24
XAFIISKA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA Taxanaha 3aad Barnaamijka Daabicidda Buugaagta Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Daabacaada 1aad ee 10ka Diseembar 2017

QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

  • Upload
    others

  • View
    1

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

1

XAFIISKA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA

AADANAHATaxanaha 3aad

Barnaamijka Daabicidda Buugaagta Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Daabacaada 1aad ee 10ka Diseembar 2017

Page 2: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha
Page 3: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

1

Mahadnaq 2

ARAR 3

1.0. Hordhac 5

2.0. Ujeeddooyinka QAAB-HAWLEEDKA U Qareemidda 5

3.0. Dadka Loogu Talagalay Qaab-shaqeedkan 5

4.0. Muhiimada uu Leeyahay Qaab-shaqeedkan 6

5.0. Mabaadi’da Aasaasiga ah ee Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha: 6

6.0. Wajihidda u Qareemida Xuquuqda Aadanaha 7

7.0. SiyaasadaQareemida Xuquuqda Aadanaha 8

8.0. Tabaha loo adeegsado u qareemida xuquuqda aadanaha 9

9.0. Shaqo-Maalmeedka u Qareemidda Xuquuqda Aadanaha 9

10.0. Hannaanka ay marto u qareemidda xuquuqda aadanaha 9

11.0. Noocyada u qareemida 12

12.0. Talasiinta xukuumada iyo barlamaanka Puntland 13

13.0. Ka warbixinta u qareemida xuquuqda aadanaha 17

13.1. Ururinta xogta: 18

13.2. Wixii Qabsoomay: 18

13.3. Wixii aan qabsoomin iyo Caqabadaha hortaagan: 19

13.4. Talo-bixinta iyo Qorshaha Waqtiga ku Xiga 19

TIXRAACYO 20

TUSMO

Page 4: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

2

Mahadnaq

Waxaa mahad iska leh Allaah. Waxaa mutaystay mahadnaq Gudoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, mudane Maxamed Yuusuf Cali oo feker iyo waqti badan geliyey dib u eegista iyo sixidda buuggan.

Waxaan kaloo u mahad celinayaa Axmed Suleyman oo ah wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee fadhigiisu yahay Garowe oo farsamo ahaan iyo tixraacyada dukumentiga si weyn gacan uga geystay tayaynta buug-gacmeedkan.

Waxaan kaloo u mahadcelinayaa hay’adda Diakonia Sweden oo maalgelisay mashruucan iyo Marwo Sagal Xirsi oo ah maamulaha mashruucan oo fududeysay xagga maamulka mudadii lagu jiray macluumaad ururinta iyo qorista buugga.

Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa shaqaalaha xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland kaalinta ay ka qaateen macluumaad ururinta iyo xog-wadaagga.

Maxamed Maxamuud Axmed

Diyaariha Buug Gacmeedka Qaab-Hawleedka u Qareemidda Xuquuqda Aadanaha(Human Rights Advocacy Framework)

Garowe, Octoobar 2017

Page 5: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

32

ARAR

Buug-gacmeedkan waxaa lagu soo saaray iskaashi Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha- Puntland oo shaqaaleeyey xeel-dheere xuquuqda aadanaha iyo Hay’adda Diakonia oo maalgelisay Mashruuca.

Buug-gacmeedkan waxaa loogu talagalay in shaqaalaha goob-shaqo ay helaan tixraacyo ku haggaya hawlaha korjoogtaynta, baarista xadgudubyada xuquuqda aadanaha Puntland iyo qaab-shaqeedyo fududaynaya hannaanka u qareemidda xuquuqda aadanaha iyo maareeynta khilaafaadka ka dhasha ama keeni kara xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Puntland. Buuggan waxaa la waafajiyey falalka goob shaqo (field practices) ee difaacidda iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Baahida buug-yarahan waxay ka dhalatay qiimeyn lagu sameeyey mugga awoodda (Capacity Assessment) ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Taas oo keentay in la dhiso mugga awoodda Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee xagga agabka haggayaal iyo qaab-shaqeedyo ay ku hawlgelayaan shaqaalaha goob-shaqo si loo xoojiyo waxqabadka Xafiiska, xogta la ururinayo iyo warbixinaha la soo saarayona u noqdaan kuwa tayaysan, isla markaasna waafaqi kara wadciga iyo xeerarka Puntland, Soomaaliya iyo halbeegyada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha oo ay Soomaaliya saxiixday ama ku biirtay.

Kulamo xog ururin iyo wada tashi ayaa lala yeeshay daneeyayaasha iyo bahwadaagta xuquuqda aadanaha ee Puntland muddada buug-gacmeedka xog ururintiisu socotay. Waxaa ka mid ah hay’adaha wadatashiga lala sameeyey; wakiilka xafiiska xuquuqda aadanaha ee quruumaha midoobay u fadhiya Garowe, maamulka hay’adda Diakonia ee Soomaaliya, garsoorka, booliiska, maamulada xabsiyada iyo maamulka iyo shaqaalaha hay’adda xuquuqda aadanaha.

Page 6: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

4

Waxaan ku rajaweynahay in uu buug-gacmeedkan uu noqon doono dhigaal aqooneed oo ay ka faaiideystaan dhammaan difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo inta jecel aqoonta.

Maxamed Yuusuf Cali

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Garowe, Oktoobar 2017

Page 7: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

54

1.0. Hordhac

Qaab-hawleedkan wuxuu fududeynayaa hannaanka wada-shaqaynta ee hay’adaha u qareemidda xuquuqda aadanaha Puntland. Wuxuu soo bandhigayaa Tabaha (tactics) iyo xirfadaha ay tahay in loo adeegsado hawlaha u qareemidda xuquuqda aadanaha. Taas oo u fududeynaysa dadka ku hawlan u qareemidda xuquuqda aadanaha ee ku sugan goobaha shaqada inay samaystaan qorshe ay ugu qareemayaan xushmeynta, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, iyagoo la kaashanaya hay’adaha kala duwan ee deegaanka Puntland iyo kuwa caalamiga. Fahmidda ujeeddooyinka iyo muhiimadda Qaab-hawleedkanwuxuu difaacayaasha xuquuqda aadanaha ka caawinayaa qaabkii ay u abaabuli lahaayeen qorshe middaysan, hawl-fullinta shaqo maalmeedka qareemada xuquuqda aadanaha iyo sida loo wajahayo daneeyayaasha kala duwan.

2.0. Ujeeddooyinka Qaab-Hawleedka u Qareemidda

Ujeeddada qaab-hawleedka u qareemida xuquuqda aadanaha waa in la xoojiyo, si wadajirana loo hawlgeliyo daneeyayaasha difaacida iyo horumarinta xuquuqda aadamaha Puntland. Dhammaan hay’adaha ka shaqeeya difaacida iyo horumarinta xuquuqda aadanaha waxay leeyihiin dowrar kala duwan oo is kaabaya. Qaab-dhismeedka wadashaqaynta u qareemida xuquuqda aadanaha waxaa bar tilmaameed u ah kor u qaadida xog-is-weydaarsiga, wacyigelinta dadweynaha, difaacida, horumarinta iyo illaalinta xuquuqda aadanaha Puntland.

3.0. Dadka Loogu Talagalay Qaab-shaqeedkan

Ka faa’iideystayaasha qaab-hawleedka u qareemidda waxaa ka mid ah; dhammaan difaacayaasha xuquuqda aadanaha,

Page 8: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

6

shaqaalaha hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa hawlaha samafalka ka shaqeeya. Wuxuu kaloo xoojinayaa wada-shaqaynta iyo isku xirka qaybaha hay’adaha dawladda Puntland ee u xilsaaran awoodda xeer-dejinta, sharci fulinta iyo garsoorka.

4.0. Muhiimada uu Leeyahay Qaab-shaqeedkan

Muhiimada qaabaynta wadashaqaynta qareemidda xuquuqda aadanaha waxay leedahay mudnaan weyn. Waxayna fududeynaysaa in la abuuro jawi wadashaqayn oo ka dhex dhaca hay’adaha dawladda iyo kuwa kale ee madaxa banaan. Qaab-hawleedka horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha waxay hay’adaha dawladda ee qaabilsan garsoorka, xeer-dejinta iyo sharci fulinta u horseedi kartaa inay qorshe iyo istiraatijiyad midaysan ka yeeshaan wax ka qabashada xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

5.0. Mabaadi’da Aasaasiga ah ee Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha:

Mabaadi’da aasaasiga ah ee u qareemida xuquuqda aadanaha waa illaalinta xuquuqaha madaniga, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan. Waa in xukuumaddu xushmeeyso, difaacdo, hirgeliso xuquuqaha dadka.

