8
Vol: 8 ——— Tirsiga 1804 Khamiis, June 15, 2017 — Ramadaan 20, 1438 (H) Xabsiyadda Hargeysa Oo Loo Soo Dhaadhiciyay Soddomeeye Oday Oo Laga Soo Taxaabay Deegaanka Botor Ee Ceelasha Biyaha Gabiley Iyo Sababta Loo Aanaynayo MUWAADIN: Wax Ka Baro Tacriifada Cashuuraha Isgaadhsiinta iyo Boosaha 2017 [Eeg Bogga 8aad] Qaraxii Ugu Cuslaa Bishan Ramadaan Oo Xalay Ka Dhacay Muqdisho Gabiley, Somaliland, June 15, 2017 (Saxafi) – Illaa sodan Oday oo ka mid ah dadka deegaanka ceelasha biyaha ee Botor oo ka tirsan gobolka Gabiley ayaa shalay xabsiga loo soo taxaabay ka dib markii muran dhexmaray dadka deegaanka iyo maamulka gobolkaasi. Odayaashan ayaa loo soo dhaadhiciyey saldhigyadda magaalada Hargeysa, iyadoo loo qaybiyey saldhigyadda xaafadda Hargeysa, sababta odayaashan loo soo xidhay ayey wararka aanu ka helayno deegaanku sheegayaan in dadka deegaanka (Eeg Bogga 2) Tartan Khudrad Iyo Dhir Kaliya Wax Lagu Sawirayo Oo Loo Qabtay Farshaxanada Dunida B 6 Maamulka Facebook Oo Ka Waramay Xad Gudubyada Maalin Walba Shabakadooda Loo Gaysto B 6 Cilmi Baadhis Lagu Sameeyay Ragga Iyo Haweenka Dalka Jarmalka B6 Ka Akhriso Gudaha…... Komishanka Oo Xisbiyada Qaranka Somaliland Uga Waramay Hawlaha Kaadh-Qaybinta Iyo Doorashada RAMADAAN KARIIM Fadliga Tobanka Dambe Ee Bisha Ramadaan Laylatul-Qadriga Ka akhri bogga gudaha Hargeysa, Somaliland, June 15, 2017 (Saxafi) Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa sheegtay inay baadhitaan dheer ku samayn doonto bariiska Caagga ah ee la sheeegay inuu dalka soo galay,isla markaana ay talaabo ka qaadi doono ganacsadihii lagu arko bariiskaasi. Wasaaradda ganacsiga ayaa sheegtay inay qayb tusaale oo kale (Eeg Bogga 2aad) Hargeysa, Somaliland, June 15, 2017 (Saxafi) – Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xidhiidhka loo jaray dawlada Qadar iyo xulafadda Sucuudigu hogaaminayo ee Somaliland Taageertay. Gudoomiye Saleebaan ayaaa sheegay inay waajib tahay in la taageero danta madaxweynuhu u arko siyaasadda xidhiidhka dalalka lala samaynayo, waxaanu sheegay in aanay jirin wax la yidhaahdo (Eeg Bogga 2aad) Basaaskii Reer Masar Ee Badbaadiyay Israel Buuggii ugu Xiisaha badnaa ee sanadkii ina dhaafay 2016 laga qoray Arrimaha sirdoonka adduunka WQ: Prof Uri Bar Joseph, waxa turjumay Bahda Saxafi – Q: 45aad Ka Akhri Boggaga Gudaha Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Oo Ka Hadlay Khilaafka Dalalka Khaliijka Iyo Go’aanka Somaliland Muqdisho, Somalia, June 15, 2017 (Saxafi) – Qaraxyo Culus ayaa xalay ka dhacay laba maqaaxiyood oo ku yaala magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya. Ciidamada amniga dawladda Soomaaliya oo howlgal ka wada maqaayadaha la weeraray ee Pizza House iyo Posh Hotel ayaa soo badbaadiyay tiro dad ah oo ay ka mid ahaayeen muwaadiniin u (Eeg Bogga 5aad) Qiimaha: 2,000 Sh. Sl www.wargeyskasaxafi.wordpress.com Hargeysa, Somaliland, June 15, 2017 (Saxafi) Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI uga xog-warramay hawlaha kaadh- (Eeg Bogga 2) Wasaaradda Ganacsiga Oo Sheegtay Inay Talaabo Ka Qaadi Doonto Cidda Keentay Bariis Caag Laga Sameeyey Oo Dalka Lagu Iibiyo Ingiriiska Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay U Safraan Itoobiya Addis Ababa, Itoobiya, June 15, 2017 (Saxafi) – Ururka Barwaaqan sooranka dalka Ingiriiska ayaa muwaadiniintoodda uga digay inay u safraan wadanka Itooobiya. Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqo-sooranka dalka Ingiriiska ee (FCO) ayaa soo saaray warbixin ku saabsan in muwaadiniintooda ay feejignaadaan marka ay u safrayaan dalka Itoobiya. Dowladda Itoobiya, ayaa dhawaan jartay Internet-ka dalkaasi, iyadoo aan wax wargelin ah sameyn, waxaana sababta dowladda ay u jirtay ay ku sheegtay in dowladda ay qaadeysay imtixaanka Qaran ee dalkaasi. (Eeg Bogga 2)

Qiimaha: 2,000 Sh. Sl Xabsiyadda Hargeysa Oo Loo Soo ... · Botor Ee Ceelasha Biyaha Gabiley Iyo Sababta Loo Aanaynayo MUWAADIN: Wax Ka Baro Tacriifada Cashuuraha Isgaadhsiinta iyo

  • Upload
    others

  • View
    1

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

  • Vol: 8 ——— Tirsiga 1804 Khamiis, June 15, 2017 — Ramadaan 20, 1438 (H)

    Xabsiyadda Hargeysa Oo Loo Soo Dhaadhiciyay Soddomeeye Oday Oo Laga Soo Taxaabay Deegaanka

    Botor Ee Ceelasha Biyaha Gabiley Iyo Sababta Loo Aanaynayo

    MUWAADIN: Wax Ka Baro Tacriifada Cashuuraha Isgaadhsiinta iyo Boosaha 2017 [Eeg Bogga 8aad]

    Qaraxii Ugu Cuslaa Bishan Ramadaan Oo Xalay Ka Dhacay Muqdisho

    Gabiley, Somaliland, June 15, 2017 (Saxafi) – Illaa sodan Oday oo ka mid ah dadka deegaanka ceelasha biyaha ee Botor oo ka tirsan gobolka Gabiley ayaa shalay xabsiga loo soo taxaabay ka dib

    markii muran dhexmaray dadka deegaanka iyo maamulka gobolkaasi. Odayaashan ayaa loo soo dhaadhic iyey sa ldh igyadda magaalada Hargeysa, iyadoo loo

    qaybiyey saldhigyadda xaafadda Hargeysa, sababta odayaashan loo soo xidhay ayey wararka aanu ka he layno deegaanku sheegayaan in dadka deegaanka

    (Eeg Bogga 2)

    Tartan Khudrad Iyo Dhir Kaliya Wax Lagu Sawirayo Oo Loo Qabtay

    Farshaxanada Dunida B 6

    Maamulka Facebook Oo Ka Waramay Xad Gudubyada Maalin Walba

    Shabakadooda Loo Gaysto B 6

    Cilmi Baadhis Lagu Sameeyay Ragga Iyo Haweenka Dalka Jarmalka B6

    Ka Akhriso Gudaha…...

