39
WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015 DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND Waa wiil 12 jir ah oo rasaas uu ku dhuftay askari ka tirsan booliska Gobolka Nugaal Sawirka waxaa qaaday Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanah Puntland

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

  • Upload
    others

  • View
    5

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA

NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Waa wiil 12 jir ah oo rasaas uu ku dhuftay askari ka tirsan booliska Gobolka Nugaal

Sawirka waxaa qaaday Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanah Puntland

Page 2: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Mudane Cabdiweli Maxamed Cali

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliya

Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha

Annigoo tixraacaya qodobka 118aad faqradiisa 9aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, Xeerka Hey'adda Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

Puntland Qodobkiisa 12aad faqradiisa 7aad, waxaa sharaf ii ah inaan halakan kuugu soo gudbiyo warbixinta xafiiska ee xili warbixineedka

Nofeembar 2014 ilaa Nofeembar 2015.

Mahadsanid

Maxamed Yuusuf Cali

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dowladda Puntland

Og:

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Dowladda Puntland

Guddoomiye Kuxigeenka koowaad Golaha Wakiilada Dowladda Puntland

Guddoomiye Kuxigeenka labaad Golaha Wakiilada Dowladda Puntlandi

Page 3: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Ereyga Difaacaha

Waxay ahayd 27kii Nofeembar 2014 markii golaha wakiiladdu ay ii doorteen inaan noqdo Difaacaha

Xuquuqda Aadanaha Puntland sida ku cad qodobada 64(9) iyo 117 ee dastuurka dowladda

Puntland. Waa xafiis aan horey uga jirin Puntland, shaqadiisa ay dadka iyo dalka u baahnaayeen,

kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

Asaasidda xafiisku wuxuu ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay soo martay burbur, dowlad la'aan iyo

dagaalo sokeeye oo aafeeyey dalka iyo dadkaba. Waxaa dalka Soomaaliya guud ahaan ka dhacay

gaboodfalo iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, si gaar ahna u saameeyey haweenka iyo

caruurta.

Caqabadaha aanu waajahnay waxaa ka mid ah in aanu ka howlgalnay dal dhaqan doorsoomay, oo

hanaanka dowladnimo iyo qabiilka isku milmeen, bani'aadantimadu luntay, dadka inta dareenka leh

ee xaqa dhowraya ay yaryihiin. Habdhaqanka mas'uuliyiinta qaarkood ma aha mid caawinaaya in

sharcigu sareeyo oo dadku u sinnaadaan sharciga, muwaadinimada, kheyraadka iyo awoodda.

Waxaanu aragnay dowladnimo ay ragaadisay laba aragtiyood oo iska soo horjeeda, bulsho dowladnimada u aragta siyaasiyiin danaysanaya,

iyo mas'uuliyiin u arka dadka iyo dalka hantidooda gaarka ah oo siday ka maqsuudaan u maamulanaya. Isla xisaabtanka oo yar, ama aan jirin

mararka qaarkood siiba markii uu dhaco fal qaldan ama ka gaabin howl in la qabto ahayd. Garsoor ay yartahay kalsoonida bulshadu ku qabto,

ku sifoobay tayo iyo itaal yari, aan samaynin horumar nidaam iyo mid sharci oo la jaanqaada dadka iyo dalka midna.

Dowladda Puntland waxay aasaastay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha oo ah tallaabo loogu hinqaday dhanka maamul wanaaga, isla

xisaabtanka, ka jawaabidda balamada iyo heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya ay saxiixday iyo kuwa ay ka mid noqotay. Waxa ugu wayn

oo la meelmariyey waa qodobada dastuurka Puntland ee faraya in la sameeyo xafiis ka shaqeeya ilaalinta, u qareemidda iyo taaba-gelinta

xuquuqda aadanaha.

Si aan u gudano shaqada naloo doortay ee difaacidda xuquuqda aadanaha, waxaanu qaadnay talaabooyinkan:

· Waxaanu diyaarinay miisaniyadda iyo agabka xafiisku ku hawl gelaayo

· Waxaanu kireynay xarunta dhexe ee difaacaha xuquuqda aadanaha ee Puntland

· Waxaanu shaqaalaysiiney hawl-wadeenada xafiiska oo imtixaan ku yimi

· Waxaanu daah-furnay xafiiska si dadka iyo dowladaba u ogaadaan

ii

Page 4: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

· Waxaanu shirar u qabanay bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan si aan u barno mas'uuliyadaha iyo awoodaha dastuuriga ee

xafiiska iyo adeega uu bulshada u qabanayo.

· Waxaanu kulamo isbarasho iyo xog-wadaag la yeelanay dhamaan hey'adaha iyo wasaaradaha dowladda Puntland.

· Waxaanu diyaariney Qorshaha dhow ee xafiiska (2015-2017)

· Waxaanu diyaariney foomamka asaasiga ah ee shaqada u baahnayd

· Waxaanu aqoon-iweydaarsi la yeelanay hey'adaha dowladda qaybtood

Waxaan ku faraxsanahay inaanu halkan ku xusno sanad guurada 1aad ee ka soo wareegtay aasaasida xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha

Puntland. Waxaa guul noo ah inaan idinla wadaagno warbixinta sanadlaha ee 1aad ee xafiisku soo saaro. Warbixantaani waxay diirada

saareysaa waxqabadkii xafiiska muddada sannadka ah ee uu dhisnaa; caqabadaha soo foodsaaray, meelaha uu booqday, waxyaabaha u

qabsoomi waayey iyo sababaha ay ugu qabsoomi waayeen.

Waxay kaloo warbixintu iftiiminaysaa xadgudubyadda ka jira amaba ka dhaca deegaanada Puntland ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha,

haday tahay xuquuqaha iyo xorriyaadka shakhsiga iyo kuwa bulshada ee madaniga, siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha, deegaanka iyo

dhaqanka. Warbixintu waxay soo gudbinaysaa talo bixin ku aadan sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha

iyo sidii loo horumarin lahaa wacyiga iyo aqoonta hey'adaha dowladda iyo bulshada ee ku aadan ilaalinta xuquuqda muwaadinka Puntland

ku nool.

Waxaan halkan ugu mahadnaqayaa xukuumadda, Garsoorka iyo Golaha Wakiilada Dowladda Puntland siday noo soo dhaweeyeen,

qaybtoodna garab noogu siiyeen shaqadeena. Sidaa si la mid ah waxaan xusayaa kaalinta dhiirigelinneed ee bulshada ku nool geyiga

Puntland nagu siiyeen inaanu gudano xilka naloo idmaday.

Ugu danbayn, si aan ugu qareeno xuquuqda dadka iyo deegaanka, waxaan codsanaynaa oo micne iyo muunad noo leh talada, taageerada iyo

wadashaqaynta xukuumadda, garsoorka, golaha wakiilada iyo bulsha weynta Puntland.

“Si xuquuqdaada u dhowrnaato ilaali xuquuqda dadka kale”

Maxamed Yuusuf Cali

Difaacaha

iii

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 5: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

TUSMADA

CUTUBKA 1aad: Hordhac1.1. Gogoldhig.....................................................................................................................................................................................1

1.2. Asaasidda Xafiiska ....................................................................................................................................................................2

1.3. Sharciyadda Xafiiska ................................................................................................................................................................2

1.4. Ujeedooyinka Xafiiska..............................................................................................................................................................3

1.5. Awoodaha iyo Shaqooyinka..................................................................................................................................................4

1.6. Hiigsiga .........................................................................................................................................................................................5

1.7. Hawl-wadeenada Xafiiska ......................................................................................................................................................6

CUTUBKA 2aad: Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland 2.1. Wasaaradaha Dowladda..........................................................................................................................................................7

2.1.1. Xogta la helay ayaa ah.............................................................................................................................................................8

2.2. Garsoorka iyo Xeer-ilaalinta...................................................................................................................................................8

2.2.1. Garsoorka Puntland .................................................................................................................................................................8

2.2.2. Maxkamadaha.............................................................................................................................................................................9

2.2.3. Xeer-Ilaalinta..............................................................................................................................................................................10

2.2.4. Maxkamadda Ciidanka...........................................................................................................................................................10

2.3. Xabsiyada iyo Saldhigyada...................................................................................................................................................10

2.3.1. Xabsiyada....................................................................................................................................................................................10

2.3.2. Saldhigyada Booliska..............................................................................................................................................................12

2.4. Xuquuqaha Dastuuriga ah....................................................................................................................................................13

2.4.1. Xuquuqda Shaqaalaha Dowladda.....................................................................................................................................13

2.4.2. Daah'furnaanta, Xisaabcelinta iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa.....................................................................13

2.4.3. Xurriyadda Saxaafadda iyo Nabadgelyada Suxifiyiinta.............................................................................................13

2.4.4. Xurriyadda Fikirka iyo Bandhigida Ra'yiga ...................................................................................................................15

2.4.5. Xuquuqda Siyaasadda iyo ka qaybgalka Maamulka..................................................................................................15

2.4.6. Xuquuqda Dadka la Haybsooco........................................................................................................................................15

2.4.7. Xuquuqda Dadka Naafada...................................................................................................................................................16

2.4.8. Xuquuqda Barakacayaasha iyo Qaxootiyada................................................................................................................16

2.4.9. Xuquuqda Carruurta...............................................................................................................................................................17

2.4.10. Xuquuqda Haweenka.............................................................................................................................................................18

iv

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 6: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

CUTUBKA 3aad: Ilaalinta iyo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha3.1. Cabashooyinka Soo gaaray Xafiiska

3.1.1. Jadwalka 1aad: Gobolada iyo Cabashooyinka............................................................................................................19

3.1.2. Jadwalka 2aad: Qaabka Cabashooyinka ay nagu soo Gaareen............................................................................20

3.1.3. Jadwalka 3aad: Jinsiga (lab iyo dhedig) Cabashooyinka.........................................................................................20

3.1.4. Jadwalka 4aad: Cidda laga Cabanayo.............................................................................................................................21

3.1.5. Jadwalka 5aad: Waxa Laga Qabtay Cabashooyinka..................................................................................................21

CUTUBKA 4aad: Talaabooyinka Taabagelinta iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha4.1. Xuska Maalmaha Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.............................................................................................22

4.2. Heshiisyo Iskaashi....................................................................................................................................................................22

4.3. Asaasida Naadiyo Ardayeed oo u Ololeeya Xuquuqda Aadanaha......................................................................22

4.4. Tababarada Xuquuqda Aadanaha....................................................................................................................................23

4.5. Shirarka iyo Kulamada ..........................................................................................................................................................23

4.6. Xiriirada Dibadda ....................................................................................................................................................................24

CUTUBKA 5aad: Horumarinta Xafiiska 5.1. Horumarinta Xafiiska..............................................................................................................................................................25

5.1.1. Wajiga koowaad.......................................................................................................................................................................25

5.1.2. Wajiga labaad:...........................................................................................................................................................................25

5.2. Caqabadaha dhismaha xafiiska..........................................................................................................................................26

5.3. Qorshaha Xafiiska 2016-2017.............................................................................................................................................26

CUTUBKA 6aad: Talooyinka Xafiiska

6.1. Talooyinka Xafiiska..................................................................................................................................................................28

Lifaaqa 1aad: Warqadda Aasaasidda Xafiiska..........................................................................................................................30

Lifaaqa 2aad: Heykalka Xafiiska.....................................................................................................................................................31

Lifaaqa 3aad: Warbixinta Maaliyadda.........................................................................................................................................32

.................................................................................................................................19

v

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 7: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

Cutubka 1aad

Hordhac

1.1. Gogoldhig

Halkan waxaan ku soo bandhigeynaa warbixinta 1aad ee sanadlaha ah ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo la aasaasay

27kii Nofeembar 2014. Warbixinta waxay qayb ka tahay xuska sanad guurada 1aad ee xafiiska waxaana lagu maamuusayaa soo saarista

warbixintan xambaarsan ujeedooyinka loo aasaasay xafiiska iyo waxqabadkiisa mudada sanadka ah ee uu jiray.

