8
AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO ILAYS GOLIS TELECOM SOMALIA Marketing Dept. LANDLINE FEATURES Halkan waxaan Macaamiisha Sharafta leh ugu soo gudbinaynaa features line-ka shirkada Golis lee yahay. Eeg Bogaga 3aad EEG BOGGA 6AAD EEG BOGGA 2AAD C/Shakuur : Lama Arag Dowlad Canshuur U Qaada Dowlada Kale Wasiir K/xigeenka Wasaaradda War- faafinta C/shakuur Mire Aadan oo shalay kula hadlay Xafiiskiisa Garowe suxufiyiinta ayaa sheegay in uu ka xun yahay in dow- lada Kenya ay heshiis kula gasho dowlada somaliya in ay Canshuurta u qaado, iyadoon kala hadlin Jasiira- daha Somaliyeed ee dowlada Kenya xooga ku haysato. “ Caalamka kuma arag dowlad Cans- huur u qaadaysa dowlad kale, aad baan ula yaabanahay ujeedada laga leeyhay heshiiskan, waxaa fiicnaan lahayd in dowlada somaliyeed marka horre dowlada kenya kala hadasho ja- siiradaha ay qabsatay” Ayuu yiri wasiir ku xiggeenku. C/shakuur mire Aada, waxaa kaloo uu ka hadlay sida Maamulka P/land shaki wey uga qabo magaca loogu yeero dowlada somaliya ee Midnima- da Qaran, Wasiirka k/xigeenku waxaa uu is-waydiiyay, ma waxaa loola jeeda dowlada Midnimada Qaran, waxaa heshiiyay Mucaaradka iyo Dowlada Mise arrima kale ayaa looga danleey- hay, waxaan jeclaan lahaa in si baah- san loo macneeyo erayga Dowlada Midnimada Qaran,ayuu yiri. OOMAAR:-GOLLAHA AMAANKU WAA IN UU SOMALIA KA QAADAA CUNNAQABATAYNTA HUBKA “ Somalia xilligan uma baahna ciidamo shisheeya” Sheikh C/raxmaan Al Nuceymi Obama: Bog cusub Ayaan u Furayaa Regime-ka Iiran, Ahmed:-Dhagar Cusub ayay Maleegayaan XUKUUMADA MIDNIMADA QARAN OO SI WEYN LOOGA SOO HORJEESTAY FAAQIDAADA CAYAARAHA IYO ISKU AADKA KOOXAHA URUB EEG BOGGA 7AAD EEG BOGGA 2AAD DAGAALKII OGAADEENYA GOLLAHA WASIIRADA P/LANDOO WARQAD U DIRAYA UN EEG BOGGA 2aad GUDAHA KA EEG QISADII NABAR AAN DAWOOBAYN IYO QORMOOYIN KALE

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII JEER … · AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS

  • Upload
    others

  • View
    2

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII JEER … · AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS

AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

ILAYS GOLIS TELECOM SOMALIA Marketing Dept.

LANDLINE FEATURES

Halkan waxaan Macaamiisha Sharafta leh ugu soo gudbinaynaa features line-ka shirkada Golis lee yahay. Eeg Bogaga 3aad

EEG BOGGA 6AADEEG BOGGA 2AAD

C/Shakuur : Lama Arag Dowlad Canshuur U Qaada Dowlada Kale

Wasiir K/xigeenka Wasaaradda War-faafinta C/shakuur Mire Aadan oo shalay kula hadlay Xafiiskiisa Garowe suxufiyiinta ayaa

sheegay in uu ka xun yahay in dow-lada Kenya ay heshiis kula gasho dowlada somaliya in ay Canshuurta u qaado, iyadoon kala hadlin Jasiira-daha Somaliyeed ee dowlada Kenya xooga ku haysato.

“ Caalamka kuma arag dowlad Cans-huur u qaadaysa dowlad kale, aad baan ula yaabanahay ujeedada laga leeyhay heshiiskan, waxaa fiicnaan lahayd in dowlada somaliyeed marka horre dowlada kenya kala hadasho ja-siiradaha ay qabsatay” Ayuu yiri wasiir ku xiggeenku.

C/shakuur mire Aada, waxaa kaloo uu ka hadlay sida Maamulka P/land shaki wey uga qabo magaca loogu yeero dowlada somaliya ee Midnima-da Qaran, Wasiirka k/xigeenku waxaa uu is-waydiiyay, ma waxaa loola jeeda dowlada Midnimada Qaran, waxaa heshiiyay Mucaaradka iyo Dowlada Mise arrima kale ayaa looga danleey-hay, waxaan jeclaan lahaa in si baah-san loo macneeyo erayga Dowlada Midnimada Qaran,ayuu yiri.

OOMAAR:-GOLLAHA AMAANKU WAA IN UU SOMALIA KA QAADAA CUNNAQABATAYNTA HUBKA

“ Somalia xilligan uma baahna ciidamo shisheeya” Sheikh C/raxmaan Al Nuceymi

Obama: Bog cusub Ayaan u Furayaa Regime-ka Iiran,

Ahmed:-Dhagar Cusub ayay Maleegayaan

XUKUUMADA MIDNIMADA QARAN OO SI WEYN LOOGA SOO HORJEESTAY

FAAQIDAADA CAYAARAHA IYO ISKU AADKA KOOXAHA URUB EEG BOGGA 7AAD

EEG BOGGA 2AAD

DAGAALKII OGAADEENYA

GOLLAHA WASIIRADA P/LANDOO WARQAD

U DIRAYA UNEEG BOGGA 2aad

GUDAHA KA EEG QISADII NABAR AAN DAWOOBAYN IYO QORMOOYIN KALE

Page 2: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII JEER … · AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS

2AXAD 22 MARSO 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA

OOMAAR:- GOLLAHA AMAANKU WAA IN SOMALIA KA QAADAA CUNNAQABATAYNTA HUBKA

“ Somalia xilligan uma baahna ciidamo shisheeya” Sheikh C/raxmaan Al Nuceymi

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Maxamed cabdullahi Omaar ayaa gollaha ammaanka ka codsaday in laga qaado cunaqabat-eynta hubka si ay dowlada u yeelato ciidan xoogan ugana guuleysato ko-oxaha kasoo horjeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya ayaa ka codsaday gollaha Amaanka in dib u eegaan qa-raarkii cunaqabateynta ee la saaray Somaaliya xilligii dagaalkii sokeeye ka billowday somalia 1991

Kulankii ay isugu yimaadeen xub-naha golaha ammaanka ee Qara-mada midoobay ee jimcii ayaa looga hadlay arrimaha somalia, waxaana somalia uga qaybgalay wasiirka Ar-rimaha Dibada ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Omaar

Wasiirka ayaa codsiga caalamka u diray kaga hadlay caqabadaha hory-aal Dowlada Soomaaliya asagoo sheegay hadii aan la helin ciidan xoogan oo ay Dowlada Soomaaliya leedahay aysan suurto gal noqon karin in Dowladu ay wax ka qabato dhinaca Amaanka.

Wasiirka ayaa codsigiisa raaciyey in Qaramada Midoobay ay dar dar geliso mucaawinada lasiiyo dalka Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya

Isla Kulankaas, xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay shalay Jimcihii ay kaga hadlayeen ar-rimaha Soomaliya, waxaana ka had-lay ergayga Qaramada Midoobay Ahmedu Ould Abdalla.

Ergayaga Qaramada Midoobay waxaa uu warbixintaasi ku bilaabay in burburka ku yimi Soomaliya uu sa-nooyin badan halis ku ahaa Soomaa-lida, iyo waddamada deriska ah iyo beesha caalamkaba.

Ould Abdalla ayaa soo bandhigay waxa uu ugu yeedhay qorshe cusub oo tusaale ah kaasi oo ku baaqaya in Soomaalida iyo beesha caalamku-ba ay ka hadhaan in eedda burburka Soomaaliya uu midba ka kale dusha uga tuuro.

Taa badelkeeda waxa uu ku baaqay in beesha caalamka iyo Soomaa-liduba hadda kadib si daacad ah ugu soo jeestaan dib u dhiska iyo naba-daynta dalka, isaga oo tilmaamay in lagaa faai’idaysto fursadda ka jirta Soomaaliya ee dib u hishiisiinta iyo dhismaha dawladda cusub.