    Komishanka Oo Xisbiyada Qaranka Somaliland Uga Waramay Hawlaha Kaadh-Qaybinta Iyo Doorashada

    RAMADAAN KARIIM Fadliga Tobanka Dambe Ee Bisha Ramadaan Laylatul-Qadriga

    Ka akhri bogga gudaha

    Hargeysa, Somaliland, June 15, 2017 (Saxafi) – Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa sheegtay inay baadhitaan dheer ku

    samayn doonto bariiska Caagga ah ee la sheeegay inuu dalka soo galay,isla markaana ay talaabo ka qaadi doono ganacsadihii lagu

    arko bariiskaasi. Wasaaradda ganacsiga ayaa sheegtay inay qayb tusaale oo kale

    (Eeg Bogga 2aad)

    Hargeysa, Somaliland, June 15, 2017 (Saxafi) – Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xidhiidhka loo jaray dawlada Qadar iyo xulafadda Sucuudigu hogaaminayo ee Somaliland Taageertay. Gudoomiye Saleebaan ayaaa sheegay inay waajib tahay in la taageero danta madaxweynuhu u arko siyaasadda xidhiidhka dalalka lala samaynayo, waxaanu sheegay in aanay jirin wax la yidhaahdo

    (Eeg Bogga 2aad)

    Basaaskii Reer Masar Ee Badbaadiyay Israel

    Buuggii ugu Xiisaha badnaa ee sanadkii ina dhaafay 2016 laga qoray Arrimaha sirdoonka adduunka

    WQ: Prof Uri Bar Joseph, waxa turjumay Bahda Saxafi – Q: 45aad

    Ka Akhri Boggaga Gudaha

    Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Oo Ka Hadlay Khilaafka Dalalka Khaliijka Iyo Go’aanka Somaliland

    Muqdisho, Somalia, June 15, 2017 (Saxafi) – Qaraxyo Culus ayaa xalay ka dhacay laba maqaaxiyood oo ku yaala magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya. Ciidamada amniga dawladda Soomaaliya oo howlgal ka wada maqaayadaha la weeraray ee Pizza House iyo Posh Hotel ayaa soo badbaadiyay tiro dad ah oo ay ka mid ahaayeen muwaadiniin u

    (Eeg Bogga 5aad)

    Qiimaha: 2,000 Sh. Sl

    www.wargeyskasaxafi.wordpress.com

    Hargeysa, Somaliland, June 15, 2017 (Saxafi) – Guddiga D o o r a s h o o y i n k a Q a r a n k a Somaliland, ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI uga xog-warramay hawlaha kaadh-

    (Eeg Bogga 2)

    Wasaaradda Ganacsiga Oo Sheegtay Inay Talaabo Ka Qaadi Doonto Cidda Keentay

    Bariis Caag Laga Sameeyey Oo Dalka Lagu Iibiyo

    Ingiriiska Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay U Safraan Itoobiya Addis Ababa, Itoobiya, June 15, 2017 (Saxafi) – Ururka Barwaaqan sooranka dalka Ingiriiska ayaa muwaadiniintoodda uga digay inay u safraan wadanka Itooobiya. Xafiiska arrimaha dibadda iyo Ba rwaaqo - soo ranka da l ka Ingiriiska ee (FCO) ayaa soo saaray warb ix in ku saabsan in m u w a a d i n i i n t o o d a a y

    feejignaadaan marka ay u safrayaan dalka Itoobiya. Dowladda Itoobiya, ayaa dhawaan jartay Internet-ka dalkaasi, iyadoo aan wax wargelin ah sameyn, waxaana sababta dowladda ay u jirtay ay ku sheegtay in dowladda ay qaadeysay imtixaanka Qaran ee dalkaasi.

    (Eeg Bogga 2)

  • Vol: 8 Tirsiga 1804 – Khamiis, June 15, 2017— Ramadaan 20, 1438 (H) 2.

    Xabsiyadda Hargeysa Oo Loo Soo ………... Ingiriiska Oo Muwaadiniintiisa..

    Inkastoo hadda dib la soo celiyay jiritaanka Internet-ka muddo 10 maalmood kadib, hadda waa in ay jeefignaadaan, sidaasi ayaa lagu yidhi qeyb-kamid ah warka ka soo baxay xafiiska. “Safaaradda Ingiriiska way ku caawin kartaa, balse waa in aad heshaa qorshe isgaadhsiineeyd marka aad u safreyso dalka Itoobiya”, sidaasi waxaa sheegay Xafiiska arrimaha dibadda iyo Ba rwaaqo - soo ranka da l ka Ingiriiska ee (FCO). The United K i n g d o m ’ s F o r e i g n a n d Commonwealth Office (FCO). Xu d u u d a a y w a d a a g a a n

    waddamada Itoobiya iyo Eritrea, ayaa wali xidhan, iyadoo uu jiro dareen ah dagaal. Dalka Itoobiya ayaa waxaa wali saaran xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay bishii October ee sanadkii 2016, kadib markii qalalaaso dibad bax ah ay ka dhaceen dalkaasi. Inta badan internetka wadanka Itoobiya ayaa xidhan, mararka qaarkoodna ay xadidan tahay in la gallo, iyadoo la jaray wakhtiyadii mudaharaadyadu socdaan, w a x a a n a y d a d w e y n a h a wadankaasi tabayaan Internet la’aan soo waajahday.

    ceelashan biyaha iyo maamulka degmadda Gabiley isku khilaafeen heshiis hore ay u wada galeen oo dadka deegaanku ku eedeynayaan maamulka inay ka baxeen. Dadka deegaanka ayaa ku doodaya inay xukuumaddu balantii u dhexeysay ka baxday ka dib markii ceelashan biyaha ee deegaankoodda laga qoday oo

    markii hore loo sheegay inay beeraha ku waraabsan doonaan laga diiday immika. Sidoo kale, ilo wareedyo u dhow dhow dhinaca Maamulka degmadda Gabiley ayaa iyaguna waxaa ay tilmaamayaan inay biyihii loogu tallogalay inay magaaladda wada gaadhaan ay suurogali wayday inay ku wada filnaadaan,

    sidaas darteed dadka deegaanka ee Beeraha ku waraabinaya lagu wargaliyey in aanay biyuhu laba u kala qaybsami Karin, oo beerihii laga waraabin jiray laga joojiyey. Waxaa kale oo xogaha aanu helay ay tibaaxeen in dawladdu ku doodayso in ay iyaddu masuul ka tahay maamulka oo aan laga wadda talin karrin. taasina waxay keentay sida la sheegay khilaaf soo kala dhexgallay dadkii deegaanka iyo maamulka degmada Gabiley oo uu maayarku hor kacayo. Khilaafkaasi waxaa uu gaadhay sida warku sheegay in odayaal badan laga soo xidho dadkii deegaanka, waxaana loo kala qaybiyey saldhigyadda New Hargeysa, Koodbuur iyo saldhiga dhexe, iyadoo xalay intii badnayd loo soo gudbiyey magaaladda Hargeysa. Maamulka gobolka Gabiley iyo maareeyaha biyaha ee Gabilay oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka waydiino way noo suurogali wayday.

    Wasaaradda Ganacsiga Oo…

    ah ka qaadi doonto bariiskan, isla markaana ku soo baadhi doonaan wadanka Kenya, iyadoo xustay inay sharciga la tiigsan doonto ganacsatadda soo dajisay. Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Cumar Shucayb oo bariiskan Caagga ah oo dadweynaha qaar soo bandhigeen inay bariis ahaan u iibsadeen wax ka waydiiyeen wasiirka, waxaanu sheegay inay baadhitaan ku samayn doonaan bariiskaasi. Wasiirka Ganacsiga Shucayb oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ A r r i n t a n w a x a a n u k a balansanahay hay’adda tayadda Cuntooyinka oo baadhitaan baanu ku samaynaynaa bariiskan Caagga ah ee la sheegayo in dalka lagu iibinayo, waxaana qaadaynaa wax yar oo tusaale ah oo baadhitaan ku samayno, waxaanu u diraynaa Nairobi, ama kuwo dalka dhexdiisa ah oo qaarkood lagu baadhi karo, xukuumad ahaan cidna raali laga noqon maayo oo talaabo laga qaadi doonaa cidda ay ku cadaato oo rusqadda ganacsina waa laga qaadi doonnaa.” Mar kale isagoo ka hadlaya sida sharciga loo horgaynayo, waxa uu yidhi “Waxa loo arki doonaa qofka cunto foojari ah keena waa qof c u n t a s u n a h s i i n a y a bani’aadanka, marka dabagal baanu ku samayn dooonaa oo talaabo ayaa laga qaadi doonaa.” Dhinaca kale, haweenay Bariiskan Caagga ah isticmaashay oo ku xanuunsatay ayaa warbaahinta uga xog warantay waxaanay sheegtay in bariiskan baadhitaan ay ku samaysay ku ogaatay inuu yahay Bariis caag ah. Hodan Cabdi Warsame oo ah haweenayda soo bandhigtay

    Bariiskan caagga laga sameeyey, waxaanay hadalkeedda ku bilowday sidan “Bakhaaro ku yaalla Jigjiga yar ayaan ka iibsaday bariiskan caaga ah, way adag tahay in la kala ogaado labaddan Bariis ama wax badan kagama duwanna bariiska kale, markii aanu tijaabinay wuxuu ku jira jawaan Buluug ah Bariis suburiin baa la yidhaa, bariiskan haddii uu muddo badan saarnaado dabka ma jilcayo haddii aad biyo badan ku dartana xiitaa ma jilcayo, baadhitaan markii aan ku sameeyey bariiska caaga ah marka la isku dhajiyo hadii uu dhulka ka soo boodayo waa bariiska Caagga ah haddii kale waa bariiska caadiga ah, marka kani sida kubada oo kale ayuu u boodayaa, bariiskan caaga ahi marka uu isku dhago ma kala furfurmayo” Sidoo kale, waxay sheegtay in Bariiskan ay ku xanuunsatay oo calooshu ku xanuuntay markii dhakhtarka tagtay ay ku sheegeen inay Gaastirig yahay, waxaase sheegtay in aanay xaafadooda iyo iyaduna toona waligeed lagu sheegin kastari, waxay sheegtay in bariiskan Caaga ah marka la isticmaalo muddo dheer ay arrin caafimaad oo halis keenayso, waxaanay sheegtay in Beerka qofka bani’aadanka uu qaadi karo kansalka beerka ku dhaca. Bariiskan Caagga ah ayaa markii ugu horeysay lagu arkay wadanka Nayjeeriya oo lagu soo bandhigay bariiskan Caaga ka dib markii h a y ; a d d a k a a n t a r o o l k a cuntooyinka ogaadeen in dalkooda soo gallay Bariis caaga.

    Komishanka Oo Xisbiyada Qaranka……….. qaybinta oo la gudo-galayo wejigii labaad ee bixinta kaadhadhka c o d b i x i y e y a a s h a i y o u diyaargarowga doorashadda Madaxtooyadda. M a d a x d a K o o m i s h a n k a doorashooyinka iyo madaxda xisbiyada qaranku waxay isla eegeen caqabaddihii jiray wareegii hore ee qaybinta Kaadhka Codbixiyaha, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday talooyin ku saabsan sidii looga taxaddari lahaa waxyaabaha dib u dhaca keenni kara. Qoraal lagu baahiyey degalka Guddiga Doorashooyinka qaranka ku leeyahay barta Internetka, waxay ku faahfaahiyeen natiijada kulanka ay la yeesheen saddexda xisbi siyaasaddeed ee Somaliland oo ay uga warrameen halka ay marayso hawlaha kaadh-qaybinta codbixiyeyaasha Doorashadda Madaxtooyadda oo loo asteeyay inay qabsoonto 13 bisha 11aad ee sannadkan 2017-ka, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday diyaar-garowga labadda gobol ee hadda la bilaabaayo ee Togdheer iyo Marroodi-jeex. Koomishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu xisbiyada Qaranka uga warbixiyey qandaraasyadii keenista qalabka doorashada oo dhawaan la baahiyey, xeerka

    Doorashada Madaxtooyada iyo waqtiyada loo baahanyahay in shaqooy inka la x idhi idha doorashada la soo dhammaystiro, ku dhawaaq is t i i waqt iga doorashada iyo dhaqaalaha doorashada Madaxtooyada. Sidoo ka le, Koomishanka Doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi Qaran waxay isla qaateen habka ay magacyada iyo astaamaha xisbiyadu ugu kala horraynayaan warqadda codbixinta

    iyo qoraallada kale ee doorashada Madaxtooyadda ee sannadkan 2017-da oo u dhacday hab daah-furan oo qori-tuur ah. Kulankan ayaa jawi is afgarad ah ku soo dhammaaday, waxaana uu kulankani qayb ka ahaa kulamada Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xisbiyadu ay isku waraystaan kolba halka ay marayso shaqadu.

    Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Oo …….

    dhex dhexaadnimo ee ay waajib tahay in dhinacyadda is hayaa mid la raaco. “Marka arrin weyn tahay

    madaxweynu qaranku leeyaha isaga u yidaahda, dee halka uu maro ayeynu wada maraynaa, dantu sidaas ayey u dhow

    dahay,”ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlayey qadiyadda khaliijka ka taagan. Mar la waydiiyey in siyaasada Somaliland qaadatay ee hal dhinac la safatay ay ka w a n a a g s a n t a h a y i n dhexdhexaadnimo la qaato, waxaanu ku jawaabay “sidee dhex dhexaad loo noqda, dawladna waad sheegaynaysa, siyaasadna waad leedahay danna waad leedahay, sidee baan dhex u istaaga, waa in sida dantoodu ku jirta aad raacdaa.” Mar kale oo la waydiiyey culimadda ka cabanaysa guddidii madaxweynuhu soo magacaabay oo cabasho la hor yimid golaha Guurtidda, gaar ahaaan gudoomiyaha guurtidda u gudbiyey inuu warbaahinta faahfaahin ka siiyo, ayaa ka gaabsaday, waxanu yidhi “Ha la gaadho, arrintooddu golaha ayey hor iman doonta, markaas uun baa laga talin ee aniga afka ha iga qolyo qolyayn,”

  • Vol: 8 Tirsiga 1804 – Khamiis, June 15, 2017— Ramadaan 20, 1438 (H) 3.

    Nidaamka looga shaqaynayo: Ku buuxi lambarada 1—9 khaanadaha ka dhiman sanduuq kasta, kana ilaali in laba lambar oo isku mid aad geliso layn keliya oo gudub ama dherer ah, ama inta laynka madow ku wada jirta, waana inay marka aad isu geyso tirooyinka ku jira layn kasta (dherer ama gudub) ku soo baxdaa isku mid (45).

    Hal-Xidhaale

    Jawaabihii Hal-Xidhaalayaashii Hore

    Hal-Xidhaale Weedheed [H] Hal-xidhaale weedheedkan oo taxane ugu soo baxa Wargeyska Saxafi waxaad jawaabaha oo aad kaga soo dul shaqaysay bogga Wargeyska ku soo hagaajin kartaa Xarunta Wargeyska Saxafi ee magaalada Hargeysa oo ku taal xaafadda Gol-jano, gaar ahaan ka soo horjeedka Hay’adda Progressio, waxaanu dhinaca cad-ceed dhaca ka kulaalayaa ama kaga beegan Fooqyada Maataha loo yaqaan ee Indha Deero, ka hor intaanay jawaabtiisu ku soo bixin cadadka dambe.

    Jawaabta Hal-Xidhaalihii Cadadkii hore

    Basaaskii Reer Masar Ee Badbaadiyay Israel

    Buuggii ugu Xiisaha badnaa ee sanadkii ina dhaafay 2016 laga qoray Arrimaha sirdoonka adduunka

    WQ: Prof. Uri Bar Joseph, waxa Af-Soomaali idiinku soo turjumay Bahda Wargeyska Saxafi – Q: 45aad

    Cutubka 2aad London 1970: Xidhiidhkii Telefoonka

    Dubi wuxuu bilaabay inuu si dhakhso ah u qorto xogaha qaybaha, talisyada iyo waxyaabaha laga waramayo iyo hubka iwm. Mararka qaarkoodna wuxuu joojinayay Ashraf Marwaan isaga oo ka doonayay inuu caddeeyo. Markii Ashraf Marwaan dhameeyay akhriskii, sarkaalkii MOSSAD wuxuu eegay xogtii, mise wuxuuba haystaa bun iyo dheeraad. Ashraf Marwaan doonistii ahayd inuu bixiyo sir muhiim ahayd oo xasaasi Masar u ahayd oo ku saabsanayd awoodeeda milateri, ayaa ku keliftay Dubi inuu su’aalo kale ka sii weydiiyo si gaar ah. Sannado badan MOSSAD waxay ka werwersanayd inay Masar isku dayi doonto inay horumariso hub aan loo babac dhigi karin. Horaantii lixdamaadkii hay’addu waxay ku dhaqaaqday olole muran badan dhaliyay si ay uga joojiso hawlgalada saynisyhanadda Jarmalka ah ee ka shaqaynayay Masar si ay u horumariso hubka biological iyo chemical ah. Badhtamihii lixdamaadkii ciidamada Masar waxa lagu eedeyey inay hubka chemical u isticmaaleen dagaalkii sokeeye ee Yemen. Israel xaggeeda waxay weli xusuusan yihiin qolalkii Gaaska Kimikal ah ee Jarmalku u isticmaalay dadka shacabka ah. Sidaasi darteedna kimikaalka Masar iyo horumarintiisu waxay keentay inay noqoto mid muhiimad gaar ah leh oo ay isha ku hayaan. Waxay ogaayeen inuu ninka Ashraf Marwaan la yidhaahdaa uu leeyahay shahaado Jaamacadeed oo xagga Kimikal ah isla markaana ka shaqeeyay xarumaha kimikalka ciidamada Masar. Waxaanay doonayeen inay wax ka ogaadaan sida uu ugu sheegi karo arrintaasi. Sidaasi darteed Dubi wuxuu weydiiyay si gaar ah hawlaha ka socda xarunta Abu Za’abel ee waqooyiga bari ee Qaahira halkaasi oo la dhigo kimikalka ciidamada iyo shacabkaba. Ashraf Marwaan wuxuu la yaabay sababta su’aashani la weydiiyay, wuxuuna ku guuldaraystay inuu fahmo sababta ay Israel meeshan yar ee gaarka ah uga werwersan tahay. Inkasta oo aanu weligii ka shaqaynin Abu Za’abel, wuxuuse awooday inuu war sugan oo sax ah ka siiyo hawsha halkaasi ka socota. Ninkii Dubi qoraalkiisii ayuu sii waday wax walbana dhamaysay. Markii uu dhamaystayna Ashraf Marwaan wuxuu wareejiyay gal warqadeedkii Manila ee ay ku jirtey documents-ka oo dhami. Dubi wuxuu dhex dhigtey shandadiisa isaga oo aan furin. Ashraf Marwaan-na wuxuu aqoonsaday sida loo ogolaaday. Ilaa maantadaa lama oga wixii halkaasi ku jirey wuxuu ahaa. La soco qaybaha kale ……

    Gudub 4. Shalmad yar oo khafiif ah 6. Magac loogu yeedhi jiray Hindidii Hargeysa ka ganacsan jirtay 8. Qof lagu kalsoonyahay waxa loo dhiibto inuu xafido 9. Magac loogu yeedho dadka ka shaqeeya Maraakiibta Badaha isaga gooshta 13. Si foolxun u fadhiisasho (dumarka loo isticmaalo) 15. Oohinta dumarka 16. Akhriska Qur'aanka ama Qoraalkiisa waxa loogu yeedho labadii joogsiba inta u dhaxaysa 17. Neef geella

    Hoos 1. Meel biyo fadhiisin ah oo biyaha roobku fadhiistaan 2. Daaqa xooluhu cuno 3. Nooc khudaarta Maraqa lagu darsado oo dhareer samaysa 5. Shay qof iibinayo oo aad qiimihiisa weydiiso 7. Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago 10. Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanshaha ka lumisa 11. Haan yar oo caanaha lagu shubto 12. Geed weyn, laf adag, meydhax adag iyo asal wanaagsan leh 14. Xaalad Qofka dharku ka dhammaado ama ka jeexjeexmaan

  • Vol: 8 Tirsiga 1804 – Khamiis, June 15, 2017— Ramadaan 20, 1438 (H) 4.

    Ramadaan Kariim Turjumayasha iyo Qorayaasha: C/fataax Xasan Aadan, Axmed Ismaaciil (Bucul) iyo Siciid Cumar Yuusuf Qaybtii 13aad

    Fadliga 10 Dambe Ee Bisha Ramadaan Illaahay ayaa mahadleh ka illaahnimadiisa cidi ayna kulamaanayn ee sharafta badan iyo mulkigiisuna waarayo iyo waynida, illaaha boqorka ah ee cidkale aan u baahnayn, illaaha qaniga ka ah dhamaan khalqiga uu abuuray ee cidkastoo khalqigiisa ka mid ahi ay ugu baahantahay si joogta ah, illaaha cida uu doono waafajiya hanuunka iyo toosnaanta ee dhandhansiiya macaanka ay leedahay cibaadada illaahay, kuwa uga orday hurdada macaan dhinacyadooduna jiifka ay ka dheeranayaan, hadii aad arki lahayd guura galka ay ugu jiraan cibaadada waxa aad arki lahayd kuwa illaahay danbi dhaaf weydiisanaya, kuwa illaahay uga cabanaya dhibaato kale iyo kuwa xuskiisa kaga mashquulay wax ay weydiisan lahaayeen, Waxa xumaan ka nasahan illaaha baraarujiyay kuwaa ee toosiyay iyadoo dadku hurdaan, illaahay ayaa barako badan, illaaha cafiska iyo danbi dhaafka bixiya dunuubta adoomadiisana astura ee khalqiga oo dhan nimcadiisa gaadhsiya, illaahay ayaan ku mahadinaynaa nimcooyinka uu na siiyay waxana aanu waydiisanaynaa inuu noo dayimiyo nimcooyinkiisa, waxaan qirayaa in illaahay mooye illaah kale jirin cibaadadiisana cidkale aan loo shariik yeeleyn cisina waxa leh cida uu illaahay ciseeyo dulina waxa leh cida iska waynaysa adeecidiisa. Waxa kaloo aan qirayaa in Nebi Muxamed uu yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii kala cadeeyay xaaraanta iyo xalaasha Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, isaga iyo asxaabtiisaba uu ka mid yahay Abu bokor kula sidiiqay godkii ay gaalada ay ka galeen khayrkana kula rafiiqay, Cumar binu Khadaab kii la waafajiyay xaqa, Cismaan binu Cafaan kii ku samray balaayada ee ku shahiiday laguna dilay gacanta cadowga illaahay iyo Cali Nebiga inaadeerkii iyo 20 bisha ramadaan iyo ragii ay kulmisay ee iskugu yimi bisha ramadaan ee lahaa asxaab iyo taabiciin iyo cidii xaqa ku raacday waxa u sugnaaday wanaag Nabadgelyo N.N.K.H Waxaynu soo gaadhnay tobankii ugu danbeeyay ee bisha ramadaan waxana ku sugan khayraad iyo ajar faro badan waxa kaloo ay leedahay fadliyo aad u balaadhan sidaa darteed waxa aanu isku dayi doona in aanu wax ka tilmaamno fadliga tobanka danbe, waxyaabaha u khaaska ah tobanka danbe ee bisha Ramadaan, Nebigu (CSW) aad ayuu ugu dedaali jiray cibaadada weliba si aanu u dadaalin wakhtiyada kale. Waxa ku sugan saxeexul Muslim Xadiiska Caa’isha laga soo werinayo (RC) (Nebigu (CSW) wuu ku dedaali jiray cibaadada tobanka danbe si aanu u dedaalin jirin wakhitiyada kale) Waxa ku sugan Bukhaari iyo Muslim xadiisyo tilmaamaya siduu Nebigu (CSW) uu u cibaadaysan jiray tobanka danbe ee bisha Ramadaan waxana ka mid ah (Marka ay gaadho tobanka danbe ee bisha Ramadaan Nebigu (CSW) guntiga ayuu u adkaysan jiray, habeenkana wuu noolayn jiray ehelkiisana wuu toosin jiray) Xadiiska laga soo werinayo Caa’iisha (RC) (Nebigu (CSW) labaatanka ugu horeeya ee bisha Ramadaan marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray laakiin tobanka danbe ee bisha Ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuuna u adkaysan jiray). Axaadiistani waxay ay ina tusayaa fadliga faraha badan ay leedahay tobanka dambe ee bisha Ramadaan iyo sidii uu Nebigu (CSW) u dadaali jiray inagana ay inala gudboon tahay in aynu ku dayano, Mar hadii Rasuulkii illaahay (CSW) uu u dedaali jiray si aanu u dedaali wakhtiyada kale dadaal dhamaystiran oo ah dhinaca kasta oo ah cibaadada, hadii ay tahay salaadda, Qur’aanka akhriskiisa, digriga illaahay, sadaqada bixinteeda iyo wixii la mid ka. Marka Nebigu (CSW) uu guntiga adkaysanayay macnaheedu waxay tahay wuxuu ka durkayay habeenkiisa si uu ugu go’ salaadda iyo xuska illaahay habeenkana waxa uu ku noolaynayay salaad iyo Qur’aan iyo xusuusta illaahay oo ah qalbiga carabka iyo xubnahaba. Sharafta habeenadani leeyihiin iyo Raadinta laylatu qadriga qofka ku dedaala isagoo rumaysan illaahay oo illaahayna ka rajaynaya danbi dhaaf iyo naxariis Illaahay wuu dhaafa wixii danbi hore ee uu galay, muuqaalka xadiiska waxa aad ka arkaysaa in ay wanaagsan tahay in habeenkii lagu nooleeyo cibaadada illaahay iyo xusuustiisa iyo Qur’aanka iyo salaadda ilaa loo diyaar garoobo suxuurta. Waxa xadiisyada ina tusayay fadliga ay leeyihiin tobanka danbe ee bisha ramadaan ee ay ka mid yihiin, in uu Nebigu (CSW) uu toosin jiray ehelkiisa si ay u tukadaan salaadda isagoo ku dedaalaya si ay uga faa’iidaystaan habeenadan barakaysan ee qofka cibaadaysta u noqonaya fursada soo martay cimriga noloshiisa waxana ka faa’iidaysta qofka illaahay waafajiyo, lama gudboona qofka muuminka ah ee caqliga leh in uu iska dhaafo fursadan qiimaha leh oo aanay ka faa’iidaysan isaga iyo ehelkiisu waana habeeno tirsan waxana laga yaabaa in illaahay ku waafajiyo raxmadiisa waxyaabaha aad ku kasbato oo aad ku liibanto adduunyo iyo aakhiraba. Waxa wax aad looga xumaado ah khasaare iyo muragana leh in aad arkayso in badan oo ka mid ah muslimiinta oo wakhtiyadan qiimaha badan leh ay kaga lumayaan waxyaabo aan waxba u anfaceyn iyagoo habeen oo dhan ku soo jeedaya dheel dheel iyo laqwi marka ay gaadho wakhtigii salaadana iska seexanaya waxa ay naftoodi seejiyeen khayr badan waxana laga yaabaa in aanay fursadanoo kale dib u soo marin, hadaba kuwa la ciyaaray shaydaanka iyo khiyaamadiisa ee uu ka gooyay wadadii illaahay loo marayay illaahay waxa uu yidhi (SW) “Adoomadayda uma lihid wax awood ah oo aad ku kaxaysato mid halowsan oo ku raaca mooyane” [Suuratu al Xajar-42] La soco cadadka dambe haddii Alle idmo

    Ku soo dhawaw shirkadda dhismaha iyo sameynta nashqadaha Ee ASAD Waxa ay shirkaddu ogeysiineysaa macaamiisheda iyo dhamaan bulsho weynta Somaliland in shirkaddu kuu dhisayso guryo cusub oo tayyo leh oo laguugu sameynayo nashqadihii ugu dambeeyey, haddaba adeegyada shirkaddu fuliso waa sidan:

    Figure 1. cabirka ( 18m*12m) 3 Bedrooms , Living And Dining, Bath , Wc , Service : 1 Bedrooms ,

    Kitchen , And Store, local tiles.

    Figure 2 . cabirka ( 24m*18m) 5 Bedrooms, Living

    & Dining, Bath, Wc, service: 2 bedrooms, 1 kitchen & Store, parking & garden. front stone, local tiles.

    Figure 3. cabirka. ( 12m* 12m). 3Bedrooms , Living And Dining , Bath , Wc, 1 Kitchen , Wc , And Store,

    local tiles,

    Figure 4 cabirka ( 24m*18m) 5 Bedrooms , Living

    And Dining , Bath , Wc, service: 1 bedroom 1 Kitchen , Wc , And Store, local tiles, parking.

    garden, front stone.

    Figure 5 cabirka ( 24m*18m) 5 Bedrooms , Living

    And Dining , Bath , Wc, service: 1 bedroom 1 Kitchen , Wc , And Store, local tiles, parking.

    garden, front stone.

    Figure 6 cabirka (24m*18m) 5 Bedrooms , Living And Dining , Bath , Wc , Store, Service : 2

    Bedrooms , Kitchen , And Store

    Adeega-yada shirkadu bixiso 1. Nash-qadeynta Noocyada Kala duwan ee

    Dhismayaasha. 2. Ka talobixinta, Qiimaynta iyo qandarraaska

    mashaariicda dhismayaasha kala duwan 3. Dayactirka dhismayaasha, Dhisida &

    Dayactirka dhismayaasha Dawladda

    4. Dhisida & dayactirkooda, iskuulada, Cusbitaalada.

    5. Dhisida iyo dayactirka Garoomada, birriijya, waddooyinka

    6. Dhisida guryaha, tiirarka leydhka, iwm

    Nagala soo xidhiidh (Contact us): Telesom: + 252 2 524055, 573000 Mob: + 252 2 63 4465838, 4284650. Somtel: 065 9912644

    Website: asadcon.com Email: [email protected]

  • Vol: 8 Tirsiga 1804 – Khamiis, June 15, 2017— Ramadaan 20, 1438 (H) 5.

    Qaraxii Ugu Cuslaa ……………………………………. dhashay dalalka Kenya iyo Itoobiya oo ay soo badbaadiyeen, Afduub la wariyay in dad badan kooxda weerarka gaysatay ku qabsaday dad lagu qiyaasay ilaa 30 ruux. Ugu yaraan 10 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen weerarka oo sidoo kale saameyn ku yeeshay hotelka Posh Treats oo siweyn ugu dhaw Pizza House. Qaraxan ayaa dhacay waqtigii Salaada Cishaha waxaana ay maqaaxidani ka mid tahay goobaha sida weyn xiliyada habeenki i loogu caweeyo magaalada Muqdisho. Sidoo kale, waxaa goobta gaadhay gadiidka gurmadka deg deg ah oo halkaa ka daadgureeyay dad ku dhaawacmay weerarka oo tiradooda la cadaynin illaa hadda. Afhayeenka howlgalada Al-shabaab Cabdcasiis Abuu-muscab ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan ururkoodu ay weerar ku

    qaadeen xalay sida uu hadalka u dhigay Posh Hotel, isaga oo intaa ku darray in wali halkaa howlgalku ka socdo. Iyaddoo marka uu hadalkan leeyahay waxyar uun ka

    danbaysay weerarka. Qaraxan iyo weerarkan wada socda ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho bishan Ramadaan.

    Laylatul-Qadriga Alle SWT bilaha iyo maalmuhu u kala qiimaysan, maalin waxa ugu qiimo badan maalinta banka Carrafaad la taagan yahay. Waxa ay qiimahaa ku yeellatay waa waxqabadka maalintaa la samaynayo. Sidoo kale habeen Alle SWT abuuray waxa ugu weynnayn badan habeen aan si sax ah loo sheegin habeenka u ku dhaco se habeen is gedgediya ah. Oo si halxidhalaysan loo baadhayo, waa habeenka la barakeeyey ‘laylatul qadri’. Waa habeen ka fadli badan saddex iyo sideetan sannadood iyo waliba bilo sida Alle SWT sheegay, “Habeenka la waynneeyey ‘qadrigu’ waa habeen ka khayr badan kun bilood.” Habeenkan waynnidiisa waxa ka mid ah inuu yahay habeenkii la

    soo dejiyey Qur’aanka, “Waxaanu soo dejinay ‘Qur’aanka’ habeen la wayneeyo.” Mar kale Alle SWT isagoo si faahfaahsan uga hadlaya wuxu yidhi “Annaga ayaa soo dejinay habeen la waynneeyey ‘Qur’aanka’, maxaad ka taqaan habeenka la wayneyey, waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa soo daadagta malaa’igta iyo Malaga ruuxda ‘Jibriil’, ogolaanshaha Rabbigood, waana habeen nabdoon illaa waagu ka baryayo.” Rasuulku CSW wuxu doonayey habeenkani habeenka u dhaco inu Saxaabada u sheego, se waxa dhacday in laba Saxaabi oo murmay darteed Rasuulki CSW la ilawsiiyey habeenku habeenka uu ahaa, “Waxase laga yaaba inay sidaasi idin khayr badan tahay.” Rasuulku CSW wuxuu hadalkaa u lahaa inaynu ka baadhbaadhno habeenada laynoo asteeyey midkood inu yahay, “Ka daydaya habeennada kala dhiman, kow iyo labaatanka, saddex iyo labaatanka, shan iyo labaatanka, toddoba iyo labaatanka iyo sagaal iyo labaatanka.” Sidaa ajligeed habeen uun aduu astaysan maysid, se habeenku waa habeen guur guura ee habeennada kala dhiman ba iska xil saar inaad ka baadhbaadho. Habeenkan waxa lagu wayneeya waa salaad badan, duco badan iyo xuska Alle SWT oo la badiyo, “Qofka kaca habeenka laylatul-qadriga, ee u kiciyo iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.” Sidoo kale habeenka waxa lagu gartaa cirku inaanu daruur lahayn, jawiguna meel dhexaad yahay qabow iyo kulayl aan midna hayn, habeen ahaanna uu yahay mid nabdoon. Hase ahaate laguma garto ey baa ciyey, iyo dameer baa dinaahiyey. Caa’isha RC ayaa Rasuulka CSW wayddiisay haddaan la kulmo habeenkan maxaan idhaa, Rasuulku CSW wuxuu ugu jawaabay inay ku ducaysato, “Allow waad saamaxaad badan tahay, cidda wax samaaxdana waad jeceshahee na saamax.” Run ahaantii waa duco wax walba koobsanaysa. Waxa aynnu baraarujin lahayn in ay habeennadan oo kale ay dhacdo in dadku salaadaha sunnayaasha ah ku dadaalaan oogistooda halka kuwi la faray ee lagala xisaabtamayey ay dayacaan. Waxa aad arkaysaa qof Tarawiix ama Tahajud habeen walba u taagan oo haddana salaaddii subax ka hurda, taasi cibaado noqon maysee waa istusnimo, mid kale ogow sunnaha oogisteeda iyo oogis la’aanteeda mid qiyaamaha lagu wayddiinayo maaha, hase ahaate inaad salaadaha faralk ah oogtaa waa mid qiyaamaha ku dul saaran. Ma diidayo in la tukado salaadaha sunnayaasha ah, hase ahaate waxa aan leeyahay faralka aynu ka soo dhalaalno horta, dabadeed sunnayaasha aynu u soo tafaxaydano, si cibaadadu inooga noqon mid wajiga laynagaga dhufto. La soco cadadka dambe insha Allaah

    Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

    Qaybtii 13aad

  • Vol: 8 Tirsiga 1804 – Khamiis, June 15, 2017— Ramadaan 20, 1438 (H) 6.

    isticmaala Facebook kuwaas oo dhan, hal bilyan oo ruux ama kun milyan oo qof, waxa dadkaasi ay yihiin kuwo maalin walba sii kordha oo tiradoodu kor u kacayso, hasa yeeshee waxa jira cabsi wayn oo ka jirta dadka furayaasha ama s a n d u u q y a d a k u l e h shabakadaas ee sida khaldan u isticmaala oo tiradoodu gaadhayso ama la diiwaan galiyo maalin walba lix boqol oo kun oo xad-gudub. Maamulka shabakada Face Book ayaa sheegay in marka loo eego tirada dadka adeegsada shabakadooda oo kun milyan kor u dhaafaysa, aanay tirada xad-gudubyadu wax badan ka noqonayn, laakiin haddana waxa ay ka muujiyeen walaac iyo cabsi ay ka qabaan in dadka ku walfey baadhista i y o k u x a d - g u d u b k a

    sanduuqyada dadka kale ay ku hayso. Waxaanay sheegeen inay talaabooyin soo dhex gal ah ka qaadaan mararka qaarkood, halka dadka qaar ka mid ah kuwa ku welfey arrintan ay digniino uga direen. Hogaanka Face Book ayaa ku faanay in wax badan ay ka qabtaan ilaalinta sanduuqyada iyo arrimaha gaarka ah ee qofka si ay u ilaaliyaan, macaamiishooda, ugana nabad galiyaan tuugo iyo in la jabsado. Waxa kale oo ay ka warameen sida ay mar walba ugu dedaalayaan, horumarinta iyo kor u qaadista adeegyada kala duwan ee shabakadoodu qabato, maadama ay tahay? Ta ugu balaadhan ee loogu isticmaalka badan yahay dunida, xiligan, kuna fiican wada xidhiidhka iyo iska war helka.

    Masalooyinka Xiisaha Leh Diyaarintii: Faysal Maxamed Xasan

    Cilmi Baadhis Lagu Sameeyay Ragga

    Iyo Haweenka Dalka Jarmalka

    Cilmi baadhis iyo xog ururin laga sameeyay dalka Jarmalka ayaa daaha ka rogtay sida raga iyo haweenka dalkaasi ugu kala dhego nugul yihiin dadka tabaalaysan ee in la caawiyo u baahan. Sidoo kale waxa ay xog ururintani muujisay kala duwanaanshaha labada qaybood ee isla dalkaasi ugu kala duwan yihiin taageerada dadka jilicda san. Cilmi baadhistan ayaa ugu horayn tilmaamaysa in raga dalkaasi dumarka kaga fiican yihiin taageerada loo fidiyo dadka awoodoodu liidato, gaar ahaan kuwo curyaamiinta ah iyo kuwa da’da ah. Waxa kale oo xog uririntan lagu ogaaday in dadka ku dhaqan dhinaca galbeed ee dalkaas, gaar ahaan dalkii la odhan jiray Jarmalka Galbeed ay ka naxariis badan yihiin, dadka ka soo jeeda Jarmalkii Bari ee Shuuciga ahaa. Xog uririntan oo laga sameeyay dhamaan qaybaha kala duwan ee dalka Jarmalka ayaa cadaysay in kunkii qof ee Jarmal ah ee dakhligoodu gaadhsiisan yahay 2500 Yuuro, ay dadka tabaalaysan ugu deeqaan ama dakhligooda ka bixiyaan 3-dii qof ee dadkaas ka mid ahiiba sideed dollar oo tabaruc ah, halka dadka dakhligoodu yahay 1200 Yuuro tobankii qofba lix ka mid ahii ku tabarucaan hal Yuuro oo kaliya, halka afarta kale aanay wax mucaaw imo ahba a anay jeebkooda ka soo saarin. Daraasadan oo ay wada jir u

    sameeyeen kooxaha ururiya tabaruca, ururada laanqayrta cas iyo hawl wadeeno khibrad badan u leh saxaafada, ayaa loogu magac daray taageerada dadka liita ee kordhisa horumarka tujaarta, waxaanay si toos ah uga bixi jirtay intii lagu guda jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalkaas. Xog ururintan ayaa sidoo kale muujisay in 27% Raga dalkaasi ay k a sh aqe eya an haw la h a taageerada dadweynaha iyo caawinta dadka awooda yar. Halka 21% ay ka yihiin haweenka ka hawl gala ama taageerada siiya dadka tamarta daran. Dadka ku dhaqan Jarmalka Galbeed ee caawimada iyo taageerada dadka tamarta daran ka shaqeeya ayay daraasadani sheegtay inay yihiin 25% halka kuwa arrimahan qabta ee Jarmalka Bari ay ka yihiin 21%, natiijooyinkan oo dhamaan si cad u muujinaya sida loogu kala horeeyo taageerada dadka jilicda san. Gobolada dalkaas ayaa iyaguna ku kala horeeya, hasa yeeshee waxa ugu liita gobolka caasimadda dalkaas ee Berlin ay ku taalo oo noqday 8% taas oo ah tiradii ugu yarayd, gobolka Baden Firtmberg ayaa isna galay kaalinta koowaad waxaanay tirada dadka ka shaqeeya adeega bulshadu ay gaadhsiisan yihiin 37%.

    Tartan Khudrad Iyo Dhir Kaliya Wax Lagu Sawirayo Oo Loo Qabtay Farshaxanada Dunida

    Maamulka shabakada loogu isticmaalka badan yahay dunidda ee Facebook ayaa soo saaray bayaan ay kaga warameen, tirada dadka maalin walba booqda

    shabakadooda, heerka wada xidhiidh, xad-gudubyada ka dhaca iyo guud ahaan habka loo ilaaliyo, loona sugo ammaanka dadka ku wada xidhiidhaya shabakadooda

    oo ah ta dunida ugu horaysa, xaga wada xidhiidhka ijtimaaciga ah. Bayaankan ayaa ugu horayn ka hadlay tirada maalin walba booqda ama ku leh furayaasha ee

    Waxa dhawaan dalka Kanada lagu qabtay tartan farshaxanada aduunka ugu wanaagsani ay khudaarta iyo dhirta wax ku sawirayaan, kaas oo sida ranjiga ama qalinka ay u adeegsadaan oo kale ay khudrad iyo dhir wax ugu sawirayeen, muuqaalo layaab leh oo aad u soo jiitay dadkii ka qayb galayna ay ku soo bandhigeen. Sida warbaahinta dunidu ku warantay, waxa tartankaas sawiradii sida wayn dadku u wada garteen ee soo jiitay, gacantiisa ku sameeyay, farshaxan u dhashay dalka martida gelinayay ee Kanada, kaas oo sadex kun iyo shan boqol oo xabadood oo Tufaax ah ka sameeyay sawir aad ugu muuqaal ek, aasaasihii shirkada elegtarooniga samaysa ee Apple Steve Jobs. Farshaxankan oo u dhashay dalka Kanadda laguna magacaabo, Olivier Lefebvre, waxa uu muuqaalkan ka dhex sameeyay, ama ku soo bandhigay, carwo loo sameeyay tobanaan farshaxan oo waqooyiga amerika isaga yimi,

    kuwaas oo bandhig faneed sawirka iyo farshaxanka ah loogu qabtay meel dibbad ah oo ku taala "Monte Heller" Canada. Bandhig faneedkan oo ahaa mid lagu dhiiri galinayay, dabaceeda iyo waxyaabaha sida dabiiciga ah u baxa ee khudrada iyo dhirtu ka midka yihiin, oo sida madxafka oo kale loogu soo bandhigayay ayaa marka farshaxan walba sawir ka sameeyo ka dib kamarado lagu sawiray oo la dhigay madxaf u gaar ah. Farshaxanka Oliver ayaa sadex kun iyo shan boqol oo Tufaax ah ka sameeyay sawirka Aasaasihii shirkada Apple Steve Jobs, waxaanu markii uu dhameeyay la hadlay warbaahinta waxaanu yidhi, "Markii hore ee abaabulka iyo qaban qaabada bandhigani socotay, waxaa ii qorshaysnaa in aan wax kale sawiro, laakiin markii aan xasuustay Steve Jobs ayuu fikirkaygu isbadalay, oo waxaan soo bandhigay muuqaalkan tufaaxa aan ka sameeyay wajiga aasaasihii Apple oo aan aad u

    jeclaa, dedaalkiisi iyo ikhtiraacyadii uu ku soo kordhiyay dunidda.” Hawsha hal abuurnimada ah, ee farshaxankani ku kacay ayaa la sheegay inay ku qaadatay 50 saacadood, taas oo uu ku dhamaystiray isku habaynta sadex kun iyo shan boqol oo xabadood oo ah nooca loogu yeedho, Maclntosh oo ah, noocii uu aasaasaha Apple u isticmaalay inuu astaan uga dhigo, qalabka tignoolajiga ee uu ikhtiraacay oo dunida ku soo kordhiyay wax badan. Jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in m u u q a a l k a t u f a a x a u u farshaxankani ka sameeyay, muuqaalka wajigii Steve Jobs oo kale ay si wayn u soo jiidatay, dadkii kala duwanaa ee booqday goobta bandhigu ka socday iyo dadka wararka fidiya ee dunida, waxaanu ahaa sawirkani mid ka wada duwan, muuqaaladii goobta lagu soo bandhigay.

    Maamulka Facebook Oo Ka Waramay Xad Gudubyada Maalin Walba Shabakadooda Loo Gaysto

  • Vol: 8 Tirsiga 1804 – Khamiis, June 15, 2017— Ramadaan 20, 1438 (H) 7.

    Xidhiidhka Kubada Cagta Dalka Ingiriiska Oo Shaaciyay Jadwalka

    Xili-ciyaareedka 2017/18

    Maamulka Real Madrid Oo Ka Jawaabay Kiiska

    Maxkamadeed Ee Lagu Soo Oogay Cristiano Ronaldo

    K ooxda Real Madrid ayaa war saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay kiiska cashuur lunsiga ah ee xidiga kooxdeeda Cristiano

    Ronaldo lagu soo eedeeyay. Xafiiska xeer ilaalinta dalka Spain ayaa shalay si rasmi ah maxkamada ugu gudbiyay kiiska cashuur lunsiga ah ee lagu soo eedeeyay xidiga ree Portugal waxaana la sheegay in loo haysto lacag dhan 14.7 milyan euros oo uu ka musuqay waaxda cashuuraha dalka Spain. Real Madrid ayaa taageero buuxda u muujisay xidiga kooxdeeda ee Cristiano Ronaldo waxayna muujisay sida ay u hubto in Ronaldo aanu wax danbi ah ku lahayn eedaynta loo soo jeediyay, laakiin maamulka Real Madrid ayaa dalbaday in la dadajiyo kiiskan si aanu u noqon mid sii daba dheeraada oo xili dheer socda. “Kooxda kubbada cagta Real Madrid waxay kalsooni buuxda ku qabtaa ciyaartoygeena Cristiano Ronaldo oo aanu fahansan nahay in uu si sharciga waafaqsan uu u fuliyay

    waajibaadkiisa sanad laha ah, waxana tan iyo markii uu kooxda kubbada cagta Real Madrid soo gaadhay bishi July 2009kii, Cristiano Roanldo waxa uu markasta si

    cadaan ah uu u muujinayay in uu fuliyo dhamaan waajibaadkiisa cashuureed. Kooxda kubbada cagta Real Madrid waxay xaqiiqdii ku qanacsan tahay in Cristiano Ronaodo uu cadayn doono sida uu gabi ahaanba bilaa danbiga u yahay inta uu hanaankani socdo.” Warsaxafadeedka kooxda Real Madrid kaga jawabayso kiiska maxkamadeed.

    “Illaa iyo 14 Jirkaygii Ayey naadiga Real Madrid i Doonayeen” Mbappe

    F e e d h y a h a n k a F l o y d Mayweather oo ann laga badin inti uu ciyaaraye c i y a a r a h a f e e d h k a muhtariimka ah isla markana

    rikoodhkisu ahaa laga bilaabo sanadkii 1996 – 2015 isago kulamada feedhka uu ciyaaray 49 oo gebigoodba laga baadin ka hor intanu ka fadhisan ciyaaraha bishi September 2015 ayaa hadda dib ugu soo labanaya ciyaaraha feedhka ka dib markii heshiis tariikhi ah la galay

    in uu la kulmo ninka Conor McGregor oo isna haysta miisaanka dhexe c iyaaraha U l t imate F ight ing Champions (UFC), wada kulmi donan tariikhdu marka ay tahay August 26 magaladda Las Vegas ee gobolka Neveda dalka Maraykanka. Shabakadda wararka ciyaaraha ka faloota ee Yahoo Sports ayaa habeenki xalay baahisay in heshiis rasmi ah ay isku afgarteen mamulka labada dhinac iyago isla qaatay maalinta ay dhici donto ciyaartasi,

    waxana warka sii xaqijiyee sida ay ku bahiyeen barahooda bulshadu kulmaan labada ciyaartoy sacadoodo ka dib. Xogtu waxa inta ku daraysa in mamulka labadda ciyaartoy ku kulmi donan garoonka T-Mobile Arena oo ku yaal magaladda Las Vegas isla markana loo qoondeyee kulankasi uu yahay ka miisaanka 154-bound oo 12 wareeg ama round uu ahanayo sidaa ay uu ogoladeen komissionka ciyaaraha fudud ee gobolka Nevada arbacadii shalaytoole, waxana labada ciyaartoy dhaqalaha ay ka macaashi donan kulanka lacag gadhayso $100 million oo dollar.

    Feedhyahan Floyd Mayweather Iyo UFC Conor McGregor Oo Kulmi Doona August 26, 2017

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Amar Ku Siiyey Wasiirka Maaliyadda In La Bixiyo

    Kharashka Garoonka Ciyaaraha Gobolka Sool

    I suduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Sool Fu’aad Axmed Cali, ayaa ka hadlay Garoonka Kubada Cagta ee Gobolka Sool, oo uu sheegay inuu aad ugaga

    mahad-celinayo Madaxweynaha Jamhuuryiada Somaliland, oo uu ku amaanay inuu u saxeexay warqadii Garoonka lagu dhigaayey Rooga Casriga ah. Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Sool Fu’aad Axmed Cali, oo arintan ka hadlaya ayaa sidoo kale sheegay i n m uddo dheer ay k u mashquulsanaayeen Roogan, waxaanu yidhi ugu horeyn “Waxaan u mahadnaqayaa Madaxwayne

    Axmed Maxamed Maxamuud (Sil laanyo), waxaana ugaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee sharafta iyo maamuska leh ee uu w a r qad i i r ooga ga r o onk a laascaanood lagu dhigayey noogu s a x e e x a y o o u u n o o g u ans i x i y e y ,w ax aan l e e yahay tacabkayagii muddada dheer aanu caasimadda ugu soo noq-noqonayey ee danahayaga gaarka ah uga imananay marhadii ILLAAHAY nagu guuleeyey waa ILLAAHAY mahadii, Ninkii yidhi dhalinyarada reer Sool waxba loo qaban maayo, isna waxaan leeyahay waa maangaab iska hadlay oo aan labada buurood

    dhaafin hankiisuna reer hebel iyo xaafad yahay, waxaana muuqata in maanta Xukuumaddu u heelan tahay in dadka Gobolka Sool wax u qabato, gaar ahaan Dhalinyarada iyo Ciyaaraba, waxaana aad ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Ciyaaraha, Agaasimaha Ciyaaraha iyo cid walba oo gacan ka geystay arinta Garoonka ee Rooga, Waxaana xaqiiqo ah in aanu ku talo jiro sidii Ciyaaraha Gobolka Sool aanu horumar u gaadhsiin lahayn, waana gaadhsiin doonaa haddii Rabi ogolaado”.

    W eeraryahanka da’da yar ee Kylian Mbappe oo ay isku wada haystaan kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa sheegay in

    kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Real Madrid ay raadinaysay illaa markii uu carruurta ahaa. 18 jirkan oo u warramay Telefishanka Canal+ ayaa waxa uu ka warramay dalabyo iyo xiise uu ka arkay Real Madrid, waxaanu yidhi: “Real Madrid? waxay isku dayayeen inay heshiis ila galaan illaa markaan 14 jirka ahaa.” Isaga oo hadalkiisa sii wada, waxa uu intaa ku daray: “Wakhtigan waxaan la tashanayaa qoyskayga oo aanu ka arrinsanayno wax aanu

    yeelayno iyo waxa dhaci kara. Waa inaanu arrimaha kala haadino anagoo eegayna siday kooxdaydu

    (Monaco) tahay, sababtoo ah heshiis ayaan kula jiraa, xorna ma ihi.”

    M aamulka Premier Leaque-ga ayaa maalinti shalay oo ahayd maalin m a s h q u u l b a d a n waxayna sameeyeen isku

    aadka jadwalka horyaalka Ingiriiska ee xili ciyaareedka cusub ee 2017/18 oo dhamaystiran, wuxuuna isku aadku ka koobnaa qaybo kala duwan. Waxaa markii hore la sii daayay liisas-ka kooxaha iyo kulamada ay ciyaari doonaan oo dhamaystiran laakiin markale waxaa isku aadka lagu ha-beeyay min usbuuca kowaad ee ku-

    lamada furitaanka ilaa kulamada xidhitaanka ee 38 iyo waliba qaabka ay noqon doonaan kulamada usbuuc kasta la ciyaari doonaa si la mid ah taariikhda kulamadan la ciyaari doono. Haddii aad meel ku qoratay dhamaan kulamada ay kooxaha waa wayni ciyaari doonaan min 38 ka kulan ee xili ciyaareedka cusub waxaad halkan kaga bogan kartaa min usbuuca kowaad kulamada la ciyaari doono ilaa usbuuca ugu danbeeya xili ciyaareedka cusub oo ay raacsan tahay taariikhda la ciyaari doonaa.

  • Vol: 8 Tirsiga 1804 – Khamiis, June 15, 2017— Ramadaan 20, 1438 (H) 8.

    Nagala soo xidhiidh xarunta Saxafi ee Hargeysa; Tell: 4411077, 4410173, 4489033, 4413239/Email: [email protected] web: www.wargeyskasaxafi.wordpress.com

    Tacriifada Cashuuraha Adeegyadda Boosaha iyo Isgaadhsiinta 2017 Muwaadin, wax ka baro tacriifadaha cashuurta adeegyada ganacsi ee hoostaga Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, kuwaas oo ah kuwo dhaqan-gal ah, kana mid ah Tacriifadaha ku jira Odoroska Miisaaniyadda 2017, waxaanay si taxane ah ugu soo bixi doontaa halkan:

    Jamhuuriyadda Somaliland Republic of Somaliland Wasaaradda Maaliyadda Ministry of Finance

    Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Boosaha Tacriifaddii Hore Tacriifadda Cusub

    CASHUURAHA IYO KHIDMADAHA WAAJIBEY Incoming Calls 0.01 daqiiqadii 0.02 daqiiqadii Outgoing Calls 0.01 daqiiqadii 0.02 daqiiqadii Mobile phones post/prepaid 0.0012 daqiiqadii 0.002 daqiiqadii

    KIROOYINKA Hirarka HF/VHF $ 30 Hirkii/Bishii $ 50 Hirkii/Bishii Hirarka GSM 900 $50 Hirkii/Bishii $ 70 Hirkii/Bishii Hirarka GSM 1700/1800/1900 $30 Hirkii/Bishii $ 50 Hirkii/Bishii Hirarka Microwave $25 per Link/Bishii $35 per Link/Bishii Hirarka 21 GHz---10GHz -------- $ 30 Hirkii/Bishii Hirarka GSM 3G/4G -------- $100 Hirkii/Bishii Buuraha $ 50 Buurtii/Bishii $75 Buurtii/Bishii