Mabaadi’da xuquuqda aasaasiga waxaa ka mid ah:

Xuquuq caalami ah; waa in qof walba awood u yeesho helitaanka xuquuqdiisa aasaasiga ah, waana inay dadku ka siman yihiin xuquuqdooda aadaminimo.

Qofka iyo xuquuqdiisa ma kala qaybsanto, waana mid dastuuri ah, lamina kala saari karo, waana in dawladdu/xukuumadu damaanad qaado ilaalinta xuquuqaha dhaqaale, siyaasadda, bulsho iyo dhaqanka si aan loogu xadgudbin.

Page 9: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

76

Kawada qaybgalka go’aamada saameeya xuquuqda aadanaha: dadku xaq ayey u leeyihiin inay ka qaybgalaan go’aamada saameeynaya xuquuqahooda aadaminimo. Waana in la xaqiijiyo in xukuumadu ka qaybgeliso ururada madaniga ah iyo bulshada go’aamada saameeynta ku leh ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha.

Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha.

Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha iyo hanaanka loo raacayo go’aan gaarista ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Dawladdu waa inay damaanad qaado ka hortagga faquuqidda iyo hayb-soocidda.

6.0. Wajihidda u Qareemidda Xuquuqda Aadanaha

Sida lagu wajahayo u qareemada xuquuqda aadanaha waxaa ka mid ah:-

1. Dejin qorshe waafaqsan shuruucda u qareemida xuquuqda aadanaha ee Puntland.

2. Hirgelinta qorshaha u qareemida xuquuqda aadanaha

3. Korjoogyeynta iyo qiimeynta hawlaha u qareemida xuquuqda aadanaha

Talaabooyinka loo qaadi karo qaabaynta u qareemida xuquuqda aadanaha waxaa ka mid ah;

isu diyaarinta u qareemida, korjoogteynta iyo ogaanshaha xadgudubyada,

diiwaangelinta iyo falanqeynta xaaladaha xuquuqda aadanaha,

Page 10: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

8

soo gudbinta warbixino ku saabsan dhacdooyinka,

Samaynta istiratijiyad iyo qorshe wax looga qabanayo xadgudubyada,

Kor u qaadista awoodda bah-wadaagta iyo daneeyayaasha xuquuqda aadanaha

Iyo abuurista jawi isla xisaabtan iyo daahfuraan.

7.0. Siyaasada Qareemida Xuquuqda Aadanaha

Siyaasadda qareemidu waa habaynta iyo isku dabariddida hawlo isku xiran oo looga dan leeyahay inay saameeyn ku yeeshaan siyaasadaha guud, hab-dhaqanka bulshada iyo nidaamka waxqabad ee xushmeynta, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha. Siyaasadda u qareemidda xuquuqda aadanaha waxaa ka mid ah:

Karti-gelinta iyo awoodsiinta qaybaha kala duwan ee dadka si ay naftooda ugu doodaan

Gacansiinta siyaasad difaacaysa xuquuqda aadanaha iyo ku qalqaalinta madaxda awoodda u leh inay taageeraan hireglinta siyaasadaas ee heer Puntland, heer federal iyo heer caalami intaba.

In la helo, lana adeegsado awoodda loo leeyahay qalqaalinta falgal siyaasadeed (political interaction) oo loogu qareemiyo helidda caddaaladda iyo dhawrista xuquuqda aadanaha Puntland

In la sameeyo dadaalo ay muwaadiniintu ku qalqaalinayaan dawladda samaynta iyo hirgelinta siyaasado guud iyo barnaamijyo loogu qareemayo xushmaynta, difaacidda iyo fullinta xuquuqda aadanaha,lagana hortegayo xadgudubyo mustaqbalka dhici kara.

Page 11: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

98

8.0. Tabaha loo adeegsado u Qareemidda Xuquuqda Aadanaha

Farsamooyinka iyo tabaha loo adeegsan karo u qareemidda waxaa ka mid ah; wacyigelinta dadweynaha, adeegsiga saxaafadda, ololeynta iyo qalqaalinta xeer dejinta, qalqaalinta ganacsatada iyo bulshada ee u qareemida xuquuqda aadanaha.

9.0. Shaqo-Maalmeedka u Qareemidda Xuquuqda Aadanaha

Qaab-hawleedkanwuxuu si ficil ah u hagayaa u qareemidda xuquuqda aadanaha, sida;

a. korjoogteynta iyo ogaanshaha xadgudubyada socda iyo ururinta xogta looga baahan yahay xadgudubyadaas.

b. samaynta dukumentiyo lagu falanqaynayo, laguna soo bandhigayo xogta, iyo in talo-bixin la soo gudbiyo waafaqsan xeerarka Puntland iyo kuwa caalamiga ee xuquuqda aadanaha

c. u qareemidda xuquuqda aadanaha: xulashada istiraatijiyad waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga oo lagu difaacayo xuquuqda aadanaha.

d. In lala yimaado farsamooyin istiraatijiyadaysan iyo shuruuc la xisaabtamaysa dhib-geystayaasha xasaanadda leh.

e. kordhinta awoodda (capacity building) u qareemidda ee hay’adaha difaacida xuquuqda aadanaha iyadoo lagu shaqaynayo qaab-hawleedka u qareemida xuquuqda aadanaha

10.0. Hannaanka ay marto u Qareemidda Xuquuqda Aadanaha

Qeexidda iyo samaynta yoolka u qareemidda xuquuqda aadanaha; hannaanka qareemidda xuquuqda aadanaha

Page 12: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

10

waxaa ugu horeeya in la sameeyo yool qeexaya himilada la rabo in la gaaro. Yoolkaas wuxuu koobayaa; inuu ka turjumo dibu eegista korjoogteynta awoodda sharciyeed ee xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha, natiijooyinka laga ogaaday qoraaladii la sameeyey, wada shaqaynta lala yeeshay bah-wadaagta (partners) iyo daneeyayaasha (stakeholders) kale ee xuquuqda aadanaha iyo caddeynta isbedelka la rabo in lagu gaaro yoolka.

Samaynta istiraatijiyad u qareemid xuquuqda aadanaha: markii yoolka la sameeyo, waa in istiraatijiyadii lagu gaari lahaa la sameeyo. Qareenka xuquuqda aadanaha wuxuu is weydiinayaa; waa maxay baahiya jira ee u baahan in wax laga bedelo si loo xaqiijiyo difaacidda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha? Yaa awood u leh inuu sameeyo isbedelkaas dhicidiisa? Karti iyo awood intee le’eg ayaa maqan oo suurtagal ka dhigi karta dhicida isbedelka la rabo?

Istiraatijiyad kasta waxay leedahay tabo iyo xeelado la heli karo in loo adeegsado u qareemidda xuquuqda aadanaha. Tabahaas waxaa ka mid ah;

Talaabada 1aad: ogaanshaha waxyaabaha uu u baahan yahay isbedelka la doonayo si wax looga qabto xadgudubyada xuquuuqda aadanaha.

Talaabada 2aad: u qareemida wax ku oolka ah waxay ku xiran tahay in si cad loo ogaado cidda awoodda u leh inay xalliso dhibaatada jirta. Cidda awoodda u leh inay sameyso isbedelka la rabo waxaa loogu yeeraa bar-tilmaameed (target group).

Talaabada 3aad: ogaanshaha carqaladaha/caqabadaha hortaagan gaarista bar-tilmaameedka gudashada waajibaadka si loo xushmeeyo, loona ilaaliyo ama loo difaaco xuquuqda aadanaha. Caqabadahaas waxaa ka

Page 13: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

1110

mid noqon kara; awoodida gudashada (performance capacity) waajibaadka, dhiirigelin, awood sharci iyo dhaqaale.

Xiriirinta iyo hogaaminta: isku xirka hay’adaha ka shaqeeya u qareemida xuquuqda aadanaha Puntland waxaa lagu xoojin karaa in xoog la saaro wadashaqaynta iyo xiriirinta awoodda, aqoonta iyo dhaqaalaha lagu dhisayo gaashaanbuur (coalition) leh shabakad (Network) loogu qareemayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha dadka Puntland.

Gaashaanbuurta waa inay karti u yeelataa is-dhexgal iyo wadashaqayn dhow oo ay la leedahay dawladda, ka go’naanshaha iyo rabitaanka dhisidda gaashaan-buuraysi lala yeesho hay’adaha kale.

Waxaa kaloo muhiim ah in aqoon loo yeesho shaqooyinka la xiriira garsoorka, xeer-dejinta iyo sharci fulinta.

In si qoto dheer loo fahmo xaaladaha siyaasadeed ee socda.

Raadinta cilmi baaris, xog iyo awood looga faa’iideysan karo wargelinta go’aanada siyaasadeed.

Doorar iyo mas’uuliyado si cad u qeexan oo laysku raacay oo cid walba qayb ka tahay, heer shaqsiyadeed iyo heer urur labadaba.

Gaashaanbuurtu waa inay leedahay tayooyin hogaamineed, sida; samaynta dadaalo midaysan oo u qareemaya xuquuqda aadanaha, waa inay soo jiidan karaan niyada u dhisi karaan hay’adaha iyo shaqsiyaadka u qareema xuquuqda aadanaha, waa inay maareeyn karaan geedi-socodka xuquuqda aadanaha iyo inay abaabuli karaan taageerada ay u baahan yihiin.

Page 14: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

12

Abaabulka iyo Howl-fullinta: si loo fuliyo istiraatijiyadii iyo xeeladaha la qorsheeyey, lana hawl-geliyo gaashaanbuurta u qareemida xuquuqda aadanaha, waa in la sameeyo shaqaale iyo mutadawaciin ka kooban gaashaanbuurta iyo daneeyayaasha kale oo loo tababaro sidii ay awoodda hay’adaha gaashaanbuurta u dhisi lahaayeen si loo gaaro yoolalka, ujeeddooyinka iyo himilooyinka la hiigsanayo. In talaabooyin hawlgal ah laga sameeyo wax loogu qabanayo dadka daneeya iyo kuwa ay saameeysay arrimaha xuquuqda aadanaha si loo xaqiijiyo isbedel wanaagsan. Korjooteynta iyo qiimeynta hanaanka waxqabadka iyo in si joogta ah dib u eegis lagu sameeyo qorshaha u qareemida iyo gudbinta farriimaha.

Cabirida horumarka laga sameeyey ujeedooyinka iyo yoolalka la hiigsanayo: waa in markasta uu jiro hanaan joogto ah oo lagu cabirayo horumarka laga sameeyo yoolalkii iyo ujeeddooyinka la dhigtay, si loo ogaado heerka la marayo iyo caqabadaha taagan iyo sida loo wajahayo xalka loo baahan yahay.

11.0. Noocyada u Qareemidda

U qareemidu qaabab badan ayey qaadan kartaa. qaab-hawleedkan wuxuu kaa caawinayaa inuu xog kooban kaa siiyo xeeladaha ugu wanaagsan ee lagu wajihi karo noocyada u qareemida oo ay ka mid yihiin; wacyigelinta iyo waxbarashada dadweynaha, adeegsiga qareemida saxaafada, qaabeynta wada xiriirka iyo diyaarinta kulamada iyo woodda Sharciyeed ee heerka halbeegga ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Wacyigelinta iyo waxbarashada dadweynaha: baahinta xogta iyo wacyigelinta dadweynaha, iyadoo la adeegsanayo; tababaro, doodo, halku-dhegyo, boorar/looxyo, bandhigyo, shirar, mudaharaadyo iyo banaanbaxyo, iwm.

Page 15: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

1312

Adeegsiga qareemida saxaafada: si xogta loogu soo bandhigo saxaafada, iyadoo looga jeedo in wax laga qabto xadguduyada xuquuqda aadanaha, saameeyna lagu yeesho shaqsiyaadka, maamulka iyo siyaasiinta, iyadoo wax laga bedelayo xaalada xuquuqda aadanaha. Qaabeynta Tabaha iyo gudbinta farriimaha, la socoshada waxyaabaha soo jiidanka saxaafada, sida; wargeysyada, warbaahinta, shabakadaha internetka, qabashada war murtiyeedyo, shir-saxaafadeedyo, waraysiyo iyo dhambaalo. Xulashada dadka ku haboon gudbinta farriimaha ayaa sidoo kale aad muhiim u ah iyo faafinta iyo soo bandhigidda qoraalada

Qaabeynta wada xiriirka: xiriirka saraakiisha iyo xafiisyada sharci dejinta, garsoorka iyo sharci fulinta muhiimad gaar ah ayey u leedahay difaacayaasha xuquuqda aadanaha, maxaa yeelay waxaa jira baratakool amni, gaar ahaan farriimaha boostada la dhigo. Sidaas daraadeed waxaa wanaagsan in farriimaha lagu diro hab elektaronik ah. Waa in la sii wargeliyo sarkaalka ama xafiiska aad la xiriireyso, si ay u ogo ujeeddada la kulankaaga

Awoodda Sharciyeed ee heerka halbeegga ilaalinta xuquuqda aadanaha: ku boorrinta iyo hawl-gelinta bahwadaagta qareemida xuquuqda aadanaha si ay u meel-mariyaan, una dhaqan-gelinta shuruucda, xeerarka iyo halbeegyada xuquuqda aadanaha.

