24
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016 Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 1

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

  • Upload
    others

  • View
    8

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 1

Page 2: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 2

HERER (ISSN 1929-1272) is an independent literary, cultural, political, and social Journal in Somali.

It is printed monthly, both, in Ottawa (Canada) and Hargeisa (Somaliland)

Copyright © 2012

by

All rights

reserved. This

publication or parts of it may

not be reproduced, stored, or

transmitted in any way without

prior permission

from the

Editor.

ISSN 1929-1272

Published by

HAL-AQOON PUBLISHERS.

Qoraallada dhammaan

waxa lagu soo

hagaajinayaa:

HERER

Buulo-Barwaaqo

Xaafadda Koodbuur

Hargeysa, S/layn

Ama

HERER

861 Karsh Drive

Ottawa, Ontario

K1G 4T9

C A N A D A

Tel. (613) 247-0459

Soomaalilaand

Tel: 252-63-479-2393

E-mail:

[email protected]

Or

[email protected]

GOLAHA QURAARRADA

EDITORIAL BOARD

Quraarka Guud

(Editor-in-Chief )

Cabdiraxmaan C. Faarax

“Guri Barwaaqo”

Xayeysiiska iyo suuqgenta

(Advertising & Marketing)

Maxamed Cabdiraxmaan

Guuleed M. Yuusuf

Xoghaye ( Secretary )

Kawsar M. Faarax

Associate Editors

Xasan Cabdi Madar

Sahra-Kiin Cabdiraxmaan

Maxamed Caddaani

Muna Axmed Cumar

Axmed Aw Geeddi

Khaalid Jaamac Qodax

Xamda M. Xuseen

Hal-shaxanka (Graphics)

Herer graphics

Golaha Talabixinta (Advisory Committee)

Dr. Georgi Kapchits

Dr. Maxamed Nuux Cali

Dr. Jamaal Cabdi Gaboobe

Dr. Keenadiid Cali Xasan

Page 3: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 3

Buugga Mahadho waxaad ka helikartaan Hargeisa Redsea

Bookshop iyo oo ku yaal Hudheelka Oriental ka hoostiisa

iyo Personal Computer oo ku yaal ka soo horjeedka garoonka

kubbadda Koleyga ee Timacadde.

Page 4: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 4

Tusmo

Ereyga Quraarka .................................................................................................................................................... 5

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin ........................................................................................... 6

Hordhac: .................................................................................................................................. 6

Waxyaabaha ay Soomaalilayn iyo Soomaaliya ku kala duwan yihiin .................................... 6

Tixraac ........................................................................................................................................................................................... 14

Ha Illoobin Sooyaalka Fartaada .............................................................................................................................. 18

1. Aabbo wiilkiisii warqaad u diraya ..................................................................................... 18

2. Warcelintii wiilka .............................................................................................................. 21

3. Dhanka maahmaahaha: ...................................................................................................... 22

Page 5: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 5

Ereyga Quraarka

Wargeysyo tiro badan baa dalka ka soo baxa. Intooda

badani waxay awooddooda saaraan dhanka siyaasadda.

Waxaanad mooddaa wargeysyada maalin laha ah inuu

qof wada qoro. Taasi ayaa dad badan oo aan xiisayn

siyaasadda ku riddey niyad jab weyn. Si taasi

looga baxo ayaan ku dadaalley bal in la

helo warside aan weyneyn (bogag

badnayn) hayeeshe ah mid mac oo

xambaarsan aqoon korodhsi ku

saabsan dad, diin, iyo dalba.

Waxaannu haddaba tirsi kasta ku

soo qaadan hal ama laba mawduuc oo aannu u aragno inay

dadweynaha xiiso gelindoonaan aqoontoodana kor u qaadi

doonaan. Sidaasi awgeed, waxaanu tirsigan si kooban ugaga hadli

doonnaa laba qoraal oo uu mid kooban yahay filaynana in wax

badan laga taransan doono.

HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada

Afeef:

Xubnaha Golaha Quraarrada Warsidaha HERER marna daanyaqaad uma aha, loomana aanayn karo,

aragtiyaha maansooyinka iyo qoraallada ku soobaxa warsidahan. Aragtiyaahaasi waxay kolkasta gaar u

yihiin hal-abuurrada iyo qorayaasha soo gudbiya qoraalladooda si ay dadweynaha ugu soo bandhigaan.

Waxaanuse daw u leennahay inaannu quraarro ereyada, gaar ahaan kuwa qoraallada, annaga oon

waxba ka beddelidoonin ujeeddada ereyga ama qoraalkaba, soona gaabinno qoraallada sabada oo nagu

yar awgeed. Wixii qoraallo ah ee xambaarsan af lagaaddo ama wax ka baxsan asawda iyo anshaxa

toona ma soo saaridoonno, mana u celin doonno ciddii soo gudbisey.

Page 6: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 6

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin

w/q Samatar Faahiye Cali, Hargeysa Soomaalilayn

Hordhac:

Qoraal uu ladhkiisu ahaa kolka la turjumo 'Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya'

oo uu qoray Cabdi Axmed kuna soo baxay degelka www.wardheernews.com bishan Mey

5dii, 2016ka oo uu ku diiddanaa warbixin uu bixiyey weriyaha idaacadda layska arko ee

CNN-ta, lana yidhaa Anderson Cooper ayaan filayaa inuu mudan yahay in wax laga

yidhaa. Run ahaantii, kolka la eego ama la tixgeliyo xilliga kooban ee uu weriyuhu dalka

joogey, anigu qof ahaan waan ku raacsanahay hadalkaasi uu yidhi. Taariikh ahaan waxay

ahaayeen laba dal oo laba gumeysi ku kala jiray. Midhkaasina maaha mid uu qoraha

qoraalku diidi karo. Anderson Cooperna inuu midhkaa yidha wuu ku hagaagsanaa.

Hayeeshee, waxaa jira waxyaabo badan oo qoraha iyo weriyuhuba mooggan yihiin oo ay

Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya oo aan rabo inay akhristayaashu ila

wadaagaan.

Waxyaabaha ay Soomaalilayn iyo Soomaaliya ku kala duwan yihiin

Aan ku bilaabee, arrinta uu Anderson Cooper muddo yar ku ogaaday, hayeeshee, Cabdi

Axmed aanu ogayn, demmanaanshana ay ka tahay ama is diidsiis, baa ah inaanu Xasan

Sh. Maxamed, Madaxweynaha Soomaaliya, ka talin Soomaalilayn oo sawir uu leeyahay,

haddii siraad lagu doono, amaba dawo loogu baahdo, xafiisyada iyo guryaha

Soomaalilayn laga soo heleyn.

Arrinta xusidda mudan baa ah inaanu Anderson Cooper dal-ku-gal ka qaadan safaarad ay

Soomaaliya leedahay ee uu toos u tegey Soomaalilayn. Gegida diyaaradaha ee Cigaal

Page 7: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 7

International Airport-na uu ka qaatay dal-ku-galkii uu u baahnaa, taasina waa caddayn kale

oo Anderson Cooper u caddaysay in Soomaalilayn ka geddisan tahay Soomaaliya.

Haddii aan ka hadalno dhanka calammada ay kala leeyihiin labada dal baa waxaad

dareemaysaa ama si aan madmadow ku jirin aad u arkaysaa inay Soomaalilayn leedahay

calan ka duwan ka Soomaaliya. Calanka Soomaalilayn, sida sawirka bogga 2aad ka

muuqata, wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo kala ah: Cagaar, caddaan iyo casaan.

Cagaarka dhexdiisa waxaa ku qoran Tawxiidka oo ah

. Caddaanka dhexdiisana waxaa ku

sawiran xiddig shan-gees ah oo madow oo tilmaan u

ah in aragtidii Soomaaliweyn ay shiiqday, tahayna

aragti laga koray.

Casaanku wuxuu astaan u yahay dhiiggii loo huray halgankii dib loogu hantiyay

madaxbannaanidii Soomaalilayn.

Calanka Soomaalilayn waa calanka labaad ee adduunka jira ee dhib kasta oo dhacda

aan hoos loo dhigi karin.1

Halka calanka Soomaaliya uu yahay mid midabka badda oo kale

leh, dhexdana ku leh xiddig cad oo shan-gees ah sida ka muuqata

sawirka dhanka bidix ku yaal. Sidaasi ayey haddaba, sidii uu

Anderson Cooper sheegay ay, Soomaalilayn uga duwan tahay

Soomaaliya.

Soomaalilayn xeerarka way dejin taqaan, in lagu dhaqmase la ma jecla oo waa lagu

cadanyoodaa. Tusaale ahaan, qodobka lixaad ee dastuurka dalku wuxuu dhigayaa in luqadda

rasmiga ahi tahay afka hooyo.

1 Calanka kale waa ka Sacuudi Areebiya

Calanka Soomaalilayn

Calanka Soomaaliya

Page 8: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 8

Hase yeeshee, baabuurta dawladdu waxay sidataa lambar ku qoran afaf qalaad sida ka

muuqata sawirkan dhanka midig ku yaal.

Dawladda oo gar iyo gardarraba la taageeraa waxay ka

mid tahay waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay

Soomaaliya. Xeerkaasi kor ku xusan kolkii ay dawladdu

ku tumatay cidi kama hor iman.

Dadku dhankooda way ka hawl yaraysteen. Goobaha

ganacsiyada oo dhanna waxaa loo yeelay magacyo

shisheeye sida ku cad sawirka hoos ka muuqda.

Inkasta oo ay magacyada goobaha ganacsatadu afaf

qalaad ku kala qoran yihiin, haddana haddii aad

maalin dhan magaalada wareegto ma dhici karto in

aad la kulanto qof qudha oo shisheeye ah. Waxaana

markaa maskaxdaada ku soo degdegeysa inaad

isweydiiso cidda loogu talagalay magacyadaas!!

Dhinaca baabuurta laga wado ayaa ka mid ah

waxyaalaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay

Soomaaliya. Sida aanay Cabdi Axmed iyo Anderson

Cooper ka warqabin

baabuurta Hargeysa joogtaa shookaanta dhinaca midig ayey ku leeyihiin, waddadana dhanka

bidix ayaa la maraa. Halka Soomaaliya ay baabuurta iyo haadka la maraaba ay is leeyihiin.

Aan idin xasuusiyee, xeerkaa kor ku xusan waxaa loogu dhaqmaa: la jiifiyaa bannaan, la

joojiyaana bannaan. Madaxweynaha iyo dawladdiisu dhankay doonaan ayey jidadka,

sida carsaanyada, u maraan. Waxaa midhkaa marag cad u ah in kolkii uu dhowaan

Madaxweyne Axmed Siiraanyo ka soo laabtay dalka UAE, ay asaga iyo wafdigiisii,

waddada dhanka kale u soo mareen sida ku cad sawirka dhanka midig ka muuqda. Sidaasi

Baabuur ka mid ah

baabuurta dawladda S/Layn

oo sita lamabar sidan u

qoran: GT 1754 ٤٥٧١

Hargeysa

Ka soo horjeedka Cajabkii Hore

Page 9: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 9

awgeed qalajireennadu iskuma hawlaan inay cidna ku ganaaxaan. Waayo qof kastaa mar-

marsiiyo dhab ah ayuu haystaa.

Arrinta kale ee aanay Cooper iyo Cabdi Axmed

midkoodna ogayn ee ay labada dal ku kala duwan yihiin

baa ah inay Soomaalilayn leedahay laba gole oo kala ah:

Golaha Guurtida iyo Golaha Xildhibaannada. Golaha

Xildhibaannada shantii sannadoodba in hal mar la soo

doorto ayaa qoran, hayeeshee, tobankii gu’ ee la soo

dhaafay sidii ayey isaga fadhiyaan. Cid ku haysataana ma

jirto. Golaha kale sida magaciisu tilmaamayo waxay ahayd

in xubnihiisu ahaadaan duqay waayo arag ah oo laga soo

xulay beelaha reer Soomaalilayn. Golahaasi

wuxuu isu rogay mid la kala dhaxlo oo haddii xubin ka mid ahi geeriyooto, qoyska

marxuunka cid ka tirsan, wiil iyo gabadh kuu doono ha noqdee, lagu beddelo. Sida la ii

sheegayna, xubnaha golahaasi waxay hadda u badan yihiin dad aad u da’yar. Waxaana

imminka loo yaqaan Golaha Dhalinta!!

Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan

tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo ammaan ah oo aad maguujisaa wasiirnimo inay kuu

gooyaan baa xabka ah. Dhawr kale, oo dab iyo naar ka kulul, oo aad mucaaridka gadhka u

gelisaa iyana waa tab kale oo wasiirnimo lagu hantay. Boolo xooftada iyo hanjabaadda

dawladda lagu asqeeyo qudheedu way kuu goyn karaan jago aan taa hore ka liidan. Toban

ilaa shan-iyo-labaatan tukhaan (baabuur yaryar oo la kiraysto) oo aad sawirkaaga dhag

intaad ku siiso is daba gelisaa kaaga darimayso. Haddii aad sawirka hoostiisa ku bisho in

ugaaskii reer Qansax ama kii reer Qudhac laguu caleemasaarayna, waxaa hubaal ah in dhawr

beri kaddib uu wasiirka loo yaqaan ‘Wasiirka dirani’ uu kula soo xidhiidhi doono kuna

ogeysiin doono in misgeedkii hasheenni Maandeeq uu kuu caanageliyey, xooxdana aad

dhawaan adiga iyo reerkuba ka dhergi doontaan!!

Madaxweynaha iyo wafdigii uu horkacayey oo waddada dhanka kale u soo maray

Page 10: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 10

Waxyaabaha aanay Anderson Cooper iyo Cabdi Axmed aqoon ee ay labada dal, waa

Soomaalilayn iyo Soomaaliya eh, ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah in halka ay

Soomaaliya ka joogaan ciidammada AMISOM, ay Soomaalilayn ka joogaan ciidammada NGO-

yadu.

Arrinta xiisaha leh ee ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya ayaa iyana ah inay reer

Soomaalilayn u af duuban yihiin nabadda, halka Soomaaliya sidii la doono laysu qarxiyo.

Madaxda iyo ganacsatada ayaa heshiis u ah inay dadka iyo dalkaba boobaan. Haddii la ogaado

jiritaanka dad is leh arrintaa wax ka qabta waxa lagu khuukhiyaa inaan nabadda la dhaawicin oo

aan laga hadal wixii arrintaa waxyeello u geysanaaya.

Dadka aqoonta leh inaan wax loo diran oo ay aqoondarradu sarraysaa ama na biyadhigtaa, iyana

waa arrin kale oo aan is leeyahay Soomaalilayn way kaga duwan tahay Soomaaliya. Tusaale

ahaan, laba beri ka hor baan racay jalahay. Wuxuu rabay inuu soo iibsado dawo dhakhtar u soo

qoray. Farmasigii aanu tagnay buu inankii joogay noo sheegay in labada dawo ee warqadda ku

qoran uu mid ahaan hayo. Jalahay inta uu yaabay buu yarkii farmasiga hayey ku yidhi, “Adeer

iska daa meel baan ka wada iibsanne.” Markii aannu ka soo baxnay farmasigii, waxaan ogaaday

in yarku uu akhriyi kariwaayey saxeexii dhakhtarkii dawada qoray oo uu mooday dawo labaad.

Farmasi kale ayaannu tagnay. Kan dambe isaga haweenay baa haysey. Kolkii ay warqaddii

akhriday waxay noo sheegtay in dhakhtarka fartiisu ay aad u xuntahay oo aanay akhri karayn

wixii meesha ku qornaa, loona baahan yahay in dhakhtar far wanaagsan loo geeyo oo dib loo

soo qoro magaca dawada!

