Upload
abu-hamda-muse
View
245
Download
6
Embed Size (px)
DESCRIPTION
Telesom Magazine, Issue 14
Citation preview
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Weedha tifaftiraha
Shirkadda Telesom Oo Jaamacadda Har-
gaysa, kuuliyadda ICT-ga U dhistay dhisme
cusub oo qalabaysan
Telesom oo $25,000 ugu deeqay dhismaha
waddooyinka ee degmada Tog-wajaale
Telesom oo $20,000 Ku Wareejisay Guddida
Dhismaha Wadda Dawga Cad
Telesom Oo Gaadhi guddoonsiisay
Jaamacadda Nugaal (Laascaanood)
Telesom oo lacago ugu deeqday dhismaha
waddooyinka xaafaddaha Jameeco weyn,
Jigjiga yar iyo Sh. Nuur ee Hargeysa
Telesom oo Magaalada Berbera ku guddoon-
siisay 41 Arday Muraayadaha Indhaha
Daahfurka Diiwaankii Maansooyinka Ab-
waan Timacade oo Af-Ingiriisi lagu qoray
Baro mid ka mid ah hormuudka Shaqaalaha
Telesom
Zeko Sooc: Waa maxay Seko?
Sidee Sidee ayuu ku yimaadaa Cudurka Faalijku?
Adeegyadda Cusub ee Sanadkan 2012 Telesom
Soo kordhisay
TUSMO
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
GUDDIDA TIFAFTIRKA 1. C/Salaam Ismaaciil: Madaxa Waaxda
Horumarinta Ganacsiga
2. Eng. Faarax Sugaal: Madaxa Waaxda
Maamulka
3. C/Wahaab Maax: Madaxa Waaxda Ga-
nacisga
4. Yaxye Iid: Madaxa Qaybta Suuqgeynta
& xidhiidka dadweynaha
5. Cadnaan Daahir: Madaxa Qaybta
Xidhiidhka Caalamiga
6. Maxamed Cabdi (Darbo): Ku-xigeenka
Qaybta Suuqgeynta & Xidhiidhka dad-
weynaha
Mohamed Ibrahim Assistant Editor
Waxa farxad weyn noo ah in aanu idinku soo
dhoweyno tirsigii 14aad ee majaladda Telesom
(Telesom Newsletter. Majaladan oo saddexdii
biloodba hal mar soo baxda (Quarterly), waxa soo
saara Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, gaar
ahaan xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha (Public Rela-
tions office).
Majaladan waxa aad ka heli kartaa maqaalo xiiso leh
oo isugu jira dhacdooyinka iyo wararka Telesom,
Adeegyo cusub oo faa’iido u leh macaamiisha,
barnaamijyo caafimaad, Suugaan, Dhaqan iyo
barnaamijyo kale oo aqooneed.
Wixii macluumaad ama qoraalo faa’iido u leh dalka iyo
bulshadaba waxa aad noogu soo hagaajisaan xafiiska
Xidhiidhka dadweynaha ee Telesom oo ku yaala xa-
runta dhexe ee Salaam Remittance ama ku soo dir
ciwaanka:
Telesom Tower, Bridge Road, Hargeisa Somaliland,
Office: +252 2 522168,
Email: [email protected], [email protected]
Mustafe A. Muse
Editor-in-Chief
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
S hirkadda Telesom oo ah shirkadda ugu weyn
shirkaddaha isgaadhsiinta dalka uguna horu-
marsan technologyada, door weyna ka qaadata
horumarka dadka iyo dalka ayaa dhisme cusub oo qala-
baysan u dhistay kuuliyadda Isgaadhsiinta & tiknoola-
jiyadda ICT ee Jaamacadda Hargaysa.
Xafladdii wareejinta oo lagu qabtay hoolka dhismahaas
cusub ee jaamacada ayaa waxaa ka soo qayb-galay
maamulka shirkadda Telesom, xubno ka socday goloha
wasiirada oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Diinta iyo
Awqaafta, Wasiirka dhallinyadda iyo Ciyaaraha,
Wasiirka Waxbarashadda, Wasiirka Boosha iyo Is-
gaadhsiinta, Wasiirka Ganacsiga, Agaasimaha guud ee
Tacliinta Sare, maamulka Jaamacadda Hargaysa iyo
Jaamacadda Camuud, Ganacsato iyo marti-sharaf kale
oo badan.
Suldaan Maxamed Xasan Ibrahim oo ka tirsan BOD-ka
sare ee shirkadda Telesom oo munaasibada ka hadlay
ayaa aad uga nuuxnuuxsaday doorka ay shirkadda
Shirkadda Telesom Oo Jaamacadda Hargaysa, kuuli-
yadda ICT-ga U dhistay dhisme cusub oo qalabaysan
Telesom kaga jiro horumarka dalka, waxyaabihii ay
shirkaddu qabtay lixdii bilood ee u danbeeyey.
“Waxa aanu Jaamacadda Hargaysa u dhisnay dhimse
qalabaysan oo lacagta ku baxday ay dhan tahay
$100,000 (boqol kun oo dollar), dhismahaas oo ka
kooban Hall-ka khudbadaha ah (Lecture hall), hal Hall
oo lagu qalabeeyey 20 computer oo kuraastoodi iyo
miisaaskoodii iyo qalab qaaliya (Cisco routers), is-
toodh (store) iyo Musqul. Dhismahani aanu dhisnay
waxaa uu awood u leeyahay in la saari karo ama lagu
kordhin karo laba dabaqa iyo wax ka badan” ayuu
yidhi Suldaanku.
Prof. Mustafe Ceelaabe oo ah horumuudka kuliyadda
culuumta Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda ICT ayaa
waxa uu Professor-ku madashaasi ka xusay qiimaha ay
kuuliyadda ugu fadhido dhismaha iyo qalabkan loo
dhamaystiray. Isagoo tilmaamaya qalab-ka ay
shirkaddu ugu deeqday kuuliyada oo ay ka mid tahay
CISCO Access router, kaas oo ah qalab aad u qaaliya
Muuqaalka Sul. Maxamed Xasan oo ka waramaya ujeedada dhismaha
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
balse lagu qancay in Jaamacada Hargaysa la siinaayo.
Professorka waxa hadaladiisi ka mid ahaa, “Qalabkan
CISCO Access Router waa qalab ay iska leedahay
shirkadda soo saarta qalabka lagu isticmaalo Internet,
waana qalab aad u qaaliya oo jaamacadda Hargaysa na-
siib u yeelatay inay hesho. Waa qalab qiimo weyn ku
soo kordhin doona Jaamacada waxanu u sahli doonaa in
aqoonta ardayda si fiican loogu gudbin doono”.
Sh. Aadan Maxamud Xiiray (Adan Siiro) oo iska ka
mid ahaa mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa aad
ugu nuuxnuuxsaday, doorka ay Telesom kaga jirto bul-
shada iyo qiimaha ay waxbarashaddu leedahay, gaar
ahaana adeegsiga culuumta Tiknolajiyada casriga ah.
Ugu danbayntii Marwo. Zamzam Cabdi Aadan,
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa
xadhiga ka jartay dhimihii ay shirkadda Telesom u
dhistay Jaamacadda Hargaysa. Waxaanay si toosa
ugu wareejisay maamulaha qaybta horumarinta ga-
nacsiga Telesom Md. Cabdisalaan Ismaacil Nuur, si
uu furayaasha iyo masuuliyadii dhismahaasiba si
rasmi ah ugu wareejiyo wareejiyey guddoomiyaha
Jaamacadda Hargaysa Md. Muse Adan Cabdi.
Muuqaalka xafladii furitaanka dhismaha iyo mas’uuliyiintii ka soo qaybgashay
Shirkadda Telesom Oo Jaamacadda Hargaysa, kuuli-
yadda ICT-ga U dhistay dhisme cusub oo qalabaysan
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Shirkadda Telesom oo $25,000 ugu deeqay dhis-
maha waddooyinka ee degmada Tog-wajaale
T elesom Newspaper, 29 April 2012: Shirkada Is-
gaadhsiinta Telesom ayaa guddoonsiisay guddida
hurumarinta degmada Tog-Wajaale deeq lacageed oo
dhan $25,000, munaasibadda lagu kala gudoomaayey lacagta
oo ka dhacday Huteel Bile ee Magaalada Tog-wajaale, waxaa
ka soo qayb-galay masuuliyiin sare sare oo ka tirsan shirkada
Telesom. Waxa kale oo iyaguna ka soo qayb galay Gudoomi-
yaha Gobolka Gabiley, Gudoomiyaha Degmadda Tog-Wajaale
iyo marti-sharaf kale oo badan.
Waxa Munaasibadaasi ugu horeyn hadal ka jeediyay Guddoo-
miyaha Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan waxaanu ma-
had celin balaadhan u jeedinayay Shirkada Telesom, oo uu ku
tilmaamay inay tahay shirkad had iyo jeer u taagan ka qayb-
qaadashada horumarka dalka.
