaa iney keento colaado hor leh ee ka dhex abuurma bulshada iyo Dowladda iyo sidoo kale heerarka kala duwan ee maamulada ka dhex dhisan dowladda federaalka. Inkastoo ay ku xirantahay hababka loo qarash gareeyo, hadana waxey keeni kartaa in ay hoos u dhigto halkii ay ka xoojin laheyd qorshe maaliyadeed oo joogta ah, waxay carqaladeen kartaa maamulka dhaqaalo sidoo kalena keeni kartaa sicir barar.

Guddiga wuxuu so dhaweeyay fursada dib u eegista loogu sameenayo qaabka Heshiiska Wadaagista Wax soo saarka (PSA) ee ku aadan Saliida iyo Shidaalka oo ay sameeysay Wasaraada Batroolka, wuxuu ka soo jeedshay dhowr arin sidi loo xoojin lahaa Heshiiska Wadaagista Wax soo saarka (PSA) si loo hubiyo in ay qiimo u leedahay Dowladda fed-eraalka, ayadooo welina soo jiidan karta maalgashadayaasha. Si hore loogu si dhaqa-aqo, waxaa muhiim ah in waxyaabaha ku xusan nidaamkan dhameestiran uu u gogal xaari karo wada hadal ku aadan qaar ka mid ah Heshiisyada Wadaagista Wax soo saar-ka (PSAs). Dhamaan qandaraaslayaasha Heshiisyada Wadaagista Wax soo saarka (PSAs) waa in lagu xushaa si cad oo tartan la marsiiyey.

Page 5: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

IV

Guddiga wuxuu kalo soo jeedinayaa in Dowladda federaalka ay soo gabagabeeso dib u eegista sharciga batroolka ay na sameeso hay’adaha loo baahnaa iney sharciyeeyaan ka hor inta aan Heshiisyada Wadaagista Wax soo saarka (PSAs) la soo gabagabeyn. Dhan-ka kale, waxaa jira khataro balaaran ee ku aadan in Dowladda ay yeelan kari weydo awood ay ku ilaaliso danta soomalida sidi loo baahnaa, taasoo sii balaarin karta qataraha colaada iyo musuqmaasuqa.

Guddiga wuxuu walwal ka muujiyey maraakiibta kaluumeysatada ajnabiga ah oo la sheegay in dhawaanahan ay heshiisyo la galayeen Dowlad Goboleedka Puntland si ay u heelaan shati u ogalaanayo iney ka kaluumeystaan biyaha soomaaliya. Shatiyadaan aan sharciyeesneen ee la siiyo doomaha kaluumeysiga ee ajaanibta waqti kooban oo ay faadiido ugu jirto shaqsiyaad ka tirsan dowlad goboleedyada taas oo hoos u dhigey-so nolal maalmeedka kaluumeysatada guddaha, dhibaateyneysana sii jiritaanka khey-raadka badda kana hor istaageyso maalgashadayaal sharciyeesan iney ku soo biiraan waaxda kaluumeysiga ee soomaliya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in Wasaaradda Kaluumeysiga ay ogalaato nidaamka 2017 lagula wadaagayo dhakhliga ka yimaado shatiyadda kaluumeysiga badda maamul goboleedyada, sidoo kalena ay isticmaasho ni-daamka wadaagista maaliyadeed oo ka dhaxeeyo Dowladdaha si ay u helaan Maamul Goboleedyada qeybtooda ayadoo isticmaaleyso qaab dhiiro gelin karo in loo hogaans-amo sharciga shatiyada.

Guddiga wuxuu ka walwalsanyahay maareyn joogta ah in loo helo dakhliga kheyraadka dabiiciga ah. Ma jiro guud ahaan shuruuc la sameeye oo maamuleysa ilaa xadka la istic-maali karo ama la keydin karo dakhliga soo galo sanadkii. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda federaalka soomaaliya ay si dhaqsi leh ugu darto qodobo sharciga Maamul-ka Maaliyadda wadanka (PFM) oo qabyada ah kasoo qeexayo xeerarka lagu maamulayo dakhliga kheyraadka dabiiciga sida ku xusan Siyaasada Maamulka Maaliyadda. Guddiga wuxuu kaloo soo jeedinayaa in Wasiirka Maaliyadda uu la shaqeeyo Wasiirka Batroolka in dib u eegis lagu sameeyo qaabka loo wadaagayo dakhliga betroolka iyo in la hubiyo in si siman loo qeebshay ayadoo la eegayo guud ahaan qaabka Wadaagista Maaliyadda.

Uruurinta Dakhliga oo sare loo qaado

Dowladda Federaalka Soomaliya waxay hormar ka sameeysay in sare loo qaado dakhliga ka imaanayo ilo ka duwan canshuurta berriga laga soo bilaabo 2014. Hormarkan waxaa lagu gaaray heshiiski qandaraska ahaa in la soo aruursho dakhliga aan aheyn canshuur. Labadi qandaraas ee ugu weenaa waxey kala yihin Maareynta Dekada Muqdisho iyo Gigada diyaaradahaa ee Muqdisho, sidoo kalena dowladda federaalka waxay kaloo galeen heshiis lagu soo aruurinayo canshuurta baaburta, ruqsada baabuurka iyo cans-huurto ka soo gasho kala wareejinta hantida ma guurtada ah. Dowladda federaalka wax-ay dhanka kale horumar yar ka sameesay in la soo aruuriyo canshuur dhanka dakhliga iyo canshuurta gudaha.