Mudada sanadka ah ee aanu shaqayneynay waxaan xoogga saarnay sidii aan dhidibada ugu aasi lahayn hey'adda iyo sidii aan bulshada u

gaarsiin lahayn adeega hey'addu u hayso, ayna uga faa'iidaysan lahaayeen sidii aan uga hortagi lahayn tacadiyada iyo gaboodfalada

xuquuqda aadanaha ee ka dhaca geyiga Puntland.

Waxaan booqashooyin kormeer, indha-indhayn, kullamo, u-kuurgelid, wadahadal iyo weydiimo ku samaynay dhamaan xarumaha

xukuumadda, sida wasaaradaha, hey'adaha dowladda ee madaxbnaan iyo kuwa aan madaxabanaanayn, xabsiyada, saldhigyada booliska

iyo maxkamadaha magaalooyinka Garowe, Bosaso, Galkacyo iyo Qardho.

Waxaan sidoo kale kulamo la yeelanay bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan hey'adda PUNSAA iyo xarumaha bixiya

adeega sharciga ee lacag la'aanta, dalladda naafada Puntland, xarumaha dhimirka ururada dhalinyarada, iyo jaamacadaha. Waxaan

booqanay kaamamka ay degen yihiin dadka barakacayaasha ah, waxaan kormeernay xarunta soo dhawaynta dadka qaxootiga ee yemen ka

soo noqday, waxaan kulamo la qaadanay gudoomiyayaasha kaamamka Bosaso iyo Garowe. Waxaan xiriir dhow la yeelanay hey'adaha

maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ee ku lug leh xuquuqda aadanaha, horumarka bulshada, nabadda iyo cadaaladda.

Mudada xafiisku uu shaqaynaayey waxaa nasoo gaaray 49 cabasho, qaybtood waxaan ku guulaysanay inaan dhamayno/xalinno halka

qaybaha kale maxkamadaha ay horyaalaan, faylashooda weli gacanta ayaan ku haynaa. Waxaa intaa dheer waxaa noo yimi cabashooyin aan

la xiriirin xuquuqda aadanaha oo aan u tilmaamnay cida shaqada ku leh anagoo talo bixin sharci siinayna.

Hadaba, warbixintan waxay iftiimin doontaa xafiiska xuquuqda aadanaha, dowrkiisaa sharci, howlaha uu fuliyey mudadii sanadka ahayd ee

uu jiray, caqabadaha ka horyimi iyo talooyin ku wajahan golayaasha dowladda ee golaha xukuumadda, golaha garsoorka iyo golaha

wakiilada Puntland.

Ugu danbeyntii warbxintan waxay noqon doontaa dhigaal taariikheed oo halbeeg u noqda howlaha iyo adeegyada xafiisku u qabanayo

dadka iyo dalka oo leh meel loogu noqdo horumarka la gaaro ama dibudhaca nagu yimaada.

1

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 8: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

1.2. Asaasidda Xafiiska

Hey'adda difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland waxaa la aasaasay iyada oo la cuskanayo qodobada116aad, 117aad ee Dastuurka

Puntland iyo qodobada 2aad, 6aad ee Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

Habraaca loo maray xulista liiska murashixiinta jagada iyo doorashada difaacaha waxa uu ku cadyahay qodobada kala ah 117 ee Dastuurka

Puntland iyo 6 ee Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland .

Wasaaradda Cadaaladda, Dhaqancelinta iyo Arimaha Diinta ayaa ahayd

hey'adda wakiilka u ah dowladda qabashada araajida u tartamayaasha

difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland. Bishii Luulyo 2014. Waxaa

araajida baarid iyo eegis ku sameeyey golaha xukuumadda. Golaha

xukuumadda markay lafagureen waxay aqbaleen araajida afar u tartame.

Madaxweynaha Dowlladda Puntland ayaa warqadda sumaddeedu tahay

MW/DPS/815/2014 kuna taariikhaysan 04/11/2014 ugu soo gudbiyey

golaha wakiiladda Puntland liiska murashixiinta difaacaha xuquuqda

aadanaha Puntland.

Sida ku cad warqada sumaddeedu tahay XGGW/DPL/124/2014 kuna

taariikhaysan 01/12/2014 ee ka soo baxday xafiiska Gudoomiyaha Golaha

Wakiilada ee Puntland ujeedkeeduna ahaa doorashada difaacaha

xuquuqda aadanaha dowladda Puntland ayaa waxaa ku cad natiijada

Doorashada difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland ee dhacday 27kii

Nofeembar 2014, halkaas oo Maxamed Yuusuf Cali loogu doortay inuu

noqdo difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland mudo shan sano ah

Nofeembar 2014 –Nofeembar 2019. Xafiiska waxaa la daahfuray bisha

Maarso 2015.

1.3. Sharciyadda Xafiiska

Hey'ada Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waa hey'ad dawli ah oo madaxbanaan lehna xasaanad dastuuri ah iyo qaanuun u gaar ah

hagideeda. Waxaa laga dheehan karaa arintaas qodobada soo socda ee dastuurka Puntland iyo xeerka difaacaha xuquuqda aadanaha

Puntland.

2

Xafladda Daahfurka Xafiiska; bidix Difaacaha, Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay, kaMadaxweynaha Dowladda Puntland 12 Maarso 2015, Garowe

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 9: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

· Dastuurka: Sharciyadda iyo aasaaska xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland Hey'adda difaacaha xuquuqda aadanaha

puntland waxaa sharciyaddiisu ku qotontaa Dastuurka Puntland xubinta 4aad, qodobada 116aad, 117aad, 118aad, 119aad waxayna u

qoronyihiin sidatan:

Qodobka 116aad: Hey'adda Difaacaha iyo Taabagelinta Xuquuqda Aadanaha (Qeexid)

Qodobka 117aad: Magacaabidda Difaacaha

Qodobka 118aad: Awoodaha iyo Xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

Qodobka 119aad: Xil Ka Qaadista Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

· Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxaa shaqadiisa haga xeer u gaar ah:

Magaca Xeerka: Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Sharci Lambar: 11

Taariikhda la ansixiyey: 26/11/2011

Madaxweynuhu saxiixay: 06/12/2011

Qodobada xeerku ka kooban yahay: 21 qodob

1.4. Ujeedoojinka Xafiiska

Qodobka 11aad ee Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha wuxuu qorayaa Ujeedada Xafiiska Difaacaha ay tahay:

1. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda aadanaha iyo Wakiiladiisa Gobollada, waxaa loo dhisay dhowrista xaquuqda aadanaha.

2. Ilaalinta Xaquuqda Muwaadiniinta.

3. Xafiiska xuquuqda iyo taaba gelinta xuquuqda aadanaha waxaa lagu maamulayaa dhammaan hawlaha la xiriira gafka/gafafka,

gaboodfalada iyo tacadiyada laga galo xuquuqda aadanaha.

4. Ilaalinta xoriyaadka asaasiga ah ee muwaadinka sida ku cad shareecada islaamka iyo dastuurka Puntland.

5. Xafiiska xuquuqda aadanaha wuxuu dhawraa, ilaaliyaa, difaacaana xadgudubyada xurriyaadka iyo xuquuqda aadanaha.

6. Wuxuu ka jawaabaa cabashooyinka muwaadiniintu u soo gudbiyaan.

7. Wuxuu baaritaana ku sameeyaa cabashooyinka, natiijada baaristana wuxuu u gudbinayaa hay'adaha ay khusayso, iyadoo natiijada

warbixinta iyo xalkeedaba loo marayo hay'adaha Dawladda sida ay u kala sarreeyaan.

3

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 10: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

1.5. Awoodaha iyo Shaqooyinka

Qodobka 118aad ee Dastuurka Dowladda Puntland wuxuu qeexayaa Awoodaha iyo xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu waana:

1. Ka hortegidda xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha, isagoo talabixin siinaya hay'adaha waddaniga oo ay arrintu khuseyso.

2. Ku wacyi gelinta dadweynaha iyo masuuliyiinta dawladda muhimadda ay leedahay dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee ku cad

Dastuurka iyo sharciyada Puntland, isla markaasna ku xusan Axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah.

3. Inuu daafaco xuquuqda aadanaha ee Dastuurka iyo shuruucda kale ay qeexayaan.

4. Inuu baaro cabashooyinka ay muwadiniinta ama ururada Bulshada ka sheeganayaan xuquuqdooda bini'aadanimo, uuna gaarsiiyo

hay'adaha dawliga ah iyo kuwa wadaniga ah natiijada baaristiisa, isagoo raacinaya talo soo jeedintiisa la xiriirta damanaad qaadka

xuquuqda aadanaha.

5. Inuu taageero dadka lagu sameeyo xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ka dhanka ah uuna ka difaaco maxkamadda horteeda ama

si guud.

6. Magacaabidda guddiyo gaar ah oo gacan ka siiya gudashada xilkiisa.

7. Kormeeridda goob kasta oo lagu sameeyo ama la tuhunsan yahay in lagu gabood-falo Xuquuqda Aadanaha.

8. U ololaynta dib u habeynta sharciyada iyo hab-dhaqanka maamulka si kor loogu qaado dhawrista iyo qaddarinta Xuquuqda

Aadanaha.