Jirid la’aanta adeegga diiwaan gelinta hanti maskaxeeddu wuxuu isna ka mid yahay, baan u

malayn, waxayaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Toddobaadkii hore buu

nin aan saaxiib nahay tegey Maxkamadda si uu u soo diiwaangashado hanti maskaxeed

(Intellectual Propery) uu isagu iska lahaa. Xafiiskii u horreeyey ee uu galay waxa fadhiyey buu

yidhi saddex dumar ah. Bariido wacan kaddib wuxuu codsaday in loo tilmaamo xafiiska laga

diiwaan geliyo hanti maskaxeedda. Illayn aqoondarradu waa balaayee, gabdhihii mid ka mid ah

Page 11: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 11

ayaa iigu jawaabtay buu yidhi, “ Samada iyo aradku halka ay ku kulmaan baa laga

diiwaangeliyaa!!”

Doorashooyinka iyo geeddi socodka dimuqraaddiyadda ayaa iyana ah arrimaha ay

Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Tusaale ahaan, 25kii gu’ ee ugu dambeeyey

Soomaalilayn dhawr doorasho ayaa ka dhacay. Kuwaasi oo lagu soo doortay madaxweynayaal

si nabad ah xilkii ula kala wareegey. Halka Soomaaliya aanay haba yaraatee midna ka dhicin.

Arrinta kale ee xiisaha leh baa ah inaan beelaha reer Soomaalilayn cidina u soo gurman oo aan

la heshiisiin. Hayeeshee, sida laga wada warqabo waxaa Soomaaliya loo qabtay 13 shirweyne

oo la rabay in dib loogu heshiisiiyo. Dadaalladaasi oo dhammina waxay noqdeen hal bacaad

lagu lisay. Ilaa haddana arrinkoodu sidii buu u laalan yahay.

Arrin aan laga tegi karin oo ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya baa isna xus innaga

mudan. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siiraanyo’ wuxuu kursiga ku yimid cod

dadweyne, halka uu Madaxweyne Xasan Sh. Maxamed uu isagu ku yimid cod hab gacan-ku-

rimis ah oo aan weligeed meel laga adeegsaday la aqoon, lana arag.

Lacagayawga laga kala adeegsan jirey

Soomaalilayn iyo Soomaaliya, iyo kuwa

hadda laga kala adeegsado qudhooda ayaa

marag u ah kala duwanaanshaha labada dal.

Soomaalilayn waxaa waagii gumeysiga laga

adeegsan jirey lacagta muuqaalkeedu uu

dhanka bidix ka muuqdo.

Lacagtii Soomaalilayn laga

adeegsan jirey 60kii ka hor

Page 12: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 12

Halka Soomaaliya laga adeegsan jirey tu taa ka duwan oo iyana muuqaalkeedu uu ahaa sida

dhanka midig ka muuqda.

Maantadan aan joogno Soomaalilayn waxa laga adeegsadaa lacag la yidhaa Somaliland

Shilling, sawirradeedana hoos ka fiiri.

Halka Soomaaliya maanta laga adeegsado lacagta loo yaqaan Somali Shilling sida ay

sawirradan hoose tilmaamayaan:

Page 13: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 13

Labada astaamood ee labada dal baa ah markhaati cad oo tilmaamaya kala duwanaanshaha

labada dal .

Astaanta Soomaalilayn

Astaanta Soomaaliya

Darajooyinka ciidanka Soomaalilayn iyo kuwa Soomaaliya ayaa ayana marag u ah kala

duwanaanshaha labada dal sida ka muuqata sawirradan soo socda.

Gaashaanle G/le dhexe G/le sare

Darajada Ciidanka Qaranka

Soomaalilayn

Darajada Ciidanka Qaranka

Soomaaliya

Page 14: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 14

Runtii sida aan kor ku soo taxay ka geyoon mayno waxyaabaha ay Soomaalilayn iyo

Soomaaliya ku kala geddisan yihiin. Dhanka afka qudhiisa haddii aan ka eegno, in kasta

oo ay dadku Soomaali wada yihiin, lahjadaha lagaga hadlo Soomaaliya ayaa ka badan

kuwa lagaga hadlo Soomaalilayn. Halka Soomaalilayn lagaga hadlo lahjadda la yidhaa

Maxaad Tidhi oo qudha, Soomaaliya waxaa lagaga hadlaa, taa hore ka sokow, kuwa kala

ah: Dabarre, Tunni, Garre, Af maay, Banaadiri iyo qaar kaloo badan.

Ugu dambayntii qoraalkan oo aan kaga falceliyey kii uu cinwaankiisu ahaa:

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya ee uu qoray Cabdi Axmed kuna soo baxay

mareegta www.wardheernews.com waxaan ku sheegay sida uu hadalkaasi dhab u yahay.

Waxaanan tilmaamay ama taxay dhawr qodob oo marag u ah hadalkaasi isaga ah.

Haddii aan wax idinka xasuusiyo waxaan sheegay inaanu Madaxweyne Xasan Sh.

Maxamed ka talin Soomaalilayn. Aniga weliba sheegay sifaha uu kursiga ku fuulay oo ah

hab gacan-ku-rimis ah, halka Madaxweyne Axmed Maxamed ‘Siiraanyo’ uu ku soo

baxay doorasho dadweyne. Waxaa kale oo aan tilmaamay sida ay labada dal u kala

leeyihiin laba calan oo kala duwan, loona adeegsado laba lacagayow oo kala goonniya.

Waxaa kale oo aan xusay in 25kii sanno ee u dambeeyey ay Soomaalilayn ka dhaceen

dhawr doorasho oo madax bannaani, halka aanay Soomaaliya mid qudhihina ka dhicin.

Waxaa kale oo aan soo sheegay in haddii AMISOM ay ka amarkutaaglayso Soomaaliya

ay NGO-yaduna Soomaalilayn ka cagajugleeyaan iyo qaar kaloo badan. Sidaasi awgeed

waxaan leeyahay hawraartii ahayd: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya waa

midh dhab ah oo aan indhaha laga lalin karin.

Tixraac 1. http://www.wardheernews.com/somaliland-is-a-different-country-from-somalia-cnn-anderson-cooper/

By Abdi Ahmed, May 5, 2016 2. http://www.somalbanca.org/currency.html

3. https://en.wikipedia.org/wiki/Somali_shilling

Page 15: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 15

4. https://en.wikipedia.org/wiki/East_African_shilling#/media/File:1925_East_African_1_Shilling_coin_

obverse.jpg

5. https://www.google.so/search?q=Somaliland+national+army+ranks&oq= S&aqs=chrome.3. 69i60j69i

59l3j69i61j69i60.10996j0j7&sourceid=chrome&ie=UTF-8

6. https://www.google.so/webhp?sourceid=chrome-instant&ion=1&espv=2&ie=UTF-

8#q=somaliland%20national%20emblem

7. https://www.google.so/webhp?sourceid=chrome-instant&ion=1&espv=2&ie=UTF-

8#q=somaliland+national+flag

8.https://www.google.so/search?q=somali+national+army+ranks&espv=2&biw=1366&bih=667&tbm=isch&imgil=

qFeEp7YojOsXMM%253A%253BFTPmfgMDVmGnLM%253Bhttps%25253A%25252F%25252Fen.wikipedia

.org%25252Fwiki%25252FNavy_of_Somalia&source=iu&pf=m&fir=qFeEp7YojOsXMM%253A%252CFTPm

fgMDVmGnLM%252C_&usg=__cVIPy-

lKVBpizfiJOdhZSA71ZAk%3D&ved=0ahUKEwi9yMPpyN_MAhUDOxoKHaYzAdYQyjcINA&ei=nT86V_2

FHoP2aKbnhLAN#imgrc=qFeEp7YojOsXMM%3A

Page 16: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 16

Hayaan baa lagu tashaday

Higsigu waa meel qudhoo

Hir doog laa loo socdaa

Hayaanka qofkii hadhow

Abaar baa kuu hantiya

Aqoon baa lagu hodmaa

Haleelo ad soo dhacdaa

Hamuunta ma kaa tirtee

Hayaanka ha baal marine

Hareerta war hooy ka raac!!

Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Guri Barwaaqo’

HAYAAN

Page 17: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 17

Buug dood xiiso badan ka dhex aloosay bulshada iyo aqoonyahaynnada

Soomaaliyeed.

Haddii aad danaynayso waxaad ka heleysaa oo aad ka

iibsan kartaa Redsea Bookshop oo ku yaal Oriental

Hotel

Warsidaha HERER

Page 18: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 18

Ha Illoobin Sooyaalka Fartaada2

Fartan hoos ku qoran ciddii dejisey, xilligii la dejiyey iyo sooyaalkii qoraalka af Soomaaligaba

waxaad ka heli buugga ladhkiisu yahay Far Tasawdey oo dhowaan soo bixidoona. Waxaa isugu

kiin soo dubbaridey Cabdiraxaam Cabdillaahi Faarax ‘Guri Barwaaqo’.

1. Aabbo wiilkiisii warqaad u diraya

*Haddii aad akhriyi kariweydo bogga kale ka akhri iyada oo fartan lagu haltebiyey

2 Cerulli, Enrico. 1964. Somalia III - La poesia dei somali, la tribù somala, lingua somala in caratteri arabi ed altri saggi

Ha illoobin Sooyaalka Fartaada

Page 19: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 19

Hargeysa Ku: Cadan 24kii Soon, 1351

Inankaygii barakada lahaa Maxamed Warsame Habar Awal Eebbahay wax xun

ha kaa hayo -Aammiin. Intaa waxaa ii raaca - Aabbo waannu nabad qabnaa.

Sidaa li ajligeed Eebbahay hay diin yeelo. Haatan, waxaaad naga

maqnayd sagaal bilood. Intaa iyo intaa jawaab kaamaanaan helin.

Annagu waxaan-nu kuu soo dirray shan waraaqood, inaad heshay iyo

in kale Eebbahay ayaa og. Aabbo waxaa la yidhi; fule xantii ma

mooga. Haatan, inaanu wax kaaga baahannay waad og tahay. Salaad

walba dabadeed waan kuu soo duceeyaa. Sidaa iyo nabad.

Aabbahaa

Warsame Cali

Ha illoobin Sooyaalka Fartaada

Page 20: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 20

Waa buug qof kasta oo jecel sheekooyinka mala awaaka ahi uu

akhriskiisa u baahan yahay. Meel kasta oo buugaagta

lagu iibshana waad ka heleysaa

Ha illoobin Sooyaalka Fartaada

Page 21: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 21

2. Warcelintii wiilka

(Warcelin)

Berbera Ku: Hargeysa 30kii Soon, 1351

Aabbahaygii udgoonaa Warsame Cali, Habar Awal, Eebbahay

cimrigiisa ha dheereeyo. Intaa waxaa ii raaca, warqaddaadi isoo

gaadhay. Wixii ku yiil gartay, waana ku farxay. Haatan, waxaan helo

Ha illoobin Sooyaalka Fartaada

Page 22: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 22

iyo waxaan haaban karo bisha dambe ayaan kuu soo diri. Sidaa

caloosha geli iina soo ducee. Inantii ninka Habar Yoonis qabay

hadday timaaddo ha qadinnin haddaynu tolliimo kala damacayno.

Laf walba lafta xigtaa lagu kabaa sidaa u ogaada. (Sidaa iyo nabad

gelyo)

Inan kaagii

Maxamed Warsame

3. Dhanka maahmaahaha:

Af macaan gacan macaan iyaa (ayaa) dhaanta

Biyo meeshii (meel) godan iyey (ayey) isugu tagaan

Intii calooshu buki lahayd cagtu ha bugto

Ha illoobin Sooyaalka Fartaada

Page 23: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 23

Biyo kaa badan iyo col kaa badani way ku hafiyaan

Socod raaxo ma laha, sibraar sahay maaha, doqoni sokeeye maaha

V

* / \

* * * *

Warsidaha HERER Waa warsidihii

u horreeyey ee

jaadkiisa

ah ee

ka

soo baxa woqooyiga

Ameerika & Geeska Afrika

Ha illoobin Sooyaalka Fartaada

Page 24: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar ...Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo

Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016

Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 24

Tel: 1-613- 247-0549, 252-63-479-2393, 252 -953-9966, 252-63-479-6079