6

Click here to load reader

Islamic Focus Somali Edition 1

Embed Size (px)

DESCRIPTION

The Somali edition of the Islamic Focus newsletter

Citation preview

Page 1: Islamic Focus Somali Edition 1

Islamic Focus

Issue 1 Igniting the Spirit of Islam May 2014 Bukhara Publications/Tel: 078 672 7797/Fax: 086 651 2125

Email: [email protected]/Korsten/Port Elizabeth

leedahay Masaajido badan oo mararka qaarkood ka badan

baahida Bulshada Soomaalida

ah, waxaa ku baxa dhaqaale farabadan oo hadii Caqliga

shaqeeyo suuroobi karta in la baajiyo ama meelo kale oo

waxtar leh lagu bix in

lahaa.Masaajidada waxay hayaan hawl aad u qiimo ba-

dan oo haddii ayan joogi

lahayn ay sababi kartey in Bul-shada soo gaarto dhibaato aad

u farabadan.

Haddana waxaa arkeysaa in

maamulada ama Gudiyada Masaajidada ay ku guuldar-

eysteen inay xal u helaan ama

isku dayaan in barnaamijya dooda kuwa ugu muhiimsan

ama yoolka ugu weyn oo ay

hiigsanayaan ay ugu horeyso sidii dhalinta da’da yar loo

badbaadin lahaa, inkastoo ma-

rarka qaarkood ama in badan aad maqasho in aad loo

daneynayo arinkooda, hadana

arinku wuxuu ku dhamaanayaa hadal iyo oraah keliya.

Dhalinyarada ama Da’yarta Soomaaliyeed ee ku kortey

wadamada reer Galbeedka iyo

Woqooyiga Ameerica, ama luqadooda koowaad noqotey

Afka Ingiriiska ama is mooda iney wax ku fahmayaan

luqadaa oo keliya waxaa hey-

sata ama soo wajahaya dhi-baatooyin fara badan oo la

xiriirta sidii ay si sax ah ugu

fahmi lahaydeen Diintooda, dhaqankooda iyo caadooyin-

kooda Soomalinimo iyo xalinta

mashaakilkooda oo inta badan xiriir la leh habdhaqanka

Waalid ee ku qotama dhulkii laga yimid, iyo weliba fariinta

(message) ay u baahan yihiin

in la gaarsiiyo ama loo cadee-yo, loogana digo wixii dhib ah

ee soo gaarikara markey ka

leexdaan tubta toosan.

Yuu xil ka saaran yahay in

dhalinyarada helaan wax ku toosiya wadada saxda ah?

Xilkaasi wuxuu saaran yahay

W aa l i d k a , Mu j t ama c a , Masaajidada, iyo Culimada,

intaasoo is kaalmeysata oo gacmaha is qabsata waxay

keeni kartaa iney wax badbaa-

di yaan, haddii kaleeto waxaa dhici karta in arinta faraha ka

baxdo oo ay gaarto meel aan

wax laga qaban qabin.

Doorka Waalidka waxaa ka mid ah iney fahmaan dhibaatada

caruur tooda, xalna u raa-

diyaan, la kaashadaan cid walba oo wax ka geysan karta.Laakiin

waxaad moodaa in waalidiin far-

abadan aysan fahmin sidii ay caruurtooda u la dhaqmi

lahaayeen, amaba ayan la so-

conin xaaladooda dhabta ah,waxaaba dhici karta haddii

loo sheego ama lagala hadlo habdhaqanka caruurtooda iney

u qaataan in xumaan lala raa-

dinayo.

Doorka Bulshada Soomaalida:

waxaad moodaa inuu meeshaba ka maqan yahay, oo Mujtamacu

ka soo kabsan la’yahay diiftii

ama dhibkii uu reebey dagaalkii sokeeye, oo hamigiisa badan ku

bixiyo waxyaabaha Soomaaliya

ka socda, isagoo og intuusan waxba ka bedeli Karin inuu dhib

ku kordhiya mooyee, wuxuu u egyahay maqane jooga.

Masaajidka: Soomaalidu waxay

Scan the QR code with your cellphone to go to

our website: www.islamicfocus.co.za

BISMILLAH WHOLESALER 135 Durban Rd Korsten

Doqoni calaf maleh, Danbeeye magaadho.

Dhamaan soomalida waxaan,

ogaysiinaynaa in dukaankaygu

beec ama iib yahay, qo�ii danaynaya.

kusoo dhawoow gacma furan iyo

qiimo macquul ah, sidoo kale

kusoo dhawoow ganacsi macquul ah.

073 555 8822

ALJAZIIRA RESTAURANT 123 DURBAN RD KORSTEN

NAAXI NAFTAADA

Bariis, Baasto, Mallaay Digaag, Waslaat, Ceesh iyo waliba Sharaab kalanoocnooc ah oo ku qancinaya. Shaqaale loo carbiyay caawinta,

macaamiisha waxaa intaa kuu. dheer special tea iyo waliba coffee.

071 035 9659

2 AKHBAARTA CAALAMKA

3 NASIIXO

4 SUAALO IYO JAWAABO

5 AKHBAARTA CAALAMKA

6 BARAARUJIN

Page 2: Islamic Focus Somali Edition 1

2 Islamic Focus

AKHBAARTA CAALAMKA

Qof kasta oo Muslin ah lana socda xaalada

Caalamu Islaami iyo dagaalada ka socda

Shaam iyo dhibaatada ay ka geysteen kooxda

Khawaarijta ah ee Daacish waxaa si fiican ugu

muuqda qalooca iyo Inxiraafka kooxda

Daacish oo ay haatan khaati ka joogaan cu-

lumadoodii kaga horeysay Gaaleysiinta kuna

tarbiyeysay Manhajka ay haatan kooxda

Daacish ku taagan tahay.

Walaalkeyga Muslinka ahow hadii aad si fiican

ula socoto Mareegaha taageera kooxda

Daacish iyo Al-Qaacida gaar ahaan baraha

Face Book iyo Twitterka waxaad arki doontaa

cajaa,ib iyo amakaaag waxaana u danbeysay

Baaq uu soo diray Afhayeenka kooxda Kha-

waarijta ee Daacish Abu Maxamed Cadnaani

waxaana uu cinwaan uga dhigay kalimadiisa

(ما كان هذا منهجنا ولن يكون)

oo uu ula jeedo in manhajka kooxda Daacish

uusan ahayn kan Al-Qaacida ay haatan ku

taagan tahay.

Baaqan uu soo saaray Afhayeenka kooxda

Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa

waxaa uu daba joogaa baaqyo tiro badan oo

ay soo direen madaxda Al-Qaacida iyaga oo

markaas aad u daliilayey qaabka kooxda

Daacish ay wax u wadaan iyo dilalka iyo

dagaalada ka dhexaloosan kooxaha Islaamiyi-

inta ee halganka adag kula jira dowlada suuri-

ya ee uu madaxa ka yahay Bashaar Asad ee

taageerada ka helaya dowlada Iran iyo

kooxda Shiicada ee Xisbulaah.

Hogaanka Sare ee Al-Qaacida gaar ahaan

gudoomiyaha Al-Qaacida Dr.Ayman Al-Dawaahiri

ayaa baaqyo kala duwan u diray kooxaha Is-

laamiyiinta ee ku dagaalamay gudaha dalka Suuri-

ya waxaana uu markii hore ugu baaqay midnimo

iyo in aysan mindiyaha iskula soo jeesan markii

labaadna wuxuu ku baaqay in kooxada Daacish ay

Ciraaq ku ekaato kooxda Jabahada Nusra ay ka

howlgasho dhulka Shaam.

Afhayeenka kooxda Daacish ayaa waxaa uu ku

bilaabay baaq uu soo diray oo lagu faafiyey

Mareegaha internetka in uu ka warbixiyo qaabkii

ay uga howlgali jireen kooxdiisa dalka Ciraaq iyo

qaabkii loo asaasay wax uu ku sheegay dowlada

Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam (Daacish) waxaana

uu aad u faaniyey kooxdiisa waxaana hadalkiisa ka

dheehan kartaa cajabkii iyo xadgudbkii lagu ya-

qaanay Xaruuriyiinta.

