8
Vol: 4 ——— Tirsiga 839 Salaasa, July 02, 2013 — Shacbaan 23, 1434 (H) M uqdisho, Soomaaliya, July 2, 2013 (Saxafi)- Abshir Maxamed Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta Reer Soomaaliya, ayaa sheegay in aanay Somaliland u qalmin inay Soomaaliya la hadasho maadama oo Somaliland 22 sanno horumar gaadhay, balse aanay Soomaaliya wali wada hantiyin koonfurta Soomaaliya. Abshir oo hore xilal wasirnimo ah uga soo qabtay Soomaaliya ayaa xalay khadka Telefoonka waraysii ku siiyey wargeyska Saxafi, isagoo jooga magaaladda Muqdisho, kaas oo aanu kaga waraysanay sida uu u arko wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, munaasibadaha xornimadda Soomaalidda iyo horumarka ay Somaliland gaadhay. Siyaasigan oo aanu waydiinay sida uu u arko wada hadalkii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya oo la (Eeg Bogga 2aad) Siyaasi Soomaali Ah Oo Tilmaamay In Madaxda Muqdisho Aanay U Bislayn Wada Hadal Ay La Galaan Somaliland Booqashadii Obama Ee Xabsiga Robben Islands Oo Xasuus Gaar Ah Ku Reebtay B 6 Dhakhtar Maraykan Ah Oo 35-Sanadood Ka Dib Dagaal Yahan Reer Vietnam Ah U Soo Celiyay Qalfoofka Gacan Laga Gooyay B6 Qaab Cusub Oo Loo Badalayo Kalmadaha Sirta Aaladaha Elegtarooniga Ee Passwords B6 Ka Akhri Gudaha “Guddoomiyaha Maroodi-jeex Ayaa Ila Soo Hadlay Oo Yidhi Waxaad Tahay Danbiile Qaran Sidii Ayanan U Xidhanahay” Keenadiid Maxamed Khaawi H argeysa, Somaliland, July 02, 2013, (Saxafi) “Annigoo ah siyaasiga magaciisu yahay Keenadiid Maxamed Khaawi, dalkana degan. Waxaan Wargeyska u immid inaan halkan ka baahiyo meel ka dhac uu ii geystay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex.” Sidaas waxaa yidhi Keenadiid Maxamed Khaawi oo ka mid ah siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeedda gobolada Bariga Somaliland. Keenadiid oo xalay nagu soo booqday Xarunta Wargeyska Saxafi ee magaaladda Hargeysa, waxaa uu sheegay in xadhigan lagula kacay dhamaadkii bisha June. Waxaana uu yidhi. “Habeenimaddkii Bisha June 29-ka ahayd, ayaa waxaa illa soo hadlay guddoomiyaha gobolka..waxaa uu (Eeg Bogga 2aad) Koonfuri ma dhawa wax badan ayaa u dhiman rag badan oo aqoonyahano ah oo ogolaada in naftoodda ay u huraan ” “Lixdankii Dawladdii dhalatay waxay reer Somalilnad u bixiyeen Cawarroimikana labadii Indhood iyo labadii dhagoodba way ladahaySiyaasi Abshir Maxamed Baahin Qandaraas Shaqo Ka Banaan Ninkaasi waa eedaysane aniga ayaana xidhay hayadaha ku shaqada leh…” Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jamaal C. Xuseen Oo Dalka Ku Soo Laabtay H argeysa, Somaliland, July 2, 2013(Saxafi) - M u r r a s h a x a madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa (Eeg Bogga 2aad) H argeysa, Somaliland, July 2, 2013 (Saxafi)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Sillaanyo), ayaa shalay (Eeg Bogga 5aad) H argeysa, Somaliland, July 2, 2013 (Saxafi)- Dhalinyaro farobadan oo shaqo raadis ah, ayaa shalay usoo kalahay carwo shaqo oo ay filayeen inay Cv- (Eeg Bogga 5aad) S halay oo ay taariikhdu ahayd 01 July 2013 waa maalin taariikho kala duwan oo madaw ku astaysan laguna xasuuusto, aragtitayada iyo mida ay ila qabaan in badan oo ila ujeedo ahi taariikhdan buuxsantay ee maqaalku ka hadlayaa,waa maalintii ama habeenkii sida sharciga ah loo xalaaleeyay guusha xisbigii uu (Eeg Bogga 3aad) Qiimaha: 2,000 Sh. Sl www.saxafinews.com

Saxafi Newspaper in Somalia, Issue 839

Embed Size (px)

DESCRIPTION

This issue of Saxafi Newspaper published on Tuesday, July 2, 2013 by Saxafi Media Network, Hargeysa, Somaliland

Citation preview

Vol: 4 ——— Tirsiga 839 Salaasa, July 02, 2013 — Shacbaan 23, 1434 (H)

M uqdisho, Soomaaliya, July 2, 2013 (Saxafi)- Abshi r Maxamed Aadan oo ka mid ah

siyaasiyiinta Reer Soomaaliya, ayaa

sheegay in aanay Somaliland u qalmin inay Soomaaliya la hadasho maadama oo Somaliland 22 sanno horumar gaadhay, balse aanay Soomaaliya wali wada hantiyin

koonfurta Soomaaliya. Abshir oo hore xilal wasirnimo ah uga soo qabtay Soomaaliya ayaa xalay khadka Telefoonka waraysii ku siiyey wargeyska Saxafi, isagoo

jooga magaaladda Muqdisho, kaas oo aanu kaga waraysanay sida uu u arko wada hadalka Somaliland iyo Soomaal iya, munaasibadaha xornimadda Soomaalidda iyo

horumarka ay Somaliland gaadhay. Siyaasigan oo aanu waydiinay sida uu u arko wada hadalkii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya oo la

(Eeg Bogga 2aad)

Siyaasi Soomaali Ah Oo Tilmaamay In Madaxda Muqdisho Aanay

U Bislayn Wada Hadal Ay La Galaan Somaliland

Booqashadii Obama Ee Xabsiga Robben Islands Oo Xasuus Gaar Ah Ku Reebtay

B 6

Dhakhtar Maraykan Ah Oo 35-Sanadood Ka Dib Dagaal Yahan Reer Vietnam Ah U Soo Celiyay Qalfoofka Gacan Laga Gooyay

B6

Qaab Cusub Oo Loo Badalayo Kalmadaha Sirta Aaladaha Elegtarooniga Ee Passwords

B6

Ka Akhri Gudaha

“Guddoomiyaha Maroodi-jeex Ayaa Ila Soo Hadlay Oo Yidhi Waxaad

Tahay Danbiile Qaran Sidii Ayanan U Xidhanahay” Keenadiid Maxamed Khaawi

H argeysa, Somaliland, July 02, 2013, (Saxafi) – “Annigoo ah siyaasiga m a g a c i i s u y a h a y

Keenadiid Maxamed Khaawi, d a l k a n a d e g a n . W a x a a n Wargeyska u immid inaan halkan ka baahiyo meel ka dhac uu ii geystay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex.” Sidaas waxaa yidhi Keenadiid Maxamed Khaawi oo ka mid ah siyaasiyiinta dhalasho

ahaan ka soo jeedda gobolada Bariga Somaliland. Keenadiid oo xalay nagu soo booqday Xarunta Wargeyska Saxafi ee magaaladda Hargeysa, waxaa uu sheegay in xadhigan lagula kacay dhamaadkii bisha June. W a x a a n a u u y i d h i . “Habeenimaddkii Bisha June 29-ka ahayd, ayaa waxaa illa soo hadlay guddoomiyaha gobolka..waxaa uu

(Eeg Bogga 2aad)

“Koonfuri ma dhawa wax badan ayaa u dhiman rag badan oo aqoonyahano ah oo ogolaada in naftoodda ay u huraan” “Lixdankii Dawladdii dhalatay waxay reer Somalilnad u bixiyeen Cawarro… imikana labadii Indhood iyo labadii dhagoodba way la’ dahay“ Siyaasi Abshir Maxamed

Baahin Qandaraas

Shaqo Ka Banaan

“Ninkaasi waa eedaysane aniga ayaana xidhay hay’adaha ku shaqada leh…” Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex

Jamaal C. Xuseen Oo Dalka Ku Soo Laabtay

H argeysa, Somaliland, July 2 , 2 0 1 3 ( S a x a f i ) - M u r r a s h a x a madaxweynaha Xisbiga

UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa (Eeg Bogga 2aad)

H argeysa, Somaliland, July 2, 2 0 1 3 ( S a x a f i ) -Madaxweynaha Somaliland

M u d a n e A x m e d M a x a m e d Maxamud (Sillaanyo), ayaa shalay

(Eeg Bogga 5aad)

H argeysa, Somaliland, July 2, 2013 (Saxafi)- Dhalinyaro farobadan oo shaqo raadis

ah, ayaa shalay usoo kalahay carwo shaqo oo ay filayeen inay Cv-

(Eeg Bogga 5aad)

S halay oo ay taariikhdu ahayd 01 July 2013 waa maalin taariikho kala duwan oo madaw ku

astaysan laguna xasuuusto, aragtitayada iyo mida ay ila qabaan

in badan oo ila ujeedo ahi taar i i khdan buuxsantay ee maqaalku ka hadlayaa,waa maalintii ama habeenkii sida sharciga ah loo xalaaleeyay guusha xisbigii uu

(Eeg Bogga 3aad)

Qiimaha: 2,000 Sh. Sl

www.saxafinews.com

Vol:4 Tirsiga 839 – Salaasa, July 02, 2013 - Shacbaan 23, 1434 (H) 2.

y i d h i wa a l a g u x i d h a y a a gogoshaadda diyaarso. Waxaad tahay, danbiile qaran. Inyar ka dib ayuu haddana, ila soo hadlay, waxaanu ii sheegay mar kale isla hadalkii hore. Waxaanu yidhi Askar ayaa kugu soo socota’e, soo raac waa lagu xidhayaa oo danbiile qaran ayaad tahaye. Waxaana uu ii sheegay in laggu soo amray inuu I xidho oo meel sarre oo aanan garanayn laga soo amaray. Anigu maal intaas lafteedda ayaan Madaxtooyadda tagay oo subaxa danbe ayaan balan ku lahaa oo ahayd Axada.” “Askartii ayaa gurriga iigu timid 9-kii iyo dheeraad habeennimo, markii la I geeyay saldhiga Ibraahim Koodbuur ayaa lala hadlay guddoomiyihii oo la yidhi ninkii waa la keenaye kaalay, wuxuu yidhi waxaanan haysan baabuure xidha. Dabadeed, waxaa taliyihii ku yidhi, anaga ayaa gaadhi kuu soo dirayna. Waa loo diray, waxaana uu soo qoray Warqad uu leeyahay n inkaas x idha aniga ayaa d a c w a d d i i s a k e e n i d o o n a (Subaxnimadda) sidii ayaanan ku xidhanahay illaa iyo hadda. Damiin ayaana la’igu soo daayay. ma garanayo sababta la’igu haysto.

Laakiin, waxaan dhawaan keenay odayaal cuqaal ah oo ka soo jeedda gobolada Bari oo aan Weligood Somaliland imman, odayaashaas oo sideed caaqil ah ayaa magaaladda yimi Madaxweynahana arkay., si wanaagsana la isku waraystay, m a r k a a a r r i n t u m i y a y siyaasadaysantahay oo waxaa la diidayaa in odayaasha dalka u dhashay ay yimaadaan oo cid ayay u xidhantahay meeshu.?” Ayuu yidhi, waanu sii wadday Keenadiid, waxaana uu yidi. “Waxaan jeclaan lahaa in bal arrintaas iyo waxa la igu haysto la soo caddeeyo, waayo anigoo nin muwaadina ah oo siyaasiya in la yidhaa waxaad tahay danbiile qaran waa arrin wayn oo sumacad dilis ah, waxaanan masuuliyiinta dalka leeyahay arrintaas gefka ah ee la’igu sameeyay oo ay ku wadda socdaan rag badan oo ka soo jeedda Gobolka Sool , Sanaag iyo Buuhoodle waa in wax laga qabto.” Dhinaca kale, guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ayaanu xalay isna dhiniciisa wax ka weydiinay cabashadda muwaadinkaasi , waxaana uu qiray inuu jiro xadhigaasi, islamrkaana uu bixiyay amarka lagu taxaabay. “Haa, ninkaasi waa eedaysane, aniga ayaana xidhay hay’adaha ku shaqada leh ayaana gacanta ku haya. Waxaanan ku ogahay Xabsi.” Ayuu yidhi, waxaana aanu sii weydiinay waxa uu ku eedaynayo iyo sababta loo haysto, waxaana uu yidhi. “Waxaa danbiga lagu soo o o ga yo l a gu h o rg ey na y aa Maxkamadda. Kana hor dhici mayo.”

filayo in toddobaadyadan ay dib u bilaabmaan mar kale ayaa sheegay in Somaliland tahay dal jira oo shacabkeed iyo xukumaddu wada socdaan laakiin Soomaaliya aanay wada socon, isla markaana aanay ilaa hadda dhexdeedda xalin sidaa darteed aanay haboonayn in wada hadal dhexmaro labadda dhinac maadaama oo aanay isku dhigmi Karin, isagoo arirntaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan ahay siyaasi waayo arag ah oo wax badan usoo joogay, waxaan quudaraynayaa inaanay wali bilaabmin xiligii ku haboona in la wada hadlo, waayo Somaliland waa dawlad shacab iyo xukuumad wada socotay qorshe horumarneed u yaallo oo dal iyo dadba isku duuban yihiin, laakiin Soomaaliya wax yaalla ma jiro ninka maryo u xidhan yahay ayaa dagaal gali kara, waxaan qabaa wada hadalka xiligiisa lama bilaabin, laba dhinac oo isku dhawna maaha oo waadiga arkay in wali Kismaayo dagaal ka socda, dawlad aan dalkeedda wada xukumin wada hadal ma gali karto” Siyaasigan waxa kale oo aanu waydiinay bal sida uu u arko hadalkii Mdaxweynaha Somaaliya ka soo yeedhay ee maalintii loo dabaaldgayey 18 uu ku tilmaamay caadifad taas oo dadweynaha Somalilnad si weyn uga xanaaqeen, waxaanu yidhi “Aad baan uga xumahay eraygaasi uu isticmaalay, dadka munaasibadooda iyo rabitaankooda iyo dhaqankooda in lagu xurmeeyo weeyi waliba adigoo raba wada hadal iyo waanwaan inaad la gasho in aad tidhaahdo laab la kac weeyi dabaaldega munaasibadooda may qaban meesha, maaha arey siyaasi ah. Sababtuna waxaa weeye madaxda Soomaaliya may gaadhin bisaylkii s i ya asa de ed , d adk i i wa da hadalkaasi bilaabi lahaana maaha, ninka emotional ku tilmaamay waxay ummaddi aaminsantahay wada hadalakii wax weyn buu u dhimay iyo kalsoonidii lagu wada hadli lahaa arintaasi ma qabato dadka Somaliland, wax badanna way u dhimaysaa wada hadalkii socday”ayuu yidhi. Sidoo kale, waxa aanu waydiinay sida uu arko aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo wax badan aaminsanaa mabda Soomali weyn oo ku hunguubay madaxtinimadda Soomaaliya iyo sida uu dalkiisa ugu soo noqday waxa uu yidhi “Axmed Ismaaciil Samatar ma aqaano, laakiin waa nin aan jeclahay qaabka uu u taxliiliyo arrimaha jira, tafaasilkii uu ka bixiyay aragtidiisa inuu yahay nin aan xil doon ahayn ee ummadda noloshoodda la wadaagayo, Anigu waxaan qabaa in Somaliland hirgasho oo ay dhisanto waana qabaa haday dhisanto saamayn bay ku yeelanaysaa koonfurta Soomaaliya iyo Jabuutiba, waxay saamayn ku yeelanaysaa i n t a a f S o o m a a l i g a k u h a d a s h a , w a x a n e e f s a n a y a Soomaalida kale oo wax tari kartaa, imika dadyow badan oo gobolada kale ee Soomaalidu degto ka yimid

ayaa ka shaqaysta oo jooga, waana k u h a m b a l y e y n a y a a i n a y Somaliland dhisanto oo qorshe balaadhan iyo himilo dheer s a m a y s a t o o o q o r s h a h a noloshoodda iyo mustaqbalkoodda ku gaadhaysaan samaystaan, Axmed Ismaaciil Samatarna wuxuu Somaliland u yimid in horumarka ka socda uu la jaanqaado oo wax la qabsaddo. Samatar wuxuu ka mid yahay aqoonyahanka Soomaal idda, waxaana ku hambalyeynaya xildhibaanimadii uu iska casilay ka dib marka uu arkay in aanay ku haboonayn inuu xubin ka sii ahaado baarlaamka Soomaaliya in meesha Soomaal i ka i f t i imaysa ee Somaliland yimaado oo dadkiisa wax l a q absd o waan ku hambalyeynayaa, lixdankii dawladdii dhalatay waxay reer Somalilnad u bixiyeen cawaro, madaxweynihii koonfur buu noqday, Ra’isal wasaarihii koonfur buu noqday, taliyihii xooga dalka iyo ku xigeenkiisii Koonfurbay noqdeen, taliyhii booliska iyo ku xigeenkiisa iyo caasimadiiba waxay noqdeen Koonfur ayey cawaro u bixiyeen, imikana labadii indhood iyo dhagoodba way la’ dahay in xildhibaankii Axmed Samatar iska casilana waa mid ku haboonayd, sidoo kale siyaasiyiintii iyo xisbiyadii g a l i l a h aa wa d a h ad a l ka Soomaaliya kama jirto, mid caalamku xidhiidh la yeelan karana maaha” Mar kale isagoo ka hadlaya maalmaha xoriyadda Soomaalida waxa uu yidhi “ Horta 26 June maaha maalin Soomaalida oo kalliya ay leeyihiin waa maalin Afrika oo dhami leedahay, waana meeshii u g u h o r e y s a y e e c a l a n Soomaaliyeed la taago, waana iftiinkii iyo xoriyadii Afrika, laakiin maxaa laga dhaxlay xoriyadii waxa la xusaa wixii wax laga dheefo oo la xusaa waxay ahayd in shanti Soomaaliyeed la isla baadi goobo ayey ahayd, Tii Muqdisho ayey beelo ka taliyaan, laakiin aan laga faa’iidaysan dadkii ehelka u ahaa xoriyadda, ragii mudnaa in madax looga dhigo Soomaaliya lixdankii lagama dhigan ee rag uu gumaystiihii talyaanigu watay ayaa madax looga dhigay, waxa meesha laga tuuray Cabdilaahi Ciise iyo Maxmaed Xaaji Ibraahim Cigaal oo mudnaa in madax ka noqdaan, laakiin banaanka ayaa la dhigay, waa maalin mudan xusuusteedda waana baadi goobaynaa kana quusan mayni in ilaahay naga abqlana waanu rajaynaynaa” Mar kale waxaanu waydiinay bal waxa uu dardaaran usoo jeedinayo Somali land iyo Soomaal iya, waxaanu yidhi. “Somaliland waxaan ku hambalyeynayaa siyaasiyiinta hogaanka u haya iyo shacabkooda, waxaan leeyahay cadow badan ayaad leedihiin oo jihooyin badan i d i n k a x i g a s i d d a u l a macaamiishaan ee istiraatjiyada ugu dhigateen iyo horumarka balaadhan ee aad gaadheen waan idinku hambalynaya, dadkii amnigaasi

