32

Galool Magazine issue 2

Embed Size (px)

DESCRIPTION

2 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 EDITOR Mucjisnimada Quraanka Mucjisada Dhaqaalaha Shiinaha Hodan Ahmed Mohamed Abdi Waxqabadka Dhabta Ah Ee Ka Muuqda Madaarada Dalka Musawi Abdalah Abdifatah Ismail Abdikadir Barawani Abdirahim Ismail Abdirashid Hassan Ahmed P.12 P.14 P.21 P.22 P.18 Maxaa Suugaanteenna Jacaylka Ku Cashariyey? Sidee loo Noqdaa Arday Wanaagsan oo Guulaysta? P.8 P.4 P.7

Citation preview

Page 1: Galool Magazine issue 2
Page 2: Galool Magazine issue 2

2 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

Page 3: Galool Magazine issue 2

INDEX

Mucjisada Dhaqaalaha Shiinaha

Sidee loo Noqdaa Arday Wanaagsan oo Guulaysta?

Qiyaamaa danbeeya(2011)

EDITOR

SUB EDITOR

GRAPHIC DESIGN

MARKETTING

UK MANAGER

KENYA STAFFAbdirashid

P.4

P.7

P.8

P.12

P.14

P.21

Abdifatah IsmailAbdikadir BarawaniAbdirahim Ismail

Musawi Abdalah

Hassan Ahmed

Hodan Ahmed

Mohamed Abdi

Mucjisnimada Quraanka P.22

Culuunta Ugaadha

Macaanka I imaanka

Waxqabadka Dhabta Ah Ee Ka Muuqda Madaarada Dalka

P.18Maxaa Suugaanteenna Jacaylka Ku Cashariyey?

Page 4: Galool Magazine issue 2

4 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

asaaradda Duulista Hawadda iyo G/Cirka waxa la asaasay sanadkii

1997, waxaa wakhtigaa shaqaynayey madaaradda Berbera, Kala beydh iyo Boorama, isla sanadkaa waxa la furay madaarka Hargeysa muddo yar ka dibna waxa la furay madaarka Burco. Mudadii ay wasaaradu jirtay waxa iska bedelay 7 Wasiir iyo 3 Agaasime Guud.

Waxaa hubaal ah in mudada dheer Madaarada Dalka laga qabtay wax badan oo mudan in la mahadiyo, dhi-naca kalena waxaan shaki ku jirin inay jiraan wax badan oo baaqday ama qaloocday oo u baahan toosin iyo waxqabad.

Mudadii sannad iyo badhka ahayd wuxuu maamulka cusub ee Wasaar-addu isku hawlay in uu wax weyn ku soo kordhiyo dhismayaasha, adeegya-da iyo maamulka Madaarada.

Taas oo soo jiidatay indhaha dadway-naha reer Somaliland iyo macamiisha kale ee isticmaasha Madaarada dalka oo dhan,Arintaasi waxay dhalisay in Bulshadu isla dhex marto isbadelka muga leh ee ka muuqda Madaarada dalka, hadal hayntaa soo noqnoqotay waxay soo jiidatay indhaha Warbaahinta kale duwan ee Dalka oo GALOOL MAG-AZINE ka mid yahay warbixintan waxa aanu ka soo diyaariyay Wax-qabadka Wasaarada Duulista Hawada

iyo G/Cirka

Mudadii sanad iyo badhka ahayd ee ay Xukuumadani talada haysay waxaa Madaarka Caasimadda laga hirgeliyey (17) Mashruuc) oo dham-maaday:-

1. Dhisme cusub,Balaadhin, dib u habeyn iyo adeegyo hor leh oo lagu kordhiyey Terminalka laga dhoofo. Isbedelkani wuxuu keenay in Termi-naalka, laga dhoofo uu maanta qaado in ku dhaw 300 qof, taas oo saddex laab ku ah cadadkii uu hore u qaadi jiray.

2. Ballaadhin, dib-u-habeyn iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey Terminalka laga soo dego, Terminal-kani wuxuu qaadi karaa maanta tiradii sanad ka hor laban-laab in ka badan. Waana korodhsiimadii u horeysay ee lagu sameeyey tan iyo waqtigii la dhisay 1958.

3. Daryeelid iyo dayactir lagu sameeyey dhabaha diyaaraduhu ka haadaan (Run-way)-ga oo meelo ba-dan marba ka ruqa.

4. Dhisidda VIP launch cusub iyadoo dib-u-habeyn iyo casriyeyn lagu sameeyey guud ahaanba qaab-ka gelida iyo bixidda labada VIP-launge.

5. Dhismaha wadada cusub ee isku xidha Madaarka Hargeysa iyo Ambassedor Hotel. Taasoo ahayd mid burburtay oo gebi ahaanba la qaaday.

6. Dhismayaal cusub oo kadi-mada loogu sameeyey Ciidanka Bool-iska si ay uga jirsadaan roobka, dhax-anta iwm.

7. Waxaa Madaarka laga xidhay dhammaan waddooyinkii dhex mari jiray, iyadoo gaadiidkii hawd tegi jiray loo sameeyey waddo cusub oo dibedda ka ah Madaarka.

8. Laydh 24 saac ah & adeeg-ga Internet-ka oo la soo gaadhsiiyey Madaarka Caasimadda, kuwaas oo aan hore u jirin, taasoo sahleysa in laga haqab-beelo adeegyada kala duduwan ee macaamiisha dhoofaya ama soo degeya u baahan yihiin.

9. Kicinta & dayactirka Gaadi-idka Madaarka u gaarka ah sida booy-adda biyaha iyo Bus-ka Shaqaalaha qaada.

10. Waxay Wasaaradda iyo Hay’adda UDNP iska kaashadeen Mashruuc lagu ballaadhinaayey dibna loogu hagaajinaayey fidinta run-way-ga qeybta cusub ee 1.8m, taas oo ay UNDP maalgelisay. 11. Qurxinta lagu sameeyay wa-jahada arivel terminal-ka oo marmar

Waxqabadka Dhabta Ah Ee Ka Muuqda Madaarada Dalka

W. d,hawada iyo g.cirka

W Waxqabadka Madaarka Caalamiga ee Cigaal.

Page 5: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 5

Madaarka Berbera waxaa laga fuliyey (12) Mashruuc oo dhammaaday waa-na sidan:-

1. Dhisme Terminal cusub oo u gaara dhoofitaanka, kaas oo leh ade-egyo hufan oo casri ah.

2. Dib u casriyeyn iyo balaa-dhin lagu sameeyey Terminalkii hore ee isugu jiray dhoofitaanka & degi-taanka, kaasoo laga dhigay Terminal u khaas ah soo degidda oo keliya.

3. Dhireyn iyo dhisme marmar bilic leh oo lagu sameeyey barxadda

hore ee wajahada labada Terminaal, taas oo ahayd meel bus badan.

4. Waxaa markii ugu horeysay lagu rakibay Madaarka qalab tayo leh oo wax lagu baadho iyo kamarado casri ah oo lagu ilaaliyo dhaqdhaqaaqa Nabadgelyada Madaarka.

5. Dayactir lagu sameeyey meelo waaweyn oo runway-ga ka mid ah, kuwaas oo daadadku waxyeeleen,islamarkaana waxaa dhirgoyn iyo xaaqid lagu sameeyey dhamaan 5 kilometer ee uu ka kooban-yahay runway-gu.

6. Waddo laami ballaadhan oo laga sameeyey inta u dhaxeysa barx-adda Terminalada iyo dhabaha diyaar-adaha, taasoo hore u ahayd ciid iyo boodh, garoonkana dhibaato badan ku haysay.

7. Gaadhi cusub oo dab-demis ah oo Shirkadda Dahabshiil ugu de-eqday Madaarka , iyadoo markii hore aannu lahayn Madaarku gaadhi dab-demis ah.

laga dhagay taasoo ah dhismaha uu caanka ku yahay madaarkeenu .12. Amaanka madaarka oo aad loo adkeeyay ,iyadoo kaabado lagu wareejiyay dhamaan madaarka.13. Waa markii ugu horeysay madaarka Hargeisa lagu sameeyay (cctv camera) casri ah oo ka shaqeeya madaarada aduunka oo ka qayba qaa-dan doona adkaynta Amaanka mad-aarka.14. Waxa qurxin balaadhan

lagu sameeayay barxada hore ee vi p ee madaxdu kasoo gasho taas oo dhamaanteed marmar la dhigay sidoo kalena albaab cusub la galiyay.15. ciidanka iyo shaqaalaha fire-ka oo loo dhisay hool wayn oo ay hdhsan karaan agabkoodana ay dhi-

gankaraan oo markii hore meel ay ku nastaan aanay jirin.16. Qolka cctv camerada oo dib loo habeeyay kasoo hore u ahaan jiray qolkii nasashada madaarka ee dawla-dan cusubi xilka kula wareegtay.17. Wado dhererkeedu yahay 200m oo laga hirgaliyay gudaha mad-aarka taasoo markii hore ahayd wado ciid ah.

Waxqabadka Dhabta Ah Ee Ka Muuqda Madaarada Dalka

Waxqabadka Madaarka Caalamiga Ah Ee Berbera

W. d,hawada iyo g.cirka

Eeg Bogga 6aad

Page 6: Galool Magazine issue 2

6 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

8. 850m siliig ah oo lagu xidhay dhinacyada hore ee wajahada Mad-aarka, si looga xafido dadka iyo xool-aha iska dhexmaraya, taasoo waqtigii hore ahayd meel fadaado ah oo iska bannaan.

9. Waxaa lagu guuleystay keeni-sta Mishiin cusub oo daboola baahiya laydh ee Madaarka, kaasoo lagu bed-delay mishiin hawl-gab iska ahaa muddaba oo Madaarka la keenay 1986-kii.

10. Dhirgoyn iyo moosid lagu sameeyey dhamaan hareeraha iyo agagaarka run-wayga dhan 5km, taa-soo looga gol-lahaa ka hortagga shilal ku yimaada diyuuradaha iyo kor u qaadka amaanka garoonka.11. Albaabo casri oo ah nooca is waydaarta iyo dayr qurux badan oo wajahadiisu marmar tahay oo lagu sameeyaya irida hore ee madaarka barbera.12. Wasaaradda Duulista, Hay’adda Waddooyinka & Dawladda Hoose ee Berbera waxay iska kaashan doonaan in laami laga dhigo wadada ciida ah ee isku xidha geydhka hore ee laga soo galo Madaarka & Termi-naalka laga soo dego oo dherarkeedu ayahy 365m.13. Waxaa lagu sameeyay siliig

dhan 300 oo mitir wejahada termi-naalada dhinaca galbeed ,oo hore fadaado u ahayd

14. Waxaa Foostooyin shub ah lagu wareejiyay dhabarka Vip-ga iyo hareeraha Wadada cusub .

Horumarka iyo waxqabadka laga sameeyey Madaarka Berbera, wux-uu suurta geliyey isla markaasna dhiirigeliyey in dhammaan Shirka-dihii khadadka duulimaad ku lahaa Imaaraadka Carabta ay toos u soo fa-dhiistaan maanta.

Shirkadaha Diyaaradahooda waawey-ni isticmaalaan Berbera:-

• Africa Express Airways • Jubba Airways • Daalo Airlines • Djibout Air

Shirkadahan qaarkood waxay ku qeybiyaan Madaarka Berbera ra-kaabka ay soo qaadaan ee u kala socda Waddamada geeska afrika, taas oo ka dhabeysay hadafkii Xukuumadani ka lahayd Madaarka Berbera in uu noqdo (Regional Feeder).