9. Soo saarista warbixin sanadeed la xiriirta xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland.

10. U bandhigidda Golaha Xukuumadda talooyinka ku aaddan mashruuc sharci oo khuseeya Xuquuqda Aadanaha.

11. Gudashada xilalka kale ee sharciyada Puntland siiyaan xafiiskaas.

Qodobka 12-aad ee Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu qeexayaa Awoodaha iyo Xilalka Xafiiska Difaacaha waana

1. Ka hortegidda xadgudubyada xuquuqda aadanaha, isagoo talabixin siinaya hay'adaha waddaniga ah oo ay arrintu khusayso.

2. Ku wacyigelinta dadweynaha iyo masuuliyiinta dawladda muhiimada ay leedahay dhawrista xuquuqda aadanaha ee ku cad

Shareecada Islaamka iyo Dastuurka Puntland, isla markaana waafaqsan heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

3. Inuu difaaco xuquuqda aadanaha ee Dastuurka iyo shuruucda kale ay qeexeen.

4. Inuu baaro cabashooyinka ay muwadiniinta ama ururada bulshadu ka sheeganayaan xuquuqdooda bini'aadanimo, uuna gaarsiiyaa

hay'adaha dawliga ah iyo kuwa wadaniga ah natiijada baaristiisa, isagoo raacinaya talo soo jeedintiisa la xiriirta dammaanad qaadka

aadanaha.

5. Inuu taageero dadka lagu sameeyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah uuna ka difaaco maxkamada horteeda ama si

guud.

6. Kormeerka goob kasta oo lagu sameeyo ama lagu tuhunsan yahay in lagu gabood falo xuquuqda aadanaha.

4

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 11: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

7. Soo saarista warbixin sannadeed la xiriirta xaaladda xuquuqda aadanaha ee Puntland.

8. Difaacaha iyo wakiilladiisu waxay waydiimo ku samayn karaan cid-kasta oo xiriir la leh arrin baaritaankeeda xafiisku gacanta ku hayo.

9. Difaacaha iyo wakiilladiisu markay waajibaadkooda gudanayaan waxaa ay leeyihiin awoodaha baaritaan ee xaqiiqo raadis, waxayna u

gudbinayaan natiijada baarista hay'adaha ay khusayso.

10. Difaacaha iyo wakiilladiisu waxay awood u leeyihiin inay baaraan xad-gudubyada aadanaha ee ka yimaada been abuurasho dano

gaar ah laga leeyahay ee ku xad-gudubka xuquuqda muwaadiniinta.

11. Ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee ku xusan Dastuurka Dawlada Puntland.

1.6. Hiigsiga Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha wuxuu higsanayaa sidii loo heli lahaa bulsho sharafteeda, xuquuqdeeda iyo karaamadeeda sharcigu

dhowray, ilaashay, tixgeliyey una taabageliyey sidii ay ugu naaloon lahaayeen xuquuqahooda dastuuriga ah.

Himiladeenu waxa weeye inaanu dabaqno, meel marino dhamaan xuquuqaha dastuuriga ah, xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ilaaliyeen,

xeerarkaas oo dhowraya dadka oo idil (deegaan, barakacayaal, qaxooti, dumar iyo caruur, naafo iyo waayeel).

a. Ka madaxbanaannida hey'adaha dowladda (Independence and Autonomy)

b. Xirfadnimo iyo Daahfurnaan iyo isla xisaabatan (Integrity, Transparency and Accountability)

c. Dhexdhexaadnimo iyo Eex-la'aan (Impartiality and neutrality)

d. Cadaaladda iyo u Sinaanta xuquuqda ee dadka (Equity and Equality)

e. Gaarsiinta adeega bulshada (Accessibility)

Dowrka Xafiiska

· Ilaalinta, horumarinta iyo taabagelinta xuquuqda dadka ee sharciga ah.

· Wacyigelinta, tababarka, iyo xog-wadaaga bulshada, shaqaalaha dowladda iyo hey'adaha amniga iyo garsoorka.

· Talosiinta iyo la shaqaynta xukuumadda, baarlamaanka iyo garsoorka dhanka xeerarka, siyaasadaha iyo habraacyada

saamaynaya xuquuqda aadanaha.

· Iskaashiga iyo wadashaqaynta danaeeyayaasha xuquuqda aadanaha ee Puntland.

· Kormeerka xabsiyada iyo saldhigyada booliska, baaridda iyo ururinta cabashooyinka bulshada.

· Iskuxirka barnaamijyada iyo mashaariicda horumarka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Shaqada xafiisku waxaa hagaya tiirarka ah:

5

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 12: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

· U tooghaynta xuquuqda dadka nugul sida caruurta, haweenka, barakacayaasha, qaxootiga, naafada iyo dadka la nool

xanuunka HIV/AIDS ka

· Ololeynta meelmarinta xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ee xuquuqda aadanaha.

1.7. Hawl-wadeenada XafiiskaIyadoo xiska lagu hayo adeega laga sugaayo xafiiska, lagana duulaayo mas'uuliyaadka shaqo ayaa waxaa xafiiska loo qaabeeyey hanaan

shaqo oo gaarsiisan dhamaan deegaanada Puntland. Xafiiska wuxuu ka kooban yahay sida soo socota:

· Difaacaha xuquuqda Aadanaha

· Wakiilada Gobolada ee Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

· Agaasinka Maamulka iyo Maaliyadda

· Agaasinka Xuquuqda Aadanaha

· Agaasinka Sharciyadda iyo Cabashooyinka

· Kaaliye Sare

· Madaxa Xisaabaadka

· Madaxa Shaqaalaha iyo Qandaraasyada

· Madaxa Tiknolooojiyada iyo Saxaafadda

· Madaxa Cabashooyinka

· Madaxa Xuquuqaha Gaarka

· Madaxa Wacyigelinta iyo Qareemidda

· Dareewallo

· Nadiifiyayaal/Adeegayaal

· Waardiyayaasha

6

Tababarayaal Shisheeye oo iyo Qaybo ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska oo

Sawir wadagalay March 2015

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 13: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

7

Cutubka 2aad

Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland isaga oo ka duulaaya ujeedooyinka iyo awoodaha shaqo ee ku kala xusan qodobada

118aad ee Dastuurka Puntland, qodobka 11aad iyo 12aad ee Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha Puntland ee 2011 (Sharci Lr. 11 ee

06/12/2011), sidoo kalena tixraacaya xeerarka kale ee dalka iyo kuwa caalamiga ah ayaa wuxuu sameeyey xog-ururin loogu kuurgalaayey

xaaladda xuquuqda aadanaha ee Puntland.

2.1. Wasaaradaha DowladdaXog-ururinta laga sameeyey wasaaradaha ayaa waxaa lagu cabiraayey heerka wasaaradaha dowladda Puntland ay ka joogaan ilaalinta,

horumarinta iyo fulinta xuquuqaha dastuuriga ah ee ku xusan qodobada 12aad ilaa 47aad ee dastuurka Puntland. Waxaana laga soo

ururiyey 16 wasaaradood oo ka mid ah wasaaradaha dowladda kuwaasoo kala ah:

1. Wasaaradda Haweenka Iyo Horumarinta Arimaha Qoyska.

2. Wasaaradda Qorshaynta Iyo Iskaashiga Caalamiga.

3. Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka.

4. Wasaaradda Amniga iyo DDRka

5. Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha.

6. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

7. Wasaaradda Caafimaadka.

8. Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiiska Iyo Duur-Joogta.

9. Wasaaradaa Caddaaladda, Diinta iyo Dhaqancelinta.

10. Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka.

11. Wasaaradda Garoomada Iyo Duulista Hawada.

12. Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Hormarinta Reer Miyiga.

13. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

14. Wasaaradaa Xanaanada Xoolaha.

15. Wasaaradda Dimoqraadiyeynta, Dastuurka Iyo Arimaha Federaalka.

16. Wasaaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda.

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 14: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

8

2.1.1. Xogta la helay ayaa ah

Xog-ururinta laga sameeyey heerka wasaaradaha dowladda Puntland ay ka joogaan ilaalinta, horumarinta iyo fulinta xuquuqaha dastuuriga

ah ayaa lagu ogaaday:

· In wasaaradaha Puntland dhamaantood ay kaalin ku leeyihiin ilaalinta, horumarinta iyo fulinta xuquuqaha dastuuriga iyo kuwa ku

xusan xeerarka dalka iyo caalamiga.

· In wasaaradaha qaybtood (7 wasaaradood) leeyihiin xafiis ama xubin u qaabilsan ilaalinta iyo hormarinta xuquuqda aadanaha

masuuliyaadkooddana ay tahay heer wasaarad.

· In wasaaradaha qaybtood (4 wasaaradood) ay qorshaha ugu jirto dhisida waax, xafiis ama xubin u qaabilsan xuquuqda aadanaha

lakiin ay hirgalinteedu caqabado hortaagan yihiin ayna ka mid tahay miisaaniyada oo ah mid aan kufilneyn, sida ay noosheegeen.

· In wasaaradaha qaybtood (5 wasaaradood) aysan laheyn waax, xafiis ama xubin qorshahana aysan ugu jirin dhisida amasameynta

xafiis, waax ama xubin qaabilsan xuquuqda aadanaha.

· In heerka wacyi, aqoon iyo fulin ee wasaaradaha xuquuqaha dastuuriga iyo kuwa caalamiga ay hoosayso.

· In aysan horay u jirin hey'ad u qaabilsan kormeerka iyo la xisaabtanka wasaaradaha masuulka ka ah dhowrista hormarinta iyo fulinta

xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta.

· Wasaaradaha qaybtood inay leeyihiin qorshayaal lagu horumarinayo, taabagelinaayo xuquuqda aadanaha, halka wasaaradaha

qaybtood qorshayaashooda aysan ahayn kuwo si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

· Wasaaradaha qaybtood ma dareensana xiriirka ka dhaxeeya xuquuqda aadanaha iyo shaqada ay hayaan, sidaa awgeed uma

diyaarsana inay kaalintooda qaataan.

2.2. Garsoorka iyo Xeer-ilaalinta

2.2.1. Garsoorka Puntland

Golaha Garsoorka Puntland waa gole ka madaxbanaan golayaasha kale ee Dowladda Puntland, sida Golaha Fulinta iyo Golaha Xeer-dejinta,

waxayna ugu garsooraan mawadiniinta sharciga oo keliya, xeerarka ay adeegsadaan waxaa ka mid ah uguna horeeya Shareecada Islaamka,

Dastuurka iyo Xeerarka Dowladda Puntland.

Xeerarka qaarkood ee ay ku shaqeeyaan garsoorka Puntland, sida xeerka ciqaabta, xeerka madaniga, xeerka habka ciqaabta, xeerka habka

madaniga waa kuwo la sameeyey 1dii Juun1963, dulucdoodana lama jaanqaadi karaan wakhtiga hada aan joogno, gaar ahaan marka la fiiriyo

dhanka ganaaxyada lacageed iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, mana ahan kuwo la waafajiyey xuquuqaha dastuuriga iyo kuwa caalamiga ee

waqtigaa kadib la saxiixey ama lagu daray dastuurka Puntland.

