44
Difaacaha oo Booqanaya Maxaabiista Saldhiga Dhexe ee Bosaso, 29ka Janaayo 2017 Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland WARBIXIN SANADEEDKA 2AAD 2016/2017

AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

  • Upload
    others

  • View
    1

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Difaacaha oo Booqanaya Maxaabiista Saldhiga Dhexe ee Bosaso, 29ka Janaayo 2017

ACTIVITIES REPORT

1

DIFAACAHAXUQUUQDAAADANAHAPUNTLAND

WARBIXINSANADEEDKA2AAD2016/2017

DifaacahaooBooqanayaMaxaabiistaSaldhigaDhexeeeBosaso,29kaJanaayo2017

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

WARBIXIN SANADEEDKA

2AAD 2016/2017

Page 2: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

Mudane Cabdiweli Maxamed Cali

Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed

Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017

Annigoo tixraacaya qodobka 118aad faqradiisa 9aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, Xeerka Hay’adda Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Qodobkiisa 12aad faqradiisa 7aad, waxaa sharaf ii ah inaan halkaan idinku soo gudbiyo warbixinta 2aad ee xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland xilli warbixineedka 2016/2017.

Mahadsanidiin

Maxamed Yuusuf Cali

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland

Og:

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dawladda Puntland

Guddoomiye Kuxigeenka koowaad Golaha Wakiilada Dawladda Puntland

Guddoomiye Kuxigeenka labaad Golaha Wakiilada Dawladda Puntland

Page 3: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

1

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

TusmoEreyga Difaacaha 3

Nuxurka Hawl-fulinta (Exectuve Summary) 4

Hordhac 6

CUTUBKA 1AAD 7

Guudmar Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland-Somalia 7

CUTUBKA 2AAD 10

Natiijada 1aad: Xafiiska oo Yeesha Xirfad iyo Awood uu ku Guto Shaqadiisa 10

Ujeedada 1aad: In la Xaqiijiyo Koritaanka iyo Horumarka Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland 10

CUTUBKA 3AAD 13

Natiijada 2aad: Waxaa la Xuuraamay Macluumaadka la Xiriira Xuquuqda Aadanaha 13

Ujeedada 2aad: In la helo Xog Dhamaystiran oo la Xiriirta Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland 13

CUTUBKA 4AAD 15

Natiijada 3aad: Waxaa la kordhiyey Aqoonta iyo Isticmaalka Mabaadi’da iyo Xeerarka Xuquuqda Aadanaha 15

Ujeedada 3aad: Kor u qaadida Wacyigelinta Xuquuqda Aadanaha ee Dawladda iyo Bulshada 15

CUTUBKA 5AAD 20

Natiijada 4aad: Waxaa loo Qareemay in Carruurta, Haweenka iyo dadka la Takooro iyo dadka Baahida

Gaarka qaba ay si siman u helaan Xuquuqdooda uguna Naaloodaan 20

Ujeedada 4aad: In kor loo qaado u qareemidda ilaalinta xuquuqda aadaanaha ee Haweenka, Carruurta

iyo Dadka Naafada ah 20

CUTUBKA 6AAD 25

Natiijada 5aad: Waxaa la bilaabay Iskaashi leh Istiraatiijiyad Iskaabaysa Waarina Karta oo lagu

Horumarinaayo laguna Ilaalinaayo Dadaalada Xuquuqda Aadanaha 25

Ujeedada 5aad: In la hagaajiyo isuduwidda iyo iskuxirka hababka looga wada shaqaynaayo ilaalinta

xuquuqda aadanaha iyadoo la yeelanayo wadashaqayn 25

CUTUBKA 7AAD 26

Natiijada 6aad: Waxaa laga jawaabay Xadgudubyada Abaabulan ee Xuquuqda Aadanaha Deegaanada

Puntland 26

Page 4: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

2

Ujeedo 6aad: In kor loo qaado Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyadoo loo marayo Baaritaano,

Wax ka Qabasho iyo Kiis-wareejin (Referals) 26

CUTUBKA 8AAD 34

Natiijada 7aad: waxaa la kordhiyey dhaqangelinta iyo dabakhada mabaadida iyo halbeegyada xuquuqul

aadanaha 34

Ujeedada 7aad: In loo Qareemo sidii loo Kordhin lahaa Raacidda iyo ku Dhaqmidda Mabaadii’da iyo

Halbeegyada Xuquuqda Aadanaha 34

CUTUBKA 9AAD 35

Natiijada 8aad: Waxaa loo Kuurgalay Raacidda iyo Ku Dhaqanka Shuruurcda iyo Xeerarka

Puntland (Saraynta Sharciga) (Rule of Law) 35

Ujeedada 8aad: In kor loo qaado Raacidda iyo ku Dhaqanka Xeerarka iyo Shuruucda Puntland oo loola

å jeedo Sareynta Sharciga 35

CUTUBKA 10AAD 37

Caqabadaha Xuquuqda Aadanaha 37

Talooyinka Ilaalinta iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha 38

CABASHOOYINKA IYO WIXII WAR AH WAXAA LAGU SOO AADINAYAA 38

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 5: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

3

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Ereyga Difaacaha

3

Waxay ahayd 27kii Nofeembar 2014 markii golaha wakiiladdu ay doorteen Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland sida ku cad qodobada 64(9) iyo 117 ee Dastuurka dawladda Puntland. Doorashada Difaacaha waxaa ku aasaasmay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo aan horey uga jirin hay’ad ahaan Puntland, shaqadiisana ay dadka iyo dalka u baahnaayeen, kana dhinnaa hannaanka dowladnimo ee Puntland.

Marka laga yimaado aasaasidda xafiiska oo ahayd guul weyn oo dadka iyo Dawladda Puntland ay gaareen, ayaa waxaa xusid mudan in xafiiska uu saddex sano jirsaday isaga oo ka shaqeynaya xuquuqda aadanaha ee Dastuurka iyo xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ku xusan. Sidoo kale warbixintan oo ifinaysa shaqooyinka xafiiska muddada 2016/2017 ayaa ah warbixintii 2aad, waxaana si faahfaahsan ugu eegi doonaa arrimaha la xiriira; sare u qaadida iyo wacyigellinta xuquuqda aadanaha, dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, helidda garsoorka, hirgelinta heshiisyada xuquuqda aadanaha, tayaynta shaqada xafiiska iyo caqabadaha iyo talooyinka xafiiska.

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha wuxuu wax ka bedelay wacyiga dadka, aqoonta bulshada ee xuquuqahooda aadaminimo, dareenka mas’uuliyadeed ee hay’adaha dawladda iyo in lala dagaalamo danbiilayaasha sharciga ka baxsada (impunity). Xafiisku wuxuu fursad siiyey in la dhagaysto cabashada cidwalba oo xuquuqdeeda in lagu xadgudbay tirsaneysa, wuxuuna ku daddaalay/daddaalayaa in ay helaan xuquuqda iyo xorriyadaha ka maqan, iyadoo loo qareemaayo, lana siinaayo talobixin sharci, laguna matalaayo maxkamadaha iyo goobaha kale ee dawladda.

Iyadoo Soomaaliya oo idil, gaar ahaan Puntland ay ku jirto xaalad ka soo kabasho burburkii dalwadnimo iyo

dagaalkii sokeeye, jawiga ay ku shaqaynaayaan difaacayaasha xuquuqda aadanaha uu yahay mid qalafsan, haddana waxaa muuqata ifafaale in horumar laga samaynaayo ilaalinta, horumarinta iyo ku naaloonshaha xuquuqda aadanaha deegaanada Puntland. Waxaa marqaati arrintaan u ah dulucda warbixintan, waxaana hubaal ah hadii dad iyo dawlad iskaashi iyo isla xisaabtan ka dhexeeyo la

sameeyo in horumar intaa ka badan la gaari doono.

Waxaa jira caqabado farabadan oo uu xafiisku la kulmay oo ay ugu muhiimsantahay dhaqaala la’aan, sida mushaharka iyo adeega xafiiska oo sanadka kala bar aan la helin. Taas waxay dhaawacday habsami u socodka shaqada iyo firfircoonida shaqaalaha. Xafiisku wuxuu wax badan ujeedooyinkiisa shaqo ku fuliyaa taageerada uu ka helo hay’adaha samafalka ee qalaad.

Xafiisku wuxuu sii wadi doonaa inuu ilaaliyo, horumariyana xuquuqda aadanaha Puntland, isagoo kaashanaya hay’adaha dawladda, bulshada iyo hay’adaha caalamiga, waxaana codsanaynaa oo micne iyo muunad noo leh talada, taageerada iyo wadashaqaynta xukuumadda, garsoorka, Golaha wakiilada iyo bulsha weynta Puntland. Waa u mahadcelineynaa dhammaan cidwalba oo gacan ku siisey xafiiska xilgudashadiisa.

Maxamed Yuusuf Cali

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland,

Garowe

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 6: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

4

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

44

Mudada 2016/2017 ee warbixintani diirada saarayso waxaa shaqada xafiiska hagaayey ujeedooyinka istiraatiijiga ah ee ku xusan qorshaha xafiiska ee saddexda sano 2015-2017. Xafiiska oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan qodobka 118 ee Dastuurka Puntland, qodobka 12aad ee Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa qabtay cabashooyinka bulshada, kormeeray goobaha shaqo ee xukuumadda, tababar iyo wacyigelinna u sameeyey hay’adaha dawladda iyo bulshada, xukuumaddana siiyey talo bixin sharci, maxkamadahana uga qareemay dadka xuquuqdooda lagu xadgudbay, ugu danbayntiina soo saaray warbixintan. Waxaan halkan ku soo koobaynaa nuxurka warbixinta:

1. Xafiisku wuxuu booqashooyin kormeer iyo u kuurgelid xaaladda xuquuqda aadanaha ku kala bixiyey deegaanada Puntland ee Bosaso, Carmo, Iskushuban, Waaciye, Badhan, Dhahar, Qardho, Dangorayo, Garowe, Godobjiiraan, Burtinle, Boocame, Xarfo Galdogob, Gaalkacyo iyo Buuhoodle. Waxaa si gaar ah loogu kuurgalay xabsiyada, saldhigyada booliska, maxkamadaha iyo adeegga bulshada ee deeganadaas.

2. Waxaa unkamay iskaashi xafiiska iyo booliska Puntland kasoo lagu xaqiijinaayo in boolisku hello aqoon kororsi arrimaha xuquuqda aadanaha, dhowrista xuquuqda shakhsiga iyo tan bulshada, iskaashiga booliska iyo bulshada. Xafiisku wuxuu tababaray 336 xubnood oo booliska Puntland oo ka kala socday 14 degmo. Inkastoo tababaro iyo wacyigelin badan la siiyey booliska, haddana weli waxaa ka jira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhaca saldhigyada

Nuxurka Hawl-fulinta (Exectuve Summary)

booliska, iyo saraakiisha booliska heerarkooda kala duwan.

3. Xafiiska difaacaha wuxuu tababaray 180 xubnood oo ka tirsan bulshada 12 degmo. Tababarkaas oo ku saabsan hannaanka ilaalinta xuquuqda aadanaha, wadashaqaynta bulshada iyo booliska, iyo u qareemidda xuquuqda haweenka iyo carruurta. Sidoo kale 720 haween ah ayuu ku tababaray xuquuqdooda Dastuurka iyo xeerarka dalka.

4. Xafiiska wuxuu iskaashi dhow oo wadashaqayneed la sameeyey Wasaaradaha Caddaaladda iyo Haweenka, gaar ahaan arrimaha xuquuqda carruurta iyo haweenka. Xafiiska wuxuu kaalimo kala duwan ka qaatay hindiso sharciyeedyada ay diyaariyeen wasaaradaha Haweenka, Caddaaladda, Warfaafinta, iyo Arrimaha Gudaha sida Xeerka Da’yarta Puntland, Xeerka Kufsiga Puntland, Xeerka Qaxootiga Puntland, Siyaasadda daryeelka Carruurta.

5. Waxaa kordhay maxaabiista xukun-sugayaasha (rumaanka) ee mudda dhaafka ah. Maxaabiistaas oo u xiran intooda badan maxkamadda ciidanka, haddana kama marna tira badan oo u xiran maxkamadda madaniga ah. Garsoorka ayaa kala kulma xukuumadda faragelin toos ah iyo mid dadban. Faragelintaas oo keenta inay caddaaladdu lunto ayaa inta badan ka dhacda kiisaska maxkamadaha heerarkooda kala duwan.

