22
Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan karaa iyagoo luqado kale ama qaab kale ah sida isaga oo far waawayn lagu daabacay, maqal laduubay, iyo waxii lamid ah. Lasoo xiriir Office of Community Engagement and Communication (Xafiiska isdhaxgalka bulshada iyo wada xiriirka) naberkiisu yahay 320-253-9333. Qoraalkaan waxaa kale oo laga heli karaa www.isd742.org.

Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

  • Upload
    others

  • View
    48

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

Xuquuqaha iyo MasuuliyadahaAradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha

Xeerka Anshaxa:

2016-2017

Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan karaa iyagoo luqado kale ama qaab kale ah sida isaga oo far waawayn lagu daabacay, maqal laduubay, iyo waxii lamid ah. Lasoo xiriir Office of Community Engagement and Communication (Xafiiska isdhaxgalka bulshada iyo wada xiriirka) naberkiisu yahay 320-253-9333.

Qoraalkaan waxaa kale oo laga heli karaa www.isd742.org.

Page 2: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

2 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Buugan Waxuu Ka Kooban Yahay

Warqad ku socota Waalidiinta/Mas’uulada 3 Oraahda Howlgalka, Dhuuxa Qiimaheena, iyo ujeedooyinka Istaraatiijiga 4 Mas’uuliyadaha la wadaago 4 Xuquuqda Ardayga & Masuuliyadaha 5 Helitaanka Diiwaanada 5 Imaanshaha iyo Soo Daahidda 5 Mamnuucidda Xoog iskuu Sheegashada 5 Fursadaha Loo Simanyahay 5 Cadaalad u Sameyn 6 U Fasaxnaanta Hadalka iyo Muujinta Ra’yiga 6 Waxbarashada iyo Shaqada Tacliinta 6 Dawooyinka 7 Takoor la’aanta/ Handadaad la’aan 7 Hantida Qofka ee khaaska ah iyo Macluumaad Asturan 7 Dhaarta u Daacad Noqoshada 8 Labiska Ardayga 8 Xukuumadda Ardayga 8 Isticmaalka Teknoolijiyada iyo Ammaanka 8 Habka Taageerada Degmadda 742 9 Heerarka Anshaxa Ardayga 10 Dhexgallada , Ujawaabida , iyo Heerarka Xadgudubyada 11 Liiska Macnaha Erayada 20 Ilaha Iskoolka - Caawinta Xalinta Dhibaatooyinka 20

Xeerka Anshaxa:

Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha

Hordhac Buugan waa hage loogu talagalay ardayga dhaqankiisa. Degmada 742 Madaxdeeda Waxbarashada waxay abuurtaa hadana fulisaa shuruuc hagta ficilada qof-kasta oo dagamada ku jira. Kormeeraha Guud waxuu abuuray/sameeyay hab tusaaya sida loo fuliyo shuruucda gudaha Degmada 742, maamulayaasha iyo maamulayaasha barnaamijka ayaa iyagana kadib ku dari kara tilmaamaha khaaska u ah iskoolka iyo waxa ay ka rajeynayaan. Macalimiinta iyo shaqaalaha kale waxay la shaqeeyaan ardayda si ay u dhigaan una raacaan waxa laga rajeynaayo ee ah sida ay fasal walba gudahiis wadajir ugu wada shaqeyn doonaan. Shaqaalaha qaangaarka ah waxaa qabta xeer dhaqameed sare oo la xiriira hab-dhaqankooda waxayna hoos tagaan sharciyada khuseeya oo dhan eek u cad, Shuruucda Madaxda Waxbarashada, iyo Waaxda Shaqaaleyta sharciyadooda iyo hab-dhaqankooda. Shuruucda iyo qawaaniinta kusaabsan ardayga

daqankiisa iyo edabtiisa ee ku qoran buugan waxay

oofiyaan Shuruucda Madaxda Waxbarashada sida lagu

xusay gudaha Sharciyada Madaxda Degmada 742, 105,

106, 503, 504, 506, 514 iyo Minn. Stat. § 121A.55(a).

Buugan gacanta wuxuu khuseysaa dhacdooyinka iyo xaaladaha kadhaca iskoolka dhismihiisa, dhul ah milkiyadda degmada Iskoolka, howlaha dugsiga ama waxyaalo iskoolku qabto, gaadiidka iskoolka, ama kombuyuutarada iskoolka, shabakada(networks), warbaahinta(forum), ama liisaska wada xiriirka(mailing lists) . Buugan gacanta waxuu khuseeyn karaa sidoo kale dhacdooyinka ka dhaca dhismaha iskoolka banaankiisa kaas oo ilaa xad muhiim ah carqalad la taaban karo ku ah waxbrashada aradayda ama deegaanka iskoolka.

Mahadcelin Gaar ah oo ku socoto Iskoolada Bulshada ee St. Paul iyo Iskoolada Bulshada ee Minneapolis cawiinaada ay ka geeysteen habeeynta buuga Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha.

Page 3: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

3 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

August 2016

Gacaliye Jaaliyaddaha Iskuulka:

Degmo dugsiyeedkeena wuxuu isku sii-diyaarinnayaa sanad-dugsiyeed xiiso-leh oo ku dhiiri-geliya. Qorshaha Muhiimadda u leh Degmo

Dugsiyeedka ayaa ah waxa nagu haggaya in aan sii wadno howlgalkeena oo waa in aan abuurno jawi amni leh oo daryeel iyo dhaqan aan

ku diyaarinayno, dhaxgalinayo, barayno, awood u siinayno, kuna dhiiri-galineyno dhammaan ardayda waxbaraneyso iyagoo

kaashanaya bulshada ku hareersan si ay ugu guuleeystaan bulshada maanta iyo tan beritoba.

Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha sanadkan (oo horey loogu yaqiinay sida Xeerka Anshaxa) bug-yaraha ayaa hagaya howsheena oo ah in aan

abuurno oo aan sii joogteyno bay'ad waxbarasho oo ammaan ah halkaas oo dhammaan ardayda, shaqaalaha iyo xubnaha jaaliyadda oo

dhan dareensiisa soo dhowayn, ixtiraam iyo meel ammaan ah. Isticmaalka buug-yaraha Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha ka degmo ahaan

wuxuu xaqiijinnayaa in aan sii wadno dadaalkan.

Qof kasta oo degmo dugsiyeedkeena ka mid ah, ha noqdo arday, xubin qoys, macallin, maamul, xubin shaqaale ama iskaashatada

jaaliyadda, dhammaantooda waxay lee yihiin dooar aad muhiim u ah oo ah ka ciyaarayaan si loo sugo in ardayda oo dhan loo fidiyo

bay'ad iijaabo leh. Buug-yaraha Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha wuxuu si cad u qeexayaa waxyaabaha annagu aan filanayno, sida ka

jaaliyad ahaan, waxaabaha annagu aan qiimayno iyo waxyaabaha annagu aan qaddarinno.

Fadlan adiga iyo ardaygaaga(ardaydaada) dib muraajico ugu sameeya buug-yaraha Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha si aan u xaqiijinno in

dhammaanteena wadajir aan uga wada shaqeyno in jaaliyadda iskuulkeena ay diyaar ugu noqdaan waxbaris iyo barasho heer sare ah.

Barteena internetka ee: www.isd742.org qaybta ka hoosaysa Qoysaska [Families]waxaan ku soo darnay oo aad ka heli kartaa fiidiyow ka

hadlaya buug-yaraha Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha. Fadlan si wadajir uga wada hadla waxyaabaha laga filanayo. Waxaan aamminsan

nahay in buug-yaraha Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha inuu ardaydeena uu ka caawin karo si ay u noqdaan muwaaddiniin adag, oo

muwaaddinnimo ay ku jirto oo wax soo saar leh.

Daacadnimo,

Willie L. Jett III Dr. Les Green

Muraaqib Guddoomiye, Guddiga Waxbarashada

Page 4: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

4 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Oraahda Howlgalkeena

Waa in aan abuurno jawi amni leh

iyo daryeel iyo dhaqan aan ku

diyaarinayno, dhaxgalinayo, barayno,

awood u siinayno, kuna dhiiri

galineyno dhamaan ardayda

waxbaraneyso iyagoo kaashanaya

bulshada ku hareersan si ay ugu

guuleeystaan bulshada maanta iyo

tan beritoba.

Dhuuxa Qiimaheena Waxaynu aaminsanahay in…

Qof waliba uu istaahilo si siman in

uu u helo tayada ugu sareeysa ee

waxbarashada si loo kordhiyo

koboca qofka.

Aragtiyo dhowr iyo aragatiyo kala

duwan ay qeyb ka qaadan karaan

go’aan gaaris quman iyo

waxbarasho.

Kuligeenba waan ka faa’idnaa

markii ay bulshada kawada

shaqeeyaan hal ujeedo.

Waxbarashada mudada-dheer ay

asaasi u tahay qofka inuu dhismo

kuna baraaro bulshadeena aduun

weynaha ah.

Heerka ugu sareeya ee guusha

qofka lugu gaaro lahaanshaha

kawada qeybqaadashada qofka,

qoysaska, iskoolada iyo

bulshadeena.

