22
WWW.HOYAALAY.COM

Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

WWW.HOYAALAY.COM

Page 2: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

(Boggan gabi ahaantii waxaan si toos uga soo guurinay cajaladihii labada ahaa ee uu duubay Abwaan Axmed Sheekh Jaamac: gabayada iyo sheekooyinka weheliyaba) Akhris wanaagsan. Sheekada dhamaadkeedu waa sidatan. Xoolihii waxay samaysteen Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed. Oo ka kooban shan raysimo. Raysimo walba waxay leedahay xukun hoosaad madax banaan. Calanku waa midka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo dhexda ku leh shan xidigood oo cad cad. Waxay samaysteen xoolihii oo ku kala biireen lix xisbi oo kala ah: 1) Xisbiga Dudo, Dar, iyo Daaq Wanaag. Waa xisbi Shuuci ah. Gudoomiye waxaa ka noqday dameerkii caanka ahaa Xoghaye Guudna awrkii Madoobe Uugaan oo Reer Obokh ah 2) Xeer iyo Xeel, waa xisbi Hanti goosi ah. Gudoomiye waxaa ka noqday wankii Ladane oo ah Reer Aadan Yabaal. Xoghaye Guudna waxaa ka noqday awr Reer Qabridahare ah 3) Xisbiga Nabad iyo Nagaansho, waa xisbi ah "Social Democratic." Gudoomiye waxaa ka noqday geenyo Reer Taleex ah, Xoghaye Guudna sabeentii Dhexyar Dhuubo oo ah Reer Marka 4) Xisbiga Daraawiishta Cusub ee Xoolaha Soomaliyeed. Waxaa gudoomiye ka noqday dibi Hereri ah, Xoghaye Guudna waxaa ka noqday laxdii Gacalo Nasteexo oo ah Reer Iimeey 5) Xisbiga Diir iyo Dunsami, waa xisbi ku dhisan isir-xul iyo abtirsiinyo koolkoolin. Gudoomiye waxaa ka noqday hal Reer Burco ah, Xoghaye guudna waxaa ka noqday orgigii Reer Mudug 6) Xisbiga Siigo iyo Sawaxan Diidka. Waa xisbi isku taxalujiya ilaanlinta Bii'adda iyo qurxanaanta sabada iyo deegaanka. Gudoomiye waxaa ka noqday ceesaan Reer Ceel Waaq ah, Xoghaye Guudna qaalin lo'ah oo Reer Cabduq Waaq ah.

WWW.HOYAALAY.COM

Page 3: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed madaxweyne waxaa ka noqday orgigii Hiiraan oo shan sano inuu madaxweyne ka noqdo loo doortay. Xooluhu waxay samaysteen xukuumad ka kooban Ra'iisul Wasaare, iyo shan wasiir. Ra'iisul Wasaare waxaa noqday oo loo doortay dibi ah Reer Badhan. Waxaa la sameeyay wasiirada: Wasiirka dareenka iyo didmada, wasiirka sahanka iyo odoroska, wasiirka garnaqa iyo masaalaxada, wasiirka codka iyo ci dheerida, iyo wasiirka dhaqan iyo hiddo korinta. Caasimad waxaa loosoo jeediyey meelaha kala ah: Ceel Buur, Caynabo, Ceeri Gaabo, Cadaadleey, Bulaale, Baydhabo, Baraawe, Mudug, Qalaafo, Diin Soor, Garawe, Maxaas, Mandheera, Masago Waa, iyo meelo kale. Arintaas iyo samaynta dastuurka dawlada Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed waxaa loo saaray guddi, caasimad ku meel gaadh ahna waxaa loo doortay Caynabo. Xukuumadda la sameeyay waa xukuumad dhexe oo ka dhaxaysa Jamhuuriyadda Federaaliga ah, raysin walibana wuxuu lee yahay xukun hoosaadkiisa madaxa banaan. Xoolaha shirkoodii saasuuku xidhmay, wayna uugaansadeen iyagoo shirkii khatimaya oo ku heesya:

Urur kaliyi kheyr ma leh Axsaab badani kheeyr ma leh Albaab kaliyi kheyr m aleh Irdo badani kheyr m aleh Anaa idhidu kheyr maleh Dood abidi kheyr ma leh Kheyrul umuuri awsadhuhaa Kheyrul umuuri awsadhuhaa

Shirkiina saasuu ku xidhmay. Dhamaadka Shirweynaha Xoolaha Soomaaliyeed waa sidaas, bilowgii sheekaduna waa kan soo socda oo waa sidatan.Bishii April 1983, iyadoo la qabanqaabinayo oo uu soo dhaw yahay shirweynihii Xidhiidhka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, gudoomiyihii xidhiidhka guud ee wakhtigaas oo uu xarunta Muqdihsu inta uu barqadii soo baxay raba inuu magaalada kormeer u aado ayaa waxaa isla soo taagay dameer xiiqsan oo wata warqad dacwa ah, oo ay ku qoran tahay:

Cirka oo xidigoley culays nagu xamaalaane Xadhig dacay ah bay qowlalada nagu xanuujaane Xuquuq waxaanu lee nahay cishaha nama xisaabshaane Xadaafiir bacaadiyo cagtaan xanan ku jiidnaaye Xaarxaaro kulul bay sartaba nagaga xuubshaane Xakamiyo waxay nala dhacaan xaabo dhumuc weyne Xakamahoona na sudhan baa........................................... Iyagoo xashiimo buuxsaday na xujuraayaane Marka dani na xagataa wadada nalagu xooraaye Anagu xoogsataan nahay haddaan lays xistiyi hayne Xayawaanku urur buu rabaa laan xidhiidh ka ahe Shirweynaha xagaaga ah Miroow xaalkayaga eega

Gudoomiyuhu dacwadii wuxuu u wareejiyey Maxkamada Guud ee ku shaqo lahayd waaxda shuruucda iyo caddaalada. Wuxuu yidhi:

Jabayoow xafiiskani dacwuu soo xawilayaaye?? Ma xamilayso saacadu inay sii xayirantaaye Ruuxii garsoor loo xulaa waa xil qaro weyne Nafna lama xaqiro Eebaheey xay kasoo dhigaye Qudhaanjada xakiim ka ah Alla ku xusay aayaade

WWW.HOYAALAY.COM

Page 4: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Adigiyo Xuseen daya sharciga xubinta qeexaysa Gudigii waa kusoo warceliyeen gudoomiyihii oo waxay yidhaahdeen xeerka xidhiidhka guud kuma jiraan xoolaha shaqaalaha ahi ee waxaa ku jira dadka shaqaalaha ah kaliya. Gudoomiyihii arintaa isagoo ka xun buu dameerkii gaadhsiiyey oo wuxuu yidhi:

Ninkiiyoow warkaan helay qalbigu way xantanayaaye Xisigaa i sare joogsadiyo xaadda oogada e Niyadaa i wada xoomaysiyo xuubka feedhaha e In kastood dadaal xiiqdo oo dhab ugu xuurtooto In kastood xaglaha daalisiyo xididaa maanka Xag unbaa qabya ah goor walbaba xaal aduunyaade Xoogsata sidaad uga mid tahay xeerkii laga waaye Xayawaan shaqaala ah markii lama xusuusnayne Wasaarada Xanaanada bal aad Xoolihiyo daaqa

Dameerkii halkaasuu ka faranfardeeyoo wuxuu sii dhigtay ilaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa. Masuulkii halkaa ku qaabilay markii uu dhagaystay dacwadii dameerka uma garaabin dameerkii ee waa gawriyey oo wuxuu ku yidhi:

Xadhig dacayi wuxuu idin sudhnaa tan iyo xaataaye Xadaaradaha yaa wada ogaa inaad xamaashaane Xukunkii bulshada weeye iyo xaalkii soo jiraye Xanaaqaaga yaan dumin karayn xeerkii gaamuraye Xoogbaa hidihu leeyihiyo xidido dhaadheere Xaqa laguma liiliijin karo xan iyo been sheege Xoolaha kuwii kheyr qabaa xeraday joogaane Waxa aad xaraar la ordaysaa duul xasaradeeye Xusul-duubka waxa kuugu wacan xeelad la.... Mar hadaad xulquun haysatiyo xaabka iyo cawska Asaanay xad dhaaf noqon wixii lagu xambaarsiiyey Xirfadaada lama tuuro ee ku xasil oodaada

Dameerkii dadbuu waraystoo wuxuu yidhi halay tilmaamo xageen kale oon u dacwoodaa, waxaa la yidhi Rugta Ganacsiga tag iyaguna waxay ku shaqo leeyihiin shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, shirar caalami ahna waa ka qeyb galaan sida shirka ILO - International Labour Organization- iyo kuwo kale. Dameerkii wuxuu yimid Rugtii Ganacsiga. Wuxuu la hadlay madaxdii, wuxuu yidhi:

Madaxyahay isu egeey garbaa loo Islaan yahaye Anigoon afurin saaka waan soo aroor kacaye Arintaydu waa hawlahaad u idmanaydeene Waydinkaa shirkii ILO aadi sida taale Arjigaygan qaadoo golaha idil dareensiiya Ogeysiisna waa kanee ku rida meel abxadihiina Amiir dawlad iyo maal badan oo laga amaah qaato Iyo dhoodi u abaan ahoo iibsha muruqiisa Eebaba ma simin baad kolay uurka ka qabtaane Sagaaradu astaan muuqatay awday leedahaye Idinkuna xaqaan arkaynaad naga igdhaysaane Aashiina hoosaasadiyo eexashada buuxda

Nin ka mid ah madaxdii goobtaas ayaa dameerkii u jawaabay oo yidhi:

WWW.HOYAALAY.COM

Page 5: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Atoorkiyo arbaha geedamaa, kala awood roone Ma asaasan karo aaro dibi, aarankan soo ciyeye Orgi adhiga leeleeliyaa, awr ma tiigsado e Iska daa umado baahay oo, ooda kala dheere Uluuf wada ilma-adeer ah oo, aabir wada jooga Ayaan ruux ruux uga ekayn, oogo iyo jaahe Caqligana ku kala soocaniyo, madal odhaahdeede Mataanaa aloos kala badshiyo, reer agaasimide Ulo geed ka baxay baa midiba, ayni noqotaaye Allahii abuuraa ka dhigay, uunka kala nooce Isna wadajir baa aayo guud, ugu islaaxaaye Waxba uma ebyoobaan qofkii, gaar u awdalane Waa eeri buux dhiman waqii, aadmi danihiise Waxa qaarba agab loogu diray, hays adeegsado e Inba howl asbaabteeda yaa, lagu ilhaanshaaye Isdaaweysigaa uga dan roon, kala irdhayntaase Eraygii sinaantaad macnaha, ka anbinaysaane Iinbaad qabtaaye war baas, uma asoosheene Shirka ILO waxaa horyaal, amaro waaweyne Ajo lagama gayo xaalkan, aad ooga leedahaye Aarkii midayntaan xataa, la ogolaanayne Afrikana dadkiibaa ku nool, dhaqankii aygiiye Iidi iyo Bukaasaa raqdii, wali uraysaaye Lama aasin Reer Jaad kuwii loo ajalay qooqe (Chad) Waxaa Samore iibsaday dorraad, eheladiisiiye Ancoma wuxuu soo halgamay oon la dalandoolye (Joshuua Nkomo) Wiil magaca idil doorshay, baan ri u irmaanayne Latin America dulmaa, laysku aayiraye Dadka Reer Albania cadhuu, oofa buuxsamaye Ireland ba laga waa xaqaad, adigu yaahdayne Ingiriis Jidbaaliyo Gunburo, eedi lagu dhaafye Af-Bakayle godobtuu ku galay, way abaajidaye La ilowyey Beerdhiga ragguu, aabiga u dilaye Aanadaa kuwii gudan lahaa, aarkii duudsiya e Waa wada agoontii kuwaa, kaa dhibka orshaaye Idiinbariyo waxay qaayibeen, beesha Oxford e (Edinburgh) Sabarada Afghan iyo Mangol, Ifan ku caweeye Aadmigii la kala qeybsayoo, lagu afduub xooge Kurdigii axdhaha weyn lahaa, loxos ku aynfaadye Sloofaaga iyo waa la tolay, Reer Uspakistan e (Slovakia, Uspakistan) Arxan gacalkii samir kuwaa, elaladkoodiiye?? Argentina waa lagu huraa, ilaha Falkland e Australia yaa badowdii tiil, la askug gooyaaye Isticmaar hubaysani khalqiga, wada ugaadheeye Halkii Ina Qitaal ceelalyiyo, sahanku ugaanye?? Ardaayadii Khaliijkiyo Basraa, olol ka qiiqaaye Al-Cayn iyo Kuwait baan hurdada, aabyar loo ladine Angola iyo dhawaan Mozambique, uubataa liqiye Ay dalab la wada sheegto baan, laysku aaminine Axdiyada la kala qaato baan, aakib noqonayne Asaroorin socotaa haddana, lays odorosaaye

WWW.HOYAALAY.COM

Page 6: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Qaanuun waxaa u soo irkada, kii itaal gaba e Kuwa miciyo weyti ah wataa, ma ay ergoodaane Amuur cararayaa muluca yuu, agaskii qaadaaye England laaji ku ahaa sanado, idilo Diigoole (Charles de Gaulle) Utuntiisii duul kale qabeen, saar Algeria e Ilhaanadii la baday buu ka jaray, Obokh dadkeediiye Boqorkii Amxaaradu wuxuu, anafo ceegaago Asal baabul weyn iyo wuxuu, laydh ukumi sheegto Eritrea wixii uu gondaha, alamsadoo ruugo Ugaasyada Galbeed iyo wuxuu, Oromo qoorgooyo Addis Ababa Faashiistihii, uga awaareeye Anfariir didkii buurihii, alab ka seeraarye Usbania jibraarbeera way, umal jaleecdaaye (Spain, Gibraltar) Waa surin umuur culus leh iyo, meel ahmiyad weyne Albaabkii bada cad weeye iyo, ooshinta u dhaw e Abris baa bishimaha saaray, iyo aramidiisiiye Uma oonsan karayaan inay, ibo salaaxdaane Iyaguna Ifriiqiyada yey, ku adyadoodaane Axmaqnimo markii ay dhurwaa, kaga ilmaysiisay Dayo qeyro sax ah keentay oo, aragtay dawgiiye Ilkaweynta qaataa la yidhi, Unada Fiitooye (UN, veto) Awalkii bilowgiyo tan iyo aamanuu dunida Urur uma turayn urur kaluu, aarmi dheer yahaye (army) Eedaan shabeel kama naxiyo, aada xoolaha e Baqalyuhu ugay daaqayuu, ubucda jeexaaye Ugubidu aboodiga lalay, baqeed ka oydaaye Ugxan hooyadeed maqantahaa, la anbanaayaaye Cadli aan arlaa'iga dhulkaba, oolin how dudine Ciddii guriga ku amaan heshaa, loo isxaan falaye Iska aamus yaan lagula helin, eebo soo godane

Dameerku arintaa wuxuu u qaatay in loo dhahareeyey wuxuuna kaga jawaabay:

Allaa yidhi haddaan anigu idhi, waa af waa horre Awowgey baruu talin jireey, eeday dunidiiye Aqoon baa dajinayee xabaa, hayla aadina e Iram iyo Tamuud baa ku lumay, waa islihidaase Isirkooda koolkoolinbaa, rogay Israa'iile Angolosaksaan kibirkii bay, eersataa Yurube (Anglo-Saxon) Iskaa wax u qabsaa dawladnimo, lagu asaasaaye Abtirsiinyo ma ahee fahmaa, lagu asoolaaye Ilmo-adeer waxaa kuugu roon, keni-edaygaase Hitler aabo kuma tiirsanayn, eel wuxuu dhigaye Ustuqraadiga Italy ee oday iyo, heyb sheegtay Amlay Muusaliini sitaa, urugo leefsiiyey (Benito Mussolini) Ashraaf sheegad kuma deyn Xuseen, Al-Sucuudiguye Iliilaha Najdey soo marsheen, ciidan aad u hayne Islaweynidii Reer Xijaas, way af-gudiyeene Ayaan maherkii Iran sidii, aaranka u loogay Asia ba boqortooyadii, saartay amankaaga Iyadaba asgari geesiyaa, taagay udubkiiye Sayidkii akhwaan ihi dadkuu, soo abaabulaye

WWW.HOYAALAY.COM

Page 7: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Isticmaalyey aayadaha higliyo, alif diineede Dabadeed markii uu il helay, niman asqaysiiye Keenadiid Hobyo usoo arhumay, doono meel ugube Anbar keen markii Mudug noqdiyo, ilanka Doolloodba Ayaamuhu madaayaan nin ee, aakhiro u guurye Waayeel ishaarooyinbaa, loo iftimiyaaye Axadiyo Isniintaynu dood, furan Inshaalaaye Iminkana ikhyaareey xisbigaan, aaday xaruntiisa

Nin meesha ka dhawaa oo loo qaatay inuu is maqashiinayey madaxda rugta oo af-miinshaaraynayey ayaa dameerkii af-lagaadeeyay oo ku yidhi hadalkan:

Asluubtiyo anshaxaa kaa xun iyo, edebta baalkeede Wax asuulka aan baranin oo, oodan baa tahaye In dameerku ubad xaasid yahay, sheege awyaduye Nin awoowe soo talin jiriyo, aabe sare yeeshay Sow adeeradii ma ay ahayn, guurti la amaano Sow kuma ag korin rag aan, dirir kasoo ooyin Ayeeyooyinkiisii hidiyo, sow dun la eexin Sow ila-xidh lama seexinin iyo, aqalo hoos weyn leh Sow aduunka wixii ay jantaan, lama adiibaynin Sow yarad gamaan orod leh iyo, eyro lama dhiibin Sow gobbaa xurmada oofisee, aalad lama raacin Abtiyaaladii sow ma ridin, duciyo aamiinta Sow Muxubo kuma soo anqaran, farax ku iidaaman Aayooyinkii sow tafaha udug, ma daacaynin Sow eedadii kuma ga'm ayn, uunsi iyo jaawi Sow abaabintii gacalo hees, uma olkaynaynin Ayaan badane sow kuma lahayn, ubaxa baarkiisa Ilwaad quruxsanoow luuqda sow, ma istareexaynin Midkaas dunidu may eedin, oo waa asalidiiye Arad iyo midkii hooyadii, heerin ku aabaaday Oo ay areebada ahayd, idifsan oo luun leh Oo ooda geed muday markay, araxda raacaysay Oo aan ideed bogon marnaba, doog iyo abaar san Oo odaygu dakharayn jiray, eeday dunidiiye Abwaaniinta aad tirisay ee, laga ashaatoobay Abtirsiinyo yey hililisheen, ololohoodiiye Taariikh axmaqu moog yaheey, ku intifaaceene Araarahaad sabbaysaye ma aad, eegin nuxudhkiye Aawiidii Nabi Luudhna sow, maad akhriyin Huude Iridkaaga doob qeybin baan, kugu alhuumayne

Dameerkii baa u jawaabay ninkaa loo qaatay inuu af-miinshaaraynayey oo madaxda is maqashiinayey. Wuxuu yidhi dameekii:

Suqraadkii atiin iyo naflaba ka asqaraarsiiyey (Socrates, Athens) Aristo iyo Aristotle iyo, niman Aflaaduun leh (Aristotle) Arday waxay dareersheen kuwii, galay iskuulkooda Inishtaan Isxaaq Luudsan iyo, Oskar iyo Luuda??? Ibnu-Siinihii qoray shifada, iyo Abii-Xaamud Ifka korotada inoo balbalada, Abison kii keenay

WWW.HOYAALAY.COM

Page 8: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Galiiliyo iyo Arikoori iyo, daanti Arigeri (Galileo Galilei) Aduunyada is-korisbaa wax taray, oo abaal ku lehe Ablaxyahoow gunada doonayaa, ma lihid iimaane Eygaba lafbaa loo dhigaa, edeg duleedkiise Markaasuu ilaalada xajaa, owda badiyaaye Isagaad akhlaaqdiyo dabciga, ka ashbahaysaaye Adoomahakan iil sugahayee, magan Ilaahay ah Alla dooriyahow goojadaad, ula amaaraysid Ma anfaca doon iyo barqaa, kugu ijbaaraaya

Ninku sidii markii horreba uu ugu baanay ee uu ugu hanjabay dameerkii qaydin buu la dhacay. Dameerkii oo xanaftii qaba yaa isagoo iridda kasii baxaya dib usoo jelleecay ninkii oo wuxuu kusoo tuuray hadalkan. Wuxuu yidhi:

Ilayskaa shamsada daal u dhimay, kii inkirayaaye Afar-iyo-tobanaadkaa harraad, kii anfiyayaaye Badda lama asliyo moolka weyn, ee Atlantika ee Afkaar laguma caabiyo budhkaad, kula abraartaane Agnaan lama noqdee qodob, ra'yaa lagu asiibaaye Maxaad iga alwaaxayn xaq baan, ku adimaayaaye

Dameerku xanaftii iyo baqo-cararkii wuxuu ku tagay Xarunta Xisbiga oo markaa ahayd Guriga Ummadda. Ninkii soo dhawayn joogay ayuu dacwadiisii u qaddimay oo wuxuu yidhi:

Daahiroow addimo daalka, waa udulubaayaaye Axadka i rartee baas warkii, diid idaacada e Ashtakadaydan gaadhsii walaal, meesha ku abaaran

Daahir wuxuu telefoon u diray gudoomiyihii Hogaanka Shuruucda iyo Caddaalada ee wakhtigaas. Wuxuu yidhi Jaalle Gudoomiye waxaa iridda kuu taagan dameer mudici ah oo cabanaya oo sheeganaya inuu dulman yahay. Gudoomiyihii wuxuu yidhi oo kusoo jawaabay:

Aga Daahiroow sow tan ay, dunidu aafowday Awowgii la naar howsha, waa loo abtiriyaaye Eegadatan garsoorka u dir, oo ani ha ii keenin

Dameerkii markii fariintii la soo gaadhsiiyey wuxuu u dhaqaaqay oo u jahaystay meeshii loogu tilmaamay Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka. Wuxuu hoos uga daadagay wadadaas Jamaal Cabdi Naasir. Markii uu marayey Taalada Dhagaxtuur hareerteeda yuu il-qoodhka wuxuu ka arkay ubaxa halkaas ku yaala. Ilaa saakuu boqoole iyo dacwad ahaayee, wuu ku leexday oo laanbuu rudhay ubax ah. Waxaa qabtay oo isku duubay asgari ka tirsan Deegaanka Muqdishu. Wuu kaxeeyoo wuxuu geeyay xero ay ku xaraysan yihiin xoolo kale oo fara badan oo meerisyaal kala duwan ah oo iyaguna sidiisaas oo kale danbi ka galay Dawlada Hoose ee Muqdishu oo ka kooban ... riyo, ido, nooc yadii xoolaha oo dhan. Markii dameerkii xerada lasoo galiyey, ayaa asgarigii waday waxaa isku taagay oo isku liqdaaray orgi cad oo dheer oo ka mid ah xoolihii xerada ku jiray markiisii horana laga keenay gobolka Hiiraan dhinaca Maxaas. Asgarigii buu hadalkan kulul u jeediyoo wuxuu yidhi:

Xayaatadiyo nuurkiyo hawadan nalagu xaydaamay Xaaliga biyood iyo cuntadaan ruuxna ka xoroobin Xaydaanka loo soo hoydiyo xaasil nabad kuu ah Xurmo darisku uu kuu hayoo lagu xushmaynaayo

WWW.HOYAALAY.COM

Page 9: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Xagla dabacsigiyo dheesha iyo gole ku xaashxaashka Xubbigiyo hilowgiyo niyada cid uga xiisoodka Naf waliba xaq waw leedahee maad xushbadisaane Mindi xiimaysaad nagu jartaan xawl mariidyada e Shan baan xalayto dad u loogay baad ku xaragootaane Intaad waxar xidhaan baad dhantaan xoorka hooyadiise Shiniduna xalwaday kaydsataad duhur ka xoogtaane Ludda iyo laftaad ka xuntihiin ubadka Xaawooye Madigii xaftii iyo xigtii iyo doobi ku xarraantay Markay xayn idiin kariso iyo xaasa iyo maato Xagaagay gudhaa baad qashaan kama xishootaane Xadka damaca binu-aadamuhu waa xabaalaha e Idinkaa dhulkii xaalufshayo xaaqay kaymihiiye Ma xajkii markuu gbay caleen yuu xayuubsadaye??

Asgarigu hadalkaa kama garaabinee intuu lug iyo gacan taagay ayuu orgigii Hiiraan qaydin la dhacay geesna ka jabiyey. Orgigii Hiiraan oo dhiig ka da'ayo ayaa waxaa la hadlay orgi Adhi-Carbeed ah oo Reer Xamar Weyne ah oo ka mid ah xoolihii xerada ku jiray. Wuxuu yidhi orgigii Xamar Weyne ee Adhi-Carbeedka ahaa:

In kastoo xujada oo cad iyo xaajo togan sheegto Haddii aadan xantoobinoo amaan xaynka uga buuxin Doodaba ul buu ku xidhayaa xoog ninkii lihiye Dhaqsuu uga xanaaqaa gujada xaakim taliyaaye Haddii aadan xadhigii Ilaah kiisa uga xeeban Xikmaddaan dhankisa u qulqulin wuu ka xadantoone Xoodaamo lagu maalyey tod xoora doobiga e Gogaa loo xoqaa toojadoo lagu xadaa weele Dadkuna xoolo kama ay fogee ways xunbulayaane Xaqiiqada ku hadalkeedu waa badawda xaalkeede Xagayaga anagu been maldahan yaanu xaradhnaaye Xaaraanta yaa la huwiyaa midab xalaaleede Xirib leexsan baad heli kartiyo sir iyo xeegaane Xabsi nagama furan jaa'ifana gees dhan lagu xaadhye Ka xaaxaabi waxa kaa tif lihi waa xinjiro dhiige

Orgigii Hiiraan ayaa u jawaabay oo ku yidhi orgigii Xamar Weyne ee Adhi Carbeedka ahaa:

Teer iyo xilligii aadamee la xuso taariikhda Adduunyadu xaraabay ahayd xawda la is jaro e Xasad iyo dhacbaa yiilay iyo xiisad iyo maage Xaqa iyo sharcigu waa wixii xoogu kuu taro e Hubkaagoo xanuun lihiyo nimaan xanafi kaa reebin Xaamiinta kuma joogsadiyo qawl xadiis yidhiye Dadku xaajo saahid ah warkii may xutubiyaane Xiska uma dajaan waanadii aw xabeebsadaye Xabaddiyowaxaa gala warmuhu xarafkay yeedhshaane Haddii aadan sidaydaa xadgudub uga xajiimoonin Haddii aadan xadhaadh iyo marayn xolodyo qiiqaaya Fulow xabadka daadihi waqaa hoos ayaad xigiye

WWW.HOYAALAY.COM

Page 10: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Arintii oo halkaa maraysa ayaa xeradii waxaa soo duleed maray nin la yidhaahdo Maxamed Diiriye Hiraabe oo ka mid ah ragga Muqdisho ugu xoogga weyn, ugu muruqyada waa weyn, ee ugu laxaadka balaadhan, ahna nin markiisii hore kusoo koray oo kusoo barbaaray gobolka Mudug. Intuu kusoo leexday xeradii oo albaabkii weynaa gilgilay ayuu wuxuu damcay intuu albaabka xoog ku jabiyo inuu xoolaha xerada ka fasaxo iska sii daayo. Wuxuu yidhi waa maxay xoolaha kan bacadka iyo cirriida ku lee'day, miyaanay rag iyo Muslim lahayn. Ninkii xerada lagu aaminay ee mas'uulka ka ahaa oo la yidhaahdo Macow Muunye Macallow ayaa Hiraabe la hadlay oo ku yidhi:

Ma aha xoogu saad mooday iyo muruqyo waa weyne Macnayaal ka culus baa la dagay waadse moog tahaye Rag badani margoogiyo qanjaha meel ku tagi waaye Mudug faaladaad la timidiyo maluhu waa beene Muran iyo waxaad la ordaysaa maan harraad gubaye Wax mariiqa kaa soloy dabkii milicda weeyaane Maqiiqnaanta sida yeyda howd moodyey aadmiguye Waa heer dugaagnimo ka mid ah oo la soo maraye Habka madaninimadaa la dagay oo ka mudan kaase Magaaladu sharcay leedihiyo maadayaal qorane Mazda iyo Fiat iyo waxaa lalaya Maarsheedis Qorshaa loo maraayee wadadu way murgi lahayde Adna way mutuxaysaa siddii dogobka maygaage Hab-maamuuska maankiyo indhaha yaad ka mudaysaaye Adigoo maluug laacayaa maankii kaa dhacaye Qawaaniin haddaan miigan oon moosa lagu dayrin Xamar-Weyne waad madhin lahayd maalin galinkeede Muqdishaba magaa baad ka dhigan maraq sidiidiiye MArgan maysid buuriyo adoo liqay masaamiire Malmalaando kaagama duwana maacii dhagaxeede Awrkii cirkee niman milgaad meeyay leedahaye Maqaadiir bulxamaysaad tihiyo, sahankii ma'juude Meeshaad istaagtaba habaas yaad, melmelaysaaye Masjidkuna amaan kaama helo maalin Rabdaane Mushtakay naftaadiyo huguba, kaa mudacayaane Moogaabad timidee xerada,hayska maamulan e Anigaa tan maareeya ee, meheradaa raadso

Arintaa Hiraabe wuxuu u qaatay Macow Muunye Macllow inuusan shaqsi ahaan hadalkaa isaga ula jeedinee, uu Reer Mudug ahaan u maagayo oo uu eeda u jeedinayo dabeecadda Reer Mudug oo dhan. Markaa isaguna taa mid ka dhigan oo uu Gibil Cad oo dhan u jeedinayo iyo ninkii diir guduudan oo dhan ayuu ugu jawaabay oo wuxuu yidhi:

Mindi xaasidnimo oo guntiga, meel ah lagu haysto Miskiin iyo qofkii tabar yaroo, la makalo seedda Maal iyo ciddii darajo loo, loo masaxo jaanta Murti oday leh madax caadiliyo, mudane waayeel ah Dugsi macallin 'Miinsaad' ardada ugu madiixaaya Marwo daris ah gabadh aad mulaax, moodo edebteeda Maansooyin heesaa tirshoo, golaha maaweesha Mufti caalim sheekh madad lehiyo, wali maqaan gaadhay Intaas oo midnaba milgiyo, muxubo loo haynin Manafacaaga oo kaliya oo, laga muraad yeesho Qof miciin kusoo biday inaan, midigta loo taagin Marti lagaga seexdiyo guryaha, maganta loo diido

WWW.HOYAALAY.COM

Page 11: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Sako maanac suus iyo madaal, lagu masuugaayo Madal laga gabado oo wajiga, moqolas loo leexsho Xanta oo masruuf laga dhigtiyo malab la leefaayo Carabkoo macaan oyo qalbigoo, milil higoonaaya Muslim layska dhigo daahirkiyo, muumino sooca Masas uurka daqiyo niyada, malawyo kuu jiifa Masalooyinkaan tiriyey een, miinka ka higaadshay Magaanyahow hidday kuu yihiin, minanka kuu yaale Liisha maydhaxda Adaahilaan, kugu masaalaaye?? Muska guriga kugu dhaw adaa, mira habaynkiiye Midaan kaa filayn iyo adaa gaada, kii maqane Ruuxaad is mudateen samiyo, macaaruf kaa waaye Waryaa Macow madow iyo boggaad, maar ku leedahaye Mawlaha ciddii ka hesha kheyr, yaad ka murugoone In munaafaq aad tahay ayaan, marag u haystaaye Iyadoo miska diirantoo, mud iyo naas beeshay Iyadoo dushiyo maydhaqyada, maali kaga taalo Muqdishadaba anigaa ka dhigay, madida toolmoone Anigaa ku meershayoo sharcga, moosay deyrka ahe Anigaa miscilisheeda kore, mariyey ood dheere Mudan lama ordaaye ee, gadhwade maahiraan ahaye Taariikhda maan gudhanayahow, wayska moogtahaye Mansab kuutinaysaa tihiyo, miciyo dhaadheere Meeshaad istaagtaba waxaad, miiqaysaa dabine Mar unbaa milaad cadho kusoo, milicsan doonaaye Margiyada siloon iyo lafaha yaan, madh kuu qabane Maatada jaq teer iyo Rajalo, kaa mashquulsaniye

Ninkii Macow Muunye Macalow ayaa ku noqday hadalkii oo jawaabtan bixiyey. Wuxuu yidhi:

Masartii Faraacinada ee reebtay, mahadhooyin Giriigii muftaaxyada caqliga, Maalig solansiiyey Rome tii majara dawladeed, noqotay maahmaahda Mahwigaa ah Chine iyo Hindiga, kuman macbuud yeeshay Degallada muluuktii Ciraaq, Mawsil iyo Baabil Badda Midhantareeniga kuwii, mawjadaha leylyey Muqdishiyo Baraawiyo Markadii, waayo midabaysay Mareeg iyo Warsheekh iyo Hobyiyo, muhimka Baargaala Xidi maalka mukulaad u kici, miaraya laabtiisa?? Makhaayada Laas Qoray kuwaa, muhindisoonaaya Maraakiibta Norway kuwaa, malaha dhaafsiiya Intii Maydh kulaalaysa iyo, maakhir iyo Saylac Malka Herer Misrada Bay ku taal, moosinka Af-Gooye Magaalnimo gabowdayba dadkii, murudahay reebtay Waa wada munaafaqee, maxaad aniga ii maagi? Miisaan dantii loo hagaa, way mudh baxaysaaye Ismalaa kadeed baa jigraar, lagaga maarmaaye Miyirkiyo hubsiimada miyaad, magane haaraami Cabdi Naasir maantii Caqaba, madal huf waagiiye Hitler Moosko goortuu damcuu, miino tiigsadaye Miyaad laga macaashaa durduro, saw murkucan maysid

WWW.HOYAALAY.COM

Page 12: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Hiraabe oo aad uga xumaaday soo qaadka raggaas iyo habka Macow usoo qaaday isagoo isagu habka nimankaas u yaqaana habka ragganimada iyo geesinimada iyo meelmarka, diidanna habka Macow isku ammaanayo oo ah qunyar socodnimada iyo is dhawrka. Intuu cadho is la dhuftay Hiraabe oo is maroojiyey oo dhaqaaqay ayuu Macow hadalkan dib ugu soo tuuray. Wuxuu yidhi:

Geesigii magligu heero baa, eed la mariyaaye Muudalkii wakhtiga haysta, yaa loo mashxaradaaye Runta lama maroojo ee ka tagay, waxaad magoogaysid