XUKUUMADA MIDNIMADA QARAN OO SI WEYN LOOGA SOO HORJEESTAYDowlada Somalia ayaa dalbatay ci-idamo cusub oo ka tirsan AMISOM, kuwaasoo xoojin u noqonaya kuwa hada sugan Muqdisho oo ka socda Uganda iyo Burundi tiradooduna gaarayso 4,000-askar.

Wasiirka arimaha dibada ee Soma-lia Maxamed C/llaahi Oomar oo ka qaybgalay shir ka dhacay xarunta UN-ka oo looga hadlay arimaha So-malia ayaa ku eedeeyay caalamka inay iska indho-tirayaan xaalada So-malia.

“Maanta Somalia kana jiraan hog-gaamiye kooxeedyo dagaalo wada... kama jiraan dagaalo beeleed, balse waxaa jira wadahadalo lagu doon-ayo in lagu xasiliyo dalka” ayuu yiri Oomaar.

Sidoo kale wasiirku wuxuu ka dal-bay golaha amaanka ee UN-ka inay xil iska saaraan sidii ay ku taageeri lahaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada, si loo yareeyo khatar-ta kooxaha mowqifkoodu fogaaday ee weli ku baaqaya inay dagaalada sii wadayaan.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyey qor-she ay wadato Qaramada Midoobay oo la rabo in la dhiiri geliyo Ciidam-ada AMISOM kuwasoo lagu badali doono ciidamado ka socda UN-ka.

Kooxda Al-shabaab ayaa ku han-jabay dhawaan inay sii wadayaan da-gaalada ay kala horjeedaan dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabo Axmed C/llaahi Xuseen [Fanax] ayaa ku til-maamay hadalka wasiirka arimaha dibada ee Somalia Max’ed C/llaahi Oomar mid aanay dowladu u dham-eyn oo aan dhaafsiinayn firkiisa.

“Dalabka wasiirka ee ciidamada cu-sub ma jirto cid ansixisay, waxaana sharciga uu dhigayaa in hadii ci-idamo la dalbanayo la soo marsiiyo baarlamaanka, markii la ansixiyana ay noqonayso in la dalbado” ayuu yiri Xil. Fanax oo intaas ku daray:

“Ma jirto ciidamo cusub oo aan u baahanahay, waxaan doonayno waa in nalaga caawiyo dhanka tababarka ciidamada, sidoo kalena AMISOM laga saaro dalka, maadaama ay dowladu go’aansatay inay dhaqan-geliso shareecada Islaamka”.

Wasiirka arimaha dibada ee Soma-lia Max’ed C/llaahi Oomar, wuxuu amaanay ciidamada dowlada ee ka kooban TFG iyo ARS ee la isku da-ray, isagoo sheegay inay qabteen howlo wanaagsan, balse ay u baa-han yihiin taageero.

Wakiilka Britain ee UN-ka Danjire John Sawers ayaa ka sheegay fad-higii Qaramada Midoobay ee looga hadlayay arimaha Somalia in dalkiisa uu ugu deeqayo AMISOM lacag gaa-raysa 10-Million oo Pounds, taasoo u dhiganta [$14.4-Milllion].

DARWIISH OO LA CAYRIYAY IYO TALIYE CUSUB OO L A MAGACAABAY

Kulankii Gollaha wasiiradda ee Punt-land 19 Marso oo guddooninaya M/Xigeenka Puntland C/samad Cali shire ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda Nabadgely-ada Guud, Mashaqooyinka beelaha qaarkood ka dhexeeya,Hay’adda u qaabilsan nabadgelyada Hay’adaha Caalamiga ee (NGO spasrating) iyo xaaladda Abaaraha ee Dalka ka jirta.

waxaa kaloo lagu soo qaaday, warbixin ku saabsan guddigii ay dawladdu u xilsaartay arrimaha abaaraha halka ay marayaan(Hadma),safarkii Madaxweynahu DGPL halka uu marayo iyo shirkii Hay’ada Interpeace iyo xukuumadda dhex maray.

Madaxweyne K/xigeenku waxaa uu sheegay in qodobadan hory-aala golaha mid mid looga hadlo ,intaasi ka dibna waxaa goluhu bi-laabay in laga hadlo xaaladda guud ee nabadgelyada dalka

waxay kaloo sheegeen in hakintii gaadiidka ee wadada laamiga ah ay hirgashay si fiicana ay u socoto haw-shaasi, shirkada Golisna calaamadi-hii wadada ee ay samaynaysay waxa ay ka soo bilowday Boosaaso,waxay kaloo intaasi raaciyeen in Haamo ka soo caaryey Badda la eego isla markaana dadka laga wacyi geliyo.

dhinaca kale hay’adaha u qaabil-san Nabadgelyada NGOs ayaa laga dooday,doodaasi ka dibna waxa la go’aamiyey in wasaaradda Qor-shaynta la shirto 19 NGOs, warbixin buuxdana golaha xukuumadda u keento ka dibna laga qaado talaaba-da ugu haboon.

Kulankii khamiistii waxaa lagu ga’aamiyay in warqad loo diro Qa-ramada Midoobay, loogana dhaad-dhicyo in puntland laga saaro waxaa loogu yeero Face 4, taasoo muuji-naysa in ammaanka puntland Hoo-seeyo.

Shir ay isugu yimaadeen gollaha xu-kuumadda Soomaaliya 19 marso 2009 ayaa taliyihii Ciidanka Nabad-sugida Soomaaliya Col.Maxamed Warsame Darwiish xilkii lagaga xa-yuubiyey.

Col.Darwiish oo ahaa muddooyinkii u danbeeyay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugida, ayaa ka maqnaa dalka waxa uuna ku sugnaa wadanka dibadiisa.

Isla markiiba golaha Xukuumaddu waxay magacaabeen taliyihii be-deli lahaa waxaana loo maacaabey Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Shiikh Xassan.

Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Warfaafinta Dawladda Federaalka ayaa sheegay in xukuumaddu isku raacdey xilka qaadista darwiish kadib markii codsi uga yimi Wasaa-radda Amniga ee uu wasiirka ka ya-hay Col.Cumar Xaashi Adan.

Mud, Darwiish oo ka mid ahaa raggii sida weyn daacada ugu ahaa madax-weynihii Horre ee somalia, waxaana lagu eedeeyay in dad badan xirxiray jirdilna u gaystay inkastoo uu beeni-yay.

xukuumada Cusub ee midnimad qa-ran ayaa wada howlo lagu eryayo ragii la shayan jiray maamulkii horre, waxaana hadda ku harray Taliyaha Booliska somaliya Cabdi qaybdii.

GOLLAHA WASIIRADA P/LANDOO WARQAD U DIRAYA UN

Page 3: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII JEER … · AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS

AXAD 22 MARSO 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA 3

Call forwardingSi aad line-kaaga ugu xawishaa Mobile-kaaga Gacanta fadlan raac habkan:�Active :*57*number-kaaga # Deactivete:#57#Callback on busySidee kuu soo wici karaa line aad rabtey oo mashquul kaa noqday markale adiga:Fadlan garaac *59# marka line-ka la dhigo ayuu adiga ku soo wacayaa :Ogaansha waqtigaFadlan garaac: #*32

GOLIS LANDLINE FEATURES

Sidee E-mail looga dirsan karaa Mobile-kaaga Gacanta �Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale [email protected] [email protected] �dabadeed dir fariinta.NB: dal iyo Dibadba waa isku midCALLCONFERENCESidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference �Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac kadib taabo callcomference�hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay

CallwaitingSi aad line-kaaga ugu samayso adeegan: Fadlan garaac *58#Sidee laysaga xiraa adeegan #58# Wakeup timeSidee line-ka guriga ama xafiiska kuu yaal aad ugu buuxsan kartaa waqatiga aad rabto ee aad balanta leedahay:Fadlan garaa *55* iyo saacada aad rabto oo ah habka 24saac usaale:

1300# sidoo kale waxaa loo tirtiraa adeegan #55#

Wasiirka Wasaaradda Waxbara-shada MGPL Cabdi Faarax

Juxa Ayaa xarunta Garowe waxaa kulan kula la yeeshay Hay’adaha ka Caawiya puntland Horumarinta Waxbarashada,waana kulankii u horreeyay oo Madaxda Wasaaraadu la yeeshaan Hay’adaha Caalamiga

Mu, Juxa oo Haddal Kooban oo si-iyay Warfidiyeenada ayuu sheegay in wasaaraddu waddo qorsheyaal faro badan oo ay ku kobcinayso waxbarashada degaamada kala du-wan ee Puntland

Shirkaas Jaraa’id kadib, Weriyaha Wargayska Ilays ee Garowe, Cali Ibraahim Qoobey ayaa waraysi Kooban la yeeshay Wasiirka Wax-barashada Cabdi Faarax Juxa. Waraysigiina waxaa uu u dhacay sidan:-

Ilays:- Mud, Wasiir Marka Waxaad Nooga Warrantaa Kala duwanaan-shaha Manhajka Dugsiyada Punt-land iyo in uu Jiro Qorshe ay doonay-saan in Manhajyada ku soo dartaan Barashada Dhaqanka Somalida

Wasiir Juxa:- Waa Cilad weyn weeyaan oo Dalka ka jirta, waana Arin Fool xun in dalka gudihiisa ay ka jiraan Iskoolo lagu barto Man’hajyo kale gadisan balse waxaan ku dada-ali doonaa sidii aan wax uga qaban lahayn,waxaana rajaynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga bedeli doono isbarbaryaaca Man-hajyada laga soo qaatay wadamada carabta iyo kuwa afrikanka.Dhinaca Manhajka iyo Barashada Dhaqa-nka, Waxaa Qorshaha noogu jirta inaan abuurno Waax Dhan oo noo qaabilsanaan Doonta Arimahaasi si looga Haqabtiro Ardayda Barashada Dhaqanka Somaliyeed..

Ilays:- Mashaariicda Waxbarasha-da Ee Hay’adaha Caalamiga ay ku Deeqaan, Maxaa idiinka Qorshay-san?

Wasiir Juxa:- Waxaan gacanta ku dhigi Doonaa dhamaan mashaari-icda waxbarashada Deegaanada Puntland, waxaana kaloo Hay’adaha u Sheegayaa iney Wasaaradda Waxbarashada usoo Bandhigaan Qorsheyaashooda Deegaanada ay Doonayaan iney wax ka Qabtaan Iyo sida ay wax u damacsanyihiin, waxaa kaloo jiri doona kulan Bile ah oo aan la yeelan dooba Hay’adaha ka shaqeeya Waxbarashada si aan wax iskula Meel dhigno dhamaan arrimaha la xirriira waxbarashada Horumarinteeda

Wasiirka Waxbarashada Puntland: Mud Cabdi Faarax Juxa oo soo Bandhigey Waxqabadka Wasaaradiisa

WaraysiPuntland Oo ka digtay is-bedal lagu sameeyo

Nidaamka Federaalka ah ee SomaliyaGarowe, 18 Marso, 2009

Kulan aan caadi ahayn oo ay yees-seen Gollaha Wasiirada ee Puntland oo uu guddoominayey Madaxweyne K/xigeenka p/land C/samad Cali Shire ayaa laga soo saaray dhawr qodob oo uu udub-dhexaad u ahaa mawqifka Puntland ee nidaamka federaaliga ah, dastuurka cusub ee Puntland, iyo hirgelinta nidaamka talo-wadaaga ah ee axsaabta ku sa-laysan.

Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka socotay hay’ada Inter-peace ee ka kaalmaysa mamulada Puntland iyo Somliland hirgelinta ni-daamka talo-wadaaga ah ee ku sa-laysan axsaabta siyaasadeed.

Kullankaas waxaa kaloo lagu go’aamiyay Hirgelinta qaab dhis-meedka shuruucda dalka lagu dhaqayo oo ay ka mid tahay

-Xuquuqda bulsheed,-Xuquuqda siyaasadeed,-Nidaam dhaqaale,-Nidaam siyaasi oo ku salaysan hay’adaha dawliga ah, iyo ku dhaqa-nka shuruucda DGPL u taala

Tan iyo Markii Abdiraxman Faroole iyo C/samada Cali shire loo dhi-ibay Hoggaanka wadanka, waxaa la dhowrayay ku dhaawiqda iyo hirgelinta isbedelo waaweyn oo lagu sameeyo Nidaamka dowladnimo oo la sameeyo Nidaamka Asxaabta badan, Dastuurka la dhamaystiro oo codna loo qaado, Samaynta Guddi la dirira Musuqmaasuqa ragaadiyay dowlada iyo yagleelida Hay’adihii daryeeli lahaa dadweynaha

dhinaca kale Kulankaas aan caadiga ahayn waxaa kaloo laga soo saaray

Warmurtiyeed looga digayo xukuu-mada Midnimada Qaran ee Madax-weyne shariif in ay isbedel ku sa-mayso Nidaamka federaalka ee somalia.

Golluhu wuxuu sheegay in Puntland ay qayb ka tahay nidaamka feder-aalka ah ee Somaliya, ayna ayidsan tahay dastuurka dawlada ee feder-aaliga ah, Puntlandna aanay aqa-bali doonin dawlad Somaliyed oo ku dhisan habka midnimada qaran ‘Unitary government’.

Tani waxaa ay jawaab u tahay warar in dhawaale ka dhex socday xiwaar-ka siyaasadeed ee Somalida oo muran ka taagan yahay magaca iyo nidaamka dawliga ah ee dawlada Somaliya.

Waxaa jira dad badan oo aaminsan in dawladu ay tahay mid midnimo qaran oo bedeshay tii federaalka ahayd, halka ay jiraan kuwa kale oo qaba in dawladu ay tahay dawladii federaalka ahayd oo waqtiga loo kordhiyay , dastuurka iyo nidaamka dawliga ahina uu yahay federaali.

M/weyne Shariif, wakiilka QM u qa-abilsan Somaliya, mudanayaasha baarlamaanka ee hore uga tirsanaa Isbahaysiga ayaa ugu horeeya inta aaminsan in dawladu ay tahay mid midnimo qaran, ayna bedashay tii federaalka ahayd.

Badi mudanayaashii hore ee baar-lamaanka ee dawlada federaalka ah ayaa iyagu qaba in dawladu ay tahay mid federaal ah, dastuurkuna uu sidaa dhigayo.

Wasiirka Waxbarashada PuntlandCabdi Faarax Juxa

Page 4: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII JEER … · AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS

AXAD 22 MARSO 2009 ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA 4Islaamka iyo reer Galbeedka

Aragti Taariikheed.QAYBTII 2AAD

Khatarta Tahriibtu kuhayso Soomaalida

Tahriibtu waa daahiro ama caa-do xun oo ku soobiirtay mu-

jtamaceena soomaaliyeed taasoo qofku si sharci daro ah uga baxayo dalkiisa isagoo maraya wadooyin aad u khatar badan oo aan sharci ahayn.

Dadka soomaalida waxaa lagu tiri-yaa tahriibayaasha ugu badan aduunka ee tahriiba, wuxuuna soo batay dhaqankaan wixii kadan-beeyey burburkii soomaaliya iyo da-gaaladii sokeeye. waxyaalo badan ayaa sabab u ah inay soomaalidu tahriibto waxaana kamid ah shaqo la’aan kajirta dalka, buufis iyo dibad jaceyl, dagaalo iyo barakac, raadsa-shada nolol kafiican tan ka jirta dalka soomaaliya.

Dhibaatooyin faro badan ayay la kul-maan dadka tahriiba; qaar fara badan waxaa laqda badda, inta dhulka mar-tana waxaa disha gaajo iyo haraad, kuwo badan waxay la kulmaan xarrig iyo jirdil ay kala kulmaan dowladaha sida sharci darada ah ay u dhex-marayaan waxaa soo dhan waxaa kadaran kufsiga iyo faraxumaynta loogaysto gabdhaha soomaaliyeed ee tahriiba.

Badanaa waxay soomaalidu u tahrii-btaa dalalka carabta sida yaman iyo sucuudiga waxayna raacaan doonyo ka shaqeeya rarida tahriibta oo si arxan darro ah ula dhaqma rikaab-kooda waxayna ku tuuraan badda, qaarna ku dhex toogta doonta du-sheeda, waxaana dhaqan u ah in rikaabka lagu daadiyo meelo ka fog xeebaha dalka yaman.

Tahriibayaasha qaar kamid ahna waxay u tahriibaan dalalka reer galbeedka, waxayna qardajeexaan dhulka iyagoo dhexmaraya dalalka itoobiya, Sudan iyo Liibiya halkaas oo ay ka sii raacaan dooonyo geeya

Marrinkaas oo ah mid aad u khatar badan ayaa qaar kamid ah , tah-riibayaasha lagu xiraa dalka itoobi-ya, qaarna waxaa dila haraad iyo gaajo,markii ay soo galaana xuduu-da Sudan waxay la kulmaan xarig halkaas oo rag soomali ah oo du-laallo ah ay lacag ku soo damiintaan, waxayna ka raacaan dalka Sudan gawaari cabdibile ah waxayna mara-an waddo saxaro ah oo aad u dheer taasoo sababta in tahariibayaasha qaarkood ay u dhintaan haraad iyo gaajo ama waxaa qafaasha oo fara xumeeya rag iyo dumarba kooxo bur-cad ah oo ka qaraabta wadadaas.

Tahriibayaashu markii ay soo galaan dalka liibiya waa la qafaashaa wax-aana loogu shaqeestaa sidii adoonkii waxaana lagu xiraa soo dayntiisa madax furasho lacag ah,

Inta soo harta oo nasiib u yeelata in ay liibiya ka fuulaan doonyo waxaa laqda badda ama waxay u dhintaa gaajo iyo haraad, hadii ay wax ka badbaadaana waxaygalaan dalka talyaaniga halkaasoo lagu xiro fa-rana looga qaado.

Nasiib xumo ma helaan tahriibay-aashu riyooyinkii ay ku riyoon jireen oo ahayd helida shaqo iyo nolol ka fiican tay ku haysteen dalka soomali-ya, balse waxayba lasii kulmaan xarig ama waxay galaan xiro qoxooti oo lagu quudiyo sidii xoolihii.

Lama soo koobi karo rafaadka iyo silica ay lakumaan tahriibayaashu, waxaase muhiim ah in lagu cibro qa-ato intaan soo xusnay, lana ogsoon-aado in dalka hooyo yahay lama huraan aysana jirin meel ka fiican oo aduunka ku taal, waana inaan ku noolaana dalkeena soomaliya kana shaqeenaa sidii ay caruurteeno noo-ga dhaxli lahaayeen isagoo lamid ah dalalka horumaray si aynan ugu fak-arin iyaguna in ay tahriibaan

W.Q.Almis Yahye Ibrahim

Xilliguu Nebigu N.N.K.H Noo-laa dagaaladii ugu horeeyay

ee ay iskaga hor yimaadaan Nab-iga iyo gaalada reer Room wuxuu ahaa Dagaalkii Mu’tah Sanadkii sideedaad(8aad) ee hijriyada. ka dibna waxa ku xigay goobtii Tabuuk ee sannadkii sagaalaad (9aad) ee hijriga .

Waxaa Ruum u muuqatay oo ay arkaysay, quwad cusub oo addun-ka ku soo biirtay, kana diin duwan, aadna u fidaysa, sidaa awgeed ayay waxay isku dayeen inay Diintan cu-sub curdinka ku goostaan.

Marxaladda Labaad:Xilligii Abuubakar Al-Sadiiq iyo Cu-mar Al-Faruuq dagaalo isdaba jooga ayaa dhexmaray Muslimiinta iyo Roomaanka.

Waxay muslimiintu gacanta ku dhi-geen dhul balaadhan oo ay Room u talin jirtay sida Syria, Egypt, iyo Jeru-salem sanadku markuu ahaa 638.650kiina waxaa muslimiinta u soo gacan galay dawladii balaadhnayd ee Persia ilaa ay gaadheen bar-tamaha Asia ilaa waqooyiga India.

Qarnigii 7aad waxay muslimiintu qabsadeen halbawlihii Imbiraadoori-yaddii Byzantine ilaa ay gaadheen waqooyiga Africa,Spain iyo Sicily.

Waxaa aad u muujiyay mucjisada ay Islaamku waqti yar ay ku qabsa-deen labadii Dawladood ee markaa aduunka ka talinayay, aqoon yahan fara badan oo reer galbeed ah sida: Thore Astrope – Gostaph Lapon – Toinpi – Tomas Arnold

Waa meelaha uu reer galbeedku Islaamka ku duro, isagoo ula jeeda inuu Islaamku ku faafay xoog iyo boob, hase ahaatee arinkaa wax aad u faafiya Kaniisada iyo kooxdii horkac u ahaan jiray gumaystaha ee la magic baxday Orientals. waxaan isku dayi inan si gaar ah uga hadlo qodobkan, oo aan soo bandhigo aragtiyaha kala duwan ee laga qabo, maxaa sababay inuu Islamku xawaaraha intan leeg ku jaro waqti aad u gaban?

Marxaladdii Saddexaad.Intii u dhaxaysay 750-1258 waa xilligii dahabiga ee ilbaxnimada is-laamka, waa goortii la helay aqoon-tii Science(sayniska), waa xilligii la turjumay aqoontii Greece, India, Persian, waa wakhtigii uu qofka muslimka ahi adduunka macallinka ka ahaa, sababtoo ah waa markuu heshiis la ahaa naftiisa iyo Ilaahayba

Xilligan islaamku iyo qofka muslimka ahiba qiimuu lahaa, oo aduunyadu arday ayay u ahayd muslimka, wax-aa ardaynimo looga ahaa qaab no-loleedka iyo aqoontaba.

Waa goortii ay caasimadaha Islaam-ku ahaayeen qiblada cilmiga, dhaqa-nka fiican , maamulka , aqoonta, cadaalada, nadaafada, sinaanta iyo ilbaxnimada sida Cairo, Zaytuna, Qarawiyiin, Bagdag, Qurduba, Harar, Zailac, Baraawe, Mugdisho.

Dib hadaynu u jaleecno maxaa kali-fay inuu muslimku aduunka qiimahaa ku lahaado:

Waxaynu odhan karnaa inagoon dhana eegin, kalsooni buuxdana ku qabna, wuxuu muslimku u hogaans-amay waxyigii Ilaahay, Wuxuu ku dhaqmay oo uu fahmay qawaaniinta kowkan “sunanka Ilaahay” oo ay ka mid tahay:

Ciddii dadaashaa libta leh.• Cilm-igu wuxuu hagaa bulshada. Cad-daalada waxaa lagu gaadhaa xukun waara. Sinaanta aadamah, wada tashiga wuxuu dhaliyaa ukun qurux-san. Hantida dadwaynaha si cad oo hufan ciddi ku maamusha ayaa leh. eexdooda. Ilaahay cidna ma bedelo ilaa ayagu is bedelaan.

Soo rogaal celintii reer galbeedku, aadbay u qadhaadhayd, waa da-gaaladii Saliibiyad (1245 –1094). Inkastoon odhan karno, Europe aad bay uga faa,iidaysatay Dagaaladaa, oo waxayba ahayd meeshay ka bi-laabmeen kacaankoodii qarnigii 15aad.

Xiligay Europe ku jirtay mugdiga, laga bilaabo qarnigii 5aad ilaa qarni-gii 15aad. Dhulka Muslimka Ilbaxni-mo Iimaan ku dhisan ayaa ka tali-naysay, balse qaybo kamida Europe iftiin ayaa kasiraadnaa waa Andulu-sia. Islaamku waxuu galay Andalus (92 – 95 H) (711 –714), halkaa ayay Europe ka heshay iftiinka aqooneed. Sideed qarni ayuu Islaamku ka tali-nayay ilaa laga qabsaday magaaladii ugu danbaysay ee Islaamku ka taliyo waa Garanade (1492).

Inkastoo Islaamku waayay Andalo-sia, hadana wuxuu ka qotomiyay Ilb-axnimo kale Africa, oo waxaa samay-smay Mamlikadii Mali, oo Tombukto ayaa noqotay Caasimad cilmi oo Af-rica oo idil iftiin u noqotay.

Sidaa ayay reer galbeedka iyo Is-laamku marba midkood ula waree-gayay saraynta iyo hagida aduu

Intii u dhaxaysay qarnigii 11aad ilaa qarnigii 13aad reer galbeedku way soo rogaal celiyeen iyagoo ku and-acoonaya inay xoreeyaan Baytal Maqdis, xilligaa waxaa ku beegmay dagaaalkii qadhaadhaa ee reer gal-beedka ula baxeen dagaalkii Sali-ibiyiinta muslimiintuna u yaqaaneen dagaalkii Faranjiga.

Sababtoo ah muslimiinta waxay u haysteen dagaalkaasi inaanu ahayn mid loogu hiilinayo diinta Masiixiyad-da oo degenayd in ka amid ah carra-da Muslimiinta, balse waxay qabeen muslimiintu dagaalkaasi inuu ahaa mid dhulbalaadhsi looga dan leeya-hay oo reer galbeedka ka hayo hun-guri dhaqaalaha Muslimiinta .

Waxaa kaloo ka dhacay dunida reer galbeedka weliba Spain xasuuqii ugu qadhaadhaa 1492 xasuuqaaa oo lagaga sifeeyay muslimiinta An-dalusia.Xilliyadaasi ay cadceeda islaamku ka sii dhacaysay galbeedka Yurub waxaa hanaqaadaysay khilaafadii is-laamka ee Ottoman (1453kii-1923).Waxaan is weydiiyay oo aan ilaa maanta aan jawaab u waayay daw-ladii muslimiinta ee Spain ka talinay-say xilligii la xasuuqay khilaafada Ottoman xoog ayay lahayd, wax gurmad ah oo aan ka akhriyay ama aan helayna ma jirto, tolow maxaa keenay inay ku daawato Ottoman-sku burburkii muslimiinta Spain iyo Portugal?

LA SOCO CADADKA XIGA

Abdifitah Mohamed [email protected]

Page 5: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII JEER … · AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS

AXAD 22 MARSO 2009 ILAYS NEWSPAPER SHEEKOOYIN 5

2 3 93

76

31 9 3

9 2 7

6 1 6 1 5 5

7 5 7 5 8 8

6 6 6 6 6 6 6 6 6 6 4 4 4

2 2 2 2 2 2 2 2 2 7 7 7 3 3 3

Nabar Aan Dawoobeyn.W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays QAYBTII 4AAD

Adduunyooy xaalkaa ba’, mindhaa la ima dago mar kale, bay Id-

man hoosta iska tiri. Maalmahaasna maalmo xusuus badan dheh. Maxaa la isa siray. Maxaa gabdho la lug-gooyey, maxaase rag badan murugo iyo uurxumo lagu beeray. Maxay gabdho dhaaxaa sidii shimbirihii ugu hoobteen dabinno loo dhigay. Maxaa gabdho dhaaxaa lagaga faa’iideystay xanuunka buufiska oo ay la jahawa-reersanaayeen, kaasoo dawada keli-ya ee uu leeyahay ay tahay ‘dhoofka’. Maxaa gabdho badan inta caloosha loo buuxiyey looga dhaqaaqay dari-iqyada Nayroobi, kaddibna Yurub iyo Mareykanka laga beegsaday, dib dambena aan loola soo hadlin. Kuwii warqadahooda furriinka loo soo diray ayaaba nasiib leh…

Magaalada Gaalkacyo iyada war-keedba daa. Meel aan rag joogin bay Idman ugu xisaabnayd. Aan ku guursado waxaan ahayn ma yaqa-anniin, bay oran jirtey mar kasta oo lasoo hadalqaado sheekooyinka Gaalkacyo. Sow in marka hore la is barto maaha, bay ku doodi jirtey. Waxaase dooddaas barbar tiil, max-aan iska baranaynaa, sow ina hebel oo reer hebel ah ma tihid, aniguna ina hebel oo reer hebel ah ma ahi, sheekaduba halkaas bay ku dhan tahay, ma war kalaa ka nool. Niman-ka reer baadiyaha ah ee Gaalkacyo dhooban maxay ii sheegayaan, bay isku qancin jirtay. Nin Mudug ku dha-shay Ilaahaw wax ha iigu darin, bay ku ducaysan jirtey.

Kaddib markey dulmar gaaban ku sa-maysay waayaheedii nolosha, waxay misana mar kale qiimeyn kula dhaqa-aqday muuqaalkii jirkeeda,

waayaheeda cusub, iyo nolosha mustaqbalkeeda dambe. Waqtigu waa is gurayaa. Maalinba maalin bay kusii amaahinaysaa. Shalay maanta maaha. Berrito waa maalin kale oo sha’nigeeda wadata. Muuqaalkeedii quruxda badnaa wuu isasii beddelay-aa. Midabkeedu wuu sii qayirmayaa. Jirkeedu wuu sii jilcayaa. Naasahee-dii sida gantaalka u taagnaan jirey, intey itaalbeeleen bay xundhurteeda sii haabanayaan. Idman inkastoo uu-san dadaal ku yarayn, waxay misana mar kale isku guubaabisay in uusan fadhi meel u oollin. Alleylehe, kii aan sugayey haddaan hayaa, waase haddii aan calaf isku leennahay, bay niyadda isugu dhistay. Mar uun aniga iyo Shirwac ma isasoo hor fari-isan doonnaa, bay niyadda iska tiri. Ilaahow ha i dilin anigoon Shirwac laabta ku qaban ama ugu yaraan taaban meel uun jirkiisa ka mid ah, bay ku ducaysatay.

Ugu dambeyn, Idman intey mu-raayaddii ka hordhaqaaqday iyadoo isku qanacsan bay dharkii iska bed-deshay, dabadeedna sariirteeda fuu-shay. Waxay islamarkiiba barkinta hoosteeda kala soo baxday sawirrra-dii Shirwac oo ahaa wehelka keliya ee ay lahayn, nafteedana ku samir-siin jirtey.

Idman iyo Shirwac waxay caadeysteen in ay habeen kasta dhowr saacadood taleefanka ku wada hadlaan. Sheekadoodu waxay billaaban jirtey saqda dhexe habeen-kii markey dhammaan reerku kala seexdaan, waqtigaas oo ahaa waqti-ga keliya ee ay Idman si xorriyad leh ula sheekeysan kartey gacaliyaheed Shirwac. Sidaas awgeed, habeen

kasta waxay ku dhafri jirtey taleefan-ka. Habeen- dhafarkeedu ma ahayn mid qarsoomi karey. Qof kastoo suu-liga usii socda wuxuu kusii marayey daaradda guriga iyadoo dhegta ku haysa taleefanka. Hab-dhaqankaas cusub ee ay Idman lasoo baxday wuxuu amankaag iyo walaac ku abuuray hooyadeed oo ka welwel-saneyd aayaha gabadheeda.

Subax subaxyada ka mid ah bay Id-man iyo hooyadeed isku keliyeysteen daaradda guriga. Nuuro waxay sub-axaas go’aansatay in ay gabadheeda hoos ahaan u weydiiso sababta ay habeen kasta taleefanka ugu dha-farto iyo dadka ay la sheekeysato.

“Hooyo, waa maxay dhaqankan xun ee aad lasoo baxday? Waa maxay taleefankan aad habeen kasta ku dhafreyso?” bay Nuuro gabadheeda weydiisay.

Idman intey wax yar aamustay bay go’aan degdeg ah qaadatay. Waxay talo ku dhammaysatay in ay hooy-adeed u sheegto sida ay wax u jiraan maadaama lasoo gaarey muddadii ay ugu talagashay in ay hooyadeed ku wargeliso. Maalintii uu Shirwac iman lahaa Gaalkacyo waxaaba ka harsanayd lix maalmood.

“Hooyo, waa wiil aan wada soconno oo Mareykanka jooga,” bay Idman ku billowday sheekada iyadoo ay-san ka muuqan wax baqdin ah haba yaraatee. Idman waxay hooyadeed ku qabtay kalsooni badan oo ah in qorshaheeda aysan marna caqabad ku noqon doonin.“Oo sidee u wada socotaan wiil Mar-eykanka jooga, goormaadse is

barateen?.”

“Waxaan is-barannay lix bilood ka-hor. Waxaan isku barannay khadka MSN-ka ee Internetka, waxaanan ugu dambeyn ku heshiinnay in aan is guursanno.”

“Oo maxaad ka waddaa khadka MSN-ka ee Internetka?” bay Nuuro gabadheeda weydiisey iyadoo yaab iyo ammankaag dhabannada hay-sata. Nuuro wararka internetka wax badan kalama aysan socon. Waxay maqli jirtey uun in waraaqaha lagu dirsado. Waxay u haysatey wax aan dhaafsiisnayn boosto casri ah oo de-gdeg badan. Hase yeeshee, waxay liqi kari weyday in Internetka dhex-diisa la isku shukaansado, la isku jeclaado, kaddibna guur lagu heshi-iyo.

“Hooyo, si kale oo aad ku fahmi kar-to haddii aan kuugu sheego, waxaan iska barannay hawada u dhaxaysa Mareykanka iyo Gaalkacyo…Weli fool-ka-fool iskuma aynaan arag.”

“Waa yaabka yaabkiis. Oo maand-heey, qof aadan weligaa arag sidee baad u aamintay, ama ku sheekey-sateen, amaba ugu heshiiseen guur? Oo illeyn Internetkan baas ee aad saacad kasta kusii socoto nin baa kaaga baaqayey.”

Idman intey istaagtey oo qolkeedii gashay bay soo qaadday sawirradii Shirwac si ay hooyadeed u tusto. In-tey sawirradii kala bixisay bay hooy-adeed ku tiri “Hooyo, waa wiilkan…Shirwac ayaa la dhahaa.”

Nuuro intey sawirradii indhaha mari-say bay gabadheedii ku tiri “Aad is guursataan ma xumee, maxaad ku heshiiseen?.”

LA SOCO CADADKA XIGA

5 2 1

6 37

4 8

9

Shax ErayeedGudub

1.Ugaadha nabadda lagu til-maamo4.Magac Nebi6.Dalcad ku taala wadada Laamiga ee Bosaso iyo Qardho9. Hantidaada Maxaad uga Gama’adaa

Hoos

2. Xaafad bosaso ku taal 3.Arrin qof kugu biiriyay5.Gabadh waalid kuu ah7.Shay digada Xoolaha lagu xaaro8.Cunnug Yar

Adiga oo raadinaya erayada Macnahooda Midig lagu muujiyay, Gudub ama Hoos ku buuxi erayada aad isleedahay waa sax godadka. Marka horre ka shaqee erayada fudud ama aad garanayso, tirada sharaxaada ku hortaal waa tirade xarfaha godadka gelaaya.

SudokuSodaku waa halxiraale xisaab ku dhisan oo ad-duunka oo dhan caan ku noqotay, markii hore wuxu ka soo baxay wadanka maraykanka hase ahaatee waxaa soo caanbixiyay dalka Japan.

Halxiraaluhu wuxuu ku dhisanyahay 9x9god oo usii qaybsama 3x3 si aad u xaliso halxiraalaha waa inaad 9ka god ee jiifka ah iyo 9ka god taa-ga aad galiso tirade udhaxaysa 1-9 .Sadarna Tiro mar ka badan lama gelin karo.

Page 6: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII JEER … · AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS

AXAD 22 MARSO 2009 ILAYS NEWSPAPER TAARIIKHDA 6

Dagaalkii Ogaadeenya.W.Q. Dr.Sadiq EnowQormadda 4-aad

Haddaan dib u noqono, guud ahaan, is maan-dhaafkii D. Q.

uu reebay sanadihii 1960-aadkii, maahayn kuwo ka shiddo yaraa ku-wii sanadihii 40-aadkii iyo 50-aad-kii. Inkasta oo ummadaha ku nool qaaradda Afrika ay ahaayeen kuwa ugu nasiibka badnaa shiddooyinkii dagaalka, misana waxaa jiray meelo kale oo taariikhda is-diidkan uu si xoog badan uga muuqdey. Muran ka dhashay gantaallo ay Soofyeetigu ka qotomiyeen jasiiradda Kuuba, ayaa lagu tilmaami karaa qadiyadda ugu hilan cuslayd is-diidkii labada dowla-dood ee waaweyn.

Shakhsiyaddii madaxweynihii Mareekanka Jhon Fitzgerald Kenne-dy iyo isla-weyni heshay hoggaamiy-ihii Soofyeetiga Nikita Khrushchev, ayaa qeyb ka qaatay khilaafkaas. Madaxweyne J. F. Kennedy wuxuu doorashada ku soo galay in uu wax ka qabanayo maamulka Shuuciga ah oo ka abuurmay Kuuba. Waxaa xusid mudan, Kacaankii ka dhashay dalka Kuuba in uu markiiba bilaabay in uu xiriir dhaqaale iyo mid siyaasadeed-ba la yeesho dowladaha Shuuciga ah oo uu Soofyeetigu ugu weyn ya-hay. Isla markaasna uu mowqif co-laadeed ka is-taago dowladaha reer galbeedka ee uu Mareekanka ugu horeeyo.

Dhanka kale waxaa jiray arimo Soofy-eetiga ku abuuray isla-weyni. Waxaa ugu weynaa mashruuc ay aad u qa-riyeen oo ahaa tijaabooyin gantaallo loo diro hawadaa sare (Cosmos). Taas oo ku biya-shubatay ganta-alkii ay direen 12/ 4- 1961-kii, ee uu la socday cir-mareen la yiraahdo Yuri Gagarin. Isla markaas madax-dii Soofyeetiga waxay arkayeen hirarkii gobanimo-doonka ahaa oo ka socday qaaradihii dadkooda la gumaysanayay. Sidaa darteed ayaa Soofyeetigu ay is tusiyeen in xilligii hanti-goosigu uu mugdi sii gelayo.

Khilaafka Kuuba wuxuu si muuqata u bilowday 27/ 10- 1960-kii, markaas oo dayuurad kuwa wax basaasa ay Kuubaanku ka soo rideen Mareekan-ka. Waxaa dayuuradda la socday sarkaal duuliye ahaa oo magaciisa la oran jiray Rudolf Anderson Rr. Sarkaalkaas oo ahaa ninka keliya oo dhintay ayaa geeridiisii waxay sababtay in saacado dabadeed ay dunidu ku sigatay in uu ka qarxo da-gaal leysu adeegsado hubka halista ah.

Inkasta oo arinkaa laga heshiiyay misana waxaa khilaafkii uu soo laba-kacleeyay bishii abriik 1962-kii,

markaas oo Mareekanku uu Kuuba u diray dayuurad kamid ah kuwa wax basaasa jaadka U-2. Socdaalkii ugu horeeyay waxay soo qabatay sawiro labo gantaal oo ah kuwa tiirada dhexe oo Soofyeetigu ay ku rakibeen gobolka San Cristobal ee koonfurta jasiiradda Kuuba.

Markii la hubsaday xaaladda gantaal-lada halkaas ku rakiban, Mareekanku wuxuu diyaariyay hubkiisii halista ahaa oo ay ku rakibeen gantaallada tiirada dhexe iyo dayuuradaha B-52. Heeganka dalka la geliyay ayaa wuxuu gaaray meeshii ugu sareysay muddadii uu socday Dagaalkii Qa-boobaa. Dad-weynihii Mareekanka ayaa waxay ku yaaceen dukaamadii si ay u iibsadaan raashin keyd ah. Magaalooyinka Berliin iyo Moosko ayaa waxay ahaayeen meelo dadku aad u kacsanaayeen. Kuuba iyadu ciidamadii ayay heegan gelisay. Waddooyinkii waaweynaa waxay dhamaantood ku aastay miinooyin iyo waxyaabaha qarxa.

Inkasta oo hoggaamiyaha Kuuba Fiedel Castro uu Soofyeetiga ka codsaday in ay Mareekanka la dha-caan gantaallo badan oo xambaar-san hubka sida ba´an wax u laaya, misana hoggaamiyihii Soofyeetiga, Nikita Khrushchev marna ma uusan ku tala-gelin in uu Mareekanka la galo dagaal leysu adeegsado hub-ka halista ah. Waayo Mareekanku wuxuu awood u lahaa in uu saacado ku burburiyo Kuuba iyo hubka yaal. Madaxweynaha Mareekanka J. F. Kennedy, qudhiisu, isaga oo da-reensan khatarta ay leedahay hub-kan halista ah oo Soofyeetigu hoosta kala soo galeen, misana diyaar uma uusan ahayn in uu muranka gaarsi-iyo in laysu adeegsado hubka halista ah. Arinkii wuxuu qaboobay markii ay xiriir hoose yeesheen labadii dowla-dood oo uu muranku ka dhexeeyay. Sheekadiina waxay ku qabowday markii uu Soofyeetigu ogolaaday in uu dib ula laabto gantaalladii uu Kuuba ku rakibay. Mareekanka ayaa arintaas ku iibsaday in uu isaguna dib u soo ceshado gantaallo uu ku rakibay dalka Turkiya.

Isla sanadkii 1961-kii, waxaa abuurmay ururka dowladaha dhex-dhexaadka ah None-Aligned Move-ment. Arintaasi ayaa waxay daba socotay fadhi lagu qabtay degmada Gomandum ee dalka Indooniisiya sanadkii 1955-kii. Fadhigaas hore waxay ujeeddadiisu ahayd in la dhameystiro madax-bannaanida ay qaateen dowladaha qaaradda Aasi-ya, gaar ahaan gobolka Indo-shiina.

Waxaa halkaa ka dhashay aragtidii lagu asaasay is-bahaysiga dowla-daha dhex-dhexaadka ah. Aragtidu waxay si buuxda u hirgashay bishii sebtember 1961-kii, markaas oo magaalada Belgraad ay isugu yimaa-deen 25 dowladood oo madax-ban-naan. Halkaas ayuu Marshall Tito, madaxweynihii Yugoslaafiya, ka sheegay khatarta uu dunida ku hayo hubka ay ku tartamayaan dalalka Midowga Soofyeeti iyo Mareekanka. Madaxda arintaas wax ka hirgeliyay ayaa waxaa kamid ahaa ra’iisul-wasaarihii Hindiya Jawaharlala Nehru, madaxweynihii Indooneesiya Ahmed Sukarno iyo madaxweynihii Masar Jamaal Cabdi Naasir.

Fadhigii labaad oo ururku lahaa wax-aa lagu qabtay magaalada Qaahira. Waxaa ka soo qeyb galay 47 dowla-dood oo madax-bannaan, kuwaas oo ka dambeeyay in ururku hanaqaado. Dowladaha ururkan ayaa intooda badan waxay madax-bannaani ka qaateen dowladihii gumeysatada ahaa ee Yurubta galbeed. Sidaa dar-teed baa sanooyinkaas hore, ururku waxay muujiyeen siyaasad ka dhan ah damaca reer galbeedka. Wax-aase jirtay in ay si xor ah u tallaabsan waayeen, waayo madax-bannaanida ay qaateen maaheyn mid buuxda. Dhaqaale iyo dhaqan ahaan waxay ku xirnaayeen dowladihii gumeysa-tada ahaa. Taasi waxay is hor taag-tay in ururku uu noqdo mid si madax-bannaan uga shaqeeya arimaha murugsan ee la xiriira dhaqaalaha cari-edeg (global economic prob-lems). Xilligii ay is-weydaaranayeen toban-sanadeedkii qarnigii tegay ee 60-aadkii iyo 70-aadkii, degaamada bariga fog iyo bariga dhexe ayaa waxay ahaayeen goobo ay ka shid-naayeen hurka D. Q. Waxaa dib u guranayay cuntubyadii ciidamada dalalkii wax gumeysanayay ee ku sugnaa dalalkii la gumeysanayay. Waxaa arintaa weheliyay cadaawad kordheysay oo dadyowga dunida saddexaad ay u qaadeen dalalkii gumeysatada ahaa, iyaga oo isla markaas siyaasaddoodii ku sidkay dalalkii Shuuciyadda ahaa. Taasi waxay abuurtay dareen xambaarsan cabsi xoog leh oo dowladaha reer galbeedka kaga imanayay foofka aragtida shuuciyadda.

Waxaa xilligaas ololay dagaallo qaan-gaar ah, kuwaas oo kulaalkii dab-shidkooda laga dareemay du-nida dacalladeeda. Dagaalka Fiyet-naam ayaa wuxuu kamid yahay kuwa ugu hilan culus raaca taariikheed ee D. Q. Curashadiisa waxaa u sabab ahaa aragtida dhaxal-wareega iyo

Dagaalladaii Fiyetnaamku ay ku qa-adeen maamulkii gumeysiga ee Far-ansiiska, wuxuu soo gabagaboobay 20/ 7-1954-kii, markaas oo ciidama-dii dhaqdhaqaaqii Viet-congo ay qabsadeen sal-dhiggii ugu weynaa oo ay ciidamada Faransiisku ka dhi-seen dalka Fiyetnaam. Degmada la yiraahdo Dien Bien Phu ee ku taal gobolka waqooyi bari ayuu saldhiggu ku yiil, waxayna ugu tala galeen in ay hor istaagaan taageerada ciidan oo dagaalyahannadu ay kala soo tal-laabayaan xuduudda ay Shiinaha la leeyihiin. Sideedii sano ee ugu dan-beeyay, gulufyadii colaadeed oo ay dagaalyahannadu qaadeen waxay ciidamada Faransiiska kaga dileen rag tiradoodu gaarayso 75.000. Markay taariikhdu ahayd 7/ 5-1954-kii saldhigii Dien Bien Phu wuxuu ga-canta u galay dagaalyahannadii reer Fiyetnaam.

Arintaasi waxay dhalisay in dalka Fi-yetnaam uu u qeybsamo laba gobol. Gobolka waqooyi oo ay magaalo madax u tahayd Haanooy, dagaalyah-annadu waxay ka dhiseen maamul shuuci ah, waxaa madaxweyne u noqday hoggaamiyihii jabhadda Ho Chi Minh. Gobolka koonfureed oo ay magaalo madax u noqotay Saygoon waxay ku hartay gacanta Faransi-iska, waxaana laga dhisay maamul daba-dhilif ah, waxaana madax ka noqday nin la yiraahdo Bao Dai.

LA SOCO AXADA DAMBE

Ho Chi Minh

damaca gumeysiga wejiga cusub oo ay dowladaha emberiyaaliyadda ahi isku weydaaranayeen dhulalkii ay boobka ku haysteen. Faransiiska oo Fiyetnaam gumeysanayay qeybtii hore ee qarnigaas, ayaa u adkey-san waayay dagaallo mitid ah oo ay dadka reer Fiyetnaam ku doonayeen madax-bannaani siyaasadeed. Dhaqdhaqaaqa gobanimo-doonka ahi, wuxuu ka helayay xoogagga Soofiyeetiga & Shiinaha.

Page 7: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII JEER … · AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS

AXAD 22 MARSO 2009 ILAYS NEWSPAPER CAYAARAHA 7

FALLANQAYNTA CAYAARAHA W/D:- Cumar Siciid Maxamed

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa sanadkii shanaad oo isku

xiga ku kulmaya horyaalka kooxaha Yurub ee Champions League markii ay isku soo aadeen qorituurka wa-reega 8da koox iyo weliba semifi-naalaha Champions League oo jim-cihii ka dhacay magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Kooxaha waa weyn ee Barcelona iyo Bayern Munich ayaa ku tartama-ya kooxdii usoo bixi laheyd semifi-naalaha iyadoo kulamada kale oo ay dhex mari doonaan kooxaha Arsenal iyo Villareal. Man.United vs Porto.

Chelsea iyo Liverpool ayaa 3 ka mid ah 4tii sano ee lasoo dhaafay ku kul-may semifinaalaha horyaalka Qa-arada urub iyagoo sanadka kalena ay isku guruub ahaayeen taasoo ka dhigeysa in sanadkii 5aad oo xiriir ah ay isku arkaan tartankan.

Chelsea ayaa sanadkii hore ka ad-kaatay Liverpool una soo baxday finaalaha oo markii dambe rigooray-aal koobka ay ka qaaday Man.United halka, 2007 Liverpool ayaa rigooray-aal kaga adkaatay Chelsea markii ay min 1-0 ku kala badiyeen labadii kulan ee ay ciyaareen sidaasna ugu soo gudubtay finaalaha inkastoomarkii dambe ay Milan koobkii la hoyatay. Sanadkii 2006 Chelsea iyo Liverpool isku guruub ayey noqdeen iyagoo labada kulanba barbardhac ku kala baxeen inkastoo midkoodna uusan soo gaarin semifinaalihii.

Sanadkii 2005 oo ahaa markii uu bilowday taxanaha labada koox ee horyaalka kooxaha Yurub ayey dirqi ku kala bexeen markaasoo Liver-pool gool muran badan dhaliyey kusoo baxeen isku darka labadii kulan ee ay ciyaareen iyadoo sawi-rada kombuyuutarkana cadeeyeen in Gallas oo markaas u ciyaarayey Chelsea kubada ka celiyey ka hor intii aysan gaarin xariiqda goosha inkastoo Garsoorayaashii kulankaas tilmaameen gool sidaasna finaalahakusoo gaartey Liverpool oo markii dambana ku guuleysatey markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen kooxda Milan oo inta badan la isku raacay inuu ahaa finaalhii ugu xiisaha bad-naa taariikhda tartankan markii ay Liverpool kasoo laabatey 3 gool oo lagu lahaa kaambiyadii oo iyagana qeybtii labaad 3 gool ku dhaliyeen 6 daqiiqo gudohood

Kulamada wareega 8da koox iyo weliba semifinaalaha ayaa u dhicidoono sidan:1: Villarreal - Arsenal2: Manchester United - Porto3: Liverpool - Chelsea4: Barcelona - Bayern Münich

Semifinale 1: Man Utd/Porto - Villar-real/Arsenal

Semifinale 2: Liverpool/Chelsea- Barcelona/Bayern Münich

Isla Jimcihii waxaa kaloo la sameey-ay isku aadka Koobka Uefa Cup oo siddeed Kooxood ay isugu soo Hareen. waxaana la’isugu aadiyay sidan:-

Kulanka kowaad waxaa uu dhici doonaa 9 april 2009

Hamburg v Man City, PSG v Dynamo Kiev, Shakhtar Donetsk v Marseille, Werder Bre-men v Udinese,

kulanka Labaad waa 16 April 2009

Dynamo Kiev v PSG, Man City v Hamburg, Marseille v Shakhtar Donetsk, Udinese v Werder Bremen,

DJIBOUTI: Doorashadii 5-aad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed oo ka socotay magaalada jabuuti ee dalka Jabuuti , ayaan waxaan hal-kan idinku soo gudbinaynaa sida ay u dhacday iyo sida codadka loogu kala helay xilalkii loogu tartamayay Guddiga Olambikada Soomaaliya, Codbixinta doorashada oo u dhac-day sidan :

Xilka 1-aad

C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) oo helay 1 Cod halka Aadan xaaji Yabaroow (Wiish) uu ka helay 18 Cod sidaasna guddiga doorashada ay ugu dhawaaqeen inuu yahay Wi-ish Guddoomiyaha 1-aad ee G.O.S

Xilalka kuxigeenada

1.Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Guddiga Olambikada SomaliyeedDuraan Faarax 19 – Cod (cidna lama tartamin).

2.Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Guddiga Olambikada SomaliyeedXaaji Cabdi Cilmi Warsame (lalama tartamin).

3.Guddoomiye ku xigeenka 3-aad Guddiga Olambikada SomaliyeedXasan Axmed Cabdi (Xasan El-man)

10- Cod waa lagu tartamay xilkan waxaana 9-Cod la timid Drs: Mina Xasan oo noqonaysa Guddoomi-yaha 4-aad Guddiga Olambikada Soomaaliyeed .

•Xoghayaha Guud ee G.O.S waxaa isna ku Guleystay iyadoo xilkaasi cidna aan kula tartamin C/llaahi Ax-med Tarabi.

Doorashadan waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda is-boortiga Somaaliya Suleymaan Colaad Rooble, madax ka socotay Hay`adda Caalamiga ee Olambi-kada Adduunka (I.O.C), madaxda isboortiga dowladda jabuuti iyo marti sharaf .

ISKU AADKA KOOBKA KOOXAHA WAAWEYN EE QAARADA URUB Aadan Xaaji Yabaroow

(Wiish) Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliya.

M.United Oo Laga Adkaaday

Kooxda caan ka ah ee M.united ayaa guuldaradii labaad la ku-

lantay Horyaalka Toddobaadkii La-baad ka dib markii Kooxda yar ee fulhum ay 2-0 ku jiirtay.

D. Murphy iyo Z.Gera ayaa daqiiqa-dihii 18 ee qaybtii horre iyo Daqiiqa-dii 87 ee qaybta labaad u dhaliyay goolasha ay fulhum ku Badisay Cay-aarta.

Kulankan oo ahaa mid aad uu xiisa badan ayaa labada kooxoodba wax-ay soo bandhigeen ciyaar aad loogu bogoy gaar ahaan kooxda horyaal-ka haysata ee Muncherster, hase yeeshee way ku guuldaraysatay in guul ama barbardhac kala tegto ga-roonka fulhum.

Ciyaaryanahada Poul Scholes iyo weyn rooney ayaa kaarka cas loo taagay ka dib markii ay galeen khaladaad waaweyn.

kulaamadii kale kale kooxda Stock city waxay 1-0 ku garaacday Middl-bourg, halka kooxda Totehumna ay 1- 0 ku kharajisay kooxda Chelsea.

Kooxaha Muncherster United iyo chelsea waa laga adkaaday kulama-di todobaadkan, waxaana arrintaasi fursad siisay kooxda liverbool oo 5-0 kaga badisay kooxda Astonvila.

Page 8: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII JEER … · AXAD 22 MARSO 2009 Caddadka 15aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS

Buugta Akhriska Buugta Iibka

& Adeegyada Bulshada

Receipt Vouchers Payment

Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards EnvelopsStickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards

KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO

& QIIME KURAALI GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tell :- 824299/796169/726169

BOSASO SOMALIA

HORYAAL PRINTING CENTER

ADEEGYADA DAABACADEED EE

HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY

Shirkada Telcom Puntland xarunteeda weyn waxay ku taal magaalada Boosaaso, waxaana shirkadu ay xarumo ku leedahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Wixii Faahfaahin

ah:Tell: Tel: 002524500007 AMA 143 OO AH QAYBTA QANCINTA MACAAMIISHA

www.telcompuntland.com [email protected]

Waxaa lagu war gelinayaa dhamaan macaamiisha shirkada Telcom Puntland In shirkaddu samaysay qiimo bedel, Qiimaha gudaha puntland

Qiimaha daqiiqadii Mobile-ka ee Puntland Gudaheeda waa sidan

�Maalinkii 6:00 AM to 6:00 pm Qiimaha halkii daqiiqo waa 0.01 cents/min ( hal cent) sidiisii hore

�Habeenkii 6:00 pm to 6:00 AM qiimaha halkii daqiiqo waa 0.005 cent ( nus cents ) halka uu markii hore ka ahaan jirey lacag la’aan

�Qiimaha fariimaha qoraalka ee dibadda loo dirayo waa $0.10 cents/SMS ( Toban cents halkii fariin)

Sms-ka Local Puntland macaamiishu waxa ay isugu diri karaan lacag la’aan

Qiimayaasha Dibadda iyo Somalia waxba isma bedelin waa sidoodii hore

Qiimaha cusub waxa uu dhaqangalay 16/03/09

Mahad sanidinMarketing Department

TELCOM

PUNTLAND

OGAYSIIS

Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose: Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom @hotmail.com

TELCOM

PUNTLAND