Intaas ka dib ayaa waxaa uu aad uga sheegtay

Abu Maxamed Al-Cadnaani dhibaatada iyo

lu,gooyada lagu hayo kooxdiisa wuxuuna sheegay

in ay in badan sabreen una malo wanaajiyeen

madaxda Al-Qaacida maadaama ay ugu horeeyeen

camalka Jihaadiga ah wuxuuna sheegay in haatan

aysan ka aamusi karin baaqyada iyo eedeymaha

loo soo jeedinayo kooxda Daacish.

Dhibaatooyinka ay ka geysteen kooxda Daacish ee

dalka Suuriya waa mid ay la wada socdaan dha-

maan dhalinta saxwada islaamiga waxaa u

danbeysay dilkii Sh Abu Khaalid Al-Suuri iyo dilkii

foosha xumaa ee loo geystay Sheekh Abuu

Max’med Al-ansaari iyo xaaskiisa, Caruurtiisa oo

ka tirsanaa Jabhada Al-Nusra.

www.islamicfocus.co.za

SNACK ZONE WHOLSALER 133 Durban Rd Korsten

Jibsi nacnac buskut raashin iwm.

adeeg hufan, qiimo macquulah,

gacmo furan, how daymo la'aanin.

SNACK ZONE, waxaa kuugu diyaar ah

shaqaale u diyaar ah inay ku qanciyaan.

MALABAR MINI MARKET

20 Fuschia Street, Malabar

Your convenience store for daily items

073 500 8700

Page 3: Islamic Focus Somali Edition 1

3 Islamic Focus

NASIIXO

Guusha aadanuhu waxay ku xidhan tahay

hadba sida uu u fakaro, qofkii u fakara si wacan wuxuu gaadhaa meel sare. Qofkii six

un u fakarana wuxuu noqdaa qof liita. Fikirka

saxda ahi wuxuu dhalaa dalaan fiican. Qofkii

dadaalana dantiisa ayuu gaadhaa.

Daalka iyo wahsigu jirdhku wuxuu ku dhax-

alsiiyaa dayac iyo dibdhac badan. Daalku had-duu maskaxda kaaga dhacana, reer koonfur-

ku waxay dhahaan “Nabad Allaha ku yeelo”

oo ay uga jeedaan way kuu dhamaatay. Waxaa lagama maarmaan ah inuu qofkasta

dadnimadiisa dhiso, ama uu horamariyo si uu

u guuleysto labada daaroodba.

Qof kasta kaalin ayuu ku leeyahay ho-

rumarinta dadnimadiisa iyo bulshadiisaba.

Ilaahay SWT. wuxuu qur,aanka noogu sheegay inuusan qolo xaalkooda badalaynin

ilaa ay iyagu isbadalaan. Dadku waxay uurka

hooyooyinkood ka soo baxaan iyagoo siman, islamarkaana aan waxba kala ogayn. Kadibna

waxaa bilowda baratan ama kala dheerayn. Si

uusan qofka u seegin kaalintiisa ku beegan

dhismaha dadnimadiisa, wuxuu Ilaahay ku galadaystay awoodo iyo fursado badan, oo ay

kamid yihiin:-

1) Caqliga

2) Maqalka

3) Iyo araga Haddaba siduu qofku shakhsiyadiisa ku dhisi

karaa, turunturooyinka ka hor imanayana uga

talaabsan karaa?

Isku kalsoonaan: Kalsoonida naftu waa fu-

raha ugu horeeya furayaasha guusha. Bal-

tanka, hashtakaynta, kalsoonni darrada iyo dareenka liitana waa fashil iyo guuldarro

bilowgeed. Nabbigeenu (csw). wuxuu nagu

booriyay inaan ku dadaalno waxyaabaha ina

anfacaya anagoo Ilaahay kaalmaysanayna, daalka iyo caajiskana ka dheeraanayna.

Kalsoonidu naftu ma aha inaad dadka iskala waynaato, ama aad kibirto, ee waa inaad

dareento inaad ka guul gaadhi doonta- insha

Allaah- ujeedada aad u nooshahay, howsha aad ku gudo jirto iyo hadafka aad

beegsanayso, adigoo u maraya dadaal iyo ad-

kaysi badan. Waxaa horey loo yidhi: Ninkaan

shaqaysanin shaah waa ka xaaraan. Waxaa

kaloo la yidhi: Ninkii sabraa sadkiisa hela.

Aqoonta: Aqoontu waa furaha labaad ee

guusha, maxaa yeelay aqoontu waa iftiinka no-

lasha, waa miisaanka uu qofku ku kala

soocayo guusha iyo guul darrada, samaanta iyo xumaanta, toosnaanta iyo qaloocnaanta.

Qur,aanu inbadan ayuu Ilaahay ku amaanay

aqoonta iyo dadka aqoonta leh, sidoo kalana inbadan ayuu ku ceebeeyay jahliga iyo dad-

kiisa.

Ilaahay swt. aayado badan ayuu ku tilmaamay

inay aqoonta iyo iimaanku isleeyihiin, sidoo

kalana wuxuu isku jeel ka dhigay aqoon dara-

da iyo haboowga (baadinimada).

Bulshada soomaaliyeed marxaladda adag ee ay

maanta marayso waxay uga gudbi kartaa aqoon iyo isku kalsoonaan. Sidaa daraadeed

waxaan ugu baaqayaa in loo dareero xaru-

maha aqoon korarsiga, si aynu uga qaadano iftiin, si aynu u kala garano gobanimada iyo

gumeeysiga, guusha iyo guul darrada, cudurka

iyo caafimaadka, colaadda iyo nabadda, saxda

iyo khaladka.

Tafaa,ulka: Waa la doogiye yaan la dacaroon-

in! Aduunyada waxaa ka buuxa, boholo aad ku kufayso iyo qodxo ku mudaya, sidaa awgeed

waxaa loo baahan yahay inaan la niyad jabin.

In la ogaado, in dhib walba ay dheef ka danbeeyso, culeeys walbana uu labo fudeeyd u

dhaxeeyo, sida uu Ilaahay noo sheegay. Nab-

bigeena csw. wuxuu ahaa mid tafaa,ul badan.

Isagoo deegaankiisii laga soo barakiciyay, ayay

isaga iyo saaxiibkii Abuubakar (rc) u

guureeyay magaalada Madiina, kadibna waa la raad qaaday. Si ay cadowga uga gabadaan

waxay galeen god. Markii la kor yimidna Nab-

bigu (csw) wuxuu ku yidhi saaxiibkii Abuuba-

kar (rc): Maxaad u malayn labo qof oo uu Ilaahay seddexeeyo

Kadib markuu Madiino tagay, waxaa isu gaashaan buureeystay gaaloo idil. Kadibna

waatay muslimiintu magaaladda Madiina godka

ku wareejiyeen si aan loogu soo galin. Nabbigu (csw) isagoo godka qodaya, fardihii cadawgana

ay dulhoganayaa, waakii lahaa: Allaahu akbar!

Kisraa waa la furtay.

www.islamicfocus.co.za

Page 4: Islamic Focus Somali Edition 1

4 Islamic Focus

SUAALO IYO JAWAABO

S: Diint maxay ka qab-

taa in lacuno Jaadka?

J: Jaadku waa maan-dooriye marka ma

bannaana in lacuno, Di-

inteenu waxay usoo dag-

tay inay ilaaliso: Caqliga, Sharafta ,Maalka ,Nafta

iyo diinta hadaba Jaadku

intaba waa uu baa-

bi,inayaa sidaa darteed waa xaraam.

S: Soonka maxaa buriya

ama jabiya? J: Soonka waxa jabiya

Cuntada, cabitaanka ,ama

wixii booskooda buuxinka-

ra sida Faleenbada nafa-

qada ah, Galmada,Biyaha oo layska keeno, Isman-

tajinta Xaydka iyo Nifaas-

ka intaasi waa inta laysku

waafaqsanyahay.

S: Bisha ramadaan

xageen lasoomaynaa

xageense la, afuraynaa? J: Wadanka kolba aad da-

gantahay raac oo la soon

lana afur khilaafkana ka

fogow.

S: Hadii anigoon is

garanaynin aan cuno

ama cabbo soonka

dhexdiisa soonkii ma, iga jabayaa?

J: Maya kaama jabin soon-

kaagii ee dhamaystiro

soonkaaga ilaahaybaa ku quudiyay oo kuwaraabiyay

e.

S: Anigoo sooman hadii qof icaayo ama ila

dagaaalamo maxaan

sameeyaa?

J: Qofkaa iasaga ah ka

carar oo hala caytamin

hana ladagaalamin ee waxaad ku dhahdaa waan

soomanahay.

S: Soonka dhexdiisa mabanaantahay in aan

cadaydo ama qabaysto?

J: Wax dhib ah maleh oo

kaliya iska ilaali in biyihu sanka, afka iyo Dhagaha

kaa galaan, Cadayguna

markasta waa Sunne.

S: Sakadii ayaa igu

baaqatay muddo 2 sano

ah maxaan sameeyaa?

J: Ilaahay u toobadkeen

Sakadii kugu baaqatayna qalllee (hada bixi) hana

unoqonin mar danbe.

S: Nin baan dukaan ku shirkownay dhib badan

baa na dhexmaray xo-

olihiina wuu iska istic-

maalaa isagoon isku q o r i n m a x a a n

sameeyaa?

J: Utag culimada kuu god-

how si ay talobixin kuu si-

iyaan Sabirkana ogow.

S: Naagtaydii ayaan 3

dalqadood oo kala fog-

fog kufuray waxaanan maqlay South Africa la-

ma kala dhamaado

maxay shareecadu kaq-

abtaa? J: Mar hadii ay kaa dha-

maatay 3dii dalqadaood

meesha war mayaalo waa

idiin kala dhamaatay ilaa ay nin kale guursato oo uu

ugalmoodo oo uu furo oo

ay dhamaysato ciddadiisa

kuuma bannano ama

South Africa joog ama

Soomaaliya joog Sharcigu waa mid kaliya.

S: Sheekh buufisksa iyo

in wadan gaalo la sii aado gaar ahaan ciyaal-

ka iyo haweenka ka-

warran?

J: Wadan gaalo in loo sii dhoofo maya ciyaalkaaaga

kucesho wadanka hooyo

diinta ha kuu bartaane,

midaa waxaaba kasiidaran Saliibka gaalada oo lagugu

hoos sawirayo iyo qaawin-

ta lagu qaawinayo ilaahay

kacabso arsaaqadana isa-

ga waydiiso.

S: Maxay diintu ka qab-

taa jeego xiirka iyo

s a r w a a l k a i n ladheereeyo ama laji-

ido?

J: Waxaasi waa Dariiqa

Gaalada iyo Shaydaanka waan xaaran ee ka fogow

walaal.

S: Sigaarka malaga ga-

n a c s a n k a r a a sheekhow?

J: Sigaarku waa xaaran

laman cabi karo lamana

ganacsan karo maxaa yeelay naftaada ayuu dila-

yaa Cancer iyo cuduro

kaleba wuu leeyahay?

BAARAKALLAHU

FIIKUM

Wixii faah faahin ah kala

soo xiriir

cel 072 177 7588

Suaalo iyo JawaaboSuaalo iyo JawaaboSuaalo iyo JawaaboSuaalo iyo Jawaabo Wixii faah faahin ah kala soo xiriir cel 072 177 7588

www.islamicfocus.co.za

Page 5: Islamic Focus Somali Edition 1

5 Islamic Focus

Geesiyaal ka dhiidhiyey dhi-baatada Islii

AKHBAARTA CAALAMKA

Nairobi:- Qof kasta oo ya-

qaan dhaqanka ciidamada Kenya la yaabi maayo xad

gudubyada ay ka sameeyeen

xaafada soomaalidu degto ee

Islii, taariikh madow bayna ku leeyihiin mar walba oo ay

gacantoodu gaarto shacabka

inay siday rabaan yeelaan gaar ahaan soomaalida,

waxayna taas ku qarinayaan

dhaqan xumo kale oo ah inay dadka baartaan oo dhacaan.

Askariga keenyaatiga ah

sharciga iyo kala danbaynta waxaa uga muhiimsan waxa

asaga jeebkiisa galaya,

dhaca iyo boobkuna wadanka waa dhaqan aan aad la isula

yaabin, waxaa tusaale noogu

filan wixii ka dhacay dhacdadii caanka ahayd ee

WESTIGATE, suuqaas oo ay

taalay hanti aan lasoo koobi

karin ayaa waxaan la wada soconaa in ciidamadu isku

wareeji yeen, daqiiqado yar

kadib markii ay galeen kooxdii halkaas dhibaatada

ka gaystay, laakiin suuqaas

xoolihii yaalay xagee ku danbeeyeen? Jawaabta wuu

garan karaa qof kasta.

Dhibaatooyinkii ay ciidama-daasi ka gaysteen gobolka

Northeastern oo Soomaalidu

degto xiliyo badan oo kala duwan waa mid marag ma

doonto ah, waxaana ugu

danbeeyey tii ay ka gaysteen

magaalada Gaarisa gaar ahaan burburintii iyo gubidii

suuqii magaalada ee SUUQ-

MUGDI.

Shaki kuma jiro in soomaali-

da faraha badan ee Kenya joogta ay wadankaas ku

hayaan culaysyo kala duwan

oo amnigu ugu muhiimsan

yahay, laakiin taasi marna

marmarsiinyo u noqon

mayso xadgudubyada baaxda weyn ee askarta

Kenya ku kacayaan, maxaa

yeelay qofka danbiilaha ah

waxaa ku filan in sharciga la mariyo ayadoon jir ahaan,

sharaftiisa iyo hantidiisa mid-

na aan lagu xadgudbin.

Inkastoo ay xanuun badnayd

wixii ka soconayey maalma-haan xaafada Islii haddana

waxaan marna la ilaawi karin

shaqada ay qab teen

geesiyaal ay mudan tahay in taariikhdu xusto oo kala ah:

1) Geesiyaashii inta cabsi meel iska dhigay soo qaaday

masawirada soomaali meel

ay joogaanba qalbigooda dhaqaajiyey oo keenay

mawjada carada ah oo ku

khasabtay askartii inay jooji

yaan foolxumadii ay faraha kula jireen waxaana ugu

cajiibsanaa hooyada ayadoo

culus khasabka lagu saarayo gaari-looriga askarta oo

loogu talo galay xamuulka

askarta kaliya, gabadha ku umushay jeelka oo askarigu

qoriga la kortaagan yahay,

iyo gabadha afarta adin

askartu hayso sida jawaan gaari la saarayo IWM.

2) Xildhibaanada soomaali-

yeed eek u jira barlamaanka

Kenya gaar ahaan Aaden Barre Ducaale oo ka dhi-

idhiyey waxa walaalahood

lagula kacayo oo runtii ka

hadal cadcadaa madaxda dawlada soomaalida oo inaba

aan muujin wax ka dhiidhin

ah qowl iyo ficil midna intaan ogahay.

3) Gabdhaha soomaaliyeed oo isku xilqaamay inay cunto

iyo gargaar gaarsiiyaan dad-

kii askartu ku bahdilaysay

jeelalka iyo garoomada lagu xareeyey gaar ahaan

Fardowso Sheekh Xasan oo

aan ka dhagaystay idaaca-daha.