Guddiga wuxuu waafaqsanyahay, maadama lagu jiro waqti aysan Dowladda awood buuxda u laheyn maamulka aruurinta dakhliga, in heshiis lala galo shirkadaha gaarka loo leeyahay iney kala shaqeeyaan Dowladda soo aruurinta dakhliga aan canshuuraadka aheyn uuna yahay qaab hufan ee lagu siyaadin karo dakhliga. Guud ahaan, waayo ari-gnimada guddiga ilaa 2014 ayaa isku raacday arinkan. Si kastaba ha ahaatee, shanta heshiis ee hada jira waxaa gorgortan laga galay ayadoo aan la sameyn qiimeyn hufan oo laga eegay dhanka farsamada, sidaa daraadeed waxay suaalo dul dhigeysaa qiimaha maaliyadeed oo ay leedahay. Guddiga wuxuu talo ku soo jeedinayaa in ay Dowladda cusub soo gaba gabaysaa wada xaajodyada dhamaan shanta heshiis ee dakhli aruurin oo hadda jira kahor dhamaadka 2017, ayagoo sameenayo heshiisyo cad oona sidoo kale kormeero adadag dul dhigayo ilaha dhakliga ka imaanayo.

Page 6: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

V

Guddiga wuxuu kaloo ogaaday in heshiisyo gaar ah ay soo jeediyeen canshuur dhaafyo kala duwan. Hadii qof ka mid ah wasaarada loo siiyo awood uu ku sameyn karo canshuur dhaaf ama inuu heshiis ka galo canshuur dhaaf, guddiga wuxuu waynayaa awoodi uu ku maamuli lahaa dhakhliga soo gala. Awoodo in la baxsho canshuur dhaaf waa in uu loo daaya Wasaarada Maaliyadda oo keliya, Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda federaalka ay ku darto nuqul sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud (PFM) si ay u dhaqa-ngasho.

Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda federalka ay hoos u dhigto canshuur dhaaf-ka ay ku bixineyso heshiisyadeeda iyo qandaraasyada, taasoo loo aaneenayo saameynta ay ku yeelan karto cashuur dhaafkan bixinta canshuuradka mustaqbalka, heshiisyada iyo horumarinta saldhiga dakhliga.

Waxaa jiro sababo dhowr ah oo keenaya in Dowladda federaalka aysan horumar ka gaarin in ay kor u qaado dakhligeeda kaga imaanayo ilaha sida cashuurta mushaarad-ka, canshuurta iibka iyo canshuuradka wax soosaarka gudaha iyo sidoo kale ajuurada iyo ruqsadaha. Sharciga dakhliga gudaha waa uu duugoobay wuxuuna ku tiirsanyahay sharciyadii la dhaxlay 1960 ki iyo 1980 ki kuwasoo aanan la jaanqaadi karin dhaqaalaha cusub, halka sharciyada nidaaminayo qaybaha sida isgaarsiinta iyo lacagaha ayba ma-qanyihiin. Kadib 20 sano oo aan jirin canshuur ay ka aruurisay Dowladda dhexe gudaha dalka, dhaqanka in canshuur bixiyaayashu ay u hagaansamaan bixinta canshuuraha aad buu u hooseeyaa, halka nidaamyada Dowladda iyo awoodo soo aruurinta canshuuraha ay ayadana aad u hooseeso.

Si sare loogu qaado dakhliga gudaha waxaa loo baahanyahay wada shaqeyn dhinacyo badan iyo isku xir dhex mara dhamaan daneeyayaasha kala duwan. Sidoo kalene in la helo go’aan siyaasadeed in cashuurta la ogalaado taasoo ay sii raaci doonto wada ha-dalo lala yeesho dad matala canshuur bixiyayaasha qeybaha kala duwan si loo aasaaso nidaam lagu bixinayo lacagaha ku waajiba. Taas waxay u baahantahay in la helo sharci xoojinayo iyo awood farsamo ee lagu aruurin karo looguna hogaansami karo. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in ay Dowladda cusub bilowdo isku imaadyo lagu wada hadlo kaas oo ay qeyb ka yihiin kuwa hogaamiya ganacsiga gaarka loo leeyahay si loogu adkeeyo iney kaga go’naato iney bixiyaan canshuuraha sharciyan ku waajibo, sidoo kalena in is fa-han cad laga gaaro adeegyada ay ka filanayaan ganacsata in Dowladda ay ka helaan.

Hufnaanta Heshiisyada Iibka iyo Qandaraasyada

Laga soo bilaabo 2014 ki, ayadoo la tiigsanayo codsi ka soo baxay dowladda federaal-ka, Guddiga wuxuu ka cayaaray dowr muhiim ah in did u eegis lagu sameeyo heshiisya-da iyo qandaraasyada ka badan qiimo dhan $5milyan. Laga soo bilaabo Agoosto 2016, Gudigga waxuu wada shaqeyn dhow la lahaa Guddiga ku Meelgaarka ee Iibka Qaran (INPB), kuwaasoo loo sharciyeey iney ay kor ka eegaan dhamaan qandaraasyada Dow-ladda federaalka iyo sidoo kale heshiisyada kor u dhaafayo $2m qiimo ahaan ilaa laga hirgelinayo sharciga iibka. Inta badan heshiisyada ay Dowladda Federaalka gashay kuma aysan imaan qaab tartan ah. Waxey badanaa ku yimaadeen wada hadalo toos u dhex-maray hayadaha Dowladda federaalka iyo qandaraaslayaasha kana yimaado badanaa dhan qandaraaslayaasha. Inta badan Wasaaradaha Dowladda Federaalka waa ay ka jawaab celiyaan talooyinka ka yimaado guddiga, tasoo dhiiragelin u ah guddiga. Si kas-taba ha ahaayee, Guddiga wuxuu walwal ka muujiye in Hayadaha Dowladda federaalka qaarkood ay iska indho tiraan soo jeedinta guddiga ama la dhinac maro guud ahaanba guddiga ayadoo aysan jirin ilaa hada wax talaabo sharci ah oo laga qaaday.

Waxaa jiro tusaalooyin dhiirogelinayay guddiga sanadihi la soo dhafay, heshiisyo badan baa loo soo gudibiyaa Guddiga Maamulka Maaliyadda / Guddiga ku Meelgaarka ee Iibka Qaran ayagoo qabyo ah, sidoo kale Dowladda federaalka waxay muujisay iney ka go’antahay in tartan la galsho heshiisyada gunada ciidanka. Sidoo kale, ayadoo la

Page 7: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

VI

raacayo soo jeedinta guddiga, Dowladda federaalka waxay ka soo saartay qayb lacag caddaan ah oo horey loogu daray heshiiska gunnada, waxaana la go’aamiyay in toos loogu siiyo shaqaalaha gunnada lacagta ah qaab mushaarka oo kale ah. Dhanka kale, Waxaa niyad jab ah in qeybo ka mid ah qandaraasyada weli la saxiixo ayadoo aan la mar-eyn wadadi loogu talagalay. Hufnaan la’aanta ka jirta ka-takhalusidda hantida la wada leeyahay ayaa ah arin walwal siyaado ah ku heyso Guddiga maadama ay waxyaabaha noocaas ah beeri karto kalsooni daro shacabka ay Dowladda u qaadaan iyo in ay sii jiraan aragtiyaha musuqmaasuqa.

Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in maamulka cusub uu soo saaro bayaan cad ee ku aadan iney ka go’antahay in la maro wado saxan marki la galayo qandaraasyada, heshi-isyada iyo kireynta hantida. Waa in bayaanka lagu sharaxaa dhamaan wadiiqooyinka la rabo iney maraan heshiisyada qabyada ah, qandaraasyada iyo kireynta ka hor inta aan lakala saxiixan uuna cadeeyo ciqaabta ka dhalan karta hadan la raacin. Guddiga wuxuu sidoo kale soo jeedinayaa in maamulka cusub uu tageero in hore loo sii wado aasaasida Guddiga ilaalada hantiga qaranka kaasoo ku shaqeendoono sharuudo cadcad.

Ayadoo la tixraacayo awoodo iibsi oo aadka u hooseyso ee Dowladda, Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda federaalka kordhiso xiliga kumeelgaarkaa ee iibsiga (pro-curement transition period) ilaa laga gaaro waqti la helo awood ku filan in la fuliyo Sharci-ga Iibka. Qaasatan, tani waa iney qeyb ka noqotaa kordhinta Mas’uuliyadaha Guddiga ku Meelgaarka ee Iibka Qaran iyo in la cadeeyo doorarka iyo mas’uuliyadaha kala duwa-na ee dowladda federaalka ka hor inta aan si buuxdo loo fulin Sharciga Iibka. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in ay dowladda federaalka ay u xilsaarto masuuliyada heshiis geli-da dhamaan alaabaha iyo adeegyada loo soo iibinayo dowladda wixi in go’an oo leesku ogyahay ka badan Wasaraada Maaliyadda qeybteeda Iibka si kumeel gaar ah ilaa inta laga helo Qeybaha Iibka ee ka dhisan dhamaan wasaraadaha awood buuxdana leh. Wasaraada Maaliyadda qeybteeda Iibka waxay u baaahan doontaa awood buuxda oo ku meel gaar ah si au fuliso howshan.

Xoojinta Maareynta Qarashaadka

Isbadaladi dhawanahan lagu sameeye Maamulka Qarashaadka waxay xoojiyeen ni-daamka maamulka qarashaadka taasoo hoos u dhigtay fursadaha sida qaldan loogu adeegsan karo qarashaadka, qaasatan bixinta mushaaradka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka taasoo toos ugu dhacda qaanadaha ay gaarka u leeyihin iyo sedex meelood qarashaadka aan mushaaradka aheyn oo toos loogu baxshay qaanadaha ay leeyahi-in qandaraaslayasha. Gudigga wuxuu u bahanyahay in weli hoos u sii dhigo bixinta qa-rashaadka aan mushaarka aheyn ee lagu baxsho lacag ahaan iyo in la waajib yeelo in dhamaan lacagta hormariska la xisaabsho ka hor inta aan la bixin mid cusub. Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha waa in ay taageero buuxdo siiyan isbadalkan. Gudigga wuxuu kaloo u baahanyahay in ay xoojiyaan maamulida iyo eegista mushaaradka, hadii kale faa’iidada laga helo dakhliga kordhayo iyo yareynta lacagaha sida qaldan ku baxa waxaa loo isticmaalo doonaa mushaaraadka kordhayo.

Waxaa sidoo kale loo bahanyahay in dadaal dheeri ah lagu baxsho in la hubiyo keeni-da alaabaha iyo fulinta adeegyada. Guddiga wuxuu qabaa in faa’iidada laga sameeyo hagaajinta tartanka iyo isla xisaabtanka heshiisyada gunnada u noqnayo wax aan macno laheyn hadii aan la soo bandhigin alaabaha iyo adeegyadda la fuliyo. Ayadoo ay jirto kalsooni daro balaaran ee dhanka Maamulka Maaliya ee Dowladda Federaalka, waxaa nagu filnaan doonin xiligan in lagu tiirsanaado oo kaleya warbixinta dabagalka oo laga helo hayadaha qarash gareenayo taasoo ay ku cadeenayan in la baxshay. Guddiga wux-uu soo jeedinayaa in Wasaarada Maaliyadda ay dhisto Waax Dabagal oo loo xilsaaro in ay soo cadeeyaan in alaabti iyo adeegyadii la baxshay ilaa in ka sareeso qiimo leesku ogyahay ka hor inta aan la bixin qaansheegta.

Page 8: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

VII

Dowladda Federaalka waxay bilaawday qaab lagu nadiifinayo leesaguna soo aruurinayo lacagaha mushaaradka Ciidan Qaranka iyo in la soomeeyo diiwangelinta casri ah (Bio-metric) dhamaan shaqaalaha si mushaaradka loogu baxsho toos qaanadaha shaqsiga loo leeyahay. Guddiga wuxuu aminsanyahay in ay aad muhiim u tahay in Dowladda ay dhameestirto dib u habeyntan, taasoo ka saacido doonto in hoos loo dhigo u adeegsiga si qaldan lacagaha mushaaradka iyo bixinta shaqoolo aan jirin mushaarkooda.

Waxaa kaloo muhiim ah in deeqbixiyayaasha dhinac ka bixinayo qarashaadka ay qeyb ka noqdaan isbadelka, si dhamaan mushaaradka ciidanka qaranka iyo bixinta qarashadka loogu sameeyo nidaamka Dowladda ayadoo loo isticmaalayo hal nidaam oo leesku wa-faqasanyahay lacagaha mushaaradka, sida horay ba loogu sameeye Ciidanka Madani-ga. Isku imaanshahan iyo xoojinta nidaamyada waa tilaabo biloow ah oo muhiim u ah in lahelo is badal nidaam oo waqti badan jiri karo keeni karana isbadal dhanka nabadge-lyada, taaso loogu bahanyahay in lagu soo kaabo ciidanka Dowladda cabir la awoodi karo, si ay awood noo siiso in la baxsho remuneration ciidanka iyo bixinta supply ku filan iyo dhisada ciidanka

Hormarinta Dhinaca Maaliyadda

Isbadalka sharciyeenta iyo kormeerida Nidaamka Maaliyadda waa u socdaa, waxaan muhiim ah in la sii joogteeyo lana gacanqabto, siyaad ahaan, dhaqaalo ahaan iyo far-samo ahaan ba. Waxey sahli doonaan in dib loo bilaabo xariirka bangiyada ay la leey-ihin bangiyada caalamiga, taaso ilaalin doonta isu socodka xawaaladaha ee gudaha soomaliya. Waxey kaloo hormarineysaa jaanisyada Dowladda ay ku heli karto maalgelin banaanka kaga timaado iyo kaalmo dhanka horumarinta dhaqaalaha taasoo awood u siineeso in ganacsatada ay heli karaan deen ayadoo la adeegsanayo nidaamka bangi-yada, inta lagu tiirsanaan lahaa qaabka deen isi siintaa aan rasmiga ahayn.

Isbadalka dhanka lacagaha waxaa laga yabaa iney noqoto arinta ugu muuqo dheer ee waaxda Maaliyadda Dowladda soo socoto ayadoo kaalmo farsamo laga helayo Hay’adaha Lacagaha Adduunka(IMF), Bangiga dhexe ee Soomaliya wuxuu sameenayaa dhamaan isku duba ridyada bilowga ah ee dib loogu sameenayo lacagta Soomaliya ee cusub. Hadii ay si fiican ku soo gebegabowdo is bedelada dhanka lacagaha waxaa loo bahan doonoo deeq xoog leeh si loo daabaco, loona qeybsho lacagaha cusub iyo sidoo kale wixi qarash ah ee ku aadan ku bedelida lacagaha hore kuwa cusub.

Soo saarida lacagaha cusub waxaa talaabo ween, waxayna u bahantahay in laga helo go’aan siyaasadeed iyo dhaqaalo dhamaan daneeyayaasha. Guddiga wuxuu soo jeedi-nayaa in Dowladda soo socoto ay la yeelato wadahadalo bangiga dhexi si ay u fahanto fursadaha ugu muhiimsan iyo qataraha ka imankaro isbadalka lacagta, iyo sidoo kale in lala bilaabo wadahadalo Maamul Goboleedyada. Arinta ugu muhiimsan ee uu bahanayo talooyin siyaasadeed waa arinka is badalada, badankeed lacagta shilin soomaaliga ee suuqa ku jirto waxaa la aminsayahay in tahay mid lacago been abuur ah. Su’aasha tagan waa in dadka heysto lacagahan, qaasatan dadka uu dhaqaalahoodu aadka u liito ay xaq u yeelan doonaan iney loo badalo dhamaan lacagahooda, qeyb ka mid ama aysan jiri doonin wax ku badalasho ah. In si guud loo aqbalo nidaamka badaladi ee la qaato wuxuu muhiim u yahay aqbalida lacago cusub. Banaabax looga horyimaado is badalka lacagaha sida kii dhawantan ka dhacay Wadanka Hindiya wuxuu aad u dhaawici doo-naa sumcada dowladda federaalka iyo bangiga dhexe wuxuu na keeni karaa xasilooni daro guud ee ka dhacda wadanka.

Helida maalgelin dibada ah

Maadaama ay jiraan caqabado dhanka Maaliyadda ah, Dowladda Federaalka waxey u baahantahay iney fursado badan u hesho lacago banaanka uga yimaado si ay ugu kab-to hanaanka dhismaha Dowladda looguna balaarsho howlaha horumarinta. Guud ahaan

Page 9: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

Deeqaha la siiyo Soomaaliya, oo ay ku jiraan deeqaha bani’aadanimo, nabadgelyada iyo kaalmada dhanka horumarinta, waxaa lagu qiyaasay $5.4 bilyan sedexdii sano ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, lacagaha toos ugu yimaado Dowladda federaalka waxaa lagu xisaabshay iney tahay keliya 158 milyan oo u dhiganta 3% oo ka mid guuda-haan lacagaha ku yimaado deeq ahaan iyo in ka yar 10% lacagaha ku yimaado deeqa-ha dhanka horumarinta.

Maadaama aysan jirin maalgelin dheeraad ah ee loo sameeyo Dowladdan, faaiideey-inka laga dhexlo dib u dejinta ayaa laga yaabaa iney caqabadeeso. 2015 ki, Guddiga and deeq bixiyayaasha lacagaha horumarinta waxey isku waafaqeen in 15% lacagaha horumarinta la soo marsiiyo dowladda federaalka. Guddiga wuxuu taageerayaa arinkan, wuxuu soo jeedinayaa in laa sii balaarsho.

In Soomaaliya loo ogalaado cafinta deenta waxey noqon doontaa wado lagu furankaro maalgelin dheeraad ah oo banaanka ka timaado, si Dowladda Federaalka ay awood ugu yeelatay in ay hesho qandaraasyo deen ah oo ka timaado hala dhinac ama dhina-cyo badan.

Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda federaalka iyo wadamada deemaha ku leh in dejiyaan wadiiqo lagu gaari karo in Soomaaliya ay buuxin karto sharuudaha deemaha leesaga cafiyo oo laga shaqeeyo qaabka Soomaliya loogu ogalaan lahaa iney gasho ni-daamka deen cafinta ee loogu talagalay Wadamada Saboolka ah ee Deemaha badan lagu leeyahay (HIPC), taaso talaabada ugu horeyso u baahan in laga helo ogolaansho hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah (IFIs). Waxaa kaloo la soo jeediyay in Dowladda federaalka iyo hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah (IFIs) ay gaaraan heshiis dib loogu hagaajinayo Qorshaha Hormarineed ee Qaranka (NDP) uuna noqon koron wado loogu sii gudbo Nuqulka Istaraatijiyadda Yareynta Baahida (Poverty Reduction Strategy Paper).

Dowladda federaalka waxay kaloo u bahantahay iney siyaadiso qaabka ay u heli kar-to maalgelin. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa Maamulka xilka la wareegayo in uu shirka London uga faaideesato fursada in laga dhaadhacsho beesha caalamka faaiidooyinka ay leedahay in la siyaadsho in si toos ah loo maalgeliyo dowladda iyo weliba qataraha ka imaan karo hadan arinkaas la sameyn oo ay ka mid tahay qatarta ah in hoos loo dhi-go ama la shiiqiyo dadaalada dhisada nidaamya oo si aad ah loo qarash gareeyo ilaa manta. Guddiga wuxuu rajeynaa in falanqaynta khatarta iyo faa’iidada ee ku aadan is-ticmaalka nidaamyada wadanka oo dhawantan la sameenayo ay ka dhalan doonto in la helo talaabooyin lagu dhimi karo halista oo la taaban karo taasoo ay fulinkaraan dow-ladda iyo deeq bixiyayaasha si kor loogu qaado in la soo mariyo kaalmooyinka dowladda.

Maalgelinta isku dhafka waxey fursad u siineesaa in loo adeegsado deeqaha in lagu kabo lacagaha ka yimaado ganacsiga si loo dhiso kaabaayasha dhaqaale. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in Dowladda Federaalka ay wada hadalo la gasho daneeyayashaa hay’ada-ha maaliyadda ee caalamiga ah (IFIs) suurtagalnimada in la dardargeliyo iyo dowrka ay ka qaadan karaan in soomaaliya ay hesho maalgelin isku dhaf ah, taasoo abuuri karto in la helo fursado shaqo iyo in hoos loo dhigo fakhriga.

Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in beesha caalamka ay balaariso dowrka ay ku leedahay dowladda soomaliya Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada (HRP) ayadoo la xooji-nayo warbixinta dowladda la siinayo ee ku saabsan qaabka loogu qeybshay qeebaha iyo goobaha kala duwanba iyo qolada bixisay. Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada (HRP) ee 2017 waa inuu diirada saaraa badbaadinta iyo ilaalinta nolasha bani’aadanka, taasoo u ogalaaneyso in lacagaha banaanka ka yimaado ay diirada saari karaan hawla-ha horumarinta kuwaasoo si hoose ula xariira howlaha u adkeysiga aafooyinka.

VIII

Page 10: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

Nidaamka Wadaaga Dhaqaalaha Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah waa inaay gaaraan heshiis ku aadan maamul daqliyadeed, habab iyo masuulyad qarashka si loo hela sinnaasho qeeyraadka, ka hor inta aan la gaarin heshiis dastuureed.

Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in la sameeyo xafiis masuul ka ah isku xirka arrimaha fed-eraalka oo hoos yimaada xafiiska madaxweynaha ama xafiiska ra’iisul wasaraaha.

Wasaaradda Maalyadda wa inay si deg deg ah u bilowdaa in lees waafajiyo canshuura-ha ayadoo ka kaashaneeso dowlad goboleedyada ilaa inta heshiisyo siyaasadeed laga gaarayo guud ahaan sharuucda kore

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa innay bilowdaa in la dhiso nidaam maaliyadeed oo ka dhaxeeyo Dowladda ayaddoo iswaafajineysa heshiisyada qaranka iyo kuwa hoos yimaada ayadoo loogu bilaabayo in lagu wareejiyo lacago yaryar Maamul Goboleedya-da si joogta ah

Deeqbixiyaasha waa inay ku wargeliyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada aay siinayaan dowlad goboleedyada, waana inay ka qayb geliyaan Dowladda Feder-aalka Soomaaliya qorshaynta Mashruuca si loo xaqiijiyo inuu waafaqsanyahay xeerarka Wadaaga Dhaqaalaha Dalka

Khayraadka dabiiciga oo loo maamulo qaab la isla wada ogyahay loona dhan yahay

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay soo gaba gabaysaa dib u eegista sharciga batroolka iyo inay aasaasto hay’adaha xakamaynta ee muhiimka ah kahor inta aan la gelin Heshiisyada Wadaagista Wax soo saarka (PSAs)

Golaha Wasiirada waa innay meel mariyaan nooca heshiiska Saliida iyo shidaalka ee la dhamaystiray ayadoo la raacayo talo soo jeedimaha Guddiga. Qodobada Heshiisya-da Wadaagista Wax soo saarka (PSAs) ee la dhamaystiray waa inay gundhig u noqotaa wada hadalada khaaska u ah Heshiisyada Wadaagista Wax soo saarka (PSAs), taasi oo ay tahay waliba inay ansixiyaan Guddiga ku Meelgaarka ee Iibka Qaran (INPB) iyo Golaha Wasiirada

Dowladda federaalka soomaaliya waa in ay ku dartaa qodobo sharciga Maamulka Maa-liyadda wadanka (PFM) oo qabyada ah kasoo qeexayo xeerarka lagu maamulayo dakh-liga kheyraadka dabiiciga sida ku xusan Siyaasada Maamulka Maaliyadda

Wasaaradda Kaluumeysiga waa in ay ogalaato nidaamka 2017 lagula wadaagayo dhakhliga ka yimaado shatiyadda kaluumeysiga badda maamul goboleedyada, sidoo kalena ay isticmaasho nidaamka wadaagista maaliyadeed oo ka dhaxeeyo Dowladda-ha si ay u helaan Maamul Goboleedyada qeybtooda ayadoo isticmaaleyso qaab dhiiro gelin karo in loo hogaansamo sharciga shatiyada.

Wasiirka Maaliyadda waa in uu kala shaqeeyo Wasiirka Batroolka in dib u eegis lagu sa-meeyo qaabka loo wadaagayo dakhliga betroolka iyo in lala bilaabo wada hadalo cu-sub dhamaan dowlad goboleedyada.

1

2

3

4

5

1

2

3

4

5

IX

Page 11: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

Uruurinta Dakhliga oo sare loo qaado

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa innaay soo gaba gabaysaa wada xaajodyada dhamaan shanta heshiis ee dakhli aruurin oo hadda jira kahor dhamaadka 2017, ayagoo sameenayo heshiisyo cad oona sidoo kale kormeero adadag dul dhigayo ilaha dhakliga ka imaanayo.

Wasaaradda Maaliyadda waa inay ku hogaamisaa dhigeeda maamul goboleedyada sida loo hormarin lahaa loona maareeyn lahaa heshiisyada dakhli aruurinta ee ku salaysan qibradeeda

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay gelisa Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud (PFM) qodobo qeexaya in awooda lagu oggolaanayo canshuur dhaaf aay leeda-hay oo kaliya Wasaarada Maaliyadda. Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay hoos u dhigto canshuur dhaafka ay ku bixineyso heshiisyadeeda iyo qandaraasyada, taasoo loo aaneenayo saameynta ay ku yeelan karto cashuur dhaafkan bixinta canshuuradka mustaqbalka, heshiisyada iyo horumarinta saldhiga dakhliga.

Ka go’naasho heer siyaasadeed ayaay u baahantahay u hogaansanaashaha canshuurta iyo waxii kale ee la xiriiira sharciyeynteda (Tusale: sharciga xiriirinta)

Dowladda federaalka Soomaaliya waa inay la bilowdaa wada hadalo furan xubnaha hoogaminaya ganacsiga gaarka ah si aay u hanato taageeradooda ku aadan inay ka soo baxaan waajibaadka sharciga canshuurta iyo innay helaan fahan ku aadan adeeg-yada aay tahay inaay ayagga bixiyaan

1

2

3

4

5

Hufnaanta Heshiisyada Iibka iyo Qandaraasyada

Raa’iisul Wasaaraha waa inuu soo saaraa wareegto dib loogu xaqiijanayo ka go’naasha-heeda nidaamka qandaras bixinta iyo hanti kala iibsiga. Wareegtada waa inay: Caday-saa masuuliyadaha iyo doorarka iibka ee dowladda dhexdeeda illaa iyo inta sharciga iibka si guud loo hergelinayo, waa inay balaarisaa awooda Guddiga ku Meelgaarka ee Iibka Qaran (INPB) inta lagu guda jiro xiliga kala guurka, waa inay dejisaa talaaboyinka dhamaan sharciyda qoran aay tahay inay raacaan kahor inta aan la saxiixin, iyo waa inay cadaysaa cawaaqibka k imaanayo hoggaansanaan la’aan

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa iney tixgelesaa inaay u xilsaarto masuuliyada hes-hiis gelida dhamaan alaabaha iyo adeegyada loo soo iibinayo dowladda wixi in go’an oo leesku ogyahay ka badan Wasaraada Maaliyadda qeybteeda Iibka si kumeel gaar ah ilaa inta laga helo Qeybaha Iibka ee ka dhisan dhamaan wasaraadaha awood buuxdana leh.

Deeq bixiyaasha waa inay dar dar geliyaan taageeridooda Nidaamka Iibka Dowladda Federaalka Somaaliya, taageero xoogan ee dhanka howlaha iyo tababaro ayaay u baa-hantahay Wasaaradda Maaliyadda iyo dhamaan wasaaradaha kale

Maamulka xilka la wareegayo waa inuu taageeraa sii socoshada guddiga mardhow la aas aasay si loo ilaaliyo hantiga dowladda, iyo in lagu shaqeeyo howlo dejisan iyo sharuu-do cadcad.

1

2

3

4

X

Page 12: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

Xoojinta Maareynta Qarashaadka

Golaha wasiirada waa inay siiyaan taagero cad wasaarada Maaliyadda inay sii yareeyso cadadka anan mushaar ahayn ee caddaan/cash ahaan loo bixiyo, iyo in loo baahanya-hay in dhamaan waxii horay loo baxshay la xisaabin doono inta aan kuwo cusub la bixin

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay dul dhigtaa maamul adag dabagalka ku saabsan dadka mushaarka la siiyo, haddii kale faa’iidada laga helo dakhliga kordhayo iyo yareynta lacagaha sida qaldan ku baxa waxaa loo isticmaalo doonaa mushaaraadka kordhayo

Wasaarada Maaliyadda waa inay samaysaa Waax Dabagal oo loo xilsaaro in ay soo cadeeyaan in alaabti iyo adeegyadii la baxshay ilaa in ka sareeso qiimo leesku ogyahay ka hor inta aan la bixin qaansheegta.

Wasaaradda Maalyada iyo Ciidanka Qaranka Soomaliyeed waa inay dhamaystiraan ni-daamka nadiifinta iyo adkaynta mushaar bixinta ciidanka iyo inay anba qaadaan diwaan gelin casri ah ee askarta waana inay bilaabaan bixinta miishaaradka iyo lacagaha loogu tala galay cuntada si toos qaanadaha shaqsiyaadka

Deeqbixiyaasha lacago ku bixinayo dhanka amniga waa inaay qeyb ka noqdaan isbadel-ka qaabka bixinta mushaaraadka, si dhamaan mushaaradka ciidanka qaranka iyo bixinta qarashadka loogu sameeyo nidaamka Dowladda ayadoo loo isticmaalayo hal nidaam oo leesku wafaqasanyahay lacagaha mushaaradka, sida horay ba loogu sameeye Ci-idanka Madaniga.

1

2

3

4

5

Hormarinta Dhinaca Maaliyadda

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay wada hadal la gashaa maamul goboleedy-ada si isfahan cad ee guud looga wada gaaro doorka bangigyada dhexe ee gobalada dhanka wadahadalada nidaamka Wadaaga Dhaqaalaha Dalka ayadoo la texgelinayo dib u habaynta lacageed

Guddiga wuxuu talo ku soo jeedinayaa in dowladda xilka la waregeysa la gasho wada hadalo waqti hore bangiyada dhexe si aay u fahanto rabitaanada muhiimka iyo qataraha la lamaanan ee ka imaan karta dib u habaynta lacageed ayna la gasho wada hadalo maamul goboleedyada

Waxaa dareen gooni ah u baahan in la siiyo arrinta lacag badalida, si loo hubiyo in dib u habaynta lacagta aysan ku yeelan saamayn xun dadka mishaarka yar ku shaqeeya ee hadda haysta lacag Soomaligii hore

Dhamaystir guuleysta ee dib u habaynta lacaga wuxuu u baahan donaa maalgelinta deeq bixiyaasha si loo daabaco loona qaybiyo lacagta cusub, iyo qarash kasta ee lagu badalayo lacagahii hore

1

2

3

4

XI

Page 13: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo

Helida maalgelin dibada ah

Guddiga waxuu ku talinayaa in Dowladda Federaal soomaaliya iyo kuwa siinayo deynta ay sameeyaan wadiiqo lagu gaari karo in Soomaaliya ay buuxin karto sharuudaha deema-ha leesaga cafiyo oo laga shaqeeyo qaabka Soomaliya loogu ogalaan lahaa iney gas-ho nidaamka deen cafinta ee loogu talagalay Wadamada Saboolka ah ee Deemaha badan lagu leeyahay (HIPC). Sidaa darteed, waa in Dowladda federaalka iyo hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah (IFIs) ay gaaraan heshiis dib loogu hagaajinayo Qorsha-ha Hormarineed ee Qaranka (NDP) uuna noqon koron wado loogu sii gudbo Nuqulka Istaraatijiyadda Yareynta Baahida (Poverty Reduction Strategy Paper).

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay shirka London uga faaideesato fursada in laga dhaadhacsho beesha caalamka faaiidooyinka ay leedahay in la siyaadsho in si toos ah loo maalgeliyo dowladda iyo weliba qataraha ka imaan karo hadan arinkaas la sameyn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyaasheeda waa inay dib u habayn ku sameeyaan kaalmada hormarinta ee hadda yoolkiisa yahay 15% iyo in laa sii balaarsho.

Dowladda Federaalka Somaaliya iyo deeq bixiyaashaba waa inay u istcimaalaan ‘falan-qeynta faaidada iyo halista’ wadajirka ah ee ku aadan isticmaalka nidaamyada wadan-ka lagu ogaanayo talabooyinka khafiifinta qatarka si aay u hergeliyaan taageerida sare u qaadista gargaarka lasoo marsiinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inaay wada hadalo la gashaa hay’adaha maa-liyadda ee caalamiga ah (IFIs) ee ku aadan sare u qaadista la samayn doona iyo doorka ah iska dhafka dhaqaale ee Soomaaliya.

Beesha Caalamka waa inay caawisaa balaarinta la shaqaynta dowladda ee ku aadan Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada (HRP), ayaddoo la xoojinaayo warbixinta dowladda la siinayo ee ku saabsan qaabka loogu qeybshay qeebaha iyo goobaha kala duwanba iyo qolada bixisay.

1

2

3

4

5

6

XII

Page 14: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo
Page 15: Guddiga Maamulka Maaliyaddamof.gov.so/sites/default/files/2018-10/FGC Warbixinta...yadda iyo warbixinada heer qaran iyo waxi ka hooseeya. Guddiga wuxuu soo jeedinayaa in dowladda bilowdo