8
INTERNET GSM SMS MASSAGE E-ADEEG OUR SERVICE OUR SERVICE ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO Ilaysnews Editor Omar Siciid Moh’ed E:[email protected] Ilays designer Omar Said moh’ed ILAYS AXAD 31 MAAJO, 2009, Caddadkii 35aad , Tell:-712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh I frax Cali Aadan oo ayaa ku guulda- raysatay rafcaan ay ka qaadatay Dil ay Maxkamada Derajada Kowaad ee Gobolka Bari 27 April, 2009 ku xukun- tay. Ifrax ayaa shalay oo Sabti, 30 Maajo, 2009 la horkeenay Maxkamada, wax- aana mar labaad lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo maxkamaddu ay dhammaanba waxyaabihii ay ku doo- daysay Gacan-kup-dhiiglay Ifrax Cali Aadan la diiday. Ifrax Cali Aadan ayaa maxkamada u sheegtay in ay ka xuntahay, falkii ay ku dishay Alle ha u naxariitee Sucaad Maxamed Cabdi awaare oo 26 April ay mindi ku dishay, waxayna codsatay in la cafiyo, maadaama Maskaxdeedu aysan koogin markii ay falkaas sa- maynaysay oo uu masary hayay. Hase yeeshee Maxkamada ayaa u sheegtay, ifrax , in arrinta cafiska la xiriirta ay xaq u leeyihiin Qoyska Marx- uumaddii ay Dishay. Maxamed Cabdi Awaare, Guddoomi- yaha Maxmkamada derjada kowaad oo ah Aabaha dhalay Marxuumaddii la dilay, ayaa ku adkaystay in la qisaaso Farxiyo, waxaana uu u sheegay Ifrax iyo qoyskeedaba in Kheyr iyo Wan- naagba uu ku jiro in la Qisaaso ifrax, sida uu ilaahayba ku sheegay Quraan- ka. Md, Maxamed Cabdi awaare, waxaa uu intaa ku daray in Qisaasta Ifrax ay dad badan kala badbaadin doonto. Gacan-ku-dhiiglay Ifrax ayaa dib loogu celiyay xabsiga, hase yeeshee lama oga Waqti la qisaasi doono, iyo inay Weli jiraan fursaddo u bannaan oo lagu cafin karo Ifrax, . Ifrax Oo Ku Guuldaraysatay Rafacaankii Ay Qaadatay Garaad Cusub Oo La Caleemo Saaray Dhammaan Ummada Somaliyeed Waan Cafiyay, waxaana ka codsanayaa in ay Cafiyeen” Garaad Maxamed Aadan Wax Yaalaha Naftu Jeceshahay Oo lagu Galo Naarta. EEG BOGGA 5AAD Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas Tifaftiraha Ilays EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 3AAD GUDAHA;- QISADII AAKHIRAAN KU HAYSTAA IYO WARAR KALE WARAYSI SULDAAN C/SALAAN SULDAAN MAXAMUUD AW-AXMED EEG BOGGA 2AAD

2 ILAYS 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3 Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas W ax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la

  • Upload
    hadieu

  • View
    224

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: 2 ILAYS 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3 Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas W ax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la

INTERNETGSM

SMS MASSAGE E-ADEEG

OUR SERVICE OUR SERVICE

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

Ilaysnews EditorOmar Siciid Moh’ed

E:[email protected]

Ilays designerOmar Said moh’edILAYS

AXAD 31 MAAJO, 2009, Caddadkii 35aad , Tell:-712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh

Ifrax Cali Aadan oo ayaa ku guulda-raysatay rafcaan ay ka qaadatay Dil

ay Maxkamada Derajada Kowaad ee Gobolka Bari 27 April, 2009 ku xukun-tay.

Ifrax ayaa shalay oo Sabti, 30 Maajo, 2009 la horkeenay Maxkamada, wax-aana mar labaad lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo maxkamaddu ay dhammaanba waxyaabihii ay ku doo-daysay Gacan-kup-dhiiglay Ifrax Cali Aadan la diiday.

Ifrax Cali Aadan ayaa maxkamada u sheegtay in ay ka xuntahay, falkii ay ku dishay Alle ha u naxariitee Sucaad Maxamed Cabdi awaare oo 26 April ay mindi ku dishay, waxayna codsatay in la cafiyo, maadaama Maskaxdeedu aysan koogin markii ay falkaas sa-maynaysay oo uu masary hayay.

Hase yeeshee Maxkamada ayaa u sheegtay, ifrax , in arrinta cafiska la xiriirta ay xaq u leeyihiin Qoyska Marx-uumaddii ay Dishay.

Maxamed Cabdi Awaare, Guddoomi-yaha Maxmkamada derjada kowaad oo ah Aabaha dhalay Marxuumaddii la dilay, ayaa ku adkaystay in la qisaaso Farxiyo, waxaana uu u sheegay Ifrax iyo qoyskeedaba in Kheyr iyo Wan-naagba uu ku jiro in la Qisaaso ifrax, sida uu ilaahayba ku sheegay Quraan-ka.

Md, Maxamed Cabdi awaare, waxaa uu intaa ku daray in Qisaasta Ifrax ay dad badan kala badbaadin doonto.

Gacan-ku-dhiiglay Ifrax ayaa dib loogu celiyay xabsiga, hase yeeshee lama oga Waqti la qisaasi doono, iyo inay Weli jiraan fursaddo u bannaan oo lagu cafin karo Ifrax, .

Ifrax Oo Ku Guuldaraysatay Rafacaankii Ay Qaadatay

Garaad Cusub Oo La Caleemo Saaray

Dhammaan Ummada Somaliyeed Waan Cafiyay, waxaana ka codsanayaa in ay Cafiyeen” Garaad Maxamed Aadan

Wax Yaalaha Naftu Jeceshahay Oo lagu

Galo Naarta.

EEG BOGGA 5AAD

Faallo Midnimadda Puntland Waa MuqadasTifaftiraha Ilays

EEG BOGGA 2AAD

EEG BOGGA 3AAD

GUDAHA;- QISADII AAKHIRAAN KU HAYSTAA IYO WARAR KALE

WARAYSI SULDAAN C/SALAAN SULDAAN

MAXAMUUD AW-AXMEDEEG BOGGA 2AAD

Page 2: 2 ILAYS 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3 Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas W ax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la

2 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA AXAD 31 MAAJO 2009

Garaad Cusub Oo La Caleemo Saaray

Munaasibad Garaad cusub loogu caleemo-saaray Beelaha Reer-

Xaaji ee Axmed Harti, ayaa Doraad, 29 Maajo, 2009 lagu qabtay Tuula-da Yalho ee Gobolkan Bari .

Munaasibaddan oo ay ka qayb galeen Masuuliyiinta Dawladda, Madax-dhaqameedka Gobollada Puntland, , Aqoonyahanno, Dhalin-yaro iyo marti-sharaf kale oo gaaray-say Ilaa 2000kun oo qof, ayaa Gara-aad loogu Caleemo-saaray Garaad Maxamed Aadan Finniin oo ka mid noqday Isimada Beelaha Harti.

Maxamed Siciid Yuusuf (Boqor) oo wakiil ka ahaa boqorka Daar-ood ayaa Caleemo Saaray Garaad Maxamed Aadan finniin,waxaana Munaasabadaasi ka hadlay Naba-doona, Isimo, Aqoonyahano iyo Wakiilo Isimo, dhammaantood-na waxay Garaadka ilaahay uga beryeen in u fududeeyo xilka la saa-ray. iyaga oo kula dardaarmay in uu ahaado mid ku tiirsan talada madax-dhaqameedyada kasoo horreyey iyo Dowladaba. Waxayna sidoo kale bulshada soo dooratay Garaadkan usoo jeediyeen in ay la shaqeey-aan oo ay maqlaan islamarkaasna go’aannadiisa qaataan.

Garaad Maxamed Aadan Finniin oo Munaasaba ka hadlay ayaa ka codsaday Ummada somaliyeed meelkastooy joogaan in ay Cafi-yaan, islamarkaan Garaadku waxaa uu cafiyay Ummada Soomaliyeed.waxaana uu uga mahadceliyay Mar-ti sharaftii ka soo qayb gashay Mu-naasabada Caleemo-saarkiisa, Isa-goo Ilaahay Hortiisa iyo Ummadaba ka ballanqaaday in uu ka shaqayn doono danta ummadda somaliyeed, isagoon ku shaqayn doonin Qaby-aalada iyo Eex.

Garaad Maxamed Aadan finniin waa shaqsi si weyn looga yaqaano Somalia, waana nin ganacsade ah, waxaana uu noqday Isimkii labaad ee yeeshaan Beesha Axmed Harti, waxaana Beeshu dhaqan ahaan ay lahayd Ugaas.waxaana ugu caansa-naa Alle Naxariistiisa Janno ha ka waraabiyee Ugaas Yaasin.

Guud ahaan munaasibaddan oo ahayd mid si habsami ah u qabsoon-tay, ayaa gabagabadii waxaa yimid Maayarka Bosaso C/risaaq Xa-reed iyo k/xigeenkiisa , waxayna la kulmeed Garaad iyo Madaxdhaqa-meeyadii Kale.

Ilays/YalhoHay’ada DRC oo laga leeyahay Wadanka DENMARK waxay

ka howlgashaa Gobolo badan oo ku Yaala Puntland iyo Somaliland, waxayna gacan siisa dadka Qa-xootiga ee Dalalkooda dib-ugu soo Noqonaya,

Sanadihii u danbeeyay waxay DRC bilowday kulamo iyo shirar ay u qabato Nabadoonada Somaliyeed, iyadoo Degaamo fog fog ka Mar-tiqaada Nabadoonada, Haddaba waa maxay Hadafka ay ka leeda-hay DRC, waxaan waraysi dhina-cyo badan taabanaya la yeelanay Suldaan C/salaan Suldaan Mu’d Aw-Axmed Nuur oo Hay’ada DRC u qaabilsan Dhowrista Xuquuqda Aadana Iyo Xalinta Khilaafaadka.

Waa maxay Hadafka Hay’ada DRC ka leedahay Kulamada ay u qabato Nabadoonada Reer P/land,Yaase Fikradan iska lahaa Markii Hore??

Xaqiiqdii, Hay’ada DRC asal ahaan ma lahayn bilowga Barnaamijkan la isugu keenayo Nabadoonada, wuxuu ka yimid Nabadoonada iyo Odoyaasha Somaliyeed Gudahooda, waxay arkeen Hay’ado farabadan oo kala hadlaya xuquuqda Bani’aadamka dhalinyaro yar yar iyo Gabdho.

Marka Nabadoono ayaa soo jeediyay, Haddii laga Hadlayo xuquuq Bani’aadam waxaa ugu weyn Nafta Maaraynteeda sida Dilka, Magta iyo Nabadgelyada, waxayna Yiraahdeen dhaqanka somaliga ayaa qaba xuquuqda Bani’aadmiga, Ka dibna DRC ayey ula yimaadeen, DRC way ka aqbashay, Barnaamijkiina wuxuu noqday mid taabagal ah oo Qiimo leh, wax farabadan oo Qiimo leh ayaana ka soo baxay .

Waa iska caadi, Hay’daha UN-ka ama kuwa kale ee Caalamiga ah waxay mid walba u joogtaa ujeedo ay iyadu leedahay oo ay garanayso, Markaa DRC ujeedad ay Barnaamijkan ay ka leedahay waxa weeyaan Xalinta Khilaafaadka (conflict Resolution) iyo Horumarinta Nabadgelyada, Ilaalinta degaanka IWM.Si ay u hesho Bay’ad wanaagsan ooy ku shaqayso oo ay kula shaqayso Nabadoonada.

Sidee Ayaad u soo xushaan Nabadoonada?

Waxay ku xiran tahay meesha lagu qabanayo Shirka Bosaso oo Kale Tiro 3 jeer ka badan ayaanu ku qabanay Marka laga reebo shirarka farsamo oo Midkan ugu danbeeyay

ay Nabadoonadu Qashinka Magaalada ay Tusmeeyeen Dadku Gacmahooda isaga Fogeeyaan.

Isku-Shuban, Mid ayaanu ku qabanay, Garoowe,Galkacayo,Buuhoodle Iyo Laascaanood dhamaantood shirar iyo Kulamo ayaanu Nabadoonada ugu qabanay

Sidee loo soo Xulaa Nabadoonada, waa arrinta ugu dhib badan, waynu garaynayaa, markii ay Burburtay Dowladii dhexe,Nin walba isaga ayaa cilaaman, isaga ayaa Cimaamad soo gadanaya,Xiranaya isku duubaya, reerkii aad labo Nabadoon ku taqiinay 10 Nabadoon ayaad ugu Imaanaysaa, waxaa laga yaabaa in Labo Nabadoon oo dambe ay soo kordheen oo duruufi keentay, Isimada, mar oron karo Barnaamijkan kuma jiraan, laakiin weli nagama codsan in aan u qabano shirar iyo Kulamo la mid ah kuwa Nabadoonada, Mida kale Nabadoonadu waxay ku jiraan Howlaha Maalinla ah ee Bulshada, halka Isimada arrintu ay Gaarto Marka ay Gudoon gaarto ama tuko Cad la Arko.waxayna la Tacaamulaan Arrin guud, Anaguna waxaan inta badan la shaqaynaa Nabadoonada.

Ajendyaasha aad Hor dhigtaan oo ay ka doodaan,kuwee ugu Muhiimsan??

Marka aanu soo hor dhigno Ajendayaasha laga Doodayo, waxaanu siinaa fursad ah Maxaad ku daraysaa maxaase ka dhimaysaan,Qodobkii ay ka saaraan waanu ka saarnaa, kii ay ku soo kordhiyaan waanu ku kordhinaa, laakiin Xuduud ayaanu u samaynaa oo aysan waqtiga iskaga qaadin Qodobo badan, Ajendayaal Qiimo lehna way keenaan, waxaanad arkaysaa marka aad la shaqayso in Meeshan ay ku jirto Hanti Xoog leh ay ku jirto, waxaad garanaysaa in ay yihiin Dadkii Umadu ku fadhiday, Waayo aragnimo Badan, Taariikho iyo Caqli badan uu ku jiro waxayna u baahanyihiin in la xanaaneeyo oo dib loo eego.Ajendayaasha inta badan ay ka doodaan waxaa ka mid ah Dilka ula kaca ah iyo Waxyaalaha dhaliya , Sida loo Daawaynaaa, waxayna aad uga doodaan Aanada iyo Dekenooyinka Qabaa’ilku isku raacaan,

Maxaa ka soo baxay Shirarkaas Faraha badan, Maxayse ka faa’iideen Nabadoonadu Laf ahaantooda?Nabadoonadu Markii Hore Beelo

ayey ku kale jireen, In Mushkilo dhacdo mooyee markale isuma imaan jirin, Markii dhibaato dhacdo Labada Nabadoon ee labada beelood ooy weheliyaan Nabadoono kale ayaa isku imaan jiray.Laakiin 60 Nabadoon oo Ardaa wada fariista oo Saxan Gacanta wada geliya, Masaaliix Guud oo aysan weli hore u gelin ama uga Hadlin ay ka doodaan, Faa’iida labaad ee ka soo baxday shirarkaas , Nabadoonkii Goldogob( Mudug) Kii Laas qoray Kii Oorboogays,jiideel ama Baargaal Joogay ayaa is bartay, waxay kaloo Tab iyo Maar u heleen Go’aamada ay gaaraan xilliyada Kulamada ay yeeshaan.waxay kaloo Fuliyeen Heshiisyo farabadan, Aanooyin farabadan ayey Xaliyeen, Dad badan oo wax fakin jiray ayey ka hortageen, Runtii Documenti farabadan ayaanu haynaa, waxaa kaloo soo baxday in ay is-xilqaamaan oo lacag iska ururiyaan ooy duulaan oo Meel aadaan oo wax soo qabtaan, waxaan is leyahay Weli Jidkii bay darafka ka taagan yihiin.Jid dheer baa u dhiman oo ay wax ku qaban karaan.

Hay’ada Kale ayaa Jira oo Ka shaqeeya Xuquuqda Bani’aadmiga Iyo Xalinta Khilaafaadka Xiriir ma Leedihiin Oo iskaashi Ma idiinka dhexeeyaa??

Runtii,Xiriir qoto dheer baa ka dhexeeya Hay’ada DRC Iyo Hay’adaha kale ee ku Howlahan Barnaamijyadan, Sida Hay’ada Mercycorps, aasi waxay keentay inaad Taxadart, Haddaba si aanu u Ogaano in Ninkan yahay Nabadoonkii Rasmiga ahaa ee Beesha Waxaan Marnaa Hab ama Dhabooyin,waxaa ka mid ah, In waydiino Rag fara badan oo Qabiilka ka mid ah Nabadoonadooda,Beelaha la dega , Isimka Beesha Iyo Maamlka Degaanka,

EEG BOGGA 7AAD

WARAYSI SULDAAN C/SALAAN SULDAAN MAXAMUUD AW-AXMED

Page 3: 2 ILAYS 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3 Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas W ax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la

AXAD 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3

Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas

Wax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la yagleelay 01 Agosto 1998-dii, hase

ahaate waxaa bud dhigaideedaas ka horeeyey kulmo loogu googol xaarayey . muran kama taagna in goboladda Bari, Nugaal iyo Waqooy-iga Mudug , Sool, Sanaag iyo Deg-madda Buuhoodle iyagoo wada jira dhidibadda u taageen Puntland. Sidaa darted ayaan maanta dib loo noqon Karin.

Talaadaddii,26 May, 2009, ayaa wax-aa Gollaha Wakiiladda la hor geeyey Dastuurka Cusub ee DGPL,kaas oo ay horay u soo ansixiyeen Gollaha Xukuumadda Puntland, waxaase Muran dhaliyey Hordhaca qoraalka Dastuurka:

بــــســـم الــلــه الــرحــمــن الـــرحـــيـــمHordhacDadweynaha Gobollada Waqooyi Bari, waxa ay ku guuleysteen in ay sameystaan maamul uu u dhameystiran yihiin Qaybaha Dawladda, taas ooo ka dambey-say, markii waxgaradka Gobollada Waqoooyi-Bari ay shirweyne isugu yimaadeen magaalada Garowe 15kii Maajo 1998kii. Bishii Agoosto 1998kii waxaa halkaas loogu walqa-lay dhisme maamul cusub oo ka mid noqda Dawlad Soomaaliyeed oo leh maamul baahsan, kuna qo-toma hannaanka dawladeed ee loo yaqaan habka Federaalka. Puntland waxay rumeysantahay in nidaamka Federaalka uuu yahay kan qura oo Soomaali isku raaci karto.

Dawlad-Goboleedkaas cusub wax-aa loo bixiyay Puntland, magacaas oo cuskan taariikh gaamurtay, mac-nihiisuna yahay “Dhulkii Udugga”.

Haddaba Qoraalkani waa miraha dib-u-eegista Golaha Xukuumadda ee Dastuurka, taas oo soo martay marxalado kala duwan iyo la tashi-yo wax ku ool ah, si loo helo Das-tuur taabagal ah ee warcelin waafi ah ka bixinaya halka ay Puntland higsaneyso, ayaga oo isku duuban dawlad iyo dadweynaba.

Dastuurkan oo ay Xukuumadda Puntland ku meelmarisay ogolaan-shihiisa cod mideysan (unanimous), taariikhdu markay ahayd 24kii Maa-jo 2009kii, ayaa ah nuqulka kama dambeysta ee la horgeynayo Go-laha Wakiillada, si ay ayaguna uga baaraandagaan, una ansaxiyaan, dabadeedna loogu qaado afti dadw-eyne.

Dastuurkani waxa uu noqonayaa mid si ku meel gaar ah u

dhaqangala, mar allaale iyo marka uu Golaha Wakiiladda Puntland ansaxiyo.

Dastuurkani waxa uu ka koobanya-hay 141 qodob iyo hal lifaaq oo loogu magacdaray “Marxaladda Kala Guurka”, loolana jeedo isbadalka labada guddi doorasho, wuxuuna si gaar ah ugu saabsanyahay Guddiga Doorashada ee ku meelgaarka ah. Dastuurkan oo ay qodobadiisu isugu xiranyihiin mowduuc-mowduuc ayaa waxa saldhig u ah arrimaha soo socda:

1.Shareecada Islaamka.2.Nabadgalyada iyo Xasilloonida.3.Xuquuqda Aasaasiga ah ee mu-waadinka.4.Baahinta Xukunka.5.Maamulka Wanaagga.6.Habka Wadatashiga.7.Isu dheelitiridda awoodaha Daw-ladda:b. Golaha Xeer-Dejinta (Golaha Wakiillada).t. Golaha Fulinta (Xukuumadda).j. Golaha Garsoorka.

8.Habka Xisbiyada badan.9.Lahaanshaha Gaar ahaaneed iyo Suuqa Xorta ah.

Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aan halakan uga mahadceliyo dham-maan dadkii sida tooska ah iyo sida dadbanba uga qayb qaatay, qoraalka Dastuurka, saxitaankiisa, doodiisa iyo guud ahaan turxaan bixintiisa iyo wax ku soo kordhintiisa, soona gaarsiiyay halka uu maanta marayo, asaga oo aan qabyo ahayn, balse dhammeystiran. Waxaan si gaar ah aan halakan uga mahadcelinayaa Guddigii Dastuurka, dadweynihii qaybta ka qaatay, Golaha Fulinta (Xukuumadda) iyo Golaha Wakiilada (Baarlamaanka).

Waxaan mahad ballaaran halakan u marinayaa Hay’adda “Interpeace” oo ayadu fududeeye ka ahayd

ilaa markii la unkay mashruucan, walina qayb muhiim ka ah socod-ka looga jiba keenayo hawshan baaxadda weyn, taas oo dhaqaale iyo farsamaba la garab taagan.

Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada ee Dimoqaraadiyeynta Iyo Arrimaha Federaalka

Dr. Cabdi Xasan Jimcaale

Hordhaca qoraalkan ayaan sidii-saba ka mid ahayn Dastuurka ee waa iftiiman oo keliya. Weli lama fahmin sawaxan iyo qaylo dhaanta xubnaha qaarkood ee ku wajahan diidmada Waqooyi Bari, mraka la eego Waqooyi Bari deegaanka la yiraahdo xataa waxaa soo geli kara Gobolka Togdheer. Hase ahaatee Dastuurka Qodobka Lixaad ayaa si cad u qeexay dhul ahaansha Punt-land oo u qoran sidan :Qodobka 6aad

1)DHULKA IYO SOHDIMAHA.

1.Dhulka Puntland waxa uu ka koo-ban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.

2.Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaan-nada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan.

3.Puntland waxay soo dhawee-neysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland.4.Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee bad-da oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaa-do hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda.

5.Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo, lagumana xadgudbi karo.

Qoddobka Lixaad,Farqadiisa Sha-naad ayaa qeexaysa in Dhulka Puntland Muqadas yahay , cid awood u lehna aysan jirin in la kala qaybiyo. Teeda kale Xildhibaanadda ka cabanaya hordhaca iyaga ayaa Dastuurku gacanta ugu jiraa, iyaga ayaa loo igmaday wax ka bedelis-tiisa iyo wax ku daristiisa, waxayna xaq u leeyihiin waxyaabihii khalad ah inay ka saaraan Dastuurka bal aan eegno Qodobka 45aad ee ka hadlaya Axsaabta

Qodobka 45aad.

XISBIYADA SIYAASADEED1.Dawladda Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka xisbiyada badan.2.Ugu badnaan toddobo (7) xisbi ayaa doorashada ugu horreysa ka qayb gelaya. Doorashada ugu ho-reysa waxay noqoneysaa tan Go-layaasha Deegaanka oo qabashada waqtigeeda xeer gaar lagu soo saari doono. 3.Saddexda xisbi siyaasadeed ee ugu codadka badan doorashada ugu horreysa ee Golayaasha Deegaanka ayaa xaq u yeelanaya inay noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee sharciga ah, waana in uu xisbi kasta ka furan yahay ugu yaraan afar gobol. 4.Waxaa reebban xisbiyada iyo urur-rada leh muuqaal ciidan ama qabiil.5.Qofkii magac xisbi doorasho ku gala kuna guuleysta kursi, kadibna ka baxa xisbiga, wuxuu luminayaa kursigii xisbiga ee uu ku guuleystey.

Sidoo kale Dastuurkan waxaa kaloo door ku leh hogaamiyayaasha Dhaqanka Qoddobka 110aad ayaa Aqoonsiga Xeer –Dhaqameedka oo ahaa kuwii dhidby Puntland,

Qodobka 110aad

AQOONSIGA XEER-DHAQA-MEEDKA

• Dastuurku wuxuu Aqoonsanya-hay Xeer-Dhaqameedka aan ka hor imaanayn Shareecada Is-laamka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.

• Isimada la aqoonsan yahay waa heerka ugu sarreeya hoggaami-ye dhaqameedka.

• Si loo ilaaliyo sharafta iyo dhex-dhexaadnimada hogaamiye dhaqameedyada, waxaa reeb-ban in ay ka qayb qaataan ururo iyo xisbiyo siyaasadeed.

• Wixii muran iyo ismaandhaaf ah oo ka dhex dhaca beelaha, khatarna galin kara nabadgaly-ada beelaha, hogaamiye dhaqa-meedyada waxaa loogu yeer-ayaa in ay talo ka soo jeediyaan ama ay u helaan xal nabadeed.

• Go’aannada dib-u-heshiisiinta, dhexdhexaadinta, iyo heshi-isyada xallinta khilaafaadka ay guddoomiyaan hoggaamiye dhaqameedyadu, iyaga oo adeegsanaya xeerarka hab-dhaqameedka, dhamman hay’adaha Dawladda waa inay aqoonsadaan gacanna ku si-iyaan fulinta go’aannada ay gaaraan.

• Marka hoggaamiye dhaqa-meedyadu gaaraan go’aan ku saabsan xallinta khilaafaadka beelaha dhexdooda, waa in laga diiwaan geliyaa maxkamadda derejada koowaad ee degmada dhibaatadu ka dhacday, maxka-madduna waa inay la socotaa fulinta go’aankaas.

LA SOCO CADADKA XIGA

Tifaftiraha Ilays

Page 4: 2 ILAYS 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3 Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas W ax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la

4 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA AXAD 31 MAAJO 2009

100-kii Maalmood ee ugu Horeeyay XafiiskaMudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

QAYBTII 6AAD

Akhiraan Ku Haystaa

Qiso Jacayl Oo la qoray 1989, Muqdisho, Somalia

W/Q: C/qaadir M.Wacays

Q. 5AAD

Maalintii uu xaajigu ka yimid sacuudiga, wuxuu isagoo aan

dhowr daqiiqo jooginba dareen uu sacuudiga kala yimid uga tibix siiyey xaajiyaddii uu qabay, wax-ayna qolka kasoo baxday iyadoo ku qaylinaysa: gabadhaydu waxay xaq u leedahay in ninkii ay rabto lagu daro.... waa gartaa oo adigu sagaal bilood iyo sugood caloo-sha kuma aadan soo sidin... anigu adiguba faqri baad ahayd markii aan ku guursanayey... sacuudi aa...

Xaajigu islaanta warkeeda dhegba jalaq uma uusan siinine, wuxuu haddana u yeedhay Muxibbo oo markaas guriga soo gashay, wux-uuna ku yiri; horta aabe guurku wa xalaal, gabdhuhuna guur bay u joogaan, sannadkanna gabadhii la guursadaaba ayaan leh, waxba yaan hadalka kugu badinine, wax-aan kaasoo ballan qaaday wiilkii adeerkaa dhalay ee tobonka sano sucuudiga ka shaqaysaneyey. waa tan fiisadii uu kuu soo dhi-ibay, laba maalmood kadibna waad baxasaa ee Aabe ducaan ku raacshay....

Muxibbo markuu adoyga intaas yiri bay mursal soo xusuusatay.. oo miyey ballanta kaga bixi.. waan u sheegayaa.... maya... maya.. u sheegi maayo ee isagoon ogeyn baan iska baxayaa... horta kaa-lay markuu lahaa aan isasa soo mehersanno maxaan u diidayey.. dhowristii odayga ma balaayadan baa iila socotay.

Muxibbo waa taaa nin ayan waligeed arag qoorta loo sudhay... oo maxay haatan ka gaartaa... Ha-dal waalid ma diidi karo habaar adag buu dhalaa,Haydaarta ma yeeli karo, jacaylkuna way hayaa, sow umuurtoodu kuma soo hi-ran...

Muxibbi iyadii ayan farxadii ka muuqan, indhaheeduna ay ilmadu ka da’ayaan bay adeerkeed cumar oo qolka fadhiga ku qadeynaya u gashay, kolkaasey iyadoo aan la hadlin kursi dhiniciisa yaalay isku tuurtay.

Oday cumar inta naxay buu fadhi-gii qaabeystay isagoo la yaaban falka yaabka leh ee uusan horay ugu arkin gabadha yar ee uu

adeerka u yahay, waxaana durba dareen wadayaasha jirkiisu soo gudbiyeen waxyaabo farabadan oo wada naxdin leh. wuxuu ugu danbayn niyadda iska yiri: malaha gabadhu waxay sidaa Qabar tacsi iwm.

Isagoo ay arrintaas dareenkiisu ku noqnoqneyso, muxibbana sidey qolka usoo gashay weli u aamusan buu su’aal afka ula kala qaaday, isagoo leh: adeer maxaa darnaa maanta?....waxay ugu jawaabtay waxba... su’aal kaluu haddana weydiiyay, markayse dhowr jeer ka aamustay intay ha-dalka iksu celin weyday bay afka furatay iyadoo leh:- aabaa isoo eryey.

“ Oo Maxaad ka bi’isay”“ Ma Aqaanno”

“ii sheeg Adeer Anigaa wax wal-boo jira daaweynayee”

Muxibbo iyadoo uu hadalkaasi ku soo celiyey rajadeedii dhimatay bay adeerkeed oodda uga qaa-day dhammaan wixii uurkeeda ka guuxayey.

“adeerow waad iska ogtahay waqtigan waxaa jira wax dooq la yiraahdo, anigana waxaa is jeclayn illaa sannaadki.. will jaamacadda dhigta, isagaanan ku heshiiney in aan is guursanno..”

“ Haddaasna maxaa soo kord-hay...?..

Iyadoo indhaeedu ilmadu ka daadanayaan bay la soo beeday: wuxuu aabe iila yimid, hooyana inkastoo ay markii hoire diidan-ayd, haddana markii dambe ku raacday nin ay iyagu wataan oo la yiri dalka sucuudiguu deggan ya-hay; wuuna inaga kaasoo doon-tay”

“ Adigu ma u sheegtay in aad la socoto wiil kaloo ku guursan raba”

“ Markaan hadalkaas afka la kala qaaday bay hooyo igu aamusisay iyadoo leh kaan rabno mooye mid kale niyadda ka saar”

LA SOCO CADADKA XIGA

Dawladdu waxay ku baraa-rugsan tahay in ay jiraan weriyaal daabacay waxy-

aabo magac-iyo-sumac ridid ku ah saraakiil dawladda ah, oo uu ka mid yahay Madaxweynaha qud-hiisa. Dawladdu waxayrumaysan tahay in ololaha warbaa-hinta ee si-xun-wax-u-sheegga ah ay hurinayaan, islamarkaasna ay kharash ku bixinayaan xubno si-yaasadeed oo ka soo horjeeda is-badalka uu Maamulka Cusub keenay Puntland. Mid kamid is-badalada waaweyn ayaa ah in si aad ugu dhow badalaad buuxda lagu sameeyo Golaha Wasiirada kuwaas oo aan wax is badal ah lagu samayn ilaa markii la asaa-say dawlad goboleedka 1998; afar wasiir oo keliya ayaa laga reebay wasiiradii Maamulkii hore.

Dawladdu waxay qaadaysaa tal-laabooyin ay ku asaasayso xiri-ir wanaagsan oo rasmi ah ee warbaahinta madaxa bannaan si loo horumariyo xirfadda wa-naagsan ee qaybaha warbaahinta.Maamulka Cusub waxaa ka go’an xoojinta Wasaaradda Warfaafinta si loo xaqiijiyo in ay Dawladdu yee-lato aalad warbaahineed oo shaqa-ynaysa, oo la socota warbaahinta madax bannaan si loo xaqiijyo xirfad wanaagga, xushmada iyo anshaxa warbaahinta. Dawladdu waxay soo jeedisay in la xoojiyo warbaahintii jirtay ee dawladdu maamusho, waxaaana u qorshay-san samaynta warbaahin gaari karta dadweynaha Puntland, si shacabka loola socodsiiyo waxy-aabaha ku saabsan siyaasadda dawladda iyo dhacdooyinka kale.

Dastuurka Puntland waxa uu xaq-iijinayaa xornimada saxaafada, waxaana Maamulka Cusub uu xaqiijin doonaa in dastuurka, oo hadda dib-u-eegid sharciyeed lagu samaynayo, in ay ku jirto qayb xaqiijinaysa xornimada warbaa-hinta. Warbaahinta madax ban-naan waxay u adeegtaa ayadoo ah xiriirka u dhaxeeya shacabka iyo dawladda, waxaana Maamulka Cusub uu sii wadi doonaa xoojin-ta xiriirka warbaahinta madax bannaan si loo asaaso bay’ad ku dhisan si xornimo u hadal, isla markaasna la dhawrayo sharciya-da maxalliga, xuquuqul insaanka iyo dawlad wanaagga.

NIDAAMKA DIMOQRAADIYAYNTA

Maamulka Cusub waxaa ka go’an dib ueegida Dastuurka Puntland, oo ay ku xigto in dadweynuhu codkooda ka dhiibtaan. Labadaastallaabo oo muhiimka ah waxay saldhig u noqonayaan asaasida nidaamka xisbiyada badan ka hordoorashada 2013, taas oo Punt-land u ogolaan doonta in laga gudbo dhibaatada siyaasada ku dhisan qabiilka ee dawladda ka dhigay mid ku salaysan hab qabiil.

Arrintaas ayadoo laga duulayo, Dawladdu waxay magacawday Wasiiru Dawlaha Nidaamka Di-moqraadiyaynta iyo Xiriirka Fed-eraalka kaas oo si gaar ah loogu xilsaaray in uu hoggaanka u qabto nidaamka socda ee dimoqraadi-yaynta. Tani waxay tusaale fiican u tahay Maamulka Cusub sida xaqiiqada ah ee ay uga go’aan tahay dhamaystirka nidaamka di-moqraadiyaynta, taas oo dadka reer Puntland ay muddo sanooyin dheer sugayeen.

Doorashadii 2009 ee Puntland waxay ahayd mid taariikhi ah sababtoo ah waxay ahayd mid katimid dadka degaanka, taas oo ahayd hab siyaasadeed is-badal dhab ah oo ku dhisan nidaam iyokala dambayn. Sida nabad galy-ada ah ee xukunka ay ula kala wa-reegeen madaxweynihii xilka kadegayay mudane Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo ku wa-reejiyay madaxweynaha cusub mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) waxay noqo-tay mid si wanaagsan looga soodhaweeyay degaanka maxalliga iyo heer beesha caalamka. Ni-daamkaas sida nabadgalyada ah ee xukunka lagu wareejiyay waxa sidoo kale uu noqonayaa taariikhi iyo mucjiso marka la eego xaalad-da ay ku sugan tahay Soomaaliya, maadaama shacabka Puntland u dabaal degeen in si dimoqraadiyad ah xukunka lagula kala wareegay, waxaana madaxweynaha cusub ee Puntland lagu soo dhaweeyay si qiimo iyo xushmad leh.

Dawladda cusub ee Puntland waxay garawsan tahay in xoojinta nidaamka dimoqraadiyayntu uu yahay habka keliya ee horseedaya siyaasad deggan mudada dheer iyo dhaqaale xasilloon.

LA SOCO CADADKA XIGA

Page 5: 2 ILAYS 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3 Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas W ax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la

AXAD 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/BULSHADA 5

FEDERAALKU WAA QAAB XUKUN ISLAMI AH!!

Qore: Idiris Shire Xussain e-mail: [email protected]

Qaab Xukunka Aadanuhu Dhaqangeliyey illa Wakhtigan Xaadirka:

Kutubta ku takhassustay Cil-miga Siyaasadda (Political Sci-

ence), waxaa ku qeexan halka uu ka soo unkamay qaab xukun kasta & dhaqan-dhaqaalihiisa siyaasa-deed ee aadanuhu isku xukumay ilaa maanta, intuu ka gartay baahida uu qabo inuu abuuro qaab xukun uu noloshiisa ku maamulo hormarna ku gaadho.

Si aan ugu kuurgalno yoolkaan ka leenahay baadhitaankan kooban, waa inaynu gadaal ugu jaleecno qaab xukunadii xadaaradihii qadiimi-ga ahaa ee caanbaxay oo raadkoodi wax laga hayo, sida Xadaaradii Far-aaciinta Masar, Greega (Athens), Baabil (Ciraaq), Shiinaha, Yemen, Hindya, Embradooriyaddii Faaris, Embradooriyaddii Rome (Roman Empire), waxayna dhamaantood ahayeen boqortooyooyin soo jireen ah, qaab maamulkooduna uu ahaa qaabka loo yaqaan (Dawlad Dhexe - Central Government), goobta uu xaakinku ama boqorku joogo bay taladu & go’aankuba oollaan jireen.

Xadaaradda Greega (Athens) iya-duna qaab xukunkeedu wuxuu isna ahaa (Dawlad Dhexe), laakiin waxay xadaaradaha dhigeeda ah kaga du-waneyd, waxay lahaan jireen (Bar-lamaan – Congress) xubnihiisana waxaa laga soo xuli jirey maalqa-beenka & waxgaradka magaalada (Athens), qofka reer (Athens) waxaa la odhanjirey (Muwaadin - Citizen) wuxuuna lahaa xuquuq madani ah oo aanay lahaan jirin ummadaha ay xukumijireen xadaaradaha kale oo dadkooda loo yiqiin (Raciyad – Sub-jects) mana lahaan jirin wax xuquuq madani ah oo sharciyaysan haba yaraate!

Haddaan u soo gudubno xadaradihi ka dambaayey, kuwa aan kore ku xusnay, sida Xadaaradii Dawladdii Islaamka, Xadaaradda Yurub, Ma-raykanka, Kanada ama guud ahaan-ba Xadaaradda Reer Galbeedka (The Western Civilizatiion). Tariikh qorayaasha Yurub caanka ka ah, sida (Arnold Twinby) oo ah mufak-kir & tariikhyahan kuna takhassusay cilmibaadhista la xidhiidha Xadaara-daha & Diimaha Bariga, issaga & kuwa kaleba, waxay qirayaan in ilb-axnimada maanta ka jirta Qaaradda Yurub, illa haddana soconaysa ku dhowaad 500 oo sano laga bilaabo Qarnigii 1700, inay assalahaan ka soo jeeddo ilbaxnimadii, aqoontii & cilmigii ay ka dhaxashay

Xadaaraddii Dawladdii Islaamku u soo gudbisay Yurub xiligii Dawladii Islaamku ka talinjirtey (Andalus – The Iberian Penninsula), muddo u dhow 400 oo sano, Yurubna xilligaas, wixii ka horeeyey qarnigii 1700, waxay ku jirtey marxalad loo yaqaan (The Dark Ages - Qarniyada Gudcurka)!

Tariikhda Qaanuunka FaransiiskaTusaale ahaan, qaanuunka hadda adduunka looga yaqaan (Qaanuunka Faransiiska) loona aqoonsanyahay inuu yahay (Aabbaha Qawaniinta Casriga), waxaa intiisa badan sal u ah Fiqhiga Mad-habka Sunniga ah ee Imaam Abu Xaniifa Al-Nucmaan ahna Imaamka 1aad ee affarta mad-hab ee Sunniga ah. Imaamku Dalka Faransiiska ma tegin, lakiin kutubtiisa waxa Dalka Faransiiska geeyey Em-peror Napleon Bonapert markuu ku duuley Dalka Masar xoogna ku qab-saday 1798 uuna haystey illa 1881, xiligaas buu kutubtii Imaamka ka XA-DAY xarunta Al-Azhar Al-Shariif una raray dalkiisa si Af-Faransiis loogu turgumo kadibna waxaa lagu saleey-ey 70% waxa hadda adduunka aad looga xushmeeyo loona yaqaan aab-baha qawaniinta! Wakhtigan xaadir-ka ah ee aynnu joogno, hishiis kasta oo caalami ah marka maxkamadaha la horkeeno waxa mudnaanta 1aad iska leh nuskhadda amba koobiga Af-Faransiiska ku dhigan, sidoo kale-na Go’aamada Qaramada Midoobay, waxaa mudnaanta 1aad iska leh nuskhadda Af-Faransiiska ku qoran hadii turjumadda afafka kale ku qoran laysku maandhaafo! Emperor Napleon Bonapert, qoraalka qan-uunkaas, magac & maamuus weyn buu tariikhda u diwaan geliyey. Lakiin Imaamkii uu kutubtiisa soo xaday adduunka aad loogama yaqaan! Ad-duunkaba iska dhaafoo, Ummadda Islaamka, ee xuquuqda kutubtaas iska leh, dad yar baa ka warqaba fad-liga uu Imaamku ku leeyahay shuru-ucda maanta adduunka lagu xukumo dalal badan oo aan Islaam ahayn!

Haddaba waxaanay dood badani ka taagnayn, in dhamman qawaani-inta ka hirgashay dalalka loo yaqaan Ummadaha Ilbaxa ah (The Civilized Nations in the Western Hemispher), goobkasta adduunka ha kaga noola-deen & kuwa iyaga higgsanaya oo ay tussalaha u yihiin, qawaaniinta ay isku xukumaan waxaa iyana sal u ah (Qanuunka Faransiiska)!

LA SOCO AXADE DAMBE

Wax Yaalaha Naftu JeceshahayOo lagu Galo Naarta.

W/Q Sh. C/qani M. calixagaa [email protected], MN USA

Qofka muslimka ahi wuxuu had iyo goor dagaal kula jiraa waxyaalaha naftu jecelsha-

hay oo loo yaqaan “shahawaad” , waxyaalahaas oo nafta u keena in ay ku mutaysato ciqaabka allaah, dagaalkaa ay naftu kul jirto shaha-waadka in badan oo dadka ka mid ah waa looga adkaadaa in yar ayaa ku guulaysata dagaalka ay kula jirto shahawaadkeeda. Nabigu (scw)

wuxuu yiri

{Naarta waxaa laga heeraaray waxyaalaha naftu jeceshahay, Janadana waxaa lagu heeraaray waxyaalaha naftu dhibsato} xadiithkan macnihiisu waa haddii ay naftu raacdo wax kasta oo ay jeceshahay waxay qofka u gaynaysaa in ay cadaabka gasho, haddiise naftu ay qabato waxyaalaha ay necebtahay sida (habeenkii aad toosto xilliga ay hurdadu u fiican tahay, salaadda subax oo aad toosto waliba aad masaajidka soo aado, xoolaha aad jeceshahay oo aad zako ka bixiso, iwm) waxay naftu u gaysaa in ay janno gasho. Shaydaanka ayaa had iyo goor nafta u qurxiya waxyaalaha lagu muto cadaabka, naftana jecliisiiya. Dadkii salafkii waxay nooga digeen in la raaco shahwaadka ay naftu jeceshahay, waxaa laga hayaa nin ka mid culumadii hore Yaxye ibnu Mucaad in uu yiri - qofkii xubnihiisa uga raali noqda inay ku raaxaystaan waxkasta ay jecelyihiin ha ogaado qofkaasi wuxuu beertay geed uu hadhow ka qoomameeyo. Allaah (sw) isagoo dhaleecaynay waxyaalo badan oo ay naftu jeceshahay wuxuu yiri

{Dadka waxaa loo qurxiyay in ay jeclaadaan wax kasta oo naftu jeceshahay sida Haweenka, Caruurta, Lacagta, Dahabka,qalinka, Fardaha la carbiyey, iyo Beeraha arintkaasi waa dhaldhalaal aduun, ilaahay agtiisa ayaa waxaa ah meel la joogo oo wanaagsan---alcimran}. Nabigu wuxuu xadiith ku yiri (Kama tagin gadaashayda fidno ragga uga daran haweenka), wuxuu nabigu isagoo la hadlaya ragga yiri (ka dhowrsada dumarka wixii u horeeyey ee reer banii-israa’iil lagu fidneeyey waxay ahayd haweenka).

Ciqaabta ay leedahay nooc ka mid shahwada sida zinada wuxuu nabigu ka waramay in mar ay wada socdeen Jibriil ay soo mareen dad lagu dhex cadaabayo weel sida tiinaarka muufada lagu dubo oo kale ama

Ciqaabta ay leedahay nooc ka mid shahwada sida zinada wuxuu nabigu ka waramay in mar ay wada so deen Jibriil ay soo mareen dad lagu dhex cadaabayo weel sida tiinaarka muu-fada lagu dubo oo kale ama qaabka ashuunka oo kale leh, nabigu wuxuu yiri waxaan maqalnay qaylo iyo buuq waxaan fiirinay tiinaarkii mise waxaa ku jira rag iyo dumar qaaqaawan, olol ayaa xagga hoose kaga ka soo qaa-daya ilaa uu keeno halka u saraysa, Jibriil ayaan waydiiyey kuwani maxay yihiin?, Jibriil wuxuu kujawaabay waa ragga iyo dumarka sinaysta waxaa lagu cadaabayaa qabriga saas ayay ahaanayaan ilaa laga soo bixiyo qa-briga maalinta qiyaame). Mar kasta oo naftu raacdo waxay ay jecesha-hay, u sii dhiibaysaa mid kale ilaa ay qofkii halaagto, shaydaankuna waa ku dhaartay in uu ummadda baadi-yaynayo meel kastan uu u marayo sidii uu xaqa uga leexin lahaa. Allaah (sw) isagoo ka waramaya wuxuu yiri (shaydaanka(ibliis) ayaa wuxuu yiri

{ilaahaw sida aad ii baadiyaysay ayaan aniguna adoomadaada ay-aan u qurxinayaa aduunka waana baadiyaynayaa dhamaan}in taa kuma harine wuxuu noo sheegay in uu sii wadaayo baadiyaynta wuxuuna yiri:

{dabadeedna waxaan uga imaanayaa hore, gadaal, midig iyo bidix intooda badana ma helaysid inay kugu shugriyaan- Acraaf).

Shahwada ama balwadda oo ay naftu raacdaa waxay keentaa in ay khaatumadiisu xumaato nabigu wuxuu yiri (qofku sida uu camal ugu jiro ayaa waxaa ka hor mara kitaab loo qoray markaas ayuu naarta gala).Habeen ayaa waxaa tukanayay Sufyaan athowri wuxuu bilaabay inuu ooyo ilaa uu waagii ka baryay, waxaa u yimi dadkii dariska ahaa waxay waydiiyeen ma waxaad la ooyday dambigaaga oo aad ka baqaysid mise wax kale? Wuxuu ku jawaabay dambiga kama ooyin ee waxaan ka ooayay in ay khaatuma-daydu xumaato. Qofku had iyo goor inuu ku xirnaado waxa ay naftu jece-shahay isuna dhiibo balwadiisa wax-ay keenta in qofka camalkiisu buro oo uu khaatumo xumo ku dhinto.

LA SOCO CADADKA XIGA

Page 6: 2 ILAYS 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3 Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas W ax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la

AXAD 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/XAYAYSIIN 6

DAGAALKII OGAADEENYAW/Q:- Dr. Saadiq Eenow

Mengistu Xayle Mariam

Mengistu wuxuu isku deyayay in uu ka faa´iideysto xaaladda

cakiran oo uu marin duwo howlaha golaha, si uu isaga u dhaxlo miraha kacaanka. Markastana wuxuu ku andacoonayay, waxa uu ku kacayo in ay tahay mid uu shacabku raali ka yahay. Wuxuu tilmaamayay in geedi-socodka kacaanka uu noqonayo mid dhicis ah haddii guddi-hoosaadku uusan caynkan u shaqeyn.

Mengistu Xayle iyo kooxdiisii, waxay bilaabeen in ay xabsiyada kala bax-aan dad maxaabiis ah oo ay mid-mid u toogtaan, iyada oo uusan goluhu ogeyn sababta ay dadkaasi ku muteysteen in la laayo. Dad boqol ka badan oo ay laayeen, ayaa 59 kamid ah waxay ahaayeen eheladii boqor-ka, xubnihii barlamaankiisa iyo sara-akiishii yar-yaraa. Xasuuqaas waxaa goob-joog ka ahaa Dhamme Mikael Gebrenegus, kaas oo ahaa qareen ka tirsanaa ciidamada biliiska. Markii Goluhu uu Mengistu su´aalay sabab-ta uu dadkaasi u hor keeni waayay maxkamad, wuxuu ku jawaabay in ay lagama maarmaan tahay in marka hore qaar laga laayo dadka la maleynayo in ay ka hor imanayaan kacaanka.

Waxaa la xiray nin kasta oo magac ku lahaa maamulkii boqortooyada. Dalkiina waxaa u bilaabatay taariikh cusub oo dil iyo argagixiso ah, taas oo ka miisaan culus dulmigii iyo ar-gagixiskii yiil xilligii maamulkii bo-qorka. Kacaankii ku bilowday hal ku dhegyadii ahaa (dhiig la´aan dhiig la´aan) wuxuu isu beddelay kacaan dooxato ah. Sidaas baa waxaa ku dhalan rogmay dabiicaddii ay ku dhismeen golihii ciidamada oo ujeeddadoodu ahayd in ay dalka ka badbaadiyaan dhibaatooyinka uu ku sugnaa, si nabadeyn ahna ay xal ugu raadiyaan.

20/ 12- 1974-kii ayuu golihii wuxuu guddoonsaday in uu ku baaqo bay-aankii ahaa in ay dalka ku dhaqay-aan nadaamka Hantiwadaagga cilm-iga ee Maarkisiyada-Liininiyada ah. Jeneraal Tafari Banti oo ahaa gud-doomiyihii golaha ee ka dambeeyey Jeneraal Ammaan, waxaa dhanka dad-weynaha uga magac weynaa Mengistu, waayo Mengistu wuxuu ahaa nin firfircoon oo geesi ah. Kar-tidiisa iyo dadaalka uu halgankan u galay baa wexey keentay in uu no-qdo nin calaamad u´ah halgankii ardeyda. Mengistu iyo kooxdiisa si naxariis darro ah u laynayeen haraa-gii nadaamkii boqorka iyo saraakii-sha ay tuhmayeen in ay caqabad ku noqonayaan howlahaada. Xilligaas waxaa socday bannaan-baxyo bal-laaran, kaas oo ardadu ay ku taag-eerayeen go´aanka ay ciidamadu

kula wareegeen talada dalka. Ardey-daasi waxaa halhees u ahaa oo ay ku dhawaaqayeen (Viva Mengistu). Mengistu wuxuu xilligaas golaha ka´ahaa kuxigeen.

3/ 2- 1976-kii ayaa fadhi uu taliskii goluhu ku lahaa aqalka la yiraahdo Menilik, ayaa Mengistu iyo intii raac-sanayd si kedis ah fadhigii uga kaceen dabadeedna ay dibadda u baxeen. Waxaa xigay ciidamadii Mengistu ilaalada u ahaa oo hubkoodii la soo galay qolkii ay saraakiishu fadhiyeen, dabadeed halkaas ayaa lagu laayay dhammaan saraakiishii xubnaha ka´ahaa golahii badbaadada Itoobi-ya. Ciidamada wax laayay waxaa hoggaaminayay sarkaal dhallinyar oo la yiraahdo Daniel Asfaw. Sara-akiisha halkaas ku dhintay waxaa kamid ahaa guddoomiyihii golaha badbaadad Itoobiya Jeneraal Tafari Banti. Maalintaas maantii xigtay ayaa Daniel Asfaw waxaa weeraray ciidan raacsanaa Jeneraal Tafari. Markuu arkay in uusan baxsanayn ayuu qori-giisii isku dilay. Sidaas buu Mengistu ku noqday guddoomiyihii u soo haray madaxtinimada golihii saraakiisha ee badbaadinayay Itoobiya. 4/ 2- 1976-kii, golihii wuxuu ku dha-waaqay in Gaashaanle/Dhexe Men-gistu Xayle Mariam uu yahay madaxa siyaasadda Itoobiya. Andrei Ivanov oo ah nin Ruusha, diraasaadna ku sameeyay dagaalkii 1977-kii dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, wux-uu xusay in boqor Xayle Salaisse oo nool ay dowladda Ruushka u sheeg-tay madaxweynihii Soomaaliya, in ay Mengistu la rabaan in uu madaxw-eyne ka noqdo dalka Itoobiya. Andrei Ivanov wuxuu yiri :

“ Waxaa isweydiin leh, Maxamad Si-yaad hadduu sidaas u ogaa, muxuu Mengistu ugu qaaday dagaalka ? “. (Waxaan ka soo xiganay Proff. Cabdullaahi Jaamac oo macallin ka ah Lamumba University Moscow. 2/ 7- 2000)

Saraakiishii hoggaaminayay ka-caankii Itoobiya, xilliga ay dadkooda

xasuuqayeen, kacaanka Soomaaliy-eed wuxuu ahaa mid uga agab iyo arxan roonaa dadkiisa. Waxaa jiray arimo kacaanka Soomaalida gacan ku siiyay xasilloonidii wanaagsanayd ee uu dalku ku sugnaa bilowgii maamulkiisa. Arimahaas kuwooda ugu milga cuslaa waxay ahaayeen mashaariic dalka laga fuliyay oo isugu jirey kuwo lagu hor marinayo dhaqaalaha iyo kuwo dhisme-hoo-saad ah oo dowladaha deeqda bix-iya ay horay ugu deeqeen dowladdii rayidka ahayd. Waxaa arinkaa we-heliyay dhallinyaro boqollaal ah, oo bilowgii sanadihii 1970-aadkii, dalka ku soo laabtay kadib markii ay wax-barasho ku soo dhameysteen dalal shisheeye. Dhallinyaradaas oo ahaa kuwo hanaqaaday xilligii gobanimo-doonka ayaa badankoodu waxay ahaayeen kuwo ku ababisnaa wad-daniyad aanan barax lahayn. Markii ay gacanta ku dhigeen mashaariicdii dalka ka socday, waxaa u suuroga-shay in badankoodu ay si hufan u fuliyaan howlihii loo xil saaray ee la xiriiray hor u marinta dalka.

Arrimahaasi waxay sababeen in saraakiishii kacaanka Soomaaliy-eed ay ka badbaadaan mucaarado ku soo deg-degta dowladdii ay dhi-seen. Inkasta oo badankood eeyan xabsiyada ku daahin, misana odey-aashii siyaasiyiinta ahaa ee xilka ka soo qabtay dowladihii rayidka ahaa, dhamaantood xabsiga ayaa ladhi-gay. Qaar kamid ah raggaas, markii la soo daayay, dalka dibaddiisa ayay u baxsadeen. Waxaa kale oo jiray odeyaal uu hoggaamiyihii kacaanka si toos ah ugu sheegay in ay dalka ka dhoofaan si aanan loo dhibaatayn. Waxaa kamid ahaa nin la yiraahdo Cali Barre Jaamac (Ciddi Libaax). Waxaa shaqadii laga eryay agaa-simayaal badan oo xilal ka hayay mu´asasaadka dowladda, dabadeed waxaa halkoodii lagu buuxiyay dhal-linyaro aqoonyahanno ah laakiin lagu xushay kacaannimo. Ciidama-da qudhooda kama eeyan badbaa-din siyaasaddii fara-gelinta ee lagu shaandheynayay masuuliintii wax ka hoggaaminayay mu’asasaddii ci-idanka.

Baraarug la’aanta shacabka ayaa waxay abuurtay jawi xasillooni iyo nabad buuxda oo aysan wax fadqa-lalo ah wehelin. Shacbiga Soomaa-liyeed intiisa badan wuxuu ku qa-ncay siyaasaddii kacaanka. Wax dowladda mucaarad ku ah oo la tilmaami karo ma jirin. Bal waxaa sumcadda dowladda kor u sii qaa-day mashaariic xilligaas la fuliyay oo ay ka mid ahaayeen in lala wareego oo dhamaan ilihii dhaqaalaha oo ay dadka shisheeyaha ah lahaayeen,

Warar xoogan oo diblamaasi-yadeed, kana soo baxaya Sa-

faradda Talyaaniga ee Nairobi ayaa waxay sheegayaan in Dawlada Taly-aanigu isku dayayso inay casumaad u fidiso dhinacyadda Soomaalida ee ku dagaalamaya Muqdisho iyo Kon-furta Soomaaliya , wararkan ayaa ah kuwa lagu kalsoonaan karo marka la eego sida Dawladda Talyaanigu ugu lug leedahay arrimaha Soomaa-liya waqtiyadan dambe. Talyaaniga ayaa ahaa Wadankii gumaysanayey Koonfurta Soomaaliya, waxaana uu ad ugu lug lahaa siyaadda Soomaa-liya tan iyo waqtigii xornimadda ay heshay 1960-kii.

Kooxaha la casumay waxaa ka mid noqonaya garabka uu hogaamiyo Sheikh Xasan Dahir Aweys oo dhow-aan loo doortay inuu hogaamiya Xis-bul Islaam, ma cada in lagu casumay Xaraka Diimeedka Al-Shabab kulan-ka Roma ka dhici doona bartamaha June, 2009.

Warar hoose waxay sheegayaan inuu Sheikh Xasan Dahir aqbalay ka qaybgalka Shirkaas Roma, balse uu u diri doono ka qaybgalka shirkaas xubno uu ku kalsoon yahay waxaa sidoo kale iyana dhinaceeda ka soo dhoweysay Dawladda uu hogaami-yo Sheikh Shariif , saansaanta wada hadaladan ayaa waxay u egtahay dib u heshiisiin Talyaanigu u sa-mynayo labadii garab ee Dib u Xora-ynta Soomaaliya oo ku kala qaybsa-may heshiiskii Jabuuti.

Safiirka Talyaaniga ee Nairobi ayaa la sheegayaa inuu kulamo kala du-wan kula qaatay Nairobi siyaasiyiin badan oo Soomali ah, gaar ahaan kuwa u dhashay goboladda Bay iyo Bakool, isagoo kala hadlay sida loo xoojin lahaa Nidaamka Federaalka Soomaaliyana nabad looga aslaaxin lahaa. Talyaaniga ayaa qaba inaan Soomaaliya kooxina koox kale kaga adkaan kari dagaalka, sidaa darteed wax walba lagu dhameeyo wada ha-dalo.

Dawladda Talyaaniga ayaa ka soo horjeeda in Soomaalida la isku hubeeyo, gaar ahan wadamadda deriska ee danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya, kuwaas dal walbi tageero dhinac walba ah siinayo kooxaha la xulafada ah. Waxayna dabada ka riixaysaa in Liiska Ar-gagixisadda laga saaro xubno uu ku jiro Xasan Dahir Aweys, Xasan Cab-dulaahi Turki, Mukhtaar Roobow. Iyo gebi ahaanba Al-Shabaab.

Lama hubo inuu guulays doono shirka dawladda Talyaanigu dabada ka riixayso ee la doonayo in lagu so oaf jaro colaada waqtigan ka aloo-san Soomaaliya.

Isku Dayga Talyaaniga Ee Dib U Heshiinta Somalida

ILAYS/NAIROBI

Page 7: 2 ILAYS 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3 Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas W ax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la

7 ILAYS NEWSPAPER/TAARIIKHDA AXAD 31 MAAJO 2009

FALLANQAYNTA CAYAARAHA

Mohamed Farah oo rikoor cusub dhigay

Run ahaantii waan ogaa in dhis-maha jirkaygu uu ahaa mid diyaarsan,waxaana rabay inaa ku guulaysto,isla markaana ku soo xiro 28 daqiiqo jabiyana British rikoorka si aan guno ugu qaato guusha rikoorka cusub’’ ayuu Mohamed Farah yiri isagoo ku faraxsan guusha oradka 10.000m London Road race.

Guusha Mo Farah ee London iyo Rikoorkiisa cusub ayaa lagu soo bandhigay Jaraa’idka ka soo baxa dalka Ingiriiska guud ahaan, nasiib xumo dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London oo lagu qi-yaasay wax ka badan 100.000 oo qof ayaanan ka qayb galin ama u soo daawasho tagin halyeey Mohamed Farah guushiisa,inkastoo ay iskugu hambalyaynayeen guusha Mo Far-ah markii ay jaraaidka ka aqristeen maalinimadii Talaadada.

Mohamed Farah ayaa ka qayb ga-laya bisha soo socoto ciyaaraha ora-dada lagu qaban doono dalka Ger-many gaar ahaan magaalada Berlin hadii Eebe idmo.

TMarkaa, Ilaa Xad waxaa helnaa Nabadoonkii Rasmiga ahaa ee Beesha.Waxaad helaysaa Qof la’isku waafaqsan yahay ama qof aan la’isku waafaqsanayn,Sidaas ooy tahay ayaanu Haddana iska ilaalinaa, Bal intii aad Wax isku dhowdhownaa, Marka qaarkood Shirarka aanu qabanayno waxaan u baahanaa 50 Nabadoon, waxaana gobolka Jooga 100 nabadoon oo run, Jifooyinka Hoose qaarkood 4 Nabadoon ayey leeyihiin, waxaan ka soo qaadanaa Labada Nabadoon ee ugu waaweyn, oo markaas ku qancino kuwa kale in ay u daayaan.

Rag farabadan oo Macquul ah ayaa jira oo ku oranaya Hebel ayaan u daayey. Dariiqooyinkaas ama Nidaamyadaas ayaanu raacnaa marka aanu soo xulayno ama soo Mookhalayno.

Yoolkiinu Ma Nabadoonadoo Keliya Mise Isimaduna Iyo Cuqaashuna way ku jiraan???Barnaamijkeenu waqtigan Yoolkiisu waa nabadoonada oo aanan weli ka soo bixin oo aanu gaari laanahay, Gobolada oo dhan ayaanu soo Marnay, Mudug, Nugaal, Bari,Sool, Sanaag Iyo Cayn.waxaana noo dhiman gobolka Karkaar oo dhawaan aanu ka qaban doono, waxaanu doonaynaa in aanu ka soo Xulno Nabadoono Gobol kasta,Kuwaasoo metalaya Nabadoonadii kale, Ka dibna aanu u qabano shirweyne Guud, Markaasna meel ayay soo gaarayaan.

waxay kaloo ka hadlaan Fakinta, Qarinta iyo Garab siinta Qofka dhagar qabaha ah oo Dadka kibirka ku dila, Runtiina Qaraaraad ayay dhamaan Nabadoona Goboladu ka gaareen, Fulin uun bay u baahnaayeen, oo Baaqyadaas la ururiyo Ka Dibna Barlamaanka la Horgeeyo oo sharci qaanuuniya laga soo saaro. Waxay kaloo ka doodaan Ilaalinta Degaanka (Dhirta la Gubayo, Ugaarta, jariifka Badaha iyo sumaynta), Ilaalinta Danta Caamka (Isbitaalada,dugsiyada, Hantida Dowlada, Wadooyinka, Dekadaha iyo Gegooyinka diyaaradaha IWM) Iyo Sidii Dowlada Iyo Nabadoonadu u wada shaqayn lahaayeen, waxay kaloo ka hadlaan Dumaasha Ama Xigsiisinka oo ah xuquuqda Insaanka oo somalidu Taqaano oo aan ahayn tii Reer Galbeedka, Agoonta Iyo Haweenka in la daryeelo oo wax la baro ayey ka hadlaan, Runtiina Mowduuc kasta oo ay ka doodaan waxay ka gaaraan Go’aan

.Waxaad sheegtay Hanti badan iyo Caqli badan ay Ceegaagan Maskaxda Nabadoonada Sidee bay kula tahay In Jiilka Dambe Loogu Gudbin karo?

Marka hore waxaan u baahan nahay,Bulshada Reer P/land, Hoos markaan ka soo bilaabo ,Ardayga Dugisga Sare Iyo Jaamacada dhigtaa waa in uu bartaa dhaqankiisa ,dhaqanka Somaliga, Xigmadoodii,Gabayadii, Murtidii Iyo wax kasta oo Somalidu ay ahayd Raga Xanbaarsan waa Nabadoonada , waxaan kaloo soo jeedin lahaa in Dowlada P/land u samayso Nidaam iyo Barnaamijyo looga Faa’iidaysto oo Talooyinka looga qaato, Door Muuqda ayey ku leeyihiin Bulshada, Mana dareemayo in ay Ajnebi ka yihiin Noloshayada.Balse wax kaabaya Noloshayada, Siyaasadii,Amaankii , dhaqaalihii Iyo guud ahaan Arrimihii Bulshada. waxay iska kaalmaynaa Wadaagida Xogta, Haddii loo baahdo Wixii talooyin ah way iswaydaarsadaan.

Mercycorps waxay ka shaqaysaa Xalinta khilaafaadka (conflict Resolotion) oo Meelo gaar ah ayey ka shaqeeyaan oo ay Xadideen ooy aadeen.laakiin guud ahaan Nabadoonada in la kulmiyo oo la ay xeerarkii Somalida u soo bandhigaan oo ay yiraadaan waar Xeerarkii Hore ee Somalida Maxaa ka Saxnaa , Maxaa ka khaldanaa , Maxaa Hadda Xeer cusub noqon kara oo lagu dhaqmi karaa, Badanaa dhinacaas ka Aadaan. Waxaa kaloo jira Hay’ad Wadani ah oo la yiraahdo PDRC oo door fiican ku leh, oo Dad badan ayey shirisay laakiin waxay xooga saartay dhanka Daraasaadka iyo Baaritaanka.

Goorma ayaad soo gababeenaysaan shirarkan Isdabasocda aad Nabadoonada u qabtaan?

Diyaar ayaan u nahay , Inta ay Nabadoonadu Doonayaan in qabsadaan shirar Noocaan oo kale ah, Hadda Bosaso, Garoowe Iyo Magaalooyin kale guryihii ay shirarka ku qabsan lahaayeen DRC ahaan waa naga Diyaar. Gaalkacayo Nabadoonadu inta ay is kaashadeen ayey Ilaa Bandiiradley Qaadeen Isbaarooyinkii Iyo Jidgooyooyinkii yaalay, Haddii ay isfahmaan, Insha’alaah Sanadka soo socda ayaan u dhisidoonaa Guri

KA YIMID BOGGA 2AAD

Mohamed Farah ayaa jabiyay rikoorkii oradka 10 Km ee lagu

qabtey maalinimadii Isniinta taariikh-duna ahayd 25 May 2009 magaalada London ,markii uu ku orday xawaare aad u sareeya oo uu kaga gudbay Line xariga 27 daqiiqo iyo 50 ilbiriqsi.Mohemed Farah waa 26 jir u dha-shay dalka Soomaaliya isla markaa-na degan Galbeedka magaalada London kana tirsan ciyaaryahanada u orda xulka dalka Britain, ciyaaryah-ankaan ayaa lasoo baxay wixii ka dambeeyay ciyaarihii Olympicada firfircooni dheeri ah guulo cusub, ku-waasoo uu ku dhigay rikooro cusub.Oradka 3000M ee European in-doorka waxay u dhigay rikoor cusub bishii Maaro 2009, hadana oradka Marathonka 10KM waxa u dhigay rikoor kale oo cusub, Mo Farah ayaa ku jabiyay rikoorkii oradkan Mara-thonka London oo uu hore u haystey ciyaaryahan u dhashay dalka Britain Mark Scruton wax ka yar 5 second.

Mohamed Farah oo ku orday 27 daqiiqo iyo 50 ilbiriq kuna guulaystey oradka London kana galay kaalinta 1aad halka kaalinta 2aad u galay ciyaaryahan u dhashay dalka Ke-nya lana yiraahdo Samuel Kosgei, kaalinta 3aad waxaa galay isna ci-yaaryahan u dhashay dalka Ukrain lana yiraahdo Sergiy Lebid.

Mohamed Farah oo jaraa’idka Metro la hadlayay markii uu soo afjarey guushii oradka 10KM London ee uu ku jabiyay British Rikoorka ayaa yiri sidatan ‘’

Bidix :-Maryal Mursal Oo Jeeni Qarana Calanka Maamulka Somaliland iyo Saado Cali Warsame oo Ku Labisan Calanka Ummadda Somaliyeed

Xigasho: Cayaaraha

WARAYSI SULDAAN C/SALAAN SULDAAN MAXAMUUD AW-AXMED

Page 8: 2 ILAYS 31 MAAJO 2009 ILAYS NEWSPAPER/WARARKA 3 Faallo Midnimadda Puntland Waa Muqadas W ax shaki ahi kuma jiraan in Puntland la

Buugta Akhriska Buugta Iibka

& Adeegyada Bulshada

Receipt Vouchers

Payment Vouchers

Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards EnvelopsStickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards

KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO

& QIIME KURAALI GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tell :- 824299/796169/726169BOSASO SOMALIA

HORYAAL PRINTING CENTER

ADEEGYADA DAABACADEED EE

HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY

Office Stationery

Office furnitures

Electronics and Satellite Digiitals

Renting Cars % For Selling

For more information please Contact Manager of Jowle Interprises 797111 Or 746724

[email protected] ENTERPRISES