24
Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Telesom Magazine Issue 10

Embed Size (px)

DESCRIPTION

Waxa farxad weyn noo ah in aanu idinku soo dhoweyno tirsigii 10aad ee majaladda Telesom Newsletter. Majaladan oo saddexdii biloodba hal mar soo baxda (Quarterly), waxa soo saara Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, gaar ahaan waaxda Suuqgeynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha (Marketing & Public Relations Department).Majaladan waxa aad ka akhrisan kartaan Dhacdooyinka iyo wararka Telesom, Adeegyo cusub oo faa’iido u leh macaamiisha, barnaamijyo caafimaad, Suugaan, Dhaqan iyo barnaamijyo kale oo aqooneed.

Citation preview

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

TUSMO 3 Weedha Tifaftiraha

4 Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Telesom

5 Shirkadda Telesom & Xawaalada Qaran oo si wada-jir ah u daahfuray adeegga QARA/ZAAD

7 Telesom oo Madaxweyne Siilaanyo hab Maqal iyo Muuqaal ah ku xidhiidhisay Badhasaabada Gobolada

8 Dugsigee ku Guulaystay TartanAqooneed kii Bisha Ramadan ee Telesom? 10 Tababarada loo qabtay shaqaalaha Tele som 3-dii bilood ee u danbeeyay

11 Wefti Caalami ah oo Booqday Xarunta Guud ee shirkadda Telesom

12 Maamulka Jaamacadda Hargeysa oo si

Wayn ugu Mahadceliyay Telesom

13 Baro mid ka mid ah hormuudka Shaqaalaha Telesom

14 Warbixin Caalamiya oo Amaantay Adeegga ZAAD (Zaad Services)

19 SEKO SOOC

20 Xanuunada Maskaxeed ee Hooyada Umusha kadib

21 MUUQAALADA HABII TELESOM UGA QAYBQAADATAY OLOLIHII NADAAFADA

TUSMO

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Waxa farxad weyn noo ah in aanu idinku soo dhoweyno tirsigii 10aad ee majaladda Telesom Newsletter. Majaladan oo saddexdii biloodba hal mar soo baxda (Quarterly), waxa soo saara Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, gaar ahaan waaxda Suuqgeynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha (Marketing & Public Relations Department). Majaladan waxa aad ka akhrisan kartaan Dhacdooyinka iyo wararka Telesom, Adeegyo cusub oo faa’iido u leh macaamiisha, barnaamijyo caafimaad, Suugaan, Dhaqan iyo barnaamijyo kale oo aqooneed. Waxa xusid mudan in tirsigan aanu ku soo qaadano maqaal qiimo badan oo ka hadlaya kaalintii ay Telesom ka qaadatay Carwadii Rugta Ganacsiga 2010 iyo dhammaan adeegyadii casriga ahaa ee ay shirkaddu ku soo bandhigtay carwadaas oo uu ka mid ahaa Maqal iyo Muuqaal (Video Conferencing). MAHAD-NAQ: Waxa aanu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa Warda Max’uud Xirsi iyo Haarun Axmed oo kaalin mugleh ka qaatay soo bixista tirsigan. Wixii macluumaad ama qoraalo faa’iido u leh dalka iyo bulshadaba waxa aad noogu soo hagaajisaan xafiisyada Suuqgeynta iyo Xidhiidhka dadweynaha ee Telesom oo ku yaala xarunta dhexe ee shirkadda ama ciwaanka:

Telesom Tower, Bridge Road, Hargeisa Somaliland, Office: +252 2 522168, Email: [email protected] , [email protected].

Mustafe Adam Musa: Tifaftiraha Majalada

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Dhacdooyinka

G uddida Doorashooyinka Qaranka

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 2-

dii August 2010 shahaado sharaf

guddoonsiiyay maareeyaha guud ee Tele-

som, Mudane Cabdikariim Maxamed Iid,

munaasibada guddoonsiinta shahaado

sharaftan oo ka dhacday xarunta dhexe ee

shirkadda Telesom ayaa guddoomiyaha

guddida doorashooyinku Ciise Yusuf Max-

amed (Ciise Xamari) waxa uu ku tilmaamay

in ay shirkadda Telesom ku mutaysatay sha-

haadada hawl fududayntii badnayd ee ay

shirkaddu u samaysay habsami-u-socodkii

doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010,

ka qabsoontay guud ahaan dalka Jamhuuri-

yadda Somaliland.

Telesom waxa ay xilligii doorashooyinka

hawl-yaraysay isgaadhsiinta dhammaan

deegaanadii iyo goboladii ay doorashooy-

inku ka dhacayeen, adeegyadii shirkadda ee

hawlahaas fududeeyay waxa ka mid ahaa:

adeegga Mobile oo ay shirkaddu ka wada

hirgelisay dalka oo dhan, adeegga Internet-

ka oo fududeeyay warbixinihii qoraalka

ahaa ee la isdhaafsanayay iyo adeegga Zaad

oo qayb libaax leh ka qaatay masaariiftii iyo

mushaharaadkii loo kala dirayay hawl-

wadeenadii iyo shaqaalihii doorashooyinka

qaranka.

Sidoo kale, waxa jiray hawlo si gaar ah loogu fududeeyay guddida doorashooyinka oo ah kuwa ay shirkaddu ku mutaysatay shahaado sharafta waxaana ka mid ah: Afarta xarumood ee dhinacyada ka xiga xarunta guddida doorashooyinka oo la kordhiyay awoodii BTS-yada, si aanu u dhi-cin network conjunction, BTS u gaar ah xarunta guud ee guddida doorashooyinka oo lagu rakibay dhismahooda, Dhammaan goobihii ay codbixintu ka dhacaysay ee dalka oo dhan oo lagu diyaariyay adee-

gyada isgaadhsiinta, Internet awood badan oo 1mb point to point ah oo wakhtigii doorashooyinka lagu diyaarinay xarun-tooda dhexe ee doorashooyinka, Xa-rumaha 6-da gobol ee waaweyn iyo xa-runta dhexe ee Hargeysa oo lagu diyaari-yay telefoono u furan gudaha dalka iyo mobilada, Shaqaale ka tirsan Waaxaha shirkadda oo aanu lagu diyaariyay xarunta doorashooyinka wakhtigii diyaargarawga codbixinta, tirinta iyo ku dhawaaqidaba, kuwaas oo heegan ugu jiray wixii cilad ah ama cabasho ah, Dhammaan goob-joogayaashii doorashooyinka, ajaanib iyo muwaadiinba waxa loo qaybiyay sim cards bilaa lacag ah si loogu fududeeyo hawsha ay qaranka u hayaan, Fariimo gaagaban (sms) si joogta ah muwaadiniinta loogu wacyigelinayay qaadashada kaadhka dii-waangelinta iyo ka qaybgalka codbixinta doorashooyinkii madaxtooyada ee ilaahay inagu guuleeyay.

Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Telesom

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

O ctober 2010, Shirkadaha Tele-som iyo Xawilaada Qaran Ex-press, ayaa markii u horreysay

daahfuray adeeg casri ah oo aan dalka hore uga jirin oo xawilaadaha lacagaha dalka dibadiisa loo isticmaalayo tele-foonka gacanta ee Mobilka. Adeeggan cusub oo lagu magacaabo QARAN/ZAAD oo ay si wadajir ah iskaga kaashadeen labada shirkadood ee Telesom iyo Qaran, waxa loo adeeg-sanayaa lacagaha xawilaada ee dalka dibadiisa ama gudihiisa laga dirayo oo si toos ah loogu xawilayo moobilka gacanta. Xaflad ballaadhan oo xadhiga lagaga jaray adeegan cusub oo 9-kii October, 2010 lagu qabtay Huteelka Maansoor

bilkiisa,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Telesom. Mudane, Maxamuud X. Aadan waxa uu sheegay in adeega ZAAD oo muddo laga isticmaalayey dalka gudihiisu uu noqday mid lagu guulaystay oo faa’iido aan la qiyaasi Karin u yeeshay sha-cabka, isagoo waxyaabaha uu soo kordhiyey ka mid yihiin bulshada oo si weyn isugu taageertay. Guddomiye ku-xigeenka Telesom waxa uu ku dhawaaqay in adeeggan cusub ee lacagaha xawilaadda loo is-ticmaalayo moobilku aannu u xidhnayn Telesom iyo Qaran oo keliya, balse uu u furan yahay shirkadaha kale ee xawaaladaha, “Arrintani waa mid dhamaan shirkadaha xawaaladaha oo dhan u furan oo ay ka faa’iidaysan karaan.” Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Xawaaladda QARAN Mudane, Maxa-muud Axmed Liibaan, ayaa isaguna ku tilmaamay adeeggan cusub ee ay fureen uu gebi ahaanba nolosha bul-shada bedelaayo. “QARAN/ZAAD waa adeeg lacagtii di-bada lagaaga soo dirayey moobilkaaga kuugu soo dhacayso adiga oo guri-gaaga ama miyi jooga wax ka yar hal daqiiqo, runtii waa adeeg nolosha

