8
ILAYS FEBRUARY 18 2009- Caddadkii 7aad, Tell:-761613 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN OO LAGU DAABACAY MADBACADDA HORYAAL BOSASO GOLIS TELECOM SOMALIA Marketing Dept. LANDLINE FEATURES Halkan waxaan Macaamiisha Sharafta leh ugu soo gudbinaynaa features line-ka shirkada Golis lee yahay. Eeg Bogaga 2aad & 3aad AMINARTS:- SHAYDAAN SAWIRE Shariifka & Sharma’arke: Xal Ma U Helayaan Soomaaliya? FAALLO Zenawi:- Shaki Kama Qabo Madaxweyne Sheekh Shariif EEG BOGGA 2AAD H ayaan aad u dheer ayuu Shiikh Shariif u soo galay hanashada Kur- siga hogaaminta Soomaliya. Waa la hubaa inaan saldhi- gashada Kursigaas mudo ku dhow La- baatan sano EEG BOGGA 3aad Raisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Madaxweynihii Hore C/rashiid Cali Sharma’ Madaxweynah Somalia Sheekh Shariif Sh. Ahmed Dr. Faroole iyo Safarkiisii Boosaaso Madaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009, ilays S hir Jaraa’id ayaa Madaxwey- naha DGPL Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole wax- aa uu ku qabtay 14 Feb 2009 Xarun- ta Madaxtooyada ee Magaaladda Boosaaso. Madaxweynaha ayaa ugu horayntii Saxaafada u sheegay inuu aad u soo dhoweynayo hadala- dii Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed u magacaabay 13 Feb 2009 Dr.Cumar Cabdirashiid Sharmarke Madaxweyne Faroole ayaa shee- gay inuu uga tahniyadayno Ra’iisul Wasaaraha cusub xilka loo doortay. Waxaa kaloo uu Madaxweynaha DGPL intaas ku daray Iin Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ka soo jeedo qoys tariikh ku leh Soomaa- liya. EEG BOGGA 2aad Somaliya: Sun Ma lagu Aasay? ‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’ EEG BOGGA 7AAD EEG BOGGA 4AAD

WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN ...somalitalkradio.com/ilays/7aad.pdfMadaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009,

  • Upload
    others

  • View
    6

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN ...somalitalkradio.com/ilays/7aad.pdfMadaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009,

ILAYSFEBRUARY 18 2009- Caddadkii 7aad, Tell:-761613 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh

ILAYSILAYSWARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN OO LAGU DAABACAY MADBACADDA HORYAAL BOSASO

GOLIS TELECOM SOMALIA Marketing Dept. LANDLINE FEATURES

Halkan waxaan Macaamiisha Sharafta leh ugu soo gudbinaynaa features line-ka shirkada Golis lee yahay. Eeg Bogaga 2aad & 3aad

AMINARTS:- SHAYDAAN SAWIRE

Shariifka & Sharma’arke: Xal Ma U Helayaan Soomaaliya?

FAALLO

Zenawi:- Shaki Kama Qabo Madaxweyne Sheekh Shariif

EEG BOGGA 2AAD

Hayaan aad u dheer ayuu Shiikh

Shariif u soo galay hanashada Kur-siga hogaaminta Soomaliya. Waa la hubaa inaan saldhi-gashada Kursigaas mudo ku dhow La-baatan sano

EEG BOGGA 3aadRaisul Wasaare

Cumar C/rashiid CaliMadaxweynihii Hore

C/rashiid Cali Sharma’Madaxweynah SomaliaSheekh Shariif Sh. Ahmed

Dr. Faroole iyo Safarkiisii BoosaasoMadaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke

Bosaso, 16,feb,2009, ilays

Shir Jaraa’id ayaa Madaxwey-naha DGPL Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole wax-

aa uu ku qabtay 14 Feb 2009 Xarun-ta Madaxtooyada ee Magaaladda Boosaaso. Madaxweynaha ayaa ugu horayntii Saxaafada u sheegay inuu aad u soo dhoweynayo hadala-dii Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed u magacaabay 13 Feb 2009 Dr.Cumar Cabdirashiid Sharmarke

Madaxweyne Faroole ayaa shee-gay inuu uga tahniyadayno Ra’iisul Wasaaraha cusub xilka loo doortay. Waxaa kaloo uu Madaxweynaha DGPL intaas ku daray Iin Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ka soo jeedo qoys tariikh ku leh Soomaa-liya.

EEG BOGGA 2aad

Somaliya: Sun Ma lagu Aasay?‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’

EEG BOGGA 7AAD

EEG BOGGA 4AAD

Page 2: WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN ...somalitalkradio.com/ilays/7aad.pdfMadaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009,

2ARBACA 18 FEBRUARY 2009 ILAYS NEWSPAPER

CallwaitingSi aad line-kaaga ugu samayso adeegan: Fadlan garaac *58#Sidee laysaga xiraa adeegan #58#

Call forwardingSi aad line-kaaga ugu xawishaa Mobile-kaaga Gacanta fadlan raac habkan:�Active :*57*number-kaaga # Deactivete:#57#

Ogaansha waqtigaFadlan garaac: #*32Wakeup timeSidee line-ka guriga ama xafiiska kuu yaal aad ugu buuxsan kartaa waqatiga aad rabto ee aad balanta leedahay:Fadlan garaa *55* iyo saacada aad rabto oo ah habka 24saac

Tusaale: 1300# sidoo kale waxaa loo tirtiraa adeegan #55#

Callback on busySidee kuu soo wici karaa line aad rabtey oo mashquul kaa noqday markale adiga:Fadlan garaac *59# marka line-ka la dhigo ayuu adiga ku soo wacayaa :

Shir jaraa’id oo uu qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Za-naawi ayaa waxaa uu ku xaqiijiyey inuu maamulkiisu si wanaagsan oo aan ka dhici maamulkii ka horeey-ey ula dhaqmi doono maamulka ay hogaaminayaan Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’isul Wasaare cumar C/rashiid Cali

Zanawi ayaa Laba Sano ka hor wax-aa uu u arkayey inay khatar xoog leh kaga soo fafayso wadankiisa Ethiopia xoogagii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ee ka adkaaday Qaqablayaashii Muqdisha. Waxaa uu ahaa ninka u diray Ciidamadiisa inay galaan gudaha Somalia, isla markaana soo burburiyaan

Dr. Faroole iyo Safarkiisii Boosaasokala dhexgalo Maamul Goboleedka Puntland iyo Dawladda Midnimo Qa-ran ee uu hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, horay ayey DGPL uga biya diiday sida loo soo xulay xubnaha Barlamaanka Midnimada Qaran ka mid noqonaya.iyagoo Puntland ku adacootay inaan laga talo gelin xulida xubnaahaas ku fari-isanay kuraasta Puntland.Si kastaba ha ahaate Madaxwey-naha Puntland ayaa amaan u soo jeediyaey Dawladda Jabuuti isagoo sheegay inay door weyn ka ciyaartay sidii la isugu keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed isagoo ka dhawaa-jiyey inuu booqasho ku tegi doon dhowaan wadanka Jabuuti.

Waqtiga uu booqashada ku joogay Madaxweynuhu Magaaladda Xa-runta u ah Ganacsiga Puntland ayaa waxaa uu kulamo kala gooni gooni ah uu la qaatay bulshada noocyadeeda kala duwan. Ururada Bulshada , ga-nacsatada , odayaasha, saxaafadda iyo weliba aqoon yahanada iyo ind-heergaratada. Kulamadaas ayaa waxaa aad loogu gorfeeyey xaalada wadanku marayo iyo sida loogu baa-han yahay in laga dhabeeyo isbe-delkii uu maamulka cusubi ku yimid.Madaxweynuhu waxaa kaloo uu socdaalkiisa ku soo maray goobaha kaabayaasha dhaqaalaha

Bosaso, 16,feb,2009, ilaysShir Jaraa’id ayaa Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole uu ku qabtay 14 Feb 2009 Xarunta Madaxtooyada ee Magaaladda Boosaaso. Madaxwey-naha ayaa ugu horayntii Saxaafada u sheegay inuu aad u soo dhowey-nayo hadaladii Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Madaxweynaha Soomaa-liya Shiikh Shariif Shiikh Axmed u magacaabay 13 Feb 2009 Dr.Cumar Cabdirashiid Sharmarke

Madaxweyne Faroole ayaa shee-gay inuu uga tahniyadayno Ra’iisul Wasaaraha cusub xilka loo doortay. Waxaa kaloo uu Madaxweynaha DGPL intaas ku daray in Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ka soo jeedo qoys tariikh ku leh Soomaaliya. xillgii uu Raisul wasaa-raha iyo Madaxweynaha ka ahaa Lixdamaadkii. Waxaa Madaxwey-naha DGPL carabka ku adkeeyey in mashaariicdii horumarineed ee Aabihii Soomaaliya u qabtay weli raadkoodii ka muuqdaan Berbera ilaa Kismaayo. Waxaa kaloo uu in-taas ku daray inuu wax weyn ka qa-ban doono Dr.Cumar Cabdirashiid arrimaha Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa wax-aa uu meesha ka saaray mugdi la filayey inuu siyaasad ahaan soo

sida dekeda Bosaaso iyo Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, waxaa uu booqday Xabsiga dhexe ee Boo-saaso, Jaamacadda Bariga Africa, xarumaha Gobolka iyo kan degmad-da, Isbataalka Boosaaso iyo weliba isagoo dhagax dhigay ceel Cusub oo biyaha Boosaso siin doona.