Wuu iska dhaqaaqay isagoo diidan Macow muran dambe inuu dhexmaro, isagoo madaxa sii gilgilaya ayuu dhaqaaqay. Orgigii Hiiraan ayaa xoolihii kale shir u qabtay oo usoo jeediyay inay dawlad samaystaan iyo maamul si ay danahooda uaga faramaroojistaan Banu-Aadamka madaxbanaanina ay u gaadhaan. Wuxuu yidhi oo shirkii uga soo jeediyey xoolihii:

Macow iyo Hiraabaha is nacay, ha u maqsuudina e Mabda' lama cunee waxaa qarsoon, sir ay maleegeene Maqaarkeena yaa laysku dili, way maldahayaane Maaniyo bariba noole ways, wada malgaayaaye Muriqiyo adduunyada sharcigu, micida weeyaane Malaygaba malaygaa u cunta ah, moolka gudihiisa Milaygii la uumay iyo haddeer, ways marginayeene Mohasho isku diraysaa dabciga, loogu soo milaye Hubkana qaarba doociyo minjaha, meedin loogaliye?? Malaayiin asbaabood ayaa, mawd u dilayaaye Muga aradka yey dhaafin baa,maadh u dumayaaye Waxa maylimada loogu tumay, haysku madhiyeene Mooradu ma qaadeen haddan, meersin jananayne Waxaa maqalno sheekooyin, waa loolan midhihiise Xataa muusikuna waa dagaal, hab ay mastuureene Hadba goobta qaar baa mulkiya, xoog musaacido e Danbay ugu midiidini nafluhu, kii muquunsada e Oo ay muhiibsiin sadkiyo magacyo waaweyne Mur khadhaadh ah bay noqon, ciddaan laga maagayne Mayal laysu geeyiyo ciddaan, muujin cududeeda Mintid soo haliiliyo dugaag, yaa ku mayracane Minsilaado cadowgaa haddaan, meeris kuu tolo e Waa la maakubtaa qolo ku dheer, muuno iyo qaabe Madax talisa aan dooraniyo, maamul iyo dawlad

Xoolihii arintaa waa u wada guuxeen. Hal baa booday oo waxay tidhi:

War muwaafaquu soo bandhigay, geeso maydhane e Cilmigii ku duugnaa Maxaas, godolladii maalye Mamac iyo wuxuu daaqi jiray, keyn madheedh badane Inagoo gobbaa maydhax lehee, wada maqaawiir ah Inagoon mijilo cawska iyo, murursi doonaynin Inagoo ma gaydo ah dhamaan, murashax yaw taagan

Dameerkii caanka ahaa ayaa booday oo yidhi anaa u taaganee oo murashax ahee ha la ii doorto madaxnimada Dawaladda Xoolaha: Wuxuu yidhi:

WWW.HOYAALAY.COM

Page 13: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Qashinkay cunaan baad waqiin, nagu canaadaane Golihii cuddoon iyo rugtaa, nagala caydhshaaye Waxaad nagu cisaarteen gar aan, caalin la hor gayne Ciil laba kun oo sano jiraa, coobadda u tubane Igu ciririq weeyaane warkuba, caws sidaan liqaye Cimilada i hurudaa bishimuhu, ila cabeebeene Naf cadaadis daashaday mar baa, caajis koroyaaye Cashigii na riiqaanu nahay, wada cayuunkaase Waadna na candadawsheen idaad, noo casilayseena Cagta waligay aan kugu hayana, caalamkuba diidye Cuur wada dagani waa inay, nabad ku ceesaane Is caaqibayntii dulmiga, yaan codsanaynaaye Dameer curad ah baan ahay, waxbaa la citibaarshaaye Cadowgana anaa u gu badshiyo, camal falaadkiise I caleemo saaro aniga, calanka ii dhiibta

Faras ku jiray xerada ayaa is hortaagay. Wuxuu yidhi dameerku waa ciil ku nool, ciil mu noolna madax lagama dhigto oo cadli lagama helo. Waqtigiisa wuxuu ku dhamaynayaa aargudasho iyo eedo dib u raac. Wuxu yidhi:

Cadli lagama helo ruuc hadduu, ciil gunaad qabo e Cawo nool wuxuu hibanayaa, caad wixii dhacaye Ciddiduu qaniiino fartuu, cuni habaynkiiye Cilinkiisa lagama saaro iyo, caynk auu rabo e Waxbuu cululubtaa goor walboo, way cubudhiyaaye Ma cadeeyo dawgoo gartana, wuu cuyubayaaye Yaan cuurna rayraynin buu, ceel u qodayaaye Caawimo ma gaystoo waqii, wuu colaatamiye Cirku inuusan di'in buu rajayn, cawsna soo bixine Cilladay dameeruhu qabaan, caafimaad ma lehe Caymo lagama helayoo naftaa, caabuq kaga yaale Cidhiidhay adduunyada ku galin, nimay ku ciiraane Ceesaamihiyo qaalmahaa, cuun lasoo tubuye Cisalkay ku aargudanayaan, cawro waa iyaga e Cilmigay kusoo koobayaan, caadh la looshado e Cir-Guduud walbaba naylahay, cuganayaan qaare Waxaan cararin murugaa ku dili, caacda waylaha e Duqihiina ma cisaynayaan, caan ahaan jiraye Way caarcaarinaayaan hiddaha, ooy calwinayaane Calcalyada xareedda ah ayey, ciid ku darayaane Caraq bay niyeerada ka dhigi, uunku ka cabbaane Casar baa lasoo shirinayaa, cuudka oo idile Codka qaylka wada yeesha, baa loo carbinayaaye Bar callaamadaa lagaga dhigi, cududda hoosteede Hab cusayb ah yaa lagu dirqiyi, caana-nuugyada e Idinkoo cankiyo booca iyo, cunaha soo dhiibshay Hooyadaa kasoo gala cidhbaha, yey calimayaane Ciddaan midabka bey noqon, ul baa loo camirayaaye Caddaankiyo waxaa mudan ciqaab, cawlkii liidyo lehe Waxaa loo cuskanayaa dunuub aan, cafis lahayne Maxaad calas u noqotaa fardaha, loo cadibayaaye

WWW.HOYAALAY.COM

Page 14: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Lo'da dhiincaskiyo boodhku, way calaf dhadhaayaane Ridii caar leh coomaadahaa, lagu cashaysiine Geela dabada celi baa la odhan, caada lulidaase Caleen laalka iyo doobta iyo, caasha kor u taagu Calaamooyin kibir weeye, baa loo cabirayaaye Magacyada Asliyo Ceebla iyo, Caagan way tiriye Carwo iyo Koraaad iyo Gobaad, way ka cadanyoone Canbar iyo Hiddiyo Saafi, way ka cartamaayaane Horor wada camaajiir leh bay, ciidansanayaane Calagyaa na wada diiran iyo, coon hiraanhiriye Cunsuryaha haraaryoonayaan, ka cajabaynaaye Cayayaaan ayaa inagu degi, caaryaloo badane Camadh iyo kudkude looliman, yeyna caga goyne Cadho golas ah iyo yeynu noqon, dulub la' caal waaye Caleeg qaadi maynoo balaa, caynta noo galiye Kuwa aan ka cararayno baan, ciirsi soo bidiye Dameerkaa canbaarta leh, waryaan calanka loo dhiibin

Dameeraha fardaha iyo baqluhu xagga abuurta iyo aragga waa kuwa qaraabada ah oo ilma-adeerta ah, Dameerkii baa isagoo ka xun is hortaaga farasku ku sameeyay, wuxuu yidhi:

Nin qaraabadii casiyoo gole, ku ceebeeyay Cuqubaa u dihin oo nabsaa, ceejo soo ridiye Isagoo intu cilil ku dumay, caato ah buu imane Cashadaa ayuu qiran wuxuu, caamo ka ahaaye Caqli-yare hadhkiisuu u bogaa, ways cajabiyaaye Danbaad ugu calool fuuriyee, calalsho jiidhkayga

Faraskii ayaa intuu qoorta iyo qanaanta taagay oo dameerkii il-qoodhka ka eegay, wuxuu yidhi:

Cuqdad iyi wixii tuhumad qaba, looma caal helo e In colaatan loo wada hayoo, ku cindiyoodaaye Ciyoon buu dudaayoo dhaqasaba, waa wax cadho dhawe Iyadoon ciddiba daarinbuu, ciq iska siiyaaye Cudurkaaga raagaa qalbiga, caalidh kugu reebye Muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyaaye

Faraskii laftiisii ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii Dawladda Xoolaha. Wuxuu yidhi:

Dawliil fandheer iyo hanaan, fiican baan ahaye Sida faraqa Yucubkee lushiyo, fay baxaan ahaye Foolaad adduunyiyo, jinkaa foodda laan ahaye Firfircoonidaydana dabayl, foos ah la i moodye Fidhadiyo daryaankayga yey, fiintu ka cidaaye Gurdankayga fule baydada ah, ii fadhiyi waaye Goob fariido lagu laayey baan, foore kiciyaaye Meel qanaanta aan foorarshuu, foogan yahay baase Marka baladu ay ila faqdaan, fiidkii dananaaye Waxaan qoob u feydaa diyaar, feejig baan ahaye Sida Farowga waxa aan qabtaa, gaadh dareen fudude Waxa fiiqay dhagahayga, waa dhilladaan filiye Fatuuradii shalay weeye iyo, faanjan iyo Miige

WWW.HOYAALAY.COM

Page 15: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Taariikhdii faaftaba anaa, furay albaabkeede Teeriyo filkii dunida yaan, falag u yeelaaye?? Waxba yaanan fogaaninoo ku tagin, faaladaa badane Markaan dib isu fiirshaba qalbigu, way fatahayaaye Taladiina waan ku fillahee, faraha ii saara

Orgigii Mudug ayaa is hortaagay is rashaxaadii faraska. Wuxuu yidhi orgigii Mudug:

Farasow waxaad ku hadlaysaa, maan faqiirnimo e Waligeed fahmada way dhintaa, feedha weyniduye Fakarkaa ku yare khaadimnimo, kuma aad faanteene Dadku adiga yey kugu fusheen, waxay falaayeene Adigaa fadiilo u ahaa aan, wax faaqidine Adigaa laguu fuuli jiray, faylagooyada e Adigays figayn jiray intaad, fanato haadaane Fakadkiyo aday odhan jireen, fiiga soo qabo e Waa fadaladaadii waxaa, tan iyo Fiiq yaale Fuud siinta waxay kuu bareen, ruuxna yuu furanin Waadigaa fidsamay geedadoo, faaxay dheegyada e Fagaaraha kurtiis baa hurgumo, faartay kuu qabo e Ficil li'ida doofaarka yaad, farac wadaagtaane Gacalkii nimuu faray habaar, foolxumaa diliye Wax faquuqni sidii ey cadhiyo, furuqle weeyaane Sango madax-faluuq waxa ku riday, aadmigoo falaye Ma furdaamin karaynoo dhakada, yaa fin kaga yaale Is foocaacin kama daalayiyo, foodhin been laha e Adoonimo fac weyn qirayey iyo, duul aan fayoobayne Fadli moodyey nabigay golaha, kaga fijaasaane Xakamaha fidigiyuu niyada, mahad la foocaaye Faraxyada inuu qoofal jaray, yuu ku faarixiye Haddii koore faaruqo cadhada, waa firganayaaye Taladeena yaan faras garba' la, faraha loo saarin

Ninkii dameerka raran jiray oo ul dheer qarqarka u sita ayaa soo muuqday. Dameerkii intuu shirkii ka kacay oo ka hortagay oo gidaarka kala hadlay oo u tannaagay ayuu wuxuu yidhi:

Anoo dawlad falanqaynayoo, lay fajacay dooda Anoo faylasuufnimo ku hagi, gole la feeraarshay Foostooyin ima saarayside, hays fadqalalaynin

Ninkii xerada mas'uulka ka ahaa ayaa yidhi dee iskaga tag hadduu ku diiday maxkamadaha ka dacweeyoo. Ninkii dameerka raran jiray wuxuu ku jawaabay:

Annagiyo faruur-caddayaal, kala fogaan mayno Isuma fayno laakiin dagaal, faydo tari maayo Dugsigiyo fagaagayga yey, fir u lahaayeene Farta iyo dacwada aad barteen, waa fidmo horteede Haddii aan fasaxo sow darxumo, kuma falaadayso Balo feenatiyo haaddu sow, meel ku fagan mayso

Ninkii xerada mas'uulka ka ahaa wuxuu yidhi ku diidyee wixii faganaya ha fagteene isaga tag haddii kale maxkamadaha ka dacwee. Wuu iska dhaqaaqay markaa ninkii isagoo aan garwaaqsanayn arintaa.

WWW.HOYAALAY.COM

Page 16: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Awrkii xerada ugu weynaa ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii dawlada xoolaha wuxuu yidhi geela ha la doorto. Wuxuu yidhi:

Anigaa leh hoomaal san iyo, haybad iyo jooge Hillaac naga fog anigaa indhaha, ku haya leylkiiye Hirkii laaci anigaa arkiyo, haradii doog weyne Anigaa hanfiga jiidha iyo, Sool haraad kulule Anigaa hadaafoo dhexmara, hawd cidhiidhiyahe Anigaa af-dhiigta u hoydiyo, halista baasheede Hiirtaanyo anigaa ka madhan, hibasho waa booge Anigaa hufnaan badan leh iyo, hab iyo qoor dheere Anigaa is hogaamiyaan, hoos waxba u dayine Deeqsinimada anigaa hiddiyo, hooda u lahaaye Anigaa wixii aan hantaba, hura abidkaye Hoddannimada anigaa sidiyo, hibiyo iimaane Anigaa leh hoog gobonimaad, ka hirqan doontaane Anigaa dhir hadhac weyn lahoo, heelan idin gayne Hoggaankiina ii dhiibta oo, igu hareer jooga

Orgigii Mudug ayaa is hortaagay madaxnimadii geela, wuxuu yidhi:

Waxa geelu uu ku hadlayaa, waa hadoof madhane Hooshaarku waa beentiyoo, weyna hodayaaye Hungo weeye laafyaha kanuu, hanaqa jiidaayo Hunguruu la dabandeebayaa, horor siddiisiiye Hamuuntiyo cirweynida dhammaan, halacyo weeyaane Sida haanta qabo soortu wey, ku halwaneysaaye Hogorkaba intuu madhiyo buu, hugun sal waayaaye Hanba reebi maayoo salkuu, laaci hoorsiga e Waxa geed hadoodilan arladu, haar cad bay noqone Webiyada habeen qudha ayuu, hiisan gabigoode Hurweynada darleefaa u iman, huugo kaligeede Habaqlihiyo waxaan yaabaynaa, hugunka soo shaw e Hulimada intuu buuxsho yaan, laga helayn meele Hurduf iyo wuxuu inagu layn, hiijo iyo law e Haraatida ayaa ina dhamayn, halakadeediiye Hadhow baan hadaadun iyo cadho, hogaynaynaa boodhe Hadhow baan habaartan iyo ciil, la hundhudhaynaaye Goor boqontu ina heerantaan, hiif is cunaynaaye Waa kaa hareeraha gabranoo, hayjadaa tubane Hanqaloocsi waa kaa ku dhugan, weelashaa hilane Hoggaankeena yaan geelu qaban, haatan baan digaye

Orgigii Mudug ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii dawlada xoolaha oo yidhi riyaha ha la doorto. Wuxuu yidhi:

Indha qaaliyaan leenahoo, meel fog soo qabane Quluub saafiyaan leenahoon, qalad ku duulayne Maskax qani ah baan leenahoo, qaadda buuraha e Qorqoraansho yaan leenihiyo, qurux hanaankeede Cir qiyaasan baan leenahoo, aan wax qadinayne Qadan fiican baan leenahoo, uunku noo qiraye

WWW.HOYAALAY.COM

Page 17: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Rabbi baa annaga noo qaddaray, qaaya weynida e Qoonkii is xaasida nicmadu, wey ka qubataaye Qaafaanu nahay guurtiyey, talada nooquudha

Awrkii ayaa is hortaagay is rashaxaadii riyaha, wuxuu yidhi:

Riyo talada kuma ay qumana, qeexay hadalkaase Qanje laayayoow qaran tukubin, uma qalmaayaane Qaxar weeye oomaarayaan, diga qaboobayne?? Qardabiyo waxay inagu layn, qeylo kululaane Qalaadkooda badan baa dhaguhu, noo qarxanayaane Qardoofooyinkiyo geeska yey, nagu qataysiine Orgi qeydhaboo godon ayaa, qooq inoo diliye Is qaloocin iyo maag ayuu, noogu qawdhamiye Qaroofihiyo giir kicinta yuu, qoorta lawlabiye Noo wada qabbaanada ayey, nagu qasbaayaane Qurfo fuula bay ina odhan iyo, qarar cagaag weyne Qabco keena iyo yey na odhan, midho qalfooneede Qamaankay waxay ina marsiin, qawyo dalaw dheere Qeydar iyo waxaa inagu mudi, jeerin qodaxdiise Ka qaraari maayaan dudmiyo, qoonsimaad badane Markay qolofta ka xagtaan dhirtuba, wey qalalaysaaye Xiddidada qoyaanka leh ciddida, yey ku qodayaane Habaas qiiq la moodiyo dhulkuu, qarinayaa boodhe Ruuxii qufaca oo cabudha, way qalacayaane Qablanka iyo cadhaday ku sigan, inay qudh gooyaane Qiilqiil inaga oo ku nool noo, qoslay odhane Inta ayna qab weyn iyo riyuhu, qiima sare sheegan Dabadooda yaa qaawan ee, ha qarsadeen ceebta Taladana qamaamuurta kale, qolo inoo saara

Waxaa madaxnimadii xoolaha isu soo rashaxay sac oo yidhi lo'da ha la doorto, wuxuu yidhi:

Afar qooblahaa tuban shirkee, togaya giirkiisa Ishkinkaa garbaha taagayee, amar la tookhaaya Anagaa tolkood wada ahee, talada noo dhiibta Angaa leh qurux taabud ahiyo, waaxyo tamashlayne Suudh lala taxaashiyo anagaa, tayga ku haboone Anagaa xarago tiicaynee, talada noo dhiibta

Dameerkii ayaa is hortaagay oo yidhi lo'du dhulkaba qurdub ku reebi mayso caws iyo geedo toona, wuxuu yidhi:

Carrabkeeda tobanyaalka baac, tiigsan qori yaala Caloosheeda toxobka ahee waqeed, baahi talalaysa Ma lo' baa qurdubo nooga tagi, tog iyo laag toona Saw tin xaabi meeshuu jiraba, uma talaabayso Madax quud u taabac ah miyaa, horumar taabaysa Ma tanaadaynaa gaajo, sow nama taftaafayso Ma waxbay taraysa bulshada, tuurta lulideedu Miyey taladu ku hagaagaysaa, tudhud la weedhaansho Caqlibaa tisqaada ee xarago, udub miyey toosin

WWW.HOYAALAY.COM

Page 18: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Faraskii ayaa wuxuu soo jeediyey in la doorto idaha Deexda, wuxuu yidhi: Isku daalay oo dacasnayoo, doodii lagu xiiqye Tuhunkii danbaw ina taryoo, doogo soo kiciye Warkii Dakhare ina taabay iyo, nabaro duugnaaye Danqashadiyo dhiidhiga wataa, laysu dudayaaye Haddan kala dareeroo khilaaf, dumiyo goobteena Duuggeena yaa hoogayoo, waa darxuma weyne Dayacii horaan mudanaynaa, ee nadaashadaye Duli baan la kamandhuudhaynaa, xero dabayl weyne Waxaa inagu soo digan dadkiyo, habar-dugaagiiye Duniduna waxay odhanaysaa, doqoni waa tiiye Dibna uma kulmaynoo haddaa, qaarba deyr galiye Waa kala dalweynaa siddii, duul habaar qaba e Dawladnimada aan hanana oo, gaadhno danaheene Waxaa aan inoo doorayaa, idaha Deexeede Duco aan ku saaro ee, qabuul haygu diidina e Damanaan gob baa lagu arkiyo, dul iyo iimaane Iyagaa qabow dabac ah aan, dariska maagayne Durwun iyo iyaga yaan aqoon, diradiraalayne Dulmigiyo iyaga yaan jeclayn, dabay hulaaqshaane Iyagaa baruur daacayoo, dulundulcayn goofe Iyagaa dudada qoyska iyo, sabadu deeqdaaye Iyagaa dareen culus lahoon, been lasoo didine Iyagaa duduuciyoo bulshada, aad yar daadihine Iyagaan dalluun iyo godiyo, dalow ku tuurayne Iyagaa daggan oo aan fudeyd, sii durdurinayne Waxaa aan inoo doorayaa, idaha Deexeede Duco aan ku saaro ee, qabuul haygu diidina e

Orgigii Hiiraan ayaa is hortaagay in Idaha la doorto. Wuxuu yidhi markii aan hawshan ka shaqaynaynay oo halgankan iyo shirarkan qabanqaabinaynay qeyb badan inagalama ay qaadan oo waatay xerada dhinacaa iska daaqayeen. Wuxuu yidhi:

Shirka goortii aan dumaynayoo, wada dadaalaynay Waatay iduhu daaqayeen, xerada daaftaase Waataynay hawl nagu darsanoo, naga durkaayeene Deymo ku xadka waatay indhaha, naga dadbaayeene Waatay sakaar digixsan iyo, dari lahaayeene Waatay is doqonaynayeen, dala sidiisiiye Dammiino iska yeelyeelka, waa nagu dagaayaane Diiqad baynu galaynaa hadday, dakhalka.............. Dararkoo dhan bay qarinayaan, fara daraadoode Dubka Qarindiday yeelan iyo, diir Maroodi ahe Danba kama galaayaan hayaay, dhiilo daba taale Ma digiigixanayaan haddii, daad na soo galo e Dug bay odhanayaan oo hurdada, kama dafaayaane Damalada qabow iyo dhalcada, yey is dadayaane Ciddii soo danqaabtana hardida, yey ku dawdabiye Dacwadiyo midkii qaylo badan, waa dig dhabayaane Dadka aan ka cabanayno yaa, loo darsanayaaye Deylo culus hanaan dawladeed, sow dallagi mayso

WWW.HOYAALAY.COM

Page 19: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Markii arintii sidaa u ribbatay, Orgigii Mudug ayaa talo soo jeediyey wuxuu yidhi is rashaxaadaha aan joojino marka hore aan isla garano nooca dawladda xoolaha noqonayaan, markaasaynu garan karaan cidda ku haboon haddii loo baahan yahay: mici iyo muruq, ama gees iyo raaf, ama orod iyo cago, ama cod iyo qaraaxad, ama sayn iyo dhogor, ama wixii kale. Arintaa waa loo riyaaqay waana laysku raacay waxaana loo qabtay guddi uu guddoomiye ka yahay dibi, xubnana ay ka yihiin laba halaad, laba orgi, laba wan, saddex laxaad, faras iyo sabeen xog-hayn u ah. Waxaa kale oo la qabtay guddi guddigaa ugu qeybsan calafka iyo biyaha ooka kooban hal, faras, iyo orgi. Riyuhu way gunuusayeen oo waxay lahaayeen guddidu iday u badan tahay, maxay keenaysaa guddi ido u badan, sow tii la yidhi idaha riyaha ayaa indho u ah. Waa la gawriyoo waxaa la yidhi maahmaahyihii Bani-Aadamka shirka xoolaha ha keenina. Dameerku waa dudayey oo wuxuu lahaa wali waxaa dabada la hayaa wixii deero dalka geeyey. Awrkii weynaa intuu geed halkana tagay oo caasha saaray oo isku jajabiyey oo cartay ayuu wuxuu bilaabay mici lisad iyo raamsi culus oo lagaran waayey macnihiisa iyo ujeedadiisa. Guddigaas waxaa la faray oo xilkoodi laga dhigay inuu soo baadho xukumada Aadmiga kusoo dhaqmay ee soo maray adduunka hor iyo dibba, Bari iyo Galbeed, Hanti Wadaag iyo Hanti Goosad, Boqortooyinka, xukumada ku dhisan xisbiga kaliya, xukumada ku dhisan axsaabta tartanta, xukumada ku dhisan diinta sida kaniisadihii casriyadi dhexe ee Yurub, Daraawiishtii Soodaan, Daraawiishtii Soomaaliya ee Maxamed Cabdille Xasan, nidaamkii Khumayni ee ka dhashay Iran. Xukumadaa oo dhan intay soo baadhaan, mid walba tilmaan kasoo bixiyaan xumo iyo samo, soo kala xullaan, inay report kusoo celiyaan xoolaha ayaa la faray. 1987, December, ayaa duqiii magaaladii Muqdishu xoolohii wuxuu saamaxay iyo wuxuu ganaaxayba xeradii ka sii daayey, xoolihii xeradii waa ka yaaceen. Waxay ku balameen bishaa bisheeda diraacda beerkeeda inay qabsadaan shirweyne xoolaad. Waxay ku balameen ceelka Biratable oo u dhaw Boocame oo ka tirsan Sool, Gobolka Sool, degmada Laascaanood. Waxay xidhiidhiye ka dhigteen Orgigii Hiiraan. Waxaa lagu balamay shirka inay kasoo qeyb galaan da'da dhexe ee xoogga leh, gaanaha iyo garab weynta. Waxaa lagu balamay oo laga saamaxay shirka inaanay iman oo isku soo dhibin, ubadka, uurleyda, iyo umulaha. Waxaa laga mamnuucay shirka inay yimaadaan wixii hilib cuna oo dhan. Waxaa goobjoog loo ogolaaday shinbiraha iyo ugaadha. Waqtigii lagu balamay ayaa shirkii la isagu yimid. Orgigii Hiiraanna si fiicanbuu u shaqeeyey fariimo dir iyo waraaqo qor. Waxaa kasoo qeyb galay shirkii 2002 neef. Waxaa soo gabraday shir aad u qara-weyn; gurxanka, reenka, cida, ololka, dananka, yabaqa, banaaxiga, xoqoshada, takara-dhabadka, gafuurka faruuryaha, sibirta, gondaha, qoobabka, qanjaafulaha, qanaanta, dibka, dabada, kolmaha, sinagyaha, garbiska, isriixa, iyo gilgilashada. Shirweyne xoolaad oo cajaa'ib leh.

Gaadhka waxaa loo qeybshay fardaha Raashinka iyo taakulayntana waxaa loo qeybshay baqlaha Service ka iyo adeegana waxaa loo qeybshay ceesaamaha

Markuu shirkii soo gabraday waxay indhuhu wada eegeen oo lawada jalleecay orgigii Hiiraan oo la leeyahay dee adaa oday meesha ka ah oo shir-gudoomiya ahee shirka fur. Orgigii Hiiraan wuxuu isla taagay khudbadii furitaanka shirka. Wuxuu yidhi:

Alxamdu Lilaah kulankeenu, waa noo aftaxal kheyre Alxamdu Lilaah wuu noo aqbalay, Eebe taladiiye Alxamdu Lilaah geel iyo idiyo, adhi cadkaa buuxa Alxamdu Lilaah ceesaamo ugub, waxa abeer tiici Alxamdu Lilaah adhax-weyn riyaad, waxa is jiidaya Alxamdu Lilaah aabida lo'aad ee, indhaha deeqday Alxamdu Lilaah eegidda fardaha, gaadhka lagu aadshay Alxamdu Lilaah baqal oofa weyn, waxa ormaynaaya Alxamdu Lilaah ooglaha dameer, uur-cad waxa taagan Alxamdu Lilaah xooliyo ugaadh, aagan waxa tuuran

WWW.HOYAALAY.COM

Page 20: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Alxamdu Lilaah ururkii wakaa, noo abaabulane Alxamdu Lilaah aayaha danteen, u arin guulkeena Hayeeshee adduunyada dhib iyo, aafo lagu laaqye Waa meel inkaar meeraysiyo, ay ibtilo taale Ilmihii dhashaa waa dareen, wuxuu la ooyaaye Inay agab la' tahay meeshu, yuu sii ogsoon yahaye Aahda noole waa wada yaqaan, taahda eraygiise Imtixaanku waa wada hayaa, Aarka iyo Xiide Agahaaga balo sii martaa, aadda dariskaaye Aqal ooyayaa u dhaw, kaa laga aroosaaye Wixii uunku kuunyaba marbaa, goortu ka adkaane Singe orod badnaan jiray wakhtigaa, aayar soo rida e Ul miciinsay odaygii barbaar, soo ahaan jiraye Inaad luqunta saydhaba duqnimo, awrta lagu qaadye Udbo xalayto taagnaa ayaa, maqan aroortiiye Aagaankii buuxsamaba waa, la af-rogaayaaye Iddi looma taamyeelo iyo, ruux is lihidiise Ifka dunidu hawl aan dhamaan, badan weeyaane?? Waxaa amarkutaaglaynta gaya, Eebe kaligiise Guulbuu abaalkood ka dhigay, duul adkaystaba e Usbuucyadii dhawaa iyo bishaan, olole soo haynay Iliilaha cagaaga ah bishaan, socod kusoo oonay Samir Eebe ehelkii dhintee, ayada bahal jiifshay Samir Eebe qaarkii anbaday, oo afqadu kaysay Samir Eebe qaarkuu ajalay, cudur asiibaaya Samir Eebe qaar Aadanuhu, aadan naga dooxday Amuurtii shalay maanta yaa, lagu ilaawaaye Arin duugmay sii gocashadii, waa Allow sahale Haddaan laga umulin way ba'daa, xaajo uur lihiye Amin xaalka joogaa markaa, la awal yeelaaye Irid loo mariyo qaabna waa, lala abaaraaye Guddigii waxay talo arkeen, aan lawada eegno

Guddigii kal hore la qabtay ee dibigii madaxda u ahaa ayaa waxaa la yidhi baadhistiina reportka natiijadii keena oo soo bandhiga. Waxaa istaagay dibigii guddiga madaxda u ahaa, Margi-Yaaqle, wuxuu sheegay guddigu markuu baadhistiisii soo bogtay nidaamka uu ku talinayo in la qaato oo xukunka dawlada xooluhu uu ku dhisnaado inuu noqdo nidaamka "Social Democracy" ga ah ee ay ku dhaqmaan dalalka Scandinavian ka, Sweden, Norway, iyo Denmark, iyo kuwa u dhaw nidaamkaa laakin tilmaanta ay qaateen waxay ka dhigteen dalalkaa Scandinavianka. Dibigii warbixintiisii sidan buu u jeediyey wuxuu yidhi:

Markaan Bariga wada tooyaniyo, babacyadii Jaawo Bunjab iyo markii aan Hindiga, badan ka faaloonay Teer iyo Baqdaadiyo markaan, bidixda Faas dhawrnay Bukhaariyo markaan Samarqadiyo, banan xogtood gaadhnay Markii aan biyaha Foolgo iyo, beeratada eegnay Budrusbood markaan helnay iyo, Moosko khabar buuxa Markaan beelo Ruusiya dayniyo, Baltik dalalkiisa Badhtamaha markaan yurub hubniyo, waxa Baraag yaala Baariista weyn iyo markaan, Biritish shaandhaynay Talyaaniga markaan buuqa jira, baadhnay sababtiisa Markaan Bortuqal iyo Spain, bowdka uga jeednay Badweyntaa Atlantika markaan, dhuuxnay bogaxeeda

WWW.HOYAALAY.COM

Page 21: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Barwaaqada Amriikiyo markaan, Kanada baandhaynay Brazil dadkeediyo markaan, Panama xuuraanay Inta beel markaan tirinay, ee Bacific doojo Markaan labada Bool sahaminiyo, barafka Iceland ba (Poles) Afrikada balaadhanee markaan, baaxada leh aadnay Banqaazigu Congo iyo, markaan Brundi suuraynay Marka aan Benin iyo warkii, Buuro Wadal hayno Bani-Aadam dhaqankii markaan, baal walba u raacnay Buusaalo iyo dood markaan, bilo kusoo daalnay Buugaag markaan soo akhrinay, dhaaftay boqolaalka Bulfak iyo markaan Raasiliyo, Beekin la cawaynay Balnaashaad wuxuu qoray markaan, boobnay sida daaqa Bayaankii markaan Marks iyo, baaqii wada leefnay Boryosaartar iyo Kaaf markaan, foore kula baadnay Markaan baxarkii Faaftiir galiyo, boholihii Darwin Burdad iyo markaan Tolistoy, budo sideed ruugnay Markaan baababkii Ina Khalduun, gun iyo baar laacnay Budliir iyo markaan Laamartiin, biidna nagu seegin Markii aan Suheyr iyo Buxturi, beyd walbaba qeexnay Baabihii markaan Macariyoo, bu'aya soo jiidhnay Bushtiin iyo markaan Shawqi iyo, darisnay Baaruudi Baxsanaanti Raage iyo markaan, baranay Gahaydh ba Habka Reer Bakool iyo markaan, bogonay Xeer Ciise Badow iyo magaalaba markii aan, buldinay uunka Cidkastoo la biday maan markaan, raacdo nagu baaqan Boqor taliye iyo Shuuci iyo, Baardhi kaligiisa Oo aan baraad waayi foot, uga baqayn ceebta Beel horumar gaadhiyo samiyo, bilic ma keenaane Iyagaaba baad loogu dari, buraday haystaane Been hariiryaleey sheegi iyo, baadhil fara weyne Waa beyd hadoodilan oo aan, barako hoos oole Bulxankooda iyo reenka iyo, buunka iyo heestu Siddii roob ku da'ay buur salaxa, ama bacaad meel ah Waa balalow lagu daalayaan, geedo soo bixine Galbeed baa buriidiyo shacbigu, bili ku haystaaye Madaxdaan kursiga loogu bogin, waa iska beydshaane Sharci madax banaan iyo garbaa, la isku baacshaaye Baaxado is jiitaa adduun, lagu bardaanshaaye Baaxaali baa lagu dhisiyo, Bin-Aadan miisaane Badbaada waxaa dhala quwado, baariyo simane Barbaar kaliya xoog jira cadligu, waa ku bururaaye Surmaseegto baal kaga dhacday, biri finiintaaye Bownahaa tumaayaa dubaha, waa u banbaanshaaye Hadal boqonka kama maarmo iyo, beyd gunaanada e Bishmo Eebe kuu tolay xaqaa, lagu balaadhshaaye Guddigani badheedhiyo taluu, soo bandhigayaaye Basar iyo wanaag taa Sweden, yaa bulsho u roone Denmark waa bara nimciyo, baladka Norwaye Bahdaase deganoo aan ku dhaqan, booli iyo qaade Habka loo barbaarshay garteen, baydi nololeede Waa waxa badhaahdhiyo ka dhigay, baarax nabadeede Budulkooda aan raacno oo, beegno marinkooda

WWW.HOYAALAY.COM

Page 22: Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed

Silsiladda Jamhuuriyadda Fadaraalka Xoolaha Soomaaliyeed Waxaa curiyey Abwaan Axmed Sheekh Jaamac.

Faafin: [email protected]

WWW.HOYAALAY.COM