• Waxa intaasi dheer waxa laga hirgaliyaya Madaarada Dalka Maam-ul wanaag iyo la dagaalanka Musuq-maasuqii ragaadiyay Ha’adah ka hawl gala Madaarada taas oo sababtay in uu Dakhliga Wasaaradu laban laabmo.• waxa si rasmi ah looga mam-nuucay dhamaan Madaarada Dalka in Xafiisyada iyo Terminal-lada dhex-dooda lagu isticmaalo Jaad iyo Si-gaar.• sidoo kale waxa loo sameeyay dhamaan Ha’adaha ka hawlgala Mad-aarada Dalka Dirays iyo Aqoonsi u gaar ah si loogu garto.• Iyadoo la fulinayo balan-qaadkii Xukuumada waxa si rasmi ah ay Wasaaradu u shaqaalaysiisay 73-Shaqaale oo cusub.• Waxay Wasaaradu ku guulay-satay in Deeq dhan $10.000.000 oo ay Dawlada Kuweit uga soo hesho dhis-maha iyo dayactirka Madaarada Har-geisa :- dayactir Runway-ga loogu samayn doono iyo (fence)dayr silig ah oo lagu wareejinayo madaarka ,Barbera :-dhisida terminal cusub iyo (fence)dayr silig ah oo lagu wareeji-nayo madaarka,Mashaariicdan bad-hkeed waa la faafiyay , waxaanay shaqadu bilaabmi doontaa Feb 2012.

Run ahaantii waxa la odhan karaa Wasaarada Duulista Hawada iyo G/Cirka Soomaaliland waxay ku tallaab-satay Waxqabad hor leh oo la taaban karo taas oo ka dhigtay Xidig ka dhex ifaysa Ha’adaha Dawlada.Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo G/Cirka Soomaaliland Maxam-uud Xaashi Cabdi oo garab ka helaya Shaqaalihiisa Dhalinyarada u badan waxay ku guulaysteen inay rumeeyaan Riyada inta badan ay ku riyoonayeen macaamiisha isticmaasha Madaarada Dalka ee Qurbo joogta u badan oo si farxad leh uga soo dega ugana dhoofa Madaaarada Dalka, waxaynu u nis-bayn karnaa wax qabadkaasi balaad-han ee ka muuqda Wasaarada Duulis-ta Hawada iyo G/Cirka Soomaaliland

Hawl karnimada, Daacadnimada iyo Musuqmaasuq la’aanta ay la yi-maadeen Shaqaalaha Wasaarada Duu

lista Hawada iyo G/Cirka Soomaa-liland ee uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradaasi .

Photo File : M/Kuxigeenka Oo Xadhiga ka Jaraya Mashaariic Ay Fulisay W/D/Hawada Iyo G/Cirku

GABOGABO

W. d,hawada iyo g.cirka

W/D/H M.Xashi Abdi

Page 7: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 7

MACAANKA IIMAANKA :Qalinkii:Axmed C/laahi Aaden ( shacbaan).

Diinta Iyo Nolosha

ormadeenani waxay ku qotontaa xadiis saxiix ah oo uu warinayo

(Saxiix Al-muslim 1/62) Waxa laga wariyay Cabaas Binu Cabdimudalib,inuu maqlay Rasuulka oo leh –scw- ((waxa dhadhamiyay mac¬aanka iimaanka qofka ilaahay u qira rabbinimadiisa islaamkana diin ahaan u qaata nabi muxamedna - scw-nabi iyo rasuul ahaan)) .Dulucda xadiisku waxa weeye: Ii-maanku waa dhadhamaa, waxa daree-mi kara qofka Qalbigiisu noolyahay, Iimaankiisuna camiran yahay .Iimaanku waa hibada ugu wayn ee Ilaahay cid ku galladaysto, wuxu soo jiidaa Nolol wanaagsan Allaah waxa uu yidhi : Aayada uu Macnaheedu yahay: kuwa muminiinta waxay ku xasishaa quluubtoodu oo ay ku raaxaysataa dikriga ilaahay , ogaadana waxa ka-liyay quluubtu ku dagtaa waa dikriga alle waxaan isga ahayna waxay ka qaadaa kulayl iyo soomalhaad .

(suurada racad,Aayada 28)

Waxa lagu helaa Hanuun iyo Am-maanka Aduun iyo Aakharo Ilaahay sxwwuxu yidhi:Aayada uu macnaheedu yahay : kuwa muminiinta ah ee aan ku dheehin dul-mi (shirki) cibaadada oo ilaahay cid lala siiyo , waxay leeyihiin ammaan iyo hanuun adduun iyo aakhiraba .(suurada ancaam,aayada 82)Ciddii laga helo tilmaamaha xadiisku sheegay ee hoos ku qoran ayuunbaa heshay macaanka Iimaanka:I. Ilaahay Rabbi ahaan shihiisa inuu ictiqaado oo aanu cidkale caabu-din ama aanu waynayn ama jeclaan ugana biqin sida alle wayne looga baqo , amarka ilaahay khilaafsan aanu ka qaadan cid aan ilaahay iyo ra-suulkiisa (scw) ahayn .

II. Islaamnimada inuu u aamino diintii diimaha lagu khatimay ee aanu ilaahay diinaan iyada ahayn aqba-laynin , naftiisa iyo ehelkiisa uu ku maamulo , ciddii ay wax dhex maraa-na shareecada alle ay ku kala baxaan .III. Inuu nabigeen muxamed ( scw) u rumeeyo nabi iyo rasuulba ,kana jeclaato naftaada ubadkaaga waalidkaaga iyo inta kale oo dhan , inaad noloshaada oo dhan ka qaadato rasuulka alle kana fogaato xiisahaaga iyo kaljeclaysigaaga . Nolosha adduunka ee dhibka badan waxa ka bixi kora oo kaliya qofka soojeeda ee feejigan ee ilaasha-da iimaankiisa inuu kordhaayo am-aba u nusqaamayo maxaa jira Ilaahay wuxu kitaabkiisa ku sheegay marar badan inuu iimaanku siyaado waxii siyaadaana way nusqaamikaraan , hadaba aqristaw miyaanay aniga iyo adigaba u habboonayn inaynu u qalab qaadanno sidii aynu ula iman lahayn waxyaabaha iimaanka kobciya sida : Qur,aanka akhriskiisa dikriga Alle oo Carrabka lagu hayo Cibaadada oo la ilaaliyo faral iyo sunnaba , inta taag-ta daran oo loo naxariisto iyo Diinta ilaahay oo loo noolaado .

Qofka sidaa yeela Alle wayne ayaa je-claada oo ilaaliya sidaa waxa tilmaa-maya Xadiis al-Qudsiga Bukhaari soo saaray ee Abii Hurayra Rasuu-laka (scw) ka warinayo : Cidda iga colaadisa wali kamida awliyadayda waxa aan ogaysiiyay dagaal ( Ilaa-hay baa sidaa leh wali-na waxa ah qofka kasta oo Ilaahay rumeeya kana baqda Ilaahay ) Adoonkaygu iiguma soo dhawaado wax aan ka jecelahay waajibaadka sida uu sunnayaasha iigu soo dhawaanayo ayaan jeclaadaa hadii aan jeclaadana waxaan noqdaa

maqalkiisa ( maqalkiisa ayaan ilaali-yaa waxaan wanaagsanayn ma maqlo ) waxaan noqdaa aragiisa oo waxaan wanaagsanayn ma arko ,waxaan no-qdaa gacanta uu wax ku qabsado iyo lugaha uu ku socdo labadaba waan u dhawraa oo waxaan ka dhawraa xu-maan haduu ku dhacana waxan waa-fajiyaa Tawbad Nasuux ah hadii uu wax i waydiistana waan siiyaa hadii uu wax iga magan galo waan magan galiyaa.

Sidaa waxa leh Alle wayne ( swt) waxaa saa sharaf ah iyo horu mar ah inaad heerkaa ka gaadho Ilaa-hay agtiisa lama yidhaahdo horumar waxoogaa shilimaad ah oo qofku helo, xil loo magacaabo, gole uu ka haasaa-wo, iwm , sharaf oo dhammi waxay ku idishahay jidka Ilaahay oo la raaco oo loo raaco sidii ay u raaceen Rasuul keenii kariimka ahaa (scw) iyo Asx-aabtiisii( rc) waa jidka caaradiisuna agtee-na tahay caarada kalana ay jannada ku dhaadhacdo waa jidka aynu ku ducysanno maalin walba 17 jeer,sida aynu wada ognahay rakcad walaba in la aqriyo faataxada oo labada aaya-dood ee ugu dambeeyaa ay ka war-ramayaan jid kan . Allahayaw nagu hanuuni jidka toosan ee ay raaceen kuwii aad u nicmaysay ( Nabiyadii ,Siddiiqiintii,Shuhadadii iyo Saalixi-intii) aan ahayn jidka ay qaadeen ku-wii aad u cadhootay (Yuhuud)iyo ku-wii habaabay ama anbaday ( kiristaan ).Kolba sidii aad jidka adduunyo ugu toosnaato ayuunbaa aad ugu toos-naanaysaa jidka aakhiro (siraad) .Ilaahay ha inagu dilo oo haynagu nooleeyo jidkaa .Aaaaaaamiin aaaamiin .

Q

Page 8: Galool Magazine issue 2

8 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran) Culuunta Ugaadha

gaadhu, in kasta oo ay maanta dabar-go’ba ku dhowdahay, intii

ka noolaydna la’dahayba meel ay cag dhigto, haddana waxaanu shaki ku jirin in uu dalkeennu beryaha qaark-ood hodan ku ahaan jiray. Dabar-go’a Ugaadhu wuxu la xidhiidhaa waxyaabo badan oo ay ugu mudan yi-hiin: taranka xad dhaafka ah ee dadka, magaalooyinka batay, dhulka la wada yeeshay ee ninba in seeraystay, xaalufka, nabaad-guurka, dagaallada socday muddada labaatanka sanna-dood ku dhow iyo hubka aan qiyaasta lahayn ee gacanta dadweynaha galay. Markaynu taariikhdeenna ummadeed dib u raacno, marna ma ay dhicin in wax la iska weydiiyo Ugaadha iyo sidii tarankeeda iyo tafiirteedaba loo ilaalin lahaa. Wax caadiya ayay iska noqotay in dhulka la haab-haabato marka Ugaadh la arko, si wax loogu tuuro kol ay dhagax ku tahay; haddii aan qoriba lagu toogan. Taasina waxay keentay in ay aragga beni-aadamka ka diddo oo baxsato. Taariikhdeenna had-dii aynu dib u raacno, marna Ugaadhu

ma ay helin xuquuqdii ay dal iyo dadba ku lahayd. Markaad dib u jalleecdo lixdannadii sidii Far-daha looga dabar-gooyay dalka, gaar ahaan Degaanka Gebilay, Ugaadha waad iska illoobay-saaba. Xaqiiqadu waxay tahay in aanay Farduhu si dabiiciya u dabar-go’in, bal se si qorshay-san, habaysan oo ku-talo-gal ah loo dabar-jaray, markii qowlallada inta silig iyo taarba lagaga xidhay loo diiday in ay dhulka af-dhigaan. Waa sannadihii dhowr iyo lixdankii iyo falalkii bahalnimada iyo dadnimo-ka-baxa ahaa ee lagu dabar-jaray Far-dihii Degaanka Gebilay, Fardihii oo keliya lama dabar-goyne, waxa kale oo halkaa ku duugmay aqoontii iyo suugaantii la xidhiidhay oo aanay car-ruurta iska dhaafe inteenna waaweyni wax macno leh ka sii hayn.

Ugaadhu, maa daama ay ka mid ahayd xoolihii dalka ku dhaqnaa, waxay la-hayd qiimaheeda, taas oo aad maanta ka dheehan karto culuunta dhinacyada badan ee ku dheehan dhaqmaadkeedii

iyo nolosheedii. Nolosha iyo culuunta Ugaadha looma sinnayne, waa loo kala dhawaa. Waxaanu shaki ku jirin in qayb mujtamaca ka mid ahi dadka kale uga dhaweyd, ugana daryeel iyo naxariisba badnayd.

Qormadan oo ku saabsan Ugaadha, waxaan jeclehay in aan ku soo qaato aqoonta qotada dheer ee la xidhiidha: Ugaadha, sida ay ku dhaqanto, inta ay u kala baxdo iyo magac-bixinteeda-ba.

Qormadan Ugaadha ku saabsan, wax-aan ka soo xigtay oo inta aan ka qoray-oba iska leh Beydargii aqoonyahanka iyo soo-jireenkaba ahaa ee Xabbad Ibraahin, Naxariistii Janno Ilaahay ha

“Hoobeey Hobaaligaayeey, Maad booddo gaabnaynoo, Waad baxsan lahaaydeey, Wiil soo biyaystiyo, Beydar baa ku beegsadaayeey.”

Maanyo, hees-hawleedda Ugaadhsiga.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-

[email protected],

www.dharaaro.com

Deegaanka

Boobe Yuusuf Ducaale

U

Page 9: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 9

ka waraabiyo, hana ka abaal-mariyo dhaxalka aan duugoobayn ee uu in-naga iyo ubadkeennaba danbeba uga tegaye.

Qormadan dhaxal-galka ah ee Ugaad-ha la xidhiidha, siday u dhan tahay waxaan ka soo qaatay cajalad “Video” ah oo uu Xabbad Ibraahin u duubay Golaha Raadyowga iyo Telefishanka (RTD) ee Jabuuti. Cajaladdaa waxa ku wareysanayay aqoonyahanka caanka ah ee Maxamed Cabdillaahi Riiraash oo kaalin qiimo leh ka galay ururinta iyo keydinta, guud ahaanba, fanka Soomaaliyeed.

Inta aanan u gondo-degin qormad-aydan Ugaadha ku saabsan, waxaan

mahad aan duugoobin u celinayaa Golaha Raadyowga iyo Telefishanka (RTD) ee Jabuuti iyo intii danaysay ee ka qayb qaadatay ururinta iyo key-dinta fanka Soomaaliyeed, aniga oo si gaar ah ugu mahad-naqaya Max-amed Cabdillaahi Riiraash oo arrintaa dedaal dheeraad ah ka muujiyay, xil gaar ahna iska saaray.

Ugaadhu, iyada oo gogol-xaadh iyo gogol-dhig intan ka ballaadhanba iga mudnayd ama maantaba iga mudan, bal aan u gonda-dego Qormadan aan maanta u holladay.

Sidii aan idiin soo sheegay, aniga oo soo xiganaya Barnaamajkaa ku saab-sanaa Ugaadha iyo Ugaadhsiga ee

Maxamed Cabdillaahi Riiraash ku wareysanayay Xabbad Ibraahin, wax-aan jeclahay in aan halkan idiin ku soo gudbiyo aqoontii hodanka ahayd ee uu Xabbad u lahaa Ugaadha iyo Ugaadhsiga.

Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran), wuxu ahaa nin Beydari iyo hal-abuur-ba ahaa oo u dhashay Somaliland, kuna noolaan jiray Hargeysa iyo De-gaanka Balli-gubadleba, siduu ii shee-gay Muuse Canjil oo aqoon fiican u lahaa. Xabbad Ibrfaahin waxa kale oo uu belo ku qabay ciyaarta Baar-caddaha oo lagu dheygagi jiray sidii uu u ciyaari jiray. Xabbad wuxu ka shaqayn jiray oo ka hawl-galay Daw-ladaha Hoose ee Hargeysa iyo Balli-gubadle. Xabbad Ibraahin waqti ku beegnaa 1992kii ayuu ku dhintay oo lagu aasay magaalada Jabuuti. Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran), wuxu ahaan jiray hal-abuur curiya maansooyinka iyo majaajilladaba. Heesihiisa caanka ah ee ka baxa Idaacadaha Soomaali-yeed waxa ka mid ah heesta aan duu-goobin ee “Buli” ee uu ku luuqeeyo Cumar Dhuulle Cali, Cumar-mahdi. “Buli”, waa magaca shinbir ka mid ah shinbiraha dalka. Degaannada So-maliland qaarkood shinbirtaa waxa looga yaqaan magaca kale ee ah “Maris”. Waa shinbir loo nisbeeyo in ay sheegto malabka iyo maskaba. Waxaanu shaki igaga jirin in uu Xab-bad Ibraahin aqoon hodan ah u lahaa magacyada iyo dhaqammada shibi-raha. Wax yar ayaynu shinbiraheenna magac ahaan u naqaannaa, inta badan se is-ma dhibno oo shinbiro ayaynu u wada naqaannaa. Ka hadli meynno wax-tarkooda iyo wax-yeelladooda e’, bal ka warrama haddii aynaan magacyada shinbiraheennaba aqoon. Nolosha iyo horumarka meel qaldan ayaynu ka raadinaynaa, xaqiiqaduna waxay tahay in aanad dibudhac ka maarsanayn inta aad ka arradan tahay: aqoonta, taariikhda, dhaqanka, xeer-arka iyo guud ahaanba degaankaaga iyo waxa ku nool.((la soco))

Deegaanka

Page 10: Galool Magazine issue 2
Page 11: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 11

Page 12: Galool Magazine issue 2

12 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

aqtigan xaadirka ah waxa jirta fikrad caam ah oo dhamaan

dadwaynaha dunidu ka siman yihi-in taas oo la xidhiidha hab-dhaqan-ka dhaqaalaha shiinaha ilaa iyo 1978kii, markii Mr Deng Xiaopin oo ahaa madaxwaynihii Shiinaha 1978kii cagta u saaray wadankiisa wadada horumarka iyo barwaaqa-daDariiqan oo dhaxalsiiyay shiinaha in uu noqdo mucjisada ugu wayn xaga dhaqaalaha marka la bar-bar dhigo wadamada ku yaala bariga Asia (East Asian Countries) oo ay ka mid yihiin Singapore, Hong Kong, Taiwan iyo South Korea.Celcelis ahaan korodhka GDP-ga shiinuhu wuxuu kordhayay 10% labaantankii sanadood ee u dan-beeyay kuwaas oo kasoo bilaamay sanadkii 1978, laakiin xataa iyadoo ay u muuqato in lagu guulaystay in saboolnimada aad loo yareeyo iyadoo la isticmaalayo qiyaasta (purchasing power parity), intii u dhaxaysay 1985-1999 ayaa hoos loogu soo celiyay 11.5%, halka ay ka ahayd 60% san-adku markuu ahaa 1978.Waxa iyana hoos loo dhigay dadway-naha shiinaha ee ku rafaadsan dhulka baadiyaha ah, iyadoo dadka ku gaajay-san dhulkaas baadiyaha ah ay ahayd 33.5% guud ahaan dadwaynaha shii-naha sanadku markuu ahaa 1978kii, waxa la gaadhsiiyay oo laga dhigay 4.6% sanadkii 1999.Marka lasoo qaato daraasad uu

sameeyay baanka aduunku (World Bank) waxay ku qaadanaysaa Maray-kanka 50 sanadood, Jabaankana 60 sanadood inay ku talaabsadaan talaaba-dan shiinuhu ku badalay gabi’ahaanba qaabdhismeedka guud ahaan dhaqaa-lihiisa, inkastoo ay kordhaysay miyi iyo magaalaba kala duwanaanshaha xaga jeebka dadwaynaha (inequali-ties) intii ay socotay dib uhabaynta xaga dhaqaaluhu, faaiidooyinka laga helayay koboca dhaqaaluhuna wax-ay ahaayeen kuwo si balaadhan loo wadaagayay intii u dhaxaysay 1978-1999. Labaatan gobol oo ka mid ah gobolada shiinuhuna waxay noqdeen 20-ka gobol ee ugu koboca sareeya guud ahaan dunida oo dhan. Labaatankii sano ee u danbeeyay

wadaagista ganacsiga aduunka shi-inuhu waxay u booday 4%, iyadoo markii hore ahayd 1%, halka Hindiya ay ka tahay 0.6% wakhtigan xaadirka ah.Bangiga aduunku wuxuu saadaali-nayaa in marka sanadku yahay 2020 wadaagista ganacsiga aduunka shi-inuhu (chines share in world trade) ay gaadhi doonto 10%, maalgalinta dibada (foreing direct investment) uga imanaysa shiinaha waxay korod-hay in ka badan $40 billion, marka la bar-bardhigo maalgalinta dibada uga imanaysa Hindiya oo noqonaysa $2.3 billion. ( La Soco )

Ahmed M. Abdi

XIGASHO: The Economist, Aljazeera.net/english, and Hindu Business line.

Mucjisada Dhaqaalaha Shiinaha (The Chinese Economic Miracle)

w

Dhaqaalaha

By : Ahmed M.Abdi

Page 13: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 13

Page 14: Galool Magazine issue 2

14 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

M a tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad

noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Haddii aad “haa” ku jawaabto la-badaa su’aaloodba, is waydii su’aal kale: “Sidee baad u noqon kartaa ar-day wanaagsan oo aflaxa?”. Su’aashaas ayuu maqaalkani isku dayayaa inuu ka jawaabo. Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka hore hadaf iyo doonis leeda-hay. Hadafka iyo hiigsigana waxaa lagu gaadhaa dadaalka iyo tamarta aad naftaada galiso hadba inta uu leeg ya-hay. Geel-jirahaa waxay yidhaahdaan “ninba tacabkii Togaay kaa maal” oo la macno ah hadba sida aad u foof-iso geelaaga ayuu caanihiisu noqdaa. Sidoo kale maahmaah baa waxay tidhaah daa “dadaalaa xaaji Cabaas wuu gaadhaa wuuna dhaafaa”. Xaqi-iqadu waxay tahay inaanad noqona-hayn arday wanaagsan oo guulaysta adigoon naftaada in badan hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo jeedin, oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin iyadoo saaxiibadaa iska dheelayaan naftaaduna u baahan tahay wehelkooda.

1. Qorshee waxa aad qabanayso isla markaana kala hormee jadwal-kaaga waxbarasho.Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta, iyo kala-mudnaanta hawlaha uu odor-osayo. Qorshayntu waxay ka bilaaban taa inaad is-weydiiso “waa maxay hadafkaagu?”. Tusaale ahaan waxaad tahay arday imika Jaamacada bilaa-baya. Maxaa hadaf kuu noqon kara? Waxaad odhan kartaa “sanadkan aan bilaabayo waxaan rabaa inaanan 5-ta maado een dhiganayo midna ka hoo-sayn 90%”. Hurdo badan, cayaar, iyo dheeldheelba kala tagte mar haddii hadafkaagu noqdo inaad figtaa gaad-ho. Waxaad markaa u baahan tahay inaad ka fikirto hawlaha aad qabanay-so si aad u gaadho darajadaas aadka u saraysa. Hawlaha lagaaga baahan yahay waxaa ka mida wax-akhris, qoraal, hawl-wadareed aad ardayda kale la wadaagto, baadhis ilaha kale ee aqooneed,iwm. Marka hawlaha aad qabanaysaa kuu caddaadaan waxaad u baahan tahay inaad kala hormayso, mudnaantana siiso kuwa waxbadan ku soo kordhinaya hadafkaaga. Marka aad doorato hawlaha aad is leedahay haddaad qabato waad ku liibaanay-

saa, is waydii waxaad u baahan ee khayraad ah sida buugta, internet-ka, lacag, qalab, saaxiibadaada aad isku galaaska tihiin, macalinkaaga, iyo cid kasta oo wax ku tari karta. “Qorshaha wanaagsan ayuunbay no-losha wanaagsani ka bilaabantaa”. 2. Akhri, faham oo dadaal dheeraada ku bixi duruustaada Xaqiiqadu waxay tahay in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo, ku korto, kuna adkaato akhriska wax ku oolka ah ee fahamku weheliyo. Markaad tahay arday dadaalaya, mustaqbalkiisana dan ka leh, waxaa kugu waajiba inaad wakhti badan u hurto inaad akhrido du-ruusta laguu soo dhigay, ka shaqayso laylisyada, baadho culuumta la xidhi-idha aqoontaada, iyo aqoonta guudba. Sidee baa hadaba ugu haboon oo wax loo akhriyaa? Jawaabtu ma fududa waxaanay u baahan tahay in maqaal ama maqaalo lagu lafa guro. Laakiin aan ku siiyo hanaan aad loogu bogay oo ka mida hababka wax loo akhriyo. Waa hanaanka afka qalaad loo yaqaan “SQ3R = survey, question, read, re-cite, review”. Hanaankan haddii aad raacdo waxaad arkaysaa in waxaad akhriyaysaa aanay kuwada dhaafayn

Sidee loo Noqdaa Arday Wanaagsan oo Guulaysta?

Qalinkii: Cabdiraxmaan Cali Xirsi (Burale), Email: [email protected]

Waxbarashada

Page 15: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 15

ee aad wax kala hadhayso. Eeg talaa-booyinka oo si kooban loo sharxay: - Eegmo korxaadisa (survey). Si korxaadis ah baad u indho ind-haynaysaa cinwaanada, qoraalada jaantusyada iyo maababka, hordhaca, gabagabada iyo haddii uu cutubku leeyahay soo koobid.- Su’aal (question). Cinwaan-ka, iyo cinwaan hoosaadyadaba wax-aad u rogaysaa su’aalo. Sidoo kale akhri su’aalaha cutubka, deedna naf-taada waydii su’aalahan: “muxuu ma-calinku cutubkan iga waydiin karaa?, maxaan hore uga aqaanay cutubkan? IWM”. - Akhri (read). Hadduunbaad bilaabaysaa akhriskii dhabta ahaa. Inta aad akhrinayso, aad u dhugo in aad su’aalahaagii jawaab u heshay, dib u akhri macnaha iyo qoraalada ku hoosyaal sawirada, jaantusyada, IWM. Waxaad il-gaara ku eegtaa meelaha xariiqda la hoosdhigay, far-ta la yar seexiyay (italic), amaba la muujiyay (bold). Meelaha aan kuu cadayn ama mad madaw kaa galana xawaaraha akhriska hoos u dhig kuna noqnoqo haddii aad mar kaliya ku fahmi waydo. - Dib u dhihid (recite). Su’aalo hadal ahaana iska waydii wixii aad imika akhriday, ama soo koob adiga oo isticmaalaya ereyo adigu aad lee-dahay. Calaamadi meelaha muhiimka ah, afkaarta aad la dhacdayna isku day inaad ereyadaada dib ugu cabirto. Inaad dib u odhan ama u xasuusan karto wixii aad akhriday waxaa kaa saacidaya haddii aad isticmaasho da-reemayaal dhowra sida: araga, dhi-hida, maqalka IWM. - Dib u eegis ama naqtiin (re-view). Wixii aad akhriday ee aad dib-u-dhihida ku samaysa baad hadana su’aalo iska waydiinaysaa si aad xoog ugu sii fahamto. Caadiyan talaabadan ugu dambaysaa waa mid joogto ah oo lagaa rabo inaad samayso marar kala duwan si aad u weelayso, u fahamto una jilciso wixii aad akhriday. Waan akhriyay halna ka garan maayo maaha laba is qabta. Haddii hanaank-ani uu kaa caawin waayo akhris wax-ku-oola, waxaad baadhaa hanaanada kale ee wax loo akhriyo ee la tijaabi-

yay. Hadda ha u malayn in aad maalin qudha ku helaysid midhaha dariiqan iyo mid kale toona. Waxay u baahan yihiin samir, ku celcelin, iyo jilcin. 3. Fasalka u soo xaadir si joogta ahSoo xaadirka joogtada ahi waxay ardayga siisaa fursadda ah in aanu waxna seegin. Macalinka wanaagsan iyo ka aan wanaagsanaynba wuu ka faa’iidaystaa. Kaliya waxaa kugu filan fikrad galaaska dhexdiisa ma-calin ka sheegay oon buuga ku qor-nayn, haddii ay imtixaan ku timaado, waxaa la arkaa in kuwii joogay ay u fududaato halka ay ku adkaanayso kuwii habsaamay. Sideedabana waa caado wanaagsan in aad galaaska soo xaadirtaa, waxaanay kaa saacidaysaa in shaqadaada iyo waajibaadkaagaba aad u gudato si habsami, iyo xilkas-nimo iyo masuuliyad leh. 4. Ka shaqee laylis-yada, shaqo-gurida, iyo wixii kale ee laguu diro isla markaana gudbi wakhtigii laguu qabtay ka hor. Waxbarashadu maaha inta macalinku jeediyo uun. Qaybta ugu muhiim sani waa inta aad adigu qabato. Taasna waxaa kaw ka ah inaad si macno leh uga shaqayso laylis yada iyo hawl-aqooneedka laguu soo diro. Waxaan hoosta ka xariiqayaa in aad hore u dir-to layliska, ama hawlaha laguu diro si aad u hesho aragtida macalinka ama cidda kuu dirtay. Haddiiba aad wax seegto waxaa la arkaa in fursad laguu siiyo aad ku hagaajiso adiga oon ka dib dhicin wakhtigii laysla qaatay. 5. Adaabta, asluubta iyo nidaam-ka fiican ku dhaqan. Aqoon bilaa adaab iyo bilaa asluub ahi waxay kaa dhigaysaa dameer malab la saaray oo kale. Aqoontu waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, iyo hanaan-nololeed wacan. Waa inaad ka dheeraataa liidnimada, xumaanta, iyo dhegxumada si aad u noqoto qof la hirsado oo dadku jeclaystaan in ubadkoodu adiga oo kale noqdaan. Aqoon iyo akhlaaq wanaagsan oo is weheshaday waxay kaa dhigaan qof dhamays ah. Soomaalidu waxay tid-haahdaa “cilmigu qofna wuxuu ka dhigaa nin, qofna ninamyaw”. Taas oo macnaheedu yahay haddiiba aanad

ahayn nin raganimadiisu aad u xoogan tahay waxay ku soo gaadhsiisaa raga, haddii aad markii horeba nin ahaydna, waxay kaa dhigtaa nimanyaw. 6. Wakhtigaaga maamul. Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee ilaahay aadamiga ku manaystay. Nin sheekha baa yidhi “wakhtigu waa nolosha”. Noloshu waa daqiiqado, saacado ama maalmo laysu geeyay oo noqday bilo, sanado ama qarniba. Cimriga aadamuhu wuu xadidan ya-hay, markaa inta yar ee aad noosha-hay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal-galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiroba. Sideebaa wakhtiga loo maamulaa? Jawaabtani ma fududa lagumana soo koobi karo cinwaan-hoosaadkan, ee bal aan si koobkooban kuugu sheego talaabooyinka uun: - Samayso hadafyo aad rabto inaad gaadho, una hormee sida ay u kala mudan yihiin. Si aad wakhti-gaaga u maamusho waa inaad ka bi-lawdaa horta maxaan doonayaa inaan gaadho, sideen u gaadhayaa, maxaan qabanayaa si aan u gaadho iyo su’aalo la mida. Inta aad taxdo dhamaan haw-laha aad qabanayso, u kala hormari sida ay u kala mudan yihiin. - Faaqid oo qiimee sida aad wakhtiga u isticmaasho imika. Isway-dii sida aad wakhtiga u isticmaasho imika iyo waxa aad qabato saacada maalintii iyo habeenkii. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato halka wakhtigaagu ka dayacmo iyo waxa kaa dayaca wakhtigaba. Waxaanay kuu sahlaysaa inaad qorshe wanaagsan u samayso isticmaalka wakhtigaaga. - Qorshee wakhtigaaga, sa-mayso jadwal, isla markaana maamul wakhtigaaga si wax ku oola. Hawlaha aad qabanayso markaad taxdo, wax-aad u baahan tahay inaad waafajiso wakhtiga aad mid walba qabanayso adiga oo iska-hor-iyo-daba keena-hayn. Jadwal fudud iska samayso oo xidhiidhinaya hawsha iyo wakhtiga. Kaasi wuxuu kaa caawin doonaa in-aad sahal u aragto, una fuliso hadba hawsha kuu taala. Ta ugu muhim sani waa “inaad naftaada ku ilaaliso kuna kantaroosho jadwalkaas”. Hadaba, jadwal kasta ma waxtarbuu leeyahay?

Waxbarashada

Page 16: Galool Magazine issue 2

16 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

Maya. Jadwalku waa inuu noqdaa mid ku caawinaya, oo isu dheeli tiraya no-loshaada. Haddii aad hawl ka buuxiso uun wakhtigaaga waxaa xaqiiqo ah in aad daalayso. Sidaa daraadeed hubi in jadwalkaaga ay ku jiraan wakhti raaxo iyo wakhti madhan oo aad ugu talo gasho hawlaha soo darsa. - Mar walba dib-u-eegis ku samee, qiimee,isla markaana hore-umari hanaanka aad u maamusho wakhtiga. Marwalba dib u qiimee, sida aad wakhtiga u maamusho. Ha-babka aan shaqaynayn badal, kuwa lagu reeyayna xooji, kuwo cusub oo waxtar lehna soo kordhi. Waxaa muhiim ah inaad iska ilaaliso waxyaabaha wakhtiga lumiya ama dayaca oo ugu wayn yahay “dib-u-dhigistu”. Arin walba waxaa fiican inaad qabato wakhtigeeda. Haddii aad dib u dhigto, wuxuu kordhiyaa uun culayska ku saarmaya beri. Car-abtaa ku maahmaahda “hawl maanta

aad qaban karto dib ha ugu dhigin berito”. Waxyaalaha dhalinta wakhti-ga ka lumiya imika waxaa ugu ba-dan dhowr shay: daawashada kubada iyo filimada/musalsalada, fadhiisiga maqaaxiyaha, sheekada tilifoonka, iyo la jooga saaxiibada. Waxaasoo dhan waxaa aabo u ah “han yaraan iyo hadaf la’aan”. Waxaa muhiim ah inaad maalintaada la noolaato oo aanad isku mashquu-lin wixii tagay. Waa in aanay khaldin maanta wixii shalay kaa qaloocday, berina waa inaad ku talogashaa inaad qabato wax ka fiican wixii maanta. GabagaboUgu dambayntii, ardayga wanaagsani waa ka qorshaysta noloshiisa, hadaf samaysta, han iyo hiigsi leh, duruustii-sa ku dadaala, wax badan akhriya, aan ka seexan waajibaadka loo soo diro, fasalka soo xaadira markasta, isla markaana wakhtigiisa ka fii’aadaysta. Tixraac.

1. h t t p : / / w w w. e h o w. c o m /how_2039704_be-good-student.html2. http://courseware.ee.calpoly.edu/~jbreiten/htbas.html3. h t t p : / / w w w . l h u p .edu/~dsimanek/goodstud.htm4. h t tp : / /www.studygs .net /texred2.htm5. Harvard -Time Management (training materials in PSI University online resources) 6. Abdirahman Ali Hirsi (2003): Time Management.

Waxbarashada

Page 17: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 17

Page 18: Galool Magazine issue 2

18 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

illigii miyiga iyo mileygii dadkeennu 100%, ahaayeen

xoolo dhaqatada, gabayga ayaa ahaa midka u sita laamaha maansada, isa-gaa lagu cabiri jiray meertada nolosha iyo waayaha jiraba; sida, ammaanta, collaadda, nabadda, guubaabada, faanka, digashada, farriinta, ergada, doodda, iyo kaftankaba. Hayeeshee, xilligii magaalo shafka la dhigey gabaygu dib ayuu u gurtey. Markii uu gabaygu lug danbeediyeyna waxa halkiisii buuxiyey fanmasraxeedka oo noqdey mid la jaanqaada is bed-delka xiimaya ee xaallada bulsho iyo dookha dadka, waxaana muhiim ka dhigey waa dabciga Soomaalidu u leedahay fan caashaqidda xad dhaaf-ka ah. Damaashaad jeclidda iyo xi-iseynta fagaare ku kulanka. Haddaba, haddii aan dib u milicsano taariikhdii fankaasi soo maray, waxa aynu ogna-hay in fanku soo maray dhawr marx-aladood oo mid waliba waayahiisa leeyahay. Waxaanna lagu soo koobi karaa saddex dan xilli ee kala ah; • Bilawgii fanka ( 1954-1962-kii)• Bari-samaadkii fanka (1962- 1972-kii)• Aakhirul cimrigii fanka ( 1972 illaa iyo waxii ka dambeeyey)

Xilligii bilawgu waa aas-aasiddii iyo raad qaadistii, waxaannu bilaabay ko-ritaan dag-dag ah, waxaannu soo jiitey qayb ka mid ah bulshada.

Marka aynu nimaadno marxaladda la-baad oo ku beegan wakhtigaa aan kor ku xuseney, waa xilligii uu fan mas-

raxeedku yeeshay shacbiyaddii ugu balaadhneyd, noqdeyna gobol ka mid ah nolosha shacbiga.

Riwaayaddahii wakhtigaa la dhigey way badnaayeen, waxaanan odhan karnaa way qaan gaadheen. Waxa xilligaa la curiyey riwaayaddihii ugu magaca dheeraa ilaa maantana aan la dafiri Karin iney ugu sarreeyeen. Had-dii aan in yar idinka xasuusiyo waxa ka mid ahaa riwaayaddahaasi sidan: • Shabeel naagood• Hadimo• Reer ba’aw yaa ku leh• Aqoon iyo af-garad• Dab iyo dhagax• Indho sarcaad• Ama la I doorey ama daadku i qaad• Gardiid waa Alle diid• Laguma dhaamee dhaqaaq• Gobonnimo ha tuurin

Haddaba su’aashu waxay tahay mas-raxa xilligaa maxaa ka dhigey beri-samaad?. Masraxa Soomaalida dhawr siyaabood ayaa loo dhigi karaa. Hadaynu se ku soo dhawaanno wax-aynu odhan karnaa sidan: • Xorriyadda hal-abuurka oo aan cabudhsaneyn• Suugaantu xilligaa waxay ahayd tarjumad dhab ah oo cabireysa dareenka dadweynaha• Dhiillada siyaasadda daw-ladda iyo falalka ka soo hor jeeda qi-yaamka suubanQawadkii la qawadsanaa maamulka ayaa ka dhigey masraxii beri-sa-

maadka dheri hoosta ka karaaya oo uu masraxu ka qaadanayey uumigii dhaqaajinaayey, waxaana is qoraayay adduun arag iyo qiimayaw cusub oo samaynaya qaabab fara badan oo ay isku muujinaayaan.

Haddaba, haddii aan u nimaadno qaybtii saddexaad ee loogu yeedhay aakhirul cimrigii fanka, waa wakhti ku beegan 1973-kii. Fan masraxeedku dhallashadiisii ilaa bilawgii toddo-baatannaadkii kor ayuu u socdey, si-dii aan ku soo aragney labadii marx-alladood ee aan ka soo sheekeynay. Abaaro 1973-kii ayuu bilaabay inuu halkii uu maraayey ku wareego, intii ka dambeysayna hoos ayuu u sii soc-day, waxaanna dhalatay cillad halis ah, waxaanu galay xilli dib u gurasho iyo marxalad galoof ah. Waa laga yaa-baa in dadka qaar yidhaahdaan imisa riwaayadood oo qurux badan ayaa la dhigay xilligaa ka dib, waxase aynu ka hadleynaa waa suugaantii yoolka lahayd ee ka hadleysay tabashada dadka iyo toosinta maamulka

Haddii masraxii bari-samaadka ku naaloon jirey. Xoriyatul qawl xil-ligii askarta arrintu waa is badashay. Qori caaradii iyo car bal juudh dheh ayaa timid, raggii masraxa yoolka leh waraabin jirey waxay noqdeen mid midida daabka loo geliyo, oo dil lagu hadido, mid loo digo, mid xabsi loo diro, iyo mid dibooda oo debeddaha u suudala

Goortaa masrixii wuxuu marti u noq-day riwaayado tiro badan oo isku hal

Qalinkii :Abwaan Axmed Aw-geeddi (Dheeraad)[email protected]

Suugaan

Maxaa Suugaanteenna Jacaylka Ku Cashariyey?

Abwaan Axmed Aw-geeddi(Dheeraad)

X

Page 19: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 19

mawduuc ah. Cudurka qudha ee ay daweeyaanna yahay JACAYL.

Ruwaayadahii jacaylka ahaa ma da-firi karno iney lahaayeen qurux mug iyo murtiba leh. Hasayeeshee, farriin-tooda ayaa koobneyd, cilladuna kama iman xaga hal-abuurka ee waxay ka timi xaga taliska iyo maamulkii dal-ka. Taliskii askarta ee gacanta kululaa laba qodob ayay suugaanta ka ogo-laayeen • Amaanta kacaanka Oktoobar• Iyo jacaylka

Haddaba arrintii waxay ku soo ururtey hayska demegsanaatee yeedhaw dam weeyaan. Amintaa ayaa layska hawl yareystay dadkii dhammaantoodna waxay fuulleen dooni jacayl, waxay ku dabaasheen webi jacayl, waxay ka hirqadeen xareed jacayl, waxay sub-ciyeen duruus jacayl. Waxaana la soo hurgufey joonyo riwaayado wada ja-cayl ah sida kuwan hoose oo aynu ka xusi karno: • Dab jacayl kari waa • Jin iyo jacayl• Jeel iyo jacayl• Jihad iyo jacayl• Qabrigii jacaylka• Xuskii jacaylka• Xeerkii jacaylka• Xidigtii jacaylka• Maxkamaddii jacaylka• Xuud baa liqay jacaylkii• Jacayl boob uma baahnaJacayl, jacayl, jacayl kuli wada jacayl iyo qaar kaloo badan. Marka aad dhex maaxdo gudaha ri-waayaddaha jacaylka ah waxaad ugu tagaysaa hadallo qaawan oo si feynaya gabadh jidhkeed sida tusaalayaashan “Ta balaadhan, balaadhan ee bawdada moodo halweyn

Ta balaadhan balaadhan ee xaluska mooddo bartiikha” Ama kama foga qiimaha riwaay-aduhu iyo heesuhuba jidhka gabadh la bardaaminaayo oo xubnaheeda la sifeynaayo. Tusaale kale waxa aynu soo qaadan karnaa heestan “Markaad sii socoto okay Markaad soo socoto oreydh Markaad istaagtana asxan”

Haddii wali aan sii milicsano dhanka heesaha, qiyam iyo xishoodba kob-tan ayuu goblamay, inkastoo laysla mashaqoobay bal aan tuducyo ka xusno

“Aan wadaagno ciyaartee I weydaarso gacmaha”

“Shafka kaalay igu qabo”

“yaa garayska kaa fura Kuu salaaxa gaadada”

“Canbaruudka naasaha Waxba hayga celinee Ii cantuug dibnaha oo Shafka igu cam-cam”i

Qaaaaaaaaq xeradaa Alla bii!!! Bal waxa ay ku hadlayaan eeg. Ciin bay daaqdey!

Waa yaabe! Haasaawaha dhallinteen-nu ma sidaa suu ahaa mise Art-ka ayaa dhaqanka ka madaxbanaan. Rag iyo dumarkan masraxa ku laacdamaa-ya, ee isku dhegay ee isla suuxay, waa ayo bulshada ay matelayaan waa su’aale? Tolow ummaddeena cudurka ugu weyn ee hayaa ma jacaylbaa? Imisa qof ayuu sannadkii inaga dilaa tolow?

Suugaanteenii sakad walba waadh qalabeysan ayay ka furatay. Cudurka keliya ee ay daweysaana waa jacayl, weliba bilaa lacag bay ku daweysaa. Dawada ay qortaana waxa la yidhaa ”laga laabta ii saar”

Waxa iyana astaan u ahaa masrixii jacaylka calaacal iyo baroor aan dhamaaneyn sida

Dhintey, lay xabaal, lay dhaxal

Luuf-luufay, leeleeley, beerkaa ilaa-laada

Wadnahaa I foorara, sanbabkaa I ma’dhay

Beryahaa maan qadeyn, indhahaa I casaaday

Hurdana hadalkeedaba daa.

Waxa aynu odhan karnaa waa weed-ho ku jira riwaayaddahaas aan soo sheegey iyo waliba kuwa kale.

Waxa xaqiiqo ah in dhiirigalinta masrixii jacaylku ahaa sakhraamiin, iyo irbad sun ah oo bulshada lagaga sixrayey xaqiiiqada nolosha.

“Alle hawraxmee gabay ma jiro wuu asaasaqaye

Amaan iyo jacayl bay haddeer eedey maansaduye.”

Haddaba su’aasha lays weydiin karaa waxay tahay. Maxaa laga faa’iidey masrixii jacaylka? Waa maxayse far-riintii uu gudbinaayey?

Haddii aynu si kooban uga jawaabno waxa aynu ku soo koobi karnaa qodo-badan hoose • Xoodaaminta dareenka jinsi ee da’ yarta • Fududeynta xidhiidh sharci darro ah oo dhex mara ragga iyo du-marka • Jebintii deyrka xishoodka iyo dhawrsanaantii barbaarteenna • Fududeynta tumashada • Ka fogaanshaha nolosha dhabta ah

Guntii iyo gunaanadkii qoraalkeygan kooban waxa aan ku soo gunaanadi su’aalo aan u arko in ay muhiim yahi-in. Garanay goorta ay suugaanteennu foof-daran habawdey, waxayse wey-diintu tahay ilaa goorma ayay dayaw-ga ku sii jiri doontaa?

Hal-abuurkeennase xilka ugu weyn ee saarani ma dhaymaha jacaylkaa?

Waa halkii Afrax yidhiye “ masraxa jacaylka ha laga cuudiyo”

Suugaan

Page 20: Galool Magazine issue 2

20 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

Page 21: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 21

Qiyaamaa danbeeya(Gabay)

abaygan qiyaamaa danbeeya waxa uu abwaan ku hoga tusaalaynayaa habeen if iyo habeen aakhiroba

kuna kala maadinayaa wadar ahaan umada soomaliyeed, waana tix si qotto dheer uu Abwaan ku ugu faahfaahiyay umadahii hore ee kibray iyo waxay ka dhaxleen kibirka iyo halkay ku danbeeyeen , waana tix ku saabsan qudh iyo qoys iyo qabiilba, waana sidaan filaayo hogatus Abwaan kii ugu cuslaa ,gabayga iyo akhris wacan :-

Wax badanbaan araar qayay, hadday qiimo leedahaye,Qabiil inaad ku caydiyo dadkood, qadafto mooyaane,Inkastood wax qiimale tidhaa, ama quraan sheegto,Haddaanu gabaygu qolo taabanayn, uma qushuucdaane,

Qurux male adduunyadu ninkii, korisu qaadoowe,Qiimo iyo wanaag iyo hadday, qaayo kula leeday,Wallee qarandidaa foorortiyo, qaafilbaad tahaye,Qunbe subaga, qabay xoorle, iyo qoran karuurkeeda,Sulux qabawa, qaab iyo gadhoodh, qaawis labankeeda,Qadhyad suura, qoys magacle, iyo qayro kula reera,Qabiil adag, qusuusiyo tolwayn, qaafo wada shaalle,Nin kastoo ladnaan qaba wadkuba, wuu ka soo qabane,Qabri iyo god iyo iil yarbaa, laysu qodayaaye,

Qodhintiyo addoon aanafadu, waw qalbi la’aane,Biyo yaruu qudhqudhiyaaba dila, mararka qaarkoode,Qarqarsiga alliyo geeriduna, waa wax qaro wayne,

Quwad iyo itaal male naftii, qalab tidhaahdaaye,Qufacay ka raacdaa ninkii, qaamudkii galaye,

Aadmigaanse qooqiyo gafkiyo, qudhunka daynayne,Kibirkiyo qabnadu waa wixii, jabiyey qaaruune,

Qabka iyo iswaynaynta waa, lagu qasaaraaye,Quraankay ku taalaa fircoon, qaabki loo galaye,

Qaydada kuwii dhaafayee, maanka laga qaaday,Mar qudhuu ilaahay gambiyey, qoonki nabi luude, Haddii uu is qolo faadhin iyo xoog, wax qabanaayo,Samuud waxa qabsadaybaan ogniyo, qoladi reer caade,

Qaabiil dulmigu waa wixii, qaw ka raaridaye,Qassiraad allaa gaadhay, iyo qabar laxaad wayne,Wuxu qayrki hoos maray markuu, qalay walaalkiiye,Qaan aan dhamaanayninbaa, qoorta loo sudhaye,

Culimadu wax badanbay qayaan, qaalalaahuda’e,Dadkaa maanka laga qaadayoon, qaadan waanada’e,Doqonbaan halkii laga qabtiyo, qoonta garanayne,Qiyaamaa danbeeyiyo xisaab, aad u qoro wayne,

Intaad qudhiska goysiyo intaad, duunyo kala qaaday, Bal qiyaasa soomaaliyeey, waad qarribanteene,

G

Suugaan

Abwaan :Cabdiwaaxid Cali Gamadiid

Page 22: Galool Magazine issue 2

22 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

uraanku waa waxyigii u dam-beeyay ee uu Ilaahay ku soo

dajiyo Rasuullada Iyo Nabiyada uu Ilaahay u soo diray in ay dadka gaadh-siiyaan tawxiidka iyo u hogaansanka Alle. Waxaanu ku soo dagay Nabigii u dambeeyay ee uu Ilaahay u soo diray Jinka iyo Insiga oo ah Nabi Maxamed (NNKH). Nabi kasta marka uu Ilaahay soo dirayo, waxa uu soo raacin jirey mucjiso la yaab leh oo amakaag ge-lisa qoomka markaas loo soo dirayo, mucjisadaas oo ah shay ka badan awooda aadmigu samayn karo. Nabi kastana mucjisada uu Ilaahay u soo dhiibayaa waa mid u eeg waxyaaba-ha ugu la yaabka badan ee ummadda nabiga loo soo dirayaa ay qadariso. Tusaale ahaan markii uu Ilaahay soo diray Nabi Muuse Calayhi Salaam, waxa la soo raaciyay aayado badan oo ka yaabiyay qoomkii Reer Banii Israaiil ee Nabi Muuse Ilaahay u soo diray. Qoomkaas Nabi Muuse, waxa ay qadarin jireen sixirka iyo dadka saaxiriinta ah, Sixirkuna goortaas waxa uu ahaa shaqada u sarraysa ama u qiimaha badan ee ay qabtaan qoom-kaasi. Qofka sixirka yaqaanna ee waqtigaas noolaa waxa uu ka ag dha-waan jiray Faraacinadii xilligaas talin jirtay. Nabi Muuse waxa uu Ilaahay soo raaciyay mucjiso la yaab leh, oo dhay-gag galisay dadkii xilligaas sixirka yaqaanay.Mucjisadaas oo sababtay in Saaxirinti ay rumeeyaan Nabi Muuse Calayhi Salaam, kadib markii ay ogaadeen in mucjisada Nabi Muuse uu wataa aanay ahayn sixir ee ay tahay awood ka heer sarreysa sixirka.

Nabi Ciise qoomkiisuna waxa ay xil-ligii ay noolaayeen qadarin jireen Dhakhtarnimada iyo Dhakhaatiirta. Qofka cilmigaas caafimaadka yaqaa-naana waxa uu ahaa ruux miisaan cu-lus ku dhex leh bulshada uu ku dhex nool yahay. Nabi Ciise Calayhi Sa-laam, waxa uu Ilaahay siiyay awood daawayneed oo ka quwad iyo aqoon-ba badan tii ay xilligaas adeegsan jireen dhakhaatiirtii waqtigaas nool-ayd. Marka taas laga yimaadona Nabi Ciise waxa uu awoodayay in uu wax ka qabto xanuuno aan illaa hadda daa-wo loo haynin sida Baraska, Nabi Ci-ise awoodaha uu Ilaahay siiyay waxa ka mid ahaa:1. Waxa uu dhoobada ka samayn jiray shay leh qaabka shimbirta kadib-na wuu afuufi jiray, kadibna dhoobadi idinka Ilaahay ayay shimbir ku noqon jirtay.

2. Waxa uu dawayn jiray dadka ku dhashay indho la’aanta iyo dadka baraska qaba idanka Alle3. Maydka waxa uu ku soo nool-ayn jiray idanka alle. 4. Waxa uu ka warami jiray waxa ay dadku soo cuneen iyo waxa ay gu-ryahooda ku haystaan. Mucjisooyin-kaasina waxa ay caajis galiyeen dhakhaatiirtii xilligaas noolayd.

Xilligii uu Ilaahay soo diray Nabi Maxamed dadku waxay tix galin jireen Abwaannada sameeya gabaya-da iyo waliba dadka xikmadda leh ee af-tahanka ah. Qof kastaana waxa u heli jiray tixgalin u dhiganta af-tahan-nimadiisa iyo hal-abuurnimadiisa. Markuu Ilaahay soo diray Nabi Max-amed waxa uu soo raaciyay Quraan qiimo badan oo caajis galiyay dadkii sheegan jiray aftahanimada. Wax-

Mucjisnimada Quraanka

Q By :saciid maxamuud gahayr (hargeysaawi)

Quraanka iyo Sayniska

Page 23: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 23

aanay dadkii aftahan nimada sheegan jirey awoodi waayeen in ay sameeyaan suurad ka mid ah quraanka. Ilaahay-na isaga oo gaaladaas caajis galinaya waxa uu yidhi:“Haddaad ka shakisansatihiin waxa aan ku soo dajinay addoonkayaga(Nabiga). Keena suurad la mid ah. Una yee`dha markhaatiyaashiina(Kaalmeeyayaashiina) Ilaahay ka soo hadhay haddaad run low tihiin(23). Haddaad sidaas fali waydaan(Samayn waydaan) mana fali kartaan e, waxaad ka dhawrsataan naarta lagu shido dadka iyo dhagax-aanta loona diyaariyay gaalada(24). Aayadaha 23-24 ee Suurat Al Baqara. Gaaladii xilligaas noolayd waxa ay awoodi waayeen in ay keenaan Suurad la mid ah suuradaha Quraanka. Iyaga oo la yaabay tartiibta xikmadda badan iyo micnaha balaadhan ee Quraanku xambaarsan yahay. Dadkii isku dayay in ay sameeyaan

Quraanka oo kale, sida Abu Aswad Al Canasi iyo Musaylama Al-Kaddaab oo Nabinimo sheegtay Nabi Maxamed kadib, waxa ay keeneen wax lagu qos-lo oo aan marna u ekaan Karin, una dhigmi Karin Quraanka shariifka ah. Quraanku waa mucjis mar walba taa-gan oo aanay mucjisnimadiisu ku xidh-nayn goor iyo goob toona. Jiil kasta oo noolina waxa ay arkaan waxyaabo yaab galiya oo uu Quraanku hore uga sii warramay. Quraanka waxa ku jira qisooyin la yaab badan, oo muujinaya awoodda Ilaahay. Qisooyinka mucjiska ah ee Quraanku ka warramay taariikh ku siman dhawr iyo toban qarni, illaa maantana la arki karo, waxa ka mid ah badbaadintii uu Ilaahay badbaadiyey jidhka ninkii Ilaahnimada sheegtay ee Fircoon, si jidhka Fircoon uu aayad lagu waano qaato ugu noqdo cidda Fircoon ka dambaysa. Jidhkii Fir-

coonna wali adduunka waa uu yaal-laa, waxaanu ka mid yahay waxyaa-baha loo daawashada tago ee laga helo dalka Masar. Qisooyinka kale ee Cajiibka ah ee Quraanka ku jira waxa ka mid ah, 5 qiso oo ku jira suuratu Al-Baqara. Shantaas qiso waxa ay ka warramayaan nooleyaal dhintay oo Alle dib u soo nooleeyay si uu uga dhigo mucjiso ay ku waantoobaan dadkii xilligaas noo-laa, iyo dadka kale ee ay qisooyinkani gaadhaan, dadkaasi ama ha ahaadeen qaar dhintay, ama qaar hadda nool, ama kuwa dhalan doonaba. Guud ahaanna quraanka mucjisnimadiisu waa mid aan laga gayoonayn, una baahan in si wanaagsan loo dhuuxo macnaha ballaadhan ee ay xambaar-san yihiin suuradaha Quraanku.

Quraanka iyo Sayniska

Page 24: Galool Magazine issue 2

24 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

ida aynu inta badan ka dharagsa-nahay waxaa ka dhaca xarumaha

ganacsiga ee daafaha dunida in ay shaqaaluhu ku kacaan xatooyo farsa-maysan taas oo ay ku kasbanayaan hanti aanu xaq u lahayn., danbigani waa wax cid kastaa ay samayn karto siyaabo badan oo aynu kaga hortagi karnaana ay jiraan, laakiin khabiirada lacagta maamulaa waxay sameeyaan habab badan oo ay ku yareeyaan baqaha ama saamaynta dambiga lacag xadidu ku leeyahay shirkada dhexdee-da.Waxaa jira siyaabo badan oo lacagta looga dhaco shirkadaha taas oo ay uga xadaan shaqaalaha u shaqeeyaa, xeeladahaa oo qaarba qaarka kale ka adag yihiin, laakiin dariiqooyinka cad ee shirkad lacag looga dhacaa waxay leedahay qiyaasta ugu saraysa, tani-na waxay ku dhacdaa sababo ay ka danbeeyaan kuwo ka mida shirkada dhexdeeda ama dibada ka jooga.Markaad tahay maamule lacag shirka-deed waxaad arkaysaa noocyada tuu-gada lacagta ee shirkada dhexdeedu u dhacdo taas oo midba mida kale ka darantahay, silsiladaha lacag xadistu waa mid joogto ah taas oo ka dhacda

shirkada dhexdeeda meelaha qaark-ood , mar wal oo uu liito maamulka shirkadu shaqaalahu waxay iskugu xidhmaan siday u samayn lahaayeen khiyaamo, una qaadan lahaayeen alaabta ku jirta qolalka kaydka ee shirkada ama kuwooda xumaadaba.Jiritaanka kormeer la’aaneed ama yaraantiisuba waxay sababtaa inay dhiiri galiso shaqaalaha iyagoo ku dhacaaya khiyaamo ha yaraato ama ha waynaatee, sidoo kale hadaanu kombanigu lahayn maamul adag oo kormeer ku sameeya shaqaalaha iyo howlaha ay wadaan waxay sidoo kale keentaa inay shaqaalahu sameeyaan nooc walba oo khiyaamo ah, tusaale ahaan; iyagoo sameeysta liis shaqaale aan ka mid ahayn shirkada dabadeed-na u gudbiya qaybta mushahar bixinta, kadibna si toos ah ugu shubta lacagtaa jeeb u gaar ah iyaga, waxa kale oo ay samayn karaan inay abuuraan waraaqo qaan sheegasho oo ay iyagu ku sax-eexan yihiin kuwaas oo lagu leeyahay shirkada. Tuugta noocan ahi badanaa waa kuwo dhexjooga shirkadaha waa wayn, iyo badanaa kuwa mushaharka ku bixiya kaash ahaan, badanaa khi-yaamada noocan ahi waxay ka bilaa-

bantaa qaybta mushahar bixinta inkas-too danbiga lagu qaadayo cidkasta oo faraha kula jirta ama lagu qabto oo ka mida shaqaalaha.Khiyaamoolaha qaybta iibku waa mid kale oo badanaa sameeya xatooyo taas oo ku timaada wajiyo badan waxaana ka mida, isagoo sameeya qof la magac ah qofka saxda ah ee ay shirkadu alaabta ka qaadato, kaas oo uu u sameeyo waraaqaha qaan sheegta oo beena si loo siiyo lacagta ugu taal.Khiyaamada noocan ahi waxay ka dhacdaa badi shirkadaha aanay kala soocnayn waaxaha iibka iyo maamul-ka lacagtu. Kormeer la’aanta shirkada ee guduhu ma sababto oo kaliyaata khiyaamo ee waxa kale oo ay soo jii-dataa tuugta dibada ka joogta shirka-da , ee aan ka midka ahayn shaqaalaha rasmiga ah.Sida badanaa dhacda shirkaduhu wax-ay ku mashquulaan siday iskaga ilaa-lin lahaayeen khiyaamo kaga timaada dibada, laakiin ma oga badanaa in xatooyada iyo khiyaamada gudahu ka saamayn badan tahay ta kaga imanay-sa dibada, sababta oo ah mar walba diyaar ayaa loo yahay taas wajiga ama xajmiga ay doonto ha ku timaadee.Hab wal oo loo isticmaalo in lagu xado xog ay leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan kombaniga gudahiisa ama shirkada lafteedu, oo loo isticmaalo in wax lagu xado, sida akownada ay leeyihiin shaqsiyaadka rasmiga ah oo lacagta lagala baxo, ama lagu sameeyo iibsi waa danbi, kaas oo shirkada ka dhigaaya mid fashilantay, danbigani waa mid ay sameeyaan dadka ka dhex shaqeeya shirkadaha dhexdooda ee tuugta ahi.Suaasha meesha taalaa waxay tahay sidaad shirkadaada uga ilaalin lahayd in tuugta noocan ahi ka dhex dilaac-do?. Talaabooyinka ugu mihiimsan ee la qaadi karo waxay tahay; In marka hore lakala saaro mansaby-ada shirkada, taas oo cida jago kasta

Xatooyo xirfadaysan oo ka dhacda goobaha shaqada

G a n a c s i g a

S

By: Abdifataax ismaaciil

Page 25: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 25

loo dhiibaayo ay noqoto mid ku ha-boon, si looga hortago inay dhacaan shaqo xumaan oo iyaduna ah fashi-laad kale. In nidaamka shirkada kor loo qaado oo la sameeyo kormeero kala duwan oo la xidhiidha shaqaalaha shirkada iyo alaabta shirkadu ay leedahay ee ugu jira qolalka kaydka. In shirkadu isticmaasho soft ware - rada la xidhiidha shaqada ay qa-banaysao, si ay uga hortagaan khi-yaamooyinka qalinka lagu sameeyo. In shaqaalaha loo sameeyo ID gaara, oo cadaynaya macluumaadka shakh-siga sita.In waraaq wal oo ay lacagi ku bax-

ayso ay marto dhowr baadhitaan oo si fiican loo hubiyo sifaha lacagta ku taal loo bixinaayo iyo jiritaankeedaba.In dalabka,maamulka,kaydinta, iyo bixinta alaabooyinka iyo adeegaba ay bixiyaan dad kala duwani, haday macquul tahay.In baadhitaano badan oo gudaha ah, lana xidhiidha hababka iyo nidaama-da shirkada la sameeyo.In maamulaha shaqaalahu noqdo mid la socda duruufaha shaqaalaha, kana caawiyo waxa uu awoodi karo taas oo niyadooda kor u qaadaysa kana dhi-gaysa qaar daacad ah.Siyaabahan iyo kuwa kaleba waxay kaa caawin karaan inaad shirkadaa-

da ka ilaalisid in qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadu noqdaan khi-yaamoole yaal ama ay sameeyaan musuq maasuq, kaas oo ka dhigaaya shirkadaada mid fashilantay, ama koboc aan lahayn, isku day inaad ka dhigtid shaqaalahaaga qaar aqoon leh, waayo aqoontu iyada ayaa ka dawo ah khiyaamada marka qof wacani helo.

G a n a c s i g a

Page 26: Galool Magazine issue 2

26 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

Page 27: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 27

heikh xasan dhawr jeer ayuu dal-baday in loosoo celiyo hubkiisa

hadii kale ay xukuumadu qaadi doonto wixii waxyeello ah ee isaga soo gaad-ha balse hadalkaa lagama hoos qaadin , waxa sheekha si gaar ah loogu amray inaanu ka bixin magaalada Al-qahira dalka gudihiisa iyo dibadiisa midna . sideedii fiidnimo 12kii February 1949 ayuu sheikh Xasan kasoo baxay dhis-mihii bar-baarta muslimiinta waxa wehelinyay gudoomiyihii jimciyadda , fiyaarada ama albaabka marka ay marayaan ayuu telephone ka dhacay gudaha jimciyada kadibna waxa dib ugu laabtay gudoomiyihii si uu uga jawaabo , hadii uu gudaha galay waxa uu maqlay sanqadha rasaasta , isna si kedis ah ayuu usoo baxay wax-aanuu arkay saaxiibkii sheikh Xasan Al-bannaa oo dhiiga shalaqsanaya oo hadana baacsanaya gaadhigii ay xabaduhu kaga soo dhaceen si uu u qorto taarikadiisa waanuu haleelay oo waxa ay ahayd (9979) markii lasii raacay cidda lehna waxa la ogaaday inuu ahaa gaadhigii gaarka ahaa ee Max/uud C/majiid oo ahaa gudoonka denbi-baadhista wasaarada arimha gudaha sida ay ka cadaysay xeer-ilaalinta guud sanadii 1952 , sheekha waxa ay xabaduhu ka dhaceen qaarka sare gaar ahaan kil-kilada hoosteeda , dhaawaca sheikh Xasan gaadhay ma cuslayn balse waxa ka socday dhiig xoogan oo si sahlan loo joojin karayay , markiiba waxa loola cararay isbitalka isaga oo miyirkiisu dhanyahay ayaa la gaadhsiiyay isaga ayaana iska saaray dharkii sare , markii ay xukuumadi

ogaatay in sheikh Xasan weli noolyay ayay xooga saartay sidii looga hor-joogsan lahaa dakhaatiirta , halkaas ayaanuu ku dhiig-baxay sheikh Xas-an Al-bannaa 12:30 pm . laba saac kadib ayaa la war-geliyay sheekha aabihii loona sheegay in wiilkiisii ay dileen dad aan la aqoonsani , isagana laga rabo inuu u aaso si sanqadh yar , sagaalkii subaxnimo ee danbe ayaa sheekha lagu aasay waagii uu gumaystuhu geyigeena yimi waxa u cadayd inaanu sii joogi Karin arliga , waayo nolosha aadama-ha kuma badna in nin dool ahi dee-gaan aanu lahayn oo dadkii lahaa soo taaganyahay ka wareegaan dhaxal kii lahaa noolyahayna sahal loo tirsado , laakiin gumaystaha waxa ka go,naa inuu xaqiijiyo sadex qodob oo uu fekerka gumaysi ku dhisanyahay : (1) Inuu boobo khayraadka dhulka oo uu sii xantoobsado , dadka lehna oon iyo gaajo ka bado , dama-cani waxa uu badiyaaba dhalaa dil , dullayn iyo xabis lagula kaco dadka ka biya-diida hab-dhaqankan gumay-siga . qodobkan waxa uu ahaa ka la wada arkayo gurxan , gabay iyo geer-aarba lagu sheegay , dadkuna guud ahaan u yaqaanaan magaca gumaysi iyo haysasho ,waa dhib indhaha lagu hayo oo cid kastaaba u jeedo , dadka badankooduna marka uu gumaystuhu ka kaco waxay u qaataan in hawshiisi halkaa ku dhamaatay , saamaxnaa-kum ama aano u raac iyo garnaqsi ma ogiye hawl kale way ka hadhaa ..(2) Inta ay dalka joogaan waxay maskax iyo maalba u huraan sidii

ay u beerilahaayeen dad hawshoo-dii sii haya , waxa ay waxwalba uga dhigaan waxay iyagu yihiin , wax la,aana waxay uugu sheegaan isaga iyo dadkiisu waxay yihiin , dad ,dal iyo diinba in looga nasiib roonyahay ayaa casharro lagu baraa : waxay ka dhigantahay aqooni waa intuu yaqaan , aduun waa intuu hayo , arlina waa intuu ku noolyahay . markay sidan u bah-dilaan oo ay u marin habaabi-yaan ayay dullaysiga ugu khatimaan jaamacad dibadda ah oo looga jeedo maqashiinaye aynu tusno . isagoo del-legan oo dadkaba sanka ka haysta, waxay hayaana la fool-xunyahay ayuu soo guraya-noqdaa. Dabadeed maxaa dhaca ?? qodobkan sadexaad ayaa la arkaa (3) Si aan looga tala-bixin baa-hida loo qabaana u soo af-go,in waxa talada , hantida iyo aqoonta dalkaas lagu ilaaliyaa kuwii lasoo caano dhamay gumaysiga , waxay keenaan waa wixii gaalada , waxay baraanna waa cilmigii gumaystaha , arin aan galbeed laga soo ogolaanna lama bi-reeyo . (ardadu mararbay is laayaan ama isku qabsadaan waxaan sidaa usii buurrayn sida qalin iwm dabadeed waxa soo dhex-gala macalinka hadii uu alifluhu kala furdaaminwaayo , la arkee ardada kuwooda yara tunka wayn ee toorka ahi inay macallinka ku fara-saydhaan iyagana ama waa laciqaabaa ama waa la fanteeyaayoo xeradaba waa laga saaraa ..) waad u soo joogtay .

Himilooyinka nolosha

S

H i m i l o o y i n k a N o l o s ha

Qalinkii : Sh.Khadar Cabdilaahi BadeedQaybtii 2aad

Page 28: Galool Magazine issue 2

28 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

Page 29: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 29

ionel Andrés "Leo" Messi waxa uu dhashay 24 june 1987 wax-

aanu ku dhashay magaalo la yidhaa Rosario ee dalka Argentina .Ciyaarhanka messi waxa uu xirfadiisa kubadeed ka bilaabay isagoo ay aad u yartahay dadiisu koox ka jirtay isla magaaladii uu ku dhashay ee rosario isagoo u ciyaarijiray koox lagu maga-caabo Newell's Old Boys's .Messi waxa uu lasoo koray aabihii Jorge Horacio Messi oo shaqaale ka ahaa warshad lagu sameeyo biraha iyo hooyadii Celia María Cuccittini,oo ahayd nadiifiso messi waalidkii waxa uu kusoo koray dalka italy halkaaso oo uu markii danbe uga sii tahriibay dalka argentina.Messi waxa uu la dhashay wiil iyo gabadh rodringo iyo maria messi isagoo shan sano jira ayuu bilaabay kubada cagta waxaanu u ciyaaray naa-diga grandoli oo uu aabihii tobabare u ahaa waxaanu u wareegay sanadkii 1995 naadiga Newell's Old Boys's .Messi markii ay xifadiisa ku kubadeed kor usoo kacday ee uu ahaa 11 jir waxaa haleelay xanuun xaga lafaha ah (growth hormone deficiency) kaas oo caqabad ku noqday inuu si wanaagsan u sii wato xirfadiisii kubada messi waxaa isla markiiba la soo xidhiidhay naadiga river plate ee dalkiisa balse waxa ay damaanad qaadi waayeeen inay messi ka caawinayaa xaga caafi-

maadkiisa taas oo bishii ay ku bax-ayeen $9000.Nasiib wanaag waxaa messi lasoo xidhiidhay gudoomiyihii xilagaa maamulaayey naadiga caanka ah ee Bercelona Rexach maxaa yee-lay messi qaraabadiisa ayaa da-ganay Catalonia taasina waxa ay

u fududaysay inay messi iyo aabihii yimaadaan dalka spain kooxda Ber-celona na waxa ay balanqaaday inay bixinayso waxkasta oo kharash ah oo kubaxaya dawaynta lionel messi sidaas ayaanu ugu biiray kooxda dhal-inta ee Bercelona.Messi waxa uu si aada u muujiyey xir-fadiisa kubadeed taas oo suura galisay inuu boos mihiim ah ka helo naadigi-isa Bercelona .Messi waxa uu ka caawiyey inay kooxdiisu ku guulaystaan 5 horyaal oo dalka spain ah iyo 3 horyaalka yurub ah iyo koobab kale oo tiro badan taas oo la odhan karo guulahaa ay gaad-hay kooxdiisu waxa uu messi ka ahaa mashiinka horkacaaya kooxdaas .Messi waxa uu ku guulaystay ci-yaarhanka ugu wanaagsan dunida 2009,2010 taas oo iyana ku guulay-stay bilada loo yaqaano Ballon d'Or.Marka laga yimaado kubada cagta messi waxa uu aad uga qayb qaataa waxyaabaha la xidhiidha arimaha bul-shada isagoo gacan wayn ka gaysta caawimada lagu taakulaynaayo dadka dhibaataysan siiba caruurtaMessi waxa uu asaasay urur layid-haa Leo Messi Foundation kaas oo caawimo balaadhan ka gaysta dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka caru-urta .Mar waraysi laga qaaday leo messi ayaa waxa uu yidhi “markii aan caan noqday waxa fursad aan u helay inaan

caawiyo dadka caawimada u baahan khaas ahaan caruurta taas oo ay hay-sato dhibaatadii I haysatay barigii aan yaraa”messi waxa ay qaramada midoobay u magacaabeen sanadkii 2010(goodwill ambasador)taas oo macnaheedu yahay inuu magaciisa qaadhaan ugu uruuriyo ciyaalka dhi-baataysan ee ku nool dunida daafa-heeda.Sikastaba ha ahaatee messi waxaan lagu ilaawi karayn gacanta uu ka gay-stay schoolkii uu yaraantiisii ku soo barbaaray oo uu ilaa hada gacanta ku hayo siiyana wax kasto oo taakulayn ah oo uu u baahanyahay taas oo ay ilaa hada ku amaanto macalimadiisii.Guntii iyo gabagabadii messi waa ciyaaryahan maanta dunida aad ugu caan ah isla markaana xirfadiisa kubadeed ay ilaa hada aad u sii wa-naagsanaanayso diyaarna u ah inuu ku guulaysto abaal marino kale .

Taariikh nololeedkii leo messi

Leo Messi

L

C i ya a r a ha

By Abdikadir Barwaani

Page 30: Galool Magazine issue 2

30 | Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2

nertnet2 waa nooc internet-ka casriga ah kana darajo sareeya

internet-ka caadiga ah waxaana iska leh bulshada dalka marykanka. Ujeedooyinka ugu waawayn ee laga leeyahay Internet2 waxaa ugu muhi-imsan in bulshada cilmibaadhista iyo waxbarashadu helaan Internet xawaarihiisu sareeyo isla markaana awood u leh in xadi badan oo ma-cluumaad ah la isku waydaarsan karo wakhti kooban sidoo kale jaamaca-daha qaarkood ayaa u adeegsada bar-naamijyo sare oo isticmaalkoodu ad-kaanayo hadii la adeegsado Internet caadiga ah sida (data mining, medi-cal imaging and particle physics), si-doo kale dad badan ayaa shaki galiya ujeedada Internet2 kuwaas oo ku sheegay in maraykanku ujeedooyin kale ka leeyahay isla markaana aanu isticmaalkiisa dhabta ah bulshada u soo bandhigin.

Internet2 maaha mid ganacsi ahaan loo adeegsado sida Internet-ka caa-diga ah balse bulshada ku hawlan hornarinta iyo kobcinta Internet2 waxay ku fushadaan danahooda cil-mi baadhiseed ama waxbarasho.

Asaaskii Internet2 waxaa ugu horeyntii hirgaliyay 34 jaamacadood sanadku markuu ahaa 1996 kuwaas oo u baahnaa siday isooga kaashan lahaayeen arimaha waxbarashada iyo cilmibaadhista oo ay macluumaad badan isku waydaarsadaan waxaana loo bixiyay magaca University Cor-poration for Advanced Internet De-velopment (UCAID) iyada oo markii dambe uu isu badalay magaca Inter-net2 oo uu hada ku caan baxay. Sha-bakadii ugu horeysay ee ku shaqaysa technology-ada sare ee Internet2 oo loo magac bixiyay Abilene waxaa la dhisay 1998 kaas oo uu maalgali-nayay mashruuca National Lamb-

daRail (NLR).

Internet2 waxaa gacanta ku haya oo hogamiya hormarkiisa xubno ka kala socda kooxaha cilmibaadhista, goobaha waxbarashada sida jaa-macadaha, warshadleyda iyo wakiilo haayadaha dawlada ka tirsan kuwaas oo u dhisan hab nidaam maamul oo furan oo leh xubno u adeega dhawr gudiyo kala duwan. Kooxahan waxay ka shaqeeyaan sidii awooda Internet2 looga faa,iidayn lahaa dhamaanba dhinacyada kala duwan ee bulshada.

Internet2 waxa uu ku shaqeeyaa technology-ad heersare ee Internet2 Network oo isticmaalaya jiilka la-baad ee nidaamka Internet-ka iyo shabakad (network) ku shaqaysa xadhkaha awooda sare ee xawaaraha gudbinta macluumaadka (xadhkaha bada hoos mara) ee optical fiber taas oo sare u qaaday xawaarihii adeega Internet-ka ee looga baahanyahay cilmibaadhista iyo waxbarashada.

Internet2 waxa uu aqoonsi caalami ah iyo magac wayn ku helay ugu horeynba in jaamacadihii ka koreen caqabadihii ka haystay xawaaraha Internet-ka iyo suurtagalinta uu suurtogaliyay in si fudud jaamaca-daha iyo kooxaha cilmibaadhistu isugu diri karaan macaluumaadka nooc kasta iyo xadi kasta oo ay no-qdaan iyada oo wakhti aad u kooban lagu gudbinayo masaafo aad u kala durugasan. Mudadii 15 sano ahayd ee uu jiray Internet2 bulshooyinka ku hawlan waxay ku mashquulsan-aayeen hindisaha barnaamijyo heer-sare oo ku shaqeeya shabakadaha taas oo ay ku guulaysteen in badan. Guulaha ugu waawayn ee laga gaad-hay Internet2 waxaa ka mida in la

abuuray maktabado lagu kaydin karo macluumaadka kala duwan sida qoraal, maqal iyo muqaal isla mar-kaana si fudud wax looga dajin karo. Sidoo kale guulaha waawayn ee laga gaadhay waxaa ka mid ah in la helay maqal iyo muuqaal toos ah (video conferencing) oo saafi ah oo wakhti-yada qaar loo isticmaalo arimaha caafimadka oo dhakhaatiiir meel fog joota bukaan ku sugan dacalka kale ee dunida si toosa talo iyo dawoba ka siin karaan.

Internet2 oo ku tartamaya xawaara-ha u sareeya iyo awooda internet-ka waxa u suurtogashay 20.42 terabytes oo macluumaad ah la isaga gudbiyo 30,000 kilometers mudo 300 oo min-ute ah taas oo celcelis ahaan u dhi-ganta 9.08 gigabits ilbidhiqsigiiba.

Internet2 waxa uu ku guulaystay abaalmarinta Internet2 Driving Ex-emplary Applications (IDEA) oo markii ugu horeysay lagu dha-waaqay 2006 taas oo ay qiimaynta sameeyaan jamaacado dhawr ah iyada oo lagu qiimaynayo faa,iidada iyo saamaynta uu u leeyahay qofka isticmaalaha ah.

Helitaanka Internet xawaarihiisu sa-reeyo waxay bulshada caalamka ku xidhiidhinaysaa in lagaadho hormar-ka technology heersareeya isla mar-kaana amnigeedu sugan yahay oo loo adeegsanayo internet-ka taas oo fududaynaysa xidhiidhka caalamka iyo isticmaalka Technology-ada.

By : Xamse Cisman Xasan (Leeb) Freelance journalist and writer

Internet2

I

T e c h n o l o g y

Page 31: Galool Magazine issue 2

Galool Magazine | Tell +252 24116969 +252 29171743 | Email : [email protected] Issue 2 | 31

itamins are substances that are formed by the plants or animals.

They must supplied to the body in minute Quantities so that the process-es can continue undisturbed. When there is a lack of vitamins in our body, diseases will occur. For instance, lack of vitamin A affects our vision; lack of vitamin B produces a disease called beriberi, and so on.Long before man knew about vita-mins, it had been observed that when people couldn’t get certain types of food diseases would develop. Sailors, for instance, who went on long trips and couldn’t get fresh vegetables, would get a disease called scurvy. In the seventeenth century British sail-ors were given lemons and limes to prevent this disease. The vitamin that prevents scurvy is vitamin C .It is also known as ascor-

bic acid and it is a water soluble vi-tamin, which is essential for normal function of the body.A curious thing about vitamin C is that almost all mammals produce their own vitamin C in the liver, so they never suffer from a lack of it. But the human, apes and guinea pigs are only mammals which can’t produce their own vitamin C in liver ỊWhat happens when there is a lack of this vitamin in the body? lack of vitamin C results a disease known as scurvy, which is characterized lack of energy, tooth decay, gum inflam-mation, weakened capillary walls, bleeding problems, poor wound in healing, easy bruising, appetite loss, pain in joints and muscle wasting. In addition blood vessels become fragile bleed easily, black blue marks appear on the skin and near the eyes .

What kind of food stuff we can get vitamin c? Vitamin c is found in citrus fruits such as orange , limes ,lemons, grapefruit , papaya, black currants, strawberries and vegetables including tomatoes , broccoli, green red peppers , po-tatoes, cauliflower, peas and raw let-tuceVitamin c is easily lost during cook-ing in water, so the steaming of vege-tables minimizes it’s loss cooking and frying could destroy the vitamin c

WHY DO WE NEED VITAMIN CBy:Abdirisak Shafi Mohamed

V

C a a f i m a a d k a

Page 32: Galool Magazine issue 2