sameeyey ee dhiiga u diidiyeywax f i ican bay sameeyeen int i i horumarka iyo madax banaanida u dhimatay ama u dhaawcmay Alla ha unaxar i is to , in ta maamulka wanaagsan ee imika wadana waxaan leeyahay waajib aad dadkiina u qabateen ee horumarka leh halkaasi ka sii wadda anaguna waanu idinku dayan doonaa waxaanad noqon doonta meel Soomaalidu usoo shaqo tagaan sida imika loogu soo shaqo tagay”ayuu yidhi,waxaanu intaas ku daray isagoo ka hadlaya dhinac koonfurna waxa uu yidhi “Koonfuri ma dhawa wax badan ayaa u dhiman rag badan oo aqoonyahano ah oo ogolaada in naftoodda ay u huraan in dalka xoriyadiisa iyo duliga looga saari lahaa naftooda u huraan ayaa loo baahan yahay, waxa loo baahan yahay in duliga laga saaro ilaa xuduudaha ayey ciqaabtu ka jirta, koonfur in ilaahay loo baryo oo loo duceeyo ayey u baahan tahay, kuwan imika joogaana waxba kama hayaan oo xalay (habeen hore) waxay ku shirayeen meel yar oo Cabdilaahi Yuusuf sameeyey oo calankii la saaray, madaxtooyada calanka lagama saarin, maxa xafladda loogu qaban waayey madaxtooyadda, Somaliland waxay heshay rag u geeriyooday badbaad in ta ummadda i yo calankooda, halka waxa loo baahan yahay rag sidaas sameeya” Abshir Maxamed Aadan oo ugu horeyn waydiino sida ay ula dhaqantay dawladda Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aways oo dhowaan isku so dhiibay maamulka xibin iyo xeeb oo la geeyey magaaladda Muqdisho, waxaanu yidhi isagoo ariintasi ka hadlaya “Sheekh Xasan Daahir Aways waa nin Soomaaliya iyo calamkaba magac ku leh, kuna caanbaxay ururo diimeedyada jira, waxaanu si lama filaan ah u soo galay gacanta dawladda, mark i i uu y imid magaaladda Cadaado, waxay dawladdu u dirtay ergo Muqdisho keenta, waxaanay toddobadii fiidnimo la keenay Mudqisho haseyeeshee wixii Ergadda loo diray iyo dawladda isku ogaayeen ayaa laga baxay, halkii laga filayey in la qaabilo oo la soo dhoweeyo ayey is bedeshay waxaana soo weeraray oo hujuumay ciidamada gaarka u tobabaran ee sirdoonka oo afka duuban, dabadeedna nimankii odayaasha ahaa ayaa jidh dil iyo dhibaato ka soo gaadhay, waxaana hadda gacanta ku haya Nabad sugidda qaybteeda gaashaan la yidhaa” Mar la waydiiyey inay suurtogal tahay in dawlada kale loo gacan galiyo waxa uu yidhi “ imika lama garan karo halka uu ku sugan yahay, Lama sii saadalin Karo in dawlad kale loo gacan galin doono, Itoobiya way doonaysaa, Maraykan way dalbadeen oo way doonayaan in loo soo gacan galiyo oo dawlada Maraykanka siyaasad weyn bay ku leedahay Dawladda oo si weyn bay s a a m a y n u g u l e e d a h a y Soomaalidda maanta”.

Siyaasi Soomaali Ah Oo………………………. Guddoomiyaha Maroodi-jeex…….

shaaca ka qaaday inuu Xisbiga UCID guullo la taaban karo ka soo hooyey waddanka Mareykanka, kadib markii uu khudbad ku saabsan arrimaha Somaliland u j e e d i y e y B a a r l a m a a n k a waddankaasi, isla markaana waxa uu si mug leh uga hadlay isku-shaandheyntii uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Golihiisa Wasiirada iyo duruufaha wakhtigan ku gedaaman dalka iyo sababaha lagaga bixi karo. Jamaal Cali Xuseen oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, islamarkaana, Warbaahinta ugu waramay qolka nasashada Madaarka Berbera ugu waramayey ayaa waxaa uu ka hadlay mudadii afarta bilood iyo dheeraadka ahayd ee uu dibadda ku maqnaa waxa uga soo q a b s o o m a y , “ W a x a a n k u faraxsanay inaan maanta ku soo guryo noqday hoygaygii Somaliland, waa wax lagu farxo mar haddii ILAAHAY igu soo nabad-celiyey, sidaad og-tihiin markii hore waxa laga baxay doorasho (Deegaanka) adag waxaan anigu u baxay qurbaha oo waxaan ku maqnaa muddo,intaa aan ku maqnaa qurbaha waxaan ku maqnaa dan qaran iyo dan Xisbi labada-ba, oo marna waxaan ka shaqeynayey danta Xisbigayaga sidaan isugu duba ridi lahayn, marna danta Somaliland oo arrimo baddan oo aan doonayno inaan xiligeeda ka midho dhalino dad baddan oo aanu asaxaab nahay oo aanu ku leenahay caalamka inaan kala soo hadalno kana soo dhaadhicino

qaddiyada Somaliland halka ay mareyso”. “Waddamada qurbaha ah ee aan soo marnay inaan Xafiisyada Xisbiga si aad ah uga dhisano, i naan la ku lano madaxda Waddamadaasi qaarkoodna aan xidhiidh hore la lahaa, qaarkoodna aan xidhiidh cusub la sameystey aniga iyo Xisbigayaguba. Markii h o r e W a q o o y i g a A m e r i k a w a d d a m a d a K a n a d a i y o Mareykankuba si fiican ayaan Xisbiga uga soo dhaqaajinay oo aan uga soo sameynay, dadkii reer Somaliland ah ee meelahaas aan isku aragnayna afkaar baddan ayaanu is-weydaarsanay, iyaga qudhoodu tallooyin iyo aragtiyo ayey nagu soo kordhiyeen. Annaguna waxaanu fursada u isticmaalnay inaan qaddiyada Somaliland mar-walba halkaa ka muujino oo aanu horumarino. Inkasta oo ay dawladu xaq u leedahay inay jiheyso siyaasada arr imaha dibada, haddana waxa lagama maarmaan ah inay ka tallo-geliso bulsha weynta reer Somaliland si dalku u yeesho Siyaasad cad oo leh meel loo raaco, dawladuna inay mar-walba dhageysato shicibkii soo doortey oo ay wax ku qabato tixgelina siiso shacabkeeda”. “Guulo la taaban karo ayaanu ka soo hoynay waddanka Mareykanka oo madax aad u sareysa iyo Baarlamaan ayaanu khudbado ka jeedinay oo na dhageystey oo aan ka hadalnay arrimaha Somaliland, waa wax aan hore u dhicin oo aan annaguna Xisbi ahaan (UCID)

(Eeg Bogga 3aad)

Vol:4 Tirsiga 839 – Salaasa, July 02, 2013 - Shacbaan 23, 1434 (H) 3.

Kalsooniddii Lagu Qabay…. hogaaminayay madaxweynaha hada talada haya mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Xafladaas oo dad aad u tiro badani ka soo qeyb galeen ayaa g u d o o m i y a h a k o m i s h a n k a doorashooyinka qaranka eng Ciise Xamari uu kaga dhawaaqay natiijadii ka soo baxday doorashadii ay u tartameen sedexdii xisbi qaran ee xiligaas dalka ka jiray kuwaas oo kala ahaa, Kulmiye, Ucid iyo Udub. Sidaa daraadeed waxaan maqaalkan k u e e g a y n a a a k h r i s t a y a a l casharadda taariikh ahaan aynu ka baranay xisbigii sida muga iyo kalsoonida leh aynu u dooranay, casharaddaas oo aan qalinka u qaatay in ay bulshada inta aan ogayn ay u noqoto daris iyo xisaab celin loo galiyo buuga diiwaanka taariikhada siyaasada ee dalkan. Qormadan ayaynu hadii eebe idmo aynu ku iftiimin doonaa dhacdooyin dalka ka dhacay mudada sedexda sano ah ee u buuxsamay xukuumada dalka hogaamisa, kuwaas oo isagu jira sedex qodob oo kala ah. 1 dhacdo dalka ku cusub oo aan hore uga dhicin intii ay dalka hogaaminayeen xukuumadihii hore. 2 dhacdo ka mida kuwii isla xisbiga talada hayaa uu ku canbaarayn jiray xisbigii talada uga horeeyay. 3 dhacdo nusqaan ahaan kaba sii hoosayasa ama kaba sii saamayn badan midi bulshadu ay kaga caban jirtay xukuumadii hore oo hada dhaqan caadiyaba noqotay dhinaca tognaanta. Adigu hadii aynu kusii deg degno ujeedada maqaalka waa halbeeg aynu ku miisaami doono xadiga u dhaxeeya dareenkii bulshada ee habeenkii lagu dhawaaqay xaqiijinta guusha kulmiye iyo heerka sedex sano ka dib ay taagan tahay inagoo soo qaadan doona dhacdooyin