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 15: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

9

Inta badan tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha waxaa ka mid ah kufsiga, mana jiraan xeerar u gaar ah kufsiga,

wuxuuna inta badan u dhacaa hab-wadareed oo ay gaystaan tiro dad ah, lamana mariyo ciqaabka ay mutaystaan shareecada islaamka,

waxaana sabab u ah heshiis dhexmara ehelada qofka dhibka geystay iyo ehelada qofka dhibanaha ah, waana arrin tacadi ku ah xuquuqda

aadanaha, nabadgelyada iyo wada-noolaanshaha.

2.2.2. MaxkamadahaMaxkamadaha Puntland waxey ka hawl galaan inta badan degmooyinka Puntland. Waxayna leeyihiin hanaan garsoorka lagu gaarsiiyo

meelaha aan maxkamadaha ka jirin oo la yiraahdo maxkamadaha wareega (Mobile Court). Nasiib-daro maxkamaduhu waxay ku

shaqeeyaan duruufo dhaqaale, amni iyo agab oo aad u liita oo aan dhiiri-gelinaynin shaqada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

Inta badan garsoorayaasha maxkamadaha Puntland aqoon ahaan ma dabooli karaan baahida loo qabo in ay dadweynuhu helaan cadaalad

lagu kalsoonaan karo, qayb waxaa ka ah mushkiladda sedexda nidaam ee is barbarsocda ee Shareecada, Xeerka iyo Qaanuunka wadciga.

Waxaa jira cabashooyin bulshadu ka keenaan garsoorka sida:

· Garsoorka oo cadaaladda daahiya (Delay of Justice dispensation) sababtuna ay tahay maamulka oo hooseeya iyo garsoorayaasha oo

mushaharka aan helin.

· Awaamirta iyo xukunnada garsoorka oo aan la fulin, garsoorkuna uusan ku samaynin wax dabagal ah, awood la'aan iyo habacsanaan

kee doonta ha noqotee.

· Garsoorka oo aan mas'uuliyad iska saarin xariga aan sifada sharciga la soo marin ee hadana saldhigyada booliska ku mudo dhaafa.

· Xukun sugayaasha mudo dhaafka ah oo aysan inta badan mas'uuliyad iska saarin xaqa maxbuuska u leeyahay xurriyaddiisa inuu helo

ama lagu soo cadeeyo eedaynta.

· Garsoorka ma ah mid sharciga u tarjuma si la jaanqaadaysa duruufaha dadka nugul, dadka la hayb-sooco iyo kuwa barakacayaasha.

Inta badana noocyadaas oo bulshada ka mid ah kalsooni kuma qabaan in u dacwoodaan garsoorka.

· Ma jiraan xeerar u gaar ah caruurta (juvenile justice Act), maxkamaduhuna kuma shaqeeyaan Heshiiska Caalamiga ee Xuquuqda

Carruurta ee Soomaaliya ku biirtay, dhanka kale Puntland malahan xarumo lagu dhaqan-celiyo carruurta.

Caqabadaha maxkamadaha heysta

· Maxkamaduhu ma helaan inta badan mushaharka ay xaqa u leeyihiin.

· Ma helaan tababaro ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii shaqadooda ay u noqon lahayd mid lagu suura geliyo

xuquuqaha dastuuriga ah.

· Fulinta shuruucda caalamiga ah sida heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta oo ay Soomaaliya aqbashay iyo kuwa kale oo aan

marna maxkamadaha hortooda laga fulin.

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 16: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

10

2.2.3. Xeer-Ilaalinta Xeer-ilaalintu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah Garsoorka Puntland waxayna masuul ka tahay baarista, oogidda iyo ku muddaca

denbiilayaasha maxkamaha hortooda, ilaalinta iyo difaaca xuquuqda cidkasta oo u baahan daryeel sharci, kormeerida xabsiyada,

saldhigyada iyo xarumaha dhaqancelinta.

Xeer-ilaalintu iyadoo ah madaxa hey'adaha baarista ayaa waxaa dhacda muddo dhaaf aan sharciga waafaqsanayn, isla markaasna waa tacadi

xuquuqda aadanaha ka dhan ah. Meelaha ugu badan ee tacadiyada ka dhaco waa saldhigyada booliska ee ku yaala baraha kontoroolada iyo

saldhigyada magaalooyinka waawayn, inta badana dadka lagu hayo waxa ay dhaafaan muddada sharciga ah (48 saacadood).

2.2.4. Maxkamadda CiidankaMaxkamadda ciidanka Puntland waxaa awoodeeda xukun ku jira danbiyada lagu tilmaamo Argagixisada waxayna ridaa xukumo culculus

sida dil toogasho iyo xabsi mudo dheer ama daa'im ah. Maadaama Maxkamadda Ciidanka dabeecad ahaan ama asal ahaan ay tahay mid

ciidanka loogu tala galay ayaa xafiiska wuxuu dareensan yahay inay hayso shaqo ay ahayd in maxkamadaha madaniga ah ay qabtaan,

waana maxkamadeynta dadka ku eedaysan Argagixisada oo asal ah dad madaniyiin ah.

Waxyaabaha xusida mudan waxaa ka mid ah:

· Maxkamadda ciidanka duruufta mushahar, agab iyo dhisme xafiis waxay ka liidataa maxkamadaha madaniga ee Puntland, gaar

ahaan maxkamadda xarunteeda Bosaso waxay ku jirtaa guri kiro ah.

· Ma jiraan qareeno dowladda ay mushahar ku siiso in ay difaacaan dadka maxkamadda ciidanka la horgeeyo oo ku eedaysan

danbiyada culculus.

· Maxkamadda oo xukun sugayaasheedu aad u badan yihiin, mararna kor u dhaafa 200, xabsiyadana ku jira ilaa sanad iyaga oon wax

xukun ah lagu ridin eedohoodana aan lagu cadaynin.

· Maxkamadda marka ay dacwadda dhagaysaneyso waxay inta badan adeegsataa goobo aan bulshada loo oggolayn, taasna waxay

mugdi gelin karta cadaaladda (fair trial)

2.3. Xabsiyada iyo Saldhigyada

2.3.1. Xabsiyada

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha oo ay weheliyaan saraakiil ka mid ah qaybaha kala duwan ee xafiiska, sida Qareenka, Madaxa Cabashooyinka

iyo Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee xafiiska ayaa wuxuu booqday taariikho kala duwan (25kii Maajo 2015, 8dii juun 2015, 9kii Luuliyo

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 17: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

11

2015, 4tii Agoosto 2015, 7 dii Sebteembar 2015, 17kii Sebteembar 2015, 12kii Nofeembar 2015) xabsiyada Bosaso, Qardho, Garowe iyo

Galkacyo iyo saldhigyada iyo baraha kontoroolada ee dadka lagu xiro.

Xaaladadda maxaabiista

• Tirada guud ee maxaabiista celcelis ahaan waa (Tusaale Bosaso 356, Qardho 86, Garowe 255, Galkacyo 86). Wadar 783

• Maxaabiista aan la xukumin oo aad tiradoodu u badnayd, una badan kuwo u xiran maxamadaha ciidanka iyo danbiyada culus.

(Tusaale Bosaso 124, Qardho 19, Garowe 43, Galkacyo 26) Wadar 212

• Xabsiga waxaan ku aragnay caruur da'dooda noogu sheegay 13 jir ilaa 15 jir.

• Xabsiga Bosaso waxaa ku jiro qof dhimirka ka xanuunsan iyo qof lug iyo gacan curyan ka ah.

• Noocyada maxaabiista waxay isugu jiraan, xukun toogasho iyo xukun xabsi oo kan ugu dheer yahay 22 sano.

• Haweenka xabsiyada ku jira Bosaso 7 dumar, Garowe 19, Qardho marbaa laba gabdhood oo barakacayaal ah oo 5 bilood xukun suge

ku ahaa u qareennay in la sii daayo, waana laga sii daayey.

Xuquuqda Maxaabiista

• Maxaabiista way helaan raashin sedexda waqti.

• Maxaabiista waxay helaan qoraxaysi

• Maxaabiista waxaa loo ogolaadaa in ehelkoodu soo booqdo Jimcaha.

• Muuqaalka maxaabiista caadi buu ahaa.

• Maxaabiista wax jirdil ah oo loo gaysto nooma sheegin, anagana noogama muuqan.

Cabashooyinka Maxaabiista

• Maxaabiista qaybtood waxay ka cawdeen xiriir inaysan la lahayn ehelkooda.

• Maxaabiista badankood waxay ka cabanayeen xukunada lagu riday ama eedaymaha loo soo jeediyey inaysan cadaalad ahayn ama

waxba ka jirin.

• Maxaabiis badan ayaa xabsigoodu u badnaa dhaqan-celin.

• Maxaabiista u xiran burcad-badeednimada qaarkood oo xanuun sheeganayey, codsadayna in banaanka loo saaro si ay dhakhaatiir u

helaan.

Arimaha kale ee xabsiga Bosaso oo keliya aan ku soo aragnay

• Xabsiga waxaa ka socday beer-falasho ay maxaabiistu ka shaqaynaayeen

• Xabsiga waxaa maxaabiista loogu sameeyaa aqoon xirfad iyadoo ilaa hadda ay ka qalinjabiyeen 120 qof. Waxaa kaloo hada

diyaar ahaa in tababar loo bilaabo 60, waxaana la baraa Fuundinimo, Dhar-tolid iyo Alwaax-qoridda (Faarad).

• Xabsiga qardho waxaa ka jiray beerfalasho ay maxabiista iyo askarta labadaba ka hawl galaan.

Maamulka iyo Shaqaalaha Xabsiga:

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 18: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

• Shaqaalaha xabsiyada waxay ka cabanayeen mushaharka oo aan waqtigiisa la helin.

• Ceelal biyo oo ay u baahanyihiin in loo qodo, maadaama had iyo jeer ceelasha ay heystaan ay jabaan wax bedelna ah aysan haysan.

• Xabsiyadayada oo dhan malaha qayb caruurta lagu dhaqan celiyo, sidaa awgeed dhismo gaar ah oo caruurta in la hirgeliyo.

• Bisha Ramadan in maxaabiista la caawiyo oo sadaqada lagu bixiyo, gaar ahaan kuwa

u xiran xuquuqo maal oo dhacda in mudada xabsigoodu dhamaado cid ka bixisana

xuquuqda maaliga ama ganaaxa aysan jirin.

• Ciidanka xabsiga waxay codsadeen tababaro aqoon kororsi, gaar ahaan dhanka

ilaalinta xuquuqda aadanaha.

• Xabsiga Galkacyo oo aan lahayn gaadiid uu ku shaqeeyo, sarakiisha ay isticmaalaan.