Ugu danbayn dhacdadaan iyo kuwo lamidka ah waa inaan

ka qaadano darsi, kaasoo ah

qofku sharaf wuxuu ku lee-

yahay wadankiisa, ceebtiisu waxay ku asturan tahay

wadankiisa, sidaa awgeed

dhamaan dadka soomaali-yeed waa inay u noqdaan Al-

laah, una towbo keenaan,

islamarkaana u kacaan sidii lagu heli lahaa dawlad soo-

maaliyeed oo soo celisa kala

danbayntii iyo nidaamkii

taasoo ah xalka kaliya oo maanta ta taagan looga bixi

karo. W/Q Sh. Ahmed Dheeli

www.islamicfocus.co.za

www.islamicfocus.co.za Whatsapp: +27 78 672 7797

Facebook: IslamicFocus Twitter: @islamicfocus BBM: 28BC2F31

Islamic News, Janaza, Juma, Events

Page 6: Islamic Focus Somali Edition 1

6 Islamic Focus www.islamicfocus.co.za

BARAARUJIN

Albayaan waxaa la,aas aasay 1996, laguna

aas aasay magaalada Joohaanisbeeg.

Waxaa loo aas aasay:

B- Hormarinta danaha Islaamka iyo Muslimi-

inta. T- Xurmaynta iyo ilaalinta sharafta qof kasta.

J- Caawinta Dadka tabaalaysan iyo u adeega

umadda. X- Kor uqaadista shacabka soomaliyeed iyo

Muslimiinta guudba.

KH- Is fahamka Dadka iyo Ururuda sama falayaalka ah.

D- Xoog saarista aas aaska iyo bilowga

maalinkasta loo baahanyahay.

R- In Culimo iyo Ducaad looga yeero Dibada iyo Dalka gudihiisa.

S- Guurka, Furitaanka , xabaalista IWM.

ALBYAAN ISLAMIC COUNCIL ilaa iyo hadda

Ilaahay fadligii waxay leedahay 7 Markaz iyo

Masaajid South Africa dhexdeeda. Aradayda ay gacanta ku hayso Gobalada waawayn sida

JHB CBT PE and RESTENBURG WAA 600 oo

arday taqriiban.

Waxaa u hirgalay inay qabatay ilaa 4

Mu,tamar oo si heersare ah loo soo

qabanqaabiyay.

Waxaa soo dhan waxaan uga mahadce-

linaynaa bacdallaahi Dadwaynaha Soomali-yeed oo iyagu gacanta kuhaya, garab siiya,

hiil iyo hoona lagarab taagan waxqabad kaa

aan kor kusoo sheegnay oo dhan.

www.al-bayaan.net

https://www.facebook.com/

MajlisAlbayaanSouthAfrica

Sheekh maxamed cabdi umal ayaa caawa soo

gababeeyey muxaadardii ciwaankeedu ahaa

من هم اهل السنة

wa kuwama dadka lagu tilmaami karo in ay

yihiin ahlu sunnah.

Sheekhu muxaadarada caawa oo uu aad ugu

dheeraadey usuusha diinta ee dadka

ahlusunnah wal jamacaa.

Sheekhu sido kale ka hadley in quraanku ya-

hay kalamu laahi isagoo soo qaatay dhibkii uu

usoo maray imaam axmed in uu yidhahdo quranku waa kalamki ilahay ma,ahan ma-

khluuq waxaa kaloo shekhu aad uga hadley

khawaaarijta iyo cida khawarij lagu tilmaami karo.

Sheekha oo muxaadaradisu aad udhered aya sido kale ka hadley awliyada iyo cida lagu

timaami karo awliyo.

Wuxuu sheekhu inta uu muxaadarada ku guda jirey ka hadley shiicada iyo dhibka ay ku

hayso wadama badan oo islaam ah halka

kuwo ayba la wareegtey.

Sheekha muxaadaradiisa oo haben hore iyo

xalayba uu qabtay ciwankeduna aha waa ku-wama ahlu sunnah aad ayuu ugu dheeraadey.

dadwayne aad ufarabadan aya ka

faa,iideystey waxaana lagu qabtey masajidka

jamaca ah ee magalada jigjiga

MAKTABADA ALSUNNAH 117 DURBAN RD KORSTEN

Cajaladaha CD DVD Qamiisyada,

Koofiyadaha, Kabaha, Bariiska iyo Baastada iyo shaadhah ku cajab galindoona.

Intaan qaboobuhu ku helin horey ugaadh MAKTABADA ALSUNNAH iyo jaakeetyo.

noocba nooc ah.

073 942 4229