32

Macluumaad ku saabsan - Somali Nordic Culturesomalinordicculture.com/wp-content/uploads/2017/06/... · Bisad: Hablaha yaryar ma cuno waxbana kuma sa-meeyo ee orod aabbahaa ku noqo

  • Upload
    others

  • View
    3

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Tifaftiraha guud/Chefredaktör och ansvarig utgivareMusa M. Isse

Tifaftiraha labaad/RedaktionsekreterareSayid-Ahmed Dhegey

Hawlwadeenada/Redaktionen:Musa M. Isse

Matilda WallinSayid-Ahmed Dhegey

Oscar TrimbelMunira Yussuf

Mona MonasarAmran Ahmed

Fardus Mohamed Ahmed

Taageerayaasha/Övriga medarbetare i detta nummerHassan Madar

Jawahir A. Farah Farah M. Mohamed

Huda YuusufMohamed Hassan Abdi

Maamulka/Prenumeration:Sayid-Ahmed Dhegey

Madbacadda/Tryck:Partner Print

ISSN:2002-2069

Sawirka jaldiga/Omslagsfoto:Oscar Trimbel

Habayntii/Layout:Eng. Buuni Adam/Aragsan Print

Waxa soo saara ururka/Ges ut avSomali Nordic Culture

4 jeer sannadkii Antal nummer per år: 4

[email protected]

Macluumaad ku saabsan magaasiinka

Magaasiinka Carruurteenna waxa uu u taagan yahay carruurta Soomaalida ah ee Iswiidhan ku dhaqan

iyo guud ahaan ba carruurta ku nool caalamka. Waxa uu sannadkiiba afar jeer ka soo baxaa magaalada Stockholm. Magaasiinkan oo dhashay sannadkii 2014 waxa soo saara ururka Somali Nordic Culture, oo ah urur ay ku jiraan arday, qorayaal, barbaariyaal carruureed, macallimiin, saxafiyiin iyo waliba farshaxanyaqaanno.

Magaasiinkan waxa loogu talogalay carruurta ay da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 14 jir. Waxaanay carruur-tu magaasiinkan ka heli karaan; barbaarin, sheekox-ariiro, maaweello, dhaqan, taariikh, farriimaha car-ruurta, cilmiga deegaanka, farshaxan, halxidhaale iyo warar. Ujeeddada magaasiinkani waa sidii ay carruur-ta Soomaalidu u heli lahayd barbaarin iyo maaweelo fiican, korna loogu qaadi lahaa xiisaha ay ubadku u qabaan akhriska iyo qoraalka.

En svensk barntidning påsomaliska

Carruurteenna, som betyder “våra barn”, (c uttalas inte) är en barntidning som riktar sig främst till so-

malisk-svenska barn i Sverige. Den kommer ut 4 gånger om året och utgivningsort är Stockholm. De flesta texter är på somaliska, men några texter är också på svenska och engelska.

Det är föreningen Somali Nordic Culture som starta-de tidningen år 2014. SNC är en ideell förening som består av studenter, författare, sagoberättare, bib-liotekarier, journalister och konstnärer.

Tidningen riktar sig främst till barn i åldern 7-14 år. Där kan de läsa om stora händelser i världen, spän-nande äventyr, sagor och aktuella reportage. Det finns också insändare, serier, tävlingar och pyssel i tidningen. Målet med Carruurteenna är att öka intresset för att läsa och skriva bland alla våra somaliskatalande barn här i Sverige.

Carruurteenna2 Carruurteenna

Tusmada / INNEHÅLL

3Carruurteenna

Markii ay taariikhdu ahayd 1 ilaa 4 bishii Diis-ambar, 2016 waxa magaalada Stockholm lagu qabtay maalmaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Barnaamijkan oo sannadkiiba hal mar la qabto, ayaa waxa uu ka dhacay Kista Träff. Waxa iska kaashaday, Somali Nordic Culture, Kista Folkhogskola, Kista Träff iyo Studiefrämjandet. Afartan cisho waxa dha-cay barnaamijyo aad u xiiso badan oo isugu jira, suugaan, bandhigyo buugaag, maaweelo, arrimaha caafimaadka, warbaahinta, waxbara-

shada, bandhigyo dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida ah, ciyaaro dhaqameed iyo barnaamijyo carruurta loogu talogalay oo xiiso badnaa. Barnaamijka carruurta ayaa isugu jiray, dhegaysiga sheekooyin,daawashada filimaan carruurta ku wajahan, ciyaaro iyo tartan dhanka qoraalka iyo farshaxanka ah.

Maalmaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida ee Stockholm(somaliska kultur- och litteraturdagar i Stockholm)

Qoraayada Saynab Daahir oo Ingiriiska ka timid iyo Nimco Nuur oo Finland ka timid oo carruurta u sheekaynaya.

Wararka Nyheter

Carruurteenna4 Carruurteenna

Maalintii sabtida ee taariikhdu ahayd 28-01-2017 markay saacaddu ahayd labadii (14:00) ayaa sidii

ballantu ahayd, laga bilaabay maktabadda xaafadda Skärholmen, sheeko xariirooyin iyo farshaxan loogu talo galay carruurta Soomaa-lida ee deggen degmada Skärholmen oo ka tirsan magaalada Stockholm. Waxa lagu bi-laabay sheeko soomaali loo akhriyey carruur-ta, iyaguna ay markii danbe ka sheekeeyeen.

Sheekadaas oo ku saabsanayd Boqoraddii arraweelo

Waxa kale oo loo akhriyey sheeko ku qoran afka Iswiidhishka oo ay u akhriday Ayaan Sayid-Ahmed. Sheekooyinkaa ka dib, waxa la guda galay farshaxan xiiso badnaa oo uu soo diyaariyey Oscar Trimbel, oo ah qoraa qoray dhawr buug oo uu ka mid yahay buugga la magacbaxay SHEEKO XARIIRADII SAXAARA-HA.

Ayan Sayid-Ahmed Dhegey oo carruurta ka caawinaysa sida sawirgacmeedka loo sameeyo.

Barnaamijka sheeko Xariirada iyo Farshaxanka Carruurta Soomaalida ee Xaafadda Skärholmen

(Somaliska Barnaktiviteter i Skärholmen)

Qoraayada Sayid-Ahmed Dhegey iyo Oscar Trimbel oo la taagan carruurta barnaamijka ka qaybgashay.

Barnaamijkan carruurta loogu talo galay waxa uu qabsoomaa bishiiba hal mar. Waxaana lagu qabtaa Maktabadda Skärholmen. Barnaamijkan waxa hoggaam-inayey Sayid-Ahmed Dhegey oo ka tirsan guddida Ururka Waalidiinta ee Skärholmen. Waxaana si joogto ah u taageera barnaamijkan carruurta hawlwadeennada Magaasiinka Carruurteenna oo ay ka mid yihiin Musa M. Isse, Matilda Wal-lin iyo Oscar Trimbel.

5Carruurteenna

Ururka Somali Nordic Culture oo kaashanaya maktabadda xaa-fadda Jakobsberg ayaa 4 bishii Febraayo, sannadka 2017 ka bilaabay barnaamij carruurta Soomaalida loogu talogalay. Bar-naamij carruureedkan ayaa dhici doona bishiiba hal mar, waxaana markii ugu horraysay ka qaybgalay carruur badan oo Soomaa-li ah. Tani ayaa muujinaysa xiisaha iyo baahida ay carruurtu u qabto barnaamij noocan oo kale ah oo aan hore xaafaddan looga samayn. Waxa barnaamijka hoggaaminayay oo carruurta maaweelinayay, Ishrah Hassan Abdi, Oscar Trimbel iyo Musa M. Isse.