• Maxaabiista Galkacyo oo aan lahayn gaadiid lagu qaado oo lagu geeyo

maxkamadda iyo cusbitaalka midna. Galkacyo xabsigeeda oo dhismihiisu aad u liito

dhinac kast oo laga eego, una baahan in xabsi cusub loo dhiso, meesha uu xabsiga

ku yaalana laga raro maadaama ay tahay meel wado fiican aan lahayn.

2.3.2. Saldhigyada Booliska

Guud ahaan saldhigyada Puntland waxay ka siman yihiin:

• Dhismayaasha dadka lagu xiro oo gaboobay

• Qolalka oo yaryar dadkuna ay ku badan yihiin

• Caafimaadkooda iyo nadaafadooda oo liidata

• Suuliyaasha oo aad u baaba'san

• Jirdilo booliska/danbibaarayaasha ugu gaystaan dadka xiran

• Booliska oo ay hoosayso aqoonta iyo wacyiga ay u leeyihiin xuquuqda aadanaha.

• Saldhigyada oo lagu xirxiro dad aan warqad soo qabasho (waaran) loo soo jarin, intooda badana ay dhaafaan mudada sharciga oo 48

saacadood ah.

• Taliyaha Ciidanka Booliiska Bulshada ee Puntland iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Bulshada ee Gobolka Bari booqasho xafiiska ku

yimaadeen.

12

Taliyaha Ciidanka Booliska ee la shaqeeya Bulshada oo booqanaya Xafiiska

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 19: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

2.4. Xuquuqaha Dastuuriga Qaybo ka mid ah

2.4.1. Xuquuqda Shaqaalaha DowladdaWaxaa in muddo ahba hey'adda soo gaaraayey cabashooyin ay shaqaalaha dowladda ee rayidka iyo ciidanka kaga cabanayaan inaan la siinin

xuquuqahooda mushahar iyo badbaado. Mushaharku waa xaq dastuuri ah oo ay mutaysato cid kasta oo qabata shaqo sida ku cad qodobka

37 waxayna xaq u leedahay mushahar u dhigma shaqada ay qabatay, sidoo kale shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin badbaado sida ku cad

qodobka 38aad ee dastuurka Puntland.

Markii qofku mushahar waayo, waxaa luma sharaftii iyo karaamadii insaannimo ee uu qofkaasi lahaa. Puntland kama jiraan ururo shaqaale oo

u dhaqdhaqaaqa xuquuqda shaqaalaha, raadiya mushaharaadkooda, dalba badbaadadooda iyo horumarintooda midna. Waxaa nasiib dara

ah in shaqo hufan iyo horumar laga sugo shaqaale aan helin xuquuqaha asaasiga ah ay leeyihiin oo ay la'aantiis nolol haboon ku

naaloonaynin, maadaama aadanuhu uusan noolaan karin haduusan heysan wuxuu quuto iyo meel uu ku hoydo.

Waxaa cabasho joogta ah ka helnaa muddada aan shaqada ku jirnay dhamaan qeybaha kala duwan ee shaqaalaha Puntland rayid iyo ciidan.

Waxaan kala hadalnay dhibkaas wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha, wasaaaradda maaliyadda iyo sidoo kale

hanti dhowrka Puntland. Marnaba ma aanan helin jawaab aan bulshada u soo gudbino. Waxaana hubaal ah in dalku dhaqaale dari aysan ka

jirin.

2.4.2. Daah'furnaanta, Xisaabcelinta iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa

Muwaadiniinta waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sida loo maareeyo kheyraadka dalkooda iyo meelaha ay ku baxaan canshuuraha laga

qaado. Hadaba Puntland kama jirto daah-furnaan iyo la dagaalan musuqmaasuq oo la xusi karo, waxa jirta hey'ad loo xilsaaray maamul

wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuq oo aan weli taabagelin. Ma dhicin in maxkamad la horkeeno qof ku eedaysan musuqmaasuq, ma

dhicin in bulshada ay ogaato sida loo maareeyo dhaqaalaha iyo hantida dowladda, ma dhicin in hey'adaha dowladda si daah-furan u soo

bandhigaan dhaqaalaha gacantooda soo gala.

2.4.3. Xorriyadda Saxaafadda iyo Nabadgelyada Suxifiyiinta

Sida ku cad qodobka 22aad ee dastuurka Puntland, saxaafaddu waa xor waxaana ka reeban faragelinta iyo faafreebka, waxaana hagaaya xeer

gaar ah, xeerka saxaafadda Puntland 2014. Nasiib daro Puntland waxaa marag ma doonto ah in saxaafadda faragelin joogta ah lagu

sameeyo, sidoo kale in suxufiyiiinta lagula kaco xarig, hanjabaad iyo burburin agab.

Mudaddii sanadka ahayd waxaa dhacay ilaa 10 dhacdo oo saxaafadda Puntland dowladdu ku bartilmaameedsatay, haday tahay xarig, haday

13

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 20: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

tahay shaqo ka joojin, haday tahay hanjabaad iyo haday tahay maxkamadayn intaba.

Waxaa dood ka taagan tahay xeerka hada jira ee saxaafadda, kaas oo suxifiinta ku bahoobay

hey'adda MAP ay wal wal ka qabaan sida uu u yahay xeer waafaqsan hanaanada saxaafadu

ku shaqeyso caalamka, ama ilaalinaaya xuquuqda suxufiga.

Xariga sharci darada ah ee xarumaha saxaafadda iyo suxifiinta Puntland loo gaystay

waa sidatan:

1. Taariikhdu markay ahayd 17/01/2015 waxaa wareer lagu qaaday xarunta radio

Galkacayo waxana dhaawac halis ah loogu gaystay wariye xarunta ku sugnaa.

2. Taariikhdu markay ahayd 20/01/2015 waxaa amar ka yimi madaxtooyada ay

shirkadda isgaarsiinta Golis khadka uga xirtay 5-mareegood (websites)

3. Taariikhdu markay ahayd 23/05/2015- waxa saldhiga booliska degmada Garowe

lagu xiray 2 wariye oo ka tirsanaa idaacada Daljir xarunteedda Garowe. Maxkamad

iyaga oo aan la horgaynin ayaa la sii daayey.

4. Taariikhdu markay ahayd 21/06/2015 askar ka tirsan ciidanka dowladda ayaa

garaacay 3 wariye kana burburiyey qalabkii ay wateen gudaha degmada Galkacyo.

5. Taariikhdu markay ahayd 29/07/2015 waxa dacwad lid ku ah idaacada Radio

SAHAN xeer-ilaalinta u soo gudbiyey Wasaaradda Warfaafinta Puntland,

Maxakamadda darajada 1aad ee degmada Garowe waxay danbi laawe ku xukuntay

idaacada Radio SAHAN. Kiiska racfaan bay wasaaraddu ka qaadatay.

6. Taariikhdu markay ahayd 29/10/2015 Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa soo

gudbiyey amar shaqo joojin ah in aan idaacadaha ka howlaga Puntland laga

dhageysan codka warbaahinta VOA taas oo ay xarunteedu tahay dalka

mareykanka.

7. Taariikhdu markay ahayd 19/11/2015 waxa xarig aan sharci ahayn loo gaystay

wariye ka hawlgala TVga Somali Channel iyada oo aysan jirin amar

maxkamadeed.wuxuuna xirnaa mudo 11 cisho ah. Maxkamad isaga oo aan la

horgaynin ayaa la sii daayey.

14

Difaacaha oo shir jaraa'id kaga hadlaya Xukunka Maxkamadda ee Raadiyaha

Sahan Meesha: Gudaha Maxkamadda Degmada Garowe, Agoosto 2016

Xafiiska Difaacaha iyo Ururka Suxufiyiinta oo sawir Xabsiga Garowe kula

Galay Saxafi Jaamac Dabaraani marka xabsiga laga soo daayey, Diseembar 2015

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 21: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

2.4.4. Xorriyadda Fikirka iyo Bandhigidda Ra'yiga

Mudadii u dhaxeysay Nofeembar 2014 ilaa Nofeembar 2015 waxaa Puntland xarig lagu caburinaayo xoriyadda fikirka iyo bandhigida ra'yiga

loogu gaystay magaaladda Garowe ilaa 3 muwaadin oo arigtooda ku cabiray hadal iyo mudaaharaad. Dhamaan dadka la xiray hab sharci ah

looma marin xarigooda, waxaana dhacday in iyagoo la horgeynin maxkamada mudo kadib laga sii daayey saldhigyada Garowe.

Arintaan waxay xadgudub ku tahay dastuurka Puntland qodobkiisa 14, sidoo kale wuxuu meel ka dhac ku yahay hanaanka dimuqraadiyada

ee dowladdu balanqaaday inay dalka ku hogaaminayso, kaas oo micnihiisu yahay u ogolaanshaha muwadiniinta inay fikirkooda iyo

ra'yigooda u cabiraan si madaxbanaan.

Xariga sharci darada ah ee muwadiniinta Puntland loo gaystay waxaa ka mid ah:

10. Taariikhdu markay ahayd 24/12/2014 ilaa 29//12/2014 waxaa saldhiga koontoroolka ee degmadda Garowe sifo aan sharci ahayn ugu

xirnaa qof shaqaale dowladda Puntland ah iyadoo loo aanaynaayey banaanbax uu sameeyey. Xariga ka dib mudada dastuuriga

gudaheed garsoore laguma horgeynin, xoriyadiisa dib ayaa loogu soo celiyey iyadoon wax danbi lagu soo oogin.

11. Taariikhdu markay ahayd 29/11/2015 ilaa 02/11/2015 waxaa saldhiga booliska degmada Garowe ku xirnaa qof siyaasi ah. Maxkamad

isaga oo aan la horgaynin ayaa la sii daayey.

2.4.5. Xuquuqda Siyaasadda iyo ka qaybgalka Maamulka

Laga soo bilaabo markii Puntland la aasaasay 1998 ilaa hada 2015 waxaa Puntland ka jira nidaam qabiil oo lagu saleeyo dowladda iyo

arimaheeda maamul. Dastuurka Puntland wuxuu qorayaa in dalka laga hirgeliyo nidaam axsaab dimuqraadi ah oo sahla dadka inay ka qayb

galaan xukunka, talada wax ku yeeshaan iyaga oo isticmaalayaa xuquuqaha dastuuriga ah oo siinaya muwaadin kasta inuu ka qayb galo

arimaha siyaasadda dalka, is-sharaxi karo, wax dooran karo, ururo siyaasadeed samayn karo.

Sidii loo aasaasay hey'adan waxaa jira cabashooyin bulshada qayba ka mid ah ay ka qabaan hanaanka kuraasta siyaasadda loo qaybsado, in

dad badan oo muwaadiniin ah ay wax ku waayaan haybtooda islamarkaasna uusan jirin nidaamka qabiilka qaab uu dadkaas u magdhawo

ama uu ugu sahlo fursado ay talada dalka ra'yi ugu yeeshaan.

Nidaamka axsaabta badan ee dimuqraadiga ah, wuxuu xal u yahay in xuquuqo badan oo dastuuri ah ay helaan muwaadiniinta, si tartan furan

iyo deegaan ku salaysan lagana gudbo hanaanka qabiilka ee marnaba bulshada aan cadaalad u samaynaynin.

2.4.6. Xuquuqda Dadka la Hayb-Sooco

Dadka la hayb-sooco gudaha Puntland waxay la kulmaan fuquuq, haybsooc iyo inkiraad xuquuqahooda dastuuriga ah, waxayna la kulmaan

15

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 22: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

fuquuq iyo tacadiyo naf iyo maal oo farabadan kagana yimaada bulshada iyo hey'adaha dowladda.

Dastuurka wuxuu dhowrayaa xuquuqda muwaadiniinta oo idil, hase yeeshee hey'adaha fulinta iyo bulshada intaba waxay ka gaabiyeen inay

meel mariyaan xuquuqda dadkaas ee ku leeyihiin dadka iyo dalka. Waxaa loo asteeyey 10ka Debember inay noqoto maalinta haybsooca

Puntland, si kor loogu qaado wacyiga bulshada, loogu maamuuso dadka qabay dulmiga soojireenka ah, hey'adaha dowladana ay u

sameeyaan qorshayaal sanadle ah oo lagu horumarinaayo bulshada iyo deegaanka dadka la hayb-sooco.

Inkastoo dowladda Puntland ay xil iska saartay dib usoo celinta xuquuqda dadka la hayb-sooco, hadana ilaa iyo hada ma jiraan isbedel weyn

oo la taaban karo, gaar ahaan hey'adaha sharci ilaalinta iyo sharci fulinta midna talaabo ma qaadin.

2.4.7. Xuquuqda Dadka Naafada

Xaaladda dadka baahiyaha gaarka qaba (naafada) ayaa ah mid aad u liidata, ma helaan adeegyada asaasiga ah ee caafimaad, waxbarasho, iyo

taageero nololeed. Intooda badan waxay ku xaniban yihiin guryahooda, maadaama waalidiinta intooda badan aysan qabin wacyi iyo awood

dhaqaale oo ay ku daryeelaan ama aqoon iyo caafimaad kula doonaan.

Ma jiraan barnaamijyo gaar ah oo xukuumadda ay ku horumarinayso dadka baahiyaha gaarka qaba. Waxaa jira siyaasad loo sameeyey sidii

loo horumarin lahaa, laakiin fulinteeda waxba kama suura gelin.

Naafadu waxay leeyihiin xuquuqo dastuuri ah sida ku cad qodobka 34 ee dastuurka Puntland, sidoo kale waxaa jira xeer caalami ah oo lagu

ilaaliyo xuquuqdooda, loogana ilaaliyo takoorka iyo daryeel la'aanta.

Waxaa jira 13 urur oo u adeega naafada, waxayna ku bahaysan yihiin dalladda naafada Puntland, oo ah urur bulsho iyo samafal la aasaasay

2012, laakiin isaga laftiisa ayaan helin haba yaraatee wax taageero dhanka dowladda Puntland. Waxaana shaki weyn ku jiraa sida uu usii

shaqayn doono.

Waxaan si gaar ah halkan ugu xusaynaa inay jiraan xarumo lagu daaweeyo dadka qaba xanuunka dhimirka magaalooyinka waaweyn.

Xarumahaas waxay u baahan yihiin adeegyo badan oo ka dhiman iyo daryeel dhanka dhismaha, jiifka, cunada iyo agabka caafimaadka.

2.4.8. Xuquuqda Barakacayaasha iyo Qaxootiyada

Qaxootiga iyo Barakacayaasha waxay leeyihiin xuquuqo ay dhigayaan xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah. Intaas waxaa dheer dowladda

Puntland waxay ansixisey siyaasad hageysa barkacayasha ku nool Puntland. Waxaana jira xeerar caalami ah ay tahay Puntland inay dhowrto.

16

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 23: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

Hadaba waxaanu si guud ahaan ugu kuur galnay xaalada xuquuqda aadanha ee ka jirta xeryaha

barakacayaasha anagoo si gaar ah u eegeyney qodobadan ku xusan dastuurka puntland oo kala

ah; ammaanka hooyga 21aad, waxbarashada 32aad, cafimadka 33aad, xaquuqda caruurta

31aad iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba 34aad.

Nolosha ka jirta xeryaha barakacayaasha Puntland oo idil dhanka Hooyga, Waxbarashada,

Caafimaadka iyo Amniga waa mid liidata oo aan marnaba ku haboonayn in qof banii'aadan ah uu

ku noolaado. Dhibka ugu wayn wuxuu ka jiraa dhulka ay degan yihiin barakacayaasha iyo

qaxootiga, siiba Bosaso iyo Garowe. Waxaa jira xadgudubyo joogto ah ay dadka deegaanka

loogu yimi u geystaan dadka barakacayasha iyo qaxootiga.

Barakacayaasha iyo qaxootiyada waa dad u nugul in tacadi loo geysto, waxaa fudu meel ka dhaca

xuquuqdooda aadaminimo, mana helaan garsoor cadaalad ah iyo amni toona.Tacadiga loo

gaysto xeryaha barakacayaasha gudaha inta badan waxaa gaysta hey'adaha amniga, waxay

dhibaatooyin ka dhan ah xuquuqda aadanaha gaarsiiyaan dad barakacayaal ah kuna waayey

lixaadkooddii magdhawna aan helin iyagoo waliba u cawday Garsoorka Dawlada Puntland iyo

hey'addaha kale ee dawladda.

2.4.9. Xuquuqda Carruurta

Xaaladda xuquuqda caruurta ayaa ah mid aan fiicnayn marka laga eego tayo xumida xanaanada

iyo kobcinta da'yarta, sida caruurta oo waaya nafaqada ay u baahan yihiin, kala kulma garaacid

xoogan goobaha waxbarashada iyo guryaha iyo weliba caruurta oo aan helin goobo ay ku

ciyaaraan maadaama dhismaha magaalooyinka aan loo qaabayn meelaha caruurta ku ciyaarto.

Ma jiraan barnaamijyo gaar ah ay xukuumaddu ku hormarinayso caruurta sida uu faraayo

qodobka 31aad ee dastuurka puntland. Inkastoo ay jirto xeerar lagu ilaalinayo xuquuqda caruurta

kuwaas oo qabyo qoraal ah ayaa waxaa la sugaya fulinta Heshiiska Caalamiga ee Xuquuqda

Caruurta oo ay Soomaaliya xubin ka noqotay 20ka Janaayo 2015.

Dhanka kale waxaa jira danbiyo ay ka mid yihiin tahriibinta caruurta, kufsiga gaar ahaan caruurta

ku nool xeryaha (qaxootiga/ barakacayaasha). Waxaa duruuf gaar ah ku nool caruurta naafada iyo

17

Difaacaha oo dhagaysanaya Hooyo iyo Wiilkeeda oo ka mid ah qaxootiga

Yemen Maajo 2015

Carruur ku nool Xarunta Qaxootiga Yemen ee Bosaso, Maajo 2015

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 24: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

agoomada kuwaas oo xaaladooda nololeed iyo mid waxbarsho ama caafimaad oo aad u liidato.

2.4.10. Xuquuqda Haweenka

Haweenka ayaa ah kuwo inta badan la kulmo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda

aadanha sida kufsi, iskuday kufsi, shaqaaqo guriga, jir dil, duudsi xaq iyo

handadaad kuwaas oo iskugu jira kuwo ka yimaada heer qoys ilaa heer bulsho.

Dumarka barakacayaasha, qaxootiga, naafada iyo dadka la hay-bsooco ayaa h

kuwa si gaar ah ugu nugul tacadiyada iyo gaboodfalada xuquuqda aadanaha

Puntland, gaar ahaan kufsiga, jirdilka iyo xariga sharci darada ah.

Qodobka 35aad ee Dastuurka Puntland ayaa ah mid damaanad qaadaya

xuquuqda haweenka ee deegaanka Puntland. Wax badan oo horumar ah ayaa laga

sameeyey, dhinacyada qaybtood aad bay u hooseeyaan, sida ka qayb galka

siyaasadda iyo ariminta talada. Weli lama cadeynin qoondada sharciga ah ee

dumarku leeyihiin, maxkamadahana laga fulinaayo.

18

Sarkaal ka mid ah Xafiiska Difaacaha oo Qoraaya Cabasho Magaalada Qardho, Octoobar 2015

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 25: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

Cutubka 3aad

Ilaalinta iyo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxaa loo igmaday ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha isaga oo qabta

cabashooyinka, baara xadgudubyada iyo falalka ka dhanka ah xuquuqda qofka iyo bulshada, soo ooga eedaynta dadka ku tacadiya

xuquuqda aadanaha maxkamadaha hortooda, matalida dulmanayaasha iyo u kuurgelidda xaaladda xuquuqda aadanaha ee xabsiyada,

saldhigyada booliska iyo dalka guud ahaan.

3.1. Cabashooyinka Soo gaaray Xafiiska

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxaa soo gaaray cabashooyin bulshada ay ku doonayaan xuquuqo ka maqan, tacadi loo

gaystay ama xorriyad laga qaaday. Cabashooyinka soo gaaray xafiiska muddadii sanadka ahayd ee Nofeembar 2014 ilaa Nofeembar 2015

guud ahaan waa 49 cabasho, sida soo socota ayayna tafaasiishoodu tahay.

JADWALKA 1AAD: GOBOLADA IYO CABASHOOYINKA

19

Gobolada

Tirada cabashooyinka

Boqolayda Tirada

Gobolka Nugaal

27

55%

Gobolka Mudug

2

4%

Gobolka Bari

16

33%

Gobolka Sanag

0

Gobolka Sool 0

Gobolka Cayn 0

Gobolka Hayland

0

Gobolka Karkaar

4

8%

Gobolka Gardafuul

0

Wadar Guud

49

100%

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 26: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

JADWALKA 2AAD: QAABKA CABASHOOYINKA AY NAGU SOO GAAREEN

JADWALKA 3AAD: JINSIGA (LAB IYO DHEDIG) CABASHOOYINKA

20

Qaabka Nagu Soo Gaareen

Tirada

Boqolayda Tirada

Booqasho Xafiis

45

92%

Telefoon 2 4%

Aalada iimeelka 2 4%

Website 0

Wadar Guud

49

100%

Gobolada

Lab

Dhedig

Gobolka Nugaal

15

12

Gobolka Mudug

1

1

Gobolka Bari

9

7

Gobolka Sanag 0 0

Gobolka Sool 0 0

Gobolka Karkar 3 1

Gobolka gardaful

0

0

Gobolka Hayland

0

0

Gobolka Cayn

0

0

Wadar Guud

28 (57/%)

21 (43%)

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 27: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

JADWALKA 4AAD: CIDDA LAGA CABANAYO

JADWALKA 5AAD: WAXA LAGA QABTAY CABASHOOYINKA

Xafiisku wuxuu dadaal dheer u galay siduu uga jawaabi lahaa baahida bulshada ay u qabtay inay hesho cid ay u gudbiso cabashooyinkeeda la

xiriira xuquuqaha dastuuriga ah, xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ay dhowreen. Waxay ahayd markii ugu horeysay oo Puntland laga

hirgeliyo xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha, ka sokow inuu xafiisku ahaa ban ka abuur, waxaa jiray duruufo iyo caqabado xafiiska wajahay

oo ka xanibay inuu wakiilo ku yeesho deegaanadda Puntland oo idil.