kooban oo mudadaasi gudaheeda dalka ka dhacay. 1 K o r d h i n l a a a n t a mushahaarooyinkii shaqaaalaha oo ilaa hada aan ka gudbin darajadii koowaad ee kordhintii wasiirkii hore ee maaliyaddu Eng Maxamed Xaashi Cilmi 2 Darajo siintii ciidamada dalka, oo i laa hada aan soo dhaafin taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, iyadoo miisaaniyada hada lagu dhaqmayo wasaaradda maaliyadu ay sheegtay in ay ku dartay kharashkeedii. 3 Beedelaaadii lacagta giinbarta gobolada Sool iyo Sanaag, bedelaada lacagtaasi ayaan iyana dhaafin gobolka Togdheer, iyadoo madaxweynuhu khudbado gudaha iyo dibada dalkba ah ku sheegay in waxqabadkoodii ay gobolada bariga kaga badaleen lacagtii giinbaarta ahayd, taasoo dad badani ay uba haystaan in madaxweynaha iyo xukuumada uu hogaamiyaa in ay gobolada bariga dalka kaliya u haystaan gobolka Togdheer oo kaliya. W a x a d h a c a y d h a c d o o y i n xukuumadii hore lagu riday iyo kuwa hor leh oo dalka ku cusubka , oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii golaha deegaanka iyo wixii ka dhacay gobolada dalka, qabyaaladi i c a d a a l a d d a r a d i i g o o b a h a d o o r a s h a d a , f a r o g a l i n t i i xukuumadda iyo natiijooyinkii kala danbeeyay ee baa bi’iyay kalsoonidii loo hayay komishanka doorashada , kaas oo midhihiisii noqdeen in xildhibaano dhami ay ilaa hada gobol ka maqanyihiin kadib markii ay is casileen iyagoo tabanaya cadaalad daro. 4 Wasaaarado dhul iyo dhisme la iibiyay oo hadana dib looga

(Eeg Bogga 4aad)

Nidaamka looga shaqaynayo: Ku buuxi lambarada 1—9 khaanadaha ka dhiman sanduuq kasta, kana ilaali in laba lambar oo isku mid aad geliso layn keliya oo gudub ama dherer ah, ama inta laynka madow ku wada jirta, waana inay marka aad isu geyso tirooyinka ku jira layn kasta (dherer ama gudub) ku soo baxdaa isku mid (45).

Hal-Xidhaale

Jawaabihii Hal-Xidhaalayaashii Hore

ILAAHAY ugu shugriyeyno,taasina waa waajib naga saarnaa qaranka. M a r k a a d a d k i i q u r b a h a taageerayaashii Xisbiga asaxaabtii iyo dadkii aan ka dhaadhicinaynay Somaliland. Markii danbena waxaan imid waddanka Ingiriiska oo waxaan kala qeybgalay xafladihii ay qabsanayeen dadkii ingiriiska joogay oo ay ugu dabaal-dagayeen guushii Xisbiga UCID ayaan kala qeybgalno”. Murrashax Jamaal Cali Xuseen waxa uu u mahad-celiyey dhamaan-ba waddamada uu soo marey sida ay dadka reer Somaliland ugu soo dhaweeyeen,“Waxaan u mahad-naqayaa dhamaanba dadkii reer Somaliland ee meelahaas aan marnay joogay Waddamada Yurub,Ameerika, Kanada iyo Afrika oo aan tagay Waddanka Tanzania oo aan la soo kulmay siyaasiyiinta waddankaasi, marka lagu darro guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee waddanka Tanzania oo ah ninka labaad ee waddanka Tanzania oo aan aqoon horena isku lahayn oo waxaanu iska soo wareysanay qaddiyadii Somaliland iyo arrimaha Geeska Africa ka socda”. Sidoo kale, mar la weydiiyey Jamaal Cali Xuseen sida uu u arko isku-shaandheyntii uu Madaxweynaha

Somaliland todobaadkii hore ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxa la yidhi Xilku waa meerto, oo dadweynuhu waxay doorteen Madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen isaguna waxa uu soo dhisaa xukuumad gole wasiira oo la fuliya wixii uu doonayey inuu umadda u qab to . Markaa madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay oo dastuurka ayaa xaq u siinaya inuu marka uu doono isku-shaandheyn doono, marka uu doono isku bedeli doono oo wuxuu doono ka yeeli karo, oo taasi maaha mid aynu odhaneyno muxuu u sameeyey? Annaguna hadaanu mucaar id ahaan muraayadi i mucaaridka xidhano oo aanu eegno runtii dadku waxay is-weydiinayaan ama aanu anagu is-weydiinaynaa, dawlad yar oo f iq i i ra , oo dhaqaalaheedu halka uu marayo la og-yahay inaynu maamul balaadhan oo ka kooban 43-Wasiir inaynu sameynaa su ’aasha la i s -weydiinayaa waxa weeyaan ma qaadi karnaa Somaliland ahaan dhaqaalaheenu oo ma awoodi-karayaa, haddii uu awoodi karayo maxay shacabku faa’iido ahaan ka h e l i k a r a y a a n ? C a s h u u r bixiyayaashu maxay faa’iido ka heli

karayaan? Dalkuse muxuu ku horumarayaa, marwalba waxa wanaagsan wixii dakhli ama hanta ah ee la heysto waa in la eega maxaa ugu wanaagsan ee lagu q a b a n k a r a y a a , Ho r e a y e y Xukuumadu balanqaadyo u sameysay oo waatii tidhi waxaanu soo dhisi doona dawlad tiro yar oo tayo leh,tii hore waxaabad mooda inay kasii badiyeen oo waxay xukuumadii hore ahayd dhowr iyo labaatan, tanna waadigan arkaaya halka ay tirade mareyso. Markaa waxaa wanaagsan oo tayo leh oo umadda wax u noqonaya oo aan dhaqaalaha burbur ku ridayn in mar-walba la sameeyo, iyada oo aan la qancinayn shakhsiyaad waa in mar-walba la qaata waxay danta umaddu ku jirto”. “Waxaan kula talin lahaa dawlada inay tixgelin siiso oo ay xilkooda u deyso wasiirada ay shicibku ka tibaax bixiyeen ee wax wanaagsan qabanaya, tusaale ahaan Wasiiradii hore xilka looga qaaday sida Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale iyo Wasiirkii hore ee Caafimaadka Dr. Xuseen Xoog, Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Taliyihii hore ee ciidanka Qaranka Maxamed Xasan jIdhif iyo kuwa kale oo la mid ahi-ba, haday dalka dadkaba si fiican wax ugu qabteen waxay mudnaayeen inay xilkooda umadda ugu sii adeegaan, halka aanay xukuumada maanta ka midka ahayn”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. “Madaxweynaha waa la doortey, waa inuu furfuraa waxa umadda ugu haboon isaga oo aan cidna u habranayn, way jiraan shakhsiyaad waa weyn oo miisaan culus leh oo xukuumada ku soo biirey,laakin markaad isku -wada qaad id dhamaan waxa taas oodhan isku wada fuuqsanaysa marka uu Golihii (Wasiiradu) noqday mid aad u b a l a a d h a n o o d a d k a

shaqooyinkoodii la kala garan la’a-yahay iyo waxa uu qabanayo oo wixii isku sii qasmaan, oo dawakhii markii hore ina haystey uu mid ka sii badani yimaado waa mid aan wanaagsanayn umaddana dhaqaale ahaan u wanaagsanayn” “Weli waddooyin hagaagsan ma lihin, dhakhaatiir wanaagsan malihin oo dhismayaashii dhakhaatiirtii ay Ingiriisku inagaga tageen ayeynu ku j i r n a a . W a a d o g t i h i i n dhalinyaradeena tahriibta ku jirta oo waxaad maalin-walba arkeysa shaqo la’aanta waddanka ka t aa gan . I sku -sh aa ndhe yn t a xukuumada ee golaheeda waxa ka horeeya oo ina horyaala arrimo ka waaweyn oo caqabado ah, way fiican tahay haddii amaanku sii xumaanayo in wax laga qabto, in caafimaadka wax laga qabto way fiican tahay, in biyo la’aanta ka jirta magaalooyinka waaweyn wax laga qabto way fiican tahay, arrinka ugu muhiimsan ee aan filayey in culuska la saaro oo wax laga qabto waxa w e e y a a n d h a l i n y a r a d e e n a tahriibaysa ee dhibaateysan, taasi wax faa’iido ah ma u keenaysa haddii xukuumada la balaadhiyo? Waxa laga ayaaba khayraadkii yaraa ee aynu haysanay inay wax inaga sii carqaladeyso mooyaane inay wax kale inoo sii tarto anigu ma arko, in la sii balaadhiyo Golaha xukuumada dhaqaalaheenu muu awoodi kareyn, sababta oo ah waxa jira waddo baddan oo inaga

dhaqaale waaweyn oo intaas oo Wasiira aan lahayn” Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku taliyey oo uu yidhi “Waa inaynu culeyska saarna dhaqaala, sidii aynu shaqo u abuuri lahayn, sidii maalgelin waddanka loogu sameyn lahaa oo aynu dadka dibada u soo jiidan lahayn,waa in shuruucdii la sameeya oo cadaaladii laga shaqeeyo oo Baarlamaanku fadhiga ka kaco laf-tigiisu oo uu sameeya shuruucdii maalgeliyayaasha” “Adduunka waxay dawladuhu ku fikiraan inay kharashka yareeyaan oo l acag ta ay d adk a ka uruurinayaan inay badh u dhigaan, markaa lacagtaas loo dhigo lagu isticmaalo xaaladaha uu waddanku dhibaatada ku jiro, sida haddii ay abaaro dhacaan oo biyo-dhaan loo baahdo, sida haddii la doonayo in mashaariic lagu fuliyo oo shaqo abuuris loo sameeyo, markaa waxa wanaagsan waxaynu heysano inaynu eegno, dakhliga dawladu miyuu sare u kacayaa? Haddii uu sare u kacayo maxaa sabab u ah? Mararka qaarkood waxa dhacaysa haddii baayac-mushtarka cashuur xad-dhaafa la saaro oo aynaan tartan sameynin inay wax ka soo dejistaan waddamada jaarka ah sida Puntland iyo Jabuuti oo kale. Markaa waxa wanaagsan inay adeega Dakadaheena ka shaqeyno, in culeyska la saaro shaqo-abuurista dhalinyarada”

Vol:4 Tirsiga 839 – Salaasa, July 02, 2013 - Shacbaan 23, 1434 (H) 4.