Waa barnaamij u furan dhammaan carruurta deggan xaa-fadda Jakobsberg iyo guud ahaanba magaalada Stockholm. Haddii aannu nahay bahda magaasiinka Carruurteenna, waxa aannu waalidka ku dhiirrigelinaynaa in ay carruurta soo kax-eeyaan. Si ay barnaamijkan xiisaha badan uga qaybqaataan. Ogaysiiska halkan ku yaalla ka akhri maalmaha uu barnaamijku dhici doono.

Musa M. Isse oo carruurta u sheekaynaya.

Oscar Trimbel Oo Carruurta U Akhrinaya Sheeko Ku Jirta Buuggiisa Sheeko Xariiradii Saxaaraha

Carruurtii ka soo qaybgashay bar-naamijka carruurta ee maktabadda

Jakobsberg

Soo diyaarintii Musa M. IsseTifaftiraha guud/Chefredaktör

Barnaamijka carruurta ee maktabadda Jakobsberg(Sagostund på somaliska på Jakobsbergs bibliotek)

Carruurteenna6 Carruurteenna

Farriimaha Carruurta/Insändare

Magacaygu waa Manal Mohamed Xasan. Waxaan ahay 11 jir. Waxaan ku noolahay dalkan Iswiidhan gaar ahaan magaalada Jönköping. Waxaan dhigtaa dugsiga hoose dhexe gaar ahaan fasal-ka 5-aad. Waxaan aan la dhashay oo aannu walaalo nahay hal wiil iyo hal gabadh oo aniga iga weyn. Waxaanu ku wada noolnahay magaalada Jönköping. Waxaanu la noolnahay hooyaday Ifrah Ali Kirih. Waxaanu ku wada noolnahay farxad iyo jacayl. Waa aan jecelahay dhammaan walaalahay iyo qoyskayga guud ahaan-ba. Gaar ahaan waalidkayga hooyaday iyo aabbahay Mohamed Hassan. Waxaan aad u jecelahay waxbarashada waxaanan rabaa inaan ka gaadho heer sarre. Si aan noloshayda iyo ta dalkaygaba

ugu anfaco.

Waxaan ahay qof jecel wax akhriska. Toddobaadkii waxa aan isku dayaa ugu yaraan inaan akhristo saddex buug oo kuwa carruurta ah. Sidoo kale waxa aan joogto u akhriyaa casharadayda iskuulka. Waxa aan jecelahay xiisadaha ay ka mid ka yihiin xisaabta oo aan aad ugu fiicanahay iyo maad-dooyinka sayniska.

Aabbahay waxa uu ahaa macallin xisaabeed markii uu joogay dalkii hooyo. Aad baanu ugu fiicnaa xisaabta, sidoo kale hooyaday waa qof akhriska jecel waxaan-ay iga caawiyeen inaan jecleysto kuna dadaalo maaddooyinkan.Waxa aan aad u jecelahay in aan la hadlo bulshada kala duwan, gaar ahaan ardayda oo aan qudbado u jeediyo. Aniga oo ku waaninaya in ay waxbartaan oo ay mustaqbal fiican samaystaan. Marka aan weynaado ee aan dhammeeyo dug-siga hoose iyo ka sarreba waxa aan rabaa in aan barto dhakhtarnimada ilkaha

ama aqoonta xidhiidhka caalamiga ah.

Siyaasiyiintii aan la kulmay waxa ka mid ahaa ray-salwasaare ku xigeenka Iswiidhan, maayarka magaa-ladan aan ku noolahay iyo qaar ka mid ah xild-hibaanada baarlamaanka Iswiidhan. Waxaan aad ugu faraxsanahay la noolanshaha hooy-aday iyo walaaladay, waxaanan dareemayaa farxad aad ah.

Ugu dambayn waxa aan u rajaynayaa farxad iyo wa-naag dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee ku nool Is-wiidhan. Waxa aan leeyahay waxbarta waad u aayi doontaan beriye, waalidkiinana adeeca waa waajibe. Waxa aan kaga tegayaa carruurta Soomaaliyeed heesta aan ka bartey dugsiga ee ah:

Waxaan ahay waadiga dugsiyadaWaxaan ahay waanada macallinkaWaagii beryaba ubax laga waraabshoo Waxaan ku werwereynaaWadankiina wax u barta oo xambaara waajibkiisa

Manal oo la sawiran Mona Sahlin

Manal Mohamed Xasan

Toddobaadkii waxaan akhriyaa 3 buug oo kuwa carruurta ah

7Carruurteenna

Magacaygu waa Hibaq Ahmed Mohamoud, waxaanan ahay 6. Waxa aan ku noolahay magaalada Vårgårda

ee dalka Iswiidhan. Waxa aan la noolahay aabbahay Ahmed Mohmoud Ali, hooyaday Mona Omar Hassan iyo walaalkayga yar ee Isaaq oo 5 bilood uun hadda jira. Waxa aan dhigtaa dugsiga xannaanada ee Vårdbergskolan. Iskuulkayga aad baan u jecelahay.

Waxa aan doonayaa in aan idiinka sheekeeyo sheeko yar. Waa tan ee ila akhriya:

Berri waxa tartamay faras doqon ah iyo diin fariid ah. Diinkii baa ku yidhi faraskii, Waa aan kaa dheerayn karaa. Faraskiina inta uu xanaaqay ayuu ku yidhi, Igama dheerayn kartide aniga ayaa kaa dheerayn kara.

Waxa ay u ballameen in ay maalin axad ah beretamaan. Diinkii waxa uu la tashaday saaxiiba-dii. Waxaanay isla garteen in diiman badani isku sii qariyaan waddada agteeda inta u dhax-aysa meesha uu tartannku ka bilaabmayo ilaa halka uu ku dhammaanayo. Sidii bay yeeleen. Markii axaddii la gaad¬hay ayay faraskii iyo diinkiiba bilaabeen tartankii. Faraskii waxa uu u orday si xoog badan. Markii uu yara naso is idhaaba waxa uu arkaa uun diinkii oo ka horreeya, ileen diiman badan ayaa waddada sii taxnaaye. Inta uu xanaaqo ayuu haddana ordaa. Ugu danbayntii waxa uu arkay meeshii tartanku ku dhammaanayay oo diinkii sii joogo. Faraskii muu fahmin in diinku khiyaamay sidiibaanu diinkii ku badiyay.

Waxaan jecelahay Fardofuulka iyo ciyaaraha carruurta

Hibaaq oo baraf ku ciyaaraysa Faras iyo diin ay Hibaaq ku ciyaarto

Hibaaq oo akhrisanaysa magaasiinka Carruur-teenna

Carruurteenna8 Carruurteenna

Ayaan iyo BisaddiiBeri ayaa waxa jirtay gabadh yar oo

ka caan ahayd tuulada ay ddeg-ganayd oo dhan. Gabadhaasi waxa ay ku caan baxday dhega-adayg iyo kani-adayg. Inantaa yar waxaa kors-aday aabbaheed Cali iyo hooyadeed Cibaado. Cali waa aabbo carruur jecel balse inantiisa Ayaan waa uu u taag waayay.Ayaan marka uu la hadlo ma ay maqli jirin, marka uu dugsiga geeyo waa ay ka soo baxsan jirtay, marka wax cun lagu yidhaahdana ma ay yeeli jirin. Marka hawsha guriga wax ka qabo lagu yidhaahdo waa ay diidi jirtay. Marka loo yeedho waa ay carari jirtay. Hooyadeed iyo aabbaheed khaatiyaan

Sheeko aannu ka soo qaadannay buugga Dhallaan-Kobciye ee ay qortay

Fardus M. Ahmed

Sheeko aannu ka soo qaadannay buugga Dhallaan-Kobciye ee ay qortay

Fardus M. Ahmed

ayaa ay ka istaageeen dhega-adaygeeda.Dadka oo dhan Ayaan waa ay la yaabi jireen. Mar walba waxaa lagu la talin jiray in ay waalikeed maqasho oo addeecdo. Balse Ayaan cidna ma ay maqli jirin, oo teeda ayaa ay iska wadan jirtay. Maalin maalmaha ka mid ah, Ayaan oo aabbaheed ka soo carartay, ayaa waxaa ay timi meel cidlo ah oo kayn jiqa ah. Meeshaas ay marayso Ayaan wali hore uma ay iman. Wax dad ahna kaligeed ayaa joogta aagga oo dhan.

Sida ay halkii cidlada ahayd u maraysay oo kolba hareeraha iska eegaysay in uu bahal ku soo baxo ama aabbaheed ka daba yimaaddo ayaa mar keli ah waxa ay aragtay bisad miciyo dhaadheer oo meel jiifta! Ayaan ayaa ka naxday bisadda kaynta dhex jiifta iyo meesha cidlada ah ee ay marayso. Waxa ay niyadda ka lahayd: Bisadeey ha i cunin! Bisaddii ayaa aragtay in ay ka baqanayso inantan yar ee kaligeed cildada bahal-galeenka ah maray-saa. Inta ay u soo dhawaatay oo ay u soo dhawaa-tay ayaa ay hadalkan u bilawday:Bisad: Inanta yareey maxaad ka soo doontay dhul-kan cidlada ah?Ayaan: Aabbahay baan ka soo baxsaday.Bisad: Maxaa kugu dhacay ee aad uga soo baxsa-tay?Ayaan: Kaalay oo dugsiga tag buu i lahaa, anna ma jecli waxbarashada.

Bisad: Haddii aad aabbahaa ka soo baxsatay oo cidlada timi, ma waxaad rabtaa inhabardugaag oo dhan midba dhinac ku goosto?Ayaan: Alla! Maya e waan ka baqaa habardugaag oo dhan. Adigu fadlan waxba ha i yeelin.Bisad: Hablaha yaryar ma cuno waxbana kuma sa-meeyo ee orod aabbahaa ku noqo oo waxbarasha-daada dhigo. Halkan waxaa jooga bahalo carruurta cuna e.Ayaan: Bisadeey waxaad tahay bisad fiican. Imika ayaan ku noqonayaa aabbahay ee maad ii raaci jidka yaanay habardugaag iga heline?Bisad: Haa, ina mari aniga ayaa ku dhaafinaya e.Halkaas ayay bisaddii iyo Ayaan ku saaxiibbeen… Ayaan maalin danbe aabbaheed ma ay diidin, cid kalana kuma ay dhega-adaygin, sidiina cidlo dambe uguma ay baxsan.

9Carruurteenna

Magacaygu waa Abyan, waxa aan jecelahay in aan waxoogaa warbixin aniga igu saabsan idiin soo gudbiyo. Waxa aan marka hore u mahadnaqayaa Magaasinka CARRUURTEENNA oo fur-saddan i siiyey. Si aanu qoraalku u dheeraan ayaan soo koob-koobayaa. Aan ku bilaabo, eheladayda Iswiidhan ku sugan, waxa ay ka kooban yihiin, carruurtayda, habaryartay, walaal iyo qoyskeeda iyo carruurtayda aabbahood iyo ayeydood. Hooyaday iyo qaybo ka mid ah eheladayda waxa ay deggen yihiin Kiiniya. Waxa aan leeyahay walaalo iyo ilmaadeerro, ilmaabtiyo, ilmahabreedyo kala jooga dacallada dunida Yurub, Maraykanka, Kanada, ilaa Ustareeliya. Waxa aan eddo u ahay carruur badan waxa kaloo aan habaryar u ahay carruur badan

oo kale. Adeerkay oo keliya ayaa deggen Soomaaliya.

Waxa aan Iswiidhan (Sverige) imi anigoo dhallinyaro ah. Horraantiiba waxa aan bartay afka Iswiidhishka oo aan ka bartay dugsiga magaciisa lagu soo gaabiyo (SFI). Ka dib waxbarasho ayaan ka bilaabay dugsiga sare, oo aan ku qaatay cil-miga bulshada iyo Sayniska, sababta oo ahayd anigoon markaa garanayn, maadooyinka la iiga baahan yahay jaamacadda gelitaankeeda.

Jaamacadda ayaan bilaabay oo aan dhigtay dhaqaala-ha, iyo waxoogaa la xidhiidha siyaasadda dunida--- una badnayd dhinaca horumarinta. Waxa aan dhammaystay dhaqaalaha shirkadaha iyo wadashaqaynta horumarinta caalamka.

Xilligan waxa aan ahay hooyo keli ku ah laba wiil oo da’doodu kala tahay 10 jir iyo 7 jir. Bilawgii waxa igu adkaaday sidii aan shaqo u heli lahaa, gaar ahaan shaqo igu habboon maaddaama oo aan ahay waalid keli ku ah laba carruur ah---Hooyo keligeed ah. Waxa aan xoogga saaray in aan bilaabo shaqo aan gurigayga anigoo jooga ka shaqayn karo. Waxa aan doortay wax aan ilaa carruurnimadaydiiba jeclaa----- taasoo ahayd qoraalka buugaagta carruurta. Waxaan kaloo jeclaa qoridda maansada iyo qoraalka warqadaha.

waa qoraa buugaagta carruurta qorta

Kulmi iyo Guled oo buug akhrisanaya

Qaar ka mid ah buugaagta ay Abbyan Ali qortay

Abbyan Ali

Abbyan oo akhrinaysa mid ka mid ah

Carruurteenna10 Carruurteenna

”In shaqadaadu noqoto mid aad adigoo gurigaaga jooga qabato, ubadkaagana ka warhayso sida ugu habboon, waxa ay ahayd ra-bitaankayga.”

Sidaa awgeed waxaan aasaasay shirkadda buugaagta ABBILEN FÖRLAG—halkaas ayaan wixii qoraal ah ku soo saaraa. Immin-ka iyo haatan, waxa aan soo saaray dii-waanka maansada oo ingiriisi ah—Love Acts & Talks. Hab ahaan, waa uun sida gabayga soomaalida.

Buugaagta carruurta ee aan qoraa waa sheeko taxane ah oo ku saabsan laba wiil oo soomaali ah, kuna nool Iswidhan—Kugi iyo Guli—intooda badani waxa ay ku saabsan-tahay waxa ay jecelyihiin innamadaasi. Cin-waankuna waa (Kugi waxa uu jecelyahay).

Buugaagta Kugi waxa uu jecelyahay (Kugi älskar), waxa ay ku qoran yihiin Iswiidhish, Soomaali, iyo Ingiriisi. Yoolkaygu waa in buugaagta badidoodu ku soo baxaan sad-dexdaa af. Anigaa sawirrada iyo qaaba-ynta buugaagta samaysta. Rabitaankayga ku saabsan taxanaha buugaagta carruurta, waa in ay helaan carruurta Iswidhishka ah ee ka yimi dalalka kale asal ahaan, sheekoo-yin ku saabsan xaqiiqada. Buugaagta aan qoraa maaha kuwa carruur-ta oo keliya ee buugaag loogu talo galay dadka waaweynna waa ay jiraan si guud ahaaneed. Si gaar ah, waxa aan xoogga saaraa carruurta ku dhexnool dhaqammo kala duwan laba/ ama ka badan, taasoo oggol aqoonsiga iswidhishnimo, islamarkaana og in uu asal ahaan ka soo jeedo isir kale, ahna wax aan iska hor imanayn.

Qaybo ka mid ah buugaagtayda waxa ay sawir ka bixiyaan kala duwanaanshaha nololeed sida dal kugu cusub (Kenya) sidee wax u kala duwan yihiin, haddaad is barbar

dhigto Iswidhan (Sverige). Ka bilaw hawada, qiimaynta biyaha, habka ganacsiga, sida hadalka---afafka kala jaadka ah. Waana sawir ka qaadasho nolol-maalmeedka oo sheeko gaaban aad ku soo gudbiso. Arrinka muhiimka ahina waa xidhiidhka bulsho ilbax-nimo dhaqandhaqaale---oo aan ugu yeedho (allmänbildning—common knowledge). Tax-anaha Kugi waxa uu jecelyahay, waxa jira 10 qaybood---maalmahan waxa aan soo saaray shan buug:

Kugi waxa uu jecelyahay alifbeetada (Kugi älskar Alfabetet)Kugi waxa uu jecelyahay walaalkiisa yar (Kugi älskar sin lillebror)Kugi waxa uu jecelyahay roobka (Kugi älskar regn)Kugi waxa uu jecelyahay kalluunka (Kugi älskar att fiska)Kugi waxa uu jecelyahay luuqaddaha (Kugi älskar språk.)

Waxa ii qorshaysan in aan soo saaro buuggii lixaad gu’gan 2017: Kugi waxa uu jecelya-hay sheeko-xariirooyinka (Kugi älskar sagor)

De engelska titlarna som finns är:

Kugi loves his little brotherKugi loves the rainKugi loves fishingKugi loves languages

Soo diyaarintii Sayid-Ahmed Dhegey

Mid ka mid ah buugaagta Abbyan Ali

11Carruurteenna

Carruurteenna12 Carruurteenna

13Carruurteenna

Waxa halkii innooga sii socon doonta sheekadii taxanaha ahayd ee Dalmar wuu ka qax-ayaa Soomaaliya.

Dalmar waxa uu daawanayaa tiifiiga. Waxa uu cunayaa tufaax, waxaanu cabbayaa sharaab. Waxa uu ku fadhiyaa fadhi qurux. Wiigii hore ayay hooyadii iyo aabbihii soo iibiyeen fadhigan.

(Dalmar flyr från Somalia)Dalmar

wuu ka qaxayaa Soomaaliya

Dalmar är en tecknad somalisk barnserie, som Musa M. Isse har skapat. Serien kommer att vara med i alla nummer av tidningen Carruurteenna. Längre fram kommer Dalmar också ut som barnbok,

både på somaliska och svenska.

Carruurteenna14 Carruurteenna

Dalmar iyo hooyadii waxa ay ku jiraan qolka hurdada. Waxa ay ku jiifaan sariirta. Dalmar hooyadii waxa ay buug carruureed u akhrinaysaa wiilkeeda. Dalmar si fiican buu u dhegay-

sanayaa sheekada . Dalmar waxa uu xiiseeyaa akhriska. Habeen walba inta aanay seexan buug bay akhristaan.

Dalmar waa sheeko-carruureed taxane ah oo uu curiyay Musa M. Isse. Sheekadani waxa ay

si taxane ah ugu soo bixi doontaa magaasiinka Carruurteenna. Mustaqbalka dhawna waxa ay no-qon doontaa buug carruureed ku qoran afafka Soomaaliga iyo Iswiidhishka.

Waxa sawiray Cali Axmed.

15Carruurteenna

Martin Luther King Jr waxa uu taariikhda adduunka kaga jiraa kaalin mihiim ah.

Dalka Maraykanka bisha Febraayo waxa loo yaqaanaa black history month oo mic-naheedu yahay, bishii taariikhda madow. Taasi oo ka dhigan bishii taariikhda dadka madow. Martin kaalin weyn buu ku leeyahay bishan. Waxa uu ahaa baadari Maraykan ah, halgamaa u dooda xuquuqda aadama-ha iyo waliba hoggaamiyihii dhaqdhaqaaqii xuquuqda muwaadiniinta Maraykanka.

Dalka Maraykanka waxa ka jiri jirtay cunsuriyad lagu hayay dadka madow ee dalkaasi ku nool. Cunsuriyadaasi ayay dadka madoobi kala kulmi jireen xafiisyada daw-ladda iyo guud ahaanba bulshada. Martin Luther King waxa uu u halgamay sidii codka dadka madow loo maqli lahaa ee ay u yee-lan lahaayeen xuquuq la mid ah dadka kale ee Maraykan ku nool.

Martin Luther King waxa uu ku riyoon jiray in uu arko qaranka Maraykanka oo aanay ka

jirin madabtakoorku. Waxa uu jeclaa in car-ruurtiisa madow iyo carruurta kale ee cadd-iba ay yeeshaan isku xuquuq oo ay gacma-ha is qabsadaan. Iyaga oo si xorriyad ah ugu wada noolaanaya dalka Maraykanka. Maanta bulshadeenna waxa ka jirta sinnaan iyo caddaalad ay dadku isku xuquuq yihiin. Inkasta oo ay mararka qaar cunsiriyadi jirto haddana isbeddel weyn baa ku dhacay nolo-sha bulshada. Waxaana taasi mahaddeeda iska leh dadka uu ka mid ahaa Martin Luther King ee u halgamay sidii aadamuhu u noqon lahaa mid isku xuquuq ah.

Martin Luther King Jr waxa uu sannadkii 1929 ku dhashay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka. Aabbihii waxa uu ahaa baadari, sidaasi oo kale ayuu Martin Luther King u doortay isna in uu noqdo baadari. Mabdi’ii uu aaminsa-naa ayaa ka dhigay in uu noqdo halgamaa u dooda xuquuqda dadka madow ee Maraykanka.Mahatma Gandhi oo aynu tirsigii hore ee

Taariikhdii Martin Luther King

Carruurteenna16 Carruurteenna

magaasiinka ku soo qaadannay waxa uu ahaa qof sida Martin Luther King u halgamay xuquuqda aadamaha. Waxa ay labadan hoggaamiye ka sinnaayeen aragtida ah in aadmigu si caddaalad iyo xornimo ah u wada noolaado. Gandhi waxa uu u halga-may xorriyaddii dalka Hindiya, isaga oo ka xorreeyay guumaystihii Ingiriiska. Si nabadg-alyo leh ayuu halgankiisa u galay, taasina waxa ay ahayd wixii sida weyn u dhiirrigeli-yay Martin markii uu bilaabay halgankiisii.

Waxa ay ahayd magaalada Montgomery ee gobolka Alabama sannadkii 1955 markii Martin bilaabay mudaharaad lagu joojinayo in basaska la raaco. Mudaharaadkaasi ayaa socday muddo sannad ah. Basaska waxa ka jiray midabtakoor ah in aanay dadka mad-ow iyo kuwa cadi isku kuraasi fadhiisan kar-in. Dadka madow ee reer Maraykan marka ay tigidhka baska ka dhex goostaan baska waxa ay ku qasbanaayeen in ay baska ka degaan oo ay mar kale albaabka danbe ka soo fuulaan. Taasina waxa ay keentay in dadkii madoobaa u adkaysan kari waayaan oo ay mudaharaad bilaabaan. Waxa ay ahayd Rosa Parks gabadhii u horraysay ee bilowday in ay kursigii ay ku fadhiday uga kici wayday nin caddaan ah oo rabay in uu kursigeeeda ku fadhiisto. Waxa caadi ahayd in qofka madoobi kursiga baska uga kaco marka uu qof cadi soo dul istaago. Muda-haraadkan lagaga soo horjeeday midabta-koorka gaadiidka dadweynuhu waxa uu socday muddo 382 maalmood ah.

Waxaanay markii u danbaysay maxka-madda sare ee Maraykanku go’aamisay in uu sharcidarro yahay midabtakoorka basa-sku. Sannadkii 1964 waxa Martin Luther King lagu abaalmariyay abaalmarinta nabadda ee Alfred Nobels fredspris oo ah abaalmarin caalami ah. Kadib markii uu mudaharaad ka dhacay magaalada Washington, halkaasi oo ay ka soo xaadireen 250 000 qof. Kuwaasi oo doonayay in dadka reer Maraykan no-qdaan isku xuquuq. Martin markii uu halkan

ka qudbadaynayay waxa uu ku celcelinayay halkudheggiisi, ’’I HAVE A DREAM’’. Waxa uu dadka u sheegay in uu soo soo dhaw ya-hay mustaqbal qurux badan oo ay dadku heli doonaan isku xuquuq. Markii uu abaal-marintan helay Martin Luther King waxa ay da’diisu ahay 35 jir. Waxaanu noqday qofkii ugu da’ yaraa ee abaalmarintaasi hela ilaa hadda.

Sannadkii 1968 ayaa Martin Luther King lagu dilay magaalada Memphis ee gobol-ka Tennessee. Waxa ay da’diisu ahay 39 jir markii lagu hor toogtay bannaanka qol uu ka degganaa hudheel magaaladaasi ku yaal-lay. Waa uu ku mahadsanaa halgankii xor-riyad u dirirka ee uu ka gaystay taariikhda Maraykanka iyo ta adduunkaba. Sannadkii u danbeeyay noloshiisa waxa uu dadaal u galay sidii loo joojin lahaa dagaalkii Vietnam iyo waliba sidii loo yarayn lahaa saboolni-mada. Waxa uu ahaa hoggaamiye la jeclaa oo maanta waxa dalka Maraykan magaciisii loo bixiyay waddooyin badan oo dalkaasi ku yaalla. 15 Jeenaweri oo ku beegan dhalashadii Martin Luther King waxa dalka Maraykan laga dhigay maalin qaran oo fasax la wada yahay. Waxaanay taasi oo bilaabman tahay sannadkii 1985.

Soo diyaarintii Munira HassanTurjumaaddii Musa M. Isse

17Carruurteenna

Martin Luther King Jr. är en väldigt viktig person i världshistorien. I USA brukar

februari månad oftast kallas för ”black history month”, månaden för svartas historia. Martin Luther King Jr. är en stor del av denna månad. Han var en ameri-kansk pastor, människorättskämpe och ledare inom den amerikanska medborgarrättsrörelsen.

Det amerikanska samhället hade under en lång tid präglats av en närvarande och institutionell ra-sism, där svarta människor diskriminerades och inte hade samma rättigheter som de vita. Martin Luther King kämpade för att göra svarta människors röster hörda, och han kämpade även för ett mer rättvist samhälle där alla människor var lika värda. Martin Luther King drömde om en färgblind nation, där hans svarta barn kunde hålla i hand med vita barn och alla kunde ha samma förutsättningar, rät-tigheter och frihet. Idag är människans lika värde normaliserat i vårt samhälle, och även om diskrim-inering fortfarande finns kvar, har vi kommit en lång bit från dåtidens verklighet - detta tack vare människor som Martin Luther King Jr.

Martin Luther King Jr föddes 1929 i Atlanta, Georgia i USA. Hans far var en baptistpräst och Martin Luther King Jr. valde att gå samma väg. Det var hans tro som präglade hans synsätt och sättet som har valde att kämpa för de svartas rättigheter i Amerika.

Mahatma Gandhi, som nämns i vårt tidigare nummer av magasinet, var en person som Martin Luther King såg upp till. Båda dessa ledare valde att kämpa för alla människors lika rättigheter med hjälp av icke-våld. Gandhi lyckades befria Indien från Storbritannien genom just ickevåldsmetoden

och fredliga lösningar, något som inspirerade King oerhört mycket.

Det var i Montgomery, Alabama år 1955 som Martin Luther King ledde en bussbojkott som va-rade i ett år. I bussen fanns det sektioner där svar-ta skulle sitta och där vita skulle sitta. De mörkhy-ade fick gå på bussen och köpa sin biljett, men var sedan tvungna att gå av bussen för att sedan gå in genom bakdörren. Detta ville inte de svarta invånarna i USA vara med om längre, och det var så bussbojkotten startade. Dessa individer bestäm-de sig för att gå emot den lag som segregerade svarta från vita. Startskottet kom från Rosa Parks (1913-2005), som vägrade lämna sin sittplats, när en vit man i Montgomery år 1955, ville sitta på hennes plats. Att svarta var tvungna att lämna sina platser till en vit person om bussen blev full var inget de kunde acceptera längre. Denna bojkott varade i 382 dagar tills USA:s högsta domstol beslöt att sektioner i transportmedel, så som bussar skulle vara olagligt.

År 1964 belönades Martin Luther King med Alfred Nobels fredspris. Det skedde året efter en marsch i Washington, där 250 000 människor hade sam-lats till stöd för en medborgarrättslagstiftning, som skulle betyda att allas jämlikhet förverkligdes. Det var här som han höll sitt historiska tal ”I have a dream”, där han uttryckte sin förhoppning om en ljusare framtid för alla människor, vare sig här-komst eller hudfärg. När King fick Nobelpriset var han bara 35 år gammal, den yngsta mottagaren av alla som varit tidgare.

År 1968 mördades Martin Luther King i Mem-phis, Tennessee. Han var då bara 39 år gammal när han sköts utanför sitt hotellrum. Tack vare sitt engagemang har han satt djupa avtryck i både amerikansk historia och världshistorien. Under sitt sista år riktade han fokus och ansträngning på att stoppa Vietnamkriget och få ett slut på fattig-domen. Han var en älskad ledare och har idag flertal hundra gator döpta efter sig i USA. Den 15 januari, som är Dr. Kings födelsedag, är även sedan 1985 en nationell helgdag i Amerika.

Martin Luther Kings Historia

Text: Munira Yussuf

Carruurteenna18 Carruurteenna

Baro sida kuusha loo sameeyo

(Pyssel)Hadda waxa kaliya ee aad u baahan

tahay waa in aaad xadhig soo qaada-to. Warqaddii aad duuduubtay ee kuusha u eekayd dhex gali xadhiga. Kadibna sida aad sawirka ku aragto waxa ay kuu noqon kuul aad gacan ku xidhato ama qoorta.

Warqadda si dheer u goo sida aad sawirka ka aragto. Kadib dhanka ay u ballaadhan tahay ka soo duub ilaa aad ka gaadhayso meesha u dhuuban. Qiyaastii ilaa 2-3 sitimitir. Sidaas ayuu kuugu diyaar yahay wareegii yaraa ee kuusha u eekaa ee xadhiga la dhex galinayay.

Hadda waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa in aaad xadhig soo qaada-

to. Warqaddii aad duuduubtay ee kuusha u eekayd dhex gali xadhiga. Kadibna sida aad sawirka ku aragto waxa ay kuu noqon kuul aad gacanta ku xidhato ama qoorta.

Isku day in aad samayso kuushan oo kale. Kadib soo sawir oo noo soo dir. Soo raaci qoraal aad ku sharaxayso sidii aad u samay-say. Waxa aannu ku soo daabici doonnaa magaasiinka kan ka danbeeya.

Soo diyaarintii: Matilda WallinTurjumaaddii: Musa M. Isse

19Carruurteenna

Svarta hål

Godka madow

Soo diyaarintii: Mona MonasarTurjumaaddii: Musa M. Isse

Text: Mona Monasar

Cirka waxa ku yaalla malaayiin god oo mad-ow balse su’aashu waxay tahay waa maxay

godadka madoobi? Marka xiddig weyn oo 200 oo jeer ka weyn cadceeddu ay dhimato ama qaraxdo waxa samaysma godad madmadow. Godadka madmadow ee cirka ku yaalla kuma arki karno indhaheenna oo kaliya. Godadka madmadoobi waa ay nuugaan wax kasta oo u soo dhawaada. Bal qiyaas huufar weyn oo waliba hawo qabow oo badan soo daynaya.

cuf-isjiidadka godadka madmadoobi maaha mid shaqaynaya taasi aawadeed ayay u soo jiidan-ayaan wax kasta oo ka soo ag dhawaada gaar ahaan iftiinka. Sidaa daraadeed agagaarka god kasta oo madoobi waa mugdi. Taasi weeye ta loogu bixiyay godkii madoobaa. Haddii aad cirka tegi lahayd oo aad ku ag dhici lahayd god madow, waxa ay godadka madmadoobi jidh-kaaga u soo jiidan lahaayeen sidii geed yar. Ilaa inta ay ku geynayaan gudaha godka madow. Si godka madow looga soo baxo waxa loo baa-hanayaa xawaare ka xoog badan xawaaraha iftiinka.

Dadku wax badan ayay ka yaqaanaan godadka madmadow ee cirka. Balse haddana ma jirto cid xaqiijin karta jiritaankooda boqolkii-ba boqol. Cilmibaadhayaal badan ayaa arrin-tan ka haysta fikirro kala duwan, waana ta ilaa hadda la isticmaalo.

I rymden finns det miljontals svarta hål men vad är ett svart hål egentligen?

När en väldigt stor stjärna, upp till 200 gånger större än solen, dör och exploderar, drar all massa sig inåt och kvar blir ett svart hål.Vi kan inte se ett svart hål med blotta ögat.

Svarta hål suger upp allt som kommer i deras väg. Tänk dig en gigantisk dammsugare, men mycket coolare. Gravitation i ett svart hål har slutat fungera helt och därför sugs allt i närheten in och främst ljus. Så runtomkring ett svart hål är det väldigt mörkt, det är därför det kallas svarta hål. Om du skulle vara ute i rymden och hamna nära ett svart hål, skulle din kropp dras ut som en smal tråd innan det till slut sugs in i det svarta hålet. För att ta sig ut ur ett svart hål, skulle has-tigheten behöva vara större än ljusets hastighet. Vi vet en hel del om svarta hål men vi har inte än lyckats bekräfta deras existens till 100 procent. Forskare har en massa teorier och spekulationer. Nu är det denna teori om svarta hål som funkar bäst!

Carruurteenna20 Carruurteenna

Tartan sheeko

Heesaha carruurta

Soo diyaarintii Musa M. Isse

Alla Dheeriyaa!Alla Dheeriyaa, oo dheeriyaaOo dhuxusha ka madoobiyaa Aabbahay baan arkaa,Hal iyo nirig buu wataa, Hooyaday baan arkaa, Lax iyo nayl bay waddaa. Aabbo nirigta uun i sii, Hooyo nayshuun i sii.

Soomaaliyeed

Maroodi, MaroodiMaroodi, maroodiMaroodi cadhoole.Haddii col la sheego, Cadaadda ku meere Hashii cosob waa tan.

Maroodi MaroodiMaroodi cadhooleHaddii col la sheego, Cadaadda ku meere Hashii cosob waa tan.

Si kor loo qaado habqoraalka carruurta, xii-saha iyo halabuurkoodaba, waxa aannu bilaa-bi doonaa tartan dhanka qoraalka ah. Bahda magaasiinku waxa ay marka kasta oo uu soo baxaba soo qori doontaa sheeko kooban oo aan dhammaystirnayn. Ujeeddadu waxa weeye in carruurtu sheekada ka sii ambaqaado hal-ka ay kolba ku joogto. Waxa carruurta looga baahan yahay in ay akhriyaan sheekada oo ay fahmaan kadibna sheekada halkaasi ka sii wadaan. Ilmaha si fiican u sii wada sheekada ee ugu qoraal fiicani waxa uu heli doonaa abaal-gud. Haddaba, waa tan sheekadii:

Beri waxa jiri jiray wiil Maxamed la yidhaa. Waxa uu la noolaa hooyadii iyo aabbihii. Lama uu dhalan wax walaalo ah. Aroortii marka uu tooso waa uu qubaysan jiray. Is nadiifinta kadib waxa uu cuni jiray quraacda. Kadibna waxa uu xidhan jiray dhar qurux badan oo uu dugsiga ku tago. Hooyadii ama aabbihii ayaa gayn jiray dugsiga. Waa uu jeclaa dugsigiisa, waxaanu ku lahaa saaxiibbo uu jecel yahay ……………………………………….

21Carruurteenna

Lo’du waa hantida qoyska Soomaaliga ah, balse Iswiidhan waxa laga helaa uun

caano iyo hilib.

Cimilada Soomaaliya waa mid kulul, waxaana jirta biyo la’aan. Taasi ayaa keentay in dhulku aannu inta badan waxsoosaar yeelan oo ay lo’duna noqoto mid yar yar oo caato

ah. Waxa sidoo kale jira xawayaan kale oo ku nool doogga ama cawska sidaa daraadeed lo’du waxa ku yaraada dooggii ay cuni lahayd.

Lo’du inta badan waxa ay ku maqan tahay bannaanka, xitaa habeenkii. Waxa se lo’da ilaali-ya lo’ jir waxaanu ka ilaaliyaa dugaaga cunaya sida libaaxa iyo waliba in ayna lo’du lumin.

Lo’da Soomaaliya waxa maalintii laga lisaa 1 ilaa 2 litir oo caano ah. Sidaasi daraadeed dadku ma jecla in ay qashaan lo’dooda maaddaama oo ay caano ka helayaan. Balse dadku waxa ay qashaan dibiga yar si ay hilibkiisa u cunaan ama u iibiyaan.

Iswiidhan lo’deedu waa ay badan tahay, waa ay waaweyn tahay, waanay shilis tahay. Xagaagii waxa ay heshaa wax badan oo ay bannaanka ka daaqdo. Xilliga jiilaalkii ee qa-bowgana waxa ay lo’da Iswiidhan ku jirtaa xerooyin lagu xannaaneeyo oo cunto lagu siiyo maalin kasta. Taasi ayaa keentay in lo’da Iswiidhan laga liso 20 litir oo caano ah maalin kasta. Taasi ayaa keentay in aynu helno caano badan oo kala duwan oo qiimo jaban. Iswiidhan waa aynu qalannaa saca iyo dibigaba maxaa yeelay dad badan oo Iswiidhish ah ayaa hilibka lo’da aad u cuna.

Lo’ jir Soomaaliyeed Dhiisha caanaha lagu kaydiyo

Sawirradii iyo qoraalkii Oscar Trimbel

Turjumaaddii Musa M. Isse

Carruurteenna22 Carruurteenna

Kor i Somalia är familjens rikedom, i Sverige är våra kor mjölk och kött.

I Somalia växer det inte så mycket, för där är det varmt och torrt, därför är korna magra. Det är också många andra djur som vill äta gräs, så därför blir det inte så mycket gräs över till korna att äta.

I Somalia är korna alltid ute, även på natten. Det är då en kovacktare som ser efter dem, så att de inte springer bort eller blir uppätna av lejon.

I Somalia ger en ko ca. 1-2 liter mjölk per dygn, därför vill man inte slakta sin ko. Men en tjur-kalv kan man slakta, för att få äta kött eller sälja köttet på marknaden.

I Sverige är korna många, stora och tjocka. De har mycket att äta ute i naturen hela sommaren. När vinter kommer så får korna vara inomhus i stora ladugårdar och koskötaren matar djuren varje dag.

De Svenska korna ger ca. 20 liter mjölk per dygn, så mjölken är billig och vi gör många olika sorters produkter av den.

I Sverige slaktar vi både kor och kalvar, för det är många svenskar som äter mycket kött.

Bild och text av Oscar Trimbel

Ko på grönbete i svensk natur. Död ko i Somalia, när det var torka.

23Carruurteenna

Ökensagor, berättelser från Somaliaav Oscar Trimbel

Vill du läsa boken Ökensagor, finns boken nuockså på 2 språk i samma bok, svenska och somaliska.Du kan låna boken på biblioteket, eller köpa denhos Författares bokmaskin – Boktorget.

Sankt Eriksgatan 10, 112 39 StockholmTelefon: 08-785 03 85www.bokmaskinen.se

Buugga Sheeko

xariirooyinkii Saxaaraha

Sheekooyin ka yimid dhulka

Soomaalida ee uu qoray Oscar

Trimbel

Ma rabtaa in aad akhrido buuggan? Waxa uu ku qoran yahay af Soomaali iyo af Iswiidhish.Waxa aad ka amaanaysan kartaa maktabadda ama waxaad ka iibsan kartaa madbacadda Författares bokmaskin – Boktorget.

Sankt Eriksgatan 10, 112 39 StockholmTelefon: 08-785 03 85www.bokmaskinen.se

Carruurteenna24 Carruurteenna

Soo diyaarintii Huda YuusufDenmark

Habeen habeenada ka mida ayaa waxa soo da’ay roob

dabaylo wata. Roobkaasi waxa uu jajabiyay geedo badan qaarna wuu qaadayba. Shinbir yar ayaa roobkii qaatay, waxa la dhacday laantii uu haystay. Isaga iyo wa-laaladiiba midba meel buu ka jiiq lahaa. Waaberigii markay tahay ayaa waxa aragtay inan yar oo iskuulka ku sii socota oo uu aabba-heed la socdo. Markii hore aad bay u tallaabo dheeraynaysay oo waxa ay is lahayd gaadh aabbahaa oo ka dheeree. Siday u dheeraynaysay ayaa waxa ay isha qac ku siisay uun shinbir yar oo aan duuli karayn. Inta ay kambadhuudhsatay ayay u yeedhay aabbaheed. Kaalay aab-bo eeg shinbirkani ma duuli kartee. Aabbaheed ayaa ku yidhi ina mari aabbo waad habsaamaysaaye. Iya-na waxa ay ugu jawaabtay. Shinbir kaniba sow kama habsaamaayo reerkoodii? Siduu u duuli aabbo aynu caawinno. Aabbaheed inta uu ku farxay hadalka inantiisa ayuu soo qaaday shinbirkii. Waxaanu geeyay iskuulkii Ugbaad.

Muu sii qaadi karayn shinbirkii oo shaqada ayuu tagayay. Wuxuu shinbirkii kaga sii tagay maamulaha iskuulka oo ahaa maamule aad ugu wanaagsan ardaydiisa oo la wada jeclaa. Markay gaadhay wakhtigii nasashada ayay Ugbaad oo car-araysaa timid xafiiskii maamulaha. Waxa ay shinbirkii siisay rooti yar oo ay sidatay. Iyada oo cuntadii siinaysa ayaa waxa arkay maamu-lihii oo taagnaa xafiiska dhinaciisa. Maamulihii ayaa waxa uu soo qaa-day qori yar markaas ayuu dhilay

oo aad u gaabiyay ka dibna waxa uu cumaamaddiisii uga soo jaray dun yar.

Waxa uu dul yimid halkii ay fadhi-day Ugbaad. Iyada oo yaaban ayay sare u eegtay oo is leh muxuu qoriga yar iyo dunta u sitaa talow. Maamulihii ayaa inta uu fadhiistay ku yidhi kaalay aynu u kabno lugta uu ka jabee. Wali hore wax ma u kabtay Ugbaadeey? ayuu maam-ulihii waydiiyay Ugbaad. Waxa ay ugu jawaabtay, ’’ maya macalin balse waxa aan doonayaa in aan noqdo diktoor wax kaba’’.

- Maxay kale ayaad jeclaan la-hayd in aad noqoto mustaqbalka?

Waxa aan rabaa in aan noqdo macallimad la wada jecel yahay.

Sida macallimadayda Ubax oo kale. Balse waxa qudha ee aan rabaa waa dhakhtarad in aan noqdo si aan ayeeyday Cibaado aan mar walba u daweeyo. Habeen walba dhabarka ayaan u duugaa haddana kuma ladnaato balse way ku yar fiic-naataa.

Allaylahe fariid baad tahay. Hadd-aan anba ayeeyo lahaan lahaa waan u duugduugi lahaa.

Marka aynu kabno ma in aan seex-iyaa shinbirka? Haddii kale kabmi mayso. Sidaa waxa maamulihii ku tidhi Ugbaad.

Maamulahii ayaa ugu jawaabay, maya innaga seexan mayso mana

socon kartee haddii aad maalin wal-ba wax siiso way iska kabmi.

Markii ay iskuulkii ka baxday ayay la raadisay hooyadeed. Dhulku waa wada dhiiqo iyo dhagaxaan waxa taas dheer geedo badan oo daba-yshu soo jajabisay. Inta ay soo qa-adday kartoon yar ayay dul dhigtay si bal ay hooyadeed u hesho. Wax-ay baadi doontaba way wayday. Iyada oo aad uga xun oo ka niyad jabsan ayay gaysay gurigii.

Dhinac way doonaysay in ay haysa-to sina ma doonayso oo waxa ay la rabtaa in shinbirka iyo hooyadii ay is helaan. Subax walba waxa ay kici jirtay xilligii ay toosi jirtay xilli ka horreeya si ay u xanaanayso shinbir-keedii yaraa. Markii ay soo fooldh-aqatay ee ay soo caddayatay ayay aragtay shinbirteedii oo aan kuba jirin gurigii yaraa. Meel walba way ka raadisay, balse way wayday. Markii ay ka quusatay ayaa hooya-deed ku tidhi waad heliye oo anaa kuu baadi dooniye horta quraaco yaanad ka habsaamin iskuulkee.

Quraacdii way cuni kari wayday. Iskuulkii ayay sidii ku tagtay. Duhurkii markii ay ku soo noqotay gurigoo-dii ayaay ugu timi shinbirkeedii iyo shinbiro kale oo badan. Ugbaad yar aad bay u faraxday, waxaanay siisay cunto. Sidii buu ku bogsaday shimbirkii yaraa.

Ugbaad yar

25Carruurteenna

Xuquuqda Carruurta ee xeerka Qaramada Midoobay waxa uu ka kooban yahay 54 qodob, waxaana aasaas u ah afar qaybood oo waaweyn. Heshiiska Xuquuqda Carruurta ee Qaramada Midoobay

(FN Barnkonventionen). Heshiiskaa waxa ay Qaramada Midoobay (FN) qalinka ku duugeen sannadkii 1989kii, waxa aan saxeexin dalka Maraykanka (USA). Carruurta uu xeerkani qeexayaa waa da’da ka yar 18 jir, laakiin qofkii ka weyn da’daas waxa uu leeyahay xeerar kale oo ka geddisan kuwa carruurta. Tirsiyada dan-be ayeynu gudageli doonnaa qodob kasta, laakiin bal marka hore aan soo qaadanno qodobada ugu waaweyn ee saldhigga u ah dhammaan 54ka qoob.

◊ Qodobka 2-aad waxa uu sheegayaa in dhammaan carruurtu ay isku xuquuq tahay◊ Qodobka 3-aad. Markasta carruurta sida u wanaagsan ayaa mudnaanta leh◊ Qodobka 6-aad. Ilmo kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu noolaado horumarna sameeyo.◊ Qodobka12-aad.Ilmokastaawaxauuxaquleeyahayinuufikirkiisadhiibto,go’aankakhu-

seeyana uu ka qaybqaato.

Golaha Xuquuqda Carruurta(Barnrättskommittén)

Waddamada oggolaaday xuquuqda carruurta, waa in ay u hoggaansamaan oo ilaaliyaan xeerarka u dejisan xuquuqda carruurta ee Qaramada Midoobay. Iswidhan waxa ay ka mid tahay dalalka oggola-aday xuquuqda carruurta si fiicanna u ilaaliyaan heshiiska caalamiga ah. Ilaalinta heshiiska waxa u xil-saaran gole u gaar ah oo fadhiggiisu yahay Jineefa (Geneva). Golaha Xuquuqda carruurta waa in shantii sannadoodba, dalalka heshiiskan ku jira ay soo gaadhsiiyaan warbixin sugan.

Golahaasi, waxa ay eegaan oo baadhitaan ku sameeyaan warbixinta dalalku soo direen. Ka dibna waxa ay ku celiyaan waxyaabaha ay u arkaan in ay sii hagaajiyaan. Urrurada bulshada ayaa iyaguna u soo dira warbixin ay kaga hadlayaan sida ay u arkaan in dalkoodu uu u ilaaliyo Xuquuqda Carruurta. Car-ruurtu waa mustaqbalkii berrito, sidaa awgeed waa in la ilaaliyaa noloshooda, korriinkooda, waxbara-shadooda, caafimaadkooda. Waa in ay ku noolaadaan deegaan aan colaadi ka jirin, oo deggen.

”Tirsi kasta oo Magaasiinka CARRUURTEENNA ah waxa aanu ku soo qaadan doonnaa qaybo ku saabsan Xuquuqda Carruurta (Barnkonventionen). Warbixintan qaybo ka mid ah, waxa aanu ka soo xigannay bar-ta Internetka ee Hay’adda Carruurta ee Iswidhan (raddabarn).”

Xuquuqda Carruurta ee Qaramada Midoobay

(Barnkonventionen)

Diyaariye: Sayid-Ahmed Dhegey

Carruurteenna26 Carruurteenna

10 erey oo ka bilaabma xarafka X

Baro far Soomaaliga

Xawayaan (Habardugaag)

1. Xaabo (-da)2. Xadhig (Xarig)3. Xijaab (-ka)4. Xoolo (-ha5. Xaafad (-da)6. Xaflad (-da)7. Xisaab (-ta)8. Xayawaan (Xawayaan) (-ka)9. Xiddig (-ta)10. Xaashi (-da)

Ereyadan kor ku qoran isku day in aad eray kasta geliso weedh. Tusaale: ”Sagal waxa ay ku fiican tahay maaddada Xisaabta”. Erey ka mid ahna isku day in aad sawirto. Waxa xusid mudan in aad ogaato kala duwanaanshaha Lahjadaha (hadal-guriga) afsoomaaliga. Waxaana tusaale loo soo qaadan karaa xarafka (Dh) iyo (R) Ari-Adhi, Xadhig-Xarig iwm.

Diyaariye: Sayid-Ahmed Dhegey

27Carruurteenna

Wiilkii Mucjisada ahaaWaxa halkii innooga sii socon doonta sheekadii Wiilkii Mucjisada ahaa. Waxa ay sheekadu innoo joogtay iyada oo wiilkii la afduubtay. Buuggan waxa qoray Faarax M. Maxamed. Waa qoraa deggan dalka Maraykanka. Faarax buuggan waxa uu u hibeeyay magaasiinka Carruurteenna. Mar kasta oo uu magaa-siinku soo baxaba waxa aannu ku soo qori doonaa qayb ka mid ah buugga. Bahda Carruurteenna waxa ay u mahadcelinayaan Faarax. Qoraagu waxa uu qoray buugaag dhawr ah, sida, Xusuus qor, The great scape iyo Saxarla.

Soodiyaarintii: Amran Ahmed

Carruurteenna28 Carruurteenna

29Carruurteenna

BuugaagtaCarruurta

Buuggan la magacbaxay “BISADDII ANBATAY” waa buug carruureed loogu

talo galay carruurta ay da’doodu aadka u yartahay. Waxa uu ku saabsan yahay bisad yar oo la noolayd aabbaheed iyo hooyadeed. Waxa ay aad u jeclayd kallu-unka. Waxa ay in badan ku fikiri jirtey in ay keligeed baxdo oo ugaadhsi tagto, gaar ahaan sidii ay kalluun u soo qabsan lahayd. Waalidkeed waxa ay mar kasta u sheegi jireen in aanay keligeed bixin. Maalin maalmaha ka mid ah, ayey bax-day. Dhibaatadii ay la soo kulantay ayuu buuggu ku saabsanyahay.

Waa sheeko ku saabsan gabadh yar oo Barni la yidhaa iyo mukulaal ay lahayd oo Milgo la yidhaa. Waa buug kooban

oo ku qoran afka Soomaaliga iyo afka Iswiidhishka. Waa hab sahlan oo ay carruurtu ku baran karaan afkooda hooyo.

Dalbo buugaagtan oo u iibi carruurtaada: [email protected]

Carruurteenna30 Carruurteenna

Waxa jira dad badan oo dhibaato ku qaba wax akhriska iyo qoraalka. Kuwaasi oo ay ku adag

tahay in ay si fiican wax u akhriyaan ama u qoraan. Ha u badnaadeen carruurta’e, waxa astaanta noocan oo kale ah afka Iswiidhishka loo yaqaanaa Dyslexi. Waxaana la ogaaday in qiyaastii 5 ilaa 8 boqolkiiba ardayda fasalka koowaad ay leeyihiin astaantan. Waa dabeecad keenay-sa in uu ilmuhu ku liito aqoonta afka uu ku hadlo ha noqoto qoraal, akhris ama hadal bee. Waana astaan uu ilmuhu uu ku dhasho balse lama xidhiidho caqliga ilmuhu heerka uu gaadhsiisan yahay. Oo barashada waxyaabaha kale qofku si sahlan buu u baran karaa marka afka laga yimaaddo.

Si waalidku ugu baraarugsanaado dabeecaddan, waxa aan idinla wadaagayaa astaamaha lagu garto ilmaha ay barashada afku ku adag tahay:

1. Qofku ma xiiseeyo barashada higgaada iyo akhriska buugaagta.2. Barashada akhriska iyo qoraalkuba wakhti ka dheer ka ardayda kale ayay ku qaataan.3. Si gaabis ah buu wax u akhriyaa.4. Marka qaar waxa uu isku qaldaa akhriska ereyada isku qoraalka dhaw. Sida, buug iyo buur.5. Waxa inta badan ku adag barashada xisaabta.6. Waa ay ku adag tahay in uu wax xoogga saaro oo uu ka midho dhaliyo. Mar walba isaga oo hawl wada ayuu mid kale u boodaa.7. Marka wax la akhrinayo wuu khalkhalaa oo waxa wajigiisa ka muuqda niyadjab iyo khajilaad badan.

Xalka iyo kaalinta waalidka:

Waalidku haddii uu ilmihiisa ku arko astaamahan, waa in uu la xidhiidho iskuulka uu ilmihiisu dhigto. Iskuulka ayay masuuliyad weyni ka saaran tahay caawinta ilmaha. Waalidkana waxa waajib ku ah in uu xidhiidh dhaw la yeesho macallinka ilmihiisa iyo waliba in uu canuga si dhaw ula socdo waxbara-shadiisa. Cilmibaadhisyo badan oo la sameeyay waxa ay isku raaceen in haddii ilmaha inta uu yar tahay lala dadaalaa ay tahay xalka ugu fiican.Kaalinta iskuulka:Sharciga iskuulku waxa uu dhigayaa in maamulaha iskuulku gacan siiyo ardayga astaamahan leh. Si looga caawiyo waxbarashadiisa. Waxa si dhaw u caawin kara macallimiin aqoon gaar ah u leh haw-shan. Si aad wax badan uga ogaato sharciga iskuulka ee arrintan ku saabsan, halkan ka akhri:

Skollagen (2010:800) kapitel 3, paragraferna 7 – 12.

Musa M. IsseTifaftiraha guud/Chefredaktören

Miyey ilmahaaga ku adag yihiin akhriska iyo qoraalku?

Musa M. IsseTifaftiraha guud/Chefredaktören

Farriiinta magaasiinka

Carruurta

31Carruurteenna