Waxa kale oo Munaasibadan hadal ka jeediyay Madaxa
Waaxda Hurumarinta Ganacsiga (Business Development) iyo
horumarinta goboladda shirkada Telesom Mr. Cabdisalaan
Ismaaciil Nuur oo sheegay in ay Shirkada Telesom tahey
shirkada kaliya ee ay wada leeyihiin guud ahaanba bulshada
reer Somaliland islamarkaana, uu gobol kasta iyo degmo
kastaba joogo qof wax ku leh Shirkada Telesom sidaasna ay
kaga duwan tahey Shirkado badan oo ganacsi ah oo si gaar ah
loo leeyahey. Waxaanu xusey in ay shirkad ahaan ku
dedaalaan in ay xooga saaraan ka qaybqaadashada Adeegyada
bulshada oo ah waajib.
Cabdiwahaab Maxamud Maax, Madaxa Waaxda Ganacsiga
iyo Cali Maxamed Salaax, Madaxa Qaybta Horumarinta
goboladda ee Telesom ayaa iyaguna in ay waajib ku tahay
shirkadda inay ka qayb qaataan waxqabadyada adeega Bul-
shada oo ay ku dedaalayaan Gobol kasta in ay ka qabtaan
in ala inta ay awoodi karaan.
Waxa kale oo ka mid ahaa madaxdii madashaas ka ha-
dashay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Mr. Xaashi
Muxumed Cabdi, Gudoomiyaha Ganacsatada Degmada
Tog-Wajaale Cabdilaahi Ismaaciil Nuur (Dhako) waxanay
dhamaantood u mahad celiyeen shirkada Telesom ee ugu
deeqday lacagtan gudida Hurumarinta iyo dhismaha Deg-
mada Tog-Wajaale oo ah deeqdii ugu badneyd ee nooceeda
ah ee loogu deeqo Tog-
Wajaale, iyada oo aanay
aheyn markii u horeysay
ee ay Telesom ka qeyb
qaadato Hurumarinta
Tog-Wajaale balse ay
hore uga qabtay
mashaariic badan oo
horumarinta, kuwa
kalena ka qaybqaadan
doonto.
Muuqaalka Md. C/Salaam Ismaaciil oo ka
waramaya deeqda ay Telesom bixisay
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Shirkadda Telesom oo $20,000 Ku Wareejisay
Guddida Dhismaha Wadda Dawga Cad
T elesom Newsletter, 13 June,
2012, Telesom ayaa deeq la-
cageed oo dhan $20,000
(labaatan kun oo dollar) ku wareejisay
guddida dhismaha wadda Dawga cad
ee isku xidhaysa Somaliland iyo Dji-
bouti. Xafladda lagula kala gu-
doomaayey deeqdan lacageed oo ka
dhacaday hotel Maansoor ee ma-
gaaladda Hargaysa ayaa waxa ka soo
qayb-galay maamulka shirkadda Tele-
som iyo Guddida Dhismaha Dawga
cad.
Ugu horayn waxa hadalkii furitaan
lagu soo dhaweeyey Md. Cabdisalaam
Ismaaciil Nuur oo ah Madaxa waaxda
Horumarinta Ganacsiga Telesom,
waxaanu sheegay in dhismaha
waddada Dawga caddi tahay mid mu-
hiiimad weyn u leh bulshadda Somali-
land oo dhan. Waxa uu maamuluhu
xusay in shirkadda Telesom qayb ka
tahay bulshadda Somaliland ee
waddadaasi loo dhisayo, diyaarna u
tahay Telesom in ay ka qaybqaadato.
Waxaa isna sidoo kale kulankaas ka
hadlay Eng. Cabdirashiid Muuse Iiman
oo ka mid ah BOD-ka sare ee Telesom
oo tilmaamay in shirkadda Telesom ay
waajib ku tahay in door muuqata ka
qaadato horumarka dalka, waxaanu
shirkaddaha kale ugu baaqay in ay ku
daydaan shirkadda Telesom oo ay ho-
rumarka dalka iyaguna doorkooda ay
ka qaataan.
Waxaa iyaguna xafladaasi ka hadlay
masuuliyiintii guddida Dawga Cad
kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaan
Maxamuud Siciid, Eng.Yuusuf Axmed
Yaasiin, Xaaji Maxamuud Cumar
Xaashi, Eng. Axmed Siciid Warsame,
Eng.Cali Cabdi Daymi iyo, Xaaji
Cabiqaadir Xaashi Cilmi oo ah gudoo-
miyaha guddida wadda dawga cad,
dhammaan masuuliyiintani waxay
shirkadda Telesom ugu mahadnaqeen
doorkaa hormuudka ah ee ay qaaday
bilowga wadda Dawga cad.
Waxana ugu danbaytii ay shirkadu
guddoonsiisay lacagti ay ugu talo
galeen dhisamaha waddada cad oo
dhammayd $20,000 guddida ka hawl
galaysa dhisamaha wadadaas oo noqon
doonta mid wax wayn ka tarta baahidi
loo qabay dawgaas.
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
T elesom Newspaper - 26 April
2012: Munaasibada lagu qabtay
Hoolka Jaamacada Nugaal ee
magaaalada Laascaanood ayaa
shirkadda Telesom gaadhi Land-cruiser
ah oo ay ugu deeqday jaamacadda Nu-
gaal lagu guddoonsiiyay maamulka
jaamacadaas. Munaasibadaas waxa ka
soo qayb galay masuuliyiin ka kala
socota Shirkada Telesom, Jaamcada
Nugaal, Aqoonyahano, odayaasha iyo
wax garadka Gobolka Sool iyo Ar-
dayda Jaamacada Nugaal.
Ugu horayna waxa madashaas ka had-
lay Maamulaha Shirkadda Telesom ee
laascaanood Cabddirsaaq Axmed War-
same (Dhabayaco), waxaanu halkaas
ka sheegay waxqabadka shirkadda
Telesom ay ka qabatay guud ahaan
gobolka sool waxana uu ku dheeraaday
wax qabadka ay kaqaban doonaan
deegaandan.
Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay
Faarax Sugaal Guure oo kamida masu-
uliyiinta shirkadda Telesom, isaga oo
sheegay in gaadhigani ay Jaamacadu
ka codsatay shirkada Telesom shirka-
dunu ay si niyadsami ah dalabkaas
jaamacada uga jawaabtay. Waxanu
sidoo kale xusay in shirkaddu markasta
taageerayso Jaamacada Nugaal iyo
cidkasata oo wax qabsata oo ay
shirkadu gacmo furan ku so dhaway-
nayso.
Waxa isna munaasibadaasi ka hadlay
Cali Maxamed Saalax (Cajab) oo ah
masuuliyiinta Shirkadda Telesom, oo
sheegay in Jaamacada ay markasata la
garab taagnaan doonaan wixii taageero
iyo tusaale ah.
Ugu dambayntii waxa madashaas hadal
qiimo leh ka jeediyay guddoomiyaha
Jaamacada Nugaal C/Risaaq Lafoole
oo sheegay in Jaamacad ahaan ay si
wayn u soo dhawaynayaan shirkadda
Telesom. Waxaanay jaamacadu ballan
qaadaynay in ay ilaalinayso gaadhigan
jaamacada ay ugu deeqday Telesom,
baahidii loo darbadayna lagu fulin
doono.
Guddoomiyihu mar uu ka hadlayay
taageeradda joogtada ah ee Telesom u
fidiso jaamacadda waxa uu yidhi
“Shirkadda Telesom markasata waxa
ay nala garab taagan tahay taageero,
waana shirkadii ugu horaysay ee naga
taageerta dhismaha jaamacada ee hada
lawado. Waana shirkadii keliya ee ugu
horaysay ee lacag $10,000 ah na siisay
xiligii aanu jaamcada abaabudaynay.
Shirkadda Telesom ayaa waxa ay
kaalin mugleh kaga jirtaa kor u
qaadista waxbarshada, caawinta
agoomaha, caawinta abaaraha iyo reer
guuraaga. Waxa ay markasata u hee-
lanatahay bulshada ay ka dhex
shaqayso iny wax ku soo celiso waana
astaamaha ay leedahay shirkadu. Dad
waynaha magalada laascaanood ayaa
waxa ay dareemeen wax qabadka
shirkada Telesom, gaar ahaan caawinta
agoomaha ee magalada laascaanood.