Waxyaabaha ka dhashay booqasha-da Madaxweynaha ayaa waxaa ugu mudnaa balanqaadka DGPL iyo ga-nacsatadu kaalinta ay ku yeelanayaa dib u dhiska Isbataalka Magaaladda Boosaaso. Waxaa kaloo aad loogu riyaaqay dayactirka wada qur ah ee laamiga ah,isla markaana dhexmar-ta Boosaaso oo runtii ah mid aad u dayacnayd xilligan.

Mudada kor u dhaaftay labada todobaad ee Madaxweynaha DPL Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Fa-roole ku sugnaa Boosaaso ayaa la oran karaa waxaa uu ku soo afjar-may safarkiisu mid lagu guulaystay iyadoo safarkaasi uu ahaa midkii ugu horeeyey ee Madaxweynaha iyo ku xigeenkisu ku gaalaabixiyaan Boosaaso. Iyadoo Madaxweynaha DGPL iyo waftigiisii ayaa dib ugu no-qday Garowe duhurnimadii Maalintii Iniinta eek u beegnayd 17 Feb2009 isagoo u kiciimay Garowe Caasima-da DGPL.

dagaalyahanadii Maxakamadaha Islaamiga ahaa ee uu hogaamiyaha u ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Intuu socday shirkaas Jaraa’id ayaa saxaadadu waxay ka qod qodeen Ra’iisul Wasaare Meles Zanaawi inuu sheego khasaaraha naf iyo maalba leh ee dalkiisa uga baxay faragelintii uu ku sameeyey Somalia. Waa ka warwareegay isagoo diiday inuu ka faaloodo jabkiisa nafeed iyo dhaqa-ale ee dalkiisa soo gaaray.

Zanaawi waxaa uu daaha ka qaaday inuu dhamaaday faragelintii ciidan ee uu ku sameeyey Gudaha Soomaa-liya. .isagoo intaas ku laray inaan ciidamadiisu dib ugu laaban doonin Somalia. Waxaase uu si hoose u

Zenawi:- Shaki Kama Qabo Madaxweyne Sheekh Shariifsheegay isagoo bidhaaminaya dan-aha gaarka ah ee Ethiopia ka leeda-hay Somalia.inaanay ka horjoogsanayn Ethiopia inay ciidamadeedu ka talaabaan xuduuda iyagoo soo fulinaya hawl-galo lama huraan u ah Ethiopia..

Zanaawi waxaa uu daboolka ka qaa-day in dawladiisu taageerto qabi-ilooyin Somalida ah, kuwaas oo ka soo horjeeda Kooxda Al-shabaab. Waxaa uu hadalkiisa ku daray in beeshii kolkii hore bud-dhigaha u ahayd Al-Shabaab ay iminka ka soo horjeedo. Si darana ula dagaal-amayso. Beeshaas (Cayr) waxay u baahnaan doontaa Taageero. Etiopia diyaar ayey ula tahay.

Mar wax laga weydiiyey Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo uu waqti u arkayey inuu hogaamiyo kooxaha Islaamiyiin-ta ah ee sida weyn dawladda Ethio-pia uga soo horjeeda waxaa uu yiri Meles Zanaawi:-

Intii muda ahba Ethiopia waxa ay la lahayd xiriir Shiikh Shariif.intaas ka dib waxaa uu daba dhigay inaanay Ethiopia haynin wax ogaansha ah oo muujinaya in Shiikh Shariif ka tir-sanaa ururo argagixiso ah. Balse uu ahaa Islaamiiste keliya, taasna Ethi-opia wax dhib ah uma aragto.

IshaWararka:-Wakaaladaha Wararka

GOLIS LANDLINE FEATURES

Ilays Newspaper founder.

Abdi Shakuur Mire Aadan

Managing Editor

Omar said Mohe’d712246

EditorOmar said Mohe’d

Design and LayoutOmar Said Moh’ed

Reporter

Bashiir M.M711613

Zenawi:- Shaki Kama Qabo Madaxweyne Sheekh Shariif

KU SOO HAGAAJIYA FIKARADIHIINA

[email protected]

Page 3: WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN ...somalitalkradio.com/ilays/7aad.pdfMadaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009,

3ARBACA 18 FEBRUARY 2009 ILAYS NEWSPAPER

Sidee E-mail looga dirsan karaa Mobile-kaaga Gacanta � Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale [email protected] [email protected] � dabadeed dir fariinta.NB: dal iyo Dibadba waa isku mid

CALLCONFERENCESidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference �Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac kadib taabo call-comference�hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay

Hayaan aad u dheer ayuu Shiikh Shariif u soo galay hanashada Kur-siga hogaaminta Soomaliya. Waa la hubaa inaan saldhigashada Kur-sigaas mudo ku dhow Labaatan sano ay Soomaalidu hardan dheer ugu jir-tay siday maruun u heli lahaayeen hogaamiya mideeyo oo mar qur ah dib u soo cesha karaamadii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka

Madaxweynaha Midnimada Qa-ran ee lagu doortay Jabuuti waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Gu-doomiyihii Maxkamdaha Islaamiga ahaa, macalin wax ka dhigi jiray dugsiyada Muqdisho, mid ka mid ah. Gudoomiye Maxkamd Sharee-cada wax ku xukunta ee Jawhar ku ooli jiraty, hogaamiyihii duurka ga-lay ee ka dibna isu dhiibay Kenya. Horseedihii Mucaaradkii Dib U Xo-raynta Soomaaliya. Hogaamiyihii heshiiska la galay Dawladii Feder-aalka, kolkii Isbahaysigii laba u kala dhanbalmay. Siyaasi Islaami ah, isla markaana reer galbeedku soo yara dhoweystaan,.ninkii Itoobiya la diri-ray; balse maanta aan sidii hore ugu cadcadeyn dagaalkeeda,.nin ay inta badan ka biya diideen siyaasadiisa kooxaha Jihaad doonka Soomaa-liya oo uu beri madax u ahaan jiray xilligii Maxkamadaha Islaamiga ah. Al-shabaab iyo Xisbul Islaam waa u col dawladiisa Midnimo Qaran. Wax-aa kaloo ka soo horjeeda kooxaha wadaniyadu madax martay iyo wel-iba hogaamiyayaasha qabiilka oo ay ku daaban yihiin qabqablayaashii hore.

Shiikh Shariif inkastoo loo tiriyo nin dadka Soomaalida ah badankoodu la dhacsan yihiin ,haddana waxaa jira dhimbilo dab ah oo hoos ka nool.kuwaas oo gubi kara isu ururinta xaabada lagu midaynayo Somalia

Si loo dhayo damqashooyinka boogi-hii hore ee Soomaalida kala geeyey, waa in la helaa dhaymo caafimaadqabta oo lagu dabiibi karo dhaawaca bukuunka ah. Haduu Barlamaanku doortay Shiikh Shariif ,waxaa uu isaguna Ra’iisul Wasaare u maga-caabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke 13 Feb 2009

Shariifka & Sharmarke: Xal Ma U Helayaan Soomaaliya?

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu hadalkiisa ku sheegay

“Ujeedada aan halkaan isugu nimid waxay tahay magacaabistii Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii aan arag-ney qodobka 44-aad ee Axdiga KMG ah, ee awooda siiniya magacaabi-sta wasiirka Koowaad, markii aan tixraacey heshiiskii Jabuuti oo ahaa in Xukuumad Midnimo Qaran la soo dhiso, markii aan la tashadey Xild-hibaanada, siyaasiinta, odeyaasha wax-garadka, Culimaa’udiinka, Ga-nacsatada, Ururada Bulshada Ray-idka, Haweenka iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxaan u magacaa-bey Wasiirka Koowaad ee Dowlada Midnimada Qaran Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, maanta oo ay taariikhdu tahay 13/02/2009-ka, wasiirka 1-aad waxaa laga rajeynayaa inuu ku shaqeeyo daacadnimo, hufnaan, firfircooniiyo karti, kuna wajaho dhameystirka dibu-heshiisiinta soona dhiso Xuku-umada tayo leh oo u adeegta dadka, dalka iyo Diinta Shacabka Soomaa-liyeed”.

Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo kadib magacaabis-tiisa hadal gaaban ka jeediyey isla-markaana aqbaley magacaabista xilka loo dhiibey ayaa wuxuu yiri “waxaan dareensanahay xilka la ii magacaabey culeyka uu leeyahay iyo marxalada uu dalka marayo, wax-aana na horyaala hawlo fara badan, waxaase jira fursado abuuraya yidi-diilo, waxaana loo baahan yahay in laga gudbo caqabadaha jira”. 14 Feb 2009 ayaa Barlamaanka Soomaaliya waxaa uu aqlabiyad ku ansixiyey magacaabistii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. Intaas ka dib ayaa wax-aa la odoasi karaa hawsha culus ee hortaal labadan hogaamiye ee ka midka ah dhalanyaradii dhalatay xoriyadii Soomaaliya ka dib. Ma sha-lana arrimaha dhicanyada badan ee xalintooda laga sugayo. Waxaa soo baxaya su’aalo dhowr ah oo ku wa-jahan sida loo furdaamin karo is di-idanaanta siyaasadeed ee kooxaha kala aragtida ah ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Isku dayo badan ayaa la sameeyey xilligii burburka qaranimadii Soomaa-liya, marwalbana waa lagu guul daraystay sidii loo soo celin lahaa dawlad Soomaaliyeed oo isu keenta qarankaas kala tegay. Hadaba xal ma u helayaan Madaxweyne Shiikh Shariif oo ka soo jeeda kooxaha Is-laamiyiinta oo iyaga qudhooda qaybo ka mid ahi siyaasad ahaan diidan yihiin Shariifka iyo Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo siyaasad ahaan u janjeera dhi-naca reer galbeedka, ahna siyaasi cilmaani ah (scholar).

Marka la isku dardaro niyad samid hogaanka cusub ee Soomaaliya yee-latay, waxaa la qabaa yiidiilo ka wa-naagsan sanadihii la soo dhaafay ee Soomaaliya ku soo dhexjirtay dhibaa-tooyinka dhinacyadda badan lahaa.

FAALLO

TAARIIKH NOLOLEEDKII RA’ISUL WASAARE CUMAR

Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali sharma’arke Da’diisu waa 49 jir, waxaana dhalay Alle Ha u Naxariist-ee Madaxweynihii Hore ee somalia C/rashiid Cali sharma’arke.

Mr sharma’arke waa Aqoonyahan ku takhakhusay Culuumta siyaasa-da iyo dhaqaalaha, waxaana uu ka qalin jebiyay Jaamacada Carlton University ee Magaalada Ottawa ee dalka Canada. Sanadkii 1984 ayuu ka qalan jebiyay Jaamacadii Umada ee Muqdisho, waxaana uu ka qaatay Shahaado cilmiga dhaqaalaha.

Sharma’arke waxaa uu ka soo shaqeeyay Wadamada Suudan iyo Sierra-leone isagoo u shaqeeynayay Qaramada Midoobay, Sanadihii 2000 ilaa 2007, ka dib intuusan Hakad gelin markii ay soo weerareen Ko-oxaha kacdoonka ka wada Darfur oo dhaawac u gaystay.

Ra’isul Wasaare Sharma’arke waxaa kaloo uu ka soo shaqeeeyay Bangigii Horumarinta ee somalia iyo shirkadii coca-cola oo uu ka ahaa xubin iyo la taliye,

Mr Sharma’arke:- Waan La Hadlayaa Ururka Al-Shabaab

Ra’isalwasaaraha dawlada KMG ah ee Somaliya Cumar Cabdi-rashiid Cali Sharma’arke ayaa wareysi uu wadajir ugu siiyey wakaalada wararka Reuters wuxuu kaga had-ley arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin qaabka ay noqon doonto dal-wada cusub ee lagu wado in uu soo dhiso, in dawlada ay ka qayb noqon doonaan xoogaga ka soo horjeeda ee Al-Shabaab, hanjabaadii ka soo yeertey kooxda Al-Qaacida, falalka burcad badeeda, dadka ka qaxay deegaanadoodii, isbadalka dastu-urka iyo nidaamka asxaabta badan, arinta Somaliland iyo arimo kale.

Ra’isalwasaare Cumar, waxaa uu sheegay in xukumadiisu ay Mud-naanta Kowaad siin doonto Amaan-ka, Arimaha siyaasada iyo dib-u- Heshiisiinta Dalka

Mar la waydiiyay Ra’isalwasaare Cumar Qaabka uu wajahayo Urur-ka Al-shabaab, waxaa uu yiri “Ma doonayno colaad, waxaana kuwa kale ugu baaqaynaa xaqiiqdii inay bilaabaan wadahadal, waxaan ku dhameyn karnaa waxa inaga dhax-eeya wadahadal, waxaan u baaha-nahay inaan ogaano muxuu yahay khilaafka iyo muranka AL-Shabaab ay maanta ku dagaalamayaan, khi-laaf caynkee ah ayay u adeegsan karaan inay ku diidaan Madaxwey-naha ama aniga, sidaasi darteed waxaan filayaa inaanay jirin wax kukeeni kara inay dagaalamaan maan-ta, waxaana ugu baaqaynaa xaqiiq-dii iyaga, inay eegaan halka uu ku dambeeyey wadanka 18-kii sano ee ugu dambeeyey, xaqiiqdii waxaan isku dayaynaa inaan la fariisano oo aan la hadalno iyaga (Al-Shabaab), ka dawlad ahaan ma doonayo inaan abaabulno ama ka fakarno dagaal, waxaan isku dayaynaa inaan u yeer-no oo aan casuuno cid kasta, koox kasta oo siyaasadeed, qof kasta oo banaanka ka jooga qorshahan, ee rajeynaya in la wadahadlo, rajey-naya in loo dhaqaaqo dariiq kasta, waxaana isku dayi doonaa inaan abuuro oo aan ka dhigo dawladan mid loo dhan yahay sida ugu mac-quulsan”

Isha Waraysiga:-SBC/Reaters

GOLIS LANDLINE FEATURES

Page 4: WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN ...somalitalkradio.com/ilays/7aad.pdfMadaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009,

ARBACA 18 FEBRUARY 2009 ILAYS NEWSPAPER 4

Soomaaliyeey: Ha Quusan ! Ha Quuran!.W.Q.Cabdiraxman M.Cabdullahi (Baadiyow

Waxaan muddo dheer ku soo jirnay sheekooyin khiyaali ah iyo mashariic laga leeyahay meelo Soomaaliya ka baxsan oo wada hoorsaday fashil iyo qarab-jab, hadana dadkeyni welli wax badan oo waayo aragnimo ah kama baran oo fikirkii iyo ficilkii wellihalkisi. Waxaan noqonay goobtii lagu fuliyay dagaalkii qaboobaa (cold war) aya oo qarankeynu curdanka yahay, waxaan noqonay goobtii dagaalka sokeeye ee dawladnimadeynna lagu dumiyay, waxaan noqonay goobtii dagaalka loogu magic daray “ la da-gaalnka argagixisada”, waxaan no-qonay goobtii dagaalka goboleedka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eriteriya. In kasta oo eedda inteeda badan la saari karo hogaanka siyaasadeed ee qaranka, hadana, waxaa la dhihi karaa waa cudur Somaali caam no-qday, waa balaayo oodda laga qaa-day oo fiday, waa fitno meelo badanku luga fidsatay oo ku neefsatay.Waxaa aan ka dambi yareen madax-da siyaasadeed aqoonyahaanada la shaqeynayay maxadda oo runta u sheegi waayay, u fasiri waayay dhibaatadooda, la kala saftay reera-hooda, ka qeybgalay dagaaladooda, kuwa ka qaxay oo afka xirtay, kuwa niyad-jabka la jiifa guryahooda. Wax-aa nasiib daro noqotay in mar

kasta la arko aqoonyahaan hoos or-daya jabhadaha iyo kuwa dagaalada hurinaya,kuna mashquulsan danyar oo gaar ah, tii qaranka iyo tii uu wax u-bartayna iska iloobaya oo caqligi-isu noqday sida ruux aan weligii dug-siba la geyn oo qaran iyo qabiilkiisa aan kala garaneyn.

Haddi ummadu qaran-jabto sida So-maaliya oo kale, oo xaalkeydu gaaro iney noqoto hilib meel banan ah waran oo haadka iyo habaar-dugaag micid-da iyo cidiyaha ku qaadayaan, wax-aa loo baahanyahay, aqoonyahaano aan niyad-jebin, wax-garad guulda-rada diidda, dhallinyaro fir-fircoon,naado cusub oo maarada uhaatiya oo hogaan leh, mabd’a leh, qorsho leh, mashruuc qaran ah. Waxaa loo baahanyahay fikir qaran-dhis ah iyoficil abaabulan oo baraarujin iyo hawltusaalayn hor keeni kara ummada quusatiinada joogta, si rajadu usoo noqoto. Waxaa loo baahanyahay waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid bulsho oo isku xiran oo aan sald-hig iyo asaas ka dhigan reernimada, dagaal lagu guuldarestana aan la ge-lin jiritaaka reeraha. Waxaa loo baah-anyahay in niyad-jabka laga xuroobo, oo loo arako dhib kasta inuu yahay imtixaan xagga Ilaahey, fursad

wax laga baran karo, waxna lagu be-delli karo. Waa in la ogaadoin um-maduhu dhib iyo dagaalo soo wada mareen, laakiin ay ka gudbeen. Sidaas taariikhda aadamiga ayaa na bareysa, cumriga ummadahana lagu-ma qiyaaso sanado yar, lagamana waayo waqtiyo dagaallo iyo dhibaato dhabar-jebis ah. Laakiin waxaa la rabaa inaan la niyad–jebin, inaan la rajo beellin, inaan la quusan oo la xassusto ayadaha Qur’aanka kari-imka ah ee timlaamaya in maalmaha dadka loo kala bedelayo (wa tilkal ay-aama nudaawiluha beyna al-naas”, in culeys iyo dhibaato kasta uu ka dambeeyo fudeed iyo dhibyaro “innna bacdal cusri yusran” iyo inaan laga quusan naxariista Ilaahey “laa taqniduu min raxmati Laah”.

Gunaadkii, xalka dhibatada Somaa-liyeed hal mar lama gaarayo oo mud-do dheer wixii la duminayay, muddo dheer oo dhismo ah ayuu u baah-anyahay. Waa dib-ushis ummadeed waa fac cusub oo hana qaada, waa fikirkii wax-burburinta oo bedelma,waa tawfiiq xagga Ilaahey oo timaa-da. Waddada sax aha waxey ka bi-laabata in loo jeesto dhanka qiblada dawladnimada, niyad saafi ah lala yimaado, Somaali ka tashato da

naheedasi isqancis iyo isku grawsho leh. Ballankeynu ka ahaado inaan calaacalka iyo oohinta joojino oo aan nabadda ka shaqeyno, dagaaladdana diidno. Balankeyno ha ahaado inaan xarigga diintenna wada qabsanno oo aanan ukala qeybsamin isna col-laadin. Balakeynu ha ahaado inaan la niyad-jabin oo adkeysi iyo dulqaad badan loo yeesho dhibaatooyinka. Balakeynu ha ahaado inaan toos-naan mabd’a iyo ficil amaabulan lanimaado. Balankeenu ha ahaado meel kasta oo aad joognaba, hawl qabad, niyad sami, rajo iyo hanuun-sanaan. Ugu dambeyntii, balakeynu ha ahaado inaan nafteynna eedeyno (self criticism) oo inta ficil sax ah lanimaado, Ilaaheyna si buuxda u tala saarano, asiga oo kaliyah ayaa yu-waada inuu xaalkeyna wax ka bede-lo, wixii kheyr ahna na waafajiyo.

Ilaahow na waafaji toobta toosan, baarkeynana burcad isku mari. Ilaa-how waxaan nahay addooman tooba keen ah ee colaadaha nabad noogu bedel, dawlad cadaalad sameysa, dadkeynna isku keenta oo diintaada koryeeshana noo sahal. Aamiin

Dhamaad

AMINARTS:- SHAYDAAN SAWIREAmin Camir Oo ay Cabsi Weyni Soo Foodsaartay

Madaxweynaha DGPL, C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shir jaraa’id oo uu Boosaaso ku qabtay Feb 14, 2009 waxa uu si kulul uga hadlay sawir gacmeed uu dhawaan sa-meeyey Amiin Caamir. Sawir Gacmeedkaas oo uu Amiin Caamir ku muujiyey wax u eg war-shad lacag soo qufeysa oo uu si muuqata ugu dul qoray “Warshada lacagta ee Faroole”. Waxaana ku sawiran sawir qof gashan ama xi-ran dhar madduul leh oo dhahaya, sida qoraalku muujinayo, “Puntland Dhaqaale Xumo ayaa ka jirta ee La-cag la’aani kama jirto”Dr. Faroole oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Hawshii naloo xilsaaray (markii aqlabiyad nalaku doortay) iyo ballaan qaadkii aannu samaynay, barnaamijkii dawladda waxaa ka mid ahaa inayan dhici karin marna waxaan dadka maslaxadiisa ahayn in aan laga shaqayn, waxaan xagga dhaqaalaha wax weyn ka sheegnay, inaannu la diri doono sicir bararka, lacago aan la daabaci doonin, cid soo daabacdana aanaan ogolaan dooni in ay dalka ku daabacaan ama dibadda ay ka keenaan.”

Waxana uu intaas ku daray “Da-caayado raqiis ah oo dad hadba qof inta dhawr doolar u tuuro jaraa’id wax ku qorqora ama websiteyo wax ku qorqora, ama sawiro ayaa da-caayad (borobagaando) raqiis ah meelahaas furaya ay ka mid tahay ninkan Amiin Caamir la yiraahdo oo halkaan aad hadda sawirkiisa ku ar-keysaan.”Dr. Faroole oo hadalkisii sii watey waxa uu yiri “idinka ama cid kale ha ahaatee waa ogolahay in wixii jira oo aduunka ka jira la baahiyo oo dadka la gaarsiiyo, laakiin been abuur u dul qaadan meyno ama dibad hal-aga sameeyo ama gudaha halaga sameeyee. Waa dacweyneynaa, Garyaqaanno ayaanu qabsaney-naa, kana hari mayno waxyaabaha dacaayadda ah ee lagu burburinayo horumarka dalka iyo nabad galyada iyo siyaasadda, ama Soomaaliya oo dhan ha ahaato ama dawlad Gobo-leedka Puntland.”C/raxamaan Faroole waxa uu markaas weriyaasha u sheegay in wasiir ku xigeenka WarfaafintaDGPL ay weriyaashu arrintaas si wanaagsan uga waraystaan.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta, C/shakuur Mire Aaden ayaa u shegay warbaahinta in dacwadda ay Punt-land la tiigsaneyso Amiin Caamir ay bilaabanayso Waqti dhow.

C/shakuur Mire Aadan waxaa uu shirka Jaraa’id ku bayaamiyay khaladaad iyo been-abuur ay sax-aafadda qaarkeed samayso. Waad u jeedaan farshaxanka Amiin Caamir waxa uu qoray taas oo uu ku muuji-nayo in Puntland ay taal wershed la-cageed, weliba uu ku sii caddaynayo wershedda in uu leeyahay madaxw-eynuhu.

C/shakuur Waxaa Yiri”Taasi waxay ka mid tahay been abuurka lid ku ah sharaafta jiritaanka Puntland.Halkan waxaad ku arkeysaan war-geysa jamhuuriya la yiraahdo in uu isagu kaba sii af-dheeraaday oo uu ku sheegay in golaha wasiirada Puntland ay go’aamiyeen wershed lacag ah oo lagu sameeyo Puntland gudaheeda.Waxaa yaab ah, bini’aadamku been wuu sheegaa, beena waa la sheegaa oo bini’aamigu been wuu sheegaa, laakiin waxaa la yaab leh been aan sal iyo raad lahayn in la sheego.

Waxaa jira website-yo caadaystay in ay sameeyaan been abuur lid ku ah is-bedelka dhawaan ka dhacay Puntland.

Amiin Caamir waxa uu joogaa wad-dan sharcigu shaqeeyo dalka Can-ada. Waxaannu ballaan qaadeynaa, “already” aannu la xiriirnay Garyaqa-an. Waa la yaqaanna website kasta meesha laga marti geliyo (host-ga-reeyo) oo laga daabaco (post-ga-reeyo), waa la yaqaannaa cidda damiinatay ee iska leh.

Amiin Caamir waxaannu ku dac-waan doonaa sharciga caalamiga ah waayo waddanka uu joogo waa wad-dan sharciga la ilaaliyo, guud ahaa-na waanu qabsanay qareenkii u doo-dayey Puntland. Waxaa laga rabaa xaqiijinta iyo caddaynta qoraalka uu gacantiisa ku sawiray. Ma aha (waxa aan sheegeyno) wax been abuur ah oo isaga ayaa ku saxiixan Amiin Caamir, website kiisana waa laga heli karaa.

Amin Caamir oo Ka soo jeeda Bee-sha Camuudi ee degta Degmada shangaani ee gobolka Banadir ayaa soo wajahay Cabsi weyn ka dib markii Booliska Canada ay Tageen Gurigiisa, ayna ka waayeen.

Shaydaan Sawire amin arts waa nin aad u Caqli badan oo si xirfaday-sana u sawira Bani’aadamka, Hase yeeshe Culimada somaliyeed waxay ku sheegeen shaydaan ku Cayaa-raya Sawirka Dadka.

Bosaso, 14 feb, 2009, Somalitalk.com

Page 5: WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN ...somalitalkradio.com/ilays/7aad.pdfMadaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009,

ARBACA 18 FEBRUARY 2009 ILAYS NEWSPAPER 5

Qormada Xusuusta Qalin-ka waxaan ku soo qaadana Halgamayaashii iyo Madax-dii somaliyeed ee Caanka ahayd.

Qormadeena Xigta, waxaan ku soo qaadanaynaa Gen. Maxamed Abshir Muuse

Kobaca Waxbarashada Sare ee Puntland.Abdifitah Mohamed Sugulle [email protected] Soomaliya

Horumarka umadaha waxaa lagu qiyaasaa heerka ay hadba taagan-tahay waxbarashada sare, dowla-daha kobcay oo dhan waxay galiyaa maalgashi xoogleh waxbarashada sare si ay u kobciyaan tayadeeda iyo cilmigeeda.

Waxbarashada sare ee Soomaaliya waxay soo martay maraaxli kala ga-disan;-1954, waxaa la asaasay macahad labo sano ah oo ka kooban kuliyada Dhaqaalaha iyo Sharciga.-1967, waxaa la asaasay Macahdka Tababarka Macalimiinta ee Lafoole.-1970, waxaa la sameeyay jaamaca-da Ummadda Soomaaliyeed.

Waxbarashada sare ee soomaalya waxay ku tiirsaneed dhaqaala ahaan iyo cilmi ahaanba dalalka shish-eeye gaar ahaan dalka talyaaniga oo luuqadiisu lagu dhigan jiray wax-barashda waxaana Jaamcada Um-mada Soomaliyeed wax ka dhigi jiray macalimiin Talyaani ah.

Markii lasameeyay jaamcada Um-mada Soomaliyeed waxbarashada, deegaanka iyo caafimaakdu waxay ahayd lacag la’aan waliba ardayda waxaa la siin jiray lacag bilah. Waxii ka danbeeyay burburkii soomali-ya waxaa asaasmay jaamacado fara badan oo gaar loo leeyahay, waxaa-na kamid ahaa jaamcada sumacada wayn ku leh Soomaliya ee

Muqdisho University oo la’asaasay sanadka 1997.Waxbarashada sare Puntland wax-ay asaasantay waxii ka danbeey-ay 2000 markaas oo la’asaasay jaamcadii ugu horeysay ee ku taala deegaanada Puntland oo ah Jaamacada Bariga Afrika.Waxaa sidoo kale asaasamay jaamcado kale oo ku kala yaal gobo-lada Puntland Sida Puntland State University, Sool University, Muqdisho University( Faraca Puntland) iyo kuwa kale oo aanan halkaan ku soo kuubi karin.

Waxaa jira caqabado hortaagan waxbarashada sare ee Puntland waxaana kamid ah:Waxbarashada sare Puntland waa jaamacdo si gaar ah loo leeyahay oo aan dowlada hoostagin mana helaan dareel dowladeed, kharashaadka howlaha lagu wadona waxaa qaar laga aruuriyaa radayda dhigta inta kalena waxaa kaba aqoonyanahada Soomaliyeed ee hawsha jaamcada isku xilqaamay.

Sidoo kale waxbarashada sare Punt-land mahaysto profosooro taye leh, taasna waxaa sabab u ah dhaqa-alaha jaamcadaha soo gala oo yar iyo dowlad kabta oo aan jirin.

Waxaa dhib wayn ku ah aradayda ka qalin jabisay qaarkamid ah jaamaca-daha Puntland in ay helaan shahaa-do laga aqoonsanyahay caalamka si ay u sii wataanwaxbarashada sare ama ay shaqooyin uga helaan caalamka

Manhajka laga dhigo jaamacadaha Puntland waa mid ay samaysato jaamacadu mana jirto wasaarada waxbarashada sare oo koontaroosha manaahijta iyo nidaamka jaamaca-daha.

Jaamcadahada aduunka ka jira wax-aa luu fududeeyaa ardaydooda in ay sameeyaan cilmi baarisyo kala du-wan oo lagu horumarinayo bulshada ay jaamcadu ku dhextaal, jaamaca-daha Puntland ku yaalana lagama helo adeegdaan oo kale, waana loo cududaari karaa maadama aysan jirin dowlad kabta oo ka caawisa arimahaan oo kale.

Wali lagama bilaabin deegaanada Puntland waxbarashada sare ee Master degree iyo PhD Degree waa-na howl looga fadhiyo jaamcadaha in ay soo kordhiyaan.

Sidoo kale Waxbarashada Sare ee Puntland waxay haysataa fursado kala duwan:

Waxaa sii kordhayay sanooyinkii u danbe Ardayda ka qalan jabinaysa dugsiyada sare ee Puntland, cilmi baaris la sameeyay sanadkii 2008 waxaa lagu qiyaasay in ardayda kaqalin jabinaysa dugsiyada sare ay gaarayaan 1000 Arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho, taas waxay fursada siinaysaa jaamacadaha ka jira Punt-land in ay helaan arday fara badan oo waxka dhigata kana fududeeya culayska dhaqaale ee jaamacadaha saaran

Waxaa sii kordhayay mudooyinkii danbe dareenka bulshada ee aha-miyada waxbarashada sare taasna waxay keenin in waalidiintu ku dhii-rigaliyaa ilmahooda in ay sii wataan waxbarashada sare.

Tartan xoogleh ayaa waxay ka dhex bilowdeen jaamcadaha ka jira Puntland taasna waxay keenaysaa halabuur iyo in ay kor u kacdo ta-yada jaamcadaha sidoo kale in ay ardaydou hesho aqoon tayo leh.Waxaa laga rajaqabaa sidoo kale in soomaliya ay u dhalato dowlad xoogleh oo dareel buuxda siisa waxbarashada sare.Aqoonyahnada Soomaliyeed ee waxkasoobarta dalalka shisheeye oo sii kordhaya kana qayb qaadana-ya kobcinta jaamcadaha dalka.

Dadka Soomaaliyeed waxay dhaqan u leeyihiin in ay iscaawiyaan waxna istaraan, siiba waxay iskala qayb qaataan waxbarashada, taasna waxay fursad u tahay ardayda dan-yarta ah oo ka qalin jabisa dugsiya-da sare in ay helayaan cid ka bixisa jaamacada.

Maadama waxbarashada sare tahay hormuudka bulshada waxaa lagama maar maan ah in aqoonyahanada horjooga ay muujiyaan iskaashi iyo isku duubni dhexdooda ah ayna ka soo baxaan shaqada hormuudnimo ee looga fadhiyo, waxbarashada sare ee Puntland waxay u baahan-tahay daryeel joogta ah iyo iskaashi dhexmara jaamacadaha dhexdooda si kor loogu qaado tayada aqoonta ay ardaydu helayso

Gen.Daa’uud Cabdulle Xirsi.Xusuustii Qalinka.

Allaha u naxariiste Gen, Daa’uud Cabdulle Xirsi waxaa uu ku dhashay tuuladda Mareeg oo ka tirsan Gobol-ka Galgaduud Sanadkii 1924-kii.Agagaarka degaanka Mareeg ayuu ku dhamaystirtay barashada quraan-ka Kariim isagoo aad u dayar. Shaqo ayuu ka bilaabay Magaaladda Buu-loBarde xafiis uu halkaas ku lahaa Talyaanigu, waqti yar ka dib ayuu u wareegay dhinaca Muqdisho ka hore dagaalkii Labaad ee Aduunka.Sanadkii 1943-dii ayuu ku biiray Cii-damadii Ingriiska xilli Soomaaliya oo dhan uu gacanta ku hayey. Shaqadii uu ka ahyey Ciidamadii ayaa ahayd inuu noqday Tababare xeradii cii-damada Booliska eek u taalay Xamar Jajab..Kolkuu mar labaad dib ugu soo noq-day Talyaanigu Soomaaliya qaybtee-dii Koonfurees Sanadkii 1950-kii. Waxaa uu Gan.Daa’uud ka mid noq-day horaankii Kontomaadkii rag ka

tirsanaa ciidamadii Talyaaniga oo ku guulaystay imtixaan loo qaaday layli Sarkaalnimo. Isagoo ka mid noqday koox loogu qaady tababar Sarkaal-nimo inay ku soo qaataan Wadanka Talyaaniga.Sanadkii 1954-tii ayuu Janara-al Daa’uud dib ugu soo laabtay Soomaaliya isagoo sarkaal ah waqti-gaas ka tirsanaa Ciidanka Booliska, mudo ka dib waxaa uu ka qayb qaa-tay diyaarinta iyo dhismihii ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,kolkay soo dhowaatay xornimo gaar siinta Soomaaliya.

14 Aprile 1960-kii ayaa Janaraal Daa’uud waxaa la siiyey darajadda Janaraalnimada isagoo noqday taliy-ihii ugu horeeyey ee uu yeesho Ci-idanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ,dadka aadka u yaqaanay waxay ku tilmaamaan inuu ahaa nin Soomaa-linimadu ku dheertahay, caadil ahaa

sla markaana ay aad u jeclaaayeen ciidamada uu madaxda u ahaa. Waxaa uu ahaa Gen.Daa’uud Cab-dulle nin diinta aad ugu dhaqma isla markaana ku guubaabiya ciidamada inay diintooda ku dheganaadaan. Nin kasta oo la jecelyahay maalin ayey geeridu haleeshaa. Allha u Naxariiste Gen.Daa’uud waxaa tii Ilaahay u timid isagoo weli gacanta ku haya dhisida ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee difaaca u ahaa qaran curdin ah . waxaa uu Weli waxaa lagu xusuustaa Gen.Daa’uud sidii sharafta lahayd ee uu u hogaaminayey ciidankaas u madaxda u ahaa. Waxaa uu ahaa nin dhamaan askarta uu xukumaa wada jecel yihiin ,nin qabiilaysiga ka fog. Waxyaabahaas oo waarsiiyey taariikhdiisa wanaagsan ee ilaa iyo manta jiilba jiilka kale u tebiyo.La soco cadadka xiga

Gen. Daa’uud Cabdulle XirsiTaliyihii Xooga Dalka Somaaliyed

Page 6: WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN ...somalitalkradio.com/ilays/7aad.pdfMadaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009,

ARBACA 18 FEBRUARY 2009 ILAYS NEWSPAPER 6Koboca Islaamiyiinta Somalia

( Siraha Qarsoon )

W.Q. cabdishakuur Mire Aadam

Qormadii 7aad

Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Herdintisiii Islaamiyiinta.

Nabad Sugidii( NSS-tii) iyo kaadirkii XHKS waxay si baaxad leh dagaal bareer ah ugu qaadeen Islaamiyiinta. Iyagoo xeel ahaan u adeegsanaya ololihii loo yaqiinay tabeelayaasha xaafadaha oo si fudud loogu la so-con karay dhaqdhaqaaq kasta ee ka jiray dalka. Waxaa laga warhayey guri kasta iyo qofkasta ee ku nool ta-beelaha ama unug xaafaddaas wax uu qabto iyo waxa uu aaminsan ya-hay iyo weliba kacaanimadiisa inta lagu kalsoonaan karo. Iyadoo intaas u sii dheereyd Xisbiyiinta iyo Uru-radda Bulshada, haweenka,.Dhalin-yaradda iyo Kuwa Shaqaalaha. Ci-idankii Guulwadayaasha ayaa 24 saacadood oo kasta xogta xaafadda u soo gudbin jiray Madaxtooyadda. Hayadda sir doonka NSS-ta.

Cadaadiska saaraa Islaamiyiinta iyo siyaasiyiinta loo arkayey inay ka soo horjeedaan hanaan u socodka Kacaanka Hantiwadaaga ah ee Soomaaliya ka saanqaaday. Ayaa ahaa mid nooc kasta leh oo la doon-ayey in lagu caburiyo garashada ka duwan tan kacaanku qabay. Dadka noocaas ah waxaa lagu hayey xabsi-yada kala ahaa Mandheera. Laanta Buur. Ka gadaalase waxaa loo wa-reejiyey Xabsi si gaar ah loo dhisay, looguna tala galay siyaasiyiinta ka soo horjeeda Kacaanka Oktoobar. Bal ila yara eeg aqoon yahan Prof.Yuusuf Xirsi Axmed oo isagu Buu-giisa Xabsigaygii ku soo gudbinay-aa waxyaabihii Xabsi Siyaasigii Ka-caankii galeyey uu kala kulmay

’’ 01 May 1977-kii oo ku beegnayd maalinta shaqaalaha Aduunka ayaa habeenimadii kol ay saacadu ku beeg-nayd 11:00 ama shantii habeenimo ayaa qolkii aan ku xirayn aniga Yuu-suf Cismaan Samantar(Bardacad), Cabdiraxmaan xaaji Cabdi Gole (Aswad), Cali Canbe iyo Maxamed Xareed. waxaa naloo dareershay dhinaca Qamta ee Xabsiga aan ku jiray ee Laanta Buur..’’

Waa sii waday sheekadiisii Xab-siga

’’ Waxaa nala keenay daarada qay-bta Qamta ee Xabsiga Laanta Buur. Meel muuqaal wanaagsan oo dhirta geed hindiga loo yaqaani haraysay. Waxaan ku fariisanay kuraas dhagax ah oo lagu xardhay mar-mar.

Mudo laba saacadood ah markaan

fadhinay ayaa xabsiga qaybta Qa-mta waxaa laga soo saaray rag ay ka mid ahaayeen Shiikh Maxamed Macallin, Maxamed Ibraahim Cigaal, Shiikh Cabdiqani Axmed, iyo Janara-al Cabdulaahi Hoolif. Janaraal Maxamed Abshir waa la soo saaray laakiin il gaar ah ayaa lagu eegayey ma arag.’’

Prof.Yuusuf Xirsi Buugiisa Xabsi-gaygii ee la daabacay 2001-dii bog-giisa 22-aad waxaa uu ku qoray in goortii waqtigu ahaa labadii dambe ee habeenimo ( sideeda saaca) ee 01 May 1977-dii lagu amray inay baabuurta fuulaan. Aniga, Shiikh Maxamed Macallin Xasan iyo Maxamed Ibraahim Cigaal hal dhi-naca ayaa fariisanay. Waxaa dhina-ca kale ka fadhiyey baabuurka aan wada saarayn oo nagga soo hor-jeeday Yuusuf Cisamaan Samantar (Bardacad), Cabdulraxmaan Aswad, iyo nin kale. Markii baabuurka nala saaray ee qof walbaa fariistay ayaa lugaha waxaa looga qoofalay silsi-lado si aanu qofna u hawaysan inuu cararo. Iyadoo intaas ay sii dheerayd ilaaladda xoogan ee baaburta aan saarayn korka ka ilaalinaysay. . Waxaa uu Prof.Yuuusf Xirsi xusay safarkii dhibka badnaa intii maxaa-biistaas siyaasadeed loo sii waday Xabsiga Laabaatan Jirow. Isagoo sheegay in ku dhowaad kontomeey-adaas maxbuus ahaayeen kuwii ugu horeerey ee Soomaaliya oo lagu furo Labaatan Jirow Xabsigaas la magac baxay.

Bishii Agoosto 1977 ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray meel Qa-mta la yiraahdo oo ka gaar ahayd Xabsi weynaha Labaatan Jirow rag ay ka mid ahaayeen Maxamed Abshir, Shiikh Maxamed Macallin, Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed, Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Cali Hayje nin la oran jiray oo isaga markii dambe lagu dilay Xabsiga Labaatan Jirow.Ciririgii siyaasadeed iyo la so-codka dhaqdhaqaaq-yadooda ee ka-caankaasi saaray Islaamiyiinta kama hakin ujeedooyinkoodii. Waxay si mug ah u lahaayeen isku xirnaan-sho iyo wada shaqayn taas oo ay ku jaah-wareereen NSS-tii,waxaa la qiraa in Islaamiyiintu xilligaa adkaa kaga soo gudbeen adkaysi iyo dul-qaad xad dhaaf ah oo ay arrimaha ugu dulqaadanayeen si aan caadi ahayn.

Taasoo ku riixday inay higsadaan maanta halka ay ku haminayaan oo ah hanashada hogaaminta awooda dalka iyo dadka Soomaaliya. Wadan in ka badan 17 Sano aan helin daw-lad hogaamisa isla markaana hanata maamulkiisa .

Islaamiyiinta ayaa lagu tilmaami karay in kaga faa’iidaysteen waqti-gaas inay afkaartay rabeen ka dhaadhiciyaan shacabka oo ahaa in shuuciyaynta dadku ay tahay ka saarida diintooda. Waa la oran karay inuu fikirkoodaasi mira dhalay ka dibmarkay dadku bilaabeen inay diin-tooda u soo noqdaan. Isla markaan barashadeeda si qoto dheer u fah-maan. Waxaa kaloo dacwada baraa-ruga Islaamku gudbutay waqtigaas masaafo aad u balaaran oo taariikh-da gashay.

Xubnihii13ka midka ahaa Islaamiyiin-ta oo la qabqabtay bartamihii sanadkii 1976-tii ayaa kuwoodii ugu horeeyey waxaa laga soo daayey xabsiyadda dabayaaqadii Sanadkii 1978-dii xilli-gaas oo siyaasadii XHKS caga dhi-gatay. Qodobka loo cuskaday xabsi-gooda qarkood wuxuu ahaa qodobka 52-aad ee xeerka anshaxa. Waxaa xusid mudan in qodobkaasi uu ahaa mid loogu tala-galay dumarka jirkoo-da ka ganacsada, kaas oo saamax-ayay in qofka eedeysan, saddex cisho lagu hayo xarunta booliskaka dabadeedna ama la daayo ama loo gudbiyo maxkamaddii ku caddeyn lahayd dembiga.

Sanadkii 1977-kii iyo ka horba wax-aa wadanka ka baxay xubno muhiim ahaa oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta. Waxaa ka mid ahaa Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud, Axmed Nuur Carab, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, Axmed Cis-maan Dheel, Cabdisalaan Cismaan Cabdisalaan iyo rag kale oo badan, waxayna u kicitimeen wadanka Sacuudiga iyagoo halkaas ka galay jaamacado islaami ah, kana soo ko-rorsaday aqoon diineedkii loo baah-naa.

Waxaa saldhigtay fidinta dacwaddadalka gudihiisa. Iyadoo uu mira dhal noqday halgankii baraaruga dadka ee dhinaca diinta, waxaana kala daa-tay qorshihii X.H.KS. ee ku wajahnaa dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ahaa. Waxaa kacaankii ku furmay dagaalkii lala galay Itoobiya iyo weliba xarig

kala furashadii Midowgii Sofiyat-kaiyo Soomaaliya.

Waxaa saldhigtay fidinta dacwaddadalka gudihiisa. Iyadoo uu mira dhal noqday halgankii baraaruga dadka ee dhinaca diinta, waxaana kala daa-tay qorshihii X.H.KS. ee ku wajahnaa dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ahaa. Waxaa kacaankii ku furmay dagaalkii lala galay Itoobiya iyo weliba xarig kala furashadii Midowgii Sofiyat-kaiyo Soomaaliya. Khilaafkii Gama’sanaa ee Islaamiyiinta Dhexdooda

Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay xagga fikirka ah Islaamiyiintii. waxaameesha ka baxay dhaqdhaqaaqii la oran jiray Al-ahli oo isagu shaqaynay-ey Sanadkii 1973 ilaa 1977-dii. Khi-laafka ku soo kordhay Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa xiriir la lahaa kooxi-hii Islaamiyiinta Masar ee xabsiyadda laga soo daayey, waxaana la xusaa in Sheikh Cabdulqaadir Sheikh Max-amuud oo ahaa Gudoomiyihii Al-Ahli uu markaas u Janjeersaday afkaarta kooxda Jamaacatul Muslimiin dadka badankiisu u yaqaanaan Tak-fiir.Wararka jiray waxaa ka mid ahaa in Islaamiyiinta badankoodu kuwa joo-gay gudaha Soomaaliya ay qaateen fikirka Jamaacatul Muslimiin (Takfi-irka). Marka laga reebo xubnihii ku ji-ray Xabsiyadda. Hase ahaate marki-iba xubno badan ayaa ka noqoday qaadashada afkaarta takfiirnimadda.Kolkii loo caqli celiyey in badan oo ka mid ahayd dhalinyaradii Baraaruga Islaamka.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan si aan u xaqiiqsado u janjeer-siga dhalinyaradda Baraaruga ee dhinaca Takfiirka. Waxaan weydiiyeywaxa ka jira arrinkaas. Waxaa uu si guud mar ah iigu jawaabay:- ’’ Fikirkaasi waxaa uu asal ahaan ka yimid Wadanka Masar. Kolkii daw-ladaasi xirxirtay oo ciqaabtay Mus-limiinta xabsiyadda ku xirayd. Waxay fikradu ka soo faaftay xabsiyada Ma-sar’’

Sidee ayey inaga Soomaali ahaan inoo saamaysay?

’’ Dhalainyaradii Baraaruga Islaam-ka ee Al-Ahli ayaa joogsanweyday. Maadaama kacaanku xabsiyadda dhigay cullimadii waaweynayd ee hagi jirtay baraaruga Islaamka. In badan oo dhalinyaradda ahayd oo dhinac u liicday waa jireen; Balse markii dambe ee cullimadda xab-siyadda laga soo daayey ayaa si weyn wax looga qabtay. Oo si aad ah loogu caqli celiyey dhalinyaradii degdegaysay.”

LA SOCO CADADKA XIGA

Page 7: WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN ...somalitalkradio.com/ilays/7aad.pdfMadaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009,

ARBACA 18 FEBRUARY 2009 ILAYS NEWSPAPER 7

Soomaaliya: Sun Ma lagu Aasay?‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’

Qaybta 4aadTarjumadii: SomaliTalk.com | Janaayo 2009

Warqaddaas dukumiintiga ah waxaa qaaday Boolisku si ay diiwaanka u geliyaan. Laakiin Dembi Baare Maxkamadeed oo loo xilsaaray kiiska Alpi ayaa warbixin uu qoray sannadkii 2005 waxa uu ku sheegay in Warqa-ddii laga xaday Diiwaanka Booliska. Xilligan Booliska Talyaanigu waxay sheegeen in aysan wax fikrad ah kahayn meel uu jaan-iyo-cirib dhigay ama ay ku ogyihiin Giorgio Comerio.

Kuwa kale ee Sunta Halista ah geeya Afrika, sida Giampiero Sebri, waxay adeegsadaan nimaad xarfadaysan oo si caadi ah u muuqda, ayey tiri warbixintu.Giampiero Sebri waxaa uu yir:-

“Qiimaha Qofka Bini’aadamka ah waxa uu la mid yahay eber”“Waxaa dhici karta in aan u muuqdo danayste” sidaas waxaa yiri Giamp-iero Sebri oo ka mid ahaa kuwii Sun-ta Halista ah geyn-jirey Soomaaliya... Waxana uu intaas ku daray “Halkaas uma tegin in aan jokolaato iyo nacnac u qaybiyo carruurta, waxaan halkaas u tagey in aan geeyo Haraadiga Sunta Halista ah iyo Sunta nooca loo yaqaan Radioactive....”

Giampiero Sebri waxa uu isku dubaritey nidaam uu ku samay-sanayo hay’ad ama shirkad maxalli ah oo Qashinka/Haraadiga Suntan Halista ah keenta dunida soo koreysa (Afrika) isagoo Suntaas ka soo qaa-daya Warshadaha reer GalbeedkaGiampiero Sebri oo sharraxaad ka bixinayey sida ay ugu sahlan tahay in uu shirkad maxalli ah ka furto de-gaanka uu doonayo inuu ku duugo Sunta Halista ah waxa uu yiri:

“Shirkadaha leh Warshadaha iyo xi-taa shirkadaha Dawladda, marka ay isugu ururaan kayd gaaraya kumaan iyo kumanaan tan (kiintaallo) oo ah Qashin Haraadi ah (ama Sunta Hal-ista ah) oo ay tahay in la duugo, waxaan markaas shirkad maxalli ah ka sameeyaa degaanka dal soo ko-raya (Afrika), waxaan markaas agaa-simaa dhammaan hawlaha la xiriira sidii loo qaadi lahaa, sida Markabka iyo konteerada. Intaas wixii ka dam-beeya waa in aan soo raro (Sunta), kaddibna ka dejiyo (markabka).. waa intaas oo keliya...”Giampiero Sebri waxa uu qayb ka ahaa mashruucii loogu magac daray “URANO” oo asalkiisii hore ahaa qor-she loogu talo galaay sidii Sunta Hal-ista ah ee nooca Radioactive loogu duugi lahaa Saxaraha Galbeed ee Afrika

Mashruucii URANO ee Sun ku aas-idda Qaaradda Afrika..“Waxaa dhacday arrin cajaa’ib ah xilli aan dejineyney Haraadiga Sunta aan ku aaseyney (Saxaraha Galbeed), waxaa naloo sheegay in hadda wixii ka dambeeya aanaan halkaas ku aasi karin. Taas macnaheedu waxa uu ahaa in qaar xamuulkii Sunta ah uu weli saarnaa markabka. Sidoo kale waxaa jirey markab jidka ku soo jirey afar ilaa shan beri oo soo wadey Haraadiga Sunta. Markaas labadii markab mid si ula kac ah ayaa loogu dhex dejiyey badda. Markabkii kale waxaa loo leexiyey oo la geeyey Soomaaliya,” ayuu yiri Giampiero Sebri oo muujinayey sidii ay ku bilaabeen inay Sunta Halista ah ku duugaan badda iyo xeebaha Soomaaliya. Waxaana TV-gu muu-jiyey foostooyin aan la aqoon waxa ku jira oo markab lagu rarayo.

Qoraallo ay heleen Booliska dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku cad in markii kooxdii sunta duugeysey ay ku guul daraysteen in uu sii socdo mashruucii URANO-1 ee Saxaraha-Galbeed, waxaa la agaasimey mashruuca URANO-2. Kaas oo san-nadkii 1992 diiradda lagu saaray Soomaaliya sidii Sunta Halista ah loogu duugi lahaa. Soomaaliya xilli-gaas waxaa ka socdey dagaalkii ah-liga ahaa.

Dukumiinti ku saabsan mashru-uca URANO oo diirada lagu saa-ray Soomaaliya

Afar sano kaddib markii mashruucii URANO-2 jaaha lagu saray Soomaa-liya, ayaa Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynaha Soomaaliya waxa uu mid ka mid ah dadkii xiriirka la lahaa Mashruuca URANO oo ah Ezio Scaglione waxa uu u saxiixay warqadda aad hoos ku arki doontid, isagoo - sida warqadda ku cad - u an-sixiyey in Soomaaliya laga hirgeliyo Goob lagu Duugo Sunta Halista ah.

Soo bandhigidda warqadda uu ku saxiixan yahay Cali Mahdi waxaa TV-gu ku xejiyey Giampiero Sebri oo dhehaya erayadan: “Qiimaha Qofka Bini’aadamka ah waxa uu la mid yahay eber, waxa keliya ee ay qii-meeyaan waa lacag iyo weliba lacag siyaado ah, ma jiro wax ay kala je-cel yihiin”. Kaddib waxaa durbadiiba shaashadda laga soo muujiyey foos-tooyin ay ku qoran tahay “Haraadiga Qashinka Sunta ah” (RIFIUTI TOS-SICI = Toxic Waste).

Waxaa markaas TV-gu warbixinta soo dhex geliyey Xaashi Cumar Xas-an oo ilaa muddo 10 sano ah ku jira Xabsi ku yaal Waqooyi Talyaaniga, isagoo ah qofka keliya ee loo xiray in uu qayb ka ahaa weriyaashii Taly-aaniga ahaa ee lagu dilay Muqdisho 1994. Qareenka Xaashi waxa uu yiri:- “Xaashi Cumar waxa uu ka mid ya-hay dhibanayaasha ay sida xun ula dhaqmeen ciidamadii Talyaaniga ee ku sugnaa Soomaaliya. Markii uu yimid Rooma waxa uu ogaadey in lagu oogey dacwadda dilka (weri-yaashii).”Xaashi Cumar waxaa dembigaas lagu xukumay kaddib markii ay ku markhaanti fureen laba qof oo sheegay in uu ka mid ahaa kuwii dilka geystey. Labadaas qof waxay ahaayeen Cali Maxamed Cabdi oo ahaa dareewalkii Alpi (weriyihii la diley) iyo ninka lagu magacaabo Axmed Cali Raagge, oo loo yaqaan “Jeelle” oo ku andacoodey in uu goobta dilku ka dhacay joogeySannadkii 1997 waxaa Soomaa-liya loo diray Ergey Khaas ah oo ka socdey Dawladda Talyaaniga, kaas oo watey lacag si uu u soo ururiyo xog iyo akhbaar ku saabsan dilkii weriyaasha. Waxa uu ergeyga Talyaanigu la xiriiray Jeelle. Waxaa markaas Jeelle la sheegay in uu la sii xiriiray Xaashi, waxana uu u soo bandhigay qaar kamid ah lacagta si uu Xaashi u qirto dilka.

Qareenka Xaashi waxa uu yiri:

“Ka hor intii uusan u soo dhoofinTalyaaniga, waxaa Xaashi u yimid Jeelle oo u ballan qaaday lacag si uu qirto dilkii (weriyaasha).”

Xaashi markii uu diidey lacagta uu Jeelle u soo bandhigay, waxaa Xaashi si xeeladaysan looga gacan haadiyey Talyaaniga. Waxaa lagu casumey in uu ku markhaanti fure ciidamadii Talyaaniga ee ka tirsa-naa Qaramada Midoobey ee lagu eedeeyey in ay isaga (Xaashi) si xun ula dhaqmeen. Markii uu tegey Taly-aaniga, daqiiqadii uu diyaaradda ka soo degey ayaa la dhigay xabsiga isagoo loo xiray dilkii weriyaashii.

Jeelle ayaa ku mudacay in Xaas-hi uu ka mid ahaa dadkii dilka u geystey weriye Alpi iyo sawir-qaa-daheedii. Waxaa sidoo kale Xaashi ku mudacay Cali Maxamed Cabdi (dareewalkii) oo la diley markii uu ku laabtay Muqdisho. Waxaa markaas su’aali ka timid in Jeelle yahay qof la rumaysan karo.

Jeelle waxa uu yiri waxaan joogey goobta dilku ka dhacay markii rasaa-sta la furay. Waxana uu ku anda-coodey in uu yahay qofka ka muuq-day laga qaaday goobtii dilku ka dhacay. Laakiin, Qareenka Xaashi ayaa yiri:

“Sawiro la qaaday waxay cad-deeyeen in qofka goob-joogga ahaa (sawirkii xilligaas la qaaday ka muuq-da) uu ahaa ninka lagu magacaabo Cali Xasan Cosoble, ee sawirkaasi uusan ahayn Jeelle.”

Haddii sawirkaasi uusan ahayn Axmed Cali Raagge “Jeelle”, ar-rintu waxay noqoneysaa in xuku-nka lagu ridey Xaashi Cumar Xasan uu ku dhacay si khaldan oo ah hal markhaanti oo keliya, kaas oo ahaa Cali Maxamed Cabdi oo isagiina la diley kaddib markii uu ku mudacay Xaashi, ayey tiri warbixintu.

“Xaashi ma joogin Muqdisho maa-lintii dilku dhacay, kamana uusan mid ahayn kuwii weerarka geystey, waxa uu joogey magaalo lagu maga-caabo Xaaji Cali oo qiyaastii 350 km Waqooyi ka xigta Muqdisho. Wax-aan helnay 7 qof oo xaqiijiyey in uu halkaas joogey,” ayuu yiri Qareenka Xaashi.

LA SOCO CADDADKA XIGA

Haamo sunta Warshadaha ay Ku Jiraan Oo ka soo Caariyay Xeebaha Somalia

Page 8: WARGAYKA ILAYS WAA TODOBAADLE MADAXBANAAN ...somalitalkradio.com/ilays/7aad.pdfMadaxweynaha Puntland oo soo dhoweyey Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Bosaso, 16,feb,2009,

8

Buugta Akhriska Buugta Iibka

& Adeegyada Bulshada Receipt Vouchers Payment

Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards Envelops

Stickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards

KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO

& QIIME KURAALI GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tell :- 824299/796169/726169

BOSASO SOMALIA

HORYAAL PRINTING CENTER

ADEEGYADA DAABACADEED EE HORYAAL DIYAARKA KUULA

TAHAY

Telcom Puntland Bosaso, Somalia

Tel: +2524500069Fax:002524500001

Shirkada Telcom Puntland xarunteeda weyn waxay ku taal magaalada Boosaaso, waxaana shirkadu ay xarumo ku leedahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Wixii Faahfaahin ah:Tell: #252-5-500069

ama Fax # 252-4500001 AMA 143 OO AH QAYBTA QANCINTA MACAAMIISHA

ARBACA 18 FEBRUARY 2009 ILAYS NEWSPAPER

Family and Friend Package ( Dii waan gelin Numberada Ehalkaaga)Waxaad si ka qiime jaban dirista numberada Mobilada ku isticmaali kartaa ugu yaraan 9 qof oo aad joogto ula xiriirtid isla markaasna aad ku wici karto qiimo aad u jaban , waxa kaloo laguu ogol yahay in aad bedeli karto

Call ConversanceWaa adeeg ku sahlaya in aad hal mar la hadli karto in ka badan 10 qof

OGAANSHAHA NUMBERADII KU SOO GARAACAY (CALL NOTIFICATION)Waa adeeg ku sahlaya in aad ogaan kartid numberadii ku soo garaacay intii mobile kaagu xirnaa ama dabku ka dhacsanaa (missed Call Notification) si aad adeegaan u dalbatid fadlan qaraac 144

Balance sharing ( lacag waaag)Waa adeeg ku sahalaya in asxaabtaadu ay kula wadaagto lacagta accounka kuugu jirta adiga u qoondeenaya hadba inta aad doonto

Additional benefit Hadii Aad ku shubato $1 waxaad Helaysaa 0.20 cent oo dheeri ah.Hadii Aaad ku Shubato$2 waxaad Helaysaa 0.40 cent oo dheeri ahHadii Aad ku shubato $5 waxaad helaysaa $1 oo dheeri ah Hadii aad ku shubato $10 waxaad helaysaa $2 oo dheeri ah

QAABKA LACAG KU SHUBASHADA Marka aad doonaysid inaad ku shubato mobile kaaga lacag fadlan garaac 222 dabadeed raac tilmaamahan. Ama ku shubasho si fudud (*141*pin Num #ok)

OGAASHAHA HARAAGAAGAHadii aad doonayso inaad ogaato haraagaaga fadlan Riix (*142*# Ok). Sidoo kale Riix 221 dabadeed dhagayso tilmaamaha

QAABKA XAWILASHADA call Forwarding Marka aad doonayso in aad mobile kaaga meel kale ku xawilato fadlan Riix (*21*66xxxxxx#), sidoo kale waxaad xawilaada kaga bixi kartaa (#21#)

Adeegga dheeraadka ah SMS, VOICE MAILWaxaa si fududud u diri kartaa laguuguna diri karaa fariimaha Massage dal iyo dibad setting Number 2522660111

Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah