32

Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013
Page 2: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

3

4

6

7

11

13

14

16

18

21

22

25

28

20

Weedha Tafatiraha..............................................

Telesom iyo Hay’adda Refunited oo Soo Bandhigay Adeeg Cusub.................................

Caawimooyinkii Danta Guud ee 2013...............

Qurxinta iyo Nashqadaynta Shirkaddu ku Samaysay Sumaddeeda .....................................

Adeegyada Shirkadu Telesom Soo Bandhigay...

Xa�addii Furitaanka Idaacada Qur’aanka Burco

Tababaradii Waaxda Shaqaaluhu Qabatay.......

Xa�addihii & Casuumadihii Telesom Ku Qaabishay Macaamiisheeda 2013....................

Telesom oo Casuuntay Ardaydii Ka Qalin-jabisyaJaamacada Timacadde ........................................

Telesom oo ka Qayb-qaadatay Gurmadkii Berbera

Shaqaalaha Telesom ee Sanadkan ka Qalin-jabiyey Jaamacadaha Dalka ...............................

Baro Mid ka mid Shaqaalaha Hormuudka Telesom ..............................................................

Maxaad ka Taqanaa Ribadda?.............................

Astaamaha Cudurka Macaanka Lagu Gartoiyo Sida loola Hortago........................................

Page 3: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

WEEDHA TIFATIRAHA

GUDIDA TIFATIRKA

Marka hore waxaa Mahad balaadhan iska leh Illaaha weyn ee ina siiyey nimcooyin badan oo aan la soo koobin karin. Naxariis iyo Nabad-

galyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii Muxamed ahaa ee inoo kala caddeeyey xaqqa iyo baadilka.

Intaas ka dib, waxaa farxad weyn noo ah in aanu idinla waddaagno cadadkii 18-aad ee Wargayska Shirkadda Telesom. Wargayskan ayaa soo baxa saddexdii biloodba hal mar. Cadadkeenan bishan waxaanu ku soo qaadan

doonaa warbixino ka warramaaya waxyaalihii ugu dambeeyey ee shirkaddu qabatay, hadday noqon

lahayd; Barnaamijyadda Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Adeegyadda cusub,

Arrimaha Islaamka, iwm.

MOHAMED IBRAHIM CHIEF EDITOR

Cabdisalan Ismacil NuurEng. Faarax Sugaal Guure

Cabdiwahaab Maax Cadnan Daahir Muxumed

Maxamed Cabdi Ahmed (Darbo)

Telesom Salaam Tower, Khairia Street,Tel: +2522-522383/522409

Email: [email protected]: [email protected]

www.telesom.net Hargeisa – Somaliland

Page 4: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

SHIRKADDA TELESOM IYO HAY’ADDA REFUNITE OO SOO BANDHIGAY ADEEGGA BAAFINTA OO CASRI AH

Hargeysa – ( Te l e s om - 1 4 . 1 2 . 2 0 1 3 ) – Shirkadda Telesom

iyo hay’adda Refugees United ayaa iska kaashaday barnaamij casri ah oo loogu talogalay in uu isku xidho dadka qaxootiga iyo barakacayaasha kala lumay, iyada oo la isticmaalayo teknoolajiyadda Moobilka.Xafladan daahfurta adeegan cusub ayaa ka dhacay hotel Ambassator waxaana ka soo qayb galay gudoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikarim Maxamed Iid, masuuliyiin sare sare oo shirkadda Telesom ah,

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha Somaliland Maxamed

Jaamac Abgaal, G u d d o o o m i y a h a Ururka shirkaddaha I s g a a d h s i i n t a

Somaliland Yusuf, Agaasimaha Guud ee

hay’adda Christopher Mikkelsen iyo La-taliyaha xidiidhiyaha Hay’adda Qaramadda Midoobay Gavin Roy iyo marti sharaf kale.Isku-xidhka dadka kala lumay ama is waayay waxa loo isticmaali doonaa khad telefoonka Telesom ee degdeg ah iyadoo la garaacaayo

lamabrka gaaban ee (169), kaasi oo u suurtogelinaya in dadka qaxootiga ah ay iska diwaangeliyaan oo ay ka raadiyaan e h e l k o o d i i /asxaabtoodii ay kala ka xeeyeen colaadaha iyo masiibooyinka.Aasaasaha hay’adda

“ QOFKASTA XAQ AYUU U LEEYAHAY IN

UU OGAADO EHELKIISU HALKA

AY KU SUGAN

YIHIIN....’’

4 Telesom Newsletter |Jan-Dec 2013 WWW.TELESOM.NET

Page 5: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Refugees United, Mr. Christopher Mikkelsen, oo ka hadlay daahfurkii Iskaashigan cusub ayaa yidhi, “Qofkasta xaq ayuu u leeyahay in uu ogaado ehelkiisu

halka ay ku sugan yihiin. Shirkad leh baaxada Telesom oo kalena waxay noo oggolaanaysaa in farrintaasi gaadho qoysaska u baahan in ay maqlaan adeeggan oo kale”.“Iskaashiga u dhaxeeya Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Refugee United waxa uu tusaale muhiim

ah u noqonayaa qaabka dadka ay kala lumiyeen dagaalada iyo masiibooyinka dabiicigu ay dib iskugu heli karaan iyaga oo adeegsanaya tiknoolajiyada casriga, sida Telesom oo kale. Nidaamkani waxa uu ka caawin doonaa qoysaska iyo asxaabta inay iska

war hayaan, xitaa haddii ay ku sugan yihiin xaaladaha adag,” Sidaas waxa yidhi Mr. Gavin Roy oo ah la taliyaha dhinaca Isku-xidhka Qoxoontiyada ee Hay’adda UNRCO, xafiiskeeda Hargeysa.Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Mr. Abdikarim Maxamed Iid, oo isna ka hadlay munaasibaddaasi waxa uu sheegay in aaladda moobilku noqotay mid aan maanta hadal keliya loo adeegsan, balse fure u ah in loo isticmaalo horumarinta bulshada, hadday noqoto maaliyad ahaan, caafimaad ahaan, waxbarasho ahaan. Tanina waxay ka mid noqotay adeegyadii shirkadda Telesom ay u bixinaysay masuuliyadeeda bulshada ka saaran, waxana shirkaddu adeeggan oo isticmaalkiisu bilaash yahay u oggolaanayaa in dadka qaxootiga iyo barakacayaasha ah ay raadiyaan eheladoodii kala luntay.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Mr. Maxamed Jaamac ‘Ab-gaal’ oo isna ka qaybgalay xafladda lagu daahfuray iskaashigan cusub, waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan ay aad u soo dhawaynayaan, isla markaana ay u arkaan in isbeddelada teknoolajiyadeed ee caalamka ka socda uu maalin kasta isbeddelayo, Telesom-na waxay inoo sahashay in adeeggani ku biiro adeegyadii hore ee shirkaddu ku bixin jirtay lacag la’aanta.Telesom waxay ugu deeqday barnaamijkan olole 13 Milyan oo farriimood loogu dirayo Macaamiisha si kor loogu qaado barnaamijkan.

5Telesom Newsletter | Jan-Dec 2013WWW.TELESOM.NET

Page 6: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Hargeysa - (Telesom-Newsletter-2013) - Sanadka 2013 shirkadda Telesom waxay ka

qayb-qaadatay hawlo badan oo ka mid ah adeegyada danta guud. Qormadan waxaynu ku eegi doonaa qaar ka mid ah caawimooyinka shirkadda Telesom ka fulisay gobolada dalka.

Qaliimo Guud oo Laga Fuliyey Dhakhtar Guud ee Hargeysa

Bishii February 2013 Shirkadda Telesom waxay maal-galisay dhakhaatiir ka timid dalka Maraykanka. Dhakhaatiirtan ayaa hawlo qaliimo ah ka fulisay dhakhatarka wayn ee magaalada Hargeysa. Dhakhaatiirtan ayaa 12 qof u sameeyey qaliimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: Tolista Farruuraha, Quruxinta duubka sare ee dadka jidhkoodu ka soo gaadhay dhaawacyada ay sababaan dabka iyo shilalka kala duwan.

Telesom oo Dhakhtarka Wayn ee Hargeysa Ugu Deeqday $20,000

Shirkadda Telesom ayaa bishii March, 2013 waxay lacag dhan $20,000 ugu deeqday Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa. lacagtaasi oo loogu talo galay mishiinadda Kalyaha Sufeeya. Telesom ayaa lacagtan ku wareejisay guddida cusbitaalka Guud ee magaalada Hargaysa.

Shirkadda Telesom oo Boorama Ka Fulisay Mashaariic Kala Duwan

Shirkadda Telesom ayaa sanadkan 2013 waxay mashaariic kala duwan

ka fulisay magaalada Boorama. Mashaariicda ugu waaweyn ee ay ka fulisay shirkadda Telesom magaalada Boorama waxaa ka mid ah: Laba Kaabadood oo laga sameeyey dhanka galbeedka magaalada laga soo galo.

Badhtamahii sannadkan 2013 markii la doortay golaha deegaanka ee magaalada Boorama, shirkadda Telesom waxay dayactir ku samaysay hoolka dawladda hoose ee magaalada Boorama hoolkaasi oo aan in muddo ah lagu samaynin wax dayactir ah.

Shirkadda Telesom oo Cusbitaalka Magaalada Xariirada Ugu Deeqay

$5,000

Shirkadda Telesom ayaa kaga qayb qaadatay $5,000 dhismaha cusbitaalka Guud ee magaalada Xariirad. Cusbitaalkaasi oo ay dhismihiisa iska kaashadeen qurbo-joogta reer xariirada, Shirkadda Telesom, ganacsatada magaaladaasi iyo dawlada Somaliland. Shirkadda ayaa lacagtaasi ku wareejisay guddida dhismaha ee cusbitaalka guud ee magaalada Xariirad.

CAAWIMOOYINKA DANTA GUUD EE AY SHIRKADDA TELESOM KA QAYBQAADATAY SANADKA 2013

Shirkadda Telesom oo $10,000 Ugu Deeqday Dugsiga Boodhinka

Qoryaale

Bishii March, 2013 Shirkadda Tele som waxay $10,000 ugu deeqday Dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee magaalada Qoryaale. Dugsigaasi oo ah dugsi boodhin ah. Xaflada Wareejinta deeqdan waxaa ka soo qayb-galay maamulaha xarunta shirkadda Telesom ee Burco Xaaji Maxamud Xaaji Ibraahim, Gudoomiyaha degmadda Qoryaale Bile Jaamac Muuse, Cuqaal tiro badan, Guddida dhismaha Dugsiga iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

6 Telesom Newsletter |Jan-Dec 2013 WWW.TELESOM.NET

Page 7: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

QURXINTA IYO NASHQADAYNTA SHIRKADA TELESOM KU BAAHISAY SUMADDEEDA SANADKAN 2013

Telesom - (Majaladda-Telesom-2013) - Shirkadda Telesom ayaa nashqadayn iyo Qurxin ku samaysay meelo ka mida ah goboladda dalka, sumadayntaasi

oo iskugu jirtay kabaadaha- is-goysyadda, Tabeelooyin, rinjiyey lagu sameeyey meheraddo iyo baabuurta gaarka loo leeyahay, Quruxta madaarka Hargeysa iyo Berbera.

TABEELOOYINKA CABIRKA MAGAALOOYINKU ISKU JIRAAN

Shirkadda Telesom ayaa horaantii sanadkan 2013 waxa ay wadooyinka laga soo galo galbeedka iyo bariga magaalada Hargeysa ee isku xidha gobolada dalka ka samaysay tabeelooyin waaweyn oo tilmaamaya magaalada laga baxaayo iyo ta loo socdo inta kiiloo mitir ee ay isku jiraan. Shirkadda Telesom ayaa boodhadhkan oo cabirkoodu dhamaa 5 mitir oo isku wareega ah, tiraddooduna dhamayd 12 boodh u kala qaybisay wadooyinka waaweyn ee isku xidha magaalooyinka u dhexeeya Hargeisa ilaa Borama, iyo Hargeysa ilaa Berbera.

Kaabadaha Is-goysyadda iyo Kaantaroolada

Shirkadda Telesom ayaa sanadkan sidoo kale waxay Qurxin iyo dib u qaabayn ku samaysay kaabadaha ku yaala badhtamaha magaalooyinka dalka. Kaabadahaas oo ay shiradda Telesom u samaysay qaab ka duwan qaababkii hore loogu samayn jiray. Qaabkan ayaa ah mid u sahlaaya baabuurta isku dhaafaya mid u saamaxaya in ay iska dhex arki karaan.

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale waxay kaantaroolka cusub ee Hargeysa looga soo galo Galbeedka u samaysay kaabadaha Kaantaroolada loo sameeyo iyo dhimse ka kooban laba saddex qol iyo suuligoodii. Kaantaroolka looga soo galo magaalada Hargeysa dhinaca Bariga, waxay shirkaddu dib-u-habeen iyo qurxin ku samaysay kaabada kaantaroolka ee haleeya.

Sumaddayntii Madaarka Hargeysa

Shirkadda Telesom waxay sidoo kale si wayn uga qayb-qaadatay qurxinta madaarka Hargeysa, ka dib markii dib-u-dhis balaadhan ku samaysay Wasaaradda Duulista iyo hawadda Somaliland. Shirkadda Telesom ayaa madaarka Hargeysa ku samaysay boodhadh waaweyn oo ay ku qoran yihiin madaarka Cigaal International, qaar adeegyada shirkadda Telesom ku yaalaan, jardiimooyinka dadku ku nastaan, Muraayadaha LCD-yada ee xayeysiisyadu ka baxaan, quruxin ay shirkaddu ku samaysay gidaarada gudaha iyo dibadda ee madaarka Hargeysa.

Rinjiyey Lagu Sameeyey Meherado Ganacsiga

Shirkadda Telesom ayaa ku samaysay rinjiyey qaar ka mid ah meheradaha ku yaala magaalada Hargeysa, meheradaasi oo lagu nashaqdeeyey sumadda shirkadda Telesom, magaca meheradda, madeecadaha ay meheradu iibiso iyo wixii la mid ah. Muqaalkana ayaa waxaa uu meheradda ka dhigay kuwo bilicdoodu sarayso oo dadka aad u soo jiidanaaya.

7Telesom Newsletter | Jan-Dec 2013WWW.TELESOM.NET

Page 8: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

QAAR KA MID AH MUUQAALADII CAAWIMOOYINKA, CASUUMADAHA IYO XAFLADAHA TELESOM MAAL-GALISAY

Page 9: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

QAAR KA MID AH MUUQAALADII CAAWIMOOYINKA, CASUUMADAHA IYO XAFLADAHA TELESOM MAAL-GALISAY

Page 10: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013
Page 11: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa sanadkasta waxa ay soo bandhigtaa adeegyo kala duwan. Shirkada Telesom oo hal hays u leh,”La jaan-qaad jiilka Cusub”. Waxa ay mar walba ku dadaashaa

in ay bulshadeeda ka haqab tirto adeegyadda ugu casrisan ee dunida horumartay laga isticmaalo.

Sanadkan 2013 shirkadda Telesom waxa ay ku soo kordhisay adeegyadeed lix adeeg oo kala ah: Adeega KAYD, IVR, Codka Fariinta, Adeega Miss-call Notification, Adeega PUK iyo Adeega baafinta.

1. Adeega KAYD: Waa adeeg kuu sahlaya in aad ku kaydsato magacyada iyo telefoonadda dadka aad la xidhiidho. Adeegani waxaa kuu fudaydinaaya Kaadh cusub oo uu ku jiro barnaamijka KAYD. Haddii uu kaa lumo kaadhkaagu waxaad si fudud u heli kar-taa dhamaan lambaradii aad ku kaydsatay Kaadhka KAYD, haddii aad raacday talaabooyinka kaydinta.

2. Adeega codka fariimaha: Waa adeeg u sahlaya qof inuu fariin cod ah u diri karo qof uu u baahdo.

3. Adeega (IVR): oo ah adeeg u shaqaynaya sida xog-haynta oo macmiilka u tilmaamaaya cidda uu si gaar ah uga baahan yahay gaar ahaana goobaha ganacsiga, waxbarashadda, Xafiisyada dawlada iyo Hay’adaha leh xafiisyo iyo xarumo kala fogfog.

4. Adeega Missed-Call-ka: Waa adeeg qofku Land-line-sa uu ku soo miss call garayn karo mobile ama landline kale. Adeegan miss-call lagu soo kordhiyey khadka landline-ka aan u furnayn mobilada.

5. Adeega PUK: Adeega waxaa uu xal u noqonayaa dadkii lambaradu kaga xidhmi jireen baaswoodhka ee xarunta Telesom xili walba soo xaadiri jiray. Mar-ka Telefoonkaaga baaswoodh kaaga xidhmo waxaad garaacaysaa lambarka 165. Ka dib waxaa si otomaa-tik ah kaaga furmi doona baaswoodhka.

6. Adeega Baafinta: Adeegan waxaa uu kuu sahlayaa in aad warkooda ku raadsan kartid, haddii cid qoys-kaaga ama asxaabtaada aad kala luntaan. Adeegan waxa aad ka isticmaali kartaa lambar gaaban oo ah 169. Lambarkani waxaa uu si toos ah ugu dhici doo-naa xarunta hay’adda ee magaalada Nairobi, wax-aana lagaa diwaan-galin doonaa qof aad raadinayso macluumaadkiisa.

ADEEGYADDA SHIRKADDA TELESOM SOO BANDHIGTAY SANADKII 2013

11Telesom Newsletter | Jan-Dec 2013WWW.TELESOM.NET

Page 12: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013
Page 13: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Burco - (Telesom-N e ws p a p e r- 1 1 . 1 1 . 2 0 1 3 ) - Xaflad lagu daahfuray Idaacad cusub oo Quraanka Kariimka

ah ayaa laga qabtay magaalada Burco. Xaflad ayaa waxa ka soo qaybgalay, masuuliyiinta shirkadda Telesom ee Burcio iyo Hargeysa, Aagasimaha Guud Ee Wasarada Warfaafinta, Maayirka Degmada burco,Gudomiye ku Xigenka Gobolka Togdheer, Culimo-awdiin iyo marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.

Furintaankii xafladan waxaa ka hadlay masuuliyiin badan oo uu ka mid ahaa maamule ku-xigeenka Waaxda Suuq-gaynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo. Muddane Darbo ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta ay shirkadda Telesom ka codsatay in ay kala qayb qaadato hirgalinta Idaacadan ee Magaalada Burco, shirkad ahaana ay ka qaybaleen dalabkaasi. Maxamded Cabdi Darbo ayaa sidoo kale xusay in shirkadda Telesom qayb weyn ka qaadato horumarinta adeegyadda

dadweynaha ee dhinacayadda dhismaha wadooyinka, Jaamacada, waxbarashada, masaajidada, madarasadaha iyo waxyaalaha kale ee danta guud ah.

Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad Oo isaguna Xafladaasi ka

Hadlay ayaa ku Tilmaamay Idaacadan Quraanka ee laga furay magaalada Burco guul ay gadheen Wasarada Warfaafinta iyo Shirkada Telesom oo Qayb wayn ka Qaadatay Hirgalinta idaacadani.

Masuuliyiintii kale ee ka hadlay xaflada daahfurka Idaacada Quraanka FM-ka ah ee magaalada Burco waxaa ka mid ahaa Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Maxamud Yusuf Ubaxle, Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Togdheer, Culimo-awdiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan. Dhamaan masuuliyiintaa waxaa ay si aad ah u sharaxeen baahida loo qabay idaacadan Qur’aanka Kariimka ah ee laga furay magaalada Burco, waxanay mahadnaq u soo jeediyey shirkadda Telesom iyo Wasaaradda Warfaafinta oo iska kaashaday hirgalinteeda.

Ugu dambayntii waxaa xaflada soo

afmeeray Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Cabdrashid Jibriil

SHIRKADDA TELESOM OO KA QAYB QAADATAY HIRGELINTA IDAACADAAS QUR’AANKA KARIIMKA AH OO BURCO LAGA FURAY

Yuusuf waxaanu yidhi, “Rajada iyo Hadafkayaga dhow ka Wasaarad ahaan waxa weeyaan in dhamaanba la gaadhsiyo Gobalada dalka oo dhan Idaacada Qur’aanka Kariimka ah. Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah intii aanu hore laga dhigin FM waxaanu galinay qaybta Satellite si ay Idaacadu caalamka u gaadho dhawaana. Insha-allah waxaanu rajaynaynaa inaanu Idaacada u samayno website gaar ah si halkaasi Looga dhagaysto Qur’aanka kariimka. Gobalka Togdheer wuxuu nasiib u neeshay inuu noqdo Gobalkii labaad ee laga furo idacadaasi hambalyo ayaan reer burco Leeyahay. Runtii waxaan amaan balaadhan usoo Jeedinaynaa Shirkadda isgaadhsinta Telesom oo kaalin muhiim ah ka qaybqaataday sidii ay u hirgali lahayd Idaacadani Qur’aanka kariimka ah”.

Idaacadda Qur’aanka kariimka ah ee FM-ta ee laga hirgaliye magaalada Burco ayaa laga dhagaysan doonaa 24 Saacadood magaalada Burco.

13Telesom Newsletter | Jan-Dec 2013WWW.TELESOM.NET

Page 14: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

TABABARADDA WAAXDA SHAQADDA IYO SHAQAALAHU U QABATAY SHAQAALE WEYNAHA SHIRAKDDA TELESOM

Hargeysa – (Telesom-Magazine-03 Dec, 2013)- Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha Shirkadda

Telesom ayaa waxay u heelan tahay goor kasta sidii ay kor ugu qaadi lahayd aqoonta iyo xirfadda shaqaale weynaha shirkadda Telesom ee ka hawl-gala dhamaan gobolada dalka. Qormadeenan waxaanu ku soo qaadan doona qaar ka mid ah tababaradii ugu dambeeyey ee Qaybta Shaqadda iyo Shaqaaluhu qabteen.

Tababarka Maamulka Mashaariicda

Tababarkani waxa loogu qabtay Madaxd-qaybeedyada: Horumarinta & Cilmi-baadhista, Xisaabaadka, Shaqadda & Shaqaalaha, Suuq-gaynta & Xidhiidhka Dadweynaha, Gaadiidka, Landline-ka, Ingineerinka, ICT-ga, Internetka iyo Supply Chain-ka. Tababarkani waxaa u dhacay bishii Augst 2013, waxa lagu qabtay Hargeysa waxaanu socday mudo saddex maalmood. Guud ahaan shaqaalaha ka qayb galay waxay dhamaayeen 37

shaqaale.

Tababarka Kobcinta Awooda Xarumaha Yaryar ee Shirkadda

Telesom

Tababarkan waxa loo qabtay Maamulayaasha 17 xarumaha yaryar ee shirkadda Telesom ku leedahay gobolada, kuwaasi kor loo qaadaayey aqoontooda la xidhiidha adeegyada kala duwan ee ay shirkaddu bixiso (Services features). Tababarkan ayaa la qabtay bishi August 2013, waxaanu socday afar maalmood.

Tababarkii Darawaliinta

Tababarkani waxa loo qabtay shaqaalaha waaxda Gaadiidka, waxaan ka qayb qaatay shaqaale dhan 26. Ujeedada ugu wayn ee tababarkani waxay ahayd in aqoonta shaqaalaha waaxda Gaadiidka gaar ahaan

wadayaasha kor loo qaado, si ay shaqadu u noqoto mid loo qabto habka ugu fudud ugana waxtarka badan. Tababarku waxa uu socday muddo dhan saddex maalmood, waxaan la qabtay bishii August 2013.

Tababarka Mashiinka Lacagta

Tababarkan mashiinka lacagta waxa loo qabtay shaqaalaha goobaha iibka ka hawl-gala kuwaasi oo la baraayey sida loogu shaqeeyo mashiikan iyo faa’iidooyinka uu leeyahay. Shaqalaaha tababrkan ka qayb qaatay waxa ay ka kala socdeen xarumaha Hargeysa, Borama, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo, Wajaale iyo Saylac. Guud ahaan shaqaalaha ka qayb galay tababarka waxay dhamaayeen 10 qof.

Tababarka Xakamaynta Wiishash-ka

Tababarkani waxa loo qabatay shaqaalaha waaxda Gaadiidka gaar ahaan Darawalada, ku shaqeeya baaburta leh wiishashka. Shaqaalahan ayaa la baray sida loo xakameeyo wiishashka. Tababarku waxa uu socday muddo dhan saddex maalmood, waxanu dhacay bishii August 2013.

14 Telesom Newsletter |Jan-Dec 2013 WWW.TELESOM.NET

Page 15: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

TABABARADDA WAAXDA SHAQADDA IYO SHAQAALAHU U QABATAY SHAQAALE WEYNAHA SHIRAKDDA TELESOM

6. Tababarkii Barnaamijka AutoCAD

Xafiiska shaqadda iyo shaqaaluhu waxa uu tababar u qabtay shaqaalaha ka hawlgala waaxda Landline-ka, tababarkaasi oo lagu baray shaqaalaha sida wax loogu nashaqadeeyo barnaamijka AutoCAD-ka. Barnaamijkan ayaa ka caawin doona shaqaalahan in ay si fudud u sameeyaan cabirka iyo sawirka goobta waayiradda Internetku maraan. Tababarkani waxaa uu socday muddo 15 maalmood ah waxana la qabtay bishii October 2013.

7. Tababarkii First Aid

Si loo daryeelo caafimaadka shaqaalaha ka hawl-gala shirkadda, waaxda shaqada iyo shaqaaluhu waxay tababar u qabatay shaqaalaha waaxaha Landline-ka, Ingineerinka iyo Gaadiidka. Tababarkan ayaa shaqaalah lagu baray sida ay daaweyn caafimaad oo degdeg ah iskugu qaban lahaayeen haddii qaar ka mid ah shaqaaluhu uu dhaawac soo gaadho.

Tababarkan waxaa ka qayb qaatay 60 shaqaale ah, Tabarkan waxaa uu socday muddo saddex bilood ah, bilkastan waxaa qaadanaayey 20 shaqaale ah,

Tababarkan ayaa dhacay bishii August –Oct 2013.

Tababarka Diyaarinta Istaraatiijiyada, Qiimaynta Shaqaalaha iyo Suug-

gaynta

Tababarkan waxa loo qabta Maamulayaasha xarumaha shirkadda Telesom ku leedahay gobolada dalka. Tababarku waxa uu soconday muddo dhan 7 Maalmood, waxaanu ka dhacay magaalada Hargeysa. Ujeedada ugu wayn ee tababarkani waxay ahayd in kor loo qaado aqoonta dhamaan Maamulayaasha xarumaha Telesom ku leedahay gobolada dalka, ee la xidhidha dhinaca Diyaarinta Istaraatiijiyada, Qiimaynta Shaqaalaha, iyo Suug-gaynta, daryeelka macaamiisha iyo maamulida shaqaalaha. Tababarkan ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa .

15Telesom Newsletter | Jan-Dec 2013WWW.TELESOM.NET

Page 16: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Casuumaddii Xafladda Abaal-marin Shaqaale Weynaha Telesom

Shirkadda Telesom, ayaa abaal-marin guddoonsiisay shaqaalaha shirkadda ee sida hawl-karnimada ah u soo shaqeeyey sannadkii 2012. Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Huteel Ambaasador. Xafladan ayaa loogu magac-daray; “Munaasibada 10-aad ee Abaal-marinta Shaqaalaha Shirkadda Telesom ee Sannadka 2012”, waxana ka qayb-galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Golaha Baarlamaanka, Aqoon-yahanno, Culumo’awdiin, Salaadiin, ganacsato, masuuliyiinta sarsare & shaqaalaha Shirkadda Telesom iyo marti sharaf kale oo badan.

Qaabilaadii Xildhibaanada Cusub Ee Golaha Sare ee Dalada SONYO

Telesom, ayaa casho-sharafeed heer sare ah ku soo dhawaysay Maamulka cusub ee bishii June loo doortay Daladda kulmisa Dhallinyarada Somaliland ee SONYO. Munasibadan soo dhawaynta ah ee ay shirkadda Telesom ku qaabishay hoggaanka cusub ee Daladda SONYO, ayaa ka dhacday Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay dhamaan xildhibaanada cusub ee Daladda SONYO.

Xafladda Gardaadinta Xarun Cusub ee Suugaanta

Telesom ayaa maal galisay xafladdii gardaadinta ururka Dhaqanka, Fanka iyo Sugaanta. Munaasibaddan ayaa ka dhacday Hotel Maansoor. Waxaana ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Telesom, Salaadiin, Aqoonyahano, Hay’addaha caalamiga, kuwa waddaniga iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Maal-galintii Xafladda Tartanka Qur’aanka iyo Axaadiista

Telesom ayaa door weyn ka qaadatay tartanka Qur’aanka Kariimka oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Khayriga ah Al-xayad Islamic Foundation. Tartankaan ayaa lagu soo gabo-gabeeye badhtamihii 27 July 2013, huteel Ambaasator. Xafladii Xidhitaanka tartankan waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, hogaanka Sare ee shirkadda Telesom, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Duulista iyo Hawadda, Xildhibaano, Culimo-awdiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ta r t a n k a n oo ay ka soo qayb galeen 600 oo dhalinyaro, waxaa abaal-marin la gudoonsiiyey 3 0 - k i i arday ee ugu sareeyey. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaana gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ku guulaystay oo iskugu jiray wiilal iyo Gabdho.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici ayaa balan-qaaday in uu xajka ka bixin doono hal arday oo kaalmaha hore ka galay.

Shirkada Telesom waxay ku bixisay lacag dhan $15,000.

XAFLADIHII IYO CASUUMADIHII SHIRKADDA TELESOM KU QAABISHAY MACAAMIISHEEDA KALA DUWAN SANADKII 2013

16 Telesom Newsletter |Jan-Dec 2013 WWW.TELESOM.NET

Page 17: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013
Page 18: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Gabiley – (TelesomNewsletter-03.12.2013)- Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa casho sharaf u samaysay 103 arday oo ka qalin jabisay Jaamacadda

Tima-cadde ee magaalada Gabiley. Xafladan oo ay ka soo qayb galeen maamulka gobolka Gabiley, masuuliyiin ka socday shirkadda Telesom, madax-dhaqameedyo, maamulka Jaamacadda Gabiley, ardayda Jaamacadda iyo Marti sharaf kale. Casuumaddan casho sharafta ah oo si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay marti sharaf gaadhaysay 200 oo qof.

Masuuliyiin ka hadlay casuumada waxaa ka mid ahaa G u d o o m i y a h a shirkadda Telesom ee Gobalka Gabiley Sheekh Maxamed Muumin waxaanu ka warramay waxyaabaha ay shirkadda Telesom u qabato bulshada

reer Somaliland gaar ahaan dadka reer Gabiley “waxyaabaha ay shirkadda Telesom u qabato dadka reer Somaliland gaar ahaan Gobalkan Gabiley way badann yihiin waxaana ka mida

inaanu sanadkastaba qabano xaflado lagu waynaynaayo xifdiga Kitaabka kariima ah” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Muumin.

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaammacadda Timacade Dr. Cismaan Magan waxaan hadaladiisii ka mid ahaa, “Caawa waxaa sharaf weyn ii ah inay dufcadii 1-aad ee ka qalinjabisay Jaamacadda

Timacade University ay shirkadda Telesom halkan casho sharafeed sagootin ah ugu samaynayaan. Shirkadda Telesom waxaan ugu mahad naqayaa inay tahay shirkadii taageerada nala soo garab taagnayd ilaa xilligaa aan soo sheegay.”

Maxamed Cabdi Darbo oo ah Maamule Ku-xigeenka

Waaxda Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom ayaa ka hadlay doorka shirkadda Telesom ka ciyaarto caawimadda Jaamacadda Timacadde, waxanu yidhi, “Shirkadda Telesom waxay kaalin mug leh ka soo qaadatay aasaaskii Jaamacadda Timacade ilaa hadana

SHIRKADDA TELESOM OO CASHO SHARAFEED U SAMAYSAY ARDAY KA QALINJABIYEY JAAMACADDA TIMACADE

18 Telesom Newsletter |Jan-Dec 2013 WWW.TELESOM.NET

Page 19: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

waxay ku dadaalaysaa in ay marwalba la garab taagnaato wixii hormarinta Jaamacada ah iyo arrimaha Gobalka ah”.

Muddane Darbo ayaa ku dhiiri galiyey ardayda qalin jabisay

in ay ku dadaalaan sidii ay shaqooyin iyo gacansiyo u abuuri lahaayeen maadaama oo ay noqdeen aqoonyahano ku soo biiray saaxada aqoonyahanada dalka.

Casuumadda oo ay ka hadleen masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Maayerka degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse iyo xoghayaha fulinta dawlada hoose Cabdiraxmaan Nuur Abokor ayaa hambalyo iyo guubaanin u soo jeediyey ardaydi ka qalin-jabisay Jaamacadda Timacadde, waxaanay waxaaney balan qaadeen inay albaab walba u garaacid oonaan sidii ay ardeydaani shaqo u heli lahayda, waxaney ardeyda ku dhiiri-galiyeen inay halkaa kasii wadaan waxbarsahadooda, sidoo kalena aqoontii ay barteen dadkooda iyo dalkoodaba ugu faa’iideeyaan.

Ugu dambayntii waxaa casumadda soo xidhay Badhasaabka Goballa Gabiley Mr Geedi, waxaanu hoosta ka xariiqey baahida loo qabo inay bulshada reer Gabiley taareegaan Jaamacadda Timacade isla markaana aysan waalidiinta Gobalku caruurahooda u rarim magaalooyinka kale ee Ka baxsan Gabiley. Gudoomiyaha ayaa gudoonsiiyey qaar ka mid ah ardaydii ugu saraysay abaal-marin ay shirkadda Telesom ugu talo gashay.

MADAXWEYNAHA

SOMALILAND OO

GUDOONSIIYEY

S H I R K A D D A

TELESOM EE

GABILEY

19Telesom Newsletter | Jan-Dec 2013WWW.TELESOM.NET

Page 20: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013
Page 21: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

TELESOM OO KA QAYB QAADATAY GURMADKII LOO FIDIYEY DADKII KHASAARUHU KA SOO GAADHAY

ROOBAB KA DA’AY BERBERA

Berbera – [TelesomNewsletter -14 Nov,v2013] - Shirkadda Telesom ayaa Deeq iskugu jirtya Baco, bustayaal tiraddoodu dhan tahay 500 oo xabo ku

wareejisay Maamulka Dawladda Hoose ee Berbera iyo Xubno ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera.

Munaasibadii lagula kala wareegaayey deeqdan bacaha ah waxa ka hadlay madaxa Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Md. Maxamed Cabdi Darbo , Gudoomiyaha gobolka Saaxil Cali Maxamed, Maayarka magaalada Berber Cabdishakur Maxamed Xasan iyo xildhibaano kale oo golaha deegaanka Berbera ah, masuuliyiintan ayaa dhamaantood ka hadlay sida ay laga maarmaan u tahay in la iska-kaashado masiibooyinka rabaaniga ah ee sidan tan Berbera ka dhacday ee Roobabku sababeen.

Masuuliyiinta magaalada Berbera ee madasha ka hadlay ayaa uga mahadnaqay shirkadda Telesom gacanta ay ka gaysatay khasaaraha ka dhashay roobkii mahiigaanka ahaa ee dhawrka maalmood ka da’aayey magaalada Berbera, roobabkaasi oo baabiiyey guriyo badan oo ka mid ah xaafadaha dadka danyarta ay dagan yihiin ee magaalada Berbera.

21Telesom Newsletter | Jan-Dec 2013WWW.TELESOM.NET

Page 22: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Shirkadda Telesom waxay halkan hambalyo uga diraysaa shaqaalaha shirkadda Telesom gaar ahaana 20 arday oo ka qalin-jabiyey jaamacadaha dalka, kuwaas oo kala ah:

1. Xasan Cabdilahi Maxamed - ICT- Jaamacada Alpha

2. Maxamed Cabdi Giire - Business - Jaamacada New neration

3. Maxamed Ibrahim Cabdilahi - Business - Jaamaca-da Hargeysa

4. Nuur Abokor Saciid - Business - Alpha

5. Cabdirisaaq Xasan Cabdi - Business - Alpha

6. Maxamed Cabdilahi Ismaacil - Business - Alpha

7. Carafaad Cabdi Gamadiid - ICT - Alpha

8. Maxamed Maxamud Cabdilahi - Business - Alpha

9. Ayaan Xaamud Jaamac - Business - Admas

10. Mabsuud Axmed Cali - ICT - Jaamacada Hargeysa

11. Maxamud Maxamed Cabdilahi - Business -- Jaamacada Hargeysa

12. Sakariye Abiib Aw-adan - Geo/History - Jaamacada Camuud

13. Kayse Maxamed Cabdi - Business - Jaamacada Burco

14. Cumar Cabdilahi Jaamaac - Business - Jaamacada Burco

15. Cabdirisaaq Xasan Maxamud - Business - Jaamaca-da Burco

16. Cabdikarin Xasan Cali - Business - Jaamacada Burco

17. Cawil Adan Cali - Business - Jaamacada Nugaal.

18. Maxamed Xaashi Aw-Jama - Business - Jaamacadda Timacadde

19. Maxamed Cabdikariim Cali - Business - Jaamacadda Timacadde

20. Khadar Aw-Cumar Xasan - Business - Jaamacadda Timacadde

21. Maxamed Daahir Xasan - Business - New genera-tion

Shaqaalaha Telesom ee Sanadkan Ka Qalin-jabiyey Jaamacadaha Dalka

22 Telesom Newsletter |Jan-Dec 2013 WWW.TELESOM.NET

Page 23: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Shaqaalaha Telesom ee Sanadkan Ka Qalin-jabiyey Jaamacadaha Dalka

23Telesom Newsletter | Jan-Dec 2013WWW.TELESOM.NET

Page 24: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013
Page 25: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Maxamed Dayib Aw-Cali waxan uu ku dhashay magaalada Gabiley Sanadkii 1983. Maxamed Dayib Waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay

Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sh.Muxumed Warsame ee magaalada Gabiley intii u dhaxaysay 1991-1998-kii.

1999 Mr. Maxamed Dayib Aw-Cali waxa uu waxbarashada dugsiga sare ka bilaabay Dugsiga Sare ee Timacade waxaanu dhamaystay sanaddii 2003. Maxamed Dayib waxaa uu Jaamacada Hargeysa ka Bilaabaya 2004 maaraynta ganacsiga waxaanu Qalinjabiyey 2007.

Mr. Maxamed Dayib Aw-Cali waxaa uu shirkadda Telesom ku soo biiray Febrary 2008, Maxamed ayaa shaqaale ka noqday xarunta shirkadda Telesom ee magalaada Tog-wajaale , waxaanu noqday sarkaal iibgaynta ah.

Maxamed Dayib Aw-Cali waxaa bishii September 2008 loo dalacsiiyey Sales and Marketing Manager ee xarunta

HORMUUDKA SHAQAALAHA SHIRKADDA TELESOM EE SANADKA 2013

magaalada Gabiley oo ilaa hadda uu ka shaqeeyo.

Tababaraddii uu Qaatay:

1. Par and Problem Analyses Training ( 2007)

2. Intensive statistical Training (2009)

3. E-wallet Training Program (2009)

4. Wepsmap (PPS Service) And SMU (Subscriber management unit) Trainig Program (2009)

5. Introduction to Regression Analysis (2010)

6. ZAAD Service Financial and Operational Training Program (2009)

7. TOT Training Program on Mastering Telesom Ser-vices and Excelling Customer Care ( 2011)

8. Capacity Building Workshop for Sales And Mar-keting Managers (2011)

Abaalmarintaha uu Ku Guulaystay

Maxamed Dayib abaal-marinihii uu ku guulaystay intii uu maamulaha iibka iyo suuq-gaynta uu ka ahaa xarunta Gabiley waxaa ka mid ahaa:

1. 2008 Certificate of performance achievement

2. 2009 Gabiley site employee of the year certificate of the year

3. 2010 Certificate of appreciation

4. 2012 certificate of appreciation

25Telesom Newsletter | Jan-Dec 2013WWW.TELESOM.NET

Page 26: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013
Page 27: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013
Page 28: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Qormaddan waxaanu ku eegi doonaa qaybo ka mid ah Kitaab Ribadda Ka hadlayaa oo uu diyaariyey Cali Mahdi Ismaacil. Qodobada aanu soo qaadan doono waxaa ka mid ah: Qeexida Ribadda, Ribadda cidii ugu horaysay ee isticmaali jirtay, sidii Islaamka ka hor loo isticmaali jiray.

Qeexidda Ribadda

Marka hore aan Sharaxno waxaa Ribo loo yaqaano luqad ahaan iyo Sharci ahaanba. 1. Luqad ahaan Ribo waxaa la yidhaahdaa waa koritaanka iyo siyaadada iyo kor ahaanta ama sareynta. Afka carabiga haddii la yidhaahdo sheygaasi waa riboobay waxaa loo jeedaa waa siyaaday ama waa kor noqday. 2. Xagga Sharciga waa siyaadinta labo shay oo la isku bedelanaayo midkood asagoon siyaadadaasi wax bedel u ah uusan jirin, sharaxaasina waxa uu koobayaa labada nooc ee Ribada.

Hadaba ribadu aslakeedu waa in uu yahay shaygga laftiisa ama waa in uu yahay waxa muqaabil u ah ama bedel u ah sida hal shilin oo lagu bedelo laba shilin. Waxaa ribada layidhaa oo kale iib kasta oo xaaraan ah. Hadaba ribadda sharciga ahi waa in la kala badiyo ashyaa gaar ah, waxaana lagu koobaa laba qaybood oo ra’iisi ah kuwaas oo kala ah: A) Ribada kala fadalidda iyo B) Ribada Dib u dhigidda.

Ribada Yuhuudu Siday u Isticmaali Jireen

Shaki kuma jiro in yuhuudu tahay dad khiyaamo badan kuwaas oo adeegsada xeelado kala duwan weliba waxaa u dheer baadil faro badan oo ay ku xeeladaystaa si ay ugu cunaan ribada uu ilaah xarimay. Iimaamka wayn ee xaafid Ibnu Kasiir ilaah haw naxariistee wuxuu yidh. “Ilaah waxa uu ka reebay yuhuuda ribada in ay cunaan xaqiiqa ahaan way cuneen iyagoo isticmaalay xeelado kala duwan. Yuhuudu waxay banaysteen cidii aan yuhuud ahayn in

lagula macaamilo ribadda dhibina aanay ku jirin”.

Ribadda Islaamka Ka hor

Ribadu waxay aad u faaftay casrigii la odhan jiray casru jaahiliga waxayna ku tirinjireen faa’iidooyinkooda kuwa ugu badan. Waxaa laga weriyay Iimaamu Dabari Allaah haw naxariistee in uu yidhi. “Yuhuudu waxay ahaayeen Islaamka ka hor qaar ku macaamila ribada, tusaalle ahaan”.

Daynta qofka lagu leeyahay ama gashi ayaa waxaa u imaan jiray kii ku lahaa kolkaas ayuu ku odhan jiray hadaad u baahan tahay in xiligii aan dib kuugu dhigo waan kuugu dhigayaa hase yeeshee waxaa kugu kordhaaya gashigii dheeraad sida hadduu ku lahaa $100 doolar waxa uu dib ugu dhigayaa bil waxaana ku kordhaaya $50 doolar waxa uu bixinayaa $150 doolar.

Ilaahay isagoouga digayaa dadka in ay cunaan ribadda noocaas oo kale ah waxaa uu Allaaah CW yidhi, (Kuwa muuminiinta ahoow ha cunina ribada laalaabay ee lasiilaalaabay Ilaahay ka cabsada si aad u liibaantaan) Suurada Aal-cimraan, aayada 130.

Mawqifka Islaamku Iska Taagay Ribadda

Islaamku aad buu uga digay ribada nusuus badan baana ku soo aroortay oo qur’aanka iyo axaadiista rasuulka salaahu calyhi wasalam lagu sheegay. Ilaahay isagoo digaaya ribadda waxaa uu yidhi, (Kuwa Ilaah iyo Rasuulka rumeeyoow Ilaahay ka cabsada kana taga ribada hadaad tihiin qaar Ilaahay rumaysan, hadaad ribada ka tegi waydaan waxaa Ilaah iyo Rasuulku idin ogaysiinayaa dagaal, hadaad toobad keentaan waxaad leedihiin rasul-maalkiinii laydina dulmiyimaayo).

Waxaa laga weriyay Abu Hurayra in uu ka weriyay Nabig (SCW) in uu yidhi. (ka dheeraada todobaada wax halaaga waxay saxaabadu yidhaahdeen waa kuwee rasuulkii ilaahaw todobadaasi wuxuuna yidhi. 1. Shirkiga, 2. Sixirka, 3. Nafta oo lagu dilo xaqdaro, 4. Ribada cunitaan, 5. Cunitaanka xoolaha agoonta, 6. Cararka la cararo maalinta gurguuradka ee cadawga lays horfadhiyo. 7. In been abuur laga sheego hablaha ama dumarka muuminaadka ah ee dhawrsoon).

Waxaa laga weriyay Abuu Hurayra in uu yidhi waxaa dadka ku iman doona xili aanu qofku u aabe yeelayn waxa uu qaadanaayo ee xoolo ah ma xalaalbaa mise waa xaaraan.

Maxaad Ka Taqaanaa Ribadda?

28 Telesom Newsletter |Jan-Dec 2013 WWW.TELESOM.NET

Page 29: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013
Page 30: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Astaamaha Lagu Garto Cudurka Macaanka iyo Sida looga Hortago

Cudurka macaanku waa calaamado isku tagey oo ah, dhiiga oo ay sonkortu ku badato ama kaadida oo ay sonkortu ku badato waxaana loo yaqanaa (diabetes mellitus) taasi oo ay keento dheecaanka uu soo daayo qanjidhka la yidhaa ganacu(pancreas) dheecaankaas oo la yidhaa (Insulin) oo yaraada ama shaqadiisa si fiican u qaban waya.

Cudurkani waxa uu saameeyey 120 million oo qof oo aduunka ku nool. Waxa la saadaalinayaa in sanadda 2020 marka lagaadho inuu saamayn doono 220 million oo qof.

Qaybaha Cudurka Macaanka:

Cudurka macaan ka waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah:

1. Type 1 diabetes (insulin-de-pendent diabetes mellitus) waa nooca insulinta la siiyo qofka .

2. Type 2 diabetes (non-insu-lin-dependent diabetes mel-

litus) noocani waa nooca aan inta badan la siin insulinta.

3. Gestational diabetes (diabe-tes diagnosed in pregnancy) noocani waxa uu dhacaa xiliga dumarku uurka leeyihiin, 4% ayuu ku dhacaa dumarka uurka leh, waxaanu keenaa dhimasho ama curyamid had iyo jeerna marka ay dumarku umulaan uu ka tagaa , 30-40% dumarka qaba kaadi macaan ka xiliga uurka wuxuu u gudbaa type 2 ama nooca labaad 10 sano gudahood

Nooca koowaad (TYPE 1) waxa uu

ku badan yahay dadka da’doodu ka yartahay <30 jirka , waxaana dhaca dheecanka insulin ayaa yaraada nooca koowaad .

Nooca labaadna (TYPE 2) waxa uu ku dhacaa dadka da’doodu ka wayn tahay >30 jir-ka. ee miisaankooduna uu wayn yahay, Qoyskooda cid ka mid ahina ay qabto.

Waxyaabaha Keena Guud ahaan Cudurka Macaanka:

Nooca koowaad waxaa keena jidhka dufaaciisa oo weerara unugyada soo daaya dheecaanka insulin-ta (AUTOIMMUNE), badanaana lama yaqaan waxa keena (idiopathic).

Nooca labaadna waxaa keenaa waxa uu u badan yahay HIDDO-RAAC ku yimaada unugyada soo saara dheecaanka insulin-ta ama dheecaanka oo shaqadoodu xumaato, Ganaca oo bukooda,Ganacoo qalin lagu saaro ama Ganacoo Cancer ku dhaco. Waxa kale oo keeni kara daawooyinka virus lagula tacaalo.

Xanuunada uu keeni karo cudurka kaadi macaanku:

1. Dhiigkarka

2. Kalyaha oo shaqda joojiya

3. Nerfaha oo xanuuna

4. Aragtida indhaha oo uu yareeyo

5. Wadnaha oo uu dhawaco

6. Xididada dhii-ga uu yareeyo.

7. Faalig uu keeno

Calaamadaha Lagu Garto Macaanka Waxaa ka Mida:

1. Daal

2. Af-ka oo qalala

3. Kaadida oo badata

4. Haraad fara badan

5. Miisaanka jidhka oo yaraada

30 Telesom Newsletter |Jan-Dec 2013 WWW.TELESOM.NET

Page 31: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013

Astaamaha Lagu Garto Cudurka Macaanka iyo Sida looga Hortago

6. Kaadida habeenkii oo badata

7. Araga oo xumaaada

8. Yalaalugo

9. Madax xanuunka

10. Maqaarka qofka oo is badala

11. Cuntadiisa oo badata

12. Faraha oo bilaa dareen noqda (nabarana ay ku dhacaan)

Siyaabaha Lagu Ogaado Kaadi Macaanka

Kaadi macaanka waxa lagu ogaan karaa in uu qofka macaan ka qabaa ka sheekeeyo calamaha uu isku arkay (history) Iyo in qofka laga qaado kaadida ama dhiiga.

Dhiiga qofka waxa laga qaadaa laba jeer oo kale ah marka qofku aanu waxba cunin (Fasting plasma glucose > 7.0 mmol/L (126 mg/dL) waa marka uu dhiiga sonkorta ku jitaa ay ka badato 126mg/dl ama qofka oo wax cunay uu dhiiga sonkorta ku jirtaa ka batto 200mg/dl oo la yidhaa (Random plasma glucose > 11.1 mmol/L (200 mg/dL).

Waxyaabaha Lagu Daaweeyo Macaanka

Cudurka macaanka waxaa lagu daaweyn karaa saddex xaaladood:

1. Cuntada oo la kaantaroolo iyo qofkoo jimicsi joog-to ah sameeya.

2. Kiniinka macaanka oo uu qaato.

3. Irbada macaanka uu qaato (insulin).

Qofka marka uu cudurka macaanku ku cusub yahay 50% waxaa lagu kaantarooli karaa cuntada iyo jimicsiga. Qofka macaanka qaba waa inuu iska ilaaliyaa cuntada sonkorta leh, cuntada dufanku ku badan yahay oo uu yareeyo, cuntooyinka milixdu ku badan tahay oo uu yareeyo, cuntooyinka carbon hydrate-ka leh oo uu yareeyo iyo cabida sigaarka uu joojiyo.

Siyaabaha looga Hortagi Karo Macaanka

1. Qofka oo jimicsi badan sameeya

2. Miisaankiisa oo uu yareeyo

3. Cuntada sonkorta leh uu yareeyo

4. Cuntada dufanka leh oo uu yareeyo

5. Sigaarka oo uu cabistiisa joojiyo

6. Cuntada milixda leh oo uu yareeyo.

31Telesom Newsletter | Jan-Dec 2013WWW.TELESOM.NET

Page 32: Telesom Newsletter Issue 18 - Dec 2013