Shirkadda Telesom Oo Gaadhi Land-cruiser ah
guddoonsiisay Jaamacadda Nugaal (Laascaanood)
“Furitaankii Jaamacadda
Telesom waa shirkadda
kaliya ee ugu deeqday
$10,000” Md. Sugaal
Muuqaalka Eng. Faarax Sugaal oo furaha gaadhiga ku wareejinaya Guddoomiyaha Jaamacaada Nugaal Prof. Lafoole
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
T elesom Newsletter -
11 April 2012-
Shirkadda Telesom
ayaa deeq maaliyadeed gud-
doonsiisay Guddidda dhismaha
waddada Jameeco weyn iyo
guddida Buundada Xaafada
Kililka. Xafladda guddoonsiinta
deeqd a maa l i yadeed ee
shirkadda Telesom bixisay oo ka
dhacday goobaha ay ka socdaan
shaqaddaa dhismaha waddada
iyo buundada ee xaafada
Jameeco weyn iyo kililka.
Ugu horeyn waxaa xafladdii
guddoonsiinta deeqda maali-
yadeed ka hadlay, maamulaha
xidhiidhka dadweynaha iyo suuq
-gaynta Md. Yaxye Iid Dhibiil,
isagoo sheegay doorka ay
shirkadda Telesom ka qaadato
horumarinta arrimaha danta
guud ee ay bulshadu iskeed iska
kaashato. Ugu danbayntii wuxuu
guddoomiye Yaxye guddoon-
siisay Guddida Dhismaha wadda
da Jameeco weyn Lacag dhan
$3,000.
Shirkadda Telesom sidoo kale
waxay deeq lacageed ugu de-
eqday Guddida dhismaha buun-
dada wadda xabaalaha Naasa-
hablood. Buundadaas oo dhib
weyn ku haysa baabuurta sidda
mayd-ka iyo bulshada degan
daanta Bariga ee xaafada Sh.
Nuur ama Kililka. Haddaba
shirkadda Telesom waxay dhis-
maha Buundadaas ugu deeqday
lacag dhan $2,000. lacagtaasi oo
uu guddoonsiiyey Md. Max-
amed Cabdi Darbo, ku xigeenka
xafiiska xidhiidhka dadweynaha
iyo Suuqgeynta.
Sidoo kale shirkadda Telesom
waxay lacag dhan $3,000 dollar
ugu deeqday dhismaha waddada
xaafadda Jigjiga yar ee dhinaca
waqooyi ka marta xarunta Tele-
som Jigjiga yar, taas oo ay dhis-
maheeda waddeen guddi ka koo-
ban odoyaasha xaafadda oo si
xilkasnimo ah hawshaasi u
wadda.
Ugu danbayntii waxay guddi-
yadii kala duwana ay shirkadda
Telesom ugu mahadnaqeen sida
deeqsinimadda ah ee ay uga
qayb-qaadatay shirkaddu dhis-
maha waddooyinka iyo horu-
marka dalka guud ahaanba,
waxaaynay shirkaddaha kale iyo
ganacsatadda kaleba ugu
baaqeen inay ka qayb-qaadataan
dhismaha waddanka kuna day-
daan shirkadda Telesom.
Muuqaalka Madaxda MPR-ka Telesom (Yaxye & Darbo) oo ka hadlaya mid ka mid ah xafladihii lacagaha lagu guddoonsiinayay waddooyinka
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Shirkada Telesom oo Magaalada Berbera ku
guddoonsiisay 41 Arday Muraayadaha Indhaha
T elesom Newsletter – 17
April 2012, Shirkadda
TELESOM ayaa magaalada
Berbera ku guddoonsiiyay mu-
raayadaha aragga 41 Arday oo
isugu jira ardayda wax-ka-barata
dugsiyada magaalada Berbera. Ar-
daydan oo ka mid ahayd 5000 oo
arday oo ay shirkada TELESOM oo
kaashanaysa dhakhaatiirta indhaha
ee ha’ayada MANHAL baadhitaan
iyo cabiraado inadhaha ugu samay-
een mudadii u dhaxaysay 17-kii
Ilaa 23kii April 2012ka.
Munaasibadii guddoonsiinta mu-
raayadaha oo si heer sare ah loo soo
agaasimay waxa ka soo qaybgalay
Maayar- xigeenka degmada Ber-
bera, qaar kamida xildhibaanada
golaha deegaanka, guddoonka wax-
barashada gobolka, wasaarada
caafimaadka, maamulaha shirkada
TELESOM BERBERA, maamu-
layaasha dugsiyada, waalidiinta iyo
ardaydii muraayadaha la guddoon-
siinayay iyo waliba marti sharaf
kale oo tiro badan.
kibaaro
Ugu horayn waxa munaasibada ka
hadlay maamulaha shirkada Tele-
som Berbera Sh. Mustafe Cali
Cumar oo sharaxaad ka bixiyay
barnaamijkan iyo ujeedada ay
shirkadu ka lahayd waxaana ha-
d a l a d i i s i k a m i d a h a a ;
“Barnaamijkan waxa maalgalisay
shirkada Telesom oo kaashanaysa
dhakhaatiirta inadhaha ee haayada
MANHAl, waxaana ay ka dambay-
say farriimo naga soo gaadhay
waalidiinta dugsiyada qaarkood oo
noo sheegay inay ardayda ku nool
magaalada Berbera maadama ay
tahay magaalo kulul u baahan yi-
hiin in wax laga ogaado xaalada
caafimaad ee ay indhohoodu ku
suguntahay. Sidaa awgeed
shirkadda Telesom markiiba si
dhakhsa ah ayay uga jawaabtay
dalabkaas. Ardayda baadhitaanka
lagu sameeyay tiradoodu waxay
dhamayeen 3400 arday, qaar
kamida waxa loo qoray daa-
wooyin, 41 ka mid
ayaa caawa halkan muraayadihii
araga lagu gudoonsiin doona.’’
Waxa kale oo isguna halkaa ka
hadlay maayar-xigeenka deg-
mada Berebra Cabdi Jaamac Fad-
uul, wuxuuna shirkadda Telesom
uga mahadceliyay hawshan khey-
riga ah ee ay fulisay, isaga oo ugu
baaqay shirkadaha kale ee la
midka ah in ay ku daydaan. waxa
kale oo isna madashaas ka ahdlay
isuduwaha wasaarada diinta iyo
awqaa f t a go bo l ka saax i l
sh.salebaan siciid cali oo si aada
ugu mahadceliayay shirkada tele-
som iyo maamulkeda waxa uu
sheekhu sheegay inuu barnaami-
jkani yahay mid kheyriya oo lagu
farxo waayo qofka bini aadamka
ah waxa ugu mihiimsan araga
hadii uu waayana noloshiisa wax-
badan ayaa ka dhiman,sidaa aw-
geed shirkadu waxay qabatay buu
yidhi wax aan cidin ilaabi Karin
ugu dambayna wax uu bulshada
ugu baaqay inay iyaguna shirkada
u noqdaan macmiil wanaagsan oo
ay ogaadan shirkada wax u qaba-
naysa .
Munaasibadan oo ay dad badani
ka hadleen ayaa waxa ka mid ahaa
dadkii ka hadlay Isu-duwaha wa-
saaradda Diinta iyo Awqaafta Sh.
Saleebaan Siciid Cali, Xildhibaan
Cabdi Jaamac Ducaale (Musbaar],
Jamac Cabdilaahi Aw Aadam oo
ka socday bahda wasarada Caafi-
madka, maamulaha dugsiga sare
ee Bursade iyo Dr.Axmed Carab
oo ka socday haayada MANHAL
oo ah dhakhtarkii isagu indhaha u
cabirayay ardayda wuxuuna aad
ugu mahad celiyay shirkada
TELESOM iyo guu ahaanba cid
kasta oo gacan ka geysatay
barnaamijkan kheyriga ah, ge-
bagebadiina wuxuu halkaa ka
xaadiriyay ardaydii uu u qoray
muraayadaha aragga, iyada oo
arday kastana lagu wareejiyay mu-
raayadiisi.
Muuqaalka Mustafe Cali Cumar oo ka hadlaya munaasibadda
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
T elesom Newsletter, 29 June,
2012 - Shirkadda Isgaadhsi-
inta ee Telesom, ayaa maal-
galisay xaflad lagu Daah furey Buug
cusub oo af Ingiriisi ah oo laga qoray
Suugaantii iyo taariikh nololeedkii
Abwaankii weynaa ee Cabdilaahi
Suldaan Timecadde.
Munaasibadan oo ka dhacday hotel
Maansoor ee magaaladda Hargeysa,
ayaa waxa ka soo qaybgalay qoraaga
Buuggan Boobe Yuusuf Ducaale,
qoraa Jaamac Muuse Jaamac, Agaasi-
maha madaxtooyadaa Xasan Cabdi
Madar, masuuliyiin, dhallinyaro rag
iyo haweenba iskugu jira iyo marti
sharaf kale. Sidoo kale, waxa iyana ka
soo qaybgalay saraakiil ka tirsan
shirkadda Telesom oo ay ka mid yihiin
madaxa horumarinta ganacsiga
shirkadda Cabdisa-
laan Ismaaciil Nuur,
madax ku xigeenka
waaxda xidhiidhka
dadweynaha iyo suu-
qgeynta Maxamed
C a b d i A x m e d
(Darbo), iyo Mustafe
Aadan Muuse oo
mad ax xa f i i ska
adeega macaamiisha
iyo xidhiidhka dad-
weynaha.
Ugu horeyn waxa
xafladan ka hadlay
madaxa horumarinta
ganacsiga Shirkadda
Daahfurka Diiwaankii Maansooyinka Abwaan
Timacade oo Af-Ingiriisi lagu qoray isgaadhsiinta ee Telesom Cabdisalaan
Ismaaciil Nuur, waxaanu u hambaly-
eeyey qoraaga buugan diiwaanka
maansooyinkii Abwaankii weynaa ee
Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo af
ingiriis ah waana buugii afraad ee laga
qoro gabayadiisa, waxaanu ku dhiiri-
galiyey qoraaga sida hagar la’aanta ah
ee uu dadkiisa uga haqabtiro dhac-
dooyinkii soo maray.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay
qoraaga: Jaamac Muuse Jaamac oo
qoraaga buuugan lagu qoray af Ingiri-
isa ku tilmaamay horumar weyn iyo
wax cajiib ah oo uu aad uga helay,
maadaama oo abwaanka buuga laga
qoray ahaa abwaan aad u qaali ah, isla
markaana mudan in dadka ajanabig
ahi ogaadaan aqoonta ay dadkeenu
lahaayeen.
Sidoo kale, waxa iyagunua ka hadlay
Abaan Axmed Aw Geeddi oo abwaan
Timacade ku tilmaamay mid aan
dadka af soomaaliga ah waligii laga
helayn waxaanu sharaaxaad dheer ka
bixiyey shakhsiyadii Cabdilahi
Suldaan Timacadd iyo siduu u ahaa
abwaan weyn oo aan sidoo kale cid la
mid ahi aynay somali ka soo dhex
bixin isaga dabadii.
Waxa Gebogabadii soo xidhay muna-
sibadaas bandhiga qoraaga Buugan
cusub ee Af ingiriisa ku qoran: Boobe
Yuusuf Ducaale oo ka sheekeeyey
taariikhdii Abwaan Cabdilaahi
Suldaan Timacadde, waxaanu sheegay
in buugani yahay kii u dambeeyey ee
uu ka qoro abwaanka, maadaama oo
kani yahay kii afaraad ee laga qoro
abwaanka.
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Baro mid ka mid ah hormuudka Shaqaalaha Telesom
Q ormadeenii taxanaha ahayd ee baro mid ka
mid ah hormuudka shaqaalaha shirkad-
daTelesom, tirsigan oo ah kii 14aad waxa
aynu ku sooryaynaynaa Cabdirisaaq Cali Maxa-
mud oo ka mid ah shaqaalaha Telesom Laas-
caanood, gaar ahaan Qaybta Xisaabaadka.
Cabdirisaaq Cali Maxamuud waxa uu ku dhashay
magaalada Laascaanood, sannadkii 1962-kii, waxa
uu ku dhamaystay waxbarashadiisii dugsiga hoose
dhexe Magaalada Laascaanood , wuxuu dugsiga
sare ku dhamaystay Dugsiga sare ee Sheekh
Bashiir, Magaalada Burco. Sidoo kale waxa uu ka
qallinjabiyey Jaamacada Nugaal ee Magaalada
Laascaanood kulliyada Computer Science-ka
(Bachelor of Computer Science).
Dhinaca Waxbarashada Dadban, Cabdirisaaq Cali
Maxamud waxa uu sannadkii 1984 dhamaystay
Machadka Tababarka iyo Xisaabaadka ee Jaamac-
ada Carabta, 1985 waxa uu dhamaystay Course
Luqadaha Talyaaniga (Culture De Italiano), 2006
waxa uu dhamaystay Financial Accounting,
Jaamacadda Nugaal.
Shaqada shirkadda Telesom waxa uu Cabdirisaaq
markii ugu horaysay bilaabay February, 2003
waxaanu ka mid noqday shaqaalaha Telesom
Laascaanood, gaar ahaan qaybta Iibka & Suuq-
geynta. Shaqooyinka kale ee uu c/risaaq shirkadda
u soo qabtay waxa ka mid ahaa; madaxa suu-
qgeynta & Iibka (Sales & Marketing Manager),
Ku xigeenka madaxa Telesom Laascaanood iyo
xisaabiyaha guud oo uu hadda yahay (Deputy Site
Manager & Accountant).
Cabdirisaaq, mudadii uu shirkadda u
shaqeeynayay waxa uu sameeyey dedaal iyo horu-
mar la taaban karo, taasna waxaa inoo cadeeynaya
xilalka calculus ee uu qabtay intii uu joogay iyo
derajooyinka uu gaadhay, horumarkaas uu
sameeyey waxaa uu ku mutaystay Abaalmarino
iyo Shahaadooyin.
Cabdirisaaq Cali Maxamud waxaa kale oo uu ka
soo shaqeeyey Commercial and Saving Bank Of
Somalia, Mogadishu sannadihii u dhaxeeyey 1986
ilaa 1991, waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey
Yemen, Saudi Arabia sannadihii u dhaxeeyey
1992 ilaa 1995.
Cabdirisaaq waxaa uu mudadii uu shirkadda u
shaqeeynayay qaatay tababaro farabadan, kuwaas
oo iskugu jiray qaybo kala duwan oo la xidhiidha
masuuliyadihii shaqo ee uu markaa hayay, taba-
baradaas waxaa ka mid ah:
Sales & Marketing
Customer Care-ka
Sidaas daradeed, markii uu maamulka shirkadda
iyo xafiiska shaqada shaqaaluhu arkeen kartida
iyo dedaalka uu muujiyey, mudane Cabdirisaaq
Cali Maxamud waxa loo caleemo saaray inuu ka
mid noqodo shaqaalaha hal-doorka ah ee Telesom,
laguna suxo majaladda Telesom.
Gebogebadii Cabdirisaaq oo kaliya maaha
shaqaalaha kor u qaaday aqoontooda, xirfadooda
& horumarkooda shaqo ee waxaa jira shaqaale
badan oo aanu mid mid ugu soo qaadan doono tir-
siyada soo socda ee Majalada Telesom.
Waxa diyaariyay xafiiska HRM-ka
Cabdirisaaq Cali Maxamuud
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Telesom oo tababartay shaqaala-heeda, si loo horumariyo shaqada
T abobarka shaqaalahu waxa uu
ka mid yahay dhiirigelinta ugu
weyn ee shirkadda Telesom
ay siiso shaqaalaheeda. Si loo soo
saaro shaqaale mihnadyaqaano ah oo
masuuliyaadkooga shaqo u leh aqoon
xeel dheer waa aragtida dheer iyo
himilooyinka ay hiigsanayso Telesom.
Sidaas daraadeed; xafiiska shaqada iyo
shaqaalaha Telesom waxay tababaro u
qabteen saddexdii bilood ee u dan-
beeyay qaar ka mid ah shaqaalaha
shirkadda ee ka hawlgala Hargeisa iyo
Gobalada,
Haddaba, Xafladihii furitaanka taba-
baradaasi waxaa lagu qabtay hoolalka
shirarka iyo tababarada ee xarumaha
Hargaysa, Boorama iyo Burco,
waxaana ka soo qayb galay oo ujee-
dooyinka tababarada ka jeediyay
mas’uuliyiinta ay ka mid yihiin: Faarax
Sugaal Guure, madaxa waaxda Maa-
mulka; C/Wahaan Maax, madaxa
waaxda ganacsiga; Mustafe Askar
Faarax, madax-xigeenka shaqada &
shaqaalaha iyo maamulayaasha Burco
iyo Borama, Maxamuud Xaaji Ibraa-
him iyo Cabdiqaadir Adam Nuur.
Iyadoo Xafiiska Shaqada & Shaqaa-
luhu ka duulayo qorshe-sannadeedka
xafiiska, ayaa waxa uu go’aansaday in
tababaradaas lagu qabto xarumaha
shirkadda ee Hargeysa iyo Borama iyo
Burco oo shaqaalaha Gobalada ka
hawlgala loogu qabtay.
Shaqaalihii tababarada la siiyay waxa
ay ka kala tirsanaayeen qaybaha: Sales,
Zaad, MPR, Landline, Security, Engi-
neering iyo shaqaalaha xarumaha
goboladda. Waxaana muuqata tabarada
shaqaalaha la siinayo in ay ka mid yi-
hiin waxyaabaha ay shirkadu ku noqo-
tay hormoodka isgaadhsiinta dalka,
Tababaradani mudadii ay socdeen
waxa ay shaqaaluhu qaateen tababaro
kala duwan oo loogu tala galay in kor
loogu qaado adeega ay shirkaddu ma-
Mustafe Askar, madax-xigeenka shaqada &
shaqaalaha oo diyaariyay maqaalkan
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Maamulka Telesom oo darajo sare ku
qaabilay mulkiilaha Somalilandpress
Cabdisalaan Ismaaciil Nuur, Maamu-
laha xafiiska horumarinta Ganacsiga
oo ka hadlayay sababta soo dhaweynta
ayaa yidhi; “Maxamed waa muwaadin
dalka kaalin weyn kaga jira, sidaas
daraadeed; waxa waajib nagu ah in
aanu sooryayno, isaga iyo ciddii kale
ee horumarka dalka ka shaqaynaya.”
Mr. Maxamed Ibraahim, mulkiilaha
shabakadda Somalilanpress oo isaguna
ka hadlayay martqaadka ay Telesom u
samaysay ayaa yidhi; “Aad iyo aad
ayaan ugu faraxsanahay in aan la
kulmo maamulka Telesom. Shirkadda
Telesom horumar weyn ayay gaadhay,
waxaana la odhan karaa waa shirkad
Caalamiya, maadamaa ay u shaqayso
sida shirkaddaha Caalamka. Aad iyo
aad ayaan ugu mahadnaqayaa qado-
sharafta ay ii sameeyeen.”
Mr. Maxamed Ibraahim waa mu-
waadin u dhashay dalka Somaliland
oo hadda ku nool wadanka
Maraykanka, gaar ahaan gobolka Bos-
ton, casiimadiisa Massachusetts. Max-
amed wax uu dalka ka maqnaa muddo
dhawr iyo labaabtan sanno ah. Hadda
waxa uu ku shaqeeyaa International
Marketinga.
Mas’uuliyiinta soo dhaweeyay Mr.
Maxamed Ibraahim:
1. C/kariim Maxame Iid, Guddoomi-
yaha Guud ee Telesom
2. Ciise Maxamuud, Madaxa Hawl-
gelinta Telesom
3. C/salaam Ismaaciil, Madaxa qay-
bta horumarinta Telesom
4. Yaxye Iid Dhimbiil, Maamulaha
waaxda Suuqgenta & Xidhiidhka
dadweynaha
5. Maxamed Cabdi (Darbo), Maa-
mule ku xigeenka Suuqgeynta &
Xidhiidhka Dadweynaha
6. Cadnaan Daahir , Maamulka
Xafiiska Xidhiidhka Caalamig ah
7. Mustafe Adam, Maamulka
xafiiska adeegga macaamiisha iyo
warbaahinta.
8. Cabdiraxmaan Adam Ismaaciil,
maamulka xafiiska Suuqgeynta.
M aamulka shirkadda Tele-
som waxa uu 5 May,
2012 soo dhawayn heer-
sare ah ku qaabilay Mulkiilaha ahna
tafaftiraha shabakadda wararka ee
Somalilandpress, kaas oo booqosho
gaaban dalka ku Somaliand ku yimi.
Soo dhaweyntan oo ahayd mid lagu
maamuusayo Mulkiilaha shabakadda
SomalilandPress, Mr. Maxamed Ibraa-
him ujeedeeduna ay tahay in la tuso
horumarka baaxadda leh ee shirkadda
Telesom Telesom ku soo kordhisay
guud ahaan dalka Jamhuuriyadda
Somaliland.
Xafiiska shirkadda Telesom u qaabil-
san xidhiidhka warbaahinta (Media
Relations) oo gadh-wadeen ka ahaa
soo dhaweyntan, waxa ay socdaal
indho-indhayn ah (Tour) ku soo mari-
yeen Mr. Maxamed Ibrahiim xa-
rumaha ugu muhiimsan shirkadda,
sida xuranta shacabka oo uu yaalo
system-ka shirkadda, xarunta guud ee
Telesom (Telesom Tower), Xarunta
Iibka (Sales Department) iyo xarunta
guud ee Salaam Financial Services.
Intaas ka dib, Madaxa xafiiska
Xidhiidhka Caalamiga ah Mr. Cad-
n a a n D a a h i r a y a a b a n d h i g
(Presentation) qiimo badan ka siiyay
Maxamed guud ahaan taariikhda iyo
adeegyada ay bixiso Telesom iyo
mustaqbalka himilada ay leedahay.
Sidoo kale, waxa uu Mr. Maxamed
Ibraahim kulan kooban la yeeshay
guddoomiyaha guud ee shirkadda Mu-
dane Cabdikariim Maxamed Iid.
Muuqaalka Guddoomiyaha Golaha fulinta ahna madaxa hawlgelinta
Telesom oo xafiiskiisa ku qaabilay Mulkiilaha Somalilandpress
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Zeko Sooc: Waa maxay Seko?
W aa Qorme taxane ah oo aanu ka soo
qaadanay buug yare uu diyaariyay
Suldaan Maxamed Xasan oo ka tirsan
BOD-ka shirkadda, kaas oo uu ku diyaariyay noo-
cyada zakada, habka loo bixiyo, maalka ay ku waa-
jibto iyo wakhtiyada la bixiyo.
4. HABKA LOO SEKEEYO RIKAASKA IYO MACDANTA:
Inta aynaan u gundo degin sida loo sakeeyo Rikaaska
iyo Macdanta, waxa aanu qeexi doonaa macnayaasha
labadan maal waa sidan:
B: Rikaas:
Waxaa layidhaahdaa xoolaha (hantida) laga helo
dhulka hoostiisa amaba dushiisa, ha ahaadeen dahab,
fido ama hanti kale oo qiimo leh, kuwaas oo ay
aaseen ama ka tageen quruumihii hore ee jaahiliga
ahaa (aan islaamka ahayn).
Haddii ay dhacdo in laga helo hanti noocaas oo kale
ah meel uu qof Muslim ahi leeyahay isaga ayaa leh
maadaama laga soo saaray dhulkii uu mulkiga u la-
haa.
Hantida laga helo meel ay muslimiini deganaan jir-
tay laguma magacaabo Rikaas ee waxaa la yid-
haahdaa baadi (luqada), waana layaboohinayaa
(baafinayaa), muddo laba iyo toban bilood ah. Had-
dii mudadaas cidi soo sheegan weydo waxaa yee-
lanaaya cidii heshay waana la isticimaalayaa, iyadoo
laxafidaayo calaamadaha ay alaabtaasi lahayd si had-
dii ay cidi soo sheegato loo magdhabo.
T: Macdanta :
Waxaa loo yaqaan waxkasta oo laga soo saaro
dhulka hoostiisa oo leh qiimo, taasi oo ah wax ilaa-
hay ku abuuray ee aan aadamuhu dhigin.
Hadaba xoolaha noocaas oo kale ah habkee ama
sidee ayay u sekoobayaan, marka hore waa inaan
xasuusnaano in ilaahay siiyay cida uu ku ilhaamiyo
inay soo saaraan kuna waajibiyay inay iska bixiyaan
xaqa masaakiinta iyo cidii baahan ee muslimiinta ka
mida, waxanina ay yihiin maal alle inoo xalaaleeyay
ilaahayna waxaa uu ku yidhi kitaabkiisa sidan:( ا أها
ا أخزجانكى ي انذ ءايىا أفقىا ي طباث يا كسبتى وي
267انبقزة( :أألرض
Hadaba Rikaasku wuu ka duwanyahay macdanta
maxaa yeelay waa xoolo ay ka tageen gaalo oo uu
helay qof ama dad muslimiin ahi, sidaas darted,
waxaa laga bixinayaa markii laheloba 5%
(boqolkiiba shan ) la siinaayo cidii alle u cayimay,
waxaana loo eegayaa sida xoolaha kale inay yihiin
seko goys, hayeeshee looma eegaayo inay gaadhaan
xawlkii oo ah sannad inuu u buuxsamo.
6. MACDANTA IYO QAAB SEKAYNTEEDA :
Macdantu waxay lamid tahay Rikaaska xaga nisaabka
(seko goyska), waxayse kaga duwan tahay imisa ayaa
laga bixinayaa, arrintan culimadu way isku kilaafeen
waxay ka qabaan laba aragtiyood oo kala ah sidan:
Mad’habka xanafiyadu waxaa uu qabaa in
laga bixinaayo 5% (boqolkiiba shan).
Culimada kale ee kala ah: Imaam Maalik ,
Imaam Axmed binu Xanbali iyo qawl uu
leeyahay Imaam Shaafici waxay isku raac-
sanyihiin in ay ku waajibayso 2.5%, iyaga oo
uga qiyaas qaadanaaya lacagihii caadiga ahaa,
waxaana la siinayaa sideedii qolo ee ilaahay
ku cadeeyay Qur,aanka kariimka ah.
Fiiro gaar ah: Waxyaabaha lagala soo baxo badda
hoosteeda ama xeeliyadeeda ee macdanta ah ama qii-
maha leh way sekoobayaan, waxayna u sekoobayaan
sidan:
Haddii lagu soo bixiyay tacab iyo dhibaato waxaa laga
bixinayaa 5% (boqolkiiba shan ), haddii layska he-
layna waxaa laga bixinayaa 10% (boqolkiiba toban ),
inkasta oo ay jiraan culimo qabta inaan waxba laga
bixinayn, iyagoo leh ma jirto wax daliil ah oo
sheegaaya in wax laga bixiyo maalka caynkan oo kale
lagu helay.
Qaybtii 4aad
Ka Eeg Bogga 18aad
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
inuu sekoobaayo malabku, sababna waxaa ay uga dhi-
gayaan inay shinidu daaqdo ubaxa kasoo baxa dhirto,
kaas oo ah cuntooyinka in la kaydiyo xamili kara, sa-
babtaa awgeed ayay qaateen in malabku uu ka mid no-
qonaayo waxyaabaha ay sekadu ka waajibto.
Hadaba hadiiba aynu qaadano qawlka odhanaaya hala
sekeeyo maxay noqonaysaa sekada ka baxaysaa?,
Culmada ku tagtay in la sekaynaayo waxay hadana
isku khilaafeen qaderka laga bixinaayo, qaar waxay
leeyihiin inta yar iyo inta badanba waa la sekaynayaa,
qaarna waxay leeyihiin waxaa uu ku sekoobayaa inta
ay ku sekoobaan midhaha ka soo baxa beeraha roobka
ku baxa oo waxaa ka baxaaya 10% (boqolkiiba toban)
inta kuusoo bislaatay, waxaana la bixinaya mawsimka
ama waqtiga aad goosato.
Haddaba, arrinta malabku waa arrin qaabkeeda ay culi-
madu isku khilaafsan tahay, waxaana fiican oo aan ku
talinayaa qofkii ilaahay ku irsaaqo inuu beerto malab
badan oo xadkaa la tilmaamay gaadhi karaa inuu iska
bixiyo seko, isagoo alle ugu mahad naqaaya nimcadaas
uu siiyay ee cajiibka ah oo uu qaato qawlkaa sekada
waajibinaaya.
8. MUSHAHAAROOYINKA WIXII KASOO HADHA BAA-
HIDA QOFKA:
Arrintani waxay ku xidhan tahay wixii dheeraada baa-
hida qofka mushahaar qaataha ah iyo baahiyihiisa, had-
dii ay u dhiganto lacag ka badan baahidiisa asaasiga ah
oo ay gaadho xawlkii iyo seka goys waxaa ku waaji-
baysa seko, waxaana ay noqonaysaa inuu sekeeyo una
sekeeyo sidii caadiga ahayd ee aynu hore u soo sheeg-
nay markaynu lacagta ka hadlaynay. Waxaana uu ku
dhufanayaa lacagta uu haysto 2.5% ama 2.575% da-
badeed inta ay noqoto xisaabtaasi ayuu iska bixinayaa.
9. HABKA LOO SEKEEYO SAAMIYADA:
Waa maxay saamiyadu ? Saami waxaa la yidhaahdaa
lacagaha ay dadku isku darsadaan si ay u noqdaan
shirkad soo saarta lacag laga helo faa’iido qiima leh ,
isla markaana loo sameeyo maamul wada hawshaas, si
looga dhaliyo faa’iido.
Hadaba saamiyada noocaasi oo kale ahi waxay u
qaybsamaan laba nooc oo kala ah:
7. SIDA LOO SEKEEYO MALABKA:
Malabku waxaa uu ka midyahay nimcooyinka ilaahay
ku tilmaamay Qur’aanka kariimka ah, isaga oo til-
maamayana waxaa uu alle yidhi:
ا ) وأوحى ربك إنى انحم أ إتحذي ي انجبال بىتا وي انشجز وي
خزج ي ‘ ثى كه ي كم انثزاث فأسهك سبم ربك ذنال. عزشى
ف ذانك ألت نقىو بطىها شزاب يحتهف أنىاه فه شفاء نهاس إ
69أت (تفكزو
Aayadkan oo macnahoodu aad u layaab badan yahay
waxaa macnahoodu yahay sidan:
(Waxaa ilaahay u waxyooday shinida inay ka
samaysato Buuraha, dhirta iyo meelaha ka samay-
san waababka guryo, waxaad cuntaa dhammaan
midhaha, raac wadooyinka rabigaa oo kuu dulay-
san, waxaa ka soo baxaaya caloosheeda sharaab
uu kala duwan yahay midabkiisu, waxaa ugu su-
gan dadka caafimaad, arrintaasi waxay u tahay
dadka fekeraaya aayad ay wax ku qaataan).
Haddaba, waxay culmada islaamku isku khilaafeen
malabkan ay shinidu samaysay ma ka baxaysaa
sekada ka baxda maalka qofka muslimka ah, badh ka
mida culimadu waxay ku tageen in aanay wax seko
ahi ka baxayn, iyagoo uga daliil qaadanaaya in aan
haba yaraatee lahayn wax daliil ah oo kusoo arooray
sekada malabka.
Qaar kale oo ka mida culimaduna waxaa ay qaateen
Ka Eeg bogga 18aad
Zeko Sooc…………………….
Ka Eeg Bogga 19aad
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
1. Saamiyo sidooda looga ganacsado oo la eego
subaxba qiimaha uu ka joogo suuqa saamiyada
lagu kala iibsado (Stock market) oo markii kor uu
u kaco oo faa’iido fuusho uu hore ka iibinaayo
qofkii saamigaa lahaa, haddii saamiyada qiima-
hoodu hoos u dhacana uu iibsanaayo saamiyo
dheeraad ah, macneheedu waa lacagtii ama alaabta
ay ku jirto oo aad ilaashanayso khasaare iyo faa’ii-
doba oo haddii faa’iido fuushana aad hore ka
gadayso, haddii ay hoos u dhacdona aad
koradhsanayso si aad markale uga faa’do. Hadaba
midaas oo kale waxaa loo sekaynayaa sida lacagta
caadiga ah waxaana laga bixinayaa 2.5%
(boqolkiiba ) ama 2.575% oo ah qiimaha uu
subaxaa suuqa ka joogo xawlna kasoo wareego. 2. Waa Saamiyo laysku darsaday oo la geliyay wax
magac loo bixiyay oo ganacsi ah sida: Shirkad
Adhiga dhoofisa ama dukaamo leh ama bagaashka
ka ganacsata oo sannadkii ama waqti lagu heshii-
yay xisaab xidhkeeda in la sameeyo dabadeedna
faa’iidada soo baxda la qaybsado ama khasaara-
haba amaba lagusii kordhiyo saamiyadii hore wixii
soo baxay sannadkaas ee faa’iido noqday.Shirkada
sidaas oo kale u dhisan seko bixinteedu waxay ku
xidhan tahay marwalba heshiiska shirkada u yaala
ee ay ku heshiiyaan saamiilayaashu haddii ay ku
heshiiyaan in si guud shirkada looga bixiyo waxaa
sekada laga bixinayaa marka xisaab xidhka la
sameeyo ee ay muuqato faa’iidada sannadkaasi
ayaa waxaa laysku darayaa ra’sulmaalkii hore iyo
faa’iidadii soo baxday sannadkan, ha ahaato magac
ama kaashba dabadeed waxaa loo geynayaa amaa-
hda shirkadda ka maqan ee loo aqoonsaday in la
helaayo ama ay soo noqonayso, dabadeed waxaa
laga jarayaa:
Kharashkii loo galay shirkada danteeda oo
keliya sida mushahaarooyinka, shidaalada
iwm.
Daynta lagu leeyahay shirkada.
Intaas markii laga jaro waxa soo hadha ayaa la sekay-
nayaa, marka aanay shirkadu ahayn shirkad ku
shaqaysa wax soo saarka hantida ma guurtada ah.
Waayo taa waxaa aynu tilmaami doonaa habka loo
sekaynaayo iyo waxaa laga bixinaayiba .
Qiimaha saamiga marwalba waxaa asal u ah qiimaha
uu dahabku ka maraayo saylada ay joogaan xoolaha la
sekaynayaa inta uu dahabku ku sekoobayaa waa 85g.
Markaa xoolahaaga ama lacagtaada waxaad ubedelay-
saa inta ay dahabka ka goynayaan subaxaas, da-
badeedna waxaad ku dhufanaysaa inta soo baxda
2.5% ama 2.575% hadba taariikhda aad qaadato.
Qiimeyntani waa marka aad joogto wadan aanay
fadhiyin lacagtiisu sida uu hada yahay wadankeenu oo
kale, waxaad kale oo qiyaas ka dhigan kartaa lacagaha
sida caadiga ah loo isticmaalo sida Dollarka
Maraykanka oo noqday halbeega lacagaha wadamada
soo koraaya ama qof waliba uu ku qiyaasanayo capi-
talka (raasamaalka) uu haysto. Waxaa laga bixi-
naayana culimada way isku khilaafaan, waxaanay
isugu khilaafsan yihiin sidan:
Al-jamuurka (waa sida loo badanyahay) iyo shirarkii
majmacul fiqhiga ee lagaga hadlaayey arrinta sekada
ee lakala qabtay sannadahan 1965 M/ 1385 H Masar
iyo 1985 Kuwayt, 1984 – Rajab 19, 1404 kuwayt.
Intuba waxay isku raaceen in nisbada laga jarayaa ay
noqonayso 2.5% taariikhda hijriga ah taariikhda mi-
laadiga ahna waxaa laga jarayaa 2.575% taas oo u
Zeko Sooc…………………….
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Ka Eeg Bogga 21aad
Sidee ayuu ku yimaadaa Cudurka Faalijku?
hemorrhage) b.ama xuubka ku wareegsan maskaxda (epidural hema-toma) 5. Cudurka macaanka ama sokorowga 6. Kansaradda (Burooyinka) ka soo baxa maskaxda guda-heeda (brain tumors) 7. Infectionada ku dhaca maskaxda sida a.Brain abscess b.Encephalitis. c.Subdural empyema d.meningitis Iwm iyo kuwo kaloo badan Dhamaana qodobadaa aan soo sheegnay waxa ay sababa-yaan 1.In xidid xidhmo oo uu awdmo dabadeedna qaybta mask-axda ee uu xididkaasi quudiyo dhiig beesho dhimato 2.In goob ka mid ah maskaxda uu cadaadis xoog lihi ku dhaco kaasoo ka imanaya
a.Dhiig ku furmay oo ku xinjirooba , b.Dakhar nabar keena oo isna dhaawaca maskaxda , bir iyo xabad iwm c.Dheecaan infection ka yimid d.Burro ka soo baxda maskaxda, dhamaan qaybtani waxa ay cadaadis ku samaynayaan goob ama qayb ka mid ah maskaxda taasoo keenaysa in xididadii dareenka (nerves) ee goobtaa ku jaray ay dhintaan (space occupying lesion sol). Haddaba waxaa aad u badan nooca awdmidda xididada dhiiga oo ay xinjir dhiig ahi awdayso. Waxaana Cuduradda keenana waxaa ugu caansan dhiig karka iyo macaanka
B ogga Caafimaadka ee majalada Telesom tirsigan waxa aynu ku soo qaadanaynaa xanuunka faalijka ama Hemiplegia oo dhibaato-weyn ku haya guud ahaan
bulshadeena Somalialand. Mawduucan hore ayaynu ugu soo qaadanay tirisigii 4aad ee Majaladda Telesom, sababta aanu ugu soo celinay waa xanuunkan oo aad ugu soo badanaya bulshadda. Haddaba xanuunka, waxyaabaha keena, calaamadihiisa, daawayntiisa iyo kahortagiisaba waxa aynu ku soo qaadan doonaa qormadan oo uu soo diyaariyay Dr. Axmed Aadan Axmed (Buuxane). Faalijka ama hemiplegia-yadu waa qalalid ama adayg ama daciifnimo ku timaada dhinac dhan oo is raacsan oo ka mid ah jidhka qofka sida wajiga, gacanta, saablayda, ubucda, ilaa iyo lugta. Waxaana sababa marka ay waxyeelo soo gaadho xidida dhiiga ee maskaxda mara, taasoo keenta qaybtii maskaxda ee xididkaasi quudinayey inay waxyeelowdo, oo ay dhiig beesho dabadeedna ay dhimato. Inta badanna way is waydaarsan yihiin dhinaca maskaxda ee waxyeeladu gaadhay iyo dhinaca jidhka ee faalijka calaamadihiisu ka muuqdaan, (tusaale ahaan hadii dhinaca bidix ee maskaxda wax gaadhaan waxaa qalalka ama daciif-nimadu ka muuqanaysaa waaxda midig ee jidhka qofka). Waxaana dhibaatada qofka ka muuqanaysaa ay kolba ku xidhan tahay xadiga xididada dareenka ee waxyeeloobay (neurological damage), oo haddii goob yar uun ay wax gaad-haan waxaa suura gal ah in qofku aanu wax waynba dare-emin, haddiise goobta ay waxyeeladu gaadhay ay wayntahay waxaa iyana aad u muuqanaysa qaybta jidhka ee faalijku qabanayo. Sababaha keeni kara waxaa ugu badan: 1. Cillad degdeg ah oo ku timaada xidida dhiiga ee maskaxda (cerbrovascular accident CVA) sida a.xididka oo xinjiri awddo (thrombosis) b. xididka oo dilaca dabadeed dhiigu ku furmo (shubmo) maskaxada (heamorrhage) 2. Xidid yar oo waqti aan badnayn xidhnaada (transient ischemic attach TIA) 3. Cudurka dhanjafka ama madax faradka ama shimbirta cidba sida ay u taqaano 4. Nabar madaxa kaga dhacay oo keenay in dhiig ku furmo maskaxda iyo xuubabkeda a.xuubka u dhexeeya lafta adag ee madaxa iyo maskaxda (subarachnoid
Dr. Axmed Adam Axmed
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Sidee ayuu ku yimaadaa Cudurka Faalijku? Da’da uu ku dhaco xanuunkani waxaa u badan dadka ka wayn 50 sano, waxaana u badan ragga marka la is barbar dhigo ragga iyo dumarka Waxyaabaha nugleeya faalijka Waxaa jira waxyaabo badan oo bukaanka u nugleeya ama ka dhiga mid u jilicsan ku dhicidda faalijka, waayo waxaa la arkay in dadka laga helo qodobadani uu faalijku kaga soo dedeg badan yahay, waanay ugaga nugul yihiin marka la bar-bar dhigo dadka kale een qodobadaa laga hellin: 1. Dhiig karka 2. Macaanka 3. Da’da oo sii waynaata 4. Dadka cudurradda wadnaha qaba 5. Dadka daroogada iyo maandooriyayaasha isticmaala 6. Dadka leh dhanjafka (migraine headache) 7. Dadka uu kor u kaco dufanka dhiigoodu (cholesterol) 8. Dadka sigaarka caba 9. Dadka miisaankoodu wayn yahay (buuran) 10. Dadka noloshoodu (shaqdoodu) fadhiga u badan tahay
een jidhkoodu helayn waqti uu kala baxayo (sedentary life)
11. Dumarka isticmala kiniinadda kala dheereeya dhal-mada Iwm.
Haddaba marka maskaxdii jugtaasi gaadho waxaa qaybtii jidhka ee goobtaa maskaxda ee waxyeelowday ay xukumay-say ka dhacaya faalij (paralysis), waxaana calaamadaha ugu waawayn ee lagu arki karo ka mid ah: 1. Qofka oo wajigu qaybi qaloocsanto (af qalooc) (facial
palsy) 2. Qofka oo hadalka kari waaya ama erayadda uu leeyahay
la fahmi waayo (aphasia) 3. Liqitaanka rashinka oo dhiba iyo saxashada qofka oo aad
u badata oo xataa uu ku saxdo candhuuftiisa 4. Socodka oo uu kari waayo iyo is miisaamidii lugaha oo
luma 5. Dhamaan hawlihii gacmuhu qofka u qabanayeen oo
luma ama daciifa sida wax ku cunidda, ku labisashada iyo isu daahirintaba marka uu suuliga u baahdo iwm
6. Araga qofka oo haydh-haydh xoog lihi soo galo aadna wax u arki waaya
7. Sindhada iyo kaadida oo labaduba iska socda oo aanu bukaanku maamuli karayn
8. Kabuubyo iyo dareenka oo kaluma qaybta jidhka ee faalijka qabta
9. Xasuusta qofka oo yaraata ama luntaba 10. Suuxdin dhicid ah oo ku timaada qofka 11. Fahmadda qofka oo yaraata 12. Madax xanuun joogto ah dawooyinka dejiyaana aanay
haba yaraatee wax ka bedelayn Hadaba sideen ku ogaanaynaa nooca cudurka maskaxda ee ku keenay qofkan faalijka ?
Waa wax culus waayo cuduradda keenaa waa ay badan yihiin sida aan kor ku soo sheegnay, waxaase u haboon in marka dhakhtarku garto in bukaankani faalij qabo waa in uu u diro baadhtaanadan sida: 1. Dhiigaga guud ahaan, gaar ahaan xinjirowga dhiiga , 2. Qalabyadda sawira maskaxda sida: CT-scanka, MRI-ga iyo kuwa sheega shaqadda maskaxda sida EEG (electroencephalogram) Daaweynta Cudurka Faalijka? Marka haddaba la helo nooca iyo cilladda keentay faalijka ayaa loo dhaqaaqi karaa daawaynta, Lamana daweeyo uun calaamadaha kuu muuqada ama ka muuqda qofka bu-kaanka ah ee waxaa dawadu ku jirtaa in la daweeyo cillada iyo sababta keentay, 1. Haddii uu qofku aad u jilicsan yahay isna xukumi karayn
waa in la isticmaalaa a. In oxygen sanka iyo afka laga siiyo, b. Neefsiga iyo qaadashada hawadda ee qofka oo aad
loo ilaaliyo waayo qodobka ugu degdega badan ee dila qofka
c. In tuubada sanka ilaa caloosha la galiyo (NGT) si loogaga quudiyo madaama uusan waxba afka ka qaadanayn amaba ku saxanayo hadii afka laga siiyo
d. In tuubada kaadida la galiyo (Catheter) si looga dhawro in kaadidu dhaafto,
e. In loo xidho maro saxaro qabad ah oo iyana ka ilaalisa in sindhada ka soctaa ay meel aan haboonayn ku gaadho.
f. In tuubada xididada dhiiga (canule) la galiyo si dawooyinka looga siiyo
2. Markaa haday noqoto in aan xinjirta dhiiga ah burburino si aan xididka awdan u furno waxaan isticmaalaynaa dawooyinka la dagaalama xinjirowga dhiiga.
3. Haddii kale qaliin ayay noqonaysaa inagoo ka soo saarayna ama ka soo sifeynayna bukaanka sheyga caddadiska ku haya maskaxdiisa sida Kala Soco Bogga 22aad
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
a. Dhiiga ku furmay, b. Dheecaanka, c. Shay dibedda ka yimid bir ama dhagax ama laf jab-
tay oo cadaadinaysa maskaxda d. Ama buro iwm
4. Cuduradda dhiig karka , macaanka , dufanka dhiiga , wadne xanuunka iwm waa in si aad ah loo kaantoroolo waayo degdeg ayay kuugu soo celin karaan faalij kale
5. In qofka loo sameeyo jimicsi (physiotherapy) si qu-wadda murqaha ay dib ugu soo kabato
6. In qofka loo sameeyo dib u baridda hadalka (speech therapy)
7. In bukanka niyadda loo dhiso loona sheego in waxani qadar alle yahay ,dulqaad iyo adkaysina yeesho, dadkiis-una ay taakulo la garab joogaan
8. Iyo dhamaan dib in loo dhiso qofka dhinac kasta jidhkiisa iyo noloshiisaba(rehabilitation)
Ma laga dawoobaa? Haddii marka horeba degdeg loo helo sababta keentay isla markaana lagu degdego dawaynta, waa suura gal in bu-kankaasi soo kabto, haddiise dib dhac yimaado waxa ay u badan tahay in xubnaha qaar ay waqti dheer ku qaataan bukaanka inay dib shaqdoodii si caadi ah ugu qabtaan Sidee looga hortegi karaa xaruunka Faalijka? Maadaama xanuunkani aad u culusyahay dhimasho degdeg ahna keeni karo, walibana 40% dadka uu ku dhacaana ay suura gal tahay inayna dib ugaga kicin. Iyada dheertahay dhimashada, dhaqaale burubur badan oo ka imanaya xagga dawaynta , xagga dhakhtaradda, baylah ku timaada guriga bukaanka, shaqo dambe oo uu shaqaysto bukaanku oon loo rajaynayn xataa hadduu caafimaado, nolosha qofka ee dambe oo u baahanaysa in loo adeego, si joogto ahna loo takuleeyo (dipedent), waayo isagu ma adeegan karayo. Qodobadaasi dhammaan waxa ay inagu jihaynayaan inaynu xoogeena isugu gayno ka hortagga in faalijba qofka ku dhaco haddaan awoodi karno, gar ahaan dadka u nugul ee qaba cuduradda dhiig karka, macaanka , dufanka dhiiga , dhiig xinjirawga iwm, waxaanan xoog saaraynaa dawayntooda iyo kantaroolkooda Iyo in qofka looga digo dhaqamada horseeda faalijka sida cabidda sigaarka, cunidda qaadka, buurnaanta, jimicsi la’aanta. Waxaa iyana haboon in qof kastaba is baadhid caafimaad oo sannadle ah samaysto, hadduuse yeesho dhiig kar ama macaan ama dhiigga oo dufan yeesha waxaa haboon in qofkaasi si joogto ah isu kantroolo dhakhtarka ugu dhow ee uu heli karana joogto ula xidhiidho nolshiisa.
Adeegyadda Cusub ee Sanadkan 2012
Shirkadda Telesom Soo kordhisay
S annadkan 2012
lixdiisii bilood ee u
horeeyey waxaay
Waaxda MPR-ku soo
bandhigeen adeegyo cusub
oo ay ka mid yihiin Adeega
SHAAFI, GMAIL-SMS iyo
adeega AUTOMATIC
customer support.
Adeegyadaasi waa adeegyo
faa'iidooyin badan u soo
kordhiyey bulshada,
tayadoodana ay aad u soo
dhaweeyeen macaamiishu.
Haddaba bal waxaynu eegi
doonaa adeeg kastaaba waxa uu yahay iyo waxa uu
qabto.
1. Adeega SHAAFI oo ah adeeg la soo bandhigay
bishan June 2012, waa adeeg laga helo doono
dhammaan macluumaadka ku sahabsan
caafimaadka guud, wakhtigan xaadirka ah adeegan
waxaa ku diyaarsan marxaladaha hooyada uurka
lehi marto, sida ogaanshaha xiliga uur-qaadista
hooyada, Cabashooyinka hooya xiliga uurka,
khataraha caafimaad, booqasha xanada,
Calaamadaha khatar ah ee Degdeg dhakhtar loog
baahan yahay, Daawoyinka hooyadu la siin karo,
Noocyada cuntooyina nafaqada leh, Dhiig la'aanta,
xanuunada 3 bilood ee hore, Xanuunada 3 bilood ee
C/Raxmaan Adam, madaxa
laanta Suuqgeynta
(Marketing) ayaa diyaariyay
maqaalkan ka waramaya
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
dhexe, Xanuunada 3 bilood ee danbe, Daryeelka
hooyada xiliga foosha iyo Daryeelka ilmaha
dhashay.
1.1. Qaabka loo isticmaalayo, Garaac 119 ka
dibna dhagaysa codka haga ah waxaa
doorata labarka aad u baahantahay
macluumaadkiisa.
1.2. Adeegan waxaa laga helayaa Mobile-da
Telesom ee ka diwaangashan CRBT-ga
2. Adeegga TELESOM-GMAIL-SMS Chat waa adeeg
casri ah oo kuu suurtogelinaya in aad emailkaaga
gmailka ah farriimo bilaa lacag ah uga dirto
macmiil sita Moobilka Telesom. Sidoo kale waxa
farriimo toos ah macaamiisha Telesom ugu diri
karaan emailada gmail-ka. Adeegan waxaa iska
kaashaday Shirkadda Telesom iyo shirkadda
Google, waana markii ugu horaysay ee adeegan
laga hirgaliyo dalka.
2.1. Haddi aad leedahay account gmail ah,
fadlan waxaa invite garaysa qofka aad
doonaysid inaad sms kula xidhiidhid
emailkiisa.
2.2. Ka dib boxe-ka kaa qaban doona dhinaca
midigta ama bixida ee ay ku qoran tahay
Chat and SMS Waxaa ku qortaa labarka
qofka aad u diraysid farriinta adiga oo ka
horaysiinaya ’2’ ka dibna raaci numberka
saaxibkaa, tusaale 24220208.
2.3. Ka dib boxe-ka kuu soo baxa waxaa galisa
magaca qofka aad la xidhiidhaysaa, ka dib
waad u diri kartaa fariimahaaga.
3. Adeega Automatic customer Support waa adeeg
macmiilka u fududaynaya in si automatic ah uu u
helaayo adeegyadan GPRS, PINCODE, PUK,
CALL BACK & CRBT. Adeegan faa'iidooyinkiisa
waxaa ka mid ah: In uu macmiilku kaga maarmo
process-kii dheeraa ee uu soo marayay si uu adee-
gyadan u helo, in macmiilka waqtigiisa loo
ilaaliyo, In culayska laga qaado xafiiska customer
service-ka ee sales-ka iyo In macaamiishu ay adee-
gyadeena si fudud u isticmaali karaan.
3.1. Adeegan marka laguu furo waxaa ku soo
dhacaysa fariin Telesom ah oo u leh
install garee, ka dib save ayaa
taabanaysaa, sidaasi ayuu si automatic ah
kugu shaqaynayaa adeegani.
Adeegyadda Cusub ee Sanadkan .........
Telesom Newsletter, April—June 2012, Tirsiga 14aad
Telesom Newsletter: Waa majalad saddex-biloodle ah (Quarterly),
oo ay soo saarto shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, gaar ahaan
xafiiska Xidhiidhka dadweynaha (Public Relations office).
Telesom Tower, Bridge Road, Hargeisa Somaliland,
Office: +252 2 522168, +252 2 522383
Email: [email protected], Email: [email protected]
Web: www.telesom.net
HIMILADA TELESOM:
In aanu noqono horyaalka adeegyada Isgaadhsiinta iyo
tiknoolajiyada casriga ah ee dunida.