8
infofolder 1 DGI Inklusion www.dgi.dk Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? Buuga wargelinta –Ururada isboortiga

Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? · Waa maxay urur/naadi? Ururu sida caadiga aha waa dad isu tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan waxay

  • Upload
    others

  • View
    0

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? · Waa maxay urur/naadi? Ururu sida caadiga aha waa dad isu tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan waxay

info

fold

er

1

DGI Inklusion

www.dgi.dk

Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto?Buuga wargelinta –Ururada isboortiga

Page 2: Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? · Waa maxay urur/naadi? Ururu sida caadiga aha waa dad isu tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan waxay

Horudhac

Inaad aado isboorti waxay suurtagal kaa-

ga dhigaysaa inaad yeelato macaarif, ood

hesho asxaab cusub, inaad barato luqada

iyo inaad fahanto dhaqanka daanishka.

Denmaark dadka badankiisa waxay caya-

araan isboortiga, waxayna aadaan meelo

loogo yeedho ururo ama naadiyo.

Buugan yar waxaa loogu talagalay inuu

ku haggo, maadaama aad ku cusub tahay

Deenmaark, oo aad xiisaynayso inaad

ciyaarto isboorti. Halkan waxaad ka he-

laysaa warbixino ku saabsan, habkii aad

ku heli lahayd isboortiga aad xiisaynayso.

Siddaad ku bilowi lahayd, iyo sidoo kale

jawaabaha ka imaan kara su’aalaha la

xidhiidha markaad bilaabayso isboortiga.

Buugan wuxuu ku siinayaa warbixino la

xidhiidha ururada ama naadiyadu sida

ay u dhisan yihiin, iyo shuruudaha ay ku

shaqeeyaan. Buugan waxaad isticmaali

kartaa, marka u tagayso kamuunaha, ama

aad la hadlayso naadiyada, oo aad kala

hadlayso inaad xiisaynayso isboortiga, iyo

sddii aad ku bilowi lahayd.

2

Page 3: Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? · Waa maxay urur/naadi? Ururu sida caadiga aha waa dad isu tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan waxay

info

fold

er

3

1. XIISAYNTAADA.

Deenmaark waxaa ka jira fursado

badan, oo lagu caaýaari karo isboor-

tiga. Laakiin ugu horayn, waa inaad ka

fakirta waxa adiga ku xiiso gelinaya.

Ma waxaad xiisaynaysaa inaad ka

qayb qaadato cayaaraha wadjirka

loo sameeyo, dabaasha mise waxaad

xiisaynaysaa oo keliya inaad jimicsi iyo

orod uun samayso?

2. FURSADAHA

Ka bilow marka hore, inaad ogaato furs-

adaha ka jira meesha aad degan tahay.

Waydii macaariftaada ama la xidhiidh

kamuunaha qaybta nashaadaadka, si

aad u ogaato noocyada isboortiga ee

ka jira kamuunahaaga, iyo naadiyada

ka jira, ee aad ka qayb qaadan karto.

Siddee ayaa ilmahaaga ama adiguba ku heli kar-taan, inaad ciyaartaan is-boortiga Deenmaark

Ogaada waxa aad adiga ama ilmahaagu aad xiisaynaysaan. 

GAADIIDKA: Adiga ama ilmahaaga waa inaad idinku tagtaan oo ka soo

noqotaan meesha isboortiga. Siddaa daraadeed, ka fikira gaadiidka taga

meesha, iyo intee bay u jirtaa meesha aad degan tahay.

� Ma u lugayn ama baaskiil u qaadan kartaa meesha isboortiga?

� Goorta ay tagaan basasku meesha, iyo haddii ay ku aadan yihiin xiliga la

samaynayo isboortiga/tababarka?

� Ma garanysaa qof, adiga ama ilmahaagu ay baabuur ku sii raaci karaan?

3. IMOW OO ARAG

Haddii ay kula noqota, si aad si fiican

oogu fahanta, waxaad dalban kartaa, in

laguu ogalado inaad soo aragto iyagoo

tababaranaya. Waxaa siddoo kale suur-

tagal kuu noqonaya, inaad la hadasho

tababaraha, oo aad kala hadasho sida

aad adiga laf ahaan, ama ilmahaagu

isboortiga u rabtaan.

4. WADA XIDHIIDHKA

Ka qaada taleefanka iyo e-mailka taba-

baraha ama gudoomiyaha naadiga, oo

meel ku qoro.

Page 4: Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? · Waa maxay urur/naadi? Ururu sida caadiga aha waa dad isu tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan waxay

info

fold

er

4

Xidhiidka naadiyada/ururada. 

5. WAQTIGA TABABARKA

Markaad hubsato, inaad adiga ama

ilmahaagu hesheen isboortiga idinku

haboon, waxaad la hadli kartaa guddiga

ama tababaraha naadiga, si aad ooga

ogaata goorta ay suutgal tahay inaad

bilowdaan tababarka. Waydii haddii

boos ka banaan yahay kooxda aad

rabto, iyo goorta aad bilaabayso.