Shirkadda Telesom & Xawaalada Qaran oo si wada-jir ah u daahfuray adeegga QARAN/ZAAD

ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiiro Xukuumadda ka tirsan, Madaxda Xisbiyada Siyaasada, Aqoonyahano, Ganacsato, Madaxd-haqameed, Culimo, Masuuliyiinta Labada Shirkadood iyo Marti sharaf kale. Guddoomiye-ku-xigeenka Shirkada Telesom Mudane, Maxamuud Xaaji Aadan (XADEED) oo ugu horreyn xafladaasi ka hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyey adeegan cusub iyo faa’ii-dadiisa, waxaanu sheegey in adeegan uu ahaa mid Shirkadda Telesom dalka gudihiisa uga hirgalisay, balse iyagoo eegaya danta iyo baahida dadka ay Xawaaladda ee Qaran oo hore laca-gaha u soo xawili jiray ku heshiiyeen inay adeegan casriga ah iska kaasha-daan. “Adeeggan aannu soo kordhinay waxa weeye in xawaaladdii caalamiga ahayd la casriyeeyo oo aad ku dirsan karto ZAAD. Qaabkii xawilaada lacagta ee hore waxa uu ahaa mid shirkaduhu u soo diraan xafiisyadooda, kadibna lala soo hadlo qofka loo soo diray oo uu tago xarunta shirkadda oo waqti qaadan jirtay, laakiin adeeggan QARAN/ZAAD waxa uu si toos ah daqiiqad gudaheed lacagta qofka loo soo diray ugu soo dhacaysaa moo-

Wasiirka Ganancsiga, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Gud. Qaran iyo Gud.ku-xigeenka Telesom oo ka hadlaya Qaran/Zaad

Ka Eeg Bogga 6aad

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Dhacdooyinka

fududaynaya ama dhamaanteed wax ka bede-laya,” Maxamuud Axmed Liibaan. Mudane Liibaan waxa uu ku dooday in shirka-dooda Qaran markii u horaysay iyadu dalka ku soo kordhisay adeega xawilaada lacagta ee Online-ka muddo shan sanno ka hor ah, iminka QARAN waxay mar labaad noqotay shirkadii u horreysay ee bilowda adeega xawaaladda lacagaha ee Moo-bilka. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdiri-saaq Khaliif oo xafladaas ka hadlay, ayaa uga ma-hadnaqay labada shirkadood talaabada ay qaadeen oo uu ku tilmaamay mid aan dunida ho-rumartay adeegsan. Wasiirku waxa uu ku baaqay in aan horumarada iyo adeegyada casriga ah ee shirkadu qaadayaan noqdaan qaar shaqo-abuuris dalka ka sameeya ee aanay noqon kuwo shaqaalaha lagu dhimo. Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cabdirisaaq Ibraa-him, Madaxweyne ku-xigeenkii hore, ahna Gud-

Shirkadda Telesom & Xawaalada Qaran ………..

doomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige iyo Guddoomiyaha Ururka Isgaadhsiinta, kuwaas oo dhamaantood hambalyeeyey adeeggan cusub ee ay soo kordhiyeen Telesom iyo Qaran.

Mas’uuliyiinta Xawaalada Qaran oo ka soo qaybgalay xaflada Qaran/Zaad

S annad walba waxa shirkadda Telesom ugu qalinjabiya Jaamacadaha dalka shaqaale aad u badan, taasina waxa ay cadaynaysaa dedaalka

ay maamulka Telesom ugu jirtaan horumarinta iyo dhiirigelinta shaqaalka shirkadda. Sannadkan 2010 waxa Jaamacadaha Hargeysa, Ad-mas iyo Nugaal ardaydii sannadkan qallinjabisay ka mid ahaa shaqaale Telesom ah oo kala ahaa: 1. Maxamed Ducaale Maxamed Nugaal 2. C/Risaaq Axmed Warsame Nugaal 3. Xuseen Axamed Xaashi Admas 4. Fadxi Abiib Diiriye Admas 5. Axmed Maxamed Muuse Admas 6. Maxamuud Ismaaciil Warsame Admas 7. Badri Cabdi Axmed Admas 8. Khadar Maxamed Dagaal Admas 9. Cumar C/laahi Mubaarik Hargeysa 10.Mustafe Siyaad Yoonis Hargeysa 11.Axmed Sh. Cabdiraxmaan Cali Hargeysa

11 Shaqaale Telesom ah oo ka Qallinjabiyay Jaamacadaha dalka

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Telesom oo Madaxweyne Siilaanyo hab Maqal iyo Muuqaal ah ku xidhiidhisay Badhasaabada Gobolada

O ctober 10, 2010, Shirkadda

Telesom ayaa ku soo ban-

dhigtay Carwada Shanaad ee

wax soo saarka dalka adeeg Isgaadhsi-

ineed oo casri ah, kaas oo si Maqal iyo

Muuqaal ah la iskula xidhiidho (Video

Conferencing).

Adeegan casriga ah ee ay shirkaddu

hirgelisay ayaa u suurtogeliyay Madax-

weynaha Somaliland, Mudane Axmed

Maxamed Siilaanyo in uu si toos ah ula

xidhiidho Badhasaabada Gobolada oo

ku sugan gobolada kala duwan ee dalka,

kuwaas oo Madaxweynaha ay si maqal

iyo muuqaal ah ay u wada xidhiidheen.

Madaxweynaha oo 10-kii October, 2010

xadhiga ka jaray Carwada Ganacsiga

Shirkadaha dalka Somaliland ayaa sa-

laan u gudbiyey badhasaabadii ay sida

tooska ah ay u wada hadlayeen

waxaanu yidhi Madaxweynuhu “Inaynu

hore u talaabsano oo aanu u gudubno

casri iyo wakhti la socda dhinac walba

gaadhno waa mid aanu aad iyo aad ugu

faraxsanahay, waa mid haddii aan Mad-

axweynihii Qaranka ahay aan diyaar u

ahay in aanu qaadno tallaabo kasta oo

dhiirigelinaysa wax soo saarka iyo hal-

abuurka dadweynaha reer Somaliland”.

Adeegan oo ah kii ugu horeyay ee laga

hirgeliyo dalka oo ay soo ban dhigtay

Shirkadda Telesom ayaa sida uu

sheegay Cali Maxamed Saalax (Cajab)

oo ah madax ku xigeenka MPR-ka

faa’iido balaadhan u leh Jaamacadaha,

Dawladda, Ganacsatada, Caafimaadka,

Hay’addaha, kaas oo u suurtogelinaya

in kharash badan oo kaga bixi lahaa

safarida dibadda ay ku madhxistaan,

kuna xidhiidhaan dhamaan shirarka,

seminaarada iyo kulamadda caalamiga

ah iyaga oo si toos ah u

arkaya, iyagana loo arkayo.

Wasiirka Ganacgsiga

Somaliland Md. Cabdiri-

saaq Khaliif Axmed oo isna

halkaasi ka hadlay ayaa

yidhi “Horumarka ganacsi

ee aynu samaynay waxa ka

mid ah horumarka xagga

technology-ga oo ay

maanta halkan inoogu soo

diyaarisay shirkadda is-

gaadhsiinta telefoonada

TELESOM adeeg casriya oo

ah Camera Online ah oo

aynu kala xidhiidhi doono

goboladii dalka oo dhan,

haddii aynu u baahano iyagoo masuuliyi-

intii Qaranka u sareeyeyna ay indhahooda

ku arkeen”.

Carwadan 5aad ee lagu soo bandhigay

wax soo saarka dalka oo socotay 10kii-

16ka October, Mudane 2010 ayaa gabo-

badii shirkadda Telesom la guddoonsiiyay

shahaado 1aad ee madasha xidhitaanka

laga bixiyo, taas oo ka dhigtay Telesom in

ay noqoto shirkaddii 1aad ee carwada ku

soo bandhta adeegyo cusub oo aan hore

dalka looga arag, sida adeegyada:

Maqal iyo Muuqal (Video Conferenc-

ing),

Adeegga ZAAD gudo iyo dibadba

(ZAAD international and local Services)

Dhex-Mushaax (International Roam-

ing)

Moobiladii cadceeda (Solar Mobiles)

Dhambaal (Mysms)

Ii-Cug (CUG)

Aqoon-yahan

Adeegga Caalami

GPRS

Ila-Hadal

Iyo adeegyadii hore ee ay shirkaddu

hirgelisay.

Madaxweynaha oo la hadlaya Badhasaabada

Maxay ku mutaysatay Telesom in ay kaalinta 1aad ka gasho Carwadii Rugta Ganacsiga ee 2010?

Muuqaalka Shaqaalihii ka hawlgalay Carwada

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Dhacdooyinka

A ugust 2010, Kulamada iyo

tartamada aqooneed waxa

ay raad weyn ku yeeshaan

garaadka ardayda iyo in ay markasta

nooleeyaan dedaalka iyo koboca

aqoonta bulshada, maxaa yeelay

aqoontu waa furaha nolosha iyo horu-

marka bulsho kasta.

Iyada oo arrintaas ka duulaysa Tele-

som waxay sannad walba bisha

Ramadaan ee barakaysan qaban-

qaabisaa barnaamij tartan aqooneed

ah oo ujeedadiisu tahay dhiirigelinta

aqoonta iyo abuuritaanka barnaamijyo

cilmi ah oo xiiso geliya dhallinyarada

iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee

bulshada.

Dabayaaqadii bishii Ramadaan oo ku

beegnayd August 25, 2010 ayay

shirkadda Telesom sameysay

barnaamij ay ku tartameen 5 dugsi

sare oo kala ahaa; Faarax Omaar, Max-

amuud Axmed Cali, Dayib Guray, Abu-

Hurayra iyo Future. Dugsiyadan oo ka

mid ahaa Dugsiyada Sare ee Caasi-

mada Hargeisa waxa ay ku soo baxeen

hab qori-tuur ah oo ay shirkaddu ku

kala saartay dhammaan dusgiyada

sare ee Hargeysa jira.

Tartankan oo socday toban caano

maal, habeen kastana ka bixi jiray tele-

fishanka Qaranka su’aalihii lagu tarta-

mayay oo tiradoodu dhamayd ilaa 300

su’aalood oo isugu jiray maadooyinka

dusgiyada sare lagu barto sida: Biol-

ogy, Chemistry, Physics, Maths, Arabic,

Religion, History, Geography iyo So-

mali literature waxa diyaariyay macali-

inta dugsiyada sare oo khibrad iyo

waayo-aragnimo fiican u leh maadooy-

inkaas. Gabogabadii barnaamijka oo

lagu tilmaamay in uu yahay mid

heerkiisu sarreeyo oo la mid ah kuwa

caalamka waxa ku guuleystay dugsiga

sare ee Future, oo ka reeyay dugsiga

Dugsigee ku Guulaystay Tartan-Aqooneedkii Bisha Ramadan ee Telesom?

Muuqaalka ardaydii tartamaysay, wasaarada Tacliinta, Maamulka Telesom iyo Sarkaal ka socday Hay’adda AET

Ka Eeg Bogga 9aad

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

sare ee Dayib Guray.

Xafladihii furitaanka iyo xidhitaanka tartan

aqooneedka oo si heersare ah loo soo

agaasimay waxa ka soo qaybgalay

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka

Warfaafinta, Wasiirka Boosaha iyo Is-

gaadhsiinta, Wasiirka Xanaanada Xoolaha

iyo Deegaanka, Agaasimaha Guud ee

Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Sh. Aadan

Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), Guddoo-

miyaha ururka SATO, Mas’uuliyiin ka so-

cotay wasaaradda waxbarashada iyo

Hay’adda AET, maamulayaasha gudsi-

yada, salaadiin, culimo, iyo ardaydii tarta-

maysay.

Sidoo kale, waxa shirkaddu dabayaaqadii

Bishii Ramadaan fulisay mashruuc aad u

qiimo badan oo ahaa tartan Qur’aanka ah

oo loo qabtay shan mac-had oo ah kuwa

Qur’aanka lagu xiftiyo, habka loo qabtay

oo ahaa hab casri ah waxa loo adeegsaday

barnaamijka Aqoon-yahan ee Landline

Telesom. Macaahidii ka qaybgashay tar-

tanka oo ka kala socday shanta degmo ee

caasimadda Hargeisa waxa ay ahaayeen:

DAAR-AL QUR’AAN, AFLAX, TAWFIIQ, DA-

RAL IMAN iyo AL XIKMA. Machad kasta

waxa tartanka uga qaybgalay 2 arday iyo 3

taageerayaal ah, su’aalahana waxa si cajiib

ah u waydiinayay system landline-ka.

Dugsigee ku Guulaystay Tartan-Aqooneedkii ……..?

W. Boosaha & Isgaadhsiinta

W. Xannaanada Xoolaha

W. Diinta & Awqaafta

Sheekh Aadan Siiro

Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim

Muuqaalka Macalimiintii Su’aalaha tartan-aqooneedka

diyaarisay

Muuqaalka Ardaydii iyo Mac-alimiintii Dugsiga Future ee

guusha soo hooyay.

W. Warfaahinta & Wacyigelinta

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

TABABARADA

Tababarada loo qabtay shaqaalaha Telesom 3-dii bilood ee u danbeeyay

Xafiiska Shaqada & Shaqaalaha

S haqaaluhu waa hantida ama resource-ka ugu muhiimsan ee ay shirkadi leedahay, Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha ee shirkada Telesom (Human Resource Department) isagoo

isha ku haya arintaasi isla markaana arrimaha xafiisku u taagan ya-hay ay tababaradu ugu horeeyaan si loo gaadho himilada iyo hiig-siga shirkada (vision and mission), ayaa xafiisku sadexdii bilood ee ina soo dhaafay wuxuu qabtay tababaro muhiim ah, kuwaas oo ay ka faa’iidaysteen shaqale badan. Ujeedooyinka ugu waaweyn ee laga leeyahay tababarada Xafiisku qabto:

1. In kor loo qaado aqoonta shaqaalaha taas oo looga danleeya-hay in shaqaaluhu u gutaan masuuliyada loo igmaday si hufan oo sax ah.

2. In shaqaalaha lagu qalabeeyo aqoon iyo xirfad kala duwan. 3. In la diyaariyo shaqaale ka hawl geli kara goobta looga baahdo

haddii ay soo baxdo baahi degdeg ah. 4. In la dhiirigeliyo shaqaalaha shirkadda si ay u dareemaan horu-

mar aqooneed iyo mid xirfadeed. TIRADA TABABARADA L A QABTAY A) BROADBAND ACCESS SERVER TRAINING Tobabarkan waxa lagu qabtay hall-ka xarunta Telesom Tower. Waxa loo qabtay shaqaale dhan 10 qof oo ka kala socda qaybaha Landline-ka iyo ICT-ga. Tobabarkani waxa uu socday mudo 12 maalmood. Tobabarkan waxa bixinayay macalin oo ka tirsan Com-pany-ga ZTE). Intii uu socday tobabarku, ardaydu waxa ay ku qaateen casharo la xidhiidha internet-ka, sida TCP/IP, Basic The-ory, Addressing and Sub netting, ZXR10 Routing Technique OSPF iyo kuwo kale. B) BROADBAND ACCESS PRODUCT TRAINING Tobabarkan oo isna lagu qabtay Hall-ka xarunta Telesom Tower, waxa loo qabtay isla 10-baa shaqaale ee soo qaatay tobabarkaa hore waxa uuna ku socday muddo 7 maalmood ah. Isla tobabar-kana waxa bixiyay macalin ajani ah. Duruusta lagu qaatay tobabar-kan waxa ka mid ahaa DSL Principles, DC-SOP1-E1 L2 Protocol, DC-SS14-E1 L2 SAP 9800 (V3.0.0), DC-OC14-E1 L2 SAP 9800 (V3.0.0) iyo duruus kale. TABABARKA MATOORADA DABDHALINTA Tobabarkan waxa lagu qabtay Hall-ka Telesom Tower. waxaana loo qabtay shaqaale dhan 23 qof oo ka ka kala socday qaybaha Ilaalada iyo Engineering-ka shirkada. Tobabarkani waxa uu socday muddo dhan 4 maalmood . Ujeedada ugu weyn ee tobabarku waxa ay ahayd in shaqaalahaas la siiyo aqoonta lagu maamulo laguna dayactiro matoorada dabdhilinta noocyadooda kala duwan. Waxa kale oo lagu siiyay tobabarka ku saabsan gargaarka deg deg ah

(First Aid). TABABARKA KORMEERAYAAL, KU-XIGEENO IYO ILAALI-

YAYAAL CUSUB Tobabarkan waxa loo qabtay kormeerayaal, ku-xigeeno iyo ilaali-yayaal cusub oo tiradoodu dhan tahay 32 qof. Ujeedada ugu weyn ee tobabarkani waxa ay ahayd in la siiyo duruus la xidhiidha ni-

daamka shaqo ee shirkada, maamulka iyo maaraynta, xalinta khilaafaadka, daryeelka macaamisha, suuqgaynta iyo guud ahaan xidhiidhka dadweynaha. TABABAR LOO GABTAY QAAR KA MID AH SHAQAALAHA QAYBTA IIBKA EE ARABSIYO & LOWYACADO. Waxa kale oo uu Xafiiska bixiyay tobabaro ku saabsan sales-ka. Tobabaradaa waxa la siiyay shaqaale ka socda qaybaha Iibka ee magalada Arabsiyo iyo Lawyacado. Shaqaalahaas waxa la siiyay tobabar aqooneed iyo mid xirfadeed oo la xidhiidha qaabka ay u wadayaan hawsha sales-ka.

Muuqaalka Qaar ka mid ah Shaqaalihii ka faa’iidaystay tababarada

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Wefti Caalami ah oo Booqday Xarunta Guud ee shirkadda Telesom

O ctober 2010, Wefti ka socda deeq-bixiyayaasha caalamiga ah oo booqasho ku joogay Somaliland ayaa kormeer indho-indhayn ah ku soo maray xa-

runta guud ee Shirkadda Telesom. Weftiga Deeq-bixiyayaasha oo ka kooban Baanka Adduunka (World Bank), Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN), Bangiga Horumarinta Africa (African Development Bank) iyo 12 suxufi oo caalami ah, ayaa waxay warbixino ka dhegaysteen guddi ay maamulka Telesom u xilsaareen soo dhawaynta weftiga oo kala ahaa Madaxa Roaming Max’ud C/Raxman, Madaxa PR-ka Mustafe Adam, Madaxa ITMASS Cadnaan Daahir Iyo Xoghayaha Guud Cumar C/Laahi. Weftigu aad ayay ula dheceen qaabka maamulka, muu-qaalka iyo shaqada ay bulshada u hayso shirkaddu. Xubinihii guddidaas ayaa weftiga uga xog-warramay adee-gyada shirkaddu bixiso heerka ay gaadhsiisan yihiin, iyo sida shirkaddu u gaadhsiisay adeega Isgaadhsiinta meelaha miy-iga ah iyo sida maamulka shirkaddu xil isaga saaraan bul-shada ay la nool yihiin kana taakuleeyaan adeegyada arri-maha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, waddooy-inka iyo wixii la mid ah. Masuuliyiinta shirkaddu waxay ka codsadeen weftiga in ay gacan ka geystaan arrimaha dib-u-dhiska dalka, gaar ahaan dayactir iyo dhisme lagu sameeyo waddooyinka Somaliland ee burbursan. Su’aalo isdaba-joog ah ka dib weftigu waxa ay Telesom ku hambalyeeyeen horumarka xawliga ah ee ay shirkaddu ku talaabsatay muddadii ay jirtay iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ummadda reer Somaliland ugu jirto. Weftiga waxa si weyn u soo jiitay la yaabna ku noqotay adeegga ZAAD SERVICE oo ah baanka telefoonada gacanta uu uga hirgalay guud ahaan Somaliland.

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Maamulka Jaamacadda Hargeysa oo si Wayn ugu Mahadceliyay Telesom

M aamulka Jaamacada Hargeysa, ayaa si weyn ugu

mahadceliyey Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELE-

SOM. Guddoomiiye ku-xigeenka Jaamacada Har-

geysa Prof. Mubaarak Ibraahim Aar oo ka hadlayay munaasi-

bad loo sameeyey qalinjebinta ardaydii ugu tirade badnayd ee

ka baxda Jaamacada Hargeysa iyo sannad guuradii 10aad ee

Jaamacadda, waxa uu sheegay in shirkadda Telesom gacan

dhaqaale iyo taakulayn xoogan siiso Jaamacadda. “Waxaan

ammaan gaar ah u soo jeedinayaa shirkadda Telesom oo ka

qaybqaadatay inay xafladan wax badan nagala qabtaan.

Waxay ka qaybqaateen in arday jaamacadda dhigata deeq

waxbarasho siiyaan, weliba Kuliyadda Deraasaadka Islaamiga

ah. Waxay ka qaybqaateen in bugaag cusub oo Jaamacadda

Hargeysa soo daabacayso ay kharashkooda ka aqbalaan.

Waxay ka qaybqaateen inay dhisaan qayb cusub oo hadda la

dhisayo oo Kambuyuutarada Jaamacadda la dhigayo. Run

ahaantii shirkadda TELESOM oo si fiican ula shaqaysa

Jaamacadda Hargeysa, kana qaybqaadatay horumarkeedii,

wax ala waxaanu ula tagnana naga aqbasha, si gaar ah baanu

ugu mahadcelinaynaa madaxdeeda, waxaananu leenahay

waxaad Jaamacadda u samayseen waxaad u samayseen sha-

cabka reer Somaliland, “ayuu yidhi Mubaarak Aar.

Madaxa Suuq-geynta iyo Xidhiidhka dadweynaha ee Telesom

Mudane Maxamed Isaaq Cilmi oo isna hadal ka jeediyay

munaasibadaas, waxa uu balanqaaday in shirkad ahaan ay sii

labanlaabi doonaan taageerada ay siiyaan Jaamacadda Har-

geysa. “Xidhiidhka ka dhexeeya Jaamacadda Hargeysa iyo

shirkadda TELESOM waa mid soo jireen ah oo aan odhan karo

wuxuu la soo bilaabmay aasaaskii Jaamacadda muddadaa

tobanka sannadood ah ee ay jirtay. Waxa jira kaalmooyin

aanu Jaamacadda ku darsano, sida in aanu sannadkiiba 10

arday ka bixino lacagta Jaamacadda, iyadoo sannadkana aanu

si degdeg ah Insha Allaah u bilaabi doono xarunta ICT-ga ee

Jaamacada Hargeysa,” ayuu yidhi Maxamed Isaaq. Wuxuuna

intaa ku daray, in shirkad ahaan ay sii wadayaan taakulada ay

la garab joogaan Jaamacadda Hargeysa, isla markaana ay sii

kordhin doonaan.

Mus’uuliyiinta MPR-ka oo si heer sare ah uga qaybgalay Xafladii Jaamacadda Hargeysa

UOH

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Baro mid ka mid ah hormuudka Shaqaalaha Telesom

Waa kuma Axmed Sh. Yuusuf Diiriye? Qormadani taxanaha ah ee baro mid ka mid ah horumoodka Shirkada Telesom, tirsigan oo ah kii 10aad waxa aanu ku soo qaadanaynaa Axmed Sh. Yuusuf Diiriye oo ka mid ah hor-muudka shaqaalaha Telesom, gaar ahaan magaalada Boorama. Axmed Sh. Yuusuf waxa uu ku dhashay magaalada Gabiley sannadkii 1970, Axmed Sh. Yuusuf Diiriye waxa uu ku barbaaray magaalada Gabiley halkaas oo uu ku qaatay tacliintiisii hoose iyo dhexe. Heerkii Waxbarasho ee Axmed Sh. Yuusuf Diiriye 2007-present: BCS, Computer Science and Information Technology,

Eelo American University, Borama 2005-2005: December, 15 Days Training: Proactive Leadership and Strategic

Management, (PLASMA) Telesom Senior Staff, Hargeysa 2002-2004: Diploma of Business and Public Administration, Amoud University, Borama 1998-1999: Diploma of Computer Basic Programs; Ms Dos, Windows, Ms Word, Excel, Access, Power-

Point, Networking, AIDAM INSTITUTE, Borama 1987-1988: Nursing Certificate, Hargeysa Nursing School, 1984-1987: Secondary Certificate, Hargeysa Technical Institute, Hargeysa

Tababarada 2009-2009: October, 7 Days, Training; webs-map (PPS services), SMU (Subscriber Management Unit), Telesom, Hargeysa 2009-2009: June, 3 Days Training; Financial and Operational Program (Zaad Service), Telesom, Hargeysa 2009-2009: February, 4 Days Training; E-wallet Program, Telesom, Hargeysa Waayo aragnimadiisa Shaqo Axmed Sh. Yuusuf waa shakhsi aqoonta aad u horumariya uguna dadaalana inuu si joogto ah u kordhiyo aqoontiisa shaqada iyo ta kaleba, sida ka muuqata heerarkiisa aqooneed. Intii u dhaxaysay 1990—1998, Axmed Sh. Yuusuf waxa uu shaqada ka bilaabay Boorama General Hospital, isaga oo ahaa Qualified Nurse iyo Pharmacist. Axmed waxa uu shaqada Shirkada bilaabay sannadii 2002, isaga oo ka hawlgalay qaybta Iibka, Axmed waxa uu kamid ahaa saraakiisha lafdhabarka u ahaa qaybta Iibka ee shirkadda Telesom Boorama. Muddadii uu ka hawlgalayay qaybta Iibka Ax-med waxa uu muujiyey dadaal iyo karti badan. Sannadii 2005 waxa uu u dalacay maamule ku xigeenka Qaybta Iibka iyo Suu-qgaynta (Deputy Sales and Marketing Manager). Ugu danbayntii markii maamulka shirkada iyo xafiiska Shaqada iyo Shaqaaluhu arkeen kartida iyo dedaalka uu muujiyey Mu-

dane Axmed Sh. Yuusuf Diiriya waxa loo magacaabay maamulaha Qaybta Iibka ee xarunta Boorama (Sales Manager), xilkaasi oo ilaa imika uu hayo. Axmed sida ku cad isbedelada uu sameeyey waxa uu muujiyey dadaal iyo karti badan, waxaanu ka mid yahay shaqaalaha

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

ZAAD SERVICES

M aadaama oo aanay dunidu daawanayn dalka yare e na-badgelyada iyo xasiloonidu ka jirto ee Geeska Africa oo aan si rasmiya loo aqoonsanayn ayaa tusaale u noqonaya

inta hadhay ee Qaaradda Africa, shakina kuma jiro inay iyaga (Somaliland) ku dayan doonaan. “Sidaa waxa lagu sheegay qoraalka warbixin uu ka faaliyay booqasho uu dhawaan ku yimi Somaliland Monty Munford, kaas oo ah suxufi khibrad 15 sannadood ah u leh warbaahinta kala duwan.

Monty Munford oo ka dib laba sannadood oo uu ku noolaa India dib ugu noqday Ingiriiska sannadkan, waxa uu la-taliye ka yahay soo-saarista filimaan madadaalo magaalooyinka Los Angels iyo Liverpool, waxaanu qayb muhiim ah ka qaatay filim arrimo kala duwan saamay-naya oo soo baxaya bisha December, 2010. Isla markaana warbix-inta uu Somaliland ka diyaariyay waxa uu diirada ku saarayaa heerka ay Somaliland ka marayso dhinacyada adeegyada Mobile-ka iyo laca-gaha la xawilo. Warbixintaas oo dheerayd waxa uu ku bilaabay si-dan: “Bob Dylan ayaa mar yidhi, ‘lacagtu ma hadasho, way dhaarataa, ‘balse Magaalada Hargeysa oo ah caasimada Somaliland-ta Africa way hafisay. Dhab ahaan way hafisay, sidii laybareeri liigay oo Maansuun ku dhufatay. Taasi waa sababta oo ah waxa yaala lacag sidaa u fara badan. Lacagtaa qadarkeeda ugu sareeyaa waa 500 oo Shillin, taas oo aanay macneheedu ahayn lacagta guud ahaan la wada isticmaalo. Sariflayaasha ayaa fadh-fadhiya goobo ay iyaga laftoodu samaysteen, halka carruuruhuna ay Keeryoonayaal kaga qaadayaan lacagtaas meel, meel kalena ka geynayaan, taas oo la mid ah sidii sannadihii 1930-naadkii ay noqotay lacagta Jarmalku xilligii uu qiimeheedu

aadka u dhacay. Dhan kasta marka laga eego, lacagta kaashka ahi kama shaqayso halkan. Ma laga yaabaa in Somaliland-tan aan la aqoonini ay noqoto Qarankii ugu horeeyey ee bilaa kaash noqda? Maaha uun inay suuragal tahay, waase ugu badnaan mid xaqiiqo ah. Waxa mar horeba u jiray si la-yaab leh aasaas adag oo ay tani ku imanayso. Hababka lagama maarmaanka ah ee lacagaha qurbajoogu u xawilaan iyo habka nooca mobile-bangiyeedka, ayuu dalkani kaga

dheeraan karaa lacag kaash ah. Balse, waxa loo baahan yahay waxoogay saldhis ah.

Somaliland ma laha ATMs iyo Credit Cards, kuwaas oo keliya ayuun baan suuragal ahayn in la isticmaalo, balse ay u tixgeliyaan dadka maxaliga ahi wax cajiib ah. Dalkani (Somaliland) wuxuu mad-axbanaanidiisa ku dhawaaqay 1991 –kii, waxay leeyihiin saxaafad xor ah, suuq furfurnaan, isla markaana doorashooyinkii dhawaan ka dhacay ayaa si balaadhan loo fahansan yahay inay xor iyo xalaal ahaayeen.

Waxaan ka soo duulay Hindiya ka dib markii aan metelay filimkay-gii labaad ee Bollywood, halkaasoo ay dadku ii dabagali jireen iyaga oo dallado sita iiguna adeegayeen baahi kasta oo aan qabo. Waxaan u baahan jiray dul-ka-eegayaal hadii aan sarifanayo doollaraadkayga; xaqiiqdiina waa dembi, waana hanaan aan jirayn. Sidaas daraadeed, Shirkadda Telesom oo ah Kambaniga ugu wayn ee Mobileka ayaa ku tallaabsaday adeeg guud ahaanba lagu ilaawayo lacagta kaashka ah.

Habka Bangiyaynta Mobile-ka Africa maaha wax cusub waana hanaan aad hore uga maray dunida reer galbeedka iyo Aasiya, balse Somaliland heer ahaan tallaabo fog ayay ka gaadhi karaan. Qaranku wuxuu ku shaqeeyaa dakhli dhan $40 Milyan oo Doollar, sidaa aawadeed, kobcin ayaa muhiim ah si uu dalkani ugu sii socdo si uu u helo aqoonsi u dunida inteeda kale ka helo.

Inka yar lix bilood gudahood ayay inka badan 80,000 oo qof isaga diiwaangeliyeen Hargeysa Adeega ZAAD oo Mobile-ka wax lay-sugu xawilo, iibka iyo bixinta biilasha, waxaana mar horeba tiro ku filani ay siteen Mobile-ka shan shirkadood oo ka jira dalkan ay is le’eg yihiin Ingiriiska oo dadka ku nool lagu qiyaaso keliya 3.5 Milyan.

Talefoonada laga diranayo Somaliland ayaa ah kuwa ugu jaban Qaaradda Afrika, isla markaana ayaa ka dhexeeya shirkaddaha tale-foonada, taasoo macneheedu yahay inay shan jeer ilaa lix jeer ka jaban yihiin talefoonada Somaliland marka loo eego dalalka kale ee Qaaradda Afrika. Waxa keliya u baahan yihiin in Mobile-doodu ay sidaan dhammaan adeegyada wax iswaydaarsiga……Shirkadda Telesom ayaa hogaaminaysa adeegaas.

Sidaas aawadeed, maadaama oo ay dunidu daawanayso, dal yar oo nabadgelyo buuxda haysta oo ku yaala Geeska Afrika, ayaa tusaale u noqon doona inta kale ee Qaaradda Afrika oo aanu shaki ku jirin inay daba-gali doonaan. Waxa diyaariyay wargeyska Ogaal

Warbixin Caalamiya oo Amaantay Adeegga ZAAD (Zaad Services)

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

SEKO SOOC

Waa maxay Seko? Sekadu waa maal ku waajiba xoolaha qofka muslimka ah ee haysta xoolo gaadhaya inta ay diinteenu qarirtay in ay xoolahaasi ku sekoobayaan nooc kasta ha ahaadaane, waxaana la siinayaa sideed qaybood oo ka mid ah bulshada muslimiinta ah kuwaas oo illaahay ku cadeeyay noocooda quraanka kariimka ah, waxaa kale oo ay ka mid tahay sekadu shanta tiir ee ay ka kooban yihiin arkaanta islaamku Xukunka Sekada Waxaa ay isku waafaqsan tahay dhammaan ummada is-laamku inay sekadu tahay waajib kuna waajibayso qofka muslimka ah ee haysta hanti seko goys ah, midaasina waxay ku cadahay qur’aanka, sunnada iyo ijtmaaca ummadda is-laamka. Illaahay waxa uu ku yidhi qur’aanka kariimka ah المزمل" وأقیموا الصالة وأتوا الزكاة واقرضوا اهللا قرضا حسنا" أیة (20 ) Salaada ooga, sekadana bixiya, Ilaahayna amaahsada amaah wanaagsan. Waxaa kale oo uu illaahay yidhi: التوبة" خد من أموالھم صدقة تظھرھم وتزكیھم بھا" یةأ (103) Ka qaad xoolahooda sadaqo iyaga dahiraysa. " " یا أیھا الذین أمنوا أنفقوا من طیبات ما كسبتم ومما أخرجنا لكم من األرض

)267(البقرأیة kuwa rumeeyay illahayow bixiya waxaad shaqaysa-teen waxa ugu wanaagsan iyo waxa aan dhulka idiin kasoo saarnay, waxa uu cadeeyay nabigeenu (SCW) inay ka mid tahay arkaanta islaamka ee shanta ah: بني اإلسالم علي خمس "قال رسول اهللا صال اهللا علیھ وسلم

واقام , شھادة أن ال الھ إال اهللا وان محمد رسول اهللا صلي اهللا علیھ وسلم متفق علیھ" الصالة واتاء الزكاة وحج البیت وصوم رمضان

Xikmada ku jirta ee loo waajibiyay sekada Ilaahay waxa uu ka dhigay sekada shay uu xoolaha ku daa-hiriyo (nadiifiyo) iyo qofka maalka haytaba; waxaa kale oo ilaahay kaga duwayaa balaayooyinka iyo aafaadka wareega adduunka dushiisa waxaa kale oo xaqiiq ah in uu ilaahay barakaynayo xoolaha sekada laga bixiyo sida ay diinteenu inoo cadaysay waxaana mudan in aynu sheegno xikam dhawr ah oo sekada ku jira: Bixinta sekadu waxay nafta qofka bina aadamka ah ka nadii-fisaa bakhayl tinimada, ku dhaganaanta maalka, damaca iyo xad gudubka laga qaado qaninimada sida ilaahay sheegay (7,6) iska daaya أ العلق" كال إن اإلنسان لیطغي أن رآه استغني" ایةinsaanku (Qofku) wuu kibraa xad gudbaa markuu isku arko xoolo badan. Markale ilaahay isagoo sifay-naaya dadka naarta ee ku xad gudba xaqa xoolaha waxa uu

yidhi " * ثم الجحیم صلوه * خذوه فغلوه * ھلك عني سلطانیة * ما اغني عني مالیة

* انھ كان ال یؤمن باهللا العظیم * ثم في سلسلة ذرعھا سبعون ذراعا فاسلكوه وال طعام إال من * فلیس لھ الیوم ھاھنا حمیم * وال یحض علي طعام المسكین

أ * غسلین ال یأكلھ إال الخاطوون37 لحاقةأیة

aayadan oo ka hadlaysa nin is biday markii alle siiyay hanti iyo wiilal fara badan ee ku kibray ayaa ilaahay geliyey naarta wuxuuna bilabaay calaacal uu ku calaacalaayo wixii uu isku halaynayey oo ka difaaci waayey ciqaabka Alleh wuxuu ku yidhi calaacalkaa “waxba iimey tarin xoolahaygii, wiilashaydii iyo sharaftaydii aan ku lahaa dadka dhexdiisa, alle waxa uu ku yidhi xidh-xidha geliya jaxiima dabadeedna afka ka geliya silsilad dhererkeedu yahay todobaatan dhudhun taas oo naar ah, maxaa yeelay muu ru-meyn ilaahii weynaa, masaakiintana in wax la taro ma dhiiri gelin jirin, halkan uma joogo saaxiib iyo cunto aan ahayn dheecaan iyo biyo ka baxa ehelu naarka kaasi oo aanay cunin kuwa gafay mooyaane cid kale. Waxtarka foqorada iyo buuxinta baahida muslimiinta baahan sida uu nabigu yidhi SCW " مثل المؤمنین في توادھم وتراحمھم

وتعاطفھم كمثل الجسد الواحد إذا اشتكي منھ عضو تداعي لھ سائر الجسد أخرجھ مسلم واحمد عن النعمان بن بشیر" بالسھر والحمي

Ka Eeg Bogga 17aad

SEKO SOOC “Waa Qorme Taxane ah oo aanu ka soo qaadanay Buug uu Suldan Maxamed

Ibraahim ka diyaariyay Sekada maalka qofka Muslimka ah ku waajibtay”

Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim: Qoraaga Buugga SEKO SOOC

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Tusaalaha muslimiinta isjeclaantooda, isku naxari-isashadooda iyo isku jajabnaantoodu waa sida xub-naha qofka oo kale haddii mid bukooto inta kalana waxay la wadaageysaa dareenka xanuunka haya xubintaa. " والذین في أموالھم حق معلوم للسائل والمحروم“ أیة 25

المعارج Muslimiintu waa kuwa xoolahooda wax ka siiya kuwa weydiista iyo kuwa baahanba. Waxa ka mid ah xikamka ku jira sekada in bixinta sekada wax lagaga qabto danaha guud ee muslimiinta, taasi oo aanay nololi jiri Karin la, aan teed. kow ay ka tahay diinta oo dadka la gaadhsiiyo daryeelka dadka jilicsan iwm Sidoo kale waxaa ka mid ah xikamkaas in laga hor tago inaan maalku ku ururin dad kooban gacmahooda iyadoo ay ka qatan yihiin masaakiinta iyo foqoraddii. Shuruudaha ay sekadu ku waajibto Marka hore sekadu waxay ku waajibtaa qofka muslimka ah ee aan adoonka ahayn haysta xoolo seko goys ah oo uu isagu leeyahay gacantiisana ku jiray sanad kaamil ah, waana in qofkaas laga helaa shan shardi oo kala ah: Waa in uu yahay Muslim, oo gaalka seko laguma laha. Xoolihiisu waa in ay seko goys noqdaan qayb kasta ha noqdeen xoolahaasiye Waa inaan lahaan shaha xoolahaasi cidi la wadaagin ama ku haysan haddii aanay ahayn isku jir isku sekoobay Waa in ay u dhamaato hal sano intii uu lahaa Gaar ahaan lacagta, xoolaha nool, ganacsiga badeecada iyo Dahabka, sida uu nabiga kasoo wariyey Cabdilaahi Binu Cumar Binu Khadaab ال زكاة "أن النبي صلي اهللا علیھ وسلم قال "في مال حتى یحول علیھ الحول

رواه الترمدي Seko laguma laha xoolaha ilaa uu sanad u dhamaado xa kasoo baxa beeraha waxa sekada laga bixinayaa marka lasoo gooyo sida Alle yidhi وآتوا حقھ یوم حصاده"141 أیة أالنغام" bixiya xaqiisa maalinta aad goosataan. Xoolaha ay sekadu ku waajibto Xoolaha ay sekadu ku waajibto waxa ay ka kooban yihiin: - 1. Dahabka 2. Fidida ( waa macdanta lacagta laga sameeyo) 3. Aloobooyinka Ganacsiga u yaala 4. Xoolaha la daaqgeeyo (foofa ) sida: Geela, Lo, da, iyo

Adhiga 5. Waxyaabaha beeraha kasoo baxa sida: Galleyda, Had-

huudhka, Bariiska iwm 6. Macdanta iyo waxa laga helo dhulka hoostiisa(rikaaska) 7. Malabka la beerto 8. Saamiyada shirkadaha lagu darsado,

9. mushaarooyinka wixii kasoo hadha baahida qofka ee gaadha xadka seko goyska ah iyo xawlkii

10. Faa’iidada kasoo baxda hantida ma guurtada ah sida guryaha, wershadaha iwm.

Waxaan si kooban u tilmaami doona habka iyo inta ay ku sekoobaan noocyada maalka ah ee ay seko ka baxdo haddii alle idmo. 1- Dahabka :

Dahabka oo lagu tiriyo hantida ugu qaalisan ee dadku ay kaydsadaan waxaa ku waajibta seko, markii uu gaadho xadkii ay shareecadu u dhigtay oo noqonaaya markuu gaadho 85gr, waxaana ka baxaaya 2.5%.ama 2.575% hadba sannadka lagu xisaabinaayo ka islaamka ama ka gaalada boqolkiiba labo iyo badh. FG; sababtu waa habeenada ay is dheeryihiin oo haddii aad qaadato sannadka miilaadiga waxaad xisaabsanaysaa 2.5%, haddii aad qaadato sannadka hijriga ah waxaad xisaabinaysaa 2.575%. Taasi oo nabigeenu sheegay tiradaas isgoo yidhi knnh:

لیس علیك شئ:(رضي اهللا عنھ أن النبي صلى اهللا علیھ وسلم قال عن عليحتى یكون لك عشرون دینارا؛فاذا كانت لك عشرون –یعني في الذھب -

دینار وحال علیھا الحول ؛ ففیھا نصف دینار، فما زاد فبحساب ذالك، رواه أحمد وأبو داؤود )). ولیس في مال زكاة حتى یحول علیھ الحول

. والبیھقي، وصححھ البخاري 2 – Fidada:

Waa macdan lacagta laga sameeyo waxaa ay ku se-kowdaa marka ay gaadho xaddi dhan 595gr, waxaana ka baxaaya 2.5% ama 2.575% hadba bisha uu ku xisaab bixiyo sekeeyuhu markii sannadku dhammaado.

4 – Weelka ka samaysan dahabka iyo fidada:

Waxaa ka xaaraan ah Raga iyo Dumarkaba inay u istici-maalaan weel laga sameeyay dahab ama fidaba, haddiibase ay dhacdo oo ay gaadhaan xadkii seko goyska waxaa laga bixinayaa sekada waana waajib sekadoodu. 5 – Lacagta ka samaysan warqada {noodhka} waxay la mid tahay dahabkii iyo fidadii waxaana ka baxaaya 2.5% ama 2.575%. Markay gaadho qiimaha 85gr. Tusaale ahaan: hadaad haysato 10,000 oo aad haysay mudo sannad ah waxaad bixinaysaa sedan: 10,000*2.5% = $250 ama 10,000*2.575% = $ 257.5. …………..La Soco tirsiga danbe……..

SEKO SOOC………..

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

CAAFIMAAD

D hibaatooyinka maskaxeed ee gabdhaha ku dhaca umusha kadib waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu yar tiro ahaan marka loo eego xanuunada

kale, sidaan korba ku sheegay waxay gaar u yihiin dumarka gaar ahaan ilmaha koowaad ama ugubka, ma odhankarno gabadh kasta ama hooyo kasta way la kulmaysaa dhibaatadan maskaxeed balse waxa jira waxyaabo fududeeya inay hooyadu u nuglaato dhibaatadan.

Saddex qaybood ayaa loo qaybiyaa dhibaatooyinka mask-axeed ee umusha kadib dhaca waxaana ka mid ah:

Baby blues (hooyo muregeysan oo oohin badan iyada oo aaney jirin dhibaato kale)

Postnatal depression (murugo iyo isku buuq umusha kadib)

Puerperal psychosis (xanuun maskaxeed 40-ka intay ku jirto hooyadu)

Markeynu eegno siday ukala khatarsan yihiin qeybaha aan korkusoo sheegay, siday u kala horeeyaan ayay u kala fudud yihiin midba midka uu ka danbeeyo ayuu ka khatarsan yahay haday noqoto sidii loo daweyn lahaa iyo heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawaca maskaxeed.

Waxyaabaha keena (causes)

Guud ahaan waxyaabaha keena dhibaatooyinka maskaxeed ee umusha kadib (causes), lama yaqaano wax keena, balse waxa la rumeysan yahay inay kiciyaan sida kediska ah ee ay hoos ugu dhacaan hormonada uurku sida (progesterone,

oestrogen, etc) umusha kadib, dhibaatooyinka bulshada ama qoys ahaaneed iyana waa mid-kale oo ka qaybqaadata inay yimaadan dhibaa-tooyinka maskaxeed ee umusha kadib ku dhaca

Xanuunada Maskaxeed ee Hooyada Umusha kadib

hooyooyinka qaarkood.

Hooyooyinka qaarkood ayaa u nugul in ay la kulmaan dhi-baatadan, waxaana jira waxyaabo fududeeyaa inay la kulanto waxaana ka mida: haday gabadhu hore u qabtay xanuunada dhimirka ama qof kalmida qoyskeeda uu qabo xanuunada dhimirka sida hooyadeed, aabaheed, walaaladeed, balse waxa jirta inuu hooyo kasta ku dhici karo dhibaatadaan maskaxeed.

Dhibaatooyinka maskaxeed ee dumarka gaarka u ah umusha kadib waxay u dhacaan si dhakhso ah (sudden onset). In ka badan 80% waxay dhacaan labada todobaad ee ugu horeeya umusha kadib.

Calaamadaha lagu garto (symptoms)

Calaamadaha lagu garto way badan yihiin balse waxa ugu muhiimsan inay hooyadu noqoto mid depressed ah, hurdadu ku yaraato ama ku badato oo ay maalintii oo dhan hurudo, appetite-ku ka xumaado ahaatana markasta mid ooyeysa,

Waxa diyaariyay: Dr. Hodan Abdilahi Dualle

Ka Eeg Bogga 19aad

Dr. Hodan Abdilahi Dualle

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

hadalkeeduna aad ayuu u diciifaa, fikirkuna wuu ku yaraadaa iyo xasuustu, mararka qaar waxa dhacda inay hooyadu maqasho codad kale oo la hadlaya iyada ama wax ka sheegaya ama amar siinaya, waxa kale oo kamida inay hooyadu u aragto ilamahii ay dhashay in la bedeshay oo aanu ahayn keedii ama uu si kale u eegyahay (like evil), waxay dareemaa hooyooyinku inaaney daryeel fiican siin karayn ilmihii ay dhaleen, taas oo murugo ku abuurta. Hooyooyinka qaar waxay noqdaan kuwo aad u firfircoon, hadal badan, lacagta aad u isticmaala, aan seexan waxna cunin.

Daaweynta

Si aad u ogaato inuu hooyadani qabto mid kamida dhibaa-tooyinka maskaxeed ee soo waajaha hooyada umusha kadib waa inaad heshaa calaamadaha kor ku xusan , intaa kadibna la dhigo hospital-ka lana siiyo daawooyin ku haboon caalamadaha ay leedahay. Waxa kaloo la siiyaa hormonal

Xanuunada Maskaxeed ee Hooyada Umusha kadib therapy, taageero qoys iyo mid bulshana wey u baaahan tahay.

Tallo bixin

Bulsho ahaan inkastoo aynaan garaneyn tirada dhabta ah ee la kulmay dhibaatooyinka maskaxeed ee umusha kadib, ha-dana waxa inoo sii dheer inagoon laheyn aqoon aynu ku kala saarno dhibaatooyinka maskaxda iyo kuwo durrada ama jinka, sidaas oo ay tahay marka la arko hooyo ay tani ku dhacday waxa markiiba loo qaataa inuu jin galay oo markiiba Qur’aan ayaa lagu akhriyaa1 ama dhirbaa la siiya inta cilaa-jyada la geeyo. Haddaba hadii hore loo ogaan waayo waxa dhici karta inay dhibaatadu intaa kasii balaadhato. Sidaas daraadeed; akhristayaal waxa aan idinku dardaari lahaa ha-daad la kulanto dhibatadan oo kale hooyo ay hayso la xidhiidh goobta caafimaad ee kuugu dhow.

1- “Inkasta oo Qur’aanku sidiisa daawo u yahay”

1) Togdheer Iyo Hargaysa Iyo Bebera Taniyo Oodwayne.

Togwajaale Iyo Owdal Iyo Tuuyo Iyo Ceeri. 2) Tukaraq Iyo Laasiyo Dhamaan Tuulo Waxaan dhaafay. Telesom Inay Gaadhay Baan Taa ogsoonahaye. 3) Dad Ilaahay Tala saartay baan Tacab Qasaarayne. ***Telesom Tisqaadoo Nimcada Kama Taraaraane. 4) Towfiiqda Iyo Aamin kaa Loogu Tagayaaye. ***Isku tiirsanaantiyo Xaqay Tamar kuyeesheene. 5) Tartiibay Usocotaa Dadkana Waytix Gelisaaye. ***Taban Taabo Mooyee Xumaan Kuma Tashkiilaane. 6) Tawxiid ka Eebiyo Sharciga Kama Talaabaane. ***Tartankana Walaal Kumadaraan Tuugo Iyo Beene. 7) Teesmaaha Oo Yuusuf Oow Waa lataabacaye. ***Tobanaan Adeeg Baad kaheli Kaadhkan Telesom e. 8) Tayada Iyo Cabdoow Maydhan Kaan Loogu Tagahayne. ***Taariikhda Dunidoo dhan Buu kuu turjumayaaye. 9) Warkii aad Tabaysaba Waxbuu kaaga Tarayaaye. ***Marba Tuulis Baad Funaysaa Khaanad Tagasaaye. 10) Tafsiir Iyo Xadiisbaad Kaheli Kii Aad doontaba E.

***Tuulo Iyo Banaan Kaad tag-taba Waw Ugu tagaysaane. 11) Tolkeenii Qar Biga Joogay Baa Qaatay Telesom e. ***Tahniyad Iyo Salaan Baad u diri Taylaan Iyo Ruushe. 12) Toogo Iyo Muraad Kaad Qab-taba Waad Ku soo tabine. ***Matirsana Adeegyada Kujira Line-kan Telesom E. 13) Halkad Taabataba Baaj Horlaad Ugu tagaysaaye. ***Rag Tereerin Laga Saaray Baa Teywarka U Kora E 14) Waxay Tababar Uga Soo Baxeen Meelo Lootaga e ***Teenbada Markay Soo Dhigaan Teenki Soonoqoye 15) Teenbada Markay Soo Dhigaan Teenki Soonoqoye Ilaahayna Waatoosiyoo Taabaqaad Gala e 16) Tignoolajiga Aduun Kay Arkeen Teebal Ka Uyaale *** Tilmaan Baykaqaateen Cilmina Wawgu Taxayiine 17) Tacliinbaykusiiyeen Ragbadan Taxad Ilaafooqe ***Sida Ubad Ka lootoosiyay Khayr Utaliyaane 18) Tasleexa Iyo Wanaaga Iyo Runtaytaaba Galiyaane *** Tartankii Aduun Kay galeen Tacabne Weeyaane 19) Katixraac Nin Kiidoonayoow Taajirbaadnoqonne *** Imikana mid Zaad Service-sa Oo Suuban Lagu Dheehye 20) Saamaysay Dunidoo Dhan, Socotay Maandeeqe *** Sirtii Nolosha Iyo Waxay Fahmeen Suuqa Loo Maro e. 21) Lasiboodh Sancadan Fiican Ee Zaadka Loodhiga e ***Sikastaba U Eegoo Cilmaga Way Usidataaye 22) Masaluugo Ruuxii Marqudha Sahay Kuqaataaye.

GABAY: TELESOM Waxay tiriyay: Bashir Ahmed, Madaxa MDF-ka Telesom Burco

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

NADAAFADA

MUUQAALADA HABKII TELESOM UGA QAYBQAADATAY OLOLIHII NADAAFADA

“Telesom waa Damal Hadhweyn oo Dadku wada hadhsadaan” Abwaan Gaariye

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

ADEEGYADA

BARO QAAR KA MID AH ADEEGYADA TELESOM

Mysms waa barnaamij casri ah oo macaamiisha, gaar ahaan ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo hay’addaha u fududaynaya in ay macaamiishooda iyo shaqaalahooda u wada diri karaan fariimo mar kaliya, iyaga oo isticmaalaya hab casri ah (web interface). Qiimaha adeeggani waa $0.05 per message/hit. Faa’iidooynka adeegga Mysms Si fudud ayaad u isticmaali kartaa Magaca meherada ayay fariintu ku baxaysaa Macaamiil badan ayaad mar kaliya u diri kartaa

fariinta Macmiil kaliya aad u diri kartaa Fariimaha joogtada ah meel gaar ah ayaad ku

kaydsan kartaa, sida ‘CIID MUBAARIK’ Si fudud ayaad u ogaan kartaa fariintii aad dirtay in

ay gaadhay cidii aad u dirtay Waxaad u isticmaali kartaa Suugqeyn Marketing Waxa kale oo aad u isticmaali kartaa daryeelka

macaamiisha (Customer Service/Care). Talaabooyinka Isticmaalka Mysms: Booqo xarumaha Iibka Telesom Buuxi Foomka Codsiga Bixi $20 oo diwaangelinta ah Ku shubasho ugu yaraan $5 oo u dhiganta 100

farriimood (SMS) Macmiilku waa inuu leeyahay email Account. Abuurista Mysms Account Booqo web-ka https://mysmstelesom.com Dooro Create Account Buuxi Foomka soo baxa Dooro Register Dabadeed fur Email-kaaga, dooro Linkiga Activate Dabadeed la xidhiidh Xarunta Saleska si ay kuugu

ogolaadaan inaad isticmaashid, lacagtana kuugu shubaan.

Waa adeeg u sahlaya dad isku group ah in ay ku wada hadlaan qiime 20% ka jaban ka ay macmiilka kale ku wada hadlaan. Adeegan waxa loogu ta-logalay in loo sameeyo Hay’addaha iyo shirkadaha ay ugu yaran ka shaqeeyaan 20 qof, sida: 1. Hay’adaha Caalmiga ah/Maxaliga ah 2. Ganacsatada waaweyn 3. Goobaha waxbarashada 4. Hay’adaha dawlada iwm. Haddaba, si aad adeegan u isticmaasho fadlan ka diwaangeli shaqaalahaaga xarumaha Iibka Telesom.

Waa adeeg kuu suurtogelinaya in aad Moobilka Tele-som ka raadin karto macnaha Af Soomaaliga ee tarju-mada ereyada Ingiriisiga. Ereyada qaamuuska waxa iska leh oo macnaha ururiyay Sahal Dictionary. Moo-bilkaaga qaybta farriimaha waxaad ku qortaa labada xaraf ee EN, dabadeedna raaci ereyga aad doonayso in aad macnihiisa af-soomaaliga hesho. Tusaale: SOO QOR en peace DABADEEDNA U DIR NAMBARKA 150 Waxaad heli doontaa macnaha tarjumada Ereyga Peace iyo kuwo kale oo la xidhiidha ereygaas. Waana sidan: Peace (n) – nabad, nabad-qabid (xasilooni)

Waa adeeg u sahlaya macaamiisha in ay waddamada Djibouti, Maraykanka, Qatar, Kenya iwm ku isticmaali karaan Simcard-ka Telesom. Dhawaan sim-card-ka Telesom waxa uu ku shaqayn doonaa guud ahaan daafaha dunida, haddii Alle ogolaado. Faa’iidooyinka Roaming-ka: 1. Xidhiidhkii Gudaha iyo Dibadda oo aan kala go’ayn 2. Telefoonadii kuugu jiray simcard-ka Telesom oo

sidoodii ahaanaya 3. Telefoon kale uma baahanaysid wakhtiga aad

joogto wadamadaas 4. Wakhtigii aad ku raadsan lahayn sim-card cusub

oo ku badhxaya 5. Qoyskaagii iyo Qaraabadaadii oo si toos ah aad u

wada xidhiidhaysaan.

DHAMBAAL (MYSMS) SMS– DICTIONARY

II-CUG JAALLE (CUG)

ADEEGGA ROAMING-KA

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad

BARO QAAR KA MID AH ADEEGYADA TELESOM

Si aad u isticmaasho adeeggan. Raac tallaabooy-inkan: Si aad u ogaatid Qiimaha Allaab: Mobile-kaaga ku qor: Xarafka “F” adiga oo raaci-naya allaabta magaceeda ama moodelkeeda sida tusaale ahaan – “F NOKIA 3310” Dabadeedna waxad SMS ku dirtaa numberka “555”. Waxyar sug. Waxad heli doontaa jawaabta Qiimaha “Nokia 3310” Si aad u heshid Macluumaad Guud (General Infor-mation): Mobile-kaaga ku qor xarafka “G” adiga oo raaci-naya macluuumaadka aad rabto, tusaale ahaan “G The President of Somaliland” Dabadeedna waxaad SMS ku dirtaa numberka “555” waxyar sug. Waxa aad heli doontaa jawaabta magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Si aad u heshid Tarjumadda macnaha Erey: Mobile-kaaga ku qor xarafka “D” adiga oo raaci-naya ereyga aad macnihiisa doonayso, tusaale ahaan “d incredible” Dabadeedna waxaad SMS ku dirtaa numberka “555” waxyar sug. Waxa aad heli doontaa jawaabta macnaha ereyga “incredible” Si aad u heshid saadaasha cimilada adduunka: Mobile-kaaga ku qor xarafka “W” adiga oo raaci-naya magaalada ama goobta aad cimiladeeda doonayso, tusaale ahaan “w Berbera” Dabadeedna waxaad SMS ku dirtaa numberka “555” waxyar sug. Waxa aad heli doontaa jawaabta saadaasha cimilada magaalada Berbera. Si aad u heshid Sarifka Lacagaha Caalamka: Mobile-kaaga kuqor lacagaha aad doonayso in aad isu beddesho sida “I Euro in USD” ama “1 Gbp in USD”. dabadeedna SMS message u dir “555” Waxyar sug. Waxa aad helaysaa Qiimaha Isu bed-delka Lacagihii aad qortay.

Si aad u heshid Wararka Caalamka iyo kuwa Dalka: Si aad u hesho wararka wargeysyada midkasta soo qor xarfaha loo soo gaabiyay, una dir 150: Jam – Jamhuuriya, HA – Haatuf, OG – Ogaal, GA – Geeska Afrika, MA – Maandeeq WARARKA DIBADDA bbc – BBC, jzr – Aljazeera, Africa – Africa News, Sport – Sports News, Voa – Voice of America ASCAARTA & XOOLAHA OO AF-SOMALI AH Waxaad qortaa ‘SAR’ si aad u hesho, macluumaad ku saabsan: Sarifka Lacagaha qalaad ee dalka gudi-hiisa, Sayladda Xoolaha dalka iyo Badeecadaha dalka gudihiisa.

Si aad u dirto Email fadlan raac talaabooyinkan: Marka hore message cusub furo kadibna ku qor Emailka loo diraha space durug kadibna qor fariintii aad dirayso, waxaanad u dirtaa number-ka 555. Intaa kadib qofkii aad Emailka u dirtay wuxuu Inbox-kiisa ka helayaa message-kii aad u dirtay. Tusaale: To: 555 New message: [email protected], Iga guddoon salaam gacaltooyo.

BAADI-GOOBAHA (GOOGLE) WARARKA ADDUUNKA/DALKA

SMS-MAIL

Telesom Newsletter, October - December 2010 , Tirsiga 10aad