Sidaa awgeed cabashooyinka waxay u badan yihiin kuwa naga soo gaaray xarunta xafiisku ka hawlgalo ee Garowe. Waxaanse ku kalsoonahay

hadii ay jiri lahaayeen wakiilo dhammaan goboladda Puntland in cabashooyinku intaan ay ka badnaan lahaayeen.

Sidaa si lamid ah, xafiiska uma suura gelin inuu booqdo deegaannadda laamiga dheer ka leexsan ee gaari waaga ah, sababo dhaqaale

dartood, welina taagero arintaas khuseysa kama aanan helin dowladda iyo hey'adaha horumarka taageera.

21

Shaksiyaad Gaara

(Xuquuqo Gaara) Dad baahi gaara

kacabanaya Maxkamadaha

Hey’adaha Amniga

Wasaaradaha

Hey’adaha

Samafalka Wadar

Guud

27kiis 4 kiis 16 kiis 2 kiis 49kiis

Cabashooyinka (Dacwadaha) Furan Cabashooyinka (Dacwadaha) Dhamaaday

Wadar Guud

30 dacwadood 19 dacwadood 49 dacwadood

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 28: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

Cutubka 4aad

Tallaabooyinka Taabagelinta iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxaa loo igmaday taaba-gelinta xuquuqda aadanaha iyo abuuridda jawi lagu ilaaliyo

xuquuqda aadanaha gudaha deegaanada Puntland. Xafiisku wuxuu qabtay shirar aqoon-isweydaarsi, wacyigelin iyo kor-u-qaadid aqoonta

bulshada, tababaro, qoraalo iyo olole lagu taageeraayo xorriyadaha asaasiga.

4.1. Xuska Maalmaha Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha

Xafiisku wuxuu kaalin mug iyo muuqaal leh ka qaatay xuska maalmaha loogu

dhaqdhaqaaqaayo xuquuqda aadana. Hey'addu waxay ka qayb gashay xuska

maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha kuna beegnayd 10ka Diseembar 2014.

Hey'addu waxay qabatay xuska maalinta caalamiga ah ee joojinta ciqaab la aanta

dadka tacadiyada la beegsada warbaahinta.

4.2. Heshiisyo Iskaashi

Si loo balaariyo shaqada hey'adda curdunka ah, waxaan heshiisyo iskaashi la

samaynay ururada bulshada u dhaqdhaqaaqa ee Puntland. Ujeedka heshiisyada

wuxuu yahay in hey'adda iyo ururada bulshada ay isdhaafsadaan xogta, talooyinka iyo

xaaladaha xuquuqda muwaadiniinta, in ururada bulshada ay xafiiska u soo gudbiyaan

gabood-falada iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Ururada Xafiisku Heshiisyada Iskaashi la galay waxaa ka mid ah:

1. Golaha Qurbajoogta Puntland (PDF)

2. Daladda Daneeyayaasha aan Dowliga ahayn (PUNSAA)

3. Xarunta Gargaarka Sharciga ee Puntland (PLAC)

4. Xarunta Gargaarka Sharciga iyo Tababarka Ardayda Kuliyadda Sharciga ee PSU

5. Ururka Haweenka Garyaqaanada ee Puntland (PUWLA)

4.3. Asaasidda Naadiyo Ardayeed oo u Ololeeya Xuquuqda Aadanaha ee Puntland

Xafiisku isagoo ka duulaaya ahmiyadda ardayda iyo goobaha waxbarashada ay u leeyihiin horumarinta iyo taabagelinta xuquuqda aadanaha,

gaar ahaan si loo helo jiil fahamsan xuquuqda aadanaha una dooda xuquuqda muwaadiniinta kale waxaan ku talaabsanay sidii aan u hirgelin

lahayn Naadiyo Xuquuqda Aadanah dhamaan xarumaha waxbarashada Puntland.

22

Shahaado Sharaf Xafiiska uu Gudoonsiiyey Saaxiibada iyo Qareenada Xuquuqda

Aadanaha Munaasabadda Maalinta

Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha 10ka Diseembar 2015

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 29: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

Waxaan ka hirgelinay Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda PSU Naadiga Xuquuqda Aadanaha ee ardayda sharciyadda. Naadiga wuxuu ka

qaybqaataa dhamaan dhaqdhaqaaqyada loogu qareemaayo xuquuqda aadanaha Puntland.

4.4. Tababarada Xuquuqda Aadanaha

Xafiisku wuxuu tababar aqoon karorsi ah u qabtay Golaha Wakiilada Puntland, ujeedkiisuna wuxuu ahaa sidii xubnaha golaha wakiilada ay

uga qayb qaadan lahaayeen ilaalinta iyo kor uqaadida xuquuqda aadanaha, xiriir dhow oo Isfahan ku salaysanna loo abuuri lahaa.

4.5. Shirarka iyo kulamada

aXafiisku wuxuu qabtay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen ururada

bulshada iyo hey'addaha caalamiga ah kuna saabsanaa

qorshaha hey'adda iyo sidii la isaga kaashan lahaa difaacida ilaalinta iyo

h o r u m a r i n t a x u q u u q d a a a d a n a h a e e m u w a a d i n i i n t a

Puntland.

aXafiisku wuxuu la kulmay dhalinyaradda iyo aqoonyahanka

magaalooyinka Bosaso iyo Garowe waxaana ugu bandhignay shaqada

naloo idmaday, kaalintooda iyo kaalinta xafiiska ilaalinta xuquuqda

dhalinyarada, gaar ahaan xaqa nolosha iyo ka ilaalinta tahriibta.

aKulammo joogta ah ee hey'adaha caalamiga aanu kula yeelanay Garowe,

Muqdisho iyo Nairobi.

23

Unicef Qaybta Xuquuqda Caruurta oo soo Booqatay Xafiiska Xuquuqda Aadanaha

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 30: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

4.6. Xirriirada dibadda

Xafiisku wuxuu xirriir wada shaqayn ah la sameeyay hey'addo caalami ah oo kala duwan fadhigooduna yahay dalka Kenya si ay nooga

caawiyaan howlaha hey'adda, tababarida iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha iyo taageerida dhanka cilmi baarista. Way soo dhaweeyeen

horumarka Puntland waxayna balan qaadeen wada shaqayn iyo taageero xiligeeda leh.

24

Kulan Safaaraddaha Sweden, Norway iyo Denmark, Nairobi Kenya

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 31: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

Cutubka 5aad

Horumarinta Xafiiska iyo Warbixinta Maaliyadda

5.1 Horumarinta Xafiiska

Maadaama xafiisku ahaa mid markaa la aasaasay, waxaanu qaadnay talaabooyin aan ku xaqiijinayno dhismaha heykalka xafiiska iyo

horumarinta shaqada iyo shaqaalaha. Talaabooyinka xafiisku qaaday ayaa waxay isugu jireen kuwa soo socda:

5.1.1 Wajiga koowaad

1. Diyaarinta miisaaniyadda xafiiska 2015.

2. Diyaarinta dukumentiga qeexaya shaqada shaqaalaha xafiiska.

3. Qaadashada shaqaalaha xafiiska.

4. Tababarka koowaad shaqaalaha ee shaqada iyo ka shaqaynta xafiiska

5. Waxaan samaynay mareeg internetka oo hey'addu gaar u leedahay.

6. Waxaan daahfurnay xafiiska 13kii Maarso 2015.

5.1.2 Wajiga labaad:

1. Waxaan shaqaalaha u qabanay tababar labaad oo la xiriira waajibaadka iyo awoodaha xafiiska ee ku xusan dastuurka Puntland,

xeerarka Puntland, xeerarka caalamiga.

2. Waxaa diyaarinay foomamka shaqada sida

a. Foomka cabashooyinka muwaadiniinta

b. Foomka wakiilashada xafiiska ka dacwinta/difaaca maxkamadaha ee dadka dulmanayaasha ah.

3. Waxaan diyaarinay qorshaha xafiiska oo 3 sano ah 2015-2017.

4. Waxaan diyaarinay foomamka xaadirinta shaqaalaha.

5. Waxaan diyaarinay foomamka maamulka maaliyadda xafiiska.

Waxaa Alle mahadii ah in aanu ku guulaysanay in muddo kooban aan ku dhisnay xafiis maanta shaqeeya, leh agab iyo shaqaale u diyaar ah

inay gutaan waajibaadka dastuuriga iyo xeerka ah ee saaran.

25

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 32: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

5.2 Caqabadaha dhismaha xafiiska

Xafiiska xuquuqda aadanaha Puntland waa hey'ad dowli ah loo aasaasay dowladda iyo dadka Puntland. Samaynta iyo miisaaniyadda xafiiska

waxaa masuul ka ah golayaasha dowladda. Maadaama uu xafiisku ku cusub yahay nidaamka dowladeed ee Puntland wuxuu la kulmay

caqabado ay ka mid yihiin:

1. Dhaqaale; shaqaalaha xafiisku waxay sanadka oo idil ka heleen 6 bilood oo keliya xuquuqda mushahar ay lahaayeen. Sidoo kale

adeega xafiisku helay waa 6 bilood.

2. Wadashaqaynta dowladda; hey'adaha fulinta iyo sharci ilaalinta ma gaarsiisna heerkii aanu rajeynaynay.

3. Wakiiladda gobolada; xukuumadda oo aan miisaaniyad u qoondaynin wakiilada xafiiska ee gobolada Puntland.

5.3 Qorshaha Xafiiska 2016-2017

Tabaha Qorshaysan iyo Natiijooyinka la Filaayo 2016/2017

Tabaha ugu muhiimsan ee qorshaysan 2016/2017 si loo gaaro ujeedooyinka xafiiska waxay kala yihiin sida soo socota:

Tabaha Qorshaysan:

1. In xafiiska awoodiisa la dhiso si u noqdo hay'ad joogtaysan oo shaqadeeda ka adag

2. In uu xafiisku yeesho aqoon maarayn oo heerkeedu sarreeyo

3. In uu xafiisku kororsado aqoon iyo tababar ku filan dhanka tiirarka iyo heerbeegyada xuquuqda aadanaha dhinac guud iyo mid

gaarba

4. Haweenka, carruurta, iyo dadka baahida gaarka ah leh si la mid ah ayay fursad ugu helayaan inay ku naaloodaan xuquuqdooda

aadaminimada.

