32
KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss) KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. (Siraha Qarsoon ) W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam. [email protected] Qormo Taxane ah... CUTUBKA KOOWAAD. Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya. Qormadda Koowaad. Afgembigii1969-kii aanu dhiigu ku daadan, awooda xukunka dalka Soomaaliyana kula wareegeen Ciidankii Qalabka Sida oo uu hogaaminayey Maj.Gen.Maxamed Siyaad. Ayaa waxaa la oran karayey Soomaaliya waxay askartaasi ku soo kordhiyeen hab-dhaqan- dhaqaale ka duwan marxaladii soo jireenka u ahayd ee reer guuraanimada. Soomaalida oo u badan xoollo dhaqato waxay si niyad ah u aaminsanaayeen diinta Islaamka, Diintaana u ahayd halka loo noqdo mar walba oo is qabad dhexdooda ahi yimaado. Balse Kacaanka maamulkii dalka qabsaday ayaa si la boodo ah wuxuu ugu dhawaaqay ku dhaqanka Hantiwadaaga Cilmiga(Scientific Socialisim) ku dhisan oo aanay Soomaalidu aqoon durugsan u lahayn. Kacaankaas oo la yimid xirxirnaansho siyaasadeed iyo mid bulshaba. Iyadoo Soomaalidu tahay dad furfuran oo laab xaaran.

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA.

(Siraha Qarsoon )

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

[email protected]

Qormo Taxane ah...

CUTUBKA KOOWAAD.

Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee

Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Koowaad.

Afgembigii1969-kii aanu dhiigu ku

daadan, awooda xukunka dalka

Soomaaliyana kula wareegeen Ciidankii

Qalabka Sida oo uu hogaaminayey

Maj.Gen.Maxamed Siyaad. Ayaa waxaa la

oran karayey Soomaaliya waxay

askartaasi ku soo kordhiyeen hab-dhaqan-

dhaqaale ka duwan marxaladii soo

jireenka u ahayd ee reer guuraanimada.

Soomaalida oo u badan xoollo dhaqato

waxay si niyad ah u aaminsanaayeen

diinta Islaamka, Diintaana u ahayd halka

loo noqdo mar walba oo is qabad

dhexdooda ahi yimaado. Balse Kacaanka

maamulkii dalka qabsaday ayaa si la

boodo ah wuxuu ugu dhawaaqay ku

dhaqanka Hantiwadaaga Cilmiga(Scientific Socialisim) ku dhisan oo aanay Soomaalidu aqoon

durugsan u lahayn. Kacaankaas oo la yimid xirxirnaansho siyaasadeed iyo mid bulshaba. Iyadoo

Soomaalidu tahay dad furfuran oo laab xaaran.

Page 2: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Kacaanka Oktoobar ma la oran karay waxaa uu dagaal kula jiray Diinta Islaamka?. Mar haduu

qaaday toobiyaha Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan? Su�aashaas ayaan waxaan weydiiyey

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Waxaa uu iigu jawaabay:-

" Kacaanku waa ku tala jiray inuu isbedel ku sameeyo Diinta Islaamka. Waayo dawlad Shuuci

ah ayuu ahaa. Waxaa taas daliil u ah nidaamkii Xeerka Qoyska ee uu qaatay. Kaasoo ka

horimanayey Diinta Islaamka. Ku dhawaaqistiisu waxay muujinaysay kacaanku dagaalkii uu

kula jiray Diinta. "

Shiikha ayaan mar kale wax ka weydiiyey qaadashadii Hantiwadaaga iyo waxa uu ka xasuusto.

Waxaa uu ii sheegay sida wax u dhaceen markii la qaadanayey Hantiwadaaga, waxaana uu yiri:-

" 1970-kii Bishii Oktoobar ayey ahayd maruu Maxamed Siyaad Barre khudbad ka jeedinayey

halka loo yaqaanay Daljirka Dahsoon. Waxaan aniga iyo nin saxiibkay ahaa Shiikh Yuusuf Aden

ka soo lugaynay Taree Biyaano. Ma haysan lacag aan Tagsi ku soo raacno. Niman dhalinyaro ah

ayaan ahayn. Lug ayaan ku nimid anagoo danaynayna hadalka Madaxweynuhu jeedinayo. "

Waxaan weydiiyey muxuu Madaxweyne Siyaad sheegay maalintaas?

" Khudbadii Madaxweynaha waxaa ka mid ahayd. Waxaan qaadanay Mabda�a

Hantiwadaaga.".

Madaxweynuhu waxaa kaloo hadalkiisii ku daray ayuu yiri:-

" Waa la isweydiin karaa xagee ka soo qaadanay Hantiwadaaga?

Waa isu jawaabay Madaxweynuhu oo yiri:-

" Waxaan ka soo qaadanay Diinta Islaamka. "

Waa sii watay hadalkiisii, Shiikh Cabdulqaadir si fiican ayuu ii eegay. Siyaad Barre waxaa uu

yiri;-

" Waxaa Nabigii iga soo gaartay raali allaha ka noqdee. Ma oran salaalahu calayihi wa salam.

Iyadoo duulan la yahay inuu dadka isugu daray saadkii (sahaydii). "

Muxuu kaloo ku daray khudbadiisa ayaan weydiiyey wadaadka?

" Yaa u sharixi kara dadweynaha mabda’a Hantiwadaaga ee la qaatay ayuu Madaxweyne Siyaad

Barre weydiiyey dadkii Khudbadiisa dhegeysanayey?. Aan idiin sheego ee waxaa u sharixi kara

nin aqoon yahan ah,nin wadaad ah oo si fiican u bartay Diinta. Wadaad xume meel ugama fura.

Wadaad xume waxaan ugu yeeray. Ninka Diinta intuu wax ka bartay oran doona Hantiwadaaga

iyo Islaamku isma waafaqsana.

Kacaanka Oktoobar ayaa Sanad guuradiisii Koowaad ee ku beegnayd 21 Oktoobat 1970-kii

waxaa uu gudoonsaday ku dhawaaqida iyo qaadista tubta Hantiwadaaga oo lagu jiheeyo

Page 3: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

dadweynaha Soomaaliyeed. Go’aanka ayaa ahaa bud-dhigida isbedelka dhinac walba ee lagu

doonayey in bulshadada Soomaalida looga raro habdhaqankoodii hore iyadoo loo sahminayo

habdhaqan ka duwan midkay horay u lahaayeen.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Marka dib loo yara milicsado

taariikhd waxay Soomaalida

ahaayeen weligood bulsho diinta

aaminsanaanteedu aad ugu

fogtahay. Halgankii Daraawiishta1

ee uu hogaamiyaha ka ahaa Sayid

Maxamed Cabdulle Xasan oo ahaa

Dariiqada Saalixiyada ayaa la oran

karay waxaa uu salka ku hayey

diidmo dadka Soomaalidu gebi

ahaanba diideen waxaa ka soo

horjeeda diintooda, sharaftooda,

dhaqankooda,uguna babacdhigeen

quwado awood ahaan aad uga

xoogweynaa xilligaas. Iyagoo

halgan kula jiray gumaystayaal

fara badan Sanadkii 1900 ilaa

1921-kii.

Sidoo kale waxaa marar badan soo shaac baxay wadaado Soomaaliyeed oo daacad u ahaa

diintooda sida Shiikh Bashiir iyo Wadadadka Shiikh Xasan Barsane oo ahaa Dariiqada

Axmadiya ayaa la dagaalmay, kana soo horjeestay Gumaysiga. Gobolka Shabellada Dhexe Feb

ilaa Aprile Sanadkii 1924-kii. Kuwaas si bareer ah uga horyimid gumaysigii Soomaaliya

haystay. Halka la sheego Shiikhyo badan inay xiriir hoose la lahaaayeen gumaysigaas iyo weliba

inay gunooyin lacag ah ka qaadan jireen.

Waxaa dadka taariikhda Soomaaliya ka hadlaa weriyaan marka la soo qaado salafiytiinta

Soomaaliya in Qarnigii 19-aad ay jireen rag ay ugu horeeyeen Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi-

Khayre oo ku magac dheeraa Xaaji Cali Majeerteen iyo Shiikh Xasan Ibraahim Yabarow.

Laakiin Suufiyadda ayaa waqtigaas ka xoog badnayd Salafiyiinta. Waxaase jirtay inay dad door

ah ka aflaxeen dugsiyada Shiikhyadan iyo weliba inay qabteen hawlo badan oo dib u heshiisiin

ah. Colaado u dhexeeyey qabiilooyinka oo ay xaliyeen. Waxay kaloo ahaayeen kuwa la

ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan

sideedaba waxaa markii ugu horeeyey qeexay Iimaam Shamsudiin Al-Dahabi oo ka mid ahaa

culimadda Shaafiiyadda, kuna dhashay Dimishiq 637 Hijriyada kaasoo geeriyooday 748-dii

Hijriyada. Waxaa uu ku macneeyey Salafiyada2:-

" U noqosho dhaqankii ay lahaayeen Saxaabadii Rasuulka iyo labadii jiil ee ka dambeeyey.

Asalka Salafiyada waa in diinta islaamka laga qabsadaa Kitaabka iyo Axaadiista, Axkaamtana

Page 4: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

laga qaataa Kitaabka iyo Xadiiska saxiixa ah. " Waxaa xilliyadii dambe Soomaaliya la oran

karay waxaa nooleeyey fikirka Salafinimadda Shiikh Nuur Cali Colow.

Suufinimadda3:-

" Waxay ka kooban tahay qaybo dariiqooyinka ka mid ah oo ku caan baxay inay akhriyaan digri

waqtiyo oo kala duwan,hadba qolo walba siduu Shiikhoodu ugu tilmaamo si ay u gaaraan

martabad sare ee xagga ruuxda darajo ay u yaqaanaan Al-awliyaa amaba awliyonimo. Sideedaba

Suufiyadu ma ahan dariiqo gaar ah ama diin gaar ah amaba mad-hab gaar ah ee waa dariiqo

qofku u marayo siduu Ilaahay ugu dhowaan lahaa sida suufiyiintu aaminsan yihiin. Waa la Isku

khilaafaa Ahlu Suufinimadda. Dadka qaar ayaa ku sheega inay ka soo jeeday koox muslim ah oo

Masjidka Nebiga ag joogtay. Ninka lagu magacabo Ibni Jawsi Kitaabkiisa Tablis Ibliis waxaa uu

ku sheegaa Suufiyiintu inay ka soo jeedeen Sufa Ibna Mara ninkan oo hooyadii nidar ku gashay

inay suridoonto tiirka Kabcada markay dhasho ka dib si uu ugu go�o diinta. Markaas ayaa loo

bixiyey Sufi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu Sufi macna ahaan ka soo jeedo eray Giriig ah oo la

macna ah Falsafa. "

Xigasho.

1- Taariikhdii Darawiishta. Qoraa Aw-Jaamac Cumar Ciise. 2- 3 Fasiraadahan waxaa laga soo dheegtay Internetka

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....

Faafint 1-aad: SomaliTalk.com | Faafint 2-aad: SomaliSwisstv.com |

Cutubka Koowaad.

Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Labaad.

Halgankii Xornima doonka Soomaaliyeed ee xoogaystay dagaalkii labaad ee dunida kadib ayaan

ka marnayn dhaqdhaqaa Islaanimo. Sanadkii 1952-dii ayaa ururkii Rabida Al Islaamiya ee uu

hogaaminayey Shariif Mara Cadde laga dareemay inuu sansaan Islaamiyiin lahaa. Waxaase jirtay

inuu ahaa ururkaasi mid Wadaniyad Carabeed huwan. Taas ayaa markii dambe dibadda u soo

baxday kolkuu Shariif Maracadde si bareer ah u taageeray afkaartii Jamaal Cabdinasir

hogaamiyihii Wadanka Masar ee caanka ahaa, sida adagna ula dagaalamay dhaqdhaqaaqii

Ikhwaanu Muslimiinka Masar.

Sanadkii 1967�dii ayaa waxaa dibada isa soo dhigay Jamciyad la oran jiray Al- nahda oo ay

horseed ka ahaayeen dhalinyaro wax ku soo baratay wadanka Masar iyo Sacuudiga, ayna ka mid

ahaa Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed iyo Sheikh Maxmed Garyare iyo Shariif Calawi oo ku

xiraa ururkii Ikhwaanu muslimiinta Masar. Iyo sheikh Maxamed Macalin Ilaahay ha u naxariiste

Page 5: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

oo isagu Masar ka soo noqday. Waxaa sal u ahaa dhaq-dhaqaaqaas Islaamiga ah ee Soomaaliya

ka hanaqaadayey Maktabad lagu iibiyo kutubta diiniga ah ee la jaanqaadaysay xarakada guud ee

Islaamiyiinta. Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed kolkuu uu tegey Kuweyt dabayaqadii

lixdamaadkii waxaa uu la kulmay raga ugu waaweynaa Ikhwaanka wadanka Kuweyt oo uu ka

mid ahaa Yuusuf Xija iyo Cabdalla Mudawac. Kutubta maktabadaas lagu iibinayey waxay u

badnaayeen kuwa ay qoreen raga hormuudka u ahaa Ikhwaanka. Maktabadaas ayaa ahayd halka

loo soo mariyo shacabka Soomaaliyeed aqoonta diinta ee baraarugsan. Waxaa kaloo jiray

xarraka Islaamiya oo la oran jiray Itixaad Al-shabaab Muslim, ayna asaasayaal ka ahaayeen

Shiikh Cabdikariim Xirsi iyo Sheikh Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud,kana mid noqtay biloowga

asaaska Islaamiyiinta Soomaaliya.

Ururkii Ansaarul Sunna Al-Muxamadiya waxaa madax u ahaa Shiikh

Nuur Cali Colow (Nasurdiin) waxa uu xanbaarsanaa fikirka

salafiyadda. Gabyaagii caanka ahaa ee Cismaan Yuusuf Keenadiid

ayaa xilligii soo if baxeen Islaamiyiintu kontomaadkii dabayaaqadiisii

waxaa ka mid ahaa tixdan gabaygiisii ahaa Yaw Garniqin Doona oo uu

malaha markaas ula jeeday wadaadka Shiikh Nuur Cali Coloow oo

isagu afkaarta salafiyiinta la yimid wadanka:

Muslinkii4 Gumaysiga ku jiray Garay Xumaantiiye

Guhaad iyo wuxuu Wada qabaa Gayrashiyo ciil e�

Gidigii islaamkii haduu Gees isugu Leexday iyo

Gaaaladaynu Ogsoonahay yaw Garniqidoona

Culumadii Gadaalkan waxaa Galay Khillafweyne

Geyigana Dariiqooyin baa Goosan ku ahaaye

Khaliifyadatan Guutadawata iyo Calanka Giirgiiran

Iyo Gabanada soo Baxay Dhowaan yaw u Garniqi doona

Shiikh Nuur Cali Colow ayaa la oran karayaa sida dad badani qabaan inuu ahaa horseedaha

Salfiyiinta Soomaaliya ee Qarniga 20-aad. Waxaa uu ahaa ninka bilaabay baraaruga Islaamka ee

waalidka u noqday. Inkastoo dhalinyaradda dambe aanay aqoon dururgsan u lahayn Shiikh Nuur.

Waa lagu dhibay oo lagu dhaleeceey fidinta afkaarta Salafiga ah ee Soomaaliya. Waqti dad yari

fahansanaayeen baraaruga Islaamka .

Shiikh Nuur Cali Colow ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii Islaamiyiinta ahaa ee wax ku soo bartay

Masar kuwoodii ugu horeeyey, kana soo qalin jebiyey Jamacadda Al-Azhar, kuna takhasusay

Shareecadda iyo Qaanuunka. Isagoo Tafsiirka ka akhriyi jiray Masaajidka Marwaas ee ku

dhowaa agagarka Baar 909 iyo suuqa Xamar weyne. Wuxuu inta badan ka hadli jiray oo dadku u

sheegi jiray arrimaha Towxiidka iyo in laga fogaado Shirkiga noocuu doono ha ahaadee. Shiikh

Nuur Cali Colow dhowr jeer ayaa xabsiga loo taxaabay. iyadoo loo arkayey inuu ka mid yahay

wadaadada asalka u ahaa dacwadda Islaamka ee shacabka Soomaalida lagu baraarujinayo

diintooda.

Curashadii kacaankii Oktoobar ayaa gebi ahaanba waxaa la mamnuucay axsaabtii siyaasadeed ee

wadanka ka jirtay. Kuwaas oo kor u dhaafayey in ka badan 80 (sideetan) xisbi. Dhaq-

dhaaqayadda Islaamiyiintu waxay ka mid noqdeen axsaabtaas irridaha loo laabay. Waaga cusub

Page 6: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

ee Soomaaliya u beryay kama muuqan farax ay Islaamiyiintu ku farxaan isbedelkaas askartu

samaysay ee ay awooda dalka ku maroorsadeen. Waxaa biloowgii Kacaankaas jiray fursad aad u

yar oo ay Islaamiyiintu kaga faa�iidaysteen. Taas ayaan sababtay in Shiekh Cabdulqani Sheikh

Maxamed loo magacaabo Wasiirkii Caddalaad ee dawladaas Kacaanka ahayd. Walow markii

dambe ay isla jaanqaadi waayeen Islaamiyiinta iyo Kacaankii Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan

qaatay.

Shiikh Cabdulqadir Nuur Faarax ayaan weydiiyey sababta Kacaanku ugu magacaabay jagooyin

muhiim ah rag ka tirsanaa Islaamiyiinta?

�� Kacaanka ayaa biloowgiisii la yimid fikrada ah Ayaa taqaan in lagu bedelayo Maxaad

taqaan Shiikh Cabdiqani Shiikh Mxamed iyo Shiikh Maxamed Garyare ayaa ahaa niman aqoon u

leh hawsha loo dhiibay iyo weliba askarta afgembiga samaysay oo aan aqoon u lahayn hawshaas

ay hayeen. Mar dambase Kacaankii iyo iyagu waa ay isla soconwaayeen.��

Sanadkii 1971-dii ayaa si qarsoodi ah waxay Islaamiyiintu u asaaseen dhaqdhaqaaq lagu

magacaabi jiray Al-ahli. Waxaa ka mid ahaa ragii maskaxda u ahaa Shiikh Cabdulqaadir Shiikh

Maxamuud oo mar Kacaankii Oktoobar xiray. Iyadoo xubnaha ugu cadcadaana ay ka mid

ahaayeen Cabdiwaaxid Xaashi, Cabdicasiis Faarax, Salaad Cabdulqaadir Aw-Muuse, Saciid

Maxamud xaaji iyo rag kaleba. Waxaa la oran karay asaasida Xarakadda Islaamiga ahayd ee Al-

Ahli waxay u muuqanaysay talaabo is miidaamin naf huridnimo ah. Waayo may dhici karin in

Kacaanka Oktoobar oo dardartiisii qabay waqtigaas laga dhex abuuro Xarrakad Islaami ah oo ka

soo horka jeeday afkaartii Kacaanka Hantiwadaaga ahaa.

Al-ahli waxaa saldhig u ahaa Masjidkii Cabdulqaadir(Maqaamka Cabdulqadir) magaaladda

Muqdisho ee Ceelgaabta ku yiilay. Waxaa halkaas inta badan mawaadiic Diini ah, Tafsiirka

Quraanka iyo dacwad Islaamiga ahba ka soo jeedin jiray Allaha u naxariistee Shiikh Maxamed

Macalin oo si geesinimo leh u waday ku baraarujinta Islaamka shacabka Soomaaliyeed.

Shiikh Maxamed Macallin wuxuu ka mid ahaa tiirirka Islaamiyiinta Soomaaliya kuwooda ugu

magaca weyn. Taasoo ilaa iyo maanta lagu xusuusto. Isku celcelina waxaa Kacaankii

Hantiwadaaga ahaa xiray 9 (sagaal) jeer. Intii u dhexeysay 1976-dii ilaa 1982-dii waxaa uu ku

xiraa Xabsigii aadka u adkaa ee la oran jiray Labaatan Jirow iyo Laanta Buur. Marka la tiriyo

mudadda uu xabsi ku jirayna waxay noqonaysaa 11 Sano oo

waqtiyo kala duwan ahaa.

Shiikh Maxamed Macallin tafsiirkii Quraanka ee uu ka akhriyi

jiray Masjidaka Shiikh Cabdulqaadir ee Muqdisha ayaa ahaa

meel ay ku xirnaayeen waqtigaas dhalinyaro baahi u qabay

barashada diinta Islaamka. Goobtaasi waxay ahayd meeshay ka

bidhaamaysay Islaanimada xilli Soomaalidu ku jaahwareersanayd

Hantiwadaag Cilmiga ku Dhisanaa.

Sanadkii1972-dii ayaa Kacaankii Oktoobar wuxuu si buuxda u

gashaday kabihii Hantiwadaaga. Shiikh Cabdulqaadir Nuur

Page 7: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Faarax ayaa ii sheegay in Madaxweyne Maxamed Siyaad cadeeyey inaan laba Hantiwadaag jirin.

Waxaana uu yiri:-

“ Hantiwadaageenuna (Soomaalida) waa kan Cilmiga ku dhisan ee Karl Mark iyo Lenin.”

Sida rag qaarkiis ii weriyeen waxay maalinta hadalkaas uu jeediyey Madaxweynihii hore ee

Soomaaliya ahayd maalin Ciid ah. Dr.Yuusuf Xirsi Axmed ayaa ku sheegay Buugiisii

Xabsigaygii. In kacaanku kolkuu bilowga ahaa qabanqaabiyey doodo furan oo looga hadlayey

Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisnaa (ScientificSocialisim) .Talcliinta., Dhaqaalaha iyo

siyaasaddaba Sanadkii 1974-tii Waxaa uu yiri:-

“Waxaa soo qabanqaabiyey doodo furnaa dawladii kacaanka ahayd.Waxaa madax ka ahaa

aqoonyahandaas doodaas hagayey Dr.Maxamad Yuusf Weyrax oo ka mid ahaa aqoonyahanada

Soomaaliyeed,isla markaana ahaa Wasiir ka tirsanaa ukuumadii Kacaanka ahayd iyo rag kale oo

siyaasiyiin ahaa.Habeenkii dooda siyaasadda waxaa hagayey Gen.Axmed Saleebaan Dafle

Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida (NSS-ta). Doodahan ayaa macnaha kacaanku uga gol lahaa

ahayd in uu ogaado fikirka aqoonyahanadda iyo siday ula jaanqaadayaan Kacaanka oo ku jiray

marxaladiisii uu karaarka badnayd.”

Prof.Yuusuf Xirsi Axmed5 ayaa doodii Waxbarashada ee kulan fikradeedkaas waxaa uu ka soo

jeediyey inaanay shardi ahayn in qofku meeshuu wax ku soo bartay fikirka laga haysto soo

qaadanayo.Waxaa uu tusaale u soo qaatay Karl Marx oo ku soo ababay dal Hantigoosad ah, kana

soo jeeday Yuuhuud oo lagu yaqaan lacag jacaylka. Inuu la yimid fikirka Shuuciyadda, kana soo

horjeedsaday fikirkii Hantigoosadka ee dalka Jarmalka loo dhaqmayey.

Hadalkii Prof.Yuusuf Xirsi (Ilaaha ha u naxariistee) ka jeediyey doodii furayd ee

aqoonyahanaddu is dhaafsanayeen ayaa kacaanyahanadii waqtigaas aad u qaad-qaadeen.

“Karl Marx hal abuurihii Shuuciyadda ayaa Yuuhuudi lagu sheegay.” Kacaankii ayaa ka baqay

in kacdoon dadweyne abuurmo. Waayo Soomaalida ayaa ah dad aan Yuuhuuda Diin ahaan u

jeclayn. Iyadoo kacaanku dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqayey inay raacaan dhabada uu

jeexay Karl Marx. Waxaa hadalkii Dr.Yuusuf Xirsi ee ahaa Karl Marx inuu Yuhuudi ahaa

dhibsaday horboodayaashii kacaankii Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisnaa ilaa iyo Madaxweyne

Siyaad Barre. Taas oo sababtay in Prof.Yuusuf Xirsi lagu asteeyo shabadda kacaandiidnimadda.

Xigasho.

4- Buugga Gabayada Cismaan Keenadiid ee uu Qoray Saciid Cismaan. 5- Buugaygii Xabsigaygii oo uu Qoray Prof.Yuusuf Xirsi Axmed.

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

[email protected]

Cutubka Koowaad.

Page 8: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Sadexaad.

11 Janaayo 1975-tii ayaa Kacaanka taageerayaashiis ugu yeeri jireen inuu

barkaysnaa dhaqangeliyey xeer loogu magac daray Xeerka Qoyska (Sinaanta Ragga iyo

Dumarka). Xeerkan oo si muuqata uga horimanayey kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo

shareecadda islaamka. Halkaas ayaa la oran karaa waa goobta u noqotay bilowga kooxaha

Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya kacdoonkoodu ka abuurmeen. Waa halkay ka falagsantay

isbedelka lagu doonayo hoggaan Islaamiya oo Soomaaliya ka curta .

Sanadkii 1952-dii ayaa wareegto ka soo baxaday maamulkii gumeysiga Talyaaniga ee

xornimadda gaarsiinayey Konfurta Soomaaliya. Wareegtaas ayaa ka hadlaysay in dhamaan xeer

Sharciyeed loo sameeyey lagu dhaqayo dalka Soomaaliya. Marka laga reebo xeerka Qoyska oo

isaga lagu dhaqayo Kitaabka Manhajka ah. Waxaa ku dhaqaya Qaadi(Garsoore) Muslim ah oo

yaqaan Shareecadda Islaamka. Iyadoo la asaasay Maxkamadaha Degmooyinka(DistricCourt )oo

shareecada wax ku xukumaysa. Ma asyan xukumi kari Maxkamadahaasi wax ka badan

3000(Sadex Kun ) oo shillin. Waxaa sidaas ii cadeeyey Avv. Xuseen Cabdulle Codweyn.

Talyaanigu6 aad ayuu uga gaabsaday xeer u samaynta qoyska. Qaynuunadii kale oo dhan wuxuu

u bedelay Koodishinaal (Codetional). Nikaax, Furiinka, Dhaxalka .Magaha waxaa uu u daayey

Shareecadda Islaamka inay Soomaalidu isku xukunto.

Soomaaliya kolkay xornimadda qaadatay Sanadkii 1960-kii. Waxaa sharci ahaan la

isticmaalayey nidaamkii Talyaanigu ka tegey. Hase ahaatee Sanadkii 1967-dii7 ayaa

Barlamaankii xilligaas waxaa la hor geeyey mashruuc Qaynuun ahaa oo ku saabsanaa Xeerka

Qoyska. Waxaa xeerkaas soo nidaaminayey Cullimo Masari iyo Soomaali isugu jirtay. Xeerkaasi

waxaa loo soo dhisay Afarta Mad-habadood ee jira mid waliba meeshay uga dhegen tahay

nidaamka qoyska. Waxaa la horgeeyey mashruucaas Barlamaankii. Way diideen,ma gudbin.

Iyagoo ku diiday hadaanu nidaamka qaynuunka Qoysku noqonayn Fiqi Shaafici ah. Meeshaas

ayuu ooli jiray ilaa 1969-kii oo wadanka inqilaab ka dhacay.).

Madaxweynihii Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu ugu

baaqay culimadii waqtigaas. Inaanay ka horiman go’aanka

dawladiisa kacaanka ahayd qaadatay ee ku saabsanaa Xeerka

Qoyska. Wadaadadu kama yeelin codsigiisaa, aad ayeyna uga

gilgisheenXeerkaas.

Maalintii Axad ahayd ee 12 Janaayo 1975-tii Madaxweyne Siyaad

Barre waxaa uu khudbad ka jeediyey Garoonkii Kubbadda Cagta ee

(Stadium Conis). Waxaa uu si aad ah ugu hadlay waxayaabo la

xiriira oo ay ka mid yihiin dhaxalka, furiinka iyo xuquuqda raga iyo

dumarka ee Ilaahay jideeyey. Maalintaas waxay u ahayd

hogaamiyihii Kacaankii Oktoobar Maxamed Siyaad

maalintaariikhda u gashay.

Page 9: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Maalintii xigtay ee Isniinta ahayd 13 Janaayo 1975-tii waxaa uu hogaamiye Siyaad Barre la

shiray Garsoorayaashii Maxkamadaha dalka oo ay ku jirtay Maxkamadii Badbaadada dalka la

oran jiray. Waxaa uu si cad ugu sheegay dhaqan gelinta SharcigaXeerka Qoyska ee Kacaanku

soo saaray in siduu yahay loogu dhaqmo. Iyadoon loo dhego raaricin Shiikhyada sida tooska ah

uga horyimid xeerkan khilaafsan diinta islaamka. Sir doonka Kacaanka ayaa iyagu faafinayey in

culimadda qaarkood ee diidanxeerka Kacaanku soo saaray inay gacan saar la leeyihiin ururo

carbeedoo dib u socod ah isla markaan dhaqaale iyo tababaro ka hela wadamo Carbeed oo ay ka

sheegeen Wadanka Sacuudiga oo keliya.

Maalmihii 15 Janaayo ilaa 17Janaayo waxaa jiray diidmo xooggan oo u dhexeysay cullimada

diinta iyo kacaankii Oktoobar

Maalinimadii Jimcaha8 ahayd ee 17 Janaayo 1975-tii ayaa waxaa Salaadii Jimcaha ka istaagay

Masaajidka Cabdulqaadir. Allaha u naxariistee Shiikh Axmed Shiikh Maxamed oo gacanta ku

haysta Wargayskii Xidigta Oktoobar oo lagu soo qoray Khudbadii Madaxweyne Maxamed

Siyaad. Taasoo si toos ah uga horimanaysay Qur’aanka Kariimka ah iyo shareecadda islaamka.

Ha ugu waaweeynaadaane arrimaha dhaxalka. Waxaa uu Shiikhu si geesinimo ah u sheegay

inaanay suuragal ahayn in la aqbaloku xadgudubka diinta islaamka, culimaddana ay waajib ku

tahay inay hor istaagaana arrimahaa khatarta ah. Waxaa Shiikha ka daba hadlay cullima

badan,kuna raacday talladda uu soo jeediyey.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan wax ka weydiiyey xaaladda maalintaas. Waxaa uu ku

dheeraaday geesinmadii Shiikh Axmed Shiikh Maxamed. Waxaa kaloo uu xusay Shiikh Muuse

Yuusuf wadaad la oran jiray. Waxaa uu yiri :-

“ Shiikh Muuse Yuusuf ayaa si bareer ah u yiri:- Ilaahow Ruush isku dhaqan ma nihin. Isku diin

ma nihin ee si na kala dheh. Waxaa uu Shiikh Muuse maalintaas ka hadlayey Masaajid aan

ahayn Masjidka Cabdulqaadir. Isagoo si weyn uga hor yimid Xeerka Sinaanta Ragga iyo

Dumarka ee Kacaanku meel mariyey. Masjidka Cabdulqaadirwaxaa maalintaas Jimcaha ahayd

Khudbadii ka dib gudaha u soo galay Ciidamadii Nabad Sugida iyo Booliska. Waahareereeyeen

Masjidkii, korontadiina ka gooyeen. Waxay xabsiga u taxaabeen tiro badan oo dadkii Masjidka

ku tukanayeey ka mid ahaa”

Ciidamadda Nabad-sugida ayaa dadkii ay qabqabteen oo xabsiga u taxaabeen waxaa ka mid ahaa

35 ee culimadii diinta magaaladda Muqdisho ahaa. Iyadoo Idaacadda Radio Muqdisho ay

baahinaysay hadalo lid ku ahaa dhaq-dhaqaaqa wadaadada oo iyagu keliya ku taagnaa waxay

diintu ka qabto xeerka uu soo saaray Madaxweynuhu.

Xigasho.

6- 7 Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn. 8- Waraysigii Cabdulraxmaan Baadiyow ee Ogaalonline.com

Cutubka Koowaad.

Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.

Page 10: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Qormadda Afaraad.

Waxaa Maxkamadii Badbaadada la hor keenay 35-kii wadaad 18 ilaa 19 Janaayo 1975-tii,

Wadaadada waxaa Qareen u doodayey u ahaa Axmed Cali salaax. Iyadoo uu ahaa Gudoomiyaha

Xukunka Wadaada ku riday Gen.Maxamuud Geelle Yuusuf oo ahaa xubin ka tirsan Golihii Sare

ee Kacaan, ahaana waqtigaas nin aan shahaado ku saabsan sharciga haysan, amaba aqoon u lahaa

qaynuunka. Waxaa Xeer Ilaaliye ahaa Cismaan Maye oo si aan dhamaystirayn dacwada ugu soo

oogay wadaada. Xataa gudaha maxkamada ma joogin markhaatiyaal ku filin oo ku marag furi

kara wadaada la eedaynayey. Waxaa uuGen. Maxamuud Gelle Dil toogasha ah ugu xukumay

wadaadadii kitaabka dartiis uga horyimid kacaanka in la nasakho ayaado ka mid ah ayaadaha

ilaahay samad ka soo dejiyey waxana xukumkii Maxkamadaasi noqday sidatan :

Tobanka mid ahaa waxaa lagu xukumay dil toogasha ah.

1- Axmed Shiikh Maxamed. 2- Cali Xuseen Warsame, 3- Ciise Xasan Axmed, 4- Muuse Yusuf,

5 -Axmed Liibaan, 6- Maxamed Saciid Xirsi, 7- Cali Jaamac Muuse, 8- Aden Cali Muuse, 9-

Cismaan Jaamac Maxamed, 10- Yasiin Cilmi Cawil

Lixkale waxaa lagu xukumay soddon sano.

1-Adam nuur Cilmi Cali, 2-Maxamed Samantar Cali, 3-Cabdi Salaad Cabdulaahi, 4-Xirsi

Xuseen, 5-Adam Cabdulaahi, 6-Xasan barre

Toddoba iyo toban waxaa lagu xukumaylabaatan sano.

1-Axmed Maxamed cusman, 2-Cabdi Cali C/rahmaan, 3-Cabdi Cabdullahi, 4-Maxamed

Maxamud Weheliye, 5-Axmed Cali Yusuf, 6-Shariif Maxamed Yusuf, 7-Cabdullahi Faarax

Cigaal, 8-Xasan Cawaale, 9-Ismaaciil Xasan Aaden, 10- Maxamed Abdi, 11-Abuubakar

Xasan,12-Cumar Sheekh Cali, 13-Cali Mursal Maxamed,14-Bashiir Sheekh Maxamed,15-

Cabaas Muse Faarax, 16-Yacquub Maxamed Macallim, 17-Xasan Macallim C/rahmaan.

Maxkamadda Badbaadada ayaa ahayd mid aan wax Racfaan ah laga qaadan Karin, waxaana la

asaasay 1971-kii iyadoo lagu xeeriyey jirintaankeedaas xeer 03 kaasoo soo baxay 10 Janaayo

1971-dii

Gen.Ismaaciil Axmed Ismaaciil9 Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ka

hadlaya dhacdadii dilkii wadaadada ee Sanadkii 1975,waxaa uu yiri:-

" Habeenkii markii dardaarankii wadaadada laga qoray lay keenay.Ayaan arkay wiil 17-jir ahaa

oo ku jira. Wiilkaaswadaadka ahaa, marka hore wuxu sheegtay 18-jir. Balse, markii dambe

wuxuu sheegtay 17-jir. Sidaa darteed wiilkaasi da'ahaan ma ahayn dil dabadeedna waxaan

damcay inaan la socodsiiyo cidii ku shaqada lahayd, si aan ugu sheego wiilka 17-jirka ah oo

markii hore 18-jir sheegtay inuu ku jiro, si looga baajiyo dilka. Hase yeeshee,wiilkii intaan

talaababa la qaadin, ayuu muusanow ku dhuftay oo uu yiri: War Jannada hayga reebina, waar

ummadda hayga reebina, wallaahi 18-jir baan ahay. Wiilkaas yar caqiidadiisu xoogay lahayd iyo

sida iimaankiisu ahaa, aad baanu uga yaabnay dhamaantayo. Bal nin la leeyahay berri baa lagu

Page 11: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

dilayaa, ee ha lagaa baajiyo, oo ku leh dadka hayga reebin ka waran! Sidaa darteed, lagama reebi

ee sidii ayaa lagu toogtay.

Markaa kadib maxaa dhacay? Gen.Ismaaciil Axmed Ismaaciil markale ka sii hadlaya sidii wax u

dhaceen, wuxuu yiri,;-

" 33-askari oo ciidandamada kala tirsan ayaa toogashada fulin jiray. Sarkaal millateriga ka

tirsanaa ayaana subaxdaa ciidanka watay. Sideedaba anaga Asluub ahaan marka la fuliyo

toogashada kadib uun baa ribootka naloo keeni jiray. Sidaa aawadeed waxa laga wer-wersanaa in

ciidanka toogashada fulinayay soo nabad noqon doonaan iyo inkale.Markaa subaxnimadii anigoo

weli xabsiga dhexe ee Muqdisho jooga ayaan arkay laba diyaaradood oo isku dhacay. Markiiba

midi dhulkay ku dhacday, oo meel aan xabsigii dhexe ka fogayn ah, tii kalena meel kale oo ka

durugsanayd ayay ku dhacday. Dad badan baa cibro ku qaatay arrintaas, oo yidhi waa wax lagu

cibro qaato wadaadadii la dilay iyo diyaaradahan isku dhacay"

23 Janaanyo 1975-tii oo ku beegnayd Khamiis 11-kii Muxaram 1395-tii ee Hijriyadda ayaaRadio

Muqdisho waxaa uu sheegay in Wakaaladii wararka ee Sonna soo tebisay sida idaacadu sheegtay

in lagu fulliyey dil tobankii waadaad ee ay horay Maxkamadii Badbaadadu ugu xukuntay dilka,

waxaana lagu toogtay fagaaraha loo yiqiiin Dugsiga Booliska iyadoo ay toogashadooda fuliyeen

xubno ka kala tirsanaa ciidamadii dalka oo isugu jiray ragg iyo dumarba si dadweynaha loo

tusiyo fulintii xeerkii qoyska ee kacaanka.

Sirta qarsoon waxay ahayd in Wadaadadii ka hor yimid oo sida bareerka ah u diiday Xeerka

Qoyska ee loo toogtay inay ahaayeen wadaada caadiga ah. Kama mid ahayn Xarakadii Al-Ahli

ama dhalinyaradii Baraagu Islaamka ayuu cadeeyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur. Taas ayaa waxay

marag fur u tahay sida dadka Soomaaliyeed dhamaantood u diideen Xeerkaas ka hor imanayey

Diintooda.

Xigasho.

9- Ogaal Newspaper . Hargaysa.

Cutubka Koowaad.

Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Shanaad.

Dr.Cabdiqasim Salaad Xasan10

oo ka hadlayey wixii Soomaaliya ka dhacay 1975-tii. Ayaa

Sanadkii1995-tii bandhig siyaasadeed ka jeediyey Waqooyiga magaaladda Muqdisha. Xubnaha

soo qabanqaabinayey kulankaasna waxaa ka mid ahaa Ustaad Cabdiraxmaan Baadiyow oo sida

cajaladda aan ka dhigaystay isagu hadalka ku soo dhoweeyey Dr.Cabdiqaasim Salaad ayaa

waxaa hadalkiisii ka mid ahaa :-

Page 12: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

" Nidaamkii Xeerka Qoyska iyo SinaantaRragga iyo Dumarka rag la yaqaan ayaa ka danbeeyay,

Weyrax iyo Maxamed Aden xataa Gollihii Sare ee Kacaanka waxaa loogu sheegay jaranjaradii

ex -stadium cones"

Silsiladdii bandhig siyaasadeedkiisaa ka hadlayey xogta dilkii wadaadada iyo xeerkii kacaanka

ee sinaanta ragga iyo dumarka Cabdiqaasim Salaad waxaa uu sheekadiisa uu ku kordhiyay.

" Maalin jimce ah ayay wadaadadu ka ridiyeen masaajidyada sinaanta raga iyo dumark. Iyadoo

Maxamed Siyaad ku maqnaa magaaladda Baraawe oo uu kormeer ku tegey maalintaas. Galabtii

markii uu ku soo noqday Muqdisho ayaa Janan. Cabdullaahi Shiikh Maxamuud (Matukade) u

sheegay Maxamed Siyaad in niman wadaada ahi haystaan magaaladda Muqdisho. Kaliya waxaa

ku fillaa in uu masaajidada makarafoonada ka gooyo si aan hadalkooda loo maqal"

Xogagaal ka warhayey arrimahaas Xeerka Qoyska kase gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa ii

sheegay sidan:-

“ Sanadkii 1971-kii ayaa la bilaabay u ololaynta Xeerka Qoyska, waxaa jiray guddi ka koobnaa

dhowr xubnood oo ay ka mid ahaayeen Weyrax, Maxamed Adan Shiikh , dhowr gabdhood..

Sharciga Xeerka Qoysku diyaar ayuu ahaa. Waxaase diiday oo mudo hortaagnaa oo

warwareejinayey Wasiirkii Caddaaladda Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed oo diidanaa inuu

saxiixo. Waayo marka Wasiirku soo saxiixo ayaa Madaxweynaha loo gudbin jiray oo uu

markaas ka dib Saxiixi jiray, Faafinta Rasmiga ah ee dawladana lagu soo saari jiray. hase

yeeshee intii ka dambaysay Maarso 1974-tii ayaa dardar la geliyey kolkii ay soo dhowaatay

sanadkii loogu magic daray Haweenka Aduunka ee 1975-tii.”

Waxaan weydiiyey. Wasiirkee Saxiixay ka hor intaanu Madaxweyne Maxamed Siyaad saxiixin

Xeerkii Qoyska ?

“ Wasiirkii Cadaaladda ee waqtigaas. Cabdisalaan Shiikh Xuseen. Lix bilood ka hor dhaqan

gelintiisii oo ku beegnayd 11 Jan 1975-tii.”

Siyaasiyiin xogagaal ahayd ayaa leh waxaa Golihii Sare ee kacaanka qaarkood loogu sheegay

jaranjaradii Stadium Conis.maxaa ka jira arrintaas?

“ Waxaba kama jiraan arrintaas . waa la ogaa mudo dheer inuu diyaar ahaa Xeerka Qoysku,

waana la sugayey in lagu dhawaaqo. Ma aqaan dadka sidaas leh halka ay ka keeneen.”

Dr.Maxamed Yuusuf Weyrax ayaan wax ka weydiiyey waxaa uu ka ogaa Xeerka Qoyska .

Waxaa uu igu yiri:-

“ Qof kasta oo Soomaali ahi si ayuu wax u sheegaa. Xilligaas aniga iyo Maxamed Adan iyo

Kiimkoba kama aanan mid ahayn xukuumaddii jirtay oo dibadda ayaan ka joognay. Waa

ayaamahaas la dilayo Wadaadada. Maxamed Siyaad xoogaa siyaasadayda ayaa maalmahaas is

jiirsanayn, ma ahaan inaan ku leeyahay lama soo shaqayn. Waxaanse kuu sheegayaa inaanu jirin

qof siyaasadda ama dawladda ku jiray ee joogay Soomaaliya xilligii Kacaanka oo ka hor iman

karay Jalle Siyaad. Raga qaarkii ee taariikhda ka been sheegaa waxay ahaayeen kuwa ugu dhow-

Page 13: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

dhow oo Jaalle Siyaad dadka ku diri jiray amaba talooyinka xun siin jiray. Kuwaas oo aan awood

u lahayn inay waxay aaminsan yihiin sheegaan. Adeer waxaan ku weydiinayaa waxyaabihii

Soomaaliya ka dhacay ma Maxamed Siyaad kaligiis ayaa Sameeyey?

Su’aal aan ka fogayn su’aalihii hore ayaan waxaan ku weydiiyey magaaladda Garowe

Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn. Waxaa uu iigu jawaabay;-

“Waxaa uu ahaa Xeerka Qoysku arrin soo taxnayd ilaa iyo Sanadkii 1972-dii. Waxaa uu lahaa

guddi. Markasta waxaa madax u noqon jiray Wasiirka Cadaaladda. Waxaa ka mid ahaa afar qof

oo aad u firfircoonaa Dr.Maxamed Aden Shiikh, Dr.Maxamed Yuusuf Weyrax, Drsa.Nuurta

Xaaji Xasan, Drsa.Faadumo Axmed Caalin (Cureeji). Kuwan oo mar kasta dhinaca

Madaxweynaha u janjeeray. Runtii gudigii hawsha loo diray waxay soo diyaariyeen nidaam

waafaqsan diinta Islaamka. Way wada saxiixeen. Maxaase dhacay? Kolkii loo geeyey Maxamed

Siyaad waa diiday gebi ahaantiisab. Afarta qof ee firfircoona waxay bedeleen nidaamkii lagu

heshiiyey ee gudigu soo bandhigay. Waxay ku bedeleen waxay Soomaaliyo dhami diiday ee ka

hor imanayey diinta Islaamka ee lagu sheegay Xeerka Qoyska. Oo lagu sheegay dadka in Ragga

iyo Dumarku inay siman yihiin.”

Waxaan weydiiye ma saxiixay Wasiirkii Hore ee Cadaaladda Dr.Cabdisalaan Shiikh Xuseen

Xeerka Qoyska ?

“ Haa. Waa saxiixay. Lix bilood ka hor. Waxaa uu saxiixay nidaamkii ay gudigu wada saxiixeen

ee aan ka hor imanayn Xeerka Qoyska ee Diinta Islaamka ahi ogoshahay.”

Xeerka qoyska ee dambe ayaa saxiixay?

“Waa lagu been abuurtay. Saxiixoodii hore ayaa la isticmaalay.afartaas qof ayaa Maxamed

Siyaad u isticmaalay fullinta qorshahiisa.”

Hadal uu siiyey weriye Yuusuf Xasan Macallin oo ka tirsanaa BBC-da Sanadkii 2002-dii

Gen.Axmed Jilicoow oo ka mid ahaan jiray saraakiisha Nabadsugidii kacaanka ragga ugu

caansanaa. Ayaa waxa uu hadalkiisaas ku sharaxay sidii sharci daradda ahayd ee loogu soo

oogay dacwadda wadadaaas. Oo uu sheegay inay ahayd wax ka fog cadaaladda iyo weliba

baaristii Xeer Ilaalintii Maxkamadda Badbaadada oo aan u hayn wadaadadaas cadaymo ku filan

oo lagu ciqaabi karo dil..

10-kii wadaad ee ay naftoodii galaafatay xeerkii qoyska ee sinaanta raga dumarka ayaa shacabkii

Soomaaliyeed u aqoonsadeen Shuhadaa naftood hurayaal ah oo diintooda darteed u god galay.

Waxaa soo ifbaxay guux ay horseed u ahaayeen dhalinyaro wadaado ah wax ku soo bartay

wadamda Carabta oo ka faa’iidaystay khaladaadkii dawaladii kacaanka ahayd ka gashay diinta

islaamaka. Wadaadan oo iyagu ku dhaqaaqay inay gundhigaan kobcinta rayiga dadweynaha

caadiga ah si loo helo kaadir islaamiyiin ah oo dardargeliya qorshayaasha horyaalay.

Waxaan weydiiyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ah xeel dheere diimeed wax badan ka

og xaaladda dhabta ah ee uu soo maray baraaruga Islaamka inuu Kacaanka Oktoobar helay

Wadaado ama Cullimo si diini ah ugu taageerta fikirkiisa Sinaanta Raga iyo Dumarka ayaa ii

Page 14: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

cadeeyey in kacaanku ku fashilmay isku daygiisaas ahaa inuu helo qayb Wadaada ka mid ah

qaybtay doonaa ha ahaadaane. Ma helin kacaanku hal Wadaad oo qur ah oo si bareer ah

arrinkaas u taageera.

Sirta qarsoon ee ka dambaysay qorshahii Xeerka Qoyska ayaa xogogaalo waqtigaa ka mid ahaa

dawladii Kacaanka ahayd waxay ku sheegaan hardan siyaasadeed oo ka dhex jiray xubnaha wax

ku lahaa go’aankaas dawlada. Waxaa intaa lagu daraa inay Hantiwadaaga iyo qaadashadiisa ay

ka dambeeyeen xubno aan ka mid ahayn Gollahii Sare ee Kacaanka. Kuwaas oo kaga riixanayey

awooddda xubno aqoon lahaa oo waqtigii biloowga kacaanka ka mid noqday Gollihii

Xoghayayaasha la oran jiray ee kacaanka, una Janjeeray dhinaca reer galbeedka. Waxaa ka mid

ahaa Xasan Cali Mire, Cismaan Nuur Cali Qonof. Laakiin xubnaha Hantiwadaagu madax maray

waxay ka adkaan waayeen xubno yar oo dhinaca Carabnimadda u dhowaa.

Arrinta ayaa cirka isku shareertay kolkii Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cumar

Carte Qaalib uu ka dhex taagay Calankii Soomaaliya xarunta Jaamacadda Carabta,

Soomaaliyana ay xubin buuxda ka noqotay 14 Feb 1974-tii Ururka Jaamacadda Carabta. Waxaa

aad uga carooday raggii loogu yeeri jiray garyarta ama Hantiwadaagiinta, waxayna bilaabeen

inay maleegaan qorshe lagu kala fogayn karo dawladii kacaanka ahayd iyo wadamadda Carabta.

Waxay Carabnimadda u arkayeen in Islaanimo ku daaban tahay. Raggaas oo kaashanaya

saxiibadoodii Midowga Soofiyati ayaa Madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre ka

dhaadhacsiiyey ku dhaqanka Xeerka Qoyska. Isagoo si ka fiirsasho la’aan iyo aqoon la’aanba ah

ku dhawaaqay nasakhida ayaado ka mid ah Kitaabka Qur’aanka ee Kariimka ah.

Xigasho.

10- Cajaald Laga Soo Duubay Kulankaas.

Cutubka Labaad.

Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Herdintisiii Islaamiyiinta.

Qormadda Lixaad.

Kacaanka Oktoobar wuxuu abaabulay xarumo lagu

tababaro dadka,laguna kordhiyo dhinaca fikirka waxyaabo

badan amaba la kacaamaynayo. Shaqaalaha dawladda

badankooda waxaa la marsiiyey dugsigii Tababarka Xalane

oo ahaa meesha lagu sifeeyo sida kacaanku u haystay

maskaxda Kacaandiidka iyo kuwa dib u socodka ah. Kama

marnayn in qof horay u soo maray Xalane, haddana dib

loogu celiyo.

Dr.Yuusuf Xirsi ayaa kaga sheekayey buugiisa Xabsigaygii.

Bilowgii Sanadkii 1976-dii mar labaad mar uu galay

Xalane. Berigaas Gudoomiyihii Jaamacadda Ummadda

Soomaaliyeed Prof.Cabdiraxmaan Caydiid ayaa la sheegaa

Page 15: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

inuu jeclaystay in Macalimiinta Jaamacadda Ummadda tababar loogu diro dugsiga Xalane. Lama

oga Cabdiraxmaan Caydiid waxaa ujeedadiisu ahayd. Waxaase la malayn karaa inuu

habacsanaan ka dareemay Barayaasha Jamacadda, Jeclaystayna in dareenkooda kacaanimo la

dardargeliyo. Maadaama Prof.Cabdiraxmaan Caydiid ahaa nin si weyn u aaminsanaa Mabda�

Shuuciyadda.

Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa uu khudbad u jeediyey Macalimiinta Jaamacadda

Ummadda Soomaaliyeed ee tababrku uga socday mudada sadexda bilood ah dugsiga tababarka

Xalane ku xusay magaca Prof Yuusuf Xirsi. Waxaa uu yiri:-

“ Waad ogtihiin Yuusuf ayaa Karl Marx ku sheegay Yuhuudi, cidna waxba uma raacan. Hadalo

kale ayuu Madaxweynuhu ku gujiyey Yuusuf. Taas oo markii dambe marag fur u noqotay xarigii

Prof Yuusuf Xirsi in kacaanku qaniinsanaa”

Arrimahaas isku dhex murugsanaa ee talaabooyinka Kacaanku qaadayey sida tababar u furid

xubno muhiim ahaa oo ka mid ahaa indheergaradka bulshada Soomaaliyeed. Waxay

ujeedooyinkoodu ahaayeen kala hufid Kacaanku kala hufayo arrimaha lagu doonayey in lagu

ogaado dhab ahaan cid diidan fikirka Hantiwadaaga. Iyo guud ahaanba hanaan socodka

isbedelka nidaamka waqtiga kala guurka ee la doonayey in la sameeyo isbedelo saamayn yeelan

kara.

U gogol xaarkii Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed11

ayaa la oran karay

waxaa astaan u ahaa barnaamijkii Xeerka Qoyska oo ka soo burqaday maskaxada kuwa u

Janjeeray dhinaca Diin la’aanta, aaminsanaana waxaa loogu yeero Hantiwadaaga Cilmiga ku

dhisanaa (Scientific Socialisim). Si dadka Soomaaliyeed ee diidanaa waxa socda, kana mid ahaa

Culimaa�udiinka, Aqoon yahanada loo cabsi geliyo. Waxaa xabsiyadda loo taxaabay rag ay ka

mid yihiin Shiikh Maxamad Macallin Xasan, Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Dr.Yuusuf

Xirsi, Dr.Xuseen Barre Muuse.

Sababta ciidankii sirdoonka ee NSS-ta la oran jiray u qaadeen qabqabasho aan loo meel deyin oo

ku wajahnayd Islaamiyiinta ayaa lagu tilmaami karay. Iyagoo daba taagnaa xogo ay heleen oo ku

saabsanaa kobaca Islaamiyiinta. Intii ka dambaysay dilkiii cullimadii tobanka ahaa ee lagu

toogtay fagaaraha Dugsiga Booliska. U diyaar garoowga bud-dhigid X.H.K.S. si looga hortago

kacdoon la mid ah kii ay cullimadu ku kaceen kolkii la soo saaray barnaamijkii Xeerka Qoyska

ayaa sabateeda la oran karay iska qabqabashadaas baahsanayd.

U diyaar garoowga bud-dhigidii Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S.) si

looga hortago kacdoon la mid ah kii ay cullimadu ku kaceen kolkii la soo saaray barnaamijkii

Xeerka Qoyska ayaa sabata la orankaa qabqabashadaas baahsanayd. Inta12

lagu gudda jiray

yagleelidda X.H.K.S. waxaa ka fursan waa noqotay in xabsiyadda la dhigo siyaasiyiinta iyo

Culi�madda caanka ah. Dhalinyaradii hormuudka u ahayd baraaruga diiniga ah ee waqtigaas

socday. Waxaa xubnihii la xir-xiray ka mid ahaa Nuur Baaruud, Cismaan Cabdulle Rooble,

Cabdiraxmaan Faarax Faahiye, Cabdulqaadir Axmad Xirsi (lakari), Cabdi-waaxid Xaashi Xasan,

Najiib Cali Mire, Cabdul-qaadir Axmad Warsame, Shariif Axmad Calawi.

Page 16: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Dr.Yuusuf Xirsi oo ka mid ahaa aqoonyahanadda Soomaaliyeed ayaa ku soo bandhigay Buugiisa

la yiraahdo Xabsigaygii siday u dhacaday qabqabashadii baahsanayd ee Ciidanka Nabad Sugidu

fulliyeen habeenkii 19 May 1976-dii oo xabsiga lagu dhigay in ka badan 50 qofood oo ahaa

siyaasiyiin iyo rag magac leh. Kama marnayn Islaamiyiinta oo iyaga si gaar ah loo

bartilmaamedsanayey. Waxaa habeenkaas qab-qabashada ku jiray Cabdulqaadir Shiikh

Maxamuud (Genay). Balse isagu maalma gaaban hortood dalka isaga baxay.

Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn ayaa fasiraya qabqabshadii dadkii isku dhafka ahaa ee

Kacaankii Oktoobar xabsiga dhigay Sandkii 1976-dii iyo ka horba. Dadkaas la qabqabtay waxay

Nabad Sugidu u samaysay Gal dambiyeed loogu magac daray Wadaad Xume. Waxaa kaloo uu

sheegay.

“ Qadiyadda iska xir-xirka dadku waxay ahayd dhaqan Shuuciyadu leedahay. Waxaa ku xigtay

in dadka la iska xir-xiro in dadka la laayo. Ujeedada oo dhamina waxay rimanayd in dadka gacan

bir ah lagu qabto.gaar ahaan waxgaradka,aqoonyahanada, cullimadda, ganacsatadda.”

Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn ayaan waxaa weydiiyey inuu ka mid ahaa dadkii la xiray

xilligaa?

“ Haa. Waa ka mid ahaa. Waxaa la xiray Bishii May 1976-dii iyadoo la i soo daayey 26

Oktoobar 1978-dii. Waxaa soo dayntayda dad badan oo aan ka mid ahaa lagu beegay maalintii

dilka lagu fuliyey askartii afgmbiga samaysay 9 Aprile 1978-dii.”

Waxaa lagu dhawaaqay asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed 01 July 1976-

dii.kolkii la isugu keenay Kulliyadda Ciidamada lagu tababari jiray ee Jalle Siyaad 3000(Sadex

Kun) oo ergay. Kuwaasoo u badnaa xubno la iska keenay madasha si looga ansaxsado

waxyaabihii uu ku tala galsanaa Madaxweyn Maxamed Siyaad Barre.

Bud-dhigida X.H.K.S waxaa lagu beegay maalintii Gobanimadda Soomaaliya si loogu

iloowsiiyo dadka Soomaaliyeed maalintaas xusuusta leh. Golaha dhexe ee X.H.K.S. waxaa uu ka

koobnaa 78 xubnood oo u badnaa askar iyo taageerayaasha Kacaanka intoodii lagu kalsoonaa.

Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa halkaas loogu aqoonsaday inuu yahay Xoghayaha Guud

ee Xisbiga H.K.S oo ah xisbiga keliya ee dalka ka taliya (One Party System). Waxaa kaloo la

siiyey jagooyinka kala ah Madaxweynaha iyo Ra�iisul Wasaaraha. Kolkaas ayaa Maxamed

Nuur Shareeco waxaa uu ku heesay.

“ Horta Qabo Siyaado Bal Qof Kale Ku Soo Dara.”

Gen.Axmed Suleemaan Dafle oo ka madax ahaa sirdoonkii kacaanka NSS-ta. xubni ka ahaa

Guddigii siyaasadda isla xisbaigaas. Isla markaa uu sodog u ahaa Jalle Maxamed Siyaad

Xoghayihii guud ee XHKS, ahaana Madaxweynihii Soomaaliya ayaa isaga shakhsiyan loogu

xilsaaray caburinta Islaamiyiinta. Ciidankii Nabad Sugida NSS-ta wuxuu kacaankii Oktoobar ku

sharciyeey xeer13

N0-14 soona baxay 14 Feberaayo 1971-dii. Xubnaha loo xulay inay hawshaas

sirdoonka qabtaan ayaa laga kala keenay ciidankii Xoogga Dalka iyo Booliskaba. Genaraal Dafle

kama baaqsan inuu hawsha u qabto sidii uu rabay hogaamiyihii dalka ee berigaas Jalle Siyaad oo

ay isaga ka go’nayd in cagta la mariyo cid kasta oo ka hortimaadaa afkaarta kacaanka uu

Page 17: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

madaxda ka ahaa. Gen.Dafle kumana guulaysan inuu ka adkaado xooggagii Islaamiyiinta. Keliya

wax ayuu sii fogeeyey iyo Islaamiyiinta oo adkaysi u sii yeeshay iska caabintii kooxihii

kacaanka ee iyaga dagaalka ku hayey.

Nabad Sugidii( NSS-tii) iyo kaadirkii XHKS waxay si baaxad leh dagaal bareer ah ugu qaadeen

Islaamiyiinta. Iyagoo xeel ahaan u adeegsanaya ololihii loo yaqiinay tabeelayaasha xaafadaha oo

si fudud loogu la socon karay dhaqdhaqaaq kasta ee ka jiray dalka. Waxaa laga warhayey guri

kasta iyo qofkasta ee ku nool tabeelaha ama unug xaafaddaas wax uu qabto iyo waxa uu

aaminsan yahay iyo weliba kacaanimadiisa inta lagu kalsoonaan karo. Iyadoo intaas u sii

dheereyd Xisbiyiinta iyo Ururadda Bulshada, haweenka,.Dhalinyaradda iyo Kuwa Shaqaalaha.

Ciidankii Guulwadayaasha ayaa 24 saacadood oo kasta xogta xaafadda u soo gudbin jiray

Madaxtooyadda. Hayadda sir doonka NSS-ta.

Cadaadiska saaraa Islaamiyiinta iyo siyaasiyiinta loo arkayey inay ka soo horjeedaan hanaan u

socodka Kacaanka Hantiwadaaga ah ee Soomaaliya ka saanqaaday. Ayaa ahaa mid nooc kasta

leh oo la doonayey in lagu caburiyo garashada ka duwan tan kacaanku qabay. Dadka noocaas ah

waxaa lagu hayey xabsiyada kala ahaa Mandheera. Laanta Buur. Ka gadaalase waxaa loo

wareejiyey Xabsi si gaar ah loo dhisay, looguna tala galay siyaasiyiinta ka soo horjeeda

Kacaanka Oktoobar. Bal ila yara eeg aqoon yahan Prof Yuusuf Xirsi Axmed oo isagu Buugiisa

Xabsigaygii ku soo gudbinayaa waxyaabihii Xabsi Siyaasigii Kacaankii galeyey uu kala kulmay.

“ 01 May 1977-kii oo ku beegnayd maalinta shaqaalaha Aduunka ayaa habeenimadii kol ay

saacadu ku beegnayd 11:00 ama shantii habeenimo ayaa qolkii aan ku xirayn aniga Yuusuf

Cismaan Samantar(Bardacad), Cabdiraxmaan xaaji Cabdi Gole (Aswad), Cali Canbe iyo

Maxamed Xareed. waxaa naloo dareershay dhinaca Qamta ee Xabsiga aan ku jiray ee Laanta

Buur..”

Waa sii waday sheekadiisii Xabsiga

“ Waxaa nala keenay daarada qaybta Qamta ee Xabsiga Laanta Buur. Meel muuqaal wanaagsan

oo dhirta geed hindiga loo yaqaani haraysay. Waxaan ku fariisanay kuraas dhagax ah oo lagu

xardhay mar-mar. Mudo laba saacadood ah markaan fadhinay ayaa xabsiga qaybta Qamta waxaa

laga soo saaray rag ay ka mid ahaayeen Shiikh Maxamed Macallin, Maxamed Ibraahim Cigaal,

Shiikh Cabdiqani Axmed, iyo Janaraal Cabdulaahi Hoolif. Janaraal Maxamed Abshir waa la soo

saaray laakiin il gaar ah ayaa lagu eegayey ma arag.”

Xigasho.

11-12 Qoraalkii Dagaalkii Ogaadeenya ee Dr.Sadiq Enow. 13- Dhacdooyinka Ma Deganayaasha Soomaaliya. Qoraa Abdi Hassan Jimale.

Cutubka Labaad.

Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Herdintisiii Islaamiyiinta.

Qormadda Todobaad.

Page 18: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Prof.Yuusuf Xirsi Buugiisa Xabsigaygii ee la daabacay 2001-dii boggiisa 22-aad waxaa uu ku

qoray in goortii waqtigu ahaa labadii dambe ee habeenimo ( sideeda saaca) ee 01 May 1977-dii

lagu amray inay baabuurta fuulaan. Aniga, Shiikh Maxamed Macallin iyo Maxamed Ibraahim

Cigaal hal dhinaca ayaa fariisanay. Waxaa dhinaca kale ka fadhiyey baabuurka aan wada saarayn

oo nagga soo horjeeday Yuusuf Cisamaan Samantar (Bardacad), Cabdulraxmaan Aswad, iyo nin

kale. Markii baabuurka nala saaray ee qof walbaa fariistay ayaa lugaha waxaa looga qoofalay

silsilado si aanu qofna u hawaysan inuu cararo. Iyadoo intaas ay sii dheerayd ilaaladda xoogan ee

baaburta aan saarayn korka ka ilaalinaysay. .

Waxaa uu Prof.Yuuusf Xirsi xusay safarkii dhibka badnaa intii maxaabiistaas siyaasadeed loo sii

waday Xabsiga Laabaatan Jirow. Isagoo sheegay in ku dhowaad kontomeeyadaas maxbuus

ahaayeen kuwii ugu horeerey ee Soomaaliya oo lagu furo Labaatan Jirow Xabsigaas la magac

baxay.

Bishii Agoosto 1977 ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray meel Qamta la yiraahdo oo ka gaar ahayd

Xabsi weynaha Labaatan Jirow rag ay ka mid ahaayeen Maxamed Abshir, Shiikh Maxamed

Macallin, Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed, Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Cali Hayje nin la

oran jiray oo isaga markii dambe lagu dilay Xabsiga Labaatan Jirow.

Ciririgii siyaasadeed iyo la socodka dhaqdhaqaaq-yadooda ee kacaankaasi saaray Islaamiyiinta

kama hakin ujeedooyinkoodii. Waxay si mug ah u lahaayeen isku xirnaansho iyo wada shaqayn

taas oo ay ku jaah-wareereen NSS-tii. waxaa la qiraa in Islaamiyiintu xilligaa adkaa kaga soo

gudbeen adkaysi iyo dulqaad xad dhaaf ah oo ay arrimaha ugu dulqaadanayeen si aan caadi

ahayn. Taasoo ku riixday inay higsadaan maanta halka ay ku haminayaan oo ah hanashada

hogaaminta awooda dalka iyo dadka Soomaaliya. Wadan in ka badan 17 Sano aan helin dawlad

hogaamisa isla markaana hanata maamulkiisa .

Islaamiyiinta ayaa lagu tilmaami karay in kaga faa�iidaysteen waqtigaas inay afkaartayrabeen

ka dhaadhiciyaan shacabka oo ahaa in shuuciyaynta dadku ay tahay ka saarida diintooda. Waa la

oran karay inuu fikirkoodaasi miradhalay ka dib markay dadku bilaabeen inay diintoodau soo

noqdaan. Isla markaan barashadeeda si qoto dheer u fahmaan.

Xubnihii14

ka midka ahaa Islaamiyiinta oo la qabqabtay bartamihii sanadkii 1976-tii ayaa

kuwoodii ugu horeeyey waxaa laga soo daayey xabsiyadda dabayaaqadii Sanadkii 1977-dii

xilligaas oo siyaasadii XHKS caga dhigatay. Qodobka loo cuskaday xabsigooda qarkood wuxuu

ahaa qodobka 52-aad ee xeerka anshaxa. Waxaa xusid mudan in qodobkaasi uu ahaa mid loogu

tala-galay dumarka jirkooda ka ganacsada, kaas oo saamaxayay in qofka eedeysan, saddex cisho

lagu hayo xarunta booliskaka dabadeedna ama la daayo ama loo gudbiyo maxkamaddii ku

caddeyn lahayd dembiga.

Sanadkii 1977-kii iyo ka horba waxaa wadanka ka baxay xubno muhiim ahaa oo ka tirsanaa

dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta. Waxaa ka mid ahaa Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud, Axmed Nuur

Carab, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, Axmed Cismaan Dheel, Cabdisalaan Cismaan

Cabdisalaan iyo rag kale oo badan, waxayna kicitimeen wadanka Sacuudiga iyagoo halkaas ka

galay jaamacado islaami ah, kana soo kororsaday aqoon diineedkii loo baahnaa. Waxaa

Page 19: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

saldhigtay fidinta dacwadda dalka gudihiisa. Iyadoo uu mira dhal noqday halgankii baraaruga

dadka ee dhinaca diinta.

Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay xagga fikirka ah Islaamiyiintii. waxaa meesha ka baxay

dhaqdhaqaaqii la oran jiray Al-ahli oo isagu shaqaynayey Sanadkii 1971 ilaa 1977-dii. Khilaafka

ku soo kordhay Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa xiriir la lahaa kooxihii Islaamiyiinta Masar ee

xabsiyadda laga soo daayey, waxaana la xusaa in Sheikh Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud inuu

markaas u Janjeersaday afkaarta kooxda Jamaacatul Mu’minuun dadka badankiisu u yaqaanaan

Tak-fiir. Warar dad dhowr ahi ii sheegeen ayaa waxaa ka mid ahaa in Islaamiyiinta badankoodu

kuwa joogay gudaha Soomaaliya ay qaateen fikirka Jamaacatul Mu�minuun. Marka laga reebo

xubnihii ku jiray Xabsiyadda. Hase ahaate markiiba waa laga noqoday qaadashada afkaarta

takfiirnimadda. Kolkii loo caqli celiyey in badan oo ka mid ahayd dhalinyaradii Baraaruga

Islaamka.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan si aan u xaqiiqsado u janjeersiga dhalinyaradda

Baraaruga ee dhinaca Takfiirka. Waxaan weydiiyey waxa ka jira arrinkaas. Waxaa uu si guud

mar ah iigu jawaabay:-

“ Fikirkaasi waxaa uu asal ahaan ka yimid Wadanka Masar. Kolkii dawladaasi xirxirtay oo

ciqaabtay Muslimiinta xabsiyadda ku xirayd. Waxay fikradu ka soo faaftay xabsiyada Masar”

Sidee ayey inaga Soomaali ahaan inoo saamaysay?

“ Dhalainyaradii Baraaruga Islaamka ee Al-Ahli ayaa joogsanweyday. Maadaama kacaanku

xabsiyadda dhigay cullimadii waaweynayd ee hagi jirtay baraaruga Islaamka. In badan oo

dhalinyaradda ahayd oo dhinac u liicday waa jireen; Balse markii dambe ee cullimadda

xabsiyadda laga soo daayey ayaa si weyn wax looga qabtay. Oo si aad ah loogu caqli celiyey

dhalinyaradii degdegaysay.”

Sidoo kale waxaa dhinac noqday ururka Al-Islaax Shiikh Maxamed Garyare ayaa dhinaca ula

ruqay. Ururkii Jamciya Islaamiya waxaa madax looga dhigay sheikh Maxamuud Cumar. Iyadoo

Waqooyiga Soomaaliya uu ka jirtay ururu Islaamiya oo la oran jiray Waxdada. Waxaa kaloo

jiray xarako la yiraahdo Aalla Sheikh oo uu madax ka noqday Sheikh Maxamed Macallin kolkii

xabsiga laga soo daayey1978-dii. Bilowgii Sanadkii 1978-kii ayaa noqday Sanad ku kowsaday

khilaafka Islaamiyiinta Soomaaliya u dhexeeyaa iyo asaasid ururuo Islaamiyiin ah xanbaarasan

fikirka Islaami Siyaasi..

Dagaalkii 1977-kii ee Soomaalidu la gashay wadanka Itoobiyakama marnayn in xooggaagii

dagaalamayey ay ku dagaalamayey si jihaad ah isla markaana fulinayeen qodob diimeed ah

xoraynta dhulka Islaamka ee la haysto (Ogaadeenya).

Saraakiisha ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qayb gashay dagaalkII Ogaadeenya

ayaa in badan oo ka mid ahaa waxaa saaqday saxan saxada dabaysha diinta. Kuwaas oo ku

hamiyeey inay Soomaaliya u horseedaa dawlad Islaami ah. Waxaa xubnahaas ka mid ahaa

Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo rag kale. Xunaha ka mid ahaan jiray Ciidankii Xooga Dalka

Soomaaliyeed ee sida weyn uga qayb qaatay ku baraarujinta Islaamka bulshadda Soomaaliyeed

Page 20: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

waxaa ka mid ahaa Shiikh Maxamed Cali Dahir oo door muhiim ah ku yeeshay kobcinta

Islaamka.

Ustaad Cabdulraxmaan Baadiyow15

oo ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta, kana tirsan

xarakada Al-Islaax ayaa waxaa la weydiiyey maxaa lagu garan karaa muuqaalka baraaruga

islaamka? Waxaa uu ku jawaabay:

“ Waxaa lagu garan karaa(baraarugaas) sida looga hadal-hayo warbaahinta caalamka oo dhan iyo

sida ay u soo kordhayso ka qaybgalka xisbiyadda Islaamiga ah ee xukunka iyo siyaasadda. Gaar

ahaan dalalka ay ka jirto doorashooyinka iyo tartanka siyaasada. Meel kasta waxaa lagu arkaa

muslimiin ka shaqaynaysa soo noolaynta ku dhaqanka diinta islaamka, waxayna ka muuqataa

dugsiyadda, masaajiydyada, jaamacadaha, goobaha shaqadda, ganacsiga, waxay kaloo ka

muuqataa dhaqanka nolosha, xiriirka qoyska, qaabka salaanta iyo asluubta dadka iyo weliba

bangiyadda islaamka oo si weyn ugu fiday dunidda daafaheeda.”

Xigasho.

14- Qoraalkii Dagaalkii Ogaadeenya ee uu Qoray Dr.Sadiq Enow. 15- Waraysi uu Cabduraxman Badiyow Siiyey Ogaalonline.com.

Cutubka Sadexaad.

Waayihii Horu-socdka Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Sideedaad.

Afgembigii fashilmay ee Aprile1978-dii ee la doonayey in awooda looga tuuro si xoog ah

hogaamiyihii hore ee Soomaaliya Jalle Maxamed Siyaad. Ayaa bilow u noqday mucaaradkii

hubaysanaa ee Itoobiya kaga soo duulayey Soomaaliya. Mucaaradkaasi waxaa uu baal cusub u

faray siyaasadda iminka jirta ee ah in Itoobiya noqoto hoyga laga soo duulo Soomaaliya. Oo uu

awal u dhexeeyey xayndaab adag. Isku milanka labada dal ee dhinac walba. Waa tan ay iminka

ku shaqaynayso siyaasadda dawladda uu madaxda ka yahay Males Zanaawi.

Hogaamiyihii hore ee Itoobiya Mingistu Xayla Maryam ayaa ka jeediyey khudbad taariikhda

gashay fagaaraha magaaladda Adis-abab 01 Maarso1978-dii isu soo bax lagu xusayey maalintii

Itoobiya dagaalka ku jebisay Talyaaniga Adwa 01 Maarso 1896-kii wuxuuna yiri16

“ Maanta dagaalkii Jabhadda Soomaali Galbeed iyo Militariga Soomaaliya ku soo qaadeen

Itoobiya waa dhamaaday. Itoobiya ayaa guulaysatay. Waxaa mahad leh Midowga Soofiyetka iyo

Kuuba iyo saxiibadda kale oo wax walba u huray inay Itoobiya badbaadiyaan la�aantoodana

guushaas lama gaaareen. Laakiin dagaalku ma dhamaan, waxaana uu hadda ka dib ka socon

doonaa gudaha Soomaaliya.”

Hadalka Mingistu Xayle Maryam ayaa lagu macnayn karay inuu ula jeedo jabahada mucaaradka

ku ahaa dawldii Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa Jalle Siyaad. Inay noqon doonaan kuwa

iyagu dalkooda hooyo dagaalka ku qaadi doona iyo in weliba qabiil qabiil Soomaalida la iska

Page 21: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

horkeeni doono si ay awooda isugu qabsadaan. Waayo waxay keliya ee Soomaalidu si dhab ah u

aaminsan tahay ayaa ah qabiilaysiga.

Kooxaha Islaamiyiinta waxay marwalba ka koobnaayeen xubno kala qabiil ah. Halka

mucaaradkii hubaysnaa uu u muuqanayey qabiil qur ah oo doonaya inay awooda dalka xoog ku

yimaadaan, lahayna barnaamij siyaasadeed oo wax ka bedeli kara xaaladda dhaqaalaha iyo

bulshada ee waqtigaas Soomaaliya ku jirtay.

Islaamityiintu waxay si tartiibtartiib ah bulshaweynta ugu soo bandhigayeen ku dhaqanka

shareecadda Islaamka. Iyagoo dhexmaquurayey dadka muhiimka ah ee loo qaateenka ah oo

dacwadda fidinteeda si furan uga qayb qaadan kara. Kuwaas oo u badnaa dhaliyarra-da

waxbaratay ee lahaa rag iyo dumarba.

Mucaraadka hubaysnaa ayaa xilligaas u sii kala dhanbalmayeey qabiil qabiil iyo jifo-jifo hoose

oo aan dhaafsiisnay awood ku faan qabiil iyo dib ugu noqoshadii waqtigi jaahiliyadda. Waxaa

bilaabmayey kala furfurasho jabhadihii mucaaradka ahaa ee ku midoobaySSDF oo ahayd midi

ugu horeeyeysay mucaaradka hubaysan ee Soomaaliya, dulaankana Soomaaliya uga soo qaada

Itoobiya. SSDF waxaa Oktobar 1981-kii ku midoobay Jabhadda Badbaadinta Soomaaliya

(Somali Salvaition Front), Xisbiga Shaqalaha Soomaaliyeed (Somali Workers Party) iyo

Jabhadda Dimuqaraadiga Xoraynta Soomaaliya (Democratic For the Liberation of Somalia ) .

Waxaa la isweydiin karay Afgembigii 9 Aprile 1978-dii ee dhicisoobay lug ma ku lahayd

Itoobiya?. Marka qumaati la isugu dardaro xisaabaadka qaarkood Sirta qarsoon ee Soomaaliya

ma tahay in saraakiisha qaarkood ee ka qayb qaatay afgembigaas inay Itoobiya dabada ka

riixaysay?. Waa la is weydiin karaa mar labaad markuu fashilmay afgembigaasi sababtay

Itoobiya dabada ula galeen saraakiil badan oo fikrad ku lahaa afgembigaas? Ma la oran karaa

waxaa jiray xiriiro qarsoon oo ka dhexeyey abid Itoobiyaanka iyo saraakiisha Soomaaliyeed

qaarkood ee fulinayey qorshahaas afgembi?.

Islaamiyiinta ayaa qorshahoodu waxaa uu ahaa hoos ka soo dhisid bulshada si loo helo awood

dhinac walba ka qaabaysan. Waxay marwalba farta ku fiiqayeen khaladaadka muuqda ee ay

galaysay dawldii kacaanka ahayd oo waqtigaa la daalaadhacaysay la dagaalanka mucaaradka

hubaysan ee qabyaaladu u ahayd Dastuurka.

Waxay Islaamiyiintu sahleen baritaarka burburkii dawladaas Maxamed Siyaad sii liicaysay

xilligaas. Islaamiyiintu oo ka koobnaa dhowr garab oo ka kala jiray Waqooyiga iyo Konfurta

Soomaaliya. Waxdada ayaa ka dhisnayd Waqooyiga halka Jamaaca Islaamiya iyo Al-Islaax ka

jireen Konfurta Soomaaliya.

Hawshaas ay hayeen garabyada Islaamiyiinta ayaa muhiim waxay u ahayd baraarujin dhinaca

diinta ee shacabka. Waxaa soo shaac baxay koboca siyaasadeed iyo bulsho ee Islaamiyiinta ku

dhexyesheen dadweynaha ka biya diidsanaa arrimaha muuqaday ee kacaanku uu wadey. Iyadooy

Islaamiyiintu heleen dhega raaricinta bulshada cabursanayd ee Soomaaliyeed oo xilligaas la

daalaadhacaysay niyad xumadda kacaankii Oktoobar. Meesha kama maqnayn khilaaf ku kala

dhex jira xooggaga Islaamiyiinta. Waxaan soo bidhaamayey kala guullan dhexdooda ah. Iyo sida

loo wajahayo arrimahaa taagan goor kasta. Hase ahaate waxaa mar walba qarinayey inaanu soo

Page 22: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

shaac bixin khilaafkoodaasi culayska saaraa ee kaga soo wajahnaa dawladii kacaanka ahayd oo

isku si u wada arkaysay kooxaha Islaamiyiinta. Inkastoo aanay Sanadihii dambe waxba ka qaban

karayn awoodoodaas sii kordheysay.

Ururkii la oran jiray Waxdada ee Waqooyiga iyo xarakadii Jamacaa Islaamiyaa ayaa midoobay

Sanadkii 1983-dii Bishii Nov, lana baxay ururka Al itixaad Al-islaami, waxaa door muuqda ku

lahaa midaynta Ururadan Ikhwaanka Sudan oo xiriirsiiyey labada dhinac Maarso 1983-dii,

waxaana xarun u ahayd intaanu dalku burbruin magaalada Burco oo uu ku sugnaa hogaamiyihii

waqtigaas ee ururka Al�itixaad al-islaami, Sheikh Cali Warsame oo lagu naanayso Cali

Kibisdoon. Ururkaasi waxaa uu ahaa goobta midaysa awooda in badan oo Islaamiyiinta

Soomaaliya ah. Marka laga reebo ururka Al-islaax oo isaga qudhigiisu ahaa awood Islaami ah oo

feer socota ururukaas kale.

Ururka Al-Islaax oo la asaasay Sanadkii 1978-dii ayaan waqtigaas wax door ah ku lahayn

arrimaha dhaqaalaha, kuna koobnaa goobo waxbarsho iyo daryeelka bulshada. Ma aysan lahayn

Ciidan u gaar ah. Balse waxaa marwalba jirtay afkaar kala duwanaasho labadan urur. Soomaali

badan ayaa la dhacsanayd waqtigaas ururka Islaamiga ah ee Al-itixaad oo isagu cududiisa

dhaqaale iyo ciidanba kordhayeen, lana jaan qaadayey dabaysha Islaamiyiinta caalamiga

ah(Salafiyiinta).

Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa ku kala xiran wadamadda Masar iyo Sacuudiga.

Dhaliyaradii wax ku soo baratay wadanka Sacuudiga ayaa u muuqanayey kuwa firfircoon oo

nashaad gelinayey barashada diinta Islaamka iyo jihaadkaba. Halka kuwa ku xiraa Masar ay ku

hawlanaayeen waxbarashada iyo wacyi gelinta. Waxaan Islaamiyiinta Soomaaliya u kala

miirmayeen labadaa aragtiyood. Inkastoo markii dambe soo shaac baxeen ururo kale. Waxaa

muuqatay tartankii ka dhexeeyey Al-islaax iyo Al-itixaad ee wax la qabsiga Ikhwaanka guud.

Ururka Al-islaax ayaa uga dheerey Al-itixaad dhinaca Ikhwaan Al-Muslimiinka. Oo ah urur

diineed ka jira 81 Dal,lehna hogaan midaysan oo la yaqaan sida ay isu maamulaan iyo cida

xukunta. Iyadoo Salafiyiintu aanay lahayn hogaan guud oo mideeya wadamada Muslinka ah ee

ay kooxahani ka jiraan. Wadan weliba gaarkiisa ayuuu leeyahay cid xukunta. Ma jiro qorsha

guud iyo manhaj siyaasadeed oo isku xira sida Ikhwaanka. Waxa keliya ee ay wadaagaan ayaa

ah mabda’Salafiyadda.

Islaamiyiinta ayaan wax xiriir ah la lahayn jabhadihii hubaysnaa ee mucaaradka ku ahaa

dawladii Maxamed Siyaad Barre. Si aan u xaqiijiyo hadal hayntaas ayaa waxaan magaaladda

Boosaaso kula kulmay sarkaal ka tirsanaan jiray sirdoonkii noocyadda badnaa ee xukuumadii

kacaanka ahayd Col.Maxamed Xuseen Jaamac “Haraa”. In badan ka soo shaqeeyey Waqooyiga

Soomaaliya. Waxaa uu qiray hadalka ah inaan wax xiriir ahi ka dhaxayn mucaardkii hubaysnaa

iyo Islaamiyiinta, waxaana uu yiri:

“ Horta laba manhaj ayey kala lahaayeen. Kuwo waxaa manhaj u ahaa diinta , kuwa kalena

qabiilka marka sidaas ayaanayba isugu milmi karayn.”

Waa sii watay hadalkiisii:

Page 23: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

“Anigu Waqooyiga ayaan u badnaa waxay Islaamiyiintu xoog ku lahaayeen ardayda dugsiyadda

waxaana xagaas looga yaqaanay Waxdada. Sanadihii 1977 ilaa 1982 aad ayey dhinacaan joogay

ugu soo xoogaysanayeen. Waxaa nala faray inaan si aad ah ula socono welibana aad u ilaalino

dhaqdhaqaaqooda. Waxaan xayirnay dhamaan kutubta naloo bar tilmaamay. Waxayse marmar

kutubtaasi uga soo geli jireen dhinaca Jabuuti. Waxaan u isticmaali jiray inaanu baqdin gelino oo

aanu mararka qaarkood xirxiro. Si wadar ah ayaan u xirxiri jiray, ka dibna soo dayn jiray. Waxaa

jiray faaf reeb adag. Waxaa dagaalka lagu hayey Waxdada ka qayb qaadan jiray lix haya’dood

oo dawlada ahaa , kalana ahaa Garsoorka, Nabad Sugida, CID-da, Hangashta (DISA)

Department intulegance Service Army iyo Wasaaradda Warfaafinta. Waxaanu ku dadaali jiray

inaan fikirkooda dadku raacin. Sir doonka ayaa lacagp siin jiray qaybo bulshada ka mid ahaa si

ay u dacaayadeeyaan. Sandkii 1982-dii ayey Waxdadu waxay dab qabadsiiyeen fooqa la

yiraahdo Bis-ta oo Hargaysa ku yiilay.”

Waxdada waxay si aad ah awood ugu lahaayeen Burco oo runtii ahayd meel ay si aad ah uga

hawlgalayeen. Waxaan ogahay inaanay marnaba u liicin dhina qabiilka waqtigaas oo ay SNM-tu

dadka ku hawlgelinaysay qaab qabiil. Waxaana jiray is diid dhinaca fikirka ah xataa markay

SNM-tu sheegteen inay ku dhaqmayaan diinta islaamka uma debcin. Waxay Waxdadu ku

dheganaaayeen midnimadda Soomaaliya taas ayaana sal u ahayd waxyaabaha is fahami waaga

dhex dhigay labadan awoodood ee mucaaradka ku wada ahaa dawladii Siyaad Barre. SSDF

qudhigeedu waxaa manhaj u ahaa qabiilka sidaas darteed ayaan Islaamiyiinta la haybta ahaa

waxba ugu darsan .

Dacwada ayaa ahayd waqtigii dhexe ee Islaamiyinta Soomaaliya mid si xawli ah ku socotay. Ma

jirin wax siyaasaday ah oo dawcada lagu dhex milayey oo ku beegnaa bartamihii

Sideetamaadkii. Goobaha ugu muhiimsanaa ee ay ka socotay dacwadu waxaa ka mid ahaa

Masaajidka Ceel Hindi oo saalada Maqrib ka dib laga akhriyi jiray tafsiir. Iyadoo uu masaajidku

buux dhaafi jiray dadka dhegaysanaya tafsiirka ee masaajiku ka buuxsamo waxaa caado u ahayd

inay hareeraha masaajidka ka dhegeystaan Tafsiirkaas. Waxaa kaloo dacwadu ka socotay

Masaajid ku yaalay bartamaha suuqa Bakaaraha iyo Lafaweyne.

Sanadkii 1986-dii ayaa kacaankii Oktoobar oo waqtigaa ay mucaaradku ku hayeen olole dagaal

iyo mid siyaasadeed ayaa waxaa uu dareemay in Islaamiyiintu si muuqata oo xaawli ah u

xoogaysanayaan. Isla markaa abaabul ugu jiraan siday u kasban lahaayeen bulshada inteeda

badan. Intaas ka dib waxaa kacaanku qaaday talaabo adag oo u yara eg, amaba uu ka soo

dheegtay qorshahiisii 1975-tii koklkii la samaeeyey Xeerka Qoyska. Waxaa la qabqabtay oo si

baahsan loo xirxiray Cullimaa’udiin iyo hogaamiyayaal ka tirsanaa Al-Itixaad Al-Islaam iyo

Islaamiyiinta kaleba. Xabsiga ayaa la dhigay in badan, kuwa kalena waa ka baxsadeen dalka.

Xubnaha Baxsaday waxaa ka mid ahaa hogaamiyaha Al-itixaad ee xilligaas Shiikh Cali

Warsame. Waxaa Sanadkii1987-tii la horkeenay Maxkamada Badbaadada Dalka Islaamiyiintii

ku jiray Xabsiyada intii ugu muhiimsanayd. Waxaa qayb ka mid ahaa ragaas lagu xukumay Dil.

Iyadoo loo cuskanayey ka horimaansho shuruucdii Soomaaliya ka jirta ee uu dejiyey Kacaankii

Oktoobar. Xubnaha dilka waqtigaas lagu xukumay waxaa ka mid ahaa Dr.Cabdicasiis Faarax oo

ahaa mufikir Islaami ah. Shiikh Xasan Dahir Aweys. Shiikh Nuur Baaruud. Aweys Maxamed

Ibraaim. Shiikh Xaashi Colhaye. Maxamed Xuseen Faarax. Maxamed Cismaan Siidi. Yuusuf

Cabdi iyo Shaafici Axmed.

Page 24: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Laguma fulin xukunkii dilka ahaa Islaamiyiiintii17

ee ay ku riday Maxkamdii Badbaada Dalku ka

dib culaysyo kaga yimid xukuumadii Madaxweyne Siyaad Barre gudaha iyo dibadda. Gaar

ahaan Boqortooyadda Sacuudiga. Bishii May 1987-dii ayaa xukumadu jebisay xukunkii dilka

ahaa. Si shuruud la�aan ahna ku siidaysay dhamaan cullimadii xirayd oo dhan. Waxaa kaloo

dalka dib ugu soo noqday xubnihii Islaamiyiinta ahaa ee dibadaha u baxsaday. Waxay kaloo

qabteen kulan lagu cusboonaysiinayo hogaanka Al-itixaad Al-islaam. Waxaa hogaankaas cusbaa

madax looga dhigay hogaamiyihii hore Shiikh Cali Warsame iyadoo ku xigeena loo doortay

Shiikh Xasan Dahir. Waxay kulankoodaas ku go’aansadeen ku dhigaanta jihaadka si loo fuliyo

ujeedooyinka Ururka Al-itixaad Al-islaam.

Waqtiyadaas horusocodnimadda Dacwada ayaa si weyn waxaa u jiray dareen ay qabeen

wadadadii Dariiqooyinka oo ku tilmaamay baraaruga cusub ee Islaamiyiinta inuu yahay Bidco.

Hase ahaatee Islaamiyiinta Salafiyiinta ahi waxay ku guulaysteen inay hantaan dhalinyaradda

aqoonta leh ee dhigta Dugsiyadda Sare, Jaamacada Ummadda (Somali National University).

Waxaa dhici jiray inay mararka qaarkood iska horimaad ku dhexmari jiray wadooyinka

magaalooyinka waaweyn qaarkood. Is ulayn, is caayid iyo is handadid qolba qolada kale

waxkaga sheegayso.

Xigasho.

16- Maxamed Nuur Wardheer . Qoraal Internet-ka Lagu Qoray Somalitalk. 17-Tajribatu Maxaakiimat Soomaal. W.Q. Dr. Cumar Iimaan Abuukar.

Cutubka Afaraad.

Maxaa Fashiliyey Dhexdhexaadintii Xasan Al-Turabi Ee Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta

Soomaaliya?

Qormadda Sagaalaad.

Islaamiyiinta Soomaaliya waxaa inta badan lagu sheegaa kuwa aan bislayn oo hal la boodo

leh isla markaana aan la jaanqaadi karin isbedelka siyaasadda waqtiyada qaarkood. Marka la

barbardhigo wadama badan oo islaam ah. Sida Masar iyo Sudan.

Wadanka Sudan kolkii uu fashilmay Afgembi ay wadeen kooxo Shuuciyiin ah oo uu

hogaaminayey Axmed Maxjuubi July 1971-dii ayaa Madaxweynihii wadankaas ee xilligaas

Jacfar Al-Numayri waxaa uu wadankiisa ka eryey July 1971-dii khubaradii Midowgii

Soofiyati ee Sudan joogatay, isagoo isla markaana hoos u dhigay xiriirkii uu la lahaa

Soofiyatka tuhuna ka qabay inuu gacan siinayey isku daygaas

Afgembiga. Halkaas waxaa ka faa’iidaystay Islaamiyiinta Suudaan oo

markaas u muuqday Cadawga koowaad ee xukuumadaas uu madaxda

ka ahaa Jacfar Al-Numayri.

Sanadkii 1977-kii ayaa waxaa heshiis dib u heshiisiineed dhexmaray

laba kooxood Islaamiyiinta Sudan ahaa , waxaana Xasan Al-turaabi

loo ogolaaday inuu dalka dib ugu soo noqodo, isagoo Sudan uga

maqnaa Masaafuris iyo weliba xabsi lix sano uu ku jiray oo ka

Page 25: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

horayey Masaafuriskaas.

Turaabi waxaa la siiyey Jagada Wasiirka Cadaaladda Sanadkii 1979-kii isagoo ku dhex

milmay nidaamkii uu madaxda ka ahaa Jacfar Al-Numayri, ugana faa’iidaystay inuu

bulshada reer Sudan ku baraarujiyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Sudan ayaa ahayd wadan ay wax ku bartaan Soomaali badani iyadoo waxbarashadaasina ay

saamayn ku yeelatay ardaydii wax baranaysay . Sudan codka Qalinjebinta ardayda

Jaamacadaheedu waa 26 cod sanadihii sideetamaadkii. Waxaa 25 ka mid ah codadkaas ku

guulaysta ardayda u janjeerta afkaarta Islaamiyiinta taasoo Sudan ka dhigaysa meel ay

aqoonteeda hogaamiyaan Islaamiyiintu. Waxaay lagama maarmaan in Soomaalida wax ku

soo baratayna ay sidaas oo kale noqdaan.

Aqoon-yahan Cabdicasiis Faarax ayaa ka mid ahaa raga wax ku soo bartay Sudan. Kan

tirsanaa Ururka Al-itixaad. Bartamihii Sideetamaadkii ayaa Cabdicasiis Faarax waxaa uu

tegey Sacuudiga sida uu ii sheegay Aqoonyahan A.A oo ka mid ah aqoonyahanadda

Islaamiyiinta.Xilligaas ku sugnaa Sacuudiga waxaa jirty warqad qoraal ah oo uu Xasan Al-

Turaabi u soo dhiibay Cabdicasiis Faarax, uguna soo dhiibay Islaamiyiinta Soomaalida oo

madaxdoodu inta badan ku sugnayd Sacuudiga waxaana uu xoog warankiisii iigu bilaabay

sidan:-

“ Anigu waxaan waqtigaas ka mid ahaa ardaydii wax ka baranaysay Sacuudiga,aad ayaan

ugu dhodhowaa xarakadda Islaamiyiinta. Waan ka war hayey Allaha u Naxariiste Cabdicasiis

Faarax inuu xarakadda u soo gudbiyey dhanbaalkii Xasan Al-Turabi odayadii madxada u

ahaa xarakadda Islaamka. Nuxurka dhanbaalka ayaa ahaa in uu dhexdhexaadiyo

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta oo ragga inta

badan hogaamiyaa ay joogeen Wadanka Sacuudiga . Waxaa Turaabi qorshihiisaa

dhexdhexaadineed ku soo bandhigay inuu isagu la hadlayo Maxamed Siyaad Barre, kana

dhamaynayo wax dhinaciisa ku xiran. Waxaa uu ku booriyey Islaamiyiinta Soomaaliya in

iyaga reer Sudan ahi la heshiiyeen Jacfar Al-Numayri. Intaad dibadda ka ahaan lahaydeen

dawladda waxaa ka haboon ayuu u sheegay inaad la heshiisaan oo dhexgashaan. Waxaa uu

soo bandhigay in Bangi Islaami ah oo Sacuudigu maalgelinayo laga furayo Muqdisho.Siyaad

Barre waa ogol yahay ayaa qoraalkaas ku qorayd.”

Markaas ayaan waxaan weydiiyey maxaa fashiliyey isku daygaas? Waxaa uu iigu jawaabay:

“ Waxaan oran karaa bisayl la’aanta waqtigaas Islaamiyiinta iyo Islaamiyiinta u badnaa reer

Waqooyiga oo ku adkaystay inaan wax wada hadal ah lala gelin Siyaad Barre. Waxaa kaloo

laga baqay in Islaamiyiinta Soomaaliya kala qaybsamaan hadii qolo isku daydo in wada

hadal lala furo Xukuumadii Kacaanka ahayd. Laakiin Turaabi aad ayuu marar kale isugu

hawlay inuu wada hadalsiiyo Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta. Mar dambe ayaan garanay

waxaa uu Turaabi u doonayey inaan la heshiino Siyaad Barre”

Kolkaas ayaan ku celiyey maxaad garateen oo aaydinaan markii hore garan?

Page 26: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

“ Waxaan garanay taladii Turaabi hadaan raaci lahayn in wax badan noo qabsoomi

lahaayeen. Laakiin wax walbi waa qadar alla.”

Cutubka Shanaad.

Ismuujintii Awoodda Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Tobnaad..

Sanadkii 1991-kii horaantiisii kolkii dawaldii dhexe Soomaaliya dhidibada u siibeen

kooxihii hubaysnaa ee ay horboodaysay USC-du. Ayaa waxaa soo baxay marnaansho

awoodii dawladnimo ee dalka. Iyadoo kooxihii meesha ka saaray dawladu aysan karti u

yeelan inay buuxiyaan kaalintii dawladnimada, saxaanna khaladdaadkii kacaankii Oktoobar

ee wadanka xukunkiisa hayey 21 Sano.

Islaamiyiinta ayaa ahaa kooxaha keliya ee diyaarsan,lahaa istaraatijiyad fog. Kolkay

burburtay dawladii dhexe ee isku haysay Soomaaliya. Wax walba oo lahaa astaanta

dawladinmada ayaa la waayey gebi ahaanba. Markale ayey ka faa’iidaysteen Islaamiyiintu

marnaansha dawladnimo. Iyagoo si qunyar socodnimo ah u bilaabay inay buuxiyaan kaalintii

dawladnimo. Marka laga eego dhinaca u adeegida bulshada.

Islaamiyiinta ayaa waxay badbaadinaayey dadka la beegsanayey,waxayna ahaayeen

kooxaha keliya ee qabiilooyinka dhexmari kara wax u kala gudbinkara maadaama

dalkii Soomaaliya la oran jiray dagaal sokeeyey hareeyey. Dhaqaalaha dalka ayey raad ku

yeesheen Islaamiyiintu weliba si xawli ah. Iyaga ayaa noqday kuwa la aamini karo dhan

ganacsi iyo dhaqaale-ba. Waxaa bilaabantay inay si fudud u noqdaan ganacsadayaal cusub

oo buuxiya doorkii ay baneeyeen ganacsatadii hore maadaama wadanku dhinac walba ka

burburay. Waxay gacan ku qabteen dhinaca Waxbarashada oo durba asaaseen Tacliin ku

salaysan aqoonta maadiga ah iyo mida diineedba. Iyaga ayaa noqday u heelanayaasha keliya

ee ku hawlan Waxbarshada dalkaas burburay.

Arrimahaas aadka isku milaa ayaa Islaamiyiinta aad iyo aad ugu sahleen inay

hantaan quluubta shacabka Soomaliyeed intooda badan, sumcadoodana kor u qaaday. Waxaa

iska cadayd waxqabadkoodaas muuqanayey inuu lahaa koboc siyaasadeed oo qorshaysan,

kuna jihaysan meel la higsanayey. Waxaa kaloo soo ifbaxayey in dacwadii diinta ee

baraaruga laga feer bilaabay dhaqdhaqaaq abuuritaan cudud ciidan oo ku jihaysan jihaad.

Hogaamiyihii Al-itixaad Shiikh Cali Warsame waxaa uu ka soo noqday isaga iyo

taageerayaashiisiba xeryaha Qaxootiga ee Bariga Itoobiya. Kolkii la riday dawladii uu

madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale xubnihii ururkaas ee Al-itaxaad, kana

soo jeeday qabiilka Daaroodka ayaa iyaguna saldhig ka dhigtay Kismaayo. Qabiilooyinka

kale wadadii ahaa waxay ku negaadeen Muqdisho. Waxaa halkaas laga dareemi karay kala

miiransho ku timid Islaamiyiinta oo qudhooda uu saameeyey qabiilku. Hase ahaatee waxay

Islaamiyiintu ahaayeen kuwa diidayey inay kala miiransho ku timid iyaga. Waxay waqtigaas

Islaamiyiinta uu horboodo ururka Al-itixaad ku fekerayen in meel ka mid ah Soomaaliya ay

ka dhisaan nidaam Islaami ah oo waqtiga dambe ku baaha Soomaaliya oo dhan.

Page 27: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Kolkii Soomaalidu faraha kula jirtay dagaalkii sokeeyey ee dhiiga badan ku daatay.

Islaamiyiintu gaar ayey u taagnaayen iyagoon qabiilna la safan. Kama maqnayn inay

abuurayeen cudud ciidan oo dhinac walba kaga wanaagsan maleeshiyaadka qabaa�ilka ee

sida waxshnimadda ah u dagaalamay.

14 Aprile 1991-dii ayey Islaamiyiin si sibiq ah waxay u galeen

dagaalay kaga horimanayeen maleeshiyaadkii USC-da una

hogaaminayeey Gen.MFCaydiid Buundada Araare una dhow

magaaladda Jamaame gobolka Jubadda Hoose. Warqad ay

Islaamiyiintu u gudbiyeen Gen.MFCaydiid, uguna sheegayaan

inuu ka laabto duulanka uu ku yahay magaaladda Kismaayo.

Waxaa warqadaas Gen.MFCaydiid u gudbiyey xubno ay isku

beel ahaayeen oo ka tirsanaa kooxaha Islaamiyiinta. Waa uu ku

gacan sayray baqoodaas. Waxaa la sheegaa inuu warqadaas

gaarsiiyey Shiikh Xasan Dahir hogaamiyaha USC-da

Gen.MFCaydiid . Waxaa la isweydiin karayey sida Shiikh Xasan Dahir Aweys ku tegey

magaaladda Kismaayo?

Sida dad xogogaal ahi ii sheegeen Shiikh Xasan Dahir Aweys waxaa uu ku sugnaa

magaaladda Qoryooley. Kolkii ciidamadda Daroodku qabsadeen dagaamadda Shabeeladda

Hoose bishii Maarsi 1991-dii dagaalkii loo yaqaanay rogaal celinta. Lama aqoon Shiikh

Xasan Daahir. Waxaase laga baqay inay dad aan xil kas ahayn farta ku fiiqaan xilli

Soomaalidu isu ugaarsanaysay qabiil qabiil. Xubno ay saxiib ahaayeen una badnaa Al-itixaad

ayaa si hufan uga soo saaray Shiikh Xasan Dahir Qoryooleey, una soo gudbiyey Kismaayo.

Inta uu joogay Kismaayo waxaa uu ku sugnaa Xeradda Ciidamadda ee Guulwade. Halkaas

ayaa waxay saldhig u ahayd Dagaalyahanada Al-itixaad. Waxaa uu isku dubariday hawshii

ciidamadda ee halkaas ka socotay. Uma dhegjalaq siin xaalada kolkaas ku sugnayd

Kismaayo oo ahayd halka laga soo duulayey Muqdisho. Waxaa Shiikh Xasan Dahir ahaa mid

ku hawlanaa hawlihiisa uu hayey ee ku aadanaa Maktabka Jihaad ee Al-itixaad. Ma ahayn

waqtigaas nin caan ah oo si weyn loo wada yaqaano.

Islaamiyiinta Al-itixaad waxaa saldhigyadooda Kismaayo kala ahaayeen Saddexda meelood

ee ahaa xeradda Guulwade,Dekadda Kismaayo,Xarunta Keydka Shidaalka Kismaayo.

Waxaa lagu qiyaasi karay xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugnaa magaaladda Kismaayo ugu

yaraan Sideed Boqol oo dagaal yahan oo tababaran , diyaarna u ahaa inay dagaal galaan.

Gen.Maxamed Faarax Caydiid wuxuu ku gacan sayray baaq Islaamiyiintu u doreen..

Waxaa uu dhinaciisa u soo jeediyey talo ah inay xeryahooda ciidankoodu ku ekaado. USC

Waxay ka helayaan amaan ah inaanay faragashan dooni hawlahooda u gaarka ah. Shiikh

Xasan Dahir Aweys oo ka mid ahaa xubnaha qoraalka soo gaarsiiyey Gen.MFCaydiid isagu

dib uguma noqon Kismaayo ee waxaa uu u soo kicitimay dhinaca magaaladda Muqdisho.

Sidoo klae ayaa Al-itixaad waxay isku khilaafsanayd dagaalka laga bar bar dagaalamayo

qabiilooyinka. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa kula taliyey hogaamiyayaasha

ciidamada Al-itixaad ee tira ahaan u badnaa qabiilka Daroodka inay faaruqiyaan xeryaha

Ciidan ee ay ku leeyihiin Kismaayo, loona raro ciidamadda Dhooblay. Sidan waxaa ii

Page 28: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

sheegay xubin ka tirsanan jiray Al-itixaad oo aan ku waraystay Bosaaso, igana codsaday

inaan xusin magaciisa. Waxaa kaloo uu intaas iigu daray garabkii ciidamadda ee Al-

itixaadkii Kismaayo joogay inay ahaayeen koox si gaar ah u doonaysay inay awood helaan.

Waxa kaloo uu yiri:-

“ Muqdisho waxaa nooga yimid xilligaas aan joognay Kismaayo 1991-kii Wafdi ka socday

Al-itixaad. Waxay noogu caqli celiyeen inaan la gelin dagaal lala safto qabiilooyinka. Iyagoo

ka digay hadii lala safto qabiilooyinka ururka Al-itixaad ku yeelan doono raad. Taladaas

waxaa diiday hogaankii dagaalyahanadda Al-itixaad ee Kismaayo iyagoo qiil ka dhigtay inay

naftooda daafacayaan.”

Dagaalkii ka dhacay Araare waxaa uu ahaa mid u dhexeeyey kooxaha Islaamiyiinta iyo

USC-da uu hogaaminayey Gen.MFCaydiid. waxaan goobjoog u ahaa Aniga Cabdishakuur

ahi in dagaalkaasii ahaa mid faraha laga gubtay. Iyadoo dharbaaxo culusi ku dhacday

maleeshiyaadkii USC-da. Halis ayuu galay hogaamiyihii Gen.MFCaydiid inuu u gacan galo

kooxihii Islaamiyiinta ee ka dagaalamayey goobta Araare.

Waxaa xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugnaa xeradda Guulwade ee magaaladda Kismaayo

dagaal gelinaayey xubno afar ahaa oo ka soo dagaalamay wadanka Afganistaan, uuna ka mid

ahaa ninka lagu magcaabo Ibraahim Afqaan iyo Sheikh. Col.Maxamuud Ciise (Abuu

Muxsin), intaanu dhinaca Muqdisha u safrin Xasan Dahir waxuu masuul ka ahaa Maktabka

Jihaadka iyo weliba isagoo ahaa ku xigeenka hogaamiyha ururka Al-itixaad.

Hogaamiyaayaasha Al-itixaad ee dagaalka lagaga hortagayey Gen.MFCaydiid waxay u

arkayeen fursad qaali ah gelitaanka dagaalka iyo inay degaankaas ka abuuri karaan awood

Islaamiya oo waqtiga dambe hanata wadanka Soomaaliya oo xilligaas ku jiray biloowgii

dagaalka sokeeye iyo abuuris dawlad Islaami ahba. Sida uu ii sheegay mid ka mid ahaa

dagaalyahanadii Al-itixaad waxaa jiray khilaaf aan soo shaac bixin ee u dhexeeyey rag

dagaalka Islaamiyiinta Hogaaminayey gaar ahaan labada nin ee ciidamadda Al-itixaad

goobta dagaalka masuulka uga ahaa Faarax Xasan (Waji Xun) iyo Cabdulaahi Raabi

Kaahin.

Dagaalkii Araare waxaa ku gacan sareeyey Islaamiyiinta oo si adag isaga caabiyey

duulaanka xoogagii USC-da. Islaamiyiinta ayaa waxaa dhabar wareemay xoogagii ka soo

horjeeday USC-da ee uu hogaaminayeey Gen.MSMorgan oo iyagu is tusay hadii

Islaamiyiintu guulaystaan inaan gacani wax ugu jireyn laga saari doono degaanka si isku mid

ah iyaga iyo USC-daba. Waxay ka doorbideen guusha Islaamiyiinta inay magaalda

Kismaayo gacanta u gasho Gen.MFCaydiid.

Cutubka Shanaad.

Ismuujintii Awoodda Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Kow iyo Tobnaad.

Kooxaha sida fog daacadda u ahaa Gen.MSMorgan ee ka barbar dagaalamayey Islaamiyiinta

waxay baneeyeen aagii ay difaaca uga jireen si aanay u guulaysan Islaamiyiinta oo dagaal

Page 29: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

gacmaha la isula tegey kaga soo horjeeday ciidamo lagu qiyaasay 3000 (saddex kun) oo dagaal

yahan iyo in ka badan 120 (boqoliyolabaatan)gawaarida tiknikada dagaalka ah. Iyadoo tiradda

Islaamiyiinta ee waqtigaa dagaalka ku jirtay lagu qiyaasay 500(shanboqol). Xooga kale ee u

harsanaa Al-itixadad waxaa laga dhigay kayd ciidan. Islaamiyiinta dagaalka Araare ee agagaarka

Jamaame waxaa hogaaminayey Col.Maxamuud Ciise(AbuuMuxsin), Ibraahim Afgaani,

Col.Cabdulqaadir Macallin, Col.Faarax Xasan (Weji xun).

Fikirkii Gen.MSMorgan ee ahaa in la jebiyo kooxihii islaamiyinta

ka dagaalamay aagaas waa uu guulaystay. Waa laga gacan sareeyey

Islaamiyiintii Al-itixaad. Waxaa dagaalkii Araare kaga geeriyooday

Al-itixaad inta u dhexeysa Konton ilaa Lixdan dagaal-yahan,waxaana

kaga dhaawacmay inta u dhexeysa 110 ilaa120 dagaalyahan. Sidoo

kale waxaa USC-da soo gaaray dhimasho iyo dhaawac intaas ka fara

badan. Waxaan dagaalkaas Gen.MFCaydiid uga hooseeyey

hogaamintiisa Col.Cabdi Qaybdiid oo ah ninka inta badan geystay

tacdiyadii ay galeen maleeshuiyaadkii USC-da ee ka dagaal galay

Jubadda Hoose..

Waxaa la arkayey inuu jiro qorshe midaysan oo ay qabeen hogaamiyayashii dagaalka sokeeyey

ee Soomaaliya horkacayey. Iyagoo ka soo wada horjeeday kooxaha Islaamiyiinta ah.

Gen.MFCaydiid iyo maleeshiyaadkii uu hogaaminayey waxay Kismaayo soo galeen 25Aprile

1991-dii. Iyagoo soo jiiray difaacii dagaalyahanadii Al-itixaad oo dagaalka ay uga bexeen

qabiilooyinkii ka feer diriraayey ee la haybta ahaa.

Soo gelitaankii USC-da ee Kismaayo. wax yar ka hor waxaa dekeda Kismaayo ka furtay

Markab lagu magacaabi jiray M/V Kuanda. Kaas oo u raraa hay�adda ICRC-da. Waxaa

Markabkaas xoog ku kaxaystay dagaalyahanadii Al-itixaad ee gacanta ku hayey Dekedda.

Waxaa Markabka ka raacay Kismaayo ilaa 600(lix boqol) qof oo u badnaa Al-itixaad iyo

taageerayaashooda. Waxay Al-itixaad ku rarteen Markabkaas hubkoodii intiisii badnayd. Iyagoo

hubkaas kala degey Markabka kolkii uu gaaray Raas-Kambooni.

Dhamaan ragii saaraa M/V Kuanda waxaa loo dejiyey xeebta Ras-Kambooni. Iyadoo lagu

wargeliyey si khiyaama ah in Markabku ciladaysan yahay. Waxaa loo abaabulay si koox koox

ah. Iyadoo qaar loo diray inay qoryaha wax lagu karsanayo soo guraan. Hawlaha socda iyo in

Markabku tegeyo Al-itixaad waa ay la socdeen. Keliya hadafkooda ayaa ahaa inay helaan rag

dagaalama oo la mabda noqda. Sidaas ayuu ku ambabaxay M/V Kuanda iyadoo aan laga

warhayn. Weli dadkii Markabkaas raacay waxay ka sheekeeyaan tacadigii dagaalyahanadda Al-

itixaad kula kaceen dadkii saraa Markabkaas.

Ras-Kambooni ayaa noqotay saldhiga ay isku urursadaa xoogagii Islaamiyiintu ee ka soo jabay

Kismaayo. Iyadoo si dhaqso ah qaab ciidan isugu habeeyey. Waxaa jiray dagaalyahano ka

tirsanaa Al-itixaad oo dhaawac ahaa iyagoo doon loogu qaaday Boosaaso. Waxaa Doon lagu

magacaabi jiray Nabiyuu-Bismilaaha keentay 24 Aprile 1991-kii dhaawicii Islaamiyiinta

dekadda magaaladda Boosaaso .

Page 30: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Run ahaantii dagaalkii ka dhacay Araare waxaa uu shaki soo kala dhex geliyey kooxaha

Islaamiyiinta oo u kala miirmay si muuqata qabiilooyinkii ay ka soo jeedeen. Waxaa soo shaac

baxay kala qaybsanaatoodaa. Iyadoo kooxiba kooxda kale ku eedaysay inay xadgudub

sameeyeen ku aadanaa dhinaca mowaaqifa ahayd inay dhex ka noqdaan dagaalka qabiilooyinka

u dhexeeyey. Waxaa intaas barbar socotay barabugaanda dagaal oogayaashu ku hayeen inay

Soomaaliya ka soo shaac baxo fakir kale oo ka duwan tan ay aaminsan yihiin ee ahayd in

Soomaalidu qabiil qabiil u kala haysataan.

Magaalada Muqdisho ayaa tageerayaasha USC-du waxay Islaamiyiinta u arkayeen inay yihiin

kuwa u adeegay qabiil iyaga cadow u ah. Waxaa maalmahaas caan noqotay kooxaha

Islaamiyiinta ah oo qabiil qabiil ciidamo u samaysanaya. Halkay waqtigii hore ka ahayeen

kuwa isku duuban oo mid ah. Dagaalkii Araare waxaa keliye ee laga bartay ayaa ahayd sida

fudud ee kooxaha Islaamiyiinta ah u degdegaan iyagoon qorshaynsan istaraatijiyad ay u dhan

yihiin. Waxaa kaloo Al-itixaad lagu amaanaa sida geesinimadda lahayd ee ay dagaalka uga qayb

qaataan goobaha la iskaga horyimaado.

Islaamiyiinta ayaa iyagu ka gilgisha hadaladda siyaasad ahaan lagu durayo amaba iyaga lagu

dhaleecaynayo afkaartooda. Dagaalkii ka dhacay Araare Islaamiyiinta ku abtirsadda qabiilka

Daaroodka ayaa la yiraahdaa inay si qabiilinimo ah dagaalkaas uga horyimaadeen maleeshiyadii

USC-dii Gen.MFCaydiid oo baacsanayeey ciidamadii qabiilka Daaroodka ee sida awooda ah ku

tegey daafaha magaaladda Muqdisho. Iyagoo qarka u saaraa inay qabsadaan caasimadda

Soomaaliya Muqdisho.

Su’aal la isweydiin karo ayey noqotay. Maxay Islaamiyiinta Kismaayo ku sugnaa u hor istaagi

waayeen ciidamadda Daaroodka ee duulaanka ku soo ahaa Muqdisho iyo beelaha Hawiye?

Maxay labadda ciidan ee dagaalamayey u kala dhex geliwaayeen?

Xubno aan ka soo jeedin Islaamiyiinta Daaroodka oo aan arrimahan wax ka weydiiyey ayaa

sheegay in dagaalkii Araare loo wada dhamaa. Marka laga eeggo xagga qabiilooyinka

Soomaalida iyo unugyadda ay ka koobnaayeen xooggaga Islaamiyiintu. Inkastoo ay si balaaran

u shaacday in Islaamiyiintu fikirka qabiilku soo kala dhexgalay.

Mid ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta oo ku sugnaa Boosaaso ayaan weydiiyey waxa

ka jira in qaab qabiil Islaamiyiintu u kala qaybsameen dagaalkii 1991-kii ka dhacay Araare?

Wuxuuna iigu jawaabay

“Arrintaasi sax ma ahan, qabiil qabiilna Islaamiyiintu uma kala qaybsamin.”

Waxase jiray ayuu yiri

“ In lagu degdegay in la galo dagaalkii Araare xilligaas”

Ibraahim Afqaani ayaa si kale, isna u dhigay dagaalkii Araare. Mar uu tegey Sanadkii 1991-kii

magaaladda Nairobi ee Kenya. Isagoo sheegay in fikir ahaan lagu kala qaybsanaa dagaalkii

Araare, ayna jirtay sinbiriirixasho qabiil ee dhinaca dagaalkaas sida loo maamulay. Waxaa xusid

Page 31: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

mudan in Ibraahim Afqaani uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii dagaalkaas ka dhacay Araare ee

Islaamiyiinta iyo maleeshiyadii Gen.MFCaydiid iskaga horyimaadeen goobtaas.

Dadaal ayaa jiray ay Islaamiyiintii u badnaa ururka Al-itixaad ku hawlanaayeen. kuwaas oo ku

wajahnaa sidii mar kale loo midayn lahaa xoogga Islaamiyiinta, meeshana looga saari lahaa kala

shakiga soo galay, loona dhayi lahaa diiftii uu reebay dagaalkii Araare. Taas oo keentay tuhma

ah in qabiil qabiil loo kala qaybsamo. Wadaada doorka ku lahaa xilligaas waxaa ka mid ahaa

Sheekh Xasan Dahir oo isagu si furan u sheegay in laga haboon yahay in la kala qaybsamo,

wadar jirkuna uu yahay guusha dhabta ah ee Islaamiyiinta.

Wafdiyo ayaa Islaamiyiintu u kala direen degaanadda Jubadda Hoose iyo Waqooyi Bari si is

faham loo dhaliyo, ergooyinkaasina waxay soo hooyeen guul ah in mar kale la mideeyo

Islaamiyiinta. Waxaa la qaatay go�aan ah in la xoojiyo awooda goboladda Waqooyi Bari ku

leeyihiin Islaamiyiinta maadaama degaan kaasi yahay halka isku xiri karta Konfurta iyo

Waqooyiga Soomaaliya, kuna dhow magaaladda Burco oo xudun u ahayd hogaanka sare

ururka Al- itixaad .

Waqtigaas waxaa hoosta laga xariiqay xoogaga ku jira mucaskarka Raas Kambooni in loo soo

raro magaaladda Boosaaso. Maadama magaaladaasi tahay magaalo istaraatijiya oo ku dhow

gacanka Carabta, buuralayda gollis. isla markaas si toos ah xiriir loogagala samayn karo

wadamadda kulaalaya Soomaaliya. Ee islaamka iyo carabtaba ah.

Xoogagii Islaamiyiinta ayaa afar bilood ka dib waxay ka soo guureen Ras-kamboni Bishii

Agosto1991-kii. Iyagoo soo degey Dhoobley. Taladooda guud ayaa ahayd Islaamiyiinta in dhica

goboladda Bari la soo aado. Halkaas waxaa kaga haray Shiikh Xasan Turki oo diiday inuu soo

kicitimo Goboladda Waqooyi Bari. Waxaa uu si toos ah uga amar diiday hogaanka sare ee Al-

itixaad. Isaga iyo ciidama taabcsanaa waxay kaga hareen Dhoobley xoogagii u soo guuray Bari.

Waxaa kaloo taladaas ku raacay Cabdiraxman Maxamed Jabriil oo u sheegay Al-itixaad inaanay

ka soo faa�iidayn aaditaankooda Bari. Waxaa uu ku adkaystay Shiikh Cabdiraxmaan in lagu

negaado degaanadda Jubooyinka .

Siyaasad ahaan ayaa waxaa la arkayey xilligaas doorka sii xoogaysanayey ee Islaamiyiinta

dhinaca siyaasadda, kobocooda awoodeed iyo hanka hogaamineed ee ay qabaan inay

Soomaaliya ku hantaan. Inksatooy jirtay aragti feejigan oo ka imanaysay raga u hanqal taagayey

inay gacanta ku dhigaan awooda hogaameneed ee Soomaaliya. Iyadoo raggaasi aalladda ay

siyaasadooda u isticmaalayeen ahayd qabiilka oo inta badan dadka Soomaalida ahi u nugul yihiin

habar isu wacasho markay timaado. Taas ayaa badiyaa meesha ka saartay in Soomaalidu

yeelado hadaf iyo waxay si nuxur ah u aaminsan yihiin, mana lahan waa Soomaaliduye� asaas

siyaasadeed oo ku salaysan axsaab la aaminsan yahay, khibraddan ayaana laga helay waqtigii

Sagaalka Sanadood ahaa ee dawladii rayadka ahayd..

Tusaale ahaan marka axsaabta mucaaradka xubnaha ku soo gala barlamaankii Lixdamaadkii

doorashadda xilligaas. Ayaa markay ku fariistaan kursiga barlamaanimo. Gadaal u eegi jirin

bulashadii soo dooratay ee uu codkooda wax ku helay, waxaana uu si fudud ugu biiri jiray

xisbiga S.Y.L. oo ahaa kan ugu weyn ee dawladaas hogaamin jiray. Xaqiiqooyinka laga

dhaxlayaa ayaa inoo marag furay sida Soomaalidu uga fog tahay mabda� la aamino. Balse

Page 32: KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA. · Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu

KOBOCA ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

Daabacaadda 2-aad SomaliSwisstv.com, Daabacaaddii hore Somalitalk.com, Re-Distrubted & Edited by Mohamed Saadaq (SomaliSwiss)

Islaamiyiintu waxay ay noqdeen kuwii ugu horeeyey ee Soomalida qaraniga labaatanaad ee si

dhab ah u aamina waxay aamin san yihiin oo ah in diintu tahay siyaasad sharci, aqoon laguna

maamuli karo dadka Soomalaiyeed iyagoo cuskanaya waxaa loogu yeero islaami siyaasi.

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku saxiixan -

waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....