Ardayda

Aamin fursadahaaga aan xadka lahayn si aad heersare ugaartid

Dhis xiriir fiican oo shaqaalaha iskoolka kaala dhexeeya kuna sugnoow sidaas wanaagsan

Abuur jawi u dabaal daga kala-duwanaanshaha khaaska ah ee bulshadeena taageerna arinkaas

Qorshee oo habee howshaada maalinlaha ah si aad u ahaato qof guul ka gaara howlihiisa maalinta

oo dhan

U xeydo aqbalida masuuliyada iyo barashada in aad dusha u dhigato falkaada

Tus ixtiraam ardayda kale, qoysaskooda iyo shaqaalaha dhamaan

Baro oo muuji dugsiga oo dhan dhaqanka laga rajeynayo

Aad iskoolka maalin walba, fasal kastana xaadir waqdigiisa, si aad wax u barato, gelina dadaalkaaga

ugu wanaagsan

Dhaxgal adiga oo garab istaagaya qofkasta oo ah bartilmaameedka xoog-sheegashada, soona sheeg

ficilada xoog-sheegashada isla markiiba

Usheeg qof qaangaar ah markii aad u baahato caawimaad ama taageero

2014-2019 Qorshaha Istiraatijiga

Shaqaalah Degmada 742 iyo Bulshada iskoolka

Aamin ilmahaaga in ay leyihiin fursado aan xad laheyn si ay heersare u gaaraan kuna caawin in ay

gaaraan hamigooda

Abuur jawi/goob diiran, soo dhaweyn leh, waxbarasho nabad iyo amni ahna leh

Abuurjawi u dabaal daga kala-duwanaanshaha khaaska ah ee bulshadeena taageerna arinkaas

Dhis xiriir fiican oo kaala dhexeeya ardayda iyo qoysaskooda kuna sugnoow sidaas wanaagsan

Xiriir joogto ah la same qoysaska

Samee bulshoiyo jawi waxbarasho kaas oo siinaya bulshada guul dhanka bulshada, dareenka iyo

habka waxbarashada

Dhig, si joogta ah u ilaali tacliin sare iyo dhaqanka laga rajaynayo dhamaan ardayda

Horseed dhaqan xirfadaysan oo lagula tacaalayo xaalada adag iyo istraatiijiga xaalad dajinta markii ay

daruufi noqoto

Isticamaal waxyaalo la xariira dhaqanka si loo siiyo tacliin gudagishan oo ku haboon wax sheegid

Bar, horseed, dhiiri galena isticmaalka dhaqamada la rajeenayo

Kula dhaqan ardayda dhamaan si isku mid ah oo joogto ah markii loo jawaabayo xadgudub loo gaystay

dhaqanka laga rajeenayo iskoolka dhamaantii

Dhiiragali jawi waxbarasho oo aan ogolayn, samaaxayn, ama u dulqaadanayn xoog sheegashada

Iyadoo ku saleeysan Degmada Qorshaheeda Istiraatijiga iyo Dhuuxa Qiimaheena, dhammaan xubnaha katirsan bulshada iskoolka waxeey ciyaaraan door muhiim ah si ay u hubiyaan inaanu haysano jawi waxbarasho oo fiican ahna amaan.

Qoosaska

Aamin ilmahaaga in ay leyihiin fursado aan xad laheyn si ay heer sare u gaaraan kuna caawin in ay

gaaraan hamigooda

Dhis xiriir fiican oo aad la yeelato shaqaalaha iskoolka

Abuur jawi u dabaal daga kala-duwanaanshaha khaaska ah ee bulshadeena taageerna arinkaas

Kala shaqee shaqaalaha si xurmaysan habka diirada saaraya guusha ilmahaaga

Raadi caawimaad hadii aadan ku raacsaneeyn go’aan ama aadan fahmin sababta ka danbeeysa

Xaadir kulanka qoyska-macaliminta, ama hadii aadan awoodi karin inaad xaadirtid, la xiriir macalinka

ilmahaaga ama la-taliyaha si aad u sameeysaan heshiis khaas ah

Xurmeey, taageerna jawiga waxbarashada, xoogga saarna muhimada ay leedahay isu diyaarinta

iskoolka

Kobci ilmahaaga aflaxaadiisa tacliimeed iyo dhaqanka iskoolka gudahiisa adiga oo ku adkaynaya

muhimada eay leedahay raacida iskoolka oo dhan dhaqanka laga rajeynayo

Hubi in ilmahaaga ay yimaadaan iskoolka waqtigiisa maalin walba

Hubi guriga iyo qoyska macluumadka lagula soo xiriiro inaad noo keentay ama ilaalisid kii ugu

dambeeyey inuu yahay

Lajirso degmada si looga hortago falalka xoog-sheegashada

Page 5: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

5 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Xuquuqaha Ardayda, Masuuliyadaha iyo Fursadaha Ardayda dhigita Degmada 742 waxay leeyahiin fursado kala duwan. Ardayda sidoo kale waxaa masuuliyado ka saaran yihiin macalimiinta, shaqaalaha kale iyo ardayda kalaba. Ardayda waxay kaloo leeyihiin xuuqyo kale ay Dastuurka iyo qawaaniinta gobolka iyo kuwa maxalligaba u damanad qaaday. Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha ku qoran buugan ma’ahan mid khaas ah kuligiis, mana daboolayo xaalad kasto oo soo gudboonaata. Shaxda/qoraalka hoose waxuu sharaxayaa xuquuqda, fursadaha, iyo masuuliyada ardayda kunool Degmada 742.

Helitaanka Diiwaanada

Xuquuqaha Masuuliyadaha Waalidka/masuulka ardayda ama ardayda qaangaarka ahi waxay xaq u leeyihiin inay arkaan ama ay kahadlaan diiwaankooda iskoolka markii la eego shuruucda gobolka iyo fedaraalkaba. Ardayda waxa ay xaq u leeyihiin in la asturo waxa ku saabsan diiwaankooda iskoolka. Hadii lasiidaayo macluumaaka ardayga waxuu ku salaysanaan doontaa sida ay qabto shuruucda iyo qawaaniinta ay degmada iskoolk dajisey. Hadii aad rabto macluumaad dheeraad ah guji: Board Policy 515.

Ardayda waxay masuul kayihin inay raacaan habka loo helo diwaanka iskoolkooda ee ay dajiysay degmada.

Imaanshaha

Xuquuqaha Masuuliyadaha Ardayda sharciga u leh waxay xaq u leeyihiin wax barashada bulshada sida ay dhigayso shuruucda gobolka iyo dowlada. Maqnaanshah ama daahida ay sababteedu tahay diinta fasaxyadeeda waa in lagu diiwan galiyaa maqnaansho ama daahitaan cudurdaar leh iyadoo qoraal ah codsigana ka socota waalidka/masuulka. Hadii aad rabto macluumaad dheeraad ah guji: Board Policy 503.

Ardayda iyo qoysaska waxay masuul ka yihiin inay raacaan shuruucda iyo habka iskoolka xaadiridiisa iyo soo daahitaankiisa. Ardayda iyo qoysaska waxay masuul ka yihiin inay losocosiiyaan iskoolka (tusaale, warqad qoraa ah, wacitaan taleefonka, eemeylka) maqnaanshaha kahor ama kusoo noqoshada isoolka oo maqnaanshaha kadib. Ardayda waxay masuul kayihiin inay ka raadsadaan warqad fasax ah qof shaqaale ah markii ay ka daahaan fasal ama hadii loo baahdo in fasalka laga baxo. Ardayda iyo qoyska waxay masuul kayihiin inay la socodsiiyaan iskoolka hadii uu ardayga ku khasban yahay inuu baxo maalmaha iskoolku socdo.

Mamnuucida Xoog Isku Sheegashada

Xuquuqaha Masuuliyadaha Ardayda waxay xaq u leeyihiin inay wax ku bartan jawi aan oggalayn, samaaxin, u dulaqaadaneyn xog-sheegashada ama xoog-sheegashada internetka la isticmaalo taas oo ka imaanays a qof kaliya ama kooxba.

Ardayda waxay xaq u leeyihiin inaysan lakulmin argoosi hadii ay si niyad wanaagsan u soo sheegaan xoog-sheegasho ama xoog-sheegashada internetka la isticmaalayo.

Hadii aad rabto macluumaad dheeraad aad: Board Policy 514. CHAPTER 160--H.F.No. 826

Ardayda aminsan in la bar-tilmaantay ama ah dhibane xoog-sheegasho ama ka warhaya ama aaminsan in lagu dhaqmayo xoog-sheegasho waa inuu soo wargaliyaa iskoolka shaqaalahiisa falka la tuhmayo isla markiiba. Ardayda waxaa masuuliyad ka saaran inuu dhaxgalo xoog-sheegashada isaga oo ka socoda qofka labar-tilmaamanayo uuna soo sheegaa fal kasta oo xoog-sheegasho ah islamarkiiba.

Fursadaha Loo Simanyahay

Xuquuqaha Masuuliyadaha Aradayda waxay xaq u leeyihiin fursado wada siman inay ka qayb galaan howlaha iskoolka, siduu sharcigu ugu fasaxay, iyo barnaamijyada iskoolka waxbarashadiisa hadba kii ay u qalmaan.

Ardayda waxaa masuuliyad ka saaran inay raacaan shuruucda iyo habka iskoolka howlahiisa in ay ka qeybgalayaan. Ardayda waa inaysan ka niyad-jabinin ardayda kale inay ka qeybgalaan.

Page 6: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

6 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Cadaalad u Sameyn

Xuquuqaha Masuuliyadaha Ardayda waxay xaq u leeyihiin habka markii la eego kaaso ku qeexan Minnesota Pupil Fair Dismissal Act markii ay khusayso ku xadgudubka sharciyada degmada. Waxaa ku jirta in lasiiyo fursad lagu dhagaystay nooca xadgudubka iyo in latixgaliyo xaaladeeda. Ardayda waxay xaq u leeyihiin inay fishaan qarinta tilaabooyinka laqaaday. Ardayda waxay xaq u leeyihiin in lala socodsiiyo shuruucda fasalka iyo iskoolka khuseeya, waxii laga filanayo iyo habkooda. Ardayda waxay xaq u leeyihin in shaqaalaha iyo ardayda kale ay ula dhaqmaan si ixtiraam leh. Ardayda waxay xaq u leeyihiin inay ka madax banaanaadaan taabashada jirka ee macalinka iyo ardayda kaleba ee aan macquulka ahayn. Hasa ahaatee dhaxgalka shaqaalaha si uu ardayga uga ilaaliyo dhaawac jirka ah way banaan tahay.

Ardayda waxay masuul ka yihiiin inay ka jawaabaan dhamaan shaqaalaha su’aalahooda iyo tilmaamahooda, laxiriira dhamaan shariciga, qawaaniinta iyo waxii laga filanayo ee iyaga khuseeya.

Ardayda waxey masuul kayihiin in ay yaqaaniin oo ay raacaan dhamaan sharciyada fasalka khuseeya, iyo hababka iyo waxii laga filanayo.

Ardayda waxay masuul kayihiin in ay si ixtraam leh ula dhaqmaan dadka ku hareereysan oo dhan.

Ardayda waxay masuul kayihiin inay dhowroon qof walba xadkiisa iyo xurnimadooda e ku hareersan.

Ardayda waxaa laga rajeynayaa in dhamaan hantida dadka kale iyo tan degmanadaba ay ula dhaqmaan si mas’uuliyad leh.

Ardayda waxay masuul kayihiin inay ku dhaqmaan anshax aanan u handadeyn ama dhawaceynin nafsadooda, dadka kale, iyo hanti.

U Fasaxnaanta Hadalka iyo Muujinta Ra’yiga

Xuquuqaha Masuuliyadaha Ardayda waxay xaq u leeyihiin hadalkooda xad ilaa inta uusan ku xadgudbin xuquuqaha dadka kale.

Ardayda waxay masuul ka yihiin inay ra’yigooda soo bandhigaan, daabacaan iyadoo qoraal ah, qaybiyaan hab sida ah:

Aan ku qadfeyn, fisqi, takoor ama galmo cad,

Aan ku jirin tixraac la xiriira khamrada, kiimikada, iyo tubaakada ama waxyaabo kale oo ka mamnuuc ah dadka yaryar,

Aan fara lagaleyn xuquuqaha dadka kale,

Aan khalkhal galinayn jawiga iskoolka ee waxbarasho, iyo

Raaca sharicyada iyo hababka iskoolka oo kusaabsan waqtiga, goobta, iyo asluubta.

Maamulka iskoolka fasaxiisa ayaa khasab ah hadii la qaybinayo qoraal ama lasoo dhajinayo.

Waxbarashada iyo Shaqada Tacliinta

Xuquuqaha Masuuliyadaha Ardayda waxay xaq u leeyihiin inay iskoolka dhigtaan ayna kahelaan tacliin siduu sharciga dhigayo. Iskool aadid waa mudnaan, ma’ahan xaq. Ardayda waxay xaq u leeyihnin inay iskoolka ku dhigtaan jawi amni ah kana madaxbanaan carqalado. Ardayda waxay xaq u leyihiin inay dhameystiraan shaqooyinka dhaafay intii ay maqnaayeen. Ardyada aanan awoodi Karin inay iskoolka bogiisa galaan sabab xanuun darted ama dhaawac dartiis waxay xaq u leeyihiin in lagu wax labaro iyagoo gurigooda ama cusbitaalka jooga siduu nidaamka gobolka cadeeynayo. Hadii aad rabto macluumaad dheeraad guju: Minn. Stat. § 120A.36.

Ardayda waxay mas’uul ka yihiin soo xaadiridda iskoolka maalin kasta, uga shaqeynta shaqada fasalka waqtigii loo qabtay iyo keensashada fasalka agabka waxbarsho ee loo baahan yahay in fasalka lagu isticmaalo. Ardayda waxay mas’uul ka yihiin u dhaqmidda qaab taageeraya waxbarashada dadka oo dhan, qaab aan keenaynin in cabsi laga qabo khatar ama qaab sababaya khatar dhab ah oo iyaga saameyneysa ama dadka kale iyo hab aan qaseynin/arbusheynin waxbarashada dadka kale. Ardayda waxay mas’uul ka yihiin in raadsadaan oo ay sameeyaan waxyaalihii dhaafay mudadii ay maqnaayeen. Ardayda waxay mas’uul ka yihiin soo sameynta shaqadii loo diray ee qeyb ka ah habwarbarasho oo guriga/isbitaalka ah.

Page 7: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

7 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Dawooyinka

Xuquuqaha Masuuliyadaha Arday waxay xaq u leyihiin inay helaan dawooyin iyo nidaam caafimaad taaso maamuleysa maalmaha iskoolka la dhigto siduu ardayga iskoolka u xaadiro.

Ardayda waxaa masuul kasaaran inay raacaan shuruucadda ay madaxda dajisay e kusaabsan dawoonyinka. Ardayda iyo qoysaskaooda waxaa masuuliyad kas aaran inay usoo gudbiyaan kalkaalisada iskoolka ogeysiisyo qoraal ah hadii lagu khasban yahay in lagu maamulo dawooyin inta uu ardayga joogo maalmaha iskoolka la dhigto. Dhamaan dawooyinka iskoolka la keenayo waa inay ku jiraan quraarahooda asalka ah ee calaamadeysnaa. Hadii aad rabto macluumaad dheeraad ah guju: Board Policy 516. Procedures: 516A, 516B.

Takoor la’aanta/ Jawi Handadaad la’aan

Xuquuqaha Masuuliyadaha Ardayda waxay xaq u leeyihiin inay wax ku bartaan jawi ka madax banana takoor, handadaad iyo rabsho kaas oo ku salaysan jinsiyada qofka, midabka, caqiidada, diinta, asalk wadanka, jinsiga, da’ada, xaaladda guurka, xaaladda la xariirta kaalmada bulshada. Ardayda waxay xaq u leeyihiin kana madax banaanyihiin argoosi hadii ay si niyad wanaagsan u soo sheegaan takoor, dhibaato ama rabsho.

Ardayda waxaa masuuliyad ka saaran in ay ardayda kale iyo shaqaalaha degmada ula dhaqmaan qaab aan kala takoor laheyn ama dhibaato taas oo ku saleysan kooxda la ilaaliyo (protected class). Ardayda waxaa masuuliyad kasaaran inay usoo sheegaan shaqaalaha (tusaale, macalinka ama maamulaha) dhacdooyinka takoor ah, dhibaatada ah, rabshada ah , ama arogoosi mid ay la kulmeen iyo mid ay ka warhayaanba.

Hantida Qofka ee khaaska ah iyo Macluumaad Asturan

Xuquuqaha Masuuliyadaha Guud ahaan ardayda waxay xaq u leeyihiin asturaad ayaga u gooni ah iyo mid hantidooda khaas ku ah inta ay ku jiraan dhismaha degmada iyo iskoolka waxuu masuulka ka yahaya ama howlo laxiriira. Markii la eego sharciyda Minnesota, ardayda waxay xaq u leeyihiin iney isticmaalaan hantida uu iskoolku leeyahay (tusaale, khaanadaha, miisaska) si ay ugu xafitaan alaabaha loogu talagalay ee ay leeyihiin iyagoo fahansan in wax kasta ee uu iskoolka leeyahay si khaas ah gacanta ugu hayaan madaxda iskoolka lana baari karo sabab kasto ha ahaatee, waqti kasta, ogalaansho la’aan, fasax la’aan ama aan loo baahneyn warqada amarka baarashada. Hadii aad rabto macluumaad dheeraad guju: Minn. Stat. § 121A.72, subd. 1.

Ardayda waa inaysan iskoolka la’imaan waxyaalo ama alaab ku xadgubeysa iskoolka degmada qawaaniintiisa, iskoolka shuruucdiisa ama degmada ama shaciga faderalka, ama wax sabbabi kara dhib, ama u muuqda inuu sababo carqalad ama khartar galin kara caafimadka ama aminiga ardayda, am dadka kale ee jooga iskoolka, ama iskoolka howlo uu maamulo ama uu lug kula jiro, lakiin intaas kuma koobna, alaab lasoo xaday, hub iyo wax hub shabaha iyo alaabaha kale ee sharcigu diido. Hadii ay jirto shaki macquul ah in uu arday haysto waxyaalo la mamnuucay ama loo malaynayo baaritaan ayaa waxuu daaha ka qaadi karaa cadymaha gaf loogaystay shuruucda iskoolka ama qawaaniintiisa, madaxda iskoolk ama kuwa loogu tala galay ayaa ku fulin kara baaritaan macquul ah araday ama hantidiisa. Ardyda waxay masuul ka yihiin xaalad fiican inay ku ilaashadaan khasnadooda/miisaskooda ama ka baneeyaan/maraan waxyaalaha sharci darada ah ama mamnuuc ah. Alaabta khaaska u ah ardayda ee iskoolka khaanadiisa waxaa kaliya baari kara madaxda ama dadka khaaska ah hadii ay jirto shaki macquul ah oo la isleeyahay waxaa daaha laga qaadi karaa cadeymo jabinayaa qaanuunka ama sharciga iskoolka. Kadib baaritaanka ardayga hantidiisa khaaska ah, iskoolka madaxdiisa iyo qofka loo xilsaaray waxay ku khasbanyihiin in ay la socod siiyaan baaritaanka ardayda khaanadahooda labaaray sida ugu dhaqyaha badan ee ay suurtagal tahay, marka laga reebo hadii in daaha laga qaado baaritaanka ay caqabad galiso dambi baarista booliska ama degmada iskoolka.

Page 8: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

8 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Dhaarta u Daacad Noqoshada

Xuquuqda iyo Fursadaha Masuuliyadaha

Sharciga Minnesota waxuu dhigaya in dhamaan iskoolada bulshada in ay ardayda siiyaan fursada ay ku akhriyaa Dhaart u Daacad Noqoshada ugu yaraan hal jeer isbuucii una ogoladaan arday inay diidi karaan ka qeybgalka.

Qof walba oo aanan doonayn inuu ka qeybgalo akhrintaas Dhaarta u Daacad Noqoshada sabab kasto oo khaas ah ha noqoto laakiin waa in uusan faragelin dadka kale xaqooda doorasho.

Labiska Ardayga

Xuquuqaha Masuuliyadaha

Ardayda waxay xaq u leeyihiin habka ay u labistaan ama ay xirtaan

ilaa markii laga reebo hadii ay keeni kartokhatar cad oo ardayda

kale caafimaadkooda iyo amingooda wax yeeleysa ama ay

sababayso carqalad lataaban karo oo ay ku tahay ardayda wax

barashadooda ama jawiga iskoolka.

Ardayda waxaa masuuliyad ka saaran tahay inay xirtaan dhar u kuhaboon iskoolka. Si loo ilaaliya amniga waxbarashda iyo jawiga, ardayga maxiran karo labis khatar u ah caafimaad iyo amniga, fisqi ah, galmo cad ah ama takoor ah. Dharka muujiya waxyaabo tixraacaya khamrada, kiimikada, tubakada ama alaabo kale oo laga mamnuucay isticmaalkooda caruurta lama ogola. Fadlan fiiri Buuga gacanta iskoolka ee ardayga hadii aad rabtid tilmaamo khaas ah. Ardayda waxay masuul kayihiin in laga fisho nadaafad iyo is qurxin sida iskoolka heerarkiisa ugu yar u dajisan.

Isticmaalka Teknoolijiyada iyo Ammaanka

Xuquuqda iyo Fursadaha Masuuliyadaha

Ardayda waxay fursad u leeyhihiin inay helaan degmada teknooliyadeeda adeeg ee kala duwan. Ardayda naafada ah oo hela adeegyada waxbarasho ee khaaska ah waxay xaq u leeyihiin in lasiiyo aalado teknooliji oo caawina ama adeegyada loo baahan yahay si loo hubiyo (free, appropriate public education [FAPE]) waxbarsho bulsho oo ku haboon bilaahna ah. Ardayda naafada ah ee ku cad qodobka 504 qorshahiisa waxay xaq u leeyihiin in la siiyo qalab kaba oo ku haboon (tusaale, teknooliyada) iyo adeegyo u saamaxaya fursado siman sida ay uga qayb galaan uguna raaxeystaan faa’idooyinka adeegyada, barnaamijyada ama howlaha ay qabato degmada.

Ardayda waxaa masuuliyad ka saaran tahay in ay si haboon u isticmaalaan teknolajiiyada degmada iyo inay raacaan degmada iyo iskoolka shuruucdooda iyo hababkooda. Ardayda waxaa masuuliyad ka saaran tahay in ay ixtirmaan qarsoonida ardayda kale, inaysan si kas ah u raadsan macluumaadka istimaalayaasha kale, raadsan nuqul (koobi), ama wax kabadalin waraaqahood, xoogtooda, iyo basswardhkooda fasax la’aan. Ardayda waxay masuul kayihin inay ilaaliyaan amniga teknolojiyada degmada iyo inay aqoon sadaan, xushmeeyaan xuquuqda hantida aqooneed ee dadka kale. Ardayda waxay masuul kayihiin inay islamirkiiba u soo sheegaan degmada iskoolka maamulkiisa saxda ah helitaanka xayeeysiisyo waxyaalo aan la’ogalayn ama galayo bogag intarnetka oo aan la’ogalayn. Ardayda waxaa masuuliyad ka saaran tahay inay ka fikiraan inta aysan wax soo dhajin, ixtiraamaan dadka kale ee internetka ku jira, in ay foojignaadan markii ay lakulmayaan asxaabta internetka ku jira qof ahaan iyo in ay nafsadooda ilaaliyaan internetka marka ay ku jiraan. Hadii aad rabto macluumaad dheeraad guju: Board Policy 106 iyo Board Policy 514.

Xukuumadda Ardayga

Fursadaha Masuuliyadaha

Ardayda waxay fursad u leeyihin inay sameeyaan ama ay ka qayb

galaan xukuumada ardayda taas ooo u furan dhamaan arday lasoo

bandhigay. Ujeeda xukuumada ardayda ay u jirto waa in ay soo

jeediso ama ay u jawaabto ardayda baahidooda.

Markii la sameynayo xukumada ardayda, ardayda waxay masuul

katahay inay dhisaan shuruuc xukuumadeed oo ujeedo badan.

Xukumada ardayda waxay masuul katahay inay la xiriirto ardayda,

shaqaalaha, iyo madaxda iyo inay kawarhayaan, raacayaana sharci

kasta ee iskoolka degmada taas oo saamayneysa xukuumada

ardayda wax qabadkooda.

Page 9: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

9 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Habka Taageerada Degmadda 742

Buugan gacanta waxaa loo sameeyay si uu ula jaan qaado habka PBIS e anshaxa iskoolka. PBIS waa qaab heerar kala duwaan oo loo adeegsado Degmada 742, gobolada guud ahaan, wadanka iyo aduunkaba, taaso ku saleysan cilmi-baaris iyo cadeymo. Habkan waxuu hagaa iskoolda si ay u abuuraan una joogteeyaan jawi dhaqan oo loo dhanyahay oo fiican, wax ku oolna ah, tagaarana tacliinta iyo niyada-bulshadeed oo dhamaan ardayda guushooda ah. Habkan waxuu iskoolada u ogalaada si joogta ah inay u dhisaan una hagaajiyaan habka iyo ku dhaqmidiisa si ay ula tacaalaan baahida bulshada iskoolkooda. Qodobyada Furaha u ah PBIS

Qeexitaanka ujoodooyinka iyo natiijooyinka tacliinta loo baahanyahay iyo bulshada-shucuurtooda

In la dhiso lana hormariyo nidaamka iskoolka oo dhan

Doorashada iyo howlgalinta dhaqamo ku saleysan cadeymo

Aruurinta iyo isticmaalk xogta si ay uhagto go’aan gaarista

Kooxaha iskoolka waxay iskticmaalaan hababka shaqo ee kaladuwan waxayna habeeyaan hab sadax geesood ah kaas oo tageeraya ardayda dhamaan. Xooga waxaa la saaraa kahortagaga dhaqamada dhibka ah, hormarinta xirfadaha bulshada, iyo isticmaalida xogta ku sulaysan dhib xalinta sida loo wajaho dhaqamada walaaca laga qabo ee jira. Habka 1aad waxuu xooga saaraa ka hortaga dhaqanka dhibka ah isagoo raacaya dhaqamadaan muhiimka ah:

1. Bar dhaqamada iskoolku rajeynayo 2. Aqoonso isticmaalka dhaqamda la rajeynayo 3. Garo oo isticmaal khalad sixida wax ku oolka ah 4. Aruuri oo isticmaal xogta si aad go’aan u gaartid taas oo hagaajinaysa ardayda natiijadooda

Habka 2aad & 3aad waxuu faraha lagalaa oo taageeraa ardayda aan raacin habka 1aad ee kahortagga ah. Hadaad macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan PBIS Degmada 742 iyo iskoolkaaga, guji: Positive Behavioral Interventions and Support

Habka 3aad- Dhaxgalka Xoogan ee Qof ahaaneed Qiyaastii 0-5% oo ardayda Habka 3aad waa wax ku ool hadii uu hormar jiro (tusaale, farqi daboolmaya, dhacitaankiisa oo yaraada, darnaanta, mudada dhaqanka kaas oo saameynaya waxbarashada)

Habka 2aad – Dheeraadka/Ujeedo Qiyaas ahaan 15-20 oo Ardayda Habka labaad waa wax ku ool hadii ardayda 70-80% Ay hagaajiyeen waxqabkooda kadib markii faraha lalagalay(tusaale, farqiga oo yaraanaya markii la eego habka lalacabirayo (benchmark), noqnoqoshada dhaqankii carqaladaynayey waxbarasho oo yaraaday)

Habka 1aad – Asaaska waxbarida/Asaaska ka hortaga Dhamaan ardayda Habka koobaad waa wax ku ool hadii ardayda 80-85% ay raacan tilmaamaha asaasiga ah (tusaale, inay gaareen qiimaynta la cabirayo oo asaasiga kaliya ah iyo muujinta dhaqanka laga rajeynayo iskoolka dhamaan)

Page 10: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

10 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Heerarka Anshaxa Ardayga

Jawi aamin ah oo fiican lagama maarmo waxbarashada. Ogaanshaha iyo raacida degmada waxay filanayso iyo habka waxuu taageerayaa ardayda si ay doorasho wanaagsan u sameeyaan. Hadii arday la carqaladeeyo ama loo dhaqamo si aan haboonayn, waa lala xisaabtami doonaa tilaabooyinkooda. Hadii ardaydu aysan raacin sharciyada, shaqaalaha iskoolka waxaa laga filaayaa inay wax ka qabtaan si ku haboon oo siman. Qeybtan buugan gacanta waxuu qeexayaa shanta heer ee xadgubyada dhaqameed oo ay la socota tusaalooyin tagaaro ah, dhaxgalid iyo wax ka qabasho. Tilmaamoyinka waxay qeexayaan ficilo kaladuwan kaas oo aan ka qaadan karno markii ay dhacdo dhaqan xadgudub ah. Dhaxgalida iyo wax kaqabashada waxaa loo isticmaalayaa iyado la eegayo tilmaamooyinka guud ee shanta heer ee shaxda dhaqanka. Heerka koobaad waa kan ugu sahlan, kan shanaad waa heerk ugu daran (culus). Qeybtan habka ay u dhigan tahaya waxa ku jirta xadgudubyada dhaqanka, qeexitaankooda iyo heerarka uu dhaqankasta yahay. Dhibicyada shaxda waxay u taagan yihiin xadgudubyada dhaqanka lakiin uma taagtan heerka hadba siduu ula tacaalayo madaxa. Waa inay jirto xiriir macquul ah u dhaxeeya heerta culeyska iyo soo noqnoshada xadgudubka dhaqaka, da’da ardayga iyo maamuulka wax kaqabashadiisa. Maamulaka iskoolka waxuu ogeysiin doonaa waalidka/masuulka arday kasta oo dhaqankiisu khilaaf dhab ah ku yahaya shuruucda iyo hababka dajisan. Ardayda iyo qoysaskooda waxay mas’uul kayiihin inay si wada jir ah ula shaqeeyaan shaqaalaha iskoolka si ay u taageeraan shuruucda iyo habka ku qeexan Xeerka Anshaxaan. Hadii aan si kale loo xusan maahane, xeerarkaan waxay qabanayaan ardaykasta xadgudubka dhaqankiisa kaas oo ka dhaca dhismayaasha ay Degmadu 742 leeyihiin ama ay maamulaan taas oo lasocota howlo ay maamulaan ama ay Degmada 742 lug kuleedahay ama kadhaca dhismaha iskoolka banaankiisa kaas oo ilaa xad muhiim ah carqalad la taaban karo ku ah waxbrashada aradayda ama jawiga iskoolka.

Page 11: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

11 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Heerka Koobaad

Qeexida Dhaqanka Dhaqanka Heerka koobaad waa xadgudub daqameed yar kaasoo inta badan uu qof qaangaar ah uu maamulo goobta. Shaqaalaha ka jawaabidooda waxuu saxaa baraana dhaqanka kale si uu ardayga u barto tusuna amni iyo dhaqamada laga rajeynayo. Xubnaha shaqaalaha waxaa laga filayaa inay howgaliyaan istiraatiijiyooyin waxbarasho iyo maamul kala duwan.

Heerka Koobaad Dhaxgalkiisa iyo Ujawaabadiisa 1. Dooro kuna dhaqan dhaxgal ama jawaab taaso sii wadaysa wax sheegid ama sababa baysa carqalada ugu yar. 2. Tixgali inaad isticmaasho dhaxgalga qaybihiisa kala duwan hadba kii kuhaboon. 3. Dib u eeg, tixgalina ardayga IEP-giisa ama qorshaha 504 intaadan fulin dhaxgalka ama u jaabida. 4. Kala xiriir waalidka/masuulka dhaqamada soo noqnoda iyo dhaxgalka. 5. Skyward ku diwaangeli dhaqamada.

Dhexgallada , Ujawaabida , iyo Heerarka Xadgudubyada

Taageero kusalaysan Xirfadaha

Dib u barid fasalad iyo baska waxaayabaha laga filanay, habka iyo howlaha joogtada ah

Kor dhinta war kabixin hadii latuso dhaqamada laga filanayo

Xasuusin/ dib ugu tilmaamid wadooyink lagu waydiisto caawinaad ama dhib xalinta

Xasuusin/dib ugu tilmaamid sida loola tacaalo mashaacirta/dareenka

Xasuusin/ dib ugu tilmaamid luqada haboon ee fasalka

Kulanka Macalinka/Ardayga

Dhaqan Celinta

Tababar xiradeed gooni ah iyo dhaqso ah.

Shaqaalaha/Maamulka tilaabooyinkooda

Aaminimmo barista dhamaan iskoolka habkiisa, qaabkiisa iyo tagaaradiisa.

Dib u eegid (fasalka/meel aanan ahayn fasalka) qorshaha maamulka dhaqanka marka lagu daro barataanka xirfadda bulshada iyo adkaynteeduba

Taageerada fasalka/meel anan ahayn fasalka

Fadhiga oo labadalo, loo qorsheeyo fadhiga

Laga qaado mudnaanta la xiriirta

La lasocodsiinta waalidka/masuulka

Kordhinta koormeerka

Dhaxgalka iyo Ujawaabida Qeybihiisa

Tilaabooyinka Maamulka oo Ikhyaarka ah taaso sababo karta in laga qaado wax u sheegida Fiiro gaar ah: Dhaqanka xadgudubka ee soo noqnoqda waxaa loola dhaqmayaa sida xadgudub heerkeesu sareeyo

Liiska Heerka Koobaad 1 2 3 4 5

Khayaamada Waxbarasho – AC0/AC1 Soo gudbinta shaqo qofkale sida inaad adiga leedahay, ama aad u ogalaato qofkale inuu istimaalo howshaada, markii lagu daro aan ku kowbnayn, qishka howsha iskoolka, soo qaadasho howl qofkale ama isticmaalida aaladaha alegtronikada ama teknoliyada kale si loo gaaro arinta gunteeda

AMAR-DIIDO – DF0

Ku kicida gafka hoose ama kooban tilmaam raacida ama hadal celinta

XADGUDUKA XEERKA LABISKA – DC0

Soo xidhashada labiska aan waafaqsaneyn xeerka labiska tilmaamahiisa ee ay ku dhaqmaan iskoolka/degmada

BEEN (FOOJARI) – FO0

Saxiixitaanka qofkale magaciisa adigoo ka fasaxqaadan ama uusan ogayn

Page 12: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

12 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Liiska Heerka Koobaad 1 2 3 4 5

KHAMAAR – GA0

Ciyaaritaanka ciyaar laga yaabo in wax lagu kala guuleysto

JIR TAABASHO (Waxyeelayn jirka) PC0/PC1

Kukicada jir taabashada aan darnayn lakiin aanan haboonayn

HANTIDA SI XUN LOO ISTICMAALO – PM0/PM1

Isticamaalida shay ama qalab si anan loogu talagain, markii lagu daro oo aan ku kobnayn, waxyeelayn ama waxyeeleynta hantida iskoolka ama hantida dadka kale

QASHQASHAADA (Kaftan) – TE0

In la QashQashaado ama magac ugu yeerida (cayda) iyadoo loo danleeyahay ama aan loo danlaheyn in la dhaawaco, la bahdilo ama laga cabsiiyo qofka kale

TEKNOOLIJIYADA SI XUN LOO ISTICMAALO – TV0/TV1

Kukicida isticmaalka qalabka khaaska, kamerada, kombuyutarka ama qalabyad elagtoronika ah si aan haboonayn

XATOOYO —TH0

Si kas ah in loo isticmaalo, laqaato qof kale hantidiisa fasax la’aan ama laga qaado lahaanshaha mulkiyadeed/mulkiyadiisa

XATOOYO YAR – TH0 Kaadashad ama haysashada qofkale hantidiisa fasax laan, markii lagu daro, lakiin kuma koobna, iskoolka alaabtiisa, cunada, iwm

ISKOOL U GOYNTA —TR0/TR1

In laga maqnaado iskoolka cudurdaar sharci ah la’aanteed

FASAL UGOYN – SC0/SC1 in loo jaro fasal

Daahitaan – TA0 in waqti dambe la yimaado iskoolka am fasalka

AFLAGAADO – VB0/VB1

Si aan haboonayn in loo isticmaalo erayo ku wajahan qof kale, markii lagu daro laakiin aan ku koobnayn, magac-ugu-yeerid, cay ama erayo kale oo aan haboonayn

Page 13: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

13 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Heerka Labaad

Qeexida Dhaqanka Heer labaad waa xadgudub dhaqameed yar oo soo noqnoqda taasoo badanaa lagula tacaalo dhaxgalka qof qaangaar ah goortaa iyada ah. Tilaabadaan waxaa loogu talagalay in ay saxdo dhaqankaas iyadoo xooga la saarayo sida ay u daran/weyn yahay dhaqankaas iyadoo ardaygana lagu haynayo fasalka. Heerka dhaqanka labaad waxaa laga yaabaa in lala xiriiro shaqaalaha ama madaxda waxaana laga yaaba in ay dhaliso in laga diiwaan galiyo Office Discipline Referral (ODR)(Xafiiska Edbinta).

Heerka labaad Dhaxgalkiisa iyo Ujawaabadiisa 1. Dooro kuna dhaqan kala dhaxgal ama jawaab taas oo sii wadaysa waxbarashad ama sababaysa carqalada ugu yar. 2. Tixgali inaad isticmaasho kaladhaxgalka qaybihiisa kala duwan hadba kii ku haboon. 3. Dib u eeg, tixgalina ardayga IEP-giisa ama qorshaha 504 inta aadan fulin dhaxgalka ama u jawaabida. 4. Kala xiriir waalidka/masuulka dhaqamada soo noqnoqda iyo dhaxgalka. 5. Skyward ku diwaangeli dhaqamada.

Taageero kusaleeysan Xirfadaha

Dib u barid fasalada iyo baska waxaayabaha laga filanayay, habka iyo howlaha joogtada ah

Kordhinta war kabixin hadii latuso dhaqamada laga filanayo

Dib u baridwadooyink lagu waydiisto caawinaad ama dhib xalinta

Tilmaamid qof ahaaneed sida loola tacaalo dhaqanka

Tababarka xirfadaha/boroobada

Tabararka xirfadda ee kali ahaaneed

Kunturaada/heshiiska ardayga

Adeega bulshada ee iskoolka

Dhaqan Celinta

Wadahadal hagsan iyadoo la isticmaalayo su’aalo lasoo celcelinayo

Soo celinta wareega xalinta dhibaatada

Adeega Bulshada (si magdhaw ahaan)

Dhaxdhaxaadinta qof ay isku ayn/ lafac ah

Qormo ka tarjumaysa

Qorshaha dib ku celinta fasalka

Shaqaalaha/Maamulka tilaabooyinkooda

Samee qorshaha xirfada ardayga

Billow qorshaha taageerada dhaqanka

La habay qorshaha koormeerka qof qaan gaar ah

La haayo (detention)

Waayida la xariirta mudnaanta

Fadhi loo qoondeeyo

Waqti laga saaro fasalka: in kayar 15 daqiiqo

Lala tashto asxaabta shaqaalaha

Laga fikiro in loo gudbiyo kooxda MTSS

Kulan waalidka/masuulka

Khordhin koormeer xooga la saarayo

Dhaxgalka iyo Ujawaabida Qeybihiisa

Tilaabooyinka Maamulka Ikhtiyaarka ah ee sababi kara in laga saaro waxbarashada Fiiro gaar ah: Dhaqanka xadgudubka ee soo noqnoqda waxaa loola dhaqmayaa sida xadgudub heerkeesu sareeyo

Liiska Heerka Koobaad 1 2 3 4 5

DAWOOYINKA ISKFAALADA LAGA IIBSAN KARO – MD0

Marka laga reebo sida lagu xusay qawaaniinta , haysashada daawooyin aan dhakhtar qorin marka la joogo dhismaha iskoolka

Haysashada ama isticmaalka daawooyinka iskfaalada laga iibsan karo fasax la’aan

XADGUDUB GAARI DHIGASHADA – PV0

In la dhigto gaariga meel aan la ogalayn hatida iskoolka agagaarkiisa

HANDADAAD / CABSI GELIN – TI0/TI1

Si ula kac ah waxyeeleyn ama dhib gaarsiin isugu jirta hadal, qoraal ama handadaad, tusmo ama fal la sameeyo

Page 14: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

14 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

XAD DHAAF – TP0/TP1

Joogitaanka dhismaha iskoolka dhaxdiisa fasax la’aan ama kadib marka amar lagugu siiyo bixitaan, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn, joogitaanka dhulka degmada inta lagu guda jiro ganaax ama cayrin.

ISKOOL U GOYNTA – TR0/TR1

In laga maqnaado iskoolka cudurdaar sharci ah la’aanteed

Maqnaansho Cudur Daar la’aan – TRO/TRI in laga maqnaado iskoolka ogalaansho la’aan

Goysmo aan dhamaad lahayn – TRO/TRI Goysmada ogalaansho la’aan oo joogtada ah FIIRO GAAR AH: Goysmada joogtada ah waxaa loo dira karaa County Truancy Intervention Specialist (Khabiirka Degmada ee soo Dhexgalka Iskool u Gogoyta) ama hadii ay laga magama maarmaan tahay in laga buuxiyo codsi goysmada/ dayaayacaada waxbarashada xafiiska qareenka degmada.

Liiska Heerka Koobaad 1 2 3 4 5

Page 15: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

15 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Heerka Sadaxaad

Qeexida Dhaqanka Heerka sadaxaad ee dhaqanka waa xadgub dhaqameed wayn kaas oo khalkhal galinaya goobta waxbarasho, abaarayana kuwo kale, iyo/ama ama saamaynaya ammaanka dadka kale. Heerka dhaqanka sadaxaad waxuu keenayaa in loo diro Xafiiska Edabta (Office Discipline Referral [ODR]), waxaana laga yaabaa in laga saaro waxbarashada qayb kamid ah maalinta ama maalinta oo dhan.

Heerka Sadaxaad Dhaxgalkiisa iyo U jawaabadiisa 1. Dooro kuna dhaqan dhaxgal ama jawaab sii wadaysa wax sheegid ama sabababaysa carqalada ugu yar. 2. Tixgeli inaad isticmaasho dhaxgalka heerarka la soo dhaafay iyo qaybihiisa kala duwan iyo. 3. Dib u eeg, tixgalina ardayga IEP-giisa ama qorshaha 504 inta aadan fulin dhaxgalka ama u jawaabidda. 4. Kala xiriir waalidka/masuulka dhaqamada soo noqnoqda iyo dhaxgalka. 5. Skyward ku diwaangeli dhaqamada.

Taageero kusalaysan Xirfadaha

Barashada xirfada koox yar-yar

Wax u sheegid khaas ah oo xooga saaraysa meelaha loo baahan yahay

Kordhinta war kabixin hadii la tuso dhaqamada laga filanayo.

Dhaqan Celinta

Qorshaha dib ugu celinta fasalka

Dhexdhaxaadin uu shaqaaluhu hago

Bixinta magdhawga hantida la xiriirta dhacdooyinka

Dib u soo celin wareegta

Tilaabooyinka Shaqaalaha/Maamulka

In loo gudbiyo kooxda MTSS

Waayida la xariirta mudnaanta

Wax u sheegid kale

Kulan shaqaalaha iyo ardayga

Badal shaqada/jadwalka fasalk gudahiisa

Latasho Xafiiska Sarkaalka Kheyraadka

Waayida mudnaanta gaadiidka (baska)

Horumarinta qorshaha dib u soo celinta

Kulan waalidka/masuulka

Dhaxgalka iyo Ujawaabida Qeybihiisa

Tilaabooyinka Maamulka oo Ikhyaarka ah taaso sababi karta in laga saaro waxbarashada

In laga saaro waxbarashada iskoolka gudahiisa 1 maalin iyo wax ka yar

In laga saaro waxbarashada banaank iskoolka 1 maalin iyo wax ka yar. Iyadoo la eegayo da’da ardayga iyo wax fahankiisa.

Liiska Heerka Koobaad 1 2 3 4 5

KHAMRADA – AL1

Haysashada, isticmaalka , qaybinta , ama sarkhaansanaanta ay khamradu lugta ku leedahay

GUBISTA – AR1

Gubista hantida si ula kac ah

HANJABAADA BAMBAANADA – BT1

Hanjabaada in la qarxiyo alaadaha qarxa ama hura si loo waxyeelleeyo hantida ama dhaawac la gaarsiiyo, haduu qalabka si dhab ah u jiro iyo hadii kaleba

Page 16: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

16 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Liiska Heerka Koobaad 1 2 3 4 5

XOOG-SHEEGASHO – BL1

Fal dhaqameed soo laablaabta oo uu ku kaco qof ama koox looguna tala galay in la cabsi galiyo dhibanaha ama qof la da’ ah, loona hanjabo, bajiyo, bahdilo, ceebeeyo, duleyo, faquuqo ama waxyeelyo jirka loo geysto. Xoog-sheegashada waxay u dhici kartaa siyaabo kala duwan, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn, qoraal, hadal ama hanjabaad hadal la’aan ama in la tuso calaamado bajin ama hanjabaad ah.

XOOG-SHEEGASHADA INTERNETKA – CB1 Xoog-sheegashada la isticmaalo teklnaloojiyada ama aaladaha kale ee wadaxariirka, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn, wareejinta calaamad, baaqid, qoraal, sawir, cod (maqal), ama xog, markii lagu soo dhijiyo qoraal boga shabakada bulshada interanetka iyo warbaahinta (forum), lagu kala gudbiyo kombuyutarka, talefonka gacanta, iyo aaladaha kale ee elegtronikada.

AMAR-DIIDO/ KU WAAFAQID-LA’AAN – DF1

Si firfircoon u waafiq la’aan.

DAROOGO, SHARCI DARRO – DI1

Isticmaalka, haysashada , ama ku talagalka iibinta muqaadaraadka, daroogada ama waxyaalaha la ilaaliyo, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn, inhalants (neef ahaan wax loo qaato), xashiishka ama kookaynta, waxyaabaha muqaadaraadka iyo waxii soo shabaha daroogada iyo muqaadaraadka.

Waxyaabaha: Haysashada qalab kasta oo loo isticmaalo daroogada, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn, qasabadaha irbadaha, birta waraaqadaha lagu qabto, waraaqaha.

Dawooyinka Dhaqtar uu Qoro: Haysashada ama qaybinta daawada markii laga reebo siduu dhaqtarka u qoray ama ay ansixisay kalkaalisad iskoolka, ama qeybinaya dawooyin dhaqtar uu qoray

Isticmaalka/Haysashada: Haysashada, isticmaalka , qaybinta , ama sarkhaanmida maandooriyaha, daroogada (dawada) ama waxyaalaha la ilaaliyo ama waxii soo shabaha waxyaabahaas.

DHAQDHAQAAQA BURCADKA (GAANGIS) Ardayda dhaqan xumadoodu hoos timaado qaababkan oo dhan: Koox katirsan sadax iyo waxii ka badan, shirkana ku ah ama isugu imaada calaamad guud, baaq, ama magac, kuwaas oo iyada oo u kormeerayo shaqaalaha degmada 742 ka socda ka qayb qaata xadgudubyada ku qoran buugan gacanta si loo gaaro hadaf/yool ujeedooyinka khaas ah oo burcadu (gaangiska)/kooxda ah leeyihiin. FIIRO GAAR AH: Dhaqdhaqaaqa burcadka (gaangiska) waxaa lala diiwan galiyaa dhaqanka xadgudubka ee assaasiga ah.

DHIBAATEYN

In lamuujiyo dhaqanka aan loo baahnayn oo ay ujeediisu tahay ama lug ku leh in la abuuroo jawi ay ku jirto handadaad, colaad ama weerar kusocota qofkaas.

Handaada (dhibaataynta) Naafada- HD1: Dhaqanka takoor ah loogayso naafada aan loo baahnayn

Dhibaataynta Qoomiyada/Asalka Wadanka – HE1: Dhaqanka takoorka ah oo ku salaysan qoomiyada aan loo baahnayn

Dhibaataynta Ginsiyada- HG1: Dhaqanka takoork ah o ku salaysan ginsiga (gabar/wiil) aan loo baahnayn

Dhibaatayn Kale – HO1: Dhaqanka takoorka ah oo ku salaysan xaalada qoyskooda, kaaalmada bulshada iyo/ ama da’da

Isir Dhibaatayn– HC1: Dhaqanka takoorka ah oo ku salaynsan isirka iyou midabka oo aan loo baahnayn

Dhibaatayn Diinta – HR1: Dhaqanka takoorka ah oo ku salaynsan diinta iyo caqiidada oo aan loo baahnayn

Nooca Jinsiga (lab/dhedig) Dhibaatayn – HS1: Dhaqanka takoorka ah oo ku salaynsan Jinisida qofka uu sheegto oo aan loo baahnayn

Page 17: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

17 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Liiska Heerka Koobaad 1 2 3 4 5

QULQULATAYNTA – HZ1

Gaysashada fal laga yaabo inuu waxyeeleeyo arday ama in lagu khasbo arday inuu gaysto falal noocaas ah, si loogu ogalaadu inuu ku lug lahaado ama kamid noqdo urur, ama sabkasta ha noqotee

Heysashada dawooyinka uusan dhaktarka qorin ama iibinta ama qaybinta dawooyinka iskafaalada lagu iibiyo iskoolka dhulkiisa

Iibinta ama qaybinta dawooyinka iskafaalada lagu iibiyo (dhaqtar uusan qorin)

ISKA BIXID OGOLAANSHO LA’AAN – LG1

Ka bixitaanka dhismaha/dhulka fasax la’aan, iyo ku soo noqoshada maalinta gudaheed, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn, bixitaanka ardayga banaanka si uu wax u soo cuno isagoo dhismaha xiranyahay

GACAN SAARID/QAAD – PA1

Gacan saarid kas ah loo gaysto shaqaalaha ama ardayda

WADITAANKA MAS’UULIYADA LA’AAN AH – RD1

In lagu dhaxwado gaari dhulka demgamada heer ay khatar galin kartodadka iyo hantida

XATOOYO —TH1

Si kas ah in loo isticmaalo, laqaato qof kale hantidiis fasax la’aan ama laga qaado lahaanshaha mulkiyadeed/mulkiyadiisa

Xatooyo Weyn:

Qaadasho fasax la’aan ah ama haysashada hanti qof kale leeyahay, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn, dharka, elegtaronikada, iwm

TUBAAKADA IYO QALABKA TUBAAKADA LAXIRIIRA – TB1

Haysashada ama isticmaalka qalabka tubaakada ama qalabka shabaha ama qalabka laxiriira tubaakada, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn, sigaarka elegtaronikada ama alaabaha la xiriira tubaakada sida ku dhisan tubaakada, u-eg alaabta ama aaladaha tubaakada la xiriira, sida dabka sigaarka lagu shido ama taraq

HUBKA —WE1

Hubkasta ee gacanta, haduu cabeeysan yahay iyo hadii kaleba, qalab kasta ama aalad loo sameeyay sida hubka ama isticmaalkeedu uu cabsi galin karo ama uu sababi karo dhaawac jirka oo wayn ama dhimasho, ama qalab kasta ama aalad loogu talagalay inuu inuu cabsi galiyo ama jirka dhaawac wayn gaarsiiyo ama dhimasho, guban kara ama biyaha holca.

Hubka kale ama Waxyaalaha, Xabada aan ahayn: Haysashada ama isticmaalka qalab kasta ama aalad- ay ku jiraan hubkasta aan caadiga ahayn- oo loo isticmaalo ama loo isticmaali karo, markii la qiyaaso ama ay u badantahay inay sababto dhaawac wayn ama dhaawac jirka oo muuqda (lataaban karo), ama laga baqayo dhaawac jirka heerka ay doonto ha ahaatee. (Hubka kale ay ku jirto mindida afkeedu ay ka yartahay 2.5 inches, mindida beenbeenta ah, wax u eg hub, rasaas. Iwm.)

Page 18: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

18 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Heerka Afaraad

Qeexida Dhaqanka Heerka dhaqanka afraad waa xadgudgub dhaqameed wayn kaasoo si wayn u carqaladaynaya goobta waxbarasho, tilmaamsanaya dadka kale, iyo/ ama saamaynaya amniga kuwa kale, loogana sooci karo kuwale sida uu u soo noqonoqday ama darnaanta. Dhaqanka heerka afaraad waxuu sababaa isu diritaan xafiiska usluubta Office Discipline Referral (ODR), waxayna keeni kartaa iskoolka in laga saaro hal maalin iyo in kabadan, waxayna keeni kartaa in lala socodsiiyo sharci fuliyaasha (booliska).

Heerka Afaraad Dhaxgalkiisa iyo Ujawaabadiisa 1. Dooro kuna dhaqan dhaxgal ama jawaab taas oo sii wadaysa wax sheegid ama sababa baysa carqalada ugu yar. 2. Tixgali inaad isticmaasho dhaxgalga heerarka lasoo dhaafay iyo qaybihiisa kala duwan iyo. 3. Dib u eeg, tixgalina ardayga IEP-giisa ama qorshaha 504 intaadan fulin dhaxgalka ama u jaabida. 4. Kala xiriir waalid/masuulka dhaqamada soo noqnoda iyo dhaxgalka. 5. Skyward ku diwaangeli dhaqamada. Document behavior in Skyward.

Taageero ku salaysan Xirfadaha

Kordhinta war kabixin hadii la muujiyou qorshaha/hadafka dhaqan khaaska ah

Shaqaalaha tageerada oo sharciyeyesan inuu baro xirfadda shakhsiyeed

Qorshe taageera dhaqanka goonida ah

Dhaqan Celinta

Qorshaha dib-ku-celinta fasalka

Dhexdhexaadin qof dhexdhexaad ahi sameeyo

Wada kulanka qoysaska kooxda ah

Dib loo gudo hantida la xiriirta dhacdooyinka

Dib u soo celin wareega

Shaqaalaha/Maamulka tilaabooyinkooda

Kawadatashi dadka khibarada u leh

Kawadatashi Sarkaalka ilaha iskoolka

U dir ama dib ula eeg kooxda MTSS

U dir lataliyahay khamrada iyo isticmaalk daroogada

Waayida mudnaanta gaadiidka (baska)

Tixgalinta in loo eego si kale oo gooni ah ee waxbarasho

Horumarinta qorshaha dib u soo celinta

Dhaxgalka iyo Ujawaabida Qeybihiisa

Tilaabooyinka Maamulka oo Ikhyaarka ah taaso sababi karta in laga qaado wax u sheegida In laga saaro waxbarashada banaank iskoolka in aan kabadnayn 4 maalmood. Iyadoo la eegayo da’da ardayga iyo wax fahankiisa.

Liiska Heerka Koobaad 1 2 3 4 5

FARAXUMAYTA GALMADA – AX1

Muujinta dhaqanka galmada ama dhaqan xumo ku wajahan qof kale, taaso lasocota xoog ama handadaad ama cabsi ku beerid, ceebayn ama dhibaatay maskaxiyan ah

HUBKA —WE1

Hubkasta ee gacanta, haduu cabeeysan yahay iyo hadii kaleba, qalab kasta ama aalad kaasoo loo sameeyay sida hubka ama isticmaalkeedu uu cabsi galinkaro ama uu sababi karo dhaawac jirka oo wayn ama dhimasho, ama qalab kasta ama aalad kaasoo loogu talagalay inuu inuu cabsi galiyo ama jirka dhaawac wayn gaarsiiyo ama dhimasho, guban kara ama biyaha holca

Hub Khatar ah oo aan Ahayn Hubka Gacanta: Haysashada ama isticmaalka qalab kasta ama aalad loo sameeyay sida hubka awoodna u leh inuu keeno dhimasho ama dhaawac jirka oo wayn, ama qalab dib loogu habeeyay hub ahaan si loogu isticmaalo hub ahaan ama awood u leh inuu keeno dhimasho ama dhaawac jirka oo wayn, dareere kasto oo gubasho ama holac ama aaladaha kale loo isticmaalo ama loogu talagalay , markii la qiyaaso ama ay u badantahay inay sababto dhimasho ama dhaawac wayn, dab kasta oo loogu talagalay in unuu sababo dhimasho ama dhaawac wayn ee jirka, ama mindida afkeedu ay ka wayntahay 2.5 inches ama hub koobi ah, bunduqa kuulaha tuura (BB gun), ama bunduqa caagaga tuura (pellet gun)

Page 19: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

19 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Heerka Shanaad

Qeexida Dhaqanka Heerka shanaad ee xadgudubka dhaqanka taasoo ku leg leh in ardayga laga saaro jawiga iskoolka dhaqan xumada oo daran darteed. In diiradda la saaro dhaxgalka si loo ilaaliyo amniga bulshada iskoolka iyo in la soo gabagabeeyo dhaqaka is-baabi’inta ah iyo/ama dhaqanka khatarta ah. Heerka shanaad dhaqamdadiisu waa dhaqamada lagu qeexo dambiyada eryadan mudan.

Heerka Shanaad Dhaxgalkiisa iyo Ujawaabadiisa 1. Dooro kuna dhaqan dhaxgal ama jawaab sii wadaysa wax sheegid ama sababa baysa carqalada ugu yar. 2. Tixgali inaad isticmaasho dhaxgalka heerarka la soo dhaafay iyo qaybihiisa kala duwan. 3. Dib u eeg, tixgelina ardayga IEP-giisa ama qorshaha 504 intaadan fulin dhaxgalka ama u jaabida. 4. Kala xiriir waalidka/masuulka dhaqamada soo noqnoda iyo dhaxgalka. 5. Skyward ku diwaangeli dhaqamada.

Taageero kusalaysan Xirfadaha

Tababar khaas ah oo uu bixiyo shaqaale shati leh

Qorshaha Taageeridda Dhaqanka khaaska ah

Kordhinta war kabixin si loo muujiyo qorshaha/hadafka dhaqan khaaska ah

Dhaqan Celinta

Wada kulanka qoysaska kooxda ah (waxay kamid noqon kartaa howlo socday ama mid cusub)

Shaqaalaha/Maamulka tilaabooyinkooda

Hadba si loogu baahdo wada tashiga Kaaliyaha Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Sinaanta ama Agaasimaha Fulinta ee Adeegyada Ardayda

Horumarinta qorshaha dib u soo celinta

Dhaxgalka iyo Ujawaabida Qeybihiisa

Tilaabooyinka Maamulka oo Ikhyaarka ah ee sababi kara in lagaa saaro waxbarashada

In laga saaro waxbarashada oo banaanka iskoolka ka joogto shan maalmodd iyo wax ka badan (toban maalmood hadii ay jirto talo eryid ah) iyadoo la eegayo da’da ardayga iyo wax fahankiisa

Talo eryid ah ayaa macquul ah

Latasho ama u dirida sharci fuliyaasha (booliska)

Liiska Heerka Shanaad 1 2 3 4 5

HUBKA —WE1

Hubkasta ee gacanta, haduu cabeeysan yahay iyo hadii kaleba, qalab kasta ama aalad kasta oo loo sameeyay sida hubka ama isticmaalkeedu uu cabsi galin karo ama uu sababi karo dhaawac jirka oo wayn ama dhimasho, ama qalab kasta ama aalad kasta oo loogu talagalay inuu cabsi galiyo ama jirka dhaawac wayn gaarsiiyo ama dhimasho, guban kara ama biyaha holca ah

Hubka gacanta: Haysashada ama isticamaalka qalabka loogu talagalay in loo isticmaalo sida hubka, kaaso si qarax xooga ah u ganmi kara ama si gubasho xooga ah.

Page 20: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

20 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Liiska Macnaha Erayada Kormeerid Firfircoon Hab firfircoon ee la socodka ardayda ee jooga meel kooban, iyadoo kor laga eegayo, la dhaqdhaqaayo lana dhaxgalo ardayda iyadoo warbixin fiican laga siinayo sixitaanka khaladka wax ku ool ah Adeega Bulshada Adeeg lacag aan la bixinin oo arday ama ardayad ay qabtaan oo faa’ido bulshada u leh, ama qaab sharci ah oo anshaxa saxda ah oo dheeraad ah Waxbarashada Bulshad ee Blilaashka ah ee Haboon Xaq waxbarsho ee caruurta naafada ah ee uu damaanad qaaday sharci fedaraali ah Qiimeynta dabeecadda Hab aruurinta macluumaadka si loo fahmo arday qaabka iyo sida uu u dhaqmo si loo hormariyo qorshe wax ku ool ah ee aklhaaqeed taas oo barta dhiirigalisana dhaqan ka duwan kuwa kale Go'aaminta Sababta Dhacdada Hab lagu go’aamiyo in xadgudubka dhaqanka ardayga in ay keentay ama in aysan keenin naafo-nimdada aradayga Nidaamka Taageerada ee Heerarka Dhowrka ah (Multi-Tiered System of Supports [MTSS]) Qaab dhismeed ka kooban sadax heer oo kala daran, baritaan ku saleeysan cadeymo iyo dhaxgal si loo taageero tacliinta ardayga iyo dhaqamada loo baahan yahay

Wargelinta Talaabooyinka Illaalinta Dukumenti qeexaya xuquuaha waalidka ilmaha naafada ah iyo nidaamka ilaalinaya xuquuqahaas kaas oo hoos imaanaya sharciga federaalka waxbarashada gaarka ah. Dhaxdhaxaadinta Qof ay Isku Eyn/la fac ah Hab xoojiya ardayda inay iska bartaan inay xaliyaaan khilaafaadka dhaxdooda ah. Qofka Macquul ah Fikrad ahaan, shaqsi caadi ah kasoo ku dhaqma daryeelka iska dhexe, xirfad , iyo xukunka Dib u soo celinta Wareega Hab bulshadeed taageera dadka is khilaafsan loona sameeyo kulamo habeysan, taasoo la xisaabtamaysa qofka tilaabooyinkiisa, kana hadasha baahida kuwa la waxyeeleeyay. Dhaqan Celin Dhexgal si loogu xisaabiyo ardayda dhibka ay gaysteen, lana baro xirfada dhaqanka bulshada ee macnaha guud ee bulshada iyo xiriirka Saraakiisha Ilaha Iskoolka (School Resource Officers [SROs]) Saraakhiisha la dhaariyey oo ah waaxda booliska ee maxaliga ah taas oo si wadajir ah ula shaqeeya madaxda iskoolka si ay u suuto geliyaan jawi waxbarasho oo amni ah macquulna ah. Shaqada ugu horeysa SRO’s qabato waa sharci adkayn.

Ilaha iyo Caawinada si loo Xaliyo Dhibaatooyinka Degmada 742 ma takoorto qof iyadoo ku salayneysa isir, caqiido, jinsi, xaalada guur, wadanka asalka, da’da, midabka, diinka, asalka, xaalada kaalmada bulshada markii la eego, xaalada qoyska ama naafonimada. Waxyaabaha laxiriira shirciga takoor-laanta ah waa inuu hago sidaan soo ssocota:

Qofka qofka baara ashtakada Iskoolka (School Ombudsperson) Qofka baara ashtakada Degada 742 waxu caawinaa ardayda, waalidiinta iyo xunaha bulshada si ay u xaliyaan dhibatooyin hadii ay ku qanci waayaan wada shaqaynta mamuulka iskoolka iyo shaqaalihiisa. Qofka baara ashtakada wuxuu ka caaawin karaa:

Wada gorgotanka macalinka ama maamulka si xal loo gaaro.

Xiriir wanaagsan macalinka ama maamuulka la yeeshaan.

Fahanka qawaaniinta iskoolka, shuruucdiisa, ama hababkiisa.

In lala xiriirsiiyo qofka saxda ah ee ah shaqaalaha degmada ama xafiiska.

ururinta macluumaadka guud ee degmada iskoolka. Kala xariir qofka baara ashtakada adigoo wacaya 320-202-6800.

Si loo sheego takoorida, dhibaatada ama xadgubyada kale:

Shaqaalaha – kala xariir waaxda shaqaalaha 320-202-6831

Ardayda – Marka hore laxariir madaxda iskoolka/barnaamijka wacna 320-202-6800 si aad usoo sheegtid takoorka, ay ku jirto xadgudubka Cinwaanka IX (jinsi takoor) ama xadgudubka ardayga xuquuqal insaankiisa.

Ilaha Degmada ee Ardayda naafada ah ee Agagaarka Iskoolada St. Cloud

Adeegayada Ardayga/Waxbarashada gaarka ah/Isuduwaha 504 wac 320-202-6800

Ilaha Iskoolada Bulshada ee kabaxsan St. Cloud

MDE (MN Department of Education) -Waaxda Waxbarashada ee Minnesota: 651-582-5200

PACER (Parent Advocacy Coalition for Education Rights) Isbahaysiga Waalidka U Dooda Xuquuqda Waxbarashada: 952-838-9000

Page 21: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan

21 | Rights & Responsibilities Handbook 2016-17 | Independent School District 742

Liiska Erayada

Xuquuqda Ardayga, Mas’uuliyadaha iyo Fursadaha

Imaanshaha .............................................................................................................. 5 Xoog-sheegasho ....................................................................................................... 5 Labis ......................................................................................................................... 8 Fursadaha Loo Simanyahay ..................................................................................... 5 Cadaalad u Sameyn .................................................................................................. 6 U Fasaxnaanta Ra’yiga iyo Muujinta Ra’yiga ........................................................... 6 Handadaad (dhibaatayn) ......................................................................................... 7 Shaqada Waxbarasho & Tacliimeed ........................................................................ 6 Dawooyinka ............................................................................................................. 7 Hantida Qofka ee khaaska ah iyo Macluumaad Asturan ......................................... 7 Dhaarta u Daacad Noqoshada ................................................................................. 8 Diiwaanka ................................................................................................................ 5 Xukuumdda Ardayga ................................................................................................ 8 Isticmaalka Teknoolijiyada iyo Ammaanka .............................................................. 8

Levels of Behavior, Intervention, and Responses

Khayaamada Waxbarasho ....................................................................................... 11 Khamrada ................................................................................................................. 15 Gubid ........................................................................................................................ 15 Faraxumaynta Galmada ........................................................................................... 18 Hanjabaada Bamka .................................................................................................. 15 Xoog-sheegasho ....................................................................................................... 16 Xoog-Sheegashada Isticmaasha Intarnetka ............................................................. 16 Amar-Diido / Waafaqsanaan-La’aan ........................................................................ 11,16 Xeerka Labbiska ....................................................................................................... 11 Doroogada (dawada) ............................................................................................... 16 Been (foojari) ........................................................................................................... 11 Khamaar ................................................................................................................... 12 Dhaqdhqaaqa burcadka (gaangis) ........................................................................... 16 Handadaad (dhibaatayn) ......................................................................................... 16 Qulqulatayn ............................................................................................................. 17 Iska Bixid .................................................................................................................. 17 Dawooyinka ............................................................................................................. 13,17 Xadgudubka Gaari Dhigashada ................................................................................ 13 Gacan saarid ............................................................................................................ 17 Jir taabasho .............................................................................................................. 12 Hantida oo si xun loo isticmaalo .............................................................................. 12 Gariga Waditaanka Qeyrayl-Masuulnimada ............................................................ 17 QasQashaadid .......................................................................................................... 12 Tegnoolijiyada oo si xun loo isticmaalo ................................................................... 12 Xatooyo (Wayn / Yar) ............................................................................................... 12,17 Hanjabaad / baqdingalin .......................................................................................... 13 Tubaakada ................................................................................................................ 17 Xad Dhaafid .............................................................................................................. 14 Iskool u Goyn ........................................................................................................... 12,14 Aflagaado ................................................................................................................. 12 Hubka ....................................................................................................................... 17,18,19

Page 22: Xeerka Anshaxa: Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha and... · Xuquuqaha iyo Masuuliyadaha Aradayda, Qoyska iyo Shaqaalaha Xeerka Anshaxa: 2016-2017 Nuqulo (koobiyo) ah buugan ayaa la codsan