12.0. Talasiinta Xukuumadda iyo Barlamaanka Puntland

Talasiinta xeer dejinta, xeer fulinta iyo garsoorka waa awood sharciyeedka xafiiska difaacayaasha xuquuqda aadanaha. Dhisidda awoodda hay’adaha dawladda si ay u awoodaan xil gudashada iyo illaalinta xuquuqda aadanaha. Qabashada kulamo iyo tababaro ku salaysan sidii loo xaqiijin lahaa kartida waxqabad iyo wax ku oolnimada hay’ada dawladda.

Page 16: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

14

1.1. Qabashada kulamada:

Markii lala kulmayo saraakiisha iyo madaxda hay’adaha sharci dejinta, garsoorka iyo sharci fulinta, waxaa muhiim ah inay cadaato ujeedadda kulan loo qabanayo, dadka abaabulaya, dadka ka soo qaybgelaya, meesha lagu qabanaayo, waxa looga hadlayo, waqtiga laga yaabo inuu qaato. Marka lala xiriirayo sarkaal ama xubin dawladda ka mid ah, waa in la ilaaliyo hab maamuuska amniga iyo waajibaadka sharciga ah ee shaqada hay’ada ama sarkaalka khuseysa. Had iyo jeer waxaa wanaagsan in la hor fariisto madaxda sharci dejinta, sharci fulinta iyo garsoorka, markii loo qareemayo ama arrimo lagala hadlayo arrimaha xuquuqda aadanaha.

Jadwalka shaqo ee kulamada lagula yeelanayo madaxda dawladda waa inay noqoto mid qoran oo waqtiyeysan. Waa inay dhammaystiran tahay xogta qofka booqanaya madaxda, sida; magaca oo buuxa, ururka uu ka socdo, waxa kulanka looga hadlayo, ciwaanka qofka la kulmaya madaxda, e-mailkooda iyo teleefankiisa.

Diyaarinta farriinta la rabo in kulanka lagu gudbiyo: qareenka xuquuqda aadanaha waa inuu si dhammaystiran isu diyaariyo kulanka ka hor. Arrimaha soo socda ayaa ku caawinaya:

Ujeedada farriinta la gudbinayo

In si qoto dheer loo ogaado, loona daraaseeyo arrimaha laga hadlayo

In xog ogaal loo noqdo aragtida ka soo horjeedda, diyaarna loo ahaado in si xushmad leh markiiba looga jawaabo.

In la ogyahay mowqifka sarkaalka lala kulmaayo arrinta ka taagan yahay

Page 17: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

1514

In la ogaado barnaamijyada dawladda ee la xiriira arrinta laga hadlayo

In xog ogaal loo noqdo bulshada aad qareemida ka dhex samaynayso

Haddii kooxda qareemida abaabulayso ay kala qaybsadaan shaqada oo ay doortaan afhayeen si fiican u soo bandhiga arrinta laga hadlayo aad ayey u wanaagsan tahay

In la diyaariyo qoraalo loo qaybiyo kulanka iyo dukumenti miiska la soo saari karo

In la helo waraaqo taageero ah oo xoojinaya mowqifka qareenka kulanka ka hor.

Faahfaahinta iyo soo bandhigida waa inay koobnaato oo macnaha arrinta laga hadlayo ku dhan tahay.

Waa in si tijaabo loogu celceliyo habka, waqtiga iyo ereyada lagu soo bandhigayo arrinta laga hadlayo

Muddada kulanku socdo: si kulanku u noqdo mid wax ku ool ah, natiijo wanaagsana ka soo baxdo;

Waa in qareenku waqtiga la ballamay kulanka joogo, waxaa aad u haboon inuu ka soo hormaro waqtiga ballantay.

Inuu diyaar u noqdo bilaabida sheekaysiga

Inuu si kooban u dulmaro arrinta laga hadlayo, iyadoo lagu xoojinayo dukumentiga iyo qoraalada la diyaariyey

Si wanaagsan, saaxiibtinimo iyo fufurnaan leh oo kooban u soo bandhig arrinta, hana ku daahin, mowduucana ha ka leexan.

Page 18: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

16

Ka fogow naqdinta iyo dooda wax kala qaybinaysa ama hanjabaad

Xusuus qor kooban ka samee wixii lagu wada hadlay. Markii koox la yahay, waa in qof loo cayimo inuu xusuus qorka sameeyo.

Inuu si cad u soo jeedi codsigaaga markasta nuxurka arrinta soo koobaya

In su’aalaha qareenku soo jeedinayo laga jawaabi karo

In la kala qaato waraaqaha aqoonsiga iyo ciwaanka lagu wadaxiriirayo

In qareenku waqti cayiman ku soo gudbiyo xogta laga codsado

Sawir ayuu qaadi karaa qareenku haddii fursad loo heli karo

1.2. Habka loo qabanayo tababarada:

Hanaanka loo maro qabashada tababarada, farsamooyinka wax ku oolka ah iyosifooyinka tababarayaasha ayaa gundhig u ah tababarada.

Tababarada dariiqada loo wajahayo waxaa ka mid ah; in laysu keeno khuburo iyo xeeldheerayaal oo leh takhasus kala duwan, si koox walba tababarkooda loogu dhiso si ku habboon xaaladooda iyo duruufahooda iyadoo la raacayo halbeegga iyo nidaamka tababarada xuquuqda aadanaha loo qabto. Dejintafikrada guud, qorsheyn, hirgelin iyo qiimeyn tababarada, iyadoo loo soo xulayo xeel-dheerayaal si ficil ah u soo bandhigi kara. Waa in tababarada loo qabtay tababarayaal laga soo xulay meelo

Page 19: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

1716

kala duwan, lehna xirfado kala duwan oo is-kaabaya, waana inay garanayaan mas’uuliyadooda, awood ay ku filayaanna leeyihiin.Tababarayaashu waa inay xirfad u leeyihiin dad aqoon iyo dhexgal bulsho. Waana in tababarka lagu soo bandhigo halbeegga caalamiga ah, isla markaasna dareen gelin karaa tababarayaalka. Waa in tababarku leeyahay qiimeyn tababarka ka hor iyo qiimeyn tababarka ka dib. Adeegsiga habka waxbarashada dadka waaweyn iyo kawada qayb-qaadashada dadka la tababarayo waa muhiim si wax badan ay uga faa’iidaan, iyaguna wax ku soo kordhiyaan tayada tababarada. Waa in tababarka loo wajahi karo si furfuran oo lagu dabakhi karo hadba wacyiga, bay’adda iyo duruufaha deegaanka dadka la tababarayo. Tababarka waa in lagu saleeyo aqoonta iyo xirfada dadka la tababarayo. Waa inuu tababarku waafaqsan yahay shuruucda, siyaasadda iyo barnaamijka xuquuqda aadanaha ee caalamiga iyo kuwa dawladda. Waa tababarku leeyahay hab lagu dabagalo oo loo dejiyey marka barnaamijka qorshihiisa la samaynayo.

Farsamooyinka wax ku oolka ah ee tababarada: saddex ujeeddo oo aasaasi ah ayaa asal u ah tababar kasta; in laga helo xog iyo aqoon waafaqsan halbeegyada caalamiga, in laga helo xirfado xoojinaya xil gudashada tababarayaasha iyo in wacyi bedel lagu sameeyo dadka la tababarayo si ay u ogolaadaan, korna ugu qaadaan, isla markaasna difaacaan xuquuqda aadanaha ee lagu tababaray.

13.0. Ka warbixinta u Qareemidda Xuquuqda Aadanaha

Warbixinta u qareemida xuquuqda aadanaha waxay ka tarjumaysaa xogta iyo dhacdooyinkii la ururiyey oo koobaya wixii la qorsheeyey, wixii qabsoomay, wixii aan qabsoomin iyo

Page 20: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

18

sababtay aanay u qabsoomin, caqabadaha lala kulmay, casharada laga bartay, talooyinka la bixin karo iyo qorshaha xilliga ku xiga.

13.1. Ururinta xogta:

Xog ururinta waxaa sal u ah warbixinaha laga soo qaado goobaha shaqo, dhacdooyinka, talo bixinta xeel dheerayaasha ee xaaladaha u qareemida xuquuqda aadanaha marayaan.Macluumaadka la soo ururiyey oo si tafaftiran loo lafa guray ayey ka soo baxdaa xogta loo baahan yahay. Illaha xogtaas ka timaado waxaa ka mid ah; booqashooyinka goobaha shaqada, kulamada lala yeesho mas’uuliyiinta kala duwan, baarista dhacdooyinka iyo xogta laga helo saxaafadda. Ururinta macluumaadka iyo xogaha waxaa loo isticmaalaa foomam lagu soo bandhigo

13.2. Wixii Qabsoomay:

Iyadoo la raacayo qorshihii iyo jadwalkii shaqo ee lagu heshiiyey, waa in dib loo eego wixii qabsoomay, isla markaasna la cabiro waxqabadka la sameeyey si loo ogaado heerka guulaha la gaaray. Waxqabadka iyo guulaha la gaaray waxaa lagu cabiraa halbeeg hore loogu heshiiyey. Miisaanku wuxuu leeyahay labo kefeddood. Wixii qabsoomay dhinac ayey kefedda miisaanka ka saaran yihiin, halka kefedda miisaanka dhinaciisa kale ay saaran tahay wixii aan qabsoomin.

Dabadeedna, waxaa la muujiyaa wixii qabsoomay sababaha iyo dariiqyada fududeeyey in la gaaro. Waxaa sidoo kale la muujiyaa carqaladaha lala kulmay iyo saameeynta ay ku yeesheen barnaamijka shaqo ee la wado. Wixii qabsoomay waxaa lagu soo bandhigaa qaabab badan, waxaa ka mid ah; qoraal (text), sawirro, garaafyo, shax (tables), codad, iwm.

Page 21: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

1918

13.3. Wixii aan qabsoomin iyo Caqabadaha hortaagan:

Ka dib markii la muujiyey, wixii qabsoomay, dariiqa iyo aaladaha loo adeegsaday oo ah maqal iyo muuqaal ay la socoto caddaymo xoojinaya guulaha la gaaray, waa in sidoo kale la caddeeyo wixii aan qabsoomin iyo waxyaabaha hortaagan ee caqabadda ku ah.Caqabadahaas waxay noqon karaan kuwa banaanka/dibedda uga imaanaya barnaamijka ama mid hay’adaha fulinaya dhexdooda ka imaanaya.

Haddii caqabaduhu gudaha ka imaanayaan waa in hay’adaha fulinaya barnaamijka qareemida ay keenaan talaabooyin lagu saxayo ama wax looga bedelayo. Markii caqabaduhu dibedda ka imaanayaan waa in laga talabixiyo qaabka loo wajahayo.

13.4. Talo-bixinta iyo Qorshaha Waqtiga ku Xiga

Ka dib markii la falanqeeyo caqabadaha hortaagan, xeeldheerayaasha hay’adaha fulinaya barnaamijka u qareemida waxay isla meel dhigayaan sidii lagu furdaamin lahaa caqabadaha taagan. Halkaas oo ay ka soo baxayaan talooyin xaqiiqi ah oo wax looga qabanaayo caqabadaha taagan. Talooyinkaas waxaa lagu tixgelinayaa qorshaha shaqo ee xilliga ku xiga.

Page 22: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

20

TIXRAACYO

1. Human Rights Institutions “History, Principles, Roles and Responsibility”, professional training series No. 4(rev.1)

2. The Advocates for Human Rights, working with justice sector to end violence against women (Cheryl Thomas, Director, Women’s Program Laura Young, Staff Attorney, International Justice Program)

3. Advocacy chapter 7, Equitas: International Human Rights Training Program Resource Manual (Equitas: International Centre for Human Rights Education, 2009),

4. Legislative Advocacy Resource Guide: Promoting Human Rights in Bosnia and Herzegovina (Washington, DC: Global Rights, 2005), 4.

5. Human Rights defenders: protecting the rights to defend human rights, Fact Sheet No. 29

Page 23: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

20

Page 24: QAAB-HAWLEEDKA U QAREEMIDDA XUQUUQDA AADANAHA...Waa in jawi isla xisaabtan la abuuro iyo imkaaniyad dhaqangelinaya difaacidda xuquuqaha. Waa inay xukuumadu muujiso daahfurnaan xogaha

22

Cabashooyinka iyo wixii war ah waxaa lagu soo aadinayaaDifaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Telefoon: +252907794509, +252661114444Email: [email protected]

[email protected] [email protected]

Garowe, Puntland, Soomaaliya