Hal-Xidhaale Weedheed Hal-xidhaale weedheedkan oo taxane ugu soo baxa Wargeyska Saxafi waxaad jawaabaha oo aad kaga soo dul shaqaysay bogga Wargeyska ku soo hagaajin kartaa Xarunta Wargeyska Saxafi ee magaalada Hargeysa oo ku taal xaafadda Gol-jano, gaar ahaan ka soo horjeedka Hay’adda Progressio, waxaanu dhinaca cad-ceed dhaca ka kulaalayaa ama kaga beegan Fooqyada Maataha loo yaqaan ee Indha Deero. Sidoo kale waxaad ku soo hagaajin kartaa xarumaha uu wargeysku ku leeyahay gobolada dalka Somaliland. Ama jawaabta oo lambaradeeda wadata ku soo dir SMS adigoo ku soo diraya telefoonkan: 4062285 ama 4410173

kiraystay ninkii laga iibiyay, Iyo sidoo kale Lacag xaaraan ah oo aan golayasha sharci dajintu ansixin oo la xalaaleeyay 5 Waraaqo iyo tacriifado lacag qabasho oo aan sharci ahayn oo la samaystay ilaa hadana lacag lagu lunsado,kuwaasoo maareeyaha cusub ee TV ga qaranku uu samaystay islamrkaa laga qaado wararka maalinlaha ah ee laga sii daayo t v ga qaranka. 6 Deeq cagafyo ah oo wasaarada beeraha loogu deeqay oo warbahinta qaranka laga baahiyay in la iibinayo, dhacdadaas oo ka dhacday wasaarada beeraha. 7 Dhul dawladeed oo la iibiyay lagana iibiyay ganacsato oo iyagu aan tiro lahayn ex Indian line idilkii. 8 Askar ciidamada dalka ka mida oo weerar argagixiso ku qaaday xarun warbaahineed, taasoo lagu kala fuliyay hayadaha kala ah wergayska Yool, Horn cable tv iyo midi u danbaysay oo ilaa hada uu u xidhan yahay wergayska Hubaal oo markii hore xaruntiisa la weerrary laguna dhaawacay gudoomiyihiisii hadana mar labaad la xanibay soo bixidii wergayska. 9 Dad si sharciga baal marsan loogu taxaabay xabsiyada dalka ka dib markii ay cabireen rayigooda, kuwaas oo kala ahaa weriyeyaal , aqoonyahano, salaadiin, abwaano iyo haween. 10 Warbaahin kala duwan oo awood ciidan albaabada loogu laabay oo ka dhacday caasimada warbaahinta kala duwan , xarumaha gobolada I w m, 11 Jabhada ONLF oo si caadiya dalka u shex martay iyadoo u gudubtay dhinaca Ethoipia 12 Dagaalo beelo reer Somaliland ah oo ka kala dhacay bariga iyo galbeedka Somaliand 13 Gobolo dalka ka mida ah gaar ahaan bariga oo ku dhawaaqay maamul goboleed madaxbanaan oo ka mida dawlada Soomaliya. 14 Banaanbaxyo ciidamada dawladu ay ku laayeen dad kaasoo ay ka dhalatay khasaare dhimasho dhaawacba gaysatay 15 Dad shiciba oo intay is hubeeyeen xero ciidan weerar ku qaaday kaasoo ay dhimasho iyo dhaaawac ka soo gaadhay ciidamadii qaranka. 16 Murano saameyntooda ilaa hada leh oo ka dhashay saami qeybsiga maalgashiga wershada sibidhka Berbera. 17 Kala fogaansho iyo tabashooyin soo kala dhex galay beelaha Somaliland 18 Shaqaale badan oo shaqada laga caydhiyay halkii laga filayay shaqo abuur 19 Aafadiii tahriibka oo dalka mar l abaad s i ba laa dhan ugu bilaabantay ila hadana socota 20 Xaafado ka mida waaxada gacan libaaax oo la gubayay mudo ki s iman b i l taasoo khaasre balaadhani kazoo gaadhau shacab farabadan oo xukuumadu ku guuldarastay in ay soo qabato cida gubaysa 21 Khiyaamo balaadhan oo casriya oo markii u horaysay dalka ka dhacaday taasoo hantidii shicibka lagu dhacay ilaa hadana aan loo hayn cid loo raaco. 22 Anshaxumadiii ugu weynd ee abid dalka ka dhacda ayaa dhacday ka dib markii nin u dhashay dalka jarmalku uu dhaqan xumo ku

sameeyay caasimada dalka taasoo aan la marin ciqaabtiii uu lahaa. 23 Wasaarad dhisan oo maamul ahaan shaqaynaysa oo wasiirkii loo igmaday maamulkeedii oo jooga uu wasiir kale usii igmado intuu kazoo laabanayo . 24 Imataxaano shahaadiya oo markii ugu horaysay la xaday islamrkaa la jabsaday xaruntii imataxaanaadka ee gobolka Awdal 25 Sicir bararo balaadhan oo dalka ka dhacay 26 Muarano dhex maray wasiiro iyo agaasime waaxeedyo uu maamulo oo wasiiro ay xilal ku waayeen 27 Xarumo xisbiyo ay leeyihiin oo xukuumadu ay xidhatay 28 Maxaabiis al shabaab iyo al qaacida ah oo iyagoo fal danbiyeedyo ku gudo jira lasoo qabtay oo la xukumay oo xidhnaa oo xoriyadooda loo sii daayay. 29 Dhagar qabayaasha al shabaab oo xukuumadu sheegaty in ay cafis yihiin oo dalka iman karaan 30 Shir weynayaal xisbi oo lagu katiinadeeyay masuuliyiin xisbiga ka mida oo ay ka qeyb qaateen ciidamada booliisku. 31 Madaxweynaha oo saq dhexe hadalo jawaaba oo aflagaado ah u mariayay gudoomiye xisbi si ka baxasan anshaxa madaxtininmada qaranka 32 Waraaqaha digreetooyinka wax lagu magacaabo oo xili haboonayn warbaahinta loogu baahiyo xiliyo danbe oo habeenkii ah. 33 Isku shaan dhaymaha kuraasida xukuumada oo kaliya laga reebo masuuliyiinta ay madaxweynaha isku reerka yihiin 34 Musuq maasuqii ugu weynaa ee soo gala xukuumada dhexe masuuliyiinteeda oo loo xidhay masuuliyiin ka mida xukuumada. 35 Waaaxdii garsoorka dalka oo gaadhay halkiii ugu liidatay 36 Hayadihii dawlada eel aka saaray oo dib laysugu celiayay 37 Miisanaiyadii u horasya ee dawaali gole u ansixiyay oo dalka ka dhacday 38 Ciyaarihii taranka gobolada ee ugu xumaa oo dalka ka dhacay 39 Madaxweyne degmo ka mida dagmooyinka caasimadiisa lagaga mudaharaaday Intaas iyo in badan oo aanu qalinku koobi Karin ayaa mudada ku buuxda sedexda sanadood ee kaamilka ah ka dhacday dalka waxaana marag madoon ah in dareenkii kalgacalka lahaa ee habeenkaaas lagu soo dhaweeyay xukuumada in maanta boqokiiba sideetan iyo shan bulshada Somaliland ay ka calool go day x ukuu mad a u u h ogaa miy o madaxweynaha j s l axamed maxamed siilaanyo, intaas ayaan ku dhaafayaa wacdaro xusuus ah oo dhacay mudadii uu xisbiga kulmiye dalka ka tal l inayay oo ku buuxsantay sedex sano oo kaamil ah waana inta aan ka xasuusto ee dhcado ah ee dallka ka dhacay waayahaasi Qalinkii C a b d i M a x a m e d Hirsi

African Village Restaurant Hargeysa- Somaliland

Maamulka iyo Mulkiilaha African Village Restaurant Hargeysa waxa ay kuugu bushaareynayaa in macaamiishayada Xagaagga (Summer) imaneysa iyo kuwa dalka gudihiisa ku noolba aanu kuu diyaariney adeegyo ku raali gelin doona iyo cuntooyin kala duwan. African Village Restaurant waxa uu ku yaala dhinaca Barri

ee Maansoor Hotel kala xidhiidh wixii faahfaahina: Tel: 4429962 ama 4035575 ama 571555

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Baahin Qandaraas

Maamulka Caasimadda Hargeysa waxa uu ka codsanayaa dha-maan Shirkadaha dhsmaha Caasimadda Hargeysa inay ka soo qayb-galaan qandaraas lagu bixinayo mashruuca ah “Drift Bridge” isku xidhaya Labda Degmo (Degmada Koodbuur iyo Degmada 31-may, DH/H/0010), kaas oo ka mid ah Mashruucii UN-JPLG ee sanadka 2013, Qabashada Codsiyada waxa ay noqon doonaan Maalinta ay Taariikhdu tahay 3/7/2003, saacadu waa 12:00-duhurnimo

Gudub 1. Ul/dhenged 5. Shay qaaliya oo laga helo badda 10. Geed Adag 11. Nooc ka mida Khudradda 13. Koob 14. Goob Mucjiso ah oo aan weli cidi ka warbixin 15. Tamar 16. Waajib saaran lab iyo dhedig Muslimiinta

Hoos 2. Xadhig Awrta lagu dabro 3. Xuud 4. Caasimadii u dambaysay ee Cismaaniyiinta 6. Geed ka qayb-qaata nadaafadda 7. Magaalo ku taala Djibouti 8. Bilaawe 9. Ninkii dhisay Deyrka celiya Yaajuuj wa majuuj 10. Sagaalka Meere midkood 12. Fadhi qaab-xun (foolxun)

Vol:4 Tirsiga 839 – Salaasa, July 02, 2013 - Shacbaan 23, 1434 (H) 5.

Xadhiga ka jaray Xafiiska Shaqo doonka Dhalinyarada oo ay wasaaradda Qarshaynta Qaranku

ay soo abaabushay, kaasi oo laga Furay Wasaarada Caafimaadka G u d e h e e d a h a l k a a s o o madaxweynuhu uu soo kormeeray Guud ahaan Shaqaalaha iyo Agabka ka ay ku shaqaynaayaan iyo adeegyada ay u qabanayaan Bulshada iyo Dhalinyaradaba. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ka qayb galay Xaflada Furitaanka Shir Qaran oo lagaga hadlayo sidii shaqo loogu abuur i lahaa dhalinyaradda oo socon doonna laba maalmood oo ka socda hotel M a a ns o o r e e m a g aa la d d a Hargeysa, waxaana soo abuubalay w a s a a r a d d a q o r s h e y n t a , wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda, hay’ada shaqaalaha aduunka ILO, hay’ada shaqo doon iyo daladda dhalinyaradda ee SONYO. Wasaaradda qorsheynta Qaranka iyo wasaaaradda shaqada iyo arimaha bulshadda ayaa baryahan dambe ku mashquulsana qaabkii dhalinyarada looga joojin lahaa tahriibka ay Da’yartii dalka ka haajirayaan iyagoo doonayna nolol dhaanta nolosha ay ku nool yihiin. Sidoo kale, waxa magaaladda laga furay carwo shaqo doon ah oo ay ka soo qaybgaleen shi rkadaha shaqaale doonka ah iyo dhalinyaro shaqo doon ah, kuwaas oo dhalinyaro farobadani CV-yadoodda dhiganayey shirkadaha,inkastoo shirkado badan aanay soo bandhigin shaqooyin ka banana, ba lse ay soo bandh igeen adeegyada ay bulshadda u hayaan, taas oo keentay in dhalinyaro badani ka cadhoodaan marka ay arkaan sida aanay waxba u jirin ee ay ugu soo lu go’een. Madaxweynuhu waxa kale oo uu furay carwo loogu dardar gelinaayo shaqo abuurka oo iyana laga furay Hotel Maansoor, taasi oo ay soo abaabuleen Ganacsatada iyo Wasaarada Qorshaynta Qaranka ayaa madaxweynuhu shirkadaha iyo

dhalinyarada shaqo doonka ah usoo jeediyey guul iyo inay dalkoodda ka shaqaystaan oo ay halista badan ee

tahriibka iska joojiyaan. Sidoo kale wasiirka wasaaradda Qorsheynta Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ilaa afar kun oo shaqaale la qaatay mudadii ay x u k u u m a d a n k u l m i y e shaqaynaysay, isla markaana ay ku dadaalaysay sidii dhalinyaradu shaqo u heli lahaayeen. Si kastaba ha ahaate, xukuumadda oo guddi qaran u saartay shaqo abuurka dhalinyarada ayaa olole ugu jirta sidiii dhalinyarada shaqo l o o g u h e l i l a h a a , i ya d o o k a a s h a n a y a a n h a y ’ a d a h a caalamiga ah iyo shirkadaha ganacsiga Somaliland, kuwaas oo madasha ku soo bandhigay waxay ka shaqeenayaan iyo inta boos ee ka banaan. Wasaarada qorsheynta ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqday inay abuuraan ganacsi yaryar oo loo maalgalin doono, waxaa hore lacag aad u farobadan loogu deeqay dad tartan ku helay maalgalinta ganacsigooda, haseyeeshee lacagta ku baxday maalgalinta gancsiga ayaan wax badan ka bedelin shaqo la’aanta ka jirto, iyadoo loogu talogalay in dadka ku guulaystay lacagtaasi ay abuuraan shaqooyin cusub oo dhalinyaro farobadani shaqo ka haleen. S i k a s t a b a h a a h a a t e e , xukumaddan ayaa aad loogu dhaliilaa tahriibka dhalinyarada, waxaana inta badan ku dhaliilaan siyaasiyinta mucaaradka in aanay xukuumaddu xil iska saarin sidii dhalinyarada shaqo abuur loogu samayn ama laga wacyigelin dhalinyarada, maadama oo xisbiga talada haya ee kulmiye ololihiisa ku daray wakhtigii uu doorashada ku jiray hal hays caan noqotay oo ahayd ha tahriibana UDUB way tagaysaaye, taas oo ilaa imika hortaagan, isla markaana tahriibkii ay xisbigi UDUB ku dhaliili jireen uu kor u kacay.

yadoodda geystaan si ay shaqooyin uga haleen, hasseyeeshee waxay sheegeen inay ku lugeen ka dib markii ay waxba ka afgaran waayeen. Mukhtaar Cali Axmed oo ka mid ahaa dhalinyaradda CV-yadda kula kalahay carwadda shaqadda ayaa sheegay inay meeshu ahayd mid lagu khimaanayay dhalinyarada oo magac ahaan ahayd, balse aanay jrin carwo shaqo iyo wax u dhow toonna. “Waxaan ka mid ahaa dhalanyarada ka qalin jabisay jaamcadaha dalka, waxaan doonayna in aan ka hadlo shaqo la’aanta dalka ka jirta maadaama oo uu dalku yahay mid soo koraya iyo waxaan ku soo arkay xafladdii Maansoor ee dhalinyaradda loogu yeedhay, waxa la yidhi waa carwo s h a q o , l a a k i i n w a a n dhaleecaynayaa arrintaasi, waxa ay meesha la shir yimaadeen, taas oo ahayd in la indho sarcaadiyo dhallinyarada lana niyad jabiyo, iyaddoo wax meesha lagu soo bandhigay ayna ahayn waxa u qalma dhallinyarada meelna lagaga dhacay, waxa kale oo jirta shaqo la’aan baahsan, laakiin waxa dawladda ka dhiman istiraatijiyadii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinyaradda iyo sidii ganacsadda loogu qasbi lahaa inay si cadaaladda u qaataan shaqaalaha”. Sacad Gure Gadiid oo aad uga cadhaysnaa qaabka hawsha loo waddo iyo sida aanay fa’iido ugu jirin carwadan lagu magacaaby shaqo doonka ayaa yidhi “Goor subaxdii hore ee saaka (Shalay)ayaan ku kalahay goob la igu yidhi waxa ka jirta shaqo abuur, markii aan tagayna waxaan tagay meel

laggu soo bandhigayo xayeysiisyo oo aanay shaqo la’aaniba ka muuqan, taas waxa ka daran waxay dadku meesha yimid loo qaybiyey laba qaybood oo lagu kala xareeyay meelo kala duwan oo nimanka madaxda ahi ay laba jeer la kala kulmayeen, waxanu fadhinaba wuxuu madaxweynuhu na soo gaadhay xili aanu in badan fadhinay waxa daawaday meeshii ganacsiga laga xayeysiinayey ka dibna wuxu nagu salaamay saalan wakhti yar qaadatay waxaanan erayadiisii madaxweynaha ka xasuusta guulaysta, waxaan odhan l a h a a x u k u u m a d a d a d k a n dhalinyarada ah ee maskaxda ka dhididay ayaan la isku soo ururin, iyadoon waxba loo hayn waxaan kaloon xasuustaa waraaqihii dadka lagu qorqrayey magacaantooda oo dabayluhu qaad qadayaan, hadaba Dhalinyarada ka qaybgashay carwaradan Maansoor Hoteel maxay kala kulmeen waxayse filayeen madaxweynuhu muxuu la shir yimid maxaa ka soo baxay kulankaasi” Sidoo kale hablo badan oo ka soo dareeray meesha ayaa aad uga niyad jabsanaa qaabka meesha loo maamulay iyo waxa lagu sheegay, iyadoo dhalinyaro badan ay soo qaateen Cv-yo ay doonayeen inay meesha gaystaan si ay shaqo u helana,laakiin waxay sheegeen in ay ugu tageen shirkado ganacsi oo ay is xayeysiinaya sidaa darteed ahayd carwo ganacsi ee aanay ahayn carwo shaqo. “meesha marka aan tagay waxa fadhiyey shirkado farobadan qayb yar oo kaliya ayaa jirtay oo iyagu sheegayay in min hal boos ka

b a n a a n y a h a y i y o k u w o xayeysiiskoodda uun u yimid meesha, kuwo boosas ka banaanyihiin way nagu yidhaahdeen saddex bilood ka dib iyo lix bilood ka dib ayaa booskaasi banaanaan doonaa maxaan ku gaadhi karaa lix bilood maanta ayaan u baahnahay meel aan tagee ”ayuu yidhi wiil dhalinyaro ah oo shaqo doon ahaa oo sheegay in meesha ay ku hungoobeen. “Anigu waxaan odhan lahaa haddii la doonayo in shaqo la siiyo dhalinyarada, wasiir waliba wuxuu leeyahay saddex la taliye oo min saddex kun oo dollar qaata, haddii lacagtaasi ku baxaysa dhalinyarada mushahar looga dhigi lahaa boqolaal dhalinyaro ah ayaa shaqo heli lahaa markaa yeyna xukuumaddu xal ka raadin meel aanay xal ku jirin”ayuu yidhi Mukhtaar Suldaan, waxaanu intaas ku daray “waxa kale oo shaqo la’aanta lagaga bxii karaa iyadoo ay i s k a a s h a d a a n w a s a a r a d d a Maal iyadda iyo wasaaradda shaqadda, isla markaana shirkad kasta oo ganacsi la helo inta shaqaale ee u shaqeeya, ka dibna wasaarada Maaliyaduna eegto inta cashuurtii dawlada bixisay, taas ayey shirkaduhu ku tartamayaan laguna kala saari lahaa shaqaalaha shaqeeya iyo kuwo aan shaqayn iyo boosaska ka banaan shirkad walba” Si kastaba ha haaatee, dhallinyaro badan ayaa sheegay inay ku lugo’een oo ay uga xumaadaan qaabka sida loo maamulay iyo sida beenta looga sheegay shaqo abuurka, iyagoo ku tilmaamay inay shirkaduhu uun is xayeysiinayeen.

Job Title: Accountant Job Duties: Reporting to the CFO Managing purchase ledger Managing expenses and payments Bank reconciliations Preparation of weekly /monthly financial reports Raising invoices along with other adhoc accounting duties. Requirement: At least 3 years experience as an accountant in private sector Attention for details Results Driven and a proactive approach Great Communicator and listener, professional approach to work. An ability to work, and enjoy working, in a constantly changing and challenging

operations arena displaying a flexible attitude Ability to work to deadlines and work under pressure providing a rapid response

to requests Trustworthy and reliable and a high standard of personal presentation and a

good team player with commercial sense Capable of working without supervision. Intermediate user of Microsoft excel & Word Experience user of Financial Software Quick Books Qualification: Minimum Degree in Business administration / Accounting or equivalent To Apply Please send a CV and a covering letter to: [email protected] on or before

12th July 2013

Applications will only be accepted at this e-mail address before the deadline stated above.

Vol:4 Tirsiga 839 – Salaasa, July 02, 2013 - Shacbaan 23, 1434 (H) 6.

Masalooyinka Xiisaha Leh Diyaarintii: Faysal Maxamed Xasan

Booqashadii Obama Ee Xabsiga Robben Islands Oo Xasuus Gaar Ah Ku Reebtay

M adaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama oo socdaal ku maraya waddamo ka

tirsan qaarada Afrika, ayaa intii uu ku sugnaa, dalka Koonfur Afrika booqday xabsigii uu muddada dheer ku jiray halgamaagii reer Koonfur Afrika Nelsom Mandela.

Xabsigan oo ku yaala Jasiirada Robben Islands ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sanadkii 1964-kii loo taxaabay, hogaamiyihii madowga dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela, waxaanu Madaxweyne Obama Gudaha u galay qof aad u kooban oo uu Mandela ku xidhnaan jiray. Mdaxweynaha Dalka Maraykanka

Barack Obama ayaa sheegay in socdaalka uu ku tagay, xabsigaasi uu xusuus gaar ah u leeyahay, isla markaana uu xasuusanayo maalmihii adkaa ee Mandela ku xidhnaa xabsigaas. Madaxweyne Obama ayaa xabsigan gaar ahaan qolkii uu ku xidhnaa Mandela, ku tilmaamay waddadii

dheerayd ee laga dhaqaajiyay xoriyada iyo wada noolaanshaha dadka reer Koonfur afrika, waxa kale oo uu tilmaamay in dhibaatadii ka soo gaadhay Mandela xabsigaasi tahay waxyaabaha uu i laa wal i u xanuunsanayo, sida uu ku dooday. Madaxweyne Obama ayaa kaligii isku dhex sawiray qolkii uu muddada dheer ku xidhnaa Mandela, oo ku yaala xabsiga jasiirada Robben Island ee dalka Koonfurta Afrika, kaas oo wax yar u jira, magaalada dalxiiska ee aad ka u quruxda badan ee Cape Town. Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afr ika Nelson Mandela ayaa xabsigaas laga sii daayay sanadkii 1990-kii, wakhtigaas oo uu soo gaba gaboobay, xiligii midab kala sooca dalka Koonfur Afrika, waxaanu Mandela noqdday madaxweynihii ugu horeeyay ee Madow ah ee dalka Koonfur Afrika. Waxaanu xukunka ka degay wakhtigii koowaad ee madax t in imada, wakhtigaas oo uu diiday in uu dib isku sharaxo, isaga oo sheegay in uu xukunka ka tagayo wakhti dadku aad u jecel yihiin, taas oo rumowday, dalkaas, dunida iyo qaarada Afrikana aad wali looga jecel yahay. Booqashadan ayaa dadka reer Koonfur Afrika u leh ahmiyad gaar ah, sababtoo ah, Hogaamiyahoodi ay jeclaayeen ee Nelson Mandela ayaa wakhti xaadirkan ku jira cusbitaal loo dhigay, xaalad caafimaad daro, waxaanay wararku sheegayaan in xaaladiisu naf ka eeg tahay.

M a g a a l a d a X a r u n t a ganacsiga u ah dalka Australia waxa ka jira,

Tareen magac wayn ku leh, dadka ku dhaqan magaaladuna aad u yaqaanaan, kaas oo ka mid ahaa sodonkii sanadood ee u danbeeyay waxyabaaha astaamaha u ah magaaladaas oo aad dalxiisayaashu u tagaan. Tareenkan oo lagu magacaabo, Maroodiga cad (White Elephant), Ayaa xukuumada dalkaasi si rasmi ah u amartay in shaqada laga fadhiisyo, waxaanu sidaa ku noqday hawl gab. Tareenkan oo ah kuwa jidadka sare Mara kana dhex shaqeeya magaaladaas, sida xamaaratadana u dhex mulacyayn jiray, suuqyada waaweyn ee magaalada Sydney ayaa isniintii 01-July 2013-ka,

socodkiisi ugu danbeeyay ku dhex qaaday magaalada. Dad badan oo ku dhaqan magaalada Sydney ayaa isugu soo baxay jidadka Tareenkaasi maro, si ay u sii eegaan muuqaalkiisa ugu danbeeyay ee m a a l i n t i i u u s h a q a d a k a fadhiisanayay si ay xusuus qorkooda

ugu darsadaan. Tareenkan ayaa ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee ugu caansan magaalada Sydney, waxaanu isugu jira midabyo kala duwan, hasa yeeshee kii ugu horeeyay oo midabkiisu cadaan ahaa ayaa sababta in loogu yeedho Maroodiga

Cad. Tareenkan ayaa xusuus badan ku lahaa dadka Reer Sydney waxaana suura gal ah in qof kasta oo ku nool, magaaladaas uu ugu yaraan dhawr jeer ku safray tareenkaas.

Qaab Cusub Oo

Loo Badalayo Kalmadah

a Sirta Aaladaha Elegtarooniga Ee

Passwords

S h i r k a d a h a W a a w e y n e e f a r s a m e e y a q a l a b k a

Elegtarooniga ah, ee dunida ayaa soo kordhiyay farsamo cusub oo lagu x a f i d a n k a r a y o a a l a d a h a e l eg ta roon iga ah , s i l ooga digtoonaado dhaca iyo fashilka elegtarooniga ee dunida ku sii badanaya. Qaabkan cusub ee furayaasha lagu furanayo aaladaha elegtarooniga ah, sida kaambuyuutarada gacanta lagu qaato iyo telefoonada Smart-ka ah, iyo waliba qalabada kale sida iPad-ka oo kale ayaa ah, in lagu kaydinayo isha gaar ahaan qaybta bu'da loo yaqaano, taas oo noqonaysa furaha rasmiga ah ee aaladaada. Shirkadaha waaweyne ee soo kordhiyay farsamadan oo kuwa dunida ugu caansani ka mid yihiin, ayaa sheegay in ay qaabkan cusub u hindiseen in lagaga gaashaanto sidii looga hor tagi lahaa, (Hackers). Oo ah kooxaha jabsada aaladaha kala duwan ee elegtarooniga ah. Cilmi baadhis cusub oo dunida laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba sagaashan, la jabsado a a l a d a h a k a l a d u w a n e e elegtarooniga ah ee shakhsiyaadku isticmaalaan dunida, kuwaas oo kalmadaha qoraalka ah ee lagu xafito, ee loo yaqaano, (Passwords)-ka si fudud loo jabsado. Qaabkan cusub ayaa qofka u suura galinaya in halkii uu kalmadaha ama nambarada ka gelin jiray, uu ku badalanayo inuu sawir ka qaato qaybta Bu'da ee Ishiisa, habkaas oo u noqonaya mid uu ku xafito.

Magaalada Sydney Oo Laga Joojiyay Tareen Ay Caan Ku Ahayd

D hakhtar u dhashay dalka Maraykanka ayaa nin u dhashay

dalka Vietnam, u soo celiyay qalfoofka gacan laga jaray, shan iyo

sodon sanadood ka hor, wakhtigaas oo uu ninkan reer Vietnam oo 73-jir ahi, ka tirsanaa dagaal yahanadii ka soo hor jeeday Maraykanka.

Dhakhtarkan oo lagu magacaabo, Sam Oxlerad oo 74-jir waxa uu maalintii shalay, gaadhay magaalo ku taala badhtamaha buuraleyda dalka

Vietnam oo uu degan yahay, Nguyen Quang Hong, kaas oo uu gacanta ka gooyay shan iyo sodon sanadood ka hor. Dhakhtarkan oo ka hadlayay xaflad si wayn loogu soo dhaweeyay, ayuu ku sheegay, in ninkaas oo wiil yar oo dhalinyaro ah, ay khasab ku noqotay in gacantaas laga jaro, wakhtigaas, taas oo khasab ay ku noqotay, sababtoo ah lama heli karayn meel kale oo la geeyo, oo lagu daweeyo, waxaana lagama maarmaan noqotay in la jaro gacanta. Ninkan reer Vietnam oo laga gooyay gacanta mar uu si xun ugu dhaawacmay, dagaal dhex maray dagaal yanadii reer Vietnam, waxaanu sheegay in uu aad ula yaabay markii uu maqlay in qalfoofkii gacantiisa loo keenayo, hasa yeeshee uu caadi ku soo noqday markii uu arkay in dhakhtarkii ka gooyay ee xanaaneeyay uu isaga laftiisu dib ugu soo celiyay.

Dhakhtar Maraykan Ah Oo 35-Sanadood Ka Dib Dagaal Yahan Reer Vietnam Ah U Soo Celiyay Qalfoofka Gacan Laga Gooyay

Vol:4 Tirsiga 839 – Salaasa, July 02, 2013 - Shacbaan 23, 1434 (H) 7.

Hargeysa, July 02, 2013 (Saxafi) - Shir ay ka qaybgaleen shirikadaha Isgaadhsiinta ka hawl-gasha Soomaaliya, wafdi ka socda dawladda Soomaaliya iyo xubno ka socda hay’adda Isgaadhsiinta adduunka ee ITU iyo GSMA ayaa s h a l a y l a g u s o o gabagabeeyey xarunta isgaadhsiinta ee dalka isku-tagga Imaaraadka

Carabta. Waa shirkii lixaad oo ay isugu y i m a a d a a n s h i r k a d a h a isgaadhsiinta Soomaalida ah iyo dawladda iyadoo ujeedku yahay in sharci loo dajiyo ku dhaqanka isgaadhsiinta oo aan sharci la hayn tan iyo intii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Waxayna shirkoodii ugu dambeeyay ku dhex maray magaalada Mudisho. Prof. Maxamed Ibrahim oo ah qabanqaabiyaha shirkaas ayaa ku dooday in ujeedadu ay tahay sharci loo sameeyo wixii la isku odhan jiray Soomaaliya oo uu u arko dal kali ah. wuxuuna ka codsaday ka qaybgalayaasha inay fikirkooda ku

darsadaan sharcigan dhawaan la hor-dhigi doono baarlmaanka Soomaaliya si loo ansixiyo. Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaadhsiinta Soomaaliya, C/laahi Ciilmooge Xirsi oo u waramayay Hiiraan Online (HOL) ayaa ku a m m a a n a y s h a r i k a d a h a isgaadhsi inta Soomaal iyeed h o r u m a r k a a y k u

tallaabsadeen. “Horumar weyn ayay sharkadaha Iigaadhsiinta gaadheen, laakin sharci kala haga oo aan jirin daraadeed waxaa dhacday in si xun loo isticmaalay waxa loo yaqaana “SPECTRUM MANAGEMENT” oo ah sharci u d a j i n t a m a a m u lk a ( Ra d i o frequency) ama mowjadaha idaacadaha. Sharci loo dajiyo Isgaadhsiinta wuxuu daryeelayaa d a n a h a i s t i c m a a l a y a a s h a (Customers) iyo sharikadaha isgaadhsiinta, dowladduna waa in u dhexeeysaa labadaba. Qorshaha dawladdana ma ah inay faraha la gesho isgaadhsiinta,” ayuu yidhi Ciilmooge.

Shir Sharci Loogu Samaynayo Shirkadaha

Isgaadhsiinta Soomaalida Oo Lagu Qabtay Imaaraadka

Muqdisho, Somalia, July 02, 2013, (Saxafi) - Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa Xubnihii Magaalada Cadaado ka soo kaxeeyay Sheekh Xasan Daahir Aweys si xun loogu garaacay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sidii ay wax u dhaceen iyo dhibaatada soo gaadhay. Waxaa Indhacadde uu sheegay in wixii dhacay ay aheyd wax aad u fool xumaa laguna tuntay sharafta dad badan oo isugu jira Saraakiil, xildhibaano iyo Odayaal lana bahdilay magaca Dawladnimo Isagoo sheegay in dad aan Dawlidnimo wax ka oqoon ay si xun ula dhaqmeen. Jen.Yuusuf Indhacadde waxa uu sheegay in si xun loo jidh dilay xubno isagu uu ku jiro qaar ka mid ah Dadka la jidh dilayna dalkaba laga dhoofiyay si loo soo daweeyo. “Dhaawacyada jidhkayga ku yaala haddii aan idin tuso oo aan iska siibo shaadhka iyo Surwaalka waad ka naxeysaan waxa korkayga ku yaala laakiin ma doonayo in aan idin

calool xumeeyo, waxaan ahay Jenaraal Soomaaliyeed oo Dulqaad leh, waxaanan ka dhashay Beelweyn oo la wada yaqaan waanan aarsan doonaa wixii igu dhacay” ayuu yidhi Sheekh Indhacadde oo marka uu hadalka jeedinayay cadho xoogan ka muuqatay. Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa xusay in iyagu markii hore Dowlada Soomaaliya u dirtay Magaalada Cadaado si Sheekh Xasan Daahir Muqdisho loo keeno Xamar, markii ay Magaalada yimaadeena balantii looga baxay si xuna loogu xadgudbay oo loo jidh dilay dad uu isagu ku jiray. Waxaa kaloo intaa ku daray Sheekh Indhacadde in Madaxtooyada Soomaaliya la geeyay si xuna loola dhaqmay markii ay Madaxtooyada tageen isagoosheegay in sadex mar marba meel la fadhiisinayay hadana laga istaajinayay si aan qiimo iyo masuuliyad xumbaarsaneyna loola dhaqmay. dhinaca kale, waxa ka muuqda

odayaashii iyo saraakiishii Xasan Daahir Aweys keenay Muqdisho dhaawacyadii loo geystay waxaana garaacay ciidamada Nabad sugida ka dib markii ay diideen iney Xasan Daahir iyaga ku wareejiyaan iskana tagaan waxayna odayadu ku andacoodeen in balanta ay wada galeen dowlada ee Xasan Daahir lagu Keenay Muqdisho aysan sidaas aheyn. Qaar ka mid ah odayaashan iyo saraakiishan ayaa weli la jiifa dhaawacyada iyo nabarada ka soo gaadhay jidh dilka loo geystay oo illaa hadda dowladu aanay wax cudurdaar ah ka bixin. Dhinaca kale, waxa manta Muqdisho ka dhacay Mudaharaad ay abaabushay Beesha Sheekh Xasan Daahir Aweys, taasoo samaysay isu soo bax, balse Ciidamadda dawladda ayaa Rasaas kala hortagay oo kala dareeriyay, iyadoo wali la maqlayo rasaasta dhawaqeeda.

Indhacade Oo Shaaciyay Inuu Ka Aarsanayo Dawladda Somalia

Vol:4 Tirsiga 839 – Salaasa, July 02, 2013 - Shacbaan 23, 1434 (H) 8.

Waxaad kala soo xidhiidhaa xarunta Hargeysa ee Wargeyska Saxafi: Tell: 4411077, 4410173, 4489033, 4413239 ama email: [email protected]

Maamulka Shirkadda Jubba Airways waxay macaamiishooda ogeysiinayaan jawdalka Duulimaadyadeeda toddobaad oo noqonaya sidan:

Wixii faahfaahin dheeraada kala xidhiidha xafiiska guud ee shirkadda Jubba Airways ee Hargeysa: Tell: 524022 ama 4219999

Salaasa Nairobi Berbera Mogadishu Berbera Bossaso Berbera Galkaio Berbera Jimce Nairobi Berbera Mogadishu Berbera Bossaso Berbera Galkaio Berbera Sabti Dubai Berbera Galkaio Berbera Arbaca Dubai Berbera Galkaio Berbera Jimce Djibouti Hargeysa Hargeysa Mogadishu Isniin Djibouti Hargeysa Sabti Jeddah Hargeysa Isniin Hargeysa Mogadishu Hargeysa Galkaio Hargeysa Bossaso Mogadishu Hargeysa

Salaasa Berbera Dubai Berbera Djibouti Berbera Galkaio Jimce Berbera Dubai Berbera Djibouti Berbera Bossaso Berbera Galkaio Sabti Berbera Djibouti Berbera Mogadishu Berbera Nairobi Berbera Bossaso Berbera Galkaio Arbaca Berbera Djibouti Berbera Mogadishu Berbera Nairobi Berbera Bossaso Berbera Galkaio Jimce Mogadishu Hargeysa Hargeysa Djibouti Hargeysa Jeddah Sabti Hargeysa Djibouti Hargeysa Mogadishu

African Express Airways kala xidhiidh: Gas Travel Agency, Hargeysa/Somaliland, Tel: +252-2-523646, Fax:+252-2-300064; Email: [email protected] ama booqo Website: www.africanexpress.co.ke

African Express Airways OGEYSIIS

Maamulka Shirkadda Diyaaradaha ee African Express Airways waxay macaamiishooda ogeysiinayaan Duulimaadyo cusub oo laguugu kordhiyay duulimaadyada African Express Airways laga bilaabo 17-ka May 2012, kaas oo ah sidan:

Axad Berbera—Sharjah Berbera—Mogadishu-Nairobi—Kampala

Isniin Berbera—Mogadishu—Nairobi—Kampala

Salaasa Berbera—Dubai Berbera—Mukala

Arbaca Berbera—Mogadishu—Nairobi—Kampala

Khamiis Berbera—Dubai

Jimce Berbera—Mogadishu Berbera—Boosaaso—Gaalkacayo