6. QIIMAHA 

Ogow, oo raadi qiimaha la bixinayo -

siddoo kale xusuusnow inaad waydiiso,

haddii ay suurtagal tahay inaad dhowr

mar tijaabo ahaan uga qayb qaadato ta-

babarka, ka hor intaadan go’aansan(tani

marwalba waa suutagal). 

Deenmaark waxaa jira

shirkado taakuleeya

dhalinta iyo dadka wa-

awynba, hadaysan iska bixin karin

isboortiga…

Haddi aad iska bixin karin isboorti-

ga, waxaad la xiriiri kartaa kamuun-

ka ama DGI, si aad u ogato haddii

ay kaa bixin karaan

Raadso qof kaa caawiya, inuu kula

buuxiyo foomamka iyo warqadaha,

haday kugu adkaato inaad kaligaa

samaysato.

Page 5: Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? · Waa maxay urur/naadi? Ururu sida caadiga aha waa dad isu tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan waxay

info

fold

er

5Tababarka ugu horeeya

7. GOOBTA KULANKA

Markaad hesho cinwaanka mesha

tababarka, hubso sidoo kale inaad way-

diiso goobta ay ku kulmaan tababarka

ka hor. Ma waxay ku kulmaan hoolka

ciyaarta gudihiisa, banaaka meesha

baabuurta la dhigto, ma meesha dharka

lagu badesho, mise qofl walbaa wuu

iska imaadaa? Hubso in tababarahu og

yahay, maalmaha aad imaanayso, isku

day haddaad heli karto in qof ka mid ah

kooxda uu ku caawin karo maalinka ugu

horaysa..

8. DHARKA TABABARKA

Dharka iyo kabaha tababarka mar wal-

baa wuxuu ku xiran yahay, meesha lagu

tababaranayo, ma gudahaa mise waa

banaanka, marka waydii meesha lagu

tababaranayo.

9. QALABKA

Ma waxaa lagaaga baahan yahay

qalb kale? Waxaa lag yaabaa inaad la

timaado ka lagu tuuro banooniga yar,

haddaad ciyaarayso baadmintoon?

Waxaa laga yaabaa in lagaaga baahan

yahay kabo khaas ah? Haddii aadan

haysan waxyaabaha lagaaga baahan

yahay, waxaa suurtagal ah inaad ka

amaahan karto naadiga, maalmaha

oogu horeeya.

Haddaad go’aansato inaad wado is-

boortigan, kamuunaha qaybta nashaa-

daadka ayaa kuu sheegaya, inaad

dalban karto in dhaqaale ahaan lagaa

caawiyo lacagta bilaha iyo qalabka

isboortiga aad u baahan tahay.

Markaad bilowdo:

10. WARBIXIN

Raadi inaad ogaato, siddi aad ku heli

lahay warbixinada la xidhiidha, marka

la baajiyo tababarka ama meel kale

laga dhigo. Ma tababaraha ayaa

soo dira fariin SMS, ama waxaa laga

yabaa inay leeyihiin facebook, ay ku

soo qoraan warbixinada? Xusuusnow,

inaad u sheegto tababarah, haddaadan

fahmayn luqada. Waxaa suurtagal ah

inuu fariinta SMS kuugu soo qoro, luqad

aad fahamayso, inta aad ka baranayso

luqada daanishka.  

11. BAAJIN

Xusuusnow adigana siddoo kale, inaad

wargeliso, haddii aadan imaan karin ta-

babarka. Tababarah iyo kooxda inteeda

kaleba, way jecel yihiin inay ogaadaan,

haddii aadan imaan karin maalinkaa.

12. NASHAADAADKA KALE

Xusuusnow siddoo kale, inay jiri karaan

halkaa nashaadaad kale oo lagu wada

sameeyo naadiga, kuwan oo aad ka

qayb qaadan karto. Raadi inaad ogaato,

sida aad ku heli karto warbixinta la

xidhiidha kulamada uu qabto naadigu.

Waxaa suurtagal ah tusale ahaan, inay

qabtaan xaflad guud oo kulaylaha la

qabto, ama in naadigu u baahan yahay

inuu xayaysiin sameeyo.

   

Page 6: Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? · Waa maxay urur/naadi? Ururu sida caadiga aha waa dad isu tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan waxay

info

fold

er

6 Waa maxay urur/naadi?

Ururu sida caadiga aha waa dad isu

tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku

mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan

waxay noqon karaan.

Inkastoo ururku sida caadiga ah, uu ka

kooban yahay dad isku wax xiiseeyo,

haddan ururku ma hor istaagi karo,

cida xiisaynayso inay xubin ka noqoto.

Deenmaark waxaa shuruud ah, in urur

walbaa uu u furan yahay cid walba

oo xiisaynaysa inay xubin ka noqoto.

Waajib kuma aha ururka in qof walbaa

uu nashaad helo. Guddoonka ururka

ayaa go’aaminaya, nashaadaadka

ururka uu qabanayo, goorta iyo cida ka

qayb qaadanaysa nashaadkan.

Guddoonka

Gudoonka ururka waxaa lagu doortaa

shir guud oo la qabto. Shirka guud waa

in la qabtaa ugu yaran, sannadkii hal

ma, xubnahana waxay xaq u leeyihiin,

inay u codeeyaan cida gudoon noqo-

naysa.

Gudoonku wuxuu qabsadaa shirar,

ay ku go’aaminayaan, shaqada uu

qbanayo ururka. Tusaale ahaan, nooca

nashaadada uu qabanayo xili walba,

waxyaabihii iyo meelihii la isticmaali

lahaa, siddo kale waa inay ilaaliyaan,

fulinta waxyaabihii la isku raacay.

Xubnaha

Xubnaha waxay bixiyaan lacag bileed,

lacagtan tusaale ahaan waxaa lagu

isticmaalaa guriga, nalka/kulaylka, ala-

abooyinka, koorsooyinka, tartanada la

qbto iwm. Si aysan u badanaan lacagta

bisha la bixiyo,xubnaha ayaa si tadawuc

ah ooga shaqeeya ururka. Tusaale

ahaan, inay ka shaqeeyaan siddii loo

qaban lahaa kulamad la isugu yimaado,

iyo inay ka qayb qaataan diyaarinta

tartanada uu qbanayo ururka. Wa-

xyaabaha ay ka caawiyaan. Waalidiinta

siddoo kale waxay caruurta geeyaan

meesha lagu qabanayo tartanka.

Page 7: Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? · Waa maxay urur/naadi? Ururu sida caadiga aha waa dad isu tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan waxay

info

fold

er

7

Ururka waxaa uu raadiyaa, inuu helo

tababare iyo meelihii lagu qaban lahaa

nashaadyada kala duwan, si xubnahu u

helaan meel ay ku cayaaraan isboor-

tiga.

Frqiga u dhexeeya ururada iyo shirka-

daha khaaska ah

Halkaas waxaa jira farqi u dhaxeeya

ururada iyo shirkadaha khaaska ah.

Ururka waxaad xubin ka tahay wax

guud, oo aad la wadagto xubnaha kale,

waxaana lagaa rabaa inaad

bixiso lacag bile ah. Dhaqaalaha dhe-

eradka ah, waxaa loo isticmaalaa ma-

amulka ururka shaqada ururka waxay

ku salaysan tahay mabda’ iskaa wax

uqabashada. Siddaa daraadeed, waxaa

lagaa sugayaa inaad ka qayb qaadato

shaqada ururka, marka ay suurtagal kuu

noqoto inaad qabato shaqadan. Mee-

laha jimcsiga oo kale (fitnesscentres-ka),

waa meelo shirkada khaas ah leeyihiin,

oo lacag laga sameeyo. Tanina waxay

ka mid tahay farqiga u dhaxeeya shir-

kadaha khaaska ah iyo ururada, waayo

ururudu waxay taakulayn ka helaan

kamuunka iyo sanduuqyada caawiya

ururada isboortiga.

Ururka iyo kamuunka

Marka koox dad ah, ay doonaaninay

samystaan urur, waa inay caddeeyaan

ujeeddada ururka. Si ururka uu ogola-

ansho u helana, waa in ujeeddadiisu ta-

hay, mid ay ka muuqato, kor u qaadida

wacyiga bulshada. Kamuunka ayaa u

xilsaaran ogolaanshaha ururka, kamu-

unkana siddoo kale wuu la soconayaa

ururada uu ogolaaday oo dhan.

Page 8: Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? · Waa maxay urur/naadi? Ururu sida caadiga aha waa dad isu tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan waxay

info

fold

er

8Xiriirka:

Kamuunka:

DGI Iskudhafka:

Guddoomiyaha:

Tababaraha:

Kuwa kale:

Hab dhaqanka ururada daanishka

Ururadu waxay qaybwayn ka yihiin dhaqanka daanishka. Deenmaarka waxaa ka jira

in ka badan 1 milyan oo ururo ah. Sddaa daraadeed, waxaa hubaal ah, in kamuuna-

haaga ay ka ururo badan, oo kal duwa

Dadka daanishka ah badankooda, waxay qayb ka noqdaan urur ama ururo badan.

Sababta aan ugu faraxsan nahay ururada waxay tahay

� Ururada waxaa ka samaysanaa macaarif iyo asxaab cusub

� Ururada waxaa suurtagal noo noqota, inaan wada hadalo, wax is dhaafsano oo

kulano wada samaysano ku salaysan rabitaankaayaga.

� Ururada waxaan ku baranaa assaaska demuqraadiyada aan haysano.

� Ururuada waxaan ku baranaa is ixtiraamka, iyo hab dhaqameedka iyo qiyamka

bulshada ee kala duwan.

� Ururada waxay suuragalisaa, in xubnaha ay raad ku yeeshaan doorashada, wa-

xyaabaha raadku ku yeelanaya bulshadooda.

� Ururada waxay noo suurtgalinayaa, inaan ciyaaro nooca isboortiga aan xiisaynay-

no, oo la ciyaaro dadka kale ee aan isku waxa xiisayno.