Transcript

Vol: 5 ——— Tirsiga 1120 Jimce, August 08, 2014 — Shawaal 12, 1435 (H)

Somaliland: Ninkii Labaad Oo Lagu Qabtay Isagoo Isku Qariyay Xijaab Iyo Is Weydiinta Ragan Dhixidhka Xidhan

Qiso Layaab Leh

Oo Ka Dhacday

Gaza: Nin

Yuhuudu Dishay

15-Sanadood Ka

Hor Oo Isagoo

Aan Is Badalin

Xabaasha Loogu

Tagay

B 6

Beesha Sadaam

Xuseen Oo

Maydkiisi Si

Qarsoodi Ah

Meel Kale Ugu

Xabaalay Si

Daish (ISIS) Ay

Uga

Badbaadiyaan

B6

Robinho Oo Ku

Biiray Koox Ka Dhisan Dalkiisa

B7

Ka Akhri Gudaha

Sawir-Gacmeedka Wacyi-Gelinta Cashuuraha [Eeg Bogga 8aad]

Hargeysa, Somaliland, August 08, 2014, (Saxafi) - Ciidamadda Bilayska magaalada Boorama ayaa shalay gacanta ku dhigay Nin ku labisan dharka dumarka .

Ninkan ayaaa ciidamada booliska waxaa u soo sheegtay haweenay la kulantay ka dib markii uu isku dayay inuu sidda haweenka uga adeegto sariimada xaafada Axmed Guray ee

magaalada Boorama, isaga oo xidhan jilbaab iyo niqaam. Taliyaha qaybta Bilayska Ee Gobolka Awdal Cabdi Barkhad

(Eeg Bogga 2aad)

Go’aamo Laga Soo Saaray Is Maandhaafka Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta

Qiimaha: 2,000 Sh. Sl

www.saxafinews.com

Maxay Qabatay Xukuumadda Madaxweyne

Siillaanyo Afartii Sannadood Ee Ay

Talada Haysay

(Eeg Bogga 5aad)

Wargelin Muhiim: Mudaneyaasha Golaha Wakiilada JSL

[Eeg Bogga 4aad]

Buugga Taariikhda

Sheekh Isaxaaq Oo

Soo Baxay

“Xantana waan helay oo baryahanba waa haynay, waana madaxoodii oo waa soo dhamaystirmi doonaan” Taliyaha Qaybta boliska Awdal “Baadhis culus ayay u baahan-tahay arrintani sababta ruuxani isu qariyay ayaana jirta mar walba…” Khabiir amaan

Ninkii Xijaabka isku Qariyay Ee Lagu Qabtay Boorama

Madaxweyne Siilaanyo Oo U Soo Noqday Kulmiyihii Uu Garba Duubay Iyo Muuse Biixi Oo Qiray In Laga Adkaaday Hargeysa, Somaliland, August 8, 2014 (Saxafi)- Labaddii garab ee xisbiga kulmiye isku hayey oo shalay si rasmi ah isku cafiyey, isla markaana ka heshiiyey sidii xukuuumadda iyo xisbigiisu u wada shaqayn lahayeen. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay isku keenay labaddii garab ee isku hayey hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye,kuwaas oo ahaa garab la safan gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo garab wasiiro ah oo uu hogaaminayo madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa sheegay in

(Eeg Bogga 2aad)

Laba Gaadhi Oo Ciidanka Qaranka Lagala Goostay

Laascaanood, Somaliland, August 8,2014 (Saxafi)- Ciidamo ka tirsanaa Somaliland ayaa shalay waaberigii

hore laba gaadhi kala baxsaday ciidanka qaranka Somaliland ee jiidda

(Eeg Bogga 2aad)

Photo File

Hargeysa, Somaliland, August 08,2014 (Saxafi) – Guddi dhexdhexaad ineed oo i su xilqaantay xallinta Khilaafka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa Go’aamo ka soo saaray Khilaafka Gudoomiyaha iyo guddida fulinta ururkaasi. Guddidan oo ka koobnayd shan x u b n o o d o o o d a y a a s h a

(Eeg Bogga 2aad)

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Hawl-Gal Ka Fullisay Jidka Taga Madaarka

Hargeysa, Somaliland, August 8, 2014 (Saxafi)-Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa shalay hawlgal balaadhan oo ay ku hagaajinayso billicdda magaaladda ka bilowday octobar ilaa stare taas oo banaysay jidadkii ay dadku ka hor samaysteen meheradaha. Ololahan nadaafadda iyo baneynta jidadka iskugu jirta waxa hor kacayey maayir ku xigeenka iyo gudoomiyaha

(Eeg Bogga 2aad)

Vol: 5 Tirsiga 1120 – Jimce, August 08, 2014 - Shawaal 12, 1435 (H) 2.

Khayre (Arraweelo,) oo warbaahinta u waramayay ayaa waxa uu sheegay in ay ninkan hada baadhitaan ku hayaan islamarkaana wixii ku kalifay in uu labiskan xidho la ogaan doono, balse hadda aanu jeclayn in uu ka hordhoco baadhista. “Ninkan waad arkaysaan Niqaamka xidhan...wuxuu ku labistay dharkii dumarka oo dhamays tiran oo uu ku jiro niqaamka wejiga lagu qariyo. Baadhistiisiina waa socotaa ilaa immikana sababta u geysay waan ku jiraa…waxaanan leenahay ummada Feejignaadda haddii aad mar kale la kulantaana Booliska ku soo wargeliya isaga iyo wixii la mid ah. Xantana waan helay oo

baryahanba waa haynay, waana m a d a x o o d i i o o w a a s o o dhamaystirmi doonaan. waanan u m a h a d - n a q a y n a a g a b a d h i i fahamtay in aanay waxani gabadh ahayn ee nagu soo wargelisay.” Sidaas ayuu yidhi taliyuhu. Waxa kale oo uu taliye Arraweelo intaasi raaciyay in bulshada ay uga digayaan dhaqan xumada sidan oo kale ah islamarkaasina sharci ahaan, diin ahaan iyo dhaqan ahaanba ay reeban yihiin in dharka dumarka ay ragu isticmaalaan ama ay ku labistaan waxana uu xusay in kiiskani uu yahay mid ku cusub bilayska. Sida uu ku soo waramay wariyaha Saxafi ee Gobolka Awdal Maxamed

Cumar ninkan ayaa intii lagu hayay saldhiga dhexe ee Boorama waxaa la soo qabtay laba dumar ah oo lagu x i d h i i d h i y a y i n a y n i n k a n caawiyeen.iyaddoo la tilmaamay in kuwo kallena la daba jooggo. Maaha markii kowaad ee ciidamada Booliska Somaliland gacanta ku dhigaan nin sidan oo kale xidhan dharka dumarku isku asturaan. Waxaana jirtay nin bilihii aan ka soo gudubnay sidoo kale lagu qabtay magaaladda Hargeysa. Iyadoo sidoo kale meello kala duwan oo dalka ka baxsana laga soo tabiyay dhacdooyin kuwan oo kale ah. Khabiir ku takhasusay arrimaha amaanka oo aanu wax ka weydiinay arrintan iyo sidda ay u dhici karto ayaa tilmaamay in su’aalo badani arrintan oo kale ka dhalanayaan. “Waa dhici kartaa in qof ka shakisan in la aqoonsaddo oo falal argagixiso ku hawlani isku qariyo. Sidoo kale, waa dhici kartaa in falal lagu xumaynayo dhaqanka wanaagsan ee Islaamka, tuugo, haasaawe dhalinyaro, kufsi ama xanuunba keenay. Markaa baadhis culus ayay u baahantahay waxaana kolayba jira sababta ninkani isu qariyay oo jawaab u baahan.” Ayuu yidhi khabiirkaasi.

Somaliland: Ninkii Labaad Oo Lagu Qabtay Isagoo…… Go’aamo Laga Soo Saaray Is……….

saxaafadda ah ayaa sheegtay in Khilaafka labada dhinac oo ka bilaabmay Magacaabista Guddida qabanqaabada Shirweynaha Solja ahaa mid sharcim islamarkaana markii ay dhegaysteen Dooda labada dhinac ay soo saareen 7 Qodob oo xal looga dhigay khilaafka. Qodobada lagu xaliyay khilaafka Hogaanka SOLJA oo uu Akhriyay Xuseen Cali Nuur oo guddoomiye u ahaa guddigan ayaa u dhignaa sidan:- 1. In Eedihii labada dhinac isku jeeiyeen muddadii Khilaafka ka dib aanay waxba ka soo qaadin 2. Gudoomiyaha SOLJA ayaa Sharci u leh Magacaabista Guddida qabanqaabada shirweynaha 5-aad ee Solja; 3. In Ansixinta Guddida Qabanqaabada shirweynaha ay fulintiisa Sharci ahaan u leeyihiin Guddida fulinta.

4. In Wada tashigu yahay mid furan mar walba, balse soo xulista iyo Ansixinta ay kala leeyihiin Gudoomiyaha iyo gudida fulintu; 5. In xubnaha uGuddida fulintu iyagoo isku dhan kala shaqeeyaan guddida Qabanqaabada hawlaha shirweynaha; 6. In Shirweynaha Ururka lagu qabto muddo hal bil ah,maadaama ay mudo dhaaf tahay wakhtigii qabashada shirku 7. In Guddida qabanqaabada Shirweynaha 5-aad ee Solja lagu dhamaystiro muddo 5 cisho ah(Magacaabistooda iyo Ansixintooda) oo ka bilaamaysa Maalinta go’aankan lagu dhawaaqo. Xoghayaha Solja Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo u hadlay guddiga fullinta iyo Gudoomiyaha Solja Xasan Maxamed Yuusuf ayaa labaduba soo dhaweeyay heshiiska Guddida Odayaasha Saxaafadda ee isxilqaantay soo saartay.

waaxda dhulka Xildhibaan Maxamed Warsame Caalim Timacadde, cagta mariyey jidka dheer ee u baxa madaarka Hargeysa . Gudoomiyaha waaxda Dhulka Xi ldhibaan Maxamed Caal im Timacadde, ayaa sheegay in aan cidna loo dhaafeyn, isla markaana goob kasta iyo meel kastaba ay marayaan, isla markaana xusay inuu gaadhsiin doonaan ilaa saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa. “hawlgalkani waxaa kii noo socday ee aanu hore u sheegnay in aanu caasimadda ka bilaabayno, waxaana dadweynaha u sheegayaa in toddobaad kasta xaafad la gali doono, isla markaana aanta ka bilowday wadada is goyska ah ee agtoobar ilaa xaafadda Star ee degmadda Maxamuud Haybe, w a x a a n a d a d w e y n a h a k u wargelinaynaa in hawlgalkaasi socon doonno oo magaaladda bilicdeeddii lagu soo celin doonn”ayuu yidhi xildhibaan Timacadde oo ka hadlayey hawlgalkaasi bilicdda lagu hagaajinayo. Maayir ku xigeenka caasimadda

Hargeysa, Md:Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cagoweyne ayaa isna sheegay inay doonayaan in caasimaddu noqoto mid billicleh, isla markaana ay hawlgalkani noqon d o o n o m i d j o o g t o a h o o t o d d o b a a d k a s t a x a a f a d a h a magaaladdda la banneyn doonno. “maanta waxaanu banaynaynaa wadada tagta madaarka oo jiingadihii wadooyinka soo galay aanu ka burburinaynaa, mana ogolaan d o o n n o i n w a d o o y i n k a hareerahoodda laga hor dhisto jiingaddo qofkii doonaya meel uu ku shaqaysto waa in gurigiisa ka dhex samaysta laakiin ma ogolayn waana duminaynaa jiingadaha wadooyinka hareerahoodda laga dhisayo”ayuu y i d h i m aa y i r ku x i g ee n k a caasimadda Cabdicasiis Cago weyne oo ka hadlayey ololihii kor loogu qaadayo bilicda magaaladda. Si kastaba ha ahaatee, dawladda hoose ayaa baryahan dambe usoo jeesatay baneynta jidadka xidhan iyo kor u qaadista bilicdda magaalada, taas oo ballanqaaday in toddobaad kasta xaafad ay ku waabariisan doonnaa.

labaddii dhinac ee xafiiltanka siyaasadeed ka dhexeeyey ay heshiinayaan, isla markana isku calool xaadhanayaan iyagoo u hogaansamaya heshiishkii golaha Guurtiddu ku xaliyey khilaafka Kulmiye. Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa Sheegay in wakhtigan Xisbiga Kulmiye u baahan yahay dib u h e s h i i s i i n , i s l a m a r k a a n a madaxweynaha iyo golihi isa wasiiraddu kaga badiyeen hawlihii ay isku hayeen, isla markaana ay guushu iyaga raacday. Shirkii golaha wasiiradda ee uu hogaaminayey madaxweynaha ayaa lagu casuumay hogaanka sare ee xisbiga kulmiye Muuse Biixi iyo garabkiisa, kuwaas oo dib u heshiiyey, isla markaana mid waliba ballanqaaday sidii uu xisbiga iyo x u k u u m a d i i s a b a u d i f a a c i lahaayeen. “Farriinta aan Idiin hayaa waa intaa Madaxweynuhu idiin sheegay, Xisbigan waxa soo maray Loolan Siyaasaddeed, waa caadi oo x i s b i y a d u w a y l o o l a m a a n dhexdooda, marka la loolamana waxaa ka dhasha Xajiin, Xanaf baa ka dhalata, waxaa loo baahan yahay inaynu Xisbigii ka saaro Xajiintii,la isla doonto oo Nin waliba dib u heshiisiin galo” ayuu yidhi Muuse Biixi oo madasha ka hadlayey. Waxaanu intaas ku daray “Qoladiina Xukumadda xil gooni ah ayaa idin saaran, Intiinani waxaad ahaydeen intii Madaxweynaha taageeraysay ee aniga iga soo horjeeday, Dee W a a d N a g a A d k a a t e e n , Mahadsanidna namaydaan odhan, waliba waa noo sii cadhoonaysaan Qoladiina xukumaddu…, Waxa la doonayaa inaad Xisbigii doontaan oo isla doonataan oo dib u heshiisiin Xisbiga dhexdiisa ah aynu galno, si Xisbigu halkan uga dhaqaaqo. Intaan idiin hayay waa intaas, Raggii kale sidaas ayaan kaga wakiil ahay, Nin walba waa

Kulmiye, Nin waliba Kulmiye Guushiisa ayuu doonayaa, Xisbigu inuu hagaago ayaa la doonayaa. Qoladiinan Xukumadu Xisbigu wixii uu dhalay idinkaa haya oo Dawladnimadii idinkaa haya, Madaxweynuhuna intiinan ayuu ka doortay Dadka, xilka ugu waynina idinkuu idin saaran yahay sidii aad xisbigii iskula raadsan lahaydeen” . Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale ayaa madaxweynaha ho r t i i sa ka shee gay i nay gudoomiyenimadda xisbiga Kulmiye kula shaqayn doonaan si daacad ah, isla markaana xisbiga kulmiye ka dalbaday inuu ka difaaco eedaha x isb iyada mucaaradka uga imanaya. Cabdicasiis Samaale oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Farxad weyn ayey inoo tahay in muddo ah inay xanafo badan xisbiga yaaleen, laakiin wax kasta oo yaala calool adayg iyo dulqaad baa lagaga gudba waa hubaal in ka badan laba sannadood in xisbigeenna iyo xukuumadaba loolan dumuqraadi ah ka dhex jiray, waxaanu ahaa gudoomiyaha xisbiga oo la isku hayey oo anigu waxaan ka mid ahaa raggii hanka ulahaa inuu

gudomyaha xisbiga isku soo sharaxo, qofkii mudadaasi hankaasi ku soo jiray ayaan ahaa oo madaxweynuhu igu yidhi hankaaga jooji iyadoo culays lahayd ayaan ku aqbal lay waxaan haneeyey hankaygii gudoomiyenimo ee kula tartamayey Muuse Biixi, mar haddii la isku wada tanaasilay oo gudoomiyihii iyo gudoomiye ku xigeenaddii la isku wada tanaasulay waxaanay dani ugu jirt jiritaanka xisbiga, Muuse Biixi haddii ay gudoomiyenimada cid isku hayeen aniga ayaan isku hayey ana waan uga hadhay waana taageerayaa”. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo ayaa isaguna golihiisa wasiiradda ku amray in wixii khilaaf ahaa ee jiray la soo gabogabeeyey, isla markaana maanta laga bilaabo laga heshiiyey sidaas darteed ay isku dhinac u wada shaqeeyaan si xisbiga ula tartami karo xisbiyadda kale. “Waxaa maanta inoo sharaf ah in Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, halkan inala joogo, waxaan jecelahay inaan idiin sheego in Aniga iyo Gudoomiyuhu aanu wada heshiinay, Sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in Xukumad iyo Xisbi ahaanba aynu u wada shaqayno si niyad sami ah. Waxaanu ku wada heshiinay Go’aamadii Guurtidu ka soo saartay Khilaafkii Xisbiga Kulmiye.” Ayuu Madaxweyne Siilaanyo . “Ugu dambeynti i waxaan u baahannahay inaynu Midnimo iyo isku duubni iyo isku tiirsanaan kuwada shaqayno Xisbi ahaan iyo Xukumad ahaanba” ayuu raaciyey hadalkiisa madaxweynuhu. Si kastaba ha ahaatee, cadaadiska iyo loolanka adag ee xisbiyadda m u c a a r a d k u k a h a y a a n xukuumadda ayey xukuumaddu garowsatay inay xisbigooddu ka dhicin karo, isla markaana haddii xisbiga iyo xukuumadiisu kala afkaar yihiin aanu tartan la gali Karin xisbiyada kale,

Madaxweyne Siilaanyo Oo U Soo Noqday………………..

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo….

Laba Gaadhi Oo Ciidanka……………. hore. Kooxdan la baxsatay ciidanka waxa la sheegay inuu hogaaminayey nin ay walalo ahaayeen wasiirkii hore ee Hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsadde oo la yidhaa Yuusuf Doolaal kaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen qaybta 12aad ee ciidanka Qaranka. Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ninkani la goostay saddex baabuur oo kuwo dagaalka ah, haseyeeshee uu gaadhi la gudoomay oo ay halkii kaga tageen balse labaddii kale ay duudda la galeen, waxaanay illo wareedyadda aanu warkaasi ka helnay sheegayaan inay ahaaayeen sodomeeye askari oo ka tirsanaa ciidanka ooh ore loogu

qarameeyay hanaan beelaysan. Haseyeeshee wararku ma sheegin inay ku biirayaan kooxda nabadiidka ah ee khaatumo la baxday iyo in kale, iyadoo sidooo kale inay si kale uga cadhoodeen ciidanka. Dhinaca kale, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo Guriyeynta Axmed Cabdi Xaabsadde oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaladda Jigjiga ee kililka shanaad ayaa shalay la sheegay inuu u kicitimay gobolka Sool. Gaadiidka iyo maleeshiyaadka u kala goosta maamuladda Somaliland iyo Puntland ayaa noqday wax aan aad loola yaabin maadaama aanay ku jirin ciidamada rasmiga ah ee Qaranka.

Vol: 5 Tirsiga 1120 – Jimce, August 08, 2014 - Shawaal 12, 1435 (H) 3.

Nidaamka looga shaqaynayo: Ku buuxi lambarada 1—9 khaanadaha ka dhiman sanduuq kasta, kana ilaali in laba lambar oo isku mid aad geliso layn keliya oo gudub ama dherer ah, ama inta laynka madow ku wada jirta, waana inay marka aad isu geyso tirooyinka ku jira layn kasta (dherer ama gudub) ku soo baxdaa isku mid (45).

Hal-Xidhaale

Jawaabihii Hal-Xidhaalayaashii Hore

Magaca Eebbe aya xunasid mudan, waxa mahad mudan Allah na garansiiyay. Inaanlilaahi wa inaa ilaahi rajucuun, kuli nafsin daaqati mood, waa maalin Khamiisa oo Jimce soo galayo, taariikhdu waafaqsan tahay 12/06/2014, waxanu gurigiisii dhabtaa ku aasnay Xabbalaha Xeedho No# 4338 Marxuun MM KASTAM. Ilaahay isaga iyo itii dhimatayba ha u naxariistee Intii Illaahay iga qadaro, waxan halkan ku soo koobayaa taariikh nololeedkii Maruum MM KASTAM, waxa uu ku dhashay Xafadda Bilaajo-carab la yidhaa ee magaalada Muqdisho sannadku markuu ahaa 1969-kii, isaga oo waxbarashadiisii Dugsi Hoose/Dhexe illaa Sare uu ku dhammaystay isla Muqdisho, halka uu Jamacadiisiina u qaatay Wadanka Masar. Marki i Dawladdi i Soomaal iya burburtay waxa u tagey Dalka Yemen, kadibna waxa uu sagashamaadkii u soo dhaafay oo yimi Somaliland, isaga oo uu mihnadii saxafadeed ka bilaabay Wargaysyadii Hargaysa ka soo bixi jiray sida Codka, markii dambena Jamhuuriya ayuu waqti dheer wax ku soo qori jiray, isaga oo la wax ku qori jiray Wargeysyo badan oo dalka ka soo baxa, sida Ex-Himilo, Sahan, Saxafi Hubaal iyo E-magazine, muddo dabdeedna waxa uu u wareegay TV-gii u horreyayay ee Somaliland oo wuu barmaajiyo farbadan oo xiiso leh uu ka soo day jiray muddo, isaga oo u sii dhaafay

inuu Horn Ca­ble Tv soo sare ka ahaa Barnaamijyada ilaa uu Tafaftiraha ugu sarreeya uu ka noqday, markii danbana La-taliye ayuu u ahaa Mareeya guud Tv-ga Qaranka Somaliland. Intaa waxa dheeraa qorladiisa bugaagta ee kow iyo laba iyo saddex iyo afarba ahaa ee uu ifka kaga tagey oo aan la iloobi karin iyo waliba aqoonyahannadii uu u tababaray Saxafadda oo iyaguna ciidaa ka badan oo nolashooda baal dahaba uu kaga yaalay. Waxaan xasuustaa muddadii aanu wada fadhiisan jirnay waxbarshada innaga oo halkaa wada fadhina ayad digriigaaga aad soo qadan doontaa wanay dhacday Illaahay mahdi ha ka gadhee, waxa uu ahaa nin jecel inuu da’yarta uga faaiideeyo cimigiisa, isagoo wax adduuna ku xidhi jirin. Sidoo kale, Marxuun MM Kastan, waxa uu ahaa nin deeqsi ah oo waxa uu hayo qofka u horreeya siiya, waxa uu ahaa qof haddaanu wax hayn oo aad la kulanto kuu amaah tageya, qof jecel inuu dadka dhibta la qaybsado, isagana hadday dhibi la kulanto aan laga darmayn. Waxan xasuustaa maalin annaga oo wada tagan uu Nin sacad (amin) nala taagnaa oo uu markuu naga tagayay uu yidhi; “Ninkan kastan laba sacadood la tagnanda waa nin akhriya buug noofala (novel), ninka in badan la joogana maxaad u malaynaysaan?.” Maahmaah uu hal-hays u lahaa

waxay ahayeen; 1. Ilmahaga oo aad kalluun bisilsiiso waxa ka fii­can barista sida loo la soo baxo isagoo qaydh 2. Shan-berri Sheekh laguma noqdo 3. Calool dharagsan jirtay oo gaajotay wax weydii, calool gaajootay oo dhargay waxba ha waydiin oo ah nin ku soo koray gaajo waxba ha wadiin ee nin dhrag ku soo koray wax­walna soo arkay waxwayii 4. Ilmahaga caloosha ha u bixin ee madax u buuxi 5. Qofkaad doonayso inaad barto saxiibkii baro hortay find out hare 6. Adduuyadu iska noolow maaha ee waa macno u noolow Marxuun MM Kastan waxa uu ahaa nin cibadada ku fiican, diintana aad u yaqaana, falsafaha calamka soo marayna aad u yaqana, waxkastoo adduunka guudkiisna wax ka yaqaana, nin neceb siyaasadda, jecel wararka adduunka iyo ciyaaraha. Dhinac kasta oo ay noqoto nin aanay kala xiiso go’ayn qofka ay is-bartaan yar iyo waynba oo ixtiraam leh ula dhaqmo. Ugu dembeyn, Marxuun MM Kastan waxa uu ahaa nin jecel Reerkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana ahaa Nin qarbada xidhiidhiya, waxan ku soo koobayaa inuu ahaa nin mucjiso ku ahaa Geeska Afrika oo intii Illaahay garan siiyaa ay garankarto. Illaahay naxiistii janno ha warbiyo isaga iyo ummadda Muslimkaba. Aamiin… Aamiin… Aamiin… Aamiin…

Maxaa Lagu Xasuusan Karaa Malmihii Nolosha Macallin MM KASTAM?

Garyaqaan Cabdiqadir Jiciir, Hargeysa - Somaliland

Weydiimaha Guurka Casrigan Aynnu Joogno!

Weydiimaha ugu badan ee la waydiiyo casrigan aynu joogno gabdhaha markay gayaankood guursadaan ha yeeshee inta badan ka war wareegaan war celintooda waxaa ka mid ah: 1. Odaygaaga Magacii? 2. Oo waa Qoloma? 3. Deegaankoodu waa halkee? 4. Hargeisa haduu daggan yahay,Daantuu ka daggan yahay? 5. Muxuu ka shaqeeyaa? Ma

Haayad? Ma Dawladda? Ma j a a m a c a d ? M a D u g s i ? M a Warbaahiye, ma Shirkad? Miseba iskii buu u shaqaystaa? 6. Ma Dalkuu joogaa mise Dibaduu ka yimi? Haduu dibadda ka yimi dalkuu ka yimi intuuse joogay? 7. Ma Waddaad baa mise dadkiisuu iskaga dhex jiraa? 8. Wax Hantiya ma leeyahay Jaggo, amase Guri? 9. Gaadhi ma leeyahay? Haduu

leeyahay waa noocee? 10. Ma Min wayn,Min yaro, Magmagato, amase meel ma Dayato afartaa tee baad tahay? 11. Reer hore ma leeyahay,haduu leeyahay imisa Caruuruu dhalay ? 12. Hooyadii iyo Aabihii ma noolyihiin? 13. Imisa Hablood buu la walaalo yahay? 14. Da,diisu waa ilaa

W/Q. Faadumo Aadan Buuni

intee? 15. Mushahar intuu u xaadiraa? ( Intuu qaataa) 16. Ma dheer yahay mise wuu gaaban yahay miseba waa dhexdhexaad? 17. Midabkiisu waa Caynkee (Casaan, Maariin, amase Madow)? 18. Jaadka ma cunaa? Noocuuse cunaa? 19. Gabbaati intuu keenay? 20. Maxaad qabsatay Meherkaagii, imisa Garaam oo Dahabaad se qabsatay)? 21. Imisuu yaraduu keenay? 22. Sheekhee ku Meheriyey? 23. Imika inteed u Mehersan tahay? 24. Goormaad wareegaysaa? 25. Hudheelkeed laguugu tumayaa? 26. Arooska ma is Xanbaar baad ka dhiganaysaa mise 7 dii Aroos? Mise waabad iska wareegaysaa? 27. Imisa Fujaan ayaa laguu soo xidhayaa? 28. Is barashadii labada Reerood ma dhacday? 29. Haday dhacday maxaa laguu keenay ? ma Guri bay ka dhacday mise Hudheel?. Waaba sida Sheekadan ku kala dhex dhacday Hooyo Canbaro iyo Hooyo Cibaado bookhasho gaabana iskugu yimi. H o o y o C a n b a r o : A l l a w a a Cibaado,Cibaado soo dhawoow hore u soo dhaaf Guriga Hooyo Cibaado: Mahad sanid Canbaro Hooyo Canbaro: Reerihii ma lagu nabad qabay? Hooyo Cibaado: Haaye maxaad sheegteen Hooyo Canbaro: Nabadiyo Waxaan lagu waarayn! Hooyo Cibaado: Naa maal mahan waan maqnaaye labadaadii Hablood

waa lagaa soo doonay baan maqlee ii waran. H o o y o C a n b a r o : Haayoo saddex bilood baabay kala danbeeyeen Hooyo Cibaado: waa Nimcee, oo yaa kaa soo kala doonay? Hooyo Canbaro: tii waynayd Reer baal Shinbiro tii yaraydna reer baal Digaagg. Hooyo Cibaado: waaban isku soo galnay haye, oo maxay ka kala shaqeeyaan? Hooyo Canbaro: ta wayn Dibadduu ka yimi Hooyo Cibaado: Maansha Allah waan Ogaa inay Meel Roon marto tahay Dibadaabuu ka yimiba waa Nimcee. Dibaduu ka yimi markay maqashay farxad laba muusootay Dibaddu la waynaa. Hooyo Cibaado: Oo heedhe ta yarna muxuu ka Shaqeeyaa? Hooyo Canbaro: waa Aqoon yahan dalka jooga walina shaqo ma helin hadase wuu sugayaa Hooyo Cibaado: Naa anigu Aqoontiisa kumaan waydiisane muxuu Shaqo haystaa? Hooyo Canbaro: yur,naa waa Aqoon yahan baanu ku nidhi shaqadu ma Faral baa? Hooyo Cibaado: oo hadaa Reerkoodu lacag ma leeyihiin? Hooyo Canbaro: oo lacagtooda maxaa ka galay haday haystaan! Hooyo Cibaado: dee mayee inantaaday ku masruufi doonaan Hooyo Canbaro: Naa ma iyagaa inan tayda guursaday?, isagaa guursadee waanuu u shaqaysan reerkiisa?! Islaantii Canbaro inta ay adkaysan kari wayday xanaaq, labadii dhabana casaadeen islaantii cibaado dug kuba tidhi timahana la booday, labada gacmood la isla gal dhulkana la isku rif. Alla kala qabta iyo Shaydaanka naara badatay,labadii islaamood la soo kala gaadh garna looba fadhiisay. Naa kaalay ma Maantay Aqoontii shaqo kaala waynaatay, cajuusad yahay Aqoonta iyo Shaqada tee baa horaysa? Waad arki doontaa i n d h a h a a g o o s h a n a h a d a y hablahaaga jaahiliin kaa soo dooni waayaan, imikana ina kala daa d h a b a r k a a g a n a I t u s , n a a gurigaygana ii dhaaf wuxu waydiimo badanaa ma Wariyaa ayey tidhi islaantii canbaro iyadoo labada dhaban casaadeen xanaaq dartii. Cibaado: Naa waanu kuu dhaafi habar yahay dhamaatay, Albaabkii qabb qabb kaba sii say si uu maagay iyada. Dhammaad. Fadumo Bintu Adan Buuni Email: [email protected] Hargeysa-Somaliland

Vol: 5 Tirsiga 1120 – Jimce, August 08, 2014 - Shawaal 12, 1435 (H) 4.

Hal-Xidhaale Weedheed Hal-xidhaale weedheedkan oo taxane ugu soo baxa Wargeyska Saxafi waxaad jawaabaha oo aad kaga soo dul shaqaysay bogga Wargeyska ku soo hagaajin kartaa Xarunta Wargeyska Saxafi ee magaalada Hargeysa oo ku taal xaafadda Gol-jano, gaar ahaan ka soo horjeedka Hay’adda Progressio, waxaanu dhinaca cad-ceed dhaca ka kulaalayaa ama kaga beegan Fooqyada Maataha loo yaqaan ee Indha Deero. Sidoo kale waxaad ku soo hagaajin kartaa xarumaha uu wargeysku ku leeyahay gobolada dalka Somaliland. Ama jawaabta oo lambaradeeda wadata ku soo dir SMS adigoo ku soo diraya telefoonkan: 4062285 ama 4410173

African Express Airways kala xidhiidh: Gas Travel Agency, Hargeysa/Somaliland, Tel: +252-2-523646, Fax:+252-2-300064; Email: [email protected] ama booqo Website: www.africanexpress.co.ke

African Express Airways OGEYSIIS Maamulka Shirkadda Diyaaradaha ee African Express Airways waxay macaamiishooda ogeysiinayaan Duulimaadyo cusub oo laguugu kordhiyay duulimaadyada African Express Airways laga bilaabo 17-ka May 2012, kaas oo ah sidan:

Sabti Hargeysa—Dubai

Axad Hargeysa—Sharjah Dubai—Hargeysa

Isniin Sharjah—Hargeysa —Mogadishu—Nairobi

Salaasa Hargeysa—Dubai

Arbaca Dubai—Hargeysa—Mogadishu—Nairobi

Khamiis Hargeysa—Dubai

Jimce Dubai—Berbera—Mogadishu—Nairobi

Carwadda Ciidda 2014 Gulaid Hotel

Bisha Ramadadaan (08 July ilaa 01 August) Waxa kuugu Diyaara ah IN KA BADAN 30 Carwo oo kuu soo bandhigaya -DHARKA CIIDDA EE CARUURTA -DHARKA DUMARKA -DHARKA RAGGA -BULUKAATIGII IYO DAHABKII UGU DAMBEEYEY -KABAHA CARUURTA, DUMARKA IYO RAGGA -CIYAARAHA CARUURTA -XARIIRTA KALA JAADKA AH - Iyo Dhamaan Qalabka Elecronic

Waxaad meel keliya ka wada helaysaa dhammaan baahi-da ciidda adiga oo aan is dhibin kuna guda jira cibaadaysigii bisha ramadaan Ganacsiga u baahan inay ka soo qaybgalaan bandhigan waxay la soo xidhiidhi karaan Gulaid Park Fair Grounds – Tel- 0634427343, 0634743959

Shibbane mise Shaqal Marka ugu horreysa ee aad isha ku dhufato cinwaanka maqaalkan waxa aad isweydiin kartaa waxa shibbane iyo shaqal isku cayn iyo bayd gooyey ee loo kala saari la yahay ama laysugu khaldaayo, laakiin inta aanad su’aasha is kuba sii mashquulin ma ogtahay inay jiraan kumannaan soomaali ah oo wax akhriya wax na qora, haddana aan shaqal iyo shibbane kala aqoon. Aqoontooda ay u leeyihiin afkooda hooyana tahay uun Afsoomaaliga waan qoraa waanan akhriyaa. In taa wax dhaafsiisan na aan garanayn xataa shibbanayaasha soomaaliga ah ee labanlaabma iyo kuwa aan labanlaabmin aan kala aqoon, qoraalkoodana aan u adeegsan. Se haddii aad ogtahay dadka caynkaas ah ceebta iyo foolxumada ay afka u geysanayaan miyaanu u baahnayn in laga hadlo oo la dhayo, iyagana wax loo sheego si ay wax ugu qaataan. Waa hubaal inaanu Afsoomaaligu wali sal dhigin una baahan yahay wax badan walina ay ka dhiman yihiin. Tusaale ahaan 1- deganaansho la’aanta adeegsiga. 2- Kala-duwanaanta dhawaaqyada deegaannada. Intaas iyo in ka badan oo jiraana waa caqabad iyo derbi adag oo taagan xalna u baahan. iyada oo sidaa ay tahay oo wax badani qabyo yihiin ayaa haddana intii yarayd ee la dejiyey ama la isla garanayey lagu x a d g u d b a y a a o o a a n laga xushooynayn, wax Afsoomaali u e e g n a l a m a l m a l u u q a y a a . Runtiina garashada shibbanayaashu marka ay labanlaabmaayaan iyo m a r k a a a n a y labanlaabmayn waa halka ay dhibta ugu badani ka taagan tahay una baahan in si fiican loo barto loona dabakho layskana daayo gefka khaladaadka culus keenaaya. Guud ahaan xarfaha soomaaligu waa 26 xaraf, waxaana loo sii kala qaybiyaa laba qaybood oo kala ah S h i b b a n e i y o S h a q a l , shibbanayaasha waxa la yidhaa oo loo yaqaan xarfahan (B, T, J, X, KH, D, R, S, SH, DH, C, G, F, Q, K, L, M, N, W, H, Y.) Shibbanayaashanna qaarkood baa l a b a n l a a b m a h a l k a q a a r n a aanay labanlaabmIn waligoood. Kuwa labanlaabma tiradoodu waa t od do ba x a r a f s i d i i l a ys k u raacay markii afkeenna la qorey waxaanay kala yihiin sida ay u kala horreeyaan: (B, D, R, G, L, M, N). laakiin shibbanayaashaasi mar kasta ma labanlaabmaan ee

marxaladaha qaarkood baa la l a b a n l a a b a a w a a n a m a r k a dhawaaqoodu uu adkaado. Waxa aynu is barbardhigaynaa xarfaha labanlaabma marka ay labanlaabmaan iyo marka aanay labanlaabmin oo macnahooduna kala duwanaado. Tusaale: Carrab haddii aynu fududayno waxa uu noqonaaya carab (nin carbeed), barre (nin bar leh) bare (macallin), sallaan (ka la fuulo) salaan (bariidada), cadaawe (nacab) caddaawe (nin cad), dhammaan (gidigood) dhamaan (cabbaan). Magacyada iskood u labanlaabma waxa ka mid ah kubbad,shibbane, cirro, dubbe, farrin, hurre, higgo, Alle, qoolley, bannaan iwm. Shaqalladuna waa shantii soo hadhay oo kala ah (A, E, I, O, U.) waxaana marka ay dheeryihiin ee dhawaaqooda la jiidaayo lay yidhaa waa shaqal dheer sida (AA, EE, II, OO, UU.) halka marka ay gaaban yihiin na la yidhaa waa shaqal gaaban sida (A,E,I,O,U) Shibnanayaashu sidoodaba waa xarfo aan kelidood loo adeegsan Karin wax qoraal ah marka laga reebo in loo isticmaalo calaamad ahaan, xaraf- tirsi ahaan ama si kale oo keli ah. Laakiin marka aynu ku darno shaqallada ee aynu si hagaagsan wax u qorno markaas baa si macno leh ama la fahmi karo loo akhriyaa, tusaale ahaan magaca Nuur waxa uu ka kooban yahay laba shibbane iyo hal shaqal oo la jiidaayo ama shaqal dheer ah, labada shibbane kelidood haddii cidla la joojiyo lama fahmi karo waa xarfo uun meel la qotomiyey laakiin marka aan ku darno halka shaqal ee dheer ayaan arkaynaa inuu wuxu uu yahay magac qof oo waliba ah lab. Waana sidaa faraqa u dhaxeeya iyo kaalinta mid kastaaba (shibbanaha iyo shaqalku) uu ka ciyaaro hab qoraalka Afkeenna hooyo. Xarfahaa sidaa u fudud ee aan dhibba lahayan ayaad haddana arkaysa dad gefaf aan yarayn ka galaaya oo mararka qaarkood waxa uu u jeedo iyo waxa uu ka jeedo aanad kala saarayn iyada oo ay ugu wacan tahayna ixtiraam la’aanta x e e r a r k a y a r e e q o r a a l k a afsoomaaliga. Maxamed Yuusuf Mataan Email:[email protected] Blog: www.mataan20.wordpress.com

Wargelin Muhiim Ah Waxaa dhammaan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada lagu wargelinayaa in uu Maalinta Sabtida ee ku beegan 09/08/2014 Saacadu markay tahay 9:30 AM (Sagaalka Subaxnimo) ay yimaadaan Xarunta Golaha Wakiilada JSL, iyada oo uu furmi doono Kal-fadhigii caadiga ahaa ee 25aad. Haddaba waxaa mudanayaasha lagu adkaynayaa kuwo dalka jooga iyo kuwa dibadda joogaba ee aan Golaha wax fasax ka haysan in ay soo galaan Shaqadooda wakhtigana dhawraan.

Allaa Mahad Leh Cabdirisaaq Siciid Ayaanle

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL

Gudub 3. Dhiil 5. Degmo ku taal gobolka Hargeysa 6. Sanqadh dadka qaarka marka ay seexdaan sameeyaan 7. Nooc ka mid cuntooyinka fudud 8. Hadhuudh 11. Geed gaab xooluhu cunnaan 13. Murugo 14. Caasimadda dalka Ghana 15. Waddan ku yaal Qaaradda Afrika

Hoos 1. Qadaadiic 2. Kaafir Nebinimo sheegtay 4. Mid ka mid ah Macdanaha 8. Astaan Baarqabku ku garto Hasha riman 9. Malqaacad 10. Mid ka mid ah Qalabka Muusikada 12. Jilaa ka mida kuwa ugu caansan Soomaalida

W/Q. Maxamed Yuusuf Mataan

Vol: 5 Tirsiga 1120 – Jimce, August 08, 2014 - Shawaal 12, 1435 (H) 5.

Maxay Qabatay Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo Afartii Sannadood Ee Ay Talada Haysay

M uddo Afar sanno ah ayaa haatan ka soo wareegtay markii xilka q a r a n k a i y o

hogaamintiisaba ay la wareegeen madaxwaynaha Jamuur i yada Somal i land Mudane , Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ka dib natiijadii ka soo baxday iyo doonistii shacabka reer Somaliland sida dimuqaraadiga ah ay ugu doorteen hogaaminta dalka xisbiga kulmiye kuna badaleen xisbigii talada hore u hayay ee UDUB, waxay ahayd marxalad guul ah sidii nabad-galyada ahayd ee wax waliba ay ku dhamaadeen, in kastoo dalka ay t a a l a y d u r u u f o a d a g i y o goldaloolooyin u baahnaa in deg-deg wax looga qabto, waxaa nasiib wanaag ahayd oo kale sidii shacabka Somaliland ay filayeen kuna doorteen Xukuumaddan, ayaa madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland uu markiiba dhaqaajiyay barnaamuj wax-qabad iyo qorshe hagid siyaasadeed leh oo koobayay baylaha tirka duruufihii yaalay oo dhan. Marka hadaba la eego ama aan dib ugu noqono afartii sanno ee aynu ka soo gudubnay ee xukummadan uu hogaaminaayay Madaxweyne Axmed Maxame d ( S i i l l aa nyo ) x i l ka ummaddana haysay wixii ay qabatay waxay noqotay natiijadii ka soo baxday horumar iyo wax-qabad muddo gaaban qarankan u keenay isbadalo, siyaasadeed dhaqaale, kor u qaadida dhisme hay’ado dawladeed oo sal adag ku taagan, kor u qaadida adeegyada bulshada, abuurida kaabayaal dhaqaale, daryeel tayayen shaqaale iyo darajo ciidan, amniga qaranka, gogol walaalnimo , maamul fidin, abuurida iyo midaynta xooga ummadda iyo Xukuumadda oo dhinaca wax wada qabsiga u dhaqaaqay, soo celinta haybadii dawladeed iyo dejinta siyaasad dibadeed oo leh ujeedooyin iyo hadaf beesha caalamka lagu gaadhsiinayo qadiyada qaranimo ee dadka reer Somaliland ay leeyihiin intaasi oo wax-qabad ah oo raacaya dariiq qeexan iyo hogaamin ay u dejisan tahay halka loo socdo iyo halkii laga yimid ayaa qarankan ka dhigtay dal iyo dad u jihaystay, xaga hormumarka deganaanshiyaha iyo rajo ku dhisan waxa aynu qabsanaa inay jawaab u tahay gaadhida himilada qaranka ee beesha caalamka. Qodobadaasi aynu kor ku soo sheegnay ayaan mid mid u dulmari doonaa waxyaabihii ugu mihiimsanaa ee Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo qabatay oo xaqiiqadii doo rashad i i s i i ay shacabka Somaliland ay u ahayd fursad wax-qabad oo dadkeena iyo dalkeenaba u soo korodhay.

Qaybtii 2aad 6. WAX-SOO-SAARKA BEERAHA IYO DARYEELKA XOOLAHA (LIVESTOCK AND AGRICULTURE) a) Beeraha: Waxaanu ogsoonahay in baahideena cuntadu ay ku tiirsan tahay raashinka dibada inooga yimaada, oo laba dhibaato inoo leh, tan koowaad tayada cuntooyinka inooga yimaada oo aan tayo ahaan wanaagsanayn iyo ta labaad oo ah isku halaynta dadkeena cuntooyinka dibada inooga yimaada oo heerkii fikirka iyo hindihisoogi wax soosaarka gudaha hoos u dhigay. waxaana is waydiin leh baahidaada cuntada oo gacantaada iyo

geyigaaga aan ku xidhnayni sidee ayay ku noqon kartaa mid aad noloshaada ku halayso. Xukumadan oo ah xukumadii horumarka, xilka iyo waajibaadka hogaaminedna uu ku waajibinayo ku hagista ummadda sharciga iyo hidisayaal cusub oo bulshada u dhaqaajin kara xaga horumarka, ayaa xukumadani juhdi wayn ay galisay barnaamij dhiiri galinaya wax soosaarka midhaha dalkeena oo iskugu jira kordhinta intii hore u jirtay tijaabinta iyo beerida midho dalkeena ku cusbaa. sida Bariiska, Timirta, Tufaax iyo Istaroobariga, waxaana ILLAAHAY madahadii ah in xukumadu ay arrintaasi ku guulaysatay. dadkeena beeralayduna ay ku abuurtay arrintaasi in ay samaystaan iskaashatooyin u dhaqaaqay wax soo saarka beeraha, lana yimid niyad saraysa oo u taagan wax soosaarka, waxaa xukumadu iyadoo taasi sii xoojinaysa sanadkii hore miisaaniyada qaranka lagu daray 10 cagaf-cagaf oo kuwa qodaalka ah iyo xabad baldoosar ah iyo gaadiid kale oo culus waxa kale oo la hirgeliyey Labourty lagu baadhayo ciida iyo tayada midhaha. 7. XOOLAHA (LIVESTOCK): Qaran ahaan marka la qiimaynayo lafdhabarka dhaqaalaha reer Somaliland waxaa kaalinta xooluhu ay tahay ta koowaad ee nolosha dadkeenu ay ku tiirsan tahay, siyaasada xukumada Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (silaanyo) waxay fiiro gaar ah ay siisay daryeelka iyo caafimaadka xoolaha waxaana la abuuray Tiimam dhakhaatiir ah oo cusub oo u qaybsan deegaanada kala duwan ee gobolada dalka si joogto ahna ula socda caafimaadka xoolaheena waxaa xukumadu ay shaqaayalaysay dhakhaatiir xoolaha ah si ay kaalin uga qaataan hawlsha xooga leh ee u jihaysan caafimaadka xoolaheena, mudadii ay xukumadani xilka haysay waxaa magaalada Berbara ka suuro galay dhab uga shaqaysiinta maxjarada xoolaha ee ku yaala magaalada berbera waxaa kaloo dadaal wayn ay xukumadu u gashay sidii xoolaheena suuq loogu helilahaa. 8. DHAQAALAHA (ECONOMIC ) Tashiilid, kaabid iyo kobcinta dhaqaale ee dalku waxay ahayd talaabo si cad ugu tilmaanaa barnaamijka xisbiga kulmiye ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (silaanyo) waxaana iyadoo taa laga shidaal qaadanayo, d ib u g i i j i n ta dhaqaa laha

xukumadani ay ku bilowday dejinta qorshe dib u habaysana loogu sameeyey, dhammaan goobaha dakhliga, la dagaalanka musuq maasuqa, tayeyta hawl-fulinta maamulida dekhliga, waxayna ahayd bilowgii ay hawshu ku dhaqaaqday kuna dhalisay isbadalada iyo kor u kaca dekhliga dalka, oo markii ay xukumadani ay timid miisaaniyada sanadluhu ay ahayd $ 47-50 milion halkaas oo lagu soo gaadhsiiyay korodhkii is biirsanaayay ee misaanadihii xukumadihii dawladan ka horeeyay ee ay iska soo dhaxleen muddo dheer. mudadaa afarta sano ah ee xukumadan talada dalka haysay waxay gaadhsiisay $152 milion, guud ahaanba marka lagu daro hayadaha madaxabanaan ee dekhli soo saarka noqonaya $212 milion waxaa kaloo lagu guulaysatay samaynta siyaasada jaangoaynta miisaaniyada qaranka, xisaab xidhka miisaaniyadaha ayaa mudadii xukumadan jirtay oo kaliya xisaab celin loo sameeyay golaha wakiilda, dhinaca kale saddexdii sano ee ugu danbeeyay miisaniyda qaranka waxaa la horgeeyay golaha wakiilada, xiliga uu tilmaamayo dastuurka dalka oo ah bisha Tobonaad sanad walba waana arrin imika ka hor aan dalka ka dhicin, 9. HORUMARINTA SHAQAALAHA Shaqaaluhu waa laf dhabarka socodsiinta iyo howlaha horumarinta ay xukumadu shacabkeeda u hayso kuwa socodsiinaya, xukumadu iyadoo garwaaqsan kaalinta ay shaqaaluhu q a r a n k a u h a y a a n i y o muhiimadoodaba waxay dib u eegis balaadhan ku samaysay dhismaha hay’ada qarankan ugu qaabilsan shaqaalaha dawlada, waxaanay u dejisay siyaasad shaqaalaha, k o r d h i n a y s a , t a y a y n a y s a , daryeelaysa, aqoontooda iyo waayo aragnimo shaqana kor u qadaysa si ay u gutaan masuuliyada shaqo ee ay qarankan u hayaan, markii ay xukumadani ay talada la wareegtay 2010 bishii July shaqaalaha dawalada u shaqeeya waxay ahaayeen tiradoodu 6,867 shaqaale oo ay ku jiraan shaqaale shaqada bilaabay ilaa 1991-1992 Ugu danbayntiina soo gaadhay tiradaasi aan kor ku soo xusnay. Kadib xukumadan uu hogaaminaayo madaxwayne axmed maxamed maxamuus silaanyo madadaasi afarta sanno ah ee uu xilka hayay waxay shaqaalaysay 7,364 oo shaqaale rasmi ah iyo 5,983 oo ah shaqaale aan joogto ahayn gunooyina qaata.

waxaa uu kor u kacaasi intaas leeg ku yimid ka fikirida xukumada ee dhibaatada dhalinyarteena ka haysata shaqo la’aanta taasi oo awoodeena ka xoog roon, hase ahaatee waa dadaal socda si baahiyayahaasi shaqo la’aanta wax looga qabto, waxaa la dalacsiiyay shaqaale ay tiradoodu dhantahay 542 shaqaale ah 130 ka mid ah shaqaalaha dawlada ayaa loo diray waxbarasho dibadeed oo ay ku tageen wado kala duwan 115 ka mid ah waxay soo qaateen shahaadada bachelor ah 15 kalena waxay soo qaateen masters degree, 20 kale oo ka mid ah shaqaalaha dawlada oo waxbarasho dalka Ethiopia u tagay ayaa soo dhamaystay first degree iyo master degree. macadka tobabarka shaqaalada dawlada ayaa aqoon heerkeedu kala duwan yahay siiyay 2,179 oo ah shaqaalaha dawlada, waxaa mudadii xukumadani ay jirtay musharka shaqaalaha la kordhiyay boqolkiiba boqol iyo labatan waxaa dheer korsiimada gunooyinka xilalka oo loo kordhiyay 10,00 oo ciidamada kala duwan ee qaranka, waxaa markii u horaysay ay xukumadu hirgalisay xaqsiinta shaqaalaha qofka dhintay iyo qofka shaqada ka tagay waxaa kaloo la dhaqaajiyay sanduuqa dadka mudada dheer u soo shaqaynayay (Retire) 10. DHALINYARADA: Madaxwayanaha jamuur iyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (silaanyo) siyaasadiisa hogaamineed waxay beertay korisay gacan qabashada dhalinyarada reer Somaliland, marka la eego da’da ay dhalin yarto ay siyaasada kaga qayb qaadan karto oo markii hore ahayd (35 jir) waxaana madaxwayne silaanyo suurto galiyay in dhalin yartu (25 jir) kaga qayb qaadan karaan siyaasada dalka, taasi oo baarlamanka dalku ansixiyay, waxaa kale oo xilal iyo masuuliyado u dhiibay madaxwaynuhu dhalinyar faro badan oo da’dooda oo kale waligood aan lagu eegin in ay xilal qabtaan. waana bilow taariikhdu xusi doonto in dhanyar badani ay noqdeen wasiiro, agaasimayaal,maareeyayaal iyo boosaskale oo muhiim ah. Tani waxay keenaysaa in aynu daboolno gaabkii waynaa ee u dhaxeeyay dadka xilalka haya iyo dhalinyarada, hase ahaatee waxaa ay xukumadani ay cadaysay in ay tahay xukumadii dhalinyarta. macnaha ka danbeeyaana uu yahay in hogaanka qaranka loo abuuro dhalinyaro masuuliyadooda ay

keenayso xilkasnimo iyo mustaqbal hore u socda, in dhalinyaradani hididiilo ay u noqdaan kuwa soo koraya si ay u hiigsadaan. waana barnaamij siyaasadeed oo u jeedada ay xukumadu ay ka leedahay ay tahay in xooga dhalinyarto uu yahay midhihii d iyaar intoodu uu abuuri laha mustaqbal ummaddan wax-tara. waxaana wax lagu faano ah in dhalinyartaasi haysa xilalka culus ee qaranka ay ku guulaysteen iskuna dhigeen kuwo waajibkoodii ka soo baxay, waxaa kale oo siyaasada madaxwayne silaanyo ay barbar istaagtay gacan qabashada ururada dhalinyarada ee dalkeen ka jira, ururada haweenka iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dhinaca siyaasada iyo Dadka laga tirade b a d n a y a h a y b a , w a x a a n a xukumadani sanadihii u danbeeyay ay si joogto ah u qabatay ciyaaraha gobolada ee heer qaran iyo dhismaha garoomo ka mid ah kuwa ay dhalinyaradu ku ciyaaraan. 11. DHISMAHA WADOOYINKA (INFARUCTURE ) Dhismaha wadooyinku waa kaaba yaasha dhaqaale waxanay ka mid yihi in halbowalaha xooj inaya isdhaxgalka bulshad iyo wax iswaydaarsiga ganacsiga oo uu ka abuurmi karro dhaqaale saamayn ku yeesha nolosha ummadda, waana meelaha laga qiyaaso koritaanak bulshooyinka ee dhinaha horumarka dhaqaalaha, waana sida loogu tiriyo kaabe dhaqaale. Madaxweyne Si i l laanyo, iyo s i y a as a d i i s i i wa x qa b a d e e Xukuumadiisa u dejiyay waxaa qayb wayn ku lahaa dhismaha wadooyinka waxaana uu barnaamijkaasi uu ahaa mid abuuray kalsooni iyo midnimo wadaniyadeed oo shacabka iyo Xukuumadoo iskaashanaya ay bilaabeen dhismayaal wadooyin laami ah oo isugu jira heer qaran iyo heer degmo. Waxaana haatan wax dhamaaday iyo wax lawado ah wadooyin faro badan, wadada boorama iyo Dila way dhamaatay, wadada kalabadh iyo wajaalena way dhamaatay, waxaana si xawali ah u socda wadada hargaysa iyo baligubadle, Hargaysa iyo Salaxlay, Dawga-cad, Alaybaday iyo Arabsiyo , Oodwayne iyo Burco iyo dhismaha wadada ugu dheer ee Burco iyo Ceerigaabo, waxaa sidoo kale Xukuumadu ay ku deeqday wada kastaba lacag xoog leh iyo qa labka adeegs iga dhgismaha wadooyinka, wadada u dhaxaysa hargaysa iyo berbera waxaa lagu sameeyay tayactir aad u wayn oo ay bulshadu mahadisay, wadada dila iyo kalabaydh ayaa iyana la qorsheeyay in dhawaan la bilaabo, iyo tayactir lagu sameenayo wadada u dhaxaysa Xamaas ilaa Sheekh Kuwaasi oo loo hayo kharashkii ku baxay. Waxaa kaloo Xukuumadu ay soo iibisay dhamaanba (Mechanisms) loo a d e e g s a n a a y a y d h i s m a h a wadooyinka laamiga ah, waxaana meesha ka baxay fikradii ahayd inaynaan dhisan Karin waddo laami ah, waxaanay muujinaysaa awooda isku-teshigeedu in uu keeni karro horumar, waxaa dalka laga hirgaliyay ilaa 350 waddo oo laami ah oo ay ku j i raan kuwa magaa looy inka guddaheeda iyo kuwa ka baxsanba. La soco qaybo kale …..

Vol: 5 Tirsiga 1120 – Jimce, August 08, 2014 - Shawaal 12, 1435 (H) 6.

Masalooyinka Xiisaha Leh Diyaarintii: Faysal Maxamed Xasan

Beesha Sadaam Xuseen Oo Maydkiisi Si Qarsoodi Ah Meel Kale Ugu Xabaalay Si

Daish (ISIS) Ay Uga Badbaadiyaan

S ida waraysi uu bixiyay suldaanka beesha Bijaat ee uu ka dhashay madaxweynihii hore

ee dalka Ciraaq Sadaam Xuseen Al Tigriiti, uu ku shaaciyay, waxa ehelada iyo beesha uu ka soo jeeday ninkaasi ay dhawaan go’aansadeen in Maydkiisa ay si qarsoodi ah ugala baxaan xabaashii markii Maraykanku del delay lagu aasay, ka dibna ay dib ugu aasteen meel qarsoodi ah oo iyaga mooyee aanay cid kale ogayn. Ninkan suldaanka u ah beesha Sadaam Xuseen ka dhashay ayaa waraysi uu siiyay jariirada Guardian ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, waxa uu ku sheegay in beeshu dareentay cabsi soo waajahday xabaalaha sidaa awgeed ay isla garteen si aan dhibaato u soo gaadhin in ay ku aasaan meel ay iyaga uuni og yihiin. Ninkan odayga ah oo ay jariiradu ka gaabsatay magaciisa inay xusto ayaa isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Beel ahaan waxa aanu dareenay cabsi soo waajahday xabaasha Sadaam Xuseen, ka dibna

waxaanu isla garanay in meel kale aanu ku aasno, oo waxaanu si qarsoodi ah uga saarnay xabaashii hore aanu ugu aasnay, Markii Maraykanka iyo dawlada Ciraaq noo soo gacan galiyeen, ka dib markii la del delay, sideed bilood ka hora ayaanu sidaa samaynay, runtii cabsidii aanu qabnay waxay dhacday d h a w a a n , m a r k i i k o o x o maleeshiyooyin ahi dab qabadsiiyeen qabriga, laakiin wuxuu ahaa meel madhan.” Ayuu yidhi ninkaas Suldaanka ahi. Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Sadaam Xuseen Al Tikriiti, ayaa bishii December ee sanadkii 2006-dii ay del delaad ku fuliyeen, Maraykanka iyo

xukuumada Ciraaq, wakhtigaas oo la sheegay in lagu helay ama loo dilay dilka 148-qof oo sanadkii 1982-dii la sheegay inuu ku dilay koonfurta dalka Ciraaq. Ka dibna waxa lagu aasay guri uu sideetamaadkii qarnigii hore ka dhistay magaaladii uu ku dhashay ee Tikrit, halkaas oo uu hore ugu talo galay inuu noqdo maqaam diini ah oo lagu qabto xuska Mawl i idka dhalashada Nabiga (NNKHA) iyo munaasibadaha diiniga ah, waxaanu ku jiray xabaashaas ka hor intaan laga saarin sida uu suldaankiisu sheegay. Suldaankan ayaa ugu danbayntii sheegay in aanay qoyskiisa hoose iyo tafiirta Sadaam Xuseen aanay ka qayb galin, xabaal ka saarista, taas oo sababo ammaan awgeed u dhacday balse ay siiyeen tilmaanta goobta danbe ee ay ku aaseen, si looga badbaadsho kooxaha xabaalo weerarka ah ee ka dilaacay dalka Ciraaq.

Qiso Layaab Leh Oo Ka Dhacday Gaza: Nin Yuhuudu Dishay 15-Sanadood Ka Hor Oo

Isagoo Aan Is Badalin Xabaasha Loogu Tagay

Q iso aad u layaab badan ayaa ka dhacday gacanka Gaza dhawaan markii duqayntu ku

socotay, waxaanay sheekadani noqotay dhacdada loogu hadal haynta badnaa degaankaas dhibaatada aadaminimo ee aadka u xun Yuhuudu ka gaysatay. Sida inta badan wakaaladaha iyo warbaahinta carabtu ku warameen, nin ka mid ahaa dad Yuhuudu laysay i y a g o o u o l o l a y n a y a madaxbanaaninada dadka Reer Falastiin oo lagu magacaabi jiray, Xasan Suhdi ayaa ciidamada Israel toogasho ku dileen taariikhdu markii ay ahayd, 7/3/2004, waxaana ninkaas lagu aasay xaabaalaha magaalada Qaza oo ah kuwa khaanadaha badan leh ee dadka isku ehelka ah lagu wada aaso. Ninkani wakhtigaa uu dhintay waxa uu ka tagay shan carruur ah oo afar ay hablo yihiin, ka shanaadna wiil yahay, dhamaan carruurtaasi aad bay da’doodu u yarayd oo may suurayn karayn sida aabahood u ekaa, gaar ahaan wiilkiisa oo lagu magacaabo Axmed. Hasa yeeshee dhawaan markii duqayntu ka socotay gacanka Gaza ayaa waxa gantaal diyaaradaha dagaalka ee Israel ku riday xaafada ehelada Shahiid Xasan Suhdi ku

geeriyooday, nin uu adeer u ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Daariq, ninkan ayaa hore ugu dardaarmay in haddii uu dhinto lagu garab aaso adeerkii Shahiid Xasan Suhdi, isaga oo tamaniyay inuu isna u shihiido diintiisa iyo dalkiisa. Waxa qoysku isla gartay in xabaashii adeerkii lagu garab aaso, ka dibna xabaasha oo leh dabool ayaa laga qaaday, waxaana ragii xafaariinta ahaa ay aad uga yaabeen udgoonka xabaasha ka qabsaday, ka dibna waxa ay ku war galiyeen qoyska in gudaha hore loogu sii dhaadhaco, taas oo la isla gartay, in ilaa iilka la gaadho, waxaana markii halkaas la gaadhay la arkay Maydkii shan iyo tobanka sanadood ku jiray oo aad moodo sidii qof mar dhawayd seexday oo kale meesha, waxa uu ahaa mid sidii loo dhigay u yaala, oo aan xitaa ciid iyo wasakh midna taaban iska daa in jidhkiisu is badalee. Waxa markiiba ka bilaabmay xabaasha dhexdeeda takbiir iyo in Rabi Subxaana watacaala lagu xamdiyo, Axmed oo ahaa wiilka kaliya ee ninkaasi ifka kaga tagay, balse aan arag muuqaalka aabihii, waxa kaliya ee uu ku xasuusan jirayna ahayd sawir guriga u yaalay, ayaa deg deg xabaasha ugu soo dhacay oo arkay

aabihii oo sidii Illaahay u abuuray jidhkiisu u wada dhan yahay, waxaanu wiilkaasi farxad darteed la miyir doorsoomay, ka dibna waxa loo qaaday meel laydh leh. Waxa kale oo isna si fiican uga bogtay nin ay saaxiibo ahaayeen oo wakhtiga uu dhintay isagu ku jiray xabsiyada dalka Israel kaas oo aanay u suura galin, inuu aaska saaxiibkiisi ay soo wada barbaareen u joogo, w a x a a n u n i n k a a s o o l a g u magacaabo, Durbi A Shahiid, ayaa sheegay in aanu walaalkii iyo saaxiibkii arag toban sanadood oo dhimashadiisa ka horeeyay iyo shan iyo tobankaa danbe ee uu mootanaa, balse markii uu maalintii dhawayd xabaasha ku arkay uu aad ugu farxay, waxaanu isagoo ilmaynaya yidhi, “Waan arkay walaalkay isagoo shan iyo labaatan sanadood iga yar, oo markii uu dhintay ee uu lix iyo afartan jirka ahaa sidiisi u eg, Alle Ayaan ku mahadinayaa, waxaan qirsanahay in sidii Nabi Maxamed (NNKHA) uu noo sheegay aanu jidhka Shuhadada Aboorku iyo ciidu cunin. Ninkan odayga ah ayaa xaaskiisu sheegtay in uu ahaa qof jecel diinta iyo dadka, u gar gaari jiray dadka dhibaataysan, mar walba ka shaqayn jiray isku soo dhawaynta dadka, e he l k a x i d h i i d h i n j i r ay , k u wanaagsanaa cibaadada, aadna dadku u jeclaayeen. Waxa kale oo ay xustay in markii uu dhimanayay uu dagaalamay ilaa ay naftu ka baxaysay, geeridiisana ay ka maqashay telefishanka, wakhtigaas oo aanu baad iyo biyo toona gurigooda aanay ku haysan, carruurtuna aad u yar yarayd, laakiin ay dhexda xidhatay Riyo faro badan oo bushaaho ahna ay ku aragtay, aadna ay jeclaysatay in wiilkiisa Axmed uu wajigiisa oo run ah arko, Rabina tii u rumeeyay oo uu arkay aabihii oo sidii Alle u abuuray ah ayay tidhi.

Arrimaha Layaabka Dunida

H ad iyo jeer xayawaanadu marka nabar ku dhacay bogsanayo ama jidhkooda meel ka mid ahi

cun cunto, waxa ay ku xoqdaan meelaha ay gaadhi kari waayaan ee jidhkooda geedaha iyo dhagxaanta, hasa yeeshee waa mid aad u yar in aad aragto xayawaanada naasleyda ah kuwooda ugu waaweyn oo ku xoqanaya gaadhi. Laakiin sida ay ku warantay jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda Maroodi ku nool seere ku yaala dalka Koonfurta Afrika, ayaa ku kacay talaabo aad uga yaabisay dadkii ku sugnaa seerahaas, ka dib markii uu Maroodigan isku qaaday gaadhi goobtaas dhex taagnaa, kaas oo ay wateen qoys dalxiisayaal ah. Laakiin xaaladoodu mar kaliya isku badashay qaab aan laga filayn, waxaanu Maroodigaasi markii ugu horaysay ka bilaabay xoqashadiisa inuu dhegaha iyo gacankiisa ku xoqdo gaadhiga, hasa yeeshee mar kaliya ayuu intuu labada lugood ee hore sida fardaha uu dusha uga baxay ka dibna uu afarta lugood intuu dhaafsaday uu ku xoqday sakaarkiisa oo sida muuqata nabar bogsanayay kaga yaalay oo uu cun cun ka dareemayay.

Qoyskii dhex fadhiyay gaadhiga ayaa iyagana xaaladu ku adkaatay, sababtoo ah muu ahayn gaadhiga ay wateen, mid qaadi kara culayska wayn ee Maroodigu dusha ka saaray, wallow ay ka caawin lahaayeen inay u xoqaan, haddana maaha miisaankiisu mid ay qaadi karayaan. In kasta oo aanay qoyskaas soo gaadhin wax dhibaato ahi, haddana waxa si wayn u burburay khafiska sare ee gadhigoodi, waxa kale oo ka jabtay muraayada hore ee gaadhiga, waxaanay xaaladoodu ahayd mid halis ku dhow ka hor intaanay ku guu laysan inay ha lkaas ka dhaqaaqaan iyaga oo bad qaba iyo maroodigii oo isna aan wax dhibaato ahi soo gaadhin. Waxa sawiradan ka qaaday sida ay jariiradu sheegtay wiil arday ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika laguna magacaabo, Armand Groblr (21-jir) ah, wiilkan dhalinyarada ah ayaa isagu seerahaas u joogay cilmi korodhsi uu ugu jiro, dabeecadaha iyo hab dhaqanka xayawaanka kala duwan sida ugaadha iyo dugaaga oo uu daraaseeyo.

Sawirka Maanta

Muuqaalka Nin Falastiini ah oo ku nool Gacanka Gaza oo ku fadhiya,

Kursigii fadhiga Gurigiisa oo ku burburay duqayntii Yuhuuda, ninkan

ayaa gurigiisu gabi ahaanba ku dumay gantaal diyaarad Israel

leedahay ku riday, waxaana ka hadhay kursiga uu ku fadhiyo oo

kaliya, waxa sawirkan ka qaaday wariye ka tirsan wakalada wararka

ee Reuters.

Vol: 5 Tirsiga 1120 – Jimce, August 08, 2014 - Shawaal 12, 1435 (H) 7.

G oo lwadaha naad iga Barcelona, Claudio Bravo ayaa qirtay oo dusha saartay masuuliyadda khaladka gool Napoli

guuldarada ku baday kooxda reer S p a i n h a b e e n i m a d i i Arbacada, laakiin wuxuu xusay in khaladaadka noocan oo kale ahi ay shaqadan kamid yihiin. Khabiirkan xulka qaranka Chile u ciyaara oo ay Barcelona kala soo wareegtay Real Sociedad bishii June, ayaa kooxda ciyaartii koowaad u saftay kulankaas saaxiibtinimo ee Napoli 1-0 ka kaga adkaatay oo ka dhacday magaalada Geneva. Wuxuu ciyaartaas ahaa mid aad u fiican ilaa 10 daqiiqo ka hor

dhamaadkii kulanka uu xidiga Blerim Dzenaili kubad meel fog kaga soo laaday si dhibyar gacmihiisa uga baxday shabaqana ugu gudubtay, taas oo xulka Tababare Rafael Benites u suurto gallisay inay 1-0 guushu ku raacdo. Kubadaas ayaa muujisay in Bravo ay ku adag tahay inuu kula sii xafiiltamo booska goolwadaha koowaad ee Barcelona , ninka isaguna dhawaan ay kooxdu la soo wareegtay ee Marc-Andre ter Stegen, waxaanu Qirtay inuu ahaa qof kaliya ee leh eeda Guuldaradaasi. “Waxaan ku raaxaysanayay ciyaar aad u fiican, taas oo halkii ugu fududayd aan ku bariiqday.” Ayuu ku yidhi majalada AS.

“Goolku wuxuu ku yimid khalad aan sameeyey, runtiina isku buuq iyo degenaan la’aan ah. Kubada waxa laga soo laagay meel fog aniguna waxaan isa siiyey inay gacmahayga ku jirto. “Tani waa sababta goolwadahaba loo yahay, waa inaad barataa sida loola noolaado dhacdooyinka noocan oo kale ah. “Wakhti fiican oon ku tababar qaato ma joogin kooxda, laakiin taasi maaha marmarsiinyo. Ma aha markii koowaad ee ay dhacdo tan oo kale, mana jiro goolwade aan khalad samaynini.” Cadalool.com

“Goolwade kastaa wuu khaldama” Bravo

Djourou Oo Si Rasmiya Ugu Biiray Koox Jarmal Ah

C iyaaryahanka Djourou ayaa ku biiray kooxda Hamburg, ciyaaryahankan oo Arsenal

difaaci uga ciyari jiray, isal markaana ku soo biiray 2003 isaga oo 16-jir ah, una saftay 144-kulan, ayaa waxa uu hadda u wareegay kooxda Hamburg. Hamburg oo amaah kula wareegtay

Ciyaaryahankan, ayaa waxa ay doonaysaa inuu ka caawiyo dhinaca difaaca, waxaana uu amaahda uu ugu wareegay kooxdan uu ku eeg yahay ilaa iyo dhamaadka sannadka dambe Somalilandsports.com

Robinho Oo Ku Biiray Koox Ka Dhisan Dalkiisa

K ooxda Santos ayaa waxa ay xaqiijisay inay amaah kula soo wareegtay Ciyaaryahanka kooxda Milan Robinho.

C i y a a r y a h a n k a r e e r B r a z i l ee Robinho ayaa amaah ahaan ku joogi doono kooxda Santos ilaa iyo

Bisha Lixaad ee Sannadka 2015, Dhinaca kale Ciyaaryahankan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ku biiritaanka uu ku biiray kooxda Santos,

Buugga Taariikhda Sheekh Isaxaaq

Bushaaro.

Dadweynaha reer Somaliland, waxa la ogeysiinayaa inuu soo baxay daabacadii koowaad ee Buugga Taariikhdii Sheekh Isaxaaq, kaas oo uu qoray Qoraaga Cabdirisaaq Caqli, waxaanad ka heli doontaa Dukaanada Waaweyn ee Hargeysa iyo Maktabada Red Sea. Fadlan hore u gaadh yaanu kaa dhamaane

Vol: 5 Tirsiga 1120 – Jimce, August 08, 2014 - Shawaal 12, 1435 (H) 8.

Waxaad kala soo xidhiidhaa xarunta Hargeysa ee Wargeyska Saxafi: Tell: 4411077, 4410173, 4489033, 4413239 ama email: [email protected]

Maamulka Shirkadda Jubba Airways waxay macaamiishooda ogeysiinayaan jawdalka Duulimaadyadeeda toddobaadka oo noqonaya sidan:

Wixii faahfaahin dheeraada kala xidhiidha xafiiska guud ee shirkadda Jubba Airways ee Hargeysa: Tell: 524022 ama 4219999

Salaasa Nairobi Hargeysa Mogadishu Hargeysa Bossaso Hargeysa Jimce Djibouti Hargeysa Nairobi Hargeysa Mogadishu Hargeysa Bossaso Hargeysa Sabti Dubai Hargeysa Jeddah Hargeysa Mogadishu Hargeysa Arbaca Nairobi Hargeysa Dubai Hargeysa

Salaasa Hargeysa - Dubai Hargeysa - Djibouti Jimce Hargeysa Dubai Hargeysa Djibouti Hargeysa Djibouti Sabti Hargeysa Djibouti (F1) Hargeysa Djibouti (F2) Hargeysa Bossaso Hargeysa Djibouti (F3) Hargeysa Mogadishu Hargeysa Nairobi Hargeysa Jeddah Arbaca Hargeysa Bossaso Hargeysa Mogadishu Hargeysa Nairobi