6. Wasaaradaha iyo wakaaladaha dawladda dowrka/kaalinta ay ku leeyihiin ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda asaasiga ah oo hooseysa. Taas oo hortaagan in dadku ay ku naaloodaan xuquuqahooda asaasiga ah.

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 7: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

55

7. Waxaa caqabado iyo cabashooyin ka taagan yihiin sidii qofka muwaadinka ah ula kulmi lahaa ama fursad ugu heli lahaa mas’uuliyiinta wasaaradaha iyo wakaaladaha ee bixiya adeegyada guud.

8. Waxaa weli wax horumar ah aanan laga sameynin xuquuqda mushahar iyo badbaado ee shaqaalaha dawladda. Sanadka 2016, shaqaalaha dawladda celcelis waxay mushahar qaateen kala bar sanadka oo ah 6 bilood, halka sanadkan 2017 celcelis shaqaalaha dawladda ay qaateen 7 bilood. Xafiisku wuxuu u qareemay xuquuqda mushahar ee ku salaysan qodobada 37 iyo 38 ee Dastuurka Dawladda Puntland, welina ma suuragelin in shaqaaluhu helaan xuquuqdooda mushahar.

9. Xukuumaddu waxay magacawday, Golaha Wakiiladuna ansixiyeen guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland. Guddiggu wuxuu daahfuray barnaamijka lagu gaaraayo hanaanka doorashooyinka oo ah xaq dastuuri ah oo muwaadin kasta ay tahay in loo suura geliyo, waana talaabo horay loo qaaday oo xuquuqda dadka ah.

10. Waxaa xusid gaara mudan in magaalada gaalkacyo ay ka dhaceen dagaalo ay ugu xanuun badnaayeen dagaalkii dhacay Oktoobar iyo Nofeembar 2016. Dagaaladaas waxay gaysteen barakac, dhimasho, joogsi adeegyada bulshada sida waxbarashada, ganacisga oo hoos u dhacay iyo ugu danbayntii saboolnimada iyo agoonimadda oo korordhay.

11. Waxaa dhacay mudaaharaadyo shacabka iyo ganacsatada kaga cabanayaan qiima dhaca lacagta Soomaaliga, iyo sicir bararka badeecadaha oo ay sababtay lacagaha cusub ee been abuurka

ah ee la soo daabaco. Mudaaharaadyada oo ka dhacay magaalooyinka Bosaso, Qardho, Garowe, Burtinle iyo Galkaio bilihii Luulyo iyo Agoosto sanadka 2017.

12. Xadgudubyada iyo shaqaaqooyinka lagula kaco haweenka, carruurta, naafada, barakacyaasha iyo dadka la hayb-sooco ayaa ah kuwa weli ka dhaca deegaanada Puntland. Sidoo kale waxaa caburin iyo xarig la kulma suxufiyiinta ka hawlgala deegaanada Puntland iyagoo aan loo cuskan wax sharci ah.

13. Xabsiyada Punland ayaan weli wax horumar ah samyanin, gaar ahaan adeega caafimaad, tayada raashinka, waxbarashada maxaabiista samaynta barnaamijyo dhaqan-celin.

14. Waxaa xafiiska soo gaaray mudada 2016/2017 ilaa 198 cabasho, xafiisku wuxuu kiisaskooda xaliyey ama u gudbiyey hay’adaha kale ee ku shaqo leh 181 kiis halka 9 kiis ay furanyihiin, howshoodana lagu jiro.

15. Xafiisku wuxuu diyaariyey, soona daabacay buug-gacmeedyo dadka lagu aqoonsiinaayo xuquuqdooda aadaminimo, sidoo kale buug-gacmeedyada u qareemidda xuquuqda aadanaha, xalinta khilaafaadka iyo korjoogtaynta iyo baarista xuquuqda aadanaha.

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 8: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

6

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Warbixin xilliyeedkan 2016/2017 waxay diiradda saaraysaa wixii ka qabsoomay qorshe sanadeedka, iyadoo la tixraacayo natiijooyinka iyo ujeeddooyinka qorshaha istiraatiijayada Saddexda Sano 2015/2017 ee xafiiska. Warbixinta waxaa kaloo lagu xusayaa caqabadaha hortaagan illaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Puntland iyo talooyinka ku haboon ee lagu xalinkaro caqabadahaas.

Warbixintan waxay ka kooban tahay Toban Cutub oo looga hadlayo arrimo kala duwan;

Cutubka Kowaad: Wuxuu si guud dulmar ugu samaynayaa asaasidda XDXA, Sharciyada loo cuskaday, mas’uuliyadaha, awoodaha iyo ujeeddooyinka, hiigsiga, dhambaalka hawsha, mabaadi’da iyo istiraatijooyinka guud ee Xafiiska.

Cutubka Labaad: Wuxuu ka hadlayaa xaalada ay marayso awoodda xilgudashada xafiiska ee arrimaha qiimaynta iyo sahaminta la sameeyey, tababarada la qabtay, dukumentiyada, qaab-hawleedyada iyo hagayaasha la diyaariyey. Waxaa ka loo cutubka ka hadlayaa kordhinta shaqaale cusub.

Cutubka Saddexaad: Wuxuu muujinayaa maaraynta macluumaadka iyo xogaha la xiriirta xaaladda xuquuqda aadanaha ee deegaanada Puntland. Wuxuu kaloo ka warbixinayaa ku fidinta adeegga iyo hawlaha tiigsiga xuquuqda aadanaha qaybo ka mid ah gobolada Puntland.

Cutubka Afraad: Wuxuu soo bandhigayaa kordhinta aqoonta iyo isticmaalka mabaadi’da iyo xeerarka, iyadoo la adeegsanayo wacyigelinta iyo tababarida booliiska, wada-hadalo furan, adeegsiga Saxaafadda, TV-yada, raadiyaha iyo baraha bulshada. Waxaa kaloo la gaarsiiyey dadaalka xuquuqda aadanaha goobaha waxbarashada, sida; aasaasidda naadiyada xuquuqda aadanaha

ee jaamacadaha iyo dugsiyada sare, qaybinta iyo baahinta buugta la xiriirta xuquuqda aadanaha.

Cutubka Shanaad: Wuxuu sigaar ah uga hadlayaa dadaalada suuragelinta in carruurta, haweenka, dadka la takooro iyo dadka baahida gaarka ah qaba ay si siman ugu naaloon lahaayeen xuquuqdooda aadamiga ah, iyadoo la dhaqan gelinayo Xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda carruurta, haweenka, dadka la takooro, naafada, dadka soo barakacay iyo qaxootiga.

Cutubka Lixaad: Wuxuu ka hadlayaa aasaasidda iyo samaynta istiraatijiyad iskaashi iyo wada-shaqayn waarta leh oo lagu horumarinayo, laguna ilaalinayo daddaalada xuquuqda aadanaha Puntland, iyadoo loo marayo in wada-shaqayn laga dhex abuuro bahwadaagta xuquuqda aadanaha.

Cutubka Todobaad: Wuxuu xoogga saarayaa yaraynta xad-gudubyada abaabulan ee xuquuqda aadanaha Puntland, iyadoo kor loo qaadayo daddaalada ilaalinta xuquuqda aadanaha, loona marayo korjoogtayn, xog-ururin, baaritaano wax kuool ah, wax kaqabashada cabashooyinka iyo kiis-wareejin.

Cutubka Siddeeddaad: Wuxuu kahadlayaa kordhinta dhaqangelinta iyo dabbakhidda mabaadi’da iyo halbeegyada xuquuqda aadanaha, iyadoo loo marayo u qareemidda sidii loo kordhin lahaa raacidda iyo ku dhaqmidda mabaadi’da iyo halbeegyada xuquuqda aadanaha ee waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka xuquuqda aadanaha.

Cutubka Sagaalaad: Wuxuu muujinayaa in la hirgeliyo hab-dhaqan shuruucda iyo xeerarka Puntland ay tahay inuu sharcigu ugu sareeyo, iyadoo loo marayo caddaalad iyo garsoor loo siman yahay.

Cutubka Tobnaad: Wuxuu dulmarayaa caqabadaha xuquuqda aadanaha ee la korjoogteeyey, xog lagu helay iyo talooyinka sidii loo yarayn lahaa ama loo baabi’in lahaa caqabadahaas.

Hordhac

Page 9: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

7

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

CUTUBKA 1AADGuudmar Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Dawladda

Puntland-Somalia

Aasaasidda XafiiskaXafiiska difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxaa la aasaasay iyada oo la cuskanayo qodobada116aad, 117aad ee Dastuurka Puntland iyo qodobada 2aad, 6aad ee Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

Wasaaradda Cadaaladda, Dhaqancelinta iyo Arrimaha Diinta ayaa ahayd hey’adda wakiilka u ah dawladda qabashada araajida u tartamayaasha difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland. Bishii Luulyo 2014. Waxaa araajida baarid iyo eegis ku sameeyey golaha xukuumadda. Golaha xukuumadda markay lafagureen waxay aqbaleen araajida afar u tartame. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa warqadda sumaddeedu tahay MW/DPS/815/2014 kuna taariikhaysan 04/11/2014 ugu soo gudbiyey golaha wakiiladda Puntland liiska murashixiinta difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland.

Sida ku cad warqadda sumaddeedu tahay XGGW/DPL/124/2014 kuna taariikhaysan 01/12/2014 ee ka soo baxday xafiiska Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland ujeedkeeduna ahaa doorashada difaacaha

xuquuqda aadanaha dawladda Puntland ayaa waxaa ku cad natiijada Doorashada difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland ee dhacday 27kii Nofeembar 2014, halkaas oo Maxamed Yuusuf Cali loogu doortay difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland mudo shan sano ah Nofeembar 2014 –Nofeembar 2019. Xafiiska waxaa la daahfuray bisha Maarso 2015

Sharciyadda XafiiskaXafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waa hay’ad dawli ah oo madaxbanaan, lehna xasaanad dastuuri ah iyo qaanuun u gaar ah hagideeda, waxaana laga dheehan karaa arintaas qodobada soo socda ee Dastuurka Puntland iyo xeerka difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland.

Dastuurka: Sharciyadda iyo aasaaska xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland oo ah Hey’adda difaacaha xuquuqda aadanaha puntland waxaa sharciyaddiisu ku qotontaa

Xafladda Daahfurka Xafiiska; bidix Difaacaha, Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay, Madaxweynaha Dawladda Puntland 12ka Maarso 2015, Garowe

Page 10: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

8

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

3. Inuu daafaco xuquuqda aadanaha ee Dastuurka iyo shuruucda kale ay qeexayaan.

4. Inuu baaro cabashooyinka ay muwadiniinta ama ururada Bulshada ka sheeganayaan xuquuqdooda bini’aadanimo, uuna gaarsiiyo hay’adaha dawliga ah iyo kuwa wadaniga ah natiijada baaristiisa, isagoo raacinaya talo soo jeedintiisa la xiriirta damanaad qaadka xuquuqda aadanaha.

5. Inuu taageero dadka lagu sameeyo xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ka dhanka ah uuna ka difaaco maxkamadda horteeda ama si guud.

6. Magacaabidda guddiyo gaar ah oo gacan ka siiya gudashada xilkiisa.

7. Kormeeridda goob kasta oo lagu sameeyo ama la tuhunsan yahay in lagu gabood-falo Xuquuqda Aadanaha.

8. U ololaynta dib u habeynta sharciyada iyo hab-dhaqanka maamulka si kor loogu qaado dhawrista iyo qaddarinta Xuquuqda Aadanaha.

9. Soo saarista warbixin sanadeed la xiriirta xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland.

10. U bandhigidda Golaha Xukuumadda talooyinka ku aaddan mashruuc sharci oo khuseeya Xuquuqda Aadanaha.

11. Gudashada xilalka kale ee sharciyada Puntland siiyaan xafiiskaas.

Ujeedooyinka, Awoodaha iyo Mas’uuliyadaha: Qodobka 11aad ee Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha wuxuu qorayaa Ujeedada Xafiiska Difaacaha ay tahay:

1. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda aadanaha iyo Wakiiladiisa Gobollada, waxaa loo dhisay dhowrista xaquuqda aadanaha.

Dastuurka Puntland xubinta 4aad, qodobada 116aad, 117aad, 118aad, 119aad waxayna u qoronyihiin sidatan:

Qodobka 116aad: Hey’adda Difaacaha iyo Taabagelinta Xuquuqda Aadanaha (Qeexid)

Qodobka 117aad: Magacaabidda Difaacaha

Qodobka 118aad: Awoodaha iyo Xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

Qodobka 119aad: Xil Ka Qaadista Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxaa shaqadiisa haga xeer u gaar ah:

Magaca Xeerka: Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Sharci Lambar: 11

Taariikhda la ansixiyey: 26/11/2011

Madaxweynuhu saxiixay: 06/12/2011

Qodobada xeerku ka kooban yahay: 21 qodob

Awoodaha iyo Mas’uuliyaadka: Qodobka 118aad ee Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu qeexayaa Awoodaha iyo xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, sidoo kale Qodobka 12-aad ee Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu qeexayaa Awoodaha iyo Xilalka Xafiiska Difaacaha waana:

1. Ka hortegidda xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha, isagoo talabixin siinaya hay’adaha waddaniga oo ay arrintu khuseyso.

2. Ku wacyi gelinta dadweynaha iyo masuuliyiinta dawladda muhimadda ay leedahay dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee ku cad Dastuurka iyo sharciyada Puntland, isla markaasna ku xusan Axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah.

Page 11: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

9

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

2. Ilaalinta Xaquuqda Muwaadiniinta.

3. Xafiiska xuquuqda iyo taaba gelinta xuquuqda aadanaha waxaa lagu maamulayaa dhammaan hawlaha la xiriira gafka/gafafka, gaboodfalada iyo tacadiyada laga galo xuquuqda aadanaha.

4. Ilaalinta xoriyaadka asaasiga ah ee muwaadinka sida ku cad shareecada islaamka iyo Dastuurka Puntland.

5. Xafiiska xuquuqda aadanaha wuxuu dhawraa, ilaaliyaa, difaacaana xadgudubyada xurriyaadka iyo xuquuqda aadanaha.

6. Wuxuu ka jawaabaa cabashooyinka muwaadiniintu u soo gudbiyaan.

7. Wuxuu baaritaana ku sameeyaa cabashooyinka, natiijada baaristana wuxuu u gudbinayaa hay’adaha ay khusayso, iyadoo natiijada warbixinta iyo xalkeedaba loo marayo hay’adaha Dawladda sida ay u kala sarreeyaan.

Hiigsiga, Dhambaalka HawlsocodkaHiigsiga: Waxaanu higsanaynaa sidii loo heli lahaa bulsho sharafteeda, xuquuqdeeda iyo karaamadeeda sharcigu dhowray, ilaashay, tixgeliyey una taabageliyey

sidii ay ugu naaloon lahaayeen xuquuqahooda aadaminimo ee dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Dhambaalka Howsha: Xafiiska waxaa ka go’an dabaqidda iyo meel marinta qodobada sare loogu qaadaayo laguna dhowraayo xuquuqda aadanaha ee ay farayaan Dastuurka iyo xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga iyadoo la tixgelinaayo heshiisyada caalamiga iyo mabaadii’da Paris.

Mabaadii’da Xafiiska: Madaxbannaanni iyo Sharci u Hogaansan, Xirfadnimo, Daahfurnaan iyo isla Xisaabtan, Dhexdhexaadnimo iyo Eex-la’aan, Caddaalad iyo Sinaan, Gaarsiinta Adeegga Bulshada.

Ujeedooyinka Istiraatiijiga: Sare u Qaadidda iyo Wacyigelinta Arrimaha Xuquuqda Aadanaha, Dhowrista iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadnaha iyo Helidda Garsoor Caddaalad ah, Hirgelinta Heshiisyada Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, Tayaynta Awoodda Shaqo ee Xafiiska.

Page 12: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

10

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

CUTUBKA 2AADNatiijada 1aad: Xafiiska oo Yeesha Xirfad iyo Awood uu

ku Guto Shaqadiisa

Ujeedada 1aad: In la Xaqiijiyo Koritaanka iyo Horumar-ka Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

1. Qiimayn Awoodda Xilgudasho ee XafiiskaGudashada xilka iyo waajibaadka loo igmaday xafiiska waxay u baahan tahay in la helo xirfadlayaal, agab, iyo nidaam shaqo oo haga hawl-maalmeedka shaqo ee xafiiska. Iyadoo taas laga duulaayo ayaa xafiisku wuxuu muhiimad gaar ah siiyey in marka hore la qiimeeyo, lana ogaado awoodda xil-gudasho ee xafiiska.

Maadaama fulinta ujeedada 1aad ee qiimaynta awoodda xil-gudasho ee xafiiska ay u baahan tahay farsamo iyo dhaqaale, xafiisku wuxuu taageero ka dalbaday hay’adda Diakonia-Sweden, taas oo soo kiraysay Shirkadda Basemark ee Latalinta oo fulisey qiimaynta xafiiska (Comprehensive Partner Capacity Assessment)

Baaritaan, xogwaraysi, jeedjeedaalin iyo qiimayn dheer kadib, waxaa qiimaynta shirkadda Basemark ee xafiiska ka soo baxay talooyinkaan:

i. Diyaarinta iyo hirgelinta xeerka hagaya shaqaalaha xafiiska xuquuqda Aadanaha (Human Resource Manual Customized to OPHRD)

ii. Diyaarinta nidaamka shaqo ee maamul, agab-iibin iyo qandaraasyo bixin ee xafiiska (Administrative & Logistics Procedure Manual)

iii. Diyaarinta iyo hirgelinta hagaha dhaqaalaha (Financial Manual)

iv. Diyaarinta iyo hirgelinta nidaamka kormeerka iyo qiimaynta mashaariicda (M & E system)

v. Diyaarinta iyo hirgelinta siyaasad iyo nidaam tababar iyo horumarin shaqaalaha (Staff training and development policy and procedures)

vi. Diyaarinta nidaamka hawlgalka caadiga (standard operating procedure) hanaanka isla xisaabtanka (Accountability Framework) iyo qaabka ka jawaabidda cabashooyinka (complaints response mechanism)

vii. Diyaarinta iyo hirgelinta istiraatiijiyadda ololeynta dhaqaalaha (resource mobilization strategy)

viii. Diyaarinta iyo hirgelinta siyaasadda u qareemidda (advocacy policy)

ix. Diyaarinta iyo hirgelinta qorshe lagu maamulayo halista shaqo (Risk Management Plan)

Xafiiska difaacaha iyo hay’adda Diakonia Sweden waxay si wadajir ah u qorsheeyeen in talooyinka lagu kaabaayo xilgudashada xafiiska la fuliyo mudada u dhaxeysa 2018-2020. Talooyinka fulintooda waxaa loo kala hormarinayaa sida baahidooda u kala mudan tahay. Diyaarinta siyaasadaha, qorshayaasha iyo buug-gacmeedyada ku xusan talooyinka waxaa la bilaabaya bisha Janaayo 2018.

10

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 13: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

2. Tababrada Hawl-wadeenada XafiiskaHawl-wadeenada xafiiska ayaa loo fidiyey tababaro iyo aqoon-kororsi la xiriira shaqadooda gaarka ah, guud ahaan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha. Noocyada tababarada ayaa ah:

a. Tababaridda tababarayaasha Booliska arrimaha xuquuqda aadana, waxaa bixiyey UNSOM/UNICEF/SSF

b. Habka maaraynta kiisaska, gaar ahaan Tacadiyada Haweenka iyo Shaqaaqada Qoyska, waxaa bixiyey UNICEF

c. Tababarka Caddaaladda Carruurta, waxaa bixiyey UNICEF.

Shaqaalaha Xafiiska oo Sawir ku galay Xerada UNSOM markuu tababarku dhamaaday 2016

Waxaa xusid mudan in hay’adda Diakonia Sweden ay qorshaysay in agaasime waaxeedyada iyo madax-qaybeedyada xafiiska 7 ka mid ah la geeyo Komishanka Xuquuqda Aadanaha Kenya si ay uga soo faa’iideystaan, indhahoodana ugu soo arkaan sida uu u shaqeeyo komishanka Kenya, khibradda iyo aqoonta ay helaanna shaqadooda ku dabakhaan.

Hase yeeshee, ma suuragelin safarkaas aqoon-kororsi, sababa la xiriira xaaladaha siyaasadeed ee ka taagnaa Kenya sanadka 2017 iyo komishanka oo ku mashquulsanaa korjoogtaynta iyo la socodka doorashooyinka iyo qalalaasaha bulsho ee taagnaa, waxaana loo dib-dhigay safarka shaqaalaha ee aqoon korosiga sanadka 2018.

3. Qoridda Buug-Gacmeedyo, Buug-Hawleedyo iyo Hagayaal Xuquuqda AadanahaXafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha, isaga oo ka duulaaya qodobka 118 ee Dastuurka Puntland, gaar ahaan faqrada 2aad, wuxuu diyaariyey mudada 2016/2017 buug gacmeedyo wacyigelineed loogu talagalay bulshada iyo dawladda iyo buug-gacmeedyo hawleed oo loogu talagalay difaacayaasha xuquuqda aadanaha oo ay ugu horeeyaan hawl-wadeenada xafiiska, bulshada rayidka, suxufiyiinta iyo hay’adaha dawladda ee shaqa-wadaaga xafiisku yihiin.

Magacyada buug-gacmeedyada xafiisku qoray waxaa weeye:

• Aqoonso Xuquuqdaada Aadaminimo 2017

Shaqaalaha Xafiiska oo

Sawir ku galay Xerada UNSOM

markuu tababarku dhamaaday 2016

11

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 14: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

12

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Qaab-hawleedka Maaraynta Khilaafaadka 2017

Qaab-Hawleedka u Qareemidda Xuquuqda Aadanaha 2017

Hagaha Korjoogtaynta Iyo Baarista Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha 2017

Buug-gacmeedyadan waxaa loogu talagalay in

Dadka ku nool Puntland ay ka bartaan xuquuqaha aasaasiga oo qofku leeyahay taas oo uu ku helay jiritaankiisa aadaminimo. Xuquuqahaas waxa laga dheehday Shareecada Islaamka, Dastuurka Puntland, axdiyo iyo heshiisyo caalami ah (conventions and treaties) oo ay isla wada oggolaaden dhammaan dawladaha aduunka iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa urur goboleedyada.

Shaqaalaha goob-shaqo in ay helaan tixraacyo ku haggaya hawlaha korjoogtaynta, baarista xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo qaab-shaqeedyo fududaynaya hannaanka u qareemidda xuquuqda aadanaha iyo maaraynta khilaafaadka ka dhasha ama keeni kara xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca deegaanada Puntland. Buugaagtaan waxaa la waafajiyey falalka goob shaqo (field

practices) ee difaacidda iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Gabagabada, waxaan ku faraxsanahay in Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha uu fursad u helay inuu guto waajibka dastuuriga ah ee Baridda Xuquuqda Aadanaha, waxaan rajaynaynaa in la gaaro dad iyo dawlad ku xisaabtama xuquuqdooda iyo waajibaadkooda.

4. Hawgelin Shaqaalo CusubXiliga 2016/2017 xafiisku wuxuu ka hawlgalay deegaano cusub oo uusan horey uga shaqaynaynin. Madaxweynaha Dawladda Puntland wuxuu dikreeto ku magacaabay wakiilada gobolada ee difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland. Wakiilada tiradooda oo ah 9 waxay ku kala magacaaban yihiin 9ka gobol ee Puntland, wayna ka hawl galeen marka laga reebo Gardafuu oo qofkii ku qornaa weli aan tagin deegaanka tas’hiilaad la’aan awgeed.

Sidoo kale Difaacaha xuquuqda aadanaha wuxuu magacaabay 9 wakiil degmo oo iyana ka soo warbixiya deegaano xafiisku si gaar ah uga shaqeeyo. Guud ahaan xafiisku wuxuu ka hawl galaa 18 degmo oo ay ku jirto xarunta Garowe. Arintaas waxay kor u qaaday wacyiga iyo ogaalka bulshada ee xuquuqda aadanaha iyo jiritaanka xafiiska. Xafiisku wuxuu sameeyey koror shaqaale 51% oo ah mid muujinaaya horumarka xafiisku gaaray mudada 2016/2017.

Page 15: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

13

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

CUTUBKA 3AAD

Natiijada 2aad: Waxaa la Xuuraamay Macluumaadka la Xiriira Xuquuqda Aadanaha

Ujeedada 2aad: In la helo Xog Dhamaystiran oo la Xiriirta Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland

1. Tiigsi (gaaris) iyo Xog-ururin Degmooyinka Badhan iyo DhaharIlaa inta laga aasaasay XDXA, wuxuu ka shaqaynaayey afarta gobol ee kala ah Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug, kuwaasoo si fudud loo gaari karo (wadada laamiga ah). Agab iyo tas’hiilaad la’aan ayaa ka hor’istaagay xafiiska inuu gaaro gobollada fogfog, taasoo saamayn ku yeelatay wacyigelintooda iyo helidda xogtooda. Intaan ku gudo jirney soo bandhigidda warbixinta sannadlaha ee Kowaad, Barlamaanka Puntland wuxuu naga codsaday inuu xafiisku sannadkiisa 2aad gaaro gobollada fogfog ay ka mid yihiin Sanaag iyo Haylaaan.

Xafiisku wuxuu ka helay hay’adda UNDP tas’hiilaad uu ku booqdo gobolada Sanaag iyo Haylaan, isla markaana ku qiimeeyo xaaladooda xuquuqda aadanaha. Safraka waxaa ku jirey la tashiyo, wacyigelin, u kuurgal iyo u fiirsiga xaaladda xuquuqul aadanaha muddo 5 cisho ah goobtiiba iyo in loo gudbiyo/baro mas’uuliyadaha iyo shaqooyinka XDXA.

Ujeedooyinka Tiigsiga Xafiiska:

1. In la baro bulshada reer Sanaag iyo reer Haylaan awoodaha iyo adeegyada XDXA, sarena loogu qaado wacyigooda ku aadan mabaadi’da xuquuda aadanaha, xafiiskana loola wadaago cabooshooyinka iyo xadgudubyada xuquuqul aadanaha ee ka dhaca gobaladaas

2. In la xoojiyo doorka xubnaha bulshada iyo hay’adaha ka shaqeeya xuquuqul aadanaha Puntland dhowrista iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

3. In la isuduwo xogaha la xiriira kooxaha nugul ee bulshada oo ay ku jiraan barkacayaasha, qaxootiga, haweenka iyo carruuta, dadka la hayb-sooco iyo dadka naafada.

4. In lala wadaago dadweynaha habka XDXA lagula xiriiri karo, sida wicidda degdega ah (hotline) ee aan lacagta ahayn iyo adeega emailka.

Wixii ka soo baxay tiigsiga

1. Dadka deegaanka labada magaalo ee Baran iyo Dhahar ee labada Gobol Sanaag iyo Haylaan waxay wax ka ogaadeen XDXA awoodihiisa, shaqooyinkiisa iyo xiriirkiisa.

2. XDXA wuxuu markii ugu horeysay ebid u qabtay tababar wacyigelin bulshada rayidka, booliska iyo garsoorka labada magaalo ee Baran iyo Dhahar.

3. Dadka deegaanku waxay aad u garwaaqsadeen mabaadi’da gundhigga u ah xuquuqda aadanaha intuu tababarku socdey ama ay warbaahinta u iftiimisay markii ugu horreeysey.

4. XDXA waxay wax ka ogaadeen xaaladaha xuquuqul aadanaha ee ka dhaca degmooyinka Baran iyo Dhahar

Sawir dhismaha saldhiga booliska Dhahar shaqaalaha xafiiska iyo guddoomiyaha degmada iyo taliyaha booliska degmada dhahar 2016

Page 16: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

14

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Caqabadaha

1. Xaaladda dhismayaasha saldhigyada labada degmo aad bay u liitaan, gaar ahaan saldhiga degmada dhahar oo gaarey heer aanan lagu xiri karayn maxaabiis, laga baqayo inuu dumo.

2. Degmada Baran, guryo kiro ah ayaa maxkamadaha loo adeegsadaa.

3. Wacyigelin guud ee waxtarka ilaalinta xuquuqda aadana aad bay labada degmoba ugu hooseeyaan.

4. Boliiska iyo hawlwadeenada garsoorku mahaystaan tababaro ku filan ee shaqada dhexdeeda.

5. Ma joogaan goboladaas xafiisyo hay’adaha UNka iyo NGOyada sida Puntland qaybeheeda kale, sidaas awgeed ayaa dibdhac adeegyada asaasiga ah uu ka jiraa degmooyinkaas.

Talooyin

1. Uqareemid gargaar dhismaha goobaha hay’adaha ilaalinta sharciga ee labada magaalo sida saldhigyada booliska, xarumaha toosinta (xabsiyada) iyo maxkamadaha si loo ilaaliyo xuquuqda maxaabiista.

2. Qabashada tababaro dheeraad ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha ee labada degmo iyo guud ahaan labada gobol iyadoo la gaarayo dhammaan tuulooyinka.

3. Xoojinta awoodda booliiska iyo hawlwadeenada maxkamadaha si ay doorkooda uga qaataan ilaalinta xuquuqul aadanaha.

Sawir dhismaha saldhiga booliska Dhahar shaqaalaha xafiiska iyo guddoomiyaha degmada iyo taliyaha booliska degmada dhahar 2016

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 17: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

15

1. Tababarka Booliska XDXA isaga oo kaalmo ka helaya Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (SSF) iyo hay’adda Diakonia Sweden, wuxuu hirgeliyey tababar aqoon-kororsi booliska Puntland degmooyinka kala ah Bosaso, Iskushuban, Carmo, Badhan, Waaciye, Qardho, Dangorayo, Godobjiiraan, Garowe, Boocame, Burtinle, Xarfo, Galdogob iyo Gaalkacyo. Tababarka oo soconayey afar cisho degmadiiba ayaa waxaa ka aflaxay 336 xubnood oo isugu jira saraakiil, taliyayaal iyo askari boolis. Xilligii lagu gudo jirey shirka daneeyayaasha, waxaa la isku raacay in tababaradii uu bixiyey XDXA ay ahaayeen kuwii ugu horreeyey oo noocooda ah oo lagu qabtay Puntland maadaama ay diiradda saarayeen xuquuqda aadanaha iyo doorka booliska.

Saraakiisha boliiska oo lagu sawiray kaabadda saldhigga cusub ee degmada Iskushuban ay maalgelisey hay’adda SSF2016

Ujeedooyinka Tababarka Booliska

In xirfadaha booliska la xoojiyo, habdhaqan bulshadu aqbasho abuurmo.

In booliska lagu tababaro xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ee xuquuqda aadanaha.

In la abuuro jawi wada shaqayn u dhaxeeya booliska iyo bulshada ay u shaqeynayaan, iyadoo midkasta la fahansiinaayo doorka uu ku leeyahay nabadda iyo amaanka.

In la horumariyo xaaladda xuquuqda aadanaha iyo adeega booliska ee maxaabiista iyo deegaanada ay ku yaalaan saldhigyada booliska tababrkan loo samaynayo.

In booliska la dareensiiyo waajibaadka ka saaran dhawrista iyo horumarinta xuquuqda

CUTUBKA 4AADNatiijada 3aad: Waxaa la kordhiyey Aqoonta iyo Istic-maalka Mabaadi’da iyo Xeerarka Xuquuqda AadanahaUjeedada 3aad: Kor u qaadida Wacyigelinta Xuquuqda

Aadanaha ee Dawladda iyo Bulshada

Saraakiisha boliiska oo lagu sawiray kaabadda saldhigga cusub ee degmada Iskushuban ay maalgelisey hay’adda SSF2016

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 18: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

aadanaha gaar ahaan xuquuqaha bulshada, haweenka iyo carruurta.

Maxsuulka Tababarka Booliska

Bulshada iyo boolisku waxay abuurayaan iskaashi si ay u bilaabaan wadahadal mirodhal ah oo ku saabsan xuquuqaha dastuuriga ah iyadoo xogta laysu gudbinayo islamarkaana la yeelanayo wadahadalo joogto ah.

Hagaajinta xaaladaha xuquuqul aadanaha iyo adeega booliska ee maxaabiista iyo bulshada joogta meelaha boolisku ka hawlgalo.

U sinnaanta sharciga iyagoo tixgelin siinaya isla markaana dhawraya xuquuqda iyo xorriyadaha aadanaha asaasiga ah iyo sharafta aadamanimada oo ay ku jirto amniga.

Booliska iyo bulshada oo kala saxiixday heshiis wadashaqayn.

Saraakiisha booliska ee haweenka ah waxay aad uga yar yihiin dhiggooda raga ah dhamaan saldhigyada booliska. Saldhigyada qaarkood ma joogin habayaraatee wax haween ah.

Saraakiisha boolisku ma aysan wadan labiskooda rasmiga ah sidaa darteed ma jirin wax lagu kala sooco iyaga iyo bulshada caadiga ah.

Booliska tababarka qaadanayey oo had iyo jeer ka cabanayey xuquuqdooda mushahar iyo gunno taas ay sabab uga dhigayeen waxqabadkooda liita/guracan.

2. Qabashada Kulamo, Siminaa-ro, Wada-hadalo Furan iyadoo la adeegsanayo TVyada, Raadiyada iyo Baraha BulshadaWaajibaadka Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ee ku xusan qodobka 118aad faqradiisa 2aad “Ku wacyi galinta dadweynaha iyo masuuliyiinta dawladda muhiimadda ay leedahay dhowrista Xuquuqda Aadanah ee ku cad Dastuurka iyo sharciyada Puntland, isla markaasna ku xusan Axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah”. Hadaba xafiiska oo ka duulaaya waajibkiisa shaqo ee dastuuriga ah iyo Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanah Puntland wuxuu hirgeliyey olole wacyigelin oo ku jiheysan bulshada, dawladda iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha xuquuqda aadanaha:

Gudaha Taliska Booliska Puntland-Sawir guud furitaanka tababarka booliska Garowe 2016Caqabadaha (challenges)

16

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 19: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

a. Xafiiska oo kaashanaya Hay’adda Diakonia Sweden ayaa ka baahiyey idaacada Daljir, Idaacada Sahan, TVga Puntland fariintaan ku aadan dhawrista Xaquuqda Haweenka iyo Carruurta:

Shareecada Islaamka: Aragtigda Islaamka ee dhawrista Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta waxay salka ku haysaa karaamaynta la wada siiyay bani’aadamka. Karaamayntaas waxay ka muuqataa Shareecada Islaamka dhan kasta.

Dastuurka Puntland: qodobka 35aad ee Xuquuqda Haweenka, qodobka 31aad Xuquuqda Carruurta

Shuuruucda Caalamiga ah ee soomaliya qayb katahy oo aan ka hor- imanaynin Shareecada Islaamka kuwaasoo kadalbanaya dowladda puntland maadaama ay qaybka tahay dowladda federaaalka soomaliyeed in ay cirib tirto dhammaan noocyada tacadiga ee ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta.

Xeerka Kufsiga Dawladda Puntland: Iyadoo la garwaaqsanaayo in danbiyada kufisga ee ka dhaca dalka ay dhibaato ku yihiin dadka gaar ahaan kuwooda taagta daran, iyo iyadoo la garwaaqsanaayo in Xeer Dhaqameedka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ay ku guuldaraysteen in si wax ku ool ah ula tacaalaan arrimaha kufisga ee Puntland ka dhacaaya, ayaa Dowladda Puntland waxay meelmarisay Xeerka Kufsiga Dawladda Puntland ee Sharci Lr. 4, 03/9/2016.

b. Xafiiska oo kaashanaya Hay’adda Unicef ayaa ka baahiyey idaacada TVga Puntland fariintaan ku aadan dhawrista Heshiiska Caalamiga ee Xuquuqda Carruurta 1989:

20ka Janaayo 2015 Dawladda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay saxiixdey Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta. Heshiiskan oo ka kooban 54 qodob wuxuu ka dhaqan gelay Soomaaliya 31da Oktoobar 2015. Heshiiskani wuxuu ka mid yahay xeerarka dalka looga baahan yahay in laga dhaqan geliyo.

Heshiiska caalamiga ee xuquuqda carruurta wuxuu xusayaa in carruurta laga ilaaliyo, lagana dhawro takooridda ku salaysan afka, isirka, jinsiga, bahdilka, hadalada maskaxda wax u dhima, kufsiga, gudninka fircooniga ah ka ganacsiga carruurta iyo si xun uga faa’iidaysiga sida ku shaqaysiga dhibaataynaya caqliga & caafimaadka carruurta, askaraynta, jirdilka, xabsiyaynta carruurta, sidoo kale in laga badbaadiyo isticmaalka mukhaadaraadka iyo maandooriyayaasha.

c. Xafiiska oo kaashanaya Hay’adda Save the Children ayaa ka baahiyey idaacada Sahan fariintaan ku aadan dhawrista Xuquuqda Carruurta Naafada ah:

17

Ururka ardayda xuquuqul aadanaha ee dugsiga sare ee Alwaaxa oo gacanta ku haysta buuga xuquuqda aadanaha

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 20: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

18

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Doorka Xafiiska Xuquuqul Aadanaha Puntland: Iyadoo lagu salaynaayo mabaadi’da Dastuurka dawladda Puntland iyo heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda carruuurta naafada ah (CRC) iyo kan dadka naafada ah (CRPD). Sida ku cad xeerka xafiiska xuquuqul aadanaha Puntland Waa shaqada iyo waajibaadka xafiiska xuquuqul insaanka Puntland in uu ilaaliyo xuquuqda carruurta naafada ah isla markaasna hubiyo in xukuumada lagula xisaabtamo ilaalinta iyo horumarinta carruurta naafada ah si la mid ah kuwa aan naafada ahayn.

Doorka waalidiinta: Waalidiintu waxaa soo food saara dhibaatooyin kala duwan kuwaas oo hoos u dhiga in ay carruurtooda si mug leh u caawiyaan. Hadaba iyadoo taasi jirto ayaa waalidiintu waxay saamayn weyn ku yeelan karaan horumarinta carruurta naafada ah, waxaana jira siyaabo kala duwan oo ay u caaawin karaan: In ay ka warhayaan heerka naafanimo ee carruurta isla mar ahaantaana u qareemaan. In ay carruurtooda soo dhexgaliyaan bulshada kana qayb galiyaan hawlaha ka dhex socda deegaanka. In ay ka qayb qaataan kobcinta aqoonta caruurtooda si ay guul uga gaaraan mustaqbalkooda. Kor u qaadista sumcadda carruurta naafada ah ee bulshada dhexdeeda si loo yareeyo fikradaha khaldan ee laga aaminsanyahay carruurta naafada ah.

Doorka Dawladda Puntland: Hubinta in carruurta naafada ah ay helaan adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, iyo kor u qaadista heerka nolosha. Yaraynta caqabadaha ka yimaada hay’adaha dawladda iyadoo la samaynayo shuruuc sax ah. Ku baahinta xuquuqda carruurta naafada ah dhammaan hawlaha dawladu qabanayso iyadoo loo qoondaynayo kharashaad gaar ah. Samaynta shuruuc lagula dagaalamayo fal kasta oo lagu takoorayo carruurta naafada ah.

3. Aasaasidda Naadiyada Xuquuqda Aadanaha ee Ardayda

Jaamacadaha iyo Dugsiyda Sare GaroweXDXA isagoo la kaasahanaya hay’adda UNICEF wuxuu aasaasay naadiyo arday oo u qareema xuquuqda aadanaha goobaha waxbarashada ee jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada Garoowe. Naadiyada ardayda oo ka kooban 7 naadi ayaa sedex laga sameeyey Jaamacadaha (Jaamacadda Bariga Afrika, Jaamacada PSU iyo Jaamacadda Bosaso) afarta kalena laga hirgeliyey iskuulada (Gambool, Nawawi, Alwaha iyo Nugal)

Ujeedka Aasaasidda Naadiyada Ardayda ee Xuquuda Aadaanahu waxay yihiin:

Inay aqoonsadaan xuquuqda aadanaha isla markaana haleelaan masuuliyadaha la jaanqaadi kara xuquuqda aadanaha.

Inay ka dhex abuuraan ardayda hab dhaqan tixgelinaya xuquuqda aadanaha

Inay kororsadaan aqoon isla markaana garowsadaan laga maarmaanimada Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha iyo heshiisyada kale sida Axdiga Xuquuqda Carruurta.

Ururka ardayda xuquuqul aadanaha ee dugsiga sare ee Alwaaxa oo gacanta ku haysta buuga xuquuqda aadanaha

4. Daabacaada iyo Qaybinta buugaagta la Xiriira Xuquuqda Aadanaha Xafiisku wuxuu sameeyey wacyigelin isagoo adeegsanaya raadiyada, TVyada, mareegaha internetka iyo baraha bulshada, sidoo kale websiteka xafiiska www.ophrd.org. Xafiisku wuxuu u qaybiyey hay’adaha fulinta, golaha wakiilada, garsoorka iyo degmooyinka hoos ku qoran:

Buug-gacmeedka Aqoonso Xuquuqdaada Aadaminimo in ka badan 1200 koobi,

Heshiiska Xuquuqda Carruurta 500 koobi,

18

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 21: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

19

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Tiro Degmo Tirada Dadka la Gaaray Qaybinta JinsigaRag Dumar

Harfo 24,443 17,110 9,777

Boame 27,615 16,569 11,046

Dangorayo 41,824 25,094 16,729

Wa’iye 33,257 19,954 13,302

Armo 34,952.5 20,971 13,981

Badhan 57,674 34,604 23,069

Garowe 45,000 27,000 18,000

Galkacyo 51,333.5 30,800 20,533

Bossaso 500,000 300.000 200,000

Qardho 47,400 28,440 18,960

Dhahar 8,759 5,255 3,503

Iskushuban 7,540 4,524 3,016

Godobjiran 34,674 20,804 13,869

Burtinle 9000 5,400 3,600

Galdogob 155,433 93,259 62,173

Aluula 6,100 3,660 2,440

Buuhoodle 54,675 32,805 21,870

Bulshada uu Gaaray Barnaamijka Wacyigelinta ee Idaacadaha, TVga iyo Buugaagta la Qaybiyey

Buuga OBga (Occurance Book) iyo Rajistarka Danbiyada ee saldhigyada booliska.

Qaab-hawleedka Maaraynta Khilaafaadka 2017

Qaab-Hawleedka u Qareemidda Xuquuqda Aadanaha 2017

Hagaha Korjoogtaynta Iyo Baarista Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha 2017

Bandhigga Buug-gacmeedyada Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Puntaland ee la qaybiyey-sawir 10 Dec 2017

19

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 22: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

20

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

1. Dhaqangelinta Xeerka Caalamiga ee Xuquuqda Carruurta (Convention on the Rights of the Children) Xafiisku wuxuu u qabtay siminaaro iyo kulamo aqoon-isweydaarsi iyo barnaamijyo wacyigalineed wasaaradaha, booliska, maxkamadaha, xeer ilaalinta iyo asluubta (xabsiyada), qareenada iyo bulshada rayidka. Aqoon-isweydaarsigu wuxuu

CUTUBKA 5AADNatiijada 4aad: Waxaa loo Qareemay in Carruurta, Haweenka iyo dadka la Takooro iyo dadka Baahida

Gaarka qaba ay si siman u helaan Xuquuqdooda uguna Naaloodaan

Ujeedada 4aad: In kor loo qaado u qareemidda ilaalinta xuquuqda aadaanaha ee Haweenka, Carruurta

iyo Dadka Naafada ah

diiradda saarayey qodobada heshiiska xuquuqda carruurta oo dawladda Soomaaliya ay ku biirtay 20kii Janaayo 2015.

Ujeedku wuxuu ahaa:

Ogaanshaha Heshiiska Caalamiga ah Xuquuqda Carruurta, oo ay dawladda Soomaaliya saxiixday.

Inay door muhiim ay ka cayaaraan ilaalinta xuquuqda carruurta ee ku xiran xarumaha toosinta Puntland.

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 23: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

21

Inay door aayo leh ka qaataan dhowrista xuquuqda carruurta sida uu qabo Dastuurka Puntland, xeerarka kale ee dalka iyo kuwa caalamiga ahba.

In sare loo qaado wacyiga bulshada la xiriira xuquuqda carruurta sida ku xusan Diinteena, Dastuurka Puntland iyo Federaalka, Qawaaniinta dalka iyo Caalamiga.

2. Xuquuqda Haweenka Tacadiyada iyo shaqaaqooyinka lagula kaco haweenka ayaa ah kuwa aan weli xal loo helin. Mudada warbixintan ee 2016/2017, waxaa dhacay kufsiyo foolxun, oo ay ugu darraayeen kuwii ka dhacay Galdogob, Bosaso iyo Ufeyn. Waayadan danbe kufsiga ama iskudayga kufsiga waxaa la socday dhaawacyo khatar gelinaya nolosha iyo mustaqbalka gabdhaha la dulmiyey/xadgubey/kufsaday/la isku dayey in la kufsado. Sanadkii 2017 tirada haweenka la kufsaday ee xafiiska soo gaaray waxay ahaayeen 48 kiis, halka shaqaaqooyinka guryaha ka dhacay ay ahaayeen 20 kiis.

Xafiisku isagoo u qareemaya xuquuqda haweenka ayaa wuxuu tababaray 720 haween oo ka kala tirsan 12 degmo, wuxuu si dadban ku wacyigeliyey ilaa 4,500 oo kale. Tababarka haweenka ayaa diirada saaraayey in sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ay haweenku u leeyihiin xuquuqahooda aadaminimo eek u xusan Dastuurka Puntland iyo xeerarka kale ee maxaliga iyo caalamgi ah.

Sida ku cad qodobka 35aad ee Dastuurka Puntland; Haweenka waxey xuquuqda kala mid yihiin ragga marka laga reebo wixii Allah u kala gaar yeelay. Haweenka waxey xaq u leeyihiin in ay ku naaloodaan xuquuqaha dastuuriga; xaqa waxbarashada, xaqa caafimaadka, u sinnaanta shaqada, u sinnaanta caddaaladda, ka qeyb galka siyaasadda, iwm.

Tacadiyada loo geysto haweenka waxay tusaale ahaan kala yihiin; mid jireed iyo mid maskaxeed. Sida garaacid, bahdilaad (cay), ka ganacsiga jirkooda, u diidid masruuf iyo marasho, ka qadin dhaxalka iyo dhaqaalaha. Booliiska waxaa waajib ku ah in ay ka hortagaan, baaritaan ku sameeyaan, soona xiraan shakhsiyaadka geysta falalka ka dhanka ah xuquuqda

Baridda Haweenka Xuquuqda Aadanah- Degmada Godobjiiraan, 2016

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 24: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

haweenka, hadii uu yahey shakhsi dawladda ka tirsan iyo haduu yahey mid rayid ah.

3. Xuquuqda dadka la Takooro (dadka la hayb-sooco)Xafiisku wuxuu qabtay gole (forum) lagu gorfeeyey xaaladda xuquuqda aadanaha dadka la hayb-sooco, dhibaatooyinka soo wajaha, xalkooda iyo sidii loogu qareemi lahaa:

a) Dhibaatooyinka waxbarashada: Dhaqaale la’aan, Deegaankooda aan ka jirin goobo waxbarasho, Deeqo waxbarasho mahelaan. Xalka: Deegaanada ay degan yihiin in laga dhiso goobo waxbarasho, In laga taageero macalimiinta, Magaalooyinka waaweyn oo loo qoondeeyo saami waxbarasho lacag lacag la’aan ah oo ay dowladu daboosho kharashkeeda.

b) Dhibaatooyinka caafimaadka: Deegaamada malaha goobo caafimad sida MCH iyo gaadid caafimaad. Dhaqaalo yari ka jirta qoysaska, qaar kood ayaa keenta in la waayo adeeg caafimaad. XALKA: In la dhiso goobo caafimaad deegaanadooda. In kor loo qaado shaqaalaysi si ay u daboolaan baahiyadooda

c) Dhibaatooyinka cadaalada iyo garsoorka: Garsoor loo siman yahay ma helaan ama cadaalad sida marka ay timaado isku qabsiga dhulka iyo waxyaalaha kale oo sharciga u baahan. Cabashada saldhigyada booliska si siman loolama dhaqmo iyaga iyo dadka kale. XALKA: Waa in la helaa garsoor loo siman yahay una cadaalad sameeya dadka oo dhan. Booliska waa in uu ula dhaqmaa dadka la haybsooco si xushmad iyo qadarin leh.

d) Dhibaatooyinka ka jira: Siyaasada Puntland oo aysan bilawgiiba ka dhex muuqan, iyagoo aan hogaan midaysan lahayn iyo awoodooda dhaqaale oo hooseeya iyo deeganadooda oo kala fog. XALKA: In ay yeeshaan Hogaan midaysan.

In baahidooda iyo codkooda loo tixgeliyo. In kor loo qaado dhaqaalaha iyo xirfadooda. In kor loo qaado wax barashada

e) Fursado dhaqaale abuurka iyo maalgelin khuseysa xirfadaha iyo farsamooyinka ay ka shaqeeyan dadka lahaybsooco: Dadkani waxay caan ku ahaayeen xirfadaha farsamada gacanta oo ay ka mid ahaayeen: Samaynta hubka oo kala ahaa; waranka, tooreyda, gaashanka, leebka, qaansada iyo buntukha. Soo saaridda maaska oo kala ahaa; jaamuus, maas-cadde, maas-mitir iyo idiin. Nocyada kala duwan ee maaska waxa laga samayn jirey nocyada kabaha ee kala ah; barashuud, sandal, suumanka iyo cagba-cag

f) Caqabadaha ka horyimid: Waxa la wareegey dad lacag haysta oo la yimi wershado casri ah. Cid garab ku siisa farsamadoodu xaq dhaqaale iyo xag talo midna ma helin XALKA: In la helo ilo dhaqaale oo lagu maalgeliyo xirfadohoodi soo jireenka ahaa. In la baro xirfado cusub oo casri ah. In loo sameeyo wershado yar-yar oo ay ku hore mariyaan xirfadohooda kana helaan dhaqaale. In gabdhaha loo helo xirfado ganacsi oo ay ku horumaraan. In loo sameeyo xarumo ay ku qabsadaan shaqooyinkooda

g) Fursadaha shaqooyinka iyo shaqaaleynta: Caqabadaha: Kaqaybgal la’aanta siyaasadda. Xafiisyad dawladda oo ay ku yar yihiin. Maalgalin la’aanta xirfadaha shaqo ay lee yihiin. Ku ceebeenta xirfadaha shaqo. Isdhexgal la’aanta bulshad ay kudhex nool yihiin. XALKA: Dawladda waa in ay soo saarto siyaasad cad oo kusaabsan shaqaalo siinta dadka la heebsooco. In laga qeeb galiyo goloyaasha dalka. In laga qeeb galiyo habka wax qeebsiga dhaqanka. Kor uqaadida hanka shaqo dadka ama bulshada la heebsooco. In lamaal galiyo xirfadaha shaqo. In wacyi galin badan loo sameeyo bulshada iyo maadiba. In kor loo qaado wacyi galinta bulshada si loo helo is dhexgal bulsho. In cilmi baaris dheer laga sameeyo bulshada la heebsooco iyo waxakeenay.

22

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 25: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

Sawir kulanka u Qareemidda Xuquuqda Carruurta Naafada Garowe September 2017

23

Midiga: Guddoomiyaha Daladda Naafada, Difaacaha Xuquqda Aadanaha, Wasiirka Haweenka, W/K Waxbarashada, Madaxa Qaybta Carruurta Unicef iyo G/K Maxkamadda sare, shirka u qareemidda xuquuqda carruurta naafada

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 26: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

24

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

4. Qareemidda Dadka Naafada, Dadka Barakacayaasha iyo QaxootigaXafiisku wuxuu mudnaan siiyaa u qareemidda xuquuqda dadka nugul, gaar ahaan, dadka naafada, barakacayasha iyo qaxootiga. Waxaa xusid mudan in carruurta iyo haweenka, dadka naafada iyo barakacayaasha ay had iyo jeer la kulmaan tacadiyo iyo shaqaaqooyin lagu xadgudbaayo xuquuqahooda asaasiga ah. Xafiisku wuxuu sameeyaa korjoogtayn, kormeero iyo baaris kaamamka barakacayaasha, kaamamka dadka naafada iyo goobaha kale ee markaas cabashooyin laga soo gudbiyo.

Mudada warbixintan 2016/2017 wuxuu xafiisku booqday:

1. Kaamamka Bosaso, Qardho, Garowe iyo Galkacyo.

2. Xarunta soo dhawaynta qaxootiga Yemen ka soo laabtay iyo Kaamka cusub ee qaxootiga Yemeniyiinta ee Bosaso, Garowe iyo Qardho.

3. Kaamka dadka naafada ee Garowe.

4. Iskuulada barakacayaasha iyo naafada ee Garowe.

Xafiisku wuxuu shir u qabtay guddoomiyayaasha kaamamka barakacayaasha iyo qaxootiyada looga wada tashanaayey ka jawaabidda baahiyahooda, hannaanka cabashooyinka, adeegga la talinta sharciga ee xafiiksu bixiyo iyo qaababka loola soo xiriiri karo xafiiska.

Sidoo kale xafiisku wuxuu kulan wacyigelin iyo u qareemid isugu jira u qabtay daneeyayaasha iyo qareemayaasha xuquuqda carruurta naafada. Kulanka oo ka dhacay xarunta dalladda naafada Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasaarado, hay’ado, garsoorka iyo ururada naafada. Waxaa goobta la isku dhaafsaday warbixinnon xaaladda dadka naafada guud ahaan iyo carruurta naafada gaar ahaan. Talooyinka ka soo baxay kulankaas ayaa noqday mid la isku waafaqay in fulintooda ay iska kaashadaan dalladda naafada, wasaaradda haweenka iyo hay’adaha caalamiga.

Page 27: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

25

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

1. Iskaashi iyo Wadashaqayn wax ku ool ah Bahwadaagta Xuquuq-da AadanahaXafiisku isaga oo ka duulaaya ujeedada qorshaha kor ku xusan ayuu mudnaan siiyey sidii hay’adaha bahwadaagta ah ee ka shaqeeya arrimaha xuquuqda aadanaha u yeelan lahaayeen xiriiro, isuduwid mashaariicda, isu soo gudbin kiisaska, talagelin xiliyada la qorsheynayo hawlaha iyo mashaariicda. Inkastoo howshan ay ahayd mid bilaw ah, hadana waxaa jira soo jiidasho fikrada dhammaan hay’adaha shaqo-wadaagga ah ee dawladda, hay’adaha samafalka ee maxaliga iyo kuwa caalamiga ah.

Kulamo Isuduwid, Xog-wadaag Arrimaha Xuquuqda Aadanaha: Wuxuu si gaar ah xafiisku kulamo ula qaatay BAARLAMAANKA, WASAARADDA CADDAALADDA, WASAARADDA HAWEENKA, MAXKAMADAHA, XEER-ILAALINTA GUUD, BOOLISKA, ASLUUBTA, UNICEF, UNDP, UNSOM, SSF, DIAKONIA SWEDEN, SAVE THE CHILDREN.

Kulamo Xogwadaag Tacadiyada iyo Xadgudubyada Xuquuqda Aadahana: Xafiisku wuxuu xubin firfircoon ka yahay kulamada loogu magacdaray (Working Groups)

ee Tacadiyada Haweenka, Xuquuqda Carruurta iyo Bahda Caddaaladda oo intuba agaasimaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Wasaaradda Haweenka.

Waxaa intaas dheer hay’adaha samafalka ee maxaliga ah sida Tadamun iyo mashruuca Maata-Kaal ee hay’adda Muslim Aid ayaa iyana ah jaal dhow oo aanu xog-wadaag nahay, shirarka billaha ah ay qabanqaabiyaanna aanu si joogta ah uga qaybgalnaa. Waxaan si fudud ugu gudbinaa kiisaska caafimaadka, taakulada iyo kuwa haweenka ee u baahan hoy lagu tiiraan bixiyo.

Ugu danbayntii, waxaa qorshaysan in sanadka 2018 xafiisku uu abaabulo kulan bille ah oo Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland guddoominaayo oo looga hadlo arrimaha xuquuqda aadanaha gaar ahaan qorshaynta hawlaha laga qabanaayo, wadaagidda kiisaska tacadiyada iyo ka warhaynta jawaabta la bixinaayo iyo cidda masuuliyadda qaadaysa oo kiisaska gacanta ku haynaysa ama dabagalaysa.

CUTUBKA 6AAD

Natiijada 5aad: Waxaa la bilaabay Iskaashi leh Istiraatii-jiyad Iskaabaysa Waarina Karta oo lagu Horumarinaayo

laguna Ilaalinaayo Dadaalada Xuquuqda Aadanaha

Ujeedada 5aad: In la hagaajiyo isuduwidda iyo iskuxirka hababka looga wada shaqaynaayo ilaalinta xuquuqda

aadanaha iyadoo la yeelanayo wadashaqayn

Page 28: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

26

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

CUTUBKA 7AAD

Natiijada 6aad: Waxaa laga jawaabay Xadgudubyada Abaabulan ee Xuquuqda Aadanaha Deegaanada

Puntland

Ujeedo 6aad: In kor loo qaado Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyadoo loo marayo Baaritaano, Wax ka

Qabasho iyo Kiis-wareejin (Referals)

1. Lambarada wicidda degde-ga ee lacag la’aanta ah ee xdxa (ophrd free hotline numbers)XDXA wuxuu daaha ka rogey 20kii bishii March 2016 wicidda degdega lacag la aanta ah (hotline) ee Puntland kaasoo ay dhibbanayaashu kusoo gudbin karaan cabashooyinkooda ka dhanka xuquuquda aadanaha iyo tacadiyada ka dhaca deegaanka ay ku noolyihiin. Lambarada wicidda degdega (hotline) waxaa laga hawl-

geliyey afarta magaalo waaweyn ee Puntland, waxaana loogu talagalay in goor walba la heli karo. Tirsigoodu waa: Bossaso (321), Qardho (322), Garowe (323) iyo Galkacyo (324)

Muddo lixbilood ay shaqaynaayeen kadib, waxaa hakad galay adeega lamabarada wicidda degdega ah, sabatuna waxaa weeye adeega oo kharashkiisu sareeyo iyo xafiiska oo dhaqaale u waayey. Hada waxaa shaqeeya lambarka 323 oo meel kasta laga soo wici karo.

26

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 29: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

27

2. Qabashada Cabashooyinka iyo u Qareemidda Xuquuqda Dadka Xuquuqdooda lagu TacadiyeyB. CABASHOOYINKA SOOGAARAY XAFIISKA SANADKA 2016

Jadwalka 1aad: Liiska Cabashooyinka Soogaray Xafiiska iyo Gobolada ay kasoogareen

Gobolada Tirada Kiisaska Boqolay ahaan

Gobolka Nugal 65 53.7%

Gobolka Karkaar 27 22.3%

Gobolka Bari 23 19%

Gobolka Mudug 6 5%

Gobolka Sanag 0 0

Gobolka Sool 0 0

Gobolka Cayn 0 0

Gobolka Hayland 0 0

Gobolka Gardafuul 0 0

Wadar 121 100%

Jadwalka 2aad: Qaababka Cabashooyinka ay Xafiiska Kusoogaareen

Qaabka Tirada Boqolay ahaan

Booqasho 77 63.6%

Telefoon 42 34.7%

Email 2 1.7%

Website 0 0

Wadar 121 100%

Jadwalka 3aad: Jinsiga (lab iyo dhedig)

Gobolada Lab Dhedig

Gobolka Nugal 35 31Gobolka Karkar 18 7Gobolka Bari 7 17Gobolka Mudug 3 3Gobolka Sanag 0 0Gobolka Sool 0 0Gobolka gardaful 0 0Gobolka Hayland 0 0Gobolka Cayn 0 0

Wadar 63 (52%) 58 (48%)

27

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 30: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

28

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

adwalka 4aad: Jawaabaha laga bixiyey canbashooyinka dadka

Dacwadaha furan Dacwadaha dhamaaday Wadar

44 dacwadood 77dacwadood 121

Jadwalka 5aad: Garaaf ahaan baa lagu muujiyay

T. CABASHOOYINKA SOOGAARAY XAFIISKA SANADKA 2017

Jadwalka 1aad: Liiska Cabashooyinka Soogaray Xafiiska iyo Gobolada ay ka soo gaareen

Gobolada Tirada Kiisaska Boqolay ahaan

Gobolka Nugal 25 33%

Gobolka Mudug 18 23.6%

Gobolka Karkaar 17 22.2%

Gobolka Bari 9 12%

Gobolka Sanag 4 5.2%

Gobolka Sool 3 4%

Gobolka Cayn 0 0

Gobolka Hayland 0 0

Gobolka Gardafuul 0 0

Wadar 76 100%

Page 31: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

29

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Jadwalka 2aad: Qaababka Cabashooyinka ay Xafiiska Ku soo gaareen

Qaabka Tirada Boqolay ahaan

Booqasho 48 63%

Telefoon 25 33%

Email 3 4%

Website 0 0

Wadar 76 100%

Jadwalka 3aad: Jinsiga (lab iyo dhedig)

Gobolada Lab Dhedig

Gobolka Nugal 8 17Gobolka Mudug 5 13Gobolka Bari 1 8Gobolka Sanag 1 3Gobolka Sool 1 2Gobolka Karkar 5 12Wadar 21(28%) 55 (72%)

Jadwalka 4aad: Jawaabaha laga bixiyey cabashooyinka dadka

Dacwadaha furan Dacwadaha dhamaaday Wadar

9 Dacwadood 67 Dacwadood 76 Dacwadood

Jadwalka 5aad: Jaantus ahaan baa lagu muujiyay

Page 32: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

30

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Waxaa jira cabashooyin ay noosoo gudbiyeen qaybo kamid beelaha dega puntland, iyagoo kacabanaya qaabkay u dhacday doorashadii aqalka hoose ee dowlada federaalka soomaaliya 2016 inay ahayd xaqdaro oo aanay ku qanacsanayn dibna loo eego.

Waxaa jira dacwad ay maxkamadda u gudbiyeen nabadoonada gobolka Bari, cabasha ahaanna ku soo gaartay xafiiska xuquuqda aadanaha. Dacawada iyo cabashada ayaa ku saabsan heshiiska dekeda Bosaso loogu wareejiyey shirkad ajnabi ah. Xafiisku wuxuu dacwada ka waraystay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, wuxuuna u xaqiijiyey in dacwada ay hayaan, nuqul na u gudbiyeen Garyaqaanka Dawladda.

Waxaa kaloo jirta dacwad uu maxkamadda u gudbiyey guddoomiyaha Ururka Udad, cabasha ahaana uu guddoomiyaha nuqul keenay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha. Dacwada iyo cabashada ayaa ku saabsan makiinada lacagta daabacda ee Bosaso iyo sicir bararka iyo qasaaraha dhaqaale ay sababtay. Xafiisku wuxuu dacwada ka waraystay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, wuxuuna u xaqiijiyey in dacwada ay hayaan, nuqulna u gudbiyeen Garyaqaanka Dawladda.

13 ka Octoobar 2017 waxaa Garowe lagu xiray siyaasiyiin, isla habeenimadii 15ka bishu ahayd waxaa loo gudbiyey Xabsiga Bosaso, waa loo diiday qareennada xafiiska difaacaha xuquqda aadanaha inay la kulmaan. 18 ka Octoobar 2017 ayaa xorriyaddooda dib loogu soo celiyey iyadoo aanan maxkamad la horgaynin.

3. Noocyada Cabashooyinka Xafiiska soo gaaraa. Cabasho Hayb-Sooc/Shaqo Musuqmaasuq

(Discrimination & Non Equal Employment Opprtunity)

b. Cabasho Xuquuq Shaqaale Dawlad iyo shirkad (Employee Rights)

c. Cabasho Daahin Garmaqal/caddaalad maxkamad (Delay of Court Hearing and Fair Trial)

d. Cabasho Diidis Magdhow (Denial Blood Compensation)

e. Cabasho Shaqaaqo Guri (Diidmo Biil, Meher iyo Carruur) Gacan-qaad, jirdil, (Domestic Violence/Denial of Conjugal Right)

f. Cabasho Xorriyadda Saxaafadda (Freedom Media/expression) Booliska/Madaxda Dawladda

g. Cabasho Xarig aan sifo sharci loo marin iyo qofkoo meel qarsoon lagu xirto (Arbitrary Arrest and Forced Disappearance) Booliska iyo hay’adaha amniga.

h. Cabasho Xarig Siyaasiyiin aan sharciga waafaqsananyn (Political Arrest/Denial Right to Freedom of Expression )

i. Cabasho Dadweyne Tacaddi Hay’adaha Amniga siiba jirdil (Police and Security agencies Brutality)

j. Cabasho Garaac Carruur khatar gelin noloshooda (Children Corporal Punishment )

k. Cabasho Adeeg caafimaad iyo daryeel dawladda (dadka waayeelka, naafada, haweenka )

l. Cabasho Barakacayaal iyo Qaxooti (Nolosha iyo Deegaanka) (Refugees and IDPs Rights)

m. Cabasho ilaalada madaxda iyo hay’adaha dawladda (Nabadgelyada nafta iyo gellida xarumaha dawladda)

n. Cabasho mas’uuliyiinta dawladda ku takrifal awoodda xafiis (denial of rights & resource distribution, Power Abuse)

o. Cabasho dhibka Dagaalada qabiilka/dilka iyo beegsiga shicibka (Right of life, dignity and Safety)

Page 33: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

31

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

4. Kufsiga: Bixinta Adeeg Sharci Tacadiyada iyo shaqaaqooyinka lagula kaco haweenka ayaa ah kuwa aan weli xal loo helin. Waxaa dhacay kufsiyo foolxun, oo ay ugu darraayeen kuwii ka dhacay Galdogob iyo Bosaso. Waayadan danbe kufsiga ama iskudayga kufsiga waxaa la socday dhaawacyo khatar gelinaya nolosha iyo mustaqbalka gabdhaha la dulmiyey/xadgubey/kufsaday/la isku dayey in la kufsado. Sanadkii 2017 tirada haweenka la kufsaday ee xafiiska soo gaaray waxay ahaayeen 48 kiis, halka shaqaaqooyinka guriga ay ahaayeen 20 kiis.

2017

Gobolka Kufsi Shaqaaqo Xukumay Dacwad Socoto Heshiis

Bari 11 1 9 3Gardafu 1 1Sanaag 3 1 1 1HaylaanKarkaar 9 9 7 2 9Nugaal 15 3 6 6 6Sool 2 2Mudug 7 7 5 5 4CaynTotal 48 20 29 17 22

1. Korjoogtayn iyo Baaris Saldhigyada iyo Xabsiyada

Mudada warbixinta ee 2016/2017 Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha wuxuu booqasho korjoogtayn iyo baaris ku sameeyey xabsiyada waaweyn ee magaalooyinka Bosaso, Qardho, Galkacayo iyo Garowe. Sidoo kale xafiisku wuxuu si usbuucle/bille ah u booqanayey saldhigyada goobaha xafiisku uu ka shaqeeyo oo ah 17 goobood.

Rumaanka/Xukun-sugayaasha 20161

Xabsiga Maxaabiista Guud

Rumaanka

Guud

Rumaan mudo dhaafka

Maxkamadda CQS

Maxkamadda madaniga ah

MCQS MM

Bosaso prison 365 133 62 50 12 90 43Qardho prison 108 35 13Garowe prison 262 50 19 15 4 32 18Galkayo prison 108 45 10 3 7Wadar 843 263

1 Xogtaan waa ilaa Nofember 2016

Waxaa xusid mudan in tirada aan kor ku xusnay ee 68da kiis ay ku egtahay bisha Nofeembar 2017. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland wuxuu soo saaray tirada kufsiga ka dhacay Puntland ee loo soo gudbiyey xeer-ilaaliinta: 2015: 181 kiis, 2016: 123 kiis. Waxaa laga rajaynayaa xafiiska xeer-ilaaliyaha guud inuu soo saaro tacadiyada sanadkan 2017.

Page 34: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

32

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Rumaanka/Xukun-sugayaasha 20172

Xabsiga Maxaabiista Guud

Rumaanka

Guud

Rumaan mudo dhaafka

Maxkamadda CQS

Maxkamadda madaniga ah

MCQS MM

Bosaso prison 408 119 81 38Qardho prison 109 25 2 23Garowe prison 301 76 57 19Galkayo prison 112 70 42 28

Wadar 930 290

2 Xogtaan waxaa xabsiyada laga soo qaaday October, iyo December 2017

Cabashooyinka maxaabiista

Mudaynta garmaqalka oo aad u dheer culeysna ku ah maxaabiista (justice delayed justice denied)

Maxaabiistu waxa ay ka caban romanka ah xariga sharciga aan waafaqsanayn kuna dheeraday.

Maxaabiista qaybtood waxay ka cabanayaan dhanka caafimaadka waxana ku jira kuwo xaaladoodu daran tahay ama aad u liidaato waxaana ka mid ah kuwa burcad-badeednimada ku xukuman.

Maxaabiista badankood waxay ka cabanayeen xukumada lagu riday ama eedaymaha loo haysto, sida xukunka lagu riday iyo eeda loo haysto oo aan isku miisaanayn ama isku dhigmin.

Maxaabiis badan oo rumaanka ah ma ay yaqaaniin waxa ay u xiran yihiin.

Maxaabiista oo ka cabanaya tayada raashinka iyo adeega caafimaadka ee xabsiyada

Xabsiga Gaalkacyo oo warbixintii hore aan ku sheegnay qatarta dhismihiisa ayaa 25ka Maajo 2017 maxaabiistu jabsatay, dayrka horena

roob baa hore u dumiyey. Dagaal maxaabiista iyo ilaalada xabsiga dhexmaray dagaal, markii danbana waxay ilaalada ku guuleysteen inay gacanta ku wada dhigaan maxaabiistii, isla habeenkiina waxaa loo soo wareejiyey Garowe. Dawladda dib bay u hagaajisey meelihii roobka iyo maxaabistu jabiyeen, waxaana maxaabista dib loogu celiyey September 2017.

Talo soo jeedin

1. Xeer-ilaalinta inuu si joogta ah u booqdo xabsiyada iyo saldhigyada isagoo korjoogtaynaya.

2. Maxkamaduhu inay dabagalaan eedaysanyaasha ay u jaraan xabsi ku haynta (xabsi xalaalaynta).

3. In maxaabiista laga hagaajiyo cuntada, loo suurageliyo adeeg caafimaad oo joogta ah.

4. Maxaabiista ay u dhamaato xariga welina lagu leeyahay magdhawga maxkamaddu kku xukuntay waxay u baahan yihiin in maxkamaddu dib u eegto sidii qaanta ay ku bixin lahaayeen.

5. Ilaalinta Xuquuqda SuxufiyiintaSuxufiyiinta Puntland ayaa had iyo goor kala kulma xukuumadda xarig iyo handadaad. Sanadka 2016/2017

Page 35: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

33

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

waxaa saxaafadda iyo suxufiyiintaba lagula kacay falal xarig iyo hanjabaad iyo burburin agab shaqo. Waxaa la xiray sedex suxufi, tiro kalena waa loo hanjabay. Waxaa ugu danbeeyey falkiin foosha xumaa ee suxufiyiinta Bosaso lagu khasbay Gaari Shabaqle ah, muddo afar saacadood ahna ay ku xanibnaayeen, kadibna lagu amray inaysan waxba ka tabin ganacsatada ka gadoodsan heshiiska dekedda Bosaso.

Kalfadhiga 38aad fadhigiisa 14aad ee 2016 waxaa wax laga bedelay, lana ansixiyey xeerka warbaahinta Puntland. Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP wuxuu qabtay shirar iyi aqoon isweydaarsi lagu falanqaynaayo hirgelinta xeerka, dawladda, suxufiyiinta iyo maxkamadda inay ku gartamaan xeerka, sharciguna uu noqdo kan loo siman yahay.

Kulan Xogwadaag iyo La Tashi Booliska: Taliyaha booliska, Hogaanka Danbi baarista iyo hogaanka Isgaarsiinta iyo Saraakiisha Xafiiska Xuquuqda Aadanaha

Page 36: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

34

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

CUTUBKA 8AAD

Natiijada 7aad: waxaa la kordhiyey dhaqangelinta iyo dabakhada mabaadida iyo halbeegyada xuquuqul

aadanaha

Ujeedada 7aad: In loo Qareemo sidii loo Kordhin lahaa Raacidda iyo ku Dhaqmidda Mabaadii’da iyo

Halbeegyada Xuquuqda Aadanaha

1. U Ololeynta Samaynta Siyaasado iyo Xeerar Waa-faqsan Dastuurka iyo Heshi-isyada Caalamiga ee Xuquuq-da AadanahaXafiiska oo wadashaqayn dhow la leh Baarlamaanka iyo Wasaaradaha ay khuseyso ayaa kaalin muuqata ka qaatay sidii loo gaari lahaa natiijada 7aad ee ujeedada xafiiska ee u ololeynta samaynta siyaasado iyo xeerar waafaqsan Dastuurka Puntland iyo heshiisyada caalamiga ee xuquuqda aadanaha. Natiijada dadaaladii la sameeyey ee uu xafiisku qayb ka ahaa waxaa ka soo baxay xeerarka hook u xusan:

a. Xeerka Kufsiga Dawladda Puntland 2016

b. Xeerka Da’yarta Dawladda Puntland 2016

c. Xeerka Qaxootiyada Puntland 2017

d. Xeerka Warbaahinta Puntland 2016

Waxaa intaa dheer siyaasado ay soo saartay wasaaradda haweenka, dallada naafada Puntland oo intuba lagu horumarinaayo, laguna dhowraayo xuquuqda dadka Puntland. Waxaa jira xeerar iyo siyaasado kale oo weli golaha xukuumada ama golaha wakiilaada horyaala oo iyana qayb ka noqon doona dhigaalka xuquuqda aadanaha Puntland.

Waxaa xusid mudan in wasaarado iyo wakaalado qaybtood ay hindise sharciyeed ama siyaasadeed soo bandhigaan iyagoon wax wadatashi ah aan la samaynin xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha, arintaasi waxay ka horimaanaysaa awoodaha difaacaha eek u xusan qodobka 118 faqradiisa 10aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Waxaan rajaynaynaa in xukuumadda iyo golaha garsoorku hubiyaan in hindise siyaasadeed kasta iyo hindise xeereed kasta aan talo bixin ku samayno.

2. Iswaafajinta Xeerarka dalka iyo mabaadi’da xuquuqda aadanaha ee dasturuka Puntland iyo xeer-arka caalamigaWaxaa warbixintii 1aad ee xafiiska 2014/2015 ku xusnay cutubka talobixinta in Xukuumaddu ay u xilsaarto guddi dib-u-eegis xeerarka dalka, lana hindiso xeerar cusub oo lagu suura gelinaayo ku naaloonshaha dadka Puntland xuquuqda aadanaha ee Allah ku manaystay. Sida kor aan ku xusnay xeerarka qabtood waa la sameeyey, sida xeerka kufsiga iyo xeerka caddaaladda carruurta iyo xeerka barakacayaasha. Hase ahaatee weli lama magacaabin guddiga dib-u-eegista xeerarka dalka, waana talaabo muhiim ah oo xukuumaddu ay ka gaabisey, markalena aan xasuusinayno sidii loo fulin lahaa.

Page 37: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

35

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

1. Helidda caddaaladda iyo Garsoor loo siman yahayHelidda caddaaladda iyo garsoor loo siman yahay waa mid ay dadku walaac joogta ah ka muujiyaan, waxayna saamayn ku yeelatay xuquuqda aadanaha ee lagu ilaaliyay Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga.

Markaan dib u eegno Cabashooyinka Xafiiska soo gaaraya ee garsoorka looga cabanayo, sida dib u dhacyada ku imanaya mudaynta iyo dhegaysiga kiisaska/dacwadaha waxay caddayn buuxda u tahay hufnaan la’aanta garsoorka, waxyeelidda sharciga iyo xuquuqda muwaadinka. Tusaale waxaa noogu filan in garsoorku uusan xil iska saarin dadka rumaanka/garsugayaasha ah ee xabsiyada ku jira, tiradooduna ay aad u badantahay (2016 263 rumaan, 2017 290 rumaan 6da Diseembar 2017). Hadaba waxaa xusid mudan in sharcigu meel adag ka istaagay dhowrista xuquuqda eedaysanaha iyo mudada ugu dheer uu garsuge ahaan karo.

Xafiiska isaga oo tixraacaya cabashooyin ka yimi dadweynaha wuxuu kormeer ku sameeyey cabashada dadweynaha ee garsoorka, sida ay hay’adda garsoorka masuuliyad isaga saaran dhawrista cadaaladda, waxaana soo baxday caadsaar iyo la xisaabtan la’aan ka jirta darajooyinka kala duwan ee maxkamadaha iyo xeer-ilaalinta, gudiga garsoorka talaabooyinkii ku haboonaa kama qaadaan shakhsiyaadka dadweynaha ay ka soo cawdaan, marmar waxaa dhacda in la dalacsiiyo,

ama bedel keliya lagu kaaftoomo. Codsiyada racfaanada iyo dib-u-eegista kiisaska/dacwooyinka si sharci iyo xirfad leh loogama jawaabo, waxaa dhacda garsooruhu inuu racfaanlaha ama darafka kale ugu jawaabo anagaa kiiska mudeynayna taasna ay qaadato bilo badan, halkaasna dadku caddaalad kaga quustaan.

Xukuumadda oo faragelin joogta ah ku haysa garsoorka, gaar ahaan kiisaska la xiriira saxaafadda iyo siyaasiyiinta. Caddaynta ugu yar waxaa ah in garsoorka laga codsado xabsi xalaalayn iyadoon xeer ilaalinta aanan danbi soo oogin, garsoorku inuu xabsi xalaalayn sameeyo iyagoon arag eedaysanaha, hadana isla garsoorka uu xabsiga ka sii daayo eedaysanaha isagoon kiis lagu qaadin.

Xafiiska waxaa had iyo jeer soo gaara cabasholoyin Maxkamadda ciidanka qalabka sida iyo danbiyada culus. Dadku waxay ka cawdaan in maxkamaddu aysan fursad u siinin ku soo bandhigtaan cadaymo/marqaatiyaal ay isaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyo. Maxkamaddu kama jawaabto dalabka dib-u-eegista xukunka maxkamadda sare. Xafiisku walaac buu ka qabaa kiisaska la xiriira argagixisada iyo sida loo xukumo, gaar ahaan eedaysanayaasha dilka lagu xukumo oo la dedejiyo fulinta xukunkooda.

Ka sokow XDXA, dadka nugulka ah ama kuwa saboolka ah hay’adaha u qareema waxaa ugu caansan PUNTLAND LEGAL AID CENTRE,

CUTUBKA 9AADNatiijada 8aad: Waxaa loo Kuurgalay Raacidda iyo Ku Dhaqanka Shuruurcda iyo Xeerarka Puntland (Saraynta

Sharciga) (Rule of Law)

Ujeedada 8aad: In kor loo qaado Raacidda iyo ku Dhaqanka Xeerarka iyo Shuruucda Puntland oo loola

jeedo Sareynta Sharciga

Page 38: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

36

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

PSU LEGAL AID CLINIC, PUNTLAND WOMEN LAWYERS ASSOCIATION waxayna ka hawlgalaan Bosaso, Qardho, Garowe iyo Galkacyo.

Caqabadaha Garsoorka Haysta

1. Garsoorka oo aan joogta u helin xuquuqdooda mushahar iyo gunno. Arrintaas waxaan shakhsi ahaan ula kulmay Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda, midna garowsha ugama helin xuquuqda mushahar/gunno ee garsoorka.

2. Garsoorka oo soo wajahdo xaalad amni, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Bosaso iyo Galkacyo. Difaac ku haboon kama helaan dawladda.

3. Garsoorka oo aan helin tababaro iyo aqoon kororsi, taasna saamayn ku yeelatay xirfadda iyo waxqabdka caddaaladda.

4. Faragelin xukuumadda iyo ciidamada dawladda. Faragelintaas oo noqota mid toos ah iyo mid dadban, waxbadanna soo noqnoqotay.

Page 39: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

37

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Caqabadaha Xuquuqda Aadanaha

1. Xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca booliska waxaa inta badan sababa habacsanaan balaaran ee dhanka maamulka, hogaaminta iyo dhiirigelinta booliska, anshaxa marinta, isla xisaabtanka booliska gudihiisa iyo xuquuqda mushaharaadkooda oo aysan helin.

2. Garsoorka oo si joogta ah uga cabanaya inaysan helin aqoon kororsi, ilaalo amaan, mushaaraadka iyo adeegyada shaqo. Waxaa kaloo jira in 2016 la bedelay garsoorayaasha Maxkamadda sare, golaha cusubna ee maxkamadda sare aanay weli shaqada la jaanqaadin ama la qabsanin, taasi waxay keentay hoos u dhac iyo habacsanaan baahsan oo ku dhacay Garsoorka Puntland, garmaqalo racfaanka u badan oo aan la dhagaysan iyo rumaanka oo tirabatay.

3. Xukunka maxkamadaha oo aan la qiyaasi karin waxa loo cuskan doono; Shareecada Islaamka, Xeer Soomaali ama Xeerka wadciga ah (conventional law).

4. Tacadiyada Haweenka iyo carruurta oo ah kuwa had iyo jeer soo noqnoqda, intooda badana lala fakado iyagoon caddaaladda la hor keenin. Kufsiga iyo iskudayga kufsiga ayaa gaaray heerar foolxun, sida in layska duubo, lagu faafiyo baraha bulshada ku wada xiriirto.

5. Wasaaradaha iyo Wakaaladaha u xilsaaran hirgelinta adeegyada bulshada oo aan horumar ka sameynin suura gelinta helitaanka adeegyadda asaasiga, iyo in laga joojiyo wax kasta oo dadka noloshooda iyo ku naaloonshaha xuquuqahooda ka hor imaanaya.

6. Waardiyayaasha hay’adaha dawladda iyo ilaalada mas’uuliyiinta oo dadka u diida gelidda dhismayaasha caamka iyo la kulanka mas’uuliyiinta. Ilaalada mas’uuliyiinta iyo hay’adaha dawladda oo bulshada guud ahaan, gaar ahaan saxaafadda iyo ururada bulshada rayidka ula dhaqma si gurracan. Tusaale ahaan Saldhigyada booliska, Wasaaradaha iyo Baarlamaanka oo intaba ilaaladooda ay xafiiska ka soo gaartay cabasho tacadiyo gacan ka hadal ah oo ay u gaysteen mas’uuliyiin iyo dad rayid ah intaba.

7. Xuquuqda Mushaharka iyo Gunno ee Shaqaalaha dawladda oo ah mid had iyo jeer cabasho ka taagan tahay, gaar ahaan garsoorka, wasaaradaha, wakaaladaha, ciidanka booliska iyo ciidanka daraawiishta qaybtood.

8. Bulashada deegaanada fogfog ee ka leexsan laamiga oo joogto uga cabanaya in aanay helin adeegyada asaasiga iyo horumarka ay mudnaayeen, gaar ahaan Sanaag, Haylaan, Sool iyo Buuhoodle.

CUTUBKA 10AAD

Page 40: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

38

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Talooyinka Ilaalinta iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

1. In booliska ay helaan mushaaraadka iyo xuquuqohooda kale si loo hagaajiyo maamulka, hogaaminta iyo dhiirigelinta booliska, anshax marinta iyo isla xisaabtanka.

2. In garsoorka la siiyo mushaaraadkooda iyo xuquuqahooda aasaasiga ah sida ilaalo amni, agab shaqo iyo in loo fidiyo fursado aqoon kororsi.

3. In guddi loo saaro dib-u-eegis ku sameeya shuruucda iyo xeerarka loo cuskanayo xukunada maxkamadaha iyagoo kala qeexaya sida ay u hawlgalayaan iyo ikhtisaasaadka ay kala leeyihiin si bulshadu go’aanada maxkamadda ay u filan karto.

4. Si looga hortago, loona yareeyo tacadiyada kufsiga iyo shaqaaqooyinka haweenka iyo carruurta waa in maxkamadaha hirgeliyaan xeerarka lagu dhawray xuquuqda haweenka iyo carruurta, sidoo kale booliska iyo xeer-ilaainta waa in kiisaska la xiriira kufsiga iyo shaqaaqooyinka haweenka iyo carrurta baaritaan dhab ku sameeyaan.

5. Wasaaradaha iyo Wakaaladaha u xilsaaran hirgellinta adeegyada bulshada waa in ay yeeshaan hannaan isla xisaabtan, isqiimayn iyo isasixid. Sidoo kale waa in il gaar ah ay ku hayaan arrimaha keeni kara in dadka xuquuqdooda ay waayaan.

6. Waa in hawl-wadeenada wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo ilaalada masuuliyiinta kala duwan la siiyaa wacyigelin iyo tababaro xuquuqda iyo waajibaadka shaqo, iyo in xiriirka dadweynaha la hagaajiyo.

7. In shaqaaluhu ay helaan mushaaharaad, gunnooyin iyo xuquuqaha badbaado si siman, isla markaana loo sameeyo xeer-nidaamiye gaar ah oo tilmaamaya daryeelka iyo badabaadinta shaqaalaha dawladda iyo kuwa gaarkaba.

8. Dawladdu waa in ay si siman u qaybiso adeegyada iyo fursadaha horumarinta ee gobolada iyo degmooyinka Puntland, gaar ahaan deegaanada ka baxsan laamiga ee gaari-waaga.

Allaa Mahad Leh

Page 41: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

39

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 42: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

40

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

Page 43: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya
Page 44: AADANAHA PUNTLAND Xuquuqda Aadanaha ACTIVITIES … · 2018-12-18 · Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha 2016/2017 Annigoo tixraacaya

CABASHOOYINKA IYO WIXII WAR AH WAXAA LAGU SOO AADINAYAA

DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLANDHotline 323

Email: [email protected] [email protected]

[email protected] www.ophrd.org

Garowe, Puntland, Soomaaliya