5. Xafiisku wuxuu la samaynayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso xiriir wada shaqayneed oo ku qotoma sinaan, iskaabid iyo

joogtayn

6. In la yareeyo ku xadgudubka qorshaysan ee xuquuqda aadanaha Puntland

7. In la kordhiyo ku dhaqanka tiirarka iyo heerbeegyada xuquuqda aadanaha ee Puntland

8. In la kordhiyo u hogaansanaanta iyo ku dheganaanta sharciga Puntland iyo kan caalamiga

26

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 33: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

Natiijooyinka la filayo

1. Koboca iyo horumarka xafiiska xuquuqda aadanaha ee Puntland

2. Helidda xogo laysku hallayn karo oo ku saabsan xuquuqda aadanaha Puntland

3. Sare u qaadka dareenka dhowrista xuquuqda aadanaha iyadoo loo adeegsanayo wacyigelin guud iyo mid gaarba

4. Sare u kaca u qareemidda ilaalinta xuquuqda haweenka, carruurta iyo dadka naafada

5. korukaca isuduwga iyo hannaanka iskawarqabka ilaalinta xuquuqda aadanaha iyadoo la adeegsanayo isgarabsi dhexmara hayadaha

ku hawllan

6. Sare u qaadida ilaalinta xuquuqda aadanaha iyadoo la adeegsanayo baaritaano iyo xog uruurin

7. U qareemidda u hogaansanaanta xukunka sharciga

8. Sare u qaadidda ku dhaqanka xukunka sharciga ee Puntland iyo Caalami

27

Sawir guud ay galeen ka soo qayb galayaasha shirka wadatashiga Qorshaha Istiraatiijiyadda Xafiiska

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ee 2015/2017. Meesha Xerada UNSOM ee Garowe, Taariikhda 14ka Juun 2015

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 34: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

28

Cutubka 6aad

Talooyinka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Golaha wakiiladda, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka Puntland waxaan la wadaagaynaa talooyinka muhiimka ah ee

dhamaystiraya cadaaladda, dimuqraadiyadda iyo horumarka:

1. In la sameeyo xeerar lagu difaacaayo xuquuqda aadanaha iyadoo la hirgelinaayo xeerarka iyo heshiisyada caalamiga. Dhamaystirida

iyo taabo gelinta xeerka carruurta (juvenile justice bill), xeerka gudniinka fircooniga ah (FGM), xeerka kufsiga (sexual offence bill)

iyagoo dhamaan la waafajinaayo dastuurka, shareecada iyo xeerarka dalka iyo xeerarka iyo baaqyada caalamiga.

2. In dib u eegis lagu sameeyo xeerarka dalka, sida xeerka saxaafadda Puntland, xeerka argagixisada iyo maxkamada ikhtisaasiga u leh,

xeerarka iyo hababka ciqaabta iyo madaniga ee Puntland, si ay ula jaanqaadaan duruufta iyo xaaladaha la marayo, una waafaqaan

mabaadii'da xuquuqda aadanaha ee Puntland iyo caalamiga.

3. In la tayeeyo shaqaalaha iyo agabka garsoorka Puntland, la bixiyo xuquuqda mushahar ee garsoorka, la kobciyo aqoonta

maxkamadaha, xeer-ilaalinta, xarumaha gargaarka sharciga bixiya iyo garyaqaanada ay u leeyihiin dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda

aadanaha iyo kor u qaadida wadashaqaynta hey'adaha amniga iyo garsoorka.

4. In kor loo qaado aqoonta ciidanka booliska iyo ciidanka asluubta ay u leeyihiin xuquuqda aadanaha si ay u dhowraan xuquuqda

muwaadiniinta iyo xuquuqda maxaabiista. In talaabo laga qaado xubnaha ciidanka booliska iyo ciidanka asluubta ee ku xadgudba

xuquuqda muwaadiniinta iyo maxaabiista.

5. In loo qoondeeyo miisaaniyad loogu talagay hirgelinta iyo kor u qaadida kudhaqanka dastuurka, xeerarka Puntland iyo kuwa

caalamiga, iyadoo si gaar ah xooga loo saaraayo baahinta xeerarka la xiriira xuquuqda aadanaha si loo helo bulsho dareensan

xuquuqdeeda iyo waajibaadka saaran.

6. In wasaaradaha iyo wakaaladaha dowladda ay hirgeliyaan xuquuqaha dastuuriga ee qodobka 12aad ilaa qodobka 47aad ay

masuulka ka yihiin, in ay xaqiijiyaan ku naalooshaha bulshada xuquuqahooda dastuuriga ah. Xukuumadda waa in ay isku xirtaa

barnaamijyadda horumarinta iyo dhowrista iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

7. In barnaamijyo waxbarasho iyo wacyigelin laga hirgeliyo dhamaan xabsiyada Puntland

8. In dowladda ay ka feejignaato inaan la dagaalanka argagixisada loo adeegsan ku xadgudubka xuquuqaha asaasiga ee bulshada,

waxaan ku talinaynaa in rayidka lagu tuhmo argagixisada aan la geynin maxkamadda ciidanka, waa in la siiyaa fursad ay maxkamadda

isaga hor difaacaan qareenna la tashadaan.

9. Taliyayaasha ciidanka booliska waa in ay il gaara ku eegaan tacadiyada booliska ay ka geystaan xarumaha barakacayaasha iyo

qaxootiga. Taliyayaasha booliska waa in ay howlgalada booliska dhexdiisa dhowraan xuquuqda dadka, gaar ahaan kuwa haweenka

iyo caruurta.

10. In dowladdu talaabo adag ka qaado dadka kirada ka qaadaya barakacaaysha degen dhulka heshiiska lagu dhisay ee aysan xaqa u

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 35: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

lahayn inay dadkaas kira ka qaadaan.

11. Dowladda inay hirgeliso balanqaadyadii la xiriiray hirgelinta hanaanka dimuqraadiyadda, gaar ahaan gudiga doorashooyinka

Puntland iyo barnaamijka axsaabta badan.

12. In kooto loogu dhawaaqo dumarka iyo dadka la hayb-sooco si ay kaalin mug iyo muuqaal leh ugu yeeshaan talada dalka, ayna u

helaan xuquuqda sinaanta muwaadiniinta.

13. In mashaariicda horumarinta la gaarsiiyo deegaanada fog fog, gaar ahaan deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn oo dadkoodu fursad u

helin waxa laga hirgeliyo magaalooyinka laamiga ku teedsan.

14. In xukuumadda ay joojiso xariga sharci darada ah ee wariyayaasha, ogolaato madaxbaanida warbaahinta, xoriyadda fikirka iyo ra'yiga

ee saxaafadda iyo bulshadaba.

15. In xukuumaddu ay tixgeliso baahiyaha xafiiska xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dhaqaalaha xafiiska oo ay tahay mas'uuliyadda

dowladda Puntland in ay iyadu bixiso, sidoo kale in xukuumaddu miisaaniyadda ku darto wakiiladda xafiiska ee gobolada Puntland.

29

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 36: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

30

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 37: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

31

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Kaaliye Sare

Wakiilada Gobolada

Waardiyayaal

Adeegayaal

Dareewallo

Qaybta Sharciyada

Qaybta Maamulka

iyo Maaliyadda

Qaybta Xuquuqda

Aadanaha

Madaxa

Shaqaalaha iyo

Qandaraasyada

Madaxa

Tiknoolajiyada

iyo Saxaafada

Madaxa

Cabashooyinka

Madaxa

Xisaabaadka

Madaxa

Qareemidda

Wacyigelinta

Madaxa

Xuquuqaha

Gaarka

Heykalka Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 38: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

32

Faahfaahinta Dakhliga Xafiiska Ku Talagalka Dhab Dhinaansho

Dakhliga Xafiiska ee Dowladda Puntland

Mushaharka $76,479.10 $9,856.00 $66,623.10

Addeega $60,000.00 $45,708.00 $14,292.00

Wadarta Dakhliga Dowladda $136,479.10 $55,564.00 $80,915.10

Deeqaha Hey’adaha Caalamiga ah

Deeqda hey'adda UNHCR $1,700.00 $1,700.00 $0.00

Deeqda hey'adda UNSOM $9,670.00 $9,670.00 $0.00

Deeqda hey'adda Caalamiga ee Save the Children UK $1,770.00 $1,770.00 $0.00

Deeqda hey'adda UNSOM $5,170.00 $5,170.00 $0.00

Wadarta Dhakhliga Deeqaha $18,310.00 $18,310.00 $0.00

Wadarta Dakhliga Guud $154,789.10 $73,874.00 $80,915.10

Faahfaahinta Kharashka

Kharashka Dakhliga Dowladda

Kharashka Shaqaalaha ee Mushaharka iyo Gunnooyinka $76,479.10 $9,856.00 $66,623.10

Kharashka Alaabta iyo Adeegyada Xafiiska $60,000.00 $45,708.00 $14,292.00

Wadarta Kharashka Dawladda $136,479.10 $55,564.00 $80,915.10

Kharashkha Xafiiska ee Deeqaha

UNHCR (Xafladda Daahfurka Xafiiska) $1,700.00 $1,700.00 $0.00UNSOM (Tababarrada Shaqaalaha Xafiiska) $9,670.00 $9,670.00 $0.00

SCI UK ( Booqashada Qaxootiga Yemen ) $1,770.00 $1,770.00 $0.00

UNSOM (16ka Maalmood ee Wacyigelinta Xuquuqda) $5,170.00 $5,170.00 $0.00

Total Cost of International Grants $18,310.00 $18,310.00 $0.00

Maxamed Yuusuf Cali Yaasiin Cali Maxamed

Difaacaha Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda

Warbixinta Dakhliga iyo Kharashka ee Xafiiska (Janaayo - Diiseembar 2015)

Sannadka-2015

Nooca Lacagta Doolarka Mareekanka

FG. Waxaa Xafiiska ka maqan Kharashka Bilaha ee Jannaayo ilaa Diiseember, 2015, oo kala ah Mushahar

$ 66,623.10 iyo Adeeg $ 14,292.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015

Page 39: WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - …...kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda

This Report was published by:

Puntland Human Rights Defender

Head Office, Garowe, Puntland-Somalia

Tel: +252-907794509, +252661114444

[email protected] [email protected] [email protected